Wargayska Ummadda Cadadkii 6-aad ok.pdf

download Wargayska Ummadda Cadadkii 6-aad ok.pdf

of 8

Transcript of Wargayska Ummadda Cadadkii 6-aad ok.pdf

  • Wargayka UMAMADDA Waa Wargays Madax banaan oo Kasoo Baxa Bosaso & Garowe TELL:090-7724437,EMAIL:[email protected],

    UMMADDAWaa wargays Todobaadle,Madaxbanaan oo kasoo baxa Garowe & Boosaaso,Puntland

    WARGAYSKA:

    Cadadka 6-aad / Sanadka 1-aad / Sabti 11 July 2015 / Qiimaha 6,000

    Qoraaga Runta iyo Saxidda qaladka:waa hal kudhigga

    wargayska

    UMAMADDA

    Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah oo Isku mari la..

    Boosaaso:Ciidanka Police-ka oo soo qabtay ma soomayaal iyo

    Raashin.

    Dalka Yaman oo laga soo qaxayo iyo Itoobiyan

    u Tahriibaya.

    Maasha Allah:-Dawladu gorgortan diiday,Ciidana u dirtay deegaanka Qarxis,boowe Jananka waa laso qabanayaa,mana jiri doonto Ciidamo kale oo Sharci daro ah oo ka hoos shaqayn doona Dawlada,Puntland waa mid,waana Dawlad hormartay

    Siirada Rasuulka CSWEeg Bogga 6-aad

    Dawlada Soomaaliya oo goaan ka gaartay Muranka Badda ee u

    dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Eeg Bogga 2-aad

    Sadaasha Muuqaalka Caalamku yeelanayo Tobanka sano ee soo

    socota.Eeg Bogga 5-aad

    Qubanaha cayaaraha Eeg Bogga 7-aad

    WAR DE BELO; Hadii Dawladu ay tabar hayso taloba halkaa ma gaarteen,Gen. Muxiyadiin wuxuu u doodayaa waa Xuquuq Ciidan,waana nin dalka uso shaqeeyay,miyaa la iska indha tirayaa in Dawladu ay ku guuldaraysatay bix-inta Mushaharaadka Ciidanka.

    Ciidamada Bool-iska Puntland ayaa hawl galo balaaran ka wada magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari,kuwaas oo ay kula dagaal-amayaan,

    Eeg Bogga 3-aad

    Gobolada Puntland il-laa bishii April ayaa waxaa uso qaxay in ka badan 20,000 oo qof,kuwaas oo kaso qaxay dagaalada ka socda dalka Yaman.

    Eeg Bogga 3-aad

    Gedo:Jubbaland oo doonaysa inay dagaal ku qaado Ururka Shabaab.

    Eeg Bogga 6-aad

    Taariikhda Cabdulaahi binu cabaas oo ka mid

    ahaa Saxaabada Rasuulka SCW.Eeg Bogga 4-aad

    B a a r l a m a n k a Soomaaliya ayaa 6/7/2015-ka COD qarsoodi ah ku An-sixiyay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha,kuwaas oo ka shaqayn doona Arrimaha Xuduudaha iyo Doorashooyinka 2016-ka.

    Eeg Bogga 2-aad

    Muranka Madaxweyne Gaas iyo Gen. Muxiyadiin waa Gacmo daalis!.

    Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo ahaa taliye ku xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa sameeyay Gadood Ciidan,wuxuuna sheegay,

    Eeg Bogga 4-aad

  • 2 Wargayska UMMADDA Sabti 11 Julay 2015Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah oo Isku mari la Sharci ahaanshaha

    Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka Soomaaliya.

    Baarlamanka Soomaaliya ayaa 6/7/2015-ka COD qarsoodi ah ku Ansixiyay Guddiyada Doo-rashooyinka iyo Xuduudaha,kuwaas oo ka shaqayn doona Arrimaha Xuduudaha iyo Doorashooyinka 2016-ka.

    Guddiyada ayaa waxaa kaso hor-jeestay Jubbalabd iyo Puntland oo qayb ka ah Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka,kuwaas oo sheegay innaan lagala tashan,ayna Xaq u la-haayen in lagala tashto.

    Horaantii bishii May ayaa Madax-weyne ku xigeenka Dawlada Punt-land Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar uu sheegay in Guddi-yadaasi aysan iman karin Gobolada Puntland,xilli Dawada Federaalka ay isku koobtay magacaabista Guddi-yadan.

    Dowladda Puntland ayaa di-iday Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka,kasoo aan sharci ahayn islamarkaana ka hor imaanaya sida ku xusan Qodobka 111 ee Dastu-urka ku meel gaarka Federaalka oo sheegaya in wada tashi lagala sa-meeyo dowladdaha xubnaha ka ah federalkaAyaa lagu yiri Warsaxaaf-adeed kaso baxay Dawlada Punt-land ka dib markii Baarlamanka Soomaaliya ay Ansixiyeen Guddiya-da Xuduudaha iyo Doorashooyinka Federaalka.

    Jubbaland.Jubbaland oo qayb ka ah Dawlada Federaalka ayaa horay u qaadacday Guddiyadan,waxaana ay sheegtay inay Dastuuri tahay in lagala tash-to Barnaamijyada khuseeya Masiir-keeda.

    Waxkasta oo wannaagsan oo lagu heshiiyay oo uu ka mid yahay Das-tuurka Federaalka ayay rabaan inay burburiyaan oo ay dib ugu cayaaran,waxaan idiin sheegayaa in-naan aqoonsanayn Guddiyada sad-dexda ah ee ay magacowday Dawla-da federaalka ee kala ah;Guddiyada Xuduudaha,Garsoorka iyo Doorashooyinka,wax shaqo oo aan ku leenahay ma jirtoSidaa waxaa yiri Afhayeenka Jubbaland Cabdina-asir Seeraar oo 15/May/2015-ka ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay

    72-guuradii kaso wareegtay Aas-aaskii ururka SYL.

    Awoodaha uu Dastuurka Soomaaliya siinayo Daw-lada Federaalka.Dastuurka ay ku heshiiyeen Um-madda Soomaaliyeed wuxuu si cad u qeexayaa in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay awood u leedahay oo kaliya inay maamusho;-

    1-Siyaasadda Arrimaha Dibada.

    2-Samaynta Lacagaha.

    3-Fududaynta Isusocodka dadka

    4-Iyo Tababarada Ciidamada dibada loogu qaadayo.

    Awoodaha kale ayaa Sarifmaya,waxaana maamulada ka dhisan dalka ay Xaq u leeyihiin in laga tala galiyo Arrimaha taabanaya Masiirkooda.

    6/2/2015-ka shirkii Muqdisho ay ku yeeshen Dawlada Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah,waxaa kaso baxay 12-qodob,waxaana qodobada 3-aad ee heshiisku uu u qornaa sidan;

    3. Qorshaha lagu gaa-rayo Hiigsiga 2016 wuxuu ahaanayaa mid ay u wada dhan yihiin DFS iyo Dowla-daha Xubnaha ka ah Dow-ladda Federaalka.Heshiiska Muqdisho ayaa ka mid ah Heshiisyada ay inta badan gaaraan Dawlada Federaalka iyo Dawladaha Xubnaha ka ah.

    Beesha Caalamka.Beesha Caalamka iyo Madaxwey-naha Dawlada Federaalka Soomaali-ya ayaa si wada jir ah uso dhoweeyay Guddiyadan,waxaana ay codsadeen inay si Cadaalad ah ugu shaqeeyaan Ummadda Soomaaliyeed.

    Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaa-liya Odawaa oo la kulmay Guddi-yada ayaa sheegay in shaqo culus ay hortaal,loona baahan yahay inay

    kaso baxaan.

    Waxaad tihiin dadkii lagu aami-nay howshan muhiimka ah Wasaa-radda anagu hadaan nahay howshu waa naga soo wareegeysaa idinka ayay idin soo wareegeysaa laba-da asbuuc ee aad howl galeysaan ayaa idinla shaqeynaa, waana isu kiin hagaajineynaa, waan idinla shaqeyneynaaayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha.

    Wuxuu intaas ku darayMarkaan idin soo dooraneynay dadnimadiina iyo Soomaalinimadiina ayaan idinku soo dooranay in aad qaraabo nala ti-hiin la idin kuma soo dooran in aad saaxiibo nala tihiin la idin kuma soo dooran doorashada 2016-ka in aad noo xaglisaan la idin-kuma soo door-an garabkiina ala ha galo xuduudaha aan leenahay iyo federaalka sida anagu aan rabno in aad ka dhigtaan la idiinma keenin..

    Guddiyada Xuduudaha ,waxaa kuu soo baxaya Cadaalad darada Muqdisho taal.

    Magacyada Guddiga xuduudaha;

    1. Muuse Waxgarad C/laahi

    2. Liibaan Cali Sahal

    3. Maxamed Muxyadiin Sh. Sahal

    4. Dr. C/laahi Gacal Cabdi

    5. Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim

    6. Siciido Xasan Cusmaan

    7. Xuseen Xaashi Xasan

    8. C/khaaliq C/laahi Xamza

    9. Khaliif C/kariin Maxamed.

    Magacyada Guddiga Xuduu-daha iyo doorashooyinka.

    1-Siciid Xaashi Warsame.

    2-Maxamed Xasan Thaani.

    3-Xuseen Cabdi Aaden.

    4-Sayid Cali Sheekh Maxamed.

    5-Maxamed Axmed Nuur.

    6-Cabdiraxmaan Cismaan Dirir.

    7-Maxamad Daahir Maxamuud.

    8-Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.

    9-Khadiijo Cosoble Cali.

    Waxaa muuqanaya in Dawlada Federaalka iyo Dawladaha Xub-naha ka ah ay isku khilaafsan yihiin Guddiyada,waxaana hawsha Guddi-yadan ay dhabaha u xaaaraysaa in la gaaro Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka sida ay u aragto Dawlada Federaalka Soomaaliya.

    Dawlada Soomaliya ayaa waxaa u dhiman bilo kooban,waxaana hory-aala Caqabado badan oo u baahan in xal deg deg ah laga gaaro si loo hirgaliyo hawsha hortaa.

    Dawlada Soomaaliya oo goaan ka gaartay Muranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo

    Soomaaliya.

    Dawlada Soomaaliya ayaa sheeg-tay in 13-ka Bisha Julay ay u gudbinayaan Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda,waxaana Dawlada Soomaaliya ay doonaysaa in Maxkamadu ay goaan ka gaarto Mu-ranka Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

    Wasiirka Warfaafinta Somaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo Sax-aafadda kula hadlay Muqdisho,ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda Soomaaliya ay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha Badda,arrintaas oo Dawlada Soomaaliya ay Ilgaara ku hayso.

    Golaha wasiiradda waxay isku ra-caeen in 13-ka Bishan July Dowladda Soomaaliya ay u gudbiso dacwad ka dhan ah muranka xuduud badeedka Soomaaliya Kenya ay la wadaagto Maxkamadda Cadaaladda QM, dukumi-intiyada cadeynaya lahaanshaha dhulka Kenya ay dooneyso inay la wareegto,oo qeyb ka ah badda Somaaliya waxaana si rasmi ah loo bilaabi doona Bisha March ee sanadka 2016ka Dacwada ku saabsan Xuduuda badda labada dal ee Kenya iyo SoomaaliyaAyuu yiri Wasi-irka Warfaafinta Soomaaliya.

    Wuxuu intaas ku darayWaxaa War-bixin laga dhageystay labo Loyar oo Soomaali ah oo noo qaabilsan Dacwa-da Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo aad ogtihiin in marar badan oo hore leysku dayay in si Wada xaa-jood ah lagu dhameeyo balse ay suu-roobi weysay markii dambana Dow-ladda Soomaaliya ay goaamisay in laga dacwoodo Arrintaas maadaama xadgudub ay Kenya kusoo sameysay Badda Soomaaliya Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

    Maareeye ayaa sheegay in Dokuminti-yada Soomaaliya ay la tagayso Maxka-mada Caalamiga ah ee Cadaaladda uu ka kooban yahay 150-Page,kuwaas oo ay diyaariyeen Rag Khuburo ah oo isu-gu jira Looyaro Caalami ah iyo kuwo Soomaaliyeed.

    Mar uu Wasiirku arrintaas ka hadlayay ayaa wuxuu yiri..Sida looyariintu ay noo sheegeen Kenya markaa waxay xaq u leedahay mudo 8-bil ah inay soo diyaariso jawaabteeda, kaddibna fad-higa ayaa billaabanaya waqti ku began March 2016, balse Dowladda Soomaa-liya dukumintigeeda oo ka kaooban 150 page oo ay qoreen Looyaro Caal-ami ah iyo kuwo Soomaali ah waxaa la gudbinayaa Isniinta soo socot. Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

    Inkasta oo Soomaaliya ay goaansatay in Dacwadeeda Badda ay gayso Maxkamada Cadaaladda Caalami-ga ah,hadana Kenya ayaa waxaa ay doonaysaa in laga wada hadlo arrima-ha Badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya.

    Si kastaba ha ahate,Muranka badda ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa kuso beegantay xilli Soomaaliya ay doonayso inay kaso kabato dhibaata-dii ay ku jirtay mudada lagu jiray bur-burka.

  • 3Wargayska UMMADDASabti 11 July 2015Dalka Yaman oo laga soo

    qaxayo iyo Itoobiyan u Tahriibaya.

    Gobolada Puntland illaa bishii April ayaa waxaa uso qa-xay in ka badan 20,000 oo qof,kuwaas oo kaso qaxay dagaala-da ka socda dalka Yaman.

    Dadka uso qaxay Puntland ayaa isugu jira Soomaaliya iyo Yamaniyiin,waxaana ay soo dhow-ayn balaaran kala kulmeen Dawlada iyo dadweynaha reer Puntland.

    Qoysaskii kaso qaxay Yaman ayaa Safarka ay kaga yimaadeen Ya-man kala kulmay dhibaatooyin badan,waxaana dadka soo gaa-ray Puntland ku jiray dad qabay dhaawacyo fudud iyo kuwo culus.

    Isbahaysiga uu hogaaminayo Sucuudiga ayaa wali duqaynaya Yaman,waxaana jira dhibaatooyin Biniaadanimo oo ka jira dalka Ya-man.

    Hadaba iyada oo arrimahaasi ay jiraan,ayaa waxaa jira wali dad doonaya inay u Tahriibaan dalka Yaman,waxaana dadka doonaya inay Tahriibaan Yaman ay u dha-sheen dalka Itoobiya.

    Ciidamada Badda iyo kuwa Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Laasha ay saarnaayeen dad Tahrii-bayaal ah oo u dhashay dalka Itoobi-ya oo doonayay inay u Tahriibaan dalka Yaman,waxaana hawlgalka hogaaminayay Taliyaha Qaybta Boo-liska Gobolka Bari.

    Taliyaha Ciidanka Booliska Bartama-ha Bosaso Cabdiraxmaan Qaybdiid oo Waraysi gaara siiyay Wargeyska Ummadda,ayaa sheegay in dadka laso qabtay ay tiradoodu gaarayso Sagaashan iyo Laba qof.

    Ciidamada badda iyo Ciidan-ka Booliska Puntland ayaa sa-meeyay hawlgal ay kula dagaal-ameen Tahriibayasha,waxaana ay kuso qabteen Laasha waday Tahriibayaal,dadka aan soo qabanay waxay ka kooban yihiin Sagaashan iyo laba qof,runtii Sagaashanka qof waa Itoobiyaan,labada qof ee kalena waa SoomaaliAyuu yiri Cabdirax-maan Qaybdiid.

    Wuxuu intaas ku daray..Dadka aan soo qabanay 15 waa Dumar,halka 75-na waa Rag,waxaa la yaab leh in Yaman laga soo qaxayo oo ay da-gaalo ka socdaan,Itoobiyaankiina waa kusii qulqulayaan,Ciidamada

    Dawlada Puntland waxay habeen iyo maalin u taagan yihiin inay illaali-yaan Xeebaha Puntland.

    Mar uu ka hadlayay Tahriibay-aasha laso qabtay ayaa wuxuu yiri..Dadkii ka shaqaynayay Xafi-iska qaar baan haynaa,Gaadiid baan haynaa,Laashash baan haynaa,waxaana horgaynaynaa Sharciga,dadkaa kale ee Ajnabiga ah ee Itobiyaanka ah waxaa goaan ka gaari doona Dawlada.

    Wargeyska Ummadda ayaa Tali-yaha Bartamaha Saldhiga Bosaso waydiiyay,waxa ay ay kala socdaan Xafiisyo la sheegay in laga raro Tah-riibta oo ku yaala Bosaso,wuxuuna ku jawaabay, Anagu maogin xafi-isyo ku yaal magaaladda Boosaaso ciidamaduna habeen iyomaalinba way la dagaalamaan tahriibayaasha hadana waad aragtaan

    Taliyaha Ciidanka Saldhiga Bartama-ha Bosaso Cabdiraxmaan Qaybdiid ayaa sheegay in dadka laso qabtay la horgeyn doono Sharciga,si loo dhagaysto eedeymaha loo haysto.

    Sharciga ayaa la horgaynayaa,Gaadiidkooda iyo iyagaba Sharcigaa talaabo ka qa-adi doona,Gaadiidkooda iyo iya-gaba Sharcigaa talaabo ka qaadi doona,annagu Galdacwadeedka waxaan u gudbinaynaa Xeer illaaliyaha,wuxuu Xee Illaaliyuhu u gudbinayaa GarsoorkaAyuu yiri Taliyaha Bartamaha.

    Dadka u dhashay dalka Itoobiya ayaa Safar dheer uso gala Bosaso,si ay uga Tahriibaan,waxaana in-tooda badan Lug ay kaso bilaa-ban Soomaaliland ay ku yimaadan Bosaso,halkaas oo ay uga sii Tahrii-baan dalka Yaman.

    Inkasta oo Yaman laga soo qaxayo,hadana waxaa muuqanaya in Itoobiyaanku ay u bareerayaan inay u Tahriibaan dalka Yaman oo ay dagaalo kharaar ka socdaan.

    Dawlada Puntland ayaa horay goaamo uga soo saartay Tahriibta,waxaana Baarlamanka Puntland ay sanadkii 2010-ka ay An-sixiyeen Sharci ka dhan ah Tahriibta iyo dadka wax Tahriibiya.

    Boosaaso: Ciidamadda Booliska oo gacanta ku dhigay Ma

    Soomayaal ka Ganacsanayay Raashin Bisil iyo Maandooriye.

    Ciidamada Booliska Puntland ayaa hawl galo balaaran ka wada magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari,kuwaas oo ay kula dagaalamayaan dadka ka Ga-nacsada Raashinka Bisil iyo Qaadka maalintii inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

    Bilowgii Bisha Ramadaan ayaa duqa degmada Bosaso Maxamed Siciid Shabeele oo la hadlay Wargeyska Ummadda,ayaa ka digay in laga Ga-nacsado wax kasta oo Xaaraan ah inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

    Iyada oo digniintaasi ay jirto ayaa waxaa jira dad ka dhega adaygay digniintaas,kuwaas oo Ciidamada Booliska Puntland ay kuso qabteen hawlgal ay sameeyen.

    Taliyaha Saldhiga Bartamaha Bosaso Cabdiraxmaan Qaybdiid oo Waraysi siiyay Wargeyska Ummadda ayaa noqo Bandhigay Toban qof oo Ci-damadu ay kuso qabteen hawlgalka.

    Waxaan soo qabanay oo xiran To-ban qof oo xaaranta karinayay,dadka aan soo qabanay kuwo Cuno ayay Karinayeen kuwona Qaad bay iibinayeen,waxaan kaloo Saldhiga keenay sida aad u jeedaan Weelashii Cunnada lagu Karinayay iyo Qaadka ay IibinayeenAyuu yiri Qaybdiid.

    Dadka laso qabtay oo hadlay.Maslax Xassan Maxamuud oo ka mid ah dadka ay Ciidanka Boolisku ga-canta ku dhigeen ayaa sheegay inuu Iibinayay Xaaraan,xilliga ay Ciidama-du gacanta kuso dhigeen.

    Waxaan Qaadka ka shaqanayay dhowr iyo Toban Sano,waan muda-nahay in la marsiiyo Ciqaab,waxaan diyaar u ahay innaanan mar dambe u noqon Iibinta Qaadka haddii la I fasaxo,Bishan ma Soomin waan iska Cunayay,laakiin waxaan mar kasta ku ducaystaa Illaahow Khaatumo xumo ha ii dilin,waa nolol xunAyuu yiri Maslax Xassan Maxamuud.

    Idiris Xusseen oo isna qayb ka ahaa dadka laso qabtay ayaa sheegay in rajo wannaagsan ka muujiyay inuu ka waantoobi doono Wadada khaldan ee uu ku socdo.

    Waxaa la igu soo qabtay Xaaraan anniga oo Qaad Iibinayay,waxaa igu kalifay danta innaan Qaadka Iibiyo,waxaan rajaynayaa in shaqa-dan shaqo ka fiican aan heloSidaa waxa yiri Idiris Xusseen

    Eedeyn loo jeedi-yay Idaacada Daljir!Taliyaha Saldhiga Booliska Bartama-ha Bosaso Cabdiraxmaan Qaybdiid ayaa Idaacadda Daljir ku eedeeyay inay sii dayso Barnaamij Liddi ku ah hawlaha ay Bulshada u hayaan Cii-damada amniga Puntland.

    Idaacadda Daljir waxay bilow-day inay Barabugaan ay samayso Taliyaasha Ciidanka iyo Ciidamada

    oo ku saabsan Barnaamij ay ka di-yaariyeen Soonka,haddii hal Wari-ye la qabto waxay leeyihiin Wari-yaha Xaqdhowr,marka waxaan hadda leeyahay Daljireey Booliska XaqdhowrAyuu yiri Taliyuhu.

    Mar uu Wargeysku waydiiyay waxa ka jira Wararka sheegaya in Eedeysanayaasha laso qabto lagu sii daayo Lacago ayaa wuxuu ku jawaabay.Waa Barabugaan iyo Dacaayad,iyada oo aysan Jujuun ji-rin waa in Wariyuhu uu wixii sax ah sheegaa,adeer cidii ku kacda arrintaa talaabo ayaa laga qaaday,Askari qof Laaluush ka qaatay Sharcigaa qabanaya,waxaan leenanay Maxka-mad Ciidan,adeer waa been iyo Barabugaan Warkaasi,Ciidanku habeen iyo maalin ayay u taagan yi-hiin illaalinta Nabad galyada,mana aha wax la qaadan karo in Ciidanka Barabugaan laga sameeyo.

    Wuxuu intaas ku darayWaad u jeed-aan waxaan soo qabanay oo aad duubteen dad Tahriibayaal ah,laakiin Daljir inay Dacaayad ka samayso Taliyaha iyo Ciidanka Booliska ma aha wax loo dulqaadan karo,ha sheego Wariyuhu War saxa oo aan Barabugaan ahayn.

    Daljir oo ka jawaabtay Eedeyn loosoo jeediyey.

    Agaasimaha guud ee Idaacadda Daljir Axmed Sheekh Tall Man oo war-gaysku la xiriiray ayaa iska fogeey-ay eedeynta loo jeediyay Idaacadda Daljir,wuxuuna sheegay in Barnaami-jka ay dhibsadeen Laamaha amnigu uu yahay Barnaamij wacyi gelin ah oo ka baxa Idaacadda,kaasi oo la sa-meeyay Todoba sano ka hor. Sheekada Ramadaanka ku saab-san waa Barnaamij Raadiyuhu uu sameeyay Todoba sano ka hor oo ka baxa Daljir oo dhan,ma aha mid ka hadlaya magaalo,Gobol iyo Daw-lad Goboleed,waa mid ka hadlaya Soomaalida oo dhan,hade Barnaamij Todoba sano ka hor la sameeyay oo baxayay sanad kasta Bisha Rama-daan oo dadkii duubay laga yaabo inay Boqolkiiba Sagaashan Idaacad-da ka tageen,qofka hadda ka cowdaa farta iyo meesha Bugtaa iyagaa is ogSidaa waxaa yiri Tall Man.Agaasimaha guud Axmed Sheekh Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri Barnaamijku waa Wacyi gelin,waana sixitaan,haddii anna-ga oo wax saxayna uu khalad naga yimaado waa in la dulqaato,qof kas-ta wuxuu raba in sida ay la tahay looga dhigo,kaligaa lagu raali galin maayo,waxaan ka shaqaynaynaa waa danta guud.Inkasta oo ay wadaan daadal balaaran Laamaha amniga Puntland,hadana waxaa jira dhaliilo ay Bulshadu u tiirinayso oo ku saabsan in shaqa-doodu aysan gaarsiisnayn heerkii loo baahnaa,xilli Ciidankuna ay ka ca-banayaan Mushahar laaan.

  • 4 Wargayska UMMADDA Sabti 11 July 2015

    Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr markaasuu magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen.

    Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer bani kinaana ah markaasuu kani-isaddii tegey oo qibladeedii wa-sakheeyey. Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka xanaaqay wuxu-una goaansaday inuu kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ci-idan gaadhaya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo toban maroodi, maroodigii ugu weynaa-na isaga ayaa saarnaa. Abraha iyo ciidankiisii waxay soo socdaanba markay Makka ku soo dhow yihiin ayey geel Cabdimudhalib lahaa qa-bsadeen markaasaa Cabdimudhalib ergo ugu tegey isagoo doonaya in geeliisii loo soo daayo. Abraha wux-uu yiri: kacbadiinnii ayaan dumi-nayaa, adna geel baad dooneysaa! Cabdimudhalib wuxuu ugu jawaa-bey: geela anigaa leh, kacbadana Rabbi baa leh isagaan kaa difaa-canaya wuxu markaa Abraha yiri haddii aydan ila dagaallamaynin Makka isaga baxa qureyshna sidii ayey yeeshay, geeliina waa loo sii daayey Cabdimudhalib.

    Ka dib markuu Abraha soo gaaray togga Xasar ee Musdalifa iyo Mina u dhexeeya ayaa maroodigii istaagey oo diiday inuu u dhaqaaqo dhinicii kacbada, marka dhinaca kale loo jeediyana waa ordayey. Xaaladdu markey muddo sidaa ahayd ayaa Ilaahay markii dambe u soo diray shimbiro mid walba waddo saddex dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo labada lugood. Ninkii uu dhagaxaasi ku dhacana wuu googoayey oo wuu dhimanayey. Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada dhicin ee waxay ku dhacday intuu Rabbi u qaddaray, intii kalena waa carareen iyagoo isjiiraya. Ninkii Abraha ahaa isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca oo uu ku dhintay. Qureysh oo markii ciidanku yimid buuraha ku kala carartay, markeey Abraha iyo ciidankiisii waxa qabsaday arkeen ayey guryohoodii ku soo laabteen. Qisadan waxaa ka warrantay suura-tul-Fiil waxayna dhacday sannadkii uu Rasuulku SCW dhashay. waxaa-na loo bixiyay sannadkaas; sannad-kii maroodiga (Caamul fiil).

    QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB

    Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hur-da manaam loogu yimid lana am-ray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaam-kii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay.

    Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas car-ruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tiri: Cabdimudhali-bow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano. Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey ar-rinkaa oo wuxuu yiri: mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay. Muddo markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la goaansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka goeen markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan.

    Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu meeshay marayso iyo inay halis ku jiraan, meesha ay maray-aanna ay tahay saxaraa wax ka dhowna uusan jirin, ayuu ku yiri raggii jifadiisa ahaa nin walba qa-brigiisa ha qoto hana dul fariisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa. Sidii ayey yeeleen laakiin markay muddo joogeen ayaa Cabdimud-halib yiri ma wanaagsana inaan meeshan iska fadhino ee aan so-conno. Markuu hashiisii fuulay oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaad-day, biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeeray. Markay kulligood cab-been, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku yiraahdeen Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu xukumay, dib dambana Samsamka kugula doodi mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah bi-yaha kaa siiyey yaa Samsamkana ku siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee.

    Markaa ayuuu Cabdimudhalib wux-uu ku nadray in haddii Ilaahay to-ban wiil siiyo oo ay wada hona qa-adaan uu midkod Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco, halkaas ayaa markaas dib looga soo laabtay, meeshii markii hore loo socday.

    Cabdimudhalib markii Ilaahay to-bankii wiil siiyey oo ay wada ha-naaqaadeen ayuu isugu yeeray oo u sheegay nadarkiisii, markay ku wada raalli noqdeenna sanam-kii Huda ahaa ayuu ag geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay qorigii Cabdul-laahi oo ahaa wiilkii uu carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhi-naceeda la aaday si uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo u diiday inuu gowraco

    siiba abtiyaashiis reer bani makhsu-um, Cabdimudhalib wuxuu yiri sidee baan nadarkaygii yeelayaa, markaa-say kula taliyeen inuu aado habar wax sheegta. Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi magtiinnu waa meeqa? markaasuu ugu jawaabay toban halaad, ka dib ayey tidhi toban halaad iyo isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo baxaan gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku dar. Ka dib sidaa geela u kordhi oo hadba toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli noqdo. Cab-dimudhalib waa soo laabtay wuxu-una u qori tuuray toban halaad iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qoritu-urkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib geelii ayuu hadba toban ku darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdul-laahi illaa uu gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina ku dhacay geelii. Ka dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.

    Markaa wixii ka dambeeyey magtii qureysheed ee tobanka geelo ah ahayd waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna markuu yimid bo-qolkii ayuu u sugay, oo uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yiri: Anigu waxaan ahay ina labo gowrac oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.

    Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka ahba ka fahmeynaa sida qureyshu ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki iyo inxiraaf ga-lay, arrimo badanna waxay ku dhaa-meen dad badan oo maanta islaam-ka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga kaliya qoraal ama baaritaan laga sameeyo wax-aa tusaale inoogu filan sida markay dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi jireen ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen, nadarkana u oofin jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta islaamnimo sheegnaya aanan ar-rimahaas oo dhan laga wada he-laynin aysanna nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah.

    Cabdullaahi, oo sidaan soo sheeg-nayba ahaa nebiga aabbihiis, wax-aa hooyadiis la odhan jirey Faadu-mo bintu Caaid binu Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi wuxuu guursaday Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka dibna, Aamino oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo aadey Madiina, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Dadiisu waxay markaas ahayd 25 sano.

    Barnaamij Taxane ah:Akhriso Siiradii Rasuulka SCW.

    DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY KACBADA

    Qaybtii Kowaad Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse oo ahaa taliye ku xigeen-kii hore ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa sameeyay Ga-dood Ciidan,wuxuuna sheegay inuu ka gadooday Xaquuq laaan haysata Ciidamada Puntland,ka dib markii ay waayeen Mushaharkooda waa sida uu Saxaafadda u sheegay.Laakiinse dadka dhaliila Gen. Muxiya-diin ayaa u arka in hawshiisu aysan ahayn Gadood ee uu doonayo inuu di-ciifiyo Awooda Dawlada,talaabadana uu ku dhaqaaqay ka dib markii xilka laga qaaday isaga iyo Taliyihii Sirdoon-ka Puntland Cabdi Yare waa sida lagu dhaliile.23/Juun/2015-ka ayay ahayd markii Culumaaudiin iyo Waxgarad ay bilaa-been waawaan ay ku doonayeen in xal looga gaaro xaaladda Qarxis,halkaas oo ay isku horfadhiyaan Ciidamo uu hogaaminayo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Ciidamo ka tirsan Puntland.Inkasta oo waawaantu ay soo mar-tay marxalado kala duwan,hadana maalmihii ugu dambeeyay waxaa kaso baxay warar sheegaya innaan wali xal laga gaarin.5/Julay/2015-ka ayaa waxaa Madax-tooyada Puntland ee Garowe kulan ku yeeshay Ergada waawaanta waday iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Cab-diweli Maxamed Cali Gaas.Ergada ayaa Madaxweynaha uso jeedi-yay qodobo ay ka mid yihiin in Madax-weynuhu uu wada hadal toos ah la galo Gen. Muxiyadiin,hasa yeeshe wada hadalka ayaa natiijo laaan kuso dhamaaday,ka dib markii Madaxw-eynuhu uu dalbaday in Gen. Muxiyadiin iyo Cabdiyare ay Hubka iyo Ciidanka kuso wareejiyaan Dawlada..Wargeyska Ummadda ayaa todobaad-kan helay Xog ah in Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Isimo kale haw-sha la wareegen,ayna dib u bilaabeen waawaan.Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay inuu doonayo in xal laga gaaro xaaladda taagan. Annagu mar walba waxaan je-cel nahay inay wannaag wax ku dhamaadan,Xabad waan kaso hor-jeednaa in Ciidamada la iska horkee-no xal ma aha,cid kasta oo doonaysa inuu dagaal dhaco waa inay arrintaa ka waantowdoAyuu yiri Gen. Muxiyadiin.Mar uu ka hadlayay Hubka gacantiisa ku jira ayaa wuxuu yiri.Hubka Madax-weynaha uma hayo,Madaxweynuhuna Hubka ma leh,mana isku haysano,qodobka aan isku haysa-naa waa annagu dalka Xuquuq baan ku leenahay,waxaa dhacay Ciidanka Xuquuqdiisii ayaa la waayay,Ciidanka Mushahar ma leh,Guno ma leh,Raashin ma leh,Xuquuqda hala keeno iyo la keeni maayo ayuu Muranku ka bilow-day.Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa Eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Puntland oo ku eedeeyay inuu diidan yahay waawaanta.Madaxweynuhu mar walba isagaa waan-waanta diidanaaanagu mar walba waxan jecelnahay inay wanaag wax ku dhamaadaan, ma dooneyno inay xabbad wax ku dhamaadaan waa-na kasoo hor jeednaa ayuu yiri Muxi-yadiin.Waxaa muuqanaya innaan wali xal laga gaarin xaaladda Qarxis ayna taagan tahay muddo laba todobaad ah.Dadweynaha reer Puntland ayaa u arka

    Muranka Madaxw-eyne Gaas iyo Gen.

    Muxiyadiin waa Gacmo daalis!.

  • Sabti 11 July 2015 Wargayska UMMADDA 5

    Macahadka STRATFOR ee am-niga iyo istiraatiijiyada ee dalka maraykanka ayaa wux-uu faafiyay odoroska siyasadeed iyo dhaqale ee aduunka Tobanka sano ee fooda inaku soo haya ,isagoo ma-cahadku odoroskiisa ku dhisay xa-ladaha dhaqaale iyo siyasadeed ee calamku xiligaan ku jiro

    Sida warbixiinta STRATFOR ay tib-axaday Tobanka sano ee soo so-cota wuxuu aduunku ahaan doona mid khatar badan,marka laga eego dhinacayo badan, iyadoo ay wiiq-mi doonto awooda Maraykanka iyo dowaladaha waa wayn, calamkuna uu gali doon xaalad isku dhex yaaca iyo dib u dhac baahasan.

    Warbixiintu waxay kala qaaday xaaladaha calamka waxayna ku bilowaday ruushka.

    Ruushaka:-Dawlada Ruushka ayaa la sheegay in ay meesha ka baxayso, tasina ay keenayso kala qoqobnaan waawayn meeshana ay ka dhalanayso mamulo firirsan oo miidawaga ruushaka lay-irahado.

    Warbixiintu waxay sheegatay in cu-naqabataynada Midawaga yuurub uu saaray Ruushaka iyo hoos u dhaca qiimaha shidaalka, iyo burburka qi-imaha rubelka Ruushaka,iyadoo ay intaa weheliyaan kor u kaca dhaqa-alaha ku baxa ciidanka iyo khila-faadka ka jiira gudaha, waxay wi-iqaysaa awooda dowalada dhexe ay ku mamulaysay dalka aduunka ugu balaaran.

    Iyadoo taasi jirto ayay warbixintu sheegtay inuusan Ruushku u qayb-simayn dawlado yaryara oo badan, lakiin waxaa jilcaysa awooda mosko ilaa ay ka noqoto silsiilada maamul goboleedyo yar yar oo mid waliba u Madax bannaan tahay mamulkeeda, mamuladaasi waxay ahaanayan kuwo aan wax muwafaqa ahi dhex ooli doonin.

    Warbixintu waxay sheegtay .. inay malaynayso inay diciifi doonto awoo-da moosko ilaa xad, balse ugu dam bayn gacmo shisheeye oo qayb ku yeelan doona wiiqi taanka awooda Ruusha in ay meesha ka saarto xoo-gii badnaa ee Ruushka

    Si kastab ha ahate waxay warbixintu inta ku daraysaa sida ay u badinay-so inuusan Ruushku usaan ku wara-ayn jiritaanka sida uu hada yahayna uu saan ahaan doonin .

    Mushkilada ugu wayn uu ruushku ka tagayo waa ilaalinta hubka nukliyeer-ka ah, oo ku faafasan dhul juqraafi ahaan aad ubalaaran, hadaba ha-daay timaado burburka siyaasadeed ee rushka wax ay noqonaysa mush-kilada ugu waayn uguna khatarta badan ee caalamka haysata.

    Sidaa daraadeeda waxaa uu STRAT-FOR aminsan tahay in illaalinta hub-kaasi ay tahay mushkiilada ugu wayn qarnigan

    Burburka Ruushka waxaa la fili karaa in dawalda Marykanku ilaaliso dhis-mayasha, halkaana ay gayso ciida-mo si ay uu ilaaliso hubka nukliyeer-

    ka ah iyo warshadaha bacarimiinta yuraniyomka .

    Sida aay sheegtay SATRFOR washin-ton waxaay noqonaysa awooda qura ee awood uleh inaay in ay qayb ka qaatado ilaalinta warshadaha ba-carimiinta yuraniyomka hubka, hase ahaate maya yelanayso awooda aay ku hantido saldhigayada tirade badan ee ciidan, siida awageed waxa khasab ku noqonaysa mamulka maraykanku inuu hindiso xal lagu mareeyo ciidan ahaan kasiina uu adag yahay in hada lasaadaaliyo.

    Jarmalka:

    Mushakiilka jarmalka, warbixintu waxay tibaaxaday ku tirsanaanta dhaqaalaha jaramalku waxyaalaha uu dhoofiyo, iyo ka faaidaysiga daw-ladah qaniga xoriyada Ganacasi ee Qaaradaha ,iyo dhisiida midawaga yurub iyo lacagtiisa Yuurada, taasi waxay tahaay inuu jarmalku wax badan uu ku khasaarayo burbuka joogatada ee haysata lacagata Yuu-rada, waxaan intaa u dheer colaa-daha ku wajahan Yurub oo uu qayb ka noqonayo.

    Wax soosarka dalka gudihiisa iyo awood wax dhoofineed ee jarmalku masaacidi doonto Miisaniyadiisa, hoos u dhaca tirakoobka dadkana wax samayn wayn kuma yeelanayo dhaqaalaha waxaana ay keenaysa inuu fadhiid noqodo. Sida ay war-bixiintu sheegatay jarmalku waxa uu galaaya maraxalaad dibudhaca dhaqaale oo wayan .

    Warbixintu waxay timaantay inay Boolan ka mid noqonayso hogami-yaasha Qaarada Yurub sida ay sheeg-tay warbixintu,waxaa Warbixintu ay leedahay Boolaan mahaan mid aad u liidanaysa waayo waxaay noqonaysa xarunta dhaqaale iyo siiyasadeed ee ugu korimaha badan, sababtu-na waxay tahay inaysan boolan ku imaanayan hoosu dhaca dhanka tira-koobka dadka sida lasoo darsayasa dalal badaan oo ka mida Midawga Yurub sidaa darteed dhaqalaheedu hoosu dhaca kuma imaanayo sida wadamada kale, waxaan horumara muqdaa ka soo baxaaya wadamada dhaca xuduuda galbeeda ee Ruusha-ka, burbuurka moosko ku imanayana waxaa ka faaiidaysan doona wad-amada dhaqaale ahaan iyo siyaasa-da ahaan waxayna ku faafiin doonan awoododa mamul dhulka ruushaka, waxaa intaa sii dheer inaay boolan laleedahay xiriir istiratijiyadeed oo dheer maraykanaka.

    Qaybsanka Midawaga Yurub.

    Wuxuu uu Midawga Yurub ahaa awood tariikhiya oo aan la hor ista-agi karin, waxay ka saareen meesha dhamaan xududihii siyaasiga, ga-nacasiga iyo qawmiyadihii kala du-wana oo dawladaha u qaybasana, hase ahaate sida ay warabixintu sheegayso 10-ka sano kadib wuxuu Midawaga Yurub ahaanaya xasuus fog oo aan waqiga lajaan qaadi ka-rayan, waxaan uu umuqanaya mid u qayabsan Afar qaybood oo aad u kala aragti fog,waxayna kala yihiin; midawaga Yurubta Bari, Midawaga yurubta Galbeed,Midawaga wa-

    damada iskaandaneefiyanka iyo Midawaga jasiiraadaha Biritan, mana yeelanayaan afartaAsi qaybood xiriir fiican oo isku xiraya siidoodi hore.

    Warbixintu waxay saadaalisay inay suura gal tahay inuu jiiro Midawa-ga yurub balse waxaa qayb ka no-qonaysa xiriirada gaarka ah oo ay yeelanayan wadamada dhexadood dhanka dhaqaalaha iyo siyasada, dhanka difaaca, iyo ciidamada, ta-sina waxay noqonaysa mid wiiqda xiriirka Midawaga yurub,kana dhigta mid aan is fahmi Karin.

    Isgaashan buraysiga An-kara iyo washinton:Sida odororska STRATFOR uu tibax-ayo waxaa burburaya dawlado car-beed oo badan fawdada iyo xasilooni darada Bariga dhexana marnana dhamaan mayso wakhatiga dhaw, waxaana Turkiya noqonaysa mid ka faaiida buruburka, sababtuna ay tahay inuu turkigu yahay dal hay-sta daganasho siyasadeed, wax-aayna juqrAafi ahaan ku dherarasan tahay laga bilaabo bada madow il-Laa laga garayo xuduuda suuriya iyo cIraaq,inkAsta oo ay taasi jirto wax-aa turkigu iska fogeeyay dhamaan qulqulatoyinka siyasadeed ee ka jira gobolka sida ay warabixintu sheEgta-yana wuxuu turkigu noqonayaa mid daris la ah Maraykanaka ee aan ma-rana laga mAarmi karayan si uu uga qayb qaato ilaalinta amniga gobolka isago abaal marin u heli doona ka-cawinta maraykanku ay turkigu uga heli lahaa saladhigyo ciidan dalka ay dariska yihiin ee Armiiniya.

    Waxaa odoroska STRATFOR intaa ku daaraysaa in ay turkigu u baahi qa-bato marayka sababo siyasadeed iyo ciidanba, maraykankuna waxa uu ka filayaa turkiya in ay dagaala la gasho wakiilna ka tahay Maraykanaka ayna ka galaayn bariga dhexe balse wax uu maraykanku ku hanwayn yahay inaay ka wada shaqeeyan ilaalinta bada madow marKA ay dhacdo inuu burburo ruushku.

    Mushkilada wayn ee shii-naha:Sida ay sheegatay STRATFOR 10-ka sano ee soo socda waxay shiinuhu uu ahaan doonaa mid aad u adag, iyado ay garab socoto gaab ku yimaada korimaha dhaqaale ee dalkaas, ta-aso keenayasa in loo hanjabo xisbiga talada haya ee shuuciga.

    Hase ahaate xisbigu dhici maayo, waa sida ay warbixintu tibaaxday, taasina waxay noqonaysa in wada-da kaliya ee ay Xukuumadu haysato uu yahay in ay gacan bira dalka ku qabato kana hortagato fawadada, si iyga oo qura ay u noqdaan cida dalka ka arimiya korna ay u qaadaan xaaladda caburinta.

    Sida ay warbixintu tilamaantay khila-faadka sii kordhaya ee uu dhexeeya dhulka dhul xeebeedka iyo qaybaha kale ee gudaha dalka dhacaya waxay tilmaan u tahay inuu shiinuhu ku soo food leedahay khilafaad aan la ma-hadiin doonin.

    Waxay warbixintu intaas raacinay-saa in isqabqabsiga iyo burburka

    goboladu inuu keenayo in ay siyaas-adda fawadada sii socoto, waxaana uu mamulka Bijin ku khasabanaan doonaa inuu raro xarunta taliska iyo hantida una raro magaloyinka gu-daha dalka ku yaala , ka gadaal mar-ka ay Mucaradku qabsadeen maga-loOyinka xeebta dhaca.

    Jaban iyo ciidamadeeda bada:Jabaan waxay dhaqAale ahaan ku ti-irsan tahay ilLaa xad waxyalaha ay soo waarido, waxay la kulmi doonta mushakilad kaga imaanaysa dhan-ka Shiinaha, taaso aay keenayso cadawad xun ka gadaal marka uu shiinu la wareego bada shiinaha ee bari iyo waqooyiga Badawynta Hindi-ya.

    Xiliga hada la joogo jabaAn wuxuu ku tiirsan tahay Maraykanka si uu u illaaliyo xeebihiisa, lakiinse marka la eego feejignaanta Maraykanka iyo aragtida uu ku eegayo inuu dhex dabasho masharicad Ajaniga mus-taqbalka, iyo isagoon ku tiirsanayn waxyalaha laga soo waarido Jaban waxaa wajiib ku ah tookiyo in ay u diyar garowado dhisitaanka ciidam-adeeda bada sanadahan fooda inagu soo haya.

    Jaziiradaha shinaha:Waxaa Awoodaha waawayn ay isku racayaan tobanka sanno ee soo so-coda in is bahaysiga Jaziradaha dha-ca bada waqooyi ee shiinah, inaysan mudnayn in loo sameeyo kacdoono iyo iska horimaadyo ciidan, hase ahatee waxay mar waliba ahaanay-aan meelo xiisadi ka taagan tahay.

    Siida ay Warbixintu sheegtay marna kama dhici donaan jaziiradahaasi yaryar wax dagaala ama isku qabqa-bsi qadiyad wayna , iyado ay intaa dheer tahay inay awooda Ruushku ku ururi doonto oo qura inuu ilLaa-liyo danihiisa. Waxaase sii jitami doona is hayanta Jabaan iyo shiinaha iyago mid waliba kan kale ka horta-ganan doono inuu la wareego gacan ku haynta jaziiradahaa, waxaanse marana dhici doonin wax iska hori-maad ciidana.

    Shiinaha:Lix iyo Tiban Dawladood.Waxaa hoos u dhac ku imanaya dhaqaalaha shiinaha waxaa hoos u dhacaya awooda wax soo saar, ta-aso keenaysa in ay haajiran dadka shiinuhu, waxaana samaysmaya 16 dawaladood oo dhaqaale soo koraya, tirakoobka dadkooduna uu noqonaya 1.15 bilyon. Hoos u dhaca dhaqaale ee shiinuhu wuxuu raad Siyasadeed iyo mid dhaqaale oo aan la saadalin karin ku yeelanayaa wadamada ka laha , Makasisko, nikarguwa, jum-huriyada dimunik, biirow ,ItoObi-ya, Uugaandha, keenya, tanzaniya, bangaladhesh, minmaar, sirilanka, waalos, fiitnaam, Fiilibiin, Induniisi-ya oo iyadu laga yaabo inay ka soo kabato dhaqAale ahaan mudada 10-sano ah iyadoon kor ay u kacayAan fursadaha shaqo ee warshadaha.

    Sadaasha Muuqaalka Caalamku yeelanayo Tobanka sano ee soo socota.

    W/Q:Saadiq Qayrab

  • 6 Wargayska UMMADDA Sabti 11 July 2015Taariikhda CABDULLAAHI BINU CABBAAS oo

    ka mid ahaa Saxaabada Rasuulka SCW.Waa maqaalo taxane ah oo aan kusoo qaadanayno nolosha saxaabada Ridwanulahi calayhi

    Cabdullaahi Binu Cabbaas wax-ay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabi-gii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee quraanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu dada yar oo wuxuu dhashay 3 san-no ka hor hijriga, markii uu Rasu-ulka (scw) dhintayna waxay dadiisu ahayd 13 jir. Sidaas oo ay tahay wuxuu Cabdul-laahi binu Cabbaas ka xafiday Ra-suulka (scw) 1660 xaddiis oo ay Imaamyada Bukhaari iyo Muslim ay ku sugeen kutubtooda. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee markii uu toddobo (7) jir-ka ahaa wuxuu u adeegi jiray Rasuulka (scw) sida marka uu doonayo Salaadda oo uu u diyaariyo weysada iwm. Marka uu Rasaalka (scw) galayo sa-laadda wuxuu ku tukan jiray Rasu-ulka gadaashiisa. Nebiga aad ayuu u jeclaan jiray la jirka iyo la joogista Cabdullaahi Binu Cabbaas, saa dart-eed wuu raaci jiray kolka uu Rasuulka qabanayo safar. Cabdullaahi wuxuu ahaa saxaabi uu Illaah ku mannay-stay xikmad iyo aragti xeel dheer. Arrinkaana waxaa ugu duceeyay Ra-suulka, oo wuxuu Illaah uga baryay inuu siiyo xikmad, Illaahna wuu ka aqbalay ducada Nebigiisa. Xikmaddii Cabdullaahi iyo dooddii Khawaari-jta:Waxaan hal tusaale ka soo qaadan-aynaa mid ka mid ah xikmadihii Cabdullaahi Binu Cabbaas. Markii qaar ka mid ah raciyadii iyo asx-aabtii Cali Binu Abii Dhaalib (rc) ay ka madax taageen amarkii Cali ee la xiriiray khilaafkii isaga iyo Mucaawi-ya dhexmaray ayaa wuxuu Cabdul-laahi Binu Cabbaas ku yiri Cali: Ami-irkii muminiintoow maad ii fasaxdid si aan ula soo hadlo oo markaa aan soo dhageysto waxay leeyihiin. Cali ayaa ku yiri: waan kaaga cabsanay-aa. Cabdullaahi ayaa u celiyay wax-aan ahay nin leh akhlaaq suubban oo aan cidna dhibin, sidiina ayuu ugu tagay. Markii uu u yimi khawaari-jtii waxay weydiiyeen sababta uu u yimid, wuxuuna u sheegay inuu doonayo inuu wareysto. Qaar ka mid ah ayaa soo jeediyay in-aan lala hadlin, qaarna waxay yiraah-deen la hadla. Wuxuu yiri waxaan weydiiyay sababta ay ula dagaal-amayaan Rasuulka Alle (scw) ina ad-eerkii, marna uu u yahay sodog sidoo kalena ka mid ah qof rumeeya Rasu-ulka kii ugu horeeyay. Waxay yiraah-deen waxaan ku haysanaa saddex qodob. Waa tan koowaade waa isagii oo xukunkii Islaamka siiyay dad gaar ah. Waa tan labaade wuxuu la da-gaalamay Caaisha (rc) iyo Mucaawi-ya, mana ka qaadan qaniimooyin oo ma qabqabsan dumarkiina. Tan sad-dexaad wuxuu ogolaaday inaanan la oran Amiiral muminiin iyadoo ay muslimiinta oo dhammi u doorteen magacaas. Markii ay dhammeysteen hadalkoo-da, ayaa Cabdullaahi Binu Cabbaas

    ku yiri: Ka warama haddii aan idin-ku dul aqriyo aayado quraan ah iyo axaadiista Rasuulka (scw) ma ka noqonaysaan waxaad hadda ku sugan tihiin?. Waxay yiraahdeen: Haa. Haddaba, Cabdullaahi Binu Cabbaas ayaa ka jawaabay qodob-koodii koowaad ee ay ku haysateen Cali ee ahaa oraahdoodii ahayd in uu Cali uu siiyay xukunka dad gaar ah, wuxuuna Cabdullaahi arrintaa ugu jawaabay oraahda Alle (sw) ee leh: U dira xaq soore ehelkiisa ah iyo xaqsoore ehelkeeda ah.. Suuradda Al-Nisaa aayadda 35. Wuxuu Cabdul-laahi weydiiyay kooxdii suaashan ah:Illaah baa idinku dhaariye ma waxaa fadli badan xukunka ninka iyo afadiisa iyo addoonka mise xukunka ummad dhiiggeeda la badbaadinayo, dhaawaceedana la dhayayo? Waxay yiraahdeen khawaarijtii haa oo wax-aa fadli badan xukunka ummadda. Arrinta kale ee la xiriirta inuu Cali la dagaalamay Mucaawiya iyo Caaisha, laakiinse uusan addoon-san dumarkooda isla markaana qa-niimaysan maalkooda. Cabdullaahi wuxuu weydiiyay suaashan ah: Ma waxaad banaysan lahaydeen hooy-idiin Caaisha iyo wixii aad dumarka kale ka banneysateen, haddaad ti-raahdaan haa waad gaalowdeen, sidoo kalena haddaad tiraahdaan ma aha hooyadeen iyadana waad gaaloowdeen oo waxaad ku kufri-seen aayadda uu Alle ku oronayo: Nebiga ayaa uga roon (turid badan) Muminiinta naftooda, haweenkiisu-na waa hooyooyinkoo. Faaiidadii iyo midhihii ka soo baxay kulankii Cabdullaahi Binu Cabbaas uu la yeeshay khawaarijta ayaa wax-aa ka mid ahayd in tiro aad u badan oo ka mid ah khawaarijta ay ka soo laabteen khilaafkoodii iyo madax ta-agoodii ay ka madax taagayeen am-arka Cali (rc), kuwaasoo tiradooda gaarayay ilaa labaatan kun (20.000) oo qof, halka kuwa kale ee ku adkey-stay khilaafka Cali ay gaarayeen ti-radooda 4 kun oo keliya. Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu ahaa kii aad u qaddariya oo u weyneeya doonista barashada waddada cilmiga. Intii uu Rasuulka (scw) ifka saar-naa wuxuu Cabdullaahi cilmiga ka biyo cabbi jiray Rasuulka (scw), hase ahaatee kolkii uu Rasuulka (scw) haleelay saaxiibkii sareeyay waa Allee wuxuu u jiheestay xagga saxaabada culumadeeda isagoo ka baranayay aqoonta iyo barashada diinta Islaamka. Cabdullaahi Binu Cabbaas isagoo ka hadlaya sidii uu u dalbi jiray waddada cilmiga wuxuu yiri: haddii aan maqlo nin ka mid ah asxaabta Rasuulka (scw) waxaan aadi jiray iridka gurigiisa wakhtiya-da duhurka kolkaasaan barkan jiray goa aan wato, annigoo seexan jiray albaabka agtiisa, haddii aan doonana waxaan weydiisan jiray inaan u soo galo guriga oo markaa wuu ii fasixi jiray, wuxuu i weydiin jiray sababta aan ugu imid, markaasaan ku oran jiray inaan ka aqoon kororsado, waayo cilmigu waa loo tagaa ee is-agu iskama yimaado, dabadeedna waxaan weydiin jiray xaddiiska aan doonayo inaan ogaado.. Sidaa ayuu uugu weynaa cilmiga Cabdullaahi Binu Cabbaas (rc) oo wuxuu u huri jiray helista barashada cilmiga. Sida uu Cabdullaahi u qaddarin ji-ray barashada cilmiga ayaa misna

    u weynayn jiray culumada aqoonta u leh Islaamka. Matalan hal tusaale haddaan ka soo qaadano arrintaas, waxaa la ogsoon yahay in Zeyd Binu Thaabit uu ahaa qoraagii Waxyiga, dhinaca kale wuxuu ahaa kan ugu aqoonta badan magaalada Madiina marka laga hadlayo cilmiga garsoor-ka, fiq-higa, qiraaada (akhrinta too-san ee tajwiidka) iyo cilmiga dhax-alka. Haddaba, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Saxaabiga la yiraahdo Zayd Binu Thaabit oo doonaya inuu fuulo ratigiisa ayaa waxaa is hor istaagay Cabdullaahi Binu Cabbaas oo doonaya markaas inuu hogaanka u qabto ratigii uu saarnaa. Markaa ayaa Zeyd ku yiri: faraha isaga qaad kii ay Rasuulka (scw) ay ilmo adeerada ahaayeene. Cabdullaahi ayaa yiri: Sidan oo kale ayaa nala faray inaan u wanaajino culumadee-na. Zeyd ayaa isna yiri: ii soo laac gacantaada. Cabdullaahi wuxuu u fidiyay gacantiisa, dabadeedna Zeyd ayaa dhunkaday gacantii Cabdul-laahi isagoo leh: sidatan ayaa nala faray inaan ula dhaqano Aalu-beytka Nebigeena (scw). Cabdullaahi Binu Cabbaas wuxuu caado ka dhigan jiray doonista iyo dalabka cilmiga ilaa uu meel sare ka gaaray. Masruuq Binu Ajdac oo ka mid ah madaxda Taabiciyiinta (ar-daydii saxaabada) ayaa mar uu ka faaloonayay Cabdullaahi Binu Cab-baas wuxuu yiri: Haddaad arag-to Cabdullaahi waxaad ogaanay-saa inuu yahay ninka ugu quruxda badan, hadduu dhawaaqaana waa ninka ugu fasaaxad badan xagga hadalka, marka uu sheekeenayana waxaad ogaanaysaa inuu yahay nin-ka ugu cilmi badan. Cabdullaahi markii uu dhammeystir-tay waxbarashdiisa diinta, ayaa waxa uu bilaabay inuu dadka baro diinta. Guriga Cabdullaahi wux-uu isu baddelay Jaamacad ay ka soo baxaan Muslimiinta. Haa, waa Jaamacad marka dhinac kasta laga eego. Waxaynu ognahay in jaamaca-daha maanta ay dhigaan macalimiin fara badan oo kala duwan, kuwaa-soo dhiga maadooyin kala duwan. Hase ahaatee Jaamacadda Cabdul-laahi waxaa dhigayay Cabdullaahi oo keliya, iyadoo maadooyinka cilmiga ay kala duwanaayeen. Mid ka mid ah ardayda dhigtay jaamacaddaas ayaa yiri: waxaan arkay fadhiga ama xalqada Cabdullaahi oo haddii aad Qureysh oo dhan ay ku faani la-hayd ay u noqon lahayd faan, wuxuu yiri waxaan arkay dadkii oo buuxiyay gurigiisa ilaa ay meeshu ka ciriirsan-to, waxaan u talaabay ilinka guriga Cabdullaahi, dabadeedna wuxuu igu yiri waxaad ii soo dhigtaa biyo aan ku weyso qaato, wuu weyso qaatay ka dibna wuxuu isu diyaariyay inuu ka jawaabo suaalaha kala duwan ee ay dadka weydiinayeen. Cabdullaahi Binu Cabbaas Allaha ka raalli noqdee wuxuu dunida kaga tagey cilmi, faham, dhowrsanaan iyo xikmad xeel dheer. Markii uu dhintay Cabdullaahi Binu Cabbaas dadiisu waxay ahayd 71 sanno. Waxaa jana-asada Cabdullaahi ku tukaday Mux-ammed Binu Al-Xanafiya oo uu dha-lay Cali Binu Dhaalib (rc), saxaabo iyo taabiciyiin fara badan. Illaah ha weyneeyo abaal marinta Cabdullaahi Binu Cabbaas aamiin

    Wararka aanu ka helayno Gobol-ka Gedo ayaa sheegaya inay jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaqdhaqaaq Ciidan ka wada deegaano ka tirsan Gedo,kuwaas oo doonaya inay qaadaan Guluf Weerar oo ay kula wareegayaan degmada Baardheere oo ay gacanta ku hayaan Ururka Shabaab.Baardheere ayaa ah degmada kaliya ee ay gacanta ku hayaan Shabaab eek u taala Gobolka Gedo,waxaana Cii-damada Itoobiya weheliya Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland.Warar aanu ka helnay Ilo lagu kal-soonaan karo ayaa xaqiijinaya in Cii-damada Itoobiya ay u jihaysteen deg-mada Baardheere,waxaana maalmihii ugu dambeeyay la arkayay Ciidamada oo socod ku maraya deegaano kaabi-ga ku haya Baardheere.Madaxweyne ku xigeenka Daw-lad Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Far-taag oo la hadlay Warbaahinta gudaha,ayaa sheegay in Jubbaland ay Shabaab ka saari doonaan deg-mada Baardheere,wuxuuna xu-say in hawlgalka ay ku doonayaan inay kula wareegaan Baardheere ay iska kaashanayaan Ciidamada Amisom,Jubbaland iyo Dawlada Fed-eraalka Soomaaliya. Shabaab Waa laga Ciribtirayaa Gedo taako ka mid ah laguma arki doono,haddii markii hore afka laga sheegi jiray ma aha kii hore,way soo dhaaftay,waad aragtaan dhaqdhaqa-aqa ka socda Gedo,haatan dhabtii ayaa loo dhacay.Ayuu yiri Madaxw-eyne ku xigeenka Jubbaland.Wuxuu intaas ku daray.Meel ay joo-gi doonaan ma jirto,marka Neefka la Gowraco lugaha dambe ayuu ka raftaa marka waxay ka Rafanayaan Lugaha dambe,waxay galaafan karaana waa galaafanayaan,laakiin waan soo afja-raynaa.Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Far-taag ayaa sheegay in hawlgalka uu saamayn doono dhamaan Dhulka ka maqan gacanta Jubbaland,hasa yeeshe qorshaha kowaad uu yahay degmada Baardheere.Dhulka Jubbaland oo dhan ayaa lag-ala dagaalami doona,hadda qorshuhu waa Baardheere,halkaas degmo ahaan ayay u joogaan,mar haddii Wadadaas la xiro waxay noqonayaan Shimbir Mudul loogu soo galayAyuu yiri.Ma jirto xiriir Siyaasadeed oo u dhexeeya Jubbaland iyo Fedefraalka,waxaana Ciidamada Dawlada Soomaaliya ay ka mid yihiin Ciidamda dhaqdhaqaaqa Ciidan ka wada Gobolka Gedo,hadaba Saxaafadda ayaa waxa ka waydiiday Madaxda Jubbaland sida ay u wada shaqaynayaan Dawlada Soomaaliya mar haddii u xiriirku goan yahay.Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo arrintaas ka jawaabaya ayaa wuxuu sheegay in arrimaha Ciidamada aysan ka mid ahayd Siyaasadda,hasa yeeshe uu jiro xiriir laaan wada shaqayn oo ka dhaxaysa Dawlada Federaalka iyo Jubbaland,kuwaas oo xiriirkoodu uu goay ka dib markii Baarlamanka Soomaaliya uu diiday Sharci ahaan-shaha Baarlamanka Jubbaland.

    Gedo:Jubbaland oo doonaysa inay dagaal ku qaado Ururka Shabaab.

  • Sabti 11 July 2015 Wargayska UMMADDA 7Bogga Cayaaraha Qubanaha Cayaaraha ka dheego Wargayska Ummadda

    Wararka ugu dambayey ee Kooxda Barcelona.

    Kooxda Barcelona ee dalka Spain ayaa waxaa maamahaan ay ku jirtaa sidii ay u dooran lahayd Madaxwayne cusub,kaasi oo kooxda hogaamin doonta xili-cayaareedyada soo foolleh.Dorashadan ayaa ah mid dhowrkii sanoba mar la qabto waxana ay sanadka leedahay xiiso gaar ah,maadaama madaxwayha hada ta-lada haya kana mid ah musharixiinta uu kooxda kula guulaystay koobab badab oo waxku ool ah.Doorashada oo ku qorshaysan in ay dhacdo 18-ka bishaan aynu jirno waxaa u tartami doona 4 musharax oo kala ah:1. Josep Mara Bartomeu2. Joan Laporta3. Agust Benedito4. Toni FreixaWaa kuma Saxiixii ugu fi-icnaa Xagaagan oo ay soo qaadatay Bacelona?Xidiga khadka dhexe ee xulka qa-ranka Turkiga arda Turan ayey ku dhawaaqaday kooxda Barcelona saxiixiisa, Arda Turan ayaa ayaa ugu wareegay kooxda Barcelona aduun lacageed oo dhan 34 Milyan oo euro. Arda Turan ayaan muddo lix bilood ah kulan rasmi ah u safan karin ko-oxdiisa cusub ee Barcelona, laakiin Turan ayaan taas wax dhibaato ah u arkin wuxuuna sheegay in aanu Barcelona ugu soo biirin inuu muddo lix bilood ah u ciyaaro balse uu shan sano kooxda u saxiixay sidoo kalena uu doonayo inuu koobab kula guu-laysto.Arda Turan ayaa Barcelona u buuxin doona booxkii uu Xavi Henan-dez ka baxay isaga oo khadka dhexe kala ciyaari doona Iniesta ama Rakit-ic. Arda Turan oo ugu horayn ka had-laya halka uu ka soo jeedo iyo waliba ku soo biiristiisa Barcelona ayaa yi-dhi: Qof kasta oo aduunka ahi waxa uu ka soo jeedaa goob, anigu wax-aan ka imid qayb yar oo ka mid ah Turkey si aan ugu ciyaaro kooxda aduunka ugu fiican. In aan awoodo sidii aan Barcelona ugu ciyaari lahaa waa riyo ii rumawday. Ciyaartoyda oo dhami waxay jecel yihiin inay ku ciyaan Camp Nou, waana garoonka ugu fiican ee aan abid ku ciyaaray. Arda Turan ayaa Barcelona kaga soo biiray dhinaca kooxda Atletico Ma-drid laakiin Arda Turan ayaan kooxda Barcelona u ciyaari karin ilaa January 2016 markaas oo ay FIFA xayiraada suuqa ka qaadi doonto kooxda Bar-celona, laakiin Turan ayay taasi ka

    hor joogsan inuu Barcelona ku soo wareego Turan oo arintaa ka hadlaya ayaa yi-dhi: In aanan ciyaarin waqtigaas oo dhami waa dhibaato, laakiin umaan iman in aan lix bilood ciyaaro, laaki-in waxaan Barcelona umid in aan koobab kula guulaysto muddo shan sano ah. Arda Turan ayaa kooxda Atletico Madird kula guulaystay koobab muhi-im ah oo ay ku jiraan koobabka La ligaha, Copa Del Rey, Spanish Super cup, EUFA Super Cup iyo waliba isaga oo la soo gaadhay finalka Champions Leaque-ga. Laakiin Turan ayaa doonaya inuu Barcelona kula guulaysto Champions Leaque-ga wuxuuna yidhi: Waxaan doonayaa inaan koobab badan ku guulaysto.Xaqiiqdii waxaan doon-ayaa inaan ku guulaysto Champions leaque-ga oo ah koobka kaliya ee aanan ku guulaysan oo aan doonayo inaan koobabkayga ku darsado.Arda Turan ayaa isniintii telfoonka kala hadlay tababaraha kooxda Bar-celona ee Luis Enrique oo isagu ka danbeeyay in Barcelona ay la soo wareegto Turan, laakiin xidiga heer caalami ee ree Turkey ayaan wax dhibaato ah u arkin booska uu Bar-celona uga ciyaari doono. Wuxuuna Arda Turan oo arintaa ka hadlayaa yidhi: Wax dhibaato ah malaha booska aan ka ciyaari doo-naa, waxaan doonayaa inaan teamka la qabsado, inaan barto ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay iyo inaan koobab ku guulaysto, waxaan ka ci-yaari doonaa halkii layga ciyaarsiiyo. Kulamada ay Cayaareyso Xagaaga kooxda Barce-lona.

    Barcelona waxa ay la cayaaraysaa bishaan gudeheeda dhawr kooxood oo waawayn,cayaarahaas oo ah u di-yaargarowga xili cayaareedka cusub.Bishaan July 22 keeda waxa ay la cayaaraysaa kooxda Los Angeles Galaxy.Isla bishaan July 25 keeda waxa ay la cayaarayaan kooxda Manchester united.Halka kooxda horyaalka England ha-ysata ee Chelsea ay la cayaari doonto 29-july,inta aanu furmin horyaalada Europe.

    Kooxda Real Madrid oo heshiiyada u kordhinaysa qaar

    ka mid ah Cayaatoydeeda laf-dhabarta ah qaar

    kalena fasaxday.

    Kooxda Real Madrid ee ka dhisan caasimadda dalka Spain ayaa asbuucaan qanda-raaska u kordhisay cayaartoydeeda qaar,kuwaas oo ay u aragto in ay muhiim u yihiin kooxda.

    Cayaartoyda heshiisyada u kordhiy-ey kooxda waxaa ka mid ah Car-vajal oo ka cayaara difaaca Bidix ee kooxda iyo Marcelo oo isna ka cayaara difaaca midig.

    Real Madrid oo dhowaan cayrisay tababareheedii hore Carlo Anceloti ayaa mudadaan dame la daalaad-hacaysa khilaafaad soo kala dhex-galay maamulka kooxda iyo qaar ka mid cayaaryahanada kooxda oo uu ugu horayo laacibka difaaca uga cayaara ee Sergio Ramos.

    Sergio ayaa dhowaan dalbaday inuu kooxda ka tago kadib markii ay ismaan dhaafeen madaxway-naha kooxda Real Madrid Florentino Perez,khilaafkaas oo ugu dambayn-tii keenay in kooxda laga fasaxo laacibkeeda difaaca dame.

    Real ayaa doonaysa in ay buuxiso booska uu banaynayo Sergio in ka horaysa bilowga xili-cayaareedka cusu,waxana ay doonaysaa difaaca kooxda Arsenal ee Fermeline,kaasi oo dhowaanahaan lahadal hayey inuu ka huleelayo kooxda Arsenal iyo garoonka Fly Emirates.

    Dhanka kale waxaa soo gab-agaboobay heshiiskii Real iyo Porto,kaasi oo dhigaayey in laacib-ka waaya araga ah ee Real Madrid Iker Casillas uu ku biiro kooxda ka dhisan dalka Portugal ee Porto.

    Wada-hadal labo-geesood ah oo saacado badan qaatay ayaa ugu dambayntii laysku afgartay in iker uu ku biiro kooxda Porto heshiis ku astaysan mudo labo sano ah.

    Xaalada Casillas ayaa circa isku shareetay kadib markii kooxda Real

    Madrid ay diiday inuu ku biiro koox-da Porto,taasi oo ay sabab uga dhi-geen in heshiiska uu kooxda kula jiro aysan dhamaan,kooxda Porto-na aysan diyaar la ahayn dhaqaale lagu jebin karo heshiiskiisa wallow oo ay gadaal ka ogolaadeen kooxda ka dhisan dalka Portugal ee Porto.

    Casillas waa gool-hayihii kowaad ee kooxda mudo dheer waxana uu la qaaday intii uu ka tirsanaa kooxda 18 koob oo kala duwan,waxana uu kooxda kusoo biiray asaga oo aad u Daa yar.

    dhanka kale waxaa kooxda Real Madrid ayaa wadahadal meel fiican maraya waxa uu usocdaa Laacibka difaaca ka cayaara ee reer Barazil iyo kooxda Porto.

    waxaana la filayaa inuu saacadaha soo socda la filayaa inuu qalinka ku duugo heshiis dhamaystiran.

    Kulamadda Diyaar-garow-ga Xili-cayaareedka ay Real Madrid yeelan doon-to:Kooxda Real Madrid oo aan qaa-din wax koob ah xilicayaareedkii dhamaaday ayaa bishan galaysa diyaargarowgii xagaagan.

    kooxdu waxa ay is arki doonaan cayaaro saaxiibtimo kooxaha kala ah:

    1.kooxda Roma ee ka dhisan dalka Itely waxana ay cayaaray-aan habeenimada ay taariikhdu ku aadantahay 18-bishaan July.

    2.cayaarta labaad waxa ay la cayaarayaan kooxda Manchester city ee dalka egland,waxana uu kulankaasi ku qorshaysan yahay 24-bishan July.

    3.halka kooxda Inter ay la cay-aarayso 27-bisha ka hor inta ka

  • 8 Wargayska UMMADDA Sabti 11 July 2015

    Bogga Xayaysiiska