wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

30
WASAARADDA WAXBARASHADDA IYO TACLIINTA SARE EE DAWLADDA PUNTLAND WAXQABADKII WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE MUDADII SAGAALKA BILOOD (FEBRAAYO – OKTOOBER,2014) EE LA SOO DHAAFAY NOVEMBER, 2014

Transcript of wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Page 1: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

WASAARADDA WAXBARASHADDA IYO TACLIINTA SARE EE DAWLADDA PUNTLAND

WAXQABADKII WASAARADDA WAXBARASHADA IYO TACLIINTA SARE MUDADII SAGAALKABILOOD (FEBRAAYO – OKTOOBER,2014)

EE LA SOO DHAAFAY

NOVEMBER, 2014

Page 2: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 2

ContentsWarbixinta oo faah faahsan waxaad ka heli doontaan qoraalka hoos ku qoran. ....................................... 3

1. Hirgelinta Shirkii dib-u-eegista Waxbarashada (Joint Review Education Sector, JRES)....................... 4

2. Tababarka Macalimiinta................................................................................................................... 5

3. Imtixaanaadka Dugsiyadda Hoose/Dhexe iyo Dugsiyadda Sare ........................................................ 7

4. Tacliinta Sare ee Puntland.............................................................................................................. 10

5. Manhajka Dugsiyadda Hoose/Dhexe.............................................................................................. 14

6. Waxbarashadda Farsamadda Gacanta ........................................................................................... 14

7. Waxbarashada Tooska ah .............................................................................................................. 15

8. Waxbarashada Dadban.................................................................................................................. 17

9. Dhismayaasha iyo dayactirka goobaha waxbarashada.................................................................... 17

10. Maamulka Waxbarashada ee heer gobol iyo degmo. ................................................................. 20

11. Fullinta Xeerka Canshuur Bixinta Ee Puntland ............................................................................ 21

12. Waaxda Taya-dhowrka waxbarashada ....................................................................................... 22

13. Dejinta Siyaasadaha iyo Qorshayaasha Waxbarashada............................................................... 24

14. Waaxda Shaqadda iyo Shaqaallaha ............................................................................................ 26

15. Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaarada Waxbarashada…………………………………………….28

16. Horumarinta Waxbarashada Gabdhaha ………………………………………………………………..……29

17. Madbacadda ………………………………………………………………………………………………………………………….. 30

Page 3: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 3

Ku: Golaha Wakiiladda Ee Dawladda Puntland

Og: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda & Tacliinta Sare

Og: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda & Tacliinta Sare

Og: Waaxyaha Kala Duwan Ee Wasaaradda Waxbarashadda & Tacliinta Sare

Ujeedo: Warbixinta Waxqabadkii Wasaaradda (Febraayo – October, 2014)

Hordhac

Wasaaradda Waxbarashada Waxaa la asaasay sannadku markuu ahaa 1998. Wasaaraddu waxaysoo martay marxalado kala duwan. Wasaaraddu waxay ka kooban tahay 9 waaxood iyo 4qaybood. Tirada shaqaalaha ee wasaaradda ayaa ah 172 qof oo ka hawl gala xarunta dhexe eeWasaaradda, heer gobol iyo heer degmo, sidoo kale waxaa Payroll-ka Dawladda ku jiraMacallimiin tiradoodu dhan tahay 1,248. Goobaha Waxbarasho ee wasaaraddu maamusho ayaagaaraya ilaa 915 goobood, kuwaas oo isugu jira dugsiyo Hoose/Dhexe,Sare,Farsamadagacanta,waxbarashada dadban iyo tacliinta sare. Tirada Macalimiinta wax ka dhiga goobahawaxbarashada Puntland waxay dhan tahay 4,481 macalin. Halka tirada ardayda wax ka bartadhammaan xarumaha waxbarashada Puntland ay yihiin 167,338 arday (Xogta Waxbarashadda,2013).

Dhawaan waxaa la badelay macagii wasaaradda ka dib markii lagu soo siyaadiyay Tacliinta Sare.Sidaas darteed, wuxuu magacii wasaaraddu noqday Wasaaradda Waxbarashada iyo TacliintaSare.

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare waxa ay halkaan ku soo gudbinaysaawaxqabadkii ay qabatay mudooyinkii u danbeyay. Wasaaraddu waxay wax ka qabatay qaybahakala duwan ee waxbarashaddu ka kooban tahay.

Warbixinta oo faah faahsan waxaad ka heli doontaan qoraalka hoos ku qoran.

Mahadsanidiin

Page 4: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 4

1. Hirgelinta Shirkii dib-u-eegista Waxbarashada (Joint Review Education Sector, JRES)

Wasaaradu waxay qabatay shir weynihii dib-u-eegista waxbarashada Puntland oo kutaariikhaysnaa 26-27 Febraayo, 2014. Shirkaas waxaa ka soo qayb-galay bah-weyntawaxbarashada iyo haya'adaha kala duwan ee waxbarashada ka shaqeeya. Ujeedooyinkashirkaas ayaa ahaa;

In dib loo eego heerka waxbarashada ee dalka. In la ogaado sidii loo fuliyey Qorshihii Waxbarashadda (Education Sector Strategic Plan,

2012-2016) ee Sanadihii la soo dhaafay. In la ogaado caqabadaha hortaagan hormarinta waxbarashada Puntland. In la dejiyo qorshe hawleedka waxbarasho ee dalka sanadka 2014.

Qodobadii ka soo baxay shirkaas ayaa noqday Qorshe-hawleedkii ay Wasaaradu ku hawlgelilahayd sanadka 2014, waxaana ka mid ahaa;

In tababarka macalimiinta kor loo qaado iyadoo lagu amrayo mashruuc walba in uutababaridda macalimiinta muhiimad gaar ah siiyo.

In la dejiyo lana mideeyo Manhajka Dugsiyada Hoose/Dhexe. In la siyaadiyo dhismayaasha fasalada/Dugsiyada, si loo kordhiyo tirada ardayda. In la qaado talaabooyin lagu hormarinaayo, laguna hagaajinayo xarumaha

Waxbarashada Farsamada Gacanta si loo helo dad xirfadlayaal ah. In la asaaso Gudiga Tacliinta Sare (Higher Education Commission) si loo hormariyo

Tacliinta Sare. In la baahiyo waxbarashadda meelaha fog-fog isla markaasna waxbarashada reer

guuraaga la hirgeliyo.

Madaxda Wasaaradda iyo Wafdigii Midowga Yurub ee Shirka Madaxweyne ku xigeenka Dawlada Puntland oo daaf furay shirkaka qayb galayay

Page 5: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 5

Kasoo qaybgalayaashii shirkii dib u eegista waxbarashadda Koox ka mid ah ka soo qayb galayaashii shirka oo kaPuntland. munaaqashoonaya sidii waxbarashada loo hormarin lahaa.

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare, iyada oo ka duulaysa qodobada kor ku xusanayay mudooyinkii la soo dhaafay waxay wax ka qabatay arrimaha soo socda;

2. Tababarka Macalimiinta

Tababarrada ay Wasaaraddu qabatay sanadkaan oo ay ka faa’idaysteen 907 qof waxay udhaceen sidaan;

Waxaa la tababaray 81 Maamule iyo Maamule ku xigeen oo ka kala socda D/sare eePuntland.

Waxaa sidoo kale la tababaray 112 Macallin oo wax ka dhiga xarumaha waxbarashadadadban.

Waxaa la tababaray 135 Macallin oo dumar ah. Waxaa la tababaray 136 Macallin oo loo diyaarinayo Macallinnimo (Pre-service). Waxaa la tababaray 349 Macallin oo xilliga xagaaga la tababaray (In-service). Waxaa iyana ka faa’idaystay 37 Maamule ee Dugsi H/Dhexe. Waxaa kaloo la tababaray 57 Shaqaalaha Goballada.

Page 6: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 6

Qayb ka mid ah macalimiintii dugsiyada sare kuwaas oo ay Macalimiinta waxbarashadda dadban oo tababar ka qayb qaataywasaaradu tababartay

Qayb ka mid ah macalimiinta dumarka ahaa ee la tababaray. Qayb ka mid ah macalimiinta dumarka ahaa ee la tababaray.

Tababarka macalimiinta dugsiyada hoose/dhexe Tababarka macalimiinta dugsiyada hoose/dhexe

Page 7: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 7

3. Imtixaanaadka Dugsiyadda Hoose/Dhexe iyo Dugsiyadda Sare

Sannadkaan waxaa imtixaanka kama dambaysta ah u diyaar noqday arday tiradoodudhan tahay 9,271 arday oo isugu jira ardayda Fasalka 8aad ee dugsiyadda Dhexe iyoFasalka 12aad ee dugsiyadda sare.

Waxaa imtixaankii Dugsiyadda Sare (fasalka 12aad) u fariistay 2,560 arday. Waxaa gudbay 2,458 arday Waxaa dhacay 60 arday Waxaa maqnaaday 42

XOG KOOBAN EE IMTIXAANAADKA GOBALADA IYO DEGMOOYINKA EE FASALKA 12aad

Page 8: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 8

Waxaa imtixaankii Dugsiyadda Dhexe (fasalka 8aad) u fariistay 6,711 arday Waxaa gudbay 6,007 arday Waxaa dhacay 617 Waxaa maqnaaday 87

Waxaa Wasaaraddu Imtixaan ka qaaday Askar loo dirayey tababar dibada ah. Waxaa Imtixaanka u Fariistay 85 Askari. Waxaa Baasay 75 Askari. Waxaa Dhacay 10 Askari.

Waxaa Wasaaraddu dadaal badan u gashay kuna guulaysatay in shahaadada Puntland lagaAqoonsado Caalamka.

Wafdigii raadinta deeqaha waxbarasho iyo aqoonsiga shahaadada ee dalka Suudaan

Page 9: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 9

Sanadkan Wasaaraddu waxay hirgelisay hab casri ah oo u fududeynaya ardayga ama waalidkasidii ay u ogaan lahaayeen natiijada uu helay iyaga oo isticmaalaya teleefoonkooda gacanta.

Waxaa Wasaaraddu Hirgelisay aqoonsiyada Imtixaanada lagu fariisto oo Elektoroonik ah Sida; Aqoonsiga Ardayga iyo Shahaadada ee Fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe. Aqoonsiga Ardayga iyo Shahaadada ee Fasalka 12aad ee Dugsiga Sare. Aqoonsiga Ardayda iyo Shahaadada ee Dugsiyada Farsamada Gacanta.

TUSAALE.SHAHAADADA ARDAYGA

AQOONSIGA ARDAYGA

Wasiir ku xigeenka waxbarashad oo kormeeraya imtixaanka Imtixaanka shahaadiga ah oo la dejinayo

Page 10: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 10

Madaxa imtixaanaadka Puntland oo ku dhawaaqay natiijada Imtixaankii oo la diyaariyay laguna wado in la gaarsiiyo xarumihiiimtixaanka shahaadiga ah

4. Tacliinta Sare ee Puntland

Horraantii Sannadkaan waxay Wasaaraddu Magacowday Guddiga Tacliinta Sare oo ka kooban 7Xubnood. Guddigu waxay kala yihiin sida soo socota;

2 Xubnood ka socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. 3 Xubnood oo ka Socda Jaamacadaha Puntland. Iyo 2 Khabiir oo ka socda Jaamacada VU-Amsterdam iyo Mac-hadka Xiriirka

Caalamiga ah CIS ee dalka Holand.Guddigaan Farsamo mudadii ay jireen waxay si wadajira u diyaariyeen:

1. Siyaasadda Tacliinta Sare ee Puntland oo hadda Soomaali lagu tarjumayo si GolayaashaDawladda loogu gudbiyo.

2. Qaab-dhismeedka Guddiga Tacliinta Sare, kaasoo uu magacaabi doono Madaxweynuhudhamaadka sannadka 2014 haddii Alle idmo.

3. Xeerka Waxbarashada Sare hagi doona oo hadda sharci yaqaano gacanta ku hayaan,lana soo gabagabayn doono dhammaadka Bishan November 2014.

4. Waxaa Jaamacadaha loo qabtay 4 tababar oo mid ka mid ah lagu qabtay dalka Kenya,dhammaantoodna waxaa loogu talagalay tayaynta iyo kobcinta Tacliinta Sare eePuntland, sidoo kale waxaa Jaamacadaha loo qabtay kulamo dhowr ah oo ayWasaaraddu soo abaabushay.

5. Waxaa dhammaan Jaamacadaha loo Sameeyey Qaybta Taya-dhawrka Jaamacadaha(Internal Quality Assurance Unit).

6. Wasaaradda oo kaashaneysa Qurbajoogta Maraykanka reer Puntland iyo Jaamacada VU-Amsterdam, waxay bisha December hirgelinaysaa Maktabado iyo Internet xawaarihiisusareeyo oo laga hirgelinayo dhammaan Jaamacadaha Puntland iyo WasaaraddaWaxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Page 11: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 11

7. Waxaa la diyaariyey aalad xog aruurineed, waxaana xogtooda la soo uruuriyeyJaamacadaha Puntland iyo Macaahida Waxbarashada Sare ee Puntland.

8. Waxaa la diyaariyey shuruudihii iyo xeerarkii ay raaci lahaayeen dhammaanJaamacadaha dalka ka jira iyo kuwa ku soo kordhi doona mustaqbalka.

9. Waxaa wasaaraddu qabatay tababaro gudaha iyo dibadaba ah oo kor loogu qaadayoxirfadaha iyo tayada macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadaha Puntland.

10. Waxaa Wasaaraddu deeq waxbarasho u heshay Arday dhan 257 oo kala ah sidan;

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay Magacowday Guddiga MaamuliddaDeeqaha Waxbarashada. Guddigaas oo ka kooban 5 xubnood, wuxuu raacaa shuruudaha soosocda.

SHURUUDAHA DEEQAHA DIBADA.- Waxaa Ardayda loo soo xulaa sida ay u kala buundo badan yihiin.- Kuliyadaha waxaa loogu kala dooraa sida ardaydu u kala sareeyaan.- 50-ka Arday ee ugu saraysa imtixaanka shahaadiga ah waxaa loo soo bandhigaa

wadamada deeqaha laga helay, markaas ayey doortaan wadanka ay rabaan.- Ardaygii ka tanaasula deeq loo helay waxaa lagu bedelaa ardayga buundo ahaan ku

xigay ee diyaarka ah.- 3-da Arday ee ugu sareeya imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland, waxay

wasaaraddu ka bixisaa dhammaan kharashaadka safarka.

Fiiro Gaar ah: dhammaan magacyada ardayda iyo meelaha ay ku kala qoran yihiin waxaad kadaalacan kartaan: Facebook: Puntland National Examination Board.

SHURUUDAHA DEEQAHA DALKA.- Waxaa lagu saleeyaa sida Ardaydu u kala buundo badan yihiin.- Waxaa tixgelin la siiyaa Ardayda ka soo baxday Dugsiyada meelaha fog-fog ku yaala.- Waxaa la tixgeliyaa Shaqaalaha wasaaradda Xarunta dhexe iyo Gobolada ee u baahan in

aqoontooda iyo tayadooda kor loo qaado.- Waxaa tixgelin la siiyaa Ardayda Agoonta iyo Danyarta ah.

Fiiro Gaar ah: Waxaa Wasaaraddu deeq waxbarasho asaasi ah siiyay 2,120 gabdhood.

TAX TIRADA ARDAYDA DEEQDA HESHAY WADANKA AY KA HESHAY.

1 11 Yemen

2 58 Sudan

3 50 Ethiopia

4 53 Iraq5 5 (Masters Degree) Russia6 80 Jaamacadaha Puntland

Wadarta 257

Page 12: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 12

Safarkii madaxda wasaaradda ay ku tageen Jaamacada Axfaad ee Wasiirka oo la kulmay Wasiirka Tacliinta Sare ee dalka Yemen.dalka Sudaan.

Wasiirka oo sagootiyay gabdhihii deeqda waxbarasho ka helay Gabdhihii oo la gudoonsiinayo dikumentiyadii ay ku geli lahaayeenJaamacada Axfaad ee dalka Suudaan dalka Suudaan.

Arday ka timid gobolada Puntland oo deeq waxbarasho ka helay Madaxda Wasaaradda oo sagootisay arday deeq waxbarasho kaJaamacadaha dalka gudihiisa ku yaal. Helay wadanka Yemen.

Page 13: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 13

Wasiirka oo kulan soo dhoweyn ah la qaatay macalimiintii ka Safarkii wasiirku uu ku tagay dalka Ethiopia.socday Jaamacada Nairobi (Univeristy of Nairobi), Kenya.

Kulankii Jaamacadaha dalka iyo gudiga farsamada ee Tacliinta Sare. Wasiirka oo la kulmay Wasiirka Tacliinta Sare ee dalka Ethiopia.

Madaxda Wasaarada oo la kulmay gudoomiyayaasha Khabiir ka socda Jaamacada VU-Amsterdam oo shirkii GudigaJaamacadaha dalka Farsamada ee Tacliinta Sare kasoo qayb galay.

Page 14: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 14

5. Manhajka Dugsiyadda Hoose/Dhexe

Wasaaraddu waxay magacawday guddi ka shaqeeya dejinta iyo hormarinta manhajka lagubarto dugsiyadda Hoose/Dhexe ee dalka.

Waxaa talooyin ku aadan Manhajka laga soo uruuriyay bulshadda qaybaheeda kala duwan eedhammaan gobolada iyo degmooyinka dalka. Intaas ka dib, waxaa la dejiyay qaab dhismeedkiiuu yeelan lahaa manhajku (Curriculum Framework). Waxaa sidoo kale la diyaariyay awoodihiilaga rabay ardayga marxalad kasta oo uu dhammaysto (Learning Outcomes). Manhajkaan ayaanoqonaya mid si fiican looga fiirsaday isla markaasna lagu salaynayo baahida waxbarasho eedalka.

Qorshaha dhow ee manhajka ayaa ah in la qaban doono shirweyne lagu soo bandhigayo qaabdhismeedka manhajka.

Koox hawleed lagu uruurinayo talooyin ku aadan manhajka Gudiga dejinta iyo hormarinta manhajka oo kulan yeeshaydugsiyada hoose/dhexe

6. Waxbarashadda Farsamadda Gacanta

Waaxda Barashadda Farsamada Gacanta waxay wacyi gelin ka samaysay sidii dhalinyaradu ugafaa'iideysan lahaayeen barnaamijyada ka baxa xarumaha farsamada gacanta ee ku kala yaalamagaalooyinka kala duwan ee Puntland.

Mudo kooban gudahood ayaa waxaa is diiwaan gelisay bartayaal tiradoodu gaarayso 1,000 -1,200 kuwaas oo ku kala sugan magaalooyinka, Galkacyo, Garowe, Bosaso, Qardho, Boocame,Dangorayo, Jariiban iyo Buurtinle. Mudada ay tababaranayaan waa 10 bilood.

Waxaa agabka lagu shaqaysto la siiyay 150 arday oo dhamaystay xirfado kala duwan si ay ugafaa’ideystaan agabkaas.

Page 15: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 15

Agabka kala duwan oo loo qaybiyay xarumaha farsamada Wasiir ku xigeenka Waxbarashada oo xariga ka jaray qayb cusub ooGacanta lagu barta. lagu soo kordhigay xarunta Garowe

Qaybo ka mid ah qalabka ay sameeyaan ardayda wax ka barata Wasiirka ku xigeenka waxbarashada oo shahaado gudoonsiiya middugsiyada farsamada gacanta ka mid ah ardaydii dhamaysatay waxbarashadii.

7. Waxbarashada Tooska ah

Waxaa la daabacay lana diyaariyay 10,000 oo nuqul oo ah Diiwaanka Fasalka. Qaybintadiiwaanka fasalka waxaa la gaarsiiyay goobaha waxbarashada ee dalka.

Waxaa la siyaadiyay tirada dugsiyada uu ka socdo barnaamijka quudinta ardayda (SchoolFeeding). Halkii tiradoodu horay u ahaan jirtay 140, lana gaarsiiyay 170 dugsi. Barnaamijkaanwaxaa ka faa’iidaysta tira dhan 58,000 oo arday ah. Barnaamijkaani wuxuu yareeyay tiradaardayda ka harta waxbarashada 94%.Shaxdan hoose waxay muujinaysaa tirada ardayda ka faa’iideysata ee goboladda.

Page 16: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 16

Kororka ardayda ka faa’iidaysta barnamijka quudinta 2010-2014

0

100

200

300

2010 2011 2012 2013 2014

Boqo

lley

%

WiilalGabdho

Sidoo kale waxaa la qaybiyay 65 Computer oo la siiyay dugsiyada ku yaala degmooyinkaBuuhoodle, Dhahar, Bosaso, Galkacyo, Garowe iyo tuulada Jalam.

Waxaa la kordhiyay tirada macalimiinta la siiyo lacagta dhiiri gelinta ah ee lagu kabomushahaarka ay helaan, waxaana la gaarsiiyay 1,236 macalin.

Waxaa kaloo waaxdu wacyigalin iyo u qareemid u samaysay dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Gobolada Tirada ardayda

Bari, Karkar and Gardafu 16,500Mudug 12,600Nugal 12,450Sanaag iyo Hayland 8,350Sool 4,350Cayn 3,750Total 58,000

Page 17: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 17

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah oo diiwaanka Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Tooska ah oo diiwaankafasalka ku wareejinaya maamulaha dugsiga Shiikh Ibraahim fasalka ku wareejinaya maamulaha dugsiga Sare ee Bosaso.ShiikhIbraahim Abdalla ee degmada Ufeyn.

8. Waxbarashada Dadban

Dhanka Waxbarashada Dadban, wasaaradu waxay qeybisay 3,200 oo buug oo ah manhajkawaxbarashada dadban, waxaana la gaarsiiyay 86 xarumood oo ku kala yaal degmooyinka dalka.

Gudd. Waxbarashada Gobolka Mudug oo qaybinaya manhajka Waxbarashada Dadban

9. Dhismayaasha iyo dayactirka goobaha waxbarashada

Sannadkan Wasaaradu waxay dhistay 526 dhisme waxbarasho, faahfaahinteedana ka eeg jaantuska hoose;

Page 18: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Faahfaahinta Dhismayaasha

No. Gobolka

FasaloCusub

Dayactirfasalo

QolkaGabdhaha

Musqulocusub

DayactirMusqulo

Berkedcusub

DayactirBerked

XafiisCusub

DayactirXafiis

QolkaKombiyuuarka

Kuraas&Miisas

LaabkaSayniska Bakhaar Deyr

1 Mudug 45 46 4 22 10 6 3 1 1 21 1 12 Bari 24 37 6 17 11 3 2 1 2 1 13 2 43 Nugaal 44 23 2 10 19 2 2 1 4 22 14 Karkaar 16 3 11 1 145 Sanaag 9 1 14 2 1 1 1 7 16 Haylan 9 2 1 9 1 127 Sool 24 16 2 16 2 2 29 28 Cayn 13 8 2 7 1 1 1 5 3

Total 184 133 20 106 42 17 8 4 4 8 123 1 3 11

Page 19: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Dugsiyada farsamada gacanta waxaa loo dhisay 20 hool oo loogu talo galay in tababarka lagubixiyo.

Wasaarada waxbarashada oo fasalo cusub ka dhistay degmada Dhismahaan wasaaraddu waxay ku wareejisay Jamacada BarigaEyl Afrika ee degmada Qardho

Fasalo cusub oo kalu soo kordhiyay dugsiga Badey ee degmada Eyl Dhismaha lagu wareejiyay Jaamacada Bariga Afrika

Dugsiga farsamada gacanta Galkaio oo fasalo cusub lagu soo Iskuulka Umada Galkaio oo dayactir lagu sameeyay.Kordhiyay.

Page 20: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 20

Fasalo cusub oo loo dhisay dugsiyaga sare ee degmada Carmo. Wasiirka oo xariga ka jaray dugsiga cusub ee tuulada Jalam.

10. Maamulka Waxbarashada ee heer gobol iyo degmo.

Wasaaraddu waxay kor u qaadis ku samaysay tayada xafiisyada iyo shaqaalaha heer gobol iyodegmo. Waxaa tababaro kala duwan la siiyay 57 shaqaale oo heer gobol ah kuwaas oo isugu jiragudoomiyayaal, xisaabiyayaal iyo kormeerayaal heer gobol.

Wasaaraddu waxay gobolada gaarsiisay agabkii u sahli lahaa shaqaalaha gobolada eewaxbarashada in ay si habsami leh u gutaan wajibaadkooda shaqo. Ilaa 20 degmo ayaywasaaraddu waxay u qaybisay agab kala duwan.

Ku simihii Ag. Guud ee Waxbarashada oo agab ku wareejiyay Ku simihii Ag. Guud oo agab ku wareejiyay gudoomiyahagudoomiyayaasha degmooyinka waxbarashada deemada Eyl.

Page 21: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 21

Qaybo ka mid ah agabyadii la siiyay demooyinka Puntland Tababbaro kala duwan oo la siiyay shaqaalaha gobolada ee wasaaradaWaxbarashada iyo Tacliinta Sare

11. Fullinta Xeerka Canshuur Bixinta Ee Puntland

Wasaaraddu iyada oo fulinaysa go'aankii Dawlada Puntland ee ku saabsanaa canshuur bixinta,ayay waxay qaban qaabisay shir ay ka soo qayb galeen Wasaaradda Maaliyada iyo Haya'adahabah wadaagta la ah Wasaarada Waxbarashadda & Tacliinta Sare. Ujeedada shirkaas ayaa waxaay ahayd in Wasaaraddu ay fududeyso sidii haya'ada waxbarashada ka shaqeeya ay u bixinlahayeen canshuurta ku waajibtay, isla markaasna siin lahayd fursad ay Wasaarada Maaliyadduku soo ban dhigi lahayd habka xeerka canshuurtu yahay iyo xiliga uu hir galayo.

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliya oo shirka daah furay. Hayadihii kala duwanaa ee ka soo qayb shirkii canshuur bixinta.

Page 22: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 22

12. Waaxda Taya-dhowrka waxbarashada

Waxay Wasaaraddu dejisay qorshihii lagu kormeeri lahaa dugsiyadda dalka oo dhan si looilaaliyo tayada waxbarashada. Qorshahaas ayaa ku salaysan in sanad walba 6 Kormeer lagusameeyo goobaha waxbarashada iyada oo ay iska kaashanayaan xarunta dhexe ee wasaaraddaiyo xafiisyada gudoomiyayaasha waxbarashada ee gobolada iyo degmooyinka.

Waxaa tababaro la siiyay Guddoomiyayaasha Gobolada, Degmooyinka, iyo KormeeryaashaWaxbarashadda ee dhammaan Gobalada Puntland, waxaana la diyaariyay agabkii la isticmaalilahaa wakhtiga kormeerka lagu jiro.

Wasaaraddu waxay bilowday kormeerkii goobaha waxbarashada si loo ilaaliyo tayadawaxbarashada. Waaxda Kormeerka iyo Ilaalinta Tayada Waxbarashada ayaa kormeer kabilaabay Gobolada Karkaar iyo Bari. Ujeedada kormeerka ayaa ah in lagu ogaado hab sami usocodka waxbarashada ee heer gobol iyo reer degmo. Sidoo kale waxaa lagu ogaanayaa qaabkamacalimiintu casharada ugu gudbinayaan ardayda, xaaladaha nadaafadeed ee ka jira dugsiyada,habka loo maamulo iskuulada iyo dhammaan wax alle iyo ku la xiriira ilaalinta tayadawaxbarashada.

Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ka kooban 25 qof ayaakormeeray xarumaha waxbarasho ee gobolada Bari iyo Karkaar. Waxaana qorshuhu yahay in lakormeero gobolada kale ee harsan ka hor inta uusan sannadku dhammaan.

Waxaa kormeerkaan waheliyay qaybinta dikumintiyada hoos ku qoran;

Tilmaamaha ugu hooseeya ee laga rabo goob waxbarasho ( Minimum Standards foreducational institutions)

Hagaha hormarinta dugsiyada wadanka (National Guidelines for School Improvement)

Page 23: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 23

Wasiirka oo kulan la qaatay shaqaalaha waxbarashada Wasiirka oo kulan la qaatay macalimiinta wax ka bara midee gobolka Karkaar xili uu kormeerayey tayada waxbarashada. Ka mid ah dugsiyada sare ee ku yaal degmada Bosaso.

Khabiir ka tirsan wasaaradda oo qiimeynaya xaaladaha maamulka Agaasimaha Kormeerka iyo Ilaalinta Tayada Waxbarashada oowaxbarashada ee ka jira gobolka Karkaar kormeeraya dugsiga Farsamadda Gacanta ee Bosaso.

Wasiirka oo kulan la qaatay maamulaha dugsiga sare ee Bosaso, Wasiirka warbixino ka dhagaystay macalimiinta dugisga Imamu xiligiikormeerka gobolka Bari. Nawawi ee magalada Bosaso.

Page 24: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 24

13. Dejinta Siyaasadaha iyo Qorshayaasha Waxbarashada

Waaxda siyaasada iyo qorshaynta waxay hormuud ka ahayd dib u eegidii lagu sameeyayIstaraatiijiyadii Waxbarashada ee shanta sano (Education Sector Strategic Plan 2012-2016).Waaxdu iyada oo kaashanaysa waaxyaha kale duwan ee wasaarada ay dejisay istaariitiyadwaaqici ah, isla markaasna la fulin karo.

Sidoo kale Waaxdu waxay dib u eegis ku samaysay isla markaasna soo bandhigtay dhammaansiyaasadihii waxbarashada ee qabyo qoraalka ahaa. Waxaa ka mid ah siyaasadaha la diyaariyay;

Siyaasadda Macalimiinta Siyaasadda Ilaalinta Tayada Waxbarashada Shuruucda & Anshaxa Shaqaalaha Wasaarada Siyaasadda Waxbarashada Farsamada gacanta Siyaasadda Tacliinta Sare

Qaybta Nidaamka Maamulka xog uruurinta Waxbarshada ee (EMIS) Waxay qabatay waxyalahansoo socda:

Waxay ballarisay muggii (EMIS scope) xog urrurinta iyada oo lagu daray dhammaanqaybaha waxbarashad sida Tacliinta Sare, Waxbarashada dadban iyo Waxbarashadafarsamada Gacanta.

Waxay dib u eegid ku samaysay Waraystaha (Questionnaires) dugsiyada Hoose/Dhexeiyo kuwa Sare.

Waxay abuurtay Waraystayaasha (Questionnaires) Waxbarashada Dadban,Waxbarashada Farsamada Gacanta iyo Tacliinta Sare.

Waxay dood cilmiyeed (EMIS workshops) u qabatay 844 ka mid ah ShaqaalahaWasaarada sida GWG, GWD, Maamulyaasha dugsiyada Hoose/Dhexe, Sare,Waxbarshada dadban, Farsamada Gacanta iyo Tacliinta sare si loogu tababaro habbuuxinta Waraystayaasha taladoodana loogu daro si ay u noqdaan kuwa ka tarjumayduruufaha waxbarasho ee dalkeena.

Waxaa la dhameeyay oo la qaybiyey buuga tirakoobka sanadlaha ah (2013) ee NidaamkaMaamulka xog uruurinta waxbarashada (EMIS).

Page 25: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 25

Shir lagu soo bandhigay istaariijiyada waxbarashada Puntland ee dib Tababar la siiyay macalimiinta, maamulayaasha iyo gud.u eegista lagu sameeyay. waxabarashada sidii loo soo uruurin lahaa xogta waxbarashada

Qayb ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo ka qayb galay soo Agaasimaha Guud ee Waxbarasha oo ka warbixinaya faa’iidyooinkabadhigidii siyaasada shaqaalaha ay leedahay uruurinta iyo helitaanka xogta waxbarashada ee NFE.

Wasiirka Waxbarashada oo Furaya tababarkii loo qabtay Maamulayasha oo buuxinya Waraystaha kana tala bixinaya wixiiMaamulayasha Dugsiyada Sare. dari karo ama laga saari karo si uu noqdo mid ka tarjuma duruufta

dalkeena

Page 26: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 26

Madaxa EMIS oo ka warbixinaya wax loo isticmaalayo xogta la Wasiir ku xigeenka oo daah furaya tababar la siinayo GWG &aruurinayo iyo faaiidada ay u leedahay Waxbarashada si loo GWD kuna dhiirigalinaya in ay hubiyaan Xogta la soo uruurinayoQaato Go’aano. Dhab ahaaneed si ay uga soo baxaan natiijooyin ku salysan xaqiida

Waxbarsho ee ka jirta dalka.

Buugii Sanadka 2014 ee EMIS oo la daabacay Buugii Sanadka 2014 ee EMIS oo la qaybiyay

14. Waaxda Shaqadda iyo Shaqaallaha

Waaxda Shaqada iyo Shaqaaluhu waxay ku guuleystay:1. In ay qiimeyn guud ku samaysay baahida iyo awoodda fulineed ee waaxdu leedahay.

Meelihii xooga la saaray waxaa ka mid ahaa; Qaab-dhismeed ka wasaaradda. Istaraatiijidda Wasaaradda. Nidaamka iyo anshaxa shaqaalaha.

2. Diyaarinta Iyo Soo gudbinta Buuga shaqaalaha ( HR Manual) iyo Anshaxa ee wasaaradda Buuga Shaqaalaha (HR Manual). Anshaxa Shaqaalaha (Staff Code of Conduct). Dajinta Siyaasadda Xiriirka Wasaaradda (Communication Policy).

3. Diyaarinta Shaqo-Qeexidda Shaqaalaha Wasaaradda si loo helo shaqaale si fiican ufahansan ugana soo baxa waajibaadka ay umadda u hayaan.

4. Diyaarinta iyo Sameynta Qaab-dhismeedka Wasaaradda (MoE Structure), heer dhexe,heer Gobol iyo heer Degmaba.

Page 27: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 27

5. Kobcinta iyo kor u qaadida aqoonta iyo khibradda Shaqo ee shaqaalaha waaxda.

19. Waaxda Maamulka iyo Maaliyada ee Wasaarada Waxbarashada:Waxyaabaha u Qabsoomay Waaxda Maamulka ee Wasaarada Waxbarashada & Tacliinta sare:

Waaxdu waxy ku Guulaysatay Qiimayntii Hay’adaha Caalimiga ah (Deeq Bixiyeyaasha)EU, UN kuwaas oo Qiimaynayey Qaab xisaabeed Somalia si cadna u sheegeen inWasaarada waxabarashada Puntland ugu hor marsan tahay nidaam Xisaabeedka.

Waaxdu waxay ku shaqaysaa nidaam xisaabeedka Caalimiga ah ee (Automative financialAccounting System).

Shaqaalaha Waaxda ee heer Gobol iyo xaruntu waxay qaateen Tababaro xisaabeed uhawl yaraynaya maamul xisaabeedka.

Waaxdu waxay ku Guulaysatay Ilaalinta, Haynta, Dayactirka Hantida Wasaarada.

Sawiro ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo ka qayb galaysoobandhigidii Buuga shaqaalaha. Sawiro Ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda oo ka Qayb galay soo

bandhigidda Anshaxa Shaqaalaha.

Page 28: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 28

Horumarinta Waxbarashada Gabdhaha

Qaybtu waxay sannadkan qabatay arrimaha ay ka mid yihiin: Waxaa la sii socodsiiyay deeqaha waxbarasho ee AFPE waxaana ay sameeysay

habka lagu dabo-galo barnaamijkan Waxay Qeybtu ka qeyb-qaadatay Wacyi-galin baahsan ee Bulshada. Waxay ka qeyb-gashay barnaamijka ilaalinta Caruurta. Waxay sameysay barnaaijka baahinta waxbarashada Waxay shaqaalaysiisay hablo loo diyaarisay macallinimo. waxay shaqaalaysiisay hablo matali lahaa qeybta heer gobol Waxay soo aruurisay xog ku saabsan faquuqida hablaha Waxay qabatay tabobar socday 3 maalmood oo loo qabtay hablaha matala qeybta

ee gobolada Waxay diyaarisay tabobar ku saabsan xirfadaha nolosha oo loo qabtay 99 bare waxay tabobar u qabatay Guddiga waalidiinta dugsiyada Bender-beyla iyo Dhahar Waxay qeybtu sameeysay siyaasada Gender-ka oo qabyo ah.

Page 29: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 29

21. Madbacadda.

Madbacadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa ah qayb muhiim ah oo ka midah qaybaha wasaaradda, taasoo leh Qalab tayaysan iyo shaqaale xirfadlayaal ah oo u tababaranhawlaha kala duwan ee ay madbacaadu qabato, sida daabacaada/nakhshadaynta buugaagta iyodekumentiyada.

Madbacaddu sanadkaan waxay qabatay daabacaad buugaag iyo dekumentiyo kala ah sidan: Buugaagta Waxbarashada Dadban (Dadka waaweyn) Buugaagta Waxbarashada Sidkan (Dhallinyarada) Buugaagta Siyaasadaha Wasaaradda Waxbarashda sida

a. Qorshaha Shanta Sano ee Wasaaradda (English iyo Somali).b. Buugga Xog uruurinta Dugsiyada Waxbarashada Puntland 2012-2013.

Buugaagta Diiwaanka Fasalka. Buugga Diiwaanka Dugsiga. Foomamka Xog uruurinta Waxbarashada (Quesionare Papers) Buugaagta kaalmaynta Manaahijta (Soomaaliga iyo Xisaabta)

a. Buugaagta Sheekooyinka gaagaabanb. Buugaagta Suugaanta

Page 30: wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dawladda ...

Waxqabadkii Wasaarada Mudadii Sagaalka Bilood (Febraayo – Oktoobar, 2014) Page 30

Gabagabo

Halkaan waxaan ku soo gababaynayaa wax qabadkii nuxurka lahaa ee sagaalkii bilood ee lasoodhaafay ay fulisay Wasaaradda Waxbarashadda & Tacliinta Sare Ee Dawladda Puntland. Islamarkaasna waxay bulshada u balan qaadaysaa baahinta iyo tayaynta waxbarashada Puntland.

Mahadsanidiin,

Axmed Cabdi Cali ShireAgaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashadda & Tacliinta Sare