Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato...

29
Bugga Hagida Dastuurka Ku-meel gaarka ee Soomaaliya

Transcript of Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato...

Page 1: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Bugga Hagida

Dastuurka Ku-meel gaarka ee Soomaaliya

Page 2: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Waxaa soo diyaariyay UNDP/UNPOS

Qeybta Wadajirka Dastuurka (JCU)

Buuggan waxaa loo sameeyey in dadka Soomaaliyeed uu ka caawiyo fahmidda waxa ku qoran Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee dhaqangelaya 02 Agoosto 2012.

2

Page 3: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

TUSMO

Sida ay tahay in loo akhriyo Dastuurka Ku-meelgaarka ah 6

Waa maxay dastuur? 6

Sida loo akhriyo dastuur 6

Islaamka iyo Shareecada 8

Maxaa loogu baahan yahay Dastuur? 8

Maxay yihiin maqaamka ay Qur’aanka iyo Shareecadu ku leeyihiin Dastuurka Ku-meelgaarka ah? 8

Jinsiyadda 9

Muxuu Dastuurka Ku-meelgaarka ah ka yiri qofka ah Soomaali? 9

Xuquuqda Aasaasiga ah iyo Waajibaayada 9

Muhiim ma tahay bayaaminta xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah? 9

Xuquuqaha aasaasiga ah ee ku jira Dastuurka Ku-meelgaarka ah ma ka tarjumayaan baahiyaha dadka Soomaaliyeed? 9

Maxay yihiin waajibaadka aasaasiga ah ee muwaadinka? 10

Sidee ayaa xuquuqda aasaasiga ah loo ilaaliyaa, sideese loo hubiyaa ka soo bixidda waajibaadka? 10

Federaalka iyo Xukun/Awood-baahinta 11

Muxuu yahay federaal? 11

Maxay tahay sababta ay Soomaaliya ugu baahan tahay in ay qaadato nidaam federaal ah iyada oo dadkeedu yihiin shacab mid ah? 12

Sidee ayaa Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka loo abuurayaa? 12

Nidaamyada federaalku miyuu wax u dhimayaa midnimada qaranka suuragalna ma tahay in uu keeno goosasho? 13

Soomaaliya ma awooddaa in ay lahaato tiro dowlad-goboleedyo ah, sidaa daraaddeedna, ay lahaato wax ka badan dowlad keliya? 13

Yaa leh oo gacanta ku haya dhulka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya federaal ah? 14

Dowladda Hoose iyo Awood-baahinta 14

Baarlamaanka Federaalka ah 15

Muxuu yahay Baarlamaanka Federaalka ee cusub? 15

Dib-u-dhigista Sameynta Aqalka Sare 15

Doorashooyinka Mustaqbalka ee Baarlamaanka Federaalka ee Cusub 15

Maxay ahaanayaan xilalka ay wadaagaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka? 15

3

Page 4: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Muxuu yahay waajibkaadka gaarka ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka? 16

Muxuu yahay waajibaadka gaarka ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka? 16

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya 17

Muxuu yahay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya? 17

Sidee loo dooranayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya? 17

Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada 18

Waa maxay doorka Ra’iisal Wasaaruhu iyo Golaha Wasiiradu? 18

Ayaa magacaaba Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradda? 18

Garsoorka 19

Maxay tahay kaalinta Shareecadu kaga jirto nidaamka garsoorka? 19

Sideebuu garsoorku u shaqeynayaa? 19

Sideebuu u ekaanayaa qaab-dhismeedka maxkadaha qaranka? 19

Maxaa loogu baahan yahay Maxkamad Dastuuri ah? 19

Maxay yihiin waajibaadyada Maxkamadda Dastuurka? 20

Guddiyada Madaxa Bannaan 21

Maxay yihiin Guddiyada Madaxa Bannaan? 21

Waa kuwee Guddiyada Madaxa Bannaan ee uu Dastuurka Ku-meelgaarka ah saadaalinay in la dhisayo? 21

Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah 23

Yaa maareynaya shaqaalaha dawladda ee rayidka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya? 23

Yaa magacaabaya saraakiisha darajooyinka sare ee shaqaalaha dawladda ee rayidka ah? 23

Maaliyadda Guud 24

Yaa maareeya maaliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaallka ee Soomaaliya? 24

Nabadda iyo Amniga 25

Yaa xaqiijinaya nabadda iyo ammaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya dhexdeeda? 25

Wax ka bedelka Dastuurka 26

Dastuurkan wax ka beddel ma lagu sameyn karaa? 26

Sidee ayaa dastuurka ku-meelgaarka ah wax ka beddel loogu sameyn karaa? 26

4

Page 5: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Sidee ayaa dastuurka joogtada/kama-dambeysta ah wax ka beddel loogu sameyn karaa? 26

Dhaqan-galka Dastuurka Ku-meelgaarka ah 28

Goorma ayaa uu Dastuurka Ku-meelgaarka ah dhaqangelayaa? 28

Saameyn sidee ah ayaa uu yeelanayaa Dastuurka Ku-meelgaarka ah? 28

Dastuur ah Heshiis Bulsho oo Waara iyo Dukumenti Muddo Jira 29

5

Page 6: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Sida ay tahay in loo akhriyo Dastuurka Ku-meelgaarka ah

Waa maxay dastuur?

Dastuur waa tiro mabaa’dii aasaasi ah ama dhaqmo soo jireyn ah oo ay tahay in qaran ama hay’adihiisu ay u shaqeeyaan. Tusaale ahaan Xeerarka qabaa’ilka Soomaaliyeed, waxaa ay u shaqeeyaan qaab dastuuri ah, in kasta oo aaney ku saleysleyn dokumenti qoran, laakiin waa kuwo jiilba jiilka kale uu hadal ahaan ugu gudbiyo. In kasta oo xataa waqtigaan la joogo dalalka qaar sida Boqortooyada Midowdey (Ingiriiska) aaney lahayn dastuur qoran, haddana dastuurrada casriga ah waxaa ay badanaa ka kooban yihiin hal dokumenti oo qoran oo sameynaya mabaa’diida iyo qaab-dhismeedyada ay tahay in hay’adaha dowladeed ee qaranka u shaqeeyaan ayna u hawlgalaan.

Xornimadii 1960kii ka dib, Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ay dastuur qoran ku ansaxisey afti guud oo qaran. Midkaa waxaa beddeley dastuur cusub sanadkii 1979kii, oo isna mar kale lagu ansaxiyey afti-guud oo qaran. Ka dib markii ay si buuxda u burbureen sanadihii 1990-meeyadii, Axdi-qareedka Ku-meelgaarka ah, oo la ansaxiyey sanadkii 2000, ayaa ahaa iskudaygii ugu horreeyey ee dib loogu dhisayo hawlihii dowladeed kaas oo u shaqeynaya qaab dastuur.

Axdi-qarameedka Ku-meelgaarka ah waxaa uu waqtigiisu dhacay 2003dii, waxaana beddeley Axdiga Ku-meelgaarka ah ee Federaalka sanadkii 2004. Midkan ayaan ahaa dastuurka ku-meelgaarka ah ee lagu dhaqeyey Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah iyo hay’adeeda ilaa laga soo gaarey 2dii Agoosto 2012, markaas oo Golaha Qaranka ee Ansaxinta Dastuurka uu ansaxiyey Dastuurka Ku-meelgaarka ah. Dastuurka Ku-meelgaarka ah ayaa hadda si ku-meelgaar ah ugu shaqeynaya dastuurka cusub ee Soomaaliya ahaan inta si buuxda loogaga ansaxinayo afti-guud oo dadweyne.

Sida loo akhriyo dastuur

Dastuur waa dokumenti sharci ah. Sidaa daraaddeedna badanaa waa ay adag tahay akhrintiisu iyo fahmiddiisa haddii aanu qofku lahayn taariikh ama tababar dhinaca sharciga ah. Sababta sidaas ka dhigteyna waa in luqadda lagu qoro sharciyada ay inta badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin ereyada qoraalka waa in aan, sida wanaagsan, loo fasiran sida la doono ama gooni ahaan loo fasiran maaddaama si gooni ah u fasirashadu ay raad ku yeelan karto qaybo kale oo qoraalka ka mid ah.

Dastuurradu uma baahna oo keliya in ereyada si joogto ah hal macne loogu adeegsado, ee laakiin waxaa ay sidoo kale u baahan yihiin in macnaha ka dhalanaya uu mar walba is-waafaqsan yahay. Waxyaabahan ayaa muhiim ah, waana waajib in la tixgeliyo marka dib-u-eegis lagu sameynayo qoraalka Dastuurka ku-meelgaarka ah.

6

Page 7: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Waxaa arrintan ka dhalaneysa in ay waajib tahay in dastuurka loo tixgeliyo in uu yahay qoraal sharci oo dhameystiran. Ma jiro qodob goonidiisa u taagan, waana in loo akhriyaa in uu qayb ka yahay macnaha guud ee dokumentiga si loo fahmo waxa uu qofka qorey uga jeedo.

Badanaa, waxaa macnaha oo buuxa iyo ujeedkiisa guud lagu fahmi karaa keliya marka la wada akhriyo dhammaan xeerarka ama qodobbada. Sidaa daraaddeed waa in mar kasta dhammaan qodobbada dastuurka loo akhriyaa loona macneeyaa si guud halkii mid mid loo eegi lahaa.

7

Page 8: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Islaamka iyo Shareecada

Maxaa loogu baahan yahay Dastuur?

Su’aasha ku saabsan in dal Muslim ah uu lahaan karo dastuur qoran waxaa hore qarnigii la soo dhaafey uga hadley culimo badan oo kala duwan. Culimadu waxaa ay xuseen in Sahifa1 ay tusaalayaal hore ay u tahay dastuur qoran. Dokumentigan waxaa uu daliishanayaa aqoonsi uu aqoonsadey Rasuulka (N.N.K.A) in heshiisyada bulsho iyo kuwa siyaasadeed iyada oo dastuurka loo marayo loo baahnaa, iyo xirfaddiisii weyneyd ee siyaasadeed ee uu dastuurka noocaas ah uu ugu adeegsadey in uu ku mideeyo dadkii reer Madiina. Saxiifadda dhexdeeda, Rasuulka (N.N.K.H.A) waxaa uu ku qeexey Qaranka Islaamka ah in uu yahay mid ay deggan yihiin koox dad ah oo isku mid ah, iyo in arrimihiisu uu habeysto isaga oo u maraya dastuur qoran oo uu xeerinayo maamulka caddaaladda.

Intaas waxaa dheer, culimadu waxaa ay xuseen in maaddaama xaaladaha waqtigaan jira ay ka duwan yihiin kuwii jirey waqtigii Madiina, Sahiifaddu aad bey uga kooban tahay mid ay dalalka Muslimka ay ugu adeegsadaan sidii ay markeedii hore ahayd. Sidoo kale waxaa kala duwan xaaladaha dalalka Muslimka ah marka laga eego dhinaca tirada dadka iyo heerarkooda horumarka iyo baahiyaha. Sidaas oo ay tahay haddana Sahiifaddu waxaa ay aasaas u tahay Qaramada Muslimiinta ah ee maanta jira ee kaa hore ka sii dhib badan. Sidaas daraaddeed, badi dadalka Muslimka ah waxaa ay maanta leeyihiin dastuurro qoran.

Maxay yihiin maqaamka ay Qur’aanka iyo Shareecadu ku leeyihiin Dastuurka Ku-meelgaarka ah?

Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa saldhig u ah Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada. Waxaana uu ilaaliyaa maqaasidda Shareecada iyo caddaaladda bulshada – eeg Qodobka 3 (1). Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu ansaxinayaa qodob gaar ah oo dhigaya in baar lamaanku aanu soo saar i kar in sharc i aan waafaqsaneynMabaa’diida Guud ee Shareecada – Eeg Qodobka 2 (3). Maxkamaduhu waxaa ay awood u leeyihiin in ay meesha ka saaraan sharci kasta iyaga oo ku saleynaya in aanu waafaqsaneyn Shareecada sidaa daraaddeedna aanu waafaqsaneyn Dastuurka – eeg Qodobka 109 C (1) (a) iyo (b). Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu mar kale xaqiijinyaa in Islaamku yahay Diinta Dawladda Soomaaliya – eeg Qodobka 2 (1). Iyada oo ah mid waafaqsan Shareecada, Dastuurku waxaa uu si cad u mamnuucayaa in diimo kale lagu faafiyo Soomaaliya – eeg Qodobka 2 (3).

8

1 Sahifa waa mid ka mid ah dastuurrada qoran ee ugu horreeyey (dadka qaar ayaa yiraahda waa kii ugu horreeyey) dunida oo dhan. Waxaa qorey Nebi Maxamed (N.N.K.H.A.) markii uu Madiina u soo hijroodey. Mararka qaar ayaa lagu sheegaa Dastuurkii Madiina.

Page 9: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Jinsiyadda

Muxuu Dastuurka Ku-meelgaarka ah ka yiri qofka ah Soomaali?

Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu bayaaminayaa in Jinsiyadda Soomaaliyeed ay mid tahay – eeg Qodobka 8aad. Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale – eeg Qodobka 8 (3). Golaha Shacbiga ee Baarlamaanka Federaalka ayaa qeexaya sida jinsiyadda Soomaaliyeed lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo – eeg Qodobka 8 (2).

Xuquuqda Aasaasiga ah iyo Waajibaayada

Muhiim ma tahay bayaaminta xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah?

Xuquuqda aasaasiga ah iyo xoriyaadka lagu aqoonsadey Dastuurka Ku-meelgaarka ah waa in ay dhowraan dhammaan hay’adaha Dawladda ee heer kasta marka ay dalka u sameynayaan ama ka hirgelinayaan shuruuc waana in ay dhammaan hay’adaha dowladda, saraakiisha dowladda, ururrada gaarka ah iyo shakhsiyaadka ay ilaaliyaan – eeg Qodobka 12 (1). Dawladda waxaa ku waajib ah in ay dhowrto xuquuqda aasaasiga ah iyo xoriyaadka qof kasta waqti kasta – eeg Qodobka 12 (2). Sidaa daraaddeed jiritaanka iyo qiimaha xuquuqda aasaasiga ah iyo xoriyaadka dastuuriyan ayaa loo ballanqaadey, waxaana ay lahaanayaan muhiimad weyn, maaddaama ay aasaas u yihiin Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee cusub.

Xuquuqaha aasaasiga ah ee ku jira Dastuurka Ku-meelgaarka ah ma ka tarjumayaan baahiyaha dadka Soomaaliyeed?

Maaddaama ay adag tahay in qofku uu helo xuquuqihiisa haddii uu ku nool yahay saboolnimo ama uu xanuun hayo oo uusan heli karin daryeel caafimaad, Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu dhigayaa tiro xuquuqo dhaqaale iyo kuwo bulsho ah sida xuquuqda loo leeyahay biyo nadiif ah oo la cabi karo, xuquuqda daryeel caafimaad, iyo daryeel bulsho oo dhammeystiran – eeg Qodobka 27aad.

Dastuurka Ku-melegaarka ah waxaa uu bayaaminayaa in qoysku yahay saldhigga bulshada, waxaana uu daryeelayaa hooyada iyo dhallaanka, waxaana uu aqoonsanayaa xuquuqda uu ilmuhu u leeyahay daryeel – eeg Qodobbada 28aad iyo 29aad. Arrin kale oo muhiim ah oo ku saabsan bulshada Soomaaliyeed waa dareenka gaarka ah ee loo yeeshey hiddaha iyo dhaqanka, oo Dawladdu mas’uuliyad gaar ahi ay ka saaran tahay in ay horumariso haddii ay yihiin kuwo raad wanaagsan reeba, ama ay baabi’iso haddii ay yihiin kuwo raad xun ku reeba dadka Soomaaliyeed – eeg Qodobka 31 (1). Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu dhigayaa ilaalinta dhaqamada iyo afguriga dadka laga tira badan yahay – eeg Qodobka 31 (3). Waxaa uu mamnuucayaa takoor ku saleysan luqad, si loo ilaaliyo dadka ku hadla luqadaha laga tiro badan yahay ee ka Soomaaliya. Xuquuqda sinnaanta waxaa intaa dheer oo ay

9

Page 10: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

mamnuucaysaa nooc kasta oo takoor ah oo ku slaeysan qabiil, dhalasho ama af-guri – Eeg Qodobka 11 (1).

Ujeedka Dastuurku waa in la dhiso Soomaaliya oo ah dal nabad, barwaaqo iyo degganaan ay ka jirto.

Maxay yihiin waajibaadka aasaasiga ah ee muwaadinka?

Iyada oo la aqoonsanayo xaqiiqda ah in Diinta Islaamku qabto in ay waajib tahay in ay mar kasta isu dheellitirnaadaan xuquuqda iyo waajibaadka, Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa ku jira hawraaro cad oo la halmaala waajibaadka muwaadinka. Kuwaanna waxaa ka mid ah waajibaadka ah in uu ahaado waddani oo uu daacad u ahaado Soomaaliya, uuna ka shaqeeyo hormarinta iyo wanaagga dalkiisa; in uu ka-qayb qaato hawlaha waxtarka u leh muwaaddinka, qoyska iyo wanaagga guud; in uu ka qayb-qaato horumarinta qaranka; in uu horumariyo mas’uuliyadda waalidnimo; in uu dhiirriggeliyo midimada qaranka isaga oo kaashanaya muwaadiniinta kale; in uu horumariyo mabda’a isla-xisaabtanka iyo talinta sharciga; in uu noqdo qof aqoon u leh qodobbada Dastuurka; in uu si daacad ah u taageero, una difaaco Dastuurka iyo shuruucda dalka; iyo in uu ka-qayb qaato kharajka Dawladda si waafaqsan awooddiisa waxbixineed – eeg Qodobka 42aad.

Sidee ayaa xuquuqda aasaasiga ah loo ilaaliyaa, sideese loo hubiyaa ka soo bixidda waajibaadka?

Ilaalinta xuquuqda aasasiga ah iyo ka soo bixidda waajibaadka waxaa ugu dambeynta hubinaya maxkamadaha, oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay in ay hubiyaan in dhammaan saraakiisha dowladda ay muwaadiniinta ula xisaabtamaan sida uu dhigayo dastuurka – eeg Qodobka 39 (1). Dawladdu waa in ay diyaarisaa maxkamado ay dadku si fudud dacwad uga furan karaan – eeg Qodobka 39 (2). Marka la fasirayo xuquuqda aasaasiga ah waa in maxkamaddu ay raadiso qeexidda ujeeddooyinka laga leeyahay xuquuqdaas iyo qiyamka ay xambaarsan yihiin – eeg Qodobka 40 (1). Intaa waxaa dheer, marka guud ahaan sharci la fasirayo ama la dhaqan-gelinayo, maxkamaduhu waa in ay hubiyaan in go’aamadooda ay intii suuragal ah ka dhigaan kuwo la socon kara xuquuqda aasaasiga ah – eeg Qodobka 40 (3).

10

Page 11: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Federaalka iyo Xukun/Awood-baahinta

Muxuu yahay federaal?

Federaal waa nooc awoodda siyaasadeed ee dowladda la baahinayo, kaas oo leh xukun la wadaagayo (dowladda dhexe) iyo gobollo is-xukuma (dowlad-goboleed). Noocyada kale ee awood-baahinta siyaasadeed waxaa uu midkan kaga duwan yahay waa in xukunkan la wadaago iyo gobolladan isku xukuma uu xaqiijinayo uuna ilaalinayo Dastuurka nidaamka federaalka ah, mana burin karto dowladda dhexe, iyada oo aan dastuurka wax ka beddel lagu sameyn, wax ka bedelkaas oo u baahan in ay ogolaadaan dowlad-goboleedyada.

Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu dhigayaa nidaam federaal ah oo leh tilmaamahan soo socda:

1. Waxaa jiraya laba heer dowladeed (Heer Dowlad Federaal iyo Heer Dowladaha xubinta ka ah federaalka, oo ka kooban dowladaha hoose iyo xukuumadaha dowladaha xubinta ka ah federaalka) waxaana labada heerba soo dooranaya oo lana xisaabtamaya muwaadiniinta – eeg Qodobbada 48aad iyo 50aad.

2. Awoodda guud ee qaranka, iyo mas’uuliyadihiisa dowladeed waxaa qaybsanaya Dowladda Federaalka iyo xukuumadaha Dowladaha xubinta ka ah federaalka, marka la dhiso. Si gaar ah qaybsiga dhammaan awoodaha iyo mas’uuliyadaha waa laga sii wada xaajoonayaa marka laga reebo kuwa la xiriira Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka, Jinsiyadda iyo Socdaalka, iyo Siyaasadda Lacagta, oo ay yeelaneyso Dowladda Federaalka ah – eeg Qodobka 54aad.

3. Dowladaha xubinta ka ah federaalka waxaa go’aan-qaadashada heerka Dowladda federaalka ah ku matalaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah, kaas oo ka koobnaanaya wakiillo laga soo doortey shacabka Dowlad-goboleed kasta oo xubin ka ah federaalka – eeg Qodobka 72aad. Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa uu xil gaar ahi ka saaran yahay matalaadda danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka ee ay matalayaan – eeg Qodobka 61 (3).

4. Nidaamka federaalka ah iyo u kala qaybinta awoodaha iyo mas’uuliyadaha ee Xukuumadda Federaalka iyo xukuumadaha Dowladaha xubinta ka ah federaalka waxaa ilaalinaya dastuurka. Nidaamka gooni ahaan uma burin karto heer ka mid ah dowladda maaddaama wax ka bedelka dastuurku uu u baahan yahay in ay ogolaadaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Sidaa daraaddeed tani waxaa ay u baahnaaneysaa ogolaanshaha xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, oo matalaya Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka – eeg Qodobbada 132-134.

5. Waxaa jira hab dhexdhexaadin oo xalliya murannada soo kala dhexgala Xukuumadda Federaalka ah iyo xukuumadaha Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka, ama murannada u dhexeeya xukuumadaha Dowladaha Xubinta ka

11

Page 12: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

ah Federaalka. Habkaan waxaa ku jira Guddi Dowlad-goboleedyada ka dhexeeya eeg Qodobka 111F iyo Maxkamadda Dastuurka oo ah tan ugu dambeysa ee dhegeysaneysa oo go’aanna ka gaareysa oo xallineysa munaradaas – eeg Qodobka 109C (1)(d).

Maxay tahay sababta ay Soomaaliya ugu baahan tahay in ay qaadato nidaam federaal ah iyada oo dadkeedu yihiin shacab mid ah?

Sanado badan oo uu jirey qaab-dhismeed dawlad dhexe oo awoodda oo dhan goob dhexe isugu geeyey, ayaa dadka ku nool qaybo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay dalbanayaan is-xukun goboleed. Sanadihii ay colaaddu socotey, ayaa gobollo gaar ah ay deganaan ka abuureen bulshooyinkooda degaanka, waxaana ay aaminsan yihiin in ay muujiyeen in ay awood u leeyihiin in ay arrimahooda u maareeyaan heer gobol ahaan iyaga oo weli ah muwaadiniin Soomaaliyeed oo daacad ah ogna mas’uuliyaddooda.

Si loo hubiyo is-xukunkaas goboleed, waa in Dastuurku uu bixiyaa uuna ilaaliyaa. Ballanqaadkaas dastuuriga ah waa saldhigga uu ku fadhiyo nidaamka federaalka. Intaa waxaa dheer, waxaa gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah ay leeyihiin qaab-dhismeed maamul oo taabogal ah. Dowlad-goboleedyadan waxaa ay adeegyo dowladeed siiyaan dadka degaanka. Waxaa aad u fudud in dowlad-goboleedyadan dhisan la dhexgeliyo nidaamka maamul iyo siyaasadeed ee dalka, halkii dhammaan awooddii qaran loo rari lahaa dowlad dhexe sidaana ay ku noqonayaan kuwo la fogeeyey. Sidaa daraaddeed nidaamka federaalka ah waxaa ka mid noqonaya dowlad-goboleedyada jira, sida Puntland iyo Galmudug.

Sidee ayaa Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka loo abuurayaa?

Abuurista Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka waxaa muuqatey in ay tahay mid lagu kala ra’yi duwan yahay markii la qabanayey shirarkii dastuuriga ee ka horreeyey Dastuurka Ku-meelgaarka ah. Waxaa la ogaadey in ay muhiim tahay in la helo habraacyo caddaalad ah oo aan qarsoodi ahayn oo lagu abuuro Dawladaha Xubinta ka noqonaya Federaalka. Sidaa daraaddeed Dastuurka Ku-meelgaarka ah laf-ahaantiisu ma abuurayo Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka, laakiin waxaa uu hawshaas u igmanayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah, oo wakiil ka ah dhammaan dadka Soomaaliyeed, in uu go’aan ka gaaro tirada iyo xuduudaha Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka – eeg Qodobka 49aad.

Go’aankan uu qaadanayo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah waa in lagu saleeyaa talooyinka uu soo jeediyey Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, oo ah guddi madax-bannaan oo ay tahay in uu ka koobnaado dad waayo-arag ah oo matalaya dhammaan qaybaha kala duwan ee Soomaaliya. Guddigan waxaa uu daraaseynayaa dalka, waxa uu la hadlayaa muwaadiniinta iyo khubarro, waxaana uu soo jeedinayaa tirada iyo halka la marinayo xuduudaha Dowlad-goboleedyada Xubinta ka ah Federaalka – eeg Qodobbada 49 (2) iyo 111E. Sidaa daraaddeed, sida uu dhigayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah, waxaa jiri doona madal iyo waqti ay dadweynuhu uga sii munaaqashoodaan arrintan.

12

Page 13: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Nidaamyada federaalku miyuu wax u dhimayaa midnimada qaranka suuragalna ma tahay in uu keeno goosasho?

Dhibaatooyin ayaa ka jiri kara federaallada, laakiin kagama badna midda ka jirta dalalka dowladda dhexe ee xooggan leh. Qaar ka mid ah dalalka ugu barwaaqo badan oo uguna deggan dunida waa federaallo – Mareykanka, Jarmalka, Switzerland, Austria, Australia – lamana dhihi karo dalalkaan kama jirto midnimo qaran ama waddaniyad. Warbixin is-barbardhig sameysey ayaa muujisey in dalalka dowladda dhexe ee aadka u xooggan ka jirto uu ay halista kalago’ kaga badan tahay tan uu ku hayo nidaamyada federaalka ah. Arrintan waxaa tusaale u ah Somaliland, oo isku daydey in ay ka go’do Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu ka jirey nidaam dowlad dhexe oo aad u xooggan. Ka hortagga kalago’a, iyo kor u qaadista midnimada qaran, waxaa sida ugu wanaagsan u hubiya jiritaanka nidaam dowladeed oo federal ah oo faa’iido dhab ah u keenaya dhammaan dadka iyo in dhammaan dadku ay doonaan in ay qayb ka ahaadaan.

Arrintan waxaa dhigaya Dastuurka Ku-meelgaarka ah maaddaama bulshooyinka gobollada Soomaaliya ay xor u yihiin in maamulaan arrimahooda ay si mug leh u maamulaan, ayna fursad u haysanayaan in ay ka-qaybgalaan go’aamo si dimuqraaddi ah loogu gaaro heerka federaalka. Arrintan ayaa ay u badan tahay in ay yareyso doonis la doono go’itaan iyo xornimo halkii ay ka dhalin lahayd. Si loo hubiyo xiriir isuduwid iyo iskaashi dhex mara xukuumadaha kala duwan eee heer federaal iyo heer Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka, Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu gaar ahaan bixinayaa qodobbo waajibinaya in kulamo joogto ah ay yeeshaan madaxda fulinta ama msaraakiisha sare ee dowladda, wadaagista macluumaadka iyo isuduwidda in ay wadashaqeyn dhow yeeshaan dowladaha kala duwan ee Qodobbada 51aad iyo 52aad.

Soomaaliya ma awooddaa in ay lahaato tiro dowlad-goboleedyo ah, sidaa daraaddeedna, ay lahaato wax ka badan dowlad keliya?

Nidaam dowladeed oo xooggan oo si habboon u shaqeynaya waa aasaaska lagu dul dhisayo dhaqaale wax soo saar leh iyo barwaaqo. Waayo-aragnimada soo martey Soomaaliya ayaa tilmaameysa qiimaha dhaqaale ee weyn ee qaran ay ugu kacdo marka uu siyaasad ahaan guul-dareysto. Sidaa daraaddeed, muddada dheer waa ay sii culus tahay in marka uu guul-darreysto nidaam dowlad dhexe oo xooggan in wax laga qabto baahiyaha degmooyinka gobollada ee dadka Soomaaliyeed. In kasta oo kala-doondeynta kheyraadka iyo awoodaha cahsuur-qaadista ay weli tahay in laga munaaqashoodo ayna u baahan yihiin in la xaqiijiyo, haddana Dastuurka Ku-meelgaarka ah si nidaam siyaasadeed iyo mid maaliyadeed si wax ku ool ah loogu dhex helo federaalka, waxaa uu waajibinayaa in hawlaha dowladeed lagu fuliyo oo cashuurtana lagu qaado heerka xukuumadeed ee sida ugu wax-ku-oolsan loogu fulin karo ama loogu qaadi karo – eeg Qodobka 50aad (b) iyo (f).

13

Page 14: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Yaa leh oo gacanta ku haya dhulka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya federaal ah?

Nidaamka federaalka oo ka kooban xukun la wadaago iyo is-xukun ayaa sidoo kale ka muuqda qodobbada ku saabsan dhulka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah. Maamulidda kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo isticmaalo waxaa ka wada xaajoonaya Dowladda Federaalka ah iyo Dowlada Xubinta ka ah Federaalka – eeg Qodobka 44aad. Arrinta la xiriirta dhulka, Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu dowladda federaalka ah u ogolaanayaa in ay dejiso siyaasad dhuleed oo heer qaran ah oo xaqiijineysa u sinnaanshaha fursadaha helitaanka dhulka iyo ka-faa’iideysigiisa kheyraadkiisa iyada oo ah jaangooyo qaran waxaase uu sidoo kale u baahan yahay in uu u baahan yahay in uu xoriyad u siiyo Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka in ay dejiyaan siyaasad-dhuleed oo heerkooda ah – eeg Qodobka 43aad.

Ilaalinta deegaanku waa mid Dowladda Federaalka ah ay mudnaan siineyso, laakiin xukuumadaha Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka waxaa sidoo kale uu waajib ka saaran yahay ilaalinta deegaanka waxaana dowladda federaalka ay kala tashaneysaa xukuumadaha Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka marka ay siyaasad deegaan oo guud u dejineyso dalka – eeg Qodobka 45aad.

Dowladda Hoose iyo Awood-baahinta

In kasta oo dastuurka ku-meelgaarka ah uu dhisayo laba heer dawladeed haddana waxaa uu xusayaa heer saddexaad oo dowladeed, kaas oo ah heerka dowladaha hoose. Haseyeeshee dowladaha hoose oo ay weheliyaan xukuumadaha Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka waxaa loo tixgeliyaa in ay isku yihiin heerka dowladaha Xubinta ka ah Federaalka – eeg Qodobka 48 (1) (b). Dastuurrada Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka ayaa loo daayey in uu dhiso laamaha sharci-dejinta iyo fulinta ee maamullada Dawlaha Xubinta ka ah Federaalka – eeg Qodobka 120aad. Middaan waxaa ka mid ah nidaaminta iyo dhisidda hay’adaha dowladda hoose.

Dastuurka ku-meelgaarka ah kama hadlayo nidaaminta maqaamka, qaab-dhismeedka iyo awoodaha dowladaha hoose, sidaa daraaddeedna, waxaa uu awood-baahin siyaasadeed iyo mid maamul ee kale oo kastaa uga tegayaa in ay Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka ay ku nidaamiyaan ayna ku dhisaan dastuurradooda. Inta laga dhisayo oo dastuurka Dawlad Xubin ka ah Federaalka laga ansaxinayo, qaabdhismeedka maamul dowladda hoose waxaa toos u maamulaya Dowladda Federaalka ah – eeg Qodobka 48 (2).

14

Page 15: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Baarlamaanka Federaalka ah

Muxuu yahay Baarlamaanka Federaalka ee cusub?

Sida uu dhigayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah, Soomaaliya waxaa ay qaadatay nidaam federal ah, waxaana marka dalka laga dhigo federaal uu Baarlamaanka Federaalka ee cusub uu ugu dambeynta ka koobnaanayaa laba Aqal: Golaha Shacabka, iyo Golaha Aqalka Sare – eeg Qodobka 55aad. Xubnaha Golaha Shacabka waxaa uu xil gaar ah ka saaran yahay matilaadda dadka degaan-codbixieyaasha laga soo doortey, waxaana xubnaha Aqalka Sare uu xil gaar ah ka saaran yahay matilaadda Dowladda Xubinta ka ah Federaalka laga soo doortey iyo ilaalinta nidaamka federaalka – eeg Qodobka 61aad. Haseyeeshee xubnaha labada Aqalba waa in mar kasta ku shaqeeyaan sida ay danta qaranku ku jirto – eeg Qodobka 61 (1).

Dib-u-dhigista Sameynta Aqalka Sare

Go’aan muhiim ah oo ka soo baxay munaaqashooyinkii Golaha Ansixinta Dastuurka waa ku daristii Faqradda 2aad lagu darey Qodobka 138, taas oo sharciyan dib-u-dhigeysa dhaqangalka dhammaan qodobbada ku jira dastuurka ku-meelgaarka ah ee ka hadlaya Aqalka Sare. Qaadashada go’aankan dib loogu dhigayo Aqalka Sare waxaa lagu saleeyey taladii sida weyn la isugu raacay ee Golaha Ansaxinta Dastuurka ee ahayd in dhisidda Aqalka Sare la dib dhigo ilaa laga dhisayo dhammaan Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka.

Doorashooyinka Mustaqbalka ee Baarlamaanka Federaalka ee Cusub

Waxaa muhiim ah in la xuso in, in kasta oo uu dastuurku dhigayo in mustaqbalka ay dadka Soomaaliyeed ay wakiilladooda labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ay ku soo dooran doonaan doorashooyin madax bannaan oo xaq ah (eeg Qodobbada 64aad iyo 72aad) haddana waqtigaan la joogo xubnaha Golaha Shacabka ee hadda markii ugu horreysey la dhisey, muddo afar sano ah, waxaa lagu soo xuley loona magacaabey iyada oo loo marey qaabab kale. Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee hadda jira waxaa soo xuley Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee la aqoonsan yahay waxaana magacaabistooda baarey oo ogolaadey Guddiga Farsamada ee Xulidda oo ka wakiil ah Saxiixayaasha Roadmapka Soomaaliya. In kasta oo doorashooyin xor iyo caddalad ah aan la qaban karin muddada xilka koowaad ee Golaha Shacabka haddana habkaan magacaabista ee bedelka ah waa markii ugu dambeysey ee la adeegsado waxaana xubnaha mustaqbalka ee Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ay waajib tahay laguna dooran doonaa doorashooyin xaq iyo xor ah.

Maxay ahaanayaan xilalka ay wadaagaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka?

Mas’uuliyadda aasaasiga ah ee Baarlamaanka Federaalka ah waa in uu sharci-u-dejiyo dalka, taas oo ay ka mid yihiin soo-jeedimaha wax-ka-bedelka Dastuurka – eeg Qodobbada 69aad iyo 71aad. Marka ay sharci u dejiyaan dalka, labada Aqal waa in ay

15

Page 16: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

iskaashadaan, in kasta oo Golaha Shacabku uu leeyahay awood uu ku diido go’aamada Aqalka Sare cod aqlabiyad saddex-meeloodow laba (2/3) xubnihiisa marka laga hadlayo guud ahaan sharci-dejinta – eeg Qodobbada 81-83.

Haseyeeshee, wax-ka-bedelka Dastuurku waxaa uu mar kasta u baahan yahay ogolaanshaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah – eeg Qodobbada 132-134. Iskaashiga iyo go’aan wada qaadashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka waxaa sidoo kale loogu baahan yahay doorashada iyo xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Qodobbada 89aad iyo 92aad, ku dhawaaqista Xaalad Degdeg ah – eeg Qodobka 131 iyo ku dhawaaqista xaalad dagaal – eeg Qodobka 71 (f). Si loo fududeeyo go’aan wada qaadashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaa mar kasta suuragalaya kal-fadhiyo wadajir ah iyo guddiyo wadajir ah oo ay yeeshaana – eeg Qodobbada 57, 62 iyo 81 (3).

Muxuu yahay waajibkaadka gaarka ah ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka?

Maaddaama Dastuurka Ku-meelgaarka ah uu qaadanayo nidaamka dowladeed ee baarlamaanniga ah, kaas oo laanta fulintu ay ku tiirsan tahay taageero joogta ah oo ay ka haysato baarlamaanka, ayaa hay’adda siyaasadeed ee ugu muhiimsan ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee cusub uu yahay Baarlmaanka Federaalka ee Cusub. Haseyeeshee, heerka federaalka Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada ay u baahan yihiin oo keliya kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka – eeg Qodobbada 62(2) (e), 90 (d), 100 (c). Sidaa daraaddeed, Golaha Shacabka waxaa uu leeyahay awood u gaar ah oo aanu ugu baahaneynin taageerada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka. Awoodahan waxaa ka mid ah ogolaanshaha badi xubnaha Guddiyada Madaxa-bannaan – eeg Qodobka 69 (2) (a).

Muxuu yahay waajibaadka gaarka ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka?

Waa mas’uuliyad gaar ah oo saaran Aqalka Sare in uu matalo danaha Dowladda Xubinta ka ah Federaalka mar kasta oo uu Baarlamaanka Federaalka ah uu qaadanayo go’aan u habboon Dowladda fEderaalka ah ama Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka. Sidaa daraaddeed, waxa ka bedelka dastuurka, ku-dhawaaqista xaalad degdeg ah, magacaabista xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka, garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka, xubnaha Guddiga Qaranka ee Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaaleynta, iyo xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka, ayaa u baahan ogolaanshaha aqlabiyadda xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka – eeg Qodobka 71aad. Aqalka Sare waxaa uu sidoo kale ka codeeyaa doorashada iyo xil-ka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

16

Page 17: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

Muxuu yahay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya?

Sida uu dhigayo Dastuurka Ku-meelgaarka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya waa in uu ahaado Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, astaanta midnimada qaranka, iyo ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka – eeg Qodobka 87aad. Maaddaama uu yahay madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya madaxweynuhu marka hawlo kale lagu daro; waxaa uu saxiixi karaa shuruucda uu soo saarey Baarlamaanka Federaalka; furi karaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waana uu kala diri karaa marka ay muddadiisu dhammaato; magacaabi karaa saraakiisha sare ee dowladda oo uu ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha Wasiirrada taas oo ku xiran ogolaanshaha Baarlamaanka; waxaa uu magacaabi karaa garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka si waafaqsan Qodobka 109B; waxaa uu ahaanayaa Taliyaha Guud ee Ciidamamada Qalabka Sida; waxaana uu ku dhawaaqayaa xaalad degdeg ah iyo xaalad dagaal si waafaqsan sharciga – Qodobka 90aad.

Sidee loo dooranayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda FEderaalka Soomaaliya waxaa uu u adeegayaa uuna gudanayaa mas’uuliyado la xiriira Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka labadaba. Sidaa daraaddeed, si loo xoojiyo sharciyadda Madaxweynaha waxaa labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah oo wada fadhiya ay ku dooranayaan aqlabiyad ah saddex-meeloodow laba (2/3) – eeg Qodobka 89. Keliya haddii musharax uu codbixinta laba wareeg ku guuleysan waayo aqlabiyadda saddex-meeloodow laba (2/3), wareeg saddexaad oo codeyn loo qaadayaa labada musharax ee ugu cod badan wareegga labaad. Musharaxa hela cod badan ayaa ku guuleysanaya Madaxweynennimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya – eeg Qodobka 89 (5) (d). Muddada xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa afar (4) sano.

Madaxweynaha waxaa xilka looga qaadi karaa oo keliya khiyaanno qaran, ama xadgudub culus oo uu ku xadgudbo Dastuurka ama sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Hindisaha rasmiga ah ee xil-ka-qaadista Madaxweynaha waxaa soo jeedin kara 1/3 ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka. Madaxkamadda Dastuuriga ah ayaa go’aamineysa in eedeyntu sal sharci ah leedahay, ka dibna aqlabiyad cod saddex dalool labo (2/3) xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya – eeg Qodobka 92aad.

17

Page 18: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada

Waa maxay doorka Ra’iisal Wasaaruhu iyo Golaha Wasiiradu?

Maadaama madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya uu yahay madaxa dawladu, inta badan shaqooyinka sare ee xukumaddu waxay dusha ka sarantahay Golaha Wasiirada–fiiri qodobka 97aad. Golaha Wasiiradu waxa guddoomiye ka ah Ra’iisal Wasaaraha, kaasoo ku shaqeyn doona madaxa dawlada federaalka–fiiri qodobka 100aad (a). Xubnaha Golaha Wasiirada waxay mid mid xisaabtamaya Ra’iisal Wasaaraha – fiiri qodobka 100aad (b), qodobka 102 (1). Golaha Wasiiradu waxay wadar ahaan uga amar qaadanayaa Aqaka Dadka ee Baarlamaanka Federaalka ah, kaasoo laga yaabo inay waqti kasta, ay kala diri karaan golaha wasiiradda iyagoo isticmaalaya haba ‘kalsooni darrada’ (no confidence) fiiri qodobka 69aad (2) (e), 90 (d), 100 (c). Golaha Wasiiradu waxay mas’uul ka noqonayaan dejinta siyaasadda dawlada iyo hirgelintooda, diyaarinta qoraalka qawaaniinta si loo hordhigo Aqalka Dadka ee baarlamaanka federaalka, hirgelinta qawaaniinta dalka, diyaarinta miisaaniyad sannadeedka iyo xil ka-qaadista saraakiisha sare ee dawlada iyo magacaabista, qoritaanka iyo xil ka-qaadista Safiiradda, Qunsuladda iyo diblomaasiinta–fiiri qodobka 99aad.

Ayaa magacaaba Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradda?

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa magacaaba Ra’iisal iyo inuu talo ka soojeediyo xubnaha golaha wasiirada–fiiri qodobka 90aad (d). Ka dib marka madxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya magacaabo Raiisal Wasaarahu, waa inuu diyaariyaa magacaabida xubnaha golaha wasiirada iyoqorshaha xukumadda, horna geeyaa aqalkabaarlamaanka ee dawlada federaalka–fiiri qodobka 100aad (c). Hadii Ra’iisal Wasaaruhu ku guuleysan waayo ansixinta Aqalka Dadka ee baarlamaanka federaalka ama lumiyo kalsoonida waqti kale oo dambe, madaxweynuha waxa waajib ku ah inuu xilka ka qaado Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradaba isla markaas uu magacaabo Raiisal Wasaare cusub–fiiri qodobka 69aad (2) (c), qodobka 90aad (d) qodobka 100aad (c).

18

Page 19: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Garsoorka

Maxay tahay kaalinta Shareecadu kaga jirto nidaamka garsoorka?

Shareecadu waa wadnaha nidaamka garsoorka sida uu dhigayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah. Maxkamaduhu waxaa ay adeegsanayaan oo keliya shuruucda waafaqsan shareecada, waxaana ay burinayaan sharci kasta oo ka horimaanaya Shareecada – eeg Qodobbada 4aad, 109 (2).

Sideebuu garsoorku u shaqeynayaa?

Garsoorku waa uu ka madax bannaan yahay laamaha kale ee dowladda. Xubnaha garsoorka laguma oogi karo dacwad ciqaab ah oo k adhalatey fal la xiriira gadashada xilkooda garsoorka, waxaana ay u hoggaansamayaan oo keliya sharciga, sida uu dhigayo Dastuurka – eeg Qodobka 106aad. Garsoorayaasha heerka federaalka waxaa lagu magacaabi karaa, shaqada looga saari karaa, ama lagu anshax-marin karaa keliya talo uu soo jeediyey Golaha Adeegga GArsoorka, kaas oo ah mid ka madax bannaan Dowladda Federaalka – eeg Qodobbada 109A iyo 111A. Si daahfurnaan iyo sharciyad dheeri ah uu u helo Garsoorka, dacwad-qaadistu waxaa ay caadi ahaan u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, waana in go’aan kasta oo maxkamadeed ku qotomaa sababo sharciyeed – eeg Qodobka 107aad. Si loo hubiyo in qof kasta uu heli karo maxkamado, Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu ilaalinayaa xuquuqda aasaasiga ah ee helidda gargaar sharci – eeg Qodobka 34aad.

Sideebuu u ekaanayaa qaab-dhismeedka maxkadaha qaranka?

Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu dhigayaa maxkamado saddex heer oo kala duwan ah. Waxaana ay kala yihiin Maxkamadda Dastuurka, maxkamadha Heer Dawlad Federaal, iyo Maxkamadaha heerka Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka. Maxkamadda Dastuurigu waxaa ay u shaqeyneysaa sidii maxkamad gaar ah oo mas’uuliyaddeedu tahay in ay go’aan kama dambeys ah ka gaarto dhammaan arrimaha la xiriira fasiraadda Dastuurka – eeg Qodobka 108aad. Maxkamadda Dastuurka iyo maxkamadaha heerka Dawladda Federaaka ah waxaa maamulaya Golaha Adeegga Garsoorka, halka maxkamadaha Dawlaha Xubinta ka ah Federaalka ay maamulayaan hay’adaha ay u qoondeeyaan dastuurrada Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka – eeg Qodobka 109A iyo 111A. Haseyeeshee shuruucda federaalka ayaa nidaaminaya xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya maxkamadaha heerka Dawladda Federaalka iyo maxkamadaha heerka Dawladaha Hubinta ka ah Federaalka – eeg !odobka 109 (3).

Maxaa loogu baahan yahay Maxkamad Dastuuri ah?

Nidaam federaali ah, murannada u dhexeeya xukuumadaha kala duwan (sida Dawladda Federaalka iyo xukuumadaha dawladaha Xubinta ka ah Federaalka) ee ku saabsan halka ay ku egtahay awooddooda maamuleed waa mid marar badan dhaca. Tani waxaaba ay sii badan tahay marka uu dalka hore uga jirey nidaam dawlad dhexe

19

Page 20: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

oo xooggan oo uu noqdo dal federal ah, oo loo baahdo in xadadka maamul hadda la kala qeexo.

Iyada oo la sii qiyaasayo in ay jiri doonaan dacwado tiro leh oo ku saabsan sharciga dastuuriga ah iyo fasiraaddiisa, ayaa Dastuurka Ku-meelgaarka ah uu dhisayaa Maxkamadda Dastuurka, oo kak ooban garsoorayaal gaar ah oo wax ka qabta dacwadahaas. Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka waxaa magacaaba Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib marka uu talo ahaan u soo jeediyo Golaha Adeegga Garsoorka, iyo marka la helo ogolaanshaha GolahaShacabka iyo ka-qaybgalka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka – eeg Qodobbada 71 (i), 90 (j), 109B.

Maxay yihiin waajibaadyada Maxkamadda Dastuurka?

Maxkamadda Dastuurka ayaa ah garsooraha kama dannbeysta ah ee arrimaha dastuurka, -- eeg Qodobka 109 (2) (b) keligeed ayaana leh awoodda garsoor ee qeexidda arrimaha dastuurka ee aan ka iman kiisaska maxkamadeed – eeg Qodobka 109 (2) (c). Maxkamadda Dastuurka oo keliya ayaa awood u leh in ay g’aan ka gaarto dastuurinimmada hindise sharci, iyo dastuurinnimada sharci uu ansaxiyey Baarlamaanka Federaalka haddii muran laga keeno. Waxaa sidoo kale ay mas’uuliyad ka saaran tahay xallinta murannada dhex mara Dawladda Federaalka iyo dawlad (dawladaha) Xubinta ka ah Federaalka, ama murannada u dhexeeya Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka dhexdooda, iyo in ay go’aan ka gaadho in kiisaska dembiyada dastuurka ee Maxweynaha lagu soo oogo ee xil ka qaadista keeni kara ay aasaas sharci leeyihiin iyo in kale – eeg Qodobka 109C.

20

Page 21: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Guddiyada Madaxa Bannaan

Maxay yihiin Guddiyada Madaxa Bannaan?

Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu dhigayaa qodobbo xeerinaya Guddiyo Madax-bannaan, kuwaas oo ah hay’ado ka madax-bannaan xukuumadda ama xakamayn siyaasadeed si ay u qabtaan hawlo dawladeed oo gaar ah. Xubnaha guddiyada waxaa lagu soo xulanayaa aqoontooda xirfadeed, halkii la tixgelin lahaa arrimo siyaasadeed – eeg Qodobka 110 (1).

Si loo hubiyo daahfurnaan, iyo la xisaabtanka xubnaha guddiyada, waxaa soo jeedinaya Wasiirka ay khuseyo, waxaa ogolaanaya Golaha Wasiirrada, waxaana magacaabaya Ra’iisul Wasaaraha marka uu ogolaado Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka. Guddiyada Madaxa Bannaan qaarkood, ogolaanshaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sidoo kale loo baahan yahay – eeg Qodobbada 69 (2) (a), 71 (i), 112. Inta uu socdo geeddi-socodka magacaabista guddiyadaa waa in sidoo kale lagala tashadaa Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka haddii hawsha Guddiga Madaxa Bannaan ay suuragal tahay in ay saameyn ku yeelato danaha Dawlad Xubin ka ah Federaalka – eeg Qodobka 111 (2).

Waa kuwee Guddiyada Madaxa Bannaan ee uu Dastuurka Ku-meelgaarka ah saadaalinay in la dhisayo?

In kasta oo dhisidda Guddiyo Madax Bannaan aane ku koobneyn kuwa uu xusayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah, haddana Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu si cad u xusayaa magacyada Guddiyo Madax Bannaan oo ay waajib tahay in la magacaabo sida uu dhigayo dastuurka. Guddiyadan Madaxa Bannaan ee soo socda waa in la dhisaa:

Guddiga Adeegga Garsoorka, oo mas’uuliyaddiisu tahay maamulka Garsoorka oo ay ka mid tahay magacaabidda, shaqo-ka-saaridda, iyo anshax-marinta xubnaha Garsoorka – ee Qodobbada 109A iyo 111A. Guddiyan waa in la magacaabaa 30 maalmood gudahoodda marka la aasaaso Golaha Wasiirrada – eeg Qodobadka 135 (2) (a).

Guddiga Xuquuqda Aadanaha, oo mas’uuliyaddiisu tahay horumarinta iyo ilaalinta Xuquuqaha Aadanaha, iyo baaritaanka iyo qiimeynta sida loo ilaalinayo – eeg Qodobka 111B. Guddigan waa in la magacaabaa 45 maalmood gudahooda ka dib marka la aasaaso Golaha Wasiirada ee cusub – eeg Qodobka 135 (2) (c).

Guddiga La dagaallanka Musuqmaasuqa, oo mas’uuliyaddiisu ay tahay baaritaanka iyo faafinta eedaha musuqmaasuqa, iyo dacwadaha musuqmaasuqa lagu soo oogo qaybaha dawladda – eeg Qodobka 111C.

Guddiga Adeegga Baarlamaanka, oo mas’uuliyaddiisu tahay bixinta adeegyo, tas-hiilaad iyo xafiisyo si loo hubiyo in si taabogal ah uu u shaqeeyo Baarlamaanka

21

Page 22: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Federaalka – eeg Qodobka 111D. Guddigan waa in la magacaabaa 15 maalmood gudahooda ka dib marka la dhiso Golaha Wasiirrada – eeg Qodobka 135 (2) (d).

Guddiga Xuduudaha iyo Federaaleynta, oo ka mas’uul ah daraaseynta iyo ka talo-bixinta tirada iyo xuduudaha Dawladaha Federaalka Ka mid Noqonaya ee mustaqbalka – eeg Qodobka 111E. Guddigan waa in lagamacaabaa 60 maalmood ka dib marka la dhiso Golaha Wasiirrada ee cusub – eeg Qodobka 135 (2) (e).

Guddiga Isku-xirka Xukuumadaha, oo mas’uuliyaddiisu tahay fududeynta iskaashi iyo isla xiriirka xukuumadaha dhexdooda, iyo xallinta wixii khilaafaad ah ee soo kala dhex gala Dowladda Federaalka ah iyo Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka, ama Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka dhexdooda -- Qodobka 111F. Guddigan waa in la magacaabaa 1 sano ka dib marka la dhiso Golaha Wasiirrada – eeg Qodobka 135 (2) (f).

Guddiga Qaranka ee Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka, oo mas’uuliyaddiisu tahay dejinta shuruuc dhameystiran ah oo lagu maamulo, lagula socdo, laguna faafiyo antiijooyinka dooashada heerka Dawladda Federaalka, iyo iyo diiwaangleinta cod-bixiyeyaasha, musharaxiinta iyo xisbiyada siyaasadda – eeg Qodobka 111G. Guddigan waan in la magacaabaa 60 maalmood gudahooda ka dib marka la dhiso Golaha Wasiirrada – eeg Qodobka 135 (2) (e).

Guddiga Ammaanka Qaranka, oo mas’uuliyaddiisu tahay dejinta hab isku xiran isaga oo bixinaya qorshe guud oo dadweynuhu ku kormeero kharashaadka ciidamada ammaanka – 111H. Guddigan waa in la magacaabaa 45 maalmood gudahooda ka dib marka la dhiso Golaha Wasiirrada – eeg Qodobka 135 (2) (c).

Guddiga Runta iyo Dib-u-heshiisiinta, oo ka mas’uul ah adkeynta si loo helo qaran bogsoon, dib-u-heshiiya oo mideysan – eeg Qodobka 111I. Guddigan waa in la magacaabaa 30 maalmood gudahooda ka dib marka la dhiso Golaha Wasiirrada – eeg Qodobka 135 (2) (g).

22

Page 23: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah

Yaa maareynaya shaqaalaha dawladda ee rayidka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya?

Xukuumadda Federaalka iyo Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka waxaa ay shaqo u qorayaan hawl-wadeennadooda, waxaana ay shaqaalahooda rayidka ah u maamulan karaan si madax-bannaan – eeg Qodobka 119 (1). Si loo horumariyo midnimada qaranka iyo si loo xaqiijiyo khibradda iyo waayo-aragnimada laga helo meel kasta oo loogu baahan yahay, Dawladda Federaalka iyo Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka waxaa ay iska kaashan karaan ka-wada-faa’iideysiga hawl-wadeennada – eeg Qodobka 119 (3). Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu dhigayaa qiyam guud iyo qaabab lagu ilaaliyo shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ee dhammaan heerarka kala duwan ee dawladeed. Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu waajibinayaa in dhammaan shaqaalaha dawladda ee rayidka ah ay dadka ugu adeegaan si ku saleysan qiyamka Dastuurka: naxariis, daahfurnaan, dhawrista ku kala dambeynta darjooyinka maamul, karti, waxqabad, mihnadyahannimo, sinnaan, iyo habka xilgudashada ee ugu habboon. Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda laguma kici karo bahdilid wajibaadkooda shaqo ay gudanayaan awgeed, laguman sameyn karo xilkaqaadid, lagamana wareejin karo xafiiska inay jirto sabab maangal ah oo sharci ku dhisan ma ahee – eeg Qodobbada 115, 116.

Yaa magacaabaya saraakiisha darajooyinka sare ee shaqaalaha dawladda ee rayidka ah?

Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu nidaaminayaa oo keliya magacaabista shaqaalaha rayida ah ee Dawladda Federaalka ah. Kuwan waxaa magacaabaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ka dib maka uu soo jeediyo Golaha Wasiirada si waafaqsan sida uu tilmaamayo sharci uu soo saaro Baarlamaanka Federaalka ah – eeg Qodobka 117.

23

Page 24: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Maaliyadda Guud

Yaa maareeya maaliyadda guud ee Jamhuuriyadda Federaallka ee Soomaaliya?

Dastuurka ku-meelgaarka ah waxaa uu waajibinayaa in Soomaaliya ay ahaato Jamhuuiyada Fedeaal ah in kasta oo marxaladdaan lagu jiro xukuumadaha Dawladaha Xubinta ka ah Fedeaalka aan weli la dhisin. Sidaa daraaddeedna Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu sameynta Mabaadi’da Guud ee Maaliyadda u deynayaa in ay ka wada-xaajoodaan Dawladda Federaalka iyo Dawlahada xubinta ka ah Federaalka ka dib marka la dhiso – eeg Qodobka 122.

Qaabka guud ee maareyta maaliyadda ee Dawladda Federaalka ah iyo Keydka Qaranka waxaa bixinaya sharci ay soo saaraan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah si ku saleysan nidaamka caalamiga ah iyo mabaa’diida ku saleysann la xisaabtan iyo daahfurnaan lagu saleeyo maareynta maaliyadda guud – eeg Qodobbada 124, 125. Sharci ay ansaxiyaan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu dhisayaa Bankiga Dhexe ee Federaalka kaas oo mas’uul ka ahaanaya dejinta iyo dhaqangelinta siyaasadaha lacageed ee laga doonaya in dhamaan bankiyada dalka ku dhaqan ay raacaan – eeg Qodobka 123.

24

Page 25: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Nabadda iyo Amniga

Yaa xaqiijinaya nabadda iyo ammaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya dhexdeeda?

Dawladda Federaalka ah waxaa ay mas’uul ka tahay xaqiijinta nabadda, ammaanka qaranka iyo gobonimada Jamnuuriyadda Federaalka ah iyada oo adeegsaneysa ciidamadeeda ammaanka, kuwaas oo kala ah ciidamada xoogga dalka, nabadsugidda, ciidanka booliska, iyo ciidanka asluubta – eeg Qodobka 126. Haseyeeshee Dawladaha xubinta ka ah Federaalka waxaa ay xaq u leeyihiin in ay dhistaan ciidanka booliska Dawladda Xubinta ka ah Federaalka, kuwaas oo ilaalinaya nafta iyo hantida dadka Xubinta Qaybta ka ah Federaalka ama iyada oo keligeed ah ama iskaashi kal sameyneysa Booliska Federaalka ah – ee Qodobka 126 (5).

Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu dhigayaa mabaadi’ guud oo dhammaan ciidamada ammaanka ay laga doonayo in ay dhowraan, waxaana ka mid ah dhowrista talinta sharciga, hay’adaha dimuqaadiga ah, iyo xuquuqda aasaasiga ah; iyo u heellanaanta ilaalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Fedeaalka Soomaaliya, daahfurnaan iyo ogolaansho la-xisaabtan, iyo dhexdhexaadnimo xag siyaasadeed – eeg Qodobka 127 (1).

Maxkamado gaar ah oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ayaa la dhisi karaa, laakiin gaboodfallada xuquuqda aadanaha ee la tuhunsan yahay in xubno ka tirsan ciidamada amniga ay galeen waa in mar walba dacwaddooda lagu qaadaa maxkamadaha rayidka – eeg Qodobka 128aad. Cabashooyinka ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan ciidamada ammaanka waxaa sidoo kale la geyn karaa xafiiska Gardoonka (Ombudsman), kaas oo baaraya dacwooyinkaa, oo, halka ay lagamamaarmaan tahayna, hor geynaya maxkamad sharci oo awood u leh – eeg Qodobka 129. Sharci ay soo saaraan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ayaa nidaamnimaya qaab-dhismeedka, shaqada iyo heeraka hay’adaha ammaanka ee Jamhuuiyadda Fedeaalka ee Soomaaliya -- eeg Qodobka 130.

25

Page 26: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Wax ka bedelka Dastuurka

Dastuurkan wax ka beddel ma lagu sameyn karaa?

Marka ay timaaddo wax ka bedelka dastuurka, Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu u kala saarayaa laba waqti marka wax ka bedelka dastuurka la soo jeedin karo lana ansaxin karo: Muddada ka horreysa inta aan si kama-dambeys ah Dastuurka Ku-meelgaarka ah afti dadweyne loogu ansaxin in uu noqdo Dastuurka joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo muddada ka dambeysa marka si kama-dambeys ah loo ansaxiyo.

Sidee ayaa dastuurka ku-meelgaarka ah wax ka beddel loogu sameyn karaa?

Ka hor inta aanu Dastuurka Ku-meelgaarka ah noqon mid joogto ah iyada oo lagu ansixanayo afti dadweyne, wax ka bedel kasta oo lagu sameynayo Dastuurka Ku-meelgaarka ah waa in uu diyaariyaa Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka Ku-meelgaarka ah. Guddigan waxaa uu ahaanayaa guddi khubaro madax-bannaan oo ku takhasusey shaci qoris oo ka kooban shan (5) xubnood. Guddiga Maadaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa kormeeraya oo hagaya Guddiga La-socodka ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Ku-meelgaarka ah, taas oo ah guddi baarlamanai ah oo ka kooban xubno tiradoodu isla egtahay oo ka kala socda labada gole ee Baaarlamaanka Federaalka, iyo xubin dheeri ah oo ka socota maamul kasta oo jira oo qaybna ka ah Jamhuuriayadda Federaalka ee Soomaaliya. Wax ka beddel kasta oo ay diyaariyaan labada guddi waa in lagu ansaxiyaa aqlabiyad cod saddex-meelood laba (2/3) oo laga helo labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka – eeg Qodobada 133, 134.

Hadaba, wax ka bedelka dastuurka wuxuu dhaqan-galeyaa oo keliya marka shacabka Soomaaliyeed ay ku ansixiyaan dastuurka ugu dambeeya afti dadweyne, eeg Qodobka 136.

Qiimaha uu qodobkan leeyahay waa in uu Dastuurka awood u siinayo in kuwa uu khuseeyo dadweyne iyo siyaasiyiinba wax ku biiriyaan, iyo in sii hagaajiyo ka hor inta aan loo gudbin aftida dadweynaha.

Sidee ayaa dastuurka joogtada/kama-dambeysta ah wax ka beddel loogu sameyn karaa?

Marka si kama-dambeys ah loogu ansixiyo in uu noqdo dastuurka kama-dambeysta/joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaa uu ogol yahay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka marka lagu oggolaado cod aqlabiyad saddex-meeloodow laba (2/3) labada gole ee Baarlamaanka Federaalka – ee Qodobka 132. Haseyeeshee wax ka bedelka dastuurka waxaa diyaarinaya guddi wadajir ah oo ka kooban labaatan (20) xubnood oo ka kooban labada Aqal – eeg Qodobka 132 (5). Wacyigelinta iyo doodad dadweynaha ee wax ka bedelka Dastuurka Ku-meelgaarka ah waa in war kasta la dhiirrigeliyaa – eeg Qodobka 132 (6). Marka si

26

Page 27: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

kama-dambeys ah Dastuurka loogu ansaxiyo afti dadweyne, waa in geeddi-socod kale oo rasmi ah oo dib loogu eegayo dastuurka uu bilaabaa oo uu qabtaa guddi baarlamaani ah oo ka kooban labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah iyaga oo la tashanaya Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka ayna ogolaadaan – eeg Qodobka 137. Wax ka beddel kasta oo lagu soo jeediyo geeddi-socodkan rasmiga ah ee dib-u-eegista dastuurka, waxaa sidoo kale uu u baahan yahay in lagu ansaxiyo aqlabiyad cod saddex-meelood laba ay siiyaan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka – eeg Qodobka 137 (4), 132.

27

Page 28: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Dhaqan-galka Dastuurka Ku-meelgaarka ah

Goorma ayaa uu Dastuurka Ku-meelgaarka ah dhaqangelayaa?

Qodobka 138 waxaa uu sheegayaa in Dastuurka Ku-meelgaarka ah uu dhaqangelaya maalinta koowaad marka ay ansaxiyaan Golaha Qaran ee Ansaxinta Dastuurka. 1dii Agoosto 2012, Golaha Ansaxinta Dastuurka ayaa ansaxiyey Dastuurka Ku-meelgaarka ah; sidaa daraaddeed 2dii Agoosto ayuu dhaqangaley Dastuurka Ku-meelgaarka ah waxaana uu rasmi ahaan u yahay Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya.

Saameyn sidee ah ayaa uu yeelanayaa Dastuurka Ku-meelgaarka ah?

Sida uu dhigayo Qodobka 143aad, Axdiga Federaalka ee ku-meelgaarka ah waxaa ay muddadiisu dhammaaneysaa marka la kala diro Golaha Ansixinta Dastuurka ee Qaranka. Golaha Ansixinta Dastuurka ee Qaranka waxaa la kala direy 2dii Agoosto 2012 sidaa daraadeedna waqtigaas ayaa ay muddadiisu dhammaatey Axdiga Fedeaalka Ku-meelgaarka ah. Dhammaan xeerarka dhaqangalka ah ka hor inta aanu hirgalin Dastuurka waxaa ay ahaanayaan qaar sii shaqeeya, laakiin waa in loo fasiraa loona hirgeliyaa si waafaqsan Dastuurka Ku-meelgaarka ah – eeg Qodobka 139aad.

Sidoo kale, dhammaan waajibaadyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay qayb ka tahay waa ay sii jirayaan – eeg Qodobka 140aad.

Ilaa inta laga gaarayo goorta laga sameynayo dhammaan Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka iyo dastuurrada Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka la waafajinayo Dastuurka Federaalka, maamullada jira ka hor inta aan la qaadan DAstuurkan ku-meelgaarka ahi waxaa ay sii haysanayaan awoodda uu Dastuurkoodu siinayo iyaga oo ka madax bannaan Dawladda Federaalka. Haseyeeshee, waa in mar kasta lala tashadaa Dawladda Federaalka marka la qaadanayo go’aan kasta oo la xiriira nidaamka federaalka iyo qaabka nabadgelyada – eeg Qodobka 142aad.

28

Page 29: Guidebook A4Som 280912 - Hiiraan · 2021. 7. 6. · badan raacayso qaab gaar ah ayna adeegsato erey-bixin gaar ah. Arrimahaas daraaddoodna, erey-bixinta iyo sida ay isugu xiran yihiin

Dastuur ah Heshiis Bulsho oo Waara iyo Dukumenti Muddo Jira

In kasta oo dastuuradu ay qaab-dhismeed guud iyo mabaa’diid aasaasi ah ay siiyaan qaran casri ah, haddana waa muhiiim in la ogaado in aan ku noolnahay dunida isbeddel joogto ah oo deg-deg ah uu ka jiro. Arrintanina waxaaba ay ku sii habboon tahay dal sida Soomaaliya oo kale ah, oo ka soo baxaya colaad muddo dheer socotay oo dib u dhisaya qarankii Soomaaliyeed oo dib u habeynaya nidaamkiisa siyaasadeed. Sidaa daraaddeed, dastuur mar walba waa dukumenti bixiya degganaan, sii jiritaan iyo saadaal laakiin sidoo kale kobci kara muddo ka dib waxna laga beddeli karo si loo waafajiyo isbedelka xaaladaha siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale. Sidaa daraaddeed dastuurka Soomaaliyeed waa in uu ahaadaa dukumenti muddo jiraya waxaana uu u baahan yahay in si joogto ah loo qiimeeyo loolana socdo. Wax ka beddel kasta oo lagu sameynayo dastuurka dabcan waxaa uu u baahan yahay in uu raaco habraacyada wax ka bedelka ee uu dhigayo dastuurka ee kor lagu soo sharxay.

29