MARKA UU DAAD/FATAHAAD DHACO - King County, Washington · 2019. 4. 8. · cuntada gasaca iyo...

2
Sahayda Sanduuqa-Qalabka ee Degdega Hel tallooyin dheeraad iyo liistada TakeWinterByStorm.org Waxay ku qoran tahay warqadda dib u isticmaalista Fadlan dib u isticmaal. 1510_4996m_floodupdateBRO15-16_GenCombined.ai Ka hor inta aadan galin gurigaaga, ka taxaddar jajab suurtagal ah ee xagga dhismaha, gaas siidaynta, maasada korontada, iyo xarkaha korontada ee nool/fiiqan. 2 3 4 5 6 7 8 1 Ha kaa hubiyo nidaamkaaga kuleelyaha qof aqoon u leh qalabka korontada, sokodyada korontada, iyo qalabyada amaankooda ka hor inta aadan isticmaalin. Wac shirkada gaaska si gaaska laguu soo furo. Raac hab waxqabadka loogu talagalay nadiifinta amaanka ah ee alaabta guriga, cuntada, sahayda biyaha, iyo hantida. Qor qasaarahaaga. Sawir ka qaad waxyeelada iyo qor qarashyada dayactirka. Kala xiriir shirkada caymiskaaga wixii sheegasho ah ee qasaaraha fatahaada/daadka. Calaameey meesha sare ee biyaha ee gudaha gurigaaga ama waxyeelaha dhismaha. Si tartiibtartiib ah uga saar biyaha xaga hoose ee guriga (ilaa sadexmeelood-hal meel ee biyo maalintii) si looga hortago waxyeelida dhismaha. Si haboon u saar oo u tuur jawaanada ciida. Fiiri warbaahinta deegaankaaga wixii ah warar cusub ee caawinta musiibada iyo nidaamka isdiiwaangalinta. KADIB Wax u dhis si Masuuliyad leh Wixii hormarin/hagaajin ah ee dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara wuxuu u baahan yahay ansixin/oggolaansho. Dhismaha cusub, dayactirada dhismaha, dhismo ku darka, wax qodida, assaaska dhismaha, buuxinta, ama waxii kale ee isbeddel ah ee hantidaada waa in ay lahaadaan ansixin/oggolaasho iyo raacaan shuruudaha xeerarka maareynta dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara ee bulshadaada. Wixii dayactir ah ama hagajinta dhismaha ah ee dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara ee ka sareeya boqolkiiba 50 ee qiimahooda waxaa looga baahan yahay in kor loo qaado ama daad-ka-celin. Dhisida si masuuliyad leh waxay hubinaysaa in dadka iyo dhismaha ay ahaadaan wax ka badbaadsan daadka. Shuruudaha xeerarka maareynta dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara waxay ka dhigayaan aagaga/meelaha daadku gaari karo wax khatar yar ku ah dhamaan dadka ku nool iyo ka shaqeeya meeshaa/aagaa iyadoo yareynaya saameynta ay ku leedahay horumarin walba ee hantida kale. Ka hor intaanad bilaabin mashruuc ama si aad u soo sheegto horumarin sharci darro ah, kala xiriir hey'addaha oggolaan-bixinta/ansixinta ee maamulkaaga ama Waaxda Ansixinta/Ogolaan-bixinta iyo Dib-u-eegista Deegaanka ee Degmada King lambarka 206-296-6600 ama booqo barta internet-ka ee kingcounty.gov/permits. Ha ku lugeynin, ku soconin, ha ku wadin gaariga aagaga fataahaada/daadka. Dib u laabo. Biyaha yaysan ku qaadin. Haddii gaarigaaga uu ku xirmo/xayirmo aaga fatahday/daadka leh, ka bax gaariga sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah. Gadaal ugu soco wadada aad ku timid si aad u gaarto meel badbaado ah. 2 3 4 5 1 Wac Xarunta Digniinta Fatahaada/Daadka ee Degmada King si aad u hesho macluumaadka xaaladaha fatahaada/daadka iyo sadaalinta. U diyaar garow ogeysiinta guuritaan ah ee ka imaanaya maamulada. Haddii lagaagala taliyo inaad guurto, sidaas samey isla markiiba. Raac wadooyinka guuritaanka ee lagu taliyay, iyadoo lagayaabo wadooyinka gaaban inay xirnaan karaan. Haddii aysan suurtogal kuu aheen inaad si badbaado ah uga tagto gurigaaga ama dhismaha/sarta sababtuna tahay biyaha oo si degdeg ah ku kordhayo, wac 911 si laguu caawiyo. Kadib na u dhaqaaq dhul/dabaqa sare ama saqafka guriga. Qaado dhar diiran, biyaha aysan ka dusayn, toosh, mobaylka/taleefanka gacanta, iyo raadiyaha gacanta. Marka fatahaada/daadka uu shaki ka jirin in uu dhacayo, laakin kaliya haddii uu wakhtiga ogolaado: Xer khadkaaga gaaska ee assaasiga ah Ka dami dhammaan korantada dhismahaaga/sartaada furaha korontada ee assaasiga ah. Ha taaban waxii qalab koronta ah illaa haddii ay taalo aag/meel qalalan ama aad ku taagan tahay qayb alwaax/qori qalalan adigoo xiran kabaha hoos caaga ka ah iyo gacangashi caag ah. Diiwaangeli tirakoobka daadka/fatahaada sida wakhtiga, akhriska qalabka cabirida, iyo sare u qaadida daadka ee maxaliga si loo isticmaalo mustaqbalka si loo fahmo daadka/fatahaada xaafaddaada. Ku dar Wixii aragtida gaarka ah ee gurigaaga ama ganacsigaaga. INTA LAGU JIRO 6 KA HOR 1 Ogow khatartaada ee Daadka/Fatahaada. Haddii laguu soo diray warbixintan, gurigaaga ama hantidaada waxay ku taalaa gudaha ama meel ku dhow dhulka-hooseeya ee daadka/fatahaada ku imaan kara. Ka baro wax dheeraad ah barta internet-ka ee kingcounty.gov/floodmaps ama wac 206-477-4727 . 2 Iibso caymiska daadka/fatahaada. Caymiska mulkiilayaasha-guri ee caadiga ah ma daboolayo khasaraha uu sababay daadka/fatahaada, waxaana jiri kara muddo 30 maalmood oo sugitaan ah siyaasada caymiska daadka/fatahaada ee cusub. Ka baro wax dheeraad ah barta internet-ka ee floodsmart.gov ama wac 800-427-4661. 3 Ilaali naftaada iyo qoyskaaga. Cusboonaysii qorshooyinka xaaladaha degdega ah ee qoyskaaga, beertaada, ama ganacsigaaga oo dooro meel lagu kulmo haddii ay xubnaha qoysku kala lumaan. Ogow dhowr wado oo ka imaanaya gurigaaga ama ganacsigaaga ee aadaya dhul meel sare ah. Isticmaal jawaanada ciida si aad u ilaaliso gurigaaga ama hantidaada (ka fiiri khariidada gudaha kutaalo goobaha qaybinta ee lacag la'aanta ah). Dooro saaxiib ama qaraabo ka baxsan gobolka si aad u wacdo macluumaad bixin daraadeed haddii khadadka maxaliga ahi ay mashquulsan yihiin. Isku duwo xirmo ah gargaarka degdega ah (eeg hoos). Kala hadal deriskaaga u diyaarsanaanta daadka/ fatahaada, khibradahii hore, iyo kaalmo walba oo gaar ah oo adiga ama ayaga u baahan karaan. 4 Ka ilaali hantidaada iyo xayawaanka gurigaaga khatarta daadka/fatahaada. Ogow sida aad iyo goorta aad u dhaqaajin lahayd gawaarida, qalabyada, xoolaha, ama xayawaanka guryaha dhul meel sare ah. Ku kaydi alaabada muhiimka ah iyo kiimikooyinka guryaha meel ka sareeya heerka daadadka/fatahaada. Ku xir oo u dhuuji si amaan ah taangiyada gaaska iyo weelasha shidaalka ee kale. Ku rakib tuubooyinka biyaha bixiya meesha bulaacada sarta si looga hortago biyaha daadka/fatahaada oo ku aruuraya tuubada bixisa bulaacada. Ka ilaali biyo mareenka wadooyinka, godadka duufaanka, iyo albaabbada tubada weyn ee biyaha caleemaha iyo qashinka. Tallaabooyinkani waxay ilaaliyaan hantidaada waxayna ku hayaan webiyada iyo durdurrada inay nadiif noqdaan. Batari ama raadiyaha gacanta lagu buuxiyo iyo battariyaal dheeraad ah Qalabka gargaarka degdega ah iyo firimbi Toosh oo uu la socdo batari dheeraad ah Nuqul ah dukumiintiyada muhiimka ah oo bac ku jira (laysanka darawalnimada, caymiska iyo macluumaadka bangiga, iyo macluumaadka xiriirinta) Biyo kugu filan dhawr maalmo iyo cuntada gasaca iyo baakada oo loogu talagalay qoyskaaga iyo xayawaanka aad heysato Dhar diiran, kabo/buutyo adag, iyo bustayaal Sahayda nadaafadda iyo fayadhowrka Dawooyinka dhakhtarka uu qoray Waxyaabaha raaxada ee loogu talagalay carruurta (busto, buugaag, alaabta carruurtu ku ciyaarto) Batari buuxiyaha/jarjarka taleefanka gacanta Booqo barta kingcounty.gov/flood si aad isku qorto helida digniinta nidaamyo wabi ee kala duwan ee gudaha Degmada King. ISDIIWAANGELIN KU SAABSAN DIGNIINTA MA U BAAHAN TAHAY CAAWIN? Wac 206-477-4727 haddii aad u baahan tahay caawinta raadinta guri, aad u baahan tahay in la xaqiijiyo gurigaaga inuu ku yaalo dhulka-hooseeya ee daadka/fatahaada ku imaan kara, ama aad rabto macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan shahaadada kor u qaadida guri. MARKA UU DAAD/FATAHAAD DHACO... Noqo qof diyaar ah! Ka hel faahfaahin ku saabsan daadka/fatahaada barta kingcounty.gov/floodservices Kooxda Strike ee Degmada King: Abaabul degdeg ah si loo ilaaliyo dadka, hantida iyo deegaanka Kooxda Strike ee Degmada King waxaa la aasaasay sannadkii 2017 si ay si degdeg ah u dayactiraan/ hagaajiyaan xarumaha ka badbaadinta daadadka/fatahaada ee waxyeelada gaareen intii lagu jiray dhacdooyinka daadadka/fatahaada, iyada oo aan wax saameyn ah ku yeelanin mudnaanaha wax qabadyada kale ee Maamulka Xakameynta Daadka/Fatahaadka ee Degmada King. Kooxda Strike waxay dhamaystireen laba iyo taban mashaariic dayactir asaasi ah oo ku kacaya qiyaastii $ 2.5 milyan labadii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii la soo dhaafey, Kooxda Strike waxay naqshadeeyeen, oggolaadeen iyo dhiseen shan dayactir la qorsheeyey ee ah xarumaha ka badbaadinta daadadka/faatahaadka. Mashruuca degdeg ah ee lixaad ayaa la aqoonsaday horaantii sanadkan. Kooxda Strike waxay si firfircoon uga shaqeynayeen sidii loo qorsheyn lahaa mashruuc waxayna ay ka heleen ogolaansho US Army Corps of Engineers (Ingineerada Ciidanka Militariga ee Maraykanka) dhisida dhismo degdeg ah oo la dhameeyey Setembar 2018. Ilaalinta iyo maareynta dhameystiran ee dhulka hooseeya ee daadka uu ku imaan karo Iyadoo loo marayo maalgelinta iyo kormeerida mashaariicda iyo barnaamijyada ilaalinta daadadka/fatahaada, Xakameynta Daadka/Fatahaada ee Degmada King waxay ilaalisaa caafimaadka iyo badbaadada bulshada, xarumaha dhaqaalaha gobolka, kuwa dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay guryaha iyo wado mareenada. Si aad wax dheeraad ah uga barato shaqada Flood Control District (Xakameynta Daadka/Fatahaadka ee Degmada), fadlan booqo barta internet-ka kingcountyfloodcontrol.org. Dayactirka Degdegga ah ee Stossel, waxaa dhameystiray King County Strike Team (Kooxda Strike ee Degmada King), Setembar 2018 U DIYAAR GAROW DAADKA/FATAHAADA 2019 HAGAHAAGA EE U DIYAARGAROWGA DAADKA/FATAHAADA EE GOBOLKA KING 516 Third Ave. Room 1200 • Seattle WA 98104 Qaabab Kale Ayaa la heli karaa 206-477-4812 (TTY Relay: 711) Hello! APP-ka DIGNIINTA DAADKA/FATAHAADA BALAASHKA AH EE DEGMADA KING Kala soco macluumaadka daadka/fatahaada ee hadda ah taleefankaaga gacanta wakhtiga dhabta ah adigoo soo dejisanaya barnaamijka/app-ka Digniinta Daadka/Fatahaada ee Degmada King kaas oo muujinaya qulqulka hadda ah ee webiga, xogta heerka wabiga, iyo saadaalinta, iyo heerarka daadadka/fatahaada dhabta ah. Sawirada/Garaafka waxay fududeeyaan aragtida dhoor maalmood ee xogta wabiga iyo xogta saadaasha. IS-WARGALI TALEEFANKA, QORAALKA FARIINTA AMA EMAIL-KA Is qor inaad hesho digniinada daadka/fatahaadka ee otomatiga ee bilaashka ah. Waxaad ku shakhsiyeesan kartaa digniinada wabi ahaan iyo heerka daadka/fatahaada. DIGNIIN! DEGMADA KING DAAD/ FATAHAAD kingcounty.gov/flood ama wac 206-477-4899 NA SOO RAAC! @KCFloodDistrict and @KCDNRP ee Twitter iyo King County Water and Land Resources Division (@KCWLRD) ee Facebook QARIIRADA KING COUNTY RIVERS Materiales traducidos y servicios de intérprete están disponible bajo solicitud: 206-477-4812; TTY: 711. Haddii aad ku hesho borooshoor-kan/ warqadan boostada, gurigaaga ama dhismahaaga wuxuu ku yaalaa ama u dhawyahay dhulka-hooseeya ee daadka/fatahaada ku imaan kara. Badbaadada Daadka/ Fatahaada iyo Diyaarsanaanta Fariin ka socota Degmada King Flood Control District (Degmada Xakamaynta Daadka/Fatahaada) Qofna uma qorna ka badbaadka musiibada la xiriira musiibooyinka dabiici ah. Haddii ay tahay inaan ka arkeyno meel fog, taageereyno bulshada deriska ah, ama isu keeneyno geesinimadeeda si aan wax uga sameyno. Wali ahaantii, diyaar ahaanta waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu fudud ee ugu fiican ee aad sameyn karto si aad u ilaaliso naftaada, qoyskaaga, iyo hantidaada. Kind County Flood Control District (Maamulka Xakameynta Daadadka/Fatahaada ee Degmada King) (Degmada) wuxuu caawiyaa bixinta ilo badan si loo sameeyo sidaa. Ma ogtahay in daadku/fatahaadu yahay masiibada dabiiciga ah ee ugu badan ee ka dhaca degmada King iyo Mareykanka gudihiisa? Waxay dhici kartaa ku dhawaad wakhti walba, xitaa dhowr mitir oo biyo ah waxay keeni kartaa waxyeelo iyo kharash khasaare oo badan. Saameynta daadadka/fatahaada wuxuu ka koobnaan karaa mid khafiif ah ilaa iyo mid daran, khatar ah, iyo burbur leh. Dhaawac halis ah iyo xitaa dhimasho ayaa ka imaan kara, jidadka gaadiidka iyo adeegyada korontada iyo biyaha ayaa go’i kara, iyo waxyeelada guryaha iyo ganacsiyada waxay ku kici karaan tobanaan kun oo doolar. Degmada waxay ka shaqeysaa in ay yareeyso khatarta daadka/fatahaadda, maalgeliso mashaariicda amniga dadweynaha iyo taageerida Xarunta Digniinta Daadka/fatahaada ee Degmada King. Waxaan bixinaa macluumaad iyo ilaha sida buug-yarahan oo kale si ay uga caawiyaan dadka inay u diyaargaroobaan waxna ka qabtaan dhacdooyinka daadadka/fatahaada. Fadlan qaado dhowr daqiiqo si aad u eegto macluumaadkan muhiimka ah oo aad maskaxda ku hayso talooyinkan muhiimka ah: Ogow khatartaada/halistaada ee daadadka/fatahaada ah. Samee baaris ah halista/khatarta meesha aad ku nooshahay, ka shaqeyso ama si joogto ah u booqato adigoo booqanaya kingcounty.gov/floodmaps iyo hoos ugu dag ilaa iyo "iMap floodplain boundaries" ama wac lambarka 206-477-4727. Feejignow/digtoonow! Hel digniin hore ee daadka/fatahaada iyo macluumaadka daadka/fatahaada wakhtiga dhabta ah adigoo isku qoraya Digniinta Daadadka/Fatahaada ee Degmada King iyo adigoo ka soo dejisanaya App-ka Digniinta Daadka/Fatahaada ee Degmada King barta Kingcounty.gov/flood. Tixgeli maalgelinta caymiska daadka/fatahaada. Caymiska mulkiilayaasha-guri iyo kireystayaasha caadiga ah ma daboosho waxyeelada daadka/fatahaada, iyo waxay qaadan kartaa muddo 30 maalmood ah si ah siyaasada caysmiska daadka/fatahaada ee cusub in ay waxtar yeelato. Dib ha u dhigin, booqo barta internet-ka foodsmart.gov si aad wax dheeraad ah u barato iyo aad u hesho shirkad caymis ah. Dib u laabo. Biyaha yaysan ku qaadin. Waligaa ha ku socon ama ku wadin gaari biyaha daadka/fatahaada. Biyo la eg qiyaasta foot ayaa ka bixin kara gaari wadada iyo lix inji ayaa ridi kara qof socda. In ka badan nus ee dhammaan dadka ay biyaha qaadeen ee la xiriira daadka/fatahaada waxay ku dhacaan darawaliinta dhex-qaada/mara biyaha daadadka/fatahaada, iyo tirada boqolkiiba ah ee xiga ee ugu sareeysa ee ah dhimashada la xiriirta daadadka/fatahaada ayaa ah dadka isku dayaya in ay maraan biyaha daadadka/fatahaada. Roobka iyo Barafka waa calaamadaha quruxda ee Pacific Northwest, sidaa darteed ku raaxayso! Laakiinse sidoo kale ilaali amaanka dadka aad jeceshahay iyo hantidaada iyo alaabtaada qiimaha leh marka lala kulmo fatahaad/daad. Noqo qof u diyaar ah Fatahaada/Daadka! Reagan Dunn, Guddoomiyaha Maamulka Xakameynta Fatahaada ee Degmada King kingcountyfloodcontrol.org | Twitter: @KCCReaganDunn Guddoomiyaha Reagan Dunn

Transcript of MARKA UU DAAD/FATAHAAD DHACO - King County, Washington · 2019. 4. 8. · cuntada gasaca iyo...

  • Sahayda Sanduuqa-Qalabka ee DegdegaHel tallooyin dheeraad iyo liistada TakeWinterByStorm.org

    Waxay ku qoran tahay warqadda dib u isticmaalista Fadlan dib u isticmaal.1510_4996m_floodupdateBRO15-16_GenCombined.ai

    Ka hor inta aadan galin gurigaaga, ka taxaddar jajab suurtagal ah ee xagga dhismaha, gaas siidaynta, maasada korontada, iyo xarkaha korontada ee nool/�iqan.

    2

    3

    4

    5

    6

    781

    Ha kaa hubiyo nidaamkaaga kuleelyaha qof aqoon u leh qalabka korontada, sokodyada korontada, iyo qalabyada amaankooda ka hor inta aadan isticmaalin. Wac shirkada gaaska si gaaska laguu soo furo.

    Raac hab waxqabadka loogu talagalay nadiifinta amaanka ah ee alaabta guriga, cuntada, sahayda biyaha, iyo hantida.

    Qor qasaarahaaga. Sawir ka qaad waxyeelada iyo qor qarashyada dayactirka. Kala xiriir shirkada caymiskaaga wixii sheegasho ah ee qasaaraha fatahaada/daadka.

    Calaameey meesha sare ee biyaha ee gudaha gurigaaga ama waxyeelaha dhismaha.

    Si tartiibtartiib ah uga saar biyaha xaga hoose ee guriga (ilaa sadexmeelood-hal meel ee biyo maalintii) si looga hortago waxyeelida dhismaha.

    Si haboon u saar oo u tuur jawaanada ciida.

    Fiiri warbaahinta deegaankaaga wixii ah warar cusub ee caawinta musiibada iyo nidaamka isdiiwaangalinta.

    KADIB

    Wax u dhis si Masuuliyad lehWixii hormarin/hagaajin ah ee dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara wuxuu u baahan yahay ansixin/oggolaansho. Dhismaha cusub, dayactirada dhismaha, dhismo ku darka, wax qodida, assaaska dhismaha, buuxinta, ama waxii kale ee isbeddel ah ee hantidaada waa in ay lahaadaan ansixin/oggolaasho iyo raacaan shuruudaha xeerarka maareynta dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara ee bulshadaada. Wixii dayactir ah ama hagajinta dhismaha ah ee dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara ee ka sareeya boqolkiiba 50 ee qiimahooda waxaa looga baahan yahay in kor loo qaado ama daad-ka-celin.

    Dhisida si masuuliyad leh waxay hubinaysaa in dadka iyo dhismaha ay ahaadaan wax ka badbaadsan daadka. Shuruudaha xeerarka maareynta dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara waxay ka dhigayaan aagaga/meelaha daadku gaari karo wax khatar yar ku ah dhamaan dadka ku nool iyo ka shaqeeya meeshaa/aagaa iyadoo yareynaya saameynta ay ku leedahay horumarin walba ee hantida kale.

    Ka hor intaanad bilaabin mashruuc ama si aad u soo sheegto horumarin sharci darro ah, kala xiriir hey'addaha oggolaan-bixinta/ansixinta ee maamulkaaga ama Waaxda Ansixinta/Ogolaan-bixinta iyo Dib-u-eegista Deegaanka ee Degmada King lambarka 206-296-6600 ama booqo barta internet-ka ee kingcounty.gov/permits.

    Ha ku lugeynin, ku soconin, ha ku wadin gaariga aagaga fataahaada/daadka. Dib u laabo. Biyaha yaysan ku qaadin.

    Haddii gaarigaaga uu ku xirmo/xayirmo aaga fatahday/daadka leh, ka bax gaariga sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah. Gadaal ugu soco wadada aad ku timid si aad u gaarto meel badbaado ah.

    2

    3

    4

    51

    Wac Xarunta Digniinta Fatahaada/Daadka ee Degmada King si aad u hesho macluumaadka xaaladaha fatahaada/daadka iyo sadaalinta.

    U diyaar garow ogeysiinta guuritaan ah ee ka imaanaya maamulada. Haddii lagaagala taliyo inaad guurto, sidaas samey isla markiiba. Raac wadooyinka guuritaanka ee lagu taliyay, iyadoo lagayaabo wadooyinka gaaban inay xirnaan karaan.

    Haddii aysan suurtogal kuu aheen inaad si badbaado ah uga tagto gurigaaga ama dhismaha/sarta sababtuna tahay biyaha oo si degdeg ah ku kordhayo, wac 911 si laguu caawiyo. Kadib na u dhaqaaq dhul/dabaqa sare ama saqafka guriga. Qaado dhar diiran, biyaha aysan ka dusayn, toosh, mobaylka/taleefanka gacanta, iyo raadiyaha gacanta.

    Marka fatahaada/daadka uu shaki ka jirin in uu dhacayo, laakin kaliya haddii uu wakhtiga ogolaado:

    • Xer khadkaaga gaaska ee assaasiga ah

    • Ka dami dhammaan korantada dhismahaaga/sartaada furaha korontada ee assaasiga ah. Ha taaban waxii qalab koronta ah illaa haddii ay taalo aag/meel qalalan ama aad ku taagan tahay qayb alwaax/qori qalalan adigoo xiran kabaha hoos caaga ka ah iyo gacangashi caag ah.

    • Diiwaangeli tirakoobka daadka/fatahaada sida wakhtiga, akhriska qalabka cabirida, iyo sare u qaadida daadka ee maxaliga si loo isticmaalo mustaqbalka si loo fahmo daadka/fatahaada xaafaddaada. Ku dar Wixii aragtida gaarka ah ee gurigaaga ama ganacsigaaga.

    INTA LAGUJIRO

    6

    KA HOR1 Ogow khatartaada ee Daadka/Fatahaada.

    Haddii laguu soo diray warbixintan, gurigaaga ama hantidaada waxay ku taalaa gudaha ama meel ku dhow dhulka-hooseeya ee daadka/fatahaada ku imaan kara. Ka baro wax dheeraad ah barta internet-ka ee kingcounty.gov/floodmaps ama wac 206-477-4727.

    2 Iibso caymiska daadka/fatahaada. Caymiska mulkiilayaasha-guri ee caadiga ah ma daboolayo khasaraha uu sababay daadka/fatahaada, waxaana jiri kara muddo 30 maalmood oo sugitaan ah siyaasada caymiska daadka/fatahaada ee cusub.

    Ka baro wax dheeraad ah barta internet-ka ee floodsmart.gov ama wac 800-427-4661.

    3 Ilaali naftaada iyo qoyskaaga.• Cusboonaysii qorshooyinka xaaladaha degdega

    ah ee qoyskaaga, beertaada, ama ganacsigaaga oo dooro meel lagu kulmo haddii ay xubnaha qoysku kala lumaan.

    • Ogow dhowr wado oo ka imaanaya gurigaaga ama ganacsigaaga ee aadaya dhul meel sare ah.

    • Isticmaal jawaanada ciida si aad u ilaaliso gurigaaga ama hantidaada (ka fiiri khariidada gudaha kutaalo goobaha qaybinta ee lacag la'aanta ah).

    • Dooro saaxiib ama qaraabo ka baxsan gobolka si aad u wacdo macluumaad bixin daraadeed haddii khadadka maxaliga ahi ay mashquulsan yihiin.

    • Isku duwo xirmo ah gargaarka degdega ah (eeg hoos).

    • Kala hadal deriskaaga u diyaarsanaanta daadka/ fatahaada, khibradahii hore, iyo kaalmo walba oo gaar ah oo adiga ama ayaga u baahan karaan.

    4 Ka ilaali hantidaada iyo xayawaanka gurigaaga khatarta daadka/fatahaada.

    • Ogow sida aad iyo goorta aad u dhaqaajin lahayd gawaarida, qalabyada, xoolaha, ama xayawaanka guryaha dhul meel sare ah.

    • Ku kaydi alaabada muhiimka ah iyo kiimikooyinka guryaha meel ka sareeya heerka daadadka/fatahaada.

    • Ku xir oo u dhuuji si amaan ah taangiyada gaaska iyo weelasha shidaalka ee kale.

    • Ku rakib tuubooyinka biyaha bixiya meesha bulaacada sarta si looga hortago biyaha daadka/fatahaada oo ku aruuraya tuubada bixisa bulaacada.

    • Ka ilaali biyo mareenka wadooyinka, godadka duufaanka, iyo albaabbada tubada weyn ee biyaha caleemaha iyo qashinka. Tallaabooyinkani waxay ilaaliyaan hantidaada waxayna ku hayaan webiyada iyo durdurrada inay nadiif noqdaan.

    • Batari ama raadiyaha gacanta lagu buuxiyo iyo battariyaal dheeraad ah

    • Qalabka gargaarka degdega ah iyo �rimbi

    • Toosh oo uu la socdo batari dheeraad ah

    • Nuqul ah dukumiintiyada muhiimka ah oo bac ku jira (laysanka darawalnimada, caymiska iyo macluumaadka bangiga, iyo macluumaadka xiriirinta)

    • Biyo kugu �lan dhawr maalmo iyo cuntada gasaca iyo baakada oo loogu talagalay qoyskaaga iyo xayawaanka aad heysato

    • Dhar diiran, kabo/buutyo adag, iyo bustayaal

    • Sahayda nadaafadda iyo fayadhowrka• Dawooyinka dhakhtarka uu qoray• Waxyaabaha raaxada ee loogu

    talagalay carruurta (busto, buugaag, alaabta carruurtu ku ciyaarto)

    • Batari buuxiyaha/jarjarka taleefanka gacanta

    Booqo barta kingcounty.gov/flood si aad isku qorto helida digniinta nidaamyo wabi ee kala duwan ee gudaha Degmada King.

    ISDIIWAANGELIN KU SAABSAN

    DIGNIINTA

    MA U BAAHANTAHAY CAAWIN?

    Wac 206-477-4727 haddii aad u baahan tahay caawinta raadinta guri, aad u baahan tahay in la xaqiijiyo gurigaaga inuu ku yaalo dhulka-hooseeya ee daadka/fatahaada ku imaan kara, ama aad rabto macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan shahaadada kor u qaadida guri.

    MARKA UU DAAD/FATAHAADDHACO...Noqo qof diyaar ah! Ka hel faahfaahin ku saabsan daadka/fatahaada barta kingcounty.gov/�oodservices

    Kooxda Strike ee Degmada King: Abaabul degdeg ah si loo ilaaliyo dadka, hantida iyo deegaankaKooxda Strike ee Degmada King waxaa la aasaasay sannadkii 2017 si ay si degdeg ah u dayactiraan/ hagaajiyaan xarumaha ka badbaadinta daadadka/fatahaada ee waxyeelada gaareen intii lagu jiray dhacdooyinka daadadka/fatahaada, iyada oo aan wax saameyn ah ku yeelanin mudnaanaha wax qabadyada kale ee Maamulka Xakameynta Daadka/Fatahaadka ee Degmada King.

    Kooxda Strike waxay dhamaystireen laba iyo taban mashaariic dayactir asaasi ah oo ku kacaya qiyaastii $ 2.5 milyan labadii sano ee la soo dhaafay. Sanadkii la soo dhaafey, Kooxda Strike waxay naqshadeeyeen, oggolaadeen iyo dhiseen shan dayactir la qorsheeyey ee ah xarumaha ka badbaadinta daadadka/faatahaadka. Mashruuca degdeg ah ee lixaad ayaa la aqoonsaday horaantii sanadkan. Kooxda Strike waxay si firfircoon uga shaqeynayeen sidii loo qorsheyn lahaa mashruuc waxayna ay ka heleen ogolaansho US Army Corps of Engineers (Ingineerada Ciidanka Militariga ee Maraykanka) dhisida dhismo degdeg ah oo la dhameeyey Setembar 2018.

    Ilaalinta iyo maareynta dhameystiran ee dhulka hooseeya ee daadka uu ku imaan karoIyadoo loo marayo maalgelinta iyo kormeerida mashaariicda iyo barnaamijyada ilaalinta daadadka/fatahaada, Xakameynta Daadka/Fatahaada ee Degmada King waxay ilaalisaa caafimaadka iyo badbaadada bulshada, xarumaha dhaqaalaha gobolka, kuwa dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay guryaha iyo wado mareenada.

    Si aad wax dheeraad ah uga barato shaqada Flood Control District (Xakameynta Daadka/Fatahaadka ee Degmada), fadlan booqo barta internet-ka kingcountyfloodcontrol.org.

    Dayactirka Degdegga ah ee Stossel, waxaa dhameystiray King County Strike Team (Kooxda Strike ee Degmada King), Setembar 2018

    U DIYAAR GAROW DAADKA/FATAHAADA20

    19

    HAGAHAAGA EE U DIYAARGAROWGA DAADKA/FATAHAADA EE GOBOLKA KING

    516 Third Ave. Room 1200 • Seattle WA 98104

    Qaabab Kale Ayaa la heli karaa 206-477-4812 (TTY Relay: 711)

    Hello!

    APP-ka DIGNIINTA DAADKA/FATAHAADA BALAASHKA AH EE DEGMADA KING Kala soco macluumaadka daadka/fatahaada ee hadda ah taleefankaaga gacanta wakhtiga dhabta ah adigoo soo dejisanaya barnaamijka/app-ka Digniinta Daadka/Fatahaada ee Degmada King kaas oo muujinaya qulqulka hadda ah ee webiga, xogta heerka wabiga, iyo saadaalinta, iyo heerarka daadadka/fatahaada dhabta ah. Sawirada/Garaafka waxay fududeeyaan aragtida dhoor maalmood ee xogta wabiga iyo xogta saadaasha.

    IS-W

    AR

    GA

    LI

    TALEEFANKA, QORAALKA FARIINTA AMA EMAIL-KAIs qor inaad hesho digniinada daadka/fatahaadka ee otomatiga ee bilaashka ah. Waxaad ku shakhsiyeesan kartaa digniinada wabi ahaan iyo heerka daadka/fatahaada.

    DIGNIIN!

    DEGMADA KINGDAAD/FATAHAAD

    kingcounty.gov/flood ama wac 206-477-4899

    NA SOO RAAC!@KCFloodDistrict and @KCDNRP ee Twitter iyo King County Water and Land Resources Division (@KCWLRD) ee Facebook

    QARIIRADA KING COUNTY RIVERS

    Materiales traducidos y servicios de intérprete están disponible bajo solicitud: 206-477-4812; TTY: 711.

    Haddii aad ku hesho borooshoor-kan/ warqadan

    boostada, gurigaaga ama dhismahaaga wuxuu ku yaalaa

    ama u dhawyahay dhulka-hooseeya ee daadka/fatahaada ku imaan kara.

    Badbaadada Daadka/ Fatahaada iyo DiyaarsanaantaFariin ka socota Degmada KingFlood Control District (Degmada Xakamaynta Daadka/Fatahaada)Qofna uma qorna ka badbaadka musiibada la xiriira musiibooyinka dabiici ah. Haddii ay tahay inaan ka arkeyno meel fog, taageereyno bulshada deriska ah, ama isu keeneyno geesinimadeeda si aan wax uga sameyno.

    Wali ahaantii, diyaar ahaanta waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu fudud ee ugu fiican ee aad sameyn karto si aad u ilaaliso naftaada, qoyskaaga, iyo hantidaada. Kind County Flood Control District (Maamulka Xakameynta Daadadka/Fatahaada ee Degmada King) (Degmada) wuxuu caawiyaa bixinta ilo badan si loo sameeyo sidaa.

    Ma ogtahay in daadku/fatahaadu yahay masiibada dabiiciga ah ee ugu badan ee ka dhaca degmada King iyo Mareykanka gudihiisa? Waxay dhici kartaa ku dhawaad wakhti walba, xitaa dhowr mitir oo biyo ah waxay keeni kartaa waxyeelo iyo kharash khasaare oo badan. Saameynta daadadka/fatahaada wuxuu ka koobnaan karaa mid khafiif ah ilaa iyo mid daran, khatar ah, iyo burbur leh. Dhaawac halis ah iyo xitaa dhimasho ayaa ka imaan kara, jidadka gaadiidka iyo adeegyada korontada iyo biyaha ayaa go’i kara, iyo waxyeelada guryaha iyo ganacsiyada waxay ku kici karaan tobanaan kun oo doolar.

    Degmada waxay ka shaqeysaa in ay yareeyso khatarta daadka/fatahaadda, maalgeliso mashaariicda amniga dadweynaha iyo taageerida Xarunta Digniinta Daadka/fatahaada ee Degmada King. Waxaan bixinaa macluumaad iyo ilaha sida buug-yarahan oo kale si ay uga caawiyaan dadka inay u diyaargaroobaan waxna ka qabtaan dhacdooyinka daadadka/fatahaada. Fadlan qaado dhowr daqiiqo si aad u eegto macluumaadkan muhiimka ah oo aad maskaxda ku hayso talooyinkan muhiimka ah:

    • Ogow khatartaada/halistaada ee daadadka/fatahaada ah. Samee baaris ah halista/khatarta meesha aad ku nooshahay, ka shaqeyso ama si joogto ah u booqato adigoo booqanaya kingcounty.gov/floodmaps iyo hoos ugu dag ilaa iyo "iMap floodplain boundaries" ama wac lambarka 206-477-4727.

    • Feejignow/digtoonow! Hel digniin hore ee daadka/fatahaada iyo macluumaadka daadka/fatahaada wakhtiga dhabta ah adigoo isku qoraya Digniinta Daadadka/Fatahaada ee Degmada King iyo adigoo ka soo dejisanaya App-ka Digniinta Daadka/Fatahaada ee Degmada King barta Kingcounty.gov/flood.

    • Tixgeli maalgelinta caymiska daadka/fatahaada. Caymiska mulkiilayaasha-guri iyo kireystayaasha caadiga ah ma daboosho waxyeelada daadka/fatahaada, iyo waxay qaadan kartaa muddo 30 maalmood ah si ah siyaasada caysmiska daadka/fatahaada ee cusub in ay waxtar yeelato. Dib ha u dhigin, booqo barta internet-ka foodsmart.gov si aad wax dheeraad ah u barato iyo aad u hesho shirkad caymis ah.

    • Dib u laabo. Biyaha yaysan ku qaadin. Waligaa ha ku socon ama ku wadin gaari biyaha daadka/fatahaada. Biyo la eg qiyaasta foot ayaa ka bixin kara gaari wadada iyo lix inji ayaa ridi kara qof socda. In ka badan nus ee dhammaan dadka ay biyaha qaadeen ee la xiriira daadka/fatahaada waxay ku dhacaan darawaliinta dhex-qaada/mara biyaha daadadka/fatahaada, iyo tirada boqolkiiba ah ee xiga ee ugu sareeysa ee ah dhimashada la xiriirta daadadka/fatahaada ayaa ah dadka isku dayaya in ay maraan biyaha daadadka/fatahaada.

    Roobka iyo Barafka waa calaamadaha quruxda ee Pacific Northwest, sidaa darteed ku raaxayso! Laakiinse sidoo kale ilaali amaanka dadka aad jeceshahay iyo hantidaada iyo alaabtaada qiimaha leh marka lala kulmo fatahaad/daad. Noqo qof u diyaar ah Fatahaada/Daadka!

    Reagan Dunn, GuddoomiyahaMaamulka Xakameynta Fatahaada ee Degmada King

    kingcountyfloodcontrol.org | Twitter: @KCCReaganDunn

    Guddoomiyaha Reagan Dunn

  • WABIGAcfs=kubik fiit ilbiriqsigii

    HEERKA 1 – MA JIRO DAAD/FATAHAAD. Ma jiro daad/fatahaad caadi ahaan oo dhaca

    SAA

    MEY

    NTA

    DA

    AD

    KA

    /FA

    TAH

    AA

    DA E

    E LA

    GA

    FI

    LAN

    AYO

    WA

    BIG

    A

    HEERKA 2 – DAAD/FATAHAAD YAR. Shaqaalaha Xarunta Digniinta Daadka/Fatahaada ee Degmada King ayaa la heli karaa 24 saac ee maalinta si ay u bixiyaan caawin

    HEERKA 3 – DAAD/FATAHAAD DHEXDHEXAAD AH. Shaqaalaha Kormeerida Daadka/Fatahaada ee Degmada King ayaa la diray in ay kormeeraan xarumaha ka ilaalinta daadka/fatahaada, sida levees (dhismaha celiya biyaha wabiga).

    HEERKA 4- DAAD/FATAHAAD DARAN. Kormeerayaasha daadka/fatahaada waxay kormeeraan xaaladaha iyo Xarunta Digniinta Daadka/Fatahaada wali wey sii furnaan.

    206-296-8200 ama 800-945-9263

    DEGMADA KINGXARUNTA DIGNIINTA DAADKA/FATAHAADA

    Sida laysu Diyaariyo Daadka/Fatahaada kingcounty.gov/�oodservices

    Digniinta Xaaladda Degdeg ah ee Degmada Kingkingcounty.gov/alert

    Degmada KingBlog-ga Warbixinta Degdega ahkcemergency.com

    Digniinada Daadka/Fatahaada Degmada King206-477-4899kingcounty.gov/alert

    Daadka/Fatahaada Degmada King Xarunta Digniinta206-296-8200 ama800-945-9263

    Guriyeenta Degmada KingBarnaamijka DayactirkaMaalgelinta dayactirka weyn ee guryaha ee lagama maarmaanka u ah dakhliga hoose, mulkiilayaasha-guri ee u qalma. 206-263-9095 kingcounty.gov/housingrepair

    MACLUUMAADKA DAADKA/FATAHAADA DEGDEGA AH

    Wadada Degmada KingKhadka Caawinta ee 24/7206-477-8100 or 800-KC-Roadskingcounty.gov/roadalert

    Degmada KingDigniinta Wadadakingcounty.gov/roadalert

    Carqalada Gaadiidka Metro (Magaalada Gudaheeda)kingcounty.gov/metro

    Daadka/Fatahaada ee QarankaBarnaamijka Caymiska888-379-9531�oodsmart.gov

    Caafimaadka DadweynahaSeattle iyo Degmada King ee Taangiga Sumeysan iyoDhibaatooyinka Ceelka206-477-8050

    Take Winter By Storm (Si Xoog ah Ugu Bood Qaboobaha)takewinterbystorm.org

    Warbixinta ku jirta khariidadan waxaa isu geeyay shaqaalaha Degmada King iyagoo ka keenay illo kala duwan oo way isbeddeli kartaa iyada oo aan ogeysiin jirin. Degmada King ma sameyso wax matalid ah ama damaanad bixin, oo la sheegay ama loo maleeyey, ee ah saxnaanta, dhameystirnaanta, wakhtigeedi ah ama xaquuqda isticmaalka macluumaadka noocaas ah. Warqadaan looguma talo galin in loo isticmaalo si ah wax soo saarka sahan. Degmada King looma qabsan karo wixii waxyeelo ah ee guud, gaar ah, aan toos aheyn, shil ah, ama cawaaqiib waxyeelo ah oo ay ku jiraan, laakinse kuma xadidno, qasaaraha dakhliyada ama lumista faa’idooyinka ee ka imaanaya isticmaalka ama si xun u isticmaalka macluumaad ku yaala khariidada. Wixii iibin ah ee khariidadan ama macluumaadka ku yaala khariidadan lama ogola oo aan ka aheyn haddii laga helo ogolaansho qoraal ah Degmada King.

    TOLT RIVERU qulqulaa meel ku dhaw Carnation

    8,500 cfsLevees (dhismaha celiya biyaha wabiga) waxaa laga yaabaa in uu biyaha uu kor u dhaafo meesha ku dhaw Magaalada Carnation. Qulqulka ka imaanaya duleelada dhismaha celiya biyaha wabiga ee dooxda konfur ee u dhaxeeya Snoqualmie Valley Trail bridge iyo Highway 203 bridge waxaa laga yaabaa inay marto NE 32nd Street Isbeddelada kanaalada waxa laga yabaa inay ka dhacaan inta u dhaxeysa farta sare ee Tolt River Road NE/361st Avenue NE iyo xuduuda bari ee Magaalada Carnation.

    3,500 cfsDhismaha celiya biyaha wabiga ee koonfur ee u dhexeeya Snoqualmie Valley Trail bridge iyo Highway 203 waxaa laga yaabaa inay biyaha ka soo fakadaan.

    5,000 cfsBiyaha waxay marayaan Tolt River Road NE ee nawaaxiga xaafada San Souci. Duleelaha dhismaha celiya biyaha wabiga ee kordha iyo fatahaada suurtagal ah ee xaga danbe ee dhismaha celiya biyaha wabiga dhiniciisa koonfureed ee u dhexeeya Snoqualmie Valley Trail Bridge iyo Highway 203 Bridge.

    2,500 cfsShaqaalaha Degmada King waxay ku jiraan digtooni.

    T13,800 cfsJanaayo 2009

    17,400 cfsDisembar 1959Ka hor dhisidabiyo Xireenka Tolt River (Wabiga Tolt)

    SOUTH FORKSKYKOMISH RIVERQulqulka ee Skykomish

    10,000 cfsDhibaatooyinka nabaad guurka riverbank (qarka wabiga) iyo qashinka daadka/fatahaada waa suurtogal.

    18,000 cfsNabaad guurka riverbaank (qarka Wabiga) iyo qashinka daadka/fatahaada ayaa laga yaabaa. Daadka/Fatahaada waxaa laga yaabaa inuu ka dhaco meelaha hoose ee u dhaw aagaaga Baring iyo galbeedka Timberlane Village.

    27,000 cfsDaad/Fatahaada faafsan ayaa laga yaabaa inay ka mid yihiin aagaga caadi ahaan ku illaalsan dhismaha celiya biyaha wabiga.

    SK6,000 cfsShaqaalaha Degmada King waxay ku jiraan digtooni.

    CEDAR RIVERKu qulqulaa meel u dhaw Landsburg

    GREEN RIVERla qiyaasay ama la �layo Qulqulid meel u dhaw Auburn ee

    SNOQUALMIE RIVER

    ISSAQUAH CREEKDhererka (heerka) ee u dhaw HobartXogta: Magaaladda Issaquah

    WHITE RIVERla qiyaasay ama la �layoQulqulka ka imaanayaBiyo Xireenka Mud Mountain

    5,000 cfsWaddooyinka ayaa laga yaabaa inay biyaha buuxiyaan oo ay xirmaan oo ay ka mid yihiin Cedar Grove Road SE, Maxwell Road SE iyo SR 169 oo u dhow isgoyska Cedar Grove Road SE. Ugu dambeyska Jidadka ayaa laga yaabaa in ay biyaha buuxiyaan oo ay xirmaan oo ay ka mid yihiin Jan Road SE (SE 197th St), SE 193rd St iyo 216th Ave SE, SE 203rd St, SE 206th St. iyo SE 207th St, taas oo kordhin go'doominta xaafada. Qulqulka xooga ah iyo qotoda dheer waxay ka aasaasi karaan xaalado halis ah dhulalka hooseeya ee daadka ku imaan kara

    38,000 cfsQaar ka mid ah aagaga degaannada waxay la kulmi karaan xawaare si halis ah u sareeya iyo guryaha oo uu daad qaado. Wadooyinka laga yaabo inay biyaha buuxinayaan waxaa ka mid ah Woodinville-Duvall Road, Carnation-Duvall Road, iyo Moon Valley Road

    12,000 cfsDhismaha celiya biyaha wabiga ee ah xakameynta daadka/fatahaaada oo muhiimka ah waxaa liidin kara biyaha badan. Isbeddelo kadis ah ee xaaladaha daadka/fatahaada ayaa suurtogal ah, gaar ahaan aagaga ku ilaalisan dhismaha celiya biyaha wabiga. Isbeddeladaa waxaa laga yabaa inay ka mid yihiin sara kaca degdeg ah ee biyaha, biyo-bax ballaaran, xirmitaanka wadooyinka, iyo go’ida korontada iyo biyaha.

    9,000 cfsXawaari si halis ah u sareeya iyo qulqulka qashinka waxay ka dhici kartaa dhammaan nidaamka wabiga. Fatahaada qarka buux dhaafay waxaa laga �lanayaa magaalooyinka Paci�c iyo Auburn. Qeybo ka mid ah darbiyada ka hortaga daadka/fatahaada ee kumeelgaarka ah waxaa laga yaabaa inay buux dhaafaan. Waxyeelooyinka waxay ka dhici karaan meesha kaluunka lagu koriyo ee u dhow magaalada Enumclaw. Biyaha daadka/fatahaada waxay u badan yihiiny inay buux dhaafaan SR 410 biyo socodka sare ee Biyo Xireenka Mud Mountain ee u dhow Greenwater.

    7.5 fiitFatahaada deegaanka ee aagaga fatahaada inay ku dhacdo u badan. Dhoor wado oo xirma sababtuna la xiriirto biyaha wadada yaalo. Aaga fatahaada ee joogtada ah waxay �lan karaan daad/fatahaad.

    8.5 fiitDaad/Fatahaad badan ee ka dhici kara Issaquah Creek, Tibbetts Creek, iyo East Fork ee Issaquah Creek. Fatahaada suurtogalka ah ee aagag badan ee creekside.

    9 fiitFatahaada aadka u weyn ee ka dhixi kara dhamaan dooxooyinka Issaquah iyo Tibbetts Creek.

    12,000 cfsWaddooyinka laga yaabo inay biyuhu buuxiyaan waxaa ka mid ah Neal Road SE, Reinig Road, West Snoqualmie River Road NE (Walker Road), Snoqualmie Meadowbrook Road, iyo Mill Pond Road.

    20,000 cfsDaad/Fatahaada qoto-dheeri kala duwan leh ayaa ka dhaca gabi ahaan Dooxada Snoqualmie. Wadooyinka biyuhu buuxin karaan waxaa ka mid ah City-Carnation Road, Tolt Hill Road, iyo Novelty Flats Road.

    2,800 cfsJones Road ee u dhow 156th Place SE waxaa laga yaabaa buuxi dhaa�n kartaa oo xirmi karaan.

    4,200 cfsJidka Lower Dorre Don iyo Byers Road SE way buux dhaa� karaan oo xirmi karaan. Wadooyinkaa waxay bixiyaan gelitaanka dhoor xaafadood halkaas oo dadka degan way xayirmi karaan oo u baahan karaan in laguuriyo.

    7,000 cfsDaadka/Fatahaada lowland (dhulka hoose) ee sare ugu socdaalka biyaha dooxda ee Magaalada Auburn.

    9,000 cfsDaad/Fatahaad qoto-dheeri kala duwan leh ayaa ka dhaca sare ugu socdaalka biyaha dooxda ee Auburn iyo dooxda Mill Creek ee hoose. Wadada Southeast Green Valey iyo Wadada West Valley waxaa laga yaabaa inay buux dhaafo.

    5,000 cfsFatahaada dooxyada biyaha ayaa suurtagal ah sare ugu socdaalka biyaha A-Street Bridge (Buundada A-Street) ee magaalooyinka Paci�c iyo Auburn. Fatahaada dooxyada biyaha ayaa laga yaabaa inay ka dhacaan Magaalada Paci�c ee u dhow Government Canal. Biyo sareeyo ayaa laga yaabaa inay ka dhacaan barbar dhiga darbiyada ka hortaga daadka/fatahaada ee ku meelgaarka ah ee magaalada Paci�c.

    7,000 cfsHeerar biyaha wabiga oo sareeya ayaa ka dhici doona barbar dhiga darbiyada ka hortaga daadka/fatahaada ee ku meelgaarka ah ee magaalada Paci�c. Qulqul kor u kacsan ayaa laga yaabaa inuu ka dhaco Government Canal iyo Butte Avenue iyo sare ugu socdaalka biyaha A-Street Bridge (Boondada A-Street) ee magaalooyinka Paci�c iyo Auburn. Dadka degan aaga Red Creek waxay la kulmi karaan xawaare si halis ah u sareeya, qulqulka qashinka iyo fatahaada deegaanka.

    6,000 cfsShaqaalaha Degmada King waxay ku jiraan digtooni.

    6.5 fiitShaqaalaha Degmada King waxay ku jiraan digtooni.

    1,800 cfsShaqaalaha Degmada King waxay ku jiraan digtooni.

    5,000 cfsShaqaalaha Degmada King waxay ku jiraan digtooni.

    4,000 cfsShaqaalaha Degmada King waxay ku jiraan digtooni.

    SN

    I

    C

    G

    W

    9.9 fiitNofeembar 1990

    54,110 cfsJanaayo 2009

    12,200 cfsNofeembar 2006

    7,870 cfsJanaayo 2009

    28,100 cfsNofeembar 1959Ka hor dhisidaHoward HansonBiyo xireenka

    DHAWAANU SAREYSA

    U SAREYSADAAD/FATAHAAD

    Wadartaqulqulka:

    North forkMiddle fork South fork

    Waxaa la heli karaa Adeegyada turjubaanka; TTY 711.

    Materiales traducidos y servicios de intérprete están disponible bajo solicitud: 206-477-4812; TTY: 711.

    28,000 cfsDesembar. 1933Laga sheegay White River (Wabiga Cad) ee ku dhaw Buckley Ka hor inta aan la dhisin Biyo Xireenka Mud Mountain.

    11,700 cfsJanaayo 2009Ku saleysan Xogta Injineerada Ciidanka militariga ee Mareykanka ee Biyo Xireenka Mud Mountain.

    14,200 cfsKa hor inta aan la dhisin Biyo Xireenka Masonry.

    NIDAAMKA WABIGA EE DEGMADA KING

    Xogta qulqulka biyaha lagama heli karo goobtan inta ka hor Oktoobar 2016

    BIYO XIREENKA TOLT RIVER

    BIYO XIREENKA HOWARD HANSON

    BIYO XIREENKA MUD MOUNTAIN

    BIYO XIREENKA MASONRYC

    G

    SN

    SN

    SN

    T

    N

    M

    S

    W

    I

    0 2 4 Maayl

    Janaayo 2019

    N

    S

    EW

    NMS

    Juwaanka ciiida waxay noqon kartaa qalabka la dagaalanka-daadka/fatahaada oo wax ku ool leh. Wixii macluumaad ah oo ku saabsan meelaha, saacadaha shaqada, iyo video-ga ku saabsan sida loo buuxiyo juwaanada ciida, booqo barta internet-ka ee kingcounty.gov/floodservices.

    Barnaamijka Jawaanka ciiida

    BIYO XIREEN

    100-SANODHULKA-HOOSEEYA

    EE DAADKA KUIMAAN KARA

    BARTA QAYBINTA

    JAWAANKA CIDA

    *Waxii ah liis dhameystiran ee qalabyada digniinta daadka/fatahaada ee wabiyada

    Degmada King booqo barta kingcounty.gov/�ood

    QALABKA CABIRKAWABIGA

    Loo isticmaalo go’aamintaheerarka daadka/fatahaada

    (eeg hoos)

    HALYEEY

    Dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara ee 100-sano waa aaga/meesha laga �layo inuu daad qaado marka lagu jiro dhacdada daadka/fatahaada ee leh fursad boqolkiiba hal inuu ku dhaco sanadkuu ahaado ba. Si aad u ogaato haddii hantidaada/gurigaaga uu ku yaalo dhulka-hooseeya ee daadka ku imaan kara, fadlan booqo barta kingcounty.gov/�oodmaps ama wac 206-477-4732.

    SK

    OOXADA/DHULKA-HOOSEEYA EE DAADKA KU IMAAN KARA EE 100-SANO AH