WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya...

8
AXAD 12 APRIL 2009 Caddadka 21aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY GAROWE, MADBACADDA HORYAAL AYAANA DAABACDAY INTERNET GSM SMS MASSAGE E-ADEEG OUR SERVICE OUR SERVICE Ilaysnewspaper Founder C/shakuur Mire Aadan Ilaysnewspaper Editor Omar Siciid Moh’ed E:- [email protected] EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 2AAD EEG BOGGA 7AAD Madaxweyne Faroole Iyo Khudbadii Jimcaha “ Maraakiibta Shisheeyuhu waxbay kala baxaan , waxna way ku shubaan Baddeena” Madaxweyne Faroole M adaxweynaha DGPL Mudane Cabdirax- maan Maxamed Faroole ayaa Salaadii Maalintii Ji- macaha ahayd waxaa uu kala qayb galay Shacabka Magaaladda Boosaaso is- aga oo kula Tukaday Mas- jidka Dacwa. Khudbadii salaada jima- caha ka dib ayaa madaxw- eynuhu waxaa uu la hadlay dadkii Masaajidka Dacwa ku Tukuday, waxaa uu ka hadlay hawlaha ay xuku- madiisu wado EEG BOGGA 2AAD Bosaso,10,April,2009 Sawirka Dhabta Ah Ee Dawladda Sheikh Shariif. “Cabdulaahi Yuusuf Haduu Itoobiyaan Keenay, Sheikh Shariifna Waxa Uu Bixiyey Dhulkii Soomaaliyeed’’ Wasiirkii Hore Ee A/Gudaha DFKMS Gacma dheere Oo Soo Gaaray Puntland. Madaxwayne Faroole, maxaad rabtaa in marka ugu horreeya Puntland ka qabto? Dagaalkii Ogaadeenya EEG BOGGA 6AAD Badda Somalia Oo Qarka U Saaran In Lala Wareego Cilmi-Baaris Ay Samaysay Somalitalk EEG BOGGA 4AAD Sheekh Cismaan Oo Xoriyadiisii Helay 12 Aprile: Maalinta Ciidanka Xooga dalka Somaliyeed. ILAYS EEG BOGGA 3AAD

Transcript of WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya...

Page 1: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibindaabyada ah ee ay la galeen Kenya. Dawladda

AXAD 12 APRIL 2009 Caddadka 21aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 Ssh

WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY GAROWE, MADBACADDA HORYAAL AYAANA DAABACDAY

INTERNETGSM

SMS MASSAGEE-ADEEG

OUR SERVICE OUR SERVICE

Ilaysnewspaper FounderC/shakuur Mire Aadan

Ilaysnewspaper EditorOmar Siciid Moh’ed

E:- [email protected]

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 2AAD

EEG BOGGA 7AAD

Madaxweyne Faroole Iyo Khudbadii Jimcaha

“ Maraakiibta Shisheeyuhu waxbay kala baxaan , waxna way ku shubaan Baddeena” Madaxweyne Faroole

Madaxweynaha DGPL Mudane Cabdirax-

maan Maxamed Faroole ayaa Salaadii Maalintii Ji-macaha ahayd waxaa uu kala qayb galay Shacabka Magaaladda Boosaaso is-aga oo kula Tukaday Mas-jidka Dacwa.

Khudbadii salaada jima-caha ka dib ayaa madaxw-eynuhu waxaa uu la hadlay dadkii Masaajidka Dacwa ku Tukuday, waxaa uu ka hadlay hawlaha ay xuku-madiisu wado

EEG BOGGA 2AAD

Bosaso,10,April,2009

Sawirka Dhabta Ah Ee Dawladda Sheikh Shariif.

“Cabdulaahi Yuusuf Haduu Itoobiyaan Keenay, Sheikh Shariifna Waxa Uu Bixiyey Dhulkii Soomaaliyeed’’

Wasiirkii Hore Ee A/Gudaha DFKMS Gacma dheere

Oo Soo Gaaray Puntland.

Madaxwayne Faroole, maxaad rabtaa in marka ugu horreeya Puntland

ka qabto?

Dagaalkii OgaadeenyaEEG BOGGA 6AAD

Badda Somalia Oo Qarka U Saaran In Lala Wareego

Cilmi-Baaris Ay Samaysay Somalitalk

EEG BOGGA 4AAD

Sheekh Cismaan Oo Xoriyadiisii Helay

12 Aprile: Maalinta Ciidanka Xooga

dalka Somaliyeed.

Caddadka 21aad Caddadka 21aad, Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000 , Tell:-90712246/66712246 Email:[email protected] Q:-6000

Ilaysnewspaper FounderIlaysnewspaper FounderIlaysnewspaper FounderIlaysnewspaper FounderC/shakuur Mire Aadan

Ilaysnewspaper EditorOmar Siciid Moh’ed

E:- [email protected]:- [email protected]

EEG BOGGA 3AAD

Page 2: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibindaabyada ah ee ay la galeen Kenya. Dawladda

2AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA

Madaxweyne Faroole Iyo Khudbadii Jimcaha

Madaxweynaha DGPL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Fa-

roole ayaa Salaadii Maalintii Jima-caha ahayd waxaa uu kala qayb ga-lay Shacabka Magaaladda Boosaaso isaga oo kula Tukaday Masjidka Dac-wa.

Khudbadii salaada jimacaha ka dib ayaa madaxweynuhu waxaa uu la hadlay dadkii Masaajidka Dacwa ku Tukuday, waxaa uu ka hadlay hawlaha ay xukumadiisu wado ee dhinacyadda badan. Isagoo Madax-weynuhu aad ugu dheeraaday ka ha-dalka Burcad badeedka .

Waxaa uu Madxaweynuhu Xusay sida aan Dawladiisu awooda ugu lahayn inay la dagaalanto Burcad Badeeda faraha ba’an ku haysa afduubka Maraakiibta Caalamka isaga gooshaysa.kuwaas oo caaday-stay inay afduubaan Maraakiibta

Madaxweynuhu waxaa uu xusay in Maraakiibta Caalamiga ah ee xee-baha Soomaaliya u timid inay la dagalaman Burcad badeedaka ay la baxaan Kalluunka isla markaana wax ka qaban waayeen Burcadii, waxaa kaloo uu Madaxweynuhu til-maamay sida uu uga xun yahay wa-damada kaalmadda siiya Somaliya isla markaana Maraakiibtooda lagu afduubanayo xeebaha Somaliya.

Waxaa uu Madxweyne Cabdirax-maan Faroole ku xusay hadalkiisa Khudbadaas Jimcaha, in Burcadda lagula dagalami karo iskaashi ay sa-meeyaan Wadamadda Calamka iyo Maamulka Puntland. Waxaana uu dadweynaha ka codsaday in la ta-kooro Burcadda, isla markaana lala shaqeeyo ciidamadda Booliska .

Burcad badedka ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxay dardar geli-yeen hawlaha ay ku afduubanayeen Maraakiibta ku gooshta Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Iyadoo dhibaatada Burcadbadedku noqotay mid caalami ah oo indhaha dunida ku soo jeedisay xeebaha Soomaaliya.

“ Maraakiibta Shisheeyuhu waxbay kala baxaan , waxna way ku shubaan Baddeena” Madaxweyne Faroole

Sheekh Cismaan Oo La Sii Daayay

Sheekh Cismaan Maxamuud Shire ayaa xorriyadiisii dib u helay ka dib markii Maxkama-

da derajada kowaad ee Gobolka bari ay sii daysay.

Sh.Cismaan oo 23 march, 2009, ay ciidamada PIS-tu xireen, xarigaas oo markii dambe sababay dhima-shada Saddex qof, ayaa guddoomi-yaha Maxkamada Maxamed Cabdi Awaare waxaa uu waxba kama ji-raan ka soo qaaday eedaymihii lagu soo oogay sheekha.waxaana uu sheegay inaysan jirin markhaatiyaal iyo cadaymo ku filan dambiyada loo haysto sheekha.

Eedaymaha lagu soo oogay sheekha, waxaa ka mid ahaa inuu tegay Magaalooyinka Muqdisho iyo Kis-maayo, islamarkaana uu la kulmay Ururada Islaamiyiinta ka taliya gobol-ladaas, waxaa kaloo shiikha lagu oo-gay in uu dadweynaha kicinayay si ay uga soo horjeestaan Maamulka puntland.

Sheekh cismaan oo la hadlay Sax-aafada Maxaliga ayaa u mahad celiyay Madaxweynaha Puntland iyo shacabka reer puntland ee taag-eeraya, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in dib u helay Xor-riyadiisii.

Xukuumada Madaxweyne Faroole ayaa mudadii ay jirtay waxay aad uga shaqaynaysay sidii nidaamka Cadaalada ee puntland loo hagaa-jin lahaa, garsoorayaal aqoon lehna maxkamadaha loo keeni lahaa

Wasiirkii Hore Ee A/Gudaha DFKMS Gacma dheere

Oo Soo Gaaray Puntland.

Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha DFK-MS Maxamed M a x a m u u d Guuleed “Gac-ma dheere’’,

marna Madaxweynihii hore ee DFK-MS Cabdulaahi Yuusuf Axmed uu u magacaabay Ra’iisul Wasaare , hase ahaatee kolkii dambe is casi-lay. Ayaa iminka waxaa uu ku sugan yahay Garoowe oo u ah Caasumad DGPL.

Warar aan si rasmi ah loo shaacin ayaa ka soo baxay safar la saadaa-linayo inuu Puntland ku iman doono Madaxweynihii Hore ee Soomaa-liyaCabdulaahi Yuusuf. Waxaa soo baxaya oo kale in safarka Madaxw-eynahaas hore xanibaad ku noqotay warqad Dawladda Yemen ka sug-ayso Maamulka Puntland taas oo ay ku ogolaanayaan raali ahaansha Puntland ee imaantinkiisa Puntland. Ilaa iyo waqtigan ayaan Yemeni helin qoraal dhinaca Puntland ka soo bax-ay oo gaaray dhinaca Yemen, wax-ayna dadka qaarkii tilmaamayaan dib u dhac ku iman kara Madaxwey-nahaas hore inuu gaaro Puntland.

Warar kale oo la isla dhexmarayo ayaa magaaladda Gaalkacayo ka imanayaa oo sheegayaa in Gu-doomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed Dheere’’ isagana laga filayo inuu soo gaaro Galkacayo

Sida ay xaqiijinayaan xubno ku dhowdhow Maxamed Maxamuud Guuleed ‘’Gacma Dheere’’ oo iminka ku sugan Garowe waxaa la socdo xubno ka mid ahaa Barlamaanka Federaalka iyadooy Puntland horey u sii joogeen xubno kale .

Waxay dadka siyaasadda odoro-saa sheegayaan in Madaxweynihii Hore Cabdulaahi Yuusuf inuu qor-shaynayo inuu isku duba rido is-bahaysi Mucaarad ah oo la mid ah midkii lagu magacaabi jiray SRRC-dii lagu asaasay Ceelbarde waqtigii dawladaii Carta la soo dhisay.ilaa iyo iminka lama hubo xubnaha ka qayb galaya isbahaysigaas oo la filayo inuu mucaarad ku noqdo Daw-ladda uu horseedka ka yahay Sheikh Shariif Sheikh Axmed., waxaan kaloo la hubin sida Dawladda Puntland raali uga noqon karto isku dubarid Isbahaysi mucaara ah oo aanay ka warhaynin.

Garowe,10,April, 2009

12 Aprile: Maalinta Ciidanka Xooga

dalka Somaliyeed.

Ciidanka Xooga Dalka Soomaa-liyeed waxaa la asaasay 12 Aprile 1960-kii. Ujeedada loo

asaasay ayaa ahayd inay hantaan difaaca dalka Somaliyeed iyo weliba soo celinta dhulka Somaliyeed ee maqan.

Ciidanka Xooga Dalka, ugu horayn-tii waxaa lagu asaasay xubno ka mid ahaa ciidamadii Booliska iyo dhalin-yaro Somaliyeed oo markas la qoray. Waxaana loogu yeri jiray cutubyadii ugu horeeyey ee qorta ciidamadaas Cali Boobaaye. Weli waxaa la xa-suustaa hannaankii hagaagsanaa ee lagu bilaabay ciidamda Xoogga. Waxa Taliyihii ugu horeeyey noqday Allaha u Naxariistee Gen .Daauud Cabdulle Xirsi.

Ciidamadas Xooga dalka somaa-liyeed ayaa iyagoo curdin ah waxay dagaal la galeen Dawladda Itoobiye ee guunka ahayd 1964-tii. Waa la og-yahay wacdaraha iyo geesinimadda ay ka muujiyeen goobaha dagalka . sanadkii 1977-kii waxaa Somaliya iyo Itoobiya dhexmaray dagaalkii Ogaadeenya. Cidna daah kama saa-ra siday Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhabarka uga jebiyen Ciidamadii Itoobiya ilaa ay gaareen Dacalada Magaaladda Harar. Gen. Cali Ismaaciil ayaa buugga uu ka qoray dagaalkaas waxa uu ku shee-gay siday Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed uga guulaysteen kuwa Itoobiya. Waxaa uu aha Gen.Cali Is-maaciil taliyiihii ugu fogaa ee gaaray agagaarka Harar.

Maanta 49 Sano ka dib waxaa la og-soon yahay halka ay Soomaaliya ta-alo. Ma haysano Xooga Dalkoow…. Xooga Dalkoow…. Geyshkayagoow Guulaysata… Guulaysta Guul …….

Shimbir Duula Yuu Kicine , Dabaabad-na Yey Socone Intaad Xero Ku Dayr-taa Feejignaa Ku Daawadda.

Waxaan ku soo afjaraynaa qoraalka xuska maalinta Ciidamadda Xooga Dalka Soomalaiyeed heesta uu ali-fay Cabdulqaadir Shube ee ah . Calankayga Wacanow Cishadaad Dhalaataad Caadal Kuugu Dhaar Maray Inaadan Ciil Mudan. Adna Ci-ida Hooyooy Ciidankaagii Waxa Uu Yiri Caam ahaan Dalkaygow Kuwa-da Ciida

Page 3: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibindaabyada ah ee ay la galeen Kenya. Dawladda

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER WARARKA 3

Call forwardingSi aad line-kaaga ugu xawishaa Mobile-kaaga Gacanta fadlan raac habkan:�Active :*57*number-kaaga # Deactivete:#57#Callback on busySidee kuu soo wici karaa line aad rabtey oo mashquul kaa noqday markale adiga:Fadlan garaac *59# marka line-ka la dhigo ayuu adiga ku soo wacayaa :Ogaansha waqtigaFadlan garaac: #*32

GOLIS LANDLINE FEATURESSidee E-mail looga dirsan karaa Mobile-kaaga Gacanta

�Fadlan tag tax-massege dabaeed geli 111, dabadeed message-ka ku qor halka loogu talagalay ee message-ka lagu qoro adigoo ka hor marinaya cinwaanka aad rabto in aad u dirto tusaale [email protected] [email protected] �dabadeed dir fariinta.NB: dal iyo Dibadba waa isku midCALLCONFERENCESidee loo isticmaalaa three party call And Mobile Conference �Fadlan garaac Number-ka aad rabo marka uu kaaqabto Hold-geli hadan midkale garaac isaguna markuu kaaqabto hold-geli hadana midkale garaac kadib taabo callcomference�hadaad rabto in aad isticmaasho Landline three party call garaac numberkaad rabto kadib taabo carabka hadana garaac number kala hadana taabo carabka hadana taabo nubberka sadex saas waxaad ku helaysaa dhamaan dadkaad rabtay

CallwaitingSi aad line-kaaga ugu samayso adeegan: Fadlan garaac *58#Sidee laysaga xiraa adeegan #58# Wakeup timeSidee line-ka guriga ama xafiiska kuu yaal aad ugu buuxsan kartaa waqatiga aad rabto ee aad balanta leedahay:Fadlan garaa *55* iyo saacada aad rabto oo ah habka 24saac usaale:

1300# sidoo kale waxaa loo tirtiraa adeegan #55#

Sawirka Dhabta Ah Ee Dawladda Sheikh Shariif

“Cabdulaahi Haduu Ethiobiyaan Keenay, Sheikh Shariif Waxa Uu Bixiyey Dhulkii Somaliyeed’’

Waxay dadka iyo dalka So-maliya u ahayd Habeen Madow. Kolkuu qalinka

ku duugay Cabdiraxmaan Cabdis-hakuur Heshiis uu la galay Wadan-ka Kenya. Waxaa uu gacantiisa ku saxiixay qoraal aan laga fiirsan. Isaga oo garabka ku haya Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula..

Dembi ugu weyn oo la galo ayaa ah in qayb wadan ka mid ah la si-iyo si sharci daro dal kale. Hadii Islaamiyiintu ku xaman jireen Cab-dulaahi Yuusuf inuu Somaliya soo geliyey qawada shisheeyey oo etho-pia horsed ka tahay. Maanta kuwii qoriga u qaatay siday shegaa in Cadawo Soomaaliya laga xoraynayo ayaa gacmahooda ku saxiixay in dhul Soomaaliyed la bixiyo.

Maxay la hortagayaan dadka Soomaliyeed. Maxaa uu u soo da-galamay Sheikh Cabdulqaadir Cali Cumar oo ah Wasiirka Arrimaha Gu-daha ninka marka sharciyan la eego ka masuul ka ah Dhulka Soomaali-yed. Maxa uu Sheikh Shariif isaga dhigi jiray Wadani Islaanimadu ku fogtahay.

Heshiiska Labada dawladood kala saxiixdeen waxa marag ahan u joo-gay Amb. Longve Hans Wilhelm, la taliyaha khaaska ah ee Wasaarada Arrimaha Dibada ee Norway, iyo weliba Ms.Rina Kristmoen oo ka so-cotey Safaaradda Norway ee Nai-robi. Macnaha sow ma ahan in wax la kala iibsanayey

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma qarin in Sheikh Shariif iyo Cumar Cabdirashiid la og yihiin Saxiix hes-hiiskan oo dan weyni ugu jirto daw-ladda Kenya. Website-ka Somalitalk.com ayaa mudo hore waxaa uu soo bandhigay Khatarta ku soo fool leh Xuduudka Badda ee u dhexeeye Soomaliya iyo Kenya. Qoraalkaase laguma baraarugin. Maalmo dhow-eyd ayuu ku celiyey qaylo dhaan-tii hore oo kale , waxaana ku xigay in Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ahi Saxiixay waxay Ke-nya ka weyday Soomalaiya.

Halka la isku haysto ayaa ah Jasiira-daha Lama Shaaqa oo Soomaaliya weligeed lahayd. Markaas ayaad

is weydiin karataa maxay Kenya u doonaysaa Jasiiradahaas?Waa fududahay Jasiiradaha ayaa hodon ku ah Shidaalka waxayna Ke-nya doonaysaa inay Soomaaliya kala wareegto 38,000km2 oo dhul badeed ah. Wasiir Cabdiraxmaan Cabdi shakuur waxaa uu si bareer ah u sheegay innaan la xadayn xuduudka Badda ee u dhexeeya Somaliya iyo Kenya. Taas oo macna ahaan ka dhi-gaysa dhul la isku haysto Jasiiradaha Lama Shaaqa.

Waxaa jira dhiidhi aad u weyn oo Somalida oo dhami ka dhiidhiday hadalada aan qiimaha badan lahayn ee ay Kooxda Sheikh Shariif ku difaa-cayaan

khaladka Taariikhiga ah ee ay ka ga-leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibindaabyada ah ee ay la galeen Kenya.

Dawladda Kenya waxay doonaysay inay saxiixan marag fur uga dhigato qasdigeeda ah la wareegida Jasi-iradaha Lama Shaaqa. iydoo Qara-mada Midoobay 13 May 2009-ka ku wargelisay wadamada aduunka inay ku soo gudbiyaan Xuduudahooda Baddaha.

Maanta waxaa si qumaati ah loo arkayaa sawirka dhabta ah ee Daw-ladda uu Madaxweynaha ka ya-hay Sheikh Shariif Shiekh Axmed iyadoo kooxaha iminka dawladda hoggaamiyaa ku dhaliili jireen Cab-dulaahi Yuusuf iyo dawladiisii inay ahaayeen daba dhilif Soomaliya u soo horseeda in ethiopia qabsato. Maanta Cabdulaahi Yuusuf ma ahan Madaxweyne. Itoobiya wadanka So-maliya Ciidamadedii waa kala bax-day. Arrintuse waa ka dar oo dibi dhala. Kut ka guur oo qanjo u guur. Waxaa Sheikh Shariif Xalaaleey in Canshuurtii Soomaliya lagu qado wadan kale iyo in dhulkii Soomaa-liyeed ee Muqadaska ahaa qayb ka mid ah loo saxiixo Kenya.

Waa ay muuqata inaan dawladda Kenya si fudud u qaadan dooni dhul-ka. Haday Ethiopia joogi weyday gudaha Somaliya . Kenya ma joogi karaysaa qayb ka mid ah Badaha Somaliya oo weliba Shidaal ku jiro

FAALLADA WARGAYSKA

Page 4: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibindaabyada ah ee ay la galeen Kenya. Dawladda

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER RA’YIGA 4Maxaad Kala Socotaa in Badda Soomaaliya ay Qarka

u Saaran tahay in Lala Wareego Bisha May 13, 2009?CILMI-BAARIS | SOMALITALK.COM | February-April, 2009Qaybta Labaad.

Xeer lagu dhaqo Badaha Ad-duunka in la sameeyo waxaa loo

baahday kaddib markii la arkay in uusan shaqayn karin xeerkii badda ee lagu dhaqmi jirey laga soo bilaa-bo qarnigii 17aad ee ay sameeyeen Dutch-ka (Holland), kaas oo biyaha badda ee dal uu leeyahay ku xadi-dayey meel xeebta ka durugsan 3 nautical mile (5.6 km) oo keliya. Biyaha badda ee intaas ka baxsan waxay ahaan jireen kuwo aan cidna lahayn, oo aan cidna sheegan karin. FG: 1 nautical mile (nmi) = 1.852 ki-lometer (km).

Qarnigii 20aad ayaa dalal badan oo leh xeeb waxay muujiyey baahida ay u qabaan in la kordhiyo fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ee ay dalalkaasi xaqa u leeyi-hiin, si ay u yeeshaan macdanta, Batroolka iyo khayraadka dabiiciga ah, isla markaana u difaacdaan kal-luunka, kana ilaaliyaan wasakhayn-ta ama dikhowga loo geysan karo ama in aan qashinka lagu duugin. Arrintaas baahideeda waxaa lagu aqoonsaday kulan sannadkii 1930kii lagu qabtay magaalada Hague (Hol-land), laakiin kulankaas waxba la is-kuma raacin.

Ilaa sannadihii 1950-maadkii waxay Qarammada Midoobey isku dayey-say in ay dalalka adduunka ku qa-nciso in ay isku raacaan sharci loo sameeyo badda adduunka. Shir-weynihii ugu horeeyey ee Qaram-mada Midoobey ee sida rasmiga looga hadlay xeer loo saameeyo Badaha Adduunka waxaa magaala-da Geneva (Switzerland) lagu qa-btay 29kii April 1958, shirkaas oo hordhac u ahaa afar kulan oo lagu samaynayey Xeerka Badaha. San-nadihii 1970-naadkii ayaa la qabtay shir-weynihii saddexaad ee Qaram-mada Midoobey ee xeer u samaynta badda. Shir-weynahaas kaddib, to-ban (10) sano ayey qaadatay in la nidaamiyo xeerka badaha, ayadoo la tixgelinayo khayraadka dabiiciga ah ee badda ku jira iyo cidda yeelan doonta.

Shirweynihii Qarammada Midoo-bey ee 10kii December 1982 lagu qabtay magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica ayaa waxaa 117 dal saxiixeen sharciga Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka. Waxana uu Xeerkaasi si rasmi ah u dhaqan galay 16kii November 1994. Dalal badan ayaa xeerkaas saxiixay, kaddibna dhaqan geliyey. Laakiin sida aan arki doono waxaa jira dalal

saxiixay balse aan weli dhaqan gelin, dalal diiddan qaybo ka mid ah xeerka badda iyo dalal aanba saxiixin. Wax-aa Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka loo soo gaabiyaa UNCLOS (United Nations Conven-tion of the Law of the Sea).[3]

Arrinta ugu weyn ee xilligaas (1994) uu Xeerka Badaha Adduunku wax ka bedeley waxay ahayd in la kordhiyey fogaanta inta ay xeebta ka durugsan yihiin biyaha badda ay leeyihiin dalal-ka xeebaha leh, taas oo ahaan jirtey 3 nmi waxaa laga dhigay meel xee-bta ka durugsan ilaa 12 nmi (22 km), waxaana qaybtaas loo aqoonsaday in ay ka mid tahay dhulka dalka xeebta leh - eeg sawirka hoose - barta (TS). Islamarkaas fogaan xeebta ka durug-san ilaa 24nmi waxaa loo tixgeliyey in ay tahay aag la ollog ah dalka xeebta leh (CZ).

Waxaa kale oo dalalka xeebaha leh loo ansixiyey in ay leeyihiin xuquuq-da gaarka ah ee kalluumaysiga iyo khayraadka badda ilaa meel xee-bta dalkaas u jirta 200 nautical miles (370 km). Waxaa kale oo xeerkaasi xuquuq u siinayaa in dal kasta oo leh xeeb badda gudaha usii gashan uu gaar u lahaanayo xuquuqda batrool-ka, gaaska iyo khayraadka kale ee ku jira badda ilaa 200 nmi (370 km) meel ka durugsan biyaha xeebta dalkaas - toosna ugu beegan xeebta (macne weyn ayaa ku jira hadalka ah “toos ugu beegan xeebta”).

Fogaanta badda ee xeebta ka durug-san ilaa 200 nmi (370 km) waxaa

loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ga-nacsiga (EEZ), waana aag ganacsi ahaan ay khaas u adeegsan karaan dalalka leh xeebaha

TS: Territorial sea (ka tirsan Dhulka Dalka). CZ: Contiguous Zone (Aagga la olloga ah dalka).

EEZ: Economic Exclusive Zone (Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga). HS: High Sea (Bad weyn).

Continental Shelf (Qalfoofka Qa-aradda - waa inta dhulka ah ee si toos badda u sii dhex gashan).

Sawir faahfaahsan oo ay samaysan Sida aan warbixintan ku arki doono, waxaa jira qorshe hadda ka socda Qarammada Midoobey oo lagu doonayo in wax laga bedelo “Xeer-ka Badaha Adduunka”, waxaa qor-shuhu yahay in la kordhiyo fogaanta 200nmi oo laga dhigo ilaa 350 nmi (648 km) - Sidaas daraadeed waxaa la kordhinayaa waa Aagga Gaarka ee Ganacsiga ee EEZ.

LAAKIIN, waxaa shardi ah in dalal-ka leh xeebaha ugu dambayn 13ka May 2009 ay Qarammada Midoobey u gudbiyaan macluumaad iyo xog la xiriirta cabbirka rasmiga ah ee badda dalalkaas si loogu kordhiyo fogaan-ta. Haddii kale waxaa dhici doonta in dalkii aan waqtigaas ku soo gud-bin xogta uu markaas waayi doono xuquuqda badda - wixii ka baxsan 200nmi - oo lagu wareejiyo dalal kale ama Hay’ad ay Qarammada Midoo-bey samaysay oo shirkado ama

dalal kale ka sii kiraysa badda dalkaas aan macluumaadka ku soo gudbin waqtiga kama dam-baysta ah ee kor ku xusan.

(Halkaas weeye dulucda war-bixintani meesha ay ku saab-san tahay, waayo Soomaaliya uma muuqato in ay waqtigaas kugeyn karto macluumaad-ka iyo khariidadaha muuji-naya xadka cusub ee badda Soomaaliyeed, horayna looma maqal maamul ka hadlaya ama codsaday deeqda Qaramma-da midoobay ugu tala gashay waddamada soo koraya sidii ay xogta badahooda u soo gudbin lahaayeen. Sidaas daraadeed badda Soomaaliya waxay qa-rka u saaran tahay in dalal kale lagu wareejiyo!)

Xeerkii hore ee Badaha Ad-duunka: EEZ = 200nmi (374 km)Xeerka Cusub ee Badaha Ad-duunka: EEZ = 350nmi (648 km)

Soomaaliya iyo Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka

Inta aynaan u gudbin Xeerka Cusub ee Badaha, aan dib u jalleecno waxy-aabihii ay Soomaaliya ka tiri xeerkii hore ee badaha iyo sharciyadii ay ka soo saartay.

Xeerka Qarammada Midoobey ee Badaha Adduunka ee UNCLOS waxa ay Soomaaliya saxiixday 10kii December 1982. Soomaaliya waxay xeerkaas dhaqan gelisay 24kii July 1989. Waxaana, sida aan hoos ku arki doono, uu Xeerka Badaha Ad-duunku si rasmi ah Qarammada Mi-doobey uga dhaqan galay 16kii No-vember 1994.

Laakiin, Soomaaliya waxay ku adka-ysatay in 200 nmi (370 km) ee bad-da loo yaqaan Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga ay ka mid tahay dhulka Soomaalida.[4]

Dalalka Bariga Afrika, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, markii ay heleen xorriyadda waxay dib u eegeen xeerarkii ay dejiyeen gu-maystayaashii. Xeerarkaas dib loo eegay waxaa ka mid ahaa xeerka badaha oo xadaynayey in badaha dhulka dalalkaasi ay xaqa u leeyihiin ay tahay ilaa 3 nautical mile (5.6km) oo keliya. Haddaba, sannadkii 1963 ayaa dalalka Madagascar iyo Tan-zania waxa ay fogaantii badda (bal-laca) ka mid ah dhulkooda ee ahayd 3 nmi ay ka dhigeen 12 nmi (22km). Halka dalalka Kenya, Mauritius iyo Seychelles ay ballacii 3nmi ee bada-hooda ka dhigeen 12 nmi, sanadihii 1969, 1970 iyo 1972 siday u kala horeeyaan.

LA SOCO CADADKA XIGA

Xeerkii Hore ee Badaha Adduunka

Page 5: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibindaabyada ah ee ay la galeen Kenya. Dawladda

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER SHEEKOOYIN 5Nabar Aan Dawoobeyn.W.Q. Cabdulqaadir M. WacaysQAYBTII 9AAD

Ma hubtaa in uu ku jecel ya-hay…Waxaan ka baqayaa inuu

meel cidla’ ah kaaga dhaqaaqo oo hadhowna aan weyno meel aan u raadinno…Naa wax iskula har, wax-aanse ka baqayaa in mar kale jacayl aan jirin laguugu luggooyo oo aad dabin kale lugaha la gasho’ eray-adaas iyo kuwo kaloo u dhigma oo ay horay ugu yiraahdeen saaxiibteed iyo hooyadeed ayaa xusuusteeda dib ugu soo maaxday.

Oo haddiise uu baaqday muxuu iigu soo sheegi waayey? Xitaa haddii uu ballantii ka baxay muxuu iiga qariy-ey?. Abbaayo raalli ahaw oo keliya ayaa igu filnaan lahayd inkastoo dhaawaca i gaari lahaa aanan marna ka bogsoodeen, malaha waa uu i sir-ayey ee jacaylku dhab kama ahayn, bay iskula hadashay. Tolow taleefan ma u dirtaa, bay niyadda iska tiri, haddana waxay isku canaanatay in aysan guuxeeda ka dheereyn oo il-laa iyo caawa ay bal isaga ka war sugto. Fiicnaan lahaydaa in aad-amigu ay is-uurdaalacan karaan, ma qof baa qof kale siri lahaa oo been ku maaweelin lahaa, bay nafteeda ku samirsiisay. Wadnahoo la kala waaxo, wixii ku jirana la wadaago, Alla wanaagsanaan lahaydaa…

Iyadoo weli nafteeda la doodeysa bay maqashay dhawaaqa taleefan-ka. Wuxuu ahaa taleefan dibadeed. Intey sariirtii ka boodday bay u oro-dday daaradda guriga oo uu taleef-anku yiil.

“Halow,”bay ku tiri intey taleefankii dhegta saartay.

“Abbaayo, adiga Idman miyaa?” buu ku yiri qofkii taleefanka soo diray.

“Haa, waa Idman ee adiga kee ahayd,” bay ugu jawaabtey. Wuxuu ula muuqdey qof aysan is aqoon ama qof is qarinaya oo codka be-deshey. Codka ay maqashay iska daa kii gacaliyaheed Shirwac ee xi-taa ma ahayn qof kaloo ay codkiisa garanaysey. Malaha waa kuwii shu-kaansi-doonka ahaa oo is qarin jirey ama waa kuwii intey marqaanka iga dhex arkaan taleefannada igu soo waali jirey bay hoosta iska tiri.“Abbaayo, ma hubtaa in aad Idman tahay?” intuu qofkii kusoo celiyey buu u raaciyey “I’m…Aniga magacayga waxaa la i dhahaa…sorry yaah for my broken Somali…yaah…Andrew Warsame…Waxaan kaasoo wacayaa Mareykanka. Waxaan ahay Shirwac saaxiibkii…Adiga horta Shirwac ma taqaantaa? farriin degdeg ah ayaan kaaga hayaa…Please are you sure you are Idman?”

“Haa…Abboowe…Waa Idman…Shirwac is my love…Waa gacaliya-hayga…,” bay mar kale ugu celisey iyadoo la yaabban farriintaasi waxa ay noqon doonto, waxaase u cad-daatay in farriinta soo socota ay ka timid Shirwac. Tolow Shirwac mar kale ayaa la xiray oo sidaas buu ku baaqday miyuu soo wadaa, mise Shirwac ballantii wuu kaaga baxay ee gabaryahay tasho buu ku dhihi doonaa, bay hoosta iska tiri. Haddii wiilka la xiray waaba wax la garan karo, balse haddii uu ballantii iiga baxay muxuu la baqayaa, muuse isagu afkiisa iga dhaho, bay iskula doodday.

“Sister…I am so sorry, Shirwac could not make it…I mean…Shirwac ma u noqon suurtagal inuu soo dhoofo…” buu ninkii yiri.

“Oo Mareykankaba kama soo dhoo-fin miyaa?” bay ninkii ka horgeysey isagoo aan hadalkiiba dhammayn.“Maya…Abbaayo…Ani waxaan ka mid ahaa saaxiibadii garoonka di-yaaradaha u sagootiyey…Nasiibdar-ro, shil baabuur ayaa dhacay…Ani iyo wiil kale dhaawac fudud ayaa na-soo gaarey, isagana dhaawac culus ayaa madaxa ka gaarey” buu ku yiri isagoo hadalka shigshigaya.

“Dhaawac aa…Shil baabuur aa...,” intey tiri bay iyadoo ooyeysa u raaci-say “Hadda, sidee buu yahay? Ma la hadli karaa? Fadlan waan ku bary-ayaa ee ila hadalsii…Fadlan waan ku baryayaa ee aan hal mar codkiisa maqlo.”

“Abbaayo, farriinta aan kaaga hayo aan kuu sheego. Waa ballan aan isaga kasoo qaaday. Wuxuu iga codsaday inaan kuu sheego ‘inuu ku jecel yahay, weligiisna ku jeclaan doono’. Erayadii ugu dambeeyey ee uu ku dhawaaqo waxay ahaayeen ‘Idman, I love you…Waan ku jecla-hay’,” intuu ninkii intaas ku yiri buu haddana u raaciyey “Abbaayo, ma kula hadalsiin karo. Ani xitaa lama hadli karo, sababtoo ah…”

“Fadlan waan ku baryayaa ee ila ha-dalsii…Hal mar aan codkiisa maqlo” bay mar kale ninkii hadalka kaga dhexgashay iyadoo ooyeysa oo aad mooddo in aysan dhegaheeduba maqlayn warka uu ninku u shee-gayey.“Abbaayo. I am so sorry. Waan ka xumay, ma kula hadalsiin karo. Al-laha u naxariisto. Saacad kahor buu geeriyooday…” buu si murugo leh ugu yiri.

LA SOCO CADADKA XIGA

.

XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]ISHA WWW.SOMALITALK.COM

Qore: Eng. Maxamed Cali Aadan | Minneapolis, USA | June 18, 2003

COPYRIGHT iyo ISLAAMKU WUXUU KA QABO?[Waxaa ka qayb qaatay: Cabdulfatax M. Cabdulle (Canada]) & M.M. Ciise (Soomaaliya)]

Haddii qof uu nuqul ama Copy kusa-meeya Qaraalada aanu lahayn oo markaas magiciisa kudaabaco ama Kitaab uusan qorin intuu soo guuriyo magiciisa kudaabacay isagoo iskadh-igaya kii qoray ama Alifey, waa maxay xukenkeedu?. Markii aan arintaas u bandhignay culimada Soomaaliyeed ee kuxeel-dheer diinta Islaamka, oo ay u-laabteen cilmiga Fiqiga, waxay kabixiyeen jawaabtan:

• Mas’aladaas Xukunkeedu waa {TUUGANIMO} waxaana loo yaqaan Luqada carabiya MUSEYIF. • waa Xaaraam in qoraal qof kale leeyahay la xado asagoo qofkii asalka ahaa ee laga soo xigtey aan magaciisa iyo ishii uu ka soobaxay la xusay. • Waa khiyaamo in qoraal la minguuriyo ayadoo aan qofkii lahaa laga amar qaadan ama la xusin in asaga laga soo xigtey, Islaamkuna khiyaanada ma ogola. Haddaba waxaan soo qaadaneynaa dhawr xadiis oo laga weriyey rasu-ulka (S.c.w), xadiisyadaas oo kusaa-bsan:• Xukunka khiyaanada • Wanaaga qofka aan faraha la gelin wax aan khusayn • Danbiyada maseyrka iyo xasadka

Xukunka Khiyaanada, gaar ahaan maalka dadweynaha, dawladda ama beytul maalka, oo xaqdaro wax looga qaato: Thowbaan (Allah raali haka noqdee), wuxuu Rasuulka Muxammad (s.c.w.) kaweriyey: “Qofkii dhintay asagoo beri ka ah Kibirka[1], Khiyaano uu maal xaqdaro ku qaatay iyo deyn waxa uu gelayaa Jannada. Saxiix sunan At-Tirmadi oo uu soo yareeyey Albaani, Baabka 21aad ee Baabul QULUUL, bogga 111.[1] Kibir waa isweyneysiin la iska weyneysiiyo xaqa iyo khalqiga Allah oo la yaso.

Waxaan xadiiskan ka korosaneynaa in aysan bannaanayn maal lagu qaato khiyaano, maalkana waxaa soo hoos gelaya wax kasta oo qofku kasbaday ama ku helay xoogiisa, qoraalkuna wuxuu kamid yahay waxyaabaha uu qofku kasban karo, sidaas darteedna aan khiyaamo lagu qaadan karin.

Abuu Hurayra (Alle haka raalli no-qdee) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofka Muslim-ka ah wanaaggiisa iyo dhowriddiisa Islaamka waxaa ka mid ah inuu ka haro waxyaalaha aan khuseyn isa-ga” Waxaa weriyay At-Tirmidi.Waxaan xadiiskan ka korosaneynaa in wanaagga qofka muslimka ah (rag iyo dumarba) ay kamid tahay inaanu faraha la gelin arrimo aanu shaqa ku lahayn ama xuquuq dad kale leeyi-hiin sida xuquuqda qorista/daaba-caadda iwm.

Qofka bililiqaysta qoraal (maqaal) di-yaarsan oo wakhti qaali ah iyo mas-kax badan ay kaga baxeen qoraagii ka shaqeeyay, oo magaca qoraaga inta uu ka masaxo kiisa ku been-ha-waasiya waxaa weeye qof xasdaya qoraagii hawshan lahaa, xuquuq-diisii ayuuna meel kaga dhacay. Sidaasna diinta Islaamku waa kasoo hordeeddaa.

Haddii aan ka eego Dhinaca Kutub-ta Islaamka, hababka loo soo xigto qoraal waxaa kamid ah in hadii qof qoraa ahi doonayo inuu Qormo ka qaato Kitaab ama Risaalo nin kale qoray waxaa muhiim ah inuu xuso Qoraagii Asalka u lahaa Qormadaan uu kubiiriyey qoraalkiisa si markale looga faa’iideysto.

Hadaba taasi (xigasha qoraalku) waa inaaney keenin inuu qoraaga cusubi uu hadalkaas u isticmaalo qaab tuugonimo ah oo noqon karta inuu kitaab katuuro magicii Qofkaasi lahaa oo markaas uu saaro kiisa, ta-asna waa Arin Tuuganimo oo waxaa markaas dhici karta in Dadkii hore u yiqiin Kutubkaas ay Arkaan in magi-cii qoraagii hore lagabedelay, waana lagu fahmayaa Arinkaas waayo Ku-tubku wuxuu ahaa Macruuf layaqa-an Cida iska leh.

Halkaas waxaan uga tusaale qa-adan karnaa Qoraalada Caadiga ah sida Bayaanada, Gabayada iwm in aan loo adeegsan karin qaabkaas Xatooyada ah, waxaana shardi ah in loo daayo Qofkii lahaa, Haddii aan sidaas la yeelin waxaa hubaal ah in qofka cusub ee qoraalka sheeg-tay uu ku ceeboobi doono markii la’Akhristo oo lagu ogaado Qofkani inuu nuqul [ama Copy] kusameeyey Kitaabkii ama buugii ama CD-gii wa-laalkiis oo aan raali kanoqon. Arintan (xaqa laga xayuubinayo qoraalka) waxay noqon kartaa xad-gudub laga galay qof bini aadam ah ayadoo la xaqirayo ama aan loo ogolayn wixii uu waqtigiisa iyo maskaxdiisa ku bixiyey laga idan weydiisto.

LA SOCO CADADKA XIGA

Page 6: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibindaabyada ah ee ay la galeen Kenya. Dawladda

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER TAARIIKHDA 6

Dagaalkii Ogaadeenya.W.Q. Dr.Sadiq EnowQormadda 7-aad

26-kii bishii maarso, 1964-kii ayay dhacday doorashadii bar-

lamaanka Soomaaliyeed, iyada oo kululaanshihii dagaalku uusan weli qaboobin. Bil kadib, Dr. Cabdirashiid C. Sharmaarke ayaa madaxweynihii jamhuuriyadda ku wareejiyay xilkii ay dowladdiisu haysay. 7/ 6- 1964-kii, madaxweyne Aadan Cabdulle wux-uu ra’iisul-wasaare u magacaabay Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, oo kamid ahaa halgamayaashii Leegada. Isla markaas madaxweynuhu wuxuu fa-ray ra´iisul-wasaaraha cusub in uu soo dhiso xubnihii hoggaamin lahaa dowladda. Xilligaas qallafsan ayay labadii masuul (Cabdirashiid iyo Cabdirisaaq) isku dhaafsadeen xilkii ay hayeen si kalsooni iyo niyad-wa-naag leh oo ka duwan anaaniyada maanta ku fitaaxday Soomaalida.

15/ 7- 1964-kii, raíisul-wasaare Cab-dirisaaq Xaaji wuxuu barlamaankii u soo bandhigay dowladdii uu dhi-say, taas oo markiiba ay waajahday dhibaato kaga timid gudaha, kadib markii ay weyday kalsoonidii xubni-hii barlamaanka. Bil kadib ayaa dow-lad labaad la soo dhisay, taas oo ku guulaysatay in ay hesho codka intii badnayd ee fadhiday barlamaanka taariikhdu markay ahayd 27/ 8- 1964-kii. Dabadeed dowladdii cus-bayd ayaa sidaas lagu ansixiyay.

Ra´iisul-wasaaraha cusubi, wuxuu talada qabtay iyada oo qadiyadda dhulalka maqan ay go´doon tahay. Dowladdii Soomaaliyeed waxay marar badan isku deyday in ay taa-geero ka raadiso ururkii midnimada Afrika OAU. Sidii dowladdii ka ho-reysay ay ugu hungowday ayaa dowladdii Cabdirisaaq-na ay ugu hungowday. Taasina waxay ka dam-beysay, dowladihii xubnaha ka ahaa ururka oo qaatay aragtidii ku salay-sneed in xudduudaha Afrika sidooda loo dhaafo.

Waxaa xusid mudan in madaxweyni-hii Soomaaliya Aadan Cabdulle Cis-maan, uu ka qeyb galay fadhigii ugu horeeyay oo OAU-da ee lagu qabtay Addis-ababa sanadkii 1963-kii. Wux-uu halkaas ka jeediyay khudbad uu ku cadeynayo sida uu u diidan yahay in gobolka Ogaadeenya loo aqoon-sado dhul Itoobiya leedahay. Wux-uu si xoog leh u naqdiyay aragtida oraneysa in xudduudaha Afrika loo daayo sidii uu gumeysigu kaga te-gay. Madaxweynaha Soomaaliyeed wuxuu arintaas ku tilmaamay mid salka ku haysa siyaasad khaldan oo aanan cadaalad ku dhisnayn, taas oo tilmaameysa mowqif dib u gur-asho ah oo looga dhuumanayo

geesinimadii ku haboonayd in lagu waajaho dhibaatada uu gumeysigu kaga tegay Afrika iyo xal u-helid-deeda. Hadalladii uu madaxweynuhu halkaas ka jeediyay waxaa kamid ahaa :“ Aragtidaasi waxay muu-jinaysaa sida gaaban oo aanu u fekereyno, haddiiba uu ururku dhinac iska marinayo qadiyadaha inoo yaal oo matalaya nolosheena dhabta ah “. (Daahir Maxamuud Geelle, risaalad uu ku diyaariyay shahaado majisteer, Qaahira, 1995-kii, s. 64).

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cis-maan, wuxuu dowladihii ururka ka codsaday in ay fiiro u yeeshaandhibaatada gaarka ah oo dadwey-naha Soomaaliyeed ka heysata xud-duudaha la farsameeyay, kuwaas oo kala teeday shacab mid ah oo wa-laala ah. Dowladdii cusbayd oo uu Cabdiri-saaq dhisay, sidii middii ka horaysay, waxaa gacanta sare ku lahaa xisbigii SYL. Cimilada qallafsan ee dowlad-da ka haysatay siyaasadda dibadda waxaa u weheliyay culayska ka hay-stay gudaha. Taas oo ka timid xisbigii Leegada markii uu noqday awood ballaaran, wuxuu waayay xoog ku mucaarad ah oo talada kula loola-ma. Markaas, sida caadadu tahay, waxaa bilaabatay in dhexdiisa uu ka abuurmo mucaarad. Arintaas waxay sababtay in madaxweynihii Soomaa-liya iyo ra´iisul-wasaarihiiba ay ka cu-dur-daartaan ka qeyb-galka fadhigii OAU-da ee ka dhacay Qaahira bishii juun 1964-kii. Wafdigii Soomaalida uga qeyb galay shirkaas waxaa hog-gaamiyay wasiirkii arimaha dibadda Axmad Yuusuf Ducaale. Waxaa waf-diga lama filaan ku noqday, qodob uugolaha si kedis ah u keenay madax-weynihii Tansaniya Julius Nyerere, taas oo oranaysay in loo codeeyo aragtida ah in xudduudaha Afrika

loo dhaafo sidii uu gumeysigu kaga tegay. Xubnihii fadhiga yimid, intoodii badnayd, waxay u codeeyeen in xud-duudaha aanan la fara-fareyn. Waf-digii Soomaaliduna wax u bannaa-naa oo kale ma jirin, aanan ka ahayn in ay mowqif diidmo ah ka istaagaan aragtidan ay ku dulmanaayeen. Inkasta oo dowladda Masar oo mar-tida loo ahaa ay u muuqatay mid ga-rab taagan qadiyadda Soomaalida, misana waxay u codeysay in xud-duudaha sidooda loo daayo.

Kadib markii Soomaalidii looga ad-kaaday dagaalkii diblomaasiyadeed ee qaaradda gudaheeda, iyaga oo weli curdan ah ayay isku deyeen in ay gacan ka raadiyaan saaxiibo ka baxsan qaaradda Afrika oo ay u kaa-shadaan qadiyaddooda. Taladaas ayay ku timid fadhigii dowladaha Islaamka ee lagu qabtay Xamar bishii disember 1964-kii. Fadhigaasi, Soomaalidu si wanaagsan bay ugu soo bandhigeen dhibaatada ka hay-sata xuduudda, iyaga oo codsaday in gacan laga siiyo arintaas. Xubni-hii matalayay dowladda Suuriya oo keliya ayaa arintii booriyay oo dowla-daha fadhiga yimid ku dhiiri geliyay in ay qadiyaddan taageeraan. Waxaase jirtay in arintii laga gaabsaday.

Sanadba sanadka xigay, waxaa soo if-baxayay farqiga weyn ee ku kala jiray siyaasaddii barlamaanka Soomaaliyeed ee shacabka lagu hog-gaaminayay iyo mowqifka caalamiga ah ee diidan in uu debec u muujiyo Soomaalida iyo qadiyaddooda. Sidaa darteed ayaa ra´iisul-wasaare Cab-dirisaaq X. Xuseen iyo dowladdiisii waxay ku dadaaleen in ay ka baax-aan siyaasadda ciriiriga ah ee dibad-da ka haysatay. Ra´iisul-wasaaruhu, isaga oo aanan ka tanaasulin qadi-yaddii dhulka inaga maqan, ayuu

misana debciyay siyaasaddii ku dhisnayd caadifadda Soomaalinimo. Bishii oktoober 1965-kii, dowladdu waxay heshiis la dhigatay Itoobiya ku saabsan in dicaayadaha la joojiyo.

Isla markaas dowladdu waxay ga-can siisay raggii qadiyaddatan u hal-gamayay. Waxaa ay howlahooda u gacan baneysay wasaarad ay lagu magacaabay Danaha Soomaa-liyeed, taas oo wasiir looga dhigay Shiikh Maxamuud Maxamad Faarax (Maalin-guur). Shiikhu wuxuu kamid ahaa halgamayaashii magaca weyn ku lahaa ururkii Leegada. Ra´iisul-wasaare Cabdirisaaq Xaaji, mar uu la kulmay xubnihii madaxda ka ahaa Jabhaddii Xoreynta Soomaali Gal-beed, wuxuu si toos ah ugu shee-gay in nabadgelyada qarannimada Soomaaliyeed ay halis ku jirto, sidaa darteed ay mudan tahay in loo kaad-sado howlaha halganka oo lala sugto xilli kale. (National and Class Conflictin the Horn of Africa, Jhon Markakis, 1987, p. 180).

Cabdirisaaq X. Xuseen wuxuu kamid ahaa halgame ku soo caan baxay dhaq-dhaqaaqii ururkii Leegada. Sida uu BBC-da ka sheegay, madaxda Soomaaliyeed waxaa lagu doortay in ay ahaayeen hormoodkii ururkaas oo xilligii gobanimo-doonka, mana eeyan lahayn khibrad siyaasadeed oo ay kaga tallaabsadaan qodxaha diblomaasiyadeed ee hor-tiil. Isla markaas Soomaalidu malahayn dad reer magaal ah oo iyaga ka waa-ya-aragsan. Dadaal bay ka ahayd in ay la kufaa-kacaan hoggaanka talada dalka, iyada oo eeyan jirin cimilo siyaasadeed iyo qowmiyado la caadifad ah oo u hiiliya. Rai´iisul-wasaaraha kama uusan tanaasu-lin qadiyaddii Ogaadeenya, laakiin wuxuu qabay in laysu diyaariyo xilli ay kaga haboon tahay in la halgamo. Xilligii Cabdirisaaq bay ahayd markii magaalada Garoowe laga furay xero ay ku tababartaan dhallinyaro jab-had ah, kuwaas oo laga soo ururiyay gobolka Ogaadeenya. Tirada ragga halkaas isugu yimid waxay gaa-rayeen 1.200 oo nin. (Ibid, p. 181)

Siyaasaddii gudaha, ra´iisul wasaa-ruhu wuxuu ku jaheeyay in uu xooga saaro wax ka qabadka hannaanka dowladda iyo mu´asasaadkeeda. Wuxuu ku dadaalay in uu la da-gaalamo anshax-xumida maamulka iyo xafiisyada dowladda oo ay ka-mid tahay eexda, qabyaaladda iyo laaluushka.

LA SOCO AXADA DAMBE

Page 7: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibindaabyada ah ee ay la galeen Kenya. Dawladda

AXAD 12 APRIL 2009 ILAYS NEWSPAPER 7

5 7 3 2 4 9 8 6 1

2 6 8 3 1 7 5 9 49 4 1 6 8 5 2 7 37 2 4 9 5 8 3 1 68 5 9 1 6 3 4 2 71 3 6 4 7 2 9 5 83 8 5 7 9 1 6 4 2

4 1 2 5 3 6 7 8 9

6 9 7 8 2 4 1 3 5

Shax Erayeed

Gudub

1.Dhir Qodax leh4.Bartilmaameed6.Sixran

Hoos1.Xabaale qode2. Xaalufay3.Qaawan5.Hodmay7.xiddeeyo

Adiga oo raadinaya erayada Macnahooda hoos lagu muujiyay, Gudub ama Hoos ku buuxi erayada aad isleedahay waa sax godadka. Marka horre ka shaqee erayada fudud ama aad garanayso, tirada sharax-aada ku hortaal waa tirada xarfaha godadka gelaaya.

SudokuSodaku waa halxiraale xisaab ku dhisan oo adduunka oo dhan caan ku noqotay, markii hore wuxu ka soo baxay wadanka maraykanka hase ahaatee waxaa soo caan-bixiyay dalka Japan.

Halxiraaluhu wuxuu ku dhisanyahay 9x9god oo usii qaybsama 3x3 si aad u xaliso halxi-raalaha waa inaad 9ka god ee jiifka ah iyo 9ka god taaga aad galiso tirade udhaxaysa 1-9 .Sadarna Tiro mar ka badan lama gelin karo.

Xalkii Sudokii Caddadkii Horre

W/D:- Maxamuud Yuusuf (Maxkoof)

1 2 4 7

6

3 5

Halxiraalihii toddobaadkii Horre

1 8 4 2

57 2 39 3 1

84 1 3

9 2 5 79 5 8

5 8

Halxiraalaha Sudoku wax-aa kordhinayaa faham-

kaaga, fadlan Haddii aad ka shaqaysid Jawaabta ku soo hagaaji xafiiska wargayska oo ku yaala Amabl Plaza Qolka 115

ama emailka:-

Ilaysnewspaper1@ gmail.com

Di s k u d u u b n a a n

uw ni y

i h o d a nl uw na g a m m a a na ul r

i

Raisul Wasaare Sharma’arke Ma Qarin Karaa Dhulka

Somaliyeed ee La Bixiyey

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali

Sharma’arke ayaa Shir Jara’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho, kaga hadlay arrinta muranka weyn dhali-say Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeysa iyo aragtiyo kala duwan oo laga bixiyay heshiis dhex maray Xukuumadaha Somaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay Dr. Cumar C/rashi-id inaan uusan ahayn sida loo fasir-tay heshiiskaasi, Waxaana uu yiri

“Ma jirto taako dhul ah oo aan uga tageyno Dowladda Kenya, guddi ayaana u saarnay xadeynta dhul badeedka labada dal”

Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waxaa uu ka dhawajiyey inuu jiro muran u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya. Murankaas oo ku saabsan xuduud badeedka labada dal u dhex-eya, isagoo carabka ku adkeeyey in arrintaas loo bandhigi doono Guddi ka socda Qaramadda oo xal u raadi-say is haysigaas.

Arrimahan ayaa muujinayaa inuu jiro jaahwareer siyaasaded iyo mid shar-iciyeed oo ka taagan xuduud badeda u dhexeysa Kenya Iyo Soomaaliya

Fransiiska Oo Xoog Ku Soo Furtay Dad Laga Haystay

Paris, 11,April, 2009

Ciidamada Fransiika ayaa xoog ku soo furtay 4 qof oo fransiis ah oo burcad badeed somaliyeed, 7,april, 2009, ka soo qafaasheen Biyaha Caalamiga.

Ciidamada Fransiisku waxay di-leen 2 burcad badeeda ah, Midna way dhaawaceen, labo kalena No-lol ayay ku qabteen.Haseyeeshee Howlgalkaas ciidamadu ay ku soo furanayeen Doonida iyo dadka saa-ran waxaa ku geeriyooday nin fran-siin ah, sida ay xaqiijisay wasaarada Gashaandhiga fransiika.

Ma ah Markii u Horraysay oo ciidam-ada fransiiku ay xoog ku soo furtaan dad ay burcad badeed somaliyeed ka afduubtaan badda.

Barta Internetka ee Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole uu sida gaarka ah u leeyahay ayaa fikarado ay dadka soo booqda ka ururisay, waxaa ka soo baxay natiijo yaab leh.

Boqolkiiba 68%, Dadkii fikradahoo-da dhiibtay waxay sheegeen in ay doonayaan, in Madaxweyne C/rax-maan Faroole uu mudnaanta kowaad siiyo Nabadgelyada. Boqolkiiba 19, dadku waxay yiraahdeen waxaanu doonaynaa in Madaxweyne Faroole uu marka kowaad ku dhaqaaqo soo celinta Gobollada ka maqan punt-land, gaar ahaan Gobolka sool oo ilaa 15 may, 2007, gacanta ugu jira Maamulka somalinimo diidka ee daahir rayaale Kaahin.

Boqolkiiba 5%, dadku waxay ku dhii-rigaliyeen Madaxweynaha in uu xoo-ga saaro Horumarinta dhaqaalaha, Hase yeeshee arrinta la yaabka leh, waxay noqotay markii Boqolkii 4%, dadkii fikrahooda dhiibanayay ay yiraahdeen, madaxweynuhu waa in uu wax ka qabtaa Burcad Badeeda ka qowlaysatada Badeena iyo Bad-daha Caalamiga.

Dhinacyada Waxbarasha iyo Caafi-maadka. Boqolkiiba 3%, dadkii cod-kooda dhiibtay waxay doonayeen in madaxweynuhu uu xooga saaro Caafimaadka, halka Boqolkiiba 3% ay rabaan in mudnaanta la siiyo waxbarashada.

GabagabadiiGuud ahaan dadkii fikradahoo-du dhiibtay oo codeeyay wax-ay ahaayeen 343 qof, waxayna ahaayeen dad aqoon u leh Aalada internteka iyo computerka, hase yeeshe lama oga dadka aan istic-maalin Adeegaas, waxyaabaha ay doonayaan in Madaxweyne Faroole mudnaanta siiyo afarta Sanno ee soo socota ee uu xilka haynayo.

Sida muuqata, dadkii codeeyay Saddex meelood oo labo meelood waxay doonayeen in madaxweyne Faroole uu mudnaanta kowaad siiyo Nabadgelyada,Madaama Nabadge-lyadu tahay Asaaska Horumarka iyo Nolosha Bani’aadamka.

Haddii Nabadgelyada La adkeeyo, ciidamada Amnigana la Haggaajiyo, Burcad badeedu waa sidii Diqsigii oo kale, oo Haddii Nadaafada Lagu dadaalo, diqsigu waa dhintaa, mana dhasho

Madaxwayne Faroole maxaad rabtaa in marka ugu horreeya Puntland

ka qabto?

Fikrado La Ururiyay

W/D: Cumar Siciid Maxamed

Page 8: WARGAYSKA ILAYS TODDOBAADKAN WAXAA LAGU DIYAARIYAY … · leen Ummadda Somaliyeed kuwas oo doonaya inay si kale u fasiraan heshiiska dibindaabyada ah ee ay la galeen Kenya. Dawladda

Buugta Akhriska Buugta Iibka

& Adeegyada Bulshada

Receipt Vouchers Payment

Vouchers Invoices Cash Sales Daily Sheets Business Cards EnvelopsStickers Prescription Register Books Text Books I.D Cards Certifications Flyers Invitations Cards

KADALBO HORYAAL DOOKHAAGA DAABACADEED

WAQTIGA AAD RABTO, SIDA AAD U RABTO

& QIIME KURAALI GALIYA

Wixii faahfaahin ah kala xiriir

Tell :- 824299/796169/726169

BOSASO SOMALIA

HORYAAL PRINTING CENTER

ADEEGYADA DAABACADEED EE

HORYAAL DIYAARKA KUULA TAHAY

www.telcompuntland.com [email protected]

OGAYSIIS

Office Stationery

Office furnitures

Electronics and Satellite Digiitals

Renting Cars % For Selling

JOWLE ENTERPRISES

Waxaa lagu war gelinayaa dhamaan macaamiisha shirkada Telcom Puntland In shirkaddu samaysay qiimo bedel, Qiimaha gudaha puntland

Qiimaha daqiiqadii Mobile-ka ee Puntland Gudaheeda waa sidan

�Maalinkii 6:00 AM to 6:00 pm Qiimaha halkii daqiiqo waa 0.01 cents/min ( hal cent) sidiisii hore

�Habeenkii 6:00 pm to 6:00 AM qiimaha halkii daqiiqo waa 0.005 cent ( nus cents ) halka uu markii hore ka ahaan jirey lacag la’aan

�Qiimaha fariimaha qoraalka ee dibadda loo dirayo waa $0.10 cents/SMS ( Toban cents halkii fariin)

Sms-ka Local Puntland macaamiishu waxa ay isugu diri karaan lacag la’aan

Qiimayaasha Dibadda iyo Somalia waxba isma bedelin waa sidoodii hore

Qiimaha cusub waxa uu dhaqangalay 16/03/09

Mahad sanidinMarketing DepartmentTEL

COM PUNTLA

ND

Marketing Department: Wixii talo iyo tusaleeyn ah nagala soo xiriir ciwanadan hoose: Tel: + 252- 4 -500034 | Fax: + 252- 4-500001 | E-market-dep-telcom @hotmail.com

For more information please contact Manager of Jowle Interprises 797111