MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

12
MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA U LEEDAHAY LAGU XAD GUDBO

Transcript of MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Page 1: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA U

LEEDAHAY LAGU XAD GUDBO

Page 2: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Haddii dhowaan lagu kufsaday ama laguu gaystay dhibaato galmeed ama lagu isticmaalay

• Ha qubaysan, dharkana ha bedelin

• Dhakhtarka aad, hadii xitaa aan wax nabar ahi kaa muuqan

• La soo xidhiidh xarun-argagaxa la kufsadaha (raiskauskriisikeskus ) ee Tukiainen telefoonkooda heeganka ee bilaa lacagta ah, xilaga uu furan yahay

-bilaa magac ayaad ula soo hadli kartaa -marka aad nala soo xidhiidho, si aaminaad leh ayaan macluumaadkaaga u qaabilaynaa -adiga ayaa go’aaminaya furitaanka dacwadda, marka aanu wax kuu sharaxno kadib

• La xidhiidh booliiska

• Ku dhiiro in aad qof ehelkaa ah u sheegato dhibka laguu gaystay, dhibka ha ku noqon keli.

Page 3: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Dambiyada dhibka galmadu magacyo badan ayey leeyihinsDambiga dhibka galmadu macnahiisu waa, marka qofka qaab-galmeedkiisa uu iskiis xaqa iyo xornimada u leeyehay lagu xad gudbo.

Sharciga dambiyada qodobkiisa 20aad ayaa sheegaya dhamaan dambiyada dhibka galmada magacyadooda iyo astaamaha lagu garto.

Hanjabaad ama gacan ulatag kaliya uun qofka laguma kufsado.

Waxa kufsi noqon karta xitaa, iyada oo aan qofka lala dagaalamin ama wax nabar ah loo gaysan. Waxa kufsi noqon karta, marka qofka oo aan waxba kala ogayn, xanuunsanaya, naafo ah, baqanaya, ama arin kale oo bilaa awooda ka dhigaysa darted la kufsado. Kuwaas oo dhami, waa astaamaha sharci-dambiyeedka kufsigu sheegayo. Arimahani waa marka dhibanuhu uuna is difaaci karayn ama uuna sheegan karayn waxa uu doonayo.

Marmarka qaar waxa aan odhan karnaa dhibanaha, waxa loo isticmaalay galmo ahaan, marka tusaale ahaan dhibanaha goobta shaqada laga amar sareeyo oo inta hoos loo dhigo, la khiyaameeyo ama baahidiisa la isticmaalo.

In galmo ahaan qofka loo isticmaalo ama awood loo sheegto, maaha isu galmood caadi ah. Waa ku xad gudub xaqa iyo xornimada qofka ee qaab-galmeedkiisa.

Page 4: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Dhibka galmada ee gacan ulatagga

Dhibka galmada ee faraxumaynta leh wuxuu ku ridaa qofka maankiisa argagax, taas oo kalifta in qofka maankiisa iyo jidhkiisuba dhaawac argagax leh gaadho. Waxa ay dhib u keenaysaa sida uu qofkaasi isu arkayo, dadka kale u arkayo ama dunida u arko. Waxa qofka ka tagi karta dareenkiisa magangaliyeed iyo aaminaada.

Waxa muhiim ah in dhakhtarka ama maamulka loo sheego, hadii cabsida ama dhibaatooyinka maanka ku dhaca, qofka la soo darsaan.

Page 5: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Ku xad gudubka qaab-galmeelka qofku xaqa iyo xornimada u leeyahay, waxay inta badan keentaa astaamo istarees ah oo argagax leh

• Niyadda ayaa dib u soo cel celisa dhibkii, kolba dhibkii ayuu dib u xasuustaa ama qayb xanuunkii ka mid ah oo uusan maarayn karayn ayaa la tusaa. Waxa bata riyooyinka naxdinda leh ee habeenkii.

• Xanuunka dhib ka taxadarka aan caadiga ahayn, Waxa uu marwalba isku dayaa in aanu, xasuusan, ka fikirin ama is dareensiin dhibaatadii loo gaystay. Wuxuu noqdaa si qof bilaa dareen ah. Waxaana ku dhacda u qaadan waa, in sidan lagu sameeyey.

• Astaamaha ku keenta in qofku foojignaaan ku jiro, waxa weeye marka jidhkiisu dib u xasuusto dhibaatada ama dareenkiisa maskaxeed aanu da ganayn. Jidhkiisa iyo masmaxdiisuba mar walba gaadh iyo heegan ayey ku jiraan, waxay isku dayaan in ay khatarta ka hor-tagaan. Waxa bata naxdin la boodka, hurdo xumida iyo foojignaan la’aanta.

Marka qofka waxa ka tan wayn lagu sameeyo, ayuu calaamadahan yeeshaa oo maaha jileec ama doqonnimo dhibanhu yeeshay.

Page 6: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Way dhici kartaa in qofka

La ceebeeyo

dhibaatada galmada faraxumaynta leh waa mid ogaan qofka loogu sameeyey, ceeb iyo hoos u dhigna leh. Waxa dhici karta in uu qofku ka baqo in la ceebeeyo, hadii uu sheegto arinkiisa. Laakiin waxa ceebaysan qofka faraxumaynta gaystay, ma ceebaysna qofka loo gaystay.

Dareen dambiDad badan oo dhibaato galmo faraxumayn leh loo gaystay ayaa dareema in ay iyagu isugu wacnaayeen dhibka loo gaystay. Laakiin waxa faraxumaynta dambigeeda leh qofkii gaystay, ma laha qofkii loo gaystay.

Cabsi aaminaad la’aan leh

Marka qofka qaab-galmeedkiisa xaqa iyo xornimad u leeyahay lagu xad gudbo, wuxuu dareemaa inta badan awood li’i iyo cabsi in uu dhinta ah. Dhibkaa ka dib cabsi darteed ayaa dhici karta in uu nolol-maalmeedkiisa ka adkaan kari waayo. Wax kasta oo xasuusinaya dhibkii, waxay ku keenaan dareen argagax leh. In uu naftiisa ama dadka kale aamino aad bay u adkaan kartaa.

Page 7: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

isnacaybka

Dhibaatadan galmada ee faraxumaynta ee qofka loo gaysta waxa ay keeni kartaa isnacayb. Waxa adkaata in uu qofka muraayada isku eego, dareemo in jidhkiisu wasakh yahay oo ay tahay in maanta dhan uu maydho. Lakiin marka dhibaatada laga caawiyo oo si fiican loogu sharaxo dareenka dhibka, waxa macquul ah in qofku si fiican isu arko markaa.

Cadho

Dhibku marka uu dhaco wax yar ka dib, waxa macquul ah in qofku cadho dareemin. Cadhadu gadaal ayey ka iman kartaa. Muddo kadib ayey ku soo maaxdaa cadhada uu u qabo naftiisa, ehelkiisa iyo dhib gaystahaba. Cadhadu waxa ay noqon kartaa isciil kaambi, xanaaq ama xanaaq fur tuur ah. Waa la fahmi karaa waana sax in qufku uu cadhoodo marka xaq darroda sidaas ah loo gaystay.

Murugo

Murugadu waxa ay ku imanaysaa qofka, marka qaab-galmeedkiisa faraxumayn lagu sameeyo oo la xoogo oo arimuhuna is bedelaan. Qofku in uu murugo dareemo, wakhti ayey qaadan kartaa. laakiin murugadu waa mid uu dhibanahu u baahan yahay, si qofku u maareeyo oo uga gudbo xaalada.

Page 8: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

ku socota ehelka

In qofka dhibaato galmo oo faraxumayn leh lagu sameeyo, maaha mid uu iskii isu gaystay.

In qofka amaanka shakhsinimadiisa lagu xad kudbaa waxay wax yeelooyin kala duwan ku keentaa qofka noloshiisa.

In ehelku taageeraan waa muhiim, si qofka loo gaystay dhibaatada galmada faraxumaynta leh uu si degan uu dhibka uga rasysto oo uga gudbo.

Ehelku waxa uu taageerkiisa ku muujin karaa, in uu qofka u tago, dhagaysto, rumaysto, kana caawiyo arimaha daruuriga ah, kuna dhiirigeliyo in uu caawin raadsado.

Wixii dhacay, lama odhan karo may dhicin, hase yeeshee ehelku way caawin karaan oo garab siin karaan dhibanaha lagu xadkudbay qaab-galmeedkiisa, si uu uga raysto dhacdada.

Ehelkuba wuu u baahan yahay in garab la siiyo oo looma baahna in dhibka keli lagu noqdo.

Page 9: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Dhiiro oo caawin raadso

Marka qaab-galmaadkaaga aad xaqa iyo xorka u tahay lagu xad kudbo, aad ayey u adkaataa in laga hadlaa oo caawin la raadsadaa.

Qalbigu wuxuu isku dayaa, in waxa naxdinta leh uu isiloowsiiyo. Isiloowsiintaasi qofka way yara dajin kartaa, laakiin qofku wuxuu ka bogsadaa arinka, marka uu ku dhiirado in uu ka hadlo.

Si uu qofku dhibka u maareeyo, waxa fiican uu ku dhiirado in qofka ugu dhow u sheegto arinka.

Qofka dhibaato galmo oo faraxumayta leh lagu sameeyey, waxa uu sidoo kale xaq u leeyahay in uu helo caawinta xirfadlayda, waana meesha ugu horaysa ee bogsashadu ka bilaabanto.

Dareenka iyo fikirka dhibkan galmada faraxumaynta leh ay qofka ku kicisay, looma baahna in aad keli ku noqoto, waxa muhiim ah in la xasuusto, in laga bogsan karo.

Page 10: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Sharci maxkamdeed ayaa jira

Looma baahna in aad keli ku noqoto boroseeska maxkamadda. Waxa aad heli kartaa maxkamad iyo taageer bilaa lacag ah.

Waxuu dhibanuhu xaq u leeyahay, in uu helo adeeg maxkamad oo cadaalad leh iyo in si fiican oo qadarin leh loo qaabilo arinkiisa.

Dhibanaha dhibaato galmo oo faraxumayn leh loo gaystay, wuxuu leeyahay fursado badan, si arimihiisa maxkamadeed loogu fududeeyo. Ulajeedadu waa in qofka xuquuqdiisa maxkamadeed uu helaa.

Wuxuu markasta fursad u leeyahay dhibanaha loo gaystay dambiga dhibka galmada, in uu helo la talin sharciyeed oo bilaa lacag ah, inta aanu dacwadda gudbin ka hor ama boroseeska ku guda jiro ama hadii uu doorto in uusan dacwadda gudbin xitaa.

Wuxuu dhibanahu xaq u leeheyahay in uu helo looyar sharci-yaqaan ah oo bilaa lacag ah iyo dambi-baadhisba.

Page 11: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Xaqaaga doono. Sharci ayaad u leedahayMarka uu boolisku waraysanayo dacwad furaha (= dhibanaha ), waxa uu xaq u leedahay in uu sii kaxaysato looyar.

Dacwad furuhu mar walaba waxa uu xaq u leeyahay, markuu maxkamadda koro, in uu helo looyar bilaa lacag ah, marka uu xeerilaaliyuhu dacwadda gudbiyo oo dhibanuhu ku dacwoodo in qofkan loo xukumo oo xaqiisa laga siiyo.

Waxa uu looyarku sidoo kale kaa caawinayaa magta iyo sida loo diyaariyo iyo qiimaha.

Sidoo kale dhibanaha dembiga dhibka galmada loo gaystay, waxa uu xaq u leeyahay, in uu helo qof dheerad ah oo taageer siiya oo arimaha kale ee looyarku ku shuqul lahayn ka caawiya.

Waxa ay maxkamaddu samayn kartaa in eedaysanaha laga ilaaliyo in uusan arkin dhibanaha, marka maxkamadda la soo wada fadhiisto.

Page 12: MARKA QAAB-GALMEEDKAAGA ADIGU XAQA IYO XORNIMADA …

Isgaadhsiinta

Xarun-argagaxa la kufsadaha ee Tukinainen Helsinki, Jyväskylä iyo Rovaniemi www.tukinainen.fi

Telefoonka heeganka ee bilaa lacagta ahPuh. 0800 97899Is – kh klo 9-15 Sa-ax klo 15-21

Telefoonka caawinta sharciga oo bilaa lacag ahPuh. 0800 97895is-kh klo 13-16

nettitukinainen.fiCaawinta arimaha argagaxa leh, la talin iyo la talinta dhanka internetka

senjanetti.fi

Wargelinta dhibanaha dambiga dhibka galmada loo gaystay iyo su’aalihiisa sharciga.