Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee...

26
Bogga 1 of 26

Transcript of Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee...

Page 1: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 1 of 26

Page 2: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 2 of 26

CUTUBKA 1AAD Qodobo Guud Qodobka 1aad

Magaca Xisbiga iyo Tilmaantiisa 1. Magaca Xisbigu waa Midowga Nabadda iyo Horumarka. 2. Xisbigu waxa uu u taaganyahay nabadda, maamulka suuban (democracy) iyo

midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Qodobka 2aad Astaanta iyo Calanka Xisbiga

1. Astaanta xisbigu waa laba gacmood oo isa salaamaya oo ay dul-saarantahay shimbir cad oo laan caleen ah sidda iyo midab cagaar ah dusha sare ka xiga;

2. Astaanta xisbigu waxay ka turjumeysaa; midnimo iyo iskaashi, nabad iyo heshiis

iyo horumar iyo barwaaqo sida ay iskugu xigaan. 3. Calanka Xisbigu wuxuu noqonayaa cagaar dhexda ay uga taallo astaanta xisbiga:

laba gacmood oo isa salaamaya oo ay dulsaaran tahay shimbir laan caleen ah sidda oo wada cagaar ah, diilimo cadcadna ku xardhan yihiin, iyo midabka cadaanka ah oo dusha sare ka xiga, Dhanka hoosena ay uga qoran tahay magaca xisbiga oo Soomaali ama Ingiriis ah

Page 3: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 3 of 26

Qodobka 3aad

Xarunta Xisbiga.

1. Xarunta dhexe ee xisbigu waa magaalo madaxda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdishu, Degmada Hodan- Xaafadda Kacaan, qiyaastii guriga 11-aad ee dhaca midigta jid-cadaha ka soo horjeeda (dhanka waqooyi ka xiga) wasaaradda arrimaha dibada ee sii mara Isbitaalka Al-NUUR ee indhaha, dhanka Bari-na waxaa uga dheggan Isbitaalka Global (Ex Somali Sudan hospital) Tel: 0617505556, Email [email protected].

2. Xisbigu waxa kale oo uu laamo iyo xafiisyo matala ku yeelanayaa dowlad-goboleedyada iyo degmooyinka dalka iyo waddamada ay ku nool yihiin jaaliyadaha Soomaaliyeed.

Qodobka 4aad

Mabaadi’da Xisbiga Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka waxa mabaadi u ah qodobadan soo socda:-

1. Diinta Islaamka: Diinta islaamku waa saldhigga hab nololeedka shacabka soomaaliyeed lamana xeerin karo qawaaniin ka soo horjeedda.

2. Midnimada Ummadda: Xisbiga waxa mabda’ aasaasi ah u ah adkaynta wadajirka iyo midnimada ummada soomaaliyeed.

3. Nabadgalyo: Xisbigu waxa uu aaminsanyahay in nabadgalyadu tahay furaha hormarka waxana ka go’an in uu ka shaqeeyo nabadgalyada dalka iyo dadka soomaaliyeed iyo guud ahaan nabadgalyada Gobolka ama mandaqadda.

4. Hirgelinta isbeddel siyaasadeed oo ku dhisan nabad, horumar iyo caddaalad ku saleysan sarreynta sharciga iyo sinnaanta muwaadiniinta.

5. Lahaanshaha gaarka ah iyo suuqa xorta ah oo ah aasaaska dhaqaalaha dalka. 6. Dhisidda nidaam dammaanad qaadaya daryeelka bulshada. 7. Dhowrista xurriyadda qofka, madax bannaanida ra’yiga iyo dhiirrigelinta

wadatashiga oo ah lafdhabarka horumarka siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada iyo asaaska bulsho ka madax bannaan cabsi iyo cabburin.

8. Iskaashiga caalamka, daris wanaagga iyo nabad ku wada noolaashaha ayaa ah asaaska siyaasadda dibadda ee Xisbiga.

9. Dhismaha dowladnimo hufan oo ku timaada rabitaanka shacabka muwaadiniintuna ay la xisaabtami karaan.

Qodobka 5aad Ujeeddada Xisbiga

Ujeedooyinka Xisbiga waxa aasaas iyo saldhig u ah barnaamijka xisbiga waxana ka mid ah in:-

a) Si buuxda loo abaabulo dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed si loo soo celiyo kalsoonida shacabka.

b) Xeerinta shuruucda asaasiga ah iyo dib u qaabeeynta hay’adaha dowladnimada iyadoo hortabinta la siinaayo amniga, garsoorka, maamulka maaliyadda, kobcinta dhaqaalaha iyo bixinta adeegga bulshada.

c) La baahiyo xukunka lana gaarsiiyo ilaa heer degaan si loo xaqiijiyo gaarista midnimada qaranka, kala danbeyn ku saleysan sharciga, iskaashiga iyo wada noolaanshaha shacabka Soomaaliyeed.

d) Si sharci ah loo qeexo hannaanka wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada si loogu guuleysto federaaleynta dalka

Page 4: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 4 of 26

e) La dhiso hay’ado dammaanad qaada ilaalinta xuquuqda muwaaddinka, sida diintiisa, noloshiisa gaarka ah, sharaftiisa, maalkiisa, iyo caqligiisa si loo helo muwaaddin guta waajibaadkiisa qaran.

f) La dhiso hay’ado hirgeliya baahinta dhaqanka nabadda, wada tashiga, maamul wanaagga, u hoggaansanaanta sharciga, madaxbannaanida garsoorka, la dagaallanka musuqmaasuqa, iyo ku tagrifalka awoodaha dowladnimada.

g) La qabyotiro Dastuurka KMG ah, loona bandhigo shacabka Soomaaliyeed, si loo helo dastuur joogta ah oo haga dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya ay hiigsaneyso.

h) La dhiirrigeliyo kobcinta dhaqaalaha, lana xaqiijiyo cadaaladda wadaagga kheyraadka dalka iyadoo mudnaanta la siinaayo horumarinta kartida aadanaha.

i) La hormariyo waxbarashada, cilmi baarista, hiddaha iyo dhaqanka, daryeelka caafimaadka iyo ilaalinta deegaanka.

j) La horumariyo dhallinyarada, haweenka, dhallaanka, lana daryeelo qoyska, agoonta iyo dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

k) La xoojiyo lana horumariyo xiriirka waddamada caalamka, ururrada caalamiga ah, kuwa qaaradeed iyo Urur goboleedyada si loo helo nabad ku wada nolaasho iyo iskaashi dhaqaale.

l) La dhiirrigeliyo ka qeybgalka qurbajoogta Soomaaliyeed arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda iyo horumarinta dhaqaalaha lagana taageeraa kobcinta dhaqanka suubban iyo horumarinta barashada afka ee dhallaanka qurbajoogta ah.

Qodobka 6aad Xaqiijinta Ujeeddooyinka Xisbiga

Ujeeddooyinka xisbiga ee ku xusan qodobka 7aad ee dastuurkan, Xisbigu waxa uu ku xaqiijinayaa:

1. Dhisidda hay’ado u adeega bulshada, kuna shaqeeya fulinta aragtida Xisbiga. 2. Adeegsiga qeybaha warbaahinta, si loo faafiyo mabaadii’da iyo ujeeddooyinka

xisbiga. 3. Tayeynta iyo tababaridda xubnaha iyo hawlwadeenada xisbiga si loo xaqiijiyo

taabba gelinta siyaasadaha iyo himilooyinka xisbiga. 4. Adeegsiga wadda kasta oo sharci ah laguna gaari karo mabaadii’da iyo

ujeeddooyinka xisbiga kana hor-imaanayn xeerarka dalka.

Qodobka 7aad Shakhsiyadda Qaanuuneed ee Xisbiga

1. Xisbigu waxa uu yeelanayaa shakhsiyad qaanuuneed (legal personality). 2. Shakhsiyadda qaanuuneed ee ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa ay xisbiga

u saamaxaysaa in uu magaciisa wax ku dacweeyo lana dacweyn karo.

Qodobka 8aad Luuqada Xisbiga

1. Luuqada xisbigu u adeegsanayo ama u isticmaalayo kulamadiisa iyo dhammaan hawlaha maamulkiisuba waa luuqada rasmiga ah ee dalka si waafaqsan qodobka 5aad ee dastuurka ku meelgaadhka ah.

2. Waxa kale oo xisbiga u bannaan in uu adeegsado luuqado shisheeye haddii loo baahdo.

Page 5: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 5 of 26

Qodobka 9aad Hiigsiga iyo Himiladda Xisbiga

1. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka wuxuu u taagan yahay; ilaalinta midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka, dhowrista xuquuqaha aasaasiga ah, xorriyadda muwaaddinka, hirgelinta sarreynta sharciga, xaqiijinta nabadda iyo horumarinta caddaaladda bulshada.

2. Xisbigu isaga oo adeegsanaya mabaadii’da diinta Islaamka ee xaniifka ah, kana amba qaadaya dhaqanka suubban ee ummadda Soomaaliyeed, kana faa’iideysanaya sooyaalka taariikhda siyaasadeed ee dalka, waxuu u howlgaleyaa dhismaha bulsho ku naaloota nabad iyo horumar waara oo ku dhaqanta mabaadii’da dowladnimo ee ku saleysan sharciga iyo nidaamka dimoqraadiga ah.

Qodobka 10aad Qiyamka Xisbiga

1. Xisbigu waa xisbi siyaasi ah oo doonaya in uu u tartamo hoggaaminta dalka kana qaybgalo doorashooyinka kala duwan iyo dhismaha dawladnimada dalka.

2. Xisbigu waa xisbi dimuqraadi ah oo aaminsan mabaadii’da xukunka suuban (principles of good governance), isu tanaasulka iyo dimoqraadiyadda een ka hor imanayn mabaadii’da aasaasiga ah ee shareecadda islaamka.

3. Xisbigu wuxuu aamminsan yahay: dhismaha jawi- siyaasadeed ku dhisan rabitaanka shacabka, kaasoo ku qotoma; talo-wadaag, walaalnimo, ixtiraam, is tixgelin, dulqaad, daah-furnaan dawlad-wanaag, hufnaan iyo isla xisaabtan.

CUTUBKA 2AAD

KA MID NOQOSHADA XISBIGA

Qodobka 11aad Xubinimada Xisbiga

1. Xubinnimada Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka waxa ay u furantahay qof kasta oo Soomali ah oo buuxiya shuruduaha xubinnimada xisbiga.

2. Xubinnimada xisbigu kuma xidhna deegaan, hayb gaar ah, dariiqo diineed iyo jinsi toona.

Qodobka 12aad Shuruudaha Xubinnimada Xisbiga

Qof kasta oo xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka xubin ka noqonayaa waa in uu buuxiyaa shuruudahan:-

1. In uu yahay Soomaali, da’diisu aanay ka yarayn 18 sano. 2. Aaminsan yahay mabaadii’da iyo ujeedooyinka xisbiga. 3. Ahayn qof sumcad xun ku leh bulshada dhexdeeda, horayna ugu dhicin Xukun

maxkamad sharci ah dambi uu galay aawadeed. 4. Xubin ka ahayn xisbi kale oo dalka ka jira iyo ururro leh afkaar iyo ujeeddooyin

ka soo horjeeda kuwa xisbiga. 5. In uu bixiyo lacagta diiwaangalinta, diyaarna u yahay bixinta qaaraanka

(dhigaalka) xisbiga sida uu qeexaayo xeer-hoosaadka. 6. Buuxiyo foomka xubinnimada. 7. Xisbiga wuxuu yeelan karaa taageerayaal, waana in da’diisu aaney ka yarayn

shan iyo toban (15) sano. 8. Inuu ka hor tago qabyaaladda, hayb-sooca iyo kala qaybinta bulshada. 9. Ilaaliyo kala-dambaynta, daacadnimada iyo u hoggaansanaanta aqlabiyadda.

Page 6: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 6 of 26

Qodobka 13aad

Xuquuqda xubnaha xisbiga Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xisbiga waxa ay xaq u leedahay:-

1. Ka qeybqaato dhammaan howlaha xisbiga. 2. Wax dooran karo lana dooran karo xisbiga dhexdiisa iyo dibadiisaba si

waafaqsan xeerarka xisbiga. 3. Ka dhiibto ra’yigiisa si xor ah xisbiga dhexdiisa, iskuna difaaco xisbiga

dhexdiisa wixii eedeymo ah ee loo soo jeediyo. 4. Helo xogta hawlaha siyaasadda guud iyo waxqabadka xisbiga. 5. Soo gudbin karo talooyin ku socda laanta, degmada, dowlad-goboleedka,

Golaha Dhexe iyo shirwaynaha xisbiga intaba. 6. In aan laga saari karin xisbiga, iyada oo aan la marin habraaca hay’adaha

xisbiga ee ku shaqada leh.

Qodobka 14aad Waajibaaka Xubnaha Xisbiga

Xubin kasta oo ka mid ah xisbiga waxa ku waajib ah:-

1. Diyaar u yahay hirgelinta mabaadii’da iyo ujeeddooyinka xisbiga. 2. U hoggaansamaa amarrada ka soo baxa goleyaasha Xisbiga. 3. Bixiyaa qaaraan bileedka / sannadlaha ee Xisbiga. 4. Xubintu waa inay kaalin firfircoon ka qaadataa, kagana jirtaa hawlaha goobta uu

ka tirsanyahay iyo guud ahaan Xisbigaba. 5. Xog-ogaal u yahay ujeedooyinka, himilooyinka iyo barnaamijyada Xisbiga una

hawlgalaa fulintooda. 6. Xog-ogaal u ahaadaa xeerarka bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka. 7. Inuu dhowro, ilaaliyo, difaacana qiyamka, mabaadii’da iyo siyaasadda xisbiga. 8. Inuu ka hor tago qabyaaladda, hayb-sooca iyo kala qaybinta bulshada. 9. Ilaaliyo kala-dambaynta, daacadnimada iyo u hoggaansanaanta aqlabiyadda

Qodobka 15aad

Asbaabaha waayidda Xubinnimada 1. Xubinnimada Xisbiga waxaa lagu wayn karaa in xubintu:-

a) Geeriyooto. b) Ka leexato mabaadiida iyo ujeedooyinka xisbiga. c) Ku biirto xisbi siyaasadeed kale ama urur ka afkaar duwan xisbiga. d) ku kacdo fal lid ku ah sumcadda xisbiga iyo shuruucda dalka. e) Iskeed uga baxdo xisbiga lagana aqbalo. f) Gudan weydo waajibaadka xisbiga.

2. Xaaladaha bannaanshaha xubinnimada ee ku xusan faqrada 1aad ee qodobkani marka ay yimaadaan, hogaanka Xisbigu waa in uu ku wargaliyaa hay’addaha kala duwan ee xisbiga bannaanshaha xubinta ama xubnaha.

Page 7: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 7 of 26

Qodobka 16aad Taageerayaasha Xisbiga

1. Sida caadiga ah xisbigu waxa uu yeelanayaa taageerayaal. 2. Taageerayaasha xisbigu waa qof kasta oon xubin rasmi ah ka hayn xisbiga

haseyeeshee la dhacsan ama taageersan qorsheyaasha iyo barnaamujka xisbiga. 3. Taageerayaasha xisbiga waa shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan

gudaha iyo dibeddaba.

CUTUBKA 3AAD QAAB-DHISMEEDKA XISBIGA

Qodobka 17aad Qaab-dhismeedka

1. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyaddu waxa uu yeelanayaa qaab-dhismeed u saamaxa in uu gaadho ujeeddooyinka loo aasaasay ama loo dhisay.

2. Qaab-dhismeedka xisbiga ee ku xusan faqrada 1aad ee qodobkani waxa uu noqonayaa sidan:-

a. Shirweynaha Xisbiga. b. Golaha Dhexe ee Xisbiga. c. Guddiga Fulinta ee Xisbiga. d. Goleyaasha heer maamul-goboleed, heer degmo iyo heer tuulo. e. Garabyada Xisbiga ee kala duwan sida garabka haweenka, garabka

dhalinyarada, garabka xirfadleyaasha

Qodobka 18aad Shirweynaha xisbiga ee heer qaran

1. Shirweynaha xisbiga ee heer Qaran waa hay’adda ugu sarreysa dhismaha xisbiga ee leh awoodda ugu danbeysa ee go’aan gaarista.

2. Ka qeybgalayaasha Shirweynaha xisbiga waxay ka kala imaanayaan: a. Qaybaha xisbiga ee dowlad goboleedyada, degmooyinka iyo laamaha

dibadda (Qurbajoogta). b. Dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta ee xisbiga. c. Xubnaha xisbiga ee ku jira golayaasha qaranka. d. Wakiilo ka socda garabyada haweenka iyo dhalinyarada. e. Xubno ka tirsan taageerayaasha xisbiga oo golayaashu si gaar ah usoo

xulaan. f. Wakiilo ka tirsan xirfadleyda Soomaaliyeed sida: dhaqaatiirta,

garyaqaanada, fannaaniinta, saxafiyiinta, engineerada, culimaa’uddiinka, ganacsatada, odayaasha dhaqanka, ardayda.

3. Tirada iyo qaabka soo xulidda xubnaha Shirweynaha waxaa qeexaya xeer hoosaad gaar ah oo uu ansixiyo Golaha Dhexe kadib shirwaynaha koowaad

Page 8: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 8 of 26

Qodobka 19aad Awoodaha iyo waajibaadka Shirweynaha

Shirweynaha qaran ee xisbiga waa hay’adda ugu sareeya ee xisbiga waxaana uu yeelanayaa awoodaha iyo waajibaadka soo socda:-

1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

2. Ansixinta Xubnaha loo soo xulay inay ka mid noqdaan Golaha Dhexe ee Xisbiga. 3. Doorashada Gudoomiyaha xisbiga, ku xigeenadiisa iyo Xoghayaha Guud oo xilka

hayn doona muddo afar (4) sano ah. 4. Ansixinta xeerka soo xulidda xubnaha xisbiga uga qeybgalaya doorashooyinka

heerarka kala duwan ee dalka. 5. Ansixinta guddiyada madaxa banaan ee xisbiga. 6. Ansaxinta musharaxa madaxweyne ee xisbiga uga qaybgalaya tartanka

doorashada Madaxayne JFS. 7. Ansixinta kala dirista xisbiga

Qodobka 20aad Kulamada Shirweynaha Xisbiga

1. Shirweynaha Xisbigu wuxuu dhacayaa afartii sanaba mar shirkiisa caadiga, ayadoo lagu beegayo sannad ka hor waqtiga doorashada guud ee qaranka.

2. Shirweynaha 1aad ee Xisbiga waxaa gudoominaya xubinta ugu da’da weyn ka qeybgalayaasha Shirweynaha.

3. Shirweynaha goobta lagu qabanayo, goorta laqabanayo iyo tirada xubnaha ka qayb galaya waxaa soo jeedinaya Golaha Fulinta, waxaa ansixinaya Golaha Dhexe saddex bilood ka hor inta aanay dhammaan muddada xilhaynta.

4. Golaha Fulinta ayaa ku wargelinaya xubnaha xisbiga maalinta uu shirweynuhu bilaabanayo 60 maalmood ka hor.

5. Ergada Shirweynaha ka qaybgalaysa waxa soo xulaya golayaasha heer dowlad goboleed, degmo iyo laamaha dibadda oo lagu daray ergooyinka ku xusan Dastuurka xisbiga qodobka 14 faqradiisa labaad (b, c, d, e, f) ee heer qaran.

6. Shirweynaha wuxuuna ku qabsoomi karaa markii ay soo xaadiraan saddex meelood labo (2/3) xubnaha loo soo xulay ka qeyb-galka Shirweynaha.

7. Haddii Shirweynaha ku qabsoomi waayo waqtiga loogu talo galay, guddiga fulintu laba bilood ka hor waxay soo jeedinayaan in dib loo dhigo mudo aan ka badnayn seddex bilood oo ka bilaabanaysa maalintii horay loo cayimay. Waxaana ansixinaaya Golaha Dhexe. Guddiga Fulinta waxa aay ku wargelinayaan mudo shan iyo afartan (45) maalmood ka hor maalinta la go’aamiyay qabashada shirwaynaha.

8. Gudiga qabanqaabada Shirweynaha waxa magacaabaya Gudoomiyaha xisbiga markaa uu la tashado Golaha Fulinta.

Qodobka 21aad Shirweyne aan caadi ahayn

Hadii ay timaado sabab loo qabto Shirwayne aan caadi ahayn, waxaa soo jeedin kara:

1. Guddiga Fulinta oo u gudbinaya Golaha Dhexe oo ku ansixinaaya saddex meelood labo (2/3) tirada xubnaha Golaha Dhexe.

Page 9: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 9 of 26

2. Saddex meelood meel (1/3) xubnaha Golaha Dhexe oo u gudbinayaa Golaha Dhexe kuna ansixinaya saddex meelood labo (2/3) xubnaha Golaha Dhexe.

3. Shirweynaha aan caadiga ahayn goobta lagu qabanayo iyo goorta laqabanayo waxaa soo jeedinaya Golaha Fulinta, waxaana ansixinaya Golaha Dhexe.

4. Golaha Fulinta ayaa ku wargelinaaya xubnaha xisbiga qabashada shireynaha aan caadiga ahayn mudo bil gudaheeda ah.

5. Ergooyinka ka qaybgalaya Shirweynaha aan caadiga ahayn waxay noqonayaan ergooyinkii ka qaybgalay shirweynihii ugu dambeeyay.

Qodobka 22aad Golaha Dhexe ee Xisbiga

Golaha Dhexe ee Xisbiga: - 1. Wuxuu yeelanayaa awoodda Shirweynaha inta uu dhaxayso labada shirweyne ee

xisbiga. 2. Waa hay’adda ugu sarraysa ee sharci dejinta ee xisbiga inta u dhaxaysa labada

shirwayne. 3. Tirada xubnaha Golaha Dhexe waa (75) xubnood. 4. Xubnaha Golaha Dhexe ee matalaya wakiillada xisbiga ee dawlad-goboleedyada

waxaa soo magacaabaya Golaha Dhexe ee heer dowlad goboleed marka laga reebo Shirweynaha kowaad ee Xisbiga.

Qodobka 23aad Xulidda & Ansixinta Xubnaha Golaha Dhexe

1. Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga oo ay tiradoodu tahay 75, waxaa soo xulaya marxaladda asaaska guddiga doorashooyinka waxaana laga soo xulayaa ergada shirka iyo dad ka baxsan ergadda intaba, ayadoo ka dibna la soo hordhigayo shirwaynaha guud ee xisbga oo leh awoodda ansixinta.

2. Habka ansixinta musharaxiinta waxay u dhacaysaa hab gacan taag ah.

3. Hadii Shirwaynuhu wada diido dhammaan xubnaha la soo xulay ama qaar ka mid ah, waxaa lagu laabanayaa xulashadii hadba tirada la diiday ilaa iyo inta laga buuxinayo tiradda xubnaha Golaha Dhexe shirweeynuhuna ka wada ansixinaayo.

4. Wixii ka danbeeya marxaladda aasaaska, waxay xubnaha Golaha Dhexe ku imaanayaan doorasho ama wadar-oggol deegaanada kala duwan ee dalka, qaab ku salaysan saamilay, oo la macno ah “xubnaha gobol gaar ah ka helayo Golaha Dhexe, waxey ku salaysnaaynaysaa tirada xubnaha diiwaangashan ee gobolkaas”.

5. Golaha Fulinta asagoo kashanaya maamulka xisbiga ee gobolada ayaa xadidaya saamiga gobol kastaa uu ka helayo xubnaha Golaha Dhexe.

Qododobka 24aad

Qaab-dhismeedka Golaha Dhexe

Golaha Dhexe ee Xisbiga wuxuu yeelanayaa qaab-dhismeedkan hoos ku qoran: Guddiga Joogtada G/dhexe ee xisbiga oo ka kooban:

1. Gudoomiyaha Golaha Dhexe 2. Labada Guddoomiye ku-Xigeen. 3. Iyo Gudoomiyeyaal Guddi hoosaadyo oo laga ansixinaayo Golaha Dhexe ee

xisbiga.

Page 10: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 10 of 26

Qodobka 25aad Xubinimada Golaha Dhexe

1. Xubnaha ee Golaha Dhexe waxey ka kala imaanayaan: - a. Dowlad goboleedyada, gobolada waqooyi iyo gobolka Banadir b. Haweenka, c. Dhallinyarada, d. Qurbo joogta, e. Xubnaha ay saamiga u helaan dawlad goboleedyada waxaa soo

magacaabanaya Golaha Dhexe ee heer Dowlad-Goboleed waxana lagu ansixinayaa Shirweynaha.

f. Xubnaha ka imanaya qurbajoogta Soomaaliyeed waxaa soo xulaya laamaha xisbiga ee qaaradda uu ku noolyahay ayagoo la tashanaya guddoomiyaha xisbiga waxaana ansaxinaya Shirweynaha.

2. Haddii ay xubin Golaha Dhexe ah ay waydo xubinimada Golaha si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka xisbiga, waxaa soo magacaabaya xubinta lagu beddelayo saamiga uu ka tirsanaa xubintaasi meesha ka baxday, ka dibna waxaa ansixinaya kalfadhiga ugu horreeya ee Golaha Dhexe.

3. Xubnaha Golaha Dhexe waxaa ansaxinaya Shirweynaha Qodobka 26aad

Howlaha iyo waajibaadka Golaha Dhexe Waajibaadka iyo hawlaha Golaha dhexe waa:-

1. Doorashada gudoomiyaha Golaha Dhexe iyo labadiisa ku xigeen 2. Ansixinta Guddi hoosaadyada xeerkan ku xusan 3. Diyaarinta xeer hoosaad u gaar ah Golaha 4. Xulista guddi-hoosaadyo u qaabilsan howlaha u yaala Golaha Dhexe. 5. Ansaxinta qorshayaasha, xereraka iyo wax ka baddalka marka ay soo diyaariyaan

Guddiga Fulinta 6. Ansixinta iyo waxkabaddalka Xeerarka u soo bandhigo goa fulinta 7. Ansixinta heshiisyada uu lasoo galo Golaha Fulinta Axsaab kale 8. Dhiirigelinta hal abuurka aragtiyada siyaasadeed iyo ujeedooyinka xisbiga 9. Jiheynta waxqabadyada guud ee xisbiga iyagoo matalaya Shirweynaha 10. Ansaxinta go’aano siyaasadeed iyo go’aano maamul ee ay soo jeediyaan guddiga

fulinta ee lagama maarmaanka ah ee aan gaari karin waqtiga loo qabtay Shirweynaha.

11. Bandhigista go’aano siyaasadeed iyo kuwo maamul oo lagu ansixinaya Shirweynaha 12. Waxay ansixinayaan xubnaha Guddiga Fulinta ee uu soo jeediyo guddoomiyaha

xisbiga. 13. Waxay iska dhex dooranayaan seddex xubnood oo ah Guddi hanti-dhawr oo u

madax bannaan hawlahooda, islamarkaana toos ugu soo gudbin kara warbixintooda Golaha Dhexe.

14. Ansixinta qorsha sanadeedka, Miisaaniyada iyo xisaab xir sanadeedka. 15. Wax ka badalidda iyo wax ku daridda Dastuurka xisbiga, markii ay u soo codeeyaan

saddex meelood laba (2/3) xubnaha Golaha Dhexe si loo horgeeyo Shirweynaha Xisbiga.

16. Dhagaysiga warbixinnada ay usoo gudbiyaan guddiga fulintu waxayna qiimaynayaan waxqabadka guddiga iyo horumarka hawlaha xisbiga.

17. Doodista iyo ka warqabka sharciyada dalka ee la horgeeyo barlamaanka qaranka ka dibna dejinayaan istratejiyada iyo barnaamijka siyaasada kaga aadan hindise sharciyedyadaas.

Page 11: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 11 of 26

Qodobka 27aad Shirarka Golaha Dhexe

1. Shirka caadiga ah ee Golaha Dhexe wuxuu qabsamayaa sannadkiiba labo mar. Waaxa goorta iyo goobta shirka lagu qabanaya go’aaminaya gudoomiyaha Golaha Dhexe asagoo la tashanaya guddoomiya ku xigeennada iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga.

2. Shirarka Golaha Dhexe waxaa guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Dhexe marka uu maqan yahayna waxaa guddoominaya Gudoomiye K/Xigeeenka 1aad, hadii uu maqan yahayna G. kuxigeenka 2aad ayaa shir guddominaya.

3. Golaha Dhexe waxaa uu yeelan karaa shirar aan caadi ahayn markii ay dalbadaan saddex meelood hal (1/3) xubnaha Golaha Dhexe, ama uu dalbado guddomiyaha Xisbiga. Waxaana fadhigaa lagu qabanayaa muddo aan ka badnayn soddon maalmood gudahood.

4. Shirarka Golaha Dhexe waxay ku qabsoomi karaan xaadiridda aqlabiyad hal dheeri ah (50%+1) tirada xubnaha Golaha Dhexe marka laga reebo shirarka u baahan aqlabiyad sadex meelood labo (2/3) ah.

5. Hadii aqlabiyadda la waayo, waxaa lagu baaqayaa kulan kale. 6. Kalfadhiga kale waxaa loo mudeynayaa ama loo qabanayaa muddo 15 casho ah

gudaheed. 7. Ajendayaasha Shirarka waa in golaha dhaxe loo furaa dood, go’anaddana lagu

gaaraa cod aqlibyad haldheeriya marka laga reebo meelaha Dastuurka si kale u sheegay.

8. Ajandaha iyo warbixinadda shirarka waxaa soo diyaarinaaya xoghayaha Golaha Dhexe markuu la tashado guddoonka Golaha Dhexe iyo gudoonka Guddiga Fulinta.

9. Go’aanada masiiriga ah sida kuwa saameynaya jiritaanka, hoggaaminta iyo mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga waxa uu goluhu ku qaadanayaa marka ay isku raacaan saddex meelood laba (2/3) tirada guud ee xubnaha Golaha, halka go’aanada aan masiiriga ahayn uu Golahu ku qaadanayo aqlabiyad cod hal dheeri ah.

10. Xubin kasta oo golaha ka mid ah waxa uu xaq u leeyahay hal cod, mar haddii uu codkiisa bixiyana xaq uma laha inuu codkii uu bixiyey ka noqdo

Qodobka 28aad Shuruudaha Xubinnimada Golaha Dhexe.

Shuruudaha Xubinnimada Golaha Dhexe waa in uu: - 1. Yahay xubin ka tirsan xisbiga 2. Da’adiisu ka yarayn 18 sano. 3. Leeyahay ugu yaraan aqoon Dugsi Sare.

Qodobka 29aad

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga.

1. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga iyo Guddoomiye ku-Xigeenada waxaa iska dhex dooranaya Golaha Dhexe ee xisbiga.

2. Fadhiyada Golaha Dhexe ee xisbiga waxaa si ku meel gaar ah u gudoominaya xubinta ugu da’da wayn Golaha wuxuuna xilka haynayaa ilaa laga doorto gudoomiye rasmi ah.

Page 12: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 12 of 26

3. Waa in qofka la dooranaayo ay soo sharaxaan ugu yaraan toban (10) ka mid ah xubnaha Golaha Dhexe. Waa in xilka ay u rashaxayaan waa in ay ku caddeeyaan hab qoraal ah.

4. Gudiyada Golaha Dhexe ee xisbiga waxaa magacaabaya guddoomiyaha Golaha Dhexe isagoo la tashanaya ku xigeenadiisa waxaana laga ansixinayaa Golaha Dhexe

5. Guddi walba wuxuu dhexdiisa iska dooranayaa Guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye

Qodobka 30aad Xilka iyo Waajibaadka Guddoomiyaha Golaha Dhexe

1. Wuxuu gudoomiyaa fadhiayada Golaha Dhexe ee xisbiga 2. Wuxuu magacabaa guddiyada joogtada ah ee Golaha Dhexe markuu la tashado

ku xigeenadiisa. 3. Wuxuu si toos ah u maamula dhammaan howlaha Golaha Dhexe ee xisbiga, 4. Guddoomiyaha haddii uu maqanyahay waxaa xilkiisa si kumeel gaar ah u sii

haynaya Gudoomiye ku xigeenka koowaad, haddii uu maqan yahayna Guddoomiye ku xigeenka labaad.

Qodobka 31aad Xilka iyo Waajibaadka Ku xigeenada guddoomiyaha

1. Waa guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga markuu guddoomiyuhu maqan

yahay. 2. Haddii jagadiisu banaanaato gudoomiyaha, waxaa howsha sii wadaya ku

xigeenkiisa koowaad, waxaana lagu dooranayaa guddoomiye muddo 45 cisho gudaheed ah.

3. Wixii kale ee guddoomiyuhu ama golaha u xilsaaraan.

Qodobka 32aad Xilwaayidda Guddoomiyaha Iyo

Labada ku Xigeen ee Golaha Dhexe

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga wuxuu xilkiisa ku weyn karaa sababaha soo socda:-

1. Geeri ama caafimaad xumo oo u diideysa inuu hawshiisa sidii la rabay u guto oo ay caddeeyaan guddi daqaatiir la aqoonsanyahay.

2. Is casilaad qoraal ah oo ay aqbalaan Golaha Dhexe ee xisbiga. 3. Maqnaasho cudurdaar la’aan ah oo gaareysa muddo bil iyo bar ah (45

maalmood). 4. Xilgudasho la’aan joogto ah oo ay u codeeyaan saddex meelood labo (2/3) Golaha

Dhexe ee xisbiga. 5. Khiyaano qaran iyo khilaaf axdiga xisbiga, taasoo ay u codeeyaan saddex

meelood meel (2/3) oo Golaha Dhexe.

Page 13: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 13 of 26

Qodobka 33aad Xilalka iyo Waajibaadka

Guddi hoosaadyada Golaha Dhexe

Tirada, Xilalka iyo Waajibaadka Guddi hoosaadyada Golaha Dhexe waxaa lagu cadeeynayaa xeer-hosaadka golahaas.

Qodobka 34aad Guddiga Fulinta

1. Guddiga fulinta waa hay’adda ugu sarraysa socodsiinta hawlaha xisbiga. 2. Guddiga waxa uu ka kooban yahay; Guddoomiyaha Xisbiga, Ku-xigeennada oo (4)

ah, Xoghaya-Guud iyo 18 Xoghaye Fulin oo laga soo dhax xulay xubnaha xisbiga. 3. Muddada xil - heynta Guddiga Fulintu waa (4) AFAR SANO. 4. Ansixinta Guddiga Fulinta waxay noqonayna 50+1, aqlabiyad haldheeri ah ee

tirada guud ee xubnaha Golaha Dhexe

Qodobka 35aad Xilalka xubnaha Guddiga Fulinta

Guddiga Fulintu wuxuu ka kooban yahay 21 xubnood oo xilalkoodu ay kala yihiin: 1. Gudoomiyaha Guddiga Fulinta, ahna gudoomiyaha xisbiga 2. Afar gudoomiye ku xigeen 3. Xoghayaha Guud ee xisbiga. 4. Xoghayaha, horumarinta & baahinta, abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga. 5. Xoghayaha Arrimaha dibadda iyo xiriirka Jaaliyadaha. 6. Xoghayaha Waxbarashada iyo cilmi barista 7. Xogyaha warfaafinta, isgaarsiinta iyo teknologiyada 8. Xoghayaha Maaliyada iyo qorshaynta. 9. Xoghayaha dhaqaalaha iyo Horumarinta waxsoosaarka 10. Xoghayaha Arrimaha bulshada iyo xuquuqda Aadmiga. 11. Xoghayaha Arimaha gudaha, dowlad gobeleedyadda & Amniga 12. Xoghayaha Cadaaladda iyo arimaha Dastuurka 13. Xoghayaha Dhallinyarada iyo cayaaraha 14. Xoghayaha Arrimaha diinta iyo awqaafta 15. Xoghayaha Arrimaha haweenka iyo horumarinta qoyska. 16. Xoghayaha shaqada iyo Shaqaalaha 17. Xoghayaha Caafimaadka, Samafalka iyo adeegga Bulshada 18. xafiisyadii kale ee lagama maarmaan loo arko.

Qodobka 36aad

Awoodaha iyo waajibaadka Guddiga Fulinta Guddiga fulinta heer qaran waxay yeelanayaan shaqooyinka soo socda:-

1. Fulinta dhammaan go’aamadii ay gaareen Golaha Dhexe iyo Shirweynaha, si waafaqsan xeerarka iyo barnaamijyada siyaasadeed ee xisbiga.

Page 14: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 14 of 26

2. Kormeeridda howlaha maamulka iyo maareynta xisbiga ee heer kasta, iyagoo qaadaya tallaabooyinka ay u arkaan lagama maarmaan in ay u yihiin fulinta go’aamada iyo barnaamijyada lagu gaaray Shirweynaha Xisbiga.

3. Isku xirka iyo kormeeridda howlaha waaxyaha, laamaha iyo taageerayaasha xisbiga

4. Ballaarinta xisbiga iyo gaarsiinta dhammaan deegaannada dalka iyo jaaliyadaha dibadda.

5. Curinta xeerka nidaaminta shaqaalaha xisbiga iyo dhaqangelintiisa. 6. Magacaabista guddiyo gaar ah iyo xadididda waajibaadkooda shaqo markii loo

baahdo. 7. Go’aan ka gaarista warbixinnada guddiyada gaarka ah iyo tixgelinta talooyinka ka

imaanaya xubnaha Xisbiga. 8. Dejinta miisaaniyad sannadeedka iyo diyaarinta xisaab-xir sanadeedka Xisbiga oo

soo martay hanti-dhowre madaxbannaan. 9. Qorshaynta iyo hubinta qabashada doorashooyin xor ah, cadaalad ah oo daahfuran

dhamaan xisbiga heerarkiisa kala duwan. 10. Dajinta, iskuduwidda iyo qabashada barnaamijyada dhiirigalinaya waxqabadyada

xisbiga. 11. Diyaarinta ajandaha iyo warbixinnada Xisbiga ee loo gudbinayo Shirweynaha guud. 12. Soo jeedinta kala dirista xisbiga 13. Magacaabista guddiga doorashooyinka, anshaxa iyo lataliyayaasha gaarka ah si

waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka xisbiga. 14. Sameynta habraacyo lagu dhaqangaliyo qodobbada Dastuurka iyo go’aannada

Golaha Dhexe. 15. Xaqiijinta ku dhaqanka Dastuurka, ilaalinta anshaxa, nidaamka iyo kala danbaynta. 16. Soo jeedinta wax ka bedelka xeerka iyo dastuurka xisbiga

Qodobka 37aad

Doorashada Guddoomiyaha xisbiga

Guddoomiyaha xisbiga ahna guddoomiyaha Golaha Fulinta waxaa soo dooranaya Shirweynaha Guud ee Xisbiga.

Qodobka 38aad Xilka iyo Waajibaadka guddoomiyaha xisbiga

Waajibaadka Guddoomiyaha:- 2. Guddoomiyuhu wuxuu guddoominayaa fadhiyada Golaha Fulinta waana

Guddoomiyaha xisbiga. 3. Muddada xilhaynta guddoomiyaha Xisbiga waa afar (4) sano, waxaana loo

dooran karaa labo jeer oo keliya. 4. Xiriirinta iyo u kuurgelidda habsami u socodka howlaha golayaasha Xisbiga iyo

hay’adaha hoos yimaada ee heerarka kala duwan. 5. Isku duwidda istiraatijiyada iyo qorsheyaasha marxaladeed ee xisbiga, isagoo la

tashanaya Golaha Fulinta. 5. Diyaarinta warbixin xilliyeed (6 bilood) ku aaddan waxqabadka iyo xaaladda

Xisbiga isagoo u gudbinaya shirka Golaha Dhexe. 6. U kuurgalista qiimeynta arrimaha siyaasadda dalka iyo dhaqdhaqaaqa xisbiyada

dalka. 7. Kormeerida iyo qiimaynta howlmaalmeedka Golaha Fulinta.

Page 15: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 15 of 26

8. Shir kasta oo ay isugu imaanayaan si waddajir ah labada gole waxaa Gudoominaya gudoomiyaha xisbiga.

9. Waxa uu ku matalayaa xisbiga kulamada caalamiga ah iyo munaasabadaha dowliga

Qodobka 39aad Shuruudaha Guddoomiyaha Xisbiga

Gudoomiyinimada xisbiga waa in uu buuxiyaa shuruudahan: 1. In uu Xisbiga ka tirsanaadaa ugu yaraan lix (Lix) bilood (marka laga reeba

Shirwaynaha 1aad ee xisbiga). 2. In aaney da’diisu ka yarayn afartan (40) sano. 3. In aqoontiisu gaarsiisan tahay Shahaadada 1aad ee jamacadeed

Qodobka 40aad Xil waayidda Guddoomiyinimada

Xilka Gudoomiyuhu waxa uu ku weyn karaa: - 1. Haddii uu geeriyoodo ama gudan waayo waajibaadkiisa. 2. Hadii uu iscasilo ka dibna Golaha Dhexe oggolaado 3. Hadii xilka looga qaado si waafaqsan Xeerka xisgbiga.

Qodobka 41aad

Xilka Guddoomiye ku xigeennada.

1. Xisbiga waxa uu yeelanayaa (4) Afar guddoomiye ku xigeen, oo xilalkooda kala yihiin sida soo socota: - a. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda iyo istaratejiyadda. b. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Dowlad Goboleedyada. c. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha xubnaha, bulshada iyo wacyigalinta. d. Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Qorshaynta iyo horumarinta xisbiga.

2. Guddoomiye ku xigeenka arimaha siyaasada iyo istarategoyada waa ku simaha gudoomiyaha marka uu guddomiyaha maqan yahay. Hadii u maqnaadana waxaa xilka gudoomiyaha qaban doona hadba G. Ku xigeenkii uu u xilsaaro Guddomiyaha Xisbigu.

3. Marka laga Reebo howlaha ay gaarka u leeyihiin, guddoomiye ku xigeennadu waxa ay qabanayaan howlaha uu u igmado guddoomiyaha xisbiga si waafaqsan xeerka xisbiga.

Qodobka 42aad Xoghayaha Guud ee Xisbiga

1. Xoghayaha Guud ee xisbiga waxaa dooranaya shirweynaha xisbiga. 2. Xoghayaha Guud wuxuu hoostagayaa Gudoomiyaha xisbiga. 3. Xoghayaha Guud waxa uu masuul ka yahay socodsiinta maamulka xisbiga guud

ahaan. 4. Waxa uu diyaarinayaa qoraallada, warbixinnada iyo ajandayaasha fadhiyada

Golaha Fulinta 5. Xoghayaha Guud waxa uu mas’uul ka yahay dabagalka fulinta go’aannada la

ansixiyay iyo hirgalinta barnaamijyada siyaasaddeed, isaga oo la kaashanaya hadba xoghayaha ka mas’uulka ah hawshaas.

6. Xoghayaha Guud waxa uu maamulayaa shaqaalaha xisbiga. 7. Xoghayaha Guud wuxuu kaydinayaa dukumentiyadda xisbiga, waxaana uu

diiwaan-gelinayaa oo uu ilaalinayaa hantida xisbiga.

Page 16: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 16 of 26

8. Xoghayaha Guud waxa uu iskuxiraa xoghayayaasha kale ee Guddiga Fulinta, waxaana uu ku kormeeraa habsami u socodka hawlaha ay ka masuulka yihiin.

9. Haddii xubin ka mid ah Guddiga Fulintu gasho fasax ama howsheeda gudan waydo waxaa howsheeda si kumeel gaar ah u qabanaya Xoghayaha Guud xibsiga.

10. Xoghayaha Guud waxa uu qabanayaa hawshii kale ee uu u xilsaaro gudoomiyuhu.

Qodobka 43aad Howlaha Xildhibaanada xisbiga

1. Xildhibaannada Xisbiga waa xubnaha xisbiga ee ka tirsan Barlamaanka heer qaran, heer dowlad-gobol iyo heer gole degaan.

2. Kutlooyinka xilkdhibaanad xisbiga ee heer kastra waxa ay dooranayaan Gudoomiye iyo afhayeen.

3. Xildhibaanada xisbiga ee heer kasta waxa ay si wadajir ah ugu ololeynayaan doorashooyinka, hindise sharciyeedyada, soo jeedinnada iyo qaddiyadaha kale ee uu xisbigu hormuud ama qeyb ka yahay ee khuseeya danta guud.

4. U ololeynta iyo u codeynta musharaxiinta xisbiga ee u tartamaya jagooyinka heerarka kala duwan ee dowladnimada dalka oo dhan.

5. dhiiri gelinta iyo ka qayb qaadashada horumarada xildhibaanka uga aaddan deegaan doorashada uu matalo.

Qodobka 44aad Hay’adaha xisbiga ee Heerka Dowlad-Goboleedka

1. Hay’adaha xisbigu ee Heerka Dowlad-Goboleedka Waxay ka Kooban Yihiin: a. Shirweynaha Heerka Dowlad-Goboleedka b. Golaha dhexe ee xisbiga Dowlad-Goboleedka c. Guddiga Fullinta xisbiga ee Dowlad-Goboleedka d. Iyo Ururada Bulshada Xisbiga ee Heerka Dowlad-Goboleedka.

2. Qabshada shirweeynaha Xisbiga ee Heerka Dowlad-Goboleedka waxaa diyarinaya Golaha Fulinta Xisbiga ee heer qaran.

3. Qabashada shirweeynaha Dowlad-Goboleedka iyo qaab-dhismeedka hay’adaha Dowlad-goboleedka wuxuu la mid noqonayaa heer qaran oo la eg heerkooda waxxana lagu soo saarayaa Xeer hoosaadka heer qaran.

4. Qaraarada shirweeynaha iyo kuwa masiiriga heer Dowlad-Goboleed waa in ogoloosho looga helaa Guddiga Fulinta Xisbiga ee heer qaran.

Qodobka 45aad

Hay’adaha Xisbiga ee Heer Gobol 1. Hay’adaha xisbiga ee Heer Gobol Waxay ka Kooban Yihiin:

f. Shirweyne Heer Gobol g. Guddiga Fullinta xisbiga ee Gobolka h. Iyo Ururada Bulshada Xisbiga ee heer Gobol

2. Qabshada shirweeynaha heer gobol waxaa diyarinaya Golaha Fulinta Xisbiga ee heer gobol.

3. Qaraarada shirweeynaha iyo kuwa masiiriga ee heer gobol waa in ogolaansho looga helaa Guddiga Fulinta Xisbiga ee heer qaran.

Page 17: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 17 of 26

Qodobka 46aad

Hay’adaha xisbiga ee Heer degmo

1. Hay’adaha xisbigu ee Heer degmoWaxay ka Kooban Yihiin:

a. Shirweyne Heer degaan b. Golaha degaanka ee xisbiga c. Guddiga Fullinta xisbiga ee degmada d. Guddiyada Xisbiga ee xaafadaha iyo Tuulooyinka e. Iyo Ururada Xisbiga ee heer degmo.

2. Qabshada shirweeynaha heer degmo waxaa diyarinaya Golaha Fulinta Xisbiga ee

heer Gobol marka ay ogolaadaan G/fulinta heer qaran. 3. Qaraarada shirweeynaha iyo kuwa masiiriga heer Degmo waa in ogoloosho looga

helaa Guddiga Fulinta Xisbiga ee D/goboleed.

Qodobka 47aad Qaybaha bulshada Xisbiga

Qaybaha bulshada Xisbiga ee heer kasta waxay ka koobanyihiin:

a. Ururka dhallinyarada Xisbiga b. Ururka Haweenka ee Xisbiga c. Dhaqanka d. Siyaasiyiinta e. Ururada shaqaalaha f. Ururada Xirfadlayda

CUTUBKA 4AAD KULAMADA, GO’AAN QAADASHADA IYO DOORASHOOYINKA XISBIGA

Qodobka 48aad Dhismaha GuddigaDoorashooyinka Xisbiga

1. Xisbigu wuxuu yeelanayaa Gudddi Madaxbanaan ee Doorashooyinka oo

maamulaya heerarka kala duwan ee Xisbiga. 2. Shirweeynaha Guud ee Xisbiga ayaa dhisaya Guddiga Madaxbanaan ee

Doorashooyinka Xisbiga. 3. Xeerka ay ku shaqeeynayaa Gudigaas waxaaa Ansaxinaya G/dhexe ee Xisbiga. 4. Tirada Guddiga Doorashooyinka Waa inayna ka badnaan toddobo xubnood. 5. Masuuliyaddaha Guddiga Doorashooyinka waxa ka mid ah:

Page 18: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 18 of 26

a) Inay maamulaan doorashooyinka dhammaan Hay`adaha Xisbiga ee Heer kasta.

b) Inay si joogta ah u diiwaan geliyaancod-bixiyayaasha dib u eegisna ku sameeyaan xaashiyaha cod-bixiyayaasha

c) Inay diiwaan geliyaan musharaxiinta doorashooyinka d) Xallinta cabashooyinka doorashooyiska e) Fududeynta kor-joogista, ilaalinta iyo qiimeynta doorashooyinka. f) Wacyi gelinta cod-bixiyayaasha

6. Golaha Fulinta xisbigu wuxuu magacabaayaa guddiga xallinta cabashooyinka doorashooyinka.

Qodobka 49aad

Doorashada iyo codaynta Golayaasha xisbiga. 1. Doorashooyinka golayaasha Xisbiga waxa ay dhacayaan afartii sanaba mar, iyada oo

xilka guddoomiyenimada Gudoonka xisbiga, kan Golaha Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada aanan loo dooran kar in ka badan Laba Xilli oo isku xigta isla xilkaas.

2. Codka doorashooyinka Xisbiga gudihiisa ah wuxuu u dhacayaa qaab qarsoodi ah waxaana qaban qaabinaya gudi doorasho oo madaxbanaan oo uu soo magacaabo Guddiga Fulinta lagana ansixiyo Golaha Dhexe.

3. Doorashooyinka Xisbiga waxaa hagaya xeer gaara, oo uu ansaxiyo Golaha Dhexe.

Qodobka 50aad Codka Shir guddoonka

Haddii codadku barbardhac noqdaan shir gudoomiyahu wuxuu leeyahay cod dheeri ah.

Qodobka 51aad Tartanka Xubnaha Xisbiga

Waxaa reeban in xubin xisbiga ka tirsan uu galo tartan doorasho heer kasta ah iyada oo aaney sharixin golayaasha xisbiga.

Qodobka 52aad Guntanka Shirarka Xisbiga

Guntanka Shirarka xisbiga waxey ku qabsoomayaan kasoo qayb galka aqlabiyad hal dheeri ah (50%+1) tirada guud ee golaha kala bar tirada Golahaas marka laga reebo xaaladaha ku xusan Dastuurka xisbiga.

Qodobka 53aad Go’aan gaarista

Shirarka Xisbiga waxaa go’aanada lagu gaari karaa cod hal dheeri ah 50%+1 tirada guntanka shirka ee xaadirka ah, marka laga reebo go’aannada u baahan tira ka badan intaas ee ku xusan qeybaha Dastuurkan.

Page 19: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 19 of 26

Qodobka 54aad Dhaqaalaha Xisbiga

Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka waxa dhaqaale u ah si waafaqsan Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Lr. 19/2015:-

1. Qaadhaanka ay xibiyaan xubnaha ee joogtada ah; 2. Kharashka ka soo gala diwaangalinta xubinimada xisbiga. 3. Taageerada dhaqaale ee ay bixiyaan taageerayaasha xisbiga. 4. Taageerada dhaqaale ee ay dawladda federaalka Soomaliya si siman u siiso

xisbiyada siyaasadaa waafaqsan xeerka xisbiyada siyaasadda. 5. Wax soo saar kasta oo xisbigu la yimaad si waafaqsan xeerka xisbiyada

siyaasadda. 6. Dhaqaalaha iyo hantida xisbigu helo ee lagu helay si xeerka xisbiga iyo

xeerarka dalka waafaqsan waxay noqonaysaa hantida rasmiga ah ee xisbiga mana noqon karto hanti gaar ahaaneed.

Qodobka 55aad Maamulka Maaliyadda

1. Xisbigu wuxuu yeelanayaa hannaan maaliyadeed (Financial Procedures) oo ku dhisan hufnaan iyo islaxisaabtan wuxuuna diyaarinayaa:-

a. Habraaca dakhli xereynta iyo kharash bixinta b. Xisaab xir sanadeed. c. Tirakoob hantida guurtada ah iyo tan ma guurtada ah. d. Soo jeedinta iyo la socodka maalgashiga xisbiga.

2. Hanaanka maamulka maaliyadda xisbigu waxa ay noqonaysaa mid waafaqsan hanaanka maamulka maaliyadda dalka.

3. Hantida Guud ee xisbiga waxaa ka mas’uul ah: Guddoomiyaha, xogahayaha guud iyo xoghayaha maaliyadda u qaabilsan xisbiga.

Qodobka 56aad Hantidhowraha xisbiga

1.Xisbigu wuxuu yeelanayaa hantidhowr madax bannaan. 2.Golaha Fulinta ayaa magacaabaya xisaabiye leh xasaanad xisaabiye idman 3.Dhamaan xisaabaadka socda, xisaabaadka kaydsan, diiwaanada iyo

dokumintiyada waxa ay u furan yihiin xiliyada baaritaanka hantidhoraha 4.Hantidhowruhu wuxuu soo saarayaa una gudbinayaa warbixin xisaabeedka uu

xisaabiyay Golaha Fulinta. 5.Mushaaraadka iyo gunooyinka xafiiska hanti dhowrka waxaa ansixiniya Golaha

Fulinta. 6.Xisaabiyayaashu ma noqon karaan kuwo haya xafiisyo kale.

Qodobka 57aad

Xafiiska shaqaalaha xisbiga 1. Shaqaalaha xisbiga waxa maamulaya agaasime guud oo hoos imanya Xoghayaha

Guud ee xisbiga. 2. Xafiiskan wuxuu u qaybsamayaa agaasime waaxeedyo hoos imanaya agaasimaha

guud. 3. Howl-wadeenadan waxay mas’uul ka yihiin fulinta siyaasadaha iyo

barnaamijyada xisbiga, waxaana hagaya Xoghayaha Guud ee xisbiga

Page 20: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 20 of 26

4. Xafiiska shaqaalaha wuxuu si toos ah ula shaqeynayaa Xoghayaha Guud isagoo lix biloodba mar warbixin u gudbinaya Golaha Fulinta.

5. Fursadaha shaqaalaysiin ee xisbiga xafiisyadiisa ka soo baxa xubnaha xisbigu waa u siman yihiin u tartankooda.

6. Habka loo marayo shaqaalaynta hawl-wadeenada xafiisyada xisbigu waxey noqonaysaa sidatan:

A. Waxaa lagu soo daabacayaa shaqada banaan & shuruudaha aqooneed & waaya-aragnimo ee loo baahan yahay lagu soo daabacayaa wargaysyada xisbiga, bogagga internetka xisbiga, ogaysiisyo lagu dhajinayo xarumaha xisbiga.

B. Xubnaha danaynaya u tartanka shaqada banaan, waa in ay mudada loo cayimay ku soo gudbistaan araajidooda ka qeybgalka tartankaas ayagoo ku soo lifaaqaya wixii dokuminti ah ee laga dalbaday si dhammaystiran.

C. Kala saarista xubnaha soo gudbistay araajida shaqooyinka banaan waxey maraysaa kala shaandhayn ciddii shuruudaha soo buuxisay iyo kuwa aan soo buuxin

D. Guddi uu hogaaminayo xogahayaha guud ee xisbiga iyo xoghayahaasha xisbiga ee hawlwadeenadaasi ay la shaqayn doonaan ayaa bilaabaya waraysi la yeelashada (Interview) xubnaha u tartamaya shaqooyinka banaan.

E. Haddii loo baahdo xubnaha waraysi la yeelashada ku guulaysta, waxaa loo gudbinayaa imtixaan qoraal ah ama camali (practical) ah.

F. Guddiga ayaa go’aan ka gaaraya cidda ku guulaysatay tartankaas, ayagoo go’aanadooda ku gaaraya aqlabiyad.

G. Cidda ku guulaysata tartanka waxaa lagu daabacayaa dhammaan meelihii lagu daabacay ogaysiisyadii shaqada banaan.

CUTUBKA 5AAD

QODOBO QUBANE AH Qodobka 58aad

Guddiga Xallinta khilaafaadka

1. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka waxa uu yeelanayaa Guddi gaar ah oo madaxbanaan kaasoo qaabilsan xallinta khilaafaadka xisbiga dhexdiisaa.

2. Guddiga ku xusan faqrada 1aad ee qodobkan waxa loogu yeedhi doonaa Guddiga Xallinta Khilaafaadka Xisbiga.

3. Guddiga waxa lagu dooranayaa shirweynaha xisbiga, muddo xileedkooduna waa 4 sanadood.

4. Guddigu wuxuu ka kooban yahay 5 xubnood, oo iska dhex dooranaya guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye.

5. Hadii ay la soo gudboonaato khilaaf hay’ddaha kala duwan ee Xisbiga, Guddiga Xalinta Khilaafaadka wuxuu awood u leeyahay in uu soo fara geliyo go’aana ka gaadho khilaafkaas.

6. Sida ku cad Jadwelka 8-aad ee Xeerka Axsaabta, faqrada 9-aad, waajibaadka Guddiga Xalinta khilaafaadku wuxuu adkeynayaa, islama markaana xooggiisa oo dhan isugu geynayaa Wadajirka, wada shaqeynta, is walaalaysiga iyo Midnimada Xubnaha Xisbiga Dhexdiisa.

7. Saldhigga xallinta khilaafaadka xisbigu waa: dastuurka xisbiga, xeerarka kale ee xisbiga u degsan.

Page 21: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 21 of 26

Qodobka 59aad Waajibaadka Guddiga Xallinta Khilaafaadka

Guddiga Xalinta Khilaafaadka xisbiga UPD, Waxey Go’aan ka gaarayaan khilaafaadka arrimaha maamulka la xiriira sida:-

1) Khilaafaadka u Dhexeeya Xubnaha Xisbiga dhexooda.

2) Khifaadka u Dhexeeya Xubnaha qaar iyo Xisbigooda.

3) Muranka ka dhasha magacaabidda Musharaxiinta Doorashada ka hor.

4) Muranka ka dhasha Doorashada ama Magacaabista Hawlwadeenada

Xafiisyada Xisbiga.

5) Muranka ka Dhasha Hab qeybsiga Xilalka La’isu Magacaabo doorashada

kadib.

6) Muranka ka dhasha Maamulidda Maaliyadda iyo Hantida kale ee Xisbiga

UPD.

7) Muranka ka Dhasha Maamulidda Arrimaha Xisbiga UPD nooc kasta ay

yihiin.

Qodobka 60aad Habraaca Xallinta Khilaafaadka

1. Jihada ama xubnaha dacwada qaba waxey dacwadooda geynayaaan xafiiska guddiga

xallinta khilaafaadka

2. Dacwo kasta oo xafiiska la keeno waa la diiwaangalinayaa si rasmi ah.

3. Dhinaca dacwada keenay iyo dhinaca dacwada laga keenay waxaa la siinayaa muddo aan

ka badnayn 10 casho oo diyaar garow iyo baaritaan ah.

4. Guddiga xallinta khilaafaadku waxey xadidayaan taariikhda, goobta iyo goorta la galayo

dacwada, ayadoo lagu wargaklinayo dhinacyada ay dacwadu khusayso iyo marqaatiyaasha.

5. Dhagaysiga dacwada ka dib, guddigu wuxuu gaarayaa go’aankiisa qaab cod ah.

6. Haddii dhinacyada dacwadu ka dhexeyso mid ka mid ah uu ku qanci waayo go’aanka

guddiga, waxaa u furan in uu racfaan ka qaato go’aankii guddiga xallinta khilaafaadka

muddo 15 casho gudahood ah.

Qodobka 61aad Guddiga Racfaanka

1. Guddiga Racfaanku waa guddi madax-banaan oo uu soo dooranayo shirweynaha xisbiga

2. Wuxuu ka kooban Yahay 5 xubnood, oo kulankooda koowaad dhexdooda iska dooranaya;

guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye, muddo xileedku yahay 4 sanadood.

Qodobka 62aad Waajibaadka Guddiga Racfaanka

1. Wuxuu guddiga racfaanku go’aan ka gaarayaa dacwooyinka ka soo gudba guddiga xallinta

khilaafaadka iyo Guddiga Anshax marinta ee laga qaato racfaan.

2. Dhinacyada ay ka dhexeyso dacwooyinka racfaanka laga soo qaatay in loo cadaalad

sameeyo.

3. In hanaanka loo galayo dacwooyinka iyo arrimada guddigan loo keenay loo caddeeyo

dhinacyada dacwadu ka dhexeyso.

Page 22: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 22 of 26

Qodobka 63aad Habraaca Guddiga Racfaanka

1. Xafiiska guddiga ayaa la gaynayaa dacwada racfaanka laga qaadanayo, guddiguna wuxuu

mudayanayaa taariikhda, goobta iyo goorta la galayo dacwada racfaanka laga qaatay.

2. Guddigu weydiisanayaa dhammaan labada guddi ee xallinta khilaafaadka iyo Anshax

marinta galalka dacwooyinka racfaanka laga soo qaatay oo dhammaystiran.

3. Guddiga Racfaanku Marka uu dhagaysto dacwadaha, waqti ku filan dhinacyadu dacwadu

ka dhexeyso, wuxuu gaarayaa go’aanadiisa,

4. Guddigu wuxuu go’aanadiisa ku gaarayaa haddii loo baahdo codayn iyo aqlabiyad

5. Go’aanka guddiga racfaanku waa midka kama dambaysta ee xisbigu aqoonsan yahay.

6. Ciddii ayadu ku qanci wayda go’aanka guddiga racfaanka, waxaa u furan maxkamadaha

dalka inuu aado.

Qodobka 64aad

Guddiga Anshax marinta Xisbiga 1. Guddiga Anshax marintu waa guddi madax-banaan oo uu soo dooranayo

shirweynaha xisbiga 2. Wuxuu ka kooban Yahay 5 xubnood, oo kulankooda koowaad dhexdooda iska

dooranaya; guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye, muddo xileedkoodu waa 4 sanadood.

Qodobka 65aad Waajibaadka Guddiga Anshax marinta

1. Guddiga Anshax marinta hawlihiisa ugu muhiimsan waxaa ka mid noqonaya: falalka mudan anshax marinta iyo ciqaabaha anshax marinta.

2. Kaydinta faylashada xubnaha xisbiga ee la anshax mariyo. 3. Go’aan ka gaariska dacwadaha anshax marinta ah ee xisbiga xubnihiisa. 4. Shaacinta go’aanada guddiga anshax marinta dhammaan xarumaha iyo

warbaahinta xisbiga. Qodobka 66aad

Habraaca Anshax Marinta 1. Xafiisyada xisbiga ee kala duwan ama xubin/xubno ayaa xafiiska anshax

marinta u soo gudbin kara dacwad la xiriirta ansharx marin. 2. Guddiga Anshax marintu wuxuu qaadanayaa waqti aan badnayn oo ku filan

kaasoo uu baaritaan iyo waraysiyo la xiriira qaddiyadda anshax ee loo soo gudbiyey ku soo sameeyo.

3. Cidda laga soo gudbiyey arrinta anshax marin la xiriirta, guddigu wuxuu ogaysiinayaa isla markaana siinayaa waqti ay qaddiyada lagu haysto uga soo jawaabto.

4. Guddiga Anshaxu wuxuu xadidayaa taariikh, goor iyo goobta ay dhacayso dacwada anshax marinta, ayadoo la soo dhamaystirayo caddaymaha la xiriira arrintaas & marqaatiyaasha

5. Guddigu wuxuu go’aanadiisa anshax marinta ku gaarayaa qaab codayn ah. 6. Go’aanada guddiga anshax-marinta waxaa racfaan looga qaadan karaa 15

casho gudahood ah 7. Guddiga racfaanka, waajibaadkiisa iyo habraaca hawlihiisa loo maro waa sida

ku xusan qodobada: 61, 62 & 63-aad ee dastuurka xisbiga.

Page 23: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 23 of 26

Qodobka 67aad

Falalka Mudan Anshaxmarinta 1. Xisbigu waxa uu yeelanayaa nidaam anshaxmarineed oo xubnaha xisbiga lagu

anshaxmariyo lagulana xisaabtamo. 2. Xaaladahan hoos ku qoran waxa ay keenayaan anshaxmarin:-

a. Jabinta xeerka xisbiga; b. Ka hor imaanshaha barnaamujka iyo mabaadida xisbiga c. U hogaansanana la’aanta xeerarka iyo siyaasadda xisbiga d. Dayacaadda hantida xisbiga e. Faafinta siraha gaarka ah ee xisbiga iyo f. Wax kasta oo liddi ku ah danaha xisbiga.

3. Go’aamada anshax marinta ee xubnaha xisbiga waxa iska leh Guddiga Anshaxmarinta xisbiga ee ku xusan qodobka 61aad,

4. Xubin kasta oo loo haysto gef ka dhan ah xisbiga oo la rabo in anshaxmarin la saaro waa in dacwada loo haysto qoraal lagu siiyaa ugu yaraan todobaad ka hor inta aanay Guddiga Anshaxmarinta u fadhiisan qaadista dacwadeeda.

Qodobka 68aad

Ciqaabaha anshaxmarinta a) Canaan qoraal ah; b) Digniin qoraal ah; c) Ganaax lacageed; d) In lagala noqdo xubinta abaal marin xisbigu hore u siiya; iyo e) In guddiga Khilaafaadka loo gudbiyo si go’aanka xubin kala noqoshada

looga gaaro.

Qodobka 69aad Ilaalinta Xuquuqda & Ku dhaqanka Dimuqraadiyadda.

1. Haweenka soomaaliyeed waxay u yihiin lafdhabar aan la’aantood la dhaqaaqi

karin hawlaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, ayadoo xoog weyn lagu bixinayo in haweenka loo diyaariyo ka qeybgalka siyaasadda dalka.

2. Xisbigu wuxuu taageero dhinac kasta ah siinayaa ururada dumarka iyo kuwa bulshada rayidka ah ee ay dumarku hogaamiyaan ee ka shaqeynaya horumarinta dumarka iyo ilaalinta dhaqanka wanaagsan ee haweeneyda Soomaaliyeed ay xambaarsan tahey.

3. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka waxey u tahay mabda’ ilaalinta dowrka Haweenka Soomaaliyeed iyo Dadka deegaamo looga tira badan yahay deggan, ayadoo qeybahaas tixgalin gaar laga siinayo hawl wadeenada iyo shaqaalaha xisbiga dhexdiisa.

4. Haweenku waxey yeelanayaan qoondo ahaan Saamiga 30% ee shaqaalaha iyo hawlwadeenada Xisbiga iyo Golayaashiisaba.

Qodobka 70aad Xafiiska Mutadawiciinta Xisbiga.

1. Waxaa jiri doona nidaam iyo qorshe ballaaran oo xisbigu uga faa’idaysanayo awoodda, aqoonta iyo waaya-aragnimada xubnaha guud ee xisbiga.

Page 24: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 24 of 26

2. Xisbiga UPD Wuxuu Yeelanayaa Xafiis Qaabilsan mutadawiciinta diyaarka u ah hawsha xisbiga waxa ay doontaba ha noqotee, kaasoo hoos imaanaya xafiiska xoghayaha guud.

3. Mutadawiciinta (Isxil-qaamayaash) waxaa xisbigu u tababari doonaa hawlaha gaarka ah ee loo dirayo.

4. Mutadawiciinta waqtiga ugu badan ee xisbigu u baahnaanayo waa xilliyada doorashooyinka iyo ololaheeduba ay socdaan, taasoo keenaysa in Xafiiska qaabilsan oo sii diiwaangaliyo mutadawiciinta kala duwan, cinwaanadooda iyo goobaha iyo gobolada ay ku kala sugan yihiin.

5. Xafiiska Maamulaya mutadawiciinta wuxuu yeelanaya agaasime iyo agaasime waaxeedyo oo hoos imaan doona xafiiska shaqaalaha

6. Mutadaciinta xisbigu waxay mas’uul ka noqonayaan fulinta hawlaha loo tababaray ee xisbigu u xilsaartay oo kaliya, ayadoo uu hagayo Xoghayaha Guud ee xisbiga

7. Xafiiska mutawiciintu wuxuu lixdii biloodba mar warbixin dhammaystiran u soo gudbinaya Xoghayaha Guud oo asaguna warbixin arrintaas la xiriirta u gudbin doona Golaha Fulinta.

8. Mutawiciinta hawlo gaar ah loo xilsaaray marka hawshoodu dhamaato, waxaa loo qabanqaabinayaa munaasabado lagu dhiiragalinayo isla markaana lagu guddoonsiinayo abaalmarinno hawlkarnimo.

Qodobka 71aad Habka Xisbi ku Biiridda Ama Isbaheysi Xisbiyo Kale.

1. In Xisbigu ku Biiro Xisbi kale ama Isbaheysi uu la galo Xisbiyo kale, Waxey ku imaan kartaa xaaladaha soo socda;

a. Xisbiga oo u baahda aqlibiyad kuraas Barlamaan, si uu xukuumad u soo dhiso.

b. Xisbiga oo u arka in uu u baahan yahey isbaheysi si loo meel mariyo fekrado uusan keligii ku filleyn.

c. Haddii uu Xisbigu waayo ama arko in uusan heysan xubno ku fillan si uu u noqdo Xisbi kumeel gaarka ka gudba oo u gudba Xisbi rasmi ah.

2. Dhamaan Qodobada ku Xusan faqrada (1) ee Isla Qodobkan Waxaa Soo Jeedin kara Hoggaanka sare ee Xisbiga ama ugu yaraan 3 sadex Xubnood oo xilal muhiim ah u haya Xisbiga kana mid ah guddiga fulinta.

3. Dhamaan Soo Jeedinta Qodobadan Waxaa ansixinaya Iiskuna raacaya xubnaha Guddiga Fulinta saddex meelood labo (2/3), ayadoo go’aankaas loo gudbinayo Golaha Dhexe si uu u ansixiyo.

4. Wuxuu ansax noqonayaa heshiiska la midowga xisbi kale, marka ay ku ogolaadaan 2/3 xubnaha Golaha dhexe ee soo xaadiray fadhiga.

Qodobka 72aad. Xasaanadda iyo Saxiixa Idman ee Saraakiisha Xisbiga.

Guddoomiyaha xisbiga, iyo ku xigeenadiisa, iyo xogahaya guud, waxey yeelanayaan xasaanad iyo saxiix idman oo la xiriira hawlahooda xisbiga dhexdiisa.

Page 25: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 25 of 26

Qodobka 73aad. Dokumentiyada Siyaasadeed ee Xisbigu Soo Saaro.

1. Dokumentiyada siyaasadeed ee xisbiga waxaa loola jeedaa: Dastuurka Xisbiga, Barnaamijka Xisbiga, xeerarka kala duwan ee xisbiga, heshiisyada Xisbiga, barnaamijyada doorashooyinka xisbga, qorshayaasha iyo istiraatiijadda xisbiga.

2. Dokumentiyada siyaasadeed ee xisbigu soo saaro waxey lahaanayaan tixraac iyo taariikh.

3. Dokumenti kasta oo siyaasadeed oo kaydka arkiifiyada xisbiga galaya waa in uu lahaado saxiixa Gudoomiyaha xisbiga iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga.

4. Ururinta, ilaalinta & diyaarinta documentiyada siyaasadeed ee xisbigu soo saaro waxaa u xilsaaran Xoghayaha Guud ee xisbiga.

Qodobka 74aad Wax ka baddalka Dastuurka Xisbiga

1. Dastuurka Xisbiga markii la ansixiyo ka dib, Guddiga fulinta ayaa soo jeedinaya

qodobada wax laga bedelayo ama lagu soo kordhinayo, ayagoo u gudbinaya golaha dhexe ee xisbiga.

2. Golaha Dhexe ee Xisbiga fadhiyadiisa caadiga ah ayuu uga doodayaa wax ka bedelkii fdastuurka ee guddiga fulintu u soo gudbiyey.

3. Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyey waxey ansax noqonayaan marka golaha dhexe saddex meelood laba (2/3) tirada guud ee xubnahihiisu ay ansixiyaan, Isla markaana uu saxiixo guddoomiyaha golaha dhexe ama cidda matalaysa haddii uu maqan yahay.

Qodobka 75aad Kala Dirista Xisbiga

1. Jiritaanka Xisbiga: xisbigu wuxuu jirayaa inta uu ka Shaqaynayo mabaadii’da iyo ujeedooyinkii loo aasaasay.

2. Jiritaanka iyo Mustaqbalka Siyaasadeed ee Xisbiga waxaa go’aan looga gaadhi karaa sidan;

a. Golaha Fulinta ayaa ansixinaya soo jeedin hordhac ah iyadoo loo diyaarinayo shirweyne gaar ah oo heer qaran, Xoghayaha Guud wuxuu ku soo saarayaa ugu yaraan labo (2) warbaahin oo ka howlgala Gudaha Soomaaliya.

b. Xisbiga waxaa jiritaankiisa siyasadeed go’aan looga gaadhi karaa shirweyne isku raaca go’aanka kama dambaysta ah saddex meelood laba (2/3) hantida xisbigana waxaa go’aan ka gaaraya Shirweynaha Xisbiga.

c. Ogeysiiska lagu soo saarayo warbaahinta waa in loo diraa qaraal ahaan dhamaan hay’adaha xisbiga heerkasta.

d. Haddii Shirweynaha gaarka ah lagu ansixiyo in xisbiga jiritaankiisa siyaasadeed la kala diro, Golaha Fulinta ayaa go’aaminaya waqtiga iyo qaabka ay ku sii joogayaan saraakiisha muhiimka u ah meel ku ogaanshaha hantida xisbiga iyadoo muddadaas aanay ka badnayn sagaashan (90) maalmood.

3. Hantida xisbiga marka la kala diro ka dib, waxey noqonaysaa hanti qaran.

Qodobka 76aad

Page 26: Bogga 1 of 26 - UPD UPD .pdf · 1. Ansixinta xeerka iyo barnaamijka hoggaaminta siyaasadeed ee xisbiga iyo warbixinnada iyo go’aamada ay usoo gudbiyaan Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta.

Bogga 26 of 26

Xeerarka Xisbiga & Qorshaha

1. Xeerhoosaadyada Xisbiga: Xisbigu wuxuu yeelanayaa xeer hoosaadyo sida: guddiga

fulinta, shirweynaha, faracyada xisbiga ee dawlad goboleedyada, maamulka maaliyadda,

xubinnimada, anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo habraaca doorashooyinka xisbiga iwm.

2. Istaraatejiyada Xisbiga: Xisbigu wuxuu yeelanayaa: istaraatijiyad iyo qorshe sanadeed

heer qaran iyo heer dowlad-goboleedba ah.

Qodobka 77aad

Ansixin iyo Dhaqangal Dastuurka Xisbiga wuxuu ku ansaxayaa ogolaanshaha saddex meelood labo (2/3) tirada guud ee xubnaha Shirweynaha sidaas ayuuna ku dhaqangalayaa isla marka la ansixiyaba.