ma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto oo …...“Waxa ugu weyn ee aad qof kale u qaban karto...

3
“Waxa ugu weyn ee aad qof kale u qaban karto ma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto oo aad wax ka siiso, ee waa inaad isaga u sheegtaa hodantinimadiisa gaarka ah ee uu leeyahay.” – Benjamin Disraeli

Transcript of ma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto oo …...“Waxa ugu weyn ee aad qof kale u qaban karto...

Page 1: ma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto oo …...“Waxa ugu weyn ee aad qof kale u qaban karto ma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto oo aad wax ka siiso, ee waa inaad isaga

“Waxa ugu weyn ee aad qof kale u qaban kartoma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto ooaad wax ka siiso, ee waa inaad isaga u sheegtaahodantinimadiisa gaarka ah ee uu leeyahay.”– Benjamin Disraeli

Page 2: ma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto oo …...“Waxa ugu weyn ee aad qof kale u qaban karto ma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto oo aad wax ka siiso, ee waa inaad isaga

TUKISATAMA WAA urur bixiya adeegyo la xiriira arimaha bulshada. Adeegyada aan bixino waxaa ay ka kooban yihiin howlo caawimaad oo si shakhsiyan ah loogu fidinayo qofka, adeegyada qoyska iyo talo bixin, taasoo ay ku siinayaan dad howshaas ku takhasusay. Ujeedada ururku waa in uu ka caawiyo dadka ajaanibta ah ee wadanka u soo guurey dhibaatooyinka iyo caqabadaha kala duwan ee ka heysta xagga la qabsiga wadanka. Qoysasku iyagoo kaashanaya adeegyada u gaarka ah ee aan u fidineyno, ayey waxay naga helayaan caawimaadda ugu wanaagsan ee wax ka qabashada dhibaatooyinka heysta, waayo waxaa nalaga helayaa dad ku hadlaya hadba luqadda loo baahan yahay, aqoon iyo garashana u leh dhaqanka iyo diinta.

DHAMMAAN SHAQAALAHEENA waa kuwo leh xirafadda arimaha bulshada iyo caafimaadka. Intaa waxaa dheer in aan khibrad ballaaran u leenahay howlaha shaqada ee ku saabsan arimaha dhalinyarada iyo dadka ajaanibta ah ee wadankan u soo guurey. Shaqaalaheenu waa kuwo ka soo jeeda dhaqamo kala duwan,islamarkaana fahmaya dhibaatoyinka bulshadan Finland dhexdeeda ku heysta dadka ajaanibta ah ee wadanka u soo guurey.

ADEEGA WAXAAN ku bixinaa luqadaha kala ah: Finish, Ingiriis, Somali, Dari iyo Carabi.

Howl caawimaad oo uu kuu qabanayo shakhsi xirfad u leh

SHAQADA QOFKA caawimaadda bixinayaa waa mid qofka kuu qabanayaa uu goobjoog yahay, si qalbi furnaansho ahna u dhegeysanaaya qofka dhalinyarada ah, islamarkaana ugu caddeynaaya xaaladaha nolosha. Shaqaalahayagu waa dad waaweyn oo amni aad ka heleyso, kuwaasoo loola kulmayo si joogto ah. Shaqadeenu waxaa ay ku wajahan tahay dhalinyarada ajaanibta ah ee dadka wadankan u soo guurey, waayo waxaa iyaga heysta arimo saameyn ku yeelanaaya xakameynta naftooda. Arimahaas waxaa ka mid ah tusaale ahaan:

dhibaatooyinka arimaha bulshada, iyo caqabadaha ka dhalanaya labada dhaqan dhexdooda ee la xiriira dhinaca wax is dhaafsiga ama la dhaqanka dadka kale iyo koritaanka.

Shaqaalaha Tukisatama waa kuwo fahmaya halka uu ka soo jeedo dhaqanka qofka dhalinyarada ah, taasoo suurtagal ka dhigeysa in uu helo caawimaad. Dadka caawiyayaasha ah waxaa ay qofka dhalinyarada ah ka caaawinayaan arimaha ku saabsan koritaanka iyo horumarka, taasoo ay u qabanayaan howlo kala duwan oo xagga nolol-maalmeedka la xiriira, sida dhibaatoyinka xagga iskuulka iyo in ay ka qaybqaataan howlaha dhinaca hiwaayadda.

Shaqo xirfadeedka howlaha caawimaadu waa kuwo loogu tala galay dadka macaamiisha ah ee da’doodu u dhexeyso 7–21 jir. Wada xirirka shaqadan caawimaad ee qofka loo fidinayo inta uu qaadanayo waa mid isbed-bedalaaya, waxaana uu u dhexeeyaa dhowr bilood illaa iyo laba sannadood. Shaqaaluhu waxaa uu qofka dhalinyarada ah ula kulmayaa hadba sida ay ku heeshiiyeen, kaasoo ka kooban hal illaa saddex goor todobaadkiiba. Howsha waxaa loo qiimeyn doonaa si joogto ah, wada xiriirkan shaqana waxaa uu si degdeg ah u dhammaanayaa, markii aaanay jirin wax baahi ah oo danbe.

Shaqada qoyska ee loogu talagalay dadka wadanka u soo guurey

SHAQADA QOYSKA ee loogu talagalay dadka wadanka u soo guurey waxaa muhiim ah in ay noqoto mid ku haboon caadooyinka iyo dhaqamada kala duwan. Marka qofka ajnabiga ah ee wadanka u soo guurey lala yeelanyo wadashaqeynta waxaa xoogga la saarayaa muhiimadda shaqada qoyska oo ah mid nidaamsan. Shaqada qoyska ee nidaamsan, taasoo ku dhisan wax isdhaafsi iyo howl loo qabanayo qofka macmiilka ah, waxaa marka la qabanayo laga duulayaa in ay noqoto mid ku wajahan qoyska oo dhan iyo wacyigelinta degaanka.

Waxa ugu muhiimsan waa hubinta iyo la socodka xaaladda reerka, iyadoo sidoo kale si gaar ahaaneed loo wajihi doono qaabdhismeedka xiriirka u gaarka ah ee iyaga u dhexeeya. Waxaa halkan xoogga la saari doonaa warbxinta xagga dhaqanka iyo muhiimadda ay leedahay fahmida caqabadaha gaar ahaaneed ee heysta dadka wadanka u soo guurey, waana sababta keentay in dhammaanba shaqaalaha Tukisatama ay yihiin kuwo xirfad u leh arimaha bulshada, islamarkaana ka soo jeeda dhaqamo kala duwan. Waxaana ay awood u leeyihiin in ay shaqadooda uga soo baxaan qaab wax u sheegis ah iyo mid wax qabad ahaaneedba.

Warbixin ku saabsan Tukisatama

Page 3: ma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto oo …...“Waxa ugu weyn ee aad qof kale u qaban karto ma ahan in aad hodantinimadaada la wadaagto oo aad wax ka siiso, ee waa inaad isaga

Kornetintie 4 A, 00380 Helsinki0400 258 201

[email protected] www.tukisatama.fi

”Aspire to make a difference.”