Oslo iyo Dabaaldegii Munaasibada 18 - WordPress.com · 2008-05-19 · Oslo iyo Dabaaldegii...
Transcript of Oslo iyo Dabaaldegii Munaasibada 18 - WordPress.com · 2008-05-19 · Oslo iyo Dabaaldegii...
Oslo iyo Dabaaldegii Munaasibada 18-Ka May 2008.
(Warbixin iyo Sawiro)
Oslo, 19 may 2008 - Jaaliyadda Reer SL ee Degan Oslo iyo nawaaxigeeda ayaa maalintii
shalay si weyn ugu dabaal degtay munaasibad ay ku xusayeen maalinta gooni isu taaga JSL.
Xafladuhu waxay u qaybsanaayeen xaflad maalintii la qabtay oo ahayd tar-tan kubadda cagta
ah oo ay ku tar-tamayeen 12-kooxood. Kooxahaas oo loo dhigay laba koob oo ay ugu kala tar-
tamayeen kaalinta koowaad iyo ta labaad.
Cimilada oslo oo ahayd mid roob iyo qabow is wata ah, dhalintaa kama ay joojin inay u tar-
tamaan koobabka, sababtoo ah waxa kaga weynayd qabowga iyo roobka ay ku dhex
ciyaarayeen qiimaha maalintani ugu fadhiday.
Waxa iyana la qabtay habeenkii munaasibad aad u balaadhan oo isugu jirtay khudbado ay soo
jeediyeen Guddoomiyaha Jaaliyadda Xusseen Aadan Cadib, Wakillka JSL ee Norway
Maxamed M. Aadan Liilan, Ismaaciil Cali iyo Cabdillahi Saleebaan Bidde oo ku hadlayey
afka odayada. Waxa kale oo halkaa iyana ka hadlay xubno matalayey ururada haweenka.
Xaflada habeenkii waxa iyana wacdaro ka dhigay dhalinta fanka oo halkaa ku soo bandhigay
heeso isugu jiray wadani iyo jaceylba. Magacyada fanaaniinta halkan kuma soo wada koobi
karo hase yeeshee waxa ka mid ahaa Sidiiq Aw faarax iyo Shiine. Dhanka hidaha iyo
dhaqanka waxa halkaa laga tuntay ciyaaro ay ka mid ahaayeen saylici iyo jaandheer. Waxa
wacdaro ka dhigay goobtaa Hurre iyo hablihii hidaha.
Dhanka Sportiga waxa halkaa lagu guddoonsiiyey Koobabkii kubada cagta labadii kooxood
ee ku kala guulaystay kaalinta koowaad iyo labaad. Waxa kaalinta koowaad ku guulaystay
koobka xuska 17 guurada ka soo wareegtay maalinta gooni isu taaga JSL kooxda Oslo Stars,
halka kaalinta labaad ay ku guulasatay kooxda Qaran. Amaan gaar ah waxa loo soo jeediyey
tababarihii kooxda Oslo Stars Xasan Kalkaal oo kooxdiisu noqotay horyaalkii 12-kaa
kooxood.
Ugu dambeyn waxa mahadnaq gaar ah mudan masuuliyiintii isku duba riday tar-tanka
ciyaaraha oo kala ah: Abdi Kuuriya, Cabdiraxmaan Lisaaye, Cabdi Jaamac, Xasan Waraabe
Cadde, Cali Sugaal iyo Cali Ganay.
Halkan hoose ka daawo sawiradii xafladaha kala duwan.