Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

66

Click here to load reader

description

Waa buug cusub oo aad xiiso badan , qoraagu waxa uu ku qoray 1000 shay oo 25 sano ee u danbeeyey is badalay , akhri adaa qosli doona marna garaabi doonee

Transcript of Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 1: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 1 of 66

RUBUC-QARNIGII TEGAY IYOISBEDDELADII DHACAYDhacdooyinkan xiisaha leh dhabahee loo dhaafayaa?

02.03.2014

Diyaarintii iyo soo-saaristii:: Rashiid Sulub CaalinEmail:[email protected] Tel: 0634426781Tafatire: Cabdikariim Xuseen RaabiFarsamada : Qasim Jama Xirsi

Page 2: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 2 of 66

Taariikh Kooban oo ku saafsan Qoraaga

Rashiid Sulub Caalin waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1957kii.Dugsiyadiisii Hoose/dhexe waxa uu ku qaatay isla magaalada Hargeysa,Dugsigiisii sarena waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho. Rashiid waxa uuwaxbarasho u tagtay sanadkii 1978-kii dalka Maraykanka gobolka New Jersey,isagaa oo markaas ku biiray kulliyada la odhan Jiray (Glouster County College)halkaas oo uu ku diyaariyey Cilmiga “Arts and Sceince”.

Sanadkii 1981kii ayuu Rashiid dib ugu soo noqday wadanka, waxyar ka dibnawaxa uu ka shaqo galay Bangigii Ganacsiga iyo Kaydka ee Somalia laantiisaxaruntiisa Muqdisho gaar ahaana Xisaabaadka Dibada iyo qaybta xidhiidhkadadweynaha oo markii danbe loo badalay iyada oo markii danbe loo badalayqaybta “amaahda”. Mudo ka dib waxaa loo magcaabay in uu madax ka noqdoxafiis cusub oo la odhan jiray “baratakoolka”. Waxa uu ku danbeeyey in uu noqdoxog-hayaha gaarka ah (Assistant Secretarary) ee gudoomiya bankiga Somaaliya.

Rashiid intuu uu ahaa xog-haya gaarka ah ee gudoomiyaha bangiga Somalia waxauu tababor ugu baxay sida shirar iyo siminaaro tusaale ahaan seminar uu qabanjiray Bangiga dhexe Pakistan (Pakistan Central Bank) , waxa kale oo tababar uu kusoo qaatay bangiigii dhexe ee jarmalka Galbeed. Waxa kale oo koorsooyingaagaaban u tagay dalalka ingiriiska iyo Masar.

Markii wadanka lagu soo noqday Rashiid waxa uu ka qayb qaatay aas aaskahay’ad aan dawli ahayn oo la yidhaahdo “Doses of Hope Foundation” waxanaakasii farcamay hay’ad kale oo la yidhaahdo “Kaaba Micro-financeInstitution”halkaas uu hadda ka yahay Maamule (General Manager).

Rashid xiliga uu firaaqada leeyahay waxa uu jecel yahay in uu qoro maqaalo dadkaxasuusinaya danta guud, waxa kale oo jecel yahay la talinta dadka cidhiidhiganafsiga ah haysto. Rashiid waxa uu caan ku yahay samofalka dadka tabaalaysan.Rashid sidoo kale waa la taliyaha arimaha gaarka ah ee gudiga wanaag farista iyoxumaan reebista.

Rashiid waxa uu jecel yahay Jimicsiga , akhriska iyo talosiinta.

Page 3: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 3 of 66

Hor-dhaca

Buuggan waxaan ugu talo-galay inaan ugu soo bandhigo dhacdooyin xiiso leh oo xog-warran ahdadweynaha reer Somaliland gude iyo dibadba. Qodobadan oo aad u xiiso-badani waxay si toosah u taabanayaan sida ay isku beddeleen waxyaalo badan oo bulshdadu ay hore ugu dhaqmijireen ama ay isticmaali jirtay laakiin wakhtiyadan danbe aad moodo inuu dhallan-rogaywaayaha iyo wakhtiga is bedelayaa ama dhacdooyin kale oo inagu cusub. Runtii Kama madhnaarrimo doora oo ay dadweynuhu u dheg-taagaan, kuwaassi oo mar-walba ku xeeran noloshooda.Arrimahani waxay u badan doonaan dhacdooyin dalka ku soo kordhay 25kii sanno ee ugudambeeyey, kuwaas oo khuseeya dhinacyo kala duwan oo nolosha bulshada ah, waana kuwo kuxiiso galin doona:

Xuquuqda Daabacada

Buugan lama ogola in la daabaco, la kaydiyo , sidoo kale lama ogola in lagu soo daabacojariirad, mareeg , ama baraha bulshada ee aalada internetka iyada oo aan la waydiin qoraaga.

Page 4: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 4 of 66

MAHAD-NAQ IYO FIIRO GAAR AH:

Marka hore waxaan si gaar ah ugu mahad-naqayaa Ilaahay oo innaga dhigay ummad islaam ah,marka xigana waxaan si weyn mahad-celinayaa cabdikarim Xuseen Raabi iyo Qasim JamacXirsi oo gacan weyn iga siiyey diyaarinta iyo qoraalka barnaamijka xambaarsan 1000 qodob eeaan ugu talogalay xog-warranka dadka reer- Somaliland gude iyo dibadba iyo waxyaabahaiska beddelay dalka. Ugu dambayn, waxaan jeclaystay in aan ku soo khatimo qoraalkaygaujeeddada aan ka lahaa buuggan oo dad badan xiisayn doonaan, waxana igu kellifay diyaarintiisaanigoo jeclaystay in aan dadkeenna tirada badan ee qurbaha ku nool iyo gudahaba u gudbiyoxogo ku saabsan waxyaabaha iska beddelku ku yimi ee ay ku yaqaaneen labaatan sanno ka hordadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Iyo qosollo dhex yaala maqaalkan oo aan ka sooguuriyay buug aan 10 sano horteed aan qoray oo la odhan jirey ku wadh wadho af soomaliga .

.

Ugu danbeyntiina waxa aan dadweynaha ka codsanaaya cidii jecleystay in iga caawiyaan sidiibuuggan ,Loo sii horumarin lahaa waxyaallo kalena loogu sii dari lahaa, anigoo u diyaar ah inaan Taladoodo qaato hadii ay ku haboon tahay,aniga oo si daydaba isku Mashquuliya meelahaay dadkeenu ka moogan yihiin.

Page 5: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 5 of 66

1- Adeegga ZAAD ee telefoonnada lacagaha laysugu diro oo laga hir-galiyey dalka, waxaanasuurto-galiyey shirkadda is-gaadhsiinta casriga ah ee TELESOM. Adeeggaasi oo aad u afnacayshacabka reer Somaliland, miyi iyo magaalana wada gaadhay. Iyadoo si fudud laysugu gudbiyolacagaha.

2- Ciidamada qaranka oo loo qaybiyey daroojin soo saaray haybadda iyo quruxda ciidannimo.Runtii waa astaan qarannimo oo in badan la rajaynayey, waana wax lagu majiiran karomaamulka dalka.

3- Mishiinnada kelyaha u sifeeya dadka buka oo markii ugu horreysay dalka la keenay, waxaanodhan karaa lama qiyaasi karo baahidacaafimaad ee loo qabay, iyadoo la odhan karo dad badanoo u dhiman jiray ama u cadibnaa inay kaga raysteen oo ay ducaynayaan.

4- Carruurta oo u talinaya waalidkood sax iyo khaladba.

5- Ardayda dugsiyada oo iyagu u taliya macallimiinta, isla-markaana jaan-gooya arrimahawaxbarashada ku tacaluqa.

6- Tagaasi yar-yar baahi-weyna loo qabay oo dalka laga hirgeliyey, door-weynna ka qaatay indadweynuhu helaan gaadiid ay raacaan oo weliba qiimo jaban.

7- Baabuurta gurmadka deg-degga ah oo dalka aad loogu caawiyey.

8- Riyaha magaalooyinka oo lagu dul-qaro lambarro telefoon.

9- Ragga oo khaatiyaan ka taagan, aadna u karaahiyeystay gabdhaha dawooyinka midabka beddelajidhkooda mariya.

10- In ay dalka yimaaddeen dad ajnebi ah oo isugu jira ganacsato, dhakhaatiir, sama-falayaal,dalxiisayaal iyo kuwa kale oo aan ujeedadooda la garanynin.

11- Raxmaadkii iyo roobabkii sannadlaha ahaa oo teel-teel noqday.

12- Quruxdii iyo jamaalkii joogga dadka reer Somaliland caanka ku ahaayeen oo meesha ka baxay,

13- Xannuunada oo aad iyo aad u batay sida kansarka, macaanka, dhiig-karka iyo AIDS-ka.

14- Mowtul-qaflaha oo batay iyo dadka oo shabaabnimo ku dhimanaya.

15- Masaajidada oo tiro-beelay, balse koox-koox amma firqooyin loogu tukado.

16- Cillad joogto ah oo ku habsatay gaadiidka oo geerash walba buux-dhaafiyey,

17- Reer-magaalka iyo reer-miyiga oo aan muuqooda la kala garanayn.

18- Dhagaysigii heesaha oo aad u yaraaday iyo cajaladihii oo meesha ka baxay.

Page 6: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 6 of 66

19- Meelihii bannaanaa ee carruurta yar-yar kubbadda ku ciyaari jireen oo la wada dhisay.

20- Qiime-jab weyn oo ku dhacay lacagaha qalaad ee dalka laga isticmaalo.

21- Lacago kala duwan oo si caadi ah wax loogu kala iibsado.

22- Maceeshadda oo aad u adkaatay, waana dhibaato saamaysay dhammaan wadanka.

23- Isticmaalka qaadka iyo cunistiisa oo xadhkaha goostay.

24- Dhaqankii saddexda waqti wax la cuni jiray oo midkood meesha laga saaray sababo dhaqaaledarteed.

25- Shaqo-la’aan baahsan oo dalka ka taagan.

26- Caano geel iibkooda safaf dhaadheer loogu jiro.

27- Geedka Garan-waaga oo wax-ka-qabashadiisii quus ku dhammaatay.

28- Dadka oo soo baranaya faa’iidada wax-wada-qabsigu leeyahay.

29- Dhoolla-caddayntii iyo kaftankii lagu yaqaanay bulshada reer Somaliland oo shiiqaya.

30- Baabuurta oo aad u tiro batay, dhibaatooyinkooduna sii kordheen.

31- Dareenkii dadweynaha oo aan kala jeclayn dhacdooyinka dalka gudihiisa iyo kuwa dibadaha kadhaca.

32- Dadka da’doodu dhex-dhexaadka tahay oo tiradoodu aad u korodhay.

33- Isticmaalka kelmado cusub oo dalka ku sii baahaya sida xaalad-abuur, waji-ku-macaash i.w.m

34- Dadka intooda ladan oo aad u isticmaala qalabka jimicsiga.

35- Kirada guryaha oo cirka isku shareertay.

36- Marfashyo casri ah oo nin iyo jaanni-gooni loo fadhiyo oo aan qofna qofka kale waxbaweydiisanayn.

37- Raashinka iyo sharaabka dalka la keeno oo aad u tiro batay, tayadoodana aan cidiba hubin.

38- Dadweynaha oo giddi wada noqday dayn-raadis taasoo ka dhalatay dhaqaalaha adkaaday dartii.

39- Magacyada loo bixiyo carruurta dhasha oo noqday qaar aan hore loo maqal.

40- Dadkii aqoonta lahaa ee dibadaha wax ku soo bartay oo shaqo la’aan awgeed madluun ah.

Page 7: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 7 of 66

41- Dharkii laga tolan jiray dawaarlayaasha oo aad u yaraaday.

42- Caanaha qasacadaysan oo noocyadoodu badan yihiin oo dalka lagu soo fatahiyey.

43- Digaagii iyo riyihii magaalooyinka lagu dhaqan jiray oo meesha ka sii baxaya.

44- Maxkamadaha oo waxoogaa horumar ah ka sameeyey dhinacyada nabadgelyada iyo dacwad-qaadista.

45- Saacadaha iyo kaalkulaytarrada [calculator] wax lagu xisaabiyo oo meesha ka baxaya.

46- Dadweynaha oo bartay inay dhistaan guryo qurux iyo bilic leh.

47- Faras-magaalaha Hargeysa oo isu beddelaya dhismeyaal dabaqyo ah.

48- Guurkii oo yaraaday arrimo dhaqaale awgeed.

49- Mahad-celinta oo bulshada aad ugu sii yaraanaysa.

50- Waddooyinka magaalooyinka iyo tuulooyinka oo askari-jiifa lagu taxay.

51- Sheekho Qosol ah : Koonfurta Soomaaliya Istaraashada waxa looga yaqaan waxa aynnuaf-mariska nidhaahno.Waa hore ayaa nin reer Burco ah tegay Xamar oo aannu weligiihore u arag. Waxa uu kula kulmey nin ay saaxiib ahaan jireen, markaas ayuu ninkiimaalin qado ku casuumey. Markii ay sheekadii ka bogteen, raashinkiina dhammeysteenayaa ninkii wax casuumay u yeedhay inankii makhaayadda ka shaqeynayey oo uu kuyidhi, “istaraasho noo keen oo ah af-maris”, Kii la casuumey ayaa markiiba soo boodey ooyidhi, ‘Walley iga tahay wax kale ma cuni karo’, isagoo u qaatay in istraashadu tahayraashin kale oo loo dalbanayo.

52- Odayaashii laga faa’iidaysan jiray taariikhda iyo dhaqanka oo meesha ka sii baxaya.

53- Jaamacadaha iyo dugsiyada hoose ee carruurta lagu ababiyo aad u tiro-batay, qiimahoodanaaanay danyartu awoodi Karin.

54- Cabashada waqtiga yaraaday oo dadka wada gaadhay.

55- Basaska dadweynuhu raacaan oo loogu tag-waayey inay raacaan nidaamka waddo-marista.

56- Dhuxusha oo yaraatay, qiimaheeduna cirka isku shareeray.

57- Xaaluf iyo nabaad-guur baahsan oo dalka ku habsaday, xalna aan weli loo helin.

58- Nidaamka dhigaalka dhaqaalaha ee hagbadda loo yaqaan oo dadku aad u galaan waqtigan.

Page 8: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 8 of 66

59- Dhakhaatiirta da’yarta ah ee jaamacadaha dalka ka baxay iyo kuwa dibadaha ka yimaad oo waxweyn ka taray baahidii caafimaadka ee dadweynaha.

60- Farsama-yaqaannadii hore ee caanka ahaa oo meesha ka baxay iyo duul aan aqoon lahayn ookaalintoodii buux-dhaafiyey.

61- Daawashada aflaamta musalsallada afka Soomaaliga ku tarjuman oo guri kasta aad loogudaawado, gaar ahaan dumarka iyo carruurta.

62- Korontada oo meel walba gaadhay magaalo iyo miyiba.

63- Dumarka oo marka ay dibadda u baxayaan qaata dhar wada asturan.

64- Dadka qurbaha ka yimaad oo lala sugo qorsheyaal guur iyo abuurista fursado ganacsi.

65- Hadalkii asluubta iyo akhlaaqda wanaagsan ku dhisnaa oo dhallinyaradu tuureen.

66- Madax-dhaqameedyada sida salaadiinta iyo boqorrada oo biyo-yaa-shuban noqday.

67- Buuggaagta afka Soomaaliga ku qoran oo batay.

68- Riwaayadihii la daawan jiray oo gebi ahaanba meesha ka sii baxaya.

69- Ey tiro badan oo ku tarmay jidadka magaalooyinka dalka.

70- Qashinka iyo kudaafadda oo wehel u noqday caasimadda Hargeysa, wax weynna u dhimaybilicdii magaalada.

71- Xannuunnada isku-buuqa (stress) oo aad u kordhay.

72- Cadaygii iyo dacaskii magaalada lala dhexmari jiray oo la waayey.

73- Daawooyinka madax-xannuunka oo isticmaalkoodu aad u batay.

74- Muhaajiriinta qoomiyadda Oromada Itoobiya oo saddex-jibbaarmay.

75- Socdaalkii gelista Itoobiya oo la beddelay, laguna galo fiiso sharci ah.

76- Gu’ii shaalka ahaa ee bulshada reer Somaliland dhaqanka u lahaayeen oo laga il-baxay.

77- Isticmaalka internetka oo aad iyo aad ugu faafay dalka.

78- Murankii dhulka ee laysku dili jiray oo si weyn hoos ugu dhacay.

79- Akhriska wargeysyada oo yaraaday iyo tiradooda oo aad u korodhay.

Page 9: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 9 of 66

80- Tanaasulka iyo isu-dulqaadashada oo la soo baranayo.

81- Barashada diinta oo aad u xoogaysatay.

82- Ganacsiga muuska Soomaaliya ka yimaad oo aad u batay.

83- Siminnaarrada aan macnaha badan lahayn oo aad u kordhay.

84- Maxaabiista xabsiyada ku jira oo 90% yihiin dhallinyaro.

85- Miinooyinkii dhulka ku aasnaa oo dalka ka sii dhammaanaya.

86- Dumarka qaadka iibiya oo xannuuno kala duwan ku dhaceen, sababo la xidhiidha fadhigabadan iyo siigada.

87- Dameerihii biyaha dhaamin jiray oo lagu beddelay baabuur yar-yar.

88- Baahida dhakhaatiirta cudurrada maskaxda oo dalka ka taagan.

89- Cabashooyinka dadweynaha oo aad u batay, markastana ka hadlaya waxyaabaha ka maqan.

90- Baahida riigagga biyaha soo-saara oo badatay, gaar ahaan dhinaca waraabka beeraha.

91- Dalka oo dhan oo isu beddelaya beero, iyadoo meel walba dad iska ooteen oo xoolihii halis kujiraan markii laga maanacay dhul-daaqsimeedkii.

92- Soo-saarista shidaalka iyo macdanta oo hadal-hayntoodu aad u badatay.

93- Tirada dumarka xil-doonka ah oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya.

94- Qabyaaladda oo aad u sii kordhaysa, dalkana ku wada baahday.

95- Noocyada mukhaadaraadka oo dalka ku soo kordhaya.

96- Raadinta caawimooyinka shisheeye iyo maal-gashiga caalamiga ah oo ciidda ka batay.

97- Tirada dumarka jilbuhu xannuunayaan oo aad u korodhay.

98- Muranka arrimaha siyaasadda ee beelaysan oo sii xoogaystay.

99- Madarasadaha xifdiga qur’aanka kariimka oo tiro beelay.

100- Xikmaddii suugaanta, gaar-ahaan curinta heesaha oo aad u daciiftay.

101- Dawarsadayaasha magaalooyinka oo halkii ugu saraysay gaadhay.

Page 10: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 10 of 66

101- Sheeko Qosol ah: Nin wadaad ah oo khuruuj ku jira ayaa reer ku soo baxay, iyadoo roobsayax ahi markaasi uun soo da’ay. Reerkii buu ku leexdey. Ninkii reerka lahaa oo kadinkataagan ayuu isku sheegay. Hase ahaatee, ninkii uma uu jawaabin. Dhawr-jeer markiiwadaadkii u dhawaaqay ee juuq loo odhan waayey ayuu yidhi, ‘waar kitaabka uun sayaxaiiga hoy,’ markaas buu ninkii reerka lahaa ugu jawaabey, ‘kitaab gurigiisii loo diidey Allaasayax baday!’

102- Ganbadhkii lagu fadhiisan jiray oo laga tagay, laguna beddelay kuraas caag ah oo gurikast iyo goob kasta yaal.

103- Shaaha oo daasado lagu kariyo, kildhigiina laga guuray.

104- Indha-kuushii dumarku marsan jireen oo dabar go’day.

105- Guryihii dhulka sibidhka laga dhigi jiray oo marmar aan haboonayn lagu beddelay oo dadbadan ku jabeen.

106- Tartannadii ciyaaraha oo aad u yaraaday.

107- Ganacsigii oo laba qaybood oo keliya ku soo ururay, qolo si xalaaha wax u iibinaysa ooIllaahay ka cabsata iyo qolo maafiyaysa oo cidna aan dan ka lahayn.

108- Munaasibadihii maamuuska hadalka lagu kala dambayn jiray oo sii gudhaya.

109- Gabdhaha oo wiilasha ka batay.

110- Dadka waqtigan nool oo nacay araarta-dheer ee hadalka.

111- Bulshada oo madax iyo minjo ka siman dhaliisha dawlad kastoo jirta, dalkana wax xun uun kasheega markasta.

112- Geela oo baabuur waaraad ah la saaro.

113- Xayeysiisyada telefiishannada dalku baahiyaan oo tiro beelay.

114- Hooyo carruur agoon ah haysata oo ilaa saqda dhexe biilkooda suuqa u fadhida.

115- Dumarka oo halgankii nolosha qoyska kaga wanaagsanaaday ragga.

116- Xaasidka iyo xinka oo dalka ku sii batay, wax lagu daweeyana aan la garanaynin.

117- Guddiyada arrimaha gaarka ah loo xil-saaro oo aan wax natiijo ah ka soo bixin.

118- Haamihii biyaha lagu shuban jiray ee tummaalladu samayn jireen oo lagu beddelay jirikaamoiyo foostooyin caag ah oo sun lagu keeno.

Page 11: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 11 of 66

119- Xidhiidhintii ehelka iyo qaraabada oo aad u daciiftay.

120- Doodda iyo muranka arrimaha siyaasadda oo meel walba gaadhay miyi iyo magaalaba.

121- Ninka dowlada ama shirkadaha meel sare looga dhiibo, intaanu bilaabin shaqadaasi ayaareerkoodu la balamayaan oo ay ku odhanayaan adiguna wax ka qabso inagana wax inooga qabo.

122- Waddooyin burbursan oo hareeraha marmar qurux badan laga dhigayo.

123- Beenta, musuqa iyo khiyaamada oo xadhkaha goostay.

124- Markhaati beenaalaha oo batay.

125- Dhegaysigii idaacadaha reer galbeedka ee suuqyada oo aad u daciifay..

126- Haasaawaha telefoonka oo habeenkii la caadaystay.

127- Isticmaalka mareegta FACEBOOK oo dhallinyaradu meherad ka dhigteen.

128- Jaadkii miisaska lagu dul-iibin jiray oo kolley loo rogay.

129- Saamalaylkii habeenkii oo laga badow baxay.

130- Magaalada Hargeisa waxaad ku arkaysaa laba guri oo iska soo horjeeda midna biyuhufatahayaan midna mayd wax lagu maydho la laayahay.

131- Odayaasha gaboobay oo dantu ku kelliftay in magaalooyinka laga saaro oo miyi la geeyo si ayuga nastaan saxmadda badan iyo guuxa gaadiidka xad-dhaafka noqday.

132- Inta badan guryaha magaalooyinka oo ay ka shaqeeyaan dad Itoobiyaan ah, kuwaas oo kashaqeeya cunto-karinta ilaalinta aqallada iyo nadaafada.

133- Shaqooyinka dawladda iyo kuwii dadweynaha oo inta badan layska dhaxlo.

134- Dumarka oo ka il-baxay sheekho-dumartii shan saacadood socon jirtay oo dhexda xidhan ooreerka masuuliyadiisa qaaday.

135- Musqulaha la kireeyo ee suuqyada oo dad badan ku reeyeen, gaar ahaan ganacsatada islamarkaana aan ku diirinayo fadhi carbeedka dadka aan fadhiisan karayn ku fadhiistaan in loosameeyo.

136- Dadweynaha oo kaashanaya dawladda waddooyin badan oo laamiyo ahna samaystay.

137- Fannaaniintii hore iyo ehelkii suugaanta ee waayadii hore aadka loo jeclaa oo aan immika waxqiime ah bulshada ku dhex lahayn.

Page 12: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 12 of 66

138- Dadkii la odhan jiray Af-miishaarrada ee dadku dhegaysan jireen oo meesha ka baxay, kadibmarkii dadweynuhu kaalintaas wada buuxiyeen.

139- Beeralayda oo bartay faa’iidada biyo-xidheennadu u leeyihiin wax-soo-saarka beeraha.

140- Bulshada iyo dawladda oo marka dhibaato dhacdo xaaladda uun qaboojiya, laakiin aan xalrasmi ah oo dhammaystiran ka gaadhin arrinta dhacday.

141- Madarasadihii waababka ahaa ee xaafadaha laga dhex samayn jiray oo isu beddelaydhismeyaal cusub iyo carruurta oo basas guryahooda lagaga qaado subaxda hore, duhurkana dibloogu soo celiyo.

142- Madaxda dawladda oo ka shaqaysan kari la’ odayaal danahooda gaarka ah u socda oo xafiiswalba taagan.

143- Idaacadaha dibadda oo batay, tartan xoogganina ka dhexeeyo.

144- Heesihii Kacaanka ee dawladdii Af-weyne oo dad badan dhegaystaan, maqalkoodana dhagahaloo wada taago.

145- Isticmaalka malabka oo aad dalka ugu soo kordhay.

146- Dadka da’doodu u dhexayso 45-50 jir oo shaqo la’aan daashatay, badankooduna ka midnoqdaan guddiyada reerkooda si ay dhaqaale uga raadiyaan.

147- Dhallinyarada inta aan balwad lahayn oo si fiican u shaqaysa, mashaariic fara badanna abuura.

148- Fannaaniinta cusub oo ka waantoobay qaadista heeso aanay lahayn oo looga horreeyey.

149- Sheekho Qosol ah: Waxa jirey laba nin oo ku saaxiib ahaa been-sheegidda, kuna caan-baxay beenta. Beentoodii markii ay badatey ayaa lagu wada-nacay. Mar dambe ayey iskuwaaniyeen inay ka waantoobaan beenta oo iska daayaan. Maalin iyadoo makhaayad lafadhiyo ayaa labadii nin mid ka mid ah yidhi “waar ma maqleyseen waxartii cirka kaqaylineysey saaka”? Markiiba dadkii la fadhiyey ayaa afka kaga boodey oo yidhi waarmiyeydaan waxba isku faleyn, ma maantana beentaasi ayaad keenteen? Saxiibkiisii kaleayaa isagoo difaacaya yidhi, ‘miyaanay dhici kareyn in Gorgor waxar haf ka siiyo oo ayqeyliso? Haa, wey dhici kartaa bey ugu jawaabeen. Markii ay labadii isku kelliiyeysteenayaa kii difaacayey yidhi, waar weynagii ku tashannay in aynnu joojinno beenta maxaa kuqaadey? Midda kale, bahashii beenta ahayd cirka ayaad ku laashey oo dirqi iyo tuxunayaan kaga soo dajiyey!.

150- Waxa soo baxay duul aan dhaafayn wax kasta oo dibadda yaal, sida daasadaha iyo birahagaboobay ee la daadiyo.

151- Baabuurta la kala iibsanayo oo lagu iibsado sida ay u kala lambar dambeeyaan, qiimahoodunaku xidhan yahay hadba lambarka gaadhiga.

Page 13: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 13 of 66

152- Waxtarkii jaarka iyo isku-wareeggii bariidada oo aad u yaraaday.

153- Masaajiidii habeenka Jimcaha salliga Nabiga (S.C.W) laga akhriyey oo aad u yaraaday.

154- Dadka lugaynaya ee baabuurtu qaadi jireen oo lagu beddelay muraayadaha oo qofka lagaranayo laga dallacdo iyo in xawaare lagu dhaafo.

155- Isu-dulqaadashadii dadka dhexdiisa oo meesha ka baxday ama daciiftay.

156- Dumarka oo markasta telefoon kula hadla raggooda, lacagna weydiiya.

157- Ballamaha dadku wada galaan oo wax yar ka fulaan, balse inta badan la dhayalsado.

158- Booqashadii dadka buka oo aad iyo aad u yaraatay.

159- Kala-shakiga iyo dammiinka oo batay marka hawlaha ganacsiga la bilaabayo.

160- Dad badan oo sama-falka ay sameeyaan ku kooba qoysaskooda iyo reerahooda.

161- Niqaamka wejiga lagu daboolo oo gabdhuhu aad u xidhaan.

162- Guryo badan oo lagu daray qol gaar ah oo laga kireeyo dadka habeenkii soo jeeda.

163- Xadrooyinkii iyo Alle-barigii habeenka Jimcaha oo meesha ka baxay.

164- Qofka maskaxda iyo fikirka badan oo lagu tilmaamo qof waalan amma aan hagaagsanayn.

165- Kaba-toleyaashii oo magaalooyinka dalka ku sii yaraanaya.

166- Qurbo-joogga Somaliland oo aan nasiib u yeelan barmaajiyo dowladaha kale dadkooda dibadaku maqan u sameeyaan.lacagtooduna ay ku dhamaato biil ay soo diraan.

167- Ragga reer-magaalka ah oo aad u raadiya haweenay lacag haysata oo ay guursadaan.

168- Gabdhaha oo iyaguna la haya guurka nin lacag leh amma dibadda ku maqan.

169- Dhallinyarada badankooda oo faraha ka qaaday hammo-guur iyo inay reer dhisaan xaaladdhaqaale awgeed.

170- Dumarka oo buuxiyey kaalintii ragga ee masuuliyadda qoyska.

171- Cusbitaallada gaarka ah ee dhakhaatiirtu fadhiistaan oo kuyuu loogu jiro, gaar ahaan dumarkaiyo carruurta.

172- Dhallinyaro badan oo tuug noqday oo habeenkii dadka dariiqyada ku baadha.

Page 14: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 14 of 66

173- Rayiisleyaasha oo soo kordhiyey qalab iyo adeegyo casri ah.

174- Tirada dadka wax-qora oo aad u korodhay, balse 90% wax ka qora arrimaha siyaasadda ookeliya iyo dhaliilaha maamulka.

175- Shacabka oo ka bogsaday baqdintii iyo saskii ay ka qabi jireen askarta milletariga, boliska iyonabad-suggida oo imika indhaha lagu caddeeyo.

176- Qashinka waddooyinka iyo guryaha hortooda la dhigo oo noqday wax iska caadi ah.

177- Tallaabo kastoo la qaadayo oo lacag noqotay.

178- Geesinimadii laysku ammaani jiray oo meesha ka baxday.

179- Cudurka Macaanka oo si weyn u aafeeyey dadweynaha reer Somaliland miyi iyo magaalaba,inay wax ka bartaan oo ay baadhaan cilmigiisana aaney ogolayn.

180- Isticmaalka internetka oo dad badan oo shaqeeya ka jeediya shaqo-maalmeedkooda.

181- Ragga oo marka ay guryahooda tagaan aan xaaska iyo carruurta u muujin farxad iyo weji-furnaan.

182- Baahi-wayn oo loo qabo in culimada, ganacsatada iyo dowladd ka qayb-qaataan isku-furkamagaalooyinka reer-reerka loo kala degan yahay.

183- Dadka badankiisa oo aan ku xisaabtamin waqtiga iyo ka-faa’iidaysigiisa if iyo aakhiraba.

184- Dadweynaha oo marka lagu marti-qaado kulan nooca uu doono ha noqdee ku xisaabtama dantagaarka ah ee ugu jirta.

185- Dadka oo aad u bartay isticmaalka cuntooyinka waddaniga ah.

186- Dhaqashadii xoolaha iyo reer-guuraagii oo maalinba maalinta ka dambaysa sii yaraanaya, waxqorshe ah oo miiska saaran dad iyo dowladba aanay jirin.

187- Halgamayaashii SNM oo wax yar ka sii nool yihiin.

188- Saaxiibtinimadii oo isu beddeshay sida loo kala dhaqaale roon yahay.

189- Khudaarta badan oo laga beero meelaha ceelasha iyo biyo-xidheenada iyo biyaha durdurka ah.

190- Dadka qurbaha ka yimaad oo laydhka magaalooyinka Somaliland dhibo.

191- Dumarkii carruurtooda abtirsiinta bari jiray oo tuuray.

Page 15: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 15 of 66

192- Biyihii dibadda laga keeni jiray oo lagu beddelay noocyo kala duwan oo dalka gudihiisa lagasoo- saaro.

193- Buugaagtii yar-yarayd ee xusuus-qorka-jeebka iyo murayadihii yar-yaraa ee jeebka oo laga il-baxay.

194- Dhulkii caadiga ahaa oo dooxyo iyo jeex-jeexyo badan ka dillaaceen.

195- Dadka caddaanka ah oo aanay intooda badan ciidan ilaalin, suuqyadana si caadi ah u marahabeen iyo maalinba.

196- Shidaal wasakhaysan oo marar badan dalka loo iib keeno.

197- Kaalmaha shidaalka oo batay looguna tag- waayey in ay habeenkii saacadaha danbe shidaalkaka shubaan booyadaha xag nabadgeliyo awgeed, sida booyada oo qaraxda ama dab ka kaco.

198- Dadka badankiisa oo aad ula yaaba carruurta dibadaha ku barbaaray ee dalka lagu soo celiyo.

199- Tirada dhalashada iyo dhimashada dadka oo aad u badatay.

200- Sheekho Qosol ah: Waxa la yidhi nin dadkii hore ka mid ahaa ayaa aabihii dhintaymarkii dhowr cisho ka soo wareegtay dhimashadiisii, ayaa meel makhaayad ah isagoofadhiya, ayaa niman odayaal ahi yidhaahdeen, iyagoo is xusuusinaya sidii ay caadadu ayahaan jirtey ee shaadaliga loogu shubi jiray maytida, maanta waa maalin khamiis ah oomaytidiiba soo xaadireysa, markiiba ninkii aabihii dhintey baa yidhi aabahaynacasnimadiisii baan aqaaney, oo koley maytidaa soo caraabeysa maanta ayuu iska sooraacidoonaa.

201- Ku-takri-falka lacagta oo xad-dhaaf noqotay, gaar ahaan dhallinyarada.

202- Isku-hiilintii qabiilka iyo tolaayeydii oo meesha ka baxday.

203- Gaadiidka dawladda oo aan intooda badan darawaliintu u tudhin, lana daryeelin.

204- Feejignaantii indhaha iyo dareenka booliska ee dadka loo diray oo meeshii ka sii baxaysa.

205- Dadka qurbaha ka yimaad oo aan loo raadin sidii waayadii hore loo daydayi jiray.

206- Bisadihii guryaha lagu dhaqan jiray ee jiirka la dagaalami jiray oo dabar go’ay.

207- Birqaabkii dabka loo isticmaali jiray oo lagu beddelay malqaacad.

208- Dadka oo garashadii iyo fikirkii maskaxdooda ku soo koobay hadal-haynta waxyaabo aanfaa’iido lahayn.

209- Masaajidada oo ku dhow inay 24-ka saacadoodba furnaadaan.

Page 16: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 16 of 66

210- Markii ugu horreysay ee guryaha qashinka laga qaado oo lagu soo rogay inay bishii iskabixiyaan $5 doollar.

211- Sheekooyinkii mirqaanka qaadka oo la casriyeeyey.

212- Dad badan oo aan sirahooda ku furfuran meelaha lagu badan yahay sababo la xidhiidhahadalka oo telefoonnada layskaga duubo.

213- Jinaasadaha meydka oo dumarku xabaalaha u raacaan.

214- Horumarka caasimadda Hargeysa iyo gobollada kale ee dalka oo aad u kala fogaaday.

215- Xafladaha meherrada oo lagu martiqaado dad gaar ah oo isugu jira ehel iyo asxaab keliya.

216- Inta badan wiilasha reer Somaliland oo baabi’iyey hantidii ay ka dhaxleen aabbayaashood.

217- Abtigii aadka loo jeclaa oo aan hadda wax qiimo ah dalka gudihiisa ku lahayn.

218- Laaluushkii la qarsan jiray oo si caadi ah meel kasta loogu kala qaato.

219- Dumarka la qabo oo intooda badan heegan ugu jira sidii ay raggooda uga ilaalin lahaayeenguurka haweenay labaad.

220- Maxkamadaha oo ka gar-naqa dacwado aan hore loo arag, loona maqal.

221- Waysadii iyo sijaayaddii odayaashu garabka ku qaadan jireen oo la dhaafay.

222- Hilibkii solayga ahaa iyo subaggii burcadka ahaa oo meesha ka baxay.

223- Madaxtinimada iyo xilalka dawladda oo loogu tartamo in laga fara qabsado.

224- Dad badan oo sas ka qaaday isticmaalka telefoonnada dhinaca nabadgelyada darteed.

225- Waddaniyaddii iyo waxqabadkii oo dadka maskaxdooda laga masaxay.

226- Dugsiyada gaarka loo leeyahay oo iyagu ardaydooda ka iibiya dirays tolan, sidoo kalenaiskuulka dhexdiisa carruurta kaga iibiya buugaagta iyo nusasaacaha.

227- Cunto-kariyeyaasha hudheellada iyo wastaadiinta guryaha dhisa oo yoomiyahoodu cirka iskushareeray.

228- Dadka oo waddooyinka iska dhex-mara oo baabuurtu iska eegaan.

229- Cunistii muqumadda oo aad u yaraatay.

230- Qareennada dadweynaha u dooda oo suuqoodu xaammi noqday.

Page 17: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 17 of 66

231- Sadaqada iyo wax-bixinta oo inta badan laga baahiyo warbaahinta.

232- Isticmaalkii maahmaahaha oo aad u daciifay.

233- Muraayadaha-indhaha ee dalka la keeno oo noqday caag iyo macmal aan tayo lahayn oo suuqalala dhex wareegayo.

234- Dhakhaatiirta oo qof kastoo xannuun ugu taga u xambaariya bac dawooyin ah.

235- Xannuunka TB-da oo hargabka la mid noqday.

236- Qaad-layaashii ku dhawaaqi jiray qiimaha oo loo beddelay cod la duubay oo sameecadowaaweyn ka baxaya.

237- Joornaalladii gaboobay ee afka layskaga masaxi jiray oo laga il-baxay.

238- Sariirihii isbiriinka ahaa iyo furshaantii liifka ahaa oo lagu beddelay loox iyo buush.

239- Ciid-dahraantii dumarku weelka ku xali jireen oo aan jirin.

240- Shirarka dawladda iyo dadweynaha oo aad u batay, gaar ahaan subaxdii.

241- Buurigii raggu laaban jireen ee sida sigaarka loo cabbi jiray oo laga tagay.

242- Shaxdii raggu geedaha hoostooda ku ciyaari jireen, laguna kaftami jiray oo la dhaafay.

243- Shaqooyinka dawladda iyo dadweynaha oo inta badan qabyaalad lagu bixiyo.

244- Qaabkii geela loo gawrici jiray oo lagu beddelay qaab aad u naxariis daran oo naxdin badanleh.

245- Baahi weyn oo loo qabo cilmi iyo aqoon wax lagaga qabto dhibaatooyinka guurka oo aad ubadan.

246- Cunistii baastada oo aad loo cuno oo meesha ka-sii saaraysa bariiskii.

247- Xiirashada timaha iyo madoobaynta madaxa iyo gadhka, gaar ahaan dhallinyarada oo joogtonoqday.

248- Shaqooyinka oo inta badan shuruud looga dhigo qof aan balwad lahayn.

249- Dadka badankooda oo lagu dhibay qoraalka.

250- Qosol ku saabsan tuugada iyo saameynteeda: Waxa jirey oday reer miyi ah oo laba xaaslahaa, markaas ayuu maalin u iibiyey dameer ay biyaha ku dhaansadaan. Haseyeeshee,isagoo dameerkii reerihiisii ku sii wada, ayaa saddex tuug oo maalintaas wax ay xadaan soo

Page 18: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 18 of 66

qaban waayey ku tashadeen inay odayga dameerka ka xadaan. Saddexdii mid ka mid ahayaa odaygii u sheekeeyey si uu u maaweeliyo, mid kalena hoggaankii ayuu ka fureydameerkii oo isaga ayaa qoorta sudhay, si aannu odaygu wax u dareemin, kii kalenadameerkii buu magaalada kula ordey si uu u iibiyo. Kii maawelinayey odayga markuuogaadey in hawshii sidii loogu talo-galey u fushay ayuu ka leexday. Odaygii baa mardambe dameerkii dib u jalleecay, markaas ayuu arkay ninkii dameerka lagu beddelay,dabadeedna wuxuu ku yidhi, ‘waar maxaad aheyd?’ Waxa uu ugu jawaabay, waxa igudhacay cadho Alle oo saacadna waxaan noqdaa dameer, saacadna nin. Odaygii inta uufajacay ayuu xadhigiisii ka furtay, reerkiisiina tagey. Muddo yar kadib, ayaa tuuladii uudameerka ka soo iibsadey dib ugu noqday. Wuxuu arkay dameerkiisii oo summaddii uu kuiibsaday ku taal oo meel ku xidhan, kadibna intuu ku soo dhawaadey buu ku yidhi; “Waardameer marka aad doonto dameer baad tahay, marka aad doontidna nin baad noqotaahaa!?”

251- Kabo nooc kasta leh, qiimahooduna jaban yahay oo dadka aad looga iibiyo, tayadooduna aanayfiicneyn.

252- Hooyooyinka oo habaarkii carruurtooda joojiyey, qaarkoodna cay ku beddeleen.

254- Dadka oo wada dillaaliin noqday.

255- Loollan aan kala go’ lahayn oo saacad kasta lagu jiro.

256- Telefoonnada guryaha iyo xafiisyada la dhigi jiray oo sii dabar go’aya.

257- Saacadihii gidaarrada guryaha iyo xafiisyada la sudhi jiray oo la dhaafay.

258- Godadka waddooyinka badankooda ka jeexmay oo sababta shilalka ugu badan ee gaadiidka.

259- Taariikhda iyo sheekooyinka dagaalladii SNM ku burburisay taliskii Siyaad Barre oo aanwaxba laga qorin.

260- Jawaannadii raashinka lagu keeni jiray oo lagu beddelay baco.

261- Raashinkii 50-ka kg u xidhnaan jiray oo lagu beddelay 25kg iyo in xidh-xidh bakhaarrada loogaiibsado.

262- Sibidhka oo kiiloo-kiiloo loo iibiyo.

263- Ciyaar-soomaaligii habeenkii la ciyaari jiray, gaar ahaan miyiga oo meesha ka baxday.

264- Hagrashada waxqabadka hufan iyo wahsiga oo aad u batay.

265- Fooxii iyo uunsigii guri kasta lagu shidi jiray oo aad u yaraaday.

266- Xabaalaha oo lagu dul sheekaysto.

Page 19: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 19 of 66

267- Xeerarka la dhaqan-geliyo ee dawladda ama dadweynuhu dhexdooda samaystaan oo aanbadankooda lagu dhaqmin.

268- Noocyada kala duwan ee eexda oo aad u kordhay.

269- Tirada dadka xajka taga oo sannad kasta sii kordhaysa qaali kasta ha ahaadee.

270- Tirada haweenka foosha ku dhinta oo aad u badatay.

271- Dhallinyaro aad u badan oo madaxa iyo gadhkaba cirro buuxisay.

272- Qalabka dayactirka gaadiidka oo tayadoodu aad u liidato.

273- Magacyo dawladda hoose ee Hargeysa u bixisay jidadka caasimadda oo dadkuna moogganyahiin.

274- Baabuurta caanaha keena magaalada oo u socda sida kuwa jaadka oo kale.

275- Mukhaadaraadka oo dhallinyaro badan dishooday.

276- Qofka saldhigyada booliska lagu xidho oo marka laga daba yimaad xadhigga laga sii daayomarkiiba.

277- Xafladaha dugsiyada gaarka loo leeyahay oo tiro beelay.

278- Noloshii reer-guuraaga oo la qoomamaynayo, kadib markii xoolo-dhaqashadii yaraatay isla-markaana beeraleydii lahaa meel sugan ay waxbarashada iyo caafimaadka iyagu nasiib uyeeshay.

279- Heesihii talan-taalliga ahaa oo meesha ka baxay.

280- Dadka ku barakacay magaalooyinka gudahooda oo caafimaadkoodu ka wanaagsan yahay kuwaladan ee guryo waaweyn ku jira.

281- Qaylo-dhaan joogta ah oo mar-walba ciidanka amnigu ku sugan yahay, iyadoo tansiilaadkiilagu fulinayey aanay haysan, hadana guulo waaweyn ka soo hooya.

282- Baahi-weyn oo dalku u qabo abuurista caymiska gaadiidka.

283- Is-xushmayntii dhinaca da’da ee dadka oo sii gudhaysa.

284- Dadka is-daldala iyo kuwa is-guba oo tiradoodu aad u yaraatay.

285- Dad tiro badan oo sooma maalin kasta oo Isniin iyo Khamiis ah.

Page 20: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 20 of 66

286- Da’yarta oo aan helin taariikhaha sidii Somaliland xorriyadda ku qaadatay 1960kii, midowgiiay la gashay Soomaaliya, halgankii dib-u-xoreynta iyo sababaha keenay inaymadaxbannaanideeda la soo noqoto 1991-kii.

287- Isticmaalka haamaha gaasta wax lagu karsado oo dad badan la qabsan la’yihiin baqdin awgeed.

288- Dadka badankooda oo habeenkii xilli hore seexda.

289- Hablihii guryaha ka shaqayn jiray oo la waayey, una wareegay inay samaystaan makhaayadoyar-yar oo shaaha lagu cabbo, laguna qayilo, halkaasina badankoodu ay guur ka helaan.

290- Rag badan oo caadaystay inay ku daba qayilaan dumarka qaadka iibiya.

291- Dadka gudaha oo culays xooggan oo dhaqaale ku haya qurbo-joogga.

292- Ragga aan badankoodu shaqaysan oo maalin kasta qayila, kharash badanna burburiya.

293- Nootaayooyinka oo ka arradan qol gaar ah oo ay fadhiistaan ama ku nastaan dadweynahamuraadadooda u qarsoon doonaya inay ku dhameytaan.

294- Sarrif-leyaasha oo cabsi la’aan badhtamaha suuqyada wadha lacag malaayiin dollar ah, kanaasturin dadka dhibaataysan ee ishoodu ku dhacayso.

295- Goobihii telefoonnada laga dirsan jiray oo laga guuray.

296- Kombiyuutarrada gacanta lagu qaato oo guri kasta iyo goob walba lagu isticmaalo.

297- Kolleyada qaadka lagu iibiyo oo mid kasta magac gaar ah far waaweyn lagu dul qoro oo qosalleh.

298- Is-dhexgalkii ragga iyo dumarka oo aad u batay.

299- Caashaqa iyo jacaylka telefoonka ee da’yarta oo ciidda ka batay.

300- Gabdho tiro badan oo bartay cunista qaadka iyo cabbista badeecadda.

301- Hudheello rag iyo dumar badeecadda lagu wada cabbo.

302- Sheeko Qosol ah: Waxa jiray magalaada Hargeisa nin caruur badan oo maalin ayuubiilkoodii ku adkaaday. isagoo yaabban ayaa waxa uu arkay nin sii socda oo reerkooda ahoo ladan ninkii buu soo daba-qaaday oo is yidhi aad la hadashid oo aad wax waydiisatidninkan wax haysta ee sii-socda, mar-kasta qof ayaa salaamayey oo uu la istaagayey ninkiibilaa masruufta ahaa wuu iska samray waanu iska daba-socday markaasuu ninkii ladnaamasaajid galay, isna wuu ka daba-galay, markii salaaddii la tukaday ayuu kii baahnaa soobaxay si aanu ninku uga hor bixin. Ninkii ladnaa salaad badan oo sune ah ayuutukanaayey marna qur’aan ayuu akhrisanayey. Kan miskiinka ahi kolba daaqad buu ka

Page 21: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 21 of 66

eegayey markuu saacado dhan ku jiray ayaa ninkii baahnaa samirkii ka dhamaaday intuuiskaga dhaqaaqay buu yidhi “waxani salaad maahee waa kaga xaari”. isagoo u jeeda in uumaanta ninkaasi waxba ka helayn waxna looga qorin.

303- Casarkii oo dadku laba u kala baxaan, niman wadaado ah oo khamiis gaaban xidhan, garabkanacumaamad ku haysta, gacantana kitaab ku ista oo intaasi faqaaya iyo kuwa gidaar la fadhiyaqayilaad.

304- Dhakhtaradii iyo neeras-tii oo khaatiyaan ka jooga dadka soo siyaaranaya dadka jiifa cisbitaalkalooguna taag waayey saacado goon ah ay soo booqdaan.

305- Laba kooxood oo la kala ilaalin jiray oo manta wada shaqaysta kuwaasi oo ah Ganacsatada iyoCiidanka.

306- Geedkii cambe-babaayga ahaa oo faraha laga qaaday.

307- Hablihii yar-yaraa oo marka waano u-jeediya la is-yidhaahdo cay xun kuugu jawaabaya.

308- Dumarka qaadka iibiya oo marka wadaadadu ku yidhaahdaan lacagta qaadka lagama tagi karoxajka ay gacanta iyo dhabanka isku hayaaan.

309- Jaarkaaga kugu xiga oo aan la ogayn hadii ay seddex cisho waxna cunin waxna cabin.

310- Dadkii waa-waynaa ee kursiga looga kici jiray oon looga kacayn.

311- Daka reer Somaliland oo u naxaya somalida koonfurta. Fahmayna halka ay sirtu ka qudhuntaywaxna u tari karaynin.

312- Macalimiintii Tababarnaa oo sida lagu helaa adag tahay.

313- Dhalinyaradii ciyaartooyga ahaa ee subaxda hore alamiitada samayn jiray oo meesha ka baxay.

314- Wufuud qulqulaysa oo dibadda ka imanaysa oo barigii hore la eegi jiray inay wax tar layimaadaan oo la iska ilaaway.

315- Ciidankii la bari jiray socodka dheer, gaajada iyo haraadka inay la qabsadaan iyagooqalabkoodii dhabarka ku sita ee habsami isku daba gali jiray ee dumarkuna u mashaxaradi jireeniyagoo dirays isku wada eeg xidhan oo aan jirin.

316- Mashaxaradii dumarka oo iska yaraatay.

317- Anteenooyin badan oo buuraha laga taagay, dadkuna ka cabsi qabaan in xanuuno ka dhashaan.

318- Baytariyo iyo Taayiro aan tayo lahayn oo wadankii lagu soo daabulay.

319- Maahmaahdii ahayd qunjar socde qodaxi ma muddo oo meesha ka baxday.

Page 22: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 22 of 66

320- Taraafigii Reer Somaliland oo ka daalay farahana ka qaaday inaanay darawaliintu hoonka kuqaraacin madaxtooyada iyo cisbitaalada.

321- Marka dadku wax iibsanayaan wax kasta ha noqdee ay inanka wax-iibinaya mar kaliya la wadahadlaan si uu toban qalbi iyo toban maskaxood leeyahay oo kale.

322- Hilibka oo aad loo cuno, Bari-dhow hadaan wax laga qaban laga yaabo in ay dabar go,aanxoolaheenu.

323- Wadaagii Raashiinka oo meesha ka baxay.

324- Waxaad arkaysaa dad sita seddex ama afar mobile oo dadka is tusaya si loo moodo in uu yahaynin masuul ah oo hawlo wada.

325- Dowladda iyo haayadaha madaxa-bannaan iyo kuwa ajanabiga oo marka laga qaado xilka uuhayo naftiisa kala kulma qoomamo iyo warwer xanuun ku keena.

326- Waxa soo baxay in wasiirada iyo maayirada dad badan daba ordaan iyagoo doonaya in ay arrinu sheegaan taasi haddii ay u suurtoobi waydo dumarkooda ayey guryaha ugu tagayaan oo ay usheegaan muraadkooda.

327- Ganacsatadii nooc kasta ha ahaadaane oo joojisay daynka gabigiisaba.

328- Faraawilka caagga ah oo dalka ku soo batay.

329- Hangoolkii oodda lagu qaadi jiray, amma lagu xarragoon jiray oo dabar go’ay.

330- Tirada jaraa’idka ka soo baxa caasimadda Hargeysa oo aad u badatay, wax keliyana lagu wadaqoro.

331- Mulkiilayaasha guryihii gaboobay ee faras-magaalaha oo dhaqaale xooggan ka helay iibkooda.

332- Maahmaahdii ahayd dumarka been baa lagu soo xero-galiyaa, runna waa lagu dhaqaa ooshiiqday.

333- Rag iyo dumar gelinka hore waalan, lagana baqdo oo gelinka dambe caadi noqda oo qaad kuurursada Waalidaasi, galabtii markay qayilaana caadi noqda.

334- Kabihii reer-miyiga loo toli jiray oo laga il-baxay.

335- Waalidiinta oo badankoodu aad uga werwera xaaladda carruurtooda qaan-gaadhka noqda, gaarahaan wiilasha.

336- Wadhafkii oo laga baxay.

337- Dhegaysiga qaar ka mid ah barnaamijyada ka baxa idaacadaha oo aad loo xiiseeyo

Page 23: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 23 of 66

338- Weelka cuntada ee dumarku murdin jireen oo meesha ka baxay.

339- Feenashadii lafaha hilibka oo la iska daayey.

340- Calaamadaha digniinta sida cabbista sigaarka oo lagu dhejiyo gidaarrada xafiisyada iyoguryaha.

341- Inta badan dhallinyarada dalka oo dhoof madax-maray.

342- Siyaarooyinkii la dhigi jiray oo aad u yaraaday.

343- Booliskii dhar-cadda la odhan jiray oo aan dalka ka shaqayn.

344- Dadka badankiisa oo indhaha ka qarsada duruufaha qallafsan ee waddanka jira.

345- Barashada diinta oo noqotay il-dhaqaale oo macaash badan laga helo.

346- Culimada oo siyaabo kala duwan u qaata cummaamadaha.

347- Beeralayda oo wax-soo-saarkooda u adeegsada sun aanay aqoon u lahayn waxyeelladeeda.

348- Xaaladda dalka oo ku socota in ay hilibka cunaan oo keliya dadka lacagta badan haysta,maadaama qiimihiisu cirka isku shareeray.

349- Odayaashii ka qayb-galay dagaalkii labaad ee adduunka oo dhammaaday.

350- Dumarka oo uunsigii ay lugaha dhex galin jireen iska dhaafay.

351- Noqoshada caaqil, suldaan, boqor iwm oo aad u fududaatay, kuna xidhan lacag aan badnayn ooxaflad caleemo-saar lagu dhigto.

352- Caydii diinta, malaa’igta, Nebiga (NNKHA) iyo Illaahay oo aad u yaraaday, kadib markiiGuddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebistu suulinta arrintaas xil weyn iska saareen.

353- Sheeko Qosol ah: Waxa jirey nin mar-dhoof ahaa oo tagay dalka Mareykanka. Maalinbaawaxa qado ku casuumey dad ay asxaab ahaayeen. Qadadii markii ay cuneen, ayaa waxaloo keenay macaan Jelley la yidhaahdo, kaasi oo la qaboojiyo oo marka talaajada laga soosaaro ee miiska la dhigo ruxma oo yar gariira, markaasuu yidhi ninkii ma cunaayo,waxayna ugu jawaabeen waxa uu leeyahay faytamiin badan ee cun, dabadeed waxa uu kuyidhi “haddii uu nafaqo leeyahay isaga ayaa isku joogi lahaa ee iga daaya”.

354- Marxabbaysiis iyo raalli-gelin aan hore loo arag oo loo hibeeyo dadka wax haysta.

355- Maamulka dhulka oo badankiisu ka baxay gacanta dawladda.

356- Telefoonnada gacanta oo lagu soo kordhiyey adeegyo casri ah oo aan hore loo arag.

Page 24: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 24 of 66

357- Aroosyadii baabuurta badan magaalooyinka lagu soo wareejin jiray oo laga baxay.

358- Diiwaangelinta dadka geeriyooda oo meelo badan laga hirgeliyey.

359- Dumarka oo ka badow-baxay xidhashada googoraddii qarada weynayd ee dulaca lahayd.

360- Ardayda jaamacadaha ka qallin-jabiya oo shaqo la’aan guryaha iyo gidaarada buux-dhaafiyey.

361- Kutubka qur’aanka gaboobay ee jeex-jeexmay oo dib loo cusboonaysiiyo.

362- Dab-damis yaraan baahsan oo dalka ka jirta.

363- Doodaha idaacadaha ka baxa oo dadku naceen.

364- Baabuurtii Landroverka la odhan jiray ee berigii hore aadka loo jeclaa oo laga tagay.

365- Goobaha lagu duubo qur’aanka, axaadiista iyo muxaadarooyinka oo kuyuu loogu jiro.

366- Dhallinyaro badan oo ku lebbista surwaal badhyaha lagu xidho.

367- Qallin-qori (pencil) tayadiisu aad u liidato oo dalka loo iib keeno.

368- Dadka waalan oo magaalooyinka si sibiq ah uga baxa, kadibna dhibaatooyin badan la kulma.

369- Adeegyada dadweynaha ee hay’adaha dawladdu qabtaan oo fulintooda lagu xidho qofkamadaxda ah sexeexiisa oo keliya.

370- Booqashadii bukaanka oo aad u yaraatay.

371- Cudurrada jinka oo aad iyo aad ugu soo batay dalka, gaar ahaan dumarka.

372- Goobaha sawirka lafaha ee gaarka loo leeyahay oo tiro beelay magaalooyinka waaweyn, iyadoodhibaatadooda caafimaadna ay aad u balaadhan tahay.

373- Baaskiiladihii la kirayn jiray ee carruurtu ku ciyaari jireen oo laga guuray ama dhif ahmagaalooyinka.

374- Is-xilqaamiddii arrimaha danta guud oo yaraatay.

375- Kirishboydii baabuurta oo aad u yaraaday.

376- Marfashyada koox-kooxda loogu qayilo oo batay.

377- Buuggaagtii xusuuq-qorka ee gacanta lagu qaadan jiray oo la dhaafay.

378- Dhimista miisaanka jidhka oo la soo baranayo.

Page 25: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 25 of 66

379- Ganacsiyada la wada leeyahay oo u badan qoysnimo amma kooxnimo aan wax shuruuc ahlahayn.

380- Jaadkii la taqsiimi jiray oo lagu beddelay in biyaha uun la raaciyo.

381- Qayilaadda oo noqotay halka ugu weyn ee raggu waqtigooda qaaliga ah ku lumiyaan.

382- Dadka badankooda oo aan u aabbo-yeelin waxa calooshooda galaya.

383- Xaaladda qaad-cunista oo ku socota in sida dalka Yemen rag iyo dumar meel lagu wada qayilo.

384- Calool-istaaga iyo isku-buuqa oo dadka ku sii badanaya.

385- Baabuurtii la odhan jiray Siisowga iyo Niisaanka oo sii dabar go’aya.

386- Wiilasha farmasiiyada iibiya oo dadka dawooyinka u qora.

387- Subaggii saafiga ahaa oo dalka ku sii yaraanaya, aadna u qaaliyoobay.

388- Nabsigii raagi jiray ee dadka laga galo oo hadda soo deg-dega.

389- Faalkii iyo tusbaxii la rogi jiray oo laga guuray ama yaraaday.

390- Dilkii oo aad u yaraaday.

391- Waddaniyadda dadka oo duruufaha dhaqaale mugdi weyn geliyeen iyo hadalo kaftana oo ay kamid tahay dantaada ka raac iyo maxaynu cunaa oo dadka dhexdiisa ku badan.

392- Timirtii caammada la odhan jiray oo aan jirin oo lagu bedelay timiro kale oo jaad jaad ah ooaad u macaan aadna u qurux badan.

393- Baanboydii durbaankooda meelaha fog laga maqli jiray oo aan waqtigan jirin.

394- Beeralay badan oo wax-soo-saarkooda uga faa’iidaystay mashaariicda iyo tababarradahay’aduhu siiyaan.

395- Ganacsatada reer Somaliland oo ku guuldarraystay inay kalluunka iyo milixda u iib geeyaandalka Itoobiya.

396- Baabuurtii xammuulka dadweynaha ee badeecadaha ka soo qaadi jiray dekedda Berbera oo aymeesha ka saareen gaadiid waaweyn oo ganacsatadu gaar u leeyihiin.

397- Sigaar noocyo kala duwan leh, aadna u tiro badan oo dalka la keeno.

398- Qaar ka mid ah basaskii dadweynaha ee qaxootiga lagala soo noqday oo weli shaqeeya.

Page 26: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 26 of 66

399- Gabayadii iyo suugaantii dhegaysigooda la jeclaa oo aad u yaraaday

400- Shaqooyinkii dadka shaqaalaha ah saacadaha loo xisaabin jiray oo meesha ka baxay.

401- Dhismayaasha quruxda badan iyo fooqyada tirada badan ee dalka la dhisay oo ka arradanwajahado baabuurta la dhigto.

402- Badeecadaha ganacsiga oo aan lahayn qiimo go’an, qof kastana wixii la doono laga siiyo.

403- Sheeko Qosol ah: Bari hore ayaa nin reer miyi ahaa nabar madaxa ka gaadhey, isagoo ladagaalamaya nin kale, dabadeed wuu suuxay, waxaana u suurtoobey ehel-kiisii in ay sideg deg ah u soo gaadhsiiyan cusbitaalka Hargeysa oo markaas uun la dhameeyeydhismihiisii, hawshii caafimaadkuna ay bilaabantay, qalab casri ahna waa yaaley. Ninkiimarkii uu habeen iyo maalin koomo ku jirey ayuu goor fiid ah oo dhakhtaradii kormeer kumarayaan waadhkii uu jiifay ayuu soo baraarugey, waxaana uu u qaatey in uu akhirojoogo oo dib u soo nolaadey. Markiiba waxa uu ku indho-daraandarey uuna la yaabeywaxyaalo aanu hore u arki jirin, sheekana ku maqli sida; laydhka, shaqaalaha ajanaabi ahoo dad cadcad ah oo dhar wada cad xidhan, sariiraha iyo qalabka cusbitaalka ee meeshayaaley, markiiba dhakhtaradii baa u yimid, mid ka mid ah oo af-soomaali in yar kayaqaaney ayaa ku yidhi waryaa adiga magacaa? Waxana uu ugu jawaabey “ifkii waxa leyodhan jirey Maxamed”!!!.

404- Dharka huudhaydhka ah oo ku biiray ganacsiyada waa-weyn ee dalka ka jira iyadoo rag iyodumarba ay iibsanayaan nigisyada iyo sharabaado la soo isticmaalay iyo garamo, dumarkunanigisyada iyo keeshiliyada ay ka iibsanayaan.

405- Qaar ka mid ah masuuliyiinta xafiisyada dawladda iyo kuwa dadweynaha oo shaambadahajeebka ku qaata markay xafiiska ka baxaan.

406- Teebkii waraaqaha lagu qoran jiray ee xafiisyada yaallay oo lagu beddelay kombiyuutarro.

407- Xabaalaha oo la iibinayo meelaha qaar.

408- Heesihii laga allifi jiray qisooyinka iyo dhacdooyinka dhabta ah oo aad u yaraaday.

409- Dayac baahsan oo ku yimi dhaqashada xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqaalaha dalka.

410- Ragga qaadka iibiya iyo kuwa ka shaqeeya oo u badan dhallinyaro.

411- Riyooyinkii dadka ee laga sheekayn jiray oo meesha ka baxay.

Page 27: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 27 of 66

412- Dawladda oo aan qorshe cad u dejin in cashuur-dhaaf loo sameeyo shirkadaha waa-weyn eewax ka qaban kara shaqo-abuurka bulshada Somaliland.

413- Taariikhda dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmaray sannadkii 1977kii oo aan waxba lagaqorin.

414- Qubuuraha dadka lagu aaso oo loo sameeyey qorshe lagu habaynayo meelaha xabaasha lagaqodayo.

415- Xafiisyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo tiradoodu badan tahay, balse tayadoodawaxqabad kala dhantaalan tahay.

416- Jinkii dadka geli jiray oo u wareegay dhallinyarada ehlu-diinka ah.

417- Sawirradii xusuusta loo geli jiray oo laga ilbaxay.

418- Carruurta oo deg-deg u kora, gabowshaana noqda.

419- Dhallinyaro tiro badan oo bidaar aafaysay.

420- Shaqaalaha xafiisyada dawladda iyo kuwa shirkadaha oo intooda badan niyad-jab iyocaajisnimo ka muuqdaan.

421- Xidhashada muraayadaha indhaha ee xarragada loo qaadan jiray oo aad u yaraaday.

422- Tirada masaajidada caasimadda Hargeysa oo 500 kor u dhaafay.

423- Shacabka oo ka siman inay qofka xannuunsanaya siiyaan talooyin is-wada burinaya oocaafimaad.

424- Hadalka dadka oo inta badan lagu xidhiidhiyo qolonimo amma lagu sheego in cid kale kadambayso.

425- Xafiisyada hay’adaha waaweyn ee Somaliland ka shaqeeya oo laga xukumo Nairobi.

426- Miisaankii raashinka ee dukaamadu isticmaali jireen oo lagu beddelay raashin diyaarsan oobaco lagu sii xidh-xidhay.

427- Dhaarta madaxda xilalka qaranka loo dhiibo oo aan si fiican loogu dhaqmin.

428- Dhallinyarada is-guursada ee laysku meheriyo oo aan la siin tababar ku saabsan dhismahamustaqbalka qoyskooda.

429- Reer-magaalkii suuqyada isku dili jiray oo aad u yaraaday.

Page 28: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 28 of 66

430- Wax-garadka reer Somaliland oo ka dharagsan sababaha adduunku u aqoonsan la’yahaydalkooda iyo in wadahadallo lala galo Soomaaliya.

431- Heestii Cali Sugulle ee ahayd af-qalaad aqoontu miyaa ee ay ku jirtay “mar uun baa dadka laabuuraa laba jeer lama abuuro” aniguna waxaan soomali odhan lahaa markaasi ayuunbaa la inaabuuraye aynu ka faaidaysano oo aduunka gaadhno.

432- Baroortii dumarku isu jiibin jireen marka qof dhinto oo la iska daayey.

433- Dhagaysiga barnaamijyada suugaanta ee idaacadaha ka baxa oo aad loo xiiseeyo.

434- Baahida qoyska iyo ta shaqsiga ah oo noqotay wax saacad kasta taagan.

435- Wasaaradaha dawladda oo aan badankoodu qancin Karin dadka hawlaha uga baahda ama aanlahayn awood funined.

436- Sharabaadadii reer-magaalku xidhan jireen iyagoo xagga dambe ka madhay oo aan waqtiganjirin.

437- Kiniinkii Asprin-ka ee madax-xannuunka loo cuni jiray oo aan la isticmaalin.

438- Korriinka dhallinyarada oo xad-dhaaf noqday, gaar ahaan gabdhaha.

439- Timihii madaxa ee raggu la bixi jireen oo laga baxay.

440- Fataatiirkii carruurtu ciyaari jireen oo aad iyo aad u yaraatay.

441- Sharabaadkii carruurtu kubadda ka dhigan jireen xaafadaha dhexdooda oo aan jirin.

442- Diyaaradihii waraaqda iyo dunta isku xidhan ahaa ee carruurtu ku ciyaari jireen oo aad udaciifay.

443- Dhuumaalaysigii iyo ciyaarihii carruurtu ku madadaalan jireen oo meesha ka baxay.

444- Aflaamta musalsalka oo guri kasta iyo goob kasta lagu daawado, gaar ahaan dumarka.

445- Daawashada ciyaaraha kooxaha Yurub oo si weyn u saameeyey dhallinyarada dalka.

446- Dheemaalkii riyaha loo luli jiray oo aan jirin.

447- Qolqoladii guryaha ee habeenkii lagu cawayn jiray oo laga ilbaxay.

448- Tuugtii guryaha u dhici jiray habeenkii oo laga raystay.

449- Ciyaalka xaafadaha oo magacyo lacag lagu siiyo kubbadda ku ciyaara.

Page 29: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 29 of 66

450- Heesihii Kacaankii Siyaad Barre oo ujeeddadii laga lahaa da’yartu la yaabban yihiin.

451- Hadalkii naxariista iyo xishoodka huwanaa ee haweenka lagu yaqaanay oo meesha ka baxay.

452- Sariibadaha magaalooyinka dalka oo hilibka lagu dul iibiyo miis korkii, duqsi badanna dulfadhiyo.

453- Fargalkii raggu faryarada bidix ku xidhan jireen oo laga guuray.

454- Sheekho Qosal Ah: Waxa jirta meel buur ah oo Hargeysa koonfurta ka xigta oo layidhaahdo Qalax. Meeshaasi marka ay baabuurtu kor gaadhaan, waxa jiri jirtay intarakaabku ka dagaan ay la riixi jireen si baabuurtaasi looga saaro dalcaddaasi, waxadhacday in baabuur noocyadaasi ka mid ahaa oo Hargeysa ka baxay, ayaa iyadoorakaabkii sii qadeynaayo kaftameen, markaasuu darawalkii aad u qoslay, ka bacdi ayuuxusuustay buurtii la sii mari jirey iyo kadeedkeedii, waxaanu yidhi “Waan qoslayaaqalaxna wey iga danbeysaa”.

455- Biyo-mareennada caasimadda Hargeysa oo noqday qashin-qub.

456- Lo’ iyo geel magaalooyinka lagu dhex dhaqdo oo ku nool raashinka la daadiyo iyo qashinkaqoyan.

457- Reer-magaalka ladan oo badankoodu iska dhaafay isticmaalka caday-Soomaaliga, kunabeddelay burush.

458- Inta badan dadkii caanka ku ahaa sama-falka iyo danta guud oo ka niyad-jabsan bulshadoodaaan abaalka lahayn.

459- Reer Somaliland-kii ka shaqaysan jiray maraakiibta aduunka u kala gooshta oo meesha kabaxday.

460- Dalka iyo dadka oo gebi ahaanba ka arradan samaysashada qorshe istaraatijiyadeed oo kuqotoma yoolka la higsanayo, wax kastaana ku socdaan jaantaa rogan.

461- Qurbo-joogga oo biiliya saddex meeloodow-meel bulshada Somaliland.

462- Turubkii iyo dubnaddii raggu ciyaari jireen oo meesha ka sii baxaya.

463- Laadhuudii carruurtu girgire-xamariga ka samayn jireen ee aadka loo ciyaari jiray oo la iskadhaafay.

Page 30: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 30 of 66

464- Bulshada Somaliland oo aan aqoon u lahayn qeexidda waxyaabaha kaalmo dibadeed loogabaahan yahay iyo kuwa ay iyagu qabsan karaan.

465- Raggii luqadaha badan yaqaannay ee tarjumidda looga dambayn jiray oo la isweydiinayo meelay ku dambeeyeen.

466- Dhallinyarada xabsiyada ku jira ee la xukumo oo muddada xadhigga loo yareeyo si ay xorriyadugu helaan ka qayb-galka horumarka dalka ka socda.

467- Odayaashii talooyinka iyo arrimaha muhiimka ah looga dambayn jiray oo meesha ka sii baxaya

468- Isticmaalkii tooshka oo aad ugu yaraaday magaalooyinka.

469- Mulacii iyo ugaadhii dalka ku dhaqnaa oo sii dabar go’aya.

470- Leebkii iyo qaansadii oo laga il-baxay.

471- Qurbo-joogga, gaar ahaan dhallinyarada oo tartan ugu jira maal-gashiga dalkooda hooyo.

472- Werwer xoog leh oo soo wajahay xoolo-dhaqatada Somaliland.

473- Maxkamadaha oo ay buux-dhaafiyeen dad tiro badan oo la socda qof kasta oo dacwoonayaamma la dacwaynayo.

474- Taariikh cusub, oo ku dayashana leh oo uu dhigay mid ka mid ah qurbo-joogga Somalilandoo

ka taajiray caanaha geel uu dhaqday.

475- Ragga reer miyiga ah oo masuuliyaddii xoolo-dhaqashada kaga mashquulay cunista qaadka.

476- Tuulooyin aan tiro iyo caddad toona lahayn oo dalka ka samaysmay.

477- Beerkii geela ee reer-magaalku aadka u jeclaayeen oo qiimihiisu cirka isku shareeray.

478- Cunistii beedka iyo suqaarka oo aad u yaraaday.

479- Dadka waaweyn oo ay aad ugu adag tahay iibsashada dharku.

480- Jaarkii is-layn jiray iyo shiidkii dumarka iyo carruurta oo aad u yaraaday.

481- Khasaaraha iyo dhibaatooyinka baahsan ee loo geystay degaanka oo saamayn ku yeeshaynolosha qof kasta miyi iyo magaalaba

Page 31: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 31 of 66

482- Wargeysyada tirada badan ee caasimadda ka soo baxa oo ku guuldarraystay inay tacsiyahadadka dhinta raaciyaan sawirka qofka geeriyooda.

483- Isticmaalka caanaha geela oo lagula taliyo dadka xannuunka faaliga amma jeex-qallalku kudhaco.

484- Geelii laysugu faani jiray ee haybadda iyo quruxda lahaa oo sii dabar go’aya.

485- Ardayda iyo shaqaalaha subaxda hore kallihi jiray oo barqada dheer guryaha ka baxa.

486- Geed-midhoodkii daaradda guryaha laga beeran jiray oo la iska dhaafay.

487- Ixtiraamkii ardayda ee macallimiintooda oo gebi ahaanba meesha ka baxay Ardayga edeb-darrada sameeya ee iskuulka laga eryi jiray oo meesha ka baxday.

488- Looxii qur’aanka lagu dhigan jiray oo buug iyo qallin lagu beddelay.

489- Raggii reer-miyiga ee macawista gaabsan jiray oo ka il-baxay.

490- Jimceyaasha oo oday iyo dhallinyaraba laga siman yahay xidhashada khamiis amma macawiisiyo cummaamad qurux badan.

491- Wufuud tiro badan oo maalin kasta dalka yimaad, wax badanse aan safarradooda laga dheefin.

492- Xidhashada kabaha sandalka ah oo aad u batay.

493- Tirada shaqaalaha dawladda oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya.

494- Gubashadii carruurta yar-yar oo yaraatay.

495- Daawashada telefishanka oo magaalo iyo miyiba wada gaadhay.

496- Wax-soo-saarka beeraha oo aad u liita, marka laga reebo khudaarta geed-gaabka ah.

497- Dadka waaweyn oo ku keliyeystay dhagaysiga idaacadaha.

498- Golihii Guurtida Somaliland ee gadh-caddaha ahaa oo isu beddelay gole dhallinyaro iyodhaxaltooyo.

499- Isticmaalka xad-dhaafka ah ee telefoonka gacanta oo noqday aalad fududaysay inta badanhawlaha dadka kala gala.

500- Ragga iyo Dumarka ku xidhan jeelasha ee lagu qabtay mukhaadaraadka iyo kufsiga oo bataylaguna xukumo 3 sanno iyo lacag dhan 3 milyan oo Somaliland shillin ah. Waxaana aan uololaynayaa in dadkaasi hadii ay ilaahay u toobad keenaan laga faa’iidaysto xooggooda lagana

Page 32: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 32 of 66

dhaafo 3-da milyan ee ganaaxa ah, taasi oo qofka waaya lacagta ganaaxa ah uu ku sii jirayojeelka. Taasina culays ay ku keenayso labada dhinacba jeelka iyo kuwa xidhanba.

501- Sheeko qosol ah

Nin reer miyi ahaa oo socoto ahaa oo diif xoog leh haysey, kana muuqatey ayaa reer ku soobaxay, reerkii buu u hoyday habeenkii, reerkii ninkii wey qadiyeen, iyagoo bidhaan-xumadiisa ku nacaaya, ninkii waxa uu yimid magaaladda Burco oo ehelkiisii degganaa. Sifiican baa loo qaabiley, arrad-beel fiicanna wuu ka qaatay, isagoo reerkiisii ku sii socdaayaa reerkii qadiyey uu u sii hoyday, markaasaa aad loo soo dhaweeyey, iyadoo martiqaadfiican loo fidiyey, iyagoo aan u garaneynin in uu yahay kii ay qadiyeen. Ninkii waxa uuogaadey in wax lagu siinaayo aragtidiisa iyo hugiisa. Iyadoo ay maqlayaan reerkii ayuuyidhi “Marooy Caanaaha Dhan”!.

502- Guryihii dawlada oo 500-guri kor u dhaafay, xaq-darro weyn iyo dayac aan la sheegi-kareynaka jiro iyadoo dad iskaga jireen muddo 23 sanno ah wax ay doonaana ka sameeyaan. Haddii aydoonana ay lacag badan ku iibinayaan, maalina ayna dayac-tirin. Dawladiihii danbana ay iskabailoobeen. Haddii ay sameyn lahaayeen ama dayac-tiri lahaayeen sanadkiiba 15 guri kadibna ayka kireeyaan Ha’adaha wadanka jooga sida Masar oo kale waxa ay ka heli lahaayeenMushaharka ciidamada oo dhan.

503- Dhaqan-cusub oo soo baxay sida: in qof waliba sameeyo faa’iido deg-deg ah oo la biiriyo ooayna sinaba u noqon kuwa baahan (Illaahaybaa ma baahde ah) iyagoon dhismaha wadankawaxba ku darsanayn, sidoo kale iska dhaaf cid kaloo uu reerkiisa kala bakhaylayo.

504- Dadwaynaha oo imika dib u jaleecay dibna u fahmay waagii dowladdii siyaad brre ay tidhimaalin kaluunka ha la cuno wiigii oo aan si fiican looga faaidaysan, maantay joogtaa si qalistaxoolaheenu u yaraadaan.

505- Sidoo kale dadwaynuhu inaanu fahmin markii dowladii siyaad barre ay soo dajinta baabuurtalagu raaxaysto muddo hakin jirtay wixii aan ahayn booyad, ambalance , cagcagaf, baabuurtaciidanka,iyo baabuurta waawayn ee xamuulka lagu qaado iyadoo u jeedadu markaas ay ahaydqorshaynta dalka oo ay ahayd in la isku miisaamo waddooyinka waddanka ka jira iyo lacagtaadag ee ku baxaysa spareparts iyo shidaalka .iwm

506- Sheekho Qosal ah: Waxa jiray nin oday ah oo calool-wayn oo dhib badan ay ku heysay.maalin maalmaha ka mid ah isagoo ku waysaysanaya kursi xaaskiisuna hor fadhido ayeymacamuustii inteedii hoose ka dhacday kolkaasay ku tidhi macamuustii baa kaa dhacdayee adkayso wuxuu ugu jawaabay “naa baryahaaba maan arage igu salaam”.

507- Ciyaal school-kii oo farta dhigaalka ah quruxdoodii ka maqantahay.

508- Mucjisooyin waa-wayn oo wadanka ka dhacaya sida carruurta dhalanaysa iyo meelo dhulku uugo’ay.

Page 33: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 33 of 66

509- Reer-Hargeisa oo saanbuusihii faro baas ku haya.

510- Cudurkii kaneecada oo sii yaraanaya.

511- Wadaado dhalinyo ah oo cilmi badan oo diinta ah yaqaanna oo firqooyin kala duwan ah oodhaqaale badan haysta oo aan xidhiidh laheyn dawladda, islamarkaana su’aal walba daliil u hayatallow sidee la isugu keeni karaa waxaana iga sii yaabisay cidda kala saari doonta.

512- Hadalkii lagu kala dambayn jiray oo meesha ka baxay.

513- Dadka oo cudurka dhul-jacaylku aafeeyey

514- Dadka qaarkood marka ay mobililada ku hadlayaan waxaad garawsanaysaa, in ka-hor inta aanumobilka iibsan asluubta mobile- ku- hadalka la baro.

515- Faraqa lacagta u dhaxaysa ninka wasdaadka ah iyo kuuligu aad bay u kala fog tahay. Waxadhacday islaan guri dhisanaysay oo lacagta bixinaysay, casarkii-galabnimo ayaa la yidhiwasdaadka 130000 S/shillin sii, kan kuuliga ahna 30000 S/shillin sii, markaasaa waxay tidhi“waanigan maanta oo dhan idinla joogay ee eegayey shaqadiina, kan kuuligaaba ka shaqo badnaawasdaadka sidaan anigu arkaayey.

516- Awrtii haamaha lagu rari jiray oo loo beddelay in jirikaamo lagu raro.

517- Baabuurta waddada maraysa oo aan ka joogsadaan dadka , xitaa mayd gacanta haddaad kusiddo kaama joogsanayaan.

518- Baabuurta is-daba-socota ee sanka isla soo gala oo mabnuuca, taasi oo aan dheg jalaq loosiinin taraafiga ka digaaya.

519- Durbaankii heesaha iyo qasiidooyinka lagu tumi jiray oo meesha ka baxay.

520- Dafkii carruurtu ku ciyaari jireen miisaska iskuulada dushooda oo meesha ka baxay.

521- Meheradaha nooc-kastaba ha noqotee waxay garawsan laayihiin, in dadka naafada ah ee watabaabuur -cuuryaan ay u sameeyaan sibidh yar oo ay ku soo fuulaan meherada.

522- Ganacsatada sharaabka keena oo loogu taag-laayahay inay keenaan sharaabka dadka macaanka-qaba loogu talo-galay inay keenaan.

523- Waxa baabuurta lagu kala iibsadaa nidaam cusub oo isku bedel la yidhaahdo, kaasoo haddii aaddoonayso baabuur aad iibsato waxaad ugu badali kartaa beer ama baloodh laysku qiimeeyey.

524- Allaa mahad leh, waddadii boorama iyo gabillay isku xidhaysay oo la mahadiyey.

525- Sawiradii lawada gali jiray oo laga ilbaxay.

Page 34: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 34 of 66

526- Sharaabkii fiintooga ahaa oo dadku aanay xiisanaynin sidii berigii hore.

527- Dadka oo aad u qaata fiitamiino kala duwan oo wadanka lagu soo fatahiyey.

528- Waraabayaashii habeenkii duleedka magaalooyinka ka dul-ciyi jiray oo sanqadhoodii yaraatay.

529- Waxa hargeysa laga dhex sameeyey 50 musqullo dadku ay galaan, kumanay darin in mid gaaraloo sameeyo dadka aan fadhiisan karayn ama luguhu xanuunayaan loo sameeyo.

530- Maraq digaag (jumbo) oo raashinka lagu darsado oo aad loo jecel yahay.

531- Xayeysiintii ganacsatada ee ganacsigooda oo aad u batay islamar-qudhana farriin ugu wada-diramoobilada dadweynaha lacag badana loo huraayo.

532- Saloolkii oo laga baxay.

533- Bunkii iyo xalwaddii arbacada la samaysan jiray oo meesha ka baxaya.

534- Indhuhu waxay ku farxaan ardaydu markay jaamacada sii galayaan ama ka sii baxayaan.Adigoo ku fekeraya kuwani maalin maalmaha ka mid ah waxbay qabanayaan.

535- Fara-gorgorkii laysku dhufan jiray oo yaraaday.

536- Dawladda, Hayadaha, N.G.O-da oo iska jeclaaday shirar ciiddaa ka badan inay wakhti kulumiyaan.

537- Carruurtii loo maydhi jiray lugaha iyo gacmaha, saliidna lamarin jiray markay soo ciyaaraan oomeesha ka baxday.

538- Dadkii oo caafimaadkooda shaqsi-ahaaneed aad uga hadlaya, taasi oo walwal iyo baqdin dadkaku abuuraysa.

539- Islaamihii waa-weynaa ee waalidka iyo ehelka ahaan jiray ee guryaha iska joogi jiray,islamarkaana wuxuun ku filnaa oo meesha ka sii baxaysa.

540- Ciyaalkii is-layn jiray ee jaarka ahaa oo saamaysay xaafadihihii.

541- Xeebihii oo aanad arkaynin dad ku dabaalanaya ama ku raaxaysanaya.

542- Dadka oo caado xun iska yeeshay sida in deg-deg wax loo helo deg-degna lagu fuliyo.

543- Meheradihii la rushayn jiray subaxda hore marka albaabka la furo, oo meesha ka baxay.

544- Waxa mobilku sahlay in qofkii dhinta daqiiqado yar gudahood eheladiisii iyo cidiigaranaysaaba ay meel -walba iskaga yimaadaan.

Page 35: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 35 of 66

545- Magaalooyinka waa-weyn albaabadii guryaha looxa laga samayn jiray, ee qaabka darnaa ayaawaxa loo helay albaabo dibadda laga keeno, oo lagaga raystay kuwaa hore.

546- Laambadihii iftiinka diciifka ah lahaan jiray, ee guduudka ahaa oo lagaga raystay laambadonoocyo badan leh oo iftiin badan.

547- Dadka waxa wareeriyey mobilkii iyo furihii ay gacanta ku hayeen oo ka lumaya, lanaraadinaayo.

548- Dekedda Berbera oo horumar-weyn laga sameeyey. Isla-markaana badeecadaha kala-duwaniay hore uga baxaan, horena uga soo degaan dekedda, hawshoodana la fududeeyey.

549- Cuntadii safaariga ahayd oo markii hore bac lagu ridi jiray, imikana laguugu ridayo sixnibalaastig ah oo almuuniyaam dusha lagaga xidhay.

550- Waxa meesha ka baxay saacadihii la buuxin jiray.

551- Sheeko qosol ah:

Odey miskiin ahaa ayaa laba inan oo uu dhalay dawarsi ku soo koriyey, ka-dib innamadiiwaxay dhamaysteen dugsiga sare, ka-dibna waxa uu u dhoofiyey dalka Sacuudiga,waxayna inamadu markii ay yaraayeen ugu ballan qaadeen Aabahood marka ay shaqohelaan in uusan dib u dawarsan doonin. Inamadii markiiba shaqooyin fiican bey heleen,guri ayey u soo dhiseen, biil joogto ahna wey u qoreen, waxase ay xan ku maqleen inodeygii wali dawarsado. Arintaas aad bey uga xumaadeen fasaxna wey u soo qaateen si aywax uga qabtaan. Markii ay yimaadeen Hargeysa waxay gurigii ku casuumeen odayaashiireerka oo dhan, Adhi badan baa la qalay, odoyaashiina aad bey ugu duceeyeen inamadiisidii ayey xilkooda u guteen. Odeygii oo inamadiisii barbar fadhiyey ayaa si hoos ah uguyidhi “ Aabo helimaayo intan oo qamaamuur ah oo goob kaliya wado joogtee ee gacanta!!!.

552- Dadka ladan ee xanuunada dibada ugu baxa ee lacag badani ku baxdo, oo marka ay joogaanhalkan ugu taga dhakhtarada qadar lacag ah, oo la mid ah ka ay iska bixiyaan lacagta dadkadanyarta ah ugu tagaan dhakhtarada. Taasi oo ceeb iyo yaraysi ku ah dhakhaatiirteena.

553- Waxa soo baxay nin gabayaa ah oo aad dadku jecel yihiin oo la yidhaa yuusuf shaacir,islamarkaana duubay laba cajaladood oo siinlaydii ah, isla-markaana si fiican oo la-fahmi karo usoo bandhigay qadiyadaas ay ka hadlaysay siinlaydu, si fududna ugu sharaxaya taasi oo lamahadiyey.

554- Hudheeladii-jiifka, makhaayadihii-raashinka iyo xamaamyadii oo haysta suuq xaamiya.

555- Mudalabyadii ka shaqayn jiray hudheelada, eemarkaad wax ka dalbato kugu soo tuuri jiray oolaga badow baxay isla-markaana loo tababaray koox u jajaban adeega raali galinta.

556- Xoolihii oo reer-magaalka aad ugu qaali-garoobay. Haddana raggii reer-miyiga ahaa oo aanreerkii gaadhsiinayn waxba. Waxna aanay ugu filayn isaga iyo reerkiisaba.

Page 36: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 36 of 66

557- Reer -Somaliland waxa laga masaxay maskaxdii lagu daryeeli-lahaa deegaanka. Iska- daawaxay dhaqaaleeyaan ee waxay noqdeen cadawga-koowaad ee deegaankeenu leeyahay.

558- Ragganimadii lagu faani jiray waxa bedelay kolba sida loo kala galaangal badan yahay iyokolba ninkii khalad iyo saxba wax ku soo dhamaynaya.

559- Af-Itoobiyaankii inagu adkaan jiray oo carruurteenu ay barteen.

560- Jeegaantii daruurta dhex-mari jirtay oo badanaa aan la arag.

561- Roobabkii soo madoobaan jiray ee hilaaaca badnaa oo yaraaday.

562- Roobkii layska moosi jiray ee laga cabsan jiray oo layska daayey.

563- Hablaha iyo dumarkiie duruucda qaaliga ah dibada ugu bixi jiray ee iskugu faani jiray oocabaayadi meesha ka saartay.

564- Nadaafada dadwaynaha oo korodhay iyo cayayaanka duqsiga iyo baranbarda oo yaraaday.

565- Iskuulkii hargeysa ee neersinka ahaa oo soo-saaray hablo iyo innamo buuxiyey kaalintii loobaahnaa.

566- Beebkii sigaarka oo faraha laga qaaday.

567- Is-kaashatada basaska oo leh nidaam iyaga u gaara oo macno caymis oo kale ah.

568- Cilaajyadii oo batay, islamarkaana aanay joogin dhakhtaro maskaxda ahi, waxa kaliya ee ayqabtaan waa in lagaga hayo dadka iyagana lagu nassiyo.

569- Weedhii ahayd afkaaga caano lagu qabay oo sii yaraanaysa.

570- Kaaryoonayaashii aad loogu ladnaa oo imika meesha ka sii baxaya kadib markii baabuur yar-yar la keenay oo lagaga maarmay.

571- Irbaddii iyo duntii hooyooyinku xafidi jireen oo meesha ka baxday. Islamarkaan dadku aygeystaan dawaarlaha markay wax ka jeexmaan.

572- Wax lagu magacaabo shaambo xayraan oo bac-yar ku jra marna dadku ku maydhaan marnabaabuurta lagu maydho oo soo baxay.

573- Macawuusihii qiimaha lahaa ee raggu xidhan jireen oo sii yaraanaya, waxaana beddelaykhamiisyo.

574- Badhidii iddaha ee subagga laga saari jiray oo bari dhaw la iloobi doono.

575- Shariiryihii badhida laga saari jiray oo laba-aragba.

Page 37: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 37 of 66

576- Caloosha-xoolaha oo si fiican loo-maydho oo dhawr magac leh ayaa dadku aad u isticmaalaa.

577- Dooxii Hargeysa ee quruxda lahaa oo ay baabi’iyeen iskarogooyin ka gura camuudda meeshaay doonaan iyo marka ay doonaan, sidoo kale waxa laga qoday ceelal dharka lagu maydho,kuwaasi oo dilay dooxii qurruxda badnaa

578- Dusuudii waa-weynayd ee ducooyinka iyo hawlalka lagu qaban jiray oo aad u yaraaday.

579- Maahmaahdii ahayd ragna waa raggii hore hadalna waa intuu yidhi oo imika sii yaraanaysacakisna u shaqaysay oo noqotay ragna waa raggiisii hadalna waa intuu karo.

580- Jaadkii qaboobaha arag-xumaan jiray siiba bilaha December iyo January ee ay dhaxantu kudhici jirtay oo imika widh-widhaya, waxay ku sameeyaan mooyaane.

581- Daanyeerkii guryaha u dhici jiray ee waxna xadi jiray oo laga raystay.

582- Xusuus-fiican waxa ah baabuurtii bilayska ee dawladdii mucangagga ahayd ee Siyaad Barre eedawladda ruushku u keeni jirtay siday u widhwidhi jireen ee ay u ekaayeen iyaduna waa midmudan in la xusuusto.

583- Baalashlihii hal kab kolba qaadi jiray oo imika doonaya inuu isku-mar kuu baalasheeyo, intuulabada kaboodba kaa qaado.

584- Baabuurta innamadu ay suuqa ku maydhaan oo adigoo aan u diran aad u imanayso baabuurkiioo maydhan oo ay lacag ku waydiinayaan.

585- Falaasyadii nooc kaliya ahaa oo imika labaatan nooc oo kala duwani yaalaan.

586- Xadhkihii laydhka dabka ee soo gu’i jiray amma qabsan jiray qofka, oo yaraatay.

587- Madaxda dawladda oo wakhti badan uu ka qaadayo xafladdo nooc walba leh oo wakhti badanka qaada.

588- Dadka muraayadaha-arragga loo qoro ama kuwa akhriska oo aan muddo dheer haysanin.

589- Basaska dadweynaha ee loogu taag laayahay barihii dawladda hoose u cayintay.

590- Wasaaradda tacliinta iyo ta caafimaadka oo dhaqdhaqaaqoodu aad u badan yahay.

591- Foodhidii oo meesha ka baxday.

592- Bir-labtii carruurtu ku ciyaari jireen oo meel ay martay la garan laayahay.

593- Dhirtii asalka laga jeexi jiray ee calool xanuunka loo cuni jiray oo geedka dilaysa ama uuqalalayo.

Page 38: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 38 of 66

594- Hadduu kiis kaaga jiro maxkamadaha waa inaad maalin kasta tagtaa hadii kale faylkaagameelbaa lagu iloobayaa.

595- Dadweynihii oo baabuurtii iska eegayn oo waliba af-laggaado loo sii raacinayo ninkii gaadhigawatay.

596- Darmooyinkii reer-miyigu ku fadhiisan jireen oo caw lagu beddelay.

597- Horumarinta af-soomaaliga iyo kobcintiisa oo noqotay wax layska iloobay.

598- Ciyaalkii cagaagnaan jiray oo iyaduna sii yaraanaysa.

599- Tumaalkii farsamooyinka badan yaqaanay oosii yaraanaya.

600- Xiirashadii makiinadda la qaadan jiray ee timaha lagu xiiran jiray islamarkaana gidaarada lalafadhiisan jiray oo meesha ka baxday.

601- Sheekho.qosol ah:

Waraabe ayaa habar-dugaag iskugu yeedhay isaga oo ka dacwoonaya magaca “dhurwaa” layidhaahdo in laga daayo. Habar-dugaag baa yidhi “oo maxaanu kuu bixinaa”? waraabihii baayidhi: “Saddex magac mid ha la iigu yeedho Ammaan, Amiin, Aamin” Habar-dugaag baayaabey oo yidhi bal waan ka soo tashaneynaa ee waa inoo saadanbe. Waraabihiina durba ismiskiiniyey oo maydhax cad madaxa ku xidhay isagoo iska dhigaya Amiin. Harbar-dugaag oohal irmaan wada ayaa soo noqday, waxay yidhaahdeen magacii aad codsatay waa laguubixinayaa haddii lagugu arko aaminnimo. Seddex cisho ayaan kugu eegaynaa Hashan iyonirigteeda hadii ay nabad galaan dhurwaa markaas ayaa kuugu danbeyn. Warabihii maalintiihore wuu is adkeeyey, maalintii danbena inta uu gaajoodey ayuu yidhi “meel aan la arki kareynoo ay ka bogsato, maad ka garoocatid. Hashii afartii naasood buu goostay, maalintii saddexaadnanirigtii buu faruuryaha goostay. Habar-dugaag oo magac bixintu u diyaar ahayd ayaa yimid,iyadoo warabihii Hashii iyo nirigtii soo xareeyey waxayna yidhaahdeen Aamin Hasha soo godolnirigtii iyo hashii baa is jaqi waayey, illeyn midna wey candho laadahay midina wey faruurla’dahay habar-dugaag baa yiidhi “waar maxay hashu u godlan weydey, nirigtiise maxay u jaqiweydey”?. Waraabihii baa yidhi “Waar Nirigtu maxay ku nuugtaa, Maxeyse ka nuugtaa”.

602- Dumarkii dudi jiray oo laga raystay.

603- Baabuurta oo laga dhigtay caado in habeenkii la shito laydhka-fog oo aan lagaa bakhtiinaynhadaad signal siinayso.

604- Nin la odhan jiray C/karim Shabaash oo reer Hargeysa aad u yaqaaneen oo ahaa beelaha lahayb sooco islamarkaana ahaa raggii bilaabay rayslayaasha casriga ah, habeenkiina sinimaha af-hindiga afsomali u beddeli jiray kuna heesi jiray oo dhowaan dhintay.

605- Magtii iyo qaadhaankii reeruhu isku lahaayeen, oo noqotay waxaan la sii wadi Karin.Badnaansho awgeed taasi oo u baahan nidaam kale in lagu beddelo.

Page 39: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 39 of 66

606- Guurka imika taagan waxa uu ku dambayn doonaa, sida oromadda ee ay gabadhu ku odhanaysobuul inoo soo kiree sheekhna inoogu yeedh. Waxaan filayaa inuu sidaa ku danbayn doonohaddaan wax is beddelin.

607- Heesihii dowladdii hore ee Siyaad Barre ee ka bixi jiray radiyow Hargeysa iyo raadiyoMuqdisho ee dadka kicin jiray dareenkooda oo mudan in dib loo jalleeco.

608- Waxa la furtay macradyo badan oo baabuurta lagu iibiyo oo wadanka aan hore uga jiri jirin.

609- Riyaha is-jaqa oo imika farsamo cusub loo soo saaray oo daasad madaxa loo galiyo. si aanayisku jaqin.

610- Dameeraha hawl gabay ama kuwa gaboobay ama dhaawucu gaadhay oo wadooyinka iska dhex-taagan oo aanad arkayn wax u naxaariisanaya.

611- Xanuunkii xooleheena ku dhacay (Rifti-faaley) 10 sanno horteed oo la iloobay, inkastoo aymudan tahay in daris laga baran.

612- Waxa xusuus mudan hubka- dhigistii. Sida sharafta iyo cisiga lahayd ee aynu hubka uguwareejinay dawladda oo u baahan in la xuso waxna laga qoro.

613- Rootiga oo barigii hore dadku u yaqaaneen furin oo magacaasi kasii baxayo meesha.

614- Waxa loo baahan yahay burburkii ku dhacay xisbigii UDUB in laga faa’iidaysto, siiba kuwasiyaassada danaynaya.

615- Waxa dalka ku soo badanaya dhakhaatiir ajanabi ah oo wadanka la keenaayo loona kaladheeraynayo.

616- Waxyaalaha dadkeena waxa ugu horeeya khilaafka oo meel walba laysku haysto.

617- Saddex arrimood oo Nabigeenu (CSW) inooga digay khatartooda oo aynu isticmaalno,xanuunana badana aynu kala kulanno.

618- Khatarta ay leeyihiin saddexda cadcad eek ala ah baruurta, sonkorta iyo milixda oo dadku aanaydareensanayba islamarkaaana aanay qaadan talooyinka cidda ka digta.

619- Haayadaha ugu wax-qabadka badan intii aynu wadanka soo gallay waxa ugu horaysa haayaddaUNHCR.

620- Majaajilooyinkii lagu qosli jiray oo meesha ka baxay.

Page 40: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 40 of 66

621- Agabka ay ku ciyaaraan carruurtu iidaha oo ay lacag badani ku baxdo, si looga farxiyocarruurta laakiin waxay noqdeen waxaan saacad kaliya sii jirayn markaad iibsato, tayo-xumiawgeed.

622- Moobilka qofku sito oo laga ogaan karaayo goobta uu qofku ku sugan yahay.

623- Waxa mucjiso ahayd oo aan laga aan wali laga sheekayn, markab Jabbaan ama Faransiislaga lahaa, islamarkaana xambaarsanaa qalabka electroniga sida raadiyeyaal, saacadokaalkulaytaro. Markabkaasi wuxuu ku soo caaryey xeebaha-shishe ee Puntland,dabadeedna inta la-weeraray ayey kooxdaa budhcadda ahayd kasoo dhaceen badeecadihiiuu siday markabkaasi. Haddaba Rikoodhada oo macduun markaa ahaa ayaa waxa uusahlay in guri walba laga heli karo rikoodh, waxa xiisa gaara-lahayd iyadoo isla-wakhtigaaay soo baxday silsiladdii siinlay ee caan-baxday taassina waxay fududaysay inay si fiican ufaafto loona fahmo arrimihii lagama-maarmaanka ahaa ee ay ka hadlaysay silsiladaasiinlaydu.

624- Wariyeyaashii caanka ahaa ee la yaqaanay waxa bedelay dhalinayro laba-dhacaaya oocodkooda iyo hadalkoodu aad fiican yahay.

625- Waxa taagan oo aynu ka hormari-weynay hilibka xoolaha ee lagu wadho miisaska dushoodaisagoo duqsigu bawda haya, arrintaasi oo wali jirta suuqyadeena.

626- Telefiishanno casriya oo fudud oo aan daba lahayn kalarkooduna fiicanyahay oo soo baxay.

627- Wax la qabto waxa ugu fiicnaa qoristii af-soomaaliga, abaartii daba-dheer ciyaarihii goboladda,ololihii af-soomaaliga ee reer- miyiiga.

628- Dadka inta ladan oo raacay dhaqankii reer yurub, masalan hadyadaha laysa siinayo oo la iskugurido kaadooyo.

629- Tartankii orodada-dhaadheer ee ayku soo gali jireen oradyahanadu magaalada lamina arag,lamana maqal.

630- Siidhigii ciyaalka iyo kii waardiyeyaashu qaadan jireen oo meesha ka baxay.

631- Burjinkii ama warankii reer-magaalku qaadan jiray oo meesha ka baxay.

632- Cunistii xalwadda oo yaraatay.

633- Maahmaahda ah nin-ladan talo ha waydiin ayaa marwalba taagan oo xaqiiqa.

634- Qodoxdii dadka iyo ciyaalka wax-yeelayn jirtay oo meesha ka baxday.

635- Masaskii dadka qaniini jiray oo aad u yaraaday.

Page 41: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 41 of 66

636- Dagaaladii ay sababi jireen geel la kala qaado iyo dhul daaqsimeed laysku qabsado oo aySomaliland hore uga martay.

637- Toontii oo dadku aad u isticmaalo xagga caafimaadka.

638- Xabaasuudii oo dadku aad u isticmaalo.

639- Saliidii saytuuntil oo issticmaalkeedu aad u batay sida in cuntada lagu darsado ama layskudaweeyo.

640- Gabayadii laysku tirin jirrin ee markiiba layskaga soo jawaabi jiray oo meesha ka baxday.

641- Dhacdo u baahan in dib loo jaleeco oo ku saabsan habeenkii calanka la saarayey Somaliland ootartan la-galiyey gabayaagii, isla-markaana ay isku soo hadheen timacadde iyo cabdi iidaaniyagoo aan wali la-kala saarin ka ku guulaystay, arrintaasi oo iyaduna u baahan in wax lagaqoro.

642- Sidoo kale waxa u baahan in wax laga qoro oo dadka laga jaahil saaro, 33-kii Nin eedawladnimada u qaaday Xamar 1960-kii taariikhdoodii iyo qorshihii ay la tageen in wax lagabarto.

643- Gaastarigii oo dadka faro-baas ku haya.

644- Jalxadihii-biyaha lagu shuban jiray ee qaboojin jiray oo laga baxay.

645- Lawskii oo cunistiisii yaraatay.

646- Waxa haboon labada is guursanaysa in la-baro marka hore xaqa ay isku leehihiin iyo xaqacarruurtoodu ku leeyihiin taasoo badbaadin karta qoysas badan.

647- Af-soomaaligeena qaniga ah oo wax-wax ka qoraya ama ka sheekanaya aanad arkayn.

648- Qasaaladihii oo aad loo isticmaalo dhinaca reer-magaalka.

649- Kaawiyaddii dhuxusha lagu ridan jiray oo wakhtigeedii dhamaaday.

650- Sub-station-adii iyo fooniyayaashii oo wakhtigoodii dhamaaday.

651- MAJAAJILO: sidee bey ku soo baxdey sidii bahalkii biriij ka dhacay oo caan baxdey.

Waxa la yidhi mudo hore ayaa magaaladan Hargeysa iyadoo ay tahay goor habeenimo ahayaa waraabe soo galey.muddo yar ka bacdina meel biriijka u dhaw ayuu seexday.Barqadii buu soo baraarugey, markaasuu isku qaadey biriijkii Hargeysa oo uu dulcararey. Markii baabuurtii iyo dadkii ay xaga hore iyo xaga dambeba ay ka yimaadeenayuu biriijkii ka boodey, halkaas ayuu ku dhintey. Waa dambe ayaa Cabdi FaaraxCaateeye(Cabdi mallow) oo ahaa saraakiishii sare ee ciidankii milatarga, ayaa maalin lagu

Page 42: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 42 of 66

amrey in uu raaco taliyahii guud ee ciidanka oo kormeer ugu baxaayey Bari. Cabdi inta uuhabeenkii dib u qayiley ayuu subaxdii habsaamey. Waxana uu la kulmey iyadoo markaauun la anbabaxaayo oo isagii la is-weydiinaayo. Markii uu goobtii soo istaagey waxa uuyidhi “Sidii bahalkii biriijka ka dhacay baraarugey goor dad soo baxay, birtiyo jiidhaylabadii baabuur inta uu ka bul yidhi ka boodey bartii u dheereyd, banaanka ku dhacay,dabadeed bakhtiyey oo naftii ka baxdey Illaahay balankii barqaan kacay”.

652- Turjumaadda filimada oo aad la yaabayso, sida kuwa ka shaqaystaa ay u habeeyeen.

653- Af-tahanimadii oo qiimo weyn yeeshay.

654- Shirarka ay beeluhu qabsadaan oo lacag badani ku baxdo, go’aanadooduna awood fulineedaanay lahayn arrintaasi oo ay dadkii naceen.

655- Dadkii oo hadalada loo kala qaadayo oo laysku dirayo oo aanu shaydaan ka fogayn oo iyadunabadatay.

656- Dhaqanada soo baxay waxa ka mid ah”haddii laguu helo meel aad ku daciifsan tahay xaggadareenka iyo fikirka oo lagugu caayayo ama lagaaga faa’iidaysanayo.

657- Sagsaagnimadii oo dadka ku badatay.

658- Wax-kasta oo aad aqoon ama cilmi uga baahan tahay dhinaca diinta oo aad ku helaysocajaladdo ay ka buuxaan.

659- Shunburradii oo laga baxay.

660- Dhafaruurtii oo aan laba helin.

661- Xabag-caddaadii oo iyaduna yaraatay oo aan la arag.

662- Meheradihii oo la xidhayo marka la eedaamo si loo tukado. Waana talaabo wanaagsan.

663- Shaahii casariyaha ahaa oo aanay dhalinyaradu imika xasuusan laguna beddelay sharaab.

664- Sodohihii iyo seediyadii laga xishoon jiray oo layku milmay.

665- Af-gaabnimadii oo noqotay wax laysku caayo.

666- Kabihii dumarka islamarkaana noocyadoodu kala duwan yihiin oo guryaha buuxinaya ayaad layaabaysaa.

667- Dumar iyo rag Oromo ah oo ka shaqaynaya beerihii, raggii lahaana hurdaan ama qayilayaan.

Page 43: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 43 of 66

668- Xab-xabkii oo marka uu soo go’o magaalooyinka qarqinaya.

669- Dadka gobolada kale ka yimaad ee aan barigii hore aad layku dhex-gali jirin lagana qaloon jirayoo meesha ka baxday iyo dadkii oo wada-walaalo ah.

670- Shaxaadkii oo batay, iyo farsamooyin cusub oo uu wato.

671- Reer-miyigii oo sigaarkii iyo buurigu faro-baas ku hayaan.

672- Isku-dayashadii xumaan iyo wanaag oo ciidda ka badatay.

673- Magacyadii hore ee ragga iyo dumarka loo bixin jiray oo meesha ka baxay sida samatar,gaaxnuug xagga dumarkana Cambaro iyo Ugaaso.

674- Heestii qiimaha badnayd ee dadku aad u jeclaa taasoo odhan jirtay “Aqligii wanaagsani itaalinuu ka roon yahay bal eegoo u fiirsada”, waxaana qaadi jirtay Hibo Nuura, heestaasi oo macnobadan leh laakiin dhegaha dadku ka furaysan yihiin.

675- Dhagi-dhagidii ay carruurtu ciyaari jirtay oo meesha ka baxay.

676- Jabadaantii oo iyaduna meesha ka baxday.

677- Odoyaashii loo dayn jiray safka hore ee misaajidka, dadkana tukin jiray, oo ay beddeendhalinyaro fudud oo aan jaanisba siinayn odayaashii.

678- Miyigii oo la adeegsado baabuur. Meel kasta oo ay Daggan yihiina loogu keenayo waxay ubaahdaan.

679- Tartan hadh iyo habeen loogu jiro nolosha sax iyo khaladba, dhaqankaasi oo isaguna soo baxay.

680- Dadkii oo ay aad ugu adkaatay joojintii qaadka iyo sigaarku, isla-markaana aan cidna talo kaqaadanayn.

681- Reer-miyigii raadka guri jiray, xoolaha iyo dadkaba oo meesha ka baxay.

682- Dadkii haghagada lahaa oo illaahay ka daweeyey badankooda.

683- Gacmo gariirkii dadku ay gariiri jireen oo yaraaday.

684- Raggii iyo dumarkii wax sii sheegi jiray oo aan cidiba dhegaysan.

685- Waxaad layaabaysaa haddii aad casarka soo baxdo waxa hablo waddooyinka qulqulaya eebuugaag sita ee iskuuladda tagaaya.

686- Lawdhkii dhagaxa iyo niista ahaa oo cirka isku shareeray islamarkaana ay iska-rogooyinkukeenayaan wax-kayar lawdhkii caadiga ahaa.

Page 44: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 44 of 66

687- Dhuuxiddii heesaha iyo suugaanta oo laga baxay.

688- Dadkii Qurbe-joogga ahaa wixii ay kaydsan lahaayeen lacag ee ay waddanka la iman lahaayeenoo noqday waxay soo diraan oo aanay maanta gambo ka hayn.

689- Meeqaamkii hooyadu bulshada ku dhex lahayd oo dadkii la-dhalay ka gaabiyeen.

690- Xaaladdaha wadankeena ka taagan waxa ugu adag, qofka balwad iyo deyn badan gala.

691- Dadka inta yare ee ladan waxna haysta oo ka dhuunta ama muraayadaha ka dalacda dadka kalesi aan wax loo weydiin.

692- Waxa la yaab leh horumarka aduunku gaadhay, qofka kansarka dhuuxu ku dhacay oo dhuux qofkale looga shubayo si uu qofku u sii noolaado.

693- Qalimaan beensal ah oo aad u liita oo wadanka lagu fatihiyey.

694- Waxa badatay “yaa taqaanaa” halkii ay ahayd maxaa taqaanaa.

695- Askartii carruurta badnaa ee dakhligoodu yaraa oo imika iska ladan-yahay dhaqaalahoodu.

696- Balanbaalistii midabada kala-jaadka lahayd ee quruxda badnayd oo meesha ka baxday.

697- Reer-miyigii cuni jiray midhaha sida jinawgii iyo likihii iyo kuwo kale oo meesha ka baxay.

698- Kabihii jaangariga ahaa ee lagu yaqaanay reer-miyiga oo meesha ka baxday

699- Baabuurtii bedh-foodhka la odhan jiray ee ay lahayd hayadii ayaxa la dagaalami jirtay eecarruurta looga sheekayn jiray, islamarkaana dadku odhan jireen haddii baabuurkaa weyn lagudaro hal bool oo kaliya wuu duuli lahaa oo imika aanay cidi hadal hayn.

700- Masaajidadii salaadaha laga daba-gayn jiray duco-loodhan-yahay iyo digrigii la akhriyi jiray oomeesha ka baxay.

701- Sheeko Gaaban oo qosol leh oo ku saabsan Xeeladaha Dumar Waxana loo adeegsankaraa ka cudurdaarashada wixii qofka awoodiisa aad uga badan:

Waxa jiray islaan iyo oday waayeel ah oo is-qabay, maalin maalmaha ka mid ah ayeyislaantii ku tidhi odeygeedii “ Xaaji Cali maanta waxaan xadiiska ka soo maqlay labadiixalaal isku aragta habeenka Jimcaha waxay ka dhigan yihiin iyagoo dilay nin gaal ah,Xaaji Cali waxa uu ugu jawaabay cawadeena habeen wal oo jimca ah gaal baynu dilidoonaa, markii ay dhawr jimce balantii ay fuliyeen ayaa Xaaji Cali habeen jimco ah oodanbe fiid horeba is duuduubay isagoo isha biniininaya, ayaa islaantiisii oo indho-kuulaneysaa ku tidhi, “Xaji Cali Caawa waa Jimcee miyaynaan dilayn gaal, wuxuu ugujawaabay X.Cali “naa sidaasi gaalo kuma dhamaaneysee ha ina wareerin”.

Page 45: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 45 of 66

702- Nolosha adkaatay awgeed oo dadku ay ka fikirayaan maxaad cuntaa maanta.

703- Subcintii-Qur’aanka ee guryaha lagu qaban jiray oo meesha ka baxday.

704- Odayaasha oo dhabar-xanuunku faro-baas ku hayo.

705- Dadkii TB-du ku dhici jirtay ee qarsan jiray kana xishoon jiray oo imika caadi ah.

706- Waashmaanadii odayaasha waa-weyn loo dayn jiray oo imika dhalinyaro rag iyo dumarba lehlaguna magacaabo Gaadh ay beddeleen.

707- Amba-qaadkii waxay dadku ku tashadaan oo aan dibba loo jaleecin.

708- Dadweynaha oo la Dhaka-faarsan macaashka xad-dhaafka ah ee ganacsatadu ku soo dajiyaancuntada iyo bagaashka.

709- Dad lagu sheegayo khubaro-ajanabi ah oo wadanka buuxiyey.

710- Dadka oo ay ka maqan tahay inay xusuustaan ama u mahad celiyaan shirkadiiDaallo Airlineee ugu horaysay inay ka shaqayso wadanka oo ay dagaalo aafeeyeen.

711- Geedkii Tiinka ahaa oo miyi iyo magaalaba qabsaday.

712- Shaandhadii reer-magaalku ku isticmaali jiray shaaha iyo maraqa oo siiyaraanaysa.

713- Shiirimiiridii iidaha carruurta lagu luli jiray oo meesha ka sii baxaya.

714- Waxa layaab leh sheekada had iyo jeer dadka qayilaa ay ugu horaysiin jireen kaftan ahaan eeahayd “ aniga reer-abtigay ayaa idinka wada wanaagsan oo aan lagaba waynaan.

715- Dadkii reer-magaalka ahaa oo lagu saliday inay guryahooda hortooda dhaxaan hor dhigaan.

716- Dawladda hoose haddaad aragto, waxaad la yaabaysaa , sida maayarka loo eryanayo. Isagunauga ordaayo, askar badanna ay wareerinayso.

717- Markii ugu horrraysay ee Hargeysa lagu isticmaalo Maraxawado iyo Eerkadheeshanno.

718- Sheekooyinkii reer-miyiga ee la xiisayn jiray, markii la yaraa sida; waraabayaasha iyolibaaxyadu u soo weerari jireen oo meesha ka baxday.

719- Tartan aan loo baahnayn oo shirkadaha is-gaadhsiinta iyo janellada kale u dhexeeya oo 24-kasaacadood socda. Taase oo aan loo baahnayn.

720- Beelihii u xaydnaan jiray hub-urursiga iyo ilaalinta deegaanadooda oo yaraatay.

Page 46: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 46 of 66

721- Laba maahmaahood oo reer-koonfureedku isticmaali jireen oo wax badan laga arkay. Ta-horeoo ahayd “ miskiinbaa leh misko la-fuulo iyo tay ku ducaysan jireen ee ahayd “ALLA ha ku sooururiyo”.

722- Idaacadaha dibadda oo weedh ay isticmaalaan lagu nacay. Taas oo ah (waxaad si toosanoogala socotaan). Toos iyo toos la’aanba waa inay soo tabiyaan waxa looga fadhiyo.

723- Shaybaadhadii oo aad u batay, dadkuna shaki ka qabaan qalabka ay ku eegayaan.

724- Markii ugu horrraysay oo Raadiyoow Hargeysa moojad Qur’aan ah laga hirgaliyey.Taassoo24-ka saac socota.

725- Guditaankii -fircooniga ahaa oo sii yaraanaya.

726- Dharigii dhoobada ahaa ee raashinka lagu karsan jiray oo meesha ka baxay.

727- Waxa la mahadiyey girgirayaal laga sameeyey dhoobo iyo jiingad oo dhuxusha madhxinaya.

728- Caashaqii dhabta ahaa oo isku beddelay sheeko-gaaban oo aan rasmi ahayn.

729- Hudheelada waa-weyn ee hurdada oo wax ka badan $50 dollar habeenku lagu seexdo.

730- Sayladdii Hargeysa oo la-mahadiyey markii loo dhisay xoolaha iyo dadkaba meel ayhadhsadaan.

731- Geedkii Labiga la odhan jiray ee dhirta ka dul-bixi jiray oo imika aan laba aragba.

732- Dadkii Illaahay iyo Nabigiisuba (csw) ay ammaaneen, kuwaas oo ahaa dadka laga ammaan heloafkooda iyo addinkooda oo wadanka ku yaraaday.

733- Agabka guryaha lagu qurxiyo (furniture) ee qaaliga ah lacagta adagna inaga baxdo, haddii aynuu leexin lahayn dhawr sano meelaha ay ku ku haboon tahay sida; biyo-galinta iyo riigagga, isla-markaana aynu caweheena iskaga jiifsan lahayn waa la mahadin lahaa.

734- Darawaladii- hore ee qiimaha lahaa, kuwaasoo marka taraag loo baxayo iska hubin jiraygaadhiga, oo meesha ka baxay dadkii meeshooda galayna aanay waxba galin baabuurka.

735- Kalmadda risiq-maanac oo imika dadku isku caayo.

736- Shaqaalaha dawladda kuwa haayadaha oo dhammaan ku fekeraya inay samaystaan meheraddakhli ka soo galo iyagoo shaqadooda ku jira.

737- Marmar dalka lagu sameeyo oo daaradaha la wadho oo dadku imika ku daateen.

738- Rinjiyo tayadoodu xun-tahay oo la mariyo xagga-sare ee jiingadda oo markiiba cadceeddudilayso.

Page 47: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 47 of 66

739- Dadka macaanka qaba ee irbadda Insuliinta qaata oo soo badanaya.

740- Raadiyow Hargeysa oo Rabadaantii dadka soomman si fiican ugu shaqeeya.

741- Kastalkiii reer-magaalku isticmaali jiray oo meesha ka baxay.

742- Guryaha imika la dhiso oo wajahadda muraayadda-daaqadda lagu qurxiyo Almuuniyaam ,taasioo wadanka ku cusub.

743- Faalumaydhadii la banyan jiray guryaha oo imika la awdo.

744- Kaariyaashii isdaba carari jiray ee baabuurta kirayn jirtay oo is-nidaamiyey.

745- Baabuurta lagu raaxaysto oo aad arkayso subaxdii uunsi loo shido iyo huufar la marinayo,taasoo iyaduna cusub.

746- Saarkii dumarka laga saari jiray oo meesha ka sii baxaya.

747- Ragga iyo dumarka oo garbuhu soo goteen ayaad arkaysaa. Quruxdii ay lahaayeena meesha kabaxday.

748- Dab-qaadkii uunsiga iyo fooxa lagu shidi jiray oo lagu beddelay mid dab electric ah kushaqaynaya.

749- Tibtii iyo Mooyihii oo makiinad wax ridiqdaa ay badashay.

750- Nin lagu yaqaano majaajilada inuu sameeyo ayaa waxa uu yidhi “lacagtii way baxsatay oobuuraha iyo dad ay ku nabad galayso ayey doonatay”, waxaanu u jeedaa bakhaylnimad iyogacan-adkaanta imika taagan.

751- Sheeko qosol ah: waxa jiray sheeko runa oo dhacday horaantii lixdameeyadii taasoo kusaabsanayd baabuurtii Siisooga iyo Niisaanka ahaa ee Xamar tagi jiray ee dhowr cisho siidhixi jiray badanaa dadka shidhka saarani way iska seexan jireen ama waxayodhanayaan waanu iskala bixinaynaa darawalkii oo laba habeen iyo laba maalmood soojeeday ayaa wuxuu ku soo baxay naag aad iyo aad u qurux badan markaasu u istaagay oouu ku yidhi “naa ma ku sii dhoweeyaa”? markaasay tidhi “haa” darawalka oo iskatabcaansanaaa soo jeedkii badnaa awgii ayaa markay soo fuushay uu aad iyo aad gabadhiiuga helay sheeko fiicanina ay dhex martay markay halkii u fiicnayd maraysay sheekadaasiayey gabadhii tidhi “halkan ii jooji” darawalkii oo ka xumaaday arrintaa meesha cidladaay ku dagayso ayaa yidhi “aan gurigiinii ku geeyee halkan ha ku dagin” iyaduna way kadhagaysan wayday waanay ku adkaysatay inay halkaa ku dagto, markay sii dagaysayayaa lugteeda bidix darawalkii ku arkay inay qoob faras leedayahay, markaasuu yaabay,shakina galay in indhihiisa yihiin iyo in soo jeedkii ay si kale wax ugu sawirmeen,markaasuu iska dhaqaajiyey markuu in badan socday ayuu ku soo baxay nin gu’iisii uhaadinaya oo leh I sii dhowee ninkiibuu u joogsaday markaasuu uga sheekeeyey gabadhiiuu qaaday iyo wixii uu kala kulmay markaasuu ku-yar nafisay intuu la socday ninkaasi.

Page 48: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 48 of 66

Sidii uu sheekada ugu waday eea ay u sheekaysaneen ayuu yidhi odaygii “halkan ii jooji”markuu sii dagayay ayuu lugtii bidix sare u taagay markaasuu waydiiyey oo uu yidhi“naagtii aad ka sheekaynaysay ee aad tidhi qoob farasbay lahayd kaasoo kale miyeylahayd” markaasuu intuu baabuurkii joojiyey ogaaday inuu xero-jin ku jiro dabadeedwuu orday baabuurkiina halkii buu kaga tagay , ninkii sidii baa lagu waayey.

752- Islaamihii Adhiga u kaxayn jiray bannaanada ee meherad ka dhigan jiray oo meesha ka baxday.

753- Dadkii oo aan lagu karayn inay da’dooda runta ka sheegaan.

754- Magaalooyinka waa-weyn ee Somaliland oo ay aad u kordheen tirada dumarka baabuurtakexeeya.

755- Waxa wadanka looga baahan yahay in casharo bilaash ah la siiyo oo af-Soomaali ah kanahadlaya xannuunada dadka laayey. Iyadoo dad badan ay aqoondarro dilayso, kuwaas oo ahcudurada ay ka mid yihiin kansarka, Macaanka, Dhiig-karka iyo subagga dhiigga. iyadoo loodiyaar garaynayo dhakhtaro si fiican dadka uga dhaadhiciya.

756- Haayadaha wadanka jooga waxa ugu muhiimsan ee ay qabtaan waa talaalka carruurta.

757- Shaqaalaha dawladda, ganacsatada N.G.O-yada oo isku dhibinba inay nidaamka shaqo-qoristaee wadanka u yaala ay maraan.

758- Qandaraasyadii dadweynaha lagu tartansiin jiray oo aanad arkay cid hadal haysa.

759- Kiniin la yidhi ragga hamadiisa ayuu sare u qaadaa oo ay ragga 50 jir-ka dhaafay iyo kuwoodaqayilaa ay ku waalan yihiin. waxaana la sheegay kuwo ku dhintay.

760- Bari-dhow waxa laga badow baxayaa baabuurkii xumaada in la-jiido, maxaayeelay waxa soobaxay wiishash markaaba qaadaaya.

761- Xadhigii la kala jiidan jiray ee ciyaartoygu marka ciyaaraha la soo bandhigayo ay kala-jiidanjireen oo meesha ka baxay.

762- Cayda ugu badan ee afka lagu hayo oo noqotay sinjigaaga waxaa ku same.

763- Waxa soo baxay N.G.O-yo dhalinyaro ka madax tahay oo galaangalkooda gude iyo dibadbaaad la yaabayso.

764- Dhismayaasha guryaha hudheelada iyo xafiisyada oo nidaamkii loo dhisi jiray ee tayada lahaasida; ciidda iyo sibidhka laysku miisaami jiray iyo laban miisaaman, taasi oo imika waxaanwaxba ahayn laga soo qaaday.

765- Markii ugu horaysay ee shaqaalaha dawladda subuxii la soo qaado, qadadiina la celiyo.

Page 49: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 49 of 66

766- Doorkii ay dumarka reer- Somaliland ka qaateen horumarka siyaasadda, dhaqaalaha oo aanlaba tixgalin.

767- Dhakhaatiirtii oo marka xanuun loogu tago kula soo boodaya irbad dadka xanuusanaya, halkaay aduunka tahay talaabada ugu danbaysa.

768- Koofeeradii dumarka oo isku batay oo dumarku u tagaan kuwa ay isku reer yihiin ama qaraabo.

769- Aafooyinka waa-weyn ee aduunka ka dhacaaya oo aan la danaynba , halkii lagu cibro qaadanlahaa.

770- Somaalidu waxay ku fiican tahay talo-nasteexo ah inaanad siin illaa ay iyagu kaa dalbadaan.

771- Marka shirarka lagu jiro ama munaasabadaha ee laga hadlayo ay soo baxeen laba caado oo aanfiicnayn, kuwaasoo kala ah; qofkii oo aan hadalka soo koobayn iyo isagoo qof waliba doonayainuu hadlo haduu wax hayoiyo haddii kale.

772- Xisaabintii meheradaha oo laga gaabinaayo. Isl-markaana aanay raacayn nidaamkii xisaabaadkasharciga ah.

773- Haddaad eegto Siyaasadda adduunka, intii dadka isku rayi ahiba waxay ka ka dhigan tahayiyagoo dooni wada fuushan, halka teenu tahay maantuun maxaan cunaa ee aan la ilaalinaynmabda’ a.

774- Muqumaddii iyo subaggii reer-miyigu keeni jireen marka ay guryaha ku soo dagaan oo aad iyoaad u yaraaday.

775- Kalmadda “ qudduuc” oo micneheedu yahay qof dabeecad adag, aad u gacan adag ama damacbadan kalmadaas oo yaraatay;

776- Waddooyinka waa-weyn ee magaalooyinka oo guryaha laga laga hor-dhiso dhismeyaal yar-yar si loo kireeyo oo reer-magaalku ku waashay.

777- Hawsha ugu balaadhan ee boolisku hayo imika oo noqotay dhalinyarada iyo ciyaalka oo farolaga qaad noqday.

778- Booliska dowlada hoose oo khaatiyaan ka taagan rag kaaryoone wata oo waddooyinkiixidhaya.

779- jidka 150-ka oo labada haad ee waddada ee is dhaafaya dhexdooda laga dhex-sameeyeygeerrashyo iyo meherado iyadoo loogu talo-galay meel dhirta lagu beero. Taasi waxay kutusaysaa sida dadku ay u ilaabeen nidaamkii iyo dowladnimaddii.

780- Timirtii la xashi jiray ee macaanayd oo imika laba aragba.

781- Dadkii oo kalluunkii aad u bartay baahi-weynna loo qabo, iyo isagoo yaraaday oo qaali ah.

Page 50: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 50 of 66

782- Labada-waalid oo kadeed iyo dhib weyni haystaan, taasoo ah markay carruurtii ay dhaleen eeay masuuliyaddu ka saarnayd ee nasin lahaa markay waa-weynaadeen oo iyagii haddana ubaday dhaleen dul-keenaya. Taasi oo tilmaamaysa sida guurkii u kala jabay, isslamarkaana waalidkiidhib ku keenaysa iyagoo dib u bilaabaya inay haddana koriyaan carruurtii ay Awowga iyoAyeeyada u ahaayeen.

783- Camal-la’aanta badatay ayaa badisay salaantii iyo waraysigii dadweynaha dhexdiisa iyagoointa badan habsaamiya qofkii shaqo ku cararaya.

784- Ugaadhii reer-miyigu soo qabsan jireen ee ay ajnabiga ka iibin jireen oo wax iska dhamaadaynoqday.

785- Hablaha guur-doonka ah ee ka imanaya Yurub iyo Maraykan oo halkan innamo ku guursanayakharashka oo dhanna ay iyagu bixinayaan, arrrintaasi oo inagu cusub.

786- Dadkii aqoonta lahaa ee barigii-hore idaacadaha dhagaysan jiray siiba idaacadda BBC-daqeybta Carabiga intaan isgaadhsiintan casriga ahi soo gaadhin oo meesha ka baxay.

787- Kooxihii fanaaniinta ahaa ee nin walba aalad tumi jiray oo imika ku soo ururtay hal aalad ookaliya taasi oo ah Biyaano.

788- Waxa aynu aduunweynaha kala simannahay dhaqaalaha adkaaday iyadoo nin walba tiisii aycuslaysay.

789- Foostooyinkii subagga iyo saliidda lagu keeni jiray oo aad u yaraaday.

790- Giraantii carruurtu ku ciyaari jireen oo meesha ka baxday.

791- Baabuurtii ay ciyaalku ka samaysan jireen qasacadaha, afarta taayirna ay uga dhigi jireenqasacadaha Baalashka dhamaaday oo meesha ka baxay.

792- Laydhkii bakhtiyi jiray ee la sugi jiray oo imika 24ka saacadood caadi ah.

793- Ragga iyo dumarka waxa fuulay miisaan badan oo haddana aan layska ridayn miisaankaas amaaan jimicsi la samaynayn iyadoo sababaysa cudurro.

794- Sidii ay ka yeeshay dawladdii hore ee Siyaad Barre iyadoo baabuurta xamuulka qaada u jarijirtay wakhti ay wax rogaan iyo wakhti ay dajiyaan, arrintaasi oo imika loogu tag-waayeybaabuurta xamuulka ah inay raacaan amarka dowladdaha hoose ay siinayaan.

795- Bisha Ramadaan odayaasha aan jaadka cunin, gurigana aan joogi karayn subaxdii islamarkaanasuuqa aan ka helayn meel ay fadhiistaan. Taasi oo dhib-weyn ku haysa odayaashaasi.

796- Ragga iyo dumarka is qaba ee Alle aanu ubad siinin ama Ilaahay kala noqday oo is dul-fadhiyamuddo , halkii ay ahayd inuu mid kastaaba is-tijaabiyo halkaasna wakhti kaga lumayo.

Page 51: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 51 of 66

797- Xeegadii iyo Tanistii la ciyaari jiray oo aan hadalkoodaba la-hayn.

798- Waxa xusid mudan waddada Burco iyo Xamar u dhaxaysa ee dawladda Jayna (China) aysamaysay ee marka ay deegaamadaas marayaan reer-miyigu ka faa’iidaysan jirreen dhinacyadaaddeega bulshada sida Ceelal, Berkado iyo Biyo-xidheeno iyagoo bari jiray reer-miyiygafarsamo ay ku shaqaystaan .

799- Cudurka Macaankii oo dadka uu asiibay carruur iyo waayeelba ay isticmaalaan insuliintaiyadoo barigii hore kiniin qaadan jiray.

800- Higgaadii carruurta la bari jiray ee Qur’aanka oo aad u yaraatay

801- Sheeko qosol ah: waxa jirtay horaantii 60-kii nin reer Hargeysa oo dhan wada yaqaaneenmaalin maalmaha ka mid ah ayaa lagu xidhay saldhigga, ninkaasi wuxuu lahaailquraarada , lamana kala garanayn ishiisa kale ee caadiga ah, markii uu saldhigii dhowrsaacadood ku jiray ayuu u baahday sigaar iyo cunto , askarigii gaadhka ahaa ee iyagailaalinayey ayaa ka diiday inuu u keeno waxay ka dalbadaan s kasta oo ay u baryeen,markaasuu ninkii isha-quraarada lahaa fikiray, markaasuu askarigii gaadhka ahaa kuyidhi “hadaanad Jaad , Sigaar iyo cunto noo keenin labadayda indhood baan iska soosaari doonaa markaasuu askarigii ku yidhi “waxaad doonto same”. Bilayska saldhiggajoogayna waligood may arag nin il-quraarad ahi ku jirto, ninkii isha-quraarada lahaa ayaaiska soo saaray sacabkiisana ku qabtay, markaasaa Illaahay yaab u keenay askarigii,markaasuu ninkii ku yidhi “hadaad imika noo keeni waydo waxaanu u baahanahay takalana waan iska soo saarayaa askartii saldhigga joogtay ayaa isku yaac-yaacdaymarkaasay ka dalbadeen inaanu isha kale iska soo saarin, ninkii xidhnaana wax kasta oouu baahdo halkiibaa loogu keenay.

802- Iskaraabkii wadanka yaalay oo la xaalufiyey.

803- Dumarkii oo indhakuusha ka baxay oo qalin sune u badashay.

804- Dumarkii oo Shaamboo loo soo sameeyey ku maydha duruucdooda qaaliga ah.

805- Biyiha roobka oo dhulkeenii jeex-jeexyo ka wada dhigay iyadoo ciidii nafaqada lahayd ayqaateen taasoo u baahan wax ka qabasho degdega.

806- Dawladda hoose oo aan wali samaynin meel qashinka lagu ururiyo marka magaalada laga soosaaro islamarkaana aanay jirin qorshe loo samaynayo .

807- Dumarkii iyo raggii reer- Somaliland oo wada gaagaaban.

808- Waxaad aad ula yaabaysaa laba guri oo iska soo hoor-jeeda midna biyaha dowladda helo oo aanwaliba biyaha xidhin marka ay buuxsadaan weelasha isla-markaana biyaha xada iyagoo ku xidhaDaynabooyin iyo wax la mid ah, waliba biyahana khasaarinaya iyo mid aan biyo helin. Walibawaxaad la sii yaabaysaa kuwa biyaha hela oo biyaha yar ee lagu soo dalaco aan bixinayn.

Page 52: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 52 of 66

809- Deegaankii oo meel walba tuulo laga samaynayo halkaasoo deegaankiii lagu waxyeelaynayo.

810- Shimbirihii kala nooca ahaa ee waddankeena lagu yaqaanay oo aad u yaraaday.

811- Baarlamaanada Somaliland ee is-haysta ee badanaa dagaalamaya, isla-markaana aanay dhibaynmasuuliyadii loo soo doortay kuna dhex-milmaya loolanka siyaasada ee jira ayaa madaxu kaaxanuunayaa.

812- Magaalooyinka waa-weyn Cusbitaalada qaybta gargaarka-degdegga ah oo loo baahan yahay indib loo habeeyo loona baahan yahay in wasaaradda caafimaadku xoogga saarto.

813- Ciirtii dhanaanayd ee bariiska lagu cuni jiray oo meesha ka baxday

814- Habaarkii dumarku ay dhalinyarada ku odhan jireen fanto ku dishay oo meesha kabaxay

815- Kuwa dawarsada ee meheradaha isku-mara oo iska dhiga inay carruur dhabarka ku sidaan siloogu naxariisto iyagoo dhar ama caagad xambaaraya.

816- Inta ladan oo baahi u qaba inay meelo carruurtu ku ciyaaraan wiigii ay helaan

817- Filimadii Hindida ee la daawan jiray oo loo beddelay kuwo kale oo lagu turjumo A-Soomaalidadkuna aad u daawadaan.

818- Calool-istaagii ayaa dadweynihii lagu saliday, sababo la xidhiidha inaanay biyo badan cabin iyoiyagoo aan jimicsi samayn.

819- Xaflado iyo shahaadooyin sharaf dadka la siinayo qaar oo batay, dadkiina wareeriyey

820- Kalmad cusub oo ah Ballibali oo dadku aad u isticmaalaan imika ayaa micneheedu yahaywaxaan laysku diidayn oo aan go’ayn.

821- Raggii Soomaalida Miyi iyoMagaalaba waxa dishootay makhaayad saacado badan la fadhiyo

822- Dhakhaatiirta waddanka imanaya waa in wasaarada caafimaadku baadhaan takhasusaadkoodafasaxna la-siiyaa haddii uu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay.

823- Lawskii fiicnaa ee dalka la keeni jiray oo lagu beddelay mid raagay oo dhadhankii iyodamcaddii lawska lagu yaqaanay aan lahayn

824- Masaajidadii oo lawada dhigay naxashka maydka lagu qaado oo hawsha aasidda fududeeyey

825- Waa in dadka jaarka ah rag iyo dumarba laysku yimaaddaa bishii mar ama laba, sidii loogatashan lahaa xaaladda cusub ee ku soo biirtay dhalinyaradeena.

Page 53: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 53 of 66

826- Shaqaalaha dawladda iyo kuwa gaarka ah-ba waa in loo keenaa sanduuqa suulka la-saaro eesheegaya wakhtiga uu soo galay iyo wakhtiga uu ruwaxayo isl-amarkaaana kamarado lagu xidhoxafiisyada si loola socdo dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha

827- Jaygii raggu ka urursan jiray buuraha ee laga iibsan jiray oo imika qolooyinka dhismuhu aydoorbideen dhagaxa uu karaasharku soo saaray

828- Waxa la nacay dadka hadalka badan leh.

829- Dhiishii caanaha lagu shuban jiray ee la culi jiray si ay caanuhu u hagaagaan oo meesha kabaxday

830- A D C waxay ahayd hay’ad dowladdii Siyaad Bare ka tirsan oo quutal- daruuriga beeraha kasoo baxa si cajiib ah u habayn jirtay, taasina waa arrin xusuus mudan loona baahan yahay in lagafakaro sidii loo abuuri lahaa hay’adaha noocaas ah iyo kobcinta wax-soo-saarka beeraha.

831- Xerowgii diinta baran jiray raashinkiisana soo baryi jiray xaafadaha oo meesha ka baxay in-yarina ay garanayso arrintaasi

832- Arooskii lagu soo galbin jiray salligaNabiga (SCW), ee ninka lagu soo-galin jiray guriga oomeesha ka baxday

833- Indho-adayga reer-magaalku marka ay sharciga dowladda hoose dhulka u samaysanayaan oobuuro- dhagaxa ku sheegaya inay beer u ahaan jirtay ama ay daaqi jireen xoolohoodu

834- Magac layska iloobay oo ah Hitiloola oo dhalooyin ku jiri-jiray oo in-yari isticmaali jirtaymarkay qayilayaan taasoo meesha ka baxday.

835- Waxa soo baxay bacadlihii dharka laga iibsan jiray oo innamo dhalinyaro ahi marxabaysiisbadan iyo qasab kaaga iibinaya alaabada, halkii barigii hore niman waaweyni iska dhex-fadhiyijireen oo aan dhaq-dhaqaaq badan lahayn

836- Farmasiiyada oo 500 SL.Shillin kaga iibinaya kiniinka dadka wax ka iibsanaya, halkay hore umari lahaayeen ee ay xidhmada yar ee isku xidhan dadka bari lahaayeen.

837- Carruurtii la xadi jiray ama la waayi jiray oo aad u yaraaday

838- Baabuurro shirkadi soo dajisay oo bacdoodii wata oo markii ugu horaysay dadku ayiibsanayaan halkii ay baabuur lasoo isticmaalay ay iibsan jireen

839- Naas-nuujintii hooyada la yidhi laba sano naas nuuji oo dumarkii badankoodii loogu taaglaayahay

840- Dumarkii oo carruurtii kala korinaya ayaa soo baxday, taasina hooyadii, ilmihii iyo qoyskiibaay u wada fiican tahay

Page 54: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 54 of 66

841- Buulashii aan naqaanay oo wax bas lagu tilmaamo loo beddelay

842- Dadkii walaalaha ahaa ama ilmaadeerka ahaa ee shaqaysan jiray oo is-colaadinaya oo midibamidka kale u cadhoonayo.

843- Dadka macaanka qaba oo aan ilaalin suulasha iyo faraha hore ee lugta, taasi oo khatar ku ahdadka macaanka qaba.

844- Jiingadihii oo laga soo il-baxaayo oo lagu beddelaayo wax laga sameeyey dhoobo oo guryaha lasaaro.

845- Wax-tartani kama dhacaan wasaaradaha , waxqabadkoodiina ma soo bandhigaan, dadkiina barihore ayey ka quusteen.

846- Woxoogaa Hindi iyo Yabaniyiin ahaa oo dhowr qoys ka kooban oo lays-dhex galay oo la kalaguursaday taasoo ahayd lixdameeyadii oo imika aanay waxba kajirin.

847- Lacagteenii cinjirbaa kala gooyey, wax dowlad iyo dad habaynayana maba arkaysid ama wayyar-tahay

848- Dad badan oo xusuustii ka luntay oo soo badanaya

849- Murugo ayey ku sugan yihiin waddankan markii la soo galay raggii ka qeyb-qaatay dhismihiiciidamada sida booliiska iyo ciidanka qaranka. Iyagoo saluugsan sida wali aan loogu hagar bixinciidamada.

850- Wasaaradda caafimaadku meelaha ay ku jilicsan tahay ee loo baahan yahay in xoogga la saarowaxa ka mid ah goobaha gargaarka dagdag ah.

851- Sheeko qosol ah: Nin iyo naag is qabay ayaa ninkii gabadh labaad la guursaday , dhowrmaalmood ka bacdi dumarkii ayaa soo yaacay una sheegay in ninkeedii naag kaleguursday, gabadhii waxay ugu jawaabtay waxaanay ka filayn waxaanay ku tidh “waanogahay” waxaanay ku hal-celiyeen oo sideed ku ogaatay arrinkuba shalaybuu ahaayemarkaasay ugu jawaabtay oo ay tidhi “beryahan danboo dhan markuu muraayada horistaago ee uu feedhanaayo ayuu foodhyi jiray markaa sidaasaan ku ogaaday”, markaadumarkiibaa maskaxdeedii aad ula yaabay.

852- Xawaaladihii oo aad iyo aad u batay oo cidiyaha ku dagaalamaya dhexdooda.

853- Carruurta xannuunada gaarka ah qaba ee qayrul caadiga ah ee mar-mar Jaraa’idka lagu qoro siloo caawiyo ayaa dad khayr qaba ilaahay u bixiyey si loo geeyo dhakhtaro dibadeed iyadootaasina aan dhiirinayo.

854- Waalidka oo aan qabanayn waajibka aas-aasiga ah ee ah inay ogaadaan waxa loo dhigayocarruurtooda arrintaasi oo aanay isku dhibaynba.

Page 55: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 55 of 66

855- Waxaan ku nacay reer-Somaliland qof guri dhisanaya oo kugu qabsanaya gidaarkiisa oo lacaglaga qaadayo halkii ay 50-sanno jaar ahaayeen iyagoo lacagtaa yar ka doorbidaya jaarnimadaaqadiimka ah

856- Waxa meesha ka baxday kalmadda jaan-jaan oo micneheedu ahaa qof dawakhsan

857- Culimadii dibada u bixi jiray si ay aqoonta diiniga ah u kororsadan, si looga faa’iidaystocilmigooda oo yaraaday.

858- Dadweynahu waxay u baahan yihiin in ay xanuunada daran iska baadhaan si aanay u fajicisougu noqon marka laga helo.

859- Dadweynuhu gaar ahaan dumarku inay iska ilaaliyaan habaarka qotada-dheer oo ay samirka karaacaan

860- Qofkii lagu magacaabi jiray Shaadhmadoobe oo micneheedu ahaa nin khiyaamo badan ayaameesha ka baxday.

861- Dadka jeelasha Somaliland ku jira badankooda waxa loo haystaa xashiishad iyo khamri

862- Iskuulo badan oo gaar loo leeyahay oo dhisme ahaan aan lagala tashan dadka injineeradarasmiga ah, taas oo lagaga hor-tagayo in ciyaal badani ku waxyeeloobaan.

863- Guurka labada dumara ama saddex ama afar lawada-guursan jiray oo sii yaraanaya

864- Waxa jira oo dhaqankeena aynu ku xunahay in hablihii aan la guursanayn. kuwa la qabo eekalida ahina ay kaligood ku raaxaysanayaan guurka, dumarka kalana ciil iyo habaar ay qalbigaka wadaan xalkuna uu yahay in raggu labo , saddex iyo afarba ay guursadadaan dumarkuna ayragga u fududeeyaan. Taasoo tarankeena sii yaraanaya wax lagaga qabanaayo, dumarkeenuna ayfarxadu wada gaadho.

865- Waxa laga wareeray oo wax-ka-qabasho degdega u baahan cayaan la yidhaa dukhaan oo aan lagaranayn wax lagu daweeyo oo ka buuxa guryaha. Arrintaasina ay dawladdu ka sii jeedo,maarana aan loo helin wali.

866- Heesihii Soodiniga ahaa ee la jeclaan jiray oo meesha ka baxay

867- Damac-adduun oo aad loogu hanqal taago oo qof walba khusaynaysa ayaa dadka wadasaameeyey.

868- Baarlamaankeenii ama kuwa la doortay ee dowladdaha hoose waxa ku dhacay karaamo-seegmarkiia ay ku dhex-milmeen loollan-siyaasadeed ku-sheeg ka dhex jira laamaha dowladda

869- Maayarkii Hargeysa ee sameeyey calaamadaha kala haga baabuurta iyo laydhadhkiiwadooyinka oo markii xilka uu ka degay iska baaba’ay, kuwii ka dambeeyeyna halkii aanay kasii qaadin haddaba dibu-socodnimada laguu sheegayaa waa halkaasi.

Page 56: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 56 of 66

870- Culimada reer-Somaliland waxaan kula talin lahaa inay mar walba aqoontooda diinta ay sare uqaadaan si ay dadku si qoto-dheer uga faa’iidaystaan, oo aanu is odhan marka uu dhowr kitaabbarto caalim ayaa tahay

871- Dadweynaha reer-Somaliland waxaan kula talinayaa siday had iyo jeer u maqlaan inay ka hortagga xannuunadu ka wanaagsan yihiin daawantooda.

872- Wakhtigan oo la keenay shaybaadho casriya oo aanu qiimahooduna ku eryeynin.

873- Dadweynaha waxaan kula talin lahaa inay iska ilaaliyaan habaarka iyo isha qotoda-dheer leh oosamirka la qaato.

874- Iyadoo qofna qof siri karayn iyo shaadhmadoobe oo meesha ka baxay.

875- Awoodda wax iibsiga dadweynaha reer-Somaliland oo aad u yar. Taasina ay katimid tiro-yaraanteena.

876- Lacagta oo cinjirku faro-baas ku hayo googayntiisa

877- Maxaa layskugu dhibi waayey in la qoro dagaaladii 77-kii aan lala galay itoobiya wakhtigiiwixii laysku odhan jiray soomaaliya si ay jiilasha danbe uga faa’iidaystaan.

878- Reer walba wuxuu doonayaa in la qanciyo xagga siyaasadda ama inuu saamigiisa helo

879- Bilaash-xayte oo soo baxday wakhtigii dagaalkii Masar iyo Yuhuuda oo imika ka sii yaraanaya.

880- (ma anigaa keenay soodaanta) waxay ahayd ruwaayad ay dhigayeen Soodaantu oo qof walibadoonayey inuu galo badhtamihii lixdamaadkii, markaa waxa dhacday in gabadh laga goostaydahabkeedii dabadeed markay guriga timid ayuu ku canaantay ninkeedii dahabka maqan awgeed,dabadeedna waxay ku ku tidhi “ma anigaa keenay soodaanta”

881- Kalmadii ahay “ka bul-dheh” oo laga bodow baxay

882- Dadweynaha reer-Somaliland oo bangiga dowladda aan lacag dhigan, taasina ceeb ay inagutahay

883- Qabanqaabada ciyaaraha gobolada oo noqotay hawl aan la maamuli karayn

884- Taalooyinkii Siyaad Barre dhisay oo maankaba lagu hayn.

885- Dagaalkii aynu la galnay kali-taliyihii mucangaga ahaa 1988-kii waxa mucjiso weyn ahayd inCarabtii, Afrikaankii , reer-Yurub, Raashiya iyo Maraykan-ba ay kaalmeeyeen taliskaa. Taasinaay ahayd arrin halis ah oo u baahan in dib loo milicsado.

886- Waxay dowladda Somaliland ku amaanan tahay labadii dagaal ee bariga iyo galbeedka inaydajisay. iyadoo ay oday dhaqameed ay caawinayaan.

Page 57: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 57 of 66

887- Mobile-ka ay 24-ka saacadood ku hadlayaan dadka yar-yari oo aanay dhaadanayn cawaaqib –xumadiisa.

888- Waxa xusid mudan, waxa jiray oday reer-Hargeysa ahaa oo oo lawada yaqaannay, oo jagomuhiima intuu iibiey ka dhisay iskuulkii ugu horeeyey ee ay habluhu wax ku dhigtaan ninkaasioo la odhan jiray alla ha u naxariistee Axmed Xasan Ibraahim.

889- Wadaadadii la odhan jiray suufiyiin oo laba arrimood lagaga adkaaday ta hore fidinta diintainay u hawlgalaan ta labaadna inay ka gaabiyeen inay lacag badan sameeyaan.

890- Abwaanadu marka ay allifayaan heeso ka hadlaya balaayo, isla-markaana loo dhiibo heestaasfannaan ama fannaanad iyagoon garanayn ujeedada heestaas oo marka danbe ay dhibaataysoqofka heesta qaaday . sidaa awgeed waxaan kula talinayaa inay aad u darsaan midhaha heestaama gabayga .

891- Waxa mahad leh oo kale dhakhaatiirtii iyo injineeradii wax ku soo bartay dibadda amadowladdii hore wax bartay oo isku xil-qaamay inay jaamacadaha wax ka dhigaan si ay u soobaxaan arday takhasuskaa leh.

892- Magacyadii hore oo laga sii baxayo sida magacyada ay ka mid yihiin dhinaca ragga Muuse,Ciise Samatar iyo Gaaxnuug sidoo kale dumarka Caasha iyo Ceebla.

893- Qubuurihii oo markii ugu horaysay la nidaamiyey oo dadka ku jira xabaalaha la qorayotafaashiisha oo dhan sida magaciisa oo afaran iyo goorta uu geeriyooday. dadkii iskaxilqaamayna ay ammaan mudan yihiin.

894- Marka lays guursanayo meherka la qabsado dahabka n lagu meheriyo oo guurka sii yaraysay

895- Xaq-darrada iyo kadeedka waalidiinta haysta waxa ka sii daray markay is furaan inantii ninkiiay la joogtay oo toos loo imanayo gurigii iyadoo ay wada socdaan gabadhii iyo ciyaalkii. taasinaay sababayso korrriin cusub oo waalidku bilaabo halkay ahayd wakhtigay nasan lahaayeen

896- Masaajidadii Somaliland oo loogu tartamayo in imaamo iyo mu’adimiin laga noqdo, taasoonhore loo arag.

897- Baaldiyadii jaandiga ahaa oo lagu beddelay kuwo caaga.

898- Waayirada laydhka iyo telefoonka oo dadkiina khatar ku ah magaaladiina quruxdeedii wax udhimaya dadkuna khaatiyaan ka taagan yihiin.

899- Xaggay martay xisaabtii la xisaabin jiray madaxda oo aan lays waydiinayn

900- Ninkii bakhaylka ahaa ee la necbaa oo imika la jeclaaday iyadoo ninka wax haysta la jecelyahay.

Page 58: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 58 of 66

901- Heestan oo aynu ka soo qaadanayno laba tuduc, waxa ku wada heesa Allaha u naxariisteeAxmed Gaceyte iyo Aamina C/llahi, waxayna ku tuseysaa xaqiiqda ah in ay Dumarku raga kasamir badan yihiin. Sida uu u cabiraayo arrintaasi abwaankii curiyey ayaa dhugasho muddanisla-markaana aad moodo inuu samirkaasi soo yaraanayo imika.

* Sidaad tahay cadceed subax ama sagal arooryaad waad suurad wacan tahaye,

* Maan arag Suleekhe sheekadu ,siday tahay qurux kama sidatee,

* Sabanadan ma ay dhalan haddaan uurka lagu sidin inan kaa sareysee

* Safiyay waxaad tahay salaada iyo faralkii midaan uga sahwiyeyo,

* Hadii samir wax tarilahaa ama uu sed noqon lahaa muddaan kuu samraayey,

* Adoo saacad igu xidhan laba sawdna igu celin,

* ama saydhi wacadkii ama sida igu qaado,

* Dantu seeto weeyo nina kama siqaayo,

* Sadarkaa ma dhaaftide, Waan ku soo salaamaa

* Iyo sideed tahayda guudnimo cudur kaama saartee,

* Silic laguma waaro, sacidad habeenkii lagu siin ma weydide,

* Waa sahan dabi iyo shalay sareerade,Aduunyadu saakana wareegtee

* Saartiyo inshaaradii lay siiyay xaleybaan , suurtoobi weydee

* Salku dhigi ayaankuye, samir aan lahaano.

902- Waxa sii dabar go’gaya canbo-shoog

903- Sidoo kale waxa meesha ka baxay Canbe-caadkii

904- Markii ugu horaysay dumar looyaro ah oo jaamacadaha ka soo baxay

905- Bacdii yar-yarayd ee inagu haysay dhibaatada xaga deegaanka oo hadal haynteeda layskadaayey

906- Haddaad booqatid maxkamadaha fajac wuxuu kugu dilayaa dhalinyarada labaatan jirka ka yaree xashiishad iyo khamri iyo tuugo lagu qabto

907- Hanti-dhowrihii dowladda ee laga baqan jiray oo shaqaalihii dowladdu imika la saaxiibeen

Page 59: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 59 of 66

908- Balantii dadku ballamayeen oo 95% ama kaaga baxaaya ama wakhti danbe kuu imanaya

909- Labadii landorofar ee Raadiyow Hargeysa iyo Raadiyow Muqdisho la kala siiyey oo markii uguhoraysay si toosa uga soo warami jiray dawaynta xoolaha ayaa mudan in dib loo xusuusto.

910- Surwaalo misigta laga xidhanayo oo kaa sii dhacaya oo soo baxay

911- Shaadhkii dusha laga marin jiray oo imika dhalinyaradu hoosta wada mariyaan

912- Sirwaaladii carruurta loo karkari jiray oo meesha ka baxday

913- Isku soo hilowgii dadka muddo kala maqnaa,oo imika dadku aanay isku dhibin,

914- Agoontii xoolahooda laga carari jiray oo imika dad badani ku dhiiradaan

915- Booliska Somaliland waxa haysta dulmi aan yarayn oo uga timaad xagga bulshadeena kaasoomarka qof waaran loogu dhiibo ee dadkii loo socday loo geeyo ay ugu jawaabayaan hadal aanmunaasab ahayn iyagoo ciiddankaasi aan qaadan mushahar fiican oo dar Illaahay ugushaqaynaya

916- Dagaalkii sokeeye ee ciidanka lagu caayi jiray Maryo –alool, ayaa maanta ciidan dhisan oohaybadooda leh noqday.

917- Goorma ayeynu baran dheefta waddanka soo gasha oo aynu si siman oo dadku wada raali kayahay ama isku dhow loo maamuli.

918- Salaada jimcaha qudbada marka la akhriyayo adigoo xagga danbe fadhiya haddaad eegtomeesha dadka ku tukanaya siday u dhagaysanayaan iyo siday u qiimaynayaan ayaad layaabaysaa, waxaad arkaysaa guri masaajidka ku dhow oo ay ka socoto waxaan Illaahay ogalaynama guri ku dhow oo aan dabba loo shidin

919- Heestii waddankoo dhan gaadhay ee la jeclaa ee ahayd “onkod roobku ma daayo”ayaa dadkiiiskaba iloobeenba.

920- Waxa jiray fannaan ugu dagganaa fannaaniinta isla-markaana codkiisu aad u fiicnaa aadna loojeclaa oo nin hoosta ka dhisan ahaa ninkaasoo ahaa CIsmaan gacanlow, sidoo kale fannaanaddaHibo Nuura oo iyaduna haybad iyo karaamo ku lahayd fanaaniinta dhexdooda iyo dadkasoomaaliyeed dhexdiisaba , fannaaniintaasi oo mudan in la xuso ama la xusuusto.

921- Timo-cadde, Dhoodaan iyo Cabdi-iidaan oo ah lama ilaabaan, siiba dhinaca wacyigalintabulshada iyo ku-guubaabinta wanaagga

922- Waxa imika la bartay faa’iidada lagu qabo hudheelada waa-weyn. Isla-markaasna ninkii waxhaystayba doonayo inuu dhiso hudheel weyn oo lacag badani ka soo gasho.

Page 60: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 60 of 66

923- Macalimiintii lafoole ka soo baxay iyo kuwii la siiyey aqoontii dagdaga ahayd (crash program)oo imika sii dabargo’aya. in wax laga qorana ay haboon tahay

924- Sanaaduuqdii tumaalku ka samayn jiray jiingada oo meeshaba ka baxay.

925- Baabuurkii ugu badnaa ee shil galay waa baabuur naytiina oo dilay 24 qof oo xaajiyad lasocday dhinaca bari , gaadhigaa oo imika buudhigii inyari ka sii hadhay ayaa xafiiskaygadhiniciisa yaalla.

926- Waxa soo baxay dhaqan xun oo ah in aanay dadku cashuurta bixin oo ay kaga adag tahay inbaastoolad madaxa lagaga dhuftay.

927- Surwaaladii carruurta ee dabada laga kari jiray oo laga kaaftoomay

928- Reer-miyigii iyo beeralaydii aaminsanaa in marka hore dhoobo laga abuuray marka dambanaquutal-daruurigooda kala soo bixi jireen dhoobada markay dhintaana dhoobo lagu celinayo ayaafikradaa iyo xaqiiqadaa Rabbaaniga ah ee jirta waxa kor kaga yimi Reer-magaal ugu tagaygoobahay joogeen islamarkaana u geeyey Baasto, Bariis, Hub iyo waxaanay garanayn, taasina ayku kaliftay inay iskaga soo cararaan dhulkii iyo miyigii ay joogeen

929- Waxa la-yaab ah in markii darajooyinka la siiyey ciidamada kala duwan ee qaranka is-lamarkaana ay kala muuqdeen darajooyinkoodu ayaad waxaad arkaysaa askarigii darajadiisuhoosayso ama ka aan darajo wali la siinin oo xidhan jaakeedo ama koodhadh, iyagoo qaraniyagarbahooda. Sidaa daraadeed waxaan kula talin lahaa inay ku shugriyaan oo ay samraan,aaminaanna sharafta ay ku dhex leeyihiin dadkooda iyo dalkoodaba, islamarkaana darajadu aytahay kolba wax la kordhiyo ama la bixiyo.

930- Marka ay timaaddo geeridu ee maydka la aaso berigii hore inta xaafadda lagu soo noqdo ayaacuntada hawlka loo yaqaan lagu cuni jiray guriga geeridu ay ka dhacday, laakiin imika waxabeddelay in cuntada lagu dul-cuno xabaasha.

931- Waxaad arkaysaa iliiladihii biyuhu marayeen oo xaafaduhu iska wada leexiyey isla-markaanaay biyihii meel ay maraan laayihiin. Markaa haddii roob weyni yimaado waxa suurowda inuuqasab ku jiidho halkaasna khasaare ka yimaaddo.

932- Waxa wax lala tacajabo ah in heesihii 60-kii iyo 70-kii la tiriyey, heesahaasi oo si cajiiba lootumi jiray markaad u fiirsatid laxankeeda, midhaheeda, muusigeeda iyo farshaxanimadoodiiquruxda badnayd, haddana imika fannaaniintani aanay dhigi karayn halkeedii hees wakhtiyadaala qaaday ama la tumay.

933- Waxa dhacday nin 70-jir ah oo kaadidu ku dhagtay ayaa wuxuu u tagay dhakhtar si looga siidaayo kaadida, markii laga sii daayey kaadida ayaa uu ooyey odaygii ka-dib ayuu dhakhtarkii uqaatay inuu ka ooyayo lacagta la weydiin doono, markaasuu ku yidhi “ma lacagtaad kaooyeysaa” odaygii ayaa ugu jawaabay mayee waxaan la ooyey oo aan ka qiirooday weynidaILLAAHAY ee 70-kaa sanno ee aan jiray aan kaadida igu dhajin waxna iga weydiin.

Page 61: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 61 of 66

934- Waxa xusid mudan heesihii Nabi ammaanka ahaa ee ay ku luuqan jireen fannaaniinta codkatoolmoon ee ay ka midka yihiin Magool, Hibo-Nuura, Sahra Axmed, Maxamed Saleebaan,Maxamed Yuusuf iyo Cismaan Gacanlow.

935- Reeg-magaalka oo aad uga shakisan caanaha miyiga laga keeno caafimaadkooda iyo tayadooda.

936- Kabaha carruurta oo aan raagayn oo markiiba kala go’aya

937- Waxa wax lagu farxo noqotay markii la furay iskuulka wax loogu dhigo dadka indhaha kanaafada ah isla-markaana ay ka qalin jabiyeen fasalka 8aad, walibana ay imtixaanka lafadhiisteen kuwii indhaha qabay. Waxaad waliba fajiciso ah wiil dhalinyartaa indhaha kanaafada ka mid ah magaciisana la yidhaa Mowliid Maxamed Odowaa ninkaasi yar oo gabayaa ah, barnaamij soo-saarena ka ah Raadiyow Hargeysa iyo TV-ga qaranka.

938- Waxa iga yaabiyey waxa magaalada Berbera ka reebay magaalooyinka dekedaha leh.

939- Waxa soo baxday koox waayuhu caawinayo oo wakhti walba cid iskaga dab-qaadaya iyagoouga faa’iidaysanaya danahooda gaarka ah arrimaha dalka ka socda kuwaasi oo meel walbagalaya oo danaystayaal ah.

940- Waxaan soo jeedin lahaa in wasaarada maaliyadda magaceeda lagu koobo wasaaradda cashuurururinta.

941- Waxa kale oo aan soo jeedin lahaa in wasaarada qorshaynta lagu daro xafiiska miisaaniyaddaqaranka.

942- Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in wasaaradda arrimaha gudaha laba loo kala jabiyo. Laganakala dhigo wasaaradda nabad-sugidda iyo amniga iyo wasaaradda xidhiidhka goboladda iyodowladaha hoose.

943- Waxaan garan laayahay goorta si siman ama isku dhow oo dadku raali ka yahay loo maamulidoono dheefta wadanka soo gasha .

944- Waxa xus iyo xusuus mudan fannaan fannaaniinta ka mid ahaa oo aad u daganaa isla-markaanacodkiisu aad u fiicnaa oo nin hoosta ka dhisan ahaa, ninkaasi oo ahaa Cismaan Gacanlow Alla hau naxariistee.

945- Waxa iyaduna mudan fannaanada codka tolmoon ee lama ilaawaanka ah isla-markaana ahaydfanaanad dhisnayd dhinac walba waxay ahayd Hibo-Nuura

946- Markaad jaleecdo dhinaca gabayaaga waxaan wax loo dhigaa jirin dhinaca wacyigalintabulshada iyo guubaabinta wanaagga gabayaagii C/laahi Suldaan (Timo-Cadde), Cabdi IIdaan iyoqaar la mid ah.

947- Geedka la yidhaa Kalidihii-noolaha oo dhulkii wada buuxiyey

Page 62: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 62 of 66

948- Waxaan ka xumahay u hanqal-taagga Isaaq ee ay u hanqal taagayaan in dhibaatadii baaxaddalahayd ee ay gaadhsiiyeen Hawiye iyo Daarood in ay ka raali galiyo, aniga oo soo jeedinaya inhalka laga raadinayo raaligalintaasi ama loo hanqaltaagayo in la soo dhoweeyo oo wanaag lagadoono dadka la hayb sooco isla-markaana la siiyo wixii ay xuquuq siyaasadeed iyo bulshobaleehihiin haddii kale garan maayo meesha aynu ku danbayn.

949- Ajanabiga ugu badan ee wadanka yimaad waxa ugu badan Chineese-ka iyagoo doonaya inayfursado maalgashi iyo gacan-qabashaba ka sameeyaan Somaliland sidaa daraadeed waxaan kulatalin lahaa wasaaradda ganacsiga iyo rugta ganacsiga inay la shaqeeyaan oo ay tilmaamaansoona dhoweeyaan dadka doonaya inay maalgashadaan dalkan koraya.\

950- Waxa dhaqan xun oo inagu soo kordhay noqotay in dadkii ay niyad jabinayaan kuwa liita amaiinta leh siiba marka ay is arkaan ee ay isa salaamaan ayuu isla-markiiba weydiinayaa halka uuka cabanayey qofkaasi ama uu ka liigayey taasi oo dadka ka nixisa inta badan.

951- Kalmadaha Reer Magaalku Isticmaalo.

- Yoolhabaabin Badanka waxa isticmaala ciidamada ujeedaduna waxay tahay in

-aan sugnaasho joogto ah laguugu soo hagaagin.

- Bukaan Socod Waa qofka xanuunsanaya ee xanuun u jiifin.

- Bagaashleh: Waa dukaamo casri ah oo badeecooyin ka guryaha laga

-isticmaalo haya oo jumlad wax ku iibiya.

- Boos Celin:Jagooyinka banaan ee dadku leeyihiin wax la dhiso oo

noqda calaamad in la leeyahay oo la dagan yahay muujineysa.

-Is-afgarasho Waa qorshe maldahan oo hawl lagu dhameystiraayo, iyadoo

-abaal marin lacageed ka maqnaan.

Kalmadaha Reer Miyigu Isticmaalo.

- Ablayda Toorida.

- Dekaan Daal,Caajis

- Bulxan Danan, sawaxan.

-Dayriyey Eryay,waxna siin waayey.

Page 63: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 63 of 66

952- Waxa wax cajiiba ahayd waagii dagaalkii SNM ay ka xoraynaysay ciidamadii faqashta, waxajirtay inay koox ka mid ahayd SNM ay weerar kadisa ku soo qaaday saldhig faqashtu ay lahayd,markii ay ka soo noqdeen hawlgalkaa ayaa waxay koodaa SNM ku soo baxeen reer meeldaganaa markaasay islaan reerkaa ka mid ahayd ku soo baxday oo ay ku tidhi halkan iskafadhiista oo iska nasta aan neef idiin qalee, dabadeed intii islaantii maqnayd ayey SNM-tii kakaceen meeshii iyagoo ogaaday inay faqashtii dabagurayso, isla-markiiba waxa halkii ay kakaceen soo fadhiistay faqashtii, dabadeed islaantii oo hilibkii sida si ay u siiso kooxdii SNM ayaadareentay inaanay ragga meesha fadhiyaa iyagii ahayn markaasay ku tidhi hooyo ma kuwiihoraad tihiin mise kuwii danbe markaasay halkaa faqashtii ku gawracday islaantii.

953- Waxaan soo jeedin lahaa dadkii aqoonta iyo waayo-arraggnimada wanaagsan lahaa eetababarada fiican qaatay wakhtiyadii hore in la ururiyo oo la meeleeyo lagana faa’iidaysto.

954- Waxa dadku ka wersan yahay siday noqon doonto haddii la waayo ama ay raagto ictiraafSomaliland markaa waxaan kula talin lahaa guud ahaan qaranka in talo midaysan lagu raadiyoarrrintaa madaxbanaadida si aanay u niyad jabin bulsho-weynta Somaliland

955- Alaabta guryaha la dhigto (furniture) oo noqotay qosol ku jab iyagoo markiiba jabaya oo dadkunijaar-uun raadinayaan.

956- Waxa aan jirin ama yaraatay masuuliyaddii waalidka, iyadoo aanu waalidku siinin carruurtawakhti ay kula xisaabtamaan habeenkii dhinaca waxbarashada.

957- Maahmaahda tidhaahda “Ayax tag eelna reeb” oo noqotay mid hirgashay oo sexeexa

958- Waxaan kula talin lahaa qolooyinka wax-qora inay wax ka qoraan shirkii Borama si ay ugafaa’iidaystaan koonfurta soomaaliya iyagoo aan wax natiijo ah ka keenin shirar badan oo ay kuqabsadeen wadanka iyo dabadiisaba laakiin ay wax badan ka kororsan lahaayeen haddii ay sifiican u darsaan shirkaa kaliya ee BOORAMA.

959- Waxa haboon ama ay tahay in la xuso oo la xusuusto halgamayaashii lama-huraanka ahaa eeIla-mooge waxna laga qoro.

960- Reer-magaalka oo markay is laynayaan iskula soo bixi jiray toori,bakoorad iyo baastoolad oolaga raystay.

961- Waxa caado xun noqotay dadkii wada dhakhtar noqday iyagoo dawada ay isku dawaynayaaniyagu dalbanaya oo aan u aabo yeelayn.

962- Waxa wax lagu farxo ah in shirarka lagu furo duco iyo salliga Nabiga (CSW), taasi oo ahtalaabo horay loo qaaday.

963- Waxa iyaduna talaabo horay loo qaaday ah in hudheelada laga joojiyey joornaaladii afka layskamarin jiray. Loona beddelay tuwaal ama warqad jilicsan oo nadiifa (soft).

Page 64: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 64 of 66

964- Waxaad markasta maqlaysaa adduunyada oo ka qaylinaysa hawada wasakhoobaysa haddanamarkaad aragto sida loogu baratamayo baabiinta deegaankeena waxay noqonaysaa kala maan.

965- Waxaan u soo jeedin lahaa wasaarada beeraha in dhalinyaradan ka soo butaacaysa jaamacadahaloo sameeyo dhowr kun oo ka mida maalgalin dhinaca beeraha si ay u soo saaraan quutaldaruuriga

966- Haddii ay dawladdu samayn kari waydo maalgalintaas waxaan u soo jeedin lahaa inay dhulkaka kireeyaan shirkado gudaha ama dibadda ah oo maalgalin ku sameeya. Arrintaasi oo waxbadan laga kororsan lahaa dhalinyaraduna shaqo ka heli lahaayeen.

967- Waxaan kula talin lahaa dowladda in saacadaha shaqada la kordhiyo oo laga dhigo 8:00AM-4:00PM. Maalinta khamiista iyo jimcahana ay hawlahooda gaarka ah soo qabsadaan.

968- Kala shaki dadka dhexdiisa ah oo aad u soo if-baxay.

969- Macalimiinta carruurta guryaha wax ugu dhiga oo macduun noqday.

970- Waxaad arkaysaa sidaynu isku dhex-gallay Itoobiya, adigoo badanaa arkaya dhalinyaro kuhadlaysa afkooda ama qaadaya heesahooda.

971- Waxa dhaqan xun noqotay cay xun oo xun oo dadka ku dhex faaftay taasi oo ah nacdal aydadku is nacdalayaan arrintaasi oo aan banaanayn muslimiinta dhexdeeda oo mudan in lagawaantoobo.

972- Waxa mudan in loo mahad naqo shuyuukh sameeyey wacyigalin la xidhiidha sidii loo fududaynlahaa guurka, arrintaasina waxa bilaabay culimo reer-Boorama ah, waan arrin mudan in labaahiyo si uu u yaraado kharashka guurku isla-markaana loo yareeyo dhaqan-xumada .

973- Booliska oo ay dhibaato ka haysato dadweynaha markay waaran ama warqad qabasho ah ugeeyaan iyagoo kala kulma aflagaado iyo hadal aan haboonayn iyo hanjabaad arrintaasi oo aanhaboonayn sharci ahaan iyo dadnimo ahaan.

974- Dadweynihii oo yaqiinsaday in saacaddii yoomal-qiyaamuhu soo dhowaatay kadib markii la-wada arkay calaamadihii yar-yaraa ee ka horeeyey qiyaamaha ee Nabigeenu (SCW) uu sheegay.

975- Dadka waa-weyn rag iyo dumar-ba oo ka cabanaya lafo-garaac xoog leh.

976- Waxaan la yaabaysaa waxan oo suldaano, boqorro iyo caaqillo ah ee maalin walba lasamaysanayo halka ay ku danbayn doonto tiradoodu iyo siday ula shaqayn doonaan dowladdasharci ahaan.

977- Waxa mudan in la-xuso barnaamij aad u qiimo badnaa, anfac badana lahaa kaasi oo ahaa kalaxadayntii beeraha.

Page 65: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 65 of 66

978- Dadka qaadka iyo sigaarka faraha ka qaaday ee ogaaday dhibaatooyinkiisa ooaan isku dhibininay uga digaan walaalahooda wali la dhacsan cunista qaadka iyo qiijinta sigaarka.

979- Ragga iyo dumarka oo loogu taag laayahay inay faraha saabuun iska maydhaan markaymusqusha ka soo baxaan, oo haddana wax ku cunaya.

980- Waxaad arkaysaa dad Alle wax siiyey oo haddana laydhkii iyo biyihii xadaya.

981- Canabkii deyrka laga dhex beeri jiray oo meesha ka baxday.

982- Dadkii oo aan u aabo-yeelayn cunista sonkorta isla-markaana aanay dareensanayn khatarta ayleedahay.

983- Waxa iyaduna laxusuustaa waxqabadkii Bile Rafle oo u baahan in lagu daydo.

984- Nacnacii la odhan jiray hoosku malable oo meesha ka baxay.

985- Dadka inta iska yaraysay cunista baruurta iyo subagga oo caafimaad fiican dareemay iyofudayd nafsiyeed.

986- Waxaad arkaysaa qof madax ah oo ku guuldaraystay hawl loo igmaday, walibana ku faraxsanfadhiidnimadiisa halka ay adduunyada kale tahay ceeb ama lays-casilo.

987- Waxaad arkaysaa dumar cuntada karinaya oo haddana musqussha galaya oo aan isticmaalaynsaabuun iyadoo saabuuntu ag-taala ama ay jaban tahayba.

988- Waxa haboon oo aan ku waanin lahaa dhalinyarada in marka ay muuska cunaan, diirkiisa meelleexsan dhigaan oo ay wadada ka qaadaan si aanay dadku ugu jabin, arrintaasi oo dadku dhibaatokala kulmo magaalooyinka dhexdiisa.

989- Dadkii waxa wareeriyey dhiishashkii telefishanka oo dhaqaaqaya. Haddana isla-marka aad uguyeedhid farsamo-yaqaan ee uu hawshiisa dhammeeyo haddana maalmo ka dib dhaqaaqaya,iyadoo arrintaasi dadku dhibaato ku qabaan gaar ahaan dadka aan samaysan karayn.

990- Hudheelkii caanka ahaa ee la odhan jiray Hargeysa Club oo aan dhiniciisaba la eegayn iska daainuu hawl qabto’e

991- Waxa wax fiican ah oo la sameeyey guddiyo xaafadeed oo ka shaqeeya arrimaha nadaafaddaiyo nabadgalyada.

992- Tiyaatarka Hargeysa ee la dhisayo oo dadku kala garan laayahay inuu yahay hudheel caalamiyaiyo inuu yahay tiyaatarkii aynu naqaannay, la arki doonee.

993- Hoonkii dab-damiska iyo caafimaadka ee dhiillada oo aan la kala garanayn.

Page 66: Rubuc-qarnigii Tegay Iyo Isbeddeladii Dhacay

Page 66 of 66

994- Baabuurtii ugu horeysey ee wadankeena timaada waxa ka mid ahaa:-Shafarlayn, Jeemis,Huustan, Dhooj, V-6 ,Foodh, R-L, Afdiinleh, Casha indhoweyn, Tarante ku waatari. Kuwaasi ooaan imika jirin.

995- Saddex midna lama arag.

a. Balaayo habeen qada.

b. Bakayle talaabsanaaya.

c. Badhi reer lagu ciyiyo.

996- Saddex Maaro malaha.

a. Gardaro Garab og

b. Gaajo Guri og

c. Cudur geeri og

997- Dharka dumarka reer miyigu ay xidhan jireen waxa ka mid ahaa:

Saddex qayd, boqor darayamuus, dhacle, malkhamad jeerjeer ah, garbasaar oo laba noo ahayd(go’ sanduli ah iyo subeeciyad).

998- Waxaan soo jeedin lahaa in baabuurta waa weyn ee xamuulka dhuxusha qaada inmagaalooyinka dhexdooda loo sameeyo hab iyo nidaam ay ku maraan.

999- Dumarkii lagu caayi jiray suukadda oo laga daayey

1000- Sheeko qosol leh: islaan weyn oo da’ ah dadka badankiisuna wada yaqaanay oo dawarsanjirtay ayaa maalin maalmaha ka mid ah soo kaxaysatay oday weyn oo da’ ah, isla-markaanatukube sita. Markaasay dadkii yaabeen oo ay weydiiyeen odaygan weyn maxaad isku tihiin?Markaasay si fudud ugu jawaabtay oo ay tidhi “waa ninkaygii” dadkii baa wada yaabay ootacajabay odaygan iyo islaantan tukubaha sita ee haddana leh waanu is qabnaa. Haddanamarlabaad ayey dadkii weydiiyeen eeyaahe maxaad iskaga fadhiyi waydeen intanaabadle’egtihiine? Islaantii ayaa ugu jawaabtay oo tidhi “rag laga maarmi maayo, mar-uu rubbucsonkor ah kuu keeno, mar-uu kugu reemo iyo mar-uu kugu riixo’