ABOUT THE AUTHOR - ZED Books · iyo arrimo kale oo badan oo u baahan in la qoro oo la tebiyo, iyo...

362
1 ABOUT THE AUTHOR QORAAGA BUUGGA Mary Harper, qoraaga buuggani, waa suxufiyad ka tirsan BBC-da oo ku takhasustay wax-ka-qorista arrimaha Afrika. Waxay wax badan ka qortay, kana warrantay Somalia,laga soo bilaabo dagaalladii sokeeye ee 1991-kii, iyo meelaha kale ee xiisadaha iyo dagaalladu ka taagan yihiin Afrika. Maqaalado badan oo ay qortay Mary Harper ayaa lagu soo daabacay jaraa'idka ay ka midka yihiin the Economist, The Times iyo Washington Post. Waxay shaadooyin sare oo jaamicadeed amma Digriiyo ka kala qaadatay Jaamicadda Cambridge iyo Machadka Daraasooyinka Bariga iyo Afrika ee ku yaal London(the School of Oriental and African Studies, London). Mary Harper waxay ku hadashaa waxna ku qortaa afafka Ingiriisiga iyo Faransiiska. Waxa kale oo ay ku hadashaa af-Boortaqiiska iyo afka loo yaqaan Wolof oo ah af Afrikaan, inta baddanna lagaga hadlo dalka Senegal. Cunwaankeeda bogga Website-ka ee Internet-ku waa:<www.maryharper.co.uk>

Transcript of ABOUT THE AUTHOR - ZED Books · iyo arrimo kale oo badan oo u baahan in la qoro oo la tebiyo, iyo...

1

ABOUT THE AUTHOR

QORAAGA BUUGGA

Mary Harper, qoraaga buuggani, waa suxufiyad ka

tirsan BBC-da oo ku takhasustay wax-ka-qorista

arrimaha Afrika. Waxay wax badan ka qortay, kana

warrantay Somalia,laga soo bilaabo dagaalladii

sokeeye ee 1991-kii, iyo meelaha kale ee xiisadaha

iyo dagaalladu ka taagan yihiin Afrika.

Maqaalado badan oo ay qortay Mary Harper ayaa lagu

soo daabacay jaraa'idka ay ka midka yihiin the

Economist, The Times iyo Washington Post. Waxay

shaadooyin sare oo jaamicadeed amma Digriiyo ka kala

qaadatay Jaamicadda Cambridge iyo Machadka

Daraasooyinka Bariga iyo Afrika ee ku yaal London(the

School of Oriental and African Studies, London).

Mary Harper waxay ku hadashaa waxna ku qortaa afafka

Ingiriisiga iyo Faransiiska. Waxa kale oo ay ku

hadashaa af-Boortaqiiska iyo afka loo yaqaan Wolof oo

ah af Afrikaan, inta baddanna lagaga hadlo dalka

Senegal.

Cunwaankeeda bogga Website-ka ee Internet-ku

waa:<www.maryharper.co.uk>

2

SOMALIA OO KHALAD LAGA FAHMAY?

Diin, Dagaal, iyo Rajada Dal iyo Dawladnimo

Burburtay.

Waxa qortay: Mary Harper

Waxa ugu horraantii la daabacay buuggan sannadkii

2012-kii, waxana dabacday shirkadda Zed Books, ee

cunawaanka: 7 Cynthia Street, London N1 9JF, UK, iyo

cunwaaka Maraykanka ee Room 400, 175 Fifth Avenue,

New York, NY I00I0, USA.

Bogga Website-ka Internet-ka: www.zedbooks.co.uk.

Xuquuqda qoraalka waxa iska leh Mary Harper:

Copyright(c)Mary Harper 2012.

Si waafaqsan sharciga xuquuda qoraallada, iyo

lahaanshaha hal-abuurka iyo ikhtiraaca ee Act 1988

(Cpyright, Designs and Patents Act 1988). Bogga

Website-ka Internetka ee Mary Haper:

www.maryharper.co.uk

Waxa tifaftiray buuggan ururka African Arguments, oo

ah urur soo saara oo tifaftira taxane ah buugaag

koob-kooban oo ku saabsan Afrikada maanta iyo

isbedellada ka socda.

XUSUUS:

Dhammaan xuquuqdani waa sharci, una dhawrsoon meelo

gaar ah. Waxa reebban in buuggani amma qaybo ka

3

tirsan, in la daabacdo, amma laga samaysto nuqliyo,

amma la min-guuriyo, amma lagu takri-falo, qaab

kasta, ha noqdo si toos ah, amma elektaroonic, amma

sawir photocopy ah, amma qaabab kaleba, haddii aan

ruqsad amma ogolaansho laga haysan marka hore

shirkadda Zed Books Ltd.

4

TUSMADA BUUGGA (CONTENTS)

Muuqaallo|.... Mahadnaq|…..Ereyga qoraaga|……

Xilli-taariikheedyo|…….

Hordhac ………………………………………………………….

1 Beelaha iyo Dalka …………………………………

2 Taariikhda ……………………………………………………

3 Xarakada Islaamiyadda ………………………

4 Qaran Fashilmay? ……………………………………

5 Budhcad-Badeedda ……………………………………

6 Somalia iyo Adduunka Dibadda ……

Gabagabo …………………………………………………………

Xusas|… Bugaagta iyo qoraallada tixraaca|….

5

MUUQAALLO (Illustrations)

Khariidado (Maps)

1.1 Somalia........................................

1.2 ‘Soomaali-Weyn’ iyo dhulalka ay kala degaan

qabaa’ilka/beelaha waaweyn.....................

1.3 Qaybaha waaweyn ee dhulka Soomaalida

1.4 Meelaha ay gaadheen weerarrada Budhcad-badeedda

Soomaalidu, 2005–2010..........................

Shax (Figure)

1.1 Shaxda qabaa’ilka/beelaha iyo lafaha Soomaalida..

Sawirro (Photographs)

1 Qof dumar ah iyo ilmo yar oo ku jira xeryaha

Muqdisho ee dadkii macaluushu soo barakicisay...

2 Dumar ka tirsan askarta ciidamada dawladda ku-

meel-gaadhka ah.................................

3 Wiil ka mid ah dadkii barabaxay magaalada

Muqdishu oo ku ciyaaraya ul uu qori oo kale ka

dhiganayo.......................................

4 Ciidammada al-Shabaab ee jooga Muqdishu.

5 Muqdishu, bixitaankii al-Shabaab ka dib,

September 2011.................................

6 Sarriflayaal, Hargeysa.........................

7 Dumar ka tirsan booliska Somaliland............

8 Nin Soomaali ah oo budhcad-badeed ah...........

9 Mid ka mid ah ciidammada al-Shabaab oo cunno baco

ku jirta u qaybinaya dad jooga Shabeellada Hoose

oo ka tirsan meelaha macaluushu ka jirto,

September 2011................................

6

10 Barakacayaal safaf ugu jira cunno loogu

qaybinayo magaalada Muqdishu..................

11 Ganacsade Soomaali ah oo jooga suuqa weyn ee

Eastleigh ....................................

7

MAHADNAQ (ACKNOWLEDGEMENTS)

Buuggani waxa uu siyaabo dhawr ah uga kooban yahay

dedaalka dhawr qof oo ka qayb qaatay. Maxamed Cadde

oo ka tirsan laanta af-Soomaaliga ee BBC-du waxa u si

hagar la’aan ah ugu hurey waqti badan oo ka mid ah

waqtigiisa, aqoontiisa iyo xidhiidhada uu leeyahay;

la’antiina iimana suurto gasheen in aan buuggani

qoro.

Sidoo kale waxa ka dhigan saaxiibkay Maxamed

Macallimuu oo jooga Muqdishu. Stephanie Kitchen waxa

uu bilowgiiba ku kalsoonaaday oo uu ku qancay hawsha

aan wado, waxanu mar walba i siinayey dhiirrigelin

iyo ballanqaad. Waxa kale oo aad mahadnaq u

jeedinayaa tifaftirayaashii kale ee ila shaqeeyey oo

ay ka mid yihiin Ken Barlow, Alex De Waal, Richard

Dowden iyo Robert Molteno.

Saaxiibaday iyo dadka kale ee aannu wada shaqaynno

ee laanta af-Soomaaliga ee BBC-da, kuwa haatan jooga

iyo kuwii horeba, waxan ka korodhsaday wax badan. Way

ka fara badan yihiin wax halkan lagu soo koobi karo

qof-qof, laakiin waxan jecelahay in aan si gaar ah u

xuso Axmad Siciid Cige, Cabdullaahi Xaaji, Yuusuf

Xassan, Bashkash Jugsoodhacay, Yoonis Cali Nuur,

Saciid Cali Muusa, Yuusuf Garaad Cumar, Cabdirasaaq

Xaaji Maxamed Siraad, iyo Xusseen Aw Jaamac Jibriil

Xagar. Waxa kale oo aan jecelahay in aan u

mahadceliyo Maxamad Caddow, Cabdirashiid Ducaale,

Cabdulqaadir Xaashi Cilmi, Cabdillaahi Faarax, Julie

Flint, Sally Healey, Ian Hoare, Karen O’Brien, iyo

James Wyle.

Mahadnaq ugu weyn waxan u jeedinayaa dhammaan

qoyskayga. Hooyaday Gay Harper, oo iyadu i gelisey

amma igu abuurtay xiisihii ugu horreeyey ee Somalia,

halkaasi oo ay shaqo u tagtay horraantii sannadihii

1990-meeyadii xilliyadii dagaalladu ugu xumaayeen,

kana ahayd kalkaaliye caafimaad magaalada Muqdishu.

8

EREYGA QORAAGA (AUTHOR'S NOTE)

Ka suxufi ahaan wax badan la socdey arrimaha Somalia

ka dhacayey labaatankii sano ee ugu danbeeyey, waxa

ii suurtogashay oo aan nasiib iyo fursad u helay in

aan la kulmo, waxna ka korodhsado, dadweyne ka kala

tirsan qaybaha kala geddisan ee mujtamacyada

Soomaalida, heer kasta, min madaxweynayaal, budhcad-

badeed, maalqabeenno milyanneerra ah, ilaa kuwa

saboolka ah ee wax walba ka farabaxeen.

Dadkaasi la'aantood, marnaba iima suurtogasheen in

aan hawshani qabto oo aan buuggan qoro, dadkani oo

aan qaarkood xattaa halis ku geliyey naftoodii amma

noloshoodii shaqo, inay ila soo xidhiidhaan oo ay ila

hadlaan, waxna ii sheegaan.

Hawshani aan qabtay shaqadeedu waxay inta badani ku

tiirsan tahay suxufiyiinta Soomaalida ee geesiyaasha

ah, kuwaasi oo ku dhex nool meelo ku sugan xaalado

khatar ah, haddana diyaar u ahaa inay ila

socodsiiyaan maalin kasta waxyaabaha dhacaya. Mar

mar, waxa dhacday xattaa inay iyagu ila soo

xidhiidhaan iyaga oo shucuurtoodu kacsan tahay oo

yaabban, si ay iila socodsiiyaan in maalintaas aanay

jirin wax dagaallo ah oo dhacay, xaaladdaasi oo iyaga

u ah mid qeyra-caadiah oo aanay u baran, ahna 'wax

cusub oo war noqon kara'.

Qaar ka mid ah suxufiyiintani, waxay ku kalliftay

inay debadaha u haajiraan, qaar kalena waxay ku

waayeen naftoodii.

Xogta iyo macluumaadka ku jira buuggani ee aan soo

ururiyey, waxay ka kooban yihiin wixii aan anigu kala

soo kulmay waayo-aragnnimadaydii ee aan ku soo arkay

Somalia iyo qurbajoogta Soomaalida, wixii aan ka

maqlay Soomaalida iyo dadka daneeya dalkaasi, iyo

wixii laga qoray ilaa hadda ee aan ka akhriyey.

9

In kasta oo aan xusayo, aanan tixraacayo kutub iyo

qoraallao sare oo akademi ah oo hore looga qoray

Soomaalida, hadda buuggani waa mid kooban ee ma aha

mid laga fili karo in uu wax kasta ka bixiyo sawir

buuxa, amma isdabayaal oo faahfaahsan, xaaladaha

Somalia oo dhan dhinac kasta; Iyadda oo aan rajaynayo

in aan jilciyey, oo uu qoraalkani fududeeyo fahamka

xaaladaha Soomaalida.

Hasse ahaatee, xog-baadhistii iyo soo-ururintii

macluumaadka buuggani waxa si weyn u xaddidey oo

xannibaad ku noqday dagaallada iyo xiisadaha Somalia,

macluumaadka halkan ku jirana looma wada qaadan karo

qaar si kasta u dhammaystiran. Waxa jira dhacdooyin

iyo arrimo kale oo badan oo u baahan in la qoro oo la

tebiyo, iyo doodo badan oo kale in la soo bandhigo.

10

Xilli-Taariikheedyo (Chronology)

Qarnigii 7-10 AD Dad baayac-mushtar ah oo ka kala

yimid dalal Carabta iyo Faarisiyiin

(Iraaniyiin)ayaa soo degey magaalooyinka

xeebaha; waxa kale oo ay faafinayeen diinta

Islaamka.

Qarnigii 17 AD Cummaan oo xilliyadaasi awod maamul ku

yeelatay xeebaha koonfureed ee Soomaalida.

1875 Masar oo qabsatay magaalooyin ka tirsan

xeebaha iyo qaybo ka mid ah berriga dhulka

Soomaalida.

1897 Kala qaybsashadii Somalia ee guumeysiga.

Ingiriiska, Itoobiya, Faransiiska, iyo

Talyaaniga ayaa kala qaybsaday gobolkaasi.

1900 – 1920 Hoggaamiyihii loo yaqaannay ‘Wadaadkii

Waallaa’ ee Sayyed Maxamed Cadulle Xassan oo

kala horjeestay dagaallo jihaad ah dalalkii

isticmaarka ee qabsaday Somalia, gaar ahaanna

Ingiriiska iyo Itoobiya.

1934 Talyaaniga oo dagaal ku qaaday Itoobiya.

1940 Talyaaniga oo qabsaday maxmiyaddii Ingiriiska

ee Somaliland Protectorate.

1941 Dalalkii Isbahaysiga ee dagaalkii labaad ee

adduunka oo jebiyey Talyaaniga. Maamulkii

milateriga ee Ingiriiska oo la wareegay

dhammaan qaybihii Soomaalida, marka laga

reebo maxmiyaddii uu haystey Faransiisku.

1943 Aasaaskii xisbigii ugu horreeyey ee ugu

weynaa ee Somalia ee Leegada SYL (Somali

Youth League).

1946 ‘Qorshihii Bevin’ amma ‘Bevin Plan’.

Wasiirkii Arrimaha Debadda ee Ingiriiska ee

waqtigaasi, Earnest Bevin, oo ku taliyey in

11

la mideeyo dhammaan qaybaha Soomaalida oo

maamul qudha la wada hoos keeno, taladaasi oo

lagu gacan-saydhay.

1950 Qaybtii Talyaanigu xukumi jirey ee Somalia

Italiana oo la hoos keenay wilaayadda

Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, si ku-meel-

gaadh ahna loogu igmaday in Talyaanigu sii

maamulo muddo toban sano ah. Maxmiyaddii

Ingiriiska ee Somaliland Protectorate

sideedii hore ayaa lagu celiyey oo Ingiriiska

ayay hoos timid mar kale, Ogaadeeniyana waxa

dib loogu celiyey Itoobiya.

26 June 1960 Madaxbannaanidii Somaliland.

1 July 1960 Madaxbannaanidii qaybtii Talyaaniga ee

Somalia Italiana iyo ku-biiriddii Somaliland,

halkaasi oo ay ka dhalatay Jamhuuriyaddii

Somalia.

1963 Jabhad mucaarad ah oo ka bilaabantay

Ogaadeeniya oo keentay dagaal kooban oo dhex

mara Somalia iyo Itoobiya.

1963 – 1967 Jabhad Shifto ah oo soomaali ah ayaa

olole gobannimodoon oo ay doonayeen inay kaga

madaxbannaanaadaan Kenya ka wadday gobolka

waqooyi-bari ee Kenya.

21 October 1969 Dawladdii rayidka ahayd oo lagu

afgenbiyey inqilaab milateri oo uu

hoggaaminayo General Maxamad Siyaad Barre.

Waxana la soo rogey habka ‘Hantiwadaagga

cilmiga ku dhisan’ oo uu tageerayey Midowgii

Soofiyet.

1973 – 1975 Qoritaankii af-Soomaaliga iyo ololihii

la-dagaallanka wax-qoris-la’aanta iyo wax-

akhris-la’aanta.

1974 – 1975 Abaaro xun iyo macaluul ba’an oo keenay

dadweyne fara badan oo ku barabaxay miyiga

waqooyiga, kuwaasi oo loo raray koonfurta

12

Somalia, loona sameeyey iskaashatooyin

beeraley iyo kuwo kalluumaysato.

1977 Qaybtii Faransiisku haysatay ee French

Somaliland oo madaxbannaanaatay, noqotayna

Jamhuuriyadda Djibouti, oo uu madaxweyne ka

noqday Xassan Guuleed Abtiddoon oo ka soo

jeedey qawmiyadda Soomaalida. Waxa kale oo

dagaal qaadday Jabhaddii Ogadeen oo ku

qaadday Itoobiya.

1977 – 1978 Dagaalkii Itoobiya iyo Somalia. Waxa la

jebiyey Somalia ka dib markii Midowgii

Soofiyet uu taageeray dhinicii kale. Waxa

kale oo dhicisoobey inqilaab la isku deyey in

lagu rido Siyaad Barre.

1982 Waxa samaysmay jabhadihii SSDF ee waqooyi-

bari, iyo SNM oo iyana ka samaysantay dhinaca

waqooyi-galbeed. Labaduba waxay degeen

Itoobiya oo ay saldhig ka dhigteen.

1988 Waxa la sameeyey jabhaddii USC oo ka

samaysantay Rooma.

26 January 1991 Madaxweyne Siyaad Barre oo xukunkii

laga tuuray, waxana ka tuurtay jabhaddii USC.

Dagaal-kooxeedyo ayaa ka bilaabmay magaalada

Muqdishu iyo meelo kale oo ka tirsan Somalia.

18 May 1991 SNM ayaa ku dhawaaqday madaxbannaanida

Somaliland.

May 1992 – 1993 Hawlgakii ‘Operation Restore Hope’

ee Qaramada Midoobay ; 30,000 oo ka kooban

ciidammada Maraykanka iyo dalal kale ayaa

bilaabay hawgallo nabad-ilaalineed.

May 1993 Hawlgalkii ‘Operation Restore Hope’ oo lagu

wareejiyey UNOSOMII.

5 June 1993 Ciidamadii hoggaamiye-kooxeedkii Maxamad

Faarax Caydiid oo diley in ka badan labaatan

13

askari oo ka socdey Pakistan, kana tirsanaa

ciidamadii nabad-ilaalinta ee Muqdisho

joogey.

October 1993 Dhacdadii ‘Black Hawk Down’ ee magaalada

Mudishu lagu soo ridey diyaaraddii

helikobtarka ee Maraykanka. Boqolaal Soomaali

ah iyo siddeed-iyo-toban askari oo Maraykan

ah ayaa iyagana la diley.

1994 Ciidamadii Maraykanka oo ka baxay Somalia.

1995 Ciidamadii nabad-ilaalinta ee Qaramada

Midoobey oo ka baxay Somalia.

1998 Gobolka waqooyi-bari ee Puntland oo ku

dhawaaqay maamul-goboleed u gaar ah.

2000 Shirweynihii dib-u-heshiisiineed ee Carta oo

lagu qabtay dalka Djibouti. Cabdulqaasim

Salaad Xassan ayaa wufuuddii shirkaasi u

dooratay in uu noqdo madaxweyne qaran oo ku-

meel-gaadh ah.

2002 – 2004 Shirweynihii nabadda ee Mbakagathi oo

lagu qabtay dalka Kenya, looguna doortay

Cabdullaahi Yuusuf in uu noqdo madaxweynaha

dawlad Federaal ah oo ku-meel-gaadh ah.

2006 Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah oo qabsaday

gobollada koonfurta iyo badhtamaha Somalia

intooda badan.

December 2006 Itoobiya oo gashay Somalia. Midowgii

Maxkamadaha oo laga tuuray xukunkii.

2007 Dawladdii ku-meel-gaadhka ee Federaalka oo u

guurtay magaalada Muqdishu. Waxana halkaasi

la geeyey ciidammo nabad-ilaalineed oo ka

socda Ururka Midowga Afrika.

2008 NATO oo oggolaatay in la geeyo ciidammo ka

tirsan ciidammadeeda badda biyaha Somalia, si

ay uga ilaaliyaan budhcad-badeedda.

14

2009 Ciidamadii Itoobiya oo ka baxay Somalia.

Hoggaamiyihii hore ee Midowgii Maxkamadaha

Islaamiga ah, Sheikh Shariif Sheikh Axmad, oo

shirkweynihii nabadda ee Djibouti loogu

dooratay in uu noqdo madaxweyne ku-meel-gaadh

ah.

2010 Ururka Islaamiyiinta ee al-Shabaab oo haysta

koonfurta iyo badhtamaha Somalia inteeda

badan ayaa shaaciyey oo ku dhawaaqay inay

taabacsan yihiin, kuna xidhan yihiin al-

Qaacida.

11 July 2010 Afar-iyo-toddobaatan qof oo lagu diley

magaalada Kampala ee dalka Uganda iyaga oo

daawanaya ciyaartii kubadda cagta ee adduunka

ee kama-danbaysta ahayd. Al-Shabaab ayaa

sheegatay inay iyadu qaadday weerarkaasi is-

qarxinta ahaa.

July 2011 Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqay xaalada

macaluuleed oo ka jirta qaybo ka tirsan

gobollada koonfurta iyo badhtamaha Somalia.

October 2011 Kenya oo ciidamadeeda milaterigu ay

galeen koonfurta Somalia, iyaga oo

ujeeddadoodu ay tahay inay ka saaraan al-

Shabaab gobolkaasi.

15

HORDHAC (Introduction )

Somalia waxay ka mid tahay kuwa sumcaddoodu ugu

lidato adduunka. Marka la xusayo, inta badan waxay u

taagan tahay oo loogu halqabsadaa “qaran

guuldarraysatay”.1 Maraykanka iyo dalalka kaleba waxay

ku tilmaamaan inay hoy u tahay al-Qaacida. Hey’adaha

gargaarka (oo ay ka mid tahay hey’adda qaabilsan

qaxootiga ee UNHCR, sida uu ku dhawaaqay madaxa

hey’addaasi, Antonio Gutters, bishii July 2011),

waxay sheegeen in Somalia ay ka taagan tahay

“dhibaatadii ugu xumayd ee banii’aadminnimo ee

adduunku”.2

Kuwa kale, waxay ku tiriyaan dalalka adduunka ‘ugu

kharriban ee ugu musuqmaasuq badan”.3 Ceebaha Somalia

waxa ka mid ah xataa (sida lagu soo qoray jariidadda

Economist, sannadkii 2004), inay caan ku tahay

baasaaboorrada ‘been-abuurka ah” kuwa ugu horreeya

adduunka.4

Warbixinnada warbaahinta caalamiga ahi marka laga

hadlayo Somalia, waxay ku tilmaamaan dal “ budhcad-

badeeddu ay buxisay badixiisa”5 , (waxa tusaale loo

soo qaadan karaa maqaalad uu qoraaga Peter Hughes ku

soo saaray jariidadda Daily Telgragh, bishii May 13

ee 2011.

magaalo-madaxda Muqdishana waxa loo yaqaannaa

“meesha ugu khatarsan adduunka”6. Ereyga “muqdishu”

waxa uu erey-bixinta dadka qaar ula mid mid yahay

macne ahaan meel kharriban oo run ahaantii u taagan

xaalad dhibaato. Waxa jirtey xataa in riwaayad

Ingiriis ah oo la sameeyey sannaddii 2011 in loogu

magac-daray Mogadishu. Riwaayaddaasi kama hadlayn

Somalia, waxayse ku saabsanayd dugsi sare oo dhibaato

ay ka taagan tahay oo ku yaal magaalo weyn oo ka mid

ah Ingiriiska. Markii muddaharaadyado rabshada wattaa

ay ka dhaceen degaanno ka tirsan dalkan Ingiriiska

16

bishii August ee 2011, weriye ka tirsan BBC-da oo ka

soo warramayey rabshadahaasi gaar ahaan xaafadda

Tottenham ee London waxa uu ku tlmaamay inay xaafaddu

u ekaatay amma la mid noqotay Muqdishu.

Mar aan su’aalo ka weydiiyey koox ka tirsan caruurta

dalkan Ingiriiska waxa ay ka yaqaannaan Somalia, wiil

dhalinyaro ah oo ka mid ah kooxdaasi ayaa si fiican u

jilay qori boobe ah oo rasaasi si darandoorri ah uga

dhacayso. Wuxu sheegay in ciyaalka saxiibbadiisa ah

ee ay iskuulka ku wada jiraan ay ka cabsadaan waxa uu

ugu yeedhay “Malis” amma “Maaliga”, sbabtuna inay

tahay in jinsigaasi ay yihiin dad ama kooxo budhcad

ah oo dembiilayaal ah. “Noloshaadu waxay ku jirtaa

halis oo waa ku deysey haddii aad wax ku darsato

dadkaasi “Maliga” ah, ayuu yidhi wiilkaasi. Wiil kale

oo sagaal jir ah waxa uu isna ku sheegay Somalia inay

tahay meel “dadku ay sabool yinhiin laakiin ay

haystaan qoryo fara badan’. Gabadh yar ayaa iyana igu

tidhi Somalia waa meel ay ka buuxaan budhcad-badeed,

mid kalena waxay tidhi waa meel caruurta laga dhigto

askar dagaallanta.

Somalia waxay buuxiay dhammaan shuruudihii dal

Afrikaan ah oo dhibaatooyin hadheeyeen. Waxa ka jira

dagaallo, waxa ka jirta macaluul. Waxa laga helaa

muqaallada iyo sawirrada ugu habboon ee soo jiita

warbaahinta: hub aad loo isticmaalo, dhallinyaro

mooryaan ah oo adegsada hub,oo mukhaadaraad ku

waashay, oo xayraansan oo ku wareegaya baabuur

LandCruiser ah oo dusha laga jaray, dumar lafo ah oo

xammbaarsan caruur tag daran oo macaluulaysa, iyo

diqsi fara badan oo ku xoonsan wejiyadooda.

Muqaalladan iyo sawirrada noocan ahi waxay si weyn u

soo ifbaxeen oo Somalia telifishannada caalamka soo

gashay mar kale bishii July ee 2011 ka dib markii

Qaramada Midoobay ay ku dhawaaqday xaaladmacaluul ah

oo ka taagan gobollada qaar ee dalkaasi.

17

1 Qof dumar ah iyo ilmo yar oo ka mid ah dad soo

baracay ee ku jira xeryaha magaalada Muqdishu ee

dadkii macaluushu saamaysay, August 2011 (Mohamed

Moalimuu)

Muuqaalladan iyo magacyada halhayska looga dhigay,

waxay ka indha-saabeen adduunka,in la arko dhinayada

kale ee Somalia. In ka badan labaatan sano oo

dalkaasi ay ka taagnaayeen khilaafyo iyo

dhibaatooyin, waxay ku kalliftay in Soomaalidu

dhinaca kale ay kasbadaan waayo-aragnnimo, lana

yimaaddaan habab cusub oo siyaasadeed iyo kuwa

dhaqaale. Waxay si cuntanto oo dhakhso ah u dabbaqeen

adeegsiga tiknoolojiyada casriga ah, iyaga oo ku

18

dabbaqaya hab-dhaqankii farsamo ee xattaa ka

horreeyey isticmaarka. Waxayna taasi u suurtogelisey

inay sameeyaan adeegyada xawaaladaha lacagta ee ugu

horumarsan, uguna wax-ku-oolsan qaaraddaasi, iyo

weliba adeegyada isgaadhsiinta telifoonnada moobiilka

ah ee casriga ah, isla markaasina ugu jaban Bariga

Afrika.

Buuggani waxa uu soo bandhigayaa doodo ah in wax

badan oo kale laga kasban karo waayo-aragnnimada

Soomaalida iyo sida ay u macaamilaan ee ay wax u

qabsadaan; iyo in dalkaasi leeyahay dhinacyo badan oo

kale oo cuntama, oo aan ahayn uun iska-horimaadyo

dagaal, gaajo, budhcad-badeed, iyo islaamnnimo xagjir

ah. Waxa kale oo qoraalkani uu ka baaraandegayaa,

soona bandigaya sida ay ku timid in in ka badan

labaatan sano Somalia aanay yeelan dawlad dhexe oo

wax-ku-ool ah.

Waxa kale oo buuggani uu eegayaa kaalinta ay ku

yeesheen arrimaha Somalia quwadaha waaweyn ee debaddu

iyo hey’adaha caalamihga ahi. Waxanu isweydiinayaa

bal in kaalintaasi iyo sida ay u waajaheen Somalia,

gaar ahaanna dawladda Maraykanka iyo dalalka ay isku

bahda yihiin, inay waxtar u noqotay dalkaasi, iyo

inay qayb ka qaadatay burburkii koritaanka

qarankaasi, sida ay ku doodaan ee ay qabaan khubaro

fara badani.

In kasta oo Somalia ay jiraan waxyaabo badan oo

shaqeeyaa, haba u shaqeeyaan inta badan siyaabo aan

caadi ahayne, haddana waa in aan la yaraysan baaxadda

dhibaatooyinka yaalla. Laga soo bilaabo burburkii

dawladdii dhexe ee 1991 iyo sannadihii colaadeed ee

xigey, Somalia waxay ahayd dal aan sidiisa u taagnayn

ka-qaran siyaasadeed oo wadajira. Dalku waxa uu u

kala jajabay qaybo ka kooban gobollo iskood isku

19

maamula oo xuduudahoogu mar walba isbedelaan. Qaar ka

mid ah gobolladaasi waa kuwo xassillon marka la

barbar dhigo kuwa kale, gaar ahaanna Jamhuuriyadda la

magac-baxday Somaliland, hasse ahaatee aan weli

haysanin aqoonsi caalami ah. Laakiin Somaliland waxa

ka jira nidaam dawladnnimo oo ku dhisan hab

dimoqoraddi ah, marka loo eego qaybaha kale. Waxa

kale oo ka jira dhaqaale kobcaya, iyo habab kale oo

ijtimaaci ah oo si buuxa u shaqaynaya.

Arrinta Somaliland waa mid muran weyni ka taagan

yahay, in kasta oo ay dhinac kastaba u shaqayso una

jirto si madaxbannaan oo iskeed u taagan. Haddana

marka la eego mawqifka rasmiga ah ee dawladda ku-

meel-gaadhka ah ee Somalia iyo caalamkuba waxay u

arkaan Somaliland inay tahay qayb ka tirsan guud

ahaan Somalia. Mararka loo baahdo in la kala xuso,

waxan ku kala tilmaami doonaa labadaasi dal 'Somalia'

iyo 'Somaliland'. Mararka qaarna, gaar ahaan marka

aan ka hadlayo wixii ka horreeyey 1991-kii, ereyada

'Somalia' iyo 'Somali' waxan u adeegsan doonaa

magacyo koobaya labadaasi.

Ilaa sannadkii 2011, dad badan oo ka kala ah

Soomaali, shaqaalaha ajanebiga ee hey'adaha

gargaarka, diblomaasiyiin, aqoonyahanno, iyo kuwa

kaleba, marka ay xusayaan dalkaasi waxay fikri ahaan

uga hadlaan oo ay u kala saaraan saddex qaybood oo

kala gooni ah, kalana ah 'Koonfur-dhexe', Puntland

iyo Somaliland, xattaa haddii ay weli u aqoonsan

yihiin rasmi ahaan dal qudha.

Gobollada kale ee Somalia,intooda badani uma

habaysna qaab sugan oo iskood u taagan, kumana

shaqeeyaan nidaam sugan oo caalamka kale si sahal ah

u fahmi karo. Inta badan waxa ka jira xaalado

degganaansho la'aan ah oo aan la sadaalin karin,

waxana mar walba isbedela awodaha maamulka. In badani

20

waxay u aragtaa in xaaladaha noocani ahi ay khatar ku

yihiin Soomaalida lafteeda, dalalka deriska la ah iyo

caalamka intaba.

Somalia waxa mar kasta loo yaqaannaa 'qaran

fashilmay', taasi oo macnaheedu yahay in aanay

dalkaasi ka jirin wax nidaamsan oo si hagaagsan u

shaqeeya, isla markaasina aanay ka jirin nabadgelyo

amma horumar midna. Marka la qiimaynayo xaaladahani

loogu magac-daray Somalia, waa in lagu xisaabtamaa oo

la xusaa duruufihii hore ee ka jiri jirey dalkaasi

intii ka horraysey burburkii dawlad dhexe oo

shaqaysa. Waxa weligeedba si joogto ah u jirey xoogag

gooni ah oo ka durugsan awodda dhexe, dalkuna waxa uu

mar walba ku jirey xaalad uu qarka u saaran yahay in

uu kala burburo, xattaa intii ay ka talinaysey

xukuumaddii qalafsanayd ee kelidii-taliyihii Siad

Barre, intii u dhaxaysey 1969 ilaa 1991.

Dedaalkii Siad Barre ee uu isku deyayey inuu abuuro

awod dawladeed oo meel dhexe oo qudha laga wada

maamulo oo kelideed-talis ah, iyo awod shakhsiyadeed

oo isaga u gaar ah, arrimahani waxay aakhirkii

sababeen dhicitaankiisii; dagaal keenay burbur oo

lala galo Itoobiya sanadihii 1970-neeyadii.

Takooriddii la takooray qabaa'ilka qaar ee xoogga

badnaa iyo qaybihii kale ee danaynayey awodda

maamulkuna waxay keeneen in ku dhegenaanshihii awodda

xukunka ee Siad Barre ay bilawdo inay kala furfuranto

xattaa sanado badan ka hor intii aan laga tuurin

xukunka bishii January ee 1991.

Sababahaasi awgood, waxay noqonaysaa arrin khaldan

in lagu doodo in Somalia ay weligeedba hore u ahaan

jirtey dal xassilloon, iyo qaran si buuxda u

shaqaynaya oo leh hab dimoqoraadi ah amma nidaam

kaleba.

21

Waxa loo baahan yahay in loo helo Somalia qaab cusub

oo dawladnnimo oo ay dabbiqi karto, kaasi oo

suurtogal ay tahay in uu iskugu jirey qaababka

casriga ah iyo kuwii dhaqankooda ee ismaamulka,

qaabkaasi oo tixgelinaya isla markaasina ogolaanaya

in gobollada kala geddisani ay yeeshaan maamul-

hoosaadyo madaxbannaan ilaa heer.

Taariikhda jahawareerka leh ee beryahan danbe soo

martay dalkaasi iyo nidaam-darrada xun ee ka

taagnayd, waxay keeneen in siyaasadaha caalamku

ay fikrado xun ka qaataan dalkaasi oo si khaldan u

fahman, kuwaasi oo saamayn weyn ku yeeshay, wax

weynna u dhimay Somalia, Geeska Afrika, iyo inta ka

shishaysaba. Fikradahaasi khaldani waxay sii

xoogeysteen gaar ahaan sanaddii 2006 markii ay soo

ifbaxeen isbahaysigii maxkamadaha ee loo yaqaanney

Isbahaysiga Maxkamadaha Shareecada Islaamka(UIC), ee

ay qabsadeen degaanno badan oo ka tirsan dalkaasi,

ilaa iyo intii ciidamada Itoobiya oo Maraykanku uu

taageerayey, ee caawinayey dawladdii taagta darnayd

ee ku-meel-gaadhka ahayd ay galeen dalkaasi ee ay ka

saareen maamulkii Isbahaysiga Maxkamadaha Islaamiga

ah.

Dawladda Maraykanka iyo dalalka kale ee ay

bahwadaagta yihiin si khalad ah ayay u fasirteen

dhacdooyinkani. Waxay si khaldan isku mid ka soo

qaadeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo islaami ah oo

gudaha ka dhashay iyo isbahaysiga guud ee caalamiga

ah ee al-Qaacida. Taasina waxay keentay in magacii

dalkaasi ay si dadban ugu meelmarto oo ay u faafto in

uu noqday hoy cusub oo ka soo ololaystaan

dagaalyhaniinta jihaad-doonka ah ee adduunka iska soo

urursanayaa.

Marka la eego qaabkii hore ee Isbahaysigii

Maxkamadaha Islaamiga ahi (UIC) ay ku samaysmeen,

umay taagnayn urur cusub oo wada dagaal Islaami ah.

22

Maxkamadihii Shareecadu waxay sannado dhawr ah ka

hirgeliyeen degaannadii ay ka abuurmeen ee Somalia,

ku-dhaqanka nidaam deganaansho iyo caddaalad, ka dib

markii maamulkii dawliga ahaa uu burburay. Waxay soo

rogeen hirgelinta xukun-ciqaabeedyo aad u qallafsan

oo ay ka mid yihiin addimada oo la jaro amma lugaha

iyo gacmaha oo qofka laga gooyo, laakiin waxa kale oo

ay hirgeliyeen nabdgelyo ay helaan dadweynaha intooda

badani. Waxa suurto gashay markii ugu horraysay, ilaa

dagaalladii sokeeye, in dadku ay mari karaan jidadka

magaalada Muqdishu iyaga oo aan wax cabsi ah qabin.

Hasse ahaatee waxa timid oo rumowdey markan cabsidii

ugu weyneyd ee ay qabeen Maraykanka iyo bahdiisii. Ka

sib markii la jebiyey isbahaysigii maxkamadaha

islaamiga ah sannadkii 2007-dii, qaybo ka tirsanaa

dhaqdhaqaaqaasi ayaa dib isku soo abaabulay oo noqday

miliishiyooyinka al-Shabaab ee dagaal-wadayaasha

Islaamiga ah, kuwaasi oo isla markaasina khatar ku ah

adduunka kale ee debadda. Dagaalyahaniin ajenebi ah

ayaa debadda kaga soo biiray islaamiyiintii

Soomaalida ee gudaha, waxayna al-Shabaab bishii

February ee 2010 markii ugu horraysay ay si cad u

caddaysatay ku-xidhnaanshaha al-Qaacida.

Sababta oo ah in loo arkay inay hoy u noqotay al-

Qaacida iyo ururrada kale ee ku xidhan, ayaa waxa ay

keentay in la soo geliyo Somalia tilmaamaha iyo

mawqifyada adag ee ay reer Galbeedku ka qaaten

xaaladihii ka abuurmay 9/11. Waxa lagu tilmaamay inay

noqotay 'Ciraaqdii Afrika', iyo 'Afqaanistaantii

Afrika'. Iyo weliba in sida Ciraaq iyo Afqaanistaan

oo kale, in Soomaaliyana ay noqotay meel aad loo

daneeyo marka la qiimaynayo ee indhaha lagu hayo

hadba sida siyaasadaha debadda ee Maraykanku

hoggaaminayaa ay u guulaystaan amma u

guuldarraystaan.

23

Kenya ayaa iyana si xad-dhaaf ah u isticmaashay oo

uga faa’iideysatay halhayska "La-dagaallanka

Argagixisada" bishii October ee 2011, waqtigaasi oo

markii ugu horraysey taariikhdeeda ilaa

gobannimadeedii ay weerar milatery ku qaaddo dal kale

oo debadeed. Ciidamada Kenya waxay galeen koonfurta

Somalia, iyaga oo ujeeddadoodu ay tahay inay meesha

ka saaraan al-Shabaab oo joogitaankooda agagaarka

xadka Kenya iyo xeryaha qaxootigu uu khatar weyn oo

nabadgelyo ku noqday Kenya. Ciidamada Kenya waxa

caawinayey diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ee loo

yaqaanno nooca 'drone-ka' ee iyaga is-wada, kuwaasi

oo ka soo kaca saldhigyo ku yaalla Ethiopia, kuna

qaada weerarro door ah bartilmaameedyo la rumaysan

yahay in al-Shabaab ay ku sugan yihiin.

Sida in badan oo caalamka ka tirsani ay u arkeen

Somalia, waxay muujinaysaa in lagu guuldarraystay in

la fahmo in aanu dalkaasi ahayn mid lagaga talogeli

karo in uu si moogaansho ah uun isku dhiibayo oo uu

ogolaanayo faragelin arrimihiisa gaarka ah lagula

kaco iyo in kolba wax lagu tijaabiyo oo lagu eego.

Waa in aan loo arag Somalia aalad Shax ah amma

"Chess" oo aan waxba kala ogeyn marka laga hadlayo

"Dagaalka Argagixisada". Soomaalidu waa dad leh ab

iyo taariikh, baraarug weyn iyo ujeeddo adag.

Qaar ka mid ah Somalidu waxay yaqaannaan sida looga

faa'iideysto xaaladda dalku ku sugan yahy ee lagu

magacaabay 'qaran fashilmay', iyo in dalkaasi uu

noqday meel argagixisadu ka abuuranto oo hoy u ah.

Siyaasiyiinta iyo qabqablayaasha dagaalka waxay

caadaysteen in si xeeladi ku jirto ay ugu eedeeyaan

kuwa ay iska soo horjeedaan inay yihiin Islaamyiin

xagjir ah, si ay u kasbadaan oo ay u helaan taageero

debadeed oo dhaqaale iyo mid milateri.

Somalia waxay weligeedba ahayd meel fool adag oo

24

dhibaato ku ah ajanebiga debaddu inay fahmaan oo ay

wax ka qabtaan. Sumcadda iyo sawirka ugu weyn ee

caalamku ka haysto dalkaasi waxa si cad u muujiyey

filimkii Hollywood ee Black Hawk Down. Filimkaasi

waxa uu ka sheekaynayaa sidii bishii Oktoobar ee 1993

ay miliishiyooyinkii taageersanaa qabqablihii

dagaalka ee Mohamed Farah Aideed ay u dileen siddeed

iyo toban askari oo ka tirsanaa ciidammadii

Maraykanka ee joogey Muqdishu, ka dib markii la soo

ridey laba diyaar oo Helikobtarro ah, nooca loo

yaqaan Black Hawk oo Maraykanku lahaa. Shilkani waxa

uu ku yeeshay Maraykanka saamayn weyn oo riiq argagax

ah ku reebtay, ka dib markii dadweynaha Maraykanku ay

telifishannada ka daawadeen meydadkii

askarta Maraykanka oo qaawan oo jidadka magaalada ay

jiid-jiidayaan dadweyne ku orinaya oo Somaaliyeed.

Hawlgal markii hore ku bilaabmay

gargaar bani'aadminnimo oo ujeedadiisu ahayd in lagu

quudiyo dad Afrikaan ah oo macaluuli haysey, ayaa

isku rogey dhibaato weji-gabax ku riddey dawladda

Maraykanka. Muddo bilo ah gudahood ka dib markii

shilkaasi dhacay, ciidammadii Maraykanku waxay ka

baxeen Somalia, waxana bedeley halkoodii hawlgal ah

ciidammado ka socda Qaramad Midoobey, kaasi oo aan

sidoo kale isaga laftiisu guulaysan, isla markaasina

si dhakhso ah isna uga baxay dalkaasi. Taasina waxay

dalkaasi geyeysiisey in sannadaao badan uu caalamku

ka indha saabto oo uu daayaco. Waxayna noqotay in

Somalia inteeda badan faraha laga qaado, iyagana la

isku daayo oo adduunku dhabarka u sii jeediyo, taasi

oo aakhirkii keentay in kalluumaysatadii ay isku

rogaan budhcad-badeed, Islaamiyiintii qunyar-socodka

ahaana inay noqdaan xagjir ku xidhan al-Qaacida.

Ra'yulcaamka guud ee reer Galbeedku ka qaatay

shilkii 'Black Hawk Down' waxay ku noqotay mid fajac

iyo xanuun leh: Sideebaa ummad sabool ah oo reer-

25

guuraa ahi ay u awodeen inay ku khasbaan dawladdii

ugu quwad weyneyd adduunku inay faraha ka qaaddo

hawlgal markii hore ujeeddadiisu ahayd faragelin

ban'aadminnimo? Laakiin haddana tani ma ahayn

markii ugu horraysay ee Somalia ay ka hortimaaddo ee

ay isku taagto xoogagga waaweyn ee adduunku.

In kasta oo aan sidaa loo aqoon, amma aanay u magac

dheerayn sida taariikhda 'Looltankii Weynaa' ee

Afghanistan oo kale, halkaasi oo muddo gaadhaysa ilaa

100 sanadood ay imbaraadooriyadihii Ruuska iyo

Ingiriisku ay isku deyayeen laakiin ku guulaysan

waayeen inay xoog ku muquuniyaan dalkaasi, haddana

taariikhda casriga ah ee Somalia waa mid ay ku ladhan

tahay dadkeeda oo isla qabweyn, iskana caabbiya kana

xeel badiya xoogagga ugu waaweyn ee hadba soo

waajaha. Laga soo bilaabo xilliyadii ugu horreeyey ee

reer Yurub ay gaadheen qaaradda Afrika, Soomaalidu

waxay soo jiiteen qorayaasha iyo mufakiriinta oo aad

u daneeyey.

Marka la eego waxyaabihii uu ka qoray sahamiyihii

Ingiriiska ahaa ee Richard Burton, ( buuggiisii

‘Lugtii/Socdaalkii ugu Horreeyey ee Bariga Afrika’

ee ugu horraantii la aabacay sanaddii 1856), wuxu ku

tilmaamay Soomaalida 'jinsi kulul oo ka kooban

jamaahiir kacsan'7. Aqoonyahanka culuunta bulshada ee

la yidhaa Professor Ioan Lewis, laguna tilmaami in uu

yahay caalimka ugu weyn ee dersey waxna ka qoray

Soomaalida, wuxu isna ku qoray (buuggiisii ‘Fahmidda

Somalia iyo Somaliland’ ee 2008), in Soomaalidu 'ay

si qaawan oo cad u quudhsadaan dadyowga kale'.8

Xaalad hore oo u dhiganta shilkii ' Black Hawk Down'

waxay tahay taariikhda loo yaqaan 'the Mad Mullah'

amma 'Wadaadkii Waallaa', naanaystan oo Ingiriisku

ugu yeedhi jirey Sayyed Mohamed Abdulle Hassan oo ay

col ahaayen, waxanu Sayyed Mohamed Abdulle Hassan

26

ahaa hoggaamiye-dagaal oo gabayaa ah. Waxanu dagaal

kula jirey ciidamadii isticmaarka labaatankii sano ee

ugu horreeyey qarnigii labaatanaad. Waxa uu

hoggaaminayey dagaal uu ku macneeyey Jihaad amma

dagaal diini ag oo lagu qaadayo gaalada. Sida

Soomaalida maanta oo kale, ujeeddada dagaalkiisu

waxay ahayd in uu golbolka ka xoreeyo oo ka ilaaliyo

reer Yurub, Itoobiya iyo Kiristaanku inay ku yeeshaan

saamayn. Wuxu awodey in uu dhawr sano iska caabiyo

xoogaggaasi, laakiin aakhirkii dhulalkii Soomaalidu u

badnayd ee ay degeysey waxa kala qaybsaday oo

xukunkoodii la wareegay amma qabsaday dawladdihii

Itoobiya, Ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska.

James Rennell Rodd oo ahaa hoggaamiyihii maamulkii

Ingiriiska ee qaabilsanaa Somalia, waxay noqon lahayd

in uu sidoo kalena wax ka qoro xaaladaha maanta ee

Somalia haddii uu soo gaadhi lahaa, (marka loo eego

waxyaabihii hore ee uu ka qoray dagaalladii

waqtigaasi. Waxana ka mid ahaa qoraalladiisaasi

‘Xusuus-Qoraalladii Diblomaasiyadda iyo Arrimaha

Ijtimaacia ah ee 1894 – 1901, iyo 1923’), waxanu ku

qoray mar uu ka faalloonayey xaaladihii dagaal ee

waqtiaas 'nafo badan oo qaali ah ayaa lumay, waxana

khasaaray kharash malaayiin ah oo ku baxay hawlgallo

aan la mahadin oo lagu qaaday cadow aan muuqan oo aan

la malayn karayn, oo na baday dhibaatooyin baaxad

leh, in ka badan muddo labaatan sano ah'.9

Wadaadkaasi lagu naanaystan jirey 'Mad Mullah' amma

'Wadaadkii Waallaa' waxa uu dagaalkiisa u adeegsan

jirey af iyo addinba. Gabaygiisa iyo masafooyinkiisa,

waxa uu u isticmaali jirey kicinta iyo qiiro-gelinta

taageerayaashiisa, ilaa maantadanna isaga iyo

fikradihiisii waxay leeyihiin saamayn iyo hiigsi.

Soomaaliduna waxay si xushmad iyo xiiso leh u soo

xigataa gabayadiisii. Ma aha inay ku xusayaan

dagalladii lala galay Ingiriiska, laakiin waxay ku

27

dabbaqaan oo ay barbar dhigaan xaaladaha taagan

haatan iyo xidhiidhka dalkaasi manta la leeyahy

Maraykanka iyo xulafadiisa.

Soomaalidu waa dad weli sii haysta dhaqan-afeedkii,

iyadoo gabayaa iyo maansooyinku ay si weyn uga

muuqdaa nolol-maalmoodkooda; in badanina waxay u

adeegsadaan gabayada iyo hal-haysyada maahmaahyada,

halqabsi iyo hal-tusaale ay u daliishadaan doodaha

iyo xallinta dhibaatooyin badan.

Inta badan intii hore la iskugu deyey faragelin

debadeed taariikhda Somalia, waxay badankoodu ku

danbeeyeen wax dib ugu noqda qaramadii shisheeyaha oo

lagu khasaar, waxyeello kalen ka timaaddo. Faham

la'aanta weyn ee xaaladaha dalkaasi waxa macnaheedu

uu yahay oo ay keenaysaa in xattaa marka adduunku

debadd uu daacadda ka yahay ee uu doonyo in uu si

dhab ah wax uga qabto dhibaatooyinka

banii'aadminnimada, sidii dhacay sannadkii 1990-dii

oo kale markii dagaalkiisa sokeeye iyo abaarihii

dabiiciga aha ee dhaliyeen macaluusha, in haddana

gurmadkaasi uu ku danbeeyey in uu qayb ka qaato

burbur kale oo dheeraad ah iyo kala qaybsanaan ku sii

dhacda dalkaasi, iyo iska horimaadyo hor leh, halkii

loola jeedey in lagu horumariyo nabadaynta.

Inta badan dedaalladii debadeed ee ku saabsanaa in

lagu dhiirrigeliyo Soomaalidu inay wax ka qabtaan oo

ay xal u helaan dhibaatooyinkooda, waxay sidoo kale

ku danbeeyeen in lagu fashilmo. Ilaa 2007-dii, waxa

la qabtay in aan ka yarayn afar iyo toban shirweyne

oo qaran oo dib-u-heshiisiineed, oo dhammaan Lola

jeedey in lagu soo afjaro khilaafaadkii tirada

badnnaa ee ka dhashay dhicitaankii Siyad Barre ka

bacdi. Shirarkaasi faraha badnnaa ee kharasyada

badanina ku baxeen waxa mar kasta maalgelinayey

dalalka debadda iyo hey'adaha caalamiga ah, waxana

28

mar kasta lagu qabanayey Somalia debaddeeda. Mararka

qaar waxay jiitamayeen sannado, kumana yeelan wax

saamayn ah oo sidaas ah xaaladihii gudaha.

Laga soo bilaabo sannadihii 1990-kii, hoggaamiyayaal

badan oo Soomaali ah ayaa waqti badan ku lumiyey

wadahadallo keliya oo ku saabsan sidiii Somalia loogu

soo dabbaali lahaa nidaamkii degganaanshaha, halkii

ay ku dhaqaaqi lahaayeen ficil ahaan wax-qabad la

taaban karo oo wax ugu filan horumarinta nolosha

dadweynaha caadiga ah. Waxase haatan la-yaabis leh

in weli quwadaha debaddu ay diyaar u yihiin inay sii

wadaan bixinta kharshayada shirarkaasi. Xaqiiqada ah

in Soomaalidu ay haddana awodi karaan inay weli ku

sii qanciyaan dalalka iyo ururrada debaddu inay sii

maalgeliyaan oo ay bixiyaan kharshaadka shirarkooda

qaran ee dib-u-heshiinta, ayaa waxay tani tusaale u

tahay sida qaar ka tirsan Soomaalidaasi ay ugu fiican

yihiin inay ka faa'iidaystaan xaaladaha jira. Waxay

helaan sannado badan oo ay kasbadaan khibrad iyo

xeelado ay ku maalaan ajanebiga, gaar ahaan marka ay

jiraan xaalado degdeg ah oo u baahan gurmad mucaawano

amma taageero ku aaddan ka-shaqaynta nabadgelyada.

Labaatan sano oo laga hadlayey wada hadallo

nabadgelyo oo lagu qabto hudheello iyo goobo kale oo

raaxo oo ka baxsan Somalia, waxay keeneen oo qudha

sii-kala-qaybsanaan kale oo weyn oo ku timaadda

hoggaanka Soomaalida dhexdooda, iyo dadweynihii looga

tegey inay ku sii jiraan khilaafaadkii iyo

jahawareerkii taagnaa.

Sababtuna waa dhab ahaantii hoggaamiyayaashooda iyo

guud ahaan caalamka oo gabay inay dib u soo celiyaan

degganaanshihii, sidaasi darteedna Soomaalidu waxay

abuurteen hababkooda iyo qaababkii ay ku badbaadin

lahaayeen jiritaankooda. Sida loo arko dalkaasi ee ah

' qaran fashilmay' ayaa ah mid gaaban oo si khatari

ku jirto wax u xaddideysa. Ka sakow qaska taagan iyo

29

maqnaanshaha xukuumad dhexe, waxa jira haddana

dhinacyo badan oo kale oo mujtamacaasi leeyahay oo

weli si wax-ku-oolnnimo ah u sii shaqaynaya, xattaa

gobollada ay sida weyn u saameeyeen khilaafaadka iyo

dagaalladu. Dhinacyadaasi, oo ay ka mid yihiin

ganacsiga iyo isgaadhsiintu, waxay noqdeen kuwa

badbaada oo sii kobca, gaar ahaanna xawaaladaha

lacagayowga, telifoonnada moobiilka, iyo ganacsiga

xoolaha nool.

Daraasadda iyo ka-baaraandegga ku saabsan xaaladaha

Somalia, haddii laga fikiro uun maqnaansha dawlad

dhexe oo keliya, waxa indhaha laga lalinayaa

qiimayntii kale ee dhinacyada iyo qaababka

ijtimaaciga ah, kuwa siyaasadda iyo dhaqaalaha ee

gaarka u Somalia, qaababkaasi oo laga yaabo inay

noqdaan kuwa weliba dalalka kale ee ay saameeyeen

dagaallada iyo burburkii dawladahoogii ay ka dayan

karaan oo ka faa'iideysan karaan.

In loo arko dalka oo dhan sida ay ku sugan tahay

caasimadda Muqdishu oo kale oo laga dhigo muraayadda

laga fiirinayo, waxay keenaysaa in sifooyin badan oo

laga bixiyo Somalia ay muujinayaan sawir ah in dalka

oo dhammi uu yahay mid dagaal joogto ahi uu meel

kasta ka jiro dhexdooda. Hasse ahaatee qaybo

ballaadhan oo kale ayaa deggan oo nabad waafi ahi ay

ka jirtaa, kuwaasi oo leh maamulkooda, nidaam-

sharciyoodkooda iyo dhaqaalahooda. Xaaladaha

Jamhuuriyadda la magac- baxday Somaliland ayaa ah

kuwa si fiican u hirgalay oo hagaagey, halkaasi oo

qaxooti badan oo hore uga yaacay dagaalladii ba'naa

ee sokeeye ee dhammaakii 1980-kii ay dib ugu soo

noqdeen hoygoodii. Qayb kale oo iyana deggan marka

loo eego inta kale waa gobolka waqooyi bari ee

Puntland ee deriska ah, kaasi oo samaystay

ismaamulkiisa daakhiliga ah, in kasta oo uu in muddo

ahu ahaa fadhiisin weyn budhcad-badeedda.

30

Waa wax aan la filayn in iska horimaadyadii iyo

dagaalladii ka holcay badhtamaha iyo Soomaaliyada

koonfureed sannadkii 2007, inay ahaayeen natiijooyin

ka dhashay faragelin caalami ah oo ujeeddadeedu ahayd

in meesha laga saaro urur isagu awodey in uu keeno

xassilooni iyo deganaasho ilaa heer ah, markii ugu

horraysey gobolladaasi, laga soo bilaabo horraantii

1990-kii. Sababaha uu ugu guuleystey ururkii

Maxkamadaha Islaamiga ahaa dedaalkiisii ahaa in uu

soo celiyo kala- danbayntii iyo degganaanshihii, waxa

loo aanayn karaa inta badan inay ugu wacnayd in uu

marka horeba ka soo aasaasmay oo uu ka soo abuurmay

min hoos ilaa kor. Sida ururka Xamaas ee

Falastiniyiinta oo kale iyo Ikhwaanul-Muslimiinka

Masar, Maxkamadihii Shareecadu waxay ku kasbadeen

taageradii ay heleen, adeegyadii aasaasiga ahaa ee

ay u qabteen dadweynihii la daayacay. Iyaga oo

buuxinayey foogge bannaanaa, Maxkamadahaasi waxay

bilaabeen inay qabtaan qaar ka mid ah adeegyadii iyo

hawlihii aasaasiga a ahaa ee ugu muhiimsanaa ee uu

qaban laha maamul dawli ahi, dal aan dawlad lahayd.

Sida muuqata muhimadda kowaad ee mujtamacu ma ahayn

wejiga islaamiga ah ee maamulkaasi, laakiin waxa ay

ahayd xaqiiqada timid ee ah in muddo kooban oo lix

bilood ah oo maxkamaduhu ay hayeen awodda

xukunka, in nabadgelyadii ay ka soo raysay oo ay ka

fiicnaatay sidii ay sanado oo hore ahaan jirtey. Tani

waxay dhinacyo badan kala mid tahay xaaladdii ka

jirtey dalka Afghanistan xilliyadii maamulkii

Taliban, xilliyadaasi oo in kasta oo aanay jirin

adeegyo dadweynaha loo qabatay, in haddana uu jirey

nidaam iyo sharci ilaa heer ah, ka dib sannado badan

oo qas iyo deganaansho la'aan ah.

Dadweynuhu wax badan oo qiimo culus ugu fadhiya ayay

u hureen sidii loo heli lahaa nabadgelyo, welina

dedaalkaasi waxay ka sii wadaan qaybo badan oo ka

31

tirsan Somalia oo kooxaha Islaamiyiinta ee xagjirka

ahi ay maamulaan, kuwaasi oo ka sii fog Isbahaysigii

Maxkamadaha Islaamiga ah (UIC). Xukun shareeco oo aad

u qallafsan, oo uu ka mid yahay qisaas amma dil toos

ah, ayaa si furan dadweynaha hortiisa loogu fuliyaa

qaybahaasi. Qaadka oo ah geed lagu mirqaamo oo caan

ah, si weynna uga mid noqday dhaqanka Soomaalida,

ayaa isna la mamnuucay. Dumarka ayaa lagu khasbay

inay si buuxda isku dedaan oo ay xidhan dhar culus oo

ah xijaab madow. Waxa kale oo dadweynaha laga

mamnuucay inay daawadaan filimmada iyo ciyaaraha

kubadda cagta ee lagu soo bandhigo goobaha

dadweynaha, lagana fiirsado fiidiyayaasha.

Xattaa marka aanay jirin wax u muuqaa kara

nidaamsanaan caadi ah amma xaalado deganaansho oo

dadweyne, waxa si habboon u shaqeeya oo socda qaybo

ka mid ah dhaqdhaqaaqa dhaqaale iyo nolosha

ijtimaaciga ah. Somalia waxay ka mid tahay dalalka

Afrika ee xiisadaha iyo dagaalladu sida ba'an u

aafeeyeen, laakiin haddana waxay ka mid ahayd

dalalkii ugu horreeyey oo uu ka hirgalo adeegga

telifoonnada moobiilku. Iyada oo ku burburtay

dagaalladii sokeeye, waxay haddana ka mid noqotay

dalalka Afrika ee si fudud ay uga hirgashay

isgaadhsiintu, si sahal ahna uga gudubtay cahdigii

telifoonnada xadhkaha ee dhulka mara oo ahaa qaar

qaylo kulul, oo haddan aan la isku hallayn karayn.

Isticmaalka adeegyada Internet-ka ayaa isna noqday

hab kale oo casri ah oo si degdeg ah uga dhex

hanaqaada jaalliyadaha Somaalida ee ku kala nool

caalamka. Baahida loo qabo is-wargelin xogeed iyo

macluumaad, wada ganacsi iyo inay wada xidhiidhaan oo

wada macaamilaan, ayaa noqotay mid aan lahayn oo aan

ku xidhnayn wax xuduudo ah oo kala xanniba.

32

Soomaalidu waa dad jecel inay wada sheekaystaan, kana

hadlaan gaar ahaan arrimaha siyaasadda. Qurbajoogta

faraha badan ee ku kala baahsan min Maraykan ilaa

Australia, min Khaliijka ilaa dalalka Scandinavia,

waxay si firfircoon oo xiiso leh u isticmaalaan

adeegyada casriga ah ee hawada sare ee Internet-ka.

Qaababkani tiknoolojiyada casriga ah iyo adeegyada

isgaadhsiinta ee intooda badan u gaarka ah Soomaalida

waxay lama-huraan u noqdeen socodsiinta hababka

baaxadda leh ee xidhiidhadooda ganacsiga caalamiga ah

ee adduunka ay ku leeyihiin. Somaalidu waxay

dhoofisaa oo ay iib geysaa xoolahooda nool, ilaa

Kenya dhexdeeda, ilaa dhinaca kale ee Badda Cas ee

dalalka Khaliijka. Qaadka waxa isna laga keenaa

Itoobiya iyo Kenya, kumana eka meelaha loo dhoofiyaa

Somalia gudaheeda oo qudha, waxase la gaadhsiiyaa

dalalka kale ee adduunku ee Soomaalidu ay ku nool

yihiin.

Marka si ahaan loo eego, waa wax fajac ah amma la-

yaab leh, in Somalia ay tahay mid aan ilaa heerkaas u

shaqayn sidii 'qaran dawli' ah oo casri ah. Iyada oo

ka duwan dalalka kale ee Afrika intooda badan, ma aha

dal u kala qaybsan qawmiyado kala geddisan amma

qabaa'il kala jinsiyado ah. Marka loo eego dalalka

Afrika ee ka hooseeya Saxaaraha, waxa u gaar ah

Soomaalida inteeda badan oo ay wadaagaan af qudha,

cunsur amma asal mid ah, dhaqan ay is kaga mid yihiin

iyo diin qudha. Waa wax aan la filayn in tusaalaha

kale ee muhimka ah ee loo soo qaadan karo

mujtamacyada isku midka ah ee wax walba wadaagaa

Afrika, in uu yahay dalka Botswana, oo ka mid ah

dalalka Afrika ee qarannimadoodu sida weyn u

hanaqaadday.

Hasse ahaatee midnnimada Somalia waxa ka hor imanaya

oo lid ku ah qaab-beeleedka mujtamacyadaasi u

samaysan yihiin, oo ah mid asal ahaan wax kala

33

qaybiya. Qaabkaasi beelaha iyo qabaailku waa mid aan

xad lahayn oo marba marka ka danbaysa sii kala

qaybsamaya, carqalad weynna ku ah dedaallada ku

saabsan in la sameeyo dawlad dhexe. Waqtigii buuggan

la qorayey, dawladda ku-meel-gaadhka ahi waxay ku

shaqaynaysey oo ay ku dhisnayd qaab ah in dalka ay ka

jiraan afar qabiil amma beelood oo waaweyni, in kasta

oo ay jiraan dad badan oo khilaafsan aragtidani.

Beeluhu waxay haddana u sii kala qaybsamaan qolooyin

amma jilibbo iyo jufooyin, kuwaasi oo haddana hoos u

soo daadega, ilaa ay mararka qaar gaadho heer qoysas

kooban oo baho ah, oo gooni isku taaga, lana baxa

magac ardaa amma juffo. (Sida uu soo xigtey Scott

Peterson qoraalladiisii 2002), waxa jirta maahmaah

Soomaaliyeed oo caan ah oo si fiican u tilmaamaysa

kala qaybsanaanta dabiiciga ah ee mujtamaca:

Aniga iyo tolkay, iyo adduunka kale oo is-haya;

Aniga iyo ehelkay, iyo tolkii kale oo is-haya;

Aniga iyo walaalkay, iyo ehelkii kale oo is-haya;

Aniga iyo walaalkay oo is-haynna.10

Nidaamka qolooyinka amma beeluhu waa mid aad u

murugsan oo xattaa Soomaalidu ay ku jahawareerto,

qaar ka mid ah Soomaalidaasina ay kuba gacansaydhaan

kaalinta qaab-beeleedka la siiyo iyo inay wax ahmiyad

ahba leedahay. Mana jecla xattaa inay sheegaan qolada

amma beesha ay ka soo jeedaan. Waxa cad in qaab-

beeleedku uu ka xoog weyn nidaam kasta oo kale oo

siyaasadeed oo la soo rogo, guud ahaanna uu isla

markiiba dhaqan rogayo wejigaasi siyaasadeed, qaab-

beeleedkaasi oo ah mid ka xoog weyn, kana jiritaan

fog qaab kasta oo dawladeed. Hasse ahaate qaab-

beeleedku ma aha wax mar walba halkiisa taagan oo aan

isbedeleen. Waa isbahaysi firfircoon oo taddawur

34

samaynaya, amma hore u socda, oo si joogto ah ula

qabsada xaaladaha iyo duruufaha, mar walbana isla

qaabaynaya oo la qabsanaya xaaladaha siyaasadeed ee

dalka.

Qolannimada iyo isbahaysigu beeluhu waxay sii

xoogeystaan oo ay yeeshaan ahmiyad weyn xilliyada

dagaallada iyo colaadaha. Soomaali badan oo reer-

magaal ah ayaa sheegay in aanay aqoon qolada amma

beelaha ay ka soo kala jeedeen saaxiibadood iyo

jaararkoodu, ka hor dagaalladii sokeeye. Mar kasta oo

kooxaha dagaalka ee beelaha kala geddisan ku dhisani

ay abuurmaanba, waxay noqonaysaa in Soomaalidana ay

ku kallifto, oo aanay helin wax kale oo aan ahayn in

cid walba ay la safato beeshooda, oo ay kala raacaan

kooxahaasi, waqtiyada dagaalladu ay qarxaan. Soo-

ifbixitaankii ururrada islaamiyiinu, waxa uu waxooga

hoos u dhigay ahmiyaddii beelaha, laakiin waa ka fog

tahay wax la hubo inay si buuxda oo joogto ah u

tirtir karaan ku- abtirsiga beelaha.

Siyaad Barre laftiisu waxa uu aaminsanaa in sida

qudha ee uu wax ku xukumi karaa inay tahay in la aaso

oo meesha laga saaro qabyaaladda amma siyaasadda

beelaha ku dhisan. Ka dib markii uu xukunka si xoog

ah ku qabsaday sannaddii 1969-kii, waxa uu isku deyey

in laga gudbo qabyaaladda isaga oo soo rogey qaab

hantiwadaag ah. Waxa kale oo uu hirgeliyey af-

Soomaaliga oo la qoro sannadihii 1970- yadii, waxanu

qaaday loole xoog leh oo heer qaran ah oo dadweynaha

lagu barayo wax- qorista iyo wax- akhrinta. Kuwanina

waxay ahaayeen dedaal uu ku doonayey in uu abuuro

dareen waddaninnimo oo qarannimo.

Laakiin nidaamkii diktaatooriga amma keli- taliska

ahaa ee Siyaad Barre waxa uu ahaa qaab si fudud oo

la arki karo awodda xukunka u siiya beeshiisii

35

Daaroodka ee uu ka soo jeedey. Aakhirkiina

siyaasaddaasi beelaysantahay ayaa sabab u noqotay

dhicitaankiisii. Waxay ahayd colaaddii iyo nacaybkii

weynaa ee loo qaaday beelaha Daaroodka, ee ay u

qaadeen beelihii kale ee isku arkayey inay yihiin

dadkii xaqa u lahaa degaannada Muqdishu, colaaddaasi

ayaa dhalisay kacdoonkii aakhirkii jebiyey Siyaad

Barre iyo ka-bixitaankiisii magaalo- madaxda, bishii

January ee 1991.

Xaqiiqo kale oo daliil u ah degganaansho la'aanta

asal ahaan ka jirtey Somalia xilliyadii

diktraatooriyaddii Siyaad Barre, waxa weeye in shan

bilood oo keliya ka bacdi ay qaybihii Waqooyiga ee

dallkaasi ay goosteen, iskoodna ugu dhawaaqeen

jamhuuriyadda madax baannaan ee Somaliland.

Xuduudaheeguna waxay ilaa xad ku sarjarnaayeen kuwii

maxmiyaddii hore ee Ingiriiska, ee iyana loo

yaqaanney 'Somaliland', maxmiyadaasi oo gooni ka

ahayd Koonfurta oo Talyaanigu guumaysan jirey, loona

yaqaanney 'Somalia', qaab gooni ah oo aad uga duwan

maxmiyaddii Ingiriiskana loo maamuli jirey.

Arrin kale oo ka hor imanaysa degganaanshaha Somalia

inay noqoto qaran dawli ah oo taabbogal ah, waxa

weeye iyana xaqiiqada ah in dadweyne ay wadaagaan

dhiig, dhaqan iyo af, ay ku baahsan yihiin oo ay

deggan yihiin dhulal ka baxsan xuduudaheega. Xiddigta

cad ee shanta gees leh ee ku taalla calanka buluugga

ah ee Soomaalida, waxay u taagan tahay 'Soomaali-

Weyn' oo koobaysa soohdimo iyo qaybo ballaadhan oo ay

ka mid yihiin gobollada af-Soomaaliga lagaga hadlo ee

Itoobiya, Djibouti iyo Waqooyiga Kenya, iyo weliba

Somaliland iyo Somalia.

Tani dhibaatooyin kuma keenayso Somalia oo keliya,

balse waxay saamaynaysaa oo kale dalalka xadka tooska

ah la leh ee jaarka ah, kuwaasi oo mid walba daka

deggan ay ka mid yihiin dadweyne badan oo dhalasho

36

ahaan Soomaali ah oo aan xassilloonayn amma aan la

maamuli karayn. Qas iyo dhibaatooyin ka dhaca

Somaliyana, waxay ka dhigan yihiin dhibaatooyin

saameeya dhammaan dalalka gobolka Geeska Afrika.

Waxa jira faraqyo waaweyn oo asaasi ah oo u dhexeeya

sida Soomaalidu u shaqayso ee ay u dhaqanto, iyo

sifooyinka calaamadaha la yaqaanno ee lagu

xisaabtamo, lana qiimeeyo marka laga cadlayo

casrigani, nooca loo aqoonsan karo qaran dawli ah.

Ajanebigu waxay kala kulmaan dhibaato iyo fool-adkaan

sidii ay u fahmi lahaayeen Soomaalida, waxana jira

faraq weyn u dhexeeya qaabka loo wadey dedaalladii ku

saabsan in la waajaho oo xal loo helo dhibaatooyinka

Somalia, iyo duruufaha dhabta ah, amma xaqaaq'iqa

jira ee ay ku dhaqmaan noloshooda dadweynaha

Soomaalidu. Dadka ugu habboon inay wax ka qabtaan

dhibaatooyinkooda, marka xal loo raadinayo Somalia,

waa Soomaalida laftooda. Tani waxa caddayn u ah oo

haatanba markhaati u noqotay ilaa xad sida loogu

guuleystey jamhuuriyadda la magic-baxday Somaliland.

Waa wax aan la filayn in gobolkii inta badan

quwadaha debaddu ay iska dhaafeen ee aan helin wax

buuran oo kaalmo shisheeye ah, in uu haatan ka mid

yahay qaybaha ugu deggan, xaqiiqo ahaanna ugu

diimoqoraaddisan dhammaan dalalka gobolka Gesska

Afrika. Casharro ayaa laga baran karaa waayo-

arragnnimaada laga soo kasbaday Somaliland, in kasta

oo aan casharradaasi si toos loogu wada dabbaqi

karaynin Somalia inteeda kale oo labaatankii sano ee

u danbeeyey jid kale oo kan ka duwan qaadaysey.

Dalalka debaddu kaalin ayay ku leeyihiin oo ay ka

qaadan karaan arrimaha Somalia, sababta oo ah gaar

ahaan jiritaanka kooxo ku xidhan ururka al-Qaacida,

iyo budhcad-badeedda oo saamayn khatareed oo caalami

ah yeeshay. Laakiin ilaa inta si cad oo buuxda loo

37

fahmayo, loona waajahayo hab iyo qaab ka duwan kuwii

hore, waxay ku sii jirayaan arrimaha Somalia, murug

iyo jahawareer, xaalado walaac leh iyo khatar ay ku

hayso adduunka debadda, waxana sii adkaanaysa sidii

dalkaasi loogu heli lahaa xal wax-ku-ool ah, oo wax

ugu filan Soomaalida iyo inta kale ee aan Soomaali

ahayn labadaba.

38

CUTUBKA 1-aad: Beelaha iyo Dalka (Clan and Country)

In kasta oo Somalia ay ka mid tahay qaaradda

Afrika, haddana debadda waxay ku xidhan tahay, hoosna

kaga began tahay dalalka iyo dunida Carabta (eeg

khariidadda 1.1). Muuqeedu wuxu u eg yahay foolka

amma iligga Jeerta; waana xagal toos ah oo fiiqan,

kuna taal dacalka ugu shisheeya ee gobolka Geeska

Afrika. Ku-dhawaanshaha dhulkaasi uu ku dhaw yahay

Jasiiradda Carbeed (amma Khaliijka), iyo xeebta dheer

ee uu leeyahay oo gaadhaysa ilaa 30,000 oo kiloomitir

oo badweynta Hindiya kaga dhereran tahay dhinaca

bari, dhinaca waqooyina uu kaga beegan yahay khooriga

istaraatijiga ah ee Khooriga Cadmeed, ayaa macnaheedu

uu yahay in Soomaalidu ay qarniyaal badan isku

arkayeen inay ka mid yihiin duni ka baxsan amma ka

shishaysa Afrika.

Soomaalidu waa dad debadda ku xidhan oo dhoofa amma

safra oo socdaal badan, in kasta oo ay yihiin

mujtamac ilaa heer aan si sahal ah dadka iyo

dhaqammada kale u dhex geli Karin. Waxay dhaqan dheer

u leeyihiin badmareennimada, waxayna sannado badan

raaci jireen maraakiibta caalamiga ah ee badaha.

Malaha dhaqanka iyo weliba xeebtooda oo ku taal meel

istaraatiji ah, ahna tan ugu dheer Afrika, ayaa loo

aanayn karaa oo laga heli karaa sababaha ugu weyn ee

u suurtogeliyey inay qarnigani kow-iyo-labaatanaad

noqdaan budhcad-badeedda ugu firfircoon adduunka,

kuwaasi oo ilaa dabayaaqadii sannadihii 2000

qabsanayey sannad walba daraasiin maraakiib ah iyo

boqolaal dad ah oo ay u qabsadaan madax-furasho.

39

Map 1.1 Somalia

40

Ma aha joqoraafiga amma dhul-dhaceeda oo qudha waxa

Somalia ka jeediyey Afrika. Dabcan qaaradda Afrika,

waxa ka jira dadyow amma qawmiyado aad u kala duwan,

laakiin faraqa amma kala-duwanaashaha u dhexeeya

Soomaalida iyo Afrikaanka kale intooda badan ayaa ah

mid gaar ahaan aad u weyn oo muuqda. Tani waxay ka

dhigatay arrin adag oo dhibaato ah, amma xataa aan

suurtogal ahayn, in la meeleeyo amma la helo wax

sugan oo inta badan lagu mitaalo Soomaalida, marka

laga hadlayo siyaabaha loo kala saaro amma loogu kala

abtiriyo dadyowga degaannada Afrika ee ka hooseeya

Saxaaraha. Soomaali badan ayaan isku arkin inay

yihiin Afrikaan; si ahaanna uga geddisan amma ka

baxsan. Waxayna ka sheegaan hadallo iyo sifooyin

qallafsan oo ay ku tilmaamaan dadka amma jinsiyadaha

kale ee ay u yaqaannaan ‘Afrikaanka’, amma ‘Madowga’

amma ‘San-Weynta’.

Mid ka mid ah sababaha ugu wacan dareenkoodan ah

inay isku arkaan inay ka duwan yihiin dadyowgaasi

kale, waxa weeye Soomaalida oo ah dad si sahal ah loo

soo sooci karo inay yihiin dad is leh oo isku hayb

iyo uskun ah, amma xattaa isku ‘asal amma jinsi’ ah.1

(eeg qoraalka Richard Dowden, Africa: Altered

States, Ordinary Miracles, London, 2008). Iyaga oo ka

duwan sida ay yihiin umadaha kale ee inta badan dal

kasta oo kale dalalka Afrika ee ka hooseeya

Saxaaraha, Soomaalida intooda badani waa dad isku

issir amma jinsi ah, isku diin iyo af ah, siyaabo

badan oo ballaadhanna isku dhaqan ah.

Dabcan waxa jira qaybo ka gaar ah sifooyinkani. Waxa

jira qaybo amma kooxo ka kooban dadka laga tiro badan

yahay Somalia, kuwaasi oo dhaqan ahaan la hayb-sooco

oo ay iska fogeeyaan beelaha tirada badani. Dadkaasi

laga tiro badan yahay qaar ka mid ah, waxa ku dhacay

dhibaatooyin dheeraad ah xilliyadii dagaallada.

Qawmiyadda ugu weyn qawmiayadaasia laga tirada badan

yahay waa qawmiyadda loo yaqaanno Bantu-ga amma

41

Jareerta, kuwaasi oo ka yimid oo ka soo jeeda

addoontii iyo beeraleydii dhulkaasi yimid ee degey.

Ereyga ‘Jareer’ waxa uu macno ahaan u taagan yahay

‘dadkii timo-adagta ahaa’. Inta badan waxay ku nool

yihiin oo ay deggan yihiin dhulka beeraleyda ah ee u

dhexeeya webiyada koonfurta Somalia, iyaga oo ah dad

ka tabcada beeraha, amma ah farsamayaqaanno xirfadley

ah. Laakiin in badan oo ka mid ah dakaasi ayaa la

barabixiyey. Mararka qaar, Soomaalidu waxay dadkaasi

ugu yeedhaan oo ay u yaqaannaan Addoon.

Qawmiyadaha kale ee laga tiro badan yahay waxa ka

mid ah dadka loo yaqaan Banaadiriga, oo ah dad dhaqan

ahaan ganacsato ah, asal ahaanna ka soo jeeda Carab,

kuna nool oo dega xeebaha. Waxa kale oo ka mid ah

kooxo diimeed oo aad u kooban oo Kiristaan amma

Masiixiyiin ah, kuwa xagga mihnadda amma xirfaddooda

gaar ah dhaqan ahaan lagu yaqaan oo ay ka mid yihiin

Tumaallada, Kabatolayaasha iyo dadka ka shaqeeya

magdinta hargaha iyo saamaha, iyo dadka loogu yeedho

amma loogu waco munaasabadaha gaarka ah iyo

ducooyinka. Qawmiyadahaasi laga tiro badan yahay

waxay ku hadlaan af-Soomali, laakiin inta badan gooni

ayay u degaan, waxana yassa oo quudhsada Soomaalida

kale.

Khayraadka (Resources)

Soomaalidu waxay jecel yihiin oo ay ku kaftamaan in,

xataa ka sakow dagaallada badan ee ay soo mareen una

adkaysteen, in haddana ay ku nool yihiin degaan iyo

nolol aad u adag oo dhibaato badan, taasina ay sabab

u tahay inay noqdaan dad had iyo jeer col-u-joog ah

oo heegan u ah dagaal. Dhulku intiisa badan waa dhul

omos ah, oo miyi ah qallalan oo aan la degin, oo si

teel-teel ah ay ugu dhaqan yihiin geela iyo xoolaha

kale ee aan nugulka ahayn amma u adkaysta degaannada

adag, xoolahaasi oo ay raacaan reer miyiga sidoo kale

42

iyaguna ad-adag oo had iyo goor la raadiya biyo iyo

daaqsin. Xoolaha nooli waxay qarniyaal badan ahaayeen

laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaalidu uu ku tiirsan

yahay, iyaga oo xidhiidho ganacsi oo badda ah la

lahaa dalalka Carabta, dhinac dhulkana dalalka Kenya

iyo kuwa kale ee gobolka.

Waa wax xiiso leh marka aad daawato xoolaha la

dhoofinayo oo la saarayo maraakiib waaweyn oo ku soo

xidhata dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, adhi

badan oo xayn-xayn amma hormooyin ah oo la soo tubay

marinnada dekadda oo lagu rarayo maraakiibta iyo

doonyaha, geela oo inta dabar lagu jebiyey, dhexdana

lagaga xidhay cayn amma xadhko, ka dibna lagu

dallacay oo kor loogu qaaday wiish oo cirka ka soo

laalaada. Inta bandanna waxa loo qaado laba-laba,

lana saaro dheegga markabka.

Xoolahaasi inta badan waxa loo dhoofiyaa Sucuudiga,

halkaasi oo lacag badan lagaga heli karo iibka

xoolaha, gaar ahaanna xilliyada Xajka oo suuqa

xooluhu aad u furan yahay. Hasse ahaatee ka-ganacsiga

xoolahaasi nooli waa mid khatartiisa leh. Sucuudigu

waxa uu marmar ku soo rogaa xoolahaasi Soomaalida

xayiraad amma manuucis in laga dejiyo oo la geeyo

dhulkooda, xayiraaddaasi oo mararka qaar socota

sannado badan. Waxa kale oo ganacsigaasi xoolaha

khatar joogto-ku-dhawaad ahi kaga timaaddaa abaaraha

iyo roob-yaraan.

In kasta oo lacag fiican laga helo iibka lo’da,

adhiga iyo riyaha, haddana geelu waa xoolaha ugu

mudan ee ugu qiimo badan Somalia, waxanu kaalin weyn

ku leeyahay dhaqanka Soomaalida. Caadiyan degaannada

miyiga waxa ka mid ah oo aad ku arkaysaa geel dhex

wareega dhul iskugu jira geed-qodaxeed, dacarley,

tiin iyo dundumoyin. Mararka qaar waxaad akaysaa neef

geel ah oo la seeteeyey amma la dabray, oo si qaab

daran u dhex bood-boodaya, ugana tallaabaya waddada,

43

taasina ay keento in uu xannibo oo uu joojiyo

baabuurtii maraysey waddadaasi. Dhulka kaynta amma

yacayga dhexdiisa, waxaad ku arkaysaa nirgo jooga oo

dhex wareegaya, nirgahaasi oo laga soocay halahii, si

aanay u jiqin. Waxad arkaysaa goosan iyo kadimo geel

ah oo foofay oo raamsanaya, una daaqaya dhinac kasta,

oo ay la joogaan geeljire reer miyi ah oo dhuudhuuban

oo xidhan maryo iyo dhar caadi ah, degtana ku sita

ul, oo eegaya geela. Nin la yidhaa Cabdillaahi Faarax

ayaa igu yidhi:

Annagu haddii aannu nahay Soomaali, annaga iyo

geelayaga lama kala saari karo. Taariikh ahaan

weligayo geela ayaannu ku xidhnayn oon ku noolayn

kana helnaa caano, hilib, lacagta, iyo rarka oo

aannu gaadiid ahaan u iscticmaallo. Waa waxa ugu

weyn amma ugu horreeya ee aannu ku guurno

geeddiga dheer, kuna raranno dhammaan xaamaanta

iyo agabka, geeddigaasi oo maalmo qaata, isaga oo

aan u baahan wax biyo ah. Geelu waa laf-dhabarta

reer miyiga. Soomaalidu aad ayay u jecel yihiin

geela, waayo, si weyn ayay ugu tiirsan yihiin oo

ay ugu xidhan yihiin. In kasta oo tiradii

dadweynaha reer miyiga ahi ay hoos u sii

dhacayso, haddan jacaylka ay u qabaan geelu waa

mid aan weligii dhimanayn. Xattaa waannu ka

gabaynaa geela. (Abdullah Farah, Farmer,

Somaliland).

Geela waxa lagaga baxaa oo la manaafacaadsadaa caadi

ahaan waqtiyada iyo duruufaha adag. Waxa lagu bixiyaa

yaradka, magta dhiiga amma qiime lacageed oo u

dhigma, iyo magta laga xaqo dhaawaca iyo nabarrada.

Geelu wuxu u taagan yahay nolosha aasaasiga ah ee

Soomaalida, waxayna u tiriyaan gabayo iyo heeso gaar

ah oo ay ku ammaanaan, waxayna iska dhigaan oo ay

matilaan geelii oo hadlaya. Geela Soomaalidu xataa

44

waxa uu Internet-ka ku leeyahay bog Facebook ah oo u

gaar ah.2

Mid ka mid ah sababaha geela loo siiyo mudnaanta ee

uu ugu weyn yahay dadka dhaqda, waxa ka mid ah awodda

uu u leeyahay in uu u adkaysto duruufaha amma

xaaladha adag ee degaannada dalkaasi. John Drysdale

oo khabiir ku ah arrimaha Somalia, waxyaabihii uu ka

qoray geela Soomaalida waxa ka mid ahaa (The Somali

Dispute, John Drysdale, 1964):

Geela Soomaalida, oo ah nooca hal-kurus-laha ah,

waxa uu qadi karaa oo uu biyo-la’aan joogi karaa

waqti dheer, oo ka badan inta noocyada kale ee

geelu xammili karaan. Cimilooyinka ugu kulul ee

ugu qallalan, uma baahna in la arooriyo oo la

waraabiyo wax ka badan saddexdii toddobaadba mar

... Xilliyadaasi jiilaalkana, reer-miyigu waxay

ku nool yihiin gebi ahaan caanaha geela. Xataa

dharabka amma sayaxa aroornimo ma dhaafo

debnihiisa, kuwaasi leefa marka uu dharabsanayo.3

Jacaylka iyo mudnaanta Soomaalidu siiso geela, waxa

kale oo si weyn uga hadlay Professor Lewis:

Geela maalka loo dhaqdaa, waa kan qudha ee

caanaha ay ka helaan, inta badanna ay ku tiirsan

yihiin geeljiraha iyo raacatadu. Kan la rarto, oo

inta badan aan la fuulin amma aan caadi ahaan

laga dhigan rakuub dadka lagu qaado, marka laga

reebo qofkii buka, waxa lagu gurtaa oo gaadiid

ahaan lagu qaataa aqalka iyo gurgurka kale ee

jilicdasan oo lagu raro, xamaanta iyo dhammaan

agabka kale ee reerku leeyahay, marka laga

guurayo meel ee loo guurayo meelo kale. Saanta

geela waxa laga samaystaa kabaha laga xidho

cagaagga socdaallada dhaadheer ee dalka

dhexdiisa. Laakiin waxa geela lagu qiimeeyo ee

45

ugu weyn ahmiyadda uu u leeyahay reer-miyiga, ma

aha faa’iidooyinkaasi oo qudha. Ka sakow muddada

dheer ee ay jirtay lacagta oo lagu isticmaalo

wax-kala-bedelashada iyo qiimaynta, haddana waxa

ugu weyn ee ugu horraantaba qofka lagu qimeeyo

maalkiisa, mansabkiisa iyo maqaamkiisu waa hadba

tirada geel ah ee uu leeyahay. Mudnaantan tooska

ah ee dhaqanka Soomaalidu uu siiyo geela ee wax

walba ka sarraysiiyo, sida iyo wax ugu fiican ee

lagu fassiri karaa amma loo sharrixi karaa waa in

geeluhu uu yahay waxa wax lagu sarjaro ee lagu

qiimeeyo, marka loo eego macaamilka ijtimaaciga

ah iyo kan dhaqaalaha ee reer-guuraaga

Soomaalida.4

Ka sakow degaannada iyo cimilada adag ee ay ku nool

yihiin, haddana xoolahaasi adkaysiga badani ma aha

isha qudha ee khayraadka Soomaalidu ku tiirsan tahay.

Dhina Waqooyi-bari ee Somalia, waxa taariikh ahaan

beryihii hore loo yaqaanney ‘dhulkii Bunt’ amma

‘Dhulkii Udugga’, waayo dhulkaasi oomanaha ah waxa si

teel-teel ah uga baxa dhir iyo geedo xabagtooda laga

sameeyo oo laga dhigto foox iyo meydin, kuwaasi oo

laga baayac-mushtarayn jirey muddo qarniyaal ah,

loona isticmaali jirey udug la shitto munaasbadaha

diiniga ah ee Masiixiyiinta iy Muslimiinta adduunka.

Gobolkaas is-maamulka Waqooyi Bari, waxa uu

sannadihii aynnu soo dhaafnay sheegtay oo uu dib u

soo ceshaday magacii Puntland, in kasta oo waqtigii

buuggan la qorayey uu gobolkaasi caan ku ahaa

budhcad-badeedda, oo aanu ku magac-dheerayn udugga.

Sannadihii aynnu soo dhaafnay, waxa laga helay

xeebaha Soomaalida kayd ah saliid iyo gas dabiiciga

ah, laakiin in la soo saaro kuwaasi waxa xannibay

dagaallada, budhcad-badeedda, iyo xaaladaha xagga

siyaasadda ee mugdiga ku jira ee aan la hubin amma

aan lahayn wax lagaga talo galo. Socdaal aan ku tegey

Somaliland sannadkii 2011, waxan kula kulmay kooxo ka

46

kala yimid Norway iyo Saudi Arabia oo halkaasi u

yimid inay eegaan sida ay suurtogal u tahay inay ka

qayb geli karaan mashaariicda was-soo-saarka xagga

tamarta amma shidaalka. Hasse ahaatee, maqnaanshaha

aqoonsi caalami ah oo uu helo dalkaasi ayaa dhibaato

iyo carqalad weyn hadda ka horba ku noqotay

horumarinta qaybtani dhaqaale.

Qaybo ka tirsan Somalia ayaa ah dhul masno ah oo wax

laga beeran karo, gaar ahaanna dhulka koonfurta ee u

dhexeeya labada webi ee dalkaasi ee Juubba iyo

Shabeelle. Dhaqan ahaanna dhulkaasi waxa ku noolaa

dad beeraley ah oo falan jirey galleyda, badarka,

masagada iyo midhaha kale, in kasta oo wax-soo-

saarkii beeruhu uu si weyn ugu dhex tabaaloobey

dagaalladii socdey sannadaha badan. Soomaalida reer-

guuraaga ahi waxay hoos u eegaan oo ay quudhsadaan

dadka beeraleyda amma qodaalka ah, reer-guuraagaasi

oo u arka nolosha deggan ee qodaalku inay ka hoosayso

dhaqankooda guurguurka ee joogtada ah.

Xilliyadii guumaysiga, waxa laga sameeyey hareeraha

webiyada beero waaweyn oo laga beero muuska , kaasi

oo inta badan loo dhoofin jirey debadda oo loo

iibgeeyo. Ganacsigaasi muusku wuxu socdey dhawr sano

waqtiyadii dagaallada kululi ay jireen ee ku xigey

dhicitaankii Siyaad Barre – run ahaantiina,

ganacsigaasi waxa loo yaqaanney ‘ka-ganacsigii muuska

dhiigga ah’ amma muuskii lagu helay dhiigga dagaalka,

waxanu gacan ka geystey maalgelinta iyo hanti-u-

samaynta kooxihii dagaallamayey qaar ka tirsan –

laakiin markii ay sii daba dheeraatay deganaansho-

la’aantii jirtey sannadaha badani, waxa burberay

dhammaan ka-ganacsigii caalamiga ahaa ee muuska,

iyadoo weliba badh ka tirsan beerihii muusku ay ku

dhex baaba’een dagaalladii kooxaha hubaysan ee kala

geddisnaa. Muusku waxa uu ka mid yahay raashinka

muhimka ah ee Soomaalidu ay quutaan, waxana inta

badan la raaciyaa cunnada amma soorta muhimka ah.

47

Xeebta dgeer ee Soomaalida waxa ka buuxa kalluun iyo

khayraadka kale ee badda, in kasta oo reer-miyiga

xoolo-dhaqatada ahi ay dhaqan ahaan caayaan oo ay

quudhsadaan dadka cuna kalluunka. Waxa jirta sheeko

amma hal-hays Soomaaliyeed oo ka hadlaya qof reer

miyi ah oo yalaalugo amma hunqaaco qabato mar kasta

oo uu arko amma la kulmo qof ku nool xeebta, sababta

oo ah in mar kasta oo maskaxdiisa ay ku soo dhacdo

qof cunaya kalluun, in si weyn loogu kaco oo ay

hunqaaco qabato. Ka sakow qabka iyo isla-weynida ay

qabaan reer-guraagu, ee ay hoos u eegaan beeraleyda

iyo kalluumaysatada, haddana tobannaan kun oo ka

tirsanaa dadkii xoolo-dhaqatada ahaa ayay ku

kalliftay inay iyaga laftoodu noqdaan beeraley iyo

kalluumaysato, ka dib markii ay ku soo barabaxeen

abaarihii ba’naa ee badhtamihii sannadihii 1970-

neeyadii. ee dawladdu ay u samaysay dakaasi dib-u-

dejin, abaarahaasi oo baabiiyey xoolohoodii iyo

qaabkoodii noloshooda. Isbedelkan waxay u arkeen mid

ceeb iyo weji-gabax ku ah oo aan u qalmin heerkii

amma hab-dhaqankii noloshooda.

Quudhsiga la iskala weyn yahay istimaalka kalluunku

waxay keentay dhibaatooyin waaweyn xilliyadii

macaluusha, sababta oo ah in Soomalida qaar ay

diidaan inay cunaan kalluunka, xattaa haddii aanay

jirin wax kale oo la heli karaa amma la quuto.

Shaqaalaha ajanebiga ah ee hey’adaha gargaarku waxay

ka hadlaan dhibaatada ka haysata diidmada dadku ay

diidan yihiin ee ay ka soo taagan yihiin inay cunaan

kalluunka, amma siiyaan caruurtooda xilliyadii

dagaallada ee horraantii sannadihii 1990-meeyadii,

xilliyadaasi oo magaalada Muqdisho ay gabaabsi ku

noqdeen noocyadii kale ee raashinka intoodii badnayd,

iyadoo weliba magaaladaasi ku taal meel xeeb ah oo

kalluun ka buuxo badweynta. Waxan xasuusnahay markii

aan tegey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu

xilliyadii uu ugu kululaa dagaalkii sokeeye, oo dadku

48

ay macaluulayeen, laakiin haddana saxarado is-

danayaalla oo ka buuxa khayraadka badda amma kalluun

ayaa lagu rarayey diyaaradaha oo loo dhoofinayey

dalka Saudi Arabia, halkaasi oo lagu iibiyo qiime

lacageed oo aad u sarreeya, loona isticmaalo

faakihaysi.

In kast oo maanta ay sii kodhayso tirada dadka cuna

kallluunka ee Soomaalida ah, haddana khayraadkii

badda ee Somalia waxa soo food saartay dhibaato kale.

Doonyaha iyo maraakiibta kalluumaysiga ee ajanebiga

ahi waxay ka faa’iideystaan burburkii dawladda dhexe,

waxayna xaalufiyaan oo ay dhacaan biyaha Soomaalida.

Budhcad-badeed badan ayaa ku dooda in sababta ku

kalliftay inay ka tagaan xirfaddoodii iyo

shaqooyinkoodii kalluumaysiga, inay tahay boobka

ajanebigu ku hayo khayraadkii badahooga, taasina ay

ku khasabtay inay noqdaan budhcad-badeed. Buugga uu

qoray Martin Murphy ee Somalia: The New Barbary? Waxa

uu kaga hadlayaa ilaa heerka dhibaatadani ay

gaadhsiisan tahay:

Ka dib sannadkii 1991, ma jirin xoog amma ciidan

ilaaliya badahan kalluunka. Doonyo ajanebi ah

ayaa si weyn oo xun u soo galay badahaasi si ay u

urursadaan noocyada kalluunka kala geddisan ee

Tuunada, Libaax-badeedka, ceydinka, loobistarka,

iyo kalluun-cadka ... Doonyaha iyo maraakiibtaasi

kalluumaysigu waxay ka kala imanayeen, amma soo

maalgelinayey, sharikado deggan dalalka ay ka mid

yihiin Yemen, Masar, Saudi Arabia, Pakistan, iyo

kuwa kale oo ku yaal soohdimaha adduunka looga

yaqaan badaha fogfog ee kalluumaysiga adduunka,

kuwaasi oo ay ku jiraan dalalka Taiwan, Shiinaha,

Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo Thailand, iyo

qaar ka tirsan dalalka Ururka Midowga Yurub, gaar

ahaanna Spain oo maraakiibtoodu inta badan

sittaan calanka Belize, amma ‘calammo kale oo

lagu danaysto, laguna dal maro’, si ay uga dul

49

boodaan oo ay u baal maraan xeerarka Ururka

Midowga Yurub.5

Reer-Guuraaga (Nomads)

Waa laga yaabaa in waxa ugu weyn ilaha iyo

imkaaniyaadka Somalia inay yihiin dadkeeda. Sababta

oo ah xaaladaha adage ee ay ku nool yihiin, waa dad

hal-abuur iyo karti wax-soo-saar oo weyn leh, aad u

adkaysi badan oo xammila duruufaha adag, kuna

wanaagsan wax rogrogista amma ganacsiga iyo baayac-

mushtarka. Ma jiraan wax badan oo kale oo Soomaalidu

ay ku tiirsan yihiin, oo aan ahayn lafahooga iyo

xidhiidha adag ee dhexdooda ee beelaha. Meel kasta oo

adduunka ay tagaan, way la qabsadaab oo ay ku noolaan

karaan, iyaga oo inta badan gala ganacsi amma

geddisleyn. Ka sakow sannadihii badnaa ee colaadda

iyo dhibaatooyinkii kale ee keenay in Soomaali badani

ay debadda degaan, amma ay ku jiraan sannado badan

xerooyinka qaxootiga amma kuwa barabaxayaasha, in

badan oo ka tirsan Soomaalidaasi waxay weli ku sii

dheggan yihiin, si weynna ugu faanayaan dhinacyo

badan oo ka tirsan dhaqankoodii reer-guuraannimo, in

kasta oo dhaqankaasi uu yahay qaab-nololeed in badan

oo iyaga ka mid ahi ay ka tegeen waa hore.

Waa adag tahay in tirokoob sugan laga sameeyo wax

kasta oo laga helo Somalia, hasse ahaatee waxa lagu

qiyaasaa in inta u dhaxaysa boqolkiiba 60 ilaa 70

Soomaalidu inay yihiin reer-guuraa amma ay ku xidhan

yihiin reer-guuraannimada.6 Si ka duwan xaaladaha

dalal badan oo kale oo Afrikaan ah oo hoos loo eego

amma la quudhsado mujtamaca iyo dhaqanka reer-miyiga,

Soomaalidu, xataa kuwa ku nool magaalooyinka dalka

gudhiisa iyo debadduba, waxa maankooda ku jira oo ay

qiimeeyaan dhaqanka iyo qaab-nololeedii noocaas ahaa,

waxayna sii wadaan xidhiidhka iyo danihii ay ku

lahaayeen miyiga. Waxan la fadhiistay wax badan oo

50

aan arkay Soomaali aannu is naqaan, magaalooyinka

London, Nairobi, Hargeysa iyo Muqdishu, iyaga oo ka

hadlaya, si hammi ah, geelooga iyo raga ilma-

adeerradood ah ee nasiibka badan ee weli reer-

guuraaga sii ah, amma ku sii hadhay noloshii miyiga.

Waxa weli loogu jecel yahay ee la weyneeyaa waa

geela, oo Soomaalidu ay ku sheegto waxa ugu fiican

uguna adag Soomaalida oo dhan. Waxay leeyihiin kaftan

xiiso leh, laakiin maldahan, oo ay hoos u eegaan waxa

ay ku tilmaaman nolosha fadhiga ah ee caajiska ah ee

reer magaalka, sida iyaga oo kale. Professor Ioan

Lewis Waxa uu faahfaahinayaa sida dhaqanka reer-

guraannimadu uu xuddun-dhexaad ugu yahay hab-

nololeedka Soomaalida:

Ma noqon karto wax la buunbuuninayo amma laga

bad-badinayo in miyigu uu yahay laf-dhabarta

dhaqaale ee dadweynaha Soomaalida intooda badan,

iyo in qaab-nololeedka miyiga iyo dhaqankii reer-

guraagu, in ay yihiin kuwa ka mudan ee ka

horreeya dhammaan dhinacyada kale ee nolosha

Soomaalida. Iyada oo ka geddisan marka la barbar

dhigo sida ay yihiin mujtamayada reer-guuraaga ah

ee tirada yar ee dalalka kale, reer-guuraaga

miyiga Soomaalidu kama go’na magaalada, kamana

soocna oo kama duwana dhaqan ahaan iyo bulso

ahaanba dadka kale ee magaalooyinka deggan

intooda badan, shaqaalaha rayidka ah amma

shaqaalaha dawladda ee kale ee ay ka midka yihiin

ciidamadu. Laga bilaabo min madaxweynaha ilaa

hoos, heer kasta dawladda iyo maamulka, ilaa kuwa

reer-magaalka ah ee ku nool nolol casri ah ,

waxay ku leeyihiin miyiga walaalo iyo ilma-

adeerro, iyo xoolaha nool oo wax ugu jiraan, oo

ay qaybo ku leeyihiin. Shaqaalaha rayidka ah ee

magaaladu caadiyan waxay maalgeliyaan xoolaha oo

loogu hayo miyiga, una hayaan xigtadooda miyiga

deggani.7

51

Waxa muhiim ah in la fahmo jiritaanka ‘dhaqanka iyo

dabeecadda’ miyiga ee Somalia, sababtuna waxay tahay

in taasi ay sahlayso oo sharraxayso in la garto

sababaha dalkaasi uu uga horjeedo ee uu uga dhabar-

adygayo in la helo nidaam ku dhisan dawlad dhexe.

Sida uu u faahfaahinayo Ioan Lewis, aragtida ku

saabsan ‘nidaam iyo qaab awodeed oo maamul leh,

heerar kala sarreeya, waa aragti bidci ah oo

shisheeye oo debadda ka ah dhaqanka mujtamaca reer-

guraaga ee Soomaalida, kaasi oo isagu leh nidaamkiisa

iyo xeerarkiisa dhaqanka ee la xidhiidha hababka loo

gaadho ee loo qaato go’aammada, habkaasi oo ku dhisan

qaab diimoqoraaddi ah oo ilaa heer noqon kara mid aan

ku dhisnayn wax nidaam dhexe ah’.8

Nolosha iyo dhaqanaaksi reer-guraagu waxa kale oo uu

sharraxayaa sababaha aanay Soomaali badan wax macno

ugu lahayn ee aanay u tixgelin xuduudaha dalalka iyo

aragtida ‘dal’ lafteeda. Reer-guuraagu waxay

wareegaan oo ay u guurguraan dhulalkii qarniyaal

badan ay mari jireen tolkoodii iyo reerahoogu, iyaga

oo aan wax dan ah ka gelin amma aan tixgelin wax

xuduud ah oo kala tusmeeya, in kasta oo dagaalladii

ay arrimahani isku dhex qasseen.

In kasta oo degaannada magaaloobay, iyo dagaalladii

sanadaha badan socdey iyo abaaruhuba ay keeneen in

Soomaali badani ay ka tagto miyigii iyo noloshiisii,

haddana weli waxa caadi ah in qoysaska magaalooyinka

ku nool ay caruurtooda wiilasha ah u diraan miyiga,

si ay halkaasi u soo joogaan dhawr bilood oo ay ula

soo noolaadaan qaraabadooda reer-guuraaga ah, taasi

oo loola jeedo inay ku ‘soo ad-adkaadaan oo ay soo

qabtimaan noloshaasi adag’. Suxufiga Soomaaliyeed ee

Maxamed Cadde, oo iga caawiyey intii aan ku jirey

ururintii macluumaadka buuggan, waxa uu ka hadlay

markii uu yaraa oo laga diray magaalada Muqdishu,

52

loona diray miyiga, si uu ula soo joogo ilma-

adeerradiisii reer-guuraaga ahaa. Waxanu yidhi:

Afar iyo labaatanka saacadood, hal mar ayaannu

wax cuni jirney, cunnadaasi oo ka koobnayd caano

geel oo lis ah. Waxan cuni jirney hilib dhawrkii

caano-maalba mar. Biyaha la cabbaa waxay ahaayeen

‘biyaha dhirta’ oo laga nuugo amma muudsado

xididdada iyo midhaha dhirta. Waxan ku seexan

jirney dhul qaawan oo aan wax gogol ah lahayn, oo

kaynta dhexdeeda laga xaadh-xaadho meel nadiif

ah, oo aan hore loo cagacagayn, oo la jiifsado.

Laakiin marka hore waxaan mar walba iska hubin

jirney in aan wax masas ahi ku jirin halkaasi,

inta aannaan dhinaca dhulka dhigin. Reer miyigu

wax badan iskuma raraan oo waxay qaataan wax yar

oo fudud. Waxay qaataan weyso qori ah oo biyaha

lagu shubto, biyahaasi oo aan loogu talo gelin in

la cabbo, laakiin lagu weyseysto, waayo, salaadda

ayaa ka weyn cabbista biyaha. Waxa kale oo ay

qaataan Barkin qori ah oo marka la seexanayo

habeenkii laga dhigto barkimo madaxa la saaro.

Waxa kale oo ay qaataan hub qori ah, amma ul, iyo

mar walba toorray amma abley dhexda ugu xidhan.

Beryahan, qof walba waxa uu sittaa telifoonka

gacanta ee moobiilka, kaasi oo faa’iido weyn u

leh si ay u ogaadaan wararkii u danbeeyey ee

qiimaha suuqa xoolaha, iyo inay kula xidhiidhaan

tolkood iyo qaraabadooda. Reer-guraagu waxay

xidhaan laba go’ oo cad-cad iyo kabo laga tolay

saanta geela amma shaagga baabuurta ee gaboobey.

Reer miyigu waa dad dabiici ahaan askar oo kale ah,

waxayna ku nool yihiin nolol heegan ah oo dagaal-u-

joog ah. Waa dad ad-adag, oo aan qaadan wax xamaan ah

oo culaysiya, una baratay inay socdaalaan oo ay

lugeeyaan dhul aad u fog. Waa dada la qabsan og

53

xaaladaha nololeed ee dagaal iyo dagaalyahannimada,

ha noqoto dagaallada Islaamiga ah, kuwa

miliishiyooyinka beelaha, amma ciidamada dawladda.

Waxa dhici karta oo kale in qaar ka tirsan reer

miyigu ay u dagaallamaan cid kasta oo ay wax dheeraad

ah ka helayaan amma siinaysa lacagta ugu badan.. Waxa

jirey warar joogto ah oo sheegaya in kooxda

Islaamiyiinta ah ee al-Shabaab ay si toos ah dad uga

soo qortaan oo ay uga soo kaxaystaan ciidamada

dawladda, iyo sidoo kale in ay dhacdo in dawladduna

ay ka soo kaxaystaan qaar ciidammada al-Shabaab,

sababtuna ay tahay hadba ka bixinaya ee ku ballan

qaada mushahar ka sarreeye kan kale.

Dumarka reer miyigu waxay sidoo kale ku jiraan nolol

adag oo culays ah. Inta raggu ku maqan yahay geela

iyo lo’da, waxay sii joogaan reerka oo ay ku hayaan

caruurta iyo dadka da’da ah, kuna sii ilaaliyaan

halaha, adhiga amma idaha iyo riyaha. Khabiirka wax

ka qora arrimaha Somalia ee Michael Walls (The

Emergence of a Somali State, African Affairs, 2009),

waxa uu ku doodayaa in, in kasta oo dumarka

Soomaalidu ay kaalin aasaasi ah ku leeyihiin

dhaqaalaha miyiga iyo kan magaaladaba, in haddana

mudnaanta iyo ahmiyadda mujtamacu uu siiyo

kaalintoodaasi ijtimaaciga ah, inta badan aanay ahayn

tan kowaad ee ay tahay ‘xagga danbe’ amma mid

hoosaysa. Waxana ka mid ah dooddiisa:

In kasta oo aanay ahayn qaabka keliya, haddana

hababka lagu xoojiyo xidhiidhka debadeed waxa ka

mid ah xididnnimada amma kala-guursiga.

Habkaasina waxa ka dhasha aakhirka kaalin weyn oo

laba dhinac amma weji ah, oo in kasta oo aanay

ahayn rasmi, haddana ay yeeshaan dumarku, oo ay u

dhexeeyaan xidhiidhka reerkii ay ka dhasheen iyo

reerka ay u dhexeen. Iyada oo dumarka Soomaalidu

ay muddo dheer lahaayeen kaalin muhim ah oo ah

inay u kala dab-qaadaan beelaha, inay kaalin ka

54

qaataan abaabulka reerka dhaqaalihiisa iyo

xoolaha, iyo inay ka shaqeeyaan oo si dadban u

saaraan culays iyo xoog suurtogelinta in la helo

oo la gaadho arrimaha qaar, haddana talada iyo

go’aannada rasmiga ah ee kama-danbaysta ah, ee la

xidhiidha arrimaha ijtimaaci iyo kuwa siyaasadda,

waxay si weyn ugu xidhan yihiin amma u yaallaan

oo iska leh ragga.9

Qoraaga Soomaaliyeed ee Nuuraddiin Faarax, waxa uu

si gaar ah u dareensan yahay oo uu ugu baraarugsan

yahay kaalinta dumarka ee mujtamaca Soomaalida.

Cunwaanka uu siiyey buuggiisii ugu horreeey ee uu

qoray, oo uu u bixyey Feedh Qalloocan (From A Crooked

Rib), cunwaankaasi waxa uu ka soo qaatay hal-hays

Soomaaliyeed oo dumarka loogu maahmaaho, dadka qaarna

ay aaminsan yihiin inay maahmaahdaasi asal ahaan ka

timid xadiis nabaw:

Ilaahay, dumarka waxa uu ka abuuray feedh

qalloocan, qofkii isku daya in uu toosiyaana, wuu

jebinayaa.

Buuggu waa sheeko ku saabsan gabadh reer miyi ah oo

la yidhaa Ceebla, oo reerkii ka baxsatay, una

carartay xagga magaalada, lana kulmaysa oo ku

danbaynaysa dhibaatooyin badan oo kala geddisan oo ka

soo maraya guurka raga ay la kulanto. Waxana ka mid

ah faqradaha sheekooyinka buuggaasi:

Si weyn ayay u necbayd kala takroorista loo kala

eexanayo ragga iyo dumarka: fikradda ah in

innamada amma wiilashu ay sidaan magacii iyo

heybaddii qoyska iyo reerka. Xataa ninka

dabbaalka ah amma maraanka ah ee kala dhiman,

waxa uu kelidii la qiimo yahay laba naakood,

marka la bixinayo magta dhiigga. Innamada, wiil

kasta waxa la siiyaa min labaatan ilaa soddon

55

geel ah marka loo xoolo-goynayo. Laakiin dumarku

waa in ay sugaan waxa calafkoodu noqdo ee uu ku

danbeeyo: marka ay helaan dhaxdin ee la

guurasado. Inanku isla marka uu dhasho, waxa

markaaba loogu xuddun-xidhaa hal. ‘Malaha,

Ilaahayba ragga ka jecel dumarka,’ ayay is-

tidhi.10

Buug danbe oo uu qoray Nuraddiin Farah, oo la yidhaa

Gifts, waxa uu kaga sheegaynayaa xaaladaha iyo

duruufaha la soo gudboonaanya shakhsiyadda sheekadu

ku socoto oo la yidhaa Duniya:

Waa marka ay isku aragto inay tahay qof dumar ah,

kana fikirto waxay ay tahay naagnimo amma

dhedignimadu ... waa markaa marka Duniya ay

qalbi-jabto ee qulubto. Nolosheedii oo dhan, heer

kasta iyo meel kasta, min caruurnimadeedii ilaa

muddakarnimadeedii, xilli kasta oo ay gasho,

waxay gelaysay oo ay taagnayd ‘meelo iyo

marxalado’ kala geddisan, marxaladahaasi iyo

meelahaasi oo mid walba rag uuni maamulayey, oo

ka talinayey, gacantana ku hayey. Miyayna ka

tegin gurigii aabbaheed, si toos ahna ugu

wareegin Subeyr [ninkeedii ugu horreeyey]?

Miyayna haddana ka cararin Subeyr oo aanay u

gelin Shiriye [ninkeedii labaad]? ... Isla

markaasi, intaasi oo dhan, waxa isna jirey

walaalkeed Abshir, oo iyada ka weyn, oo ah nin

macaan oo wanaageeda jecel, oo meel kasta iyo

waqti kasta ku daba-jirey, lana socdey oo ka war

helayey dhammaan dhaqdhaqaaqeeda, tallabo kasta

oo ay qaaddo, iyo wax kasta oo ay yab-yabato:

Abshir oo ah maxadad amma marxalad kale oo ka mid

ah nolosheeda. Haddana waa nin kale. Imika waa

Bosaaso [saaxiibkeed]. Xikmadda sheekada? (Morale

della Storia?) Duniya way barabaxday, sida dumar

kale oo fara badan oo dunida jogaaba ay ku sugan

56

yihiin. Dumar ahaanna, way fara-madhan tahay oo

ma lahayn wax milki amma hanti ah.11

Ilaa imikadan, wax badani iskama bedelin xalaadda

dumar badan oo jooga Somalia. Wasiirka qaabilsan

arrimaha dumarka ee dawladda ku-meel-gaadhka ah,

Maryam Qaasin, waxay sheegtay sannadkii 2011-kii in

‘khatarta ugu weyn ee qofka dumar ahi ay maanta ku

sugnaan karto Somalia dhexdeeda, waa haddii ay uur

yeelato’, sababta oo ah nabadgelyo la’aanta halkaasi

ka taagan iyo adeegyadii aasaasiga ahaa ee umusha oo

aan jirin. Khatartu maha oo qudha ta ay ku sugnaan

karaan xataa dumarka sida caadiga ah u foosha ee u

umula; Hey’adda Caafimaadka Adduunku (WHO) waxay

iyana sheegtay isla sannadkaasi, in kala-badh in ku

dhawdhaw dadka ay soo gaadhaan dhaawaca xabadaha ee

Somalia, inay yihiin caruur da’doodu ay ka yar tahay

shan jir.

2 Dumar ka tirsan askarta ciidamada dawladda ku-meel-

gaadhka ah (Mohamed Moalimuu)

57

Gabayga (Poetry)

Reer-guuraaga Soomaaliyeed waxay leeyihiin dhaqan-

afeed xoog leh, waxana laga yaaba in taasi ay ugu

wacan tahay noloshooda maadiga ah oo baahsan, iyo

dhaqaalaha iyo khayraadka noloshoodu ku tiirsan tahay

oo teel-teel ah. Professor Lewis waxa qabaa oo uu

sheegayaa in suugaan-afeedka iyo gabaygu ay yihiin

fanka ugu mudan ee ugu qiimo weyn waxyaabaha laga

helo ee ay leeyihiin ‘Soomaalidu’. Fan-

suugaaneedkaasi quruxda badan ee gaarka ee takhasuska

ay u leeyihiin, waa mid ku bannaan qaabka iyo

dhaqanka dad reer-guuraa ah oo u bartay inay mar

walba si sahal ah ula guurguuraan xoolohooda iyo

xamaantooda, laakiin hibo u leh af amma luqad qani

ah. Soomaalidu waa dad u dhashay inay hadlaan oo ay

afka ka hadlaan, gabayo tiriyaan, kuna fiican sheeko-

xariirada iyo inay wax isku tebiyaan.’12

Soomaalidu waxay si dhakhso ah ula qabsadeen oo ay

dhaqan-afeedkoodii ku dabbaqeen tiknoolojiyada cusub

ee maanta. Waxay si weyn oo xad-dhaaf ah u daneeyaan

dhageysiga idaacadaha iyo telifishannada. Xattaa waxa

la sheegay in xilliyadii dagaallada sokeeye ay ugu

kululaayeen ee sannadihii 1990-meeyadii, in dadku ay

joojin jireen dagaalka waqtiga ay soo galayso

idaacadda af-Soomaaliga ee BBC-du, si ay u

dhageystaan. Waxa kale oo ay aad u isticmaalaan

adeegyada Internet-ka; waxa jira boqolaal barood amma

website oo u go’an wararka Soomaalida, siyaasadda iyo

dhaqanka.

Gabaygu waxa kale oo uu weli ku sii leeyahay nolosha

Soomaalida kaalin weyn oo muhim ah, iyadoo tixraac

amma tusaale iyo hal-qabsi loo soo qaato gabayadii

raggii hore ee dhintay iyo kuwa maanta joogaba, oo

lagaga hadlo ammaanta, faanka, xifaalaynta iyo wax-

iska-sheegga, dhiirrigelinta, wax-is-xasuusinta, iyo

58

in lagu dabbaqo marka laga doodayo xaaladaha maanta

taagan.

Gabayaaga ugu caansan waxa ka mid ahaa Sayyed

Mohamed Abdulle Hassan oo loo yaqaanney ‘ Mad Mullah’

amma ‘Wadaadkii Waalla’, oo noolaa intii u dhaxaysey

sannadihii 1860 ilaa 1921-kii. In badan oo ka mid ah

gabayadiisa, waxa uu u adeegsan jirey dagaalka, si uu

u kiciyo oo uu u dagaal-geliyo ciidankiisa, una

cabsi-geliyo cadowgiisa. Waxa kale oo gabayadiisu ka

hadli jireen dhinacyada kale ee nolosha Soomaalida,

kuwaasi oo ay ku jiraan xaaladaha adag ee nolosha

degaannada dabiiciga ah ee ay ku dhex sugan yihiin.

Waxana ka mid ah tixaha gabaygan calaacalka ah ee soo

socda (oo Sayid Maxamed Cabdulle Xassan kaga

calaalcalyo dhul barwaaqo ahaa oo daraawiishtu ka soo

guurtey, ka dibna meeshii ay u soo guureen ee ay

degeen ay ka heshay abaar xumi):

Ramag dhalay lo’ wada riira iyo, raasumaal adhi

ah

Rigta ciirta caanaha la raqi, racawadii maalka

Ragraag sixinta oo gog weyn, lagu rabbaasaayo

Rogob iyo baruur iyo caddiin, ramaqsigii goolka

Raka sare rawaaxi iyo xariir, raarta laga

buuxshay

Ribix waxan ka helay maalintaan, rababkii Ayl

iilley

Ra’yigayga kuma hayn inaan, rug uga guuraaye

Wax rafaad i soo galay markaan, awrta soo raraye

Rabbi niman oqoon bay qubay, raaxadaan qabaye

Rag baa igu cabiidshaye Nugaal, uma risaaloone

Niman baa riddaan igu wadaye, raalli ma ahayne

59

Reerkayga kama soo mareen, rabadinkuu yiille

Sidaan raaska Dhooddi ugu furay, rina ma

dheefayne

Risiq lagama helin geelashii, reysinka ahaaye

Kolba haddaan ka soo ruqay kobtay, ramastu ii

tiillay

Kolaan ruqur jabsado maalintay, rayadu geedowdo

Amaan raran gashado quullihii, raanta le’ekaaye

Curdankii ruguugucay kolaan, rubuc ka soo beegto

Amaan midhaha roobkii ku baxay, regad ka soo

buuxsho

Haddaan Hawd rabaalkiisa aal, dan uma riiqdeene

Waxay ii riyaaqsheen dalkii, reebida ahaaye

Waa meel dugaag roorayaa, ruqumbiyaayaaye

Waa meel raqdii aad tagtaa, ruux dada ey tahaye

Waa meel aan raan geeda weyn, raxan ka daaqayne

Waa meel ris iyo caws rudma ah, laga rifaayaaye

Waa meelaan raandhiis lahayn, ruus ka soo

baxaye.13

Jacaylka, dagaalka, dumarka iyo geeluba waxay yihiin

arrimo dhammaan si siman uga ka dhex muuqda oo laga

hadlo gabayga Soomaalida. Tixahan soo socda, waxay ka

mid yihiin gabay uu tiriyey nin kale oo gabayaa ahaa

oo la odhan jirey Cumar Xusseen Ostreeliya

(Australia), oo dhintay sannadihii 1960-meeyadii.

Waxa lagu naanaysi jirey ‘Cumar-Ostareeliya’, sababta

oo ah isaga oo si joogto ah uga hadli jirey dalka

Australia oo uu booqasho ku tegey socdaalladiisii

60

adduunka uu ku mari jirey. Gabaygani soo socda oo uu

ku ammaanayo gabadh uu ku hal-qabsanayoo oo la yidhaa

Weris, waxa uu isla mar kaga hadlayaa quruxdeeda iyo

shanqadha ka baxaysa qalabka ay sidato, sida rasaas

dhacaysa oo kale:

……………………………………………………………………………………………………

……………………………………………………………………………………………………

……………………………………………………………………………………………………

……………………………………………………………………………………………………

……………………………………………………………………………………………………14

In gabay laga tiriyo oo laga faalloodo xaaladaha

imika taagan, waa arrin khatarteeda leh, noqonna

karta wax xattaa naftaada halis geliya. Cabdirashiid

Cumar, oo ah nin dhallinyar oo gabayaa ah, waxa uu

tiriyey bishii December ee 2009, gabay amma guurow uu

u bixiyey ‘Fatwa’, ka dib markii qof ismiidaamiyey uu

isku qarxiyey xaflad qalin-jebin ahayd magaalada

Muqdishu, oo loo samaynayey arday ka soo qalin

jebisay kulliyadda caafimaadka, halkaasi oo ay ku

dhinteen in ka badan labaatan qof oo ay ku jireen

wasiirro dawladda ka tirsanaa. Ururka al-Shabaab waxa

uu u sheegay ninkaasi in uu amma ka noqdo gabaygaasi

oo uu buriyo, amma tiriyo guurow kale oo uu ku

ammaanayo al-Shabaab, haddii kale in la dili doon

isaga. Cabdirashii arrintaasi waxa uu ku gacansaydhay

hanjabaaddaasi, waxayna ku kalliftay in uu dhuumasho

galo oo uu is-qariyo.

Guurowgaasi ‘Fatwa’ waxa ka mid ahaa tixahan soo

socda:

61

Helley waataan lahaa,

Fa’ looxbaa lagu dhigaa,

Furqaan waa la akhriyaa,

Faruuryaa laga hadlaa,

Faraaxo lagu qabtaa,

Feeraa laga neefsadaa,

Falaax waa faws Ilaah.

………………………………………………………

Fa’dii kale waxan lahaa,

Farood waa ficil dugaag,

Fidniyo dirir waa fasaad,

Fallaar-tuur iyo is-feer,

Firaar laga dheefo mooyee,

Colaad faa’iido malaha.

………………………………………………………..

Fa’dii kale waxan lahaa,

Soomaaliya furuq qabsaday,

Fidnadii jeer hore fag tiri,

Banaadiiqdii la furay,

Fataatiir iyo ciyaar,

firqo lagu jabay dhammaan,

Ayaan kuba fooraroon,

Fekar baan la maahsanaa.

....................

Fa’dii kale waxan lahaa,

62

Furuuc Soomaaliyey,

Fallaagada reer Shabaab,

Waxay fiicnaan filaan,

Waxay qarax faafiyaan,

Fantiyo furuq weeye oo,

Furqaanku u maanicoo,

Fassir loo haynine,

Waar hoy fiirsada dadow...15

Gabayada dhaqanka iyo heesuhuba waxay yihiin qaar

weli kaalin dhexe ku leh nolosha dhaqanka Soomaalida,

laakiin iyaga laftoodu waa wax qaabkoodu isbedelayo

oo la qabsanaya waqtiga, laguna dabbaqayo hadba

qaababka cusub ah ee socda, gaar ahaanna siiqada amma

heesaha loo yaqaanno riglada (rap), siiqadaasi oo ah

mid gaar ahaan dhaqan-afeedku u jajaban yahay amma

aad ugu bannaan. Tusaale ahaan fannaanka Soomaaliyeed

ee reer Canada, Kaynaan, waa laashin si weyn ugu

caanbaxay fankaasi casriga ah ee loo yaqaan raabka

amma riglada. Dhallinyarada Soomaaliyeed ee iyaguna

deggan dalkan Ingiriisku, waxay isku badhxeen oo ay

isku dareen heesihii dhaqanka iyo qaababka muusikada

casriga ah, markii ay soo saareen hees gaar ah oo ku

baaqaysay sii-deynta laba qof oo lammaane ahaa oo

Ingiriis ah, oo u afduubnaa budhcad-badeed Soomaali

ah oo qabsatay sannadkii 2009.

Dhaqanka gabayadan Soomaalida ee leh hal-abuurka

sare, kaftanka, is-xifaalaynta iyo maahmaahyaha, waxa

iyaguna soo raaca naanaysaha loo bixiyo Soomaali

badan, oo si xiiso leh oo xariifnnimo loo dhigo, kuna

ladhan macne amma sifo maldahan, mararka qaarna si

toos ah oo aan naxli lahayn loogu yeedho qofkaas. Dad

63

waaweyn oo muhim ah ayaa loo yaqaan oo ku magac-dheer

naanaystooda oo qudha. Waxa ka mid ah hogaamiye-

beeleed awod badan oo la yidhaa Shaati-Guduud, iyo

Indha-Cadde oo loogu bixiyey isaga oo caado u leh in

uu hadba indha-caddeeyo oo uu kor u taago marka uu

wax eegaya. Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxa loo

yaqaanney Afweyne. Macnaha ereyga amma magaca Siyaad

laftiisu waa ‘Barihii amma dhibcihii Madoobaa’, amma

‘Calaamadihii Madoobaa’. Naanaysaha kale ee caanka ah

waxa ka mid ah Gurey oo loogu yeedho qofka bidixlaha

ah, Ganey oo loogu yeedho qofka foolasha qaar ka

maqan yihiin, Rooble oo loo bixiyo qofka dhashay

maalin-roobaad amma roob da’ay, iyo Geelle oo macne

ahaan ah qofkii geela badan lahaa, inta badanna loogu

yeedho dadka amma qofka dheer ee xooggan. Dumarka

laftoodu, mararka qaar waxay leeyihiin naanayso loo

bixiyo, kuwaasi oo inta badan ah ammaan-bilaash amma

ka-badbadis. Waxa ka mid ah Sonkorey oo tilmaamaysa

macaan, Luul oo macnaheedu yahay Dheeman, iyo

naanaysta Cod-Weyn.16

Soomaalidu waxa kale oo ay leeyihiin magacyo badan

oo ay ugu yeedhaan ajanebiga, oo inta badan quudhsi

ah. Dadka caddaanka ah, waxa loogu yeedhaa Gaalo oo

loola jeedo dadka aan ‘Ilaahay aaminsanayn’ amma

‘kufaarta’ ah. Magacan waxa kale oo loogu yeedhaa

dadka kale ee aan Muslinka ahayn iyagu. Ruusha iyo

Maraykanku waxay leeyihiin magac gaar ah oo loo

yaqaan, kaasi oo ah reer Kaba-Weyne, laguna

tilmaamayo qaradooda amma jidkooda weyn iyo sida

xoogga ah iyo cududda leh ee ay u tallaabsadaan.

Carabta waxa mararka qaar loogu yeedhaa Dheg-Cas,

Shiinahana Indha-Yar.

Qaadka (Qat)

Waxa kale oo ka mid ah dhaqanka Soomaalida, cunista

Qaadka. Caleenta amma geedkan oo lagu mirqaamo, waxa

64

laga beeraa Kenya iyo Ethiopia, Soomaaliduna waxay u

fadhida saacado badan oo ay qayilaan, inta badanna

gelinka danbe iyo fiidkii. Qaadku waa wax aad ugu

faafay Soomaalida, ayna qabatimeen oo intii

dagaallada sokeeye ay socdeen oo dhan, diyaarado lagu

geyn jirey Somalia, diyaaradahaasi oo ku degi jirey

garoomo la xaadh-xaadhay oo aan rasmi ahayn oo ku

kala yaal meelo fog-fog oo khatar ah oo dalka ka

tirsan. Ganacsiga Qaadka waxa laga helaa sannadkii

lacag gaadhaysa tobannaan malyuun oo doollar, umana

muuqan haba yaraatee mid dagaalladii ay saameeyeen oo

ay joojiyeenay.

Marka Qaadku soo dhaco ee uu yimaaddo, waxa abuurma

jawi kacsan oo buuq ah. Xaafadda Eastleigh, oo ah

xaafad ka tirsan magaalada Nairobi oo Soomaalidu ay

degto, waxa timaadda baabuur cararaysa oo si degdeg

ah u soo gala xaafaddaasi, kana yimaadda gobolka Meru

ee badhtamaha Kenya, halkaasi oo laga beero Qaadka.

Marka baabuurtaasi ay soo galaan, waxa abuurma buuq

miyir-la’aan ah oo la is dhexyaaco, iyada oo qaad-

walyaashu ay boobsiyaan inay kala soocaan qaadkaasi

cusub ee soo dhacay, una kala xidhaan qaybo loo kala

diro oo loo kala dhoofiyo Yurub, iyo inta gudaha lagu

iibinayo ee la reebayo. Eastleigh waxay leedahay suuq

u gaar ah oo lagu iibiyo Qaadka, loona yaqaan ‘Suuqa

Qaadka’, suuqaasi oo cammiran, ayna ku yaallaan

sakado meherado iyo tukaammo yaryar oo foodda saqafka

sare ee jiingadda ah laga soo wada lulay amma la

sudhay xidhmooyin ka kooban laamaha Qaadka. Nooca ugu

wanaagsan ee ugu tayo sarreeya Qaadka waxa lagu

iibiyaa xidhmadii ilaa $30 doollar oo Maraykan ah.

Jidadka suuqaasi waxa ka buuxa maqaaxiyo, halkaasi oo

dadku ay si nafis ah ugu fadhiyaan kuraas amma

derbiyada oo ay ku qayilayaan, kuna cabbayaan shaah

iyo sigaar, biyo amma cabbis kale oo fudud.

Maqaaxiyahan shaaha laga cabbo, oo ka mid ah

dhaqanka Soomaalida meel kasta oo adduunka ka tirsan,

65

waxay ka dhigan yihiin oo kale gole yar oo baarlamaan

oo lagu kulmo, si kululna loogaga doodo arrimaha

xagga siyaasadda ee gudaha iyo dhacdooyinka caalamiga

ah. Marka ay afkooda kala qaadaan ee ay hadlayaan,

waxa maraka qaar ka soo qubta calyo doog ah, oo ah

qaadkii ay taqsiisanaayeen, oo debadda u soo duula.

Waxaad moodda waxoogaa sidii lo’ raamsanaysa, iyaga

oo daamankooda ay ka muuqdaan oo ay ka soo buuran

tahay taqsiinta weyn ee ay ku gureen. (Qof ka mid ah

dadka sida weyn u qayila, xaafadda Easleigh ee

Nairobi, ayaa iiga warramay sida uu dareemo iyo

sababta uu u cuno Qaadka):

Waxan ahay muqayil weyn, horyaalka cunista

Qaadka. Annagu haddii aannu nahay Soomaali,

waxannu rumaysannahay in Qaadka uu yahay wax lagu

nafiso oo uu yahay waxa ugu fiican ee buuqa iyo

wareerka iyo daalka la iskaga biiyo. Maskaxda

ayuu si weyn u dejiyaa oo ka saaraa wareerka iyo

walaaca. Qaadku waa shay lagu mirqaamo, laakiin

haddana waa wax lagu nasto oo lagu raaxaysto.

Marka aan Qaadka cuno ee aan mirqaamo, nolol

cajaa’ib leh oo fiican ayaa i hortimaad oo aan

galaa. Marka aanan qayilin, waxan dareemaa cidlo

amma keli oo waan qaloodaa. Cunista Qaadka, waan

ku furfurmaa oo si weyn ayaan ugu sheekeeyaa,

waanu i dejiyaa. Dadka qaar ayaa yidhaa Qaadka

waa lagu dawakhaa amma waa lagu waashaa, laakiin

anigu taasi ma rumaysni. Xataa haddii uu

caafimaadkayga wax u dhimayo, dan kama lihi oo

kama werwero, waayo waan ka helaa oo wuxu iga

dhigaa mabsuud. Had iyo jeer, waannu ku kaftannaa

Qaadka oo aannu isku dacaayadaynna, waxanannu

isku nidhaa ‘ri camal ayaa u egtahay’, iyo ‘geel

camal ayaad u egtahay’. Ragga waaweyn ee

muqayilka ah, sidayda oo kale, qayilaaddu waa

waqtiyada ugu fiican ee ugu raaxada badan

66

noloshayada. (Maleele, Qaad-cun, xaafadda

Eastleigh, Kenya).17

Suuqyada magaalo-madaxda Hargeysa ee Somaliland, oo

ah qaar cammiran oo dhaqdhaqaa badani ka jiro, waxaad

ku dhex arkaysa dumar xijaaban oo ka soo jeeda

sandaqado iyo buushash lagu sawiray xidhmooyin Qaad

ah. Waxay iibiyaan Qaadkaasi oo ay ragga ugu ridaan

baco midabkoodu yahay buluug. Mid ka mid ah

‘dhibaatooyinka’ amma waxyeellada qaadku uu leeyahay

waa xashiishka. Somaliland inteeda badan waxad ku

arkaysaa bacahaasi oo ka wada dhalaalaya, kuwaasi oo

marka dadka qaadka cunaa ay iska tuuraan, dhirta

qodaxda lihi qabsato, halkaasina ka wada lulmaya

marka dabayshu ku dhacdo.

Dhakhtar qaabilsan cudurrada ku dhaca maskaxda amma

dhimirka, oo magaciisa la yidhaa Aden Ismail, waxa uu

ii sheekay, bukaan-socodka u yimaadda ee uu eego,

inta ay leeg yihiin dadka isku buuqsan ee qaba

waxyeello ka soo gaadhay amma la xidhiidha cunista

qaadka. Waxa uu ii sheegay in uu markaas ka yimid

guri ku yaal Hargeysa oo saddex nin oo walaalo ah

lagu hayo, laguna xidh-xidhay silsilado lagu jebiyey

oo loogu xidhay gidaarrada guriga. Si halkaasi loogu

hayo oo lagaga ilaaliyo inay weeraraan amma waxyeello

u geystaan dadka kale ee qoyska xaafadda, amma laga

ilaaliyo inay debadda u fakadaan oo ay Qaad u

doontaan.

Soomaali-Weyn (Greater Somalia)

Dareenka xoogga badan ee la xidhiidha

Soomaalinimada iyo dhaqanka Soomaaligu waa qaar

dhaafsiisan oo ka shisheeya xuduudaha Somalia iyo

Somaliland; taasi oo in la ogaado jiritaankeedu ay

67

muhiim u tahay in la fahmo ‘dhibaatada Somaalida’ iyo

siyaasadda guud ee gobolka.

Soomaali badan ayaa aaminsan in la khayaameeyey oo

laga dhacay dhul. Somalia waa mid ka duwan dalalka

kale ee Afrika badankooda, dalakaasi oo ay ku wada

nool yihiin qawmiyado jinsi ahaan kala duwan dal

kasta gudihiisa, kuwaasi oo had iyo jeer u tartama

awodda xukunka iyo khayraadka. Laakiin marka la

barbar dhigo dadweynaha Soomaaliyeed, waa qaar ku

kala baahsan dhulalka gobolka Geeska Afrika oo jooga

degaanno wax badan ka shisheeya inta ku qeexan

xuduudaha waddankooda. Haddii waddanka Soomaalida

lagu soo daro dhammaan dhulalka ay degaan ee ay u

badan yihiin Soomaalidu, waxa uu noqonayaa waddan aad

uga ballaadhan inta uu maanta yahay ee Somalia ka

kooban tahay marka lagu daro jamhuuriyadda la magac-

baxday Somaliland. Professor Ioan Lewis waxa uu ku

doodayaa in ‘Soomaalidu ay tahay qawmiyadda jinsi

ahaan ugu baahsan amma ugu filiqsan marka loo eego

keli-keli qawmiyadaha Afrika ... waxayna ku nool

yihiin oo ay had iyo jeer degaan dhul aad u

ballaadhan oo gaadhaya ilaa 400,000 oo mayl oo dhinac

kasta iska leeg.’18

Calanka qaranka ee Soomaalida, waxa ku yaal xiddig

cad oo dhexda kaga taal calan midabkiisu yahay cirka

oo kale amma buluuki ah. Shanta gees ee xiddigtaasi

waxay u taagan yihiin shanta gobol ee ‘Soomaali-

Weyn’, dhulkaasi oo aan weligii u jirin dal qudha oo

qaran ahaan loo aqoonsan yahay, laakiin ah mid

Soomaali badani ay u arkaan dhulkoodii hooyo ee ay

xaqa u lahaayeen, mararka qaarna ay u galeen dagaallo

sidii ay taasi u xaqiijin lahaayeen ee ay u samayn

lahaayeen.

Hasse ahaatee fikradda ku saabsan in la isku wada

keeno oo la mideeyo dhammaan Soomaalida oo dhan,

waxay u muuqata wax aan ka badnayn riyo amma khayaal.

68

‘Soomaali-Weyn’ weligeed ma noqon dal mid ah oo qaran

ahaan u jira, xattaa intii ka horraysay intii

Qaaradda Afrika aan la kala qayb-qaybsan ee

isticmaarkii, xilliyadii ‘Saami-qaybsiga Afrika’.

Iyadoo Soomaalidu ay tahay asal ahaan dad reer-

guuraa ah, waana dad had iyo goor socda oo xoolahooda

kolba meel u raraya, una wada guura oo u dega reer-

reer inta badan isku xidhan oo uu ka dhexeeyo dhiig

dhalasho amma dhaqan guur. Ma jirin baahi weyn oo

dhaqaale, amma siyaasadeed, amma mujtamac oo loo

qabay qaran dawli ah oo mid ah amma mucayan ah oo

Soomaaliyeed, in kasta oo Soomaalida lafteedu ay

yihiin dad isku mid ah, oo gaar ah, oo si weyn la

iskugu soo sooci karo.

‘Soomaali-Weyn’ waxa ku jira qaybo ka tirsan dhammaan

dalalka deriska la ah Somalia, sida awgeedna

fikraddan Soomaali-Weyn waa mid khatar ku ah dhammaan

dalalkaasi jaarka ah. Saddex ka mid ah shanta gees ee

xiddigta Soomaalidu, waxay u kala taagan yihiin

gobollada waqooyi-bari ee Kenya, bariga Itoobiya, iyo

Djibouti, kuwaasi oo dhammaantood ay degaan dad badan

oo asal ahaan Soomaali ka soo jeeda. Labada gees ee

kale ee xiddigtaasi waxay u taagan yihiin Somalia iyo

jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland (eeg

khariidadda 1.2).

69

Khariidadda 1.2 ‘Soomaali-Weyn’ iyo sida ay u kala

deggan yihiin beelaha waaweyni(Lewis 2002 [1980])

Xaqiiqada ah in dadka Soomaalidu ay ku baahsan

yihiin oo ay degaan dhul aad uga ballaadhan waddanka

Somalia ee hoos yimaad dawladda oo keliya, ayaa

keenaysa oo macnaheedu uu yahay in sheegadasha dhul-

ballaadhsiga ah ee ku saabsan in dib loo soo celiyo

70

oo la isku wada keeno degaannadaasi Soomaalida, in

sheegashadaasi ay marka la eego taariikhda gobolkasi

Geeska Afrika oo dhan ay u horseeday oo ay dhalisay

deganaansho la’aan joogto ah. Riyada ‘Soomaali-Weyn’

waxa qabay oo agtiisa ay ka jirtey dagaal-oogihii

gabayaaga ahaa, Sayyid Maxamad Cabdulle Xassan. In

kasta oo aanu weligii ku guulaysan in uu hirgeliyo oo

uu sameeyo waddan Soomaali-Weyn ah, haddana waxa uu

beeray midhihii iyo fikradda ah in loo dagaallamo

‘Soomaali-Weyn’ oo uu ku beeray maskaxda faacyo badan

oo danbe oo Soomaali ah.

Laga soo bilaabo gobannimadii Somalia ee 1960-kii,

hoggaamiyayaal kale oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed

Siyaad Barre ayaa khatar iyo hanjabaado dhul-

ballaadhsi ah ku hayey dalalka la deriska ah.

Siyasaddaasi waxay mar keentay isku-dhac hubaysan oo

milateri oo mar walba ku dhammaanayey Somalia oo ku

jabta, oo aan ka keenin wax guul ah oo ay ku si

joogto ah ugu soo korodhsato dhulal kale. Dagaallada

ugu xumaa ee ugu burburka weynaa waxa ka mid ahaa

dagaalkii lala galay Itoobiya ee uu ku dhawaaqay

Siyaad Barre sannadkii 1977, kaasi oo ku dhammaaday

in si xun loogu jebiyo Somalia, isla markaasina

sababay oo horseeday dhicitaankiisii.

Riyada ‘Soomaali-Weyn’ waa mid jirta ilaa

maanatadani. Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaalidu,

oo uu ka mid yahay ururka al-Shabaab, waxay u

adeegsadaan qaddiyaddan, hub ay ku dagaal galaan iyo

baaq qaylo-dhaan ah oo ay ku kiciyaan dadweynaha, si

ay u helaan taageero. Tani waxa kaga yimid dhibaato

iyaga dib ugu soo noqotay sannadkii 2006-dii, markii

mid ka tirsan hoggamiyayaashii Maxakamadihii

Islaamiga ahaa, Sheikh Xassan Dahir Aweys, uu ku

hanjabay in uu qabsan doono gobolka Soomaalida ee

Itoobiya. Dhammaadkii isla sannadkaasi, Itoobiya

waxay weerartay oo ay gashay Somalia, waxayna

71

xukunkii ka tuurtay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah

(UIC).

Colaado iyo dagaallo is xigey, iyo weliba

dhibaatooyin ku yimid degaanka ayaa kallifay in

boqolaal kun oo dadweynihii Soomaalida ahaa inay ka

baxaan dalkoodii oo ay noqdaan amma qaxooti, amma

tahriibayaal dhaqaale-raadis ah. Baadhitaan ay

samaysay Qaramada Midoobay sannadkii 2009 (UNDP,

Somalia’s Missing Million: The Somali Diaspora and

its Role in Development, 2009), waxay ku qiyaastay in

ilaa hal milyan oo qof oo ka mid ah guud ahaan tirada

dadweynaha Soomaalida oo dhan ilaa toban milyan, in

ay ku nool yihiin oo ay degeen dalka debaddiisa.19

Hasse ahaatee tirokoobyadani waxay u baahan yihiin

in si taxadir leh la iskaga hubiyo, sababta oo ah

iyadoo ay dhibaato tahay in tirokoobyo sugan laga

samayn karo Somalia gudaheeda iyo arrimaha Somalia,

iyo iyadoo ay baaba’een in badan oo ka mid ah

diiwaannadii iyo waraaqihii xafiisyada dawladdu

xilliyadii dagaallada.

Soomaalidu waxay tegeen oo ay degeen dalalka deriska

ah ee Kenya, Ethiopia iyo Djibouti, iyo dalalka kale

ee Afrika. Qaar kale waxay tegeen dalalka Yemen,

Khaliijka iyo Saudi Arabia. Waxa kale oo jira

jaalliyado aad u badan oo Soomaaliyeed oo deggan

dalalka Maraykanka, Canada, Australia iyo Yurub, gaar

ahaanna dalka Ingiriiska, Holland, Italy iyo dalalka

Scandinavian-ka. Soomaalidu waa dad runtii caalamka

ku baahsan, waxayna si buuxda uga faa’iideysteen

tiknoolojiyada cusub, si ay u adeegsdaan qalabka

isgaadhsiinta oo ay ku wada xidhiidhaan, iskuna xaal

ogaadeen oo ay is kaalmeeyaan, meel kasta oo ay

adduunka ka kala joogaan. Addeegyada Internet-ka,

telifoonnada moobiilka, iyo awodda ay u yeesheen inay

si dhakhso ah u xawilaan lacagayow iyaga oo

adeegsanayaa tiknoolojiyadaasi casriga ah, ayaa dinac

72

ahaan muujinaya inay jirto wax u dhigma amma u eg

fikradda ‘Soomaali-Weyn’ oo kale, fikraddaasi oo

gaadhsiisan xattaa meel ka baxsan oo ka fog inta ay

koobayso ee ay tilmaamayaan shanta gees ee xiddigta

Soomaalidu. In kasta oo ‘Soomaali-Weyn’ aanay

weligeed ahayn amma noqon marnaba wax dal ahaan u

jirey, laakiin waxay u jirtaa rajo ahaan iyo wax lagu

hirto, taasi oo ay qabaan oo aaminsan yihii Soomaali

badani ilaa maantadani, kuwaasi oo isku arka inay ka

mid yihiin ‘Qaran Soomaaliyeed’ oo weyn oo ka

ballaadhan inta xuduudaha hadda jiraa ay koobayaan.

Dhinaca kale wax jira xoogag iyo waxyaabo ka

geddisan oo burinaya amma ka horimanaya firaddani

dhul-ballaadhsiga, oo kala qaybin ku keenaya isla

dalkaasi gudihiisa. Mid ka mid ah jahawareerka weyn

ee ka jira Soomaalida dhexdeeda iyo ammurahooda, oo

si toos ah lid ugu ah oo ka horimanaysa riyadii

‘Soomaali-Weyn’, waa beelaha amma qabaa’ilka iyo

qaybaha kale ee loo kala baxay, kuwaasi oo keenay in

dalkaasi si weyn u kala jajabo oo u kala qaybsamo

gudihiisa. Xoogaggaasi amma kooxahaasina waxay

ahaayeen kuwa iyagu gacanta sare leh laga soo bilaabo

ilaa sannadihii u horreeyey ee qarnigan kow-iyo-

labaatanaad. Soomaaliyana waxay u kala qaybsantay

dalal iyo dawlado yaryar oo dhawr ah, oo qaarkood ay

gaadheen guulo u hirgala oo ka badan kuwa kale marka

la barbar dhigo.

Xaqiiqada ah in Somalia ay kala jajabtay oo kala

qaybsantay, in kasta oo ay yihiin dad isku mid ah

marka loo eego xagga jinsiga, luqada, diinta iyo

dhaqanka, ayaa macnaheedu ay tahay in mar kale sidii

hore ee loo arki jirey, loona dersi jirey

dhibaatooyinka siyaasadeed ee Afrika, in aan lagu

dabbiqi Karin Soomaalida oo aanay la mid ahayn. In

badan oo ka mid ah dhibaatooyinka ka jira Nigeria

amma Sudan, tusaale ahaan, waxa si weyn loogu

aaneeyaa oo sabab looga dhigaa kala geddisnaanta

73

xagga diinta iyo jinsiga, in kasta oo xaaladaha

dhaqaale iyo arrimo kaleba ay kaalin ku leeyihiin.

Xaaladaha iyo sababaha dhalinaya dhibaatooyinka

Somalia, la mid ma aha oo looma raaci karo sababahan;

waxase loo baahan yahay in sidooda iyo gooni

ahaantooda loo derso oo loo fahmo.

Dalkii markii noqday Qarankii Somalia ee madax

bannaanaaday bishii July ee 1960-kii, waxa uu haddana

ka mid noqday dalalka ugu cimri-gaabtay qaaraddaasi,

waxanu taagnaa oo uu u jirey ka qaran ahaan muddo wax

yar ka badan soddon sano. Gobolkii waqooyi-galbeed ee

Somaliland waxay iskood ugu dhawaaqeen inay noqdeen

jamhuuriyad gooni ah sannadkii 1991-kii, in kasta oo

aanay helin aqoonsi caalami ah. Puntland oo ku taal

dhinaca waqooyi-bari, waxay leedahay dawladdeeda iyo

ilaa heer maamul madaxbannaan. Qaybo badan oo kale oo

ka tirsan dalkaasi ayaa iyguna goonidooda u shaqeeya

oo isku maamula, in kasta oo maamulladaasi iyo gacan-

ku-hayntoodu ay mar walba is bedesho oo kolba cidi

qabsato, kooxaha kala geddisan ee danaha ka leh. Iyo

weliba xuduudaha qaybahaasi u dhexeeya oo aan

sugnayn, isna bedela (eeg khariidadda Map 1.3).

74

Map 1.3 Qaybaha waaweyn ee dhulka Soomaalida

Qaybhaasi qaar ka tirsan waxa ka taliya oo gacanta

ku haya kooxaha Islaamiyiinta ah, qaar kalena waxay

ku kala xidhan yihiin beelaha, qaarna waxay leeyihiin

‘madaxweynayaal’ iyagu iskood isku magacaabay oo

75

qurbaha ku nool, oo amma marmar gaadha halkaasi, amma

aan weligoodba tegin. Sannadkii 2011, qaybo ka tirsan

magaalada Muqdishu iyo meelo kale oo tiro yar, waxa

maamulaysay dawlad taag daran oo ku-meel-gaadh ah oo

ay taageerayaan ciidammo nabad-ilaalineed oo ka socda

Ururka Midowga Afrika. Xaaladahani mar walba is

bedelayaa waxay dhibaato ku noqdeen noloshii caadiga

ahayd ee Soomaalida, kuwasi oo mar walba ay ku

khasabto inay la qabsadaan, una dhaqmaan hadba qaabka

ay la yimaaddan kolba kooxda qabsata gobolka ay ka

tirsan yihiin ee ay deggan yihiin, iyaga oo ogsoon in

mar kasta ay dhici karto in haddana koox kale ay

timaaddo oo ay maamulka qabsato.

Beesha (The Clan)

Waxa ugu weyn ee Soomaalida kala qaybiyaa waa

beelaha amma qabiilka, kaasi oo ka koobma, iskuna

xidha kooxo dad ah oo noqda qaybo gooni-gooni ah amma

ardaayo, una dhigma jufooyinka amma qabaa’ilka kale

ee isku abtirsiinta ah. Jiritaanka xidhiidhka

beelahaasi ayaa mar walba ku ahaa carqalad adag oo

aan la dhaafi Karin, in laga abuuro Somalia qaran

dawli ah oo casri ah. Arrintani waxay qayb ahaan

sharraxaysaa amma tilmaamaysaa sababta loogu

guuldarraystay dedaalladii gudaha iyo kuwii debadda

ee ahaa in la ‘mideeyo’ Somalia oo la wada hoos keeno

maamulka dawlad dhexe oo qudha oo joogta magaalada

Muqdisho.

Intii aan wadey xog-baadhka buuggani, Soomaali dhawr

ah ayaan weydiiyey kaalinta iyo ahmiyadda beesha amma

qabiilka. Jawaabaha aan ka kala helay waxay

muujinayaan sida qodobkan amma arrintani ay u tahay

mid xasaasi ah. Mid ka mid ahi waxa uu iigu jawaabay:

76

Aadbaad u xishood daran tahay, in aad ka hadasho

oo aad i weydiiso qabaa’ilka; ma aha wax jira.

(Cumar Maxamed, Ganacsade, Muqdishu).

Gabadh kale waxay igu tidhi:

Beesha amma qabiiku waa xuddun-dhexaadda dunida

Soomaalida. Iyada ayaa sal u ah wax kasta oo

aannu nahay amma samaynanno (Aisha-Mariam,

kaaliye bulsho, Hargeysa).

Ninkanna, waxay isaga la tahay:

In Soomaalida loo arko oo loo raad-raaco beel-

beel waa wax gaboobey oo taariikhdii hore uun ku

eg. (Yoonis Xassan, ganacsade, Baydhabo).

Nin kalena wuxu igu yidhi:

Haddii aad doonayso Soomaalida in aad fahamto,

sida qudha ee lagu fahmi karaa waa iyada oo la

kala fahmo sida iyo waxa ay kala yihiin beeluhu

(Yuusuf Nuur, Oday-dhaqameed, Muqdishu).

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee loo baahan yahay in la

famo marka laga hadlayo qabaa’ilka Soomaalida, waxa

weeye in la ogaado inay yihiin wax hadba is bedelaya

oo isku dhex qassan, oo aan mar walba kala qeexnayn.

Soomaalidu ma aha wax si sahal ah loogu kala sooc-

sooci karo qaab-beeleedyo sugan oo kala qeexan.

Sabatuna waxa weeye in beel kastaa gudaheeda ay sii

kala qaybsanto, oo ay u sii kala baxaan jili-jilib

iyo juffooyin amma bah-bah, taasi oo sii socota ilaa

heer hoose (eeg shaxda 1.1).

77

Isbahaysiga ka dhexeeya qaybahaasi amma bahahaasi

iyo ardaayadan mar walba sii kala qabsamaya ee aan

dhammaadka lahayni iyo meel ay isku tagaan, haddana

waa qaar mar walba is bedelaya. Taasi ayaana dhibaato

ku ah in dadka ajanebiga ahi ay fahmaan. Meel marka

hore u muuqata inay mid tahay, ayaa u sii kala bixi

kartaa laba jilib amma ka badan, oo iyaga laftoodu is

qaban kara oo iska horiman kara. Kuwii markii hore

ahaan jirey saaxiibada amma tolka ‘walaalaha ah‘ ayaa

isla marakaaba haddana noqon kara col; sidoo kale

kuwo ay ka dhaxaysey ’cadaawadi‘ ayaa noqon karaa

saaxiibbo, si dhakhso ah.

Arrintani waxay dhacday sannaddii 2006-dii, markii

koox ka kooban qabqablayaashii dagaalka iyo rag kale

oo ganacsato ahaa ay isbahaysteen ee ay samaysteen

ururkii Ka-hortagga Argagixisada iyo Dib-u-soo-

celinta Nabadda (ARPCT), kuwaasi oo doonayey inay ka

hortagaan oo ay iska caabbiyaan awoddii isbahaysiga

maxkamadaha shareecada ee Muqdishu oo sii faafaysay.

78

Ururkaasi ARPCT waxa la sheegay inuu ka heli jirey

taageero badan iyo lacagba hey’adda mukhabaraadka

Maraykanka ee CIA, heyaddaasi oo laga dhaadhacsiiyey

in maxkamadihii shareecadu ay u taagan yihiin khatar

argagixiso oo Islaami ah. Maraykanka iyo dawladihii

kaleba waxay ku jahawareereen isbedellada lama

filaanka ah ee hoggamiyaashii ururka ARPCT oo marba

dhinac u xaglinayey, mar ay u galaan oo ay ku biiraan

dhaqdhaqaaqii maxkamadaha iyo mar ay sidoo kale ka

soo goostaan oo ay dib ugu soo noqdaan ururkii ARPCT.

Isbedelladaasi joogtada ah ee isbahaysiyadu waa qaar

cudur noqday caam yeelay oo ka jira khilaafyada iyo

dagaallada Soomaalida, waana wax loo baahan yahay in

lagu xisaabtmao, aanu ogaado qof kasta oo isku deyaya

in uu fahmo Somalia.

Laanta af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa markii ugu

horraysay ii kala sheegatay oo i kala bartay beelaha

Soomaalida, horraantii sannadihii 1990-meeyadii,

waqtigaasi oo ahaa xilliyadii ay ugu xumaayeen

dagaalladii koonfurta iyo badhtamaha Somalia, ka dib

dhicitaankii Siyaad Barre. Waxan dareemayey sidii

waxan qaadanayo oo an aan ka shaqaynayo cashar ku

saabsan xisaab heer sare ah oo kale, iyaga oo kolba

ii sawiraya shax, sida beelaha iyo jilibbadau u kala

baxaan, si murugsanna u muujinaya xidhhiidhka

isbahaysiyada amma bahaha iska hor iyo daba noqonaya

ee si ku-meel-gaadh ah uga dhex jira qabaa’ilkaasi.

Marka aan is idhaa hadda ayaad si fiican u fahamtay

qaababkaasina, waxa dhacda in mar kasta wax kasta si

degdeg ah isla markaaba isku bedelaan. Reer ayaa u

sii kala baxaya jilib-jilib, juffo-juffo iyo bah-bah,

iyo magacyo aanan hore u maqal. Reer markii hore mid

ahaa ayaa sii kala baxaya oo kala jabaya, oo

dhexdiisii iska hor imanaya, si weynna isku

gumaadaya. Waxa kale oo aan ogaaday in xataa

shaqaalaha kala geddisan ee laanta af-Soomaaligu, ay

qaarba i siinayaan qaabab iyo sawirro kala geddisan

79

isla xaaladahaasi Soomaalida, taasi oo ku xidhan

hadba beelaha ay ka soo kala jeedaan. Mararka qaar

waxa ka dhex dhasha doodo aad u kulul oo ay si kaftan

ah qaarkood isku weeraraan, beelaha gaar, iyo qaar

kale oo aan kaftankaas waxba ku darsan.

Ma aha Soomaalida oo qudha kuwa ka dooda beelaha,

xattaa aqoonyahannada aan iyagu ahayn Soomaali iyo

khubaro kale ayaa iyaguna ku kala qaybsan arrimahani.

Aqoonyahannadaasi qaarkood waxay ka duulaan dhinaca

beelaha marka ay dersayaan ee xog-baadh ku

samaynayaan Soomaalida, qaar kalena waxay ku doodaan

iyo in qodobbo amma arrima kale oo kala geddisan, oo

ay ka mid yihiin xaaladaha dhaqaalaha iyo xidhiidhada

ijtimaaciga ah, inay kaalin weyn oo muhim ah ku

leeyihin qaababka Soomaalidu ay u astaysan tahay.

Iyadoo mawduucan amma arrimaha ku saabsan beelaha

iyo qabaa’ilka Somaalida hore aad loogaga hadlay

qoraallo kale oo badan, ma doonayo in aan wax badan

ku sii talax tago, oo ka badan bogaggan kooban ee soo

socda. Hasse ahaatee waxan kula kulmi doonnaa

cutubyada soo socda qaar ka mid ah, waayo waa lama-

huraan, aniga oo rumaysan in mar walba beeluhu ay

kaalin xuddun-dhexaad ah ku leeyihiin arrimaha

Soomaalida. Sida ay u tidhi caalinka culuunta

Antrooboolojiyada ee Virginia Luling, beeluhu ‘ma aha

wax ku fiican oo qudha inay iyagu dhexdooda

dagaallamaan, (amma wada baayac-mushatreeyaan, amma

siyaasad isku qabtaan), laakiin waa wax ku habboon in

lagu fikiro oo la derso‘. (eeg: Virginia

Luling,‘Genealogy as theory, genealogy as tool:

aspect of Somali”Clanship”, Social Identities).20

Waa wax aan suurtogal ahayn in la fahmo Somalia,

haddii aan maanka lagu hayn oo aan la fahmin beelaha.

Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado shakhsiyaadka

Soomaalidu qabaa’ilka ay ka soo kala jeedaan amma

qofka qoladiisa iyo cidda uu yahay, in kasta oo aan

80

dhammaan qof kasta oo Soomaali ahi aanu diyaar u

ahayn amma aanu doonayn in uu ku sheego qabiilkiisa.

Xattaa in la isku dayo in la magac-dhabo beelaha

muhiimka ah ee Soomaalida ayaa ah arrin keeni karta

dood iyo muran; shirkii nabad-raadinta Soomaaliyeed

ee sannadihii 2002 – 2004 waxa uu soo jeediyey in wax

lagu qaybsado hab-beeleed, kaasi oo maamulladii ugu

danbeeyey ay u isticmaalayeen qaabka loo raacayo

awod-qaybsiga xukunka dalka. Qaabkaasi oo loo yaqaan

‘qaabka 4.5’, waxa uu sheegayaa inay jiraan afar

beelood oo waaweyn oo kala ah Daarood, Dir, Hawiye

iyo Raxanweyn. ‘.5’ amma nus-jabkaasi wuxu u taagan

yahay beelaha yaryar oo dhan. Hasse ahaate habkani ma

noqon mid ay ku wada qancaan dhammaan kooxaha amma

beeluhu, qaarkoodna waxayba u arkeen inay ku tahay

ceeb iyo quudhsi iyaga oo rumaysan in aan la siin

saamigii ay ahayd inay helaan ee ay lahaayeen.

Ahmiyaddii beeluhu ay lahaayeen waxa si ahaan mugdi

geliyey isbedellada dhawaanaha ku soo kordhay

Soomaalida, gaar ahaanna soo ifbixitaanka kooxaha

Islaamiyiinta ah, sida al-Shabaab oo kale. Laakiin

dhaqan ahaan hab-beeleedku waxa uu weligii ahaa waxa

salka u ah qaabka Soomaalida iy xeerarkoodu ay ku

dhisan yihiin, gaar ahaanna reer-guuraaga amma reer-

miyigu. Iyaga oo dadweynuhu ay ahaayeen qaar had iyo

goor guurguura oo socda, qaybaha amma lafaha isku

abtirsiinta ah ayaa ah waxa salka u ah ee uu ka soo

unkamo mujtamaca Soomaalidu. Abtirsiintooda ayaana

dadku ay ku ogaadaan cidda ay yihiin, iyo xidhiidhka

amma inta ay isku jiraan cid kasta oo kale. Soomaali

badan ayaa weli korka ka haysa oo taqaan

abtirsiintooda dheer amma fog, ilaa awowoyaashoodii

hore; qaabkana waaxa uu ka mid yahay waxyaabaha salka

u ah dhaqan-afeedkooda, waxanu u suurtogeliyaa in qof

walba uu is ogaado cidda uu yahay iyo meesha uu ka

soo gelayo mujtamaca. Marka reer-miyigu ay kulmaan,

si ay isku aqoonsadaan, inta badan way is tohoydaan

81

oo waxay isweidiiyaan cidda ay yihiin, taasi oo

siyaabaha qaar ula mid ah baasaaboor oo kale.

In aad taqaanno abtirsiintaada, waa arrin muhim ah,

mararka qaarna noqon karta oo keeni karta badbaado

amma geeri. Sida uu John Drysdale ugu faahfaahiyey

buuggiisa, Soomaalidu aad ayay u yaqaannaan

abtirsiintooda:’Qof kasta oo ka mid ah iyaga, laga

soo bilaabo marka uu ilmuhu yahay siddeed jir, waa in

uu yaqaan oo uu kor ka tirin karaa abtirsiintiisa,

ilaa labaatan amma soddon oday, ilaa laga gaadho

odayga ugu danbeeya ee la iskugu wada yimaad.’21

Buugaagta badan ee uu ka qoray Somalia, professor

Lewis waxa uu wax badan kaga hadlayaa qabaa’ilka,

waxanu u arkaa in beeshu ay laf-dhabar u yahay

Soomaalida:

Waa abtirsiinta iyo haybta tan hoggaamisa

isbahaysiyada siyaasadeed iyo qaybaha is-

kooxaysiga. In kasta oo Soomaalidu ay mararka ku

sheegaan oo ay ku tilmaamaan ahmiyadda

abtirsiinta iyo faai’iidadeedu in ay la mid tahay

uun tan cunwaanka reer Yurub ee looga baahan

yahay in qofku yeesho, haddana si loo fahmo

ahmiyaddeeda runta ah waa in la ogaadaa inay ka

fog tahay oo ay ka weyn tahay abtirsiintu wax u

taagan in uu qofku sheegto dhalashadiisii hore

amma meesha uu ka soo jeedo oo qudha. Abtirsiintu

waxay qeexaysaa maqaam amma kaalinta siyaasadeed

iyo tan xeer-sharciyeed ee qofku ku lahaan karo

guud ahaan mujtamaca Soomaalida dhexdiisa, iyo

meesha uu ka gelayo ee uu ku leeyahay nidaamka

ijtimaaciga ah.22

Sida uu u sheegayo Ioan Lewis, beeshu waxa kale oo

ay dhaqan ahaan sal u tahay hab-sharciyeedka amma

xeerarka Soomaalida. Xidhiidhka ugu weyn ee beesha

82

dhexdeedu waa tan u dhaxaysa ee isku keenta qoysaska

meel ka soo wada jeeda ee isku raaska ah amma isku

abtirsiinta ah, oo tiro ahaan ka koobmi karaa min

dhawr bqoqol ilaa dhawr kun, waxayna ku bahoobaan

xeerka dhiigga amma magta oo waajib kaga dhiga inay

qaybsadaan oo ay bixiyaan, amma qaataan magtaasi oo

loo yaqaan Diyada. Nidaamkani waxa uu asal ahaan ka

soo jeeda dhaqan reer-guuraaga Soomaalida, oo inta

badan ku dagaallami jirey biyaha iyo baadka yar oo ay

iskaga horyimaaddaan. Qaabka lagu xalliyo khilaafyada

waxa loo yaqaan Xeer, waxana jira guurti odayaal ah

oo loo saaro oo yeesha waxa loo yaqaanno Shir, si ay

uga wada xaajoodaan bixinta magtaasi, inta ay

noqonayso iyo sida loo kala qaybsanayo.

Shirweynayaashii dhawrka ahaa ee nabadaynta

Soomaalida, iyo Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda la-

baxday Somaliland, waxay siyaabo badan u taagan

yihiin oo ay ula mid yihiin wax ka yimid oo ka soo

jeeda dhaqankaasi shirka odayaasha. Jiritaanka

nidaamkaasi xeer-Soomaaliga ee dhaqanka oo lagu daray

weliba shareecada, waxay noqdeen wax faa’ido badan u

yeeshay Soomaalida intii ay socdeen dagaalladii iyo

khilaafyadii Soomaalidu ilaa labaatankii sano ee u

danbeeyey. Waxayna galeen kaalintii uu qaadan lahaa

nidaam dawli ahi, kaasi oo sida muuqatay burburay,

kana tirtirmay qaybo badan oo ka mid ah dalkaasi.

Waxa jirtay mara badan oo la isku deyey in laga

gudbo nidaamka beelaha. Soo-ifbixitaankii kooxaha

Islaamiyiinta ahi, waxa uu siyaabaha qaar u hadheeyey

oo uu u yareeyey ahmiyaddii beelaha, waayo,

miliishiyooynika kooxahaasi, marka dusha laga eego,

waxa isku keenayey diinta amma sida ay u kala

taabacsan yihiin faracyada diinta, ee ma ahayn inta

badan xidhiidhka xagga wada-dhalashada. Waxa jira

ururrada diiniga ah ee ay ka midka yihiin al-Shabaab

oo ku xidhan al-Qaacida, Xisbul Islam oo isagu

waxoogaa qunyar-socod ah marka loo eego kan hore oo

83

al-Shabaab ay qabsatay oo la wareegtey sannadkii

2011-kii, iyo ururka darriqada Suufiyadda ee Ahlu

Sunna Wa Jamaaca. Hasse ahaatee dhammaan kooxahani,

gaar ahaanna hoggamiyayaashooda, waxa ilaa heer mid

walba lagu xidhiidhiyaa oo la sheegaa inay ka soo

jeedaan beelaha qaar amma juffooyin gaar ah.

Dedaalkii ugu weynaa oo wax badan laga soo shaqeeyey

sidii loo tirtiri lahaa qabyaaladda waxa uu dhacay

xilligii Siyaad Barre uu wadey ‘hantiwadaagga cilmiga

ah’, sannadihii 1970-neeyadii, markii Somalia ay

isbahaysiga la lahad Midowgii Soofiyet.

Idiyoolojiyadiisii iyo mabaadi’diisii xoogga lahayd

ee waddaniyadda iyo sida weyn ee uu uga soo horjeeday

reer-Galbeedka, ma ahayn wax u adkaysan karayey

nidaamka qabaliga ah, nidaamkaasi oo loo muujin

jirey, ugu yaraan marka dusha laga eego ee loo

sheegayo dadweynaha, in uu yahay wax gaboobay oo laga

baxay waqtigiisii oo haatan carqalad iyo dib-u-dhac

ku ah dhismaha qaran cusub oo casri ah. Si rasmi ah

ayaa loo mamnuucay qabyaaladdii, waxana meelaha

fagaarayaasha lagu gubay, laguna aasay sawirro loo

ekaysiiyey inay u taagan yihiin qabyaaladdi.

Caaqilladii iyo odayaashii beelaha ayaa laga bedeley

magacyadii, waxana loo bixiyey ‘nabaddoonno’, taasi

oo ka mid ahayd tallaabooyinkii la doonayey in lagu

yareeyo oo hoos loogu dhigo awoddooda, iyo in lagaga

gooyo oo aan sinaba loogu xidhiidhin beelahooda ay ka

soo jeedaan.

Siyaad barre waxa uu ku dedaalay in uu ku bedelo

nidaamkii adkaa ee qabaliga ahaa, abuurista

shaksiyado magac yeesha oo laga haybeysto. Waxa uu

isagu isa siiyey oo is gaadhsiiyey darajada ah

‘aabbihii qaranka’; waxana dalka oo dhan lagu

faafiyey sawirro ah ‘Jaalle Siyaad’, kuwaasi oo qaar

badan la barbar sudhay, laguna saddexeeyey Marx iyo

Lenin.

84

Ka sakow sida weyn ee khubadihiisu uga horjeedeen ee

ay u weerarayeen qabyaaladda, haddana dhinaca kale

waxa uu Siyaad Barre si hoose u wadey in uu

horumariyo danaha beeshiissii Marreexaan ee uu ka soo

jeedey iyo cidihii kale ee ay isku bahda ahaayeen.

Isbahaysiga beelahaasi waxa loo yaqaanney ‘MOD’,

kuwaasi oo ka koobnaa qaybaha beelaha Daarood ee

Marreexaanka, Ogaadeenka, iyo Dhulbahantaha.

Tani waxay il-colaadeed oo weyn ka keentay beelihii

kale, waxayna aakhirkii sababtay oo horseedday dagaal

sokeeye. Dhica waqooyi-galbeed, beelihii Isaaqa iyo

kuwa kaleba waxay samaysteen jabhaddii hubaysnayd ee

Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Soomaaliyeed (SNM),

Majeerteenka iyo beelihii kale ee Daaroodkuna waxay

gobolka waqooyi-bari ka samaysteen Jabhaddii

Diimoqoraadiga ee Badbaadinta Soomaalida 9SSDF),

dhinaca koonfurtan Hawiyuhuna waxa samaysteen

Jabhaddii Golaha Midowga Soomaalida (United Somali

Cogress). Sannado ka bacdi, jabhadahani waxau ku

guulaysteen inay xukunkii ka tuuraan Siyaad Barre.

Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahina waxa ay

lumiyeen taageeradii dadweynaha markii ay bilaabeen

inay noqdaan qaar si weyn ugu xidhan oo ka soo jeeda

beel qudha, una adeegaya danaha beeshaasi, ammase hal

juffo oo ka mid ah beeshaasi. In kasta oo bilawgii

isbahaysiga maxkamadahaasi islaamiga ahi uu ka

koobnaa isbahaysi debecsan oo u dhexeeyey

maxkamadihii shareecada ee matilayey dhawr qolo iyo

jilibbo kala geddisan, haddana marba marka ka

danbaysa waxa loo arkay qaar awoddooda ay ku sii

ururayso oo ay ku sii xoogaysanaya xubnaha wada

danaha beesha Cayr ee ka tirsan beelweynta Hawiye.

Waa wax laga doodi karo in guddoomiyaha damaca weyn

amma caaddifadda weyn ee golihii shuurada ee Midowgii

Maxkamadaha, Sheikh Xassan Dahir Aweys, iyo

hoggaamiyaha miliishiyooyinkii maxakamadaha ee al-

shabaab, Aadan Xaashi Cayrow, inay wadeen oo ay u

85

taagnaayeen damac iyo dano sare oo beeleed. Laakiin

xaqiiqada ah in loo arkay in taasi ay wadaan ayaa

keentay oo ku fillaatay inay lumiyaan taageeradii

beelo badan oo kale oo aan iyagu ahayn Cayr.

Si kasta oo dadku ay ugu dedaaleen inta tamartood ah

inay baabiiyaan qabyaaladda oo ay ka tirtiraan

siyaasadda Soomaalida, haddana waxay noqotay wax loo

maaro waayey oo aakhirataankii lagu guuldarraystay.

Lagama yaabo in qabyaaladda amma nidaamka beelaha in

la waayo uu meesha ka baxo; waa wax ku dheehan oo ku

kaydsan dhaqanka abtirsiinta oo qof walba yaqaan oo

uu abtirsan karo, kuna jira oo lagu xuso gabayada iyo

meelo kaleba. Dadku dib ayay u soo noolayn karaan oo

ay u hawlgelin karaan sidii ay isku aqoonsan jireen

ee beel-beelnimada, mar kasta oo taasi ay u baahdaan;

waxay ka dhigan tahay caymis amma dammaanad oo kale

iyo qaab-dhsimeed ijtimaaci ah oo jira amma diyaar ah

oo mar walba taagan, iyo xidhiidh is-aamineed oo uu

ku socdo ganacsiga iyo baayac-mushtarka keleba. Qofku

keli ahaantii waxa uu kala xulan karaa heerka uu

doonayo in uu ka bilaabo cidda uu yahay, kor amma

dhexda, amma jilibka ugu hooseeya, taasi oo ku xidhan

hadba cidda uu u sheegayo meesha uu ka soojeedo.

Siyaabaha qaar, Soomaalida waxa xaddidada oo

xannibaad ku noqda beesha ay ka tirsan yihiin, taasi

oo ku xidhiidhin karta amma raacsiin karta koox gaar

ah, amma urur diimeed oo aanay doonayn amma wax niyo

ah u hayn inay ka mid noqdaan. Tusaale ahaan

xidhiidhka lala xidhiidhiyo beesha Ceyr ururrada

Islaamiga ah ee xagjirka ah, waxa macnaheedu ay tahay

oo ay keenaysaa in qof kasta oo ka tirsan beeshaasi

Ceyr, in loo arko oo loogu yeedho xagjir, sababtuna

ay tahay beesha lala xidhiidhinayo ee uu ka soo jeedo

qofkaasi, ee aanay ahayn waxa uu isagu shakhsi ahaan

rumaysan yahay amma aaminsan yahay.

In qof walba uu dabada ku hayo beel uu ka soo jeedo,

waxay u tahay badbaado iyo khatar labadaba. Beelaha

86

waxa ka dhex dhalan karaa colaad iyo dagaallo kooxeed

oo hubaysan, sidii dhacday dabayaaqadii sannadihii

1980-maadkii iyo 1990-maakii. In kasta oo beelaha

Hawiyuhu ay markii hore ku midaysnaayeen inay ka

horjeestaan Siyaad Barre, haddana ka dib markii uu

dhacay Siyaad Barre waxay isla markiiba si dhadhso ah

u kala qaybsameen dhexdoodii jilibbo iyo qabaa’il

iska soo horjeeda, taasi oo keentay inay ka dhex

dhacaan dagaalladii ugu xumaa ee dhiigga badani ku

daatay ee lagu dagaallamay jidadka iyo xaafadaha

magaalo-madaxda Muqdishu, sidii qolo walba qolada

kale uga qabsan lahayd. Muqdishu waxay noqotay

magaalo kala qaybsan, oo yeelata ‘khad cagaaran’ oo u

kala qaybiya koonfur oo ay qabsatay beesha Habar-

Gidir oo uu hoggaaminayo qabqablihii dagaalka ee

Maxamed Faarax Caydiid, iyo qaybta waqooyi oo ay

haysatay beesha Ab-Gaal oo uu hoggaaminayey Cali

Mahdi Maxamad. Sidaa si la mid ah, laakiin ka

waxyeello yarayd, ayaa ka dhacday Somaliland. Isaaqu

waxy ku midaysnaayeen SNM si loola dagaallamo Siyaad

Barre, laakiin markii dalkaasi uu ku dhawaaqay inuu

yahay jamhuuriyad madaxbannaan oo gooni u taagan,

dhawr dagaal oo yaryar ayaa ka dhex dillaacay isla

beelihii Isaaqa dhexdooda.

Ujeeddada cutubkani waxay ahayd in uu muujiyo inay

jiraan waxyaabo badan oo kale oo ku saabsan Somalia

oo la dersi karo, ee aanay ahayn uun dagaallo,

macaluul, xagjirnimo Islaami ah iyo budhcad-badeed,

waxyaabaha ka jira dalkaasi. Warbixinnada warbaahinta

badankooda, iyo in badan siyaasadaha debaddu ma

arkaan wax ka fog oo ka durugsan intaasi. Ilaa ay

hoos ugu daadegayaanna, ma gaadhi karaan xaqiiqada ka

jirta Somalia, sidoo kalena waxba kama tari karaan

wax-ka-qabashada dhibaatooyinka faraha badan ee

yaalla dalkaasi. Xaqiiqada ah in qarannimadii Somalia

ay bilawday inay kala burburto xattaa dhicitaankii

Siyaad Barre ka hor, ayaa macnaheedu uu yahay in

87

xalku aanu ku jirin nidaam ah dawlad dhexe oo ku

kooban Muqdishu. Dawladda Maraykanka iyo dawlado kale

ayaa haatan si gaabis amma tartiib-tartiib ah ugu soo

baraarugaya arrintani, waxayna soo rogeen sannaddii

2010 qaab amma siyaasad ‘laba weji’ amma laba waddo

ah, oo lagula dhaqmo Somalia, siyaasaddaasi oo ah in

la kordhiyo taageerada la siinayo gobollada deggan ee

ilaa heer ‘guulaystay’amma hirgalay, sida Somaliland

iyo Puntland, iyo dhinaca kale in isla markaasi la

sii wado taageerada loo fidiyo dawladda ku-meel-

gaadhka ah ee fadhida Muqdishu.

88

CUTUBKA 2aad: TAARIIKHDA (History)

Burburkii ku dhacay dawladnimadii iyo qarannimadii

Somalia sannadihii danbe, si fiican looma fahmi karo

haddii aan dib loogu noqon oo aan la tixraacin

taariikhdii hore ee dalkaasi. Wejiyo iyo xaalado

badan oo ku xeernaa amma sabab u noqday dhicitaankii

Siyaad Barre iyo guuldarradii ku xigtey ee lagu

fashilmay in la sameeyo dawlad dhexe oo shaqaysa,

waxa qayb ahaan loo aanayn karaa itijaahii ay u

socdeen iyo wejiyadii ay lahaayeen dhacdooyinkii hore

ee taariikhda Somalia, iyo weliba in si qota dheer

loo fahmo dhaqanka iyo mujtamaca Soomaalida, sida

lagu xusay cutubka 1aad ee buuggan.

Laakiin waxa adag in la fahmaa waa awod-darrida

muuqata amma doonis-la’aanta dawlado badan oo ajanebi

ah, hey’adaha caalamiga ah iyo siyaasiyiinta

Soomaalida oo aan u soo jeedin inay garawsadaan in

khaladaadkii hore ee dhacay amma jirey uun ay iyaguna

ku soo celcelinayaan oo ay sii wadaan. Waxay u

muuqdaan inay fuushan yihiin sallaan amma aalad

halkii hore uun ku leexaysanaysa amma ku

wareegaysanaysa, waxayna awodi laayi’iin amma aanay

doonayn inay ka degaan leexadaasi oo ay la yimaaddaan

hab kale oo cusub, ka sakow xaqiiqada ah inay jiraan

tusaalooyin looga shidaal qaadan karo amma loo raaci

‘toosinta iyo hagaajinta xaaladaha Somalia’,

tusaalooyinkaasi oo ay ka mid yihiin dhinacyada qaar

ee Midowgii Maxkamadahii Islaamiga ahaa, iyo waayo-

aragnimada Somaliland laga soo kasbaday.

Dib-u-eegista taariikhda Soomaalida ee aan halkan si

kooban ugu soo nakhtiimayno, waxa ka soo baxaya oo ay

ifinaysaa dhinacyo iyo qaabab gaar ah, iyo isla

arrimihii iyo dhaqankii soo taagnaa oo soo

noqnoqonaya, oo guud ahaan isla saamayntii hore oo

kale ku leh xaaladaha weli jira ilaa sannadkan 2011.

89

Intii aan ku jirey hawlaha diyaarinta iyo xog-

baadhka qoraalkii buuggan, waxan akhriyey buugaag

badan oo laga qoray Somalia tobannaan sano ka hor.

Markii aan akhriyey buugaagtaasi, waxa igu soo

dhacaysey inay fiicnaan lahayd in dad badan oo kale

ay iyaguna akhriyaan, waxna ka bartaan taariikhda

dalkaasi. Waxay u muuqataa in aan wax weyn iska

bedelin ilaa 1960-kii, waqtigaasi oo John Drysdale uu

qoray (Somali Dispute, 1960) sidatan:‘Iyada oo

noqotay wax lama-filaan ah, taariikhda Soomaalida

waxa ka soo baxay inay jiraan cillado xunxun iyo

khaladaad waaweyn, kuwaasi oo aan ka dhalan habka

dhaqan ahaan Soomaalidu ay isku maamulaan, laakiin ka

yimid dabbaqaadda iyo socodsiinta habab shisheeye oo

dawladnimo oo aanay fahmin Karin amma aan ku

bannaanayn, kuwaasi oo si aan ula-kac ahayn wax ugu

dhimay habsami-u-socodkii nidaamka maamulka.’1

Guumeysigii ka hor (pre-colonial)

Guud ahaan saddex weji amma dhinac oo waaweyn ayay

leedahay taariikhdii hore ee Somaalidu: xidhiidhkii

iyo macaamilkii Somaalidu la lahaan jirtey adduunka

dibadda, xiisadihii iyo dagaalladii dhici jirey, iyo

is-fidintii amma dhul-ballaadhsigii Soomaalida.

Xeebta dheer iyo dhul-dhaca meesha ay ku taallo ee ah

cidhifka waqooyi-bari ee dalalka Afrika ee ka

hooseeya Saxaaraha, ayaa macnaheedu waxa uu ahaa in

Somalia aanay weligeed ka mid ahayn dunidii loo

yaqaanney ‘Qaaradda Madow’ (qaaraddi aan la gaadhi

jirin amma aan wax xidhiidh ah lala lahayn). Somalia

waxay qarniyaal badan xidhiidh la lahayd qaybaha kale

ee debadda, waxayna hoy ay degaan u ahayd qawmiyadaha

dadyowga kale, gaar ahaanna xeebaha Somalia.

Culimadii hore ee ururinta taariikhda iyo

sahamiyayaashii Carabta ee safri jirey, waxay u

yaqaanneyn Soomaalida dad col-u-joog ah oo

90

dagaalyahan ah, oo boqolaal sano ka hor bilaabay si

tartiib-tartiib ah inay u dhul-ballaadhsadaan, kana

soo faafaan dhinaca xeebaha, una faafaan dhinacyada

galbeedka ilaa Itoobiya, iyo koonfur ilaa dhulalka

imika loo yaqaan waqooyiga Kenya, iyaga oo hadba

meesha ay tagaan ka bara-kicinaya dadkii kale ee

degganaa.

Sida uu u sharraxayo caalinka Professor Ioan Lewis

(A Modern History of Somalia, 2002), xidhiidhkii

dheeraa ee taariikheed ee dalkaasi uu la lahaa dunida

Carabta, ayaa waxa xidhiidhkaasi uu keenay in

Soomaalida qaar ay ku abtirsadaan in asalkoodu ka soo

jeedo qabiilada Quraysh ee Nebigii diinta Islaamka,

Nebi Maxamed:

Dhaqan ahaan ... Soomaalidu waxay inta badan isku

meeleeyaan xidhiidhada ay la lahaayeen Carabta,

waxayna ku faanaan caadada ah inay sheegtaan inay

ka soo jeedaan abtirsiinta nasabka ah ee Carabta

iyo ahlu-beytka qoyskii Nebi Maxamed. Hasse

ahaatee dooddani oo Soomaalida maanta ee

Somaalinnnimada weyneeyaa ay ku tilmaamaan wax

khayaal ah, haddana waa mid dhinac kasta iyo mar

kasta ka mid ah dhaqanka Soomaalida, iyo sida

weyn ee ay ugu xidhan yihiin diinta Islaamka.2

Sida uu qabo Ioan Lewis laftiisu, Soomaali badan

ayaan si dhab ah u rumaysnayn inay si toos ah uga soo

jeedaan Nebi Maxamed, in kasta oo ay u riyaaqaan

fikradda ah in uu jiro xidhiidh xagga dhiigga amma

dhalashada ahi. Culimada qaar, oo u ka mid yahay

Harold Nelson (Somalia: A Country Study (Washington,

DC: American University Press, 1982)), waxay iyaguna

gaadheen heer ka sii fog kan Professor Ioan Lewis,

waxayna iyagu su’aalo amma dood ka qabaan in

Soomaalidu assal-ahaanba ay wax xidhiidh ah la

leeyihiin gebi ahaan Carabta. Qoraallada Harold

91

Nelson-na waxa ka mid ah: Xidhiidhka ‘Soomaalidu’ ay

isku xidhaan inay ka soo jeedaan abtirsiintii hore ee

Carabta, waxa laga yaabaa taasi in aan loo heli Karin

qiil adag oo lagu daafaco haddii si qota dheer loo

baadho, waxana suurtogal ah inay ka timid uun

Soomaalida oo Islaamnimadu ku fog tahay, oo si weyn u

doonaya inay isku xidhiidhiyaan umaddii Nebiga.’3

Ka sakow in ay tahay wax dhab tahay iyo in kale, in

Soomaalidu ay asal ahaan ka soo jeedaan Carab,

haddana rumaysnaanta ay rumaysan yihiin in uu jiro

xidhiidh qota dheer oo u dhexeeya iyaga iyo dunida

Carabta ayaa laga dhex arki karaa oo sharrxaysa

sababaha Soomaali badani ay iskugu arkaan inay ‘ka

duwan yihiin’ Afrikaanka gobollada ka hooseeya

Saxaaraha, iyo sababaha dad sidaa u badan oo Soomaali

ahi ay u eegayeen ee ay uga dhursugayeen tobannaankii

sano ee la soo dhaafay dunida Carabta oo ay ka helaan

fursado iyo qaxootinnimo amma magangelyo.

Saamayn weyn oo fara badan ayay Carabtu ku lahayd

Somalia, muddo boqolaal sano ah. Laga soo bilaabo ugu

yaraan qarnigii toddobaad, waxa jirey jaalliyado amma

qawmiyado Carbeed oo baayac-mushtar ahaa oo ganacsi

awgii u degey magaalooyinka xeebaha Soomaalida, sida

Muqdishu, Saylac iyo Berbera, taasi oo keentay inay

is-dhex galaan oo ay kala guursadaan Soomaalidii iyo

Carabtii, oo uu dhex maro xidhiidh dhiig, isla

markaasna dedejiyey in diinta Islaamku ay ku sii

xididdaysato halkaasi, taasi oo Soomaalidu u

qaadatay, una dabbaqday si gaar ahaan iyaga ku

bannaan oo ah ‘qaab Soomaaliyeed’, kuna habboon

caqiidadooda Islaamnimo. Magaalada Saylac oo lahaan

jirtey deer adag oo ku wareegsan oo laga ilaaliyo,

kuna taal dhina waqooyi-galbeed ee xeebta, waxay

ahayd xarun caan ah, oo saldhig u ah barashada diinta

Islaamka iyo ganacsiga. Waxa magaaladaasi laga

dhoofin jirey bunka laga keenyo buuraleyda Abasiiniya

(Itoobiya), iyo addoonta laga keeno gudaha qaaradda,

92

kuwasi oo lagu soo bedelan jirey marka debadda loo

dhoofiyo hub, dhar, bir, weel dhoobo ah, timir, iyo

badeecado kale, kuwaasi oo keeni jireen doonyo,

lagana soo dejin jirey magaalada Saylac.

Waxa sidoo kale jirey saamayn iyo xidhiidho kale oo

qaarkood ka horreeyeen xataa kuwa Carabta. Masaaridii

hore, Giriiga iyo Roomaankii waxay u safri jireen

dhulkii loo yaqaanney ‘Dhulkii Punt’(bilaadul-bunt?)

amma dhulkii udugga, ee waqooyi-bari Somalia, si ay

uga soo iibsadaan xabagta udugga ah ee fooxa iyo

meydiga amma lubaanka. Waxa kale oo xeebahaasi degey

ganacsato Faarisiyiin ah (Persian) qarniyadii

sagaalaad iyo kii tobnaad. Boortaqiisku waxay iyaguna

weerareen qaar ka mid ah magaalooyinkii xeebahaasi.

Waxa kale oo jirey xidhiidho Somaalidu ay la lahaan

jirtey imbaraadooriyadihii Cusmaaniyiinta (Ottoman

Empire) ee Turkiga, Cummaan, Hindiya, iyo kuwa

kaleba.

Xilligii Guumeysiga (Colonial)

Qarnigii sagaal-iyo-tobnaad, Soomaalida waxa lagu

soo daray qorshihii reer Yurub ee ‘lagu kala

qaybsanayey Afrika’, in kasta oo aanay lahayn khyraad

badan oo loogu xisho oo qawdihii wax guumeysanayey ay

ka gurtaan. Soomaalidii, waxay is arkeen iyaga oo

indhaha lagu hayo oo ay ku soo jeedaan dalalkii

Ingiriiska, Talyaaniga, Faransiiska iyo Itoobiya oo

jaar la ahayd oo loo arkayey dawlad quwad weyn oo ka

jirta gobolkaasi. Sababtuna waxay dhinac ahaan ahayd

istaraatiji ahaan meesha ay ku taal oo muhiim ah, iyo

weliba Soomaalida oo ah dad socod badan oo guurguura,

oo mar walba marka ka danbaysay iyaga laftooduu sii

qabsanaya oo ku sii faafaya dhulal kale oo dheeraad

ah. Waxa bilaabantay inay iyaguna wax-iska-caabbin

kala kulmaan xoogag kale, markii ay ku sii faafayeen

ee ay u sii durkayeen dhinaca koonfureed iyo

93

galbeedka. Sida uu u sharraxayo Tom Farer(War Clouds

on the Horn of Africa: A Crisis Detente, New York,

1976), Dawladii isticmaarka Ingiriiska ee maamulaysey

Waqooyiga Kenya ‘ waxay soo afjartay 900 boqol oo

sannadood oo umadda Soomaalidu ay ku sii socotey oo

ay ku sii durkasey ilaa xeebaha Bariga Afrika. Iyaga

oo uu ka horyimid xooggii iyo quwaddii Ingiriisku,

Soomaalidii waxa lagu khasbay inay ogolaadaan inay ku

joogsadaan webiga Tana oo ay ka dhigtaan aaggooda

koonfureed. Halkaa ayaanay ku ekaatay.’4

Ingiriisku waxa kale oo uu ku lug lahaa dhinaca

waqooyi-galbeed ee dhulka Soomaalidu, in kasta ku-

lug-lahaanshaasi uu ahaa sife amma qaab ka duwan kuwa

hore. Ingiriisku ma wada doonayn inuu si buuxda u

wada qabsado gobolkaasi, laakiin waxa uu ka rabey oo

uu danaynayey xoolaha uu uga baahan yahay raashinka

saldhigii uu ku lahaa Cadan oo wax yar uga jirta

gobolkaasi dhinaca kale ee badda. Ilaa maantadanna,

xoolaha Soomaalida waxa laga dhoofiyaa baddaasi.

Intii u dhaxaysey sannadihii 1884 ilaa 1889,

Ingiriisku waxa uu la saxiixday qabaa’ilkii dhulkaasi

degganaa, heshiisyo dhawr ah oo is xigxigey,

heshiisyadaasi oo keenay in la sameeyo Maxmiyaddii

Ingiriiska ee Somaliland.

Ingiriiska waxa halkaas kala kulmay wax ka dheeri ah

oo ka badan wixii uu rabay ee uu ku gorgortamayey.

Imaanshihii iyo joogitaankiisii ciidda Soomaalidu

waxay si weyn uga cadhaysiisay Sayyid Mohamed Abdulle

Hassan oo ahaa hoggaamiye dagaal iyo gabayaa, waxanu

bishii June ee 1903 Ingiriiska u diray warqad

hanjabaad ah (tixraac: War Office, Official History

of the Operations in Somaliland, vol.1, 1907) oo u

dhignayd sida soo socota:

Haddii dhulkani uu ahaan lahaa mid beero la qoto

leh, amma ay ka buuxaan daaro ka dhisan amma

94

hanta kale oo taalla, waxay noqon lahayd wax

mudan oo u qalma in aad ku dagaallantaan.

Dhulkani waa wada kayn jiq ah, taasina idinka

wax faa’iido ah idiin ma leh. Haddii aad

doonaysaan ood iyo dhagax, halkan waad ka helin

kartaan oo way ka buuxaan. Waxa kale oo ka buuxa

dundumooyin badan. Milicduna aad ayay u

kulushahay. Waxa qudha ee aad iga heli kartaan

waa dagaal, ee ma aha wax kale.5

‘Mad Mullah’ amma ‘Wadaadkii Waallaa’ waxa uu kaga

dhabeeyey kelmaddiisiii amm hadalkiisii, waxanu ku

dhawaaqay dagaal jihaad ah, oo uu muddo labaatan sano

ah la dagaallamayey Ingiriiska iyo dawladihii kale ee

isticmaarka, ka hor intii aan ugu danbaystii la jebin

ee aan laga adkaan sannadkii 1920-kii.

Intii uu wade ololaha dagaal oo dhan, Sayyed Maxamed

waxa uu cadowgiisa ku hayey dagaal kulul oo af iyo

adinba ah, isaga oo isku tilmaami jirey in uu la mid

yahay awr didaa amm buubaa ah oo aan laylsanayn oo

keni adag, oo aan dabar iyo hoggaan midna aan aqoon.6

(Tixraac: Abdi Sheikh-Abdi, Divine Madness).

Warqad kale oo uu u qoray badhsaabkii Ingiriiska

sannadkii 1917-kii oo joogey magaalada Berbera,

Sayyed Mohamed Abdulle Hassan waxa uu ku gacansaydhay

eedayn ahayd in ciidamadiisa daraawiishtu ay

taakulayn ka heleen Turkiga, waxanu ugu baanay oo uu

Ingiriiska oo uu ugu soo hal-qabsaday guulihii

milateri ee isbahaysigii Turkiga iyo Jarmalku ay ka

soo hoyeen dagaalladii ay la galeen Ingiriiska

(Tixraac: Douglas Jardine, The Mad Mullah of

Somaliland, 1923), waxanu ku yidhi warqaddiisaasi:

Waxad ogtihiin, aniguna aan ogahay, wixii

Turkigu idinku dhigay, iyo wixii Jarmal idin

baday idinka, haddii aad tihiin dawladda

95

Ingiriiska. Waxay idinla noqotay oo aad u

haystataan in aan jilcay oo aan taag-darreeyey,

ayna igu khasabtay in aan debadda ka raadsado

saaxiibbo. Haddii taasi wax ka jiraan oo ay run

tahay in aan debadda ka doonto taageerana,

sababta qudha ee igu kallifaysaa waa Ingiriiska

iyo dhibaatada aad nagu haysaan. Waa idinka kuwa

isbahaysi la galay dadyowgii adduunka oo dhan,

sharmuudooyinki amma dhillooyinii iyo dadkii

fasahaadka, iyo kuwii madiidinka ahaa, waayo waa

idinka kuwa jilicdasan ee taagta darani. Haddii

aad tihiin dad xoog leh oo tamar haya, idinka

ayaa isku filnaan lahaa oo wax iska celin lahaa,

sidayada oo kale, idinka oo madaxbannaan oo xor

ah. Waxay calaamad u tahay oo ay muujinaysaan

taagdarradiinna, isbahaysigan aad la gasheen

Soomaalida, kuwa qabbaanka amma shaaqiga idiin ah

ee idiin adeega iyo Carabta, Soodaanta iyo

Kufaarta, khaniisiinta iyo Yamaniinta,

Nuubiyiinta, Hindida, Bunuushta, Faranji, Ruush,

Maraykan, Talyaani iyo Seerbiyiin, Boortaqiis,

Jabbaan, Giriig iyo buti, Siig iyo Baaniyaal,

Moors, Afqaaniyiin iyo Masaari. Waa niman xoog

badan, Idinkuna maadaama aad itaal daran tihiin,

waa in aad baridaan iyaga oo aad xod-xodataan

amma u shukaanstaan sidii dhillada oo kale.7

Markii ciidamadiisu ay dileen Abbaanduulihii wattey

ciidamada Ingiriiska, Richard Corfield, sannadkii

1913, Sayyed Maxamed Abdulle Hassan waxa uu tiriyey

gabay xun oo uu si weyn ugu tiiqtiiqsanayo, kuna

faanayo. Isaga oo Koofil ku hal-qabsanayan, waxa uu

yidhi:

Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogayne

Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede

96

Jahannama la geeyow haddaad, aakhiruu jahato

Nimankii jannnow kacay war bay, jirin inshaalleye

Jameecooyinkii iyo haddaad, jowhartii aragto

Sida Eebbahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda

Daraawiish jikraar nagama deyn, tan iyo jeerkii

dheh

Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud

dhen

Waxay noo janjuunteenba waa, jibashadiinnii dheh

Jigta weerar bay goor barqa ah, nagu jiteeyeen

dheh

Anigana Jikrey ila heleen, shalay jihaadkii dheh

Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh

Jiiraayadey ila dhaceen, jilic afkoodii dheh

Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego

Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jiirarka u muuji

Nafjeclaysigiibaan ku idhi, jaallow iga daa dheh

Jajalleecadii baa wadanaha, jeex ka soo ruqay

dheh

Jeedaaladiibaa indhuhu, kor u jllaadmeen dheh

Jimic kagama helin tuugmadaan, jiriyey ruuxii

dheh

Markaan juuq idhaahdaba afkey, iga jifeeyeen dheh

Dhaaxaan jibaadayey dheg baan, jalaq la ii siin

dheh

Goortaan jarreerana gefoo, nolol ka jaanqaaday

Sida jananadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh

97

Taladii jinnigu ii hormaray, jaasadeed helay dheh

Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshey

Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa

dheh

Markay rubadu jaw tidhi or bay, iga ag jiibsheen

dheh

Jidhkaygii bahal baa cunoo, jiitey hilibkii dheh

Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh

Jiljilladiyo seedaha tukay, igaga jaadeen dheh

Haddaan lays jikaareyn tolkay, laga jil roonaa

dheh

Weligood waxaa lagu jaraa, jilibdhig duullaan

dheh

Daraawiidh waa jibindhowga iyo, jowga soo bixi

dheh.8

Dagaalladii wax-iska-caabbinta ee Sayyedku waxay

ahaayeen qaar aad u kulul, kuwaasi oo ku kallifay

dawaladdii Ingiriisku inay sannadkii 1919 u adeegsato

weerarro xagga cirka ah oo ay diyaarado ku garaacdo

isaga, waxayna ahayd markii ugu horraysay ee

Ingiriisku uu diyaarado ku duqeeyo meelo ka tirsan

gobolka Saxaaraha ka hooseeya ee Afrika. Ku-dhawaad

boqol sano ka dib waqtigaasi, quwadaha shisheeyuhu

waxay weli xagga cirka ka duqaynayaan dhaqdhaqaaqyada

Jihaad-wadayaasha ah ee Soomaalida: Dhawrkii sano ee

la soo dhaafay, dawladda Maraykanku waxay qaadday

dhawr weerar oo xagga cirka ah oo ay ku qaadday

bartilmaameedyo ku yaalla Somalia oo lagu sheegay

inay ku xidhan yihiin al-Qaacida.

98

Tom Farer waxa uu wax ka qoray sida Sayyed Mohamed

Abdulle Hassan uu u wadey ee uu ugu hawl geli jirey

fikradda ‘Soomaali-Weyn’ ee ahayd in Soomaalida oo

dhan la mideeyo oo laga dhigo dal qudha: ‘Waxa uu

baraarujiyey oo uu kobciyey fikradda ah in uu jiro

xidhiidh ka dhexeeya dhammaan Soomaalida oo dhan, oo

ka shisheeya amma ka weyn ka abtirsiinta beelaha iyo

xidhiidhka dhiigga, fikraddaasi oo gogol-xaadh amma

tixraac u noqonaysa arrimaha ilaa waqtigan taagan ...

sidaa awgeed, in kasta oo laga adkaaday, haddana ma

goblamin oo ma wada guuldarraysan.’9

Wax yar ka bacdi markii uu ku jabay Sayyedkii

dagaalladii uu kala horjeeday isticmaarkii

Ingiriiska, Faransiiska, Talyaaniga iyo Itoobiya,

waxa uu u dhintay xanuun. Dhulalkii ballaadhnaa ee

Afrika ee uu u dagaallamayey, dhulalkaasi oo Soomaali

badani ay u arkayeen inay yihiin dhulkoodii xaqa

ahaa, waxa waqti horeba loo kala qaybiyey shan

meelood oo kala gaar ah oo kala hoos yimaad

dawladihii istcmaarka:

NFD (Northern Frontier District): Qaybtani waxay

ka koobnayd degaannada waqooyi-bari ee Kenya oo

waqtigaasi Ingiriisku guumaysan jirey. Markii

Kenya ay madaxbannaanida qaadatay sannadkii 1963,

dawladdii markaas fadhidey Nairobi waxay diiddey

inay aqbasho rabitaankii dadweynihii u badnaa

Soomaalida ee degganaa gobolkaasi oo doonayey

inay ka go’aan Kenya, kuna biiraan Jamhuuriyaddii

cusbayd ee Somalia ee xornnimada qaadatay.

Ogadeeniya (The Ogaden): Qaybtani waxay noqotay

gobol ka tirsan Imbaraadooriyaddii Itoobiya, ka

dib markii Itoobiya ay qabsatay sannadihii u

dhexeeyey 1887 ilaa 1895, in kasta oo weli uu sii

ahaa gobolkaasi dhul lagu muransan yahay oo la

isku haysto. Gobolkaasi oo markii hore loogu

yeedhi ‘Ogaden’, markii danbe gobolkaasi iyo

99

degaannada kale ee Soomaalidu ay u badan tahay ee

Itoobiya waxa loo bixiyey ‘Kililka Shanaad’ iyo

‘Gobolka Soomaalida’.

‘Cote Francaise des Somalis’ amma ‘Xeebta

Soomaalida ee Farasiiska’: Dhulkaasi oo

Faransiiku haysan jirey waxa uu madaxbannaanaaday

sannadkii 1977 oo uu noqday Jamhuuriyadda

Djibouti.

Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland (British

Somaliland): Maxmiyaddii Ingiriisku waxay

madaxbannaani qaadatay 26-kii bishii June ee

1960, waxayn ku biirtay shan maalmood oo qudha ka

bacdi xornimadeedii oo ay la midoodey Somalia oo

Talyaanigu hore u guumaysan jirey, si ay u

abuuraan Jamhuuriyaddii Somalia. Laakiin waxay

haddana ka go’day 18-kii bishii May ee 1991 oo ay

noqotay Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, iyada

oo la soo noqotay isla xuduudaheegii ay lahaan

jirtey waqtigii ay ahayd Maxmiyadda Ingiriiska.

Dhinaca Bari ee dalkaasi, waxa ka taagan khilaaf

ay isku haystaan gobolka la jaarka ah ee

Puntland.

Soomaaliyadii Talyaaniga (Somalia Italiana):

Qaybtani oo uu guumaysan jirey Talyaanigu, lana

hoos keenay, laga soo bilaabo 1950kii, Jamciyadda

Qaruumaha ka Dhaxaysa maamulkii Talyaaniga ee

halkaasi ka jirey, waxay iyana xornnimo qaadatay

1-dii bishii July ee 1960, iyaga oo isku biiray

qaybtii Ingiriisku xukumi jirey ee Somaliland,

halkaasina waxa ka samaysan tahay Jamhuuriyaddii

Somalia.

Kala-qaybintii Somalia loo kala qaybiyey shan

meelood oo gumeysigii kala xukumo, wax macne ah uma

100

samayn Soomaalida oo intooda badani ay ahaayeen dad

reer-guuraa ah, kuwaasi oo aan wax sidaa ah oo

qiimo leh aan u arkayn xuduudaha iyo dawlado dhexe.

Gabayaagii Soomaaliyeed ee Faarax Nuur, waxa uu ku

jahawareeray tartankii kululaa ee dawladihii

shisheeyaha ahaa ay ugu jireen dhulka Soomaalida.

Waxana ka mid ahaa gabayadiisii, tixahan soo socda:

Ingiriis, Talyaaniyo iyo Amxaar, wey akeekamiye

Arligaa la kala boobayaa, nin u itaal roone

Waa duni la kala iibsadoon, La na ogeysiinne

Waa duni ninkaad aammintaa, kuu abees yahaye

Waa duni akhyaartii lahayd, iib-ku-doon tahaye

Anse ila ah aakhiru-samaan, Iligyadiisiiye

Haddaad niman islaamiyo tihiin, Aadan ubadkiisa

Odayaal Ilaahay ka go’in, haynna oodina e .

Xilliyadii dagaalkii labaad ee adduunka, waxay ahayd

markii ay ugu dhaweyd Soomaalida, inay rumowdo

riyadoodii ay ku taamayeen ee ahayd in la helo

‘Soomaali-Weyn’. Sannadihii 1930-meeyadii,

hoggaamiyihii Fashiistada ahaa ee Talyaaniga, Benito

Mussolini, waxa uu u dagaallamay in uu ka sameeyo

Afrikada Bari Imbaraadooriyad Talyaanigu xukumo oo

noqota ‘Africa Orientale Italiano.’ Intii u dhaxaysey

sannadihii 1936 ilaa 1941-kii, Tatyaanigu waxa uu

qabsaday saddex qaybood oo ka mid ah xiddigta

Soomaalida (ee shan-geesoodka), kuwaasi oo kala ahaa

bariga Ethiopia, Maxmiyaddii Somaliland, iyo

Soomaaliyadii Talyaaniga. Ka dibna Ingiriiska ayaa ku

soo qaaday dagaallo rogaal-celin ah, waxanu

Ingiriisku qabsaday sannadkii 1941-kii, afar qaybood

101

oo ka mid ah xiddigtii Soomaalida, kuwaasi oo kala

ahaa: Ogaadeeniya, Soomaalidii Talyaaniga,

Somaliland, iyo waqooyi-bari Kenya.

Wasiirkii arrimaha debadda ee Ingiriiska ee

waqtigaasi, Ernest Bevin, waxa uu soo jeediyey in

dhammaan Soomaalida la wada hoos geeyo maamul qudha

oo meel keliya ah, Loona diyaar-gareeyo sidii loo

gaadhsiin lahaa madaxbannaani. Bishii June ee

sannadkii 1946-kii, waxa uu Ernest Bevin aqalka hoose

ee baarlamaanka Ingiriiska u soo jeediyey in dhulalka

lagaga hadlo af-Soomaaliga ...

... la isku wada geeyo, lagana dhigo dhul leh

maamul guud oo hoos yimaadda Jamciyadda Qaruumaha

ka Dhaxaysa, oo markaasi ay u suurto gasho

dadweynahaasi reer-guuraaga ahi inay maamushaan

noloshooda dhaqaale, iyaga oo aan la kulmi wax

carqalad ah oo weyn oo ku timaad, waxana dhici

karta inay helaan fursad dhab ah oo ay ku

samaystaan nolol dhaqaale oo fiican, sida looga

yaqaan dalkaasi ... Waxa keliya ee aan doonayo in

aan sameeyaa waa sidii aan reer-guuraagaasi

masaakiinta amma saboolka ah, aan u siin lahaa

fursad ay wax ku taransadaan oo ay nolol ku

samaystaan ... Cidna dani uguma jirto in laga

manciyo amma la iska hortaago dadkaasi saboolka

ah iyo lo’dooda halkaasi ku sugani inay helaan si

fiican oo ay u noolaadaan.

‘Qorshihii Bevin’ weligii ma noqon mid hirgala,

sababtuna waxay ahayd iyaga oo quwadihii kale ee

waaweynaa ee soo baxay dagaalkii labaad ee adduunka

ka dib ay ka dhega-adaygeen oo ay ka horjeesteen,

kuwaasi oo kala ahaa Faransiiska, Ruushka, iyo

Dawladdii Maraykanka. Afartii gobol ee ku hoos jirey

waqtigaasi maamulkii milateriga ee Ingiriisku,

sidoodii hore ayay ku soo noqdeen, marka laga reebo

102

qaybtii uu Talyaanigu xukumayey, qaybtaasi oo

sannadkii 1950-kii la hoos keenay wilaayadda Qaramada

Midoobey, maamulkeendana loo wakiishay in Talyaanigu

sii wado muddo toban sano ah, muddadaasi ka bacdi oo

ay madaxbannaani ku gaadhi karaan.

Waxa laga yaabaa in waxa ugu xanuunka badnaa

Soomaalida, inay ahayd in Itoobiya lagu wareejiyey

dhulal ay u arkayeen dalkoodii ay iyagu xaq ay u

lahaayeen. Soomaali badani weli waxay ku canaantaa oo

ay kaga cabataa Ingiriiska in uu uu Ogaadeeniya ku

wareejiyey Itoobiya sannadkii 1948-kii, haddana in uu

badhtamihii sannaddii 1950-kii sidoo kale ku

wareeijiyey isla Itoobiya dhulalkii daaqsinta ahaa ee

Hawd iyo Riseef Eeriya ‘Reserved Area’.

Waxa dhibaato iyo madax-farad joogto ku noqotay

dawladda Itoobiya, arrinta dadweyne Soomaaliyeed oo

aad u fara badan oo deggan Itoobiya. ‘Gobolka

Soomaalida’ ee bariga Itoobiya, waxa tobannan sannaba

uu ku jirey xaalado dagaal oo si joogta ay u wadaan

jabhado mucaarad ahi, kuwaasi oo mar walba gacan ka

helayey cid kasta amma dawlad kasta oo ka talinaysey

Somalia. Dhinacyada qaar marka laga eego, maqaamkii

gaarka ahaa ee la siiyey Itoobiya xilliyadii

isticmaarka, waa mid ilaa hadda sii jira. Itoobiya

waxay tahay ‘saaxiib gaar ah’ oo uu leeyahay

Maraykanku, marka loo eego ‘la-Dagaallanka

Argagixisada’, gaar ahaanna dhinaca Somaalida.

Itoobiya waxay gacan ka geysatey fulinta qorshihii

Maraykanka ee ‘hawlgalkii kharribnaa’ ee laga

sameeyey Somalia sannadkii 2006-kii ee Itoobiya ay

kaga saartay halkaasi Midowgii Maxkamadaha Islaamiga

ah (UIC), kuwaasi oo Maraykanku u arkayey Islaamiyiin

xagjir ah oo khatar ah.

Itoobiya waxay iyana dhinaceeda lahayd oo ay wadatey

danaheeda istaraatiji oo sabab u ahaa inay baabiiso

Maxkamadihii Islaamiga ahaa; maxkamadahaasi waxay u

103

arkaysey inay isbahaysi la leeyihiin Eitrea oo

mararkaasi ka hor dagaal ahli ah la gashay Itoobiya.

Gobannimadii (Independence)

Sannadihii 1940-meeyadii iyo 1950-meeyadii, qaybtii

Soomaalida ee Tayaanigu xukumi jirey waxa ka

bilaabmay dhaqdhaqaaqyo xisbiyo siyaasadeed; waxana

samaysmay sannadkii 1943-kii, Ururkii Dhallinyarada

Soomaaliyeed ee SYC (Somali Youth Club), ururkaasi oo

markii danbe isku bedelay mid ka mid ah xisbiyadii

waaweynaa ee siyaasadda, noqdayna xibigii Leegada ee

SYL (Somali Youth League). Isla markaasi, soomaalida

waxa ilaa heer loo diyaarinayey madaxbannaani.

Doorashooyin ah dawladaha hoose ayaa la qabatay

sannadkii 1954-kii, sannadkii 1956-kiina Talyaanigii

waxay Soomaalida ku wareejiyeen maamulka intiisii

badnayd. Sannadkii 1960-kiina waxa xornnimo qaatay

Somaliland iyo Soomaaliyadii Talyaaniga labadaba,

kuwaasi oo midoobay 1-dii bishii July, noqdayna

Jamhuuriyaddii Somalia. In badan ayaa u arkayey oo ay

ka go’nayd in tallaabadani ay ahayd bilawgii, oo ay

ku xigi doonaan dhulalkii kale ee Soomaalida oo ku

soo biira, oo ay midoobi doonto ‘ummadda’

Soomaaliyeed, yeelanna doonto dawlad keliya.

Dadkii rajadaasi qabey ee ay ka go’nayd waxa ka mid

ahaa raiisal-wasaarihii Somalia ee waqtigaasi,

Abdirashid Ali Sharmarke, oo markii danbe noqday

madaxweyne (Tixraac: Dr Abdirashid Ali Shramarke, The

Somali Peninsula: A New Light on Imperial Motives,

London, 1962), waxanu yidhi:

Nasiibdarrada na haysata waxa ka mid ah, dalalka

aannu deriska nahay, oo sida dalalka kale ee

Afrikaanka ah aannu ka rabno oo isku deyeynno in

aannu ka wada shaqaynno dhismaha horumarka iyo

xidhiidh fiican oo siman oo aannu yeelanno, in

104

aanay ahayn jaarkayaga. Jaarkayagu waa dadkii

nala dhashay ee Soomaalida ah, oo

muwaadinnimadoodii amma dhalashadoodii laga been-

abuuray, aanay been-abuureen ‘habab la dejiyey’

oo ku salaysan xuduudo aan loo kala aabbo yeelin.

Waxay ku khasabtay dadkaasi inay kolba dhinaca

uga tallaabaan oo ka gudbaan xuduudo macmal ah oo

been-abuur ah, dhulkoodii daaqsinta. Waxay degaan

isla dhulkayaga oo kale, waxayna ku tiirsan

yihiin dhaqaalaha miyiga, sida aannu annaguba u

nahay ee aannu ugu tiirsannahay. Isku af ayaannu

ku hadalnaa. Waxannu nahay isku diin, isku dhaqan

iyo isku caadooyin. Sideebaannu walaalahayo ugu

arki karnaa oo aannu ugu aqoonsan karnaa dad

ajanebi ah.11

Soomaaliyadii cusbayd ee madaxbannaanaatay waxay

marka hore indhaha ku haysay gobolka NFD ee waqooyi-

bari ee Kenya oo markaas isticmaarku xukumayey.

Dawladdii Somalia waxay ku doodi jirtey in ‘iyagoo

isku issir iyo af ah, dadka reer NFD ee gobolka

waqooyi bari inay yihiin dad la dhashay oo la ab iyo

tafiir ah dadweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed,

laakiin Kiiniya ay ku yihiin dad shisheeye oo ajanebi

ah.’ Waxayna u soo jeedin jireen dawladdii Ingiriiska

ee waqtigaasi xukumaysey halkaasi in dhulkaasi ‘lagu

soo daro oo lala mideeyo Jamhuuriyadda Somalia, marka

ay Kiiniya xornimadeeda qaadato.’12 (Tixraac: The

issue of the Northern Frontier District, White Paper

Isuued by the Somali Government, Mogadishu, 1963).

Guddi gaar ah oo Ingiriisku u saaray inay soo

baadhaan arrinani waxay waxay ogaadeen sannadkii

1926-kii, in dadweynaha ku nool gobolkaasi oo in ka

badan boqolkiiba 60 ay yihiin Soomaali, inay dhammaan

si wadajir ah u doonayaan inay ka go’aan Kenya,

aakhirkana ku biiraan Somalia. Laakiin dadweynaha

reer Kenya intooda badan, iyo dalalkii kale ee

Afrikaanka ahaa ee madaxbannaanida cusub qaatay, iyo

105

kuwii kale ee xornimadoodu soo dhaweyd, ayaa ka

horjeestey arrintani, iyaga oo ka cabsi qaba in tani

ay dhiirrigelin doonto dhaqdhaqaaqyada kale ee gooni-

u-goosatada ah ee ka jira qaaradda. Waxayna noqotay

in arrintii la laalo, taasi oo cadho weyn ka keentay

Somalia, una goysey si ku-meel-gaadh ah xidhiidhkii

diblomaasi dawladda Ingiriiska sannadkii 1963-kii.

Sidii Itoobiya oo kale, Kiiniya waxay sannado badan

dhibaatooyin waaweyn kala kulantay dadweynaha

Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkeeda. Waxyaabihii uu

hore uga qoray arrimahani John Drysdale sannadkii

1964-kii, ayaa ilaa maantadani jira oo leh isla

saamayntii iyo ahmiyaddii ay waqtigaasi lahaayeen,

waxana ka mid aha qoraalkaasi: ‘Kiiniya iyo Itoobiya

labadaba waxa soo foodsaaray dhibaatada dad aan la

xukumi karayn, aan diyaar u ahayn wada-shaqayn,

kacsan oo dagaallama, oo reer-guraa ah oo si sahal ah

oo dhakhso badan hadba meel u guura, iyaga oo aan la

ogaan, oo marna soo gala marna ka baxa Jamhuuriyadda

Somalia, iyaga oo hubaysan amma aan hubaysnayn,

kuwaasi oo si buuxda u maareeya amma ugu nool

duruufaha degaannadooda lama-degaanka ah.’13

Mas’uul sare oo ka tirsanaa dawladdii isticmaarka ee

Ingiriiska, Lord Rennel Rodd, oo sannado badan ku

qaatay Geeska Afrika, waxa uu rumaysnaa isna in

siyaasadda dawladdiisa ee ku waajahan Somalia ay

keeni doonto mustaqbalka dhibaatooyin adag. Waxanu

qoray:

Haddii aynnu sidaa u danayn lahayn ... (aduunkuna

si macquul ah u eegi lahaa), dhammaan Soomaalida

... waxa suurtogal ahayd in la wada hoos keeno

maamulkeenna. Laakiin adduunku si macquul ah uma

eegi arrintani, innaguna sidaas umaynaan danayn.

Sidaasi awgeedna, qaybta keliya ee Afrika ee sida

weyn dadkeedu ay isku wada mid yihiin ayaa la

kala qayb-qaybiyey oo loo kala jarjaray, si ka

106

dhigan oo kale dhibaatadii Julius Caesar

(Hoggaamihi milateri ee Imbaraadooyiaddii

Roomaanka oo noolaa intii u dhaxaysay 100-44 sano

ka hor dhalashadii Nebi Ciisse) ee gobolladii

Gaul (degaannadii iyo qabaa’ilkii dhinaca galbeed

ee Yurub ee waqtigaas), gobolladaasi oo noqday

goobo ay ku herdamaan oo ay ku dagaallamaan reer

Yurub ilaa labadii kun ee sannadood ee u

danbeeyey. Somaliland-na, amma dhulka

Soomaaliduna, waxa dhici karta in uu noqdo

goobtii dalalka Afrikada Bari ay ku herdamayeen.14

(Tixraac: Sir Gerald Reece, The British Survey,

Colonial Office, 1952).

Ka sakow niyad-jabka Soomaalidii ay ka qaadeen inay

ku guulaysan kari waayeen abuuristii ‘Soomaali-Weyn’,

sanadihii koobnaa ee ugu horreeyey gabannimadii ka

dib, waxa samaysmay hab baarlamaani ah oo dimoqoraadi

ah oo firfircoon, oo ka dhex hirgalay Jamhuuriyaddii

cusbayd. Doodaha kulul ee baarlamaanka dhexdiisa,

ololayaasha doorashooyinka ee ay ku looltamayeen

musharrixiin iyo xisbiyo tiro badan, arrimahani waxay

u muuqdeen qaar ku bannaan dhaqanka firfircoon ee

Soomaalida oo jecel doodaha iyo af-ka-hadalka.

Sannadkii 1969, waxa jirey 1,002 laba musharrax oo ka

soo kala jeeda 62 xisbi oo u tartamayey kuraasta

baarlamaanka dalka oo tiradoodu ahayd 123 kursi.

Sagaalkii sanadood ee u horreeyey gobannimadii

dalkaasi, waxay ahaayeen kuwa ilaa heer cuntama oo

xiiso leh, ka sakow dhibaatooyin ka imanayey isku-

dhacyo qabaa’il, khilaafyo u dhexeeyey labadii

mustacmaradood amma qaybood ee hore ee isku darsaday,

tacliin-la’aan, iyo dhibaatooyin kale. Caalinka xagga

culuunta siyaasadda ee Ali Mazrui (oo u dhashay reer

Mombasa, Kenya), waxa uu qoray in xilliyadaasi

Somalia ay noqotay ‘ dalka ugu dhawdhaw Afrika ee ku

dhaqmaa siyaasad furfuran intii ka danbaysey

guumeysigii.’15

107

Nidaamkii Keli-Taliska ahaa (Dictatorship)

Wax walba waxay isbedeleen sannadkii 1969-kii.

15-kii bishii Oktoobar ee sannadkaas, waxa la diley

madaxweynihii Abdirashid Ali Sharmarke, waxana diley

nin ka tirsanaa bileyska, dilkaasi oo u muuqday inuu

ahaa aargudasho aano qabiil oo hore. Wax ka yar

toddobaad gudihii, ayaa aroornimadii hore ee 21-kii

bishii Oktoobar ay ciidammadii milaterigu qabsadeen

meelihii muhiimka ahaa magaalada Muqdishu, waxana la

mamnuucay xisbiyadii siyaasadda, waxana la xidhxidhay

siyaasiyiin sarsare. Laga soo bilaabo waqtigaas, waxa

xukumayey dalkaasi Gole Sare oo Kacaan oo uu

hoggaaminayo madaxii ciidamada, General Mohamed Siad

Barre. Hogaamiyihii inqilaabkaasi aan dhiiggu ku

daadanna, waxa uu awodda xukunka haystay muddo ka

badan labaatan sano.

Hab ah ‘Hantiwadaag Cilmi Ku Dhisan’ ayaa la soo

rogey, waxana habkaasi ku ladhnaa isku-daygii

tirtirista qolo-qolonnimada amma qabyaaladda, hab-

beeleedkaasi oo ka mid ah waxyaabaha aasaasiga u ah

mujtamaca Soomaalida. Siyaad Barre waxa uu sheegay oo

uu ku tilmaamay inay ku tahay cudur amma habaar aan

loo adkaysan karayn kacaanka hantiwadaagga ah, waxanu

yidhi: ‘Qabyaaladda iyo waddaninnimadu ma wada socon

karaan. Waa nasiibdarro in qabiilku uu yahay mid aad

ugu weyn ummaddeenna. Haddii Soomaali oo dhammi ay

Cadaabta gelayso, waxay ku cadaab-tegayaan waa

qabyaaladda.’

Hal-ku-dhegyada ugu waaweyn ee Soomaaliyadii cusbayd

ayaa noqday ‘Qabyaaladdu waa mid wax kala qaybisa,

Hantiwadaaggu waa mid wax mideeya.’ Soomaalida waxa

laga mamnuucay inay iskugu yeedhaa amma isku

aqoonsadaan beelaha ay ka soo kala jeedaan, waxana

lagu amray inay isku wacaan Jaalle, ereygaasi oo

macnihisu yahay saaxiib amma macag. Sawirro laga

108

dhigay inay u taagan yihiin qabiilka amma qabyaaladda

ayaa la soo sameeyey, ka dibna la aasay amma la

gubay, si tusaale looga dhigo tirtiristii

qabyaaladda. Iyadoo la raacayo habkii dalalkii kale

ee Shuuciga ahaa ee isbahaysiga cusub ay la yeelatay

Somalia, ee Midowgii Soofiyet iyo Kuuriyada Waqooyi,

waxa dadweynihii lagu dhiirrigeliey inay ka qayb

qaataan mahrajaanno iyo mashaariicda iska-wax-u-

qabso. Waxa la qaaday tallaabooyin kale oo dheeraad

ah oo la rabey in lagu cidhib-tiro ‘dhaqamadii

gaboobey’ ee uu watey nidaamka qabaliga ah ee dhaqan-

afeedka amma wax-qoris-la’aanta, waxana la soo rogey

markii ugu horraysey qoritaanka af-Soomaaliga,

sannadkii 1972. Waxa ku xigey olole ballaadhan oo la

qaaday sannadkii 1974-kii, oo lagu faafinayey

barnaamijyadii dadweynaha ee wax-qorista iyo wax-

akhrinta. Sida uu ku tilmaamay Professor Ioan Lewis

qoraalladiisii, waxa la xidhay dugsiyadii sare ee

dalka intoodii badnayd, iyadoo in ka badan soddon kun

oo qof oo ka kooban ardaydii iyo macallimiintii loo

kala diray degaannadii miyiga, si ay u soo baraan

dadweynaha reer-miyiga ah wax-qorista iyo wax-

akhrinta, daryeelka caafimaadka iyo nadaafadda

aasaasiga, iyo mabaadi’da hantiwadaagga. Waxana ka

mid ahaa waxyaabihii uu qoray:

Iyaga oo la sii siiyey qalab ka kooban bustayaal,

sabuurado isku laab-laabmaya (oo aan laakiin

hagaag u kala furmayn), caagado biyo ah iyo agab

kale, iyo weliba qaddar gunno ah oo dhan laba

shilin maalintii, ardaydaasi iyagu fursadda

gaarka ah hore ugu helay waxbarashadii

magaalooyinka dhexdooda, waxay noqotay inay ula

tagaan oo ay u gudbiyaan midhihii kacaanka

jaallayaashoodii miyiga ee hore loo daayacay,

ayna marti u noqdaan, lana joogaan qoysaskii reer

miyiga, martigelintaasina ugu abaalgudaan inay

baraan dadkaasi wax-akhrinta iyo wax-qorista.’16

109

Xilliyadaasi ayay bilaabantay in xaaladaha Somalia

ay si weyn u xumaadaan oo ay u qasmaan. Sannadihii

1974 ilaa 1975-kii, waxa dalkaasi ka dhacay waxa

waqtigaas lagu tilmaamay abaarihii ugu ba’naa

taariikhda dalkaasi. Sannadkii 1977, iyadoo uu soo

cusboonaaday dedaalkii ku saabsanaa in la helo

‘Soomaali-Weyn’, isla markaasina ay suurtogal ahayd

in meesha ay ku jirtey ujeeddo ah in dadka laga

jeediyo dhibaatooyinkii gudaha ka taagnaa, Siyaad

Barre waxa uu ku dhawaaqay dagaal lagu qaaday

Itoobiya, oo looga gol lahaa in lagu qabsado gobolka

Ogaden. Waa markaasi dagaalladaasi ay qarxeen markii

Midowgii Soofiyet uu si weyn oo la yaab leh u bedeley

xidhiidhkii isbahaysi ee dhincyadii dagaallamayey,

waxanu tuuray Somalia oo uu laalay isbahaysigii uu la

lahaa, ka dib markii hoggaamiyihii kacaankii

Maarkiistaha amma Shuuciga ahaa ee cusbaa ee

Itoobiya, Mengisyu Haile Mariam, oo sannadkii 1974-

kii afgenbiyey Boqor Haile Selassie, uu dawladdii

Soofiyet-ka weydiistey taageero. Dawladdii Soofiyetku

waxay siisay saaxiibkoodii cusbaa ee Itoobiya

taakulayn iyo hub milateri oo aad u fara badan, taasi

oo keentay in la jebiyo Somalia sannadkii 1978-kii.

Burburkii ka abuurmay abaarihii iyo dagaalladii waxay

horseedeen inay sii korodho tiro badan oo ka tirsan

Soomaalidu inay ku kacaan oo ay ka horjeestaan

madaxweynahoogii. Sannadkii 1978-kiina, koox ka

kooban saraakiishii milateriga ayaa isku deyey

inqilaab dhicisoobey oo ay kula kaceen Siyaad Barre,

kacdoonkaasi oo caalamad u ahaa amma muujinayay

niyad-jabka sii badanaya.

Waxa bilaabantay in dalku uu kala daato oo uu sii

kala burburo. Dedaalkii Siyaad Barre uu ku doonayey

in uu ku tirtiro qolo-qolonnimada iyo qabyaaladda

waxa uu noqday dhibaato isagii dib ugu soo noqotay oo

saamaysay ; sannadihii 1980-maadkiina, waxa samaysmay

110

dhawr jabhadood oo ku dhisan gobolaysi iyo beelo.

Kuwa ugu horreyey kooxahan waxa ka mid ahayd

jabhaddii SNM (Somali National Movement). Jabhaddaasi

waxay markii hore ahayd oo ay ku bilaabanatay beelo

badan oo isbahaystay, markii danbana urur u taagan

danaha beelihii Isaaqa ee ka soo jeedey Maxmiyaddii

hore ee Ingiriiska ee Somaliland, kuwaasi oo ka

dagaallamayey waxa ay u arkeen fogeyn la foogeeyey oo

la takrooray, iyo cadaadis iyo ciqaab ay kula kacday

dawladdii Siyaad Barre.

Jawaabta ay dawladdii ka bixisay arrintani iyo

tallaabooyinka ay kala hor tagatay jabhaddani

mucaaradka, waxay ahaayeen qaar si xad-dhaaf ah u

qallafsan oo waxshinnimo. Ciidamadii dhulka iyo kuwii

cirka ee Siyaad Barre waxay duqayn xoog leh ku

sameeyeen magaala-madaxdii gobolka ee Hargeysa, oo

sida duqayntaasi ay magaaladii u baabiisay lagala mid

dhigay oo loogu magac-daray ‘Dresden-tii Afrika’

(Dresden of Africa). Waxay noqotay wax naadir ah oo

far-ku-tiris ah in la helo gidaar amma guri taagan oo

bed qaba oo duqayntaasi ka badbaaday, waxana la

burburiyey amma la bililiqaystay dhammaan guryihii

iyo dhismayaashiii, iyo saqafyadii, mid kasta.

Magaaladii waxay noqotay meel gabaahiir ah oo la

burburiyey, si xunna loo fadhataystay, dadweynihii ku

noolaana ay aakhirkii ka qaxeen oo ay u lugeeyeen

ilaa Itoobiya, qaxaasi oo ahaa, sida uu ku tilmaamay

Mark Bradbury buuggiisii ‘Samaysankii Somaliland’

(Becoming Somaliland, London, 2008), mid weyn oo

qeyra-caadi ah amma oday-ka-sheegee ah, wanu qoray:

‘Qaxii ay qaxeen dadweyne ku dhaw-dhaw ilaa 500,000

oo qof oo rayid ah oo ka qaxay waqooyiga Somalia, una

qaxay Itoobiya sannadkii 1988, waxay dhacdadani ka

dhignayd dhacdooyinka ugu waaweyn ee ugu darnaa dad

xaddigaasi leh oo si xoog ah mar qudha loogu kallifay

in ay barakacaan, taariikhda Afrika.’17

111

Bishii May ee 1988, weerarradii Jabhaddii SNM ay ku

qaadday Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, waxay bilaw

u ahaayeen dagaalladii sokeeyey ee Somalia, kuwaasi

oo socdey muddo ka badan labaatan sanadood ah. Waxa

kale oo jirey jabhado kale oo ka samaysmay meelo kale

oo ka tirsan dalka. Sannado hore, dhinaca waqooyi-

bari waxa ka samaysantay jabhaddii SSDF (Somali

Salvation Democratic Front), dhinaca koonfur iyo

badhtamaha Somalia-na waxa ka dhisantay jabhaddii USC

(United Somali Congress) oo inta badan u taagneyd

danaha beelaha Hawiye. Beelihii Ogaadeenna waxay

samaysteen dhaqdhaqaaqii SPM (Somali Patriotic

Movement). Bishii August ee 1990-kii, jabhadihii

SNM, SPM, iyo USC waxay ku shireen Itoobiya, waxayna

ku heshiiyeen inay samaystaan isbahaysi midaysan oo

ay isku bahaystaan dagaalka ay kala horjeedeen Siyad

Barre.

Xilligaasi, dawladdii dhexe waxa haysatey oo ay ku

jirtey xaalad la yaab leh oo aan la filayn oo la mid

ah tan haatan timid labaatan sano ka bacdi

waqtigaasi, xaaladdaasi oo ahayd xukunka dawladdii

dhexe oo ku soo ururay, kuna koobnaaday wax aan sida

uga durugsanayn magaalo-madaxda. Waxa aad u soo

yaraaday oo soo koobmay dhulkii uu gaadhsiisna awodda

xukunka ee Siyaad Barre, oo gaadhay ilaa heer

mucaaradkiisii ay ugu yeedhaan ‘Duqii Magaalada

Muqdishu’. Jabhadihii mucaaradka ahaa waxay ku soo

durkeen oo ay hareereeyeen magaaladii, 26-kii bishii

ee 1991-kiina, Siyaad Barre waxa farahiisa ka baxay

xukunkii magaalo-madaxda, waxana ka saartay halkaasi

jabhaddii USC.

Burburkii Dawladda (State Collapse)

Dhicitaankii Siyaad Barre ma noqon dhammaadkii

dagaalka. In kasta oo xukunkii laga tuuray kelidii-

teliye had iyo jeer naxariis darnaa oo qallafsanaa,

112

haddana laga soo bilaabo sannadkii 1990-kii,

dadweynaha Soomaaliyeedd intooda badani waxay

ahaayeen kuwa aan haysan hoggaan dhexe oo si wax-ku-

ool ah u shaqeeya, waxayna ku noolaayeen dawlad-

la’aan.

Isla markii Siyaad Barre laga turay xukunka, wax

markiiba iyagu dhexdooda isku jeestey ururkii USC.

Waxa burburtay midnimadii Hawiyaha, iyaga oo laba

beelood oo ka mid ah beelaha Hawiyaha, kalana ah

Abgaal iyo Habar Gidir, ay dhex martay colaad aad u

qadhaadhi oo ay isku noqdeen cadow xun, iskuna

bilaabeen dagaallo. Qof Ingiriis ah oo la yidhaa

Murray Watson, oo ka tirsanaa shaqaalihii hey’adaha

gargaarka, ayaa goobjoog ka ahaa oo ka hadlay

dagaalladii maalmihii ugu horreeyey halkaasi ka

dhacay, sannadkii 1991-kii. Waxanu yidhi:

Dagaallo badan iyo taxshhiirado ayaa ka dhacaya

agagaarka qasriga madaxtooyada. Waxan hadda soo

maray cusbitaalka oo maalin kasta la keeno konton

ilaa lixdan qof oo dhaawac ah. Maalin kasta,

dhakhtarradu waxay sameeyaan qalliin addimada oo

la jaro ah, min toban ilaa shan-iyo-toban qalliin

oo noocaasi ah. Dhiig ayaa igaga yaal oo soo

gaadhay lugahayga. Ma malayn kartid dilka xun ee

halkan ka dhacay. Waxan ka soo qaaday sawirro

meydadka jidka daadsanaa hadda. Ma jiraan imika

meydad badan oo sii yaallaa, waayo, eyda ayaa

cuntay intoodii badnayd. Laakiin weli waxa sii

yaalla gacmo dad oo ka dhex muuqda ciidda.

Hareeraha waddada waxa ku yaalla xabaalo degdeg

ah oo lagu aasay dadka isla goobihii ay ku

dhinteen. Dadka wax ku dhaceen ee dhintay amma

dhaawacmay, intooda badani waa dad rayid ah ; waa

dumar, waa rag da’ah, waa caruur.

Tani waxay ahayd Somalia iyo hab-beeleedkeeda oo

sida ugu weyn iyagu isku baabiinayey amma is-cidhib

113

tirayey. Dhicitaankii Siyaad Barre, halkii uu ka

horseedi lahaa nabad, iyo in la dhiso nidaam sugan oo

dawli ah oo ku dhisan dimoqoraadiyad iyo caddaalad,

waxa ka dhashay oo uu keenay dagaallo aan caqli ku

fadhiyin, dagaalladaasi oo saamayntii

dhibaatooyinkoodii ugu xumaa ay ku dhaceen

dadweynihii rayidka ahaa.

Nidaamkii diktaatooriga ahaa ee keli-taliska, waxa

bedeley qabqablayaal dagaal, oo ahaa hoggaamiyayaal-

beeleed awod badan, oo ay taageerayaan maalqabeenno

baayacmushtar ah iyo kooxo hubaysan oo miliishiyooyin

ah, kuwaasi oo Somalia inteedii badnayd u rogey

degaanno kala gooni ah oo ay kala xukumaan

qabqablayaal dagaal. Kooxahaasi waxay ahaayeen kuwa

iyagu midba midka kale la dagaallamayey, amma midba

midka kale la samaysanayey gaashaanbuur isbahaysi,

isbahaysigaasi oo haddana si dhakhso ah u burburayey

muddo yar ka bacdi. Xaaladaha noocan ah ee aan la

sadaalin karin, ee sida dhakhsa ah isku bedeleyey,

waxay jahawareer ku noqdeen cid kasta, gudaha iyo

debadda Somalia labadaba.

Mar aan booqday Somalia, horraantii sannadihii 1990-

meeyadii, aad ayay u yarayd in aad aragto qof aan

hubaysnayn, yar iyo weyn ragga, oo aan qori sidan.

Hubku waxa uu noqday mid daruuri ah oo loo baahan

yahay sida shaadhka la gashado oo kale, kana

muhiimsan kabaha. Wiilal yaryar oo dagaalyahanno ah

oo indhuhu soo baxsan yihiin, dhididna ka soo boodey,

ayaa eryayey oo watey buurbuur nooca dagaalka ee

Soomaalida ah oo loo yaqaanno baabuurta ‘Tiknikada’.

Waa baabuur dusha laga jaray amma Land Cruiser-ro ah,

oo qoryo waaweyn la saaray, aanay la socdaan

miliishiyo aad u hubaysani. Taxshiiradaha iyo

rasaasta joogatada ahi waxay dileen tobannaan kun oo

qof, in badan oo kale way dhaawaceen, waana la

barakiciyeen, waxayna dagaalladaasi baabiiyeen

114

magaaladii Muqdishu oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu

qurux badan Afrika.

Nin ka mid ah raggii isku deyey in la joojiyo

burburkaasi, waxa uu ahaa Cumar Salaad, oo

mas’uuliyado sare ka soo qabtay xukuumaddii Siyaad

Barre, laakiin waqtigani ka mid ahaa mucaaradka oo uu

ku biiray. Waxanu yidhi:

Waxaan soo arkay ee aan u soo joogey waxay

ahaayeen wax aad u fool xun, aad iyo aad u fool

xun. Waxa socdey dil, waxa socdey boob, waxa

socdey qas. Dadku guryaha ayay boobayeen oo

xadayeen, dumarka ayaa la kufsanayey. Waxay ahayd

wax argagax leh oo aad u fool xun. Waxan ku

dedaalayey inta karaankay ah in aan gacan ka

geysto badbaadinta dadkii qaraabada iyo asaxaabta

ahaa. Miliishiyooyinka beeluhu waxay ku

dagaallamayeen oo ay haysteen dhammaan noocyada

hubka : qoryaha boobayaasha culculus ee

mashiingaannada, kuwa fudud ee reyfallada,

madaafiicda lidka diyaaradaha oo la saaray buur

Land Cruisero ah, iyo xataa sawaariikhda Katuusha

ah. Muddo yar ayaa gebi ahaan badhtamihii

magaalada lagu baabiiyey oo laga wada dhigay

burbur ciid iyo quruurux ah.

Waxan tegey Tiyaatarkii Qaranka , oo ahaa dhisme

aad u qurux badan oo bilicsan, kaasi oo si weyn

loo fadhataystay, lana qaawiyey gebi ahaan. Waxan

sii qaaday qaar ka tirsan ilaalaladaydii oo aan

geeyey tiyaatarkii, waxanan amar ku siiyey inay

xabbado dusha u ridaan oo ay dulmariyaan

budhcadda wax bililiqaysanaysa. Tani waxay ka

cabsiisay tuugadii oo yaacay. Ka dibna laba ka

mid ah ilaaladaydii ayaan halkii kaga tegey si ay

halkaasi u joogaan, una badbaadiyaan tiyaatarka.

Waxan tegey meel maqaaxi amma hudheel ah oo wax

laga cuno magaalada Muqdishu. Waxanan halkaasi ku

115

arkay dadkii oo afka iyo gacmaha iska marinya

waraaqihii sirta ahaa ee xafiisyada dawladda.

Xataa waxay la aadayeen oo ay ku isticmaalayeen

musqulaha. Ninkii hudheelka lahaa ayaan siiyey

waxoogaa lacag ah, waxanan ka ururiyey oo aan ka

qaaday waraaqahaasi qaaliga ahaa ee muhimka ahaa.

Laakiin haddana waxan arkay hudheelladii kale ee

magaalada oo dhan oo waxaasi iyo wax la mid ahi

ay ka socdaan. Ka dibna waxa soo ururiyey oo aan

badbaadiyey waraaqo badan, intii aan gaadhi

karayey. Aakhirkiina waxan isku keenay wax noqday

ilaa 175 fayl oo ah dhakumantiyadii rasmiga ahaa

ee dawladda.

Dilkii iyo burburkii waxa soo raacday gaajo. Waxay

si dhakhso ah iskugu bedeshay xaalad macaluuleed, oo

ban’iidam abuuray. Inta badan dhulkii masnada ahaa ee

wax ka bixi jireen ee Somalia, ee u dhaxeeyey labada

webi ee Jubba iyo Shabeelle, ayaa noqday dhul ay ku

dagaallamaan kooxihii iska soo horjeedey. Dadkii

beeraleyda ahaa ee degganaa halkaasi, waxay noqdeen

wax la laayey, wax la barakiciyey oo lagu kallifey

inay qaxaan, amma wax lagu khasbay inay ku biiraan

miliishiyooyinka. Waxa bilaabantay in dadku ay u

dhintaan macaluul, gaar ahaanna qaybo ka tirsan

gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe ee Somalia. Cumar

Salaad waa u qiiroodey oo maroora-dillacay markii uu

iiga sheekaynayey markii ugu horraysay ee u soo

booqday degaannadii ugu darnaa ee macaluushu

saamaysay, degannadaasi oo loo yaqaanney ‘Saddex-

Geeskii Geerida’, waxanu yidhi:

Waxan arkay boqolaal caruur ah oo daadsan, safaf

dhaadheer, waddada laamiga ah hareeraheeda. Way

wada qaawanaayeen, waxayna ahaayeen lafo qalfoof

ah, laakiin may dhimanin. Weli waa sii

noolaayeen, laakiin waxay qarka u saarnaayeen

inay dhintaan. Markii aan warsaday waxa caruurta

intaasi leeg halkani keenay ee ay ka qabaanayaa

116

waddada, waxa la ii sheegay in waalidkoodu uu ku

wada dhintay macaluushii. Waan ilmeeyey. Waxa ugu

daran ee aan arkay waxa uu ahaa ilmo yar, oo

qalfoof ah, oo jaqaysaa naaskii hooyadeed oo meyd

ah. Waan hunqaacay. Ka bacdina waxan go’aansaday

in aan soo kaxeeyo suxufiyiin iyo weriyayaal

ajanebi ah oo aan keeno degaankan, si ay adduunka

ugu faafiyaan wararka waxyaabaha ka dhacayaa ee

ka taagan Somalia.

Xattaa dadkii iyagu wax badan hore uga soo shaqeeyey

dhulalka ay ka jiraan dagaallada iyo macaluusha, sida

Tony Vaux oo kale oo ka tirsan shaqaalaha hey’adaha

gargaarka, waxa aad u taabatay xaaladdii ay ku arkeen

Somalia, waxanu yidhi Tony :’Tani waxay ahayd

xaaladdii ugu xanuunka badnayd ee i soo marta intii

aan socdaalayey ee aan wareegayey oo dhan ee aan u

shaqaynayey hey’adda OXFAM in ka badan labaatan sano,

socdaalladaasi oo ay ku jiraan kuwii aan ku tegey ee

aan ku soo arkay xaaladihii Itoobiya sannadkii 1984-

kii. Heerka dhibaatada ee xaaladda Somalia, waa mid

aad u weyn oo ba’an marka loo eego kuwaasi kale.

Dhibaatada banii’aadminnimo ee halkasi ka jirtaana

waa mid aan aslanba la rumysan karin.’

Markii sawirradii iyo muuqaalladii aafadaasi lagu

baahiyey ee ay ka soo baxeen telifishannada caalamka,

waxa bilaabmay olole caalami ah oo dadweyne oo loo

sameeyey in la qaado tallaabooyin, oo wax la qabto.

Laakiin xaaladahani waxay ahaayeen qaar adag, oo aan

caadi ahayn, oo khatar ah. Somalia waxay ahayd dal

aanay ka jirin dawladi, oo ay ka socdaan dagaallo xun

oo soo noqnoqonaya, oo aan la sadaalin karin, oo

baahsan. Guud ahaan waxa adkaatay sidii loo heli

lahaa qaab lagu gaadhsiiyo dadka baahan gargaar

banii’aadminnimo. Xaaladdu waxay ahayd mid aad u xun

oo gaadhay ilaa heer ah in la toogto maraakiibtii

siddey gargaarka, xataa ka hor inta aanay soo gaadhin

berriga.

117

Faragelintii Dibadeed (Intervention)

Qiyaastii siddeed-iyo-toban bilood ka bacdi markii

Muqdishu ay duntey, Golaha Ammaanka ee Qaramada

Midoobay waxa uu bishii April ee 1992 ogolaaday in la

geeyo Somalia ciidammo nabad-ilaalineed oo gaadhayaa

ila saddex kun, hawlgalkaasi oo loo yaqaanney UNOSOM.

Waxase isla markiiba caddaatay in loo baahan yahay

wax intaa ka badan oo ka ujeeddo dheer.

Madaxweynihii Maraykanka ee waqtigaasi, George Bush,

oo xilligiisii sii dhammaanayey, ayaa qaaday

tallaabadii u horraysay, isaga oo soo jeediyey in

ciidamada Maraykanku ay qaadaan oo ay hoggaamiyaan

hawlgal aad uga ballaadhan kaas hore oo ay fuliso

Jamciyadda Qaruumha ka Dhaxaysaa, si loo suurtogeliyo

oo loo hubiyo in si bed qabta loo gaadhsiin karo

gargaarka banii’aadminnimo dadka macaluulaya, kuwa

barabaxay, iyo kuwa dhaawac ah ee Somalia. 3-dii

bishii December ee 1992, ayaa markii ugu horraysay

taariikhda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, uu

Goluhu ansixiyey faragelin Jamciyadda Qaruumaha ka

Dhaxaysaa ay iskeed ugu dhaqaaqdo iyada oo

adeegsanaysa xoog milateri oo lagu qaado dal iyo

qaran madaxbannaan. UNOSOM waxa lagu bedeley UNITAF.

Horraantii sannadkii xigey waqtigaas, waxa la

bilaabay hawlgal loo bixiyey ‘Operation Restore Hope’

amma Hawlgalkii Soo-celinta Rajada; waxana Somalia u

duulay oo tegey ilaa lix boqol oo suxufi oo ka kala

socda warbaahinta debadda, si ay warbixinno uga soo

sameeyaan hawlgalladii u muuqday wax aan la malayn

Karin oo riyo amma khayaal ah oo xaqiiqada ka fog, ee

ciidamada Maraykanku ay si cajiib ah ugu degayeen,

goor habeennimo ah, xeebta badda Muqdishu, iyaga oo

isku dhigayey oo u libiqsanayey kamarooyinka

sawirrada iyo filimmada markii ugu horraysey ee ay

cagaha dhigayeen dalkan ay u yimaaddeen inay

118

‘badbaadiyaan’. Ciidammo ka badan 25,000 oo Maraykan

ah ayaa ka qayb qaadaneyey fulinta hawlgalkani.

Hawlgalkii ‘Operation Restore Hope’ ee Soo-celinta

Rajadu waxa uu gaadhay guulo bilaw ah, isaga oo

suurtogeliyey in taakulayntii gargaarka iyo

gaadiidkii sideyba, in ay gaadhaan meelihii loogu

talo galay, iyada oo aanay soo weerarin, oo aanay

boobin amma dhicin miliishiyo-beeleedku.

Laakiin Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa iyo

Maraykanka midna si buuxda uma fahmin murugsanaanta

xaaladaha ka jira gudaha. Waxa bilaabmay in

xaaladihii ay si dhakso ah isku bedelaan oo sii

xumaadaan, kana sii daraan. Waqtigaasi, hawlgalkaasi

oo loo yaqaanney UNOSOM II, waxa uu noqday kan ugu

ballaadhan adduunka ee ay fuliso Jamciyadda Qaruumaha

ka Dhaxaysaa, waxana ku hawllana hawlwadeenno

gaadhaya ilaa 30,000 oo qof iyo kharash ku dhaw-dhaw

US$1.5 bilyan oo doollar sannadkii.

Kooxaha qaar ee Soomaalida ayaa bilaabay inay u

arkaan ciidamadaasi hubaysan ee ajanebiga ah ee

nabad-ilaalintu inay la jiraan amma ka tirsan yihiin

beel ka mid beelihii ay is-hayeen ee ka soo horjeedey

iyaga, sidaasi awgeedna ay mudan yihiin in lagala

hortago dagaal, gaar ahaanna marka ay ku kacaan falal

daandaansi ah. Waxana arrintaasi ay keentay in la

dilo bishii June ee 1993, in ka badan labaatan askari

oo Baakistaaniin ah oo ka tirsanaa ciidamadii nabad-

ilaalinta, ciidamadaasi oo wadey hawlo hub-baadhis

ah, oo ay isku deyeen inay ku qaadaan

miliishiyooyinkii General Aideed.

Dilkii askartaasi reer Pakistan waxay jawaab xun oo

xoog leh ka keentay abbaanduulihii Maraykanka ahaa ee

hawlgalkaasi ‘Operation Restore Hope’, Admiral

Jonathan Howe, oo ku dhawaaqaya dagaal uu kaga

dhabeeyey oo aanu waxba ula hadhin dhinac kasta in

lagu qaado General Caydiid, isaga oo madaxa General

119

Caydiidna saaray oo sheegay inuu ku doonayo lacag

dhan US$20,000 oo doollar oo la siinayo qofkii soo

qabta amma soo sheega. General Caydid waxa u noqday

nin ku bannaan magacan naanaysta ah ee uu leeyahay oo

macnihiisu uu yahay ‘ninkii aanay ceebtu raaci karayn

ee aan qaadanayn’; waxanu isna dhinaciisa kaga

dhawaaqay in uu isna ku bixinayo US$20,000 oo doollar

oo abaalmarin ah ciddii keenta madaxa Admiral Howe oo

sidiisii ah, amma ‘Animal’ Howe oo ah sida ay ugu

yeedhi jireen Soomaali badani.

Ciidammadii Maraykanku waxay sii xoojiyeen

hawlgalladoodii, iyaga oo hadba joojiya oo baadha

Soomaalida maraysa dariiqyada amma suuqa, olole

baadhitaanna ku qaada suuqa Bakaaraha oo weerara,

suqaasi oo isku meel lagu iibin jirey hubka iyo

rasaasta, iyo dharka, bakaashka iyo alaabta guryaha,

hilibka iyo khudaarta. Suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu

weyn magaalada Muqdishu, waxa uu noday

bartilmaameedka ugu weyn, suuqyada laga adeegto ee

adduunka. Sannado badan ayaa waxa suuqaasi ku socdey

weerarro baadhitaan iyo duqayn. Intii u dhaxaysay

laga soo bilaabo badhtamihii sannadihii 2000 ilaa

dabayaaqadii sannadahaasi, suuqaasi Bakaaraha waxa

weerarro joogto ah ku hayey ciidamada dawladda

Soomaalda iyo kuwa nabad-ilaalinta ee Ururka Midowga

Afrika, iyada oo loo arkayey meel ay al-Shabaab ku

dhuumato, isla markaasina u ah il muhim ah oo

dhaqaale ka soo galo.

Xiisadihii u dhexeeyey General Caydiid iyo

ciidamadii Maraykanku waxay meel sare oo dagaal

gacan-ka-hadal ah gaadheen bishii Oktoobar ee 1993,

oo u dhacay dagaalkii loo bixiyey ‘Dagaalkii ugu

Horreeyey ee Muqdishu’ amma ‘Black Hawk Down’. Laba

diyaaradood oo Maraykan ah oo ah nooca helikobtarrada

loo yaqaan Black Hawk ayaa la soo ridey oo la soo

dhigay jidadka magaalaada. Hawlgal balaadhan oo kale

oo milateri, oo la doonayey in lagu soo furto oo lagu

120

soo badbaadiyo askartii saarnayd diyaaradaaasi la soo

ridey, waxa lagu diley oo ku dhintay siddeed-iyo-

toban askari oo Maraykan ah, kuwaasi oo meydadkoodii

la jiidjiidey jidadka. Tirada dhabta ah ee Soomaalida

ku dhimatay dagaalladaasi ba’naa lama oga, laakiin

waxa lagu qiyaasaa boqoaal.

Dhacdadani oo dib u soo celisay xusuusihi

dagaalladii Vietnam, waxay ku noqotay dawladda

Maraykanka culays aan la xamili karayn oo aan la sii

wadi karayn. Madaxweynihii cusbaa ee xilka la

wareegey, Bill Clinton, waxa uu amar ku bixiyey in

ciidamadaas laga soo saaro halkaasi oo dib loogu soo

celiyo dalkooda; intoodii badnaydna waxa la soo

dhamaystirey oo ay tegeen sannadkii xigey waqtigaasi.

Ciidamadadii nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobey oo

noqday ciidammo aad u daaley oo niyad-jabay, waxay ku

dedaaleen inay sii wadaan hawlgalladoodii,

dedaalkaasi oo aakhirkii u muuqday mid aan wax-ku-ool

noqon oo aan shaqayn. Markii aan booqday magaalada

Muqdishu sannadkii 1994, ciidamadaasi nabad-ilaalinta

ee loo yaqaanney ‘blue helmet’ ( amma caanka ku ahaa

midabka koofiyadaha milateri ee ay xidhan yihiin oo

ah bey-bey amm buluuki), waxay ahaayeen kuwa dhammaan

aan lagu arkin meel ka baxsan xeryaha amma

saldhigyada Qaramada Midoobey. Waxan arkay tiro yar

oo ka tirsan ciidammadaasi nabad-ilaalinta oo ku

gabbanaya, cabsi awgeed, jawaanno ciid ah oo la

teeday goobaha kontoroolka ee magaalada oo ay dhufeys

ka dhigtaan. Laakiin waqtigani waxay ahaayeen

ciidammo runtii ahaantii jabay, jabkaasi oo ka soo

gaadhay isla dadkii ay u yimaaddeen markii horeba

inay badbaadiyaan. Intii ka hadhay ciidamadii nabad-

ilaalintuna si dhakhso ah ayay uga baxeen halkaasi,

iyaga oo u kala tegey Somalia iyo axwaasheeda, amma

arrimaheedu halka ay ku danbaynayaan.

121

Faragelintii milateri ee Maraykanka iyo Qaramada

Midoobay ee Somalia ee sannadihii 1990-meeyadii, waxa

ay noqon karayaan tusaalaha ugu xiiso badan amma ugu

fiican ee la soo qaadan karo marka laga hadlayo

doodda ah ‘Somalia oo khalad laga fahmay’, amma sida

khaldan ee loo waajahay. Hawlgalkani waxa uu u

taagnaa oo tusaale u ahaa qaabkii hore ee khaldanaa

ee madax-adaygga ahaa, ee noqday in loo adeegsado

ciidammo ajanebi ah iyo ujeeddo fiican, dhismaha

dawlad iyo dal. Tusaalooyinkii ugu danbeeyey ee

Ciraaq iyo Afqaanistaanna, waxay u muuqdaan in aanay

noqon casharro wax laga bartay oo waayo-aragnimo laga

kasbaday. Mark Bradbury waxa uu tilmaan ka bixinayaa

sida ay saamayn fog ugu yeelatay guuldarradii lagu

guudarraystay siyaasadda debadda ee ku aaddanayd

Somalia, sida ay saamayn ugu yeelatay meelo kale oo

Afrika ah oo dhibaato weyni oo tan xigtey ay ka

dhacday, ahna xasuuqii Rwanda ee sannadkii 1994:

Madaxweyne Bush, oo dhiirrigelin ka helay

guulihii dalalkii isbahaysigu ay ka soo hooyeen

Khaliijka, hawlgallada milateri iyo gargaarka

banii’aadminnimo waxay u ahaayeen fursad kale oo

maraykanku ku muujin karo kaalintiisa caalamiga

ah, ee ah in uu yahay bileyskii caalamka, marka

laga hadlayo ‘nidaamka adduunka cusub’ ...

Ergeyga joogtada ah ee dawladda Maraykanka u

fadhiyey Qaramada Midoobey, oo ahayd waqtigaasi

Madelaine Albright, waxay sheegtay in ujeeddada

faragelintaasi ay ahayd ‘ wax aan ka yaran in la

dib loo soo celiyo oo loo dhiso ummad dhan oo

laga dhigo ummad heybad leh oo shaqaynaysa, oo

jirta oo lafaheeda wax u qabsanaysa, kana mid ah

oo u tirsan ummadaha adduunka’... Hawlgalkii

UNOSOM waxa uu ahaa mid aan si fiican looga

fikirin, si liidatana loo maamulayey oo aan wax

lala socodsiin, kaasi oo saamayn weyn ku yeeshay

Somalia iyo jawaabihii amma tallaaboyinkii

122

caalamiga ahaa ee laga qaadayey amma wax lagaga

qaban lahaa dhibaatoyinka kale ee meelo kale ka

dhaca. Hammigii amma aragtidii George Bush ee

ahayd in loo dejiyo nidaam cusub aduunkan cusub,

waxa hammigaasi lagu aasay jidadka magaalaa

Muqdishu. Niyad-la’aantii uu Maraykanku kaga

maagey ee ka gaabsaday in uu wax ka qabto

xasuuqii ka dhacay dalka Rwandan, waxa ugu wacnaa

oo ay ahayd natiijo si toos ah uga dhalatay

waayo-aragnimaaasi ka soo martay Somalia.18

Waa wax lala yaabo oo aan la filayn in iyada oo

General Caydiid uu dagaal kula jiro Maraykanka iyo

Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, in haddana ay

jireen dad ka tirsan beeshiisa Habar-Gidir, inay

lacag fiican ka samaynayeen ‘cadowga’, iyada oo

suurtogal ay tahay in badh ka mid ah lacagayowgii

caalamiga ahaa (amma hantidii garaarka ee caalamka)

in loo leexiyey General Caydiid oo lagu maalgeliyey

dagaalladii uu wadey. Dadkaasi qaarkood waxay ka

shaqaynayeen maamulka hawgalladaasi oo ay ku dhex

jireen, iyo UNOSOM oo ay u ahaayeen turjumaanno,

waxana dhici karta inay u gudbiyeen kooxdii General

Caydiid, warar iyo xog hoose oo ku saabsan

hawlgalladaasi nabad-ilaalinta.

Sida aalaaba ka dhacda xaalado badan oo kale oo

colaadeed, hawlwadeennadii banaamijyada gargaarka

banii’aadminnimo ee Somalia, waxa la soo gudboonaatay

inay mar walba ‘la macaamilaan shaydaanka’, si ay

shaqadoodu u socoto oo ay hawshooda u gutaan. Waxay

guryo iyo xafiisyo ka kiraysteen rag ganacasato ah oo

maalqabeenno ah, kuwaasi oo qaar ka mid ahi ay

maalgelinayeen oo ay hanti siinayeen qabqablayaashii

dagaalka. Miliishiyooyinka dagaalku waxay

cusbitaallada ku khasbi jireen, iyaga oo hubkood

adeegsanaya si ay xoog wax ugu helaan, in iyaga loogu

horraysiiyo oo marka hore la daweeyo, lagana hor

mariyo dadka kale ee rayidka ah.

123

Hey’adaha gargaarku waxay ku bixiyeen lacag

kumannaan doollar ah oo ay siiyeen Soomaali hubaysan,

si loo ilaaliyo nabadgelyada shaqaalahooga,

hantidooda, baabuurtooda, iyo ilaalinta qaybinta

taagulaynta gargaarka. Kooxdii haysatey ee xukumasey

dekeddu, waxay lacag badan ka sameeyeen cashuurihii

ay ka qaadayeen shixnadaha garaarka ah ee soo degaya,

iyo gargaarkaasi banii’aadminnmo oo badh loo leexiyo

suuqa, si loo iibiyo oo ay macaash iyagu ay qaataan

uga helaan, amma u qaybiyaan taageerayaashooda iyo

miliishiyada u dagaallamaysa. Mark Bradbury waxa uu

mar kale ka hadlayaa saamaynta amma natiijada xun ee

aan loo kasin ee ka soo baxday faragelintii caalamiga

ahayd sida ay ku danbaysey:

Ilaa hadda wax badan ayaa laga qoray siyaabaha

gargaarka caalamiga ahi uu u dhex geli karo ee uu

uga mid noqon karo dhibaatooyinka dagaallada,

gargaarkaasi oo loo looltamo amma loo tartamo

sidii loo leexsan lahaa ee loo bililiqaysan

lahaa, iyo sidii dhaqaale loogu heli lahaa

dagaallada amma loo sii wadi lahaa qaabab amma

farsamooyin lagu ugaadhsado oo si xoog ah wax

loogu dhaco. Horraantii sannadihii 1990-meeyadii,

Somalia waxay ahayd tusaalaha ugu fiican ee loo

soo qaadan karo marka arrimahani la dersayo.

Faragelintii weyneyd ee UNOSOM ee dhinaca

koonfurtu waxay sii xoojisey qaababkii iyo

farsamooyinkii ay wax ku dhici jireen

qabqablayaasha dagaalku, iyo inay soo baxaan oo

soo bataan nooc cusub oo ganacsato ah. Waxa kale

oo faragelintaasi ka dhashay in Muqdishu ay sii

ahaato meel khilaafyo iyo dagaallo ay weli ka

oogan yihiin.19

Xaaladani waxay ahayd mid sii socotey ilaa

sannadahaasi dagaallada oo dhan. Warbixin uu soo

saaray Guddiga Qaramada Midoobey ee la-socodka

arrimaha Somalia (Tixraac: Warbixintii bishii March

124

ee 2010) waxa lagu sheegay in ilaa kala-badh cunnadii

gargaarka ee la geeyey Somalia, in loo leexiyey

qandaraaslayaal musuqmaasuq ah iyo kooxaha

Islaamiyiinta ee dagaallamaya.20 In kasta oo hey’adda

Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP

ay markii hore diiddey oo ay beenisay eedaymahani,

haddana waxay sheegtay inay joojinayso la-macaamilkii

saddexda nin ee qandaraaslayaasha Soomaalida ah ee

lagu dhex magacaabay warbixintaasi.

Dawlad ‘Magac-u-yaal ah’(Virtual Government)

Markii hawlgalladii UNOSOM ay sida buuxda u

fashilmeen, dawladihii ajanebiga ahaa waxay dabbaqeen

oo ay la yimaaddeen tabo iyo xeelado kale oo gebi

ahaan ka duwan habkii hore, waxayna ka doorbideen

inay ka joogaan debadda oo aanay dhex gelin Somalia.

Ka sakow waxoogaa ka mid ah hey’adaha Qaramada

Midoobey iyo hey’adaha aan Dawliga ahayn ee NGO-yada

oo halkaaasi ku hadhay, dalkaasi waxa uu inta badan

noqday mid isaga iyo arrimihiisa loo kala tegey oo

faraha laga qaaday. Dagaalladii halkoodii ayay ka sii

socdeen, waxana halkeedii ka sii jirtey la’aanta amma

maqnaanshaha dawlad dhexe. Waxa kale oo dalkii ka

yaacay intii ka bixi karaysay ee aan ahayn wixii ay

noqotay inay dagaallamaan amma ay u suurtogashay inay

lacag fiican ka helayaan hawlaha xaaladahaasi

nidaamdarrada iyo sharci-la’aanta ah ee ka jirey

dalkaasi.

Waxa dhammaaday cahdigii amma xilligii faragelinta

tooska ah; waxana hadda la soo gaadhay waqtigii la

abaabulayey qabashada shirar dhaadheer oo is-dabajoog

ah oo nabadeed, kuwaasi oo uu caalamku wadey, laguna

qabanayey meelo bed qaba oo ka durugsan Somalia, oo

kala ah Itoobiya, Kiiniya iyo Djibouti. Shirarkaasi

oo ay ka soo qabgelayeen wufuud boqolaal ah oo ka

kala socda qabaa’ilka, dhinacyada siyaasadda, iyo

125

kooxaha markaasi danaynayey Somalia, waxay ahaayeen

qaar jiitama muddo bilo ah amma mararka qaar sannado.

Waxa ku baxay kharash aad u fara badan oo aan la

malayn Karin, oo malaayiin doollar ku kacay ururradii

iyo hey’adihii maalgelinayey ee Jamciyadda Qaruumaha

ka Dhaxaysa, Ururka Midowga Afrika, Ururka Midowga

Yurub, iyo kuwo kaleba. In kasta oo shirarkaasi ay ku

guuldarraysteen inay nabad ka dhaliyaan Somalia,

haddana waxa laga yaaba inay wax ka tareen qaboojinta

amma khafiifinta dareenkii is-canaanashada dalalka

iyo hey’adaha debadda, iyadoo dawladaha ajanebiga

haatan loo arkayey inay isku hawlayaan oo ay ku

dedaalayaan inay ‘wax ka qabtaan’ arrimaha Somalia,

iyaga oo aan ku sugnaan khatar ah faragelin badan oo

toos ah oo dalka dhexdiisa lagu sameeyo.

Shirarkaasi dib-u-heshiisiinta qaran, waxay shaqo

weyn oo muhim ah u noqdeen dad badan oo ka tirsan

wufuuddii Soomaalida, kuwaasi oo qaarkood lagu soo

xulay si khaldan oo sharci-darro ah oo aan wakiilnimo

sax ah ku fadhiyin, ayna iskood iskaga soo xusheen

Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa iyo hey’ahada kale.

Waxana lagu dejiyey wufuuddaasi oo loo suurtogeliyey

inay ku jiraan, raashin fiicanna ka cunaan hudheello,

kuwaasi oo kharashkooda cid kale bixinaysay. Waxa

waxaasi oo dhan ka muhiimsanaa oo meesha ku jirtey

iyana, inay hadda joogaan meel debadda ah oo ka fog

khatartii iyo dhiiggii daadanayey ee Somalia. Waxa

kale oo ugu jirey dano gaar ah shirarkan jiitamaya,

ilaa inta suurtogal ah ee ay sii socon karaan.

Dawladda Kiiniya waxa ka muqatey inay khaati iska

taagtey mid ka mid ah shirarkaasi dabada dheeraaday

oo socdey muddo ka badan laba sano, waxayna dawladda

Kiiniya u samaysay wufuuddii ‘xaflad sii-sagootin

ah’, taasi oo ulajeedadeedu ahayd in si reer-

magaalnimo amma asduran loogu sheego wufuuddaasi

martida ahayd in la gaadhay waqtigii ay tegi

lahaayeen ee ay ku noqon lahaayeen dhulkoodii.

126

Sabab ka mid ah sababaha shirarkaasi ay ugu

danbeeyeen guuldarrada waxay ahayd in, in kasta oo

afka laga sheegi jirey hab federaal ah, in haddana ay

u muuqdeen inay danaynayaan oo xoogga la saarayo

abuurista nidaam ku dhisan dawlad dhexe oo

saldhigeedu yahay magaalada Muqdishu. Dhawr dawladood

oo ‘ku-meel-gaadh’ ah oo ka soo baxay shirarkaasi

ayaa la sameeyey, laakiin midina ma noqon wax

shaqeeya oo wax-ku-ool ah, oo wax ugu filan Somalia.

Maamulkii uu hoggaaminayey madaxweyne Cabdullaahi

Yuusuf sannadkii 2005-tii, uma suutoobin xataa in uu

tago oo uu dego magaalada Muqdishu, iyada oo ay aad u

weyneyd colaadda iyo cadaawadda loo hayey.

Dawladdiisii waxay markii hore fadhiisin ka dhigatay

magaalada Jowhar oo ilaa sagaashan kiiloomitir

dhinaca waqooyi kaga began Muqdishu. Haddana waxay ku

kalliftay in dawladdii ay u guurto meel kale oo ka

sii fog, oo ah magaalada Baydhabo ee koonfurta, ka

dib markii Cabdullahi Yuusuf ay isku dhaceen ee ay

kala boodeen mid ka mid ahaa qabqablayaashii

waaweynaa ee Jowhar.

In kasta oo maamulladaasi ku-meel-gaadhka ahaa ay

ahaayeen qaar caalamku u aqoonsan yahay inay yihiin

dawladihii sharciga ahaa ee Somalia,, haddana run

ahaantii may ahayn wax ka badan dawlado ‘magac-u-

yaal’ ah, waayo, waxba faraha kumay hayn oo may

maamuleen. Tusaale ahaan ra’iisal-wasaarihii mid ka

mid ah maamulladaasi, Cumar Cabdirashiid Cali

Sharamaarke, waxa uu sannaddii 2009 aniga ii

qaxiijiyey oo uu ballanqaaday in uu tirtiri doono

budhcad-badeedda, muddo laba sanadood ah gudahood.

Laakiin, iyadoo dawladdiisu aanay wax awod ah ku

yeelan qaybaha Somalia ee budhcad-badeeddu ay ka

hawlgalaan, ballan-qaadkiisaasi waxa uu noqday mid

madhan.

127

Arrimaha kale ee ka sii daran kuwan ee ah wax

khayaal ah oo xaqiiqada ka fog, waxa weeye ragga ku

jira ee deggan hudheellada magaala-madaxda Kiiniya ee

Nairobi, ee sheegtay inay u yihiin ‘madaxweyneyaal’

iskood iyagu isku magacaabay qaybo kala duwan oo ka

mid ah Somalia. Bishii Oktoobar ee 2010, waxan aniga

oo yaabban fadhiistay barxadda hudheelka Andalus ee

ku yaal xaafadda Eastleigh oo Soomaalidu u badan

tahay, halkaasi oo ay kolba igu dhaafayeen oo ay i ag

marmarayeen wufuud ka kala soctey ‘dawladaha’ kala

geddisan ee Soomaalida, iyaga oo mid walba ku taagan

yahay suudh amma lebbis heer sare ah, oo raqabadda

suudhadhkaasi ku soo dhejistey ‘calamada’ qaybaha

amma dhulalka ay kala sheeganayaan. Qaar badan oo ka

tirsan ‘golaha dawladda’ amma wasiirada dawladahaasi

is-magacaabay, waxay ka yimaaddeen Soomaalida qurba-

joogta ah ee deggan dalalka Yurub iyo Maraykanka.

Qaarkood weligood ma tegin dhulalkan ay kala

sheeganayaan inay xukumaan oo ay dawlad u yihiin.

Qaar ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka ‘runta’ ah

ee Soomaalida, oo laga sugayey inay ka hawlgalaan

baarlamaanka magaalada Muqdishu, waxay fadhiyaan

magaalada Nairobi oo ay ku qaataan waqti aad uga

badan inta ay joogaan Somalia, halkan Nairobi oo ay

si nabadgelyo ah ugu nool yihiin, halkii ay u

badheedhi lahaayeen inay dhex joogaan xabbadda iyo

hoobiyayaasha maalin walba socda ee dhacaya.

Maamullada Kale (Alternative Authority)

Intii ay jiitamayeen shirarkaasi dib-u-heshiisiintu,

lana dhisayey dawladahaasi is-xigxigey ee ku-meel-

gaadhka ahaa, waxa jirey maamullo kale oo soo baxayey

oo ka dhismayey Somalia. Sida aan ku soo qaadi doonno

cutubka 4-aad ee buuggan, gobollada qaar waxay

128

samaysteen maamulladooda goonida ah, kuwaasi oo ay ku

jirto jamhuuriyadda la magac-baxday Somaliland, iyo

gobolka is-maamulka ee Puntland. Qaar kale waxay

samaysteen nidaamyo degaan oo ay ku socodsiiyaan

sharci iyo nidaam, sida ka jirtey qaybo ka tirsan

magaalada Muqdishu iyo degaannada ku hareeraysan,

qaybahaasi oo maxkamado shareeco oo ku kala xidhan

beelo iyo juffooyin kala geddisan ay ilaa heer ka

wadeen nidaam sharci oo wax lagu kala socodsiiyo,

laga soo bilaabo sannadihii 1990-meeyadii. Iyada oo

aanay jirin dawlad dhexe oo shaqaysaa, waxa sii

korodhay awoddii maxkamadaha. Waxayna isku yimaaddeen

sannadkii 2006-dii, si ay samaystaan Midowgii

Maxkamadaha Islaamiga ah. Laakiin waxa kala tuuray oo

xukunkii ka ridey lix bilood oo qudha ka bacdi intii

ay awodda hayeen, Itoobiya oo ku soo qaadday weerar

uu Maraykanku ku taageerayey.

Qaar ka tirsan hoggaamiyayaashii Midowga Maxkamadaha

Islaamiga ah (UIC), waxay u carareen debadda, waxayna

tegeen dalka Eritrea, halkaasi oo iyaga iyo rag kale

oo mucaarad ahaaba ay isku urursadeen, kuna sameeyeen

Isbhaysigii Dib-u-xoraynta Somalia. Kuwii kale, oo ay

ku jiraan miliishiyooyinkii maxkamaduhu, waxay galeen

ayga amma duurka koonfurta Somalia, dhulka kaymaha ah

ee u dhaw xuduudda Kenya, halkaasi oo ay dib isku soo

abaabuleen, kuna soo sameeyeen dhaqdhaqaaqa Islaamiga

ah ee al-Shabaab, magacaasi af-Carabiga macnihiisu

yahay ‘Dhallinyarada’. Ururkani waxa uu noqday mid

aad u fog amma xagjir ah, oo u taagan khatar weyn oo

caalami ah. Siyaabaha qaar marka loo eego,

siyaasadihii uu hoggaaminayey Marakanku ee ku

waajahnaa Maxkamadihii Islaamiga ahaa (UIC) ayaa

abuuray isla wixii loola jeedey in lagaga hortago oo

lagu burburiyo; falalkii siyaasadhaasina waxay kaalin

ka qaateen in uu sii fogaado dhaqdhaqaaqaasi.

Dabayaaqadihii sannadihii 2000, al-Shabaab iyo

miliishiyooyinkii kale ee diiniga ahaa waxay awodeen

129

inay qabsadaan oo ay xukumaan qaybo badan oo ka

tirsan koonfurta iyo badhtamada Somalia, iyadoo

dawladdii uu caalamku aqoonsanaana ay ku kooban tahay

uun degmooyin tiro yar oo ku yaal magaalo-madaxda

Muqdishu. Dagaalyahanno ajanebi ah ayaa ku soo biiray

ololihii dagaalka, dhaqdhaqaaqii al-Shabaabna waxay

bilaabeen inay debadda geeyaan, oo u dhoofiyaan

dagaalkii meelo kale. Bishii July ee 2010, laba qof

oo ka tirsanaa dadka is-miidaamiya ee al-Shabaab ayaa

isku qarxiyey oo ku diley ilaa afar-iyo-toddobaadtan

qof magaalo-madaxda dalka Uganda ee Kampala, dadkaasi

oo daawanayey ciyaarihii kama-danbaysta ahaa ee

kubadda cagta ee adduunka.

Labaatan sano oo ay socdeen dedaalladii caalamiga

ahaa ee la doonayey in xal loogu helo dhibaatooyinka

Somalia, waxay noqdeen qaar aan wax sidaas ah tarin

oo aan ku guulaysan, dhinacyada qaarna waxayba

noqdeen qaar dhibaatooyin waaweyni ka yimaaddaan.

Dalkuna waxa uu noqday mid kolba sii gala dhibaato

kale oo midiba mid kale u sii dhiibta, iyagoo

dagaalladu ay noqdeen wax joogto ah nolosha dadweyne

badan.

Laakiin sawirka amma muuqaalka dalka oo dhammi ma

wada aha sidan. Qaybo ka tirsan dhulka Soomaalida

ayaa ahaa nabad, laakiin waxa abuurmay oo soo baxay

faac aan aqoon wax aan dagaal ahayn, gaar ahaanna

koonfurta iyo badhtamaha Somalia. Marka aan la

sheekaysto dadka ku nool magaalada Muqdishu amma

meelaha kale ee dagaalladu ay aafeeyeen sannado

badan, waxa ugu horreeya ee ay ka hadlaan waa qaylada

rasaasta iyo duqaynta. Laakiin marka aan la

sheekaysto iyagana Soomaalidii ka timid

degaannadaasi, ee socdaalka gaaban ku tegey amma ku

joogey Hargeysa, amma Nairobi amma London, waxa ugu

horreeya ee ay ka hadlaan waa sida ay u fiican tahay

ee ay uga raysteen inay ka soo fogaadeen qayladii

130

rasaasta, sawaariikhda amma bambooyinka, iyo

hoobiyayaashii.

Qofka aan ugu yaraan maalin walba la hadlaa

magaalada Muqdishu waa weriyaha BBC-da, Mohamed

Ibrahim Mucallimuu. Ka bacdi marka aannu isa

salaanno, waxa uu ii tiriyaa oo uu ii akhriyaa

dhammaan waxyaabihii maalintaasi dhacay ee jirey.

Sidii caadiga ahayd, waxa uu ii tiriyaa inta qof ee

la diley, inta dhaawacantay, haddii ay ku jiraan

caruur amma dumar uur leh. Waxa uu iiga warramaa

cidda bilawday dagaalka, inuu ahaa daal culus iyo

inta uu leekaa, inta saacadood iyo daqiiqo ee uu

socdey, isaga oo mararka qaar telifoonka igu

maqashiinaya qaylada rasaasta iyo gawda duqaynta. Waa

qof had iyo goor deggan, aan dhac-dhac lahayn,

ixtiraam badan oo macaan oo si fudud loola xidhiidhi

karo. Laakiin maalin ayuu ila soo hadlay oo uu guriga

iga soo wacay, isaga oo codkiisu u muuqdo inuu naxsan

yahay oo uu gariirayo. Halkii uu awal isla markaaba

wax iigu sheegi jirey daqiiqado kooban, waxay ku

qaadatay markan waqti dheer in uu warramo. Waxa uu ka

hadlay sida uu ku soo arkay kooxo dad ah oo khasab

lagaga soo saaray guryahoodii, ayna ka soo saartay

dawladda oo burburisay dhismayaashii guryahaasi, oo

ay ku sheegtay meel ay ku soo dhuuntaan oo ay gabbood

ka dhigtaan al-Shabaab. Waxa uu ii sheegay in uu soo

arkay goysaskii oo la soo tubay, kuna nool meel

bannaan oo cidlo ah, oo aanay ku haysan wax hoy ah.

Halkaasi waxan ku soo arkay, ayuu yidhi, wiil yar.

Waxa uu sidaasi ula yaabay ee uu ka argagixiyey

Mucallimuu waxa uu ahaa wiilkaasi yar oo ul ka

samaystay wax uu qori uu ekeysiiyey, oo uu ku

ciyaarayo. Wax wiilasha yaryari ay sameeyaan adduunka

oo dhan, ayaa sidaa weyn uga yaabiyey Mucallimuu, si

ka badan oo ka daran waxyaabaha ka dhasha dagaallada

maalin walba ka dhacay ee uu ku arko hareerihiisa.

131

Maalintii danbe markii aan shaqada tegey, waxan

helay email iiga yimid Mucallimuu oo sawir la socdo.

Waan furtay, waxanan arkay canuggan yar ee gashan

shaadhka cas oo ku ciyaaraya wax uu qori u

ekeysiiyey, bacaadka dhexdiisa.

3 Wiil ka mid ah dadkii barabaxay magaalada Muqdishu

oo ku ciyaaraya ul uu qori oo kale ka dhiganayo.

Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee Said S Samatar, oo

deggan dalka Maraykanka, waxa uu rumaysan yahay in

dagaalladii sannadaha badan socdey ay maskaxdii iyo

dhaqankiiba ka bedeleen dadweyhihii. Qoraal uu

sameeyey sannadkii 2010, waxa uu bixinayaa sawir amma

muuqaal ka dhigan sidii oo dunidii oo dhammi ay

jahawareertay amma waalatay oo kale:

Waxa aan hore loo arag ee hadda ka hor aan inna

soo marini waa dhibaatadani weyn ee cusub ee sida

lama-filaanka ah ugu habsatey, una sii shidday

dagaalladan socda ee ahliga ah ee Somalia, oo

noqoday qarax baahsan oo saameeyey amma taabtay

dhinac kasta iyo meel kasta, oo ah dagaallo aan

132

lahayn ujeeddo iyo ka-jeeddo midna, kuwaasi oo

noqday waalli weyn oo caam yeeshay amma ay ka

siman yihiin dadweynihii, si guudna u baabiiyey

qiyamkii, iyo caadooyinkii iyo xeerarkii soo

jirey ee la yaqaanney, ee lagu xallin jirey

khilaafyada, ee xilliyada adag ee dheeraa la soo

tijaabiyey. Natiijada iyo waxyaabaha ka dhashay

burburka xeerarkaasi dhaqanka ee ay ku macaamili

jireen beeluhuna, waxay u muuqdaan inay yihiin

mujtamcii oo khalkhalay amma si weyn u argagaxay,

una jahawareeray, oo raggii iyo dumarkiiba ay

isku dhaceen, oo si indho-la’aan ah iniba inta

kale gacanta ula tagtay, birtana la iska aslay oo

la isku diley si qaab-darro ah oo aan la isku

aabbo yeelin, rasaasna la mariyey wax kasta oo

dhaqaaqa, si waalli iyo miyir la’aan ah oo ku

xasuusinaysa dhacdooyinka ka hadlaya dhaantada

amma ciyaarta waallida ah ee laga heli karo

bogagga buugga uu qoray Dostoevsky oo kale ....

Inta aan qoraalkani samaynayey gudaheeda oo

qudha, waxa dhici karta in marka la isku

celceliyo tirada dadka maalin kasta lagu dilo

magaalo-madaxda Muqdishu, inay gaadhayso soddon

ilaa afartan qof maalin kasta, iyada oo cidina

aanay garanayn cidda dishey amma sababta loo

diley. Dilka ayaa ah wax kasta! Haddii maanta uu

qof sitta sameecad/makarafoon uu ka soo dego

samada amma cirka, oo uu weydiiyo dadweynaha reer

Muqdishu:’Waar bal maxaad isku dileysaan ee aad

xabadda u rideysaan?’, shaki la’aan jawaabtu

waxay noqonaysaa:’Waa caadi oo noloshiibaa sidaas

noqotay.’ Ma aha wax lala yaabo in dalalka

Afrika, Somalia ay u taagan tahay oo ay uga

dhigan meelaha laga dardaar weriyo ee ay tahay in

laga digtoonaado amma la iska ilaaliyo oo aan la

tegi Karin.21

133

Dhinacyo badan marka laga eego, tusaalaha Somalia

waxa kale oo uu u taagnaan karayaa waxyaabaha loo

baahnayahay in laga digtoonaado ee ay tahay ‘in aan

la samayn’, marka laga hadlayo siyaasadaha debadda

amma faragelinta banii’aaminnimo. Dulmarka kooban ee

aan ku soo samaynnay taariikhda dalkaasi, waxay

muujisay sida dhibaatooyinkaasi ay u dhaceen ee kolba

ay iskaga soo daba nqonqonayeen ilaa iyo xilliyadii

guumeysiga, iyo sida dedaalladii badnaa ee la isku

deyayey in waxa laga qabto dhibaatooyinkaasi ay u

gelayeen kolba isla khaladaadkii oo soo noqnoqda, oo

la galo marba marka ka danbaysa, tobannaankaas

sannadood oo dhan.

Waxayaabihii ay arkeen ee ay talooyinka ka dhiibteen

mas’uuliyiintii hore ee Ingiriiska xilliyadii

isticmaarka, waa qaar ilaa maantadani taagan oo wax-

ku-ool ah, oo leh isla ahmiyaddii waqtigaasi ay

lahaayeen oo kale, horraantii qarnigii labaatanaad.

Dabcan wejiyadii iyo qaabakii dhibaatooyinkaasi ay

lahaayeen waqtigaasi waa qaar imika isbedeley oo

siyaabo kale u jira, xilliyadii kala geddisnaa ee

kala danbeeyey taariikhda Somalia. Laakiin waxa weli

jira waxyaabo aasaasi ah oo ay ka siman yihiin amma

iskaga wada mid yihiin, kuwaasi oo ay tahay in aan la

iska idha-tirin amma aan la yaraysan.

Dedaalladii debadda iyo gudaha ee ku saabsanaa sidii

nabad looga dhalin lahaa Somalia, ee wax loogu qaban

lahaa dadweynaha baahan, dedaalladaasi waxa ay

noqdeen qaar iyaga laftoodii ay mar walba dhibaato ka

ka soo noqoto. Ka sakow guudarrooyinkaasi

fashilaadda, dhinacyadii iyo dadkii isku deyayey

dadaalladaasi xal-raadiska ahaa, waxay u muuqdeen

inay ku xayirmeen oo ay galeen dabin ah dhibaatooyin

aan dhinacna looga bixi karayn oo soo noqnoqonaya, oo

ah qabashada ‘shirar nabadeed’, iyo samaynta

‘maamullo amma dawlado ku-meel-gaadh ah’.

134

Dad aad u fara badan ayaa iska indhatiray xaqiiqada

ah in sanadihii badnaa ee aanay jirin dawlad

shaqaysaa, in haddana la helay waayo-aragnnimo xiiso

leh oo lagu guulaystay, laguna kasbaday nabadda iyo

deganaashaha ka jirey meelo gudaha ah, kuwaasi oo ka

yimid la-qabsashada dadku ay la qabsadeen sida loo

noolaado ee la isku maamulo, marka iyo meesha aan

dawladi ka jirin. Tusaalooyinkanna waa qaar noqonaya

casharro faa’iido leh oo la adeegsado, dhalinayana

fikrado cusub, siyaabaha wax looga qaban karo

dhibaatooyinka ka taagan qaybaha kale ee Somalia, iyo

xattaa qaybaha kale ee dunida.

Sannadihii badnaa ee deganaansho la’aanta iyo dawlad

la’aantu, waxa kale oo ay keeneen inay dhashaan kooxo

dagaal oo badan oo kala nooc ah, oo kuwoodii ugu

danbeeyey ay yihiin asal ahaan Islaamiyiin. Cutubka

soo socda ayaa eegi doona oo dersi doona sida

kooxahaasi dagaalka ee Islaamiyiinta ah ee Somalia ay

u soo ifbaxeen, una soo taddawureen. Cutubyadaasi

waxay muujin doonaan in aanu ururka al-Shabaab ee ku

xidhan al-Qaacida, iyo ururrada kale ee dagaalka ee

Islaamiyiintu, in aanay ahayn wax mar qudha uun

abuurmay, amma soo baxay oo ka dhashay meel aan loo

fadhiyin oo aan la iska filayn, laakiin ay yihiin wax

leh taariikh iyo asal dib loo raaci karo faacyo

badan, amma tobannaan sano.

135

CUTUBKA 3aad: XARAKADA ISLAAMIYADDA (ISLAMISM)

Somalia 2011-kii: Waqooyi-Galbeed arrimahooda gooni

ayay u wateen, oo ay u maamulanayeen jamhuuriyadda la

magac-baxday Somaliland oo ah mid hirgashay, marka

loo eego qaybaha kale, labaatankii sano ee la soo

dhaafay. Qaybaha kale ee waqooyiga Somalia, si buuxda

ugamay wada goosan xidhiidhkii Somalia inteeda kale,

laakiin waxay samaysteen maamulladooda goonida ah oo

u shaqeeya si dhinac ahaan madaxbannaan oo kale.

Qaybo ka tirsan magaalo-madaxda Muqdishu, waxa

maamula dawladda ku-meel-gaadhka ah oo jiritaankeedu

ku tiirsan yahay taageerada ciidamada Midowga Afrika

ee ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi; qaybo

badan oo kale oo ka mid ah badhtamaha iyo koonfurta

Somalia, waxa ka taliya miliishiyooyinka al-Shabaab

oo qirta inay taabacsan yihiin amma daacad u yihiin

ururka al-Qaacida, kuna soo rogey sharciyo iyo

xukunno aad u qallafsan qaybahaasi ay maamulaan,

sharciyadaasi oo ku khasbay dadweynaha inay wax weyn

ka bedelaan qaabkii caadiga ahaa ee ay u dhaqmi

jireen noloshooda. Dumarka waxa lagu soo rogey inay

xidhaan dhar adag oo culus, iyo xijaab wejigooda

qarinaya; ragguna inay madaxa iska xiiraan oo ay

timaha iskaga jaraan quruurado la jejebey haddii

timahoodu ay dheeraadaan (eeg warbixinta ururka

xuquuqda banii’aadamka ee Human Rights Watch ee

bishii April 2010).1 Telifoonnada moobiilka ahna waa

laga jejebiyaa haddii ay ciyaaraan amma garaacaan

dhawaaqyo muusiko ah, kuwa lagu eedeeyo gogol-dhaafna

waa la arjumaa, iyada oo dhagax lagu dilo laguna

aasso ciid, oo lagu soo kiciyo dadweynaha.

Degaannada ay xukumaan ururka al-Sahabaab ma aha

qaar midaysan oo wada hoos yimaad maamul keliya oo

dhexe oo Islaami ah oo adag. Magaalo iyo tuulo kasta,

sida loo maamulo ee loo dhaqo ayaa kala duwan,

waxayna ku xidhan tahay hadba kooxda xagjirka ah ee

136

waqtigaasi ka talisa goobtaas. Ninkan, oo aan isagu

rabin in halkan lagu xuso magaciisa, waxa uu ka

hadlay xaaladda xukunka al-Shabaab ee magaalada

Jowhar oo ilaa sagaashan kiiloomitir dhinaca waqooyi

ka xighta Muqdishu. Waxanu yidhi:

Waxa ugu horreeya, ugu weyn ee aan rabo in aan

ka Sheego xaaladda nololeed ee Jowhar waa nabad

ka jirto magaalada. Ma leh budhcad amma mooryaan

wax dhaca, waayo waxa gacmaha ka jaraysa al-

Shabaab, amma wax taas ka xun ayaa lagu

samaynayaa haddii la qabto. Runtiina cabsida laga

qabo ciqaabta noocan ah, waa shaqaysay.

Xaaladda nabadgelyo ee fiicnaatay, macnaheedu

waxa weeye in dadku ay si xor ah u socon karaan

magaalada Jowhar; waxay aadi karaan meel kasta oo

ay rabaan, xataa habeen-badhka. Taasi waa wax aan

ka jirin oo aan suutogal ahayn qaybaha kale ee

gobollada dhexe iyo kuwa koonfurta Somalia ee

aanay maamulin miliishiyooyinka al-Shabaab.

Xornnimada qudha ee aannu haysannaa waa in aannu

socsocon karno. Laakiin ma jirto xorriyatul-qawl

oo ma hadli karno. Dadku ma sheegi karaan waxa ay

doonayaan, xaqiiqo ahaanna kama caban karaan al-

Shabaab, waayo meel kasta waxa u jooga basaasiin.

Haddii uu qof wax ka sheego, waxa hubaal ah in

qofkaas, rag iyo dumar mid kasta, in loo soo

dirayo telifoon hanjabaad ah, oo al-Shabaab ay u

soo dirayso. Waxa dhacda in dagka la dilo, haddii

lagu soo eedeeyo inay wax u basaasaan dawladda

ku-meel-gaadhka ah, Itoobiyaanka amma Maraykanka.

Magaaladan, dadka maskaxda ayaa ayaa si ahaan

looga haystaa oo laga kontoroolaa.

Ma jirto wax madadaalo ah oo lagu haysto oo ka

sii jirta magaalada. Waxay u muuqataa in al-

Shabaab aanay rabin in aannu helno wax aanu isku

maaweelinno amma ku istareexno. La nooma ogola

137

wax muusig ah in aannu daarno, waxana naga

mamnuuca in aannu daawanno filimada oo aannu

tagno meelaha lagu daawado fiidiyayaasha oo ah

waxyaabaha ugu waaweyn ee aannu isku maaweelin

jirney. Waxa la noo ogol yahay telifishannada

qaar ee Islaamiga ah in aanu ku daawan karno

guryahayaga, laakiin taasi waa takroorid iyo

cidlo gooni-gooni ah.

Waxyaabaha dhallinyarada reer-Jowhar ay jeclaan

jireen waxa ka mid ah inay caado u lahaayeen inay

aadaan qolalka amma goobaha dadweynaha u furan ee

lagu soo bandhigo fiidiyayaasha iyo filimada, si

ay u soo daawadaan ciyaaraha kubadda cagta. In

badan, imika waabay iska dhaafeen guud ahaan

xiisihii ay u hayn jireen ciyaaraha, waayo wax

macno iyo xiiso ah ma leh in ciyaarahaasi kubadda

cagta lagu dhex daawada guryaha dhexdooda oo

qudha.

Tuulooyinka gobolkayagan, waxa dhex mari jirey

tartan kubadda cagta ah. Waxay ahayd wax xamaasad

iyo xiiso badan in la daawado ciyaarahaasi.

Laakiin imika, ma jiraan oo waa la manuucay

tartannadii, in kasta oo wiilasha loo ogol yahay

inay sameeyaan ciyaaro aan rasmi ahayn oo

kubbadeed. Al-Shabaab waxay dadka ku dhiirri-

gelisaa inay ku tartamaan ganidda leebka amma

fallaadha iyo qaansada. Waxan u malaynayaa in

ujeedada tani ay ka leeyihiin ay tahay inay ku

tababaraan dhallinayra sidii ay u yeelan

lahaayeen shiish heer sare, una noqon lahaayeen

dagaalyahanno fiican.

Weli waxa ka sii jira Jowhar dugsiyo, laakiin

xaaladdoodu aad ayay u adag tahay oo dhibaato ka

jirtaa. Waxa la kala saaraa wiilasha iyo

gabdhaha, al-Shabaabna inta ay dugsiyada tagaan

ayaa waxay ka jeediyaan wacyi diini ah iyo

138

hanuunin. Toddobaad kasta, mar amma laba jeer

ayay aadaan dugsiyada oo ay ardayda yaryar la

hadlaan, ugana sheekeeyaan ahmiyadda jihaadka.

Arrintani waxay khilaaf iyo isku-dhac ka dhex

abuurtay dadka kala da’da ah, sababta oo ah

caruurtu waxay dugsiyada ka yimaaddaan iyaga oo

jibbaysan oo ku dhawaaqaya sida ay ula dhacsan

yihiin ee ay u fiican tahay in la galo dagaalka

jihaadka. Waxay la murmaan waalidkkooda oo ay

diidaan inay dhageystaan amma maqlaan waanada

waalidka ee ah dagaalku inuu yahay wax xun.

Al-Shabaab waxay ku soo rogtay Jowhar nidaam

cusub. Dumarka looma ogola inay guryaha ka baxaan

oo ay bannaanka aadaan haddii aanay is dedin oo

aanay wejigooda qarin. Waa inay xidhaan dhar

shuko amma xijaab ah oo ka weyn oo culus. Mararka

qaar waxad arkaysaa indhahooda oo si dirqi ah oo

dedeg ah ay wax yar kugu soo eegayaan, mararka

kalena haba yaraatee waxba kama arkaysid. Mana

aha suurtogal in aad kala garato in qofkaas

dumarka ahi ay tahay qof yar, qof da’-dhexaad ah,

amma qof weyn. Xattaa dumarkii reer miyiga ahaa

waa inay xidhaan dharkan dhibta ah ee noocan ah

marka ay imanayaan magaalada iyo tuulooyinka

hareeraha ee ay keenyaan caano ay iibiyaan.

Sidoo kale, raggu ma badbaadin. Kooxan xagjirka

ah, waxay nagu amraan in aannu la baxno gadh

dheer, waxana naga mamnuuc ah in aannu xidhanno

saraawiil dhaadheer. Waa in ilaa kuraanta amma

kubka hoostiisu na muqataa oo aan la dedin.

Waa sahal in aad dadka ka garato oo aad soo

soocdo dagaalyahannada ka tirsan al-Shabaab,

Jowhar dhexdeeda. Waxay u lebbistaan sida Taliban

oo kale. Waxay xidhaan lebbiska dhaadheer ee loo

yaqaan Shalwaar-ka oo ka kooban qamiis dheer iyo

surwaal hoos ka soo gaaban, oo isku midab ah.

139

Dusha waxay ka xidhaan dharka milateriga,

madaxana waxay had iyo jeer ku duubtaan

cimaamadaha Falastiiniyiinta oo kale. Qaarkood

waxay sittaan calanka madow ee al-Shabaab.

Al-Shabaab si weyn uma joogto Jowhar, waayo

taageerayaasha intooda badani waxay jiraan meelo

kale oo ay ka soo dagaallamayaan oo dalka ka mid

ah. Magaalada waxa ilaaliya afartan ilaa konton

ka mid ah ciidamada al-Shabaab, laakiin intaasi

ku filan, waayo waxay leeyihiin basaasiin fara

badan oo la shaqeeya. (Qof ku nool magaalada

Jowhar, March 2011).

Bilawgii (Origins)

In badan ayay ku noqotay wax lama-filaan ah waxa loo

arkay ee loo muujiyey soo-ifbixitaan degdeg ah oo

Islaami dagaal-ooge ah, oo ka dhashay Somalia, iyo

furin horle amma aag cusub oo al-Qaacida ah oo ka

furmay halkaasi. In kasta oo kooxaha mitidka ah ee

Islaamiyiintu ay haatan yeesheen saamayn weyn oo aan

hore loo arag, gaar ahaan marka la eego baaxadda

dhulka ballaadhan ee ay ka haystaan dalka, haddana

nidaamka Islaamiga ah ee loo adeegsado ujeeddooyin

siyaasaddu, oo ay ku jirto in lagu baaqo in la qaado

dagaal jihaad ah si loo gaadho ujeeddooyinkaasi, ma

aha wax ku cusub Somalia. Waa arrin dib ugu noqonaysa

oo loo abtirin karo in ka badan ilaa boqol sano ka

hor. Waxana jira sababo macquul ah oo mucayan ah,

sababaha haatan ay u soo if-baxday arrintani.

Taariikhdu waa wax soo noq-noqonaysaa mar kasta iyo

marba marka ka danbaysa. Kooxaha Islaamiyiintuna waa

qaar marna dhasha oo soo if-baxa, marna burbura oo

meesha ka baxa. Waxana isbedelayaa magacyadooda,

laakiin isla noocii dadka iyo fikradihii, amma isla

mabaadi’dii ayaa mar walba soo if-baxa.

140

In kasta oo aanay ahayn wax sinaba aan looga hortegi

karayn in sanadkii 2011, in qaybo badan oo ka tirsan

Somalia ay qabsadaan oo ay hoos yimaaddaan

miliishiyooyinka xagjirka ah ee al-Sahabaab, haddana

soo-ifbixitaankii al Shabaab ma ahayn mid meel madhan

oo lama-filaan ah ka yimid amma ka dhashay. Laakiin

waxa isweydiin leh sababaha kooxdani ay ugu

guulaysatey inay qabsato dhulalka sidaasi u

ballaadhan, uguna soo rogtey dadweynaha afkaartii ay

iyagu watteen, iyada oo kooxaha kale ee Islaamiyiinta

ah ee ka jiri jirey halkaasi ay ku guulaysan waayeen

hadda ka hor in ay taasi oo kale sameeyaan? Ma waxa

weeye sababtu in Somalia aanay sannado badan ka jirin

dawlad dhexe? Mise waa in al-Qaacida ay noqotay wax

amma urur caalami ah, mar kastana ku jirta Internet-

ka, oo meelo badan oo adduunka ah oo kala geddisan ku

faafinaysa kicin iyo Islaamnimo Xagjir ah oo dagaal-

ooge ah, isla markaasina si degdeg ah u wada

xidhiidhinaysa xubnaha qurbajoogta ee madluunka ah ee

la takrooray, iyo taageerayaasha jihaadka ee gudaha

amma dhulkii hooyo?

Inta aynaan dib u raacin taariikhda soo-ifbixitaanka

iyo taddawurka kooxaha Islaamiyiinta ah ee Somalia,

waxa muhim ah in la xuso oo la ogaado in Soomaalida

badankoodu, in kasta oo ay wada yihiin Muslim, in

haddana aanay ku dhaqmin amma taageerin Islaamnimada

xagjirka ee mitidka ah. Waxay leeyihiin qaababkooda

iyo hababkooda u goonida ah ee ugu dhaqmaan diinta,

sida ay u leeyihiin oo kale qaabab ay u maareeyaan

dhinacyo badan oo ka mid ah noloshooda. Qarniyo badan

ayay soo ahaayeen dad Muslim ah, waxayna guud ahaan

ku soo dhaqmayeen oo ay ahaayeen Sunniyiin, qaybtaasi

Islaamka oo ah qayb qunyar-socod ah oo leh dulqaad

sugan, una leh dulqaadkaasi iyo ixtiraam mad-habaha

iyo dariiqooyinka kale ee kala geddisan ee diiniga ah

ee la kala haysto.

141

4 Ciidammada al-Shabaab ee jooga Muqdishu (Mohamed

Moalimuu)

Soomaalidu waxay dhaqaan ahaan caado u leeyihiin

inay weyneeyaan oo ay ka haybeystaan mashaayikhda iyo

weliyada dariiqada Suufiyadda, waxayna kala taabacaan

oo ay ku kala jiraan saddex farac amma jameeco oo

dariiqadaas Suufiyadda ka wada tirsan, kalana ah

Qaadiriya, Axmadiya, iyo Saalixiya. Sida uu ku

doodayo caalimka Ioan Lewis (buuggiisa Saints and

Somalis: Popular Islam in a Clan-based Society),

Soomaalidu waxay sii xoojiyeen qaybaha Islaamka ee

iyaga ku bannaan amma ku habboon dhaqankood. Waxana

ka mid ah qoraalkiisa: ‘Dariiqada Suufiyadda – marka

la barbar dhigo Shareecada – ayaa noqonaysa marka loo

eego mabaadi’deeda asalka ah amma asaasiga ahi, tan

ku bannaan ee ku habboon mujtamaca Soomaalida:

Mabaadi’daasi ayaa ah kuwa sida weyn loo dabbaqay ee

142

loo qaatay, looguna dhaqmay, iyada oo waxyaabaha

xukunka Shareecadu ay farayso inta badan aan la

tixgelin oo aanay ahayn qaar lagu dabbiqi karo oo

lagu socodsiin karo mujtamac ka kooban qabaa’il.’2

Hasse ahaatee arrimahaasi waxay sabab hordhac ah iyo

tixraac u noqdeen hab-siyaasadeedka Islaamiga ah ee

dagaal-oogaha ah, amma ujeedooyinkiisa u adeegsada

dagaal, ee Somalia. Mid ka mid ah tusaalihii ugu

horreeyey, uguna caansanaa waa dagaalkii Jihaadka ee

Sayyid Mohamed Abdulle Hassan uu kaga horjeedey

xoogaggii isticmaarka, horraantii qarnigii

labaatanaad. In kasta oo hawlgalladiisii jihaadku ay

aakhirkii fashilmeen oo aanay guulaysan, haddana

gabayadii Sayyidka iyo afkaartiisii waxay noqdeen

kuwa sii jira oo yidiilo ku abuura Soomaalida,

sababta oo qayb ahaan ah isku-milanka amma isku-darka

diinta iyo wadaniyadda oo daruuri noqday, iskuna

xidhmay. Jihaadkii Sayyidku waxa uu noqday tusaale

ay ku daydaan dhaqdhaqaaqyada kale ee diiniga ah ee

Soomaalida ee dagaal-doonka ahi, kuwaasi oo qaarkood

ay lahaayeen qorshe amma ujeeddo la mid ah kuwii

Sayyidka oo ah: in dalka laga saaro faragelinta

debadeed iyo in la abuuro ‘Soomaali-Weyn’.

Hogaamiyaha awodda weyn ee Islaamiga ah, Shiikh

Hassan Dahir Aweys, oo kaalin weyn ka soo qaatay

kooxaha diiniga ah ee dagaal-oogayaasha ah ee

Soomaalida ilaa sannadihii 1990-yadii, siyaabo badan

ayay warbaahinta reer-Galbeedku ugala mid dhigtay oo

ay ugu ekeysiisay ‘Wadaadkii Waalnaa’ amma ‘Mad

Mulla-hii’ maanta ee waqtigan, isaga oo la baxay gadh

cas oo uu si weyn u xinneeyo, jeediyana khudbado

siyaasad iyo diini ah oo xamaasad iyo kicin badan.

Islaamku kaalin weyn ayuu ka soo qaatay wacyiga iyo

baraarugga siyaasadeed ee dadweynaha, ilaa laga soo

gaadhayey sannadihii xornimada ee 1960-kii iyo intii

ka danbaysayba. Caqiidadda Islaamku waxay ahayd in

143

badan wax soo-jireen ah oo kaalin muhiim ah ku leh

haybta Soomaalinnimada, siyaabo badanna lama-huraan

ay u noqotay inay qayb ka qaadato abuuritaanka

qarankii cusbaa ee dawliga ahaa ee Soomaalida ee

madaxbannaanaaday oo casri ah. Tani waxay ahayd xilli

xiiso leh oo la soo gudboonaaday Afrika, oo

dadweynuhu ay kaga xoroobayaan waqtigii iyo

taariikdii guumaysiga, isla markaasina ay dhaadayaan

oo ay isku deyayaan inay helaan afkaar cusub oo

siyaasadeed, kuwa diimeed, iyo kuwa khusaynaya

dhinacyada kale ee noloshooda. Soomaalidu waxay ka

dhaadatey oo ay ka qaadatay dalalka Carabta ee u dhaw

aragtida iyo afkaarta cusub ee la xidhiidha hab-

siyaasadeedka Islaamiga ah. Qaar badan ayaa wax ku

soo bartay dalalka Carabta, kuwaasi oo ay saameeyeen,

soona jiiteen kooxaha iyo ururrada ay ka midka yihiin

Ikhwaanu-Muslimiinka Masar.

Inqilaabkii Siyaad Barre ee 1969-kii iyo soo-

rogitaanka habkii ‘Hantiwadaagga Cilmiga ah’ ee

xigey, waxay burburiyeen wax badan oo ka mid ah

firfircoonidii iyo dhaqankii ahaa in si madaxbannaan

loo fikro sannadihii gobannimada ka bacdi. Diinta

lafteedu kama badbaadin oo kama reebbanayn

cadaadiskan. Xilliga ugu xumaa ee ugu xasaasisanaana

waxa uu ahaa sannadkii 1975-kii, markii qaar ka

tirsan madaxda culumaa-u-diinku ay ka hadleen ee ay

si weyn uga horjeesteen soo-rogitaankii xeer cusub oo

ahaa xeerka qoyska oo khilaaf iyo muran badan keenay,

xeerkaasi oo waxyaabah badan ee ku jira ay ka mid

ahayd xuquuq dheeraad ah oo la siinayo dumarka.

Dawladdu waxay cambaarayntaasi loo soo jeediyey kaga

jawaabtay iyada oo dishey toban wadaad oo ka mid ah

culumadii ugu af-dheeraa, isla markaasina la

xidhxidhay daraasiin kale.

Dilkaasi lagula kacay culumadu, waxa uu keenay in

qaar badani oo ka mid ahaa kooxihii diintu inay kala

dhuuntaan oo ay si qarsoodi ah u hawlgalaan, qaar

144

kalena ay dalka iskaga baxaan oo ay debadda u

yaacaan. Markaasi ayay diintu noqotay xoog iyo qaab

wax-iska-caabbineed oo lagaga horjeesto Siyaad Barre.

Waxa la-yaab leh oo lama-filaan ah in firadihii iyo

mabaadi’dii ururrada diiniga ah ee debadda ka

samaymay qaarkood ay si weyn oo soke ugu

dhadhawaayeen oo ay u ekaayeen mabaadi’dii uu

aaminsanaa ee xuddunta u ahaa noocii hantiwadaagga ee

Siyaad Barre. Sida ku qoran warbixin uu soo saaray

machadka dalka Noway ee NIBR (Norwegian Institute for

Urban and Regional Research), waxa warbixintaasi ay

tilmaamaysaa sida ururka al-Islaax ee Soomaalidu,

kooxdaasi oo dalka Saudi Arabia ka soo aasaasantay

sannadkii 1978, sida ‘ay si toos ah u quudhsadeen

siyaasadda salka ku haysa habka beelnimada, si weynna

ay u wadeen in Islaamka iyoislaamnimadu ay ka

sarreeyaan beelaha iyo beelnimada’.3

Dhicitaankii Siyaad Barre ka bacdi, iyo burburkii

dawladnimadii Somalia ee ku xigtey, waxa soo if-baxay

oo dalkii ku faafay kooxo diini ah. Guddida la-

Socodka Xiisadaha Caalmiga ah ee ICG waxay ka hadleen

(eeg warbixinta ay kaga hadleen Islaamiyiinta Somalia

ee 2005) soo if-bixitaanka ururadaasi: ‘waxa mar

qudha si lama-filaan ah oo jahawareer ah u soo baxay

ururro abaabulan oo diimeed, oo mid walba iska

dhigayo in uu u taagan yahay dariiqo amma mabaadi’

mucayan ah oo gaar ah. Waxa ay ka midaysan yihiin ee

u dhexeeyaana uu yahay inay doonayaan in Somalia lagu

soo rogo xukun Islaami ah oo ‘dhab ah’ oo aan la

badhxin.

Hasse ahaatee inta badan kooxahii awodda lahaa ee

sanadihii 1990-yadii, badankoodu waxay ahaayeen kuwa

ku dhisan qabaa’il amma beel-beel. Waa waqtigii

nidaamyada qabqablayaasha dagaalku ay ka jireen

Somalia. Waxayna noqotay in diinta iyo kooxaha

diiniga ahi inay markooda sugaan, inta wax

145

isbedelayaan. Umana suurtogelin ilaa laga soo

gaadhayey qarnigii koobiyo-labaatanaad in kooxaha

diiniga ahi ay awodaan inay kaalin sare ku lahaadaan

khilaafaadka iyo dagaallada dalka. Waxaba laga yaaba

inay sugayeen ilaa intii uu dhacayey weerarkii 9/11

iyo intii al-Qaacida ay soo baxaysey ee ay noqonaysay

dhaqdhaqaaq caalami ah oo lagu daydo, iyo weliba

xagga horumarka adeegyada Internet-ka, telifoonnada

moobiilka, iyo qalabyada kale ee isgaadhsiinta ee

casriga ah, kuwaasi oo dhiirigelin karaa, damacna

gelin kara, isla markaasina xidhiidhin kara dadka

jihad-doonka ah.

Ururka Al-Itixaad (Al-Itihaad)

Kooxda ugu xoogga weyneyd kooxaha diiniga ah ee ka

soo baxay Somalia sannadihii 1990-yadii waxay ahayd

al-Itixaad al-Islaamiya. Waxay ka abuurantay dhawr

urur-goboleed oo isku darsamay oo dhammaan taabacsan

mad-habta Wahaabiga ee lagaga dhaqmo dalka Sucuudiga,

oo aad u adag, aadna uga duwan dariiqooyinka waaweyn

ee diiniga ah ee Soomaalidu ku dhaqanto. Ururkii al-

Itixaad waxa uu baaba’ay markii la gaadhay

badhtamihii 2000, laakiin siyaabo badan waxa uu u

noqday gogoldhig horseeday dhalashada ururka al-

Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah, oo uu ku

jirey isna ururkii Xisbul Islaam ee la jebiyey

sannadkii 2011, aanu ka adkaaday ururka al-Shabaab,

kuna biiray oo lagu daray al-Shabaab.

Qaar ka tirsan xubnihii al-Itixaad waxay ka mid

noqdeen hoggaamiyayaasha waaweyn ee Midowgii

Maxkamadaha Islaamiga ah, ururka al-Shabaab iyo kooxo

kale. Waxa ku jira dadkaasi Ahmed Abdi Godane, oo loo

yaqaan Abu Zubeyr, oo waqtigii lagu jirey qoraalka

buuggani, guud ahaan loo arkayey amma loo aqoonsanaa

in uu yahay hoggaamiyaha al-Shabaab. Waxa kale oo ka

mid ahaa xubin kale oo muhim ka ah ururka dhexdiisa

146

oo ahaa Hassan Turki. Hoggaamiyihii hore ee al-

Itixaad, Shiikh Hassan Dahir Aweys, ayaa isna sii

ahaa xubin muhim ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa

Islaamiga ah ee Soomaalida, iyo weliba si ahaan

hoggaamiyaha ruuxiga ah. Kaalintiisu waxay dhinacyada

qaar u eg tahay oo la mid tahay tan Dr Hassan al-

Turaabi ee Sudan oo ahaa maskaxdii ruuxiga ahayd ee

ka danbaysay aragtida dawladda ee ‘Kacaanka Islaamiga

ah ee Joogtada ah’.

Dhinacyo badan marka laga eego, al-Shabaab waxay

noqonaysaa uun ururkii al-Itixaad oo halkii laga sii

ambaqaaday amma laga sii wadey, marka loo eego

afkaarta iyo aragtida ay taabacsan yihiin ee ay

wattaan: labada kooxoodba waxay aaminsan yihiin in

aanay diintu ka reebanayn siyaasadda oo aan la kala

sooci Karin, waxa kale oo ay ka siman yihiin

quudhsiga iyo dhaleecaynta dariiqada Suufiyadda ee

Somalia oo ay u arkaan mid aan ku bannaanayn

Islaamka. Sida weyn ee al-Shabaab ay uga soo

horjeeddo dhaqanka Suufiyadda, waxa muujinaya ilaa

heerka ay socdeen ee ay ku buriyeen weyneyntii iyo

heybaddii culimada waaweyn ee suufiyadda, kuna

burburiyeen dhawr ka tirsan qabuurihi culimadaasi,

iyo maqaamyadii musheekhda waaweyn.

Al-Itixaad waxay bilawgii ka samaysay meel u dhaw

magaalada Boosaaso ee waqooyi-bari ‘imaarad’ Islaami

ah, oo ay ka dhigteen saldhig ay ku tababaraan ilaa

kun qof oo dagaallama. Laakiin waa laga saaray

gobolkaasi, sannaddii 1992-kiina waxay saldhig ka

samaysteen magaalada Luuq oo ku taal gobolka Gedo ee

koonfurta Somalia, una dhaw xuduudda Itoobiya. Kooxo

ka tirsan miliishada al-Itixaad ayaa ka gudbi jirey

xadka, una tallaabi jirey dhinaca bari ee Itoobiya,

halkaasi oo ay ku biiri jireen jabhadda ONLF (Ogaden

National Liberation Front), jabhaddaasi oo sannado

badan u dagaallamaysey xuquuqda Soomaalida Itoobiya.

147

Guddida Baadhitaanka Dhibaatooyinka Caalamiga ah ee

ICG waxay faahfaahin ka bixinaysaa sida ururka al-

Itixaad uu u helayn fursad amma foogge bannaanaaday

oo uu buuxiyo, sida kooxihii kale ee diiniga ahaaba

ay u heleen fursado kuwaa la mid ah ka dib markii

dawladdii dhexe ay burburtay ee meesha ka baxday:

‘Dhawrkii sano ee xigey burburkaasi, kooxdani waxay

noqotay tan ugu weyn ee milateri iyo xoog

siyaasadeedba, ee ka jirta gobolka Gedo, sababta oo

ah inta badan nidaamkii iyo dhisibiliinkii adkaa ee

ay lahaayeen, marka loo eego xaaladihii jahawareerka

iyo sharci-la’aanta ee taagnaa.’5

Ururku waxa kale oo uu al-Shabaab kala mid ahaa

nooca qawaaniinta ay soo rogeen. Khabiir ku xeel-

dheer arrimaha Somalia oo magaciisa la yidhaa Ken

Menkhaus (wuxu qoray buugga Somalia: State Collapse

and the Threat of Terrorism), waxa uu sifaynayaa sida

‘Imaaraddii’ ay ka sameeyeen Luuq ‘ay uga mamnuuceen

cunista Qaadka oo ah caleen lagu mirqaamo oo

Soomaalida caado u ah, iyo weliba beeritaanka buuriga

amma tubaakada. Waxa kale oo lagu soo rogey dumarku

inay is-dedaan oo ay xidhaan shuko amma xijaab.’6

Sidii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah oo kale,

jabkii iyo dhicitaankii al-Itixaad waxa uu yimid ka

dib markii ay u jeesteen ee faraha la galeen qaybaha

Soomaalidu ay degto ee dalka Itoobiya. Badhtamihii

1990-yadii, waxay bilaabeen kicin iyo abaaul ku

saabsan xoraynta gobolkaasi, waxayn ka fuliyeen

magaalada Diridhaba ee Bariga Itoobiya iyo weliba

magaalo-madaxda Addis Ababa, weerarro bambaane amma

garnayl oo dhawr qof ay ku dhinteen. Iyadoo

weerarradani ka jawaabaysa, Itoobiya waxay qaadday

duqayn xagga cirka ah oo ay ku qaadday Luuq, kuna

burburisay awodii al-Itixaad.

Al-Itixaad waxa kale oo ay isku soo jeedisay

Maraykanka. Dhawr maalmood ka bacdi markii la

148

weeraray dhismayaashii Twin Towers bishii September

ee 2001, George Bush waxa uu soo saaray amar fulineed

oo lagu xayirayo hantida ilaa toddoba-iyo-labaatan

urur amma sharikadood iyo shaksiyaad gaar ah, kuwaasi

oo uu sheegay inay ku xidhan yihiin argagixisada. Al-

Itixaad waxay liiskaasi kaga jirtey lambarka tobnaad.

Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah (Union of Islamic

Courts)

Sannadihii badnaa ee dagaallada qabaa’ilka iyo

qabqablayaasha dagaalku ay ka socdeen Somalia, waxa

haddana jirey qaabab kale oo ku saabsana dhawrista

nidaamka iyo socodsiinta sharciyada oo ka shaqaynayey

Somalia. Jiritaanka xeerar dhaqan oo soo-jireen ahaa,

gaar ahaanna ay leeyihiin dadweynaha reer-guraaga

amma reer-miyiga ah, ayaa ka dhignaa nidaam

dadweynuhu ay yaqaannaan oo si weyn ugu habboon inay

ku dhaqmaan kagana badbaadaan saamaynta burburkii

dawladnimada.

Waxa kale oo jirey nidaamyo abuurmayey si ay u

buuxiyaan fursadihii iyo fooggayaashii bannaanaaday.

Qaybo ka mid ah dalkaasi, waxa ka abuurmay maxkamado

shareeco oo noqday kuwa ugu muhiimsan ee sameeya

nidaam iyo caddaalad. Bilawgii, awoddoodu waxay ku

koobnayd meelo xaddidan amma qaybo yaryar; tusaale

ahaanna magaalo-madaxda Muqdishu, awodda maxkamad

kastaa waxay ku ekayd dhawr sakadood oo qudha oo

magaalada ka tirsan. Maxkamadahaasi qaar ka tirsani

waxay soo baxeen wax yar ka bacdi dhicitaankii Siyaad

Barre, waxana ka mid ahaa maxkamadihii ka dhismay

degaannada waqooyi ee Muqdishu ee uu xukumayey

hoggaamiye-beeleedkii Ali Mahdi Mohamed. Laga soo

bilaabo horraantii sannadihii 1990-yadii, waxay ka

hirgeliyeen degaannadaasi qaabab sharci oo ay wax ku

socodsiiyaan, oo ay ka mid yihiin sharciyada ciqaabta

149

ee shareecada iyo addimada qofka, amma gacmaha iyo

lugaha, oo dadka laga jaro.

Bilawgii, maxkamaduhu umay taagneyn wax ka badan

qaybo yaryar oo aan lahayn xidhiidh sidaa u weyn, oo

mid walba dhinaceeda u madax bannaan tahay,

goonideedana u jirto, mid walbana ay ku kooban tahay

oo xukunkeedu uu gaadhsiisan yahay oo qudha qaybta

amma xaafadda ay ka dhex jirto. Laakiin sannadba

sannadka ka danbeeya, markii la waayey wax dhaama oo

iyaga bedela oo soo baxa, maxkamadihii waxa noqdeen

qaar awoddoodu sii korodhay, mar walbana soo-dhaweyn

ka helay dadweynaha oo awalba khaati ka taagnaa oo ka

daaley boobka tuugada budhcadda ah iyo

qabqablayaashii dagaalka.

Maxkamaduhu waxay sii xoogeysteen oo ay bilaabeen

inay noqdaan awod wax bedeli karta markii ay ku

midoobeen ka-hortagga cadow ay wadajir u yeesheen oo

ahaa Isbahaysigii Dib-u-soo-celinta Nabadda iyo la-

Dagaallanka Argagixisada ee Maraykanku taageerayey,

isbahaysigaasi oo ay samaysteen koox ka kooban

qabqablayaashii dagaalka, sannadkii 2006. Intii ka

danbaysay dhacdadii 9/11 ee saamaynta ku yeelatay

adduunka, ‘Isbahaysigaasi’ waxa u suurtogashay inay

si fudud oo sahal ah uga dhaadhiciyaan oo ay u tusaan

Maraykanka iyo xulafadiisa, in maxkamadihii

shareecadu ay yihiin khatar weyn oo ‘argagixiso’, una

noqon karaan abbaan amma hoy ay ka abuurmaan

Islaamiyiin xagjir ahi. Waxa suurtogal ah, in haddii

aanay samaysmi lahayn kooxdaasi ‘la-dagaallanka

argagixisada’, isla markaasina aanu Maraykanku u

fidin kalsooni iyo sumcad sidaas u weyn, in

maxkamaduhu aanay weligood midoobeen, waxayna iska

sii ahaan lahaayeen badanaa kooxo yaryar oo gooni-

gooni ah oo aan wax xidhiidh ah lahayn, oo mid walba

goonideeda ugu adeegta qayb gaar ah oo ka mid ah

dadweynaha Soomaalida. Marka ay midoobeen waxay ahayd

oo keliya markii ay iska horyimaaddeen cadow guud oo

150

ay wada yeesheen oo noqday isbahaysigii

qabqablayaasha dagaalka, markaasi ayayna joojiyeen oo

ay ka gudbeen inay sii ahaadaan maxkamado

xidhiidhkoodu dabacsan yahay oo keli-keli ah, una

gudbeen inay yeeshaan midow xooggan oo ururnnimo,

lehna hab iyo qaab-dhismeed awodeed amma maamul oo

cad.

Iyada oo la-yaab iyo lama-filaan weyn ku noqotay

adduunka debadda, Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah

ee (UIC), waxay milateri ahaan jebiyeen oo ay ka

adkaadeen isbahaysigii qabqablayaasha dagaalka ee

magaalada Muqdishu, nuskii danbe ee sannadkii 2006-

diina, waxay awodeen inay qabsadaan qaybo badan oo ka

tirsan koonfurta iyo badhtamaha Somalia. Khabiirka

isna ku xeel-dheer arrimaha Somalia, Ronald Marchal

(buuggiisii Somalia: a new front against terrorism,

ee 2007), waxa uu ku doodayaa in ‘guushii maxkamadaha

ee magaalada Muqdishu macnaheedu uu noqday

dhammaadkii nidaamka kooxaha iyo kooxaysiga ee u

jirey qaabab ah inay abaabulaan amma ka shaqeeyaan

nidaam-siyaasadeedka nololosha Soomaalida,

kaalintaasi oo ay ku jireen laga soo bilaabo

sannadkii 1991-kii … Guushani maxkamaduhu waxa kale

oo ay muujinaysay soo-ifbaxa faac amma nooc cusub oo

siyaasiyiin ah.’ Roland Marchal waxa kale oo uu

ifinayaa waxa uu ku tilmaamay xidhiidh ‘si weyn oo

qeyra-caadi ah u murugsan oo noocyo badan’ oo ka

dhexeeya maxkamadihii shareecada iyo beelaha: ‘dhinac

ahaan, maxkamadaha laftoodu waxay yihiin hey’ado

beeleed amma qabaa’il … Maxkamaduhu waxay siyaabo

badan oo kala duwan ugu xidhan yihiin beelaha.

Mararka qaar, awodda ay ku leeyihiin beeshu waa mid

xaddidan oo kooban, mararka qaarna xidhiidhkoodu waa

mid qota-dheer oo soo jireen ah.’7

Muddadii koobnayd ee lixda bilood ahayd ee Midowgii

Maxkamadaha Islaamiga ahi ay hayeen awodda xukunka,

xaaladda nololeed ee Soomaali badan oo ku hoos jirtey

151

xukunkooda, waxay u ahayd mid ka badaabdo iyo

nabadgelyo badan xaaladihii ay ku soo jireen lix-iyo-

tobankii sano ee la soo dhaafay. Iyaga oo ka

duwanaaday nidaamyadii qabqablayaasha dagaalka,

nabad-ilaaliyayaasha ajanebiga ah iyo dawladihii is

xig-xigey ee ku-meel-gaadhka, Midowgii Maxkamadaha

Islaamiga ahi waxay awodeen inay wax ka qabtaan

ammaanka oo ay yareeyaan khatartii nolosha dadweynuhu

ay mar walba ku sugnayd. Si ka bad-badis ah oo sare

ayaa loo xiisaysiiyey oo loo ammaanay xilligii

maamulka Maxkamadaha Islaamiga ah, laakiin haddana

shaki kuma jiro in dadweynuhu ay markii ugu horreysey

sannado badan ka dbacdi ay awodeen inay si xor ah u

mari karaan amma u socon karaan jidadka iyo suuqyada

magagaalada, iyaga oo aan wax cabsi ah qabin.

Warqad ay wadajir u qoreen Cederic Barnes iyo Harun

Hassan sannadkii 2007 oo ay cunwaan uga dhigeen ‘The

Rise and Fall of Mogadishu’s Islamic Courts’, waxay

kaga hadleen horumarka xiisaha leh ee cajiibka ee ay

magaaladu samaysay:

Maxkamaduhu waxay ku guulaysteen wax aan la

malayn karayn, iyaga oo mideeyey Muqdishu markii

ugu horraysey lix-iyo-toban sano, dibna u soo

celiyey oo u soo nooleeyey nabaddii iyo

badbaadadii. Maxkamaduhu waxay qaadeen oo ay

fuliyeen tallaabooyin muhiim ah oo tusaale aad u

fiican ah oo saamaynaya daryeelka dadweynaha.

Waxa la qaaday isbaarooyinkii jidadka iyo xattaa

qashinkii is dul-buuxiyey ee tuulna meel kasta

magaalada ee kharribey, isna gaadhay muddo toban

sano ah amma ka badan. Waxa dib loo furay

dekeddii weyneyd iyo garoonkii diyaaradaha ee

magaalada Muqdishu, dibna loo hagaajiyey markii

ugu horraysay toban sano. Dadkii sida

sharcidarrada ah ku degey guryihii iyo

dhismayaashii dawladda ayaa laga raray, waxana la

152

joojiyey boobkii dhulka ee sharcidarrada ahaa.

Waxana la saaray maxkamado gaar ah oo wax ka

qabta dacwadaha faraha badan ee ku saabsan

hantida guryaha iyo dhulka la isku haysto oo

tiro-dhaafay.8

Nabaddaasi waxy ugu kacday dadweynaha qiime sare,

iyada oo ay ula timid waxyaaba badan inay maraan oo

ay xammilaan. Waxa la soo rogey ciqaabo aad u

qallafsan oo ku salaysan shareecada, waxana la

mamnuucay cunista Qaadka. Dumarka ayaa waajib lagaga

dhigay inay is-dedaan oo ay jidhkooda wada qariyaan,

waxana loo diidey dadaweynuhu inay ku daawadaan

filimmada goobaha furan ee dadku ay isku yimaaddaan,

Laakiin sida ay sheegeen dadweynihii ku noolaa

meelihii ay maamulayeen maxkamaduhu, haddana waxa wax

laga qabtay oo si weyn u yaraaday dhibaatooyinkii

dagaallada iyo dhacii iyo boobkii budhcadda, kuwaasi

oo soo dishoodey, wax weynna u soo dhimay noloshoodii

muddo shan-iyo-toban sano ah. Sida laga soo xigtey

qoraallo ay samaysay Anna Lindley sanadkii 2007,

waxyaabihii dadweynuhu ay tilmaameen waxa ka mid

ahaa:

Markii maxkamaduhu ay dalka yimaaddeen, mudnaanta

koowaad waxay siiyeen nabadgelyada iyo badbaadada

shacabka. Waxay hubiyeen in qof kasta oo mooryaan

amma budhcad ah, in laga qaado qoriga oo uu soo

dhiibo. Waxa la xidhay dhammaan goobihii lagu

daawan jirey fiidiyayaasha. Dadkii Qaadka iibin

jirey, qof walba waxa uu joojiyey iibinta

geedkaasi sunta ah ee laga gadayo dadweynaha. Wax

walba waxay noqdeen caadi oo xaaladihii way

degeen. Waxyaabahanna waxay runtii ahaayeen waxa

dadweynuhu ay rabaan, ka dib markii muddo lix-iyo

toban sano ah ay ku soo jireen, kuna soo dhex

153

noolaayeen, dagaallo. Waxay nooga dhignayd in

Ilaahay uu aqbalay dhammaan ducadayadii.9

Meelaha ay xukumayeen Maxkamaduhu, waxay ugu

guulaysteen wax-ka-qabashada nabadda iyo

dhibaatooyinka kale si ka weyn oo ka badan meel kasta

oo kale intii ka danbaysey xukunkii Siyaad Barre.

Sababta oo ah maxkamadaha oo asalkoodii hoos ka soo

abuurmay, dadweynaha dhexdiisa, si ay u fuliyaan

hawlaha ugu muhiimsan ee adeegga dadweynaha ee ay

qaban lahayd dawladi, mujtamac aan haatan lahayn

dawlad qaran, waxa marba marka ka danbaysa

maxkamadihii loo arkay kuwa sharci ah oo dadweynaha

ay u adeegayaan aqbalsan yihiin amma ogol yihiin.

Waxyaabah ugu muhiimsan ee ay soo kordhiyeen

Maxkamadihii Islaamiga ahaa waxa ka mid ahaa sida ay

u hubiyeen dhaqangalka sharciyada aasaasiga ah iyo

nidaamka guud, oo ay ku jiraan hirgelinta heshiisyada

iyo qandaraasyada, kuwaasi oo keenay in uu socdo

ganacsigii iyo macaamilkii madaniga ahaa. Hawlaha iyo

waajibaadka Islaamka waxa ka mid ah inay jiraan

sharciyo iyo xeerar diyaar ah oo lagu dhaqmo oo ka

dejisan amma ka yaalla dhinacyo badan oo ka mid ah

nolosha ijtimaaciga ah, dhaqaalaha iyo siyaasadda,

sharciyadaasi oo ogolaanaya, amma suurtogelinaya, in

uu jiro qaab maamul iyo nidaam dadweyne oo lagu

dhaqmo marka aanay jirin dawlad dhexe oo qaran.

Qaar ka mid ah siyaasadihii Maxkamadaha Islaamiga ah

waxay la kulmeen oo ka horyimid dhalliilo, sababta oo

ah saamaynta siyaasadahaasi ay ku yeesheen

dhaqaalihii dadweynha. Marba marka ka danbaysa ee

Maxkamaduhu ay sii noqdaan amma u shaqeeyaan sidii

qaab sugan oo ‘dawladeed’ oo kale, waxa hoos u sii

dhacaysey sumcaddooda iyo taageerada dadweyne. Waxana

ugu wacna, tusaale ahaan, waxyaabaha ay ka midka

yihiin mamnuuciddii ka-ganacsiga Qaadka oo saamayn

xun yeeshay. Saamayntaasi kuma yeelan oo qudha

154

Soomaalidii badnayd ee ka ganacsan jirtey ee kala soo

bixi jirtey wax ay ku noolaadaan, ee waxa kale oo uu

ku yeeshay oo uu taabtay dadkii beeri jirey ee

dhoofin jirey ee dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Maxkamaduhu waxa kale oo ay mamnuuceen dhoofinta

dhuxusha, taasi oo ay sheegeen inay xaalufinayso

dhirtii, una xun tahay fayo-qabka degaanka. Taasina

waxay meel xun dhigtay oo ay uga sii dartay nolohii

dadkii ku tiirsanaa ka-shaqaysiga iyo iibinta

dhuxusha, iyo dadkii isticmaalayey ee wax ku

karsanayey intaba.

Markii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi ay soo

rogeen cashuuro badan oo dheeraad ah bishii Oktoobar

ee 2006, taasi waxay ku kicisay oo ay ku keentay

maxkamadihii cadho iyo xiisado dadweyne. Waayo,

dadweynuhu waxay u barteen meel aan nidaam ka jirin

oo ay marmar wax u tuuraan amma u dhiibaan

qabqablayaasha dagaalka iyo miliishiyooyinka oo ay

laaluushaan. Laakiin umay baran beryahaas wax maamul

dhexe ah oo cashuur ku soo roga dakhligooda.

Marba marka ka danbaysa ee ay sii xoogeysato awodda

Maxkamaduhu, waxa qabsanayey oo la wareegayey niman

leh damac siyaasadeed, oo uu ugu weyn yahay Sheikh

Hassan Dahir Aweys, oo ahaa hoggaamiyihii hore e al-

Itixaad, isla markaasina ah nin si firfircoon ugu

heellan oo ka shaqeeya horumarinta danaha beesha

Cayr. Isaga oo kaashanay ninka kale ee ay isku beesha

Cayr yihiin, Adan Hashi Cayro, oo ahaa horjooge

tababarro milateri lagu soo siiyey dalka Afghanistan

oo miliishiyooyinkii Maxkamadaha u bedeley ciidanka

adag ee al-Shabaab oo dhisibiliin sare leh, Sheikh

Hassan Dahir Aweys waxa uu meeshii ka saaray xubnihii

qunyar-socodka ahaa ee Midowgii Maxkamadaha Islaamiga

ah, waxanu fogeeyey xubno badan oo kale oo aan iyagu

ka tirsanayn beesha Cayr. Adan Hashi Ayro, sida

Hassan Dahir Aweys oo kale, wuxu sannado badan ku soo

155

jirey ururradii Islaamiga ahaa ee dagaal-oogayaasha

ahaa, isaga oo ka soo dagaallamay gobollada waqooyi-

bari ee Somalia iyo gobolka Soomaalida ee Itoobiya

sannadihii 1990-yadii. Ugu yaraan laba jeer ayuu

tababar milateri ku soo qaatay Afghanistan. Sida laga

soo xigtey Machadka Jamestown Foundation ee

Maraykankana, waxa uu la kulmay Osama bin Laden

markii uu halkaasi joogey. Adan Hashi Cayro waxa uu

ku dhintay oo lagu diley weerar gantaal, nooca

Tomahawk ee Maraykanka, gudaha Somalia bishii May ee

2008. Isla markiibana, dilkaasi waxa uu ka dhigay

Cayro geysi weyn oo shahiidey, waxanu ku kiciyey

dagaalyahannadii al-Shabaab inay sii xoojiyaan

hawlgalladoodii. Cajalad fiidiyow ah oo la sii daayey

amma la faafiyey dhimashadiisii ka bacdi, Ayro waxa

uu kaga hadlayey mudanka sharafta qiimaha sare iyo

khayrka weyn ee ku jira in loo dhinto qaddiyadda:

‘inteenna badan al-Shabaab in niyaddeenna iyo

nafteennuba ay la jirto oo ay raacayso mujaahid kasta

oo shahiida oo innaga tirsan … Waa sharaf weyn in aan

noqoto shahiid. Guulo waaweyn ayaa ku kasban karnaa

oo aan ku gaadhi karnaa in aan shahiidno, afkana

ciidda ugu gurno gaaalada iyo munaafiqiinta la

jirta.’

Hassan Dahir Aweys waxa uu aad ugu foojignaa oo uu

ku dedaalayey in uu siyaasaddiisa iyo waxa uu

rumaysan yahay ee uu watto, in uu ku faafiyo xataa

dhulalka ka baxsan xuduudaha Somalia, gaar ahaanna

Itoobiya. Badhtamihii bishii December ee 2006,

Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi waxay ku

dhawaaqeen dagaal Jihaad ah oo lagu qaado Itoobiya,

taasi oo ka dhignayd inay saxeexeen xukunkii dilka

ahaa ee iyaga lagu fulin lahaa amma lagu qaadayey.

Dhawaqaasi Jihaadku waxa uu siiyey Ra’iisal-

wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, sababihii iyo

marmarsiiyihii uu u baahna si uu dagaal ugu qaado

Maxkamadaha. Waxana arrintaasi ku garab taagnaa oo

156

caawiyey dawladda Maraykanka, oo iyadu rabtey in laga

takhaluso oo laga tirtiro, lagana saaro Somalia

Maxkamadaha Islaamiga. Qabanqaabadan dagaal ee

Itoobiya waxay ahayd mid u cuntanta oo faa’iido u leh

Maraykanka, waayo Itoobiya waxay ka dagaallami kartaa

oo ay geli kartaa halkii Maraykanka, iyada oo aan loo

baahan in mar kale lagu celiyo amma ay soo noqoto

dhibaatadii weyneyd ee ka timid faragelintii

Maraykanka ee horraantii sannadihii 1990-yadii.

Maalin ku beegnayd maalinta Ciidda Masiixiga ah ee

sannadkii 2006, diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya

waxay garaaceen garoonka diyaaradaha iyo dekedda

magaalada Muqdishu. Maxkamadihii Islaamiga ahaa ma

lahayn wax rajo ah iyo awod ay ugu babac dhigi karaan

amma iskaga celin karaa xoogga milateri ee cududda

weyn ee Itoobiya, gaar ahaanna awoddooda xagga cirka

iyo gacanta xagga sahanka ee ay ka helayeen

Maraykanka. Muddo toddobaad qudha ah ka bacdi,

maalintii sannadka cusub ee 2007, Midowgii

Maxkamadaha Islaamiga ahi waxay ka baxeen magaaladii

ugu danbaysey ee ay haysteen oo ah magaalada dekedda

leh ee koonfurta ee Kismayo. Hoggaamiyayaashi

Maxkamaduhu intoodii badnayd waxay u carareen dalka

Eritrea, miliishiyooyinkii dagaallamayeyna waxay

galeen oo ay ku dhiinteen dhulka kaymaha ah ee ku

dhaw xadka Kenya, kaymahaasi oo ay adag tahay in la

galaa. In kasta oo Itoobiya ay ahayd ‘wejiga muuqada

amma food-saaraha’ la adeegsanayo weerarradaasi

maalintii Ciidda Masiixiga ah, Haddana Maraykanku si

toos ah ayuu ugu jirey oo uu ugu lug lahaa

dhacdooyinkaasi. 9-kii bishii January, diyaarad weyn

oo ah nooca dagaalka ee AC-130 ee Maraykanka ayaa

bambooyin la dhacday oo ku riddey dagaannada cidhifka

koonfur-bari ee Somalia. Bartilmaameedka la sheegayna

waxa uu ahaa in la khaarajiyo oo la tirtiro xubno

amma kooxo al-Qaacida ah oo halkaasi ku sugnayd, iyo

weliba in laga hortago waxa loo arkay khatar

157

xagjirnimo ah oo ka soo fool leh Midowgii Maxkamadaha

Islaamiga ah. Maraykanku waxa uu aaminsanaa in qaska

iyo xaaladaha nidaamdarrada ah ee Somalia, inay

sahlayaan in al-Qaacid ay ka dhigan karto meel ay ku

gabbadaan oo hoy u noqota. Bartilmaameed weyn oo

muhim ah waxa ahaa Fazul Abdalla Mohamed, oo ahaa nin

u dhashay dalka Comoro, haystayna baasaaboor

Kiiniyaan ah, ninkaasi oo maraykanku ku daba jirey

kuna eedeynayey in uu ka danbeeyey qaraxyadii

sannaddii 1998-kii lagula kacay safaaradihiisii

Nairobi iyo magaalada Daresalam, iyo weerarradii kale

ee bishii June ee 2002 lagu qaaday huteel ku yaal

magaalada Mombasa, iyo diyaarad laga lahaa dalka

Israel.

Fazul Abdullah Mohamed, waxa aakhirkii lagu diley

magaalada Muqdishu bishii June ee 2011, taxshiirado

ay ku lug lahaayeen oo ay isweydaarsadeen ciidammo

dawladda ka tirsani; waraaqo laga helay meydkiisiina

waxay muujiyeen in uu qorshaynayey weerarro is-

dabajoog ah oo lagu qaado meelo ka tirsan dalka

Ingiriiska, oo uu ku jiro machadka amma kulliyadda

caanka ah ee aad loo qaddariyo ee Eton College.

Wax yar ka bacdi gelitaankii Itoobiya, wasiirkii

gaashaandhigga ee Somalia, Kornayl Barre Adan Shire,

waxa uu ku dhawaaqay in si buuxda looga adkaaday oo

gebi ahaanba la jebiyey kooxihii Islaamiyiinta.

Iyadoo la xidhay xuduuddi Kenya, maraakiibta dagaalka

ee Maraykankuna ay ilaalinayeen xeebaha, isla

markaasina ciidamada Itoobiyaanka oo aad u hubaysan

iyo kuwii dawladda ku-meel-gaadhka ahina ay ka soo

durkayaan dhinac waqooyi, wasiirku waxa uu sheegay in

kooxahaasi Islaamiyiinta ah aanay wax kale u furnayn

oo aan ahayn ‘in amma ay badda ku qaraqmaan oo ay ku

halligmaan, amma mitidaan oo ay dagaalka ku wada

dhintaan.’ Markii weerarrada cirka ee Maraykanku ay

bilaabmeen, ma ahayn waxa ku dhintay Islaamiyiintii

oo qudha, waxa kale oo ku dhintay daraasiin ka mid ah

158

reer-miyigii iyo xoolahoodii. Tani waxay keentay

xamaasad iyo dareen nacayb oo loo qaado Maraykanka,

sida qof Soomaali ahi uu u dhigay ee uu u yidhi,

‘Maraykanku waxay garaacayaan dad meydad ah oo hore u

dhintay’.

Hoggaamiyayashii Maxkamaduhu waxay ku tilmaameen ka-

bixitaankoodii magaalada Muqdisho ‘Xeel Dib-u-

gurasho’, waxayna sheegeen inay isticmaali doonaan

xeeladaha jabhadaynta ee ku-dhifo-oo-ka-dhaqaaq ee

‘nooca dagaalka Ciraaq’ oo kale. Istaraatijiyadan

amma qorshaha noocan ah waxa kale oo dhiirrigelinayey

Islaamiyiinta xagjirka ah ee meelaha kale ee

adduunka, oo qaarkood ay u aqoonsadeen kana dhigteen

miliishiyooyinkii maxkamadaha, jaallayaashoodii

Jihaadka. Cajalad fiidiyow ah oo markaas laga soo

duubay ninkii labaad ee hoggaanka al-Qaacida, Ayman

al-Zawahiri, waxa uu ugu baaqay in dhammaan

Muslimiintu inay u gurmadaan Soomaalida oo ay ku

biiraan qaadista dagaallo ah ‘jid-goyn gaadmo,

miinooyin dhulka lagu aaso, iyo weerarro is-miidaamin

ah’ oo algu qaado ‘Saliibiyiinta weerarka ah ee

ciidamada Itoobiya’, ‘loona raamsado sida libaaxu u

cuno wixii u gacan gala ee u ugaadhsado’.

Dhawaaqii tala-xumda ahaa ee aanay u midaan deyin

Midowgii Maxkamadihii Islaamiga ee ahaa in Jihaad

lagu qaado Itoobiya, waxa uu horseeday dhawaaqaasi

jabkii milateri ee ku dhacay iyaga. Laakiin dhinaca

kale waxay ku guuleysteen dagaalkii lagu kasbanayey

maanka iyo qalbiga dadweynaha ee loogu jirey helidda

taageeradooda. Somaalida badankeeda, joogitaanka

ciidamada Itoobiya ee ciiddooda, iyo diyaaradaha

dagaalka ee Maraykanka ee soo gelaya hawadoodu, waxay

ahayd wax aan loo dulqaadan karayn. 6-dii bishii

January, maalmo yar uun ka bacdi markii Maxkamadihii

UIC laga saaray magaalada Muqdishu, dadaweynihii

magaalo-madaxda degganaa waxay oogeen oo ay dhigeen

muddaharaadyo aad u waaweyn oo qas keenay oo laga

159

horjeedo Itoobiyaanka. Saddex qof oo ka mid ahaa

dadkii muddaharaadayey ayaa la toogtey oo dhintay.

Markii la gaadhasy toddobadii bisha January-na,

muddaaharaayadii waxay ku faafeen oo ay gaadheen

magaalada Beledweyn oo ku dhaw xadka Itoobiya.

Nbadgelyo-darradii ayaa ku sii korodhay magaalada

isla markii Maxkamaduhu ay ka baxeen Muqdishu. Waxa

ugu horreeya ee la soo gudboonaaday dadweynihiina

waxa uu noqday inay is-ilaaliyaan lafahooda. Waxay

iska dhegatireen baaqii dawladda federaalka ah ee ku-

meel-gaadhka ah ee timid magaalada, ee ahaa in hub-

ka-dhigis la sameeyo, waxana hawada ka buuxsamey

taxshiirado ah qoryo cusub oo dadku suuqyada ay ka

soo gateen oo la tijaabinayo. Sida uu u dhigay qof ka

mid ah dadka ku nool Muqdishu, waxa uu ku tilmaamay

oo uu yidh, ‘Waxannu dib ugu soo noqonnay halkii hore

ee aannu taagnayn, halkii aannu maraynney 1991-kii’,

isaga oo xusaya xilliyadii qaska iyo dagaallada ee ka

danbeeyey dhicitaankii madaxweyne Mohamed Siyaad

Barre.

Qabsashadii Itoobiya ay qabsatay Somalia iyo

duqayntii xagga cirka ee Maraykanku, kuma guulaysan

in la khaarajiyo oo laga tirtiro Somalia

dhaqdhaqaayada Islaamiga ah. Taasi cagsikeedii ayaa

timid oo waxa abuurmay wax dhinaca kale ah.

Maxkamadihii waxay soo noqdeen iyaga oo leh qaab kale

oo ka sii khatarsan sidii hore, oo ah ururka al-

Shabaab, kaasi oo qabsaday dhul ballaadhan oo ka

tirsan gobollada dhexe iyo koonfurta Somalia, oo ay

ku jirto magaalada Muqdishu inteeda badan. Meelo

badan, miliishiyooyinkii beelaha, waxa bedelay oo

halkoodii galay ciidamada kooxaha diiniga ah oo ay ku

jiraan kuwa al-Shabaab, Xisbul Islaam, iyo kuwa

dariiqada Suufiyadda ee Ahlu Sunna Wa Jamaaca, oo

iyagu taageersan oo la saffan dawladda ku-meel-

gaadhka ah, dagaalka lagula jiro kooxaha

Islaamiyiinta xagjirka ah.

160

Al-Shabaab

Al-Shabaab waxay ka kortay inay sii ahaato

miliishiyo yar oo koban oo ka tirsan kooxdii

Maxkamadaha Shareecada, waxayna noqdeen oo ay isku

bedeleen dhaqdhaqaaqa ugu xoogga iyo awodda badan ee

Islaamiyiinta Somalia. Sida aan ku soo fahfaahinnay

bogaggii hore ee cutubkan, waxay isku baahiyeen oo ay

ku soo rogeen xukunkodii iyo aragtidoodii qaybo badan

oo dalka ka tirsan. Waxa laga bartay caalamka; waxana

lagu daray liiska Maraykanka ee ururrada debadda ee

argagixisada ah, sannadkii 2008, Boqortooyada

Ingiriiskuna waxay mamnuucday ururkaasi sannadkii

2010. Al-Shabaab waxay ku biireen kooxaha ku xidhan

al-Qaacida, iyaga oo bishii February ee 2010-kii

markii ugu horraysey ku dhawaaqay in ‘dagaalka

Jihaadka ee Geeska Afrika ay waajib tahay in lagu

xidhiidhiyo oo lala mideeyo Jihaadka caalamiga ah ee

ay hoggaaminayso shabakadda al-Qaacida.’10

Al-shabaab oo ah dhaqdhaqaaq sirtiisu aad u adag

tahay oo si weyn u dhawrta arrimihiisa hoose, waxa

adag in hubaal ahaan loo ogaado waxa run ahaantii ay

u dagaallamayaan, iyo cidda dhab ahaan ay kala yihiin

hoggaamiyayashoodu. Mabaadi’dooda idiyoolojiyadeed

iyo hoggaankooduba, labaduba waxay u muuqdaan qaar

caadi ahaan si joogto ah isku bedela, mana ahaa in

ururkaasi loo arko mid gebi ahaan midaysan oo is wada

leh amma meel ka soo wada jeeda. Warbixin uu soo

saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo la

faafiyey sannadkii 2010, waxay dhaqdhaqaaqaasi ku

tilmaantay: ‘isbahaysi kooxo baahsan oo ka kala

kooban kuwa Jihaad-doon ah, kuwa leh dano ganacsi,

iyo miliishiyooyin beeleed, kuwaasi oo ay hasytaan

dhibaatooyin ah khilaafyo ba’an oo gudaha ah oo

dhexdooda ka jira, oo ku saabsan kaalinta

dagaalyahannada ajanebiga ah ee ku dhex jira,

161

adeegsiga dadka ismiidaaminaya ee samaynaya

isqarxinta naftaa-hurista ah, iyo arrinta ku saabsan

wada hadal siyaasadeed.’11

Al-Sahabaab waxa kale oo ay ku kala qaybsan tahay

xagga mabaadi’da fikirka idiyoolojiga ah amma

ujeeddooyinka ay hiigsanayaan. Hoggaamiyayaasha qaar

waxay aaminsan yihiin oo ay sheegaan inay u

dagaallamayaan in laga dhiso Somlaia gudaheeda

Jamhuuriyad Islaami ah, inta imika xududaheedu ay

koobayaan. Qaarna waxay sheegaan in qorshahoodu uu

yahay in la abuuro waxa ay ku tilmaameen

‘Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Soomaali-Weyn’, qaar

kalena waxay ku doodaan inay damacsan yihiin in

Jihaadka la gaadhsiiyo meelo ka fogfog ‘Soomaali-

Weyn’, oo la sameeyo dawlad weyn oo baaxad ballaadhan

oo Islaami ah oo gaadha ilaa Afrikada Bari iyo ilaa

Masar. Mararka qaar, al-Shabaab waxay u muuqdaan in

damacoodu uu xattaa inta ka sii weyn yahay oo uu ka

shisheeyo. Bishii May ee 2009, hoggaamiyaha

ururkaasi, Sheikh Ahmed Abdi Godane, waxa uu ku

dhawaaqay hadalladan: ‘Waannu sii wadaynnaa dagaalka,

dagaalladuna ma joogsanayaan ilaa iyo inta Shareecada

Islaamka laga hirgelinayo ee lagaga dhaqmayo dhammaan

qaaradaha adduunka, iyo ilaa inta Muslimiintu ay

xoraynayaan Jerusalem amma Beytul-Qudus.’

Al-shabaab waxa kale oo ay ku kala duwan tahay

qaababka xeeladaha milateri ee ay adeegsadaan. Waxay

ku bilaabeen xeelado dagaal oo ah ku-dhifo-oo-ka-

dhaqaaq, iyaga oo hadba tuulo amma magaalo qabsanayey

muddo kooban, ka bacdina ka baxayey si ay u aadaan oo

ay uga soo dagaallamaan meelo kale. Xeeladahaasi

waxay argagax geliyeen oo cabsi ku faafiyeen qaybo

badan oo ka tirsan Somalia. Al-Shabaab waxay markii

danbe noqdeen xoog qabsada oo haysta dhulalka qaar,

taasi oo keentay in dhulalkaasi ay ka hirgeliyaan

deganaansho ilaa heer ah, una suutogeliyey inay ku

162

soo rogaan sharciyo iyo xeerar aad u qallafsan oo

adag.

Bishii August ee 2011, ururka al-Shabaab waxa uu ku

dhawaaqay in uu ka baxayo magaalo-madaxda Muqdishu.

Dawladda ku-meel-gaadhka ahi waxay sheegatay in taasi

guul u tahay ciidammada dawladda. Laakiin

tallaabadani al-Shabaab waxay si kasta oo loo eegaba

u muuqatay mid ay dhinaca kale u bedelaayaan

xeeladahoogii dagaalka, iyada oo waqtigaasi ururka ay

wiiqeen kala qaybsanaan hoggaanka dhexdiisa ah iyo

ilihii muhimka ahaa ee dhaqaaluhu ka soo geli jirey

oo qaar ay waayeen.

5 Muqdishu, bixitaankii al-Shabaab ka dib, September

2011 (Mohamed Moalimuu)

Mid ka mid ah sababaha ay aad iigu adkaatay in aan

helo amma ogaado waxa al-Shabaab ay damacsan tahay ee

ay doonayso, waa iyada oo mar walba ay adag tahay oo

163

aanay fududayn qof aad la hadasho oo ka tirsan

dhaqdhaqaaqaasi, sababta oo gaar ahaan ah aniga oo ah

qod dumar ah, isla markaana reer-Galbeed ah. Ka dib

markii aan wax badan la xaajoonayey ee aan la

hadlayey dad noo dhexeeya oo na xidhiidhiya, iyo

kolba farriimo qoraal ah oo aan diro amma la iiga soo

diro lambarro kala geddisan, iyo telifoonno aan diro

oo markasta la ii sheeko in aan soo waco lambar kale,

waxan aakhirkii ku guulaystay bishii March ee 2011 in

telifoonka la iigu ballamiyo hoggaamiyaha

Islaamiyiinta, Sheikh Hassan Dahir Aweys. Haddana

waxa la bedelay waqtigii ballanta daqiiqaddii u

danbaysey, waxanan u baahday in aan ku celceliyo

dirista telifoonno iyo farrimo kale oo qoraal ah oo

danbe, intii aanay run ahaantii ii suurtogelin in aan

la hadlo hoggaamiyahaasi. Iyada oo la noo kala

af-celinayo amma la noo kala tarjumayo, markii aan

weydiiyey ujeeddada al-Shabaab ay u dagaallamayso,

waxa uu iigu jawaabay jawaab gaaban, oo uu ka

warwareegayo in uu wax faahfaain ah bixiyo, isaga oo

kor u dhawaqaya, cod isku-kalsooni ku jirto, mararka

qaarna ku qoslaya su’uaalaha, amma u muuqda in uu

laba yaabay su’aalahayga oo uu ka boodey, una arkay

wax meel-ka-dhac ah oo aan meesha qaban. Waxanu iigu

jawaabay:

Saddex sababood ayaa noogu wacan dagaalka. Marka

hore, dalkayagii ayaa la soo weerary oo la soo

galay. Mar labaadka, waxa la noo diidan yahay in

aannu ku dhaqanno diintayada aannu rumaysannahay.

Mar saddexaadka, waxannu la dagaallmaynnaa kuwa

hortaagan ee carqaladda ku ah danaha dadkayaga,

ee ka hortaagan inay samaystaan dawlad Islaami

ah.

Waxan imika loo yaqaan amma loogu yeedho

‘dawladda Somalia’, ma aha dawlad run ah oo

jirta. Waa dawlad been-been ah oo la asturayo

amma loo xilqarinayo. Waxa la isku deyey in

164

dadweynaha lagu siro amma lagu hodo, qaar ka

tirsan mucaaradka oo lagu soo daray dawladda, si

loo khaldo oo loo qaso ujeeddooyinkayaga iyo

mabaadi’dayada. Laakiin taasi ma aqbalayno;

waanannu sii wadaynnaa la-dagaallanka dawladdan

been-beenta ah, Insha Allana waannu guulaysan.

Aragtida amma nidaamka diimoqoraadiyada ee ka

soo bilaabantay dalka Giriigga ayaa imika cid

walba lagu khasbayaa oo dhuunta laga gelinayaa.

Waxan rumaysanahay in Islaamku ka weyn yahay

caalami ahaan habka dimoqoraadiyadda. Waxa aannu

doonaynno in aanu abuurno oo aannu dhisnaa waa

dawlad Islaami ah oo aannu ka samaynno halkan

Somalia, ka sakow nidaamkan diimoqoraadiyadda ee

la nagu khasbaayo.

Wax kasta oo ka dhacay Somalia, Maraykanka ayaa

hore u qorsheeyey oo ka danbeeyey. Maraykanku

waxay isku deyayaan wax kasta oo ay kaga hortegi

karaan in Somalia laga sameeyo dawlad Islaami ah.

Waxa ugu horreeya ee aannu doonaynno in aannu ku

dhaqaaqnaa waa in lga hirgeliyo xukun Islaami ah

oo sax ah oo qumman gudaha xuduudaha haatan jira

ee Somalia dhexdooda. Maadaama boqolkiiba-boqol

ay Soomaalidu yihiin dad muslim ah, waa inay

raacaan oo ay ku dhaqmaan mabaadi’da saxda ah ee

Islaamka. Tallaabada labaad ee ololahayagu waa

mid markaas ka bacdi iman doonta oo laga

dhursugayo, taasina waxa u baahnaan doontaa is-

fahamka deriskayaga amma dalalka jaarka ah iyo

mujtamaca caalamka.

Al-Qaacida waxan wadaagnaa afkaar, laakiin

dalkayagu waxa uu ahaa mid muddo dheer ku soo

jirey xaalad milateri oo dagaallo ka socdeen,

umana baahnin gacan amma kaalmo debadeed. Al-

Shabaabna wax xidhiidh ah oo xagga maamulka ah

lama leh al-Qaacida.

165

In lala hadlo oo aad hesho hoggaanka iyo madaxda al-

shabaab, xataa waxa ka sii dhibaato badan inay kula

hadlaan askarta hoose amma miliishiyada caadiga ah ee

ururkaasi oo ay adag tahay in aad la xidhiidhi karto.

In badan oo iyaga ka tirsan waxa la faraa oo lagu

amraa inayna la hadal ajanebiga. Bishii April ee

2011, waxa ii suurtogashay in aan la xidhiidho nin

hore uga tirsanaan jirey miliishiyada dagaalka ee al-

Shabaab, ninkaasi oo magaciisa loogu yeedho Al

Ahzari. Ninkaas waxa uu ka tegey ururkaasi, waxanu

haatan degganaa Muqdishu, nabadgelyadiisana waxa

mas’uul ka ahaa oo ilaalinaysey dawladda ku-meel-

gaadhka ah. Waxanu yidhi:

Waxan ku biiray al-Shabaab sannadkii 2006, waaayo

waqtigaasi waxan aaminsanaa inay u dagaallamayaan

diinta Islaamka. Waxan horjooge u ahaa unug amma

koox aan hoggaaminayey, waxanan ka soo

dagaallannay guud ahaan Somalia oo dhan: dhinaca

koonfurta ee u dhaw xuduudda Kenya, Muqdishu

gudaheeda, Kismaayo, iyo dhul badan oo kale oo ka

kala tirsan koonfurta iyo badhtamaha Somalia.

Maalmahan, dadka lama siiyo wax kharash ah amma

mushahar ah oo ay ugu dagaallamaan al-Shabaab;

waxa qudha ee loo sheekaa waa inay u

dagaallamayaan diinta Islaamka. Xataa kuwa

dagaalka ku jira ee leh caruur yaryar oo aan

haysa wax ay cunaan amma cabbaan, lama siiyo wax

mushahar ah – waxa loo sheegaa ‘Ilaahay ayaa wax

idin siin doona’.

Aad ayay u adkayd noloshu al-Shabaab dhexdeeda,

sababta oo ah waxa qudha ee aan meesha ku haynney

amma ku jirey waxa uu ahaa dagaal. Waxa la na

fari jirey in aannu la dagaallanno ciidamada

nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika, kuaasi oo

haysta hub culculus iyo baabuur milateri oo

gaashaaman. Waxa qudha ee annagu aannu haysanney

166

waxay ahaayeen qoryaha fudud ee AK-47. Marka

arrintaas aannu ka cabanno ee aan weydiinno, waxa

la nagu eedayn jiey in aannu noqonnay munafaqiin

riddo ah amma xujoobey, waxana la na marsiin

jirey ciqaab.

Kuwa loo adeegsado inay is-miidaamiyaan oo ay

is-qarxiyaan, dagaalka al-Shabaab daraaddiis,

guud ahaan waa dad dhallinyaro ah oo aad u

yaryar. Inta badan waxa la siiyaa tababar ilaa

lix bilood ah, maalin kastana waxa lagu akhriyaa

wacdi maskaxda ka bedela, waxana loo sheegaa inay

tegi doonaan jannadii. Qaar ka mid ah madaxda

sare ee al-Shabaab, waxay iska yeelyeelaan oo ay

iska dhigaan inay qaadanayaan iyaguna

tababarkaasi, si ay u noqdaan naftooda-huryaal

is-qarxin raba. Waxay bilaabaan inay iska

ilmaysiiyaan oo ay iska oohiyaan, iskana dhigaan

dad doonayaan oo codsanayaa in iyagana lagu daro

hawlgallada is-qarxinta; laakiin tabaarayaashu

waxay u sheegaan, iyada oo dadka kale afka laga

maqashiinayo, in markan la soo xulay dad kale oo

diyaar ah, iyagana waqtigoodu iman doono oo la

gaadhi doono. Arrimahani waxa loo isticmaala

xeelado dadka maskaxda lagaga qabsado oo lagu

duufsado, oo lagu khaldo dadka dhallinyarada ah

ee qaadanaya tababarrada is-miidaaminta. Al-

Shabaab had iyo jeer waxay diyaarisaa dad u

jooga oo heeggan u ah inay fuliyaan hawlgallo is-

qarxin ah – tiro u dhaxaysa soddon ilaa

tddobaatan qof mar kasta.

Al-Shabaab waxay u foojigan tahay oo ay ku dadaashaa

inay ka dhaadhiciso oo ay ku shubato dhallinyarada

yaryar, afkaarta iyo mabaadi’da ay wattaan, oo

dhallinyartu aaminaan, qaatanna afkaartaasi, iyaga oo

aan wax su’aal ka keenin, waxna iska weydiin.

167

Sida aan ku soo faahfaahinnay bilawgii cutubkan, al-

Shabaab waxay ku wacdidaa caruurta dugsiyada inay

galaan Jihaadka. Waxa kale oo ay adeegsadaan tabo iyo

xeelado kale aan caadi ahayn, isla markaana argagax

leh oo ay ku dagaalgeliyaan caruurta, kuna

dhiirrigeliyaan inay ku kacaan inay isticmaalaan oo

ay fuliyaan tabahaasi.

Mid ka mid ah xeeladahaasi, oo gaar ahaan loo soo

qaadan karo tusaalaha ugu qallafsan, waxa uu ka

dhacay magaalada Koonfurta ku taal ee Marka bishii

Oktoobar ee 2009, maalintaasi oo la diley laba qof oo

lagu eedeeyey inay basaasiin yihiin. Al-Shabaab waxay

ku amartay in la xidho dhammaan dugsiyada

maalintaasi, si carurta iyo ardaydu u yimaaddaan

goobta, marka la fulinayo dilalkaasi, una daawadaan.

Hawlwadeennada ururkaasi waxay kula dhex wareegeen

magaalada sameecado, waxayna dadweynaha ugu baaqeen

in la soo baxo oo la soo aado fagaaraha amma garoonka

dilalkaasi ay ka dhacayaan. Dadka halkaasi la soo

tubay waxay u badnaayeen dumar iyo caruur, waxayna ku

khasbanaayeen inay daawadaan dilka labadaasi qof ee

lagu soo edeeyey inay ahaayeen ‘basaasiin’.

Isla sannadkaasi, dhacdadaasi mid la mid ah ayaa ka

dhacday magaalada Kismayo ee dekedda koonfureed.

Bishii Ramadaan ee sannadkaasi, al-shabaab waxay soo

abaabushay tartan hal-xidhaale ah, amma weydiin-iyo-

wax-ka-dheh, oo ay u qabatay dhallinyarada magaalada.

Su’aalaha kediska ah ee la isku xujeynayey waxay u

badnaayeen kuwa la xidhiidha diinta Islaamka. Ninkii

madaxda ka ahaa ee hoggaminayey abaabulka

tartankaasi, Abdiweli Mohamed Adan, waxa uu sheegay

in ujeedada tartanku ay tahay in lagaga joojiyo

dhallinyaradu inay waqtigooda ku lumiyaan waxyaabo

kale, isla markaasina xoogga la saaro oo loo soo

jeesto arrimaha muhimka ah ee ay ka midka yihiin

daafacaadda dalkooda iyo diintooda.

168

Dhammaadkii bishii Ramadaan, boqolaal qof ayaa la

iskugu yeedhay xaflad, munaasabad lagu bixinayey

abaalmarintii tartankaasi cidda ku guuleysatey.

Abdiweli Mohamed Adan, waxa uu dadweynihii u

faahfaahiyey noocyada jaa’isadaha la bixinayo: ‘Qofka

helay tartankii ee kowaad waxa la siinayaa abaalmarin

ah qori cusub oo noociisu yahay AK-47, laba bam amma

garnayl oo kuwa gacanta ah, miinada loo dhigo

taangiyada dagaalka, qalab xafiis oo uu ku jiro

kombuyuutar. Jaa’isadda labaadna waa qori duug ah

amma aan cusbayn oo AK-47 ah, iyo qalab xafiis.

‘Weligey anigu ma arag oo ima soo marin jaa’isad

intaas lee amma abaalmarintaasi oo kale’, ayuu yidhi

hogaamiyihii.

Jaa’isadahaasi waxa lagu soo wareejiyey oo lala dhex

maray dadweynihii daawanayey, iyadoo hawlwadeennadii

al-Shabaab ay ku boorrinayaan waalidiintu inay u

ogolaadaan caruurtoodu inay ku tababartaan oo ay

isticmaalaan hubkaasi, una sheegaya in tani ay ka

caawin doonto inay bartaan sida loola dagaallamao

cadowga.

Tusaale kale oo naxdin lihi waa cajaladaha amma

suxuunta DVD ee filimada Bollywood (ee Hindiga ah) oo

loo qaybiyo dhallinyarada loo tababarrayo hawlgallada

ismiidaaminta amma inay is-qarxiyaan. Dhallinyarada u

jajaban ee u debecsan fikradahaasi ayaa laga

dhaadhiciyaan in filimadaasi ay yihiin Jannadii oo ay

soo duubeen, soona direen, shuhadadii al-Shabaab ee

janna-tegey kuwaasi oo wax kasta iyo raaxo kasta ku

haysta halkaasi, ka dib markii ay fuliyeen weerarro

is-qarxin ah ee ay naftooda hureen.

Waxan weydiiyey Sheikh Hassan Dahir Aweys, bal waxa

uu ku sababayn karo oo qiil u noqon karaa in caruurta

maskaxdooda la bedelo oo waxyaabo kale laga

dhaadhiciyo, loona qorto al-Shabaab. Waxanu iigu

jawaabay: ‘Marka ay noqoto in la qorto caruurta,

169

diinta Islaamku waxay qabtaan oo ku qeexan in qofku

uu yahay qaan-gaadh qaadi kara masuuliyad, marka

da’diisu ay gaadho shan-iyo-toban sano. Qof kasta oo

ka yar shan-iyo-toban jir, kama qaybgalo dagaalka.

Laakiin dadka waaweyn iyo dumarka iyagu doonayaa inay

ka qayb galaan dagaalka, waa u furan tahay oo waa loo

ogol yahay, waayo waa wax ku bannaan diintayada.’

Waxan la kulmay wiilal ka soo baxsaday khassabka ay

al-Shabaab wax ku qorato, waxayna u soo yaaceen

dhinaca Kenya oo ay xadka ka soo tallaabeen, ilaa ay

soo gaadheen xaafadda Eastleigh ee Nairobi. Lafteedu

ma sahlana in aad hesho oo aad la kulanto

dhallinyaradaasi, waayo waxay ka dhuumanayaan

bileyska Kenya, sababta oo ah iyaga oo aan haysan wax

waraaqo ah, dalkana ku jooga si sharci-darro ah. Waxa

la i geeyey meel durugsan oo ka mid ah luuq-luuqyada

qarsoodiga ah ee xaafadda Easleigh, halkaasi oo ah

duni kale oo ay ku soo degaan dadka cusub ee dhawaan

ka yimid Somalia, kuna yaallaan guryo burbursan oo

xaaladdoodu aad u liidato. Waxay iga qaadatay waqti

badan iyo dedaal weyn sidii aan ugu qancin lahaa

dhallinyaradaasi inay soo baxaan oo ay ila kulmaan.

Laakiin aakhirkii waxay yimaaddeen luuq-luuqii boodku

madoobeeyey, iyaga oo isa soo dhex tubay

bullaacadihii debadda yaalley iyo qashinkii is dul

buuxiyey meehsa. Waqti ayay ku qaadatay inay ila

hadlaan, laakiin marka ay bilaabaan hadal, ma kala

joojinayaan. Wiilal aad u fara badan ayaa

hareerahaygii ku soo xoomay oo soo buuxiyey, iyaga oo

buuqaya, una garaabaya laba qof oo iyaguna hadda soo

galay oo iiga warramayey nacaybka ay u hayaan al-

shabaab, iyaga oo cabsiyi ay indhahooda mar kasta ka

muuqato. Wiilka ugu horreeyey ee ila hadlay waxa uu

ahaa Mohamed. Waxa uu sheegay in da’diisu ay tahy

shan-iyo-toban jir, kana soo cararay magaalada

Baydhabo. Waxanu yidhi:

170

Waxan ka soo cararay magaaladaydii, waayo

dagaalyahannada al-Shabaab ee halkaasi joogaa

waxay ku khasbaan dhallinyarada inay ku biiraan

iyaga. Wiilasha reer Baydhabo, waxa qudha ee u

bannaan waa laba midkood; inay amma al-Shabaab ku

biiraan, amma meesha iskaga tagaan oo ay ka

yaacaan dhulka al-Shabaab xukunto. Ururkani

Islaamiyiintu waxay ciqaabaan dhallinyarada

diidda inay iyaga ku biiraan. Waxay la dhacaan

dhirbaaxo, karbaasha, iyo xadhig. Waxayna ku

khasbaan inay ku biiraan miliishiyada. In badan

oo ka tirsan dhallinayaradii aannu isku dugsiga

amma fasalka ahayn, waxa lagu khabay inay ku

biiraan al-Shabaab; imikadanna dagaalka ayay ku

jiraan. Ma lihi wax qoys amma qaraabo ah, amma

saaxiibbo ah oo ii jooga Kenya. Waana dhib

miidhan halkani, waayo mar walba waxa ku

caydhsanaya booliska Kenya. Laakiin waa ka

sabata-bixi doonnaa.

Wiilka labaad ee aan la hadlay si weyn ayuu u

daldalmayey oo waxa uu jeedinayey khubad dheer oo uu

wax kaga sheegayo al-Shabaab, isagoo u muuqda in uu

dhiiradey oo uu ku dayday ka dib markii wiilkii isaga

ka hoorreeyey ee Mohamed uu ila hadlay. Magaciisa

waxa uu ku sheegay Abdirahaman, iyo in uu ka yimid

isagu Muqdishu:

Waxan uga soo tegey culayskii ay nagu hayeen ee

aan kala kulmaayey al-Shabaab. Wadaaddada

kooxdaasi ayaa yimaadda xaafadaha magaalada,

goobaha dhallinyaradu iskugu yimaaddaan, waxayna

na fari jireen in aannu ku soo biirno Jihaadka.

Qaar ka tirsan saxiibaday waxay siiyeen lacag si

ay ugu biiraan, qaar kalena waxay ka dhaadhicyeen

in diinta awgeed ay ugu soo biiraan oo ay u

dagaallamaan. Wadaaddadu waxay noo sheegeen inay

171

waajib tahay in la galo dagaalka, jihaadkuna uu

yahay waajib diini ah. Al-Shabaab waxay isku

dayday inay naga dhaadhiciso in haddii aanannu

iyaga ku biirin, in aanaan ahayn dad Muslin ah.

Xataa halkan Kenya, mar walba cabsi ayaa igu

jirta. Daqiiqad walba waxan ka baqanayaa in

dawladdu ay i qabato oo dib la iigu celiyo

Somalia. Ma haysto wax aqoonsi ah amma waraaqo

ah, mar kastana waa la i xidhi karaa. Waxan arkay

booliska oo dhex wareegaya Eastleigh, oo soo

qabqabanaya, soona ururinaya Soomaalida. Marka

taasi aan arkana, cagaha ayaan wax ka dayaa oo

waan cararaa, inta karaankay ah.

Kooxaha islaamiyiinta xagjirka ahi waxay mar walba

soo rogaan qawaaniin cusub, oo mid walba sii

cadaadinayo qaababkii dhaqanka iyo nolosha ee

xuddunta u ahaa Soomaalida. Ugu horraantii,

dadweynaha waxa laga mamnuucay inay goobaha furan

amma fagaarayaasha ku daawadaan filimmada iyo

tartanka ciyaaraha kubadda cagta. Waxa haddana ku

xigey in laga mamnuuco codadka amma muusikada

dhawaaqa telifoonnada moobiilka ah marka la soo

garaaco. Markii danbana, waxa la soo rogey waxyaabo

aad uga fog xaqiiqada, waxana ka mid ah miliishiyadii

al-Shabaab ee joogtey magaalada Jowhar oo bishii

April ee 2010, oo dugsiyadii magaalada ka mamnuucday

in la tumo ama la garaaco jalas amma dawan, marka

xiisadaha amma casharrada fasallady ay dhammaadaan.

Waxayna sabab uga dhigeen in dawankaasi aad ugu dhaw

yahay jalaska kaniisadaha Masiixig ah. Waxan amar

lagu siiyey macallimiinta dugsiyada in hadda iyo

wixii laga bilaabo, inay sacabka tumaan marka

casharradu xiisaduhu dhammaadaan.

Isla bishaasi, ururkii Xisbul Islam waxa uu isna

amar ku bixiyey in idaacaduhu ay joojiyaan inay

172

saaraan wax muusiko amma heeso ah, iyaga oo ku

hanjabay in la dili doono kuwa u hoggaansami waaya

ammarkan iyo sharcigan cusub.

Maalin ka bacdi markii amarkani la soo rogey,

dadweynihii ku noolaa magaalada Muqdishu waxay

subaxnimadii ku soo tooseen oo ay ku waabariisteen

idaacadihii oo saaraya shanqadh rasaas dhacaysa,

halkii ay ka dhageysan jireen heeso caadi ah iyo

muusik. Weriyayaasha joogey idaacaduhu waxay go’aan

ku gaadheen inay saaraan qayladan rasaasta, si ay ugu

ciyaaraan oo ay ugu dheel-dheelaan kooxaha

Islaamiyiinta ah (ee soo rogey amarkan). Iyo weliba

iyaga oo saaray cida raha, caadadaasi oo ah sida

Soomaalidu iskaga maadsato amma iskugu dheel-dheesho.

Ali Sheikh Yasin oo ka tirsan xarunta Elman ee ku

taal magaalada Muqdisho oo ah urur u doodada xuquuqda

banii’aadamka, waxa uu yidhi: ‘Halkan ayaan joognaa

oo aan ka hadlaynnaa heesha iyo muusikada oo aan ku

tilmaamaynno inay yihiin denbi ka dhan ah Islaamka,

haddana maalin waxa la gala denbiga ugu weyn dunuubta

ee ah dilka qofka banii’aadamka ah oo la galabsado

saacad kasta maalin kastaba. Idaacaduhu waxay

sameeyeen wax xiiso leh oo lagu qoslo, oo ay kaga

hortagaan mamnuuciddan. Laakiin waxan ka baqayaan in

kooxahani ay soo rogi doonaan amarro iyo xukunno kale

oo kuwii hore ka sii daran.’12

Waxay u muuqataa in aanay jirin wax xidhaya amma

xaddidaya sida al-Shabaab ay iskugu deyeyso inay

xakamayso dhaqanka iyo nolosha dadweynaha, iyaga oo

tallaabo-tallaabo u cabbudhinaya amma u yaraynaya

xorriyaadkii dadweynaha. Bishii January ee 2011, mar

aan fadhiyey barxadda hudheel ku yaalla magaalo-

madaxda Somaliland ee Hargeysa, waxa la ii soo

sheegay xukunkii ugu danbeeyey ee al-Shabaab ay soo

rogto, kaasi oo ay kaga manuucday in raga iyo dumarku

ay is gacan-qaadaan marka ay isa salaamayaan, dadka

173

hortiisa amma dhexdiisa. Waxay ahayd galab amma fiid

hore, oo dadka hareerahayga fadhiya oo dhammi

hudheelka dhexdiisa, ee ahaa dhammaantood dad

Soomaali ah oo iskugu jira rag iyo dumarba, oo wada

cabbaya shaah, amma iskugu yimid inay ka sheekaystaan

siyaasadda, amma telifishanka ka daawadaan ciyaaraha

tartanka kubadda cagta. Raggu waxay xidhnaayeen

macawiso midabbo badan leh, waxayna garbaha u saarnaa

go’yaal shaal ah oo aad loo xardhay, iyaga oo

salaamayaa dumarka sida bilicsan u lebbisan ee iska

soo wada lulay qalabka iyo saanadda quruxda ee

dumarku xidhaan. Marka raggu uu salaamaya dumarka, ma

ahayn gacan-qaad qudha, ee si fudud ayay weliba u

dhunkanayeen, sida caadada u ah Soomaalida.

Maalintaasi lafteeda waxan ka imid Muqdishu,

halkaasi oo dumarka qudha ee aan ku arkay ay ahaayeen

qaar gabbanaya oo is-dedey, iskuna qariyey maryo amma

shukooyin calculus oo madow; taaso oo ka geddisan

xorriyaadka iyo qosolka amma farxadda halkan

hudheelka Hargeysa taalla oo aan wax loo dhigo amma

ka weyni aanay jirin. Jawiga galabtaasi waxa uu ahaa

mid fiican oo xiiso iyo faraxad ka muuqato dadka oo

wada mabsuud ah. Ragguna waxa si qurux badan u

tirinayeen oo ay u soo xiganayeen tixo ka mid ah

gabayada Soomaalida oo ay u marinayen dumarka.

Hasaawe hoose oo reer-magaalnimo ayaa socdey, laakiin

ku bannaan jawiga meesha ka jira.

Waxan weydiiyey hogaamiyaha Islaamiyiinta, Skeikh

Hassan Dahir Aweys, waxa ay uga go’an tahay ee sida

weyn uu ugu doonayo in uu soo rogo qaab iyo nidaam

Islaami ah oo buriya amma tirtira dhaqankii iyo

caadooyinkii Soomaalida. Waxanu iigu jawaabay:

Waxan aad ula yaabbanahay in aad i weydiiso

su’aashaas oo kale. Marka ugu horraysa, waxa

looga baahan yahay reer-Galbeedku inay noo

sheegaan sababta ay u isticmaalayaan ee ay ugu

174

fulinayaan tallaabooyinka iyo xukunnada

qallafsan, ee ay ka midka yihiin sida xun ee

loola dhaqmo maxaabiista ay ka qabteen al-

Qaacida. Maxaad uga walaacsan tahay haddii aannu

hirgelino shareecadayada Islaamka? Waa wax la

wada og yahay in shareecada Islaamku ay tahay tan

ugu fiican mujtamaca.

Marka ay noqoto xagga anshaxa dharka amma

lebiska ee Islaamka, waa wax Ilaahay xukumay,

waxayna ku taal Quraanka. Xijaabku ma aha wax

dumarka lagu khasbo, laakiin waa wax ay rabaan

iyagu inay xidhaan, si ay u raacaan amarka iyo

xukunka Eebbe. Waxan la yaabbanahay waxa weeye

dalalka reer-Galbeedka ah oo doonaya inay nagu

khasbaan sida iyagu ay u dhaqmaan ee ah in la

is-qaawiyo. Taasi waa mid aad u xun oo khatar ah.

Marka ay timaaddo ciqaabta ah in dadka la arjumo

amma dhagax lagu dilo, marka ugu horraysa waa

sharci diintu ay qabto oo waajib ah. Haddii reer-

Galbeedku ay diidan yihiin in la raaco oo la

dabbaqo shareecada Ilaahay, taasi iyaga ayay u

taal amma ay khusaysaa. Laakiin annaga waxa naga

go’aan oo waajib nagu ah in aannu hirgelinno ku-

dhaqanka qawaaniinta diiniga ah. Dhaqannada iyo

hirgelinta xukunnada ah dhagax-ku-diliddu waa

qaar faa’iidooyin la taaban karo u leh mujtamaca,

iyo guud ahaanba dadweynaha.

Isla markaas ay al-Shabaab soo rogayaan mamnuucidda

heesaha iyo muusiga idaacadaha, kuna amrayaan in la

xidho telifishannada iyo idaacadaha, Al-Shabaab waxay

dhinaca kale ka kordhinaysay mar kasta, oo ay

keensanaysay iyadu, qalab cusub oo warbaahineed oo

casri ah oo ay u adeegsato borobagaanada ay iyadu

faafsanayso. Sannadkii 2011, waxay fureen telifishan

ay iyagu leeyihiin, oo magaciisa la yidhaa al-

175

Qaddaa’ib, kaasi oo isticmaalayey xaruntii iyo

qalabkii telefishankii magaalada Muqdishu ee ‘Codka

Nabadda’ oo ay qabsadeen.

Telifishankaasi al-Qaddaa’ib waxa uu soo saari jirey

muuqaallo iyo filimmo dad lagu sheego inay qiranayaan

inay ahaayeen basaasiin, oo la soo tubo meel fagaare

ah inta aan la dilin ka hor. Waxa kale oo laga sii

deyn jirey waraysiyo laga soo qabto madaxda al-

Shabaab oo khudbado dhaadheer u jeedinaya dadweyne

aad u fara badan oo isku soo baxay. Sida caadada u ah

ee lagu yaqaan dadka Jihaad-doonka ah,

taliyayaashaasi waxa mar kasta ku xeeran oo

ilaalinaya kooxo hubaysan oo xidhan tuutaha

milateriga, oo lulaya calanka madow ee al-Shabaab,

madaxa iyo weijiga ku qariyey dahaadh dheer amma oo

ku soo duuduubtay cimaamado.

Telifishankaasi waxa uu muujiyaa kulanno diini ah oo

aad u ballaadhan, oo jidadka la isa soo buuxiyey ilaa

inta ishu ay qabanayso, iyadoo dadweynuhu ay si jamac

ah u tukanayaan, si nidaamsan oo isla haystana u

rukuucayaan una sujuudayaan.

Waxa kale oo ku jira muuqaalladaasi caruur aan qaan-

gaadh ahayn oo tababar milateri lagu siinayo ayga

miyiga, oo iyaga oo ku faraxsan kor u haya waraaqo

amma kartoonno ay ku toogasho bartaan oo xabadihii ay

ku dal-dalooliyeen.

Waxa kale oo la saaraa qasaai’dka iyo heesaha

Jihaadka ee kicinta, iyo sawirro farshaxan ah oo

bixinayaa muqaallo argagax leh, iyo weliba muuqaallo

si lama-filaan ah u muujinya dhallaan socsocda

dadweynaha dhexdiisa, oo qoryo sitta, kuna soo

fiiqaya kamarada.

Al-Shabaab waxay ka faa’iideysatey sida soomaalidu u

jecel yihiin ee ay u xiiseeyaan isticmaalka Internet-

ka, waxayna bilaabeen website-yo aad u sarreeya oo

176

casri ah. Marka mid laga xidhaba, isla markaaba mid

kale ayay furaan oo ay bilaabaan. Bogagga website-

yadaasi waxa ka buuxay sawirrada dhul boodh badan oo

al-Shabaab ay sheegaan inay dhawaan ‘qabsadeen’,

sawirro naxdin leh oo ah meydad dad rayid ah oo

jidkoodii la googooyey, ayna ku eedeeyaan falalkaasi

ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM iyo kuwa dawladda

ku-meel-gaadhka ah. Waxa ku jira sawirro laga soo

qaaday qof la sheegay inuu ka mid yahay ciidamada

nabad-ilaalinta ee reer Uganda oo al-Shabaab ay

qabatay, ninkaasi oo argagax ka muuqdo, indhihisuna

kolba dhinac eegayaan. Ninkaasi waxa la haystey dhawr

bilood oo weli lama sii deyn ilaa waqtigii la qorayey

buuggan.

Al-Shabaab waxa kale oo ay u isticmaasha internet-ka

inay ku soo urursato lacagayow qaadhaan ah, oo si

toos ah ay u abaabusho munaasabado ay ku codsanayso

in lagu yabooho deeqo, munaasbadahaasi oo marar socda

maalmo, kuna jira Internet-ka. Warbixin ay soo

saartay Qaramada Midoobey ayaa waxay ka hadlaysaa mid

ka mid ah munaasabadahaasi qaadhaan-ururinta ee

noocaasi ah oo socotey muddo saddex cisho ah, bishii

May ee 2009, iyo mid kale oo muddo laba toddobaad ah

ku jirtey Internet-ka oo wax loogu ururinayey gaar

ahaan kooxaha al-Shabaab ee gobollada dhexe ee

Somalia. Waxayna tidhi warbixintu:

Xarunta Salaaxuddiin ee magaalada Muqdishu ee

al-Shabaab, waxay si toos ah xaruntaasi u

xidhiidhisaa oo ay abaabushaa munaasabadaha

noocan ah oo ay ka soo qayb galaan boqolaal qof

oo ka tirsan qurbajoogta ... Hoggaamiyayaasha al-

Shabaab ee gobolladuna waxay halkaasi kala

hadlaan dadka, oo ay u sheegaan dhibaatooyinka

soo waajaha mujaahidiinta iyo qoysaskooda ku

sugan ee ku nool gobolladaasi oo abaaro iyo

colaado haystaan. Dadkii ka soo qayb galay

munaasbaddaasi ee baaqyada loo jeediyeyna waxay

177

ku yabooheen lacag ka badan $40,000 oo doollar

oo ay ku ballanqaadeen.13

Iyaga oo adeegsanaya qalabkan cariga ah ee xoogga

weyn ee borobagaandada ee u furan, oo gaadhya qof

kasta oo gala Internet-ka, al-Shabaab waxay soo

jidataa oo ay ka heshaa dacallada adduunka oo dhan

dad taageerayaal ah, gaar ahaanna Soomaalida qurbaha

ku nool. Laakiin marka dadku ay ku soo biiraan

ururkaasi, ee ay u soo galaan si ikhtiyaari ah ammaba

la soo khasbo, waxa ku adkaata sidii marka danbe ay

uga tegi lahaayeen, sida uu sheegay Al Ahzari oo hore

uga tirsanaan jirey miliishiyada al-Shabaab:

Sannadkii 2010, waxan goostay in aan iskaga tego

al-Shabaab. Waxa lagu jebiyey dagaalkii kooxdii

amma unuggii aan anigu wattey ee aan

hoggaaminayey. Nimankii iga sarreeyey ee i

xukumayey waxay shakhsi ahaan aniga i fareen in

aan khaarajiyo dhammaan raggii iga dhaawacmay.

Markaasi ayaan fahmay in al-Shabaab ay ka

hojeeddo Soomaalida iyo diintoodaba, sidaa

awgeedna waan ka goostay oo waan ka baxsaday.

Waxa qudha ee ii suurtogeliyey in aan goostaana

waxay ahayd dawladda oo i ilaalinaysey. Al-

Shabaab mar kasta way gawracaan dadka ka taga ee

ka goosta, waayo waxay ka baqayaan in dadkaasi ay

kashifaan oo ay faafiyaan sirtooda. Waa wax aad u

yar oo far-ku-tiris ah in qof uu awodo sidayda oo

kale in uu ka baxsado. Si iskaa ah waad ugu biiri

kartaa al-Shabaab, laakiin waa wax aan inta badan

suurtogal ahayn in aad ka tegi karto.

178

Dibad-ka-keenista iyo Dibad-u-dhoofinta Jihaadka

(Importing and exporting jihad)

Iyada oo ka duwan xaaladaha ka jira Somalia dhxdeeda

oo dhallinyarada iyo wiilasha lagu khasbo inay ku

biiraan al-Shabaab iyaga oo aan raalli ka ahayn,

haddana qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka

dibaddiisa ayaa aad u doonaya inay ku biiraan

kooxdaasi. Qaar ayaa iskaga tegey oo faraha ka qaaday

noloshii ay ku noolaayeen dalalka Yurub iyo Maraykan,

si ay iskugu soo qarxiyaan Somalia. Ilaa iyo intii

Maraykanka iyo dalal kaleba ay al-Shabaab la

xidhiidhiyeen ee ay ku magacaabeen inay kaalin weyn

ka qaadato jihaadka caalamiga ah, isla markaasina ay

qayb weyn ka tahay bahda al-Qaacida, al-Shabaab waxay

soo jiidatey oo daneeyey dagaalyahanno badan oo aan

Soomaali ahayn oo ajanebi ah, oo ay ku jiran kuwo u

dhashay dalalka Aasiyada Koonfureed, Carab iyo

Afrikaan, oo ka yimid meelo kale.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debadda ee Maraykanka u

qaabilsan Afrika, Jonnie Carson, waxa uu ka hadlay

walaaca laga qabo dagaalyahannada ajnebiga ah ee laga

yaabo inay ku xidhan yihiin al-qaacida ee ka garab

dagaallamaya al-Shabaab. Waxanu yidhi: ‘Waxannu si

weyn uga walaacsannahay wararkaasi oo u muuqda qaar

khatar iyo xaqiiqo ah oo la rumaysan karo, in al-

Shabaab ay ku dhex jiraan oo ay dagaalka kala qayb

qaadanayaan dad asalkoodu yahay Aasiyada Koonfureed

iyo Jajniyiin. Tani waa xaalad walaac weyn leh,

waxayna muujinaysaa khatarta weyn ee ka soo fool leh

dhibaatada Somalia.’

Waxay u muuqataa in gaar ahaan xidhiidh khaas ahi uu

ka dhexeeyo kooxaha jihad-wadayaashaaha ah ee Somalia

iyo Yemen. Taasi ma aha waxa lala yaabo oo aan la

filayn marka loo eego sida labada dal ay dhul ahaan

iskugu dhaw yihiin iyo sida Maraykanku u arko iyaga,

jaalliyadda amma qawiyadda ballaadhan ee Soomaalida

179

ee ka jirta Yemen, iyo tan ugu muhiimsan oo ah in

labada dawladood ee labadaasi dalba ay yihiin qaar

daciif ah oo tag daran, amma ku dhaw burbur. Marka

degaanaanshihii dalka Yemen uu sii kala jajabo ee uu

sii xumaadaba, waxa suurtogal ah in dhaqdhaqaayada

Islaamiga ah ee labadaasi dal ay isku sii dhawaadaan

oo ay isku xidhmaan. Afhayeen u hadlay ururka al-

shabaab waxa uu sheegay 2009-kii, in labada dhinacba

ay isweydaarsanayaan dagaalyahanno.

Osama bin Laden oo isagu waqtigaasi ahaa

hoggaamiyaha al-Qaacida, waxa uu ku ammaanay oo kor u

qaaday magaca iyo heerka Somalia ee qadiyadda

Jihaadka, mar uu kaga hadlay cajalad laga soo duubay,

oo la sii daayey sannaddii 2009, oo 11 daqiiqo

socotey, oo uu gebi ahaan kaga hadlayo dalkaasi.

Dhambaalkaasna waxa cunwaan looga dhigay ‘Wada

dagaalka, geesiyaasha Soomaaliyeedow’, waxanu u

hibeeyey ‘ku walaalaha samirka badan ee muslimiinta

Soomaaliyada Mujaahidka ah.’ Osama bin Laden waxa uu

ugu baaqay Soomaalida in la afgenbiyo oo xukunka laga

tuuro madaxweynihii cusbaa ee dalkaasi, Sheikh

Sharif Sheikh Ahmed, oo hore u ahaan jirey madaxa

Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah, waxanu ku eedeeyey

in uu ka tegey diintiisii, ugana baxay si uu dawladda

ugu biro, amma sida uu u dhigay ‘ in uu la

shuraakoobo oo la rafiiqo gaalada.’ Waxa uu ku

tilmaamay Islaamiyiinta Somalia, dhaqdhaqaaq weyn oo

ka tirsan Jihaadka caalamiga ah, oo uu u aqoonsaday

bah si wadaag ah uga qayb qaadanaysa halganka:

‘Waxaad tihiin furinta koowaad amma safka hore ee

difaaca dunida Islaamka ee aagga Koonfur-Galbeed,

samirkiinna iyo qaddiyaddiinna weyn ee adagina waxay

kaalmaynaysaa oo ay u gargaaraysaa walaalihiinna reer

Falastiin, Ciraaq, Afghanistan, Muslimiinta reer

Makhrib, Pakistan, iyo meelaha kale ee Jihaadku uu ka

socdo.’

180

Dilkii Osama bin Laden ee ay geysteen ciidamada

gaarka ah ee Maraykanku bishii May ee 2011, siyaabo

kala geddisan ayaa looga arkay Somalia. Dumar ayaa ku

dabbaaldegey oo damaashaad iskugu soo baxay jidadka

qaybaha dawladdu ay xukunto ee magaalada Muqdishu,

iyaga oo ku faraxsan dhimashada ninka ay ku sheegeen

ee ay u haystaan in uu mas’uul ka ahaa dilalka

raggoodii iyo wiilashoodii ay jeclaayeen. Dhinaca

kalena al-Shabaab waxay soo saartay odhaah ay ku

sheegayaan inay u aargudi doonaan ninkaasi. Qaar ka

mid aha dagaalyahannaduna waxay soo xidheen weer cad

oo muujinaya, caalamadna u ah, sida ay ugu

murugoonayaan.

Waa adag tahay in si sugan loo ogaado tirada dhabta

ah ee dagaalyahannada ajanebiga ah ee ku soo biiraya

Jihaadka Somalia iyo dalalka ay ka kala yimaaddeen,

laakiin aad ayay u joogaan halkaasi oo way ku badan

yihiin. Al Ahzar oo isagu hore uga tirsanaan jirey

al-Shabaab ayaa ka hadlay sida jihad-wadayaasha

ajanebiga ahi ay uga hawlgalaan Somalia ee ay u

yihiin kooxo gooni ah oo sidooda u taagan ururka

dhexiida. Waxanu yidhi:

Waxan dagaal wada galnay dhawr kooxood oo ka

tirsan kooxahaasi ajanebiga ah. Tirada ajanebiga

Jihaad-wadayaasha ah ee jooga Somalia waa

qiyaasti ilaa 1,800. Marka siyaabaha qaar loo

eegana, iyaga ayaa ah hoggaanka al-Shabaab. Waxay

dagaalka u galaan koox-koox gaar ah oo goonidooda

ah, saldhiggooda u weynina waa Muqdishu. Waxa ku

jira Carab, Pakistaniin, iyo dad caddaan ah –

xattaa Maraykan – iyo kuwa badan oo Afrikaan ah

sida Kiiniyaan, Sudan, Itoobiyaan, iyo

Eritrea-yaan.

Qaar badan oo ka mid ah ajanebigani waxay

dalalkoodii ka yihiin denbiilayaal. Mid u dhashay

dalka Bangladesh waxa uu ii sheegay in uu xabsiga

181

ku jirey muddo shan-iyo-toban sano ah, ka bacdina

uu soo baxsaday oo uu yimid Somalia. Waxa uu

sheegay in aanu doonayn in nabaddii iyo

degganaanshihii ay ku soo noqdaan Somalia, waayo,

waxa uu yidhi waa sahlantahay in halkan lagu

dhuunto inta uu jiro ee uu socdo qaskani.

Ajanebigu waxay doonayaan in Somalia ay sidaa sii

ahaato, dal aan dawlad lahayn. Waayo waxay iyaga

u noqonaysaa meel ku habboon inay u soo qaxaan oo

ay hoy ka dhigtaan.

Waxa kale oo ku soo biiray Soomaali badan oo

qurbaha ka yimaadda oo la shaqeeya kooxahaasi

ajanebiga ah, una ah dirawaliin, tarjumaanno iyo

ciidan ilaaliya. Waxay u yimaaddaan ee ay ugu soo

noqdaan Somalia inay shahiidaan. Soomaalida aan

wax dhibaato ahi ka haysan qurbaha, ee aan wax

tuhun amma shaki ah aan loo daba joogin, ayaa had

iyo jeer loo soo diraa halkan, si ay u fuliyaan

hawlgallo debadeed. Xataa waxay diyaar u yihiin

inay sugaan sannado badan inta ay ka fulinayaan

weerarro debadeed. Dan kama leh inta ay ku

qaadanayso. Waxa jira unugyo qarsoodi ah oo

jihaaad-wadayaal ah oo ka jira dhulalka ay ka

midka yihiin Holland, Maraykanka iyo Ingiriiska,

kuwaasi oo dejinaya amma samaynaya qorshayaal ku

saabsan sidii weerarro loogu qaadi lahaa

dalalkaasi.

Hoggaamiyaha Islaamiyiinta, Hassan Dahir Aweys, waxa

uu isna ka hadlay dagaalyahaniintan ajanebiga ah:

Maxaa ku jaban in taageero aad ka hesho dadka

kale, haddii cadowgaagu uu yahay mid kaa xoog

badan oo haysta hub badan? Maxaa ku khaldan in

aannu helno taageero? Haddii dadka jilicdasan ee

saboolka ahi ay is habeeyaan, si ay ula

dagaallamaan cadowgooda, maxaa ku jaban inay

182

taageero ka raadsadaan meel kasta oo ay ka heli

karaan?

Ajanebiga ku jira al-Shabaab intooda badan asalkoodu

wuxu ka soo jeedaa Soomaalida qurbaha deggan ee

haysata dhalasho Maraykan amma reer Yurub ah. Waxay

bilaabeen inay u soo kicitimaan Somalia ka dib markii

Itoobiya ay soo gashay dalkaasi bishii December ee

2006. Hey’adda mukhaabaraadka Maraykanka ee CIA waxay

sheegtay in duullaankaasi uu ‘sii shiday’ oo uu

dhaliyey in Soomaalidii debaddu ay ku biiraan

ururrada xagjirka ah ee Islaamiyiinta. Marka lagu

xisaabatamo in duullaankaasi Itoobiya uu haystay

taageerada Maraykanka, waxay noqonaysaa mid sax ah in

lagu doodo in uu ahaa hawlgalkaasi wadajirka ahaa, ka

sii fogeeyey Soomaalida qurbajoogta ah ee ku kallifay

inay dagaallo jihaad ah ka fuliyaan dalkoodii hooyo.

Mid ka mid ah dadkaasi jihad-doonka ah ee ku soo

guryo-noqday Somalia, waxa uu yahay Shirwac Ahmed, oo

ah lix-iyo-labaatan jir asalkiisu Soomaali yahay

laakiin qaatay dhalashada Maraykanka, oo ka yimid

gobolka Minnesota, waxanu iskaga tegey waxbarashadii

koolajka sii uu ugu biro oo uu ugu dagaallamo al-

Shabaab. Waxa uu is-qarxiyey bishii Oktoobar ee 2008,

isaga oo kaxaystay baabuur laga soo buuxiyey

waxyaabaha qarxa, lana galay dhisme ay dawladdu

lahayd oo ku yaalley gobolka Puntland ee Waqooyiga-

Bari ee Somalia. Warbaahinta Maraykanku (sida laga

soo xigtey qoraallada Andrea Elliot ee ‘A call to

jihad, answered in America, New York Times 12 July

2009) waxay ku tilmaantay ninkaasi ‘qofkii ugu

horreeyey ee Maraykan ah ilaa hadda inta la og yahay

ee is-miidaamiya amma is-qarxiya.’14

Sirwac Ahmed waxa uu ka mid ahaa dhawr ah

dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka tegey magaalada ugu

weyn gobolka Minnesota ee Minneapolis, si ay ugu

183

biiraan ururka al-Shabaab. Hey’adda mukhaabaraadka

Maraykanka ee FBI waxay ku qiyaastay in intii u

dhaxaysey bishii September ee sannadkii 2007 ilaa

bishii October ee 2009, in tiro ka badan labaatan qof

oo Soomaali ahi inay ka tegeen Minnesota si ay ugu

biiraan kooxda Islaamiga ah ee Somalia. Minneapolis

waa magaalo-madaxda qurbajoogta Soomaalida ee

Maraykanka. Qayb ka mid ah magaaladaasi degaannada

gaboobey oo Soomaalidu aad u isticmaashana waxa loo

yaqaan’Muqdishu-Yarey’; magacaasi oo la mid ah ka ay

Kiiniyaanku u bixiyeen ee ay u yaqaanaan xaafadda

Eatleigh ee Nairobi.

Dawladda Maraykanku waxay aad uga walaacsan tahay

xagjirnimada Soomaalida, walaacaasi oo keenay ilaa

heer ay dawladdu ay ka samayso magaalada Minneapolis

xafiis gaar ah iyo cutub ka tirsan heyadda

mukhaabaraadka ee FBI oo la yidhaa Iskaashiga

Hawlgalka Gaarka ah ee Ka-hortagga Argagixisada

(Joint Terrorism Task Force). Warbixin arrintaasi ku

saabsan oo FBI ay qortay sannadkii 2009, waxa ka mid

ahaa:

Ilaa dabayaaqadii 2006, waxan aragnay dhawr qof

oo ka tirsan Maraykanka – oo qaar badani ay asal

ahaan ka soo jeedaan Somalia, qaarna aanay la

lahayn wax xidhiidh ah oo noocaasi ah – kuwaasi

oo u safra Somalia, si ay u tababaraan amma ay

uga qab qaataan dagaalka ay al-Shabaab ay waddo.

Tirada dadka noocaasi ah ee aannu rumaysannahay

inay tegeen Somalia, waxay ka badan tahay marka

la barbar dhigo guud ahaan dadka ka tegey

Maraykan ee tegey meelaha kale ee adduunka ee

xiisaduhu ay ka jiraan, dhawrkii sano ee la soo

dhaafay. Waxanan aragnay inay ka badan tahay

tirada dadka ka taga Minneapolis marka loo eego

qaybaha kale ee dalka mid kasta.15

184

Cabsida ugu weyn ee la qabaa waa inay dhici karto in

maalin ka mid ah maalmaha ay Soomaalida deggan

Maraykanku qaadaan waxa FBI ay ku tilmaantay

‘hawlgallo argagixiso’ oo laga fuliyo ciidda amma

dhulka Maraykanka dhexdiisa.

Bishii February ee 2010, Agaasiimaha Heyadda

Muklhaabaraadka Qaranka ee Maraykanka, Dennis Blair,

waxa uu u sheegay guddi gaar ah oo ka tirsan aqalka

sare ee odayaasha ee Senate, oo loo saaray inay

dhageystaan oo ay dersaan warbixinno ku saabsan

‘Kahataraha Haataan Taagan iyo Kuwa Meelo Kale Kaga

Soo Fool leh Maraykanka’, waxa uu u sheegay in uu

rumaysan yahay in qaar ka tirsan dagaalyahannada

tababarka ka bixinaya Somalia iyo kuwa dagaalka ku

jiraaba, inay dhici karto in hawlgalladooda ay ku soo

jeediyaan oo la beegsadaan Maraykanka.

Maraykanku waxay ka qaadeen tallaabooyin Soomaalida

Maraykanka ah. Bishii August ee 2010-kiina, afar-iyo-

toban qof ayaa lagu soo oogey dacwado la xidhiidha

falal argagixiso, falalkaasi oo ay ku jiraan

lacagayow, dad iyo taakulayn kale oo loo fidiyey al-

Shabaab. Laba qof oo dadkaasi ka mid ahaa ayaa la

xidhay, laba-iyo-tobankii kalena waxa la rumaysan

yahay inay mar horeba dalka ka baxeen oo ay tegeen

Somalia. Sida laga soo xigtey Xeer-Ilaaliyaha Guud ee

madaxda ka ah Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, Eric

Holder, waxa uu sheegay in ‘dacwadahan iyo

xidhitaanka dadkani ay sii ifiyeen oo la ogaadey

jiritaanka hawlgallo khatar ah oo xidhiidhsan oo

loogu ururiyo, looguna diro hanti iyo dad dagaallama

labadaba ururka al-Shabaab, lagana soo ururiyo

dhammaan magaalooyinka Maraykanka.’

Bishii July ee 2011, wiil lix-iyo-labaatan jir ah oo

Soomaali ah, oo magaciisa la yidhaa Omar Abdi

Mohamed, oo deggan magaalada Minneapolis, waxa uu ka

dhex qirtay maxkamad ah kuwa federaalka Maraykanka,

185

in uu qabo denbi ah inuu ka qayb galay qaadhaan loo

ururinayey in la geysto falal kala ah dil, afduub iyo

dhaawacyo ah, kuwaasi oo laga fuliyo debadda.

Xeer-Ilaaliyaha B. Todd Jones ee Maraykanku waxa uu

isna sheegay (warbixintii FBI ee 2010):

Dadka ku lug leh qorshayaashani la maleegayey, ee

uu ka midka yahay Omar Abdi Mohamed, waxay

jebiyaan sharciga, iyaga oo ku kacay tallaabooyin

khaldan oo kahatar ah oo ay ku taageerayaan urur

argagixiso ah. Aakhirkana taasi waxay keentaa

inay kala geyso oo dhibaato ku abuurto qoysas

badan oo Soomaalida Maraykanka ah. Waalidiinta

ayaa ka cadhooda oo walaac ay ku abuurtaan

caruurtoodii wiilasha ahaa oo la waayo, oo inta

badan iska taga iyaga oo aan la ogeyn, oo aan isa

sheegin amma is ogeysiin waalidkood. Mararka

qaar, qoysasku waxay ka ogaadaan oo ay ka war

helaan oo qudha meesha iyo waxa ay ku danbeeyeen

caruurtoodii iyo dadkoodii marka ay ka arkaan oo

keliya fiidiyayaasha Internet-ka ee al-Shabaab ku

faafsato borobagaandada.16

Baadhitaan isna ay samaysay FBI oo loogu magic-daray

hawlgalka ‘Operation Rhino’, oo ku waajahnaa

dhallinyarada Soomaalidu ee deggan Minneapolis, waxa

ka soo baxay in dhallinyaradaasi muddo dhawr sano

ahba ay tegayeen oo ay ku noqonayeen Somalia si ay

uga soo dagaallamaan halkaasi:

Kooxihii ugu horreeyey ee la ogaado inay halkaasi

u safreen, waxay ka ambabaxeen dalka Maraykanka

bilihii October iyo December ee 2007, iyaga oo

qaar kalena ka daba tegey bilhii February 2008,

November 2008, iyo October 2009. Markii Somalia

ay gaadheen, waxa la dejiyey guryo gaar ah oo ay

leeyihiin al-Shabaab oo ku yaal koonfurta

186

Somalia, ilaa iyo intii loo samaynayey xero

tababar oo al-Shabaab ay leedahay oo

dhallinyaradaasi lagu tababaro. Tababarkaasi waxa

bixinayey saraakiil sarsare oo ka tirsan al-

Shabaab iyo al-Qaacida qaybteeda qaabilsan

Afrikada Bari.’17

Qaar ka tirsam Soomaalida Maraykanka ee ku biiray al-

Shabaab waxay ahaayeen dad dayro ah oo ka baxay

mujtamaca jaalliyadaha Somaalida, ka dib markii ay ku

biireen kooxaha dhallinyarada dibjirka ah ee noqda

budhcad wax boobta, kooxahaaso oo ay ka mid yihiin

kuwa la baxay magacyada ‘Rough Tough Somalis’ iyo

‘Murda Squad’. Jihaadku, waxa uu si ahaan uga dhigan

yahay qaab kale oo ay isku muujiyaan dhallinyarada

caasiga ah ee ku caasigarooba qoysaskooda iyo

nidaamyada mujtamaca ee jira. Waxa uu uga dhigan

yahay sida balwadii Rock and Roll oo kale oo casri

ah.

Wararka iyo macluumaadka la xidhiiodha kooxha

xagjirka ah ee Islaamiyiinta Somalia, waxa si sahal

ah looga heli karaa Internet-ka; waxana jira website-

yo tiro badan iyo bogagga lagu sheekaysto oo ku

xidhan al-Shabaab, kuwaasi oo u ah dhallinyarada

Soomaaliyeed ee madluunka ah amma kacsan ee ku nool

Minnesota, meel iyo goobo ay ka helaan agab iyo

waxyaabo ay lab-raacaan amma la dhacaan, amma u

arkaan qaddiyad habboon in la guto. Tusaalena waxa uu

ah agabkaasi mid ka hadlaysa jihaadka oo al-Shabaab

ay bogaggeeda internetka soo gelisay, oo u qornaa

sidatan, ‘Ma garan kartid macaanka Jihaadka ilaa aad

ku soo biirto oo aad soo gashid Jihaadka.’

Adeegga Intyernetku waxa kale oo uu suurtogeliyaa in

kuwii tegey Somalia ay la soo xidhiidhaan kuwii kale

ee ka hadhay amma aan weli tegin, oo ay ugu baaqaan

inay ku soo biiraan oo ka daba yimaaddaan, iyaga oo

187

‘weyneynaya amma buunbuuninaya’ wanaagga iyo

ahmiyadda hawlaha ay ku jiraan. Farriin amma dhambaal

la soo geliyey adeegga Facebook oo uu soo geliyey qof

Soomaali ah oo dhawaan ka tegey Maraykanka, tegeyna

magaalada Muqdishu, waxa uu ku soo qoray, ‘Sup dawg,

kaalaya halkan oo iskeena magaaladan M-Town ... oo ah

meel raggu ay wada sittaan dhammaan noocyada hubka

amma qoryaha.’18 Waxa jira dagaalyahannada kale ee ka

tegey qurbaha oo iyagu ilaa heer mutacallimiin ah ka

roon wiilkan, oo iskaga tegey koolajyadii

waxbarashada ee ay ku jireen, tegeyna Somalia si ay

uga qayb galaan dagaalka.

Dhallinyarada Soomaalida ee iyaguna qaatay dhalasho

reer-Yurub ah waxa kale oo iyaguna u tagaan si ay ugu

biiraan al-Shabaab. Dalka Ingiriiska, oo ay deggan

yihiin qamiyadda amma jaalliyadda ugu ballaadhan ee

Soomaalida ee dalalka Yurub, hey’ahada nabadgelyadu

waxay ku qiyaasaan daraasiin tirada dhallinyarada

baxday. Mid ka mid ah waxa lagu sheegay inuu ahaa nin

kow-iyo-labaatan jir ahaa oo ku noolaa xaafadda

Ealing ee Galbeedka magaalada London, oo ka baxay

halkaas bishii October ee 2007, iskuna qarxiyey goob

kontorool oo ku taal magaalada koonfureed ee

Baydhaba, halkaana ku diley ilaa labaatan askari oo

ka tirsanaa ciidanka dawladda. Sida ay sheegtay

dawladda Somalia-yana, qarax is-miidaamin ahaa oo

lagula kacay sannadkii 2009 munaasabad xalaflad

qalin-jebin ahayd magaalada Muqdishu, waxa fuliyey

qof Soomaali ah oo ka yimid dalka Denmark, oo u soo

lebbistey sidii qof dumar ah oo kale.

Ma cadda sabata dadka intaas leeg ee is-miidaamiya

iskuna qarxiya Somalia gudaheeda, sabata ay u yihiin

badankoodu dhallinyaro ka timid qurbaha, ee ay u

noqon waayeen dad gudaha laga qortay.

Walaaca ugu weyn ee dawladaha debaddu ay qabaan waa

cabsida laga qabo, iyo xaqiiqada sii kordhaysa, in

188

Soomaalidu ay qaadaan weerarro ay ka fuliyaan

Somaaliya debaddeeda. In kasta oo badiyaa meelaha ay

aadaan dhallinyarada Soomaalida ee qurbaha ka tagtaa

ay tahay Somalia, haddana waxa jirey weerarro

Islaamiyiinta Somalia ay ka fuliyeen dalka

debaddiisa. Ka ugu xumaa waxa uu ahaa kii lagu diley

tiro ka badan toddobaatan qof dalka Uganda,

weeraraasi oo ay fuliyeen dad is-qarxiyey oo ka

tirsanaa ururka al-Shabaab.

Waxa jira tusaalooyin kale, xataa meelo si weyn uga

fog Afrika. Hey’adaha Nabad-Sugidda ee Australia

waxay sheegeen bishii August ee 2009, inay ogaadeen

oo ay heleen qorshe shirqool oo ay maleegayeen kooxo

soo-galooti ah amma ajanebiga degey dalkaasi ka

tirsan, oo ay ku jiraan saddex Soomaali ah oo haysta

dhalashada Australia. Qorshaasi oo lagu damacsanaa in

la fuliyo weerar is-qarxin ah oo lagu qaado saldhig

milateri oo ku yaal magaalada Sydney.

Saddex ka mid ahaa afar nin oo lagu helay denbi ah

hawlgal la fashiliyey oo lagu damacsanaa in lagu

qarxiyo tareennada iyo maxadadaha dhulka hoostiisa ee

magaalada London 21-kii bishii July ee 2005, waxay

noqdeen Soomaali. Wasiirkii hore ee Ingiriiska u

qaabilsanaa Afrika, Lord Malloch Brown, waxa uu

sheegay sannadkii 2009, in Somalia ay u taagan tahay

oo ay kaga soo fool leedahay dalkan Ingiriiska khatar

ka weyn tan Afghanistan.

Sumcadda Somalia ee loo arkay aag amma meel weyn oo

Afrika ah Dagaalka Argagixisada, iyo weliba meel laga

soo abaabulo oo laga dhoofiyo weerarrada debadda,

arrimahani waxay keeneen in Somaalida uu raaco oo uu

u meelmaro ‘magac xun’ oo dalalkii kale ee adduunka

ugu faafa, mararka qaarna si khalad ah loogu

xidhiidhiyo oo loogu eedeeyo dad Soomaali ah inay ka

qayb qaateen hawlaha dagaalka ee Islaamiyiinta.

Sannadkii 2009, waxan la xidhiidhay nin Soomaali ah

189

oo magaciisa la yidhaa Mohamed Suleiman Barre, wax

yar ka bacdi markii ninkaasi laga soo sii daayey

Xabsi ku yaal Guantanamo. Waxa uu halkaasi ku xidhnaa

muddo dhawr sano ah intii aan la sii deyn ee aan loo

mastaafurin Jamhuuriyadda la baxday Somaliland.

Waxanu igu yidhi:

Waxa la iga soo qabtay dalka Pakistan sannadkii

2001, waxana la igu eedeeyey in aan ku lug lahaa

hawlo argagixiso. Saraakiisha ciidamada

sirdoonka ee Pakistan waxay i geeyeen xabsi ay ku

ururiyaan oo lagu hayo dadka lagu tuhunsan yahay

argagixisada. Muddo afar bilood ku dhawdhaw ayaa

halkaasi la igu hayey. Markii danbe waxa ii

yimid, oo saddex jeer igu soo noqnoqday,

saraakiil Maraykan ah oo su’aalo baadhitaan i

weydiiyey. Waxay ii sheegeen inay soo heleen oo

ay soo ogaadeen telifoonno aan dirsaday iyo qaar

aan helay, iyo in ay ila soo xidhiidheen

hawlwadeenno sarsare oo lagu tuhusan yahay

argagixiso. Waxay igu khasbeen in aan qirto

waxyaabo aanan samayn oo aanan gelin.

Ka dibna aniga iyo saddex qof oo kale ayaa loo

qaaday oo loo wareejiyey xabsi ku yaal saldhigga

gegida diyaaradaha ee Bagram ee Afghanistan,

halkaasi oo jidh-dil aad u xun la nagula kacay

Waxay nagu sameeyeen waxyaabo aad u xun. Markii

danbe waxa la ii diray xabsiga Guantanamo,

halkaasi oo aan ku jirey dhar sano, oo inta badan

aan gooni u xidhnaa, cidlana ahaa. Waxana si weyn

iiga xumaatay maskaxdii oo dhaawacantay.

Haatan waxa dareemaa sidii nin xabaal ka soo

baxay oo kale amma dib u soo noolaaday. Waxayna

igu qaadanaysaa waqti in aan dib ula qabsado

dunidii dhabta ahayd. Waxa qudha ee aan doonayaa

amma jecelahay waa in aan u noolaado sida qof

caadi ah. Ilaa hadda ma garanayo waxa markii

190

horeba la ii xidhay ee aan geystey. Waxa la i soo

daayey siddeed sano ka bacdi markii aan xidhnaa,

iyada oo aan wax maxkamad ah la i geyn oo aan la

igu soo oogeyn wax dacwad ah.

Waxa suurtogal ah in dabagalka sii kordhaya ee

bartilmaameedka laga dhiganayo Soomaalida adduunka ku

kala dhaqan, in taasi ay keento, sidii duullaankii

Itoobiya ee Somalia ee 2006-dii oo kale, inay sii

fogeyso oo ay sii kiciso mujtamacyada Soomaalida, una

horseeddo weerarro kale oo dheeraad ah oo ay ka

geystaan gudaha iyo debaddaba.

Waxay noqonaysaa arrin khalad ah in lagu doodo in

intii ka horraysey soo-bixitaankii Midowga

Maxkamadaha Islaamiga ah, in aanay ka jirin Soomalia

dagaallo Islaami ahi. Sida ka lagu soo xusay

cutubkani, waxa sannado badan ka jirey Somalia kooxo

xagjir ah, in kasta oo ay ahaayen wax kooban oo aan

sida u sii ridneyn.

Dilkii sannadkii 2011 lagu diley magaalada Muqdishu

madaxii qaybta al-Qaacida ee Afrikada Bari, Fazul

Abdullah Mohamed, waxay caddaynaysaa in Somalia ay

hoy u ahayd hawlwadeennada saresare ee caalamiga ah

ee al-Qaacida. Weli ma kala cadda in Fazul Abdullah

Mohamed uu soo degey oo uu xarun ka dhigtay Somalia

intii ka horraysay soo-bixitaankii al-Shaab amma

intii ka danbaysey.

Laakiin xaqiiqada ah in ururkaasi uu ilaa sanadihii

labada kun aakhirkoodiiba uu gacanta ku hayey qaybo

badan oo ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha Somalia,

oo ay ku jiraan qaybo badan oo ku yaal magaalo-

madaxda Muqdishu, ayaa dalkaasi ka dhigtay meel soo

jidata oo hoy u noqota hawlwadeenno sarsare oo ka

tirsan dhaqdhaqaayada Islaamiyiinta caalamiga ah.

191

Mar kale, Maraykanka iyo dawladaha isbahaysiga ay

leeyihiin waxay khalad ka fahmeen xaaladaha ka jira

Somalia. Waxay si degdeg ah u qaateen in Midowgii

Maxkamadaha Islaamiga ahaa ay yihiin wax khatar ah.

Fahamkaasi khaldani waxa laga yaabaa in uu si aan ku-

talo-gal ahayn oo kama’ ah kaalin uga qaatay soo-

bixitaanka dagaallo Islaami ah oo ka dhaca dalkaasi.

Waxa laga yaabaa inay ka roonaan lahayd in dawladaha

debaddu ay aqoonsadaan, halkaasina ka sii

ambaqaadaan, guulaha cumtama ee wax-ku-oolka ah ee

Maxkamadihii Islaamiga ahaa (UIC) ay soo hoyeen, lana

shaqeeyaan, kuna caawiyaan sidii loo dhisi lahaa

qaran dawli ah. Laakiin halkii ay taasi ka samayn

lahaayeen, xukunkii ayay ka tureen, waxayna

baabiiyeen dedaalkii ugu weynaa ee lagu guulaystey

laga soo bilaabo ilaa sannadkii 1991-kii, ee ku

saabsanaa sidii dib loogu soo celin lahaa nidaamkii

iyo deganaanshihii koonfurta iyo badhtamaha Somalia.

Natiijada qudha ee ka dhalatay siyaasaddaasina waxay

noqotay soo-bixitaanka ururka al-Shabaab oo ka sii

fog, kana sii xagjirsan kuwii hore, yeeshayna weji

caalami ah, soona jiitey dagaalyahanno ajanebi ah,

siina kordhiyey cabsidii laga qabey in Soomaalidu ay

qaadaan weerarro Islaami ah oo laga fuliyo Marykanka

dhexdiisa.

192

CUTUBKA 4aad: Qaran Fashilmay?

Waxan hor taaganahay qaybta 'Somalia' ee aqalka

kaydka buugaagta ee Machadka daraasooyinka Bariga iyo

Arrimaha Afrika ee London (School of Oriental and

African Studies library.) Markii aan sidaa isha u

mariyey buugaagta taalla khaanadaha, waxa igu soo

boodey noocyadan cunwaannada soo socda ee ku saabsan

waxyaabihii laga qoray Somalia: Somalia: Dawlad

Dagaal Kula Jirta Isla Dadkeedii, Qarankii Dumey, Ka

soo Bilaw Siyaasad Xun ilaa Xaalad Wada Qasan Dalkii

Somalia, Somalia oo Kala Burburtay, La-Haystayaal:

Dadkii Iyaga Laftoodu Is-Afduubay, Khayaamayntii

Somalia, Jidkii Eberka, Isbaabiintii Somalia ... waxa

ka muuqda halkaas oo aad dareemaysaa in uu jiro

burbur xad-dhaaf ah, guuldarro iyo rajo la'aan weyn.

Sawirka amma muuqaalka guud ee laga qaadanayo

Somalia waa dal 'fashilmay' oo aan dawlad lahayn,

dadkiisii ku noolaana aan faraha waxba ugu jirin oo

gacantooda ay ka baxday arrimaha la xidhiidha wax ka

qabashada aayahooda danbe; meel wax walba ay

burbureen, waxa guud ahaan jira ee caamka ahina ay

yihiin iska horimaadyo, gacan-ka-hadal iyo macaluul.

Ujeeddada cutubkani waa in uu su'aalo iyo dood ka

keeno caadi ahaan sida loo arko iyo fikradaha laga

haysto Somalia, dhinac kalena uu wax ka eego oo uu ka

warbixiyo. La iskama indhatiri karo dhibaatada iyo

khatarta ka jirta halkaasi, laakiin haddana waa in

aan loo ogolaan in kuwaasi ay wada hadheeyaan oo ay

si buuxda u qariyaan dhinacyada kale ee laga sameeyey

dalkaasi horumar cuntama oo wax-ku-ool ah, laga soo

bilaabo 1991-kii.

Somalia waxay mar kasta ugu horraysaa liiska dalalka

iyo dawladaha adduunka ee fashilmay, waxayna xagga

sare kaga jirta dhinac kasta oo muujinaya qiyaasaha

sare ee lagu asteeyo 'guuldarrooyinka' amma burburka

xagga arrimaha ijtimaaciga ah ee bulshada, kuwa

dhaqaalaha iyo siyaasadda intaba.1

Warbixin laga sameeyey sannaddii 2010 tirokoobka iyo

xisaabinta sida ay iskugu xigaan 'dawladaha

193

fashilmay' ee adduunku, oo uu sameeyey machadka

daraasooyinka ee la yidhaa Sanduuqa Nabadda 'Fund for

Peace' oo ka tirsan Maraykanka, Somalia waxay ka

dhigantay sidii horyaal ku badiyey ciyaarihii

Olombikada oo kale, waxayna keentay oo ay si sugan u

heshay 'dhammaan 10-kii dhibcood' ee laga rabey,

saddex ka mid ah 12-kii qaybood ee laga qiyaas

qaadanayey burburka iyo guuldarrooyinka. Qaybihii

kale badankoodana waxay heshay ilaa min '9 dhibcood'.

2011-kiina, waxay sannad kasta mar afraadkii maraysay

haddana dalka ugu horreeya liiskaasi guuldarrooyinka.

Marka la eego warbixinnada warbaahinta, warbixinnada

qaarkood iyo daraasooyinka dhaadheer ee baaxadda leh

ee ay qoraan ururrada xuquuqda banii'aadamka,

khubarada iyo machadyada baadhitaanka,

akademiyooyinka iyo meelaha kaleba, waxay had iyo

jeer u xusaan oo ay ku tilmaamaan Somalia 'qaran

fashilmay', taasi oo horseedda in laga qaato dalkaasi

fikrad ah in aanay ka jirin haba yaraatee wax si

hagaagsan oo caadi ah u shaqeeya amma socda, in waxa

qudha ee ka jiraa ay yihiin dhiig daadanaya, iyo dal

ay qarqiyeen qas iyo nidaamdarro. Muuqaalka noocan

ahi waa mid horseedaya fool-habaw amma khalad,

waxayna taasi siyaabo badan oo suurtogal ah uga qayb

qaatay siyaasadaha habawsan iyo mawqifyada

jahawareersan ee ku aaddan Somalia, kuwaaso oo aan ku

koobnayn oo qudha dawladaha ajanebiga ah ee debadda,

laakiin sidoo kalena saameeyey hey'adaha, ururrada

wax u ololeeya, maalgeliyayaashii la fili lahaa iyo

dhinacyo kaleba.

Sidii loola macaamili lahaa ee wax looga qaban lahaa

dalalka loo arko 'qarannada fashilmay' ayaa ka mid

noqotay qaybaha ugu muhiimsan siyaasadda arrimaha

debadda ee dawladda Maraykanka. Sannaddii 2002-dii,

Qorshaha Istraatijiyadeed ee Nabdsugidda Qaran ee

dawladda Maraykanka waxa uu sheegayey in "haatan

khatarta Maraykanka kaga soo fool leh dalalka awodda

leh ee xoogga wax ku qabsan karaa, in ay ka yar tahay

tan innagaga iman karta kuwa fashilmaya ee sii

burburaya'. Qorshaha Istraatijiyadeed ee

Gaashaandhigga Maraykanku waxa uu isna sanaddii 2008

u arkay oo uu u aqoonsaday in 'fashilka amma

194

guuldarrada' ku timaadda dawlad, inay la iman karto

khatar weyn oo xagga nabadgelyada ah; waxana ka mid

ahaa warbixintaasi: ' Awod-darrida dawlado badani

aanay awodi karin inay si sugan u ilaaliyaan nabadda

iyo deganaanshahooda, amma ay la shaqayn karaan

jaararkooda si wax looga qabto oo loo hubiyo

nabadgelyada iyo deganaanshaha goboleed, waxay

arrimahani la imanayaan khatar iyo dhibaato ku timaad

hannaankii caalamiga ahaa ... Haddii aan wax laga

qabanna, deganaansho la'aanta noocaas ahi waxay noqon

kartaa mid sii faafta, oo saamayn kartan, khatarna ku

noqota gobollada ay ku xidhan yihiin danaha

Maraykanka, dalalka aynnu la leenahay isbahaysiga,

iyo saaxiibadeen.'

Ereyada 'qaran fashilmay' ma aha qaar loo fasiri

karo oo loo qaadan karo si dhexdhexaad ah oo aan

dhinac u xaglinayn. Qoraaga Noam Chomsky, waxa uu

sannaddii 2006 ka qoray buug dhan oo uu ku dabbaqayo

ereyadan dawladda Maraykanka.2 Tilmaamaha iyo

fasiraadaha qaar ee lagu asteeyo 'qaran fashilmay',

waxa ku jira kuwo lagu dabiqi karo marka laga doodayo

xaaladda Somalia, laakiin waa in aanay noqon qaar si

maldahan uun loo yidhaa oo loogu isticmaalo guud

ahaan wax kasta. Waa in si sugan loogu isticmaalaa

qaybaha iyo dhinayada ku bannaan in lagu sifeeyo

weedhahaasi, xilliyada gaar ee taariikhda dalkaasi.

Xarunta Baadhitaanka Dalalka Qalalaasuhu ka jiro ee

Jaamicadda Culuunta Dhaqaalaha ee London, waxay ku

macnaysaa weedhan ‘qaran fashilmay', dal amma dawlad

' tahli waayey inay gutaan xilkii iyo waajibaadkii ka

saarnaa daryeelka arrimihii asaasiga ahaa ee

nabadgelyada iyo horumarinta, isla markaasina aan wax

awod iyo maamul ah ku lahayn ilaalinta dhulkooda iyo

xuduudihiisa'. Tani waa mid la xidhiidha oo lagu

dabbiqi karo qaybo ka tirsan Somalia, gaar ahaanna

gobollada koofureed iyo kuwa badhtamaha ee dalkaas.

Waxa kale oo isna faa'iido leh oo halkan wax ku

biirinaya qoraalka aqoonyahanka Maraykanka ah ee

Robert Rotberg ee 2002, ee uu kaga hadlay 'Wejiga

Cusub ee Faashilnnimada amma Guuldarraysiga Qaran

Dawli ah'; kaasi oo uu ku macneeyey 'qaran fashilmay'

in lagu tilmaami karo dal ' ku jira xaalado kacsan,

aan xassiloonayn oo dagaallo iyo khilaafyo qota

195

dheeri ka oogan yihiin, khatar ah, oo ay si xoog leh

ugu looltamayaan kooxo dagaallamayaa' iyo in uu

dalkaasi u noqon karo 'hoy iyo gabbaad martigeliya oo

ay ku noolaan karaan kooxo iyo ururro aan ku xidhnayn

amma matilin dawlad dhexe oo qaran - sida

qabqablayaal dagaal iyo ururro argagixiso'.3

In kasta oo si kasta iyo dhinac kasta oo laga eegaba

ay u 'burburtay' dawladdii dhexe ee Somalia, haddana

waxay noqonaysaa arrin khalad ah in loo qaato in

burburkii dawladdaasi uu horseeday in aakhirkii wax

kasta oo kaleba ay iyaguna sidoo kale wada baaba'een

dalka oo dhan. Sababaha warbaahinta iyo warbixinnada

kaleba ay u bixiyaan muuqaalka amma fikradda ah in

dhammaan Somalia oo idili ay tahay meel

'guudarraysatay' oo burburtay, waxa ka mid ah

sababahaasi in si weyn indhaha loogu hayo oo qudha

xaaladda magaalada-madaxda Muqdisho, oo loo muujiyo

in dalka oo dhammi sidaasi wada yahay; magaalada

Muqdishu oo ku-dhawaad maalin kasta lagu laayo dad

rayid ah, ayna ka jiraan xaalado qasan iyo dagaallo

aan la sadaalin karin oo u dhexeeya dagaalyahanno ku

xidhan al-Qaacida,, maleeshiyooyin beeleed, kooxo

budhcad ah, ciidammo daacad u ah 'dawlad dhexe' oo

aan tamar lahayn, iyo ciidammo nabad-ilaalineed oo ka

tirsan Ururka Midowga Afrika. Waxa xaaladahaasi ku

soo biiray budhcad-badeedda, dadka ajanebiga ah ee

afduubka loo qabsado, iyo weerarrada kooxaha

islaamiyiinta ah ee Soomaalidu ay ku qaadayaan

dalalka kale, kuwaasi oo abuuray 'jawigii iyo

xaaladihii aan caadiga ahayn ee ku habboonaa' in

warbaahintu ay danayso oo ay soo jiidato. Somalia

waxa laga helayaa oo ka buuxa agab kasta oo looga

baahan yahay 'warka xun ee dhiillada leh'; sidaasi

awgeedna waxay ilo fiican u tahay warbaahinta, taasi

oo aad u wafaqsan amma ku bannaan cuqdadaha laga qabo

iyo fikradaha laga aaminsan yahay Afrika. Tani waxay

ka muuqataa maqaalad uu qoraaga Ian Birrel uu ku soo

daabacay jariidadda The Observer, oo uu kaga hadlayey

wararka iyo warbixinnada maanta ee Afrika, qayb ka

mid ahina u dhignayd sidatan:

Bal ka fikir Afrika. Dad badan waxay uga dhigan

196

tahay marka la soo qaado magaceega iyo

xaaladaheega oo madaxooga ku soo dhacaya

macaluul, saboolnnimo, cudur , khilaafyo. Waa

afarta astaamood ee rukunka u ah aafada iyo

halaagga weyn ee ku habsadey Afrika. Suxufiyiinta

ku daba jira ee raadinaya waxay wax ka qoraan

amma ka sheekaan waxay eegeegayaan wararka iyo

arrimaha la xidhiidha dhimasho, aafo amma

masiibooyin iyo burbur, iyadoo dhinaca kale

hey'adaha samafalku, si ay u helaan deeqo, ay sii

xoojiyaan fikradaha aan qiilka lahayn iyo

cuqdadaha laga qabo Afrika, iyaga oo soo bandhiga

caruur la il daran nafaqa-darro iyo dadka waaweyn

oo dhimanaya.4

Sababtuna waxa weeye in 'afartan astaamood'; iyo

kuwa kaleba ay ka jiraan Somalia, sidaasi awgeedna ay

u fududahay in suxufiyiintu ay si sahal ah uga gadi

karaan tifaftirayaashooda wararka iyo warbixinnada la

xidhiidha xaaladaha Somalia, iyaga oo u dhigaya amma

ku tilmaamaya 'aafadii iyo halaaggii ugu weynaaa ee

Afrika'. Dadweynaha kala ah dhageystayaasha,

daawadayaasha, iyo akhristayaasha warbaahintu waxay

si gaar ah ugu dhega nugul yihiin wararka iyo

warbixinnada ku saabsan 'aafooyinka iyo darxumada

Afrika', sababta oo ah in kuwaasi ay yihiin waxa la

siiyey mudnaanta kowaad ee la baray inay ka filaan

Afrika. Xaaladda Somalia-yana waa mid si sugan ugu

bannaanaan karaysa oo loogu dabbiqi karo xaaladaha

'dhimashada, burburka iyo halaagga' ee qalabka

warbaahintu uu guud ahaan ka qoro amma ka faafiyo, in

kasta oo ay ku danbayso in sawirka ay ka bixinayaan

dalkaasi uu noqdo mid xaddidan oo aan dhammays ahayn,

iyo xaqiiqada ka jirta gudaha oo dhalan rogan.

Waxan qirayaa in marka aan qorayo wararka iyo

warbixinnada ku saabsan dagaallada Muqdidishu, waxaan

is arkaa aniga oo si aan u kas ahayn ay ii

jiidanayaan oo ay ii hoggaaminayaan waxyaabihii iyo

weedhihii caanka ahaa ee hore loogu bartay halkaasi

oo farahaygu boobayaan marka aan wax qoraacayo ee aan

qorayo. Waxan mar walba is arkaa aniga oo ku

bilaabaya weedhaaha ay ka mid yihiin, ' Shaqaalaha

caafimaadka ee jooga magaalo-madaxda Somalia ee

197

Muqdishu waxay sheegayaan in ugu yaraan tiro ilaa X

gaadhaysa ay ilaa hadda ku dhinteen dagaallada u

dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta ah iyo dhinaca kale

ciidammada dawladda ku-meel-gaadhka ah oo ay

taageerayaan ciidamada nabad-ilaalinta ee Midowga

Afrika.' Waxan meesha u soo geliyey oo aan u

adeegsanayaa ereygan ' ugu yaraan' ka hor inta aanan

sheegin tirada dadka ilaa hadda lagu diley halkaas,

sababta oo ah in tiradaasi dhimashado ay sii kordhi

karto isla maalintaasi dagaalladu ay socdaan

dhexdeeda.

Iyada oo tafaasiisha iyo sifaha laga bixiyo Somalia

ay inta badan ku kooban yihiin oo laga hadlo uun

dhinacyo xaddidan oo ku kooban waxyaabaha laga

aaminsan yahay iyo cuqdadaha laga qabo, ayaa waxa

jira in dad badani aanay weli fursad u helin inay si

dhab ah u fahmaan dalkasi, una arkaan in uu yahay wax

amma si ka duwan qaran 'fashilmay' amma 'aan wax

qabsan karayn oo aan lahayn xaddaarad iyo horumar',

isla markaasina khatar weyn oo sii kordhaysa ku ah

lafahiisa iyo caalamka kale. Hal-hayskani 'qaran

fashilmay' waxa waxa uu noqday mid faa'iido u yeeshaa

oo ay si ku-danaysi ah u isticmaalaan dhinacyada

qaar, kuwaasi oo ay ku jirto dawladda Maraykanku,

waxayna u adeegsatay inay ku bannaysato oo ay qiil

uga dhigto siyaasadaheega ku waajahan Somalia. In loo

sawiro oo loo soo bandhigo xaaladaha Somalia

siyaabahaasi xaddidan ee ku kooban uun dhinacyada

qaar, kama qarinayso oo keliya inay dadku arkaan amma

ogaadaan sawirka iyo xaqiiqada runta ah ee ka jirta

gudaha; laakiin waxa kale oo ay horseedday siyaasado

jahawareersan oo aan sugnayn oo dhibaatada ka

dhalatay aanay saamayn Somalia gudaheeda oo qudha,

laakiin ay mararka qaar saamaysay iyana quwadaha

debadda ee isku deyayey inay fuliyaan siyaasadahaasi.

Somalia ma buuxinayso midna qaababka la yaqaan

haatan ee u dhigmi karaa 'qaran dawli ah', hasse

ahaatee taas macnaheedu ma ahaa inay tahay dhammaan

meel si buuxda u wada baaba'day oo kala burburtay.

Xattaa magaalada muqdishu oo dagaallo is dabajoog ahi

ay waxyeelleeyeen labaatankii sano ee la soo dhaafay,

haddan waxa ka jira dhinacyada qaar waxyaabo badan oo

198

weli 'shaqaynaya', oo si ahaan u nidaamsan. Tusaale

ahaan waxa jira adeegyada baabuurta gurmadka degdegga

ah iyo shaqaalahoodii oo maalin kasta khatar ku

gelinaya naftooda inay ku wareegaan oo ay kaga dhex

shaqeeyaan baabuurtaasi magaalada, si ay u raadiyaan,

una soo daadgureeyaan meydadka dadka ku dhinta

dagaallada iyo kuwa ku dhaawacma.

Mar aan tegey garoonka diyaaradaha ee magaalada

Muqdishu bishii January ee 2011, waxay ahayd goob

habaysan oo ranji cusub oo dhalaalayaa ka muuqdo. Rag

buurbuuran oo caddaan ah, oo sitta lebbis shaqaale

iyo shaadhadh gacmo-gaab ah oo ku dhejisan, una

shaqeenayey shirkad magaceega la yidhaa SKA, ayaa si

firfircoon oo milaterinnimo halkaas uga wadey

hawlihii shirkaddaasi. Diyaaraddii aan ka soo raacay

magalada Nairobi ee ku socotey Muqdishu-, waxa kale

oo la socdey dad ganacsato ah oo Soomaali ah iyo

goysas fara badan oo ka soo noqonayey fasaxyadoodii.

Waxan fadhiistay meel ku xigtey kursi ay fadhiday qof

dumar ah oo aad u bilicsan, oo deggan dalka Canada,

laakiin halkan u timid si ay u soo eegto fursadaha

ganacsi ee ka jira magaalada Muqdishu. 'Lacag aad u

fara badan ayaa halkan laga samayn karaa,' ayay igu

tidhi. Waxayna intaas raacisay, ' Waxan ku talo jiraa

in aan qandaraasyo waaweyn oo lacag badani ku jirto

la galo ciidamada nabad-ilaalinta ee Ururka Midowga

Afrika oo aan u keeno waxyaabaha ay u baahan yihiin.'

Dawlado yaryar (Mini-states)

Qayb ka mid ah Somalia oo aan hubaal ahaan lagu

dabbiqi karin ereyada ' qaran fashilmay', waxa weeye

jamhuuriyadda la magacbaxday Somaliland, dalkaasi oo

dib-u-dhis ka samaynaya burburkii dagaallada iyo

dhismaha nidaam dawladnnimo oo shaqaynaya. In kasta

oo aanay haysan aqoonsi caalami ah, haddana

Somaliland waxay leedahay dhaqaale kobcaya iyo nidaam

siyasadeed oo diimooqoraaddi ah oo u shaqaynaya si ka

fiican dalal badan oo kale oo ka tirsan qaaraddaasi.

Sida aan kaga hadli doono hadhow cutubkan dhexdiisa,

waayo-aragnnimada iyo xaaladaha Somaliland waa qaar

aad uga duwan in lagu tilmaamo dal 'faashil ah’ amma

199

guuldarraystay, ilaa iyo intii ay ku dhawaaqday

madaxbannaanideeda sannadkii 1991-kii.

Somaliland waa tan ugu mudan ee loo soo qaadan karo

tusaale xagga horumarka iyo deganaanshaha, laakiin

waxa jira qaybo kale oo ka tirsan dhulka Soomaalida

oo sidoo kale muujiyey inay yihiin qaybo siyaasadeed

oo shaqayn kara, horumarna samayn kara, kuwaasi oo

ilaa iyo heerar kala geddisan ku guulesyey wax-

qabadkaasi. Waxa jira maamul-goboleedka Puntland oo

xuduud la leh Somaliland, oo ilaa iyo 1998-kii lahaa

madaxweynahooga, dawlad iyo maamul-goboleed. May

raacin iyagu tubta Somaliland oo iyadu ku dhawaaqday

madaxbannaani, waxayse u shaqaysaa siddii 'dawlad-

yar' oo kale oo ka tirsan Somalia. Puntland waxay la

kulantay dhibaatooyin dhawr ah, waxay ku lug leedahay

khilaaf dheer oo muddo soo socdey oo xagga xuduudda

ah, mararka qaarna isku bedelayey gacan-ka-hadal, oo

u dhexeya iyada iyo Somaliland. Waxa kale oo soo

martay xisado dhawr ah oo waaweyn oo siyaasadeed, oo

dagaallo ay ku jireen. Muddo sanado ahna, waxay u

ahayd saldhig weyn oo ay ka ololaystaan budhcad-

badeeddu. Laakiin xaaladaha ka jira dhulkaasi

ballaadhan, lagama mid dhigi karo xaaladaha sida weyn

u qasan iyo dagaallada ka taagan koonfurta shishe ee

Somalia.

Ku-dhawaaqidda maamul-goboleedyo hoose oo si ahaan u

madaxbannaan oo ah 'dawlado-yaryar', waxay noqotay

qaabab la xiiseeyo oo la daneeyo xilligan ilaa

sanadihii u danbeeyey ee la soo dhaafay, gaar ahaanna

ay wadeen siyaasiyinta Soomaalida ee ka tirsan qurba-

joogto. Sannaddii 2011-kii, qaar ka tirsan

'dawladahaasi yaryar' ayaa u shaqaynayey sidii qaybo

ilaa heer goonidooda u kobci kara oo shaqayn kara,

waxana ka mid ah gobollada dhexe ee Somalia ee Ximin

iyo Xeeb, kuwaasi oo lahaa 'madaxweyne' ka yimid

qurba-joogta Soomaalida ee deggan Maraykanka. Waxa

kale oo ka mid ah Galmudug oo isna 'madaxweynaheedu'

uu yahay Soomaali Ingiriis ah. Hasse ahaatee maamul-

goboleedyadaasi waxay ahaayeem kuwa aad u jilicsan,

halisna ugu jira weerarro kaga yimaadda al-Shabaab

iyo kooxaha kale ee hubaysan.

200

Dadweynaha ku nool gobolladaasi waxa ka muuqatey

inay u arkayeen maamuladaasi gudaha kuwa

sharcinnimadooda iyo aqabalaaddoodu ay ka badan

tahay, kana mudan tahay tan dawladda dhexe ee Muqdihu

fadhida, shaqadoodu iyo wax-qabadkooduna ka wax-ku-

oolsan yahay. Tusaale ahaan bishii november ee 2010

markii la soo daayey lammaanihii Ingiriska ahaa ee

Paul iyo Rachel Chandler, ee ay soo daayeen kooxdii

budhcad-badeedda ahayd ka dib markii ay haysteen

muddo sannad ka badan, 'maamulkii' markaasi loo

dhiibey qoyskaasi waxa uu ahaa 'madaxweynihii'

gobolka Cadaado, Mohamed Adan. Waxa uu ahaa mudane

Mohamed Adan qofkii markii ugu horrayseyba telifoon

iigu sheegay siideynta qoyskaasi reer Chandler, iyo

meesha, goorta, iyo habka loo sii deyn doono. Mar

danbe ayuu haddana i soo wacay oo uu ila socodsiiyey

in lammaanahaasi la soo geliyey gactiisa iyaga oo bed

qabaa oo fayow, lana siiyey adeeg uu ku tilmaamay

'biyo ay ku qubeystaan oo ay ku nafisaan' iyo 'qureec

aad u fiican oo dhandhamaysa'. Qoyskaasi reer

Chandler, waxa markii danbe loo duuliyey xagga

magaalada Muqdishu, si looga qaado sawirro ay kula

jiraan xubno ka tirsan dawladda ku-meel-gaadhka ah.

Tani uma muuqan ujeedadeedu inay tahay wax wax sidaas

ah ka badan is-tus loogu talo galay warbaahinta, si

loogu muujiyo adduunka indhaha ku hayey arrintani in

dawladda dhexe ay masuul ka ahayd oo ay ka shaqaysay

hawlgalladii siideyntan.

Qaar ka tirsan 'dawladahan yaryar' ee Somalia, waa

in aan loo qaadan si dhab ah oo tixgelin culus mudan,

sababta oo ah iyaga oo aan wax sidaas ah ka badnayn

amma u jira magac ahaan uun. Run ahaantiina waa wax

asal ahaan dhalanteed ah, kana mid ah dhulalka riyada

ah ee ay ku hammiyayaan siyaasiyiinta debadda ku nool

ee u hamuumaya awod xukun oo ay helaan, laakiin

awoddoodu aad u yar tahay. Abuurista mid ka mid ah

dhulalka noocaas ah waxa lagu dhawaaqay bishii march

ee 2011-kii, waxana ku dhawaaqay wasiirkii hore ee

gaashaandhigga, Mohamed Abdi oo loo yaqaanno

'professor Gandhi'. Waxa uu ku dhawaaqay gobolkaasi

cusub oo loo bixiyey 'Azania', oo ka kooban dhul aad

u ballaadhan oo ku fidsan koonfurta Somalia, laga soo

bilaabo magaalada istaraatijigga ah ee dekedda

201

koonfureed ee Kismayo ilaa iyo xadka Kenya. Xaqiiqada

ah in 'professor Gandhi' uu kaga dhawaaqay arrintani

Kenya dhexdeeda, iyada oo in badan oo ka tirsan

gobolladaasi 'Azania', oo ay ku jirto magaalo-madaxda

Kismayo, ay gacanta ku hayeen ururka Al-shabaab,

tallaabadani waxay ka dhignayd mid aan wax macno ah

iyo qiimo muuqda sideedaba aan ku fadhiyin.

In kasta oo burburkii dawladdii dhexe uu ahaa

sababta horseedday soo ifbixitaanka al-Shabaab iyo

ururrada kale ee Islaamiyiinta ah iyo inay noqdaan

ururro awod leh oo maamul kale samaysan kara, haddana

qaybaha ay ka taliyaan laguma tilmaami karo qaar

qasan oo aanu maamul iyo nidaam sharci ka jirin.

Qaybaha badan ee ka tirsan koonfurta iyo badhtamaha

Somalia ee ay ka taliyaan miliishiyooyinka

Islaamiyiinta ah, waxay ku shaqeeyaan oo ka jira

xukunno adag; oo ah qaab ka mid ah 'qaababaka aadka u

qallafsan ee u adag', oo lagu soo rogey qaybahaasi.

Hab-dhaqankii nolosha caadiga ah ayaa si aad u

qallafsan loo xaddidey, waxa luntay oo meesha ka

baxay xorriyaad badan. laakiin haddana meelaha ay

sida buuxda u maamulaan al-Shabaab ayaa ka nabadgelyo

iyo badbaado fiican qaybo badan oo kale oo ka tirsan

dalka. Dad dhawr ah oo asaxaab iyo jaallayaal ah oo

ka shaqeeya meelaha ay ka jiraan dagaallada iyo

deganaansho la'aanta Somalia, gaar ahaanna Muqdishu,

waxay u direen qoysaskoodii degaannada ay al-Shabaab

ka taliyaan si ay ugu noolaadaan halkaasi, sababta oo

ah in degaannadaasi ay ka badbaado badan yihiin

meelaha kale, haddii dadkaasi ay dhawraan qawaaniinta

lagu maamulo.

Waayo-aragnnimada Somalia, laga soo bilaabo

dhicitaankii Siyaad Barre, waxay tusaalooyin fiican u

noqonaysaa sida mujtamaca uu u shaqayn karo ee uu u

noolaan karo iyada oo aanay jirin dawlad dhexe oo

shaqaynaysa oo wax ku filani. Waxa kale oo ay

muujinaysaa awodda ay Soomaalidu u yeelan karto inay

yeeshaan hal-abuur amma inay ikhtiraaca farsamooyin

iyo habab kale oo ay ku noolaan karaan, iyo sida ay

ugu adkaysan karaan, ugana soo waaqsan karaan

dhibaatooyinka. Somaliland waa tusaalaha ugu weyn ee

202

ugu mudan bislaanshaha iyo degganaanshaha ilaa

heerkaas marka loo eego qaababka cusub ee siyaasadeed

ee samaysmay, waxana soo raacda Puntland. Dhulalka ay

ka taliso al-Shabaab waxa ka jira qaabab kale oo

Islaami ah. Waxa iyaguna jira qaabab kale oo hoose oo

gudaha ah oo noqon karaa tusaalooyin kale, in kasta

oo inta badan ay yihiin qaar aan degganayn oo aan wax

badan sii jirin, kuna kooban qaybo yaryar oo

xaddidan. Waxa ka mid ah degaannada ay ka soo

jeedaan, kana taliyaan qabqablayaasha dagaalka,

hoggaamiyayaasha beelaha, isbahaysiyada amma

danwadaagta ganacsatada, iyo kooxaha diintu. Sida

aynnu ku eegi doonno cutubka soo socda, ururro bulsho

oo yaryar, iyo suuqyare dhaqaale ayaa ka samaysmay

xatta degaannada ay ka jiraan budhcad-badeeddu

Dhaqaalaha (The Economy)

Dhinacyada sida weyn ee layaabka iyo xiisaha leh

loogu guulaystey xilliyadii 'guuldarrada iyo

fashilka' qarannimadii amma dawladnnimadii Somalia,

waxa ka mid ah dhinacydaasi xagga dhaqaalaha, oo

muujiyey soo-kaabasho weyn oo qeyra-caadi ah,

dhaqaalahaasi oo isku qaabeeyey, mararka qaarna ka

faa'iideystey maqnaansha amma jiritaan la'anta dawlad

dhexe oo xoog leh.

Qoraaga Peter Little, waxa uu qoray 2003-dii buug

xiiso leh oo la yidhaa, Somalia: Dhaqaale aan lahayn

dawlad ka danbaysa, buuggaasi oo uu kaga hadlayo sida

waaxyaha dhaqaale ee qaar, gaar ahaanna xoolaha nool,

ay u kobceen, una tanaadeen, iyada oo aanay jirin

dawlad dhexe. Waxa uu soo bandhigayaa sawir ku

saabsan dalkaasi, laakiin aad uga duwan kan inta

badan lagu soo badhigo warbaahinta iyo warbixinnada

kale. Waxyaabha uu ku qoray buuggaasina waxa ka mid

ah:

Laga soo bilaabo burburkii dawladda dhexe iyo wax

kasta oo ahaa hadhaageegii, waxa aad u adkayd in

la isqabadsiiyo oo la isbarbar dhigo qaska,

macaluusha, nidaamdarrada iyo iska-horimaadyada

mar kasta ku soo baxayey ee laga daawanayey

203

warbaahinta reer Galbeedka, iyo dhinaca kale

warbixinnadaydii ku ladhnaa ee ku saabsan nolosha

ijtimaaciga ah iyo tan dhaqaale ee Soomaalida.

Waa wax u muuqda inay tahay arrin aan isqabanayn

oo aan la isku xidhi karayn ... Iyadoo ku xidhan

qof walba aragtidiisa iyo dhinaca uu wax ka

eegayo, Somalia waxay yeelan kartaa laba weji oo

kala ah yididiilo fiican oo dhaqaale - hab

dhaqaale oo hantigoosi amma maalqabeennimo oo si

xor ah u shaqaynaya, iskiina u socda, oo aan ku

tiirsanayn jiritaan dawladeed, iyo dhinaca kale

walaac iyo rajo-la'aan siyaasadeed. Caalami ahaan

sida loo arko Somalia iyo muuqaalka guud ee

yeelanaysa waa tusaalaha dalalka ' aan weligii

iyo weligii ' noqon qaran dawli ah oo taabbagal

ah, diblomaasiyad faashil noqotay, iyo inay u

taagan tahay dawlad-la'aan tan ugu muddo dheer ee

ilaa hadda la arkay inay soo martay qaran,

taariikhdan casriga ah ee adduunka.5

Daraasooyin kale oo laga dheegtey baadhitaan

tirokoobyo oo ay sameeyeen heydaha Jamciyadda

Qaruumaha ka Dhaxaysa, Bangiga Adduunka, iyo

hey'adaha kale ee caalamiga ah, waxa kale oo

daraasooyinkaasi ay muujinayaan sida run ahaantii uu

u koray dhaqaalaha Soomaalidu, taasi oo ka geddisan

wixii laga filayey, sannadihii badnaa ee aanay jirin

dawad dhexe oo wax ku filani. Warbixin uu soo saaray

machad ku yaal dalka Maraykanka oo la yidha 'Machadka

Madaxa Bannaan' 'the Independent Institute' sannaddii

2006-dii, oo uu cunwaan uga dhigay 'Somalia Burburkii

Dawladda ka Bacdi: Qas mise Horumar?', waxa uu

faahfaahin kaga bixinya xaaladda koboca dhaqaale ee

haatan:

Iyada oo ah arrin aad uga fog xaalad qalalaase

iyo burbur dhaqaale, waxa nooga soo baxay

daraasooyinkan, oo aan aragnay in Somalia guud

ahaan ay aad uga fiican tahay heerkii ay maraysey

marka loo eego xattaa markii ay lahayd dawlad.

Shaqaynta uu shaqaynayo nidaam iyo hab dhaqaale

oo asaasi ahi, waxa suurtogal ka dhigaya

jirintaanka xeerar ku dhisan habab dhaqan oo

dadka u dhexeeya, oo lagu xalliyo khilafaadka,

204

iyo nidaam lacageed oo dhaqaale oo aan ku

xidhnayn dawlad. Marka sidaas loo eego ee

asaaskaasi laga duulo, waxan arkaynnaa in

ganacsiga madaniga ah ee magaalooyinka iyo

dhaqdhaqaaqa baayacmushtariga, inay suurtogal

tahay inay socdaan oo ay shaqeeyaan amma kobcaan.

Waxa kale oo ballaadhay amma horumaray waaxyihii

dhaqaalaha miyiga ... Ganacsigii madaniga ahaa ee

magaalooyinka, Sharikadihii caalamiga ahaa, iyo

dhaqaalihii miyiga ee reer-guuraaga daaqsatada ah

iyo beeraleyda, waxay noqdeen qaar dhammaan

shaqeeya oo ka dhex socda Somalia oo aan dawlad

lahayn, taasi oo keentay in lagu guulaysto in la

helo heer nololeed oo dalka ka jira, oo la mid ah

amma ka sarreeya kan ummadaha dalal kale oo badan

oo Afrikaan ah.6

Sida lagu sheegay isla warbixintaasi, Machadkaasi la

yidhaa Machadka Madaxa Bannaan, waxa uu ka

baaraandegey kana qiyaas qaatay ilaa saddex iyo toban

hal-beegayaal oo qodob. Waxana ka mid ah heerka amma

tirada dhimashada, qiyaasta la fili karo in cimriga

qofku uu gaadhi karo waqtiyadani. Waxan u soo baxday

in in kasta oo heerka nolosha caadiga ee Somalia uu

noqon karo mid hooseeya marka la barbar dhigo kuwa

reer Galbeedka, in haddana ay nolosho guud ahaan

fiican tahay marka loo eego dalalka kale ee Afrika.7

Somalia waxay ka gashay oo ay ka mid ahayd 50%-ka ugu

sarreeya dalalka Afrika qiyaastii lix qodob oo ka mid

ahaa saddex iyo tobanka qodob ee hal-beegayaasha ahaa

ee laga tilmaan qaadanayey. Waxayna kuwa ugu hoosseya

ka mid ahayd saddex qodob oo keliya oo ay ku jiraan -

heerka dhimashada dhallaanka, helitaanka biyo nadif

ah oo faya qaba, iyo tallaalka. Dhinacyada qaar ee

hal-beegayaashaasi oo ay ka mid yihiin isgaadhsiinta

ayaa sameeyey horumar weyn, laga soo bilaabo

dhicitaankii dawladda dhexe, iyada oo Somalia ka soo

gudubtay kaalintii 29-aad ee ay ku jirtey, una

gudubtay kaalinta 28-aad marka loo eego liiska

heerarka dalalka Afrika.

Baadhitaan uu Jaamicadda West Virginia uu sameeyey

Peter leeson sannadkii 2006 oo warbixin uu ka soo

saaray u cunwaan uga dhigay, 'Dawlad-la'aan ka

205

Roonaatay Dawladnnimadii: Somalia ka hor iyo ka dib

burburkii dawladnnimada', waxa uu ku eegayaa sida

xaaladaha horumarku ay isku bedeleen marka loo eego

ilaa siddeed iyo toban qodob oo lagaga qiyaas qaato

heerarka horumarka, laga soo bilaabo burburkii dawlad

dhexe oo shaqaysa.8 Marka loo eego macluumaad la soo

ururiyo sannadihii 1985 – 1990, ee haddana la barbar

dhigo macluumad kale oo la soo ururiyey sannadihii

danbe ee 2000 - 2005, Peter Leeson waxa u soo baxday

in Somalia horoumarkeedu uu ka fiicanaa xilliyadan

dawlad-la'aanta, waqtiyadii ay dawlad lahaan jirtey.

Marka la eego inta ay ka keentay Somalia saddex iyo

toban qodob oo ka mid ah siddeed iyo tobankii hal-

beege ee laga qiyaas qaadanayey, si muuqata ayay

horumar uga samaysay saddex iyo tobanka qodob intii

ka danbaysey burburkii dawladnnimo; waxayse hoos ugu

dhacday laba dhinac oo qudha oo kala ah: waxbarashada

dadka waaweyn ee heerka wax-qorista iyo wax-akhrinta,

iyo heerka tirada caruurta gasha ee la qoro

dugsiyada.

Waxa loo baahan yahay in laga taxaddiro oo fiiro

gaar ah loo yeesho daraasooyinka ku salaysan

macluumaadka iyo tirokoobyada laga soo ururiyo

Somalia. Waayo, waxa dhammaan adkayd oo dhibaato

ahayd sida loogu kalsoonaan karo ee la iskugu hallayn

karo sugnaanshaha macluumaadka laga soo ururiyo

dalkaasi, laga soo bilaabo sannadihii 1980-kii, taasi

oo sabab ay u tahay xaaladihii khatarta ahaa ee ka

jirey dalka gudhiisa, iyo weliba xaqiiqada jirta ee

ah in wasaarado iyo waaxyo badan oo dawladdu ay

lahayd ay burbureen, wax alla wixii xog iyo diiwaanno

amma dhakumantiyo qoraal ah ee yaalleyna ay la

baaba'een.

Daraasooyinkan laga sameeyey waxay ka bixinayaan

Somalia sawirro cuntama oo wanaagsan, laakiin haddana

waa in aan lagu dagmin oo aanay maldahin xaqiiqada ah

in boqolaal kun oo Soomaali ah jiritaankoodii noloshu

qarka u saaran yahay inay le'daan. Dadka rayidka ah

ee lagaga tegey Muqdishu, badankoodu waa intii bixi

kari weydey ee meelna u dhaqaaqi kari waayey. Sida

laga soo xigtey warbixinnada Qaramada Midoobey,

tirada dad ka badan 400,000 oo qof oo ku noolaa

206

degaanno iyo guryo ku meelgaadh ah, agagaarka jidka

isku xidha Muqdishu iyo magaalada Afgooye, ayaa

warbixintu waxa ay ku tilmaantay in sannadkii 2010-

kii uu degaankaasi noqday kan ugu weyn ee ay ku

jiraan barakacayaasha gudaha ee ugu badan adduunka.

Degaankaasi oo loo yaqaanno 'Jidka Afgooye', waxa uu

noqday kan saddexaad ee ugu weyn degaannada cammiran

ee Somalia, marka laga reebo Muqdishu iyo Hargeysa.

Sawirrada qalabka sattelite-ku waxay muujinayaan sida

degaankaasi oo ahaa mid si caadi ah oo teelteel loo

degganaa 2007-dii, sida haatan uu u noqday magaalo

weyn iyo xarun ay samaysteen oo ay cammireen

dadweynihii barakacayaasha ahaa,, muddo saddex sano

ah oo qudha ka bacdi.9 Qaramada Midoobay waxay ku

qiyaastaa in dadweynaha Somalia oo ku dhawdhaw guud

ahaan ilaa 10 malyuun, in in ka badan 20% tiradaasi

ay amma gudaha ku barakacsan yihiin, amma ay noqdeen

qaxooti debadda ku nool. Iyadoo baayacmushtarka iyo

ganacsatadu ay ka sameeyeen macaash aad u fara badan

kana faa'iideysteen burburkii dawladda, ayaa haddana

malaayiin qof oo kale ay yihiin kuwa qaba baahi weyn

oo aan waxba haysan.

Bishii January ee 2011, waxan la kulmay haweenay

magaceegu ahaa Ubax oo waqtiyadaasi ka soo carartay

Muqdishu, una soo carartay Nairobi. Waxay taagnayd

waddo qarkeed, waddadaasi oo ahyd mid googo'an oo

boholo badani ku yaallaan, baabuur guux badanna ay

marayaan oo ay dhaafayeen. Waxa horyaalley miis

jilicsan oo si xun lugihiisu u qotomaan oo ku dhaw

inuu kala dhaco. Miiskaas waxa si nidaamsan u dul

wadhnaa dhar waxoogaa ah oo duug ah oo ah dharka

caruurta. Haweeneydu waxay xidhnayd xijaab madow oo

dhammaan jidhkeeda qariyey, oo ay ku jiraan xatta

gacmaha iyo lugaha oo sharabaaddo u gashan yihiin.

Waxa qudha ee aan arki karaayey waxay ahaayeen

indhaheeda bigbigta hayey.Waxay igu tidhi:

Muqdisho waxan uga imid oo aan uga soo cararay

xabbadihii, madaafiixdii iyo duqayntii ka socotey.

Waxan uga imid dagaalka aan kala go'a lahayn ee

maalinba maalinta ka danbaysa sii soconaya ee aan

istaageyn. Waxan uga soo carararay aniga oo aan helin

wax alla wax lacag ah oo aan caruurtaydii ku masruufo

207

amma ku quudiyo. Ninkaygii waxa lagu diley

dagaalladaasi, mana jirin qof kale oo aan ku

tiirsanaadaa.

Waxan ka soo tegey caruurtaydii oo aan kaga imid

Muqdishu, waayo ma hayn wax aan ku soo kexeeyo oo aan

halkan ku keeno. Waxa i diley warwarkoodii. Laakiin

maxaaban u tari karayey ee aan u qaban kari lahaa

markii aan halkaasi joogey? Noloshooda kama adkayn oo

uma helayn waxa ay cunaan, sababta oo aha

dagaalladaas dhan. Waxan bixiyey laba boqol oo

doollar si aan halkan u imaaddo. Baabuur ayaan

Muqdisho ka soo raacay ilaa xadka Kenya, haddana mid

kale ayaa u soo raacay Nairobi. Waxan ilaahay ka

baryayaa oo aan rajaynayaa in aan halkan ka helo

waxoogaa lacag ah si aan caruurtaydii yaryarayd wax

ugu diri karo.

Maqnaanshaha ay meesha ka maqan tahay dawlad dhexe

oo wax ku filan oo shaqaynaysaa, waxay keentay madax

bannaani dhinacyada qaar ee dhaqaalaha iyo fursadaha

oo laga faa'iideysto, laakiin hadda sida qof kasta oo

Soomaali ahba uu ku sugan yahay ee xaaladaha dalku u

saameeyeen, ayaa ganacsatadana waxa sidoo kale

xakameeyey dagaallada iyo nabadgelyo la'aanta. Weli

waxay ku khasban yihiin inay bixiyaan cashuuro iyo

lacaga dulsaar ah oo ay siiyaan hoggaamiyayaasha

kooxaha, maamullada gudaha, kooxaha Islaamiyiinta ah,

miliishiyooyinka dekadaha iyo garoommada, iyo kooxaha

hubaysan ee jidadka iyo isbaarooyinka. Laakiin, sida

Peter little uu ku sheegay qoraalkiisii 'Somalia;

Dhaqaale aan Dawlad lahayn', 'heerarka cashuuraha iyo

xaddidaadda ganacsigu si weyn ayay uga hooseeyaan

heerarkii ay ahaayeen wixii ka horreeyey 1991-kii.'10

Mujtamaca Soomaalidu waa mid sida muuqata kaga

habboon mujtamacyada kale intooda badan inay la

qabsadaan oo ay qabatimaan xaaladaha la'aanta iyo

maqnaanshaha dawlad amma maamul dhexe. Waxa suurtogal

ah in dalal badan oo kale oo adduunka ka tirsani ay

la kulmi lahaayeen dhibaatooyin iyo burbur ka qota

dheer, kana baaxad ballaadhan kan Soomaalida, haddii

ay sidooda oo kale ku jiri lahaayeen sannado badan oo

dawlad la'aan ah. Ku-sugnaanshaha mar walba halis iyo

208

dagaallo soo fool yeelan kara, iyo dhaqdhaqaaq iyo

guurguur joogto ah, waxay wax badan ka mid ahaayeen

dhaqanka iyo nolosha asaasiga ah ee reer-

guuraannimada ee Soomaalida. Dhaqanka bixinta magta

dhiigga ee loo yaqaan Diyada waa qaab caymis ah. Isna

xeerka Soomaalidu waxa uu yahay nidaam sharci oo kale

oo dadweynaha u dhexeeya.Iibsiga badeecadaha iyo

isdhaafsiga lacagayowgu waa qaar iyaguna ku dhisan

is-aamminaad, macaamil iyo xidhiidh-beeleedyo amma

jilibbo. Maqaalad ay Anna Lindley ku soo saartay

majalladda Africa Affairs bishii August ee 2009 oo ay

ku eegaysey waxa u dhexeeya “Lacgayowga aan Xalaasha

ahayn ee Musuqmaasuqa” iyo “Hantida Horumarineed”,

ayaa waxa ay ku qortay:

Dhinac ka mid ah dhinacyada cuntama ee‘dawlad-

la’aanta’, waxa weeye Somalia oo ka faa’iideysatey

maqnaanshaha sharciyadii wax xaddidayey iyo

nidaamkii maamulka ee sida weyn u xakameynayey

hawlaha ganacsiga iyo baayacmushtarka, sharciyadaasi

oo si aad ah uga jira qaybaha kale ee Afrika,

kuwaasi cunaqabateeya amma cabudhiya dhaqdhaqaaqii

iyo danayntii ganacsiga iyo wax-rogrogista, iyo

koboca dhaqaalaha … Dad badan oo ka faallooda

arrimaha dhaqaalaha ayaa xusay in dagaalladii

sokeeye ee Soomaalida natiijooyinkii ka dhashay ay

si lama-filaan ah ugu ekaadeen amma u muuqdeen inay

keeneen isbedel weyn oo ah qaab barnaamij dib-u-

habayneed: Waxay si buuxda u xoreeyeeyeen

dhaqaalihii oo waxay meesha ka saareen kontoroolkii

iyo sharciyadii dawliga ahaa – waxa

madaxbannaanaaday baayac-mushtarkii debadeed,

heerarkii sarrifka lacagaha, waxayna meesha ka

saareen dhaqaalihii kaabista ee dawladdu ku

kaabaysey waaxyaha qaar, waxay baabiiyeen waaxyihii

dhaqaalahii dawliga ahaa ee guud. Waxa abuumary

sharikado gaar loo leeyahay oo waaweyn oo galay

halkii waaxyaha amma kambaniyadii dawliga ahaa.11

Dhaqankooda reer-guraannimada ee Soomaalida ayaa u

horseeday marka horeba inay samaeeyaan ganacsi ku

bannaan qarnigan kow-iyo-labaatanaad. Waa dad had iyo

jeer socda, safra oo ku xidhan caalamka. Waa dad u

bartay inay guurguuraan oo ay qaataan hantidooda, la

209

xidhiidhaan dad ku kala sugan meelo kala geddisan

adduunka, una kala gudbiyaan lacagyowga iyo

badeecadaha meelo kala geddisan, iyaga oo aan

dhawrayn xuduudaha waddammada. In badani waxay

leeyihiin ku-dhac iyo dhiiranaan gaar ah oo sida ay

rabaan wax ugu takri fali kara iyaga oo aan

habrab,haddii ereygan si cuntanta loo eego oo dhinaca

fiican laga fiiriyo. Waxay ku dhiirradaan inay ku

kacaan amma ku weydiiyaan waxyaabo dadka kale inta

badan ay ka waabtaan. Waxan la fadhiistay nin

ganacsade ah oo Soomaali ah hudheel ku yaalla

magaalada London, isaga oo sameynayey xidhiidho iyo

macaamil badan oo ganacsi oo adeegsanaya

telifoonnadiisa mobiilka oo dhawrka kala

geddisan,kana diraya kombuyuutarkiisa iPad emaillo

badan oo aan kala go’ lahayn, cunayana sixni weyn oo

baasto ah, nooca bolognaise. Waxa uu iga codsaday in

aan u qoro email qof ka mid ah macmiishiisa, kana

diro moobilkiisa BlackBerry, waxanu wacay qofkii

hudheelka ka shaqaynayey ee samaynayey adeegga

cunnada, isaga oo baadhbaadhaya oo soo saaraya

waraaqo aad u fara badan. Waxanu ku amray shaaqigii,

isaga oo si amar-ku-taaglayn iyo dhiirranaan ah u

dhoolla-caddaynaya:’Waraaqahani iigu dir Fax, una dir

lamabarkani.’ Shaaqigiina isla markiiba madaxa ayuu

ruxay, waxanu si dhakhso ah ugu dhaqaaqay inuu fuliyo

hawshaasi. Ninkan ganacsadaha ahi kuma xisaabtamo

meesha uu joogo marka uu wax samaynayo amma qabanayo

hawlihiisa. Waxa uu ka dhex shaqeeyaa oo uu

hawlihiisa ka kala socodsiiya magaalooyinka Muqdishu,

Dubai, London iyo Nairobi. Waxa uu la mid yahay sidii

uu joogo gurigiisii oo kale, marka uu hoos fadhiyo

geed ku yaal Soomaaliya hadhkiisa ee uu ku hoos

cunayo qaad, lana qayilayo geel-jiraha ilma-

adeerradiis ah, sidii wuxu fadhiyo oo kale qolkii

amma xafiiskii shirarka ee London. Waa reer-guuraa

casri ah oo koontadiisa lacageed ee baankuna ay aad u

ladan tahay.

Sabab kale oo ugu wacan Soomaali badan oo baayac-

mushtar ah in dhaqaalahoodu guuleysto oo ay ilaa heer

najaxaan marka loo eego heerarka kuwa kale, waxa ka

mid ah iyaga oo u badheedha khatarta ganacsiga.

Ganacsade Soomaali ah oo fadhigiisu yahay magaalada

210

Nairobi, lana yidhaa Sheikh Shakuul, ayaan weydiiyey

in uu ii sheego sirta ka danbaysa amma sababta keenta

guusha Soomaalida ee xagga ganacsiga. Waxanu iigu

jawaabay:

Waxan u malaynayaa in aad u baahantahay in aad

ahaato qof Soomaali ah, si aad u fahamto

arrintani! Waxyaabaha Soomaalida u gaarka ah waxa

ka mid ah is-aaminaadda. Dadku way kuu imanayaan,

waxay kuu dhiibanayaan lacagtooda iyada oo aan la

kala qaadan wax qoraallo ah iyo wax saxiix ah

midna, waxayna ku odhnayaan, ‘waa tan lacagtaydii

ee waxan kaa rabaa in aad gacan I siiso’, waxana

kuu imanaya shan ilaa lix qof oo wada socda,

iyaga oo dhammaan kugu qaba aamin. Tani waxay ka

mid tahay hantida iyo qaniimadaha waaweyn ee

aannu qabno. Haddii qof uu doonayo in uu meherad

amma tukaan ka furto meel, waxa uu la hadlayaa

ilma-adeerradiisa kala jooga London,, Koonfur

Afrika, Muqdishu amma Mombasa, dhammaanna waxbay

ku soo tarayaan. Waxay u suurtogelinayaan in uu

furto meheraddii, isna sidoo kale waxa uu wax

tarayaa kuwii kale. Is-aaminaaddu waa sirta amma

tiirka guuleysiga Soomaalida. Haddana Soomaalidu

waa dad si layaab leh u firfircoon oo hawlkar ah.

Sababta oo ah dagaalladii Somalia, ma jirto

dawlad dhexe, ma jiraan hey’ado caawiya

dadweynaha. Sidaa awgeed, waxay noqotay in qof

walba uu isagu qabsado arrimihiisa iyo

hawlihiisa, waana in aad adigu isku tashataa. Qof

walba waxa haysata qaraabadiisii oo dhibaataysan,

sidaa awgeedna qof walba waxa uu dareensan yahay

masuuliyadda ka saaran in uu wax u qabto inta

kale. Dagaalladii ayaa ka mid ah sababaha ugu

waaweyn ee dhaliyey dhammaan firfircoonidan iyo

dhaqdhaqaaqan ganacsiga.

Ka sakow maqnaanshaha dawlad wax-ku-ool ah oo

shaqaynaysa, haddana waxa jira heshiisyo ganacsi oo

lala sameeyey dalalka deriska ah iyo baayacmushtarka

caalamiga ah. Mar aan diyaarad u raacay magaalada

Muqdishu xilliyadii dagaalladu ay ugu sarreeyeen

sannadihii 1990-dii, dadka keliya ee kale ee saarnaa

diyaaraddaasi waxay ahaayeen laba qof oo

211

Filibiiniyiin ah oo ganacsato ah, kana socdey

shirkadda weyn ee caalamiga ah ee Dole Fruit ee ka

ganacsata khudaarta. Waxay u socdeen wadahadallo ku

saabsan sida ay suurtogal u tahay inay heshiisyo

ganacsi la sameeyaan hoggaamiyayaasha kooxaha ee

xukuma dhulka iyo beeraha uu ka baxo muuska iyo

khudaarta kale. Peter Little, qoraalkiisa ‘Dhaqaale

aan dawlad lahayn’, waxa uu ku soo bandhigayaa

tusaalooyin kale oo ku saabsan ganacsiga caalamiga ah

ee ka jira Somalia:

Jiritaan la’aanta aanay jirin dawlad la aqoonsan

yahay iyo hey’ado qaran, sida hey’adihii

maaliyadda amma sharciyada iyo caddaaladda, taasi

kama mancin sharikadaha caalamiga ah ee

sharciyaysani inay la macaamilaan Somalia, oo ay

ku jiraan dawladaha gooni-u goosiga ah ee

waqooyigu. Sharikadda Dole Fruit Inc waxay ku

lahayd maalgelin beerah Somalia sannadihii 1990-

yadii, waxa kale oo iyaguna maalgelin ku lahaa

sharikadaha xagga beeraha ee Talyaaniga. Waxa

kale oo iyaguna haatan adeegyo ka sameeya

Somalia, sharikadaha caalamiga ah ee buqshadaha

iyo waraaqaha degdegga ah ee tooska ah, ee ay ka

mid yihiin DHL, iyo weliba sharikadaha baabuurta,

sida sharikadda General Motors ee Kenya.12

Xoolaha Nool(Livestock)

Ganacsiga xoolaha nool,oo ah waxa ugu qiimo badan

Somalia, ayaa si weyn u koray ilaa intii ay burburtay

dawladnnimadii. Tani waxa qayb ahaan ugu wacan dadka

reer-guuraaga ee dhaqda adhiga, riyaha, lo’da iyo

geela oo noloshoodu aanay weligood wax weyni kaga

xidhmin amma uga baahan dawlad dhexe. Qaabka ay u

nool yihiin ee ay u dhaqmaan ayaan dhinacyo badan la

qabsan karayn oo aan la soconayn nidaam rasmi ah oo

dawli ah oo dhexe; waxay caado u leeyihiin inay iska

indhatiraan xuduudaha dalalka oo aanay hawrin,waxayna

leeyihiin hababkooda dhaqanka ee mujtamaca iyo

xidhiidhada ijtimaaciga ah, kuwa xeerarka iyo

nidaamyadooda dhaqaale. Reer-miyigu waxay

212

korodhsadeen wax ka badan wixii ay ku waayeen

dhicitaankii xukuumaddii Siyaad Barre oo iyadu ahayd

mid dadka dhici jirtey oo ku dul noolayd, isla

markaasina carqaldaynaysey horumarkooda. Waxa

suurtogal ah in hab-dhaqankii caadada ahaa ee nolosha

reer-miyigu uu sii xoogeystey oo uu ka sii

faa’iideystey jiritaan la’aanta dawlad leh nidaam;

dadkuna waxay dib ugu noqdeen hababkoodii iyo

sidoodii hore ee fududayd ee caadada u ahayd, ee ay

arrimahooda u qabsan jireen, una maamulan jireen

danahooda.

Hasse ahaatee waa wax cajaa’ib ah oo aan la malayn

karayn in,in kasta oo ay jireen sannnado badan oo

dagaallo iyo qas uu socdey,in haddana sida uu Peter

Little uu ku sheegay qoraalladiisa, dhaqaalaha reer-

guuraannimada ee Somalia uu ahaa mid hoggaan u ah

gobolkaas, kana xoog badan kan dalaka kale ee la

deriska ah ee Ethiopia iyo Kenya oo deganaansho

dheeraad ahi uu ka jiro marka la barbardhigo Somalia.

Waxana ka mid ahaa qoraalladaasi Peter Little:

‘Somalia (oo ay ku jirto Somaliland) waa mid kaalin

weyn kaga jirta weli ganacsiga xoolaha nool, heer

gobol iyo mid caalami ah intaba, waxana ka yimid 60%

dhammaan xoolaha laga dhoofiyey dalalka Afrikada Bari

sannadihii 1990-meeyaadkii.’13

Peter Little waxa kale oo uu sheegay in xoolaha ka

dhoofayaa Somalia ee la geeyo Kenya iyo suuqyada kale

ee debadda inay si weyn ay tiradoodu kor ugu kacday

intii ka danbaysay dhicitaankii Siyaad Barre. Cutub

ka mid ah qoraalladiisa oo uu si ku bannaan ugu

magacdaray ‘Xilliyadii tanaadka iyo kor-u-kaca weyn

ee dhaqaale dal si buuxda u burburay dhexdiisa’, waxa

uu kaga hadlayaa sida la-yaabka leh ee kor-u-kaca

degdegga ah uu u sameeyey ka-ganacsigii xoolaha nool

ee ka gudbyey xadka Kenya. Waxanu gaar ahaan indhaha

ku hayey iibka xoolaha nool magaalada Garissa ee

Kenya ee ku dhaw xadka Somalia:’Qiimaha guud ee iibka

lo’da magaalada Garissa, waxa uu sameeyey kor-u-kac

layaab leh oo ah 400% intii u dhaxaysey 1991 ilaa

1998, iyo 600% sannadihii u dhexeeyey 1989 ilaa 1998-

kii. Peter Little waxa uu mar kale qoraalladiisa ku

sheegay in marka la eego tirada guud ee sannadkiiba,

213

lo’da iib gashay inay kor uga kacday 24,395 neef

sannadkii 1989, waxayna gaadhay ilaa 100,000 oo neef

sannaddii 1998-kii.14

Waxa kale oo aad u firfircoonaa tirade amma xaddiga

ganacsiga aadayey ee loo dhoofiyey dalalka Khaliijka.

Peter Little waxa kale oo uu sheegay:

Ganacsiga debadda ee dhexe (riyaha iyo idaha) ee

laga dhoofiyo Somaliland iyo Puntland oo la deris ah

ayaa iyaguna sannadkii 1999 ka badnaa tiro ahaan

intii dhoofi jirtey ka hor dhicitaankii dawladda.

Sannadihii 1980-meeyadii, Somalia waxay ka mid ahayd

dalalka debadda u dhoofiya xoolaha nool kuwa ugu

badan adduunka … Sannaddii 1999, dekadaha ku yaalla

waqooyiga ee Boosaaso iyo Berbera waxa ka dhoofay

xoolo gaadhaya 2-9 malyuun oo neef, nooca ganacsiga

dhexe. Haddana labadaasi dekadood ee Soomaaliyeed,

tirada xoolaha ka dhoofay waxay guud ahaan u

dhigamayeen 95% dhammaan riyaha laga dhoofiyey

gobolka Afrikada Bari oo dhan, iyo 52% idaha. Waana

guul la-yaab leh oo uu gaadhay mujtamac ‘aan dawlad

lahayni.’15

Ka sakow kor-u-kacaasi, haddana ganacsigaasi xoolaha

nooli waxa uu ahaa mid aan sugnayn oo ku jira khatar

iyo dammaanad la’aan. Xoola-dhaqatada reer-guuraaga

ah, ma aha qaar ka reebban oo ka bed qaba saamaynta

dagaallada, kuwaasi oo mararka qaar ku kallifay inay

bedelaan meelihii ay mari jireen amma wax ku raaci

jireen qarniyaal badan. Dhallinyarada ragga ah ee

reer-guuraaga oo iyagu leh xoog, awod adkaysi oo heer

sare ah iyo aqoon ay u leeyihiin degaannada ay u nool

yihiin, waxa inta badan ilaashada oo indhaha ku haya,

si ay ciidan uga qortaan, ururka al-Shabaab iyo

kooxaha kale ee hubaysan. Qaar ayaa si khasab ah

loogu qortay miliishiyooyin, qaarna iskood ayay ugu

biireen, iyaga oo u xilanaya dhaqaale amma lacag

loogu ballan qaado, arrimo diimeed amma dano kale.

Dadweynaha ku tiirsan iibka xoolahoodu, waxay

dhibaato kala kulmayeen mamnuucidda mararka qaar

dawladda Sucuudigu ay ku soo rogeysey xoolaha laga

keensado ee laga soo dhoofiyo dhulalka Soomaalida, si

looga hortago faafitaanka cudurka loo yaqaanno Rift

214

Valley Fever. Waxa kale oo gobolkaasi uu halis u

yahay marar badan abaaro iyo jiilaallo rob la’aan ah,

kuwaasi oo keena dhimasho ku dhacda tobannaan kun oo

xoolo ah iyo waxyaabihii ay ku tiirsanayd nolosha

dadweynahaasi oo baaba’a. Qaybo ka mid ah Somalia

ayaa sannaddii 2011 waxa saameeyey xaalado ay

Qaramada Midoobey ku tilmaantay abaarihii ugu xumaa

ee ka dhaca muddo lixdan sanadood ah dalkaasi,

kuwaasi oo ku kallifay dadweynihii inay barakacaan oo

mararka qaar ay lugeeyaan muddo toddobaadyo ah, iyaga

oo ka sii gudbaya boqolaal mayl oo ka mid ah dhulalka

colaadaha iyo dagaalladu ay ragaadiyeen, si ay u

gaadhaan xeryaha qaxootiga ee ku yaal Kenya iyo

Ethiopia oo horeba u buux-dhaafay. Qaar kalena waxay

u qaxeen dhinac Muqdisho, oo in kasta oo ay iyana la

degeen dagaallada maalin kasta ka dhacayey

magaaladaasi, haddana ay u arkeen meel u dhaanta

dhulkii qallalay ee ay ka yimaaddeen.

Xawaaladaha iyo Isgaadhsiinta (Money transfer and

telecommunications)

Dhinacyo kale oo si weyn loogu guulaystay

hirgelintooda waa waaxyaha xawaaladaha lacagaha iyo

isgaadhsiinta oo si dhakhso ah u baahay laga soo

bilaabo horraantii sannadihii 1990-naadkii. Sabatana

waxa qayb ahaan lagu sheegi karaa maqnaanshaha

sharciyadii iyo xeerarkii dawliga ahaa ee kontorooli

lahaa amma habayn lahaa, iyo baahida dadweynaha ku

kala baahsan dacallada adduunk ay u qabeen inay wada

xidhiidhaan oo ay isla socdaan, waxna is taraan.

Ka dib burburkii dawladdii dhexe, dadweynaha

Soomaalidu waxay mar kasta sii noqonayeen qaar iyagu

isku tashada oo ku tiirsanaada hababkoodii dhaqanka

ee caadada ay u lahaayeen ee ay isku dhaafsan jireen

lacagaha, qaabakaasi oo loo yaqaanney xawaalad.

Waxana xawaaladuhu ay u hirgaleen si ka geddisan kan

ka-ganacsiga xoolaha nool, qaabkaasi oo aan wax weyni

iska badelin faacyo badan, marka laga reebo

telifoonnada mobiilka ah oo soo biiray, lagana yaabo

in uu ka mid noqday adeegyada muhimka ah ee ku soo

kordhay reer-miyiga, una suurtogeliyey inay meelo fog

215

ka hubiyaan qiimaha suuqyada xoolaha nool lagu kala

iibsado. Xawaaladuhu waxay noqdeen qaab adeeg oo

casri ah oo sare oo caalami ah. Xawaaladaha

Soomaalidana, waxa lagu doodi karaa inay yihiin kuwa

ugu casrisan ee ugu horumarsan ee qaaraddaas, iyaga

oo adeegsada tiknoolojiyadii ugu danbaysey ee lagu

xawilo lacagayowga loo kala dirayo guud ahaan

caalamka.

Isku-darka qaababka dhaqanka ee macaamilka iyo

adeegyada tiknoolojiyada casriga ah, waxay noqdeen

kuwo si fiican uga shaqeeyey, uguna bannaanaaday gaar

ahaan qaybtani xawaaladaha. Qaab-beeleedka haybta ee

macmiishu waxa uu noqday nidaam la iskaga ilaaliyo

khayaamada iyo dhuumashada marka laga hadlayo

macaamilka lacagaha. Waxa uu suurtogelinayaa qaabkani

in si sahal ah loo aqoonsado amma loo raadiyo dadka

aan daacadda ahayn ee wax khayaamaynaya amma is

qarinaya. Waxa kale oo uu suurtogelinayaa in si

dadban loo hubiyo dadka wax idin dhex mari karaan ee

noqon karaa shuraake baayac-mushtar amma wakiillo.

Xeerarka Soomaaliduna waxay noqon karaa qaar loo

adeegsado dammaanad-qaadka qandaraasyada iyo xallinta

khilaafyada xagga lacagaha amma ganacsiga. Anna

Lindsey ayaa si weyn wax uga qortay xawaaladaha

Soomaalida:

Iyada oo ka fog xeelado ay adeegsadaan tiro yar

oo qurbajoog ah oo samaynaya hab ay lacag ku

helaan, adeegyada xawaaladuhu waxay noqdeen

qaabab ballaadhan oo muhiim ah. Marka la eego

jiritaan la’aanta nidaam bangiyo amma baanan ka

shaqaynaya dalkaasi, adeegyadani xawaaladuhu

waxay noqdeen kuwa xidhiidhiya dhaqdhaqaaqa iyo

socodsiinta macaamilka dhaqaale iyo wax-

isdhaafsiga gobollada Soomaalida iyo adduunka

kale – xidhiidhinta xawaaladaha, baayac-

mushtarka, maalgelinta, gargaarka, iyo lacagyowga

siyaasadeed.16

Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysaa waxay ku qiyaastay

in sannad kasta tirade lacagaha xawaaladaha ee loo

diro Somalia iyo Somaliland ay ka badan tahay $1.5

bilyan oo doollar. Waqtigii la samayanayey qoraalkan,

tiro badan oo ka mid ah lacagahaasi xawaaladda, waxa

216

laga diray oo la sii mariyey Shirkadda xawaaladda

lacagta ee Dahabshiil. Waana wax lama-filaan ah in

shirkadda Dahabshiil, oo ka mid ah sharikadaha ugu

waaweyn ee xawaaladaha ee Afrika, in haddana

saldhiggeedu uu yahay Somaliland oo ah dal gooni u

goostay oo aan weli madaxbannaanidiisa cidina

aqoonsan. Dahabshiil runtii waa shirkad ganacsi oo

caalami ah, waxayna ka shaqaysaa ilaa 150 dal oo

adduunka ah, waxayna leedahay shaqaale iyo hawl-

wadeenno gaadhayaa ilaa laba kun oo qof, ilaa

labaatan kun oo laamood iyo wakiillo oo qaarkood ku

kala yaallaan magaalooyinka London, Sydney,

Minneapolis iyo Toronto. Qaar kalena waxay ka furan

yihiin tukaamada iyo meherado ku kala baahsan meelaha

fogfog ee miyiga ah ee Somalia, Ethiopia iyo

Koonfurta Sudan.

Shirkadda Dahabshiil waxay ganacsigeeda ka soo

bilawday meel hoose, waxayna ka bilawday magaalada

Burco oo ku taalley gobolkii Waqooyi Galbeed ee

Somalia, halkaasi oo sannadkii 1970-kii uu ka furay

milkiilaha Maxamad Siciid Ducaale meherad lagu iibiyo

bakaashka iyo badeecado uu ka keeno Yemen iyo dalal

kale oo adduunka ka kala tirsan. Waxa uu u baahday

lacag-yamani uu ku soo iibsado badeecadahaasi uu ka

keensanayey Yemen. Sida awgeedna waxa uu heshiis la

galay Soomaalidii ku noolayd magaalada Cadan, waxanu

kula heshiiyey inay lacag yamani ah u dhiibaan marka

hore isaga oo uu ka qaado, si uu u geliyo bakaashka

iyo badeecadaha uu uga baahan yahay Yemen, ka dibna

uu lacagtaasi ku siiyo lacag-Soomaali, inta ay ku

noqoto, qoysaska iyo qaraabada dadkaasi ay wax u

dirayeen ee deggan Burco. Sidaasina waxa ku abuurmay

qaab-xawaaladeed kooban oo aan sugnayn.

Dagaalki sokeeye ee 1980-naadkii, Maxamad Siciid

Ducaale waxa kaga baaba’ay wax kasta oo uu haystey.

Waxayna ku kalliftay in uu lug kaga baxo magaalada

Burco, isaga iyo qoyskiisii, una baxaan dhinaca

miyiga, ka bacdina ay galaan xeryihii qaxootiga ee ku

yaalley Ethiopia. Halkaas, waxa uu arkay inay ku

jirto fursad weyn oo ganacsi oo laga faa’iidaysan

karo. Soomaalida qurbajoogta ahi waxay doonayeen inay

lacagayow u diraan qoysaskooda iyo qarabadooda ku

217

jirtey xeryahaasi qaxootiga, sidaas awgeed ayuu dib

uga bilaabay halkaasi ganacsigiisii oo hadda yeeshay

qaab kale oo xawaaladeed. Wiilka uu dhalay milkiilaha

aasaasay shirkaddaasi Dahabshiil, wiilkaasi oo haatan

ah Maamulaha Guud ee shirkadda, Cabdirashiid Ducaale,

ayaa iiga sheekeeyey sida dagaalladii ay u horseedeen

koboca soo-ifbixitaan ganacsi oo aan caadi ahayn:

In Kasta oo aan wax walba luminay oo ay nagaga

dhex baaba’een dagaalladii sokeeye, haddan

qaybtii debadda ee ganasigayaga xawaaladda

lacaguhu waxay noqotay mid kor u kacda, taasi oo

ka timid dagaalladii. Qaxootigii Soomaalida ayaa

ku kala baahay adduunka, haddii ay tahay Yurub,

Maraykanka, Australia, iyo Aasiya. Mar walba

waxay naga codsanayeen oo ay na weydiinayeen,

‘maxaad xafiis uga furi weydeen Sweden, Canada,

Soomaali fara badan ayaa joogta halkan?’, sidaasi

awgeed ayaa waxa ay noqotay in aannu aniguna ku

baahinno xafiisyadayadii adduunka oo dhan.17

Shirkadda Dahabshiil waxay si dhakhso ah u soo

jiidatey oo kale hey’adaha gargaarka iyo ururrada

kale ee caalamiga ah ee danaynayey inay hanti u

diraan meelaha fogfog ee adag ee Geeska Afrika,

kuwaasi oo u arkay adeegyadaasi xawaaladda ee

Dahabshiil inay yihiin adeegyo dhakhso badan, la isku

hallayn karo oo lagu kalsoonaan karo, oo aan

khidmaddoodu ahayn mid qaali ah. Xafiiska weyn ee

Dahabshiil ee magaalada Nairobi, waxan ku arkay hawl-

wadeenno ka socda Qaramada Midoobey oo halkaasi ka

diraya lacgayow aad u buuran, una diraya

barnaamijyada iyo mashaariicda ay ka wadaan Somalia.

Shirkaddu waxa kale oo ay adeegyo u fidisaa

mujtamacyada kale ee gobolka, oo ay ku jiraan

dadyowga reer Rwanda iyo Koonfurta Sudan, kuwaasi oo

iyagana ay saameeyeen dagaallo, si weyn oo baahsanna

u barabaxay.

Xarunta weyn ee maamulka Dahabshiil, oo ka kooban

dabaqyo badanina, waxay ku taallaa badhtamaha

magaalada Hargeisa, waxana ku hareeraysan meherado

kala nooc ah oo is dhex yaalla. Hareeraheeda, dumar

ayaa ku iibiya xidhmooyin qaad ah oo daray ah, oo ay

ku hayaan maqsinno iyo meherado yaryar. Qaar kalena

218

waxay ku haystaan maqaaxiyo lagu iibiyo shaah macaan,

oo ay fadhiistaan raggu saacado badan oo ay kaga dhex

doodaan arrimo siyaasadeed maqaaxiyahaasi yaryar ee

wax lag cuno, kuna fadhiyaan kuraas daxaleysatey,

boodhka dhexdiisa iyo hadhka sandaqado kookooban oo

jiingado yaryar ah. Wajahadda tooska ah ee

dhismahaasi Dahabshiil hortiisa, waxa tuban oo ku

yaal ‘baananka jidka’, oo ah sarriflayaal haya

khaanado shabag ah oo lacagayaw tuulani ka buuxaan,

lacagahaasi oo isugu jira noocyada shilin-soomaaliga,

doollarka maraykanka, iyo kuwa kale ee qalaad. Marka

ay rabaan sarriflayaashu inay qado tagaan, waxay

lacagtaasi kaga tagaan isla khaanadihii uun oo ay ku

qufulaan, kagana dhaqaaqaan sidaasi.

6 ‘Sarriflayaal’ Hargeysa (Mary Harper)

Marka aad gasho gudaha dhismahaasi Dahabshiil, waa

adduun gebi ahaan ka duwan wixii hore. Qolka weyn ee

kombuyuutarrada, waxa ka guuxaya mishiinno waaweyn oo

shaqaynaya, iyo nalal bigbiglaynaya, iyadoo

kombuyuutarradu ay lagacaha u kala dirayaan adduunka.

Dabaq kale, maqsinku waxa uu u kala qaybsan yahay

219

qaybo kala qaabilsan gobollada kala geddisan. Mid ka

mid ah qaybahaasi, ninka fadhiya oo qaabilsan gobolka

‘Aasiyada Koonfyreed’, waxa uu mashquul ku ahaa

dirista farriin qoraal ah oo uu u gudbinayey qof ku

sugan degaan fog oo ka tirsan miyiga Somaliland oo uu

ku ogeysiinayo in uu tago amma la xidhiidho laanta

ugu dhaw ee degaankiisa ee Dahabshiil, si uu uga

qaato lacag dhan $200, lacagtaasiu oo uu soo diray

qof qaraabadiisa ah oo jooga dalka Bangladesh. Muddo

daqiiqado ah gudahood ayaa lacgayowga lagu diri karaa

oo lagu xawilaa; shirkadduna waxay shaqaysaa afar-

iyo-labaatanka saacadood maalin kasta, toddobada

cishaba toddobaadkii, 365 maalmood sannadkii.

Xafiis kale, waxan kula kulmay oo i qaabilay nin si

fiican oo xarrago leh u lebbisan, oo xidhan suudh

madow, shaadh cad, iyo tay cagaaran oo ah astaanta

Dahabshiil. ‘Weligaa ma aragtay hal malyuun oo

doollar oo naqad ah?’ ayuu i weydiiyey. Ka bacdina

inta uu foorarsaday ayuu furay oo uu i tusay khasnad

lacagi ka buuxdo, waxanu soo saaray kolba xidhmo

lacag ah oo ka kooban doollar wada cusub oo waraaqo

ah,oo boqol-boqol dollar ah oo si adag iskugu

xidhxidhan. Xidhmo kasta waxay ka koobnayd kun-kun

doollar, amma $100,000 oo dollar; waxanu ka soo

saaray khasnaddii in ka badan toban xidhmo oo kale.

Noocyada lacagayowga kala duwan ee halkaasi lagu soo

bandhigay ayaa iyaguna ahaa wax aan caadi ahayn oo

aan la malayn Karin, taasi oo muujinaysey dhinacyada

run ahaantii caalamiga ah ee Soomaalida. Ka sakow

doollarka Maraykanka iyo shilinka Soomaaliland, waxa

kale oo halkaasi yaalley lacagayow ay ka mid yihiin

lacagta Euro-ga, Doollarka Australia, Giniga

Ingiriiska, lacagta Dirhamka ee Dubai, Shilinka

Kenya, Riyaalka Yemen, iyo noocyo kale oo badan.

Dabaqa hoose waxa tuban safaf dhaadheer oo isugu

jira rag ganacsato ah, dumar xidhan diricyo midabbo

badan, reer miyi leh timo dabiici ah oo aan soo

feedhan, oo gashan kabo sandhal ah iyo qamiisyo

dhaadheer, iyo dad reer Somaliland ah oo fasax ku

yimid Hargeisa, kana kala yimid Maraykanka iyo dalal

kale. Dhammaan dadkani waxay u yimaaddeen oo ay

220

halkan u joogaan inay diraan amma ka qaataan lacag.

Nin ka mid ah dadkaasi waxa hadda loo dhiibay oo uu

qaatay lacag dhan $140 doollar, lacagtaasi oo uu u

soo diray qof qaraabadiisa ah oo deggan xaafadda

Southall ee magaalada London. Haweenay meesha joogtey

waxay iyana lacag u diraysey qof saaxiibkeed ah oo

jooga Puntland. Nin kale waxa uu isna lacag ku

shubanayey koontadiisa uu ku leeyahay Dahabshiil.

Sharikadaha xawaaladaha qaar ee Soomaalida ayaa lagu

eedeeyey inay qayb ka qaataan oo ay sii huriyaan

colaadaha, iyada oo la sii mariyo lacagaha u socda ee

loo dirayo kooxaha dagaal-oogayaasha ah sida al-

Shabaab oo kale. Wax yar ka bacdi weerarkii 9/11 ee

lagu qaaday Maraykanka, dawladda Maraykanku waxay

albaabada u xidhay sharikaddii waqtigaasi ugu weyneyd

sharikadaha xawaaladda ee Soomaalida ee Barakaat, oo

ay ku eedaysay in sharikaddaasi ay hanti amma lacago

u gudbiso al-Qaacida. Tallaabadani waxay saamayn xun

ku yeelatay Soomaalidii ku tiirsanayd xawaaladdaasi

ee debadda looga soo diri jirey lacagaha, markii ay

istaageen ee la joojiyey masaariiftii ay heli jireen

ee noloshoodu ku xidhnayd.

Abdirashid Duale oo ka tirsan shirkadda Dahabshiil

waxa uu ku nuuxnuuxsanayaa in shirkaddoodu ay raacdo

oo ay ku dhaqanto xeerar aad u sugan oo ka yaal

rogrogga iyo xawilaadda aan sharciga ahayn ee

lacagaha xaaraanta ah, ilaalisana habab lagaga

hortago oo u dejisan, isla markaasina ay ka hubiso

macmiisheeda inayna magacyadoodu ku jirin liiska

caalamiga ah ee dadka looga shakisan yahay denbiyada

noocaasi ah, amma inay xubno ka yihiin ururrada la

mamnuucay. Waxanu yidhi:

Waxan ku dedaallaa in aan hubinno in macmiisha

isticmaalaya adeegyadayadu ay yihiin dadkii saxda

ahaa ee habboonaa; waxan ogaannaa haybtooda,

annaga oo raacaynna habka iyo dhaqanka Soomaalida

ee belaha iyo qofka qoladiisa. Waxa kale oo aan

hubinnaa macluumaadka iyo waraaqaha qofka lagu

aqoonsan karo. Waa in aannu dhawrnaa oo aannu

raacnaa xeerarka caalamiga ah. Annaga iyo

wakiilladayaduba waxannu ruqsad iyo ogolaansho ka

221

haysannaa hey’adaha caalamiga ah ee dejiya,

hubiyana ku-dhaqanka xeerarkani, oo ay ku jiraan

Waaxda Lacagaha ee Maraykanka (US Treasury

Department), Hey’adda Adeegyada Lacagaha ee

Ingiriiska (British Financial Services

Authority), Bangiga Dhexe ee Dubai (Dubai Central

Bank), iyo dhawr heyadood oo ka mid ah hey’adaha

lacagayowga ee Afrikaanka ah.

Horumarka sare ee ay sameeyeen sharikadaha waaweyn

ee xawaaladaha Soomaalidu wuxu dhinaca kale keenay

inay soo baxaan oo ay iyaguna horumar sameeyaan

qaybaha iyo sharikadaha kale ee dhaqaaluhu, sida ay

qortay mar kale Anna Lindley:’Qaybtani waxay si

dhakhso ah u soo biirisay oo ku ladhmay tiknoolojiyo

cusub oo gudbisa macluumaadka lacgayowga xawaaladaha

la dirayo, lana bixinayo, tiknoolojiyadaasi oo isugu

jira Raadyowyo lagu wada hadlo ilaa qalabka FAX-yada

lagu diro, telifoonnada moobiilka iyo kuwa satellite-

ka, email-lada, iyo borogaraamyada kale ee

kombuyuutarrada ee sharikaduhu u baahan yihiin si ay

u socodsiiyaan hawlahooda. Maalgelinta ballaadhan ee

ay sameeyeen xawaaladaha Somaalidu waxay gacan ka

geysatey isbedelka isgaadhsiinta Somalia.’18

Somalia waxay qaadday tallaabo weyn xagga

mustaqbalka isgaadhsiinta, waxayna dhaaftay dalal

badan oo ku yaal Afrika oo siyaasi ahaan ka deggan,

dhaqaale ahaanna ka horreeya. Sida Jamhuuriyadda

Diimoqoraaddiga ah ee Congo oo kale, oo lafteedu

lahayd xukuumad dhexe oo awoddeedu ay kooban tahay

sannadihii 1990-yadii, Somalia waxay si degdeg ah ula

qabsatay oo ka hirgalay telifoonnada gacanta ee

moobiilka, iyadoo dad badani ay iska dhaafeen gebi

ahaanba telifoonnadii caadiga ahaa ee dhulka ee la

soo gashan jirey. Ma aha wax iska dhacay oo sideeda

iskugu soo beegmay uun ‘isbedelka amma kacaanka xagga

isgaadhsiinta’ ee Somalia iyo isla waqtigii ay

burburaysay dawladnnimadii. Maqnaanshihii sharciyo

iyo nidaam dawli ah oo habeeya isgaadhsiinta oo

meesha ka baxay, waxay noqotay mid si weyn u

dhiirigelisa oo badhitaageerta horumarka degdegga ah

ee qaybtani ay samaysay. Looma baahan in la dalbado

oo la qaato wax ruqsad amma liisan ah oo lagu xidho

222

furashada sharikadahaasi. Waxana jirey oo kale suuq

xor ah. Magaalada Muqdishu, xilliyo ay burburayeen

kaabayaashii kale ee dhaqaalaha intooda badani, oo

jidadku ay baaba’ayeen dayactir la’aan awgeed,

madaafiicda iyo xabbaduhu ay burburiyeen

dhismayaashii, la bililiqaystay xadhkihii korantada

iyo dhuumihii biyaha oo go’ay, ayaa dhinaca kale waxa

soo baxay oo meel walba laga taagey magaalada

tiirarka dhaadheer ee anteenooyinka telifoonnada

moobiilka. Maamule ka tirsan Shirkadda Telesom ee

Somalia, oo la yidhaa Abdullahi Mohamed Hussein, ayaa

faahfaahiyey sida maqnaanshihii dawlad dhexe oo

meesha ka baxday ay u sahashay in la sameeyo shirkado

telifoon: ’Wasaaraddii boosaha iyo isgaadhsiinta ee

dawladdu, kelideed ayay qandaraas iyo monobooliyad ku

haysatey hawshan oo cidina kulama tartamayn. Laakiin

markii dawladdii la ridey ka bacdi, waxannu xor u

noqonnay oo aanu u madaxbannaanaanay in aannu abuurno

sharikadahayaga ganacsiga. Waxaannu aragnay in suuqii

uu ka bannaanaaday faraq-fursadeed weyni, waayo waxa

baab’ay dhammaan adeegyadii hore. Baahi weyn ayaa

jirtey.’19

Jiritaan la’aanta sharciyo xaddida ganacsigan, iyo

suuqa oo uu ka jiro tartan kululi, waxay keeneen in

Somalia ay ka mid noqoto dalalka Afrika ee leh

adeegyada ugu jaban xagga qiimaha ee telifoonnada

mobiilka, iyada oo sharikadaha isgaadhsiintu ay

sameeyaan adeegyo kala geddisan oo noocyo badan, oo u

suurtogelinaya macmiishooda telifoonnadu inay kula

hadli karaan ehelkooda jooga debadda qiime wax yar oo

qadder ah ka badan kan telifoonnada gudaha. Tayada

addeegyada telifoonnadu waa qaar fiican oo la isku

hallayn karo, waxanad si sahal ah ula xidhiidhi

kartaa meelo fogfog oo miyi ah Somalia, oo ka sahlan

sidii aad ula xidhiidhi lahyd xataa caasimadaha

waaweyn ee meelaha kale ee Afrika qaarkood. Waxa kale

oo jira noocyo badan oo kala geddisan madaxyada

telifoonnada gacanta ee moobiilka oo lagu iibiyo

Somalia, qaarkoodna waxay leeyihiin oo la gelin karaa

isla madaxii laba Sim-kaadh isla mar. Waxa laga helaa

oo kale madaxyo waaweyn oo u eg kuwa dhulka amma

xafiisyada iyo guryaha, laakiin ah runtii moobiillo

xoog badan oo lagu isticmaalo xafiisyada, guryaha iyo

223

goobaha kale ee joogtada ah. Dhaqan-afeedka xoogga

leh ee Soomaalida ayaa kaalin weyn ka qaatay

socodsiinta qaybtani isgaadhsiinta. Maqalka codka ee

afka-ka-hadalku waa mid muhiim ka ah Somalia, sidaasi

awgeedna waxa caan ah oo laga helaa ku-hadalka iyo

dhageysiga telifoonnada iyo raadyowyada. Qaar ka mid

ah asaxaabta iyo macaariiftayda Soomaaliyeed, waxad

mooddaa inay rabaan in cid kasta oo ka ag dhawiba ay

maqasho waxa ay ku hadlayaan iyo sheekadooda

telifoonnada ee labada dhinacba, marka ay telifoon

diraan ee ay cid kale la hadlayaan. Waxayna furaan

sameecadda telifoonka oo ay meel durugsan iska

dhigaan, kalana hadlaan qofka kale ee ku jira, iyaga

oo kor u qaylinaya. Sheekada iyo jawaabaha qofka

kalena waxa maqli kara oo la socon kara qof kasta oo

halkaasi ka ag dhaw.

Sannadihii dheeraa ee dagaalladu ay ka socdeen

Somalia, iyo barakacii ka dhashay oo Soomaalidii ay u

kala qaxday dhammaan dacallada adduunka, arrimahani

waxay keeneen baahida ah in la helo adeegyo muhim ah,

sida telifoonno dhakhso badan oo xoog leh, Internet

iyo xawaalado. Xiisadihii iyo dagaalladii ayaa noqday

xoog weyn oo socodsiiya qaybahani ganacsi.

Soomaaliduna waxay u baahan yihiin inay ku

xidhnaadaan adduunka iyaga oo adeegsanaya qaababkani

tiknoolojiyada elektaroonikada ah, si ay u

socodsiiyaan ganacsigooda, ula xidhiidhi karaan

asaxaabtooda iyo ehelkooda, iyo si ay ula socdaan

waxyaabaha ka dhacaya Somalia. Waxay si weyn ula

qabsan og yihiin oo ay isla markaaba baran karaan

adeegsiga tiknoolojiyadii ugu danbaysay ee casriga

ahayd, waxayna i tuseen sida xeel-dheerida ah iyo

dhammaan farsamooyinka loo isticmaalo Internetka iyo

telifoonnada moobillada.

Somaliland

Marka la soo qaado Somalia ee ay maskaxdooda ku soo

dhacdo dadka intiisa badan, waxay u maleeyaan guud

ahaan meel ay ka jiraan qas iyo xiisado aan lahayn

dhammaad, gaajo, budhcad-badeed, iyo dagaallo ku

xidhan oo al-Qaacida ay ku lug leedahay. Laakiin waxa

224

jirta arrin kale, sida uu u sharraxayo Mark Bradbury,

waxyaabihii uu ka qoray Somaliland, 2008-dii:

Somaliland oo ku taal dhinaca ugu shisheeya ee

waqooyi ee Geeska Afrika, waxay noqotay mid ka

mid ah xukuumadaha ugu deggan Geeska Afrika,

waxayna sannadka 2006 muujin kartaa oo ay ku

faani kartaa inay samaysatay dawlad dadweynuhu ay

soo doorteen, iyo nidaam sugan oo diimoqoraaddi

ah oo la tartami kara mid kasta oo kale oo ka

jira dalalka gobolka iyo dawladaha muslimka ah

intooda badan. Sidaas awgeed, Somaliland waxay

gooni ka ahaanaysaa oo ay ka baxsanaanaysaa

muuqaalka laga haysto qaybta gobolkan ee Afrika

ee ah meel ay wada aafeeyeen dagaallo, burbur iyo

cadaadis ijtimaaci ah, kuwaasi oo lala

xidhiidhinayey gobolkan ilaa 1990-yadii.20

Ali Mazrui, aqoonyahanka reer Tanzania, waxa uu isna

ku doodayaa inay haatan jiraan laba Soomaalyieed:

Ka dib markii Soomaaliyadii Waqooyi ay ka noqotay

midnnimadii sannaddii 1991, Geeska Afrika waxa uu

arkay oo ka soo baxday “ Arrin ah laba

Soomaaliyeed”. Soomaaliyada Muqdishu waxa ka sii

jirta xaalad ah qas iyo jahawareer nidaam-

la’aaneed, iyadoo Soomaaliyada Hargeisa ay sii

xoogeysanayso oo ay ka jirto xaalad ‘dhisme qaran

oo min hoos ilaa kor ah’, oo salka ku haysa hab-

dhaqanka, gudahana laga wado oo ka dhalatay.21

In aad isku marto ‘Labada Soomaaliyeed’ isla maalin

qudha, waxaad ka kasbanaysaa waayo-aragnnimo xiiso

leh. ‘Soomaaliyada Muqdishu’, ma aha meel aad ku

nasan karto oo la joogi karo; magaaladu waa meel kala

qaybsan oo ay ka buuxaan ciidammo milateri, oo

aagaggeega dagaalku ay mar kasta isbedelayaan. Dadka

rayidka ahi marnaba ma haystaan badbaado amma

nabadgelyo, xataa haddii ay tahay tii ay ka heli

lahaayeen ciidamada nabad-ilaalinta ee Ururka Midowga

Afrika oo ururrada xuquuqda aadamigu ay ku eedeeyaan

inay madaafiic culus ku garaacaan xaafadaha ay

dadweynuhu deggan yihiin. Waxaa si weyn u xaddidan

dhaqdhaqaaqa iyo isku socodka dadweynaha iyo sida ay

225

u dhaqmi karaan. Si xor ah uma socon karaan;

degaannada ay xukumaan ururrada islaamiyiinta ahina,

dumarku waxay ku khasban yihiin inay is-dedaan oo ay

xidhaan xijaab dhammaan jidhkooda saran,

caruurtooduna waxay halis ugu jiraan in al-Sahabaab

iyo miliishiyooyinka kale ay khasab ku qortaan.

‘Soomaaliyada Kale’ waa mid aad uga fog taas.

Sanaddii 2011, waxan diyaarad ka raacay magaalada

Muqdishu, waxanan tegey magaalada dekedda leh ee

Berbera ee Somaliland, waxan lugeeyey xeebta. Waxan

halkaas ku arkay dumar dhallinyaro ah oo baashaalaya,

kuna daansha-daanshoonaya badda, ku dabbaalanay

biyaha oo kolba dhinac isku qalaama-rogaya, lugaha

circa u saydhaya, qosol dhagdhagta haya, oo farxad la

qaylyaya. Waxay ka dhignayd sidii dheri biyo ka

karayaan oo daboolka laga qaaday oo kale. Dadka waxa

loo ogolaaday oo ay fursad u heleen inay neefsadaan

oo ay nafisaan, si xor ahna u dhaqmaan. Iyada oo ka

geddisan xaaladda ‘Soomaaliyada Muqdishu’, halkan ma

joogaan ciidammo nabad-ilaanineed oo ka tirsan Ururka

Midowga Afrika, waxa ka jirtey nabad iyo deganaansho.

Looma baahna in aad wadato ciidammmo hubaysan oo ku

ilaaliya. Dadka qudha ee aan arkay inay hubaysan

yihiin oo qoryo siteyna waxay ahaayeen askar ka

tirsan ciidammada nabadgelyada. Xaaladdan imiku, aad

ayay uga duwaneyd markii ka horraysay xilligan ee aan

booqday Somaliland oo ahayd badhtamihii 1990-kii.

Waqtigaasi, dhallinyarada intooda badani waxay wateen

hub, sidii waxay dareemayaan inay yihiin qof qaawan

oo kale haddii aanay sidan qori.

Intii danbe ee sannadihii 1980-aadkii iyo horraantii

1990-aadkii, Somaliland waxay hubaal ahaan ahayd

qaybta sida ugu weyn ee ugu ballaadhan loo burburiyey

dhulka Soomaalida. Marka la isku eego faraqa u

dhexeeya dalkaasi burbursanaa ee waqtigaasi iyo

xaaladda ka jirtey sannadkii 2011, waxay ahayd mid

aan guud ahaan la malayn karayn oo aan la rumaysan

Karin. Waxan fuulay oo aan is dul taagey buur

magaalada hoos loo eegi karo; waxa ka jirey

dhismayaal ilaa inta ishaydu ay qabatay dhinac kasta.

Jidadku waxay ahaayeen kuwa aad dareemayso ammaan iyo

badbaado; waxa jirtey saxmad waddada baabuurta, dad

226

riixaya karyoonayaal ka buuxa lacagta shilinka ah ee

Somaliland, dumar waxoogaa khudaar ah oo ay iib

geynayaan ku sida denbiillo amma sallado ka samaysan

caag, oo leh midabbo dhalaalaya – qof walba waxa uu u

muuqday inuu ku foofsanaa danihiisa iyo hawshiisa oo

uu qabsanayey. Waxa halkaas ka jira macraddo badan oo

ay yaallaan baabuurro duug ah amma hore loo

isticmaalay, qof samaystay tukaan ah laybareeri

buugaagta laga helo, iyo maqaaxiyo iyo huteello wax

laga cuno, waxna laga cabbo oo waddada ku yaal oo u

furan cid kasta oo reer Somaliland ah. Waxa jira

maqaaxiyo shaaha laga cabbo oo ay fadhiistaan dadkii

joogey halkaas ee ku hadhay ilaa xilliyadii

dagaallada, kuwii ka soo noqday Ethiopia, iyo kuwa ka

yimid meelo fogfog oo kale. Mid ka mid ah hudheellada

waxa inta badan yimaadda qurba-joogta reer Somaliland

ee deggan Canada, gudahana waxa loo yaqaan oo loogu

yeedhaa ‘reer Canada amma Kanadiyaankii’, mid kale

waxa loo yaqaannaa ‘reer Australia amma

Austraaliyaankii’, kuwa kalena ‘reer Sweden’, ‘reer

Denmark’, iyo ‘Ingiriis’. Waxa kale oo jira maqaaxiyo

ay gaar u leeyihiin dadka ka soo yaacay dagaallada

Muqdishu iyo meelaha kale ee Somalia.

Inta badan isbedelka ka jira Somaliland, waxa ugu

wacan dadka qurba-joogga ahaa ee debadda ka soo

noqonaya, kuwaasi oo la soo noqda aqoon, waayo-

aragnnimo xirfadeed, imkaaniyaad amma hanti

maalgelineed. Iyaga oo la soo noqday aragti ah inay

wax qabsan karaan, kuna dhiirran karaan, waxan ka

fikiray inay yihiin ‘Halyeyadii Somaliland’ ee

horseedayaasha u ahaa. Waxay gacan ka geystaan

socodsiinta dhaqaalaha, waxayna kaalin mudan ka

qaataan siyaasadda. Dawladdii la soo dooratay 2010-

kii, waxa lagu eedeeyaa inay si aad ah u tahay

‘ajanebi’, sababta oo ah mansabyo badan oo muhim ah

waxa la geeyey oo jooga dad ka yimid qurba-joogta.

Mid ka mid ah dadka ‘Halyeyada Somaliland’, waxa

weeye Abdulqadir Xaashi Cilmi, oo ah ganacsato

hudheel leh, oo ku soo noqday dalka, ka dib markii

sannado badan uu ka soo shaqeeyey sharikadaha

saliidda ee Kuwait. Waxa uu ka hadlay sida isaga iyo

saaxiibbadii ay ugu soo gurmadeen dawladdii

227

Somaliland, wax yar ka bacdi markii dalkaasi uu ku

dhawaaqay madaxbannaanidiisa:

Markii aan ku soo noqday Somaliland, qof walba

qori ayuu sittey. Dalku waxa uu ku jirey oo

marayey meeshii ugu hoosaysey. Waxa jirtey dawlad

magac ahaan uun u jirta, laakiin wax muuqda oo la

taaban karayaa ma jirin. Sida awgeed waxay

noqotay oo nala soo gudboonaatay in aannu wax

qabanno. Waxannu gacan ka geysanney dhismihii

ciidammada bileyska oo aannu bixinno

mushaharkoodii, u iibinno raashin iyo shidaalka

baabuurta. Waxannu sidoo kale ka yeellay

qaadiyada maxkamadaha, culimada diinta iyo

macallimiinta. Markii uu awodda xukunka qabtay

madaxweynihii labaad, Maxamad Ibraahim Cigaal,

sannaddii 1993-kii, ma jirin wax agab iyo waraaqo

ah oo yaalley xafiiskiisa, xattaa qalin ha

noqdee. Waxan ku noqday Kuwait, waxanan la

socodsiiyey asaxaabtaydii reer Somaliland ee

halkaasi joogey, in aanay jirin hal warqad ah

amma qalin ah oo yaalley miiskii madaxweynaha.

Laba toddobaad gudahood, ayaa waxannu ka soo

buuxinney qol ka mid ah qolalkii gurigeyga agab-

xafiiseed, kuwaasi oo aannu u soo dirnay

Madaxweyne Cigaal oo joogey magaalada Hargeysa.

‘Halyeyada Somaliland’, waxay mar walba ku

dedaalayaan inay ballaadhiyaan danahooda ganacsi,

iyaga oo isla markaana gacan ka geysanaya horumarinta

dalka. Abdulqaadir Xaashi Cilmi waxa uu i tusay sahan

qorshe oo ay dalbadeen isaga iyo koox kale oo

ganacsato ah oo ku saabsan waddo ay doonayaan inay

sameeyaan oo si toos ah uga baxda una kicitinta

dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeisa ilaa iyo badda,

waddadaasi oo furaysa iskuna xidhaysa dhul fog oo ay

adkayd in la maro oo ka tirsan waddankaasi:

Dadka deggan gobolkaasi, waxa dhibaato ka

haysataa sidii ay ugu xidhmi lahaayeen qaybaha

kale ee Somaliland. Dhulku waa dhul masno ah oo

wax laga beeri karo, waxa ku dhaqan xoolo badan

oo nool, baddana waxa ka buuxa kalluun. Laakiin

dhulkaasi waa go’doon oo lama mari karo, oo waxa

228

ku yaal buuro adag oo dhibaato ku ah dadweynaha,

kana xannibaya inay soo raraan oo soo mariyaan

badeecdahoodii iyo waxyaabihii ay u iib geyn

lahaayen Hargeysa iyo magaalooyinka kale. Waxay

si weyn ugu baahan yihiin waddo ay wax soo

mariyaan. Ma sugi karno ilaa inta ay dawladdu ka

helayso dhaqaale ku filan oo ay ku samayso

waddadaas; lacagtu waa in ay annaga naga

timaaddaa. Marka aannu qorshaha sahanka

dhammaynno, waxannu la xidhiidhi doonnaa oo aannu

u tegi doonnaa dadweynaha gobolkaasi, waxanannu

ka codsan doonnaa inay ku deeqaan wax kasta oo

qaadhaan ah oo ay kari karaan inay ku soo

biiriyaan dhismaha jidkaasi. Ha noqoto hal

doollar, neef adhi ah, wax kasta. Kuwa Somaliland

aan aqoonsanayni, nama yaqaanaan. Somaliland way

jiraysaa, wayna soconaysaa oo sare ayay u

kacaysaa, haddii la na aqoonsado iyo haddii

kaleba. Faa’iidooyinka aqoonsi la’aantu ay noo

keentay waxa ka mid ah in aanu annagu isku

tashannay lafahayaga. Waxannu ka dhigannay diinka

guguurta oo kale. Waxan u gurguuranna oo aan u

soconna si gaabis ah, laakiin waannu naqaan halka

amma meesha aannu u soconno.

Mashruuc kaasi la mid ah, waxa haddaba laga

hirgeliyey magaalada Burco, halkaasi oo laga dhisay

biriij amma buundo ka tallowda doox weyn oo waqtiga

jiilaalkii ee uu madhan yahay dhexdiisa ay ka

muuqdaan hadhaagii baabuurta gaashaaman iyo kuwii

kale ee milateriga ee lagaga yaacay waqtiyadii

dagaalladii sokeeye oo daxalaystey; dooxaasi oo

laakiin waqtiga roobabka aad u soo rogamada oo ay soo

maraan daadad laxaad leh oo kala xidha magaalada,

qaadana xoolaha iyo dadka isku daya inay ka

tallaabaan. Biriijkaasi waxa lagu dhisay lacagayow ay

bixiyeen dadku, inta baddanna ay ku deeqeen

ganacsatada waaweyn, oo ay ku jirto Shirkadda

Xawaaladda ee Dahabshiil, iyo weliba dadweynaha

degaanka oo iyagu helayey ka-faa’iideysiga

dhismahaasi. Dadweynuhu waxay ku deeqeen wax kasta oo

ay helayeen – ha noqoto waqtigooda, xirfaddooda,

229

waxoogaa lacag ah oo Shilin-Somaliland ah, digaagad,

ri’ amm neef geel ah.

Huteelka Abdulqaadir Xaashi Elmi, waxa uu ahaa oo

kale meesha aan kula kulmay ‘Halyeyo’ dhawr ah oo

kale, dhallinyaro iyo waayeel intaba, dadkaasi oo ku

soo noqday Somaliland, kana soo kala noqday dalalka

Malaysia, Canada, Norway, Sweden, Britain amma

Ingiriiska, Khaliijka, iyo dalalka kale ee adduunka.

Waxa joogey dhallinyaro hangooda iyo hammigoodu badan

yahay oo si weyn wax u xiisaynaya oo xirfadda

kombuyuutarku si heer sare ah u kasbaday, lana

dhacsan fursadaha badan ee ganacsi ee ka jira

halkaas, lagana heli karo dalka. Waxa jirey qof

dhallinyaro ah oo aqoonyahan ah oo doonayey inuu

sameeyo urur khubaro ah oo la-taliyaal ah, iyo

injineer ka yimid Norway oo aqoon u leh saliidda

batroolka, una yimid in uu eego sida ay suurtogal u

tahay in la qodo saliid la soo saaro.

Galab ka mid ah galbaha, waxan la kulmay nin

Somaliland u dhashay laakiin haatan ah Kanadiyaan

‘Canadian’, oo magaciisa la yidhaa Abdillahi Farah.

Wuxu ii sheegay in uu isagu bilaabay beertii ugu

horraysay Somaliland ee nooceedu yahay ta l’oda lagu

xannaaneeyo, laguna dhaqo si caano iyo subag badan

looga helo (diary farm). Marka la eego degaankan oo

ah mid aad u qallalan, aan lahaynna daaq iyo nabaad

badan, waxan u sheegay in aanan hadalkiisaa

rumasanayn. Waxa uu ii soo jeediyey inuu i geeyo oo

uu i soo tuso beerta. Waxanannu ambabaxnay

aroornnimadii hore maalintii danbe, annaga oo xawli

sare ku soconna, sii maraynna oo ka gudbaynna dhul

aan sinnayn oo ciid ah, dhexda ku sii dhaafaynna

geel, dundumooyin iyo dhir-qodaxeed. Mar qudha, ayaa

sidii dhalanteed ka muuqda meel lama-degaan ah oo

kale, waxa naga soo hor baxay, dhul doog ah oo cagaar

la widhwidhaya. Waa ‘Dooxadii Doogga ahayd ee Beerta

Lo’da’, halkaasi oo Abdilahi Farah uu ku rakibay

qaabka iyo qalabka casriga ah ee beeraha lagu

waraabiyo, qaabkaasi oo awodsiiyey in uu beeri karo

noocyada kala duwan ee daaqa, caleen iyo raashin kala

duwan oo loo dhigo lo’da beerta lagu dhaqo, waxanu

midho iyo iniin tijaabo ah ka soo iibsaday Kenya iyo

230

Sudan. Nooca lo’da loo yaqaan Holstein ee midabkeedu

iskugu dhafan yahay madow iyo caddaan, oo kuula

ekaanaysa sidii waxay dhex tuban tahay beerihii daaqa

cagaaran ee Yurub oo kale, waxa uu ka keenay Ethiopia

oo dhulka la soo mariyey, waxanu lagu tallaalay oo

lagu mudey meni amma biyo laga keenay Maraykan.

Faransiiskana waxa looga keenay qalabkan casriga ah

ee farsamada sare ee yaalla dhismahan nadiifta ah ee

dhalaalaya ee lo’da lagaga lisso caanaha.

Markii aan weydiiyey Cabdillaahi oo aan isagu hore

ugu lahayn khibrad iyo waayo-aragnnimo xirfadda

beeraha halka iyo sida uu ku keenay fikraddan iyo

farsamadan qaabkan waraabinta dhulka, qodista

ceelasha, beerista iyo kaydinta raashinka lo’da ee

nafaqada leh, iyo samaynta beer-lo’aaddani, waxa uu

kaga kacay qosol, waxanu ii sheegay inuu inta badan

ka ogaadey, kana bartay Internet-ka. Jawaabtiisu

waxay u taagnayd oo ka muuqatey dareenka

halyeynnimada ee sida qayaxan caadada u ah reer

Somaliland. Waxa uu ii sheegay in fikraddan ah inuu

sameeyo beer-lo’aad ay markii ugu horraysay ku soo

dhacday markii aabbihii ay ku soo baxday cilladda

lafo-jajabka oo ka timaadda macdanta loo yaqaan

Calcium oo jidku waayo amma ka yaraata, cilladdaasi

oo ku badan Somaliland. Waxanu intaasi ku daray in

hammiga iyo ujeeddada weyn ee ku dhaqaajisay

hawshani, inay ahyd inuu wax ka hagaajiyo caafimaadka

dadweynaha dalka, oo uu u helo caano lo’aad. Waxa

kale oo suurtogal ah in Abdillahi Faarax uu

rajaynayey inuu lacag badan ka heli doono hawshan uu

u badheedhay ee beer-lo’aadda.

Qaar kale oo reer Somaliland ah, waxa suurtogal ah

in hammigooda iyo ujeeddadoodu ay u badan tahay in ay

ka imanaysa damiir banii’aadminnimo iyo dareen

baraarug oo ah inay mas’uuliyad iska saaraan wax-ka-

qabasho dhibaato dadweyne. Adan Ismail, oo ah

dhakhtar xagga cudurrada maskaxda iyo dhimirka ah, oo

ka shaqeeya dalka Canada, waxa uu u huraa waqitigiisa

muddo toddobaadyo ah inuu halkan yimaaddo sannad

kasta, oo uu lacag la’aan ku daaweeyo dadka maskaxda

amma dhimirka wax ka qaba ee jooga Somaliland, waayo

dalkan ma joogaan dhakhaatiir dabiibta canuunnada

231

maskaxda iyo dhimirka. Afadii hore ee uu qabi jirey

Madaxweyne Cigaal, Edna Adan Ismail, oo ah dhakhtarad

umuliso ah, waxay ka fadhiisatay shaqadeedii ay ka

haysey Qaramada Midoobey, waxayna Hargeysa ka

samaysay cusbitaal haweenku ku umulaan, halkaasi oo

ay weliba ku tababarto dhakhtarro iyo kalkaaliyayaal

caafimaad oo umulisooyin ah. Waxyna igu tidhi:

Waxan ku hammiyi jirey in aan dhiso cusbitaal

ilaa markii aan 11 jir ahaa. Mid waxan ka

bilaabay dhismihiisii magaalada Muqdishu, laakiin

waxa la burburiyey markii dagaalladu ay qarxeen.

Markii aan gaadhay da’dii hawlgabka ee shaqada

laga fadhiisanayey, ayaa waxan goostay in aan mar

kale isku dayo dhisme cusbitaal oo markan aan ka

sameeyo dalkayga hooyo ee Somaliland. Waxa la i

siiyey dhul aad u ballaadhan oo ahaan jirey

xabaalo iyo qashin-qub, markii danbena meel wax

lagu laayo oo lagu toogto dadka dilka lagu

fulinayo ee maxaabiista siyaasadda. Dadku aad

ayay u necbaayeen oo ay u karhi jireen goobtan,

laakiin immika way jecel yihiin. Lacagtaydii xaqa

iyo gunnada hawlgabka iyo hantidaydii kale ayaan

ku kharash-gareeyey dhismihii cusbitaalkan,

halkii aan meel kale degi lahaa ee aan iska

ciyaari lahaa turub ilaa inta aan ku dawakhayo.

Iyada oo ay socdaan dhammaan mashaariicdan gaarka

ahi, dawladda Somaliland waa mid kooban oo taag

daran. Sabatuna waa dalkani oo aan haysan aqoonsi

caalami ah. Ma heli karo deyn debadeed oo buuran oo

uu ku bixiyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaybaha kale

ee horumarinta. Dhibaatadanna waxay madluun ka

dhigtay, oo warwar ku haysaa Madaxweynaha, Ahmed

Siilaanyo, oo yidhi:

Waxannu u baahannahay aqoonsi dibadeed, waayo waa

sida qudha ee aannu xubin buuxa uga noqon karno

mujtamaca amma duwalka caalamka. Kama qaybgeli

karno shirarka ay soo abaabulaan ee ay qabanayaan

Qaramada Midoobey iyo ururrada kale. Kama

faa’iidaysan karo barnaamijyada iyo mashaariicda

Baanka Adduunka iyo hey’adaha kale ee caalamiga

ah. Wax badan ayaa nagu seega aqoonsi la’aanta.

232

Samir badan ayaannu arrintani u yeelannay,

waxanan rajeynayaa in aannu u aayi doonno

samirkaasi oo aanu abaalkiisa heli doonno. Haddii

aannu helno aqoonsi caalami ah inta aan anigu

madaxweynaha ahay, waxannu samayn doonnaa

dabbaldeggii ugu weynaa ee weligii soo mara

adduunka.

Reer Somaliland waxay u muuqdaan inay aad uga roon

yihiin oo ay ugu badinayso ka maqnaanshaha shirarka

caalamiga ah, amma haddii si kale loo dhigo, inay u

aayeen oo ay u fiican tahay inayna ka mid noqon

hababka ku tiirsan mucaawanada. Waxay ka midaysan

yihiin, sida weyn ee ay ugu dhegan yihiin , una

doonayaan inay helaan aqoonsi caalami ah. raallina

kuma aha inay sidan ku sii jiraan, ka sakow

carqaladaha badan ee ka hortaagan, oo ay sii ahaadaan

mujtamac shaqaynaya oo ka jira dal aan la qoonsanayn.

Waa wax suurtogal ah haddaii la aqoonsan lahaa, in

Somaliland ay ka bilaabanto kala daadsanaan oo hanti

lagu khasaariyo waxyaabo dheeraad ah oo magaca

dawladnnimo amma qarannimadu ay la imanayso oo ku

ladhan. Tusaale ahaan, waxa laga yaabaa inay damcaan

inay safaarad weyn ka furtaan meel ka mid degaannada

bilicdasan ee heerka sare ah, ee qaaliga ah ee

magaalada London, halka imika uu ka yahay maqsin

qudha oo ku dhex yaal suuq aan bilic lahayn oo ka

tirsan xaafad gabowdey oo ka mid ah xaafadaha Bariga

London. Mark Bradbury, buuggiisa uu ka qoray

Somaliland, waxa uu ku sheegayaa inay jiri karaan

dhinacyo badan oo laga eegi karo doodda ku saabsan

bal in Somaliland ay wax ka taransan lahayd iyo in

kale, mucaawanooyin dheeraad ah oo debadeed oo ay

hesho:

Sababta oo ah faragelinta xagga milateri iyo tan

banii'aadminnimo ee Koonfurta ee natiijada xumi

ka timid, waxa timid dood odhanaysa in Somaliland

ay u ayday oo ka faa'iidaysatay inay ahaato mid

bannaanka ka joogta oo 'ka madaxbannaan ku-

xidhnaansho mucaawano'. Dood taasi ka duwan ayaa

iman karta, oo ah in mujtamaca caalamiga ah ay

seegtay fursadda ah in uu ka shidaal qaato habka

muwaafaqada amma heshiiska siyaasadeed ee

233

Somaliland ee xoojinta mabaadi'da maamul-

wanaagga. Haddii heerka kooban ee caalamiga ah

amma mucaawanooyinka xaddidan ee loo fidiyo

somaliland ay dib u dhigeen dib-u-soo-kaabashadii

muuqan lahayd ee xagga dhaqaalaha iyo siyaasadda

ee dalkaasi, markaasi waxa la odhan karaa dhinaca

kale inay ku kacday qiime amma la timid saamayn

banii'aadminnimo. Mana aha wax sahlan oo

suurtogal ah in si sugan loo xisaabiyo

saamayntaasi. Haddana maqnaanshaha faragelin weyn

oo debadeed waxay keentay in siyaasadda guduhu ay

hoos ka soo dhisanto, iyada oo aanay hageyn

saamayn ka timaadda imkaaniyaad, amma taageero

iyo ajandooyin debadadeed.22

waxa jira sabab Somaliland qiil uga dhiganayso inay

xaq u leedahay madaxbannaani. Sida uu qabo xeerka

Ururka Midowga Afrika, xuduudaha dalaku waa inay ku

ekaadaan xuduudihii ay lahaayeen ee loo qeexay

waqtigii ay gobannimada qaateen ee ay madax

bannaanadeen. Maxmiyaddii hore ee Ingiriiska ee

Somaliland waxay dhawr maalmood ahayd dal

madaxbannaan oo leh xuduudo gooniya oo sugan, ka hor

intii aanay la midoobin dalkii loo yaqaanney Somalia

italiana ee Koonfurta oo ahayd mustacmarad Talyaani.

Hasse ahaatee waxa carqalad weyn oo aan la dhaafi

karin ku noqotay mawqifka Dawladda Ku-meel-gaadhka ah

ee Muqdishu oo si aan leexleexad lahayn uga horjeedda

madaxbannaanida Somaliland. Dawladaha ajanebigu waxay

beryahan danbe wax ka bedeleen mawqifkoodii hore ay

ugu dhegganaan jireen ee ku aaddanaa Somaliland.

Maraykanku waxa uu ku dhawaaqay sanadkii 2010 inuu

taageero dheeraad ah siinayo dalkaasi. Ingiriiska

ayaa isna bedeley mawqifkiisii amma sidii uu ula

macaamilayey. Inta badan dalalka aduunku waxay ku

doodaan in uu yahay Ururka Midowga Afrika kan ay la

gudboon tahay in uu go'aan ka gaadho waxa laga

yeelayo Somaliland ee arrinteedu ay noqonayso. Marka

loo eego awod-darrida iyo guud ahaan inta badan wax-

ku-ool la'aanta ururkaasi, lagama yaabo dadweynaha

Somaliland inay beryahaasi arkaan wax isbedel ah oo

dhakhso ah oo ku yimaad sida ay haatan yihiin amma

xaaladda ay ku sugan yihiin.

234

Sabata ay dad sidaas u badan oo reer Somaliland ah

oo qurba-jooga ahaa ay ugu noqonayeen dhulkoodii, una

awodeen inay ku dhiiradaan bilaabidda mashariic xiiso

leh oo lafahooda iyo guud ahaanba dalka ay wax ugu

qabanayaan, waxa weeye in ilaa 1991-kii ay Somaliland

dib u dhisaysey dhaqaalaheeda, mujtamaceeda, iyo

dawladdeedaba, taasi oo ka duwan xaaladaha ka jirey

Somalia. Dib-u-dhiskani waxay u samaynaysay oo uu u

socda si gaabis ah oo qun-yar-socod ah, kuna salaysan

habkooda iyo qaabkooda, si xeelad ahna looga guurayey

nidaamkii siyaasadeed ee ku dhisnaa qaab-beeleedka,

loona gudbayey qaab ugu danbayntii ah hab

diimoqoraadi ah oo soomaaliyeed oo ku dhisan axsaab

badan. Sababta oo ah in aan Somaliland debadda

lagaga keenin qaababka reer-Galbeedka ee nabadaynta

iyo dib-u-dhiska, Somaliland waxay siyaabo badan uga

badbaaddey waxa ku dhacay ee ay ku danbeysey Somalia.

Waayo-aragnnimada tusaale ee Somaliland waxay

muujisay oo ay soo bandhigtay in haddii dadka loo

dhaafo inay iyagu maamushaan arrimahooda, in

Soomaalidu ay awod u leedaay inay samysantaan qaran

dawli ah oo isagu isku tiirsan oo iskii wax u qabsan

kara.

Ka bacdi markii Somaliland ay ka goosatay Somalia,

18-kii bishii May ee 1991-kii, taasi oo sabab u

noqotay inay ka sabata baxdo fargelin debadeed, dadka

reer-Somaliland waxay dib ugu noqdeen oo ay hoos ugu

dhaadheceen dhaqankoodii, iyaga oo dhisay nidaam

bilawgii ku qotomey siyaasad hab-beeleed iyo

qaddarinta hoggaanka iyo talada odayaasha, laakiin

marba marka ka danbaysa la sii waafajinayo oo la isla

qabadsiinayo qaababka casriga ah ee siyaasadda. Waxa

la qabtay shirar badan oo is-xigxigey oo ay yeesheen

beeluhu, shirarkaasi oo ergooyinku ka kala socdey

dhammaan qaybaha mujtamacaasi ay ka doodeen, kana

wada tashadeen, qaab-siyaasadeedka la qaadanayo, iyo

sida loo qaybsanayo awodda xukunka. Iyadoo ka duwan

'shirarkii dib-u-heshiinta' ee faraha badnaa ee

debadaha laga soo abaabulay ee loo qabtay Somalia

laga soo bilaao 1991-kii, kuwan Somaliland ee hoos

iyo gudaha ka soo asaasmay ee cidda qabsatay iyo

cidda loo qabtay ay soomaali ahaayeen, waxa ka soo

baxay hab lagu dhaqmi karo oo wax-ku-ool ah oo

235

cuntama, ficil ahaanna runtii shaqaynaya oo la

dabbiqi karo. Shirarkaasi siyaaasadeed ee Somaliland

waxay iskugu soo biyo shubteen aakhirkii,

shirweynihii magaalada Borama sanadkii 1993, kaasi oo

socdey muddo afar bilood ah, kuna dhammaaday

magacaabidda madaxweynihii labaad ee Somaliland,

uguna xilli dheeraa, Mohamed Ibrahim Egal. Mark

Bradbury waxa uu qabaa in ahmiyadda shirkaasi

saamayntiisu aanay ku ekayn oo qudha xuduudaha

Somaliland, laakiin ay aad uga durugsan tahay: '

Shiiirweynihii Borama ee 1993 ma koobayn astaynta

xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland oo qudha,

laakiin waxa kale oo uu tusaale u ahaa hab

nabadayneed oo dadweyne oo dhaqan ah oo gudaha ka soo

asaasma, qaabkaasi oo wax u dhigmaa ay ku yar yihiin

Afrikada maanta.23

Bradbbury waxa uu ku doodayaa in tiirka aasaasiga u

ah guulaysiga Somaliland uu yahay in dawladnnimadu

ay ka soo bilaabantay aasaaska hoose ee mujtamaca

amma dadweynaha, taasi oo si weyn uga geddisan qaabka

Somalia ay ku socotey: ' Haddii aynnu dib u xusno

sifihii ay Virginia Luling ka bixisay Somalia 1980-

yadii, ee ay ku tilmaantay " dawlad ka dul laallaadda

dadweyne aan weligood dhisan lahayn dawlad noocaas

ah, amma aan dalban lahayn iyada oo kale oo aan ku

iman rabitaankooda", haddii sifahaasi la barbardhigo

oo loo eego , tan Somaliland waxay u muuqanaysaa mid

ku dhisan, kana timid dadweynaha, ee aanay ahayn mid

dusha lagaga keenay."24

Waxa loo dejiyey Somaliland nidaam dawli ah oo

iskugu dhafan noocyo kala duwan. Waxa la isku milay

oo uu iskugu jiraa qaababka dawliga ah ee reer-

Galbeedka iyo kuwa dhaqanka ee arrimaha ijtimaaciga

iyo siyaasadda. Tani waxay ka muuqataa oo laga dhex

arki karaa hey’addaha sharci-dejinta amma golayaasha

Somaliland oo iskugu jira qaababka dhaqanka iyo kuwa

casriga ah. Golaha Guurtidu waxa uu ka kooban yahay

Odayaasha beelaha, halka aqalka baarlamaanka amma

golaha wakiilladu uu ka kooban yahay mudanayaal la

soo doorto. Is-waafajinta qaababkani dhaqanka

Soomaalida ee golaha odayaasha ee loo yaqaan Guurtida

236

ee lagu daray qaabkii dawliga ahaa, lana siiyey

golahaasi guurtida kaalin cad oo hawlaha iyo

mas’uuliyaadka ay gudanayaan, kuwaasi oo ay ku jirto

xallinta khilaafaadka gudaha, arrimahani waxay u

suurtogeliyeen in Somaliland ay ka faa’iidaysato oo

ay adeegsato qaababkii hore u jirey ee dhaqanka ee

is-maamulka, oo aanay iska indha-tirin amma burinin

habakaas. Golaha Guurtida ee lagu soo daray nidaamkii

siyaasiga ahaa, waxay suurtogelisay in si wax-ku-ool

ah oo cuntanta loo adeegsado odayaasha ugu mudan

mujtamaca ee laga danbeeyo, lana maqlo talooyinkooda

waayo-aranimo ee xallinta khilaafaadka. Tani waxay ka

mid tahay sababaha keenay in aanay khilaafaadkii

faraha badnaa ee gudaha ee dalkaasi inta badan aanay

isku rogin, amma ay far-ku-tiris ahaayeen, dagaallo

buuxa oo dhex mara beelaha. Haddana golaha guurtida

ee mudanka odayaashaa dadweynaha ee lagu soo daray

nidaamkii dawliga ahaa, waxa kale oo si sugan loo

habeeye in qaabka siyaasiga ahi uu matilo oo ay ka

dhex muuqdaan beelaha dalkaasi. Aasaasi ahaanna,

habka dawliga ahi waa isbahaysi awod-qaybsi oo ka

kooban beelaha waaweyn ee dalkaasi, iyada oo beeluhu

ay kuraas amma wakiillo ay ku leeyihiin aqalka sare

iyo kan hoose labadaba, kuraastaasi oo tiradoodu ku

salaysan tahay qorshe amma qaab hore loo dejiyey oo

loo cayimay.

Si haddaba qaabkaasi isku-jirka ah ee Somaliland uu

u hirgalo, una xuubsiibto nidaam dawli ah oo loo dhan

yahay laguna wada jiro, tani waxay u baahatay in la

helo hoggaan adag oo isku kalsoon. Tani waxa aad

loogu sii baahday gaar ahaan xilliyadii hore ee ay

jilicsanayd ee halistu ay jirtey, markii Somaliland

ay bilawga ahayd ee ay iskeed ugu dhawaaqday

jamhuuriyad socod-barad ah, Somalia oo si weyn liddi

ugu ahyd gooni-u-goosashada Somaliland-na ay ka

holcayeen dagaallo sokeeye.

Ninka haddaba yeeshay geesinnimadii uu ugu badheedhi

lahaa in uu hoggaamiyo Somaliland sannadihii ay

dhallaanka ahayd ee ay debecsanayd waxa uu noqday

madaxweyne Mohamed Ibrahim Egal oo ahaa siyaasi leh

waayo-aragnnimo iyo heybad shakhsiyadeed, oo

waqtigaas looga baahnaa oo muhim u ahaa si Somaliland

237

ay u sii jirto oo ay u hanaqaaddo. Waxa uu yaqaanney

sida looga hortago ee la iskaga caabbiyo kuwa iska ka

soo horjeeda ee dhallila ee debadda iyo gudahaba.

Waxa uu ka badbaadi karayey siyaasadihii Soomaalida

ee qasnaa, isagoo hore u soo kala qabtay mansabyo

siyaasadeed oo sarsare, oo ay ku jirto ra’iisal-

wasaare, iyo isagoo waqti badan ku jirey xabsiga

xilligii xukunkii Mohamed Siyaad Barre. Waxa uu ahaa

nin xariif ah oo xeelado badan, toos ah oo aan u

habran cidna, oo hadallo iyo kaftan qayaxan. Ma ahayn

nin u dhaqma hadba sida laga filayo ee ay tahay

munaasabadda lagu jiraa. Mar aan la kulmay sannaddii

1994 oo lagu jirey xilliyo gaar ahaan adag, oo

miliishiyooyin ka soo horjeedaa ay joogeen agagaarka

magaalo-madaxda, dagaallo qabaa’ilna ay ka socdeen

qaybo ka tirsan Somaliland, waxa uu u dhaqmayey sidii

nin aan waxaasba danaynayn oo aanay damqayn, una

muuqda in isku-kalsoonidiisa oo qudhihi ay ku filan

tahay cadowgiisa oo meesha ka baxa.

Cigaal waxa uu joogey muddo ku filan in uu soo saaro

Somaliland, dadweynaheedana ku beero isku-kalsooni ah

inay iyagu wax qabsan karaan oo ay istaagi karaan.

Markii uu dhintay 2002-dii, Somaliland waxay jirtey

11 sano, waxayna muddadaasi noqotay dal iskii wax u

qabsan kara oo isku tiirsan, iyada oo dib ay ugu soo

noqdeen boqollaal kun oo qaxooti ahaa oo ka yaacay

dagaalladii 1980-maadkii, haatanna dib ugu soo noqday

si ay u helaan nolol fiican.

Habkii loogu gudbayey madaxtooyo cusub waxa uu ahaa

mid si caadi oo aan dhib lahayn u dhacay, sababta oo

ah in marka horeba uu jirey qaab hore loo dejiyey oo

ku saabsanaa qofka xilka qabanaya ee loo magacaabi

karo, go’aankaasi oo ka mid ah awodaha waaweyn ee la

siiyey aqalka sare ee Golaha Guurtida.

Markii loo magacaabay Dahir Riyaale Kaahin

madaxweynannimada, dalku wuxu galay marxaladdii

labaad xagga horumarka siyaasadda, waxana si caadi ah

loogu gudbay hab xaddidan oo ku dhisan nidaamka

diimoqoraadiyadda axsaabta badan. Somaliland waxay

dabbaqday oo ay u gurguuranaysay sida ‘diinka’ oo

kale, si ay u gaadho nidaam siyaasadeed oo loo dhan

238

yahay, waxayna u socotay si tartiib-tartiib ah,

laakiin ay hubto halka ay u socoto. Laba iyo tobankii

sano ee ugu horreeyey intii ay jirtey Somaliland,

gebi ahaanba ma jirin wax axsaab ah oo siyaasadeed.

Ka dibna, si looga hortago ururro siyaasadeed oo ku

abtirsada beelo dabadana ku haya dano qabaa’il, waxa

la xaddidey tirada axsaabta oo lagu koobay saddex;

kuwaasi oo kala ahaa Kulmiye, Ururka Diimoqoraadiga

ah ee Ummadaha Bahoobey (UDUB), iyo Ururka

Caddaaladda iyo Daryeelka Dadweynaha (UCIDD).

Dastuurka dalkaasi waxa uu ka mamnuucayaa axsaabtu

inay ku dhisnaadaan qabyaalad amma gobolaysi. Markii

la gaadhay sanaddii 2011, waxa socdey doodo ku

saabsan in la sameeyo hab kordhinaya ka wada

qaybgalka siyaasadda. Qaabkani waxa uu dhinacyo badan

kala mid yahay kii Uganda oo kale, oo madaxweyne

Yuweri Museveni oo markii ugu horraysay ku bilaabay

inuu soo rogo hab aan sidiisaba ku dhisnayn wax

axsaab ah, kaasi oo markii danbe la ogolaaday in uu

si tartiib-tartiib ah iskugu bedeley oo looga gudbo

nidaamka dimoqoraaddiyada ee axsaabta badan, iyada oo

dalkaasi uu ka soo baxayey sannado badan oo ay ka

jireen khilaafyo iyo naxariisdarro siyaasadeed.

Tijaabadan Uganda waxay ahayd mid bilawgii si fiican

loogu guulaystay, laakiin markii danbe kharribantay,

markii uu Museveni xukunka ku sii dhegganaaday.

Dawladda Somaliland, mararka qaar ururrada xuquuqda

aadamigu waxay ku eedeyn jireyn dulqaad la’aan iyo

inay ku kacayso wax-cadaadin. Bishii July ee 2007-

dii, waxa la qabqabtay madaxdii urur siyaasadeed oo

marakaasi samaysmay, ururkaasi oo la odhan jirey

Qaran. Waxana wasaaradda arrimaha guduhu ay ku

eedaysay inay khatar gelinayaan nabadgelyada qaranka.

Saddex ka mid ah madaxdii ururka Qaran ayaa markii

danbe la xidhay iyada oo aan maxkamad la geyn.

Doorashadii madaxweynennimada ee bishii April 2003,

Dahir Riyaale Kaahin waxa uu ku helay aqlabiyad aad u

yar oo ahayd siddeetan cod oo qudha oo uu dheeraaday

qofkii ugu weynaa dadkii isaga la tartamayey, oo ahaa

musharraxii ka socdey xisbiga Kulmiye. In kasta oo ay

jireen eedaymo ku saabsan musumaasuq iyo falal wax-

239

isweydaarin ah, haddana Somaliland kama dhicin qas

iyo dhiig daataa. Riyaale waxa uu sii ahaaday

madaxweynihii dalka xilli labaad. Doodo kulul ayaa ka

dhacay baarlamaanka, mararka qaarna gacan-ka-hadal.

Laakiin hadda Somaliland waxay awoddey inay daboolka

ku hayso oo ay halkaa ku ekaadaan khilaafyada

siyaasadeed, taasi oo macnaheedu noqon karo in ay soo

baxayso oo looga gudbayo diimoqoraadiyad caafimaad

qabta oo xoog leh, oo afkaarta kala geddisan

macnaheedu aanay ahayn inay isku rogaan dagaal gacan-

ka-hadal ah.

Waxa jirey xilliyo ay taagnaayeen xiisado waaweyn oo

siyaasadeed, laga soo bilaabo sannaddii 2008-dii ilaa

2010-kii, markii doorashooyinkii la filayey ay kolba

dib u sii dhaceen, sababta oo ahayd dhibaatooyin la

xidhiidhey liiskii diiwaangelinta cod-bixiyayaasha

iyo arrimo kale oo murugsanaa. Markii aakhirkii ay

suurtowdey in la qabto doorashadii sanadkii 2010-kii,

dadweynaha waxa ka go’naa inay dhiibtaan codkooda,

waxayna galeen safaf dhaadheer oo ay tubnaayeen

milicda saacado badan, iyaga oo aan waxba ka soo

qaadin oo iska indhatiray hanjaabadihii iyo

digniintii ururka al-Shabaab ee ahaa in aan loo soo

bixin oo aan laga qayb geli doorashooyinkaasi.

Hoggaamiyihii xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa

doorashadaasi ku helay aqlabiyad kooban. Iyada oo ka

geddisan sida ay yeeleen hoggaamiyayaashii dalal kale

oo Afrikaan ah oo ka horumarsan Somaliland, lehna

nidaamyo diimoqoraddi ah, sida Ivory Coast, Zimbabwe

iyo Kenya, madaxweynihii waqtigaasi waxa uu aqbalay

natiijadii ka soo baxday doorashadaasi, waxanu

awoddii xukunka ku wareejiyey Ahmed Mohamed Siilaanyo

oo noqday madaxweynihii afraad ee dalkaasi muudadii

labaatanka sano ahayd ee Somaliland ay jirtey.

Somaliland ma aha meel aan lahayn mashaakilkeeda.

Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ah kuwa uu ka

jiro khilaaf ka dhexeeya Puntland, mararna ay ka

dhacaan dagaallo goosgoos oo dhex mara labada dhinac.

Waxa kale oo gobolladaasi ka jirta kooxda mucaaradka

ah ee SSC, kuwaasi oo u dagaallamaya sidii

gobolladaasi ay dib ula midayn lahaayen Somalia.

Somaliland waxa kale oo wax ka soo gaadheen

240

dagaallada ay wadaan kooxaha Islaamiyiintu.

Hoggaamiyaha al-Shabaab, Ahmed Abdi Godane, waa nin

reer Somaliland ah. Hey’adaha nabad-sugidduna waxay

sheegaan inay jiraan xubno qarsoon oo ka tirsan

taageerayaasha al-Shabaab oo ku dhex dhuumanaya dalka

dhexdiisa. Bishii October ee 2008, al-Shabaab waxay

magaalada Hargeysa ka dhex fulisay sadderx qarax oo

ismiidaamin ahaa oo ay mar ku wada qaadday qasriga

madaxtooyada, xarumaha Barnaamujka Horumarinta ee

Qaramada Midoobey (UNDP), iyo xafiiskii ilaalinta

danaha Ethiopia. Isla markaasi waxay ka dhex fulisay

Puntland laba weerar. Waxa ku dhintay weerarradaasi

oo lagu diley dad ilaa soddon qof ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda nabadgelyada ee

Somaliland waxa uu ii sheegay in bileyska iyo

milateriga dalku ay yihiin kuwa taag daran oo aan wax

ka qaban karayn khataraha waaweyn ee ku iman kara

nabadgelyada. Waxa uu sheegay in ciidamada

nabadgelyadu ay yihiin kuwa la lumiyey oo musuqmaasuq

kharribey: ‘sharciga halkan ka shaqeeyaa waa konton

doollar oo Maraykan ah’, ayuu yidhi. Hargeisa waxa uu

ku tilmaamay inay tahay ‘albaabka loo sii maro

Muqdishu’, waxanu intaasi ku daray in Islaamiyiinta

xagjirka ah qaarkood ay ka soo galaan gobolka dhinaca

Somaliland oo ay marin ka dhigtaan, halkaasi oo aan

inta badan laga yaabin in laga shakiyo. Dhibaato kale

oo sarkaalkaasi ii sheegay waxa weeye in Somaliland

ay haatan ku sugan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo

mashaakil kala kulmay xagga sharci, gaar ahaan

mukhaadaraadka amma maandooriyayaasha, dalalkii ay

joogi jireen ee Ingiriiska, Holland, Denmark, iyo

dalalka kale ee Yurub. Waxa uu yidhi dhallinyaraasi

waxay ku dhex milmeen ddweynihii halkan ee gudaha,

iyaga oo la yimid falal-denbiyeedyo ay dalka soo

geliyaan.

Arrinta ah jiritaanka ‘laba Soomaaliyeed’ waxay

keenaysaa su’aalo muhiim ah oo la isweydiiyo. Maxay

ku dhacday in in ka badan labaatan sano ka bacdi, in

Qaramada Midoobey iyo dawladaha ugu awodda badan

adduunku ay weli sii wadaan inay siiyaan hanti,

aqoonsi, iyo taageeraba dawladda ‘dhexe’ ee Muqdishu

oo mararka qaar maamulkeedu aanu dhaafsiisnayn wax

ka baxsan dhawr degmo oo ka tirsan magaalo-madaxda,

241

weligeedna aan wada gaadhin Somalia oo dhan? Maxay

uga gaabiyeen inay ka shidaal qaataan tusaalaha iyo

waayo-aragnnimada Somaliland, oo ay u garan waayeen

in, halka la samaynayo faragelin debadeed oo fara

badan, in malaha ay habboon tahay in la yareeyo, oo

sidaasi ay tahay sida loogu qaatey?

7 Dumar ka tirsan booliska Somaliland (Mary Harper)

Iyada oo imika Ingiriiska iyo Maraykanu ay siinayaan

Somaliland iyo gobollada kale ee deggan ee

Soomaaliyeed taageero dheeraad ah, waxa iman karta

khatar kale oo soo biirta oo ah in laga yaabo in

lacagayowga la geynayo dhulalkaasi ay keenaan

dhibaatooyin kale.

Somaliland waxa qarqiyey oo ka buuxa hey’adaha aan

dawliga ahayn (NGOs). Markii aan baabuur ku dhex

maray magaalada Hargeisa, calaamadaha iyo boodhdhka

aan arkay waxay u badnaayeen, marka laga reebo

xayeysiisyada sharikadaha isgaadhsiinta iyo

242

kambaniyada telifoonnada gacanta ee moobiillada,

boodhadka shaacinaya magacyada hey’adaha aan dawliga

ahayn ee gudaha (NGOs) iyo kuwa caalamiga ah, iyo

hey’adaha Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa ee jooga

dalka. Waxan qoray liis koobaya magacyada aan ku

arkay laba jid amma waddo oo qudha: Action Against

Poverty, Somaliland Youth Peer Education Group,

Handicap International, UNESCO, Mercy Corps, FAO,

UNDP … Markii aan dhex luugeeyey xaafadaha kale ee

liita ee saboolka ah ee magaaladana, dadku inta ay i

joojiyaan, ayay i weydiinayeen, ‘NGO-gee ayaad ka

tirsan tahay amma ka socotaa? Maxaad noo siddaa?’

Dhibaato kale oo walaac leh oo ay la imanayaan

hey’adahan caalamiga ah ee horumarintu ee soo

badanayaa waa dadkii aqoonta iyo kartida lahaa ee

Somaliland oo ku qulqulaya hey’adahaasi, kana tegaya

hey’adihii gudaha iyo ururradii waddaniga ahaa, iyaga

oo u xilanaya mushaharka sare, iyo magaca laga yaabo

inay ku helaan inay u shaqeeyaan Qaramada Midoobey

(UN), amma hey’ad kale oo caalami ah. Dad dhawr ah oo

reer Somaliland ah, oo sannado badan ku qaatay dib-u-

dhiskii dalkooda, iyaga oo aan helin mucaawano

sidaaya oo debadeed, waxay ii sheegeen inay ka

baqayaan in NGO-yadan badan ee dalka qarqiyeen ay

dhici karto inay tirtiraan niyaddi iyo isku-tashigii

ahaa in dadku ay iskood ‘wax u qabsan karaan’, kuna

bedelaan dhaqan ah in aad cid kale ku tiirsanaatid oo

aanad adigu waxba qabsan.

Waxyaabaha cuntama ee Somaliland ay dhaqan gelisey,

gaar ahaanna abuuritaanka nidaam siyaasi ah oo

shaqaynaya, waa wax ay kaga dayan karaan gobollada

kale ee Somalia ee ismaamulka hoose lihi. Laakiin

haddii taasi lafteeda lagu sii talax tago oo lagu

fogaado, waxay keeni kartaan inay samaysmaan dhawr

dawladood oo kale oo Soomaaliyeed, iyo in guud

ahaanba Somalia ay si rasmi ah u kala burburto amma u

kala qaybsanto. Waxa kale oo suurtagal ah in

Somaliland ay ka mid noqoto dawlad Soomaaliyeed oo

laakiin ku dhisan hab guud oo federaal qaab sare ah,

oo nidaamka siyaasadeed ee Somalilandna uu noqdo mid

ay kaga daydaan oo ay qaataan maammullada gobollada

kale. Laakiin tani lagama yaabo inay dhacdo, waayo

243

Somaliland ma doonayso inta suurtogal ah inay wax ku

sidaaya ku darsato Somalia, ugu yaraan marka loo eego

sida xaaladdeedu ay haatan tahay. Ismail Mohamed

Hurre, oo lagu naanayso Boobaa, horena u ahaan jirey

wasiirka arrimaha debadda ee dawladdii ku-meelgaadhka

ahayd ee Somalia, waa nin asalkiisu ka soo jeeda

Somaliland.. Laakiin markii aan la kulmay sannaddii

2010-kii, waxa uu dhawr sannaba degganaa huteelka

Andalus ee magaalada Nairobi. In kasta oo uu asal

ahaan ka soo horjeedo fikradda gooni-isku-taagga amma

madaxbannaanida Somaliland, haddana waxa uu qabaa in

magaala-madaxda Hargeisa ay noqon karto xaruntii

awodda xukunka ee Somalia oo dhan:

Somaliland waxay immika taagan tahay heer ay

xukumi karto Somalia oo dhan. Somaliland haatan

waa meel nabad ah oo bed qabta, laakiin haddii

xaaladda Muqdishu ay sidaas ku sii jirto oo ay ku

sii socoto, qaskaas iyo dagaalladaasi waxa uu

aakhirka saamayn doonaa oo uu gaadhi doonaa

Hargeisa, ha noqoto xilli dhaw amma xilli danbe.

Qayb keliya kama jiri karto nabad iyo

degganaansho aan ka jirin kuwa kale. Soomaalidu

waxay noqonaysaa mid amma wada dhibaataysan, amma

wada tanaadda oo horumar wada samaysa. Waxannu

nahay ummad qudha oo qaran ah. Qolooyinka amma

beeluhu ma noqon karaa qaran. Ummadda

Soomaaliyeed ee Geeska Afrika waa dal gebi ahaan

mid ah. Kama rajo qabno oo ma sugeynno in dib loo

abuuro qaran Soomaaliyeed oo ka kooban shantii

xiddigood. Taasi waxay noqonaysaa riyo fog oo

cirka jirta. Waa in aan ku xisaabtanna xaqaa’iqa

maanta jira, labada qaybood ee dadweynaha deggani

ay boqolkiiba-boqol yihiin Soomaali. Labadaas

qaybood mustaqbalkooda iyo aayahooda danbe waa

isku mid oo waa mid ay wadaagaan, nabad iyo nabad

la’aan labadaba.

Sannadkii 2011, xubno ka tirsan baarlamaanka

fahdigiisu yahay magaalada Muqdishu iyo Soomaali kale

oo reer-Koonfureed ah oo muhim ah, ayaa waxa ka

muuqatay inay ka gunuunacayaan amma ka murmayaan

suurtogalnnimada in Somlia oo dhan laga xukumo

Hargeisa. Tiro yar ayaa xataa sheegtay inay jeclaan

244

lahaayeen in madaxweynaha Somaliland, Ahmed Silaanyo,

in uu la wareego xukunka dhammaan dhulka Soomaalida.

Sida uu ugu tilmaamay Michael Walls qoraalkiisii

‘Soo-ifbixitaanka Somaliland’ ee 2009, Somalia waxa

horyaal waxyaabo badan oo ay ka baran karto

Somaliland, oo ku saabsan sida ay uga gudbi karto

meel dagaallo ay burburiyeen, una gudbi karto qaab-

dawladeed shaqaynaya oo wax-ku-ool ah:

Xilligan xaaladaha ka jira dhulalka Koonfurta iyo

Badhtamaha Somalia ay yihiin qaar ugu wacnaan

kara in quus laga taagnaado, waxa muhiim ah in la

aqoonsado oo la isku dayo in wax laga barto

xaqiiqada taal Somaliland ee ka duwan

xaaladahaasi, halkaasi oo imkaaniyaadkii gudaha,

si habboon oo wax-ku-ool ah loogu adeegsadey

sidii loo heli lahaa nabad waarta iyo hab u

muuqada nidaam diimoqoraadi ah oo shaqaynaya.25

Guusha Somaliland waxa xuddun u ah qaababkeeda

siyaasadeed ee isku-dhafka ah ee sida firfircoon u

shaqaynaya, kuwaasi oo meelaynaya oo tixgelinaya hab-

beeleedka iyo hoggaankii dhaqanka, laakiin aan u

ogolaanayn inay yeeshaan awodda buuxda iyo gacanta

sare ee siyaasadda. Suxufiga Raage Omaar oo ah nin ka

soo jeeda Somaliland, sida uu ku qoray maqaalad ku

soo baxaday jariidadda the Guardian 6-dii July ee

2010 oo cunwaankeedu ahaa ‘Jihaad-doonka albaabka

kugu xiga jooga’, waxa uu isna qabaa inay tahay wax

lala yaabo in dawladaha debaddu aanay ilaa hadda si

buuxda ugu soo jeesan Somaliland, marka loo eego

siyaasadahooga ku aaddan Somalia, laakiin ay ka door

bideen inay xoogga saaraan dalalka kale ee la deriska

ah Somalia:

Dawladda go’doonka ah ee Muqdishu ee Qaramada

Midoobay ay ilaaliso, ma haysato cid kale oo ay

iskaashadaan oo leh ciidan nabadgelyo oo xoog

leh, hey’ado iyo waaxyo ku dhisan hab

dimoqoraaddi ah, iyo aqoon dheer xagga dhaqanka

Soomaalida, luqada, nidaamk beelaha iyo

siyaasadda intaba. Ilaa hadda, dawladaha reer-

galbeedku, waxay ka dhawrayeen dalalka Ethiopia,

245

Kenya, Uganda iyo kuwa kale inay noqdaan bahda

ugu weyn ee ay iskaashadaan, iyaga oo indhaha ka

lalinaya oo aan tixgelinayn cidda ay kaashan

lahaayeen ee dan toos ahi ay ugu jirto in nabad

iyo xassillooni laga sameeyo Muqdishu, lana

joojiyo faafitaanka caaddifadda waddaniyadda ee

is-ballaadhinta.26

Waaya-aragnnimada Somaliland waxay ugu yaraan

keenaysaa tusaale rajo oo ay yeeshaan, kana

fii’deystaan qaybaha kale ee Somalia ee ku

guuldarraystay inay ka sabatabaxaan dagaallo iyo

deganaansho la’aan aan dhammaad lahayn oo soo

noqnoqonaya. Dhinacyada ay iskaga midka yihiin ee ay

wadaagaan gobolladaasi ayaa ka badan oo ka weyn

waxyaabaha ay ku kala geddisan yihiin; haddii

Somaliland ay wax qabsatayna, sidoo kale Somalia

iyana waxbay qabsan kartaa. Labadaba waxa burburiyey

dagaallo, labadaba waxa si qoto dheer oo murugsan uga

ka jira hab-beeleedyo dhaqan ah oo loo kala qaybsamo,

labadabana waxa ka jira dadweyne leh hal-abuur, ku-

dhac iyo dhiirranaan. Xaqiiqada ah in xataa qaybihii

Somalia ee ay ugu badnaayeen qaska iyo dagaalladu, in

haatan ay awodeen inay horumar dhaqaale oo degdeg ah

ka sameeyaan dhinacyada qaar oo ay ku jiraan xoolaha

nool, sharikadaha xawaaladaha lacagaha iyo kuwa

isgaadhsiinta, waxay noqonaysaa oo soo kordhinaysaa

in dawladnnimo ‘fashilanta’ amma guudaraysta aan loo

qaadan Karin in macnaheedu yahay dal fashilmay.

246

CUTUBKA 5aad: Budhcad-badeedda (Piracy)

Magacaygu waa Geeddow Cali. Waxan ku noolahay

meel ka mid ah xeebaha Soomaaliyeed ee Badweynta

Hindiya. Waxan jecelahay in aan la iigu yeedhin

‘budhcad’ ee la iigu yeedho xubin ka tirsan

‘ciidanka ilaalada xeebaha’.

Dhulkayaga si fiican ayaannu ugu noolaan jirney,

laakiin duruufaha ayaa nagu kallifay in aannu

noqonno waxa haatan aannu nahay. Waxannu ahaan

jirney kalluumaysato, noloshayadiina waxa khatar

geliyey ajanebi soo galay badahayagii oo

kalluunkayagii qaatay. Sidaa awgeedna, waxan

go’aansannay in aannu arrintaasi wax ka qabanno,

waana sababtaa ujeedadaa aannu u samaynnay

ururkan ‘Ciidamada Ilaalada Xeebaha’.

Waxannu soo qabannaa maraakiibta soo gasha

badahayaga. Waxannu ka qaadnnaa ‘khidmad amma

cashuur’, waxanannu ka codsannaa in aanay dib

noogu soo noqon. Lacagtaas waxannu ku

isticmaalnaa in aannu dib ugu soo iibsanno

qalabkii ay naga burburiyeen ajanebiga nagu soo

duuley, iyo in aannu magdhaw ka siinno qoysaskii

dadkii naga tirsanaa ee ay dileen amma

dhaawaceen. Aniga noloshaydu aad ayay u fiican

tahay imika, laakiin waxa jira dad ka tirsan

‘Ilaalada Xeebaha’ oo ku nool xaalado aad u

liita.

Waxan maqlay in la nagu sheego in aannu ku

xidhannahay ururro waawaeyn oo caalami ah oo

dembiilayaal ah. Waxaas waa wax aan waxba ka

jirin gebi ahaan oo been ah, in kasta oo aannu

jecel nahay in aannu taageero ka helno cid kasta

oo dhinacayaga ah oo ka horjeesata gardarrada

Maraykanka.

247

Hadda ka hor waxannu ogaan jirney oo keliya

meesha ay joogaan maraakiibta ajanebiga ah ee

maraya agagaarka xeebahayaga, laakiin maalmahani

ciidamadan soo duuley ayaa aad u kordhiyey

ilaaladii. Laakkiin dan kama lihin taas oo kama

werwerno, waayo waxannu samaynay farsamooyin kale

oo aannu ku ogaan karno, kuna soo qabsan karno

maraakiibta maraysa meel kasta, xattaa kuwa

maraaya agagaarka Cummaan, India, iyo Madagascar.

Adduunka intiisa kale waxa ka dhaadhacsan oo ay

noo haystaan in aannu nahay dad xun. Waxay noo

haystaan denbiilayaal in aannu nahay. Laakiin ma

jirto cid qudha oo inta ay noo timid wax na

weydiisey. Duruufahan waxa keenay, ma jirin wax

kale oo aanu samayn karanney amma ku bedelanno;

waxa la nagu khasbay in aannu noqonno ‘Ciidamada

Ilaalada Xeebaha’, waxana noogu wacan ajanebigan

nagu soo duuley. Sidaas ayaanan ku sii wadeynna

oo ku jireynna ilaa inta la noo imanayo ee wax la

na weydiinayo, dhibaatooyinkayagana la

garawsanayo. (Geeddow Cali, February 2011).

Soo-ifbixitaanka budhcad-badeedda ka dillaacday

Somalia, laga soo bilaabo badhtamihii sannadkii 2000,

waxay soo jeedisey adduunka oo ku baraarugay

dhibaatadani, una daneeyey si ka weyn oo ka badan

sidii loo danayn jirey wax kasta oo kale oo ka mid ah

xaaladaha dalkaasi. Jaraa’idka ayaa ka qoray

maqaalado iyo bogaga aad u fara badan, qalabka

warbaahintuna waxa uu siiyey waqti dheeraad ah oo ka

badan inta la siiyo mawaadiicda kale, in kasta oo

falalkani budhcad-badeeddu ay yihiin hawlgallo ay ku

lug leeyihiin qayb yar oo keliya oo ka tirsan

dadweynaha, haddana ay yihiin arrimahaasi oo dhammi

kuwo guud ahaan ka bixinaya Somalia sawir amma

muuqaal aan sax wada ahayn.

248

Warbaahinta reer-Galbeedku waxay harraad weyn oo aan

la haqabtiri karayn u qabaan wararka iyo sheekooyinka

la xidhiidha ee ka hadlaya arrimaha budhcad-badeedka.

Waa arrin yeelan karta waxyaabo la daneeyo oo si

lab-la-kac ah oo caruurnnimo loo xiiseeyo, laakiin

dhinaca kalena ah naxarii-darro xanuun badan oo ku-

talax-tag ah.

Doonyo yaryar oo dheereeya oo ay saran yihiin kooxo

Soomaali ah oo dhuudhuuban oo wada caato ah, oo la

luudaya qoryo ku culus iyaga, ayaa ku wareega

badweynta Hindia, si ay u ugaadhsadaan maraakiibta.

Waxay qaataan oo ay adeegsadaan qalab yaryar oo

fudud, sida xadhko wata qadhabatooyin la sudho

meelaha la rabo in la fanto amma la fuulo, sallaan

amma jaranjarooyin, si ay u fuulaan oo ay u qabsadaan

maraakiibta waaweyn ee raran iyo shaqaalaha la socda,

ugana qaataan lacag madax-furasho ah oo malaayiin

doollar ah, madax-furashadaasi oo marka la bixiyo oo

keliya ka bacdi ay sii daayaan dadkii la-haystayaasha

ahaa iyo maraakiibtii. Waxa dhacda is-rasaasayn iyo

taxshiirado la is-weydaarsado, weerarro iyo hawlgallo

la isku dayo in dadkaasi iyo maraakiibtaasi lagu soo

furto, iyo hawgallo ku danbeeya khasaare iyo

dhibaatootin naxdin iyo murugo leh oo ka yimaadda.

Waa wax u ekaan kara filimada Hollywood ee la jilo

iyo sheekooyinka khatarta ah ee qar-iska-xuurnnimada,

laakiin waa wax run ah oo jira.1

Budhcad-badeedda Soomaalida, waxa ka abuurmay

dhaqaale cusub, kaasi oo aan u keenin budhcadda

afduubta maraakiibta oo keliya lacagyow aad u fara

badan, laakiin sidoo kale dhakhli badan iyaguna ka

hela oo ay ku qabaan kuwa soo abaabula ee ka danbeeya

hawlgalladaasi iyo kuwa gacanta dhexe amma

dillaaliinta ah ee u qaabilsan gorgortanka. Qaar

kalena waxay siyaabo kale lacago uga helaan

farsamooyinka noqday shaqo iyo xirfad lagu xoogsado

oo wax lagu helo ee hawlaha la xidhiidha budhcad-

249

badeedda iyo sidii wax looga qaban lahaa

dhibaatadaasi.

Waxa la abuuray sharikado cusub oo xagga

nabadgelyada ah oo ka ilaaliya maraakiibta weerarrada

budhcad-badeedda. Waxa lagu dhaqaaqay sidii loo

samayn lahaa, loona iibgelin lahaa, qalabka ka-

hortagga budhcadbadedda, kuwaasi oo ay ku jiraan

xayndaabyo silig amma taar ah oo koranto lagu xidho

oo lagu wareejiyo dheegga maraakiibta, tuunbooyin

amma dhuumo waaweyn oo lagu furo budhcadda iyo qoryo

madaafiic ah oo qaylo dheer oo aan loo adkaysan

Karin, oo lagaga sasiyo, la iskaga waabiyo ciddii

looga shakiyo inay weerar yihiin ee ku soo dhawaata

maraakiibtaasi. Waxa soo baxay noocyo cusub oo ah

khubaro, la-taliyayaal, caymis, qareenno, wakiillo,

shaqaale iyo ciidammo gaar ah oo xagga nabadgelyada

ah, iyo dillaaliin qaabilsan wada hadallada

gorgortanka lacagta madax-furashada, dhammaan

kooxahaasi oo budhcad-badeedda Somalia ay u noqotay

shaqo ay lacagayow fiican iyo nolol ka heli karaan.

Heerarka caymiska ee maraakiibta ka gooshaysa

xeebaha Somalia, waxay kor u kaceen toban-laab markii

budhcad-badeeddu ka bilaabantay soohdimahaasi.2

250

Khariidad 4.1 Meelaha ay gaadheen weerarrada budhcad-

badeedda Soomaalidu, 2005 – 2010

Ka sakow dhammaan khubaradan cusub, iyo joogitaanka

ciidammo caalami ah ee ilaaliya xeebaha Somalia,

haddana waxa sii korodhay budhcad-badeeddii

251

gobolkaas, in kasta oo tirada weerarrada ay qaadaan

ay yihiin qaar isbedelaya oo ku xidhan hadba xilliga

lagu jiro. Bishii Oktoobar ee 2009, waxa la afduubay

siddeed markab iyo 170 shaqaale ah oo ay qafaasheen

budhcad-badeeddu. Bishii April ee 2011-kiina, sida

laga soo xigtay tirakoob ay samaysay hey’adda

caalamiga ah ee ka-hortagga budhcad-badeedda ee

Ecoterra, tirada maraakiibta la qabsaday waxay

gaadhay ilaa konton, iyo shaqaale ka badan siddeed

boqol oo qof.3

Soomaalidu waxay noqdeen kuwa ugu firfircoon, uguna

badan xagga ku-guuleysiga hawlgallada qafaalashada,

marka loo eego budhcad-badeedda adduunka. Sida uu

sheegay Xafiiska Badaha Caalamiga ah (International

Maritime Bureau), guud ahaan tirada maraakiibta

adduunka oo dhan laga afduubay sannadkii 2010 waxay

dhammayd 53 markab, 49 kuwaas ka mid ahna waxa

qabsaday budhcad-badeed Soomaali ah. Isna machad

Maraykan ah oo la yidhaa One Earth Future, waxa uu

2010-kii ku qiyaasay in falalka budhcad-badeedda, oo

intooda badan ka dhaca xeebaha Somalia, inay ku

kacaan kharash dhan inta u dhaxaysa toddoba ilaa

laba-iyo-toban bilyan oo dollar oo kaga baxa

dhaqaalaha caalamiga ah.4

Waxay u muuqataa in sida qudha ee looga hortegi

karo, loona hubin karo in budhcad-badeeddu aanay soo

weerarin maraakiibta ka gooshaysa xeebaha Somalia,

inay tahay in maraakiibtaasi la raaciyo ciidammo iyo

maraakiib ah kuwa dagaalka ee badda oo la oo

ilaaliya. Hawgallada noocan ah, waxa gaar ahaan loo

abaabulay maraakiibta Barnaamijka Cunnada Adduunka ee

Qaramada Midoobey (WFP) ee raashinka gargaarka ah u

qaada Somalia, kana taga dekadda Mombassa ee Kenya,

maraakiibtaasi oo ilaa hadda ka badbaadey weerarrada

budhcad-badeedda. Laakiin ma noqonayso wax suurtogal

ah in markab kasta oo ka mid ah tobannaanka kun ee

252

markab ee sannad kasta mara soohdimahaasi, in loo

sameeyo oo la raaciyo ciidammo ilaaliya.

Ciidamada caalamiga ah ee ilaalinta badahaasi, ayaa

ka sameeyey Khooriga Cadmeed aag marin ah oo bedqaba

amma ka fayow budhcad-badeedda oo ay mari karaan

maraakiibtu, khoorigaasi oo la sii mariyo boqolkiiba-

shan-iyo-soddon saliidda adduunka. Khoorigaasina waxa

loo yaqaan meel halis ah oo u nugul budhcad-badeedda

amma ‘Hoygii Budhcad-badeedda’, sababta oo ah

weerararda badan ee ay halkaasi ka soo qaadaan.

Tallaabooyinkani, budhcad-badeeddu waxay kaga

jawaabeen iyaga oo bedeley xeeladihii iyo hababkii ay

adeegsan jireen ee ay wax ku soo qafaalan jireen.

Halkii ay awal ka isticmaali jireen doonyo yaryar oo

ay ka soo kaxaystaan Somalia oo ay wax ku weeraraan,

waxay sameeyeen inay marka hore soo qabsadaan

maraakiib heer dhexe ah oo ay ku rartaan qalabka iyo

doonyaha dheereeya, kuna tagaan meelo fogfog oo ah

badweynta Hindiya, ilaa Sychelles, India iyo

Madagascar, kana qaadaan duullaankooda hakaasi.

Sannadkii 2011, hawlgallada budhcad-badeedda

Soomaalidu waxay gaadheen dhul iyo meelo aad u

ballaadhan oo baaxad weyn – ilaa afar milyan oo

kiiloomitir oo dhinac walba iska leeg oo badweynta

ah. Dhulka baaxaddaasi lihina waa mid aad ugu culus

oo aan suurtogal ahayn in ciidamada caalamaiga ah ee

ilaalada baduhu inay la wada socdaan oo ay ka

warhayaan, iskaba daa inay ilaaliyaan oo ay

kormeeraane. Adeegsiga maraakiibtaasi heerka dhexe ah

ee ay marka hore soo qabsadaan budhcad-badeeddu, kuna

shaqaystaan inta badan isla shaqaalihii

maraakiibtaasi, waxay awodsiisay budhcad-badeeddu

inay sii wadan karaan hawgalladooda sanadka oo dhan,

sababta oo ah maraakiibtaasi waaweyni waa qaar u

adkaysan kara badaha kacsan iyo hawada kharriban.

253

Markabkii Sirius Star (The Seirius Star)

Mid ka mid ah weerarradii ugu cajiibsanaa, uguna

dhiirranaa waxa uu dhacay bishii November ee 2008,

markii koox yar oo ah budhca-badeed Soomaaliyeed ay

afduubeen markabkii Sirius Star, marabkaasi oo ahaa

nooca ugu waaweyn ee qaada saliidda, lagana lahaa

dalka Saudi Arabia, oo dhererkiisa iyo baaxaddiisa

lagu qiyaasay iuu le’egaa ilaa sadex garoon oo kuwa

kubada cagta ah oo la isku wada daray. Waxaa la

weeraray isaga oo marayaa meel 450 mayl-badeed u jira

oo kaga beegan dhinaca koonfur-bari ee xeebta Kenya.

Waxanu waqtigaasi ahaa markabkii ugu weynaa ee

weligii budhcad-badeed u gacan-gala ee ay qabsato.

Markabkaasi Sirius Star, oo ka soo kicitimay dalka

Saudi Arabia una socdey Maraykan, waxa uu sidey

saliid qiimaheedu dhan yahay $100,000,000 (boqol

milyan oo doollar oo Maraykan ah), taasi oo ka badan

rubuc, amma afar meelood marka loo qaybiyo meel

ahaan, guud ahaan saliidda Saudi Arabia ay soo saarto

maalintii. Wararkii ku saabsanaa afduubka markabkaasi

waxay saameeyeen suuqyadii dhaqaalaha ee adduunka,

waxayna sababeen in qiimihii saliidda qaydhiin ee

suuqyada adduunku ay kor u kacaan.

Weerarradaasi qaawan ee noocan ah, waxa

suurtogelinaya budhcad-badeedda oo mararka qaar awodi

kara inay fuulaan maraakiibta, iyada oo aan laga

warhelin oo aanay ogaan shaqaalaha maraakiibtaasi.

Waxay eegtaan meesha ugu gaaban dheegga markabka ,

mara uu biyaha ku dhex jiro ee ay ka fanan karaan,

iyaga oo watta marka ay u soo dhawaadaan maraakiibta,

doonyo yarar oo aad u dheereeya, inta badanna ku soo

dhex duunta xilliyada habeenkii ee madowga ama

gudcurka ah. Waxayna sudhaan dheegga markabka, xadhko

leh qadhabatooyin iyo sallaan amma jaranjarooyin,

waxayna si degdeg a u fantaan oo ay u fuulaan

markabka. Iyada oo aanay sideedaba hubaysnayn

254

shaqaalaha maraakiibku, budhcad-badeeddu waxay

yeelanayaan gacanta, sare marka ay fulaan ee ay

tagaan markabka dhexdiisa, waayo iyagu waxay sitaan

hubkoodii iyo qoryohoogii.

Waxa ii suurtogashay in aan helo lambarka telifoon

aan kala xidhiidhi karo markabkaasi Sirius Star,

laakiin waxa dhacday in mar kasta oo saaxiibadayda

Soomaalidu, ama aniga laftaydu, in mar kasta oo aanu

isku dayno in aannu garaacno oo uu noo galo lambarkii

telifoonka ee markabku, in budhcad-badeeddu ay nagu

jarayeen oo ay gooyaan, isla marka aannu u sheegno in

aannu ka tirsannaay oo aannu ka soo wacanno BBC-da.

Waxannu isku daynay in aannu kula hadalno af-

Ingiriisi, af-Soomaali, iyo af-Carabi intaba, laakiin

kumaannu guulaysan in la nala hadlo.

Waxay noqotay arrin madaxa iga qabsatay oo ay igaga

dhegtay in aan mar uun la hadlo budhcad-badeedda,

lambarkoodiina waxan gashaday telifoonkayga

moobiilka, maalin kastana waxan garaaci jirey oo aan

wici jirey dhawr jeer. Gabadh aan dhalay ayaa aragtay

sida aan ugu xiiqay ee aan ugu dedaalayo in aan

garaaco oo aan la xidhiidho. Galab roon da’ayo oo

Axad ah magaalada London, ayaa waxan ka doonay

gabadhii xaflad dhalasho oo ay tagtay, oo aan ka soo

qaaday, waxase dhexda naga helay saxmad weyn oo aan

socon kari weyney waddadii. Gabadhii waxay bilawday

inay kolba iga cadhaysiiso, iyada oo i weydiinaysa

inay ii garaacdo oo ay wacdo budhcad-badeeddii.

Markii aan khaati iska taagey, ayaan aakhirkii is-

dhiibay, telifoonkiina xaggeyda u tuuray, iyadoo

fadhida xagga danbe ee baabuurka. Waxanan ku

idhi:‘Wuxu ku jiraa lambarkoodu oo aad ka heli kartaa

liiska magacyada xarafka “P” oo u taagan Budhcad-

badeed’. Lambarkii ayay garaacday, waxayna bilawday

sheeko-baraley. Sheeko xiiso leh oo mucjiso ah ayaa

255

la sii wadey, halkaasi oo aakhirkii ay ku guulaysatay

inay ku qanciso budhcad-badeeddii inay ila hadlaan,

waxayna u sheegtay in aan anigu soo wici doono

maalinta soo socota ee berri ah.

Subaxii danbe, aniga iyo qof Soomaali ah oo aannu

wada shaqaynno ayaa garaacay lambarkii. Budhcad-

badeeddu way filayeen telifoonkayagan, waxayna naga

codsadeen in aannu ku soo celinno, si ay noogu

dhiibaan oo aanu ula hadalno horjoogaha kooxda oo ay

noo sheegeen in uu hurdo, sababta oo ah inuu soo

jeeday habeennimadii oo dhan oo uu gaadh ka hayey

amma ilaalinayey dadkii la-haystayaasha ahaa. Waxan

garaacnay waqtigii la nala ballamay ee la noo qabtay,

waxana na salaamay horjoogihii kooxdaas budhcad-

badeedda, kaasi oo magaciisa noogu sheegay ‘Dubbad’.

Waxa uu u hadlayey sidii nin deggan, qabana isku

kalsooni, aadna ugu faraxsan in uu nala hadlo. Waxa

uu u muuqdey in uu ku wareeray buugga diiwaagelinta

markabka iyo agab kale ee uu ka dhex helay markabka.

Sida ka muuqatay hadalladiisiina, waxa caddaan ah in

isaga iyo kooxdiisa budhcad-badeeddu ay la yaabeen

inta uu le’eg yahay markabkan u soo gacan galay,

weynida baaxaddiisa iyo dhererka xad-dhaaf.

Dubbad waa uu sheegay in aanu isagu si toos ah ugu

dhex jirin wax wadahadallo amma gorgortan ah oo ku

saabsan siideynta markabkani Sirius Star, iyo sidoo

kale in aanu la socon oo wax fikrad ah ka haysan

tirada lacagta madax-furashada ah ee lagu xidhay.

Waxaa uu noo sheegay in sababta qudha ee ay u

qabsadeen markabkani saliidda inay tahay lacag, iyo

in uu raalli ku noqonaya waxa uu ku tilmaamay

‘qiimaha caadiga ah’ ee madax-furashada laga bixiyo

siideynta markab kasta, qiimahaasi oo waqtigaas ahaa

ilaa laba milyan oo doollar. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday

in shaqaalaha markabka saaran oo dhan shan iyo

labaaan qof oo isugu jira Polish, Croatian, Sucuudi,

Filipino iyo Ingiriis, inay yihiin badeecad agtooda

256

qaali ka ah, oo qiime sare ugu fadhida, oo faa’iidada

ugu jirta ee ay ka helaaan shaqalahaasi oo nool, ay

aad uga badan tahay tan ay ka heli lahaayeen iyaga oo

dhintay amma meyd ah. Wanu yidhi: ’Shaqaaluhu ma aha

maxaabiis meel ku xidhan. Way socsocon karaan oo

kolba goob ayay tegi karaan, meel kasta iyo mar kasta

oo ay doonaan. Xattaa waxay ku seexan karaa

sariirahoodii caadiga ahaa, waxanan u ogolaannay inay

haystaan furayaashoodii. Waxa qudha ee ka maqani waa

xorriyaddoodii, inay ka daadegi karaan amma ka tegi

karaa markabka dhexdiisa.’

Dubbad waxa uu faahfaahin ka bixiyey in, in kasta oo

uu ogsoon yahay saamaynta xun ee caalamiga ah ee ay

yeelatay falalka budhcad-badeedda ka soo baxday

xeebaha Somalia, in haddana aanay jirin wax kale oo

ay ku bedelan karayeen amma samayn karayeen. Waxanu

yidhi:

Si buuxda ayaan u ognahay cawaaqibka ka

dhalanaya, laakiin waxa loo baahan yahay in

adduunku fahmo dhibaatada na haysata ee na

hortaal, halkan Somalia. Siddeed iyo toban sano,

halkan kama jirin wax nabad ah. Ma jirto wax

nolol ah oo lagu haysto halkan. Khayraadkii ugu

danbeeyey ee Soomaalidu haysteen waxa uu ahaa

badda, laakiin maraakiib shisheeye ah ayaa

boobtay oo guratay dhammaan kalluunkayagii. Waana

taasi ta na badday ee nagu kalliftey in aannu ku

kacno budhcad-badeednnimo, si aannu u noolaanno.

Ka dibna waxa telifoonkii loo dhiibey kabtankii

markabka, Marek Nishky, oo ah nin Polish ah. Waxanu

yidhi: ’Waannu iska fiicanahay, guud ahaan. Dhammaan

shaqaalihii iyo saraakiishuba, xaaladdoodu waa fiican

tahay. Ma jirto wax amma sabab aannu u cabannaa. Waxa

la noo ogolaaday oo la na siiyey fursad aanu kula

xidhiidhno oo aannu kula hadalno qoysaskayagii. Sida

257

aad adiguba garan kartana, taasi waa waxa noogu

muhiimsan ee noogu weyn immika.’

Lacag madax-furasho ah oo dhan $25 milyan oo doollar

oo Maraykan ah ayay markii hore dalbadeen in loo

bixiyo baadifad, si loo sii daayo markabaas Sirius

Star, laakiin laba bilood ka bacdi markii afduubkaasi

uu dhacay, waxa markabkii lagu sii daayey, sida la

sheegay, $3 milyan oo doollar oo Maraykank ah.

Lacagtaasi madax-furashada ah waxa la sii saaray

diyaarad nooca fudud ah, waxa loo duuliyey xaggii uu

joogey markabkii. Lacagtii naqadka ahayd oo ku jirta

jawaan lagu xidhay baarashuudka hawada, nooc yar oo

midabkiisu cassaan yahay, ayaa diyaaraddii ay ka soo

tuurtay xagga sare ee cirka, kuna soo riddey markabka

dushiisii.

Hasse ahaatee arrintii ma noqon mid ay calfadaan oo

aahkirkii ay u aayaan budhcad-badeeddii. Sida laga

soo xigtay qaraabadoodii, duufaanno ayaa dhexda ka

helay intii ay ku soo socdeen Somalia, iyaga oo

wattey doonni yar. Doonnidii ayaana la rogmatey,

waxana la sheegay in shan ka mid ah budhcad-badeeddii

ay hanfadeen oo baddu liqday, saddexdii kalena ay soo

gaadheen xeebta, iyaga oo aan waxba ka haysan

saamigii iyo qaybihii ay ka heleen lacagtii

baadifadda ahayd, lacagtaasi oo la sheegay in baddii

kacsanayd ay qaadday. Nin adeer u ah qof ka mid ah

budhcad-badeeddi baddu liqday ayaa sheegay in

meydkiisii aakhirkii laga helay xeebta oo uu ku soo

caaryey, jeebkiisiina laga soo saaray bac ay ku jirto

lacag dhan $153,000 oo doollar oo Maraykan ah, taasi

oo ahayd waxa qudha ee ka hadhay amma laga arkay

saddexdii milyan ee doollar ee madax-furashada ahaa.’5

258

Khuraafaadka iyo Khaladaadka (Myths and

misconceptions)

Waxa jira sheekooyin badan oo aan waxba ka jirin iyo

khuraafaadkh la faafiyey oo la xidhiidha budhcad-

badeedda Soomaalida. Sheekooyinkaas qaar ka mid ah

waxa abuuray oo faafsaday budhcad-badeedda laftooda,

qaarna warbaahinta, oo inta badan meelo soke oo fudud

wax ka eegta, una dhigtay arrimaha taagan, qaab

xasaasi ah oo buunbuunis ah, iyo weliba qaybo kale oo

ay faafiyeen khubarada xagga nabadgelyada ee

ajanebiga ah iyo dhinacyada kale ee ka faa’iidaysta

dhibaatadan, kuna tiirsan sii-jiritaankeeda.

Sheekooyinka khayaalka ah ee la sameeyey ee hadda

socda waxa ka mid ah in dhammaan budhcad-badeeddu ay

ahaayeen dad kalluumaysato ah oo lagu kallifay inay

bedelaan mihnaddoodii amma shaqadoodii, sababtuna ay

tahay maraakiibta kalluumaysiga ee ajanebiga ah oo

kalluunkii ka dhammeeyey biyaha Soomaalida. In kasta

oo shaki la’aan kalluunkii Somalia ay muddo dheer

bililiqaysanayeen oo ay yareeyeen amma madhiyeen

kalluumaysato debadda kaga timid, haddana

‘biliiliqadaasi ay ku kacayaan maraakiibta

shisheeyuhu’, waxay noqotay jawaabta caadada ay ka

dhigteen budhcad-badeedda Soomaalidu marka ay ka

hadlayaan sababaha ugu wacan falalka ay ku kacaan,

iyaga oo guud ahaan isku deyaya inay qiil u raadiyaan

waxyaabaha ay samaynayaan.

Sida Geeddow Cali oo kale, kaasi oo lagu xusay

bilawgii cutubkan, budhcad-badeed badan ayaa isku

tilmaama inay yihiin ‘Ilaalada Xeebaha’, oo ay

daafacayaan xeebahooda, kana daafacayaan doonyaha

kalluumaysiga iyo maraakiibta shisheeyaha ee wasakhda

suntan ah ku aasaya badda, iyo in wixii ku soo xad-

gudba ay ka qaadaan ‘lacag’ ganaax ah. Marka loo eego

afkan ay ku hadlayaan, waxay u muuqdaan inay isku

deyayaan inay ka dhigaan falalka ay ku kacayaan qaar

259

aan denbi ahayn ee bannaan. Mid ka mid ah budhcad-

badeedda oo magaciisa ku sheegay ‘Xassan’, waxa uu ka

hawlgeli jirey dekedda Xaradheere, intii aanay

xoogagga Islaamiyiinta ahi ka qabsan magaalada

sannadkii 2010-kii, waxanu yidhi:

Waxan ahaan jirey nin kalluumaysato ah, laakiin

waxa biyahayagii soo galay maraakiib kalluumaysi

oo naga qaatay dhammaan kalluunkayagii. Dhawr

sano ka hor, waxa halkan iman jirey in ka badan

toddoba boqol oo markab oo ajanebi ah, kuwaasi oo

kalluunka kala bixi jirey biyaha Soomaalida.

Hadda, wax kalluun ah oo ku hadhay halkani ma

jiro oo laga helayaa – waxba noogamay tegin.

Markii ay waxaasi nagu sameeyeen, annaguna

waxannu go’aansannay in aannu iyaga caydhsanno oo

aannu ugaadhsanno, taasi midhaheedii ayaannu

imika guranaynnaa oo aan u aynay. Shaqa fiican

ayaannu runtii ka qabannay ajanebigan khaatarta

iyo cidhiidhiga ku hayey noloshayadii, waayo

imika waxannu helnay faa’iidadii go’aankii aannu

ku gaadhnay in aannu iyaga ku jeesanno oo wax ka

qabanno.

Waxannu go’aansannay in ajanebiga aannu ka

waabinno oo ka celinno kalluunkayagii, haatanna

iyaga ayaannu kalluumaysanaynaa. Hadda, dadka

qudha ee ka faa’iideysta ‘kalluumaysiga’ waa

annaga oo ah ‘Ilaalada Xeebaha’, waayo waxannu

‘kalluumaysannaa’ oo soo dabanna dad aannu madax-

fuarsho u qabsanno oo la-haystayaal noo noqda.

Budhcad-badeed badan oo Soomaali ah ayaa xumaan u

qaata oo ka xanaaqa in loogu yeedho magaca ‘budhcad-

badeed’. Qaarkood waxay rumaysan yihiin in magacaasi

ku bannaan yahay maraakiibta shisheeyaha ee soo gasha

260

biyaha Soomaalida. Waxan la hadlay oo kale bishii

July ee 2011, nin budhcad-badeed ah, amma sida uu

isku tilmaamay ka tirsan ciidamada ‘Ilaalada

Xeebaha’, oo magaciisa la yidhaa Daahir, oo joogey

magaalada Hobyo ee ku taal xeebta, ninkaas oo igu

yidhi:

Horta, adduunka su’aal ayaan weydiinayaa. Yaa

budhcad-badeed ah? Ma maraakiibta kalluumaysiga

iyo kuwa dagaalka ee badahayaga soo galay ee wax

kasta naga gurtay, kalluunkayagii,

khayraadkayagii, xorriyaddayadii iyo wax kasta?

Misse annaga, dadkan ilaashanaya xeebahoodii?

Su’aasha aan weydiinayo caalamku waa taas. Waana

taasi su’aasha u baahan in laga jawaabaa.

Maamullada ka jira Somalia laftoodu, waxay mararka

qaar ka qayb qaateen sheekooyinka khuraafaadka ah ee

laga faafiyey waxyaabaha ka dhacaya xeebaha Somalia

oo loo ekeysiiyey wax aan u dhigmin amma u qalmin

budhcad-badeednnimo. Bishii January ee 2011,

baarlamaanka Soomaalidu waxa uu diidey in uu ansixiyo

sharci mamnuucayey budcad-badeednnimada. Qaar ka mid

ah xubnaha mudanayaasha baarlamaanka ayaa ku sifeeyey

budhcad-badeeddu inay yihiin ‘geesiyaal’ ka celinaya

biyaha Soomaalida maraakiibta shisheeye; waxayna

sheegeen inayna ahayn budhcad-badeed, laakiin ay

yihiin ciidammo aan rasmi ahayn oo ilaalada xeebaha

ah.

Warbaahinta qaar ayaa iyaguna ku tilmaamay in

budhcad-badeeddu ay la mid yihiin oo ay u dhigmaan

maanta sheekooyinkii ‘Robin Hoods’ oo kale (waa

sheekooyin khayaal ahaa oo la abuuray, kuna saabsanaa

nin Ingiriis ah oo dayro ah, oo qarnigii 12-aad dhici

jirey dadka taajiriinta amma maalqabeennada ah, si uu

u caawiyo dadka saboolka); waxana lagala mid dhigay

falalka budhcad-badeedda in wixii ay ka dhacaan

261

maalqabeenka, inay ku taageerayaan fuqarada, iyada oo

run ahaantii sida ka sii sugani ee ka sii habbooni ay

noqon karto in loogu yeedho denbiilayaal. Qof

budhcad-badeed ah oo la yidhaa Aadan, ayaa isagu ka

daacadsanaa kuwa kale ee saaxiibadiis ah, mar uu ka

hadlayey ujeeddooyinkiisa: ‘Budhcad-badeeddu dhammaan

waa dad xun oo kharriban. Waa kooxo heshiis ku ah oo

qudha inay dhacaan maraakiibta badaha.’6

Baadhitaan uu sameeyey 2009-kii aqoonyahan u dhashay

dalka Norway, oo mgaciisa la yidhaa Stig Jarle, oo uu

ku sameeyey budhcad-badeedda Soomaalida, waxa uu ku

doodayaa in haddii ujeedada keliya ee hawlgallada

budhcad-badeeddu amma ‘Ilaalada Xeebuhu’ ay tahay

inay ka ilaaliyaan biyaha Soomaalida maraakiibta

kalluumaysiga ee sharcidarrada ah oo keliya, in

markaasi ay weerari lahaayeen oo kelia doonyaha

kalluumaysiga oo qudha, ee aanay beegsadeyn

maraakiibta ganacsiga ee sidda shixnadaha iyo

badeecadaha, saxiimadaha amma doonayaha yaryar ee

tamashalaha iyo dalxiiska, iyo maraakiibta sidda

saliidda. Waxanu ku yidhi qoraalkiisa:

Iyada oo ay dhici karto in budhcad-badeeddu ay

run ahaantii cabsi geliyaan maraakiibta

kalluumaysiga, oo ay iska hortaagaan

kalluumaysiga aan sharciga ahayn, haddana

bartilmaameedyada ay beegsadaan budhcad-badeeddu

waxay si cad u muujinayaan in waxa ay u xishaan

ee muhiimka u ahi uu yahay faa’iidada lacageed ee

ka soo gelaysa falalkaasi, kaasi oo uga muhiimsan

wax kasta amma ujeeddo kale oo kasta oo la

xidhiidha ka-hortagga kalluumaysiga sharcidarrada

ah. Guud ahaan Maraakiibta ay qabsadeen budhcad-

badeeddu ma ahayn maraakiib kalluumaysi oo si

sharcidarro ah u kalluumaysanayey, laakiin waxay

ahaayeen maraakiib caadi ah oo xamuul ah, oo

262

marayey biyaha Somalia, kuwa Yemen, amma biyaha

caalamiga ah.7

Marka siyaabaha qaar loo eego, hawlgallada budhcad-

badeeddu waxay ka xannibeen oo ay horjoogsadeen

shaqadii kalluumasatadii gudaha ee Soomaalidu, halkii

ay ka celin lahaayeen maraakiibta iyo doonyaha

kalluumaysiga ee ajanebiga, una suurtogelin lahaayeen

in Soomaalidu ay si nabad ah u kalluumaysato.

8 Nin Soomaali ah oo budhcad-badeed ah, Ismaaciil

Elix (Mary Harper)

263

Mararka qaarna, waxayba ka cabsiiyaan oo ay didiyaan

kalluumaysatada Soomaalida, mararna ciidamada

caalamiga ah ee ilaalada badaha iyo maraakiibta kale

ayaa ku khaldama kalluumaystada Soomaalida oo mooda

inay yihiin budhcad-badeed, iyaga oo ku fura dhuumo

aad u xoog weyn iyo taxshiirado, amma kala wareega oo

ka qaada qalabkooda, amma xidhxidha, amma ka dhex

gala oo joojiya shaqadoodii iyo meheradoodii. Waxa

kale oo jirta in lacagta faraha badan ee madax-

furashada ah ee ay helaan budhcad-badeeddu, inay la

weynaato oo ay soo jiidato kalluumaysatada kale, oo

ay damac iyo hunguri geliso, iskagana tagaan

shaqooyinkoodii hore ee kalluumaysiga, si ay ugu

biiraan budhcad-badeedda oo iyaga lagtoodu ka mid

noqdaan. Wararka laga helo tuulooyinka ay joogaan

budhcad-badeeddu ayaa sheegay doonyo kalluumaysi oo

lagaga tegey xeebaha oo halkaas ku burburay, kuwaasi

oo ay iskaga tegeen dadkii hore u lahaan jirey oo

imika helay doonyo dheereeya oo casri ah oo ay u

kaxaysataan badda, kuna ugaadhsadaan dad ay soo

qafaashaan oo ay soo afduubtaan, halkii ay ka raadsan

lahaayeen kalluun. Xabsiga magaalada Hargeysa, waxan

kula kulmay nin budhcad-badeed ahaan jirey oo la soo

qabtay, oo la yidhaa Ismaaciil Elix. Waxa uu iiga

sheekeeyey sida uu maalin qudha isku bedeley ee uu u

go’aansaday in uu joojiyo shaqadiisii ahayd

kalluumaysato, waxanu tegey suuqa Boosaaso oo uu ka

soo iibsadey qori AK-47 ah, qori baasuuke ah, iyo

doonni nooca dheereeya ah. Hawgalkii ugu horreeyey ee

budhcad-badeednnimo ee uu galo ayaa lagu soo qabtay,

waxana lagu xukamay shan-iyo-toban sano oo xadhig ah.

Kama muuqan wax murugo ah oo ii muujinaya in uu ka

xun yahay waxyaabaha uu sameeyey, in kasta oo uu

lumiyey dhammaan xidhiidhka qoyskiisa iyo

qaraabadiisa, sannado badan oo ka mid ah

cimrigiisiina uu ku jiri doono xabsi ku yaal meel

guud ahaan ahaan loo arko dhul shisheeye.

264

Dhaqaalaha Budhcad-badeedda (Pirate economy)

Budhcad-badeednnimadu waxay noqotay wax laga helo

lacag badan oo malaayiin doollar ah,oo laga bixiyo

sii-deynta maraakiibta iyo shaqaalaha, taasi oo in

muddo ahba soo jiidanaysay dad badan oo aan ahayn

iyagu kalluumysato, siina noqonaysay hawl iyo farsamo

aad u heer sarraysa oo denbiilannimo oo lagu

shaqaysto. Hasse ahaatee, kalluumaysatada lafteedii

ayaa noqotay qayb weyn oo muhim ah oo ka qayb gasha

hawlgal kasta oo ay fulinayaan kooxaha budhcad-

badeedku, sababta oo ah aqoonta iyo waayo-aragnimada

ay u leeyihiin badda, kaxaynta iyo ku shaqaynta

doonyaha iyo qalabka kale ee badda. Budhcad-

badeednnimadu waxay noqotay shaqo weyn oo la

doorbido, iyada oo laga heli kara lacagayow badan oo

xad-dhaaf ah. Dadka ku ladnaaday ee ka helay wax

bandan, waxa ka mid ah ninkan budhcad-badeedka ah ee

magaciisa la yidhaa Xassan oo yidhi: ‘Xaaladdayda

dhaqaale waa mid aad iyo aad u fiican. Xattaa

sannadkan oo dhan uma baahni in aan ku noqdo baddii,

waayo waxan qabsaday kal-hore, hal markab. Lacagtii

aan ka helayna waxan gashaday meel kale oo runtii aad

u fiican. Arrimahayguna aad ayay u fiican yihiin.

Noloshayduna aad iyo aad ayay uga roon tahay oo ay

uga fiican tahay imika markii aan ahaan jirey

kalluumaysatada.’

In kasta oo la bixiyo sannad kasta tobannaan milyan

oo dollar oo madax-furasho ah, haddana waxa aad u

adag oo aan suurtogal ahayn in la helo tiro sugan

amma xisaabta saxda ah ee lacgta soo gasha guud ahaan

kuwa ku lug leh budhcad-badeednimada Soomaalida, iyo

sida lacagtaasi loo qaybsado. Waxa aad loo adkeeyey

in la dabageli karo oo la raadraaci karo lacagayowga

madax-furashada ah, iyadoo ay jirto xaqiiqada ah in

budhcad-badeeddu ay isticmaalaan habab wax badan soo-

jireen ahaa oo la mariyo lacagahaasi, loona yaqaan

xawaaladaha, kuwaasi oo ku dhisan is-aaminaad iyo

265

wada-xidhiidh afka ah, iyada oo aanay jirin wax

qoraal ah oo waraaqo ah oo la kala qaato, amma

kombuyuutar la geliyo oo la tixraaci karaa.

Madaxa Xafiiska Dalalka Afrikada Bari u qaabilsan

Barnaamijka Gacansiinta Badmareennada, oo ah ninka la

yidhaa Andrew Mwangura, waxa uu la socda hadba

hawlgallada budcad-badeedda ee xeebaha Soomaalida,

waxanu la xidhiidhaa oo waanwaan la gala budhcad-

badeedda. Waxa uu ii soo diraa farriimo amma

dhambaallo qoraal ah oo uu si sugan iigu sheegayo

meesha iyo waqtiga la afduubay markab, xattaa saacado

badan ka hor inta aanay wararkaasi helin wakaaladaha

wararku, ee aanay baahin. Waxanu sheegay ninkaasi in

budhcad-badeedda iyagu fuliya weerarka ee qabsadaa

maraakiibtaasi, in ayna run ahaantii iyagu ka wada

war hayn oo aanay wada helin dhammaan lacagyowga

madax-furashada ah ee la bixiyo. Waxanu yidhi: ‘Iyagu

waxay yihiin oo qudha askartii amma ciidankii lugta.

Waa dhallinyaro, inta bandanna aan ahayn rag muddakar

ah, hubaal ahaanna ma wada helaan oo gacmahooda kuma

wada danbayso dhammaan kacagtaasi.’8

Suuq dhaqaale oo yar ayaa ka abuurmay hawhlahaasi

budhcad-badeednimada, oo wax ka soo galaan dadweynaha

ku nool tuulooyinka xeebaha waqooyi-bari iyo

badhtamaha Somalia, iyo weliba kuwa ka sii shisheeya.

Waxay u muuqataa inayna jirin wax xeerar ah amma

nidaam ah oo laga siman yahay oo ku saabsan sida

lacagtaasi loo qaybiyo ee ay ku kala danbayso, iyo

wararka amma macluumaadka la xidhiidha arrimahani oo

aad loo ilaaliyo, loona qariyo, sababta oo ah dadka

ku lug leh falalkan denbiilannimada ah oo aan doonayn

inay bixiyaan xog sugan iyo macluumaad buuxa oo

faahfaahsan. Sida loo kala qaybiyo lacagayowga loo

qaato madaxfurashada, waxa lagu xusay warbixin ay soo

saartay Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysaa,

warbixintaasi oo ku dhisnayd warar laga soo ururiyey

266

oo laga soo xigtey budhcad-badeed joogta magaalada

Eyl ee ku taal dhinaca waqooyi-bari ee gobolka

Puntland, magaaladaasi oo wax badan saldhig weyn u

ahayd budhcad-badeedda. Waxayna u dhignayd sidatan:

Miliishiyada badda (Budhcad-badeedda tooska wax u

afduubka ee hawshaasi fuliya) – boqolkiiba 30

Miliishiyada berriga/dhulka (kooxaha hubaysan ee

jooga amma kontoroola degaannada berriga ee

budhcad-badeedd u ah saldhig ay ka soo

lollaystaan amma duulaan) – boqolkiiba 10

Dadweynaha degaanka (odayaasha iyo saraakiisha

maamulka ee degaanka) – boqolkiina 10

Maalgeliyayaasha laga sii qaato lacagaha deymanka

ee iyo biilasha – boqolkiiba 20

Hoggaamiyayaasha iyo dillaaliinta waaweyn ee ka

danbeeya budhcad-badeedda – boqolkiiba 30

Sida uu soo xigtey ee uu qoray isna Jeffrey

Gettleman oo qoraalkiisaas lagu soo saaray jariidadda

New York times bishii Oktoobar ee 2008, nin la yidhaa

Faarax Ismaacii Iid, oo lagu xukumay shan-iyo-toban

sano oo xabsi ah, oo uu ku galabsaday falal budhcad-

badeednnimo, waxa uu isagu sheegay oo uu bixinayaa

sawir waxoogaa ka duwan taasi, sida loo kala qaybiyo

lacagtaasi:

Miliishiyada badda (Budhcad-badeedda tooska wax u

afduubka ee hawshaasi fuliya) – boqolkiiba 30

Horjoogaha hoggaamiya kooxda budhcad-badeedda –

boqolkiiba 20

267

Maalgeliyayaasha hawlgallada soo socda, oo ay ku

jiraan hubka, shidaalka, iyo sigaarka –

boqolkiiba 20

Saraakiisha dawladda – boqolkiiba 30, 9

Qofka ugu horreeya budhcad-badeedda ee ugu hor-fuula

markabka la afduubayo, waxa la sheegay inuu helo oo

la siiyo amma libin-laab qaybtii saami ahaan uu u

heli lahaa lacagtaas, amma baabuur; kuwa kalena waxay

qaataan saamiyo isleeg. Haddii la dilo amma la

dhaawaco qof ka mid ah budhcad-badeeddaasi,

qoyskiisii waxa la siiyaa magdhaw dhaqaale amma

lacageed.

Waxa jirey eedaymmo la xidhiidha in qaar ka tirsan

saraakiisha dawladdu inay wax ka helaan

lacagayowgaasi budhcad-badeednimada, gaar ahaanna

Puntland, halkaasi oo la sheego in dakhliga soo gala

budhcad-badeedda ee sannad kasta ka soo gala lacagaha

madax-furashad ahi, in uu ka badan yahay

miisaaniyadda gobolka oo dhan oo ilaa $20 milyan oo

doollar oo Maraykan ah. Agaasiimaha guud ee

wasaaradda kalluumaysiga iyo dekedaha, Cabdi-Waxiid

Jowhar, ayaa qiray sannadkii 2008 oo sheegay ‘inay

jiraan dad dawladda ka tirsan oo la shaqeeya budhcad-

badeedda.’10 Waxa la eryey oo shaqadii laga

fadhiisiyey ku-xigeenkii taliyaha ciidanka booliska

ee Puntland, sababo la xidhiidha eedaymo loo soo

jeediyey oo ahaa in uu ku xidhan yahay budhcad-

badeedda. Warbixin ay soo saartay guddida Qaramada

Midoobey u qaabilsan la-socodka arrimaha Somalia,

sannadkii 2010, waxa lagu sheegay in:

Ka bacdi laba iyo toban sano oo horumar ilaa heer

cuntamaa uu ka jirey Puntland, marka loo eego

268

gobollada kale, in haddana maamulka cusub ee

dhawaanta la sameeyey ee Abdirahman Mohamed

‘Faroole’, in uu ku wado oo uu ku sii riixayo

Puntland sidii iyo habkii ay ku noqon lahayd dal

iyo maamul denbiile ah. Baadhitaannada ay

sameeyeen guddidaasi la-socodka arrimaha Somalia,

oo salka ku haya waraysiyo lala yeeshay dad

xogogaal ah oo u dhuun-daloola arrimaha budhcad-

badeedda, wada-hadallada iyo gorgortanka lacagaha

madax-furashada ee la bixiyo iyo sida loo kala

qaybiyo amma loo kala bixiyo, waxay xaqiijiyeen

in mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan Puntland, oo

uu ku jiro Madaxweyne Faroole iyo xubno ka tirsan

golihiisa wasiirrada oo uu ka mid yahay gaar

ahaan wasiirka arrimaha gudaha, General Abdullahi

Ahmed Jama ‘Ilkajiir’ iyo wasiirka xagga amniga

gudaha General Abdillahi Ahmed Saiid Samatar,

inay wax ka helaan lacagyowga budhcad-badeedda

amma madax-furashada afduubyada.11

Lacagta madax-furashada waxa kale oo waxoogaa ka mid

ahi uu gaadhaa dadku ku nool tuulooyinka ay joogaan

budhcad-badeeddu. Sida ay sheegtay wakaaladda wararka

ee AP bishii November ee 2008, haweeney magaceeda la

yidhaa Shamso Moalim oo deggan magaalada Xaradheere

oo hore u ahaan jirtey saldhig budhcad-badeed, waxay

ka hadashay sida budhcad-badeddu ay wax uga bedeleen

duruufihii nololeed ee qoyskeeda, waxayna tidhi: ‘Ka

sakow halka iyo meesha lacagtaasi ka timaaddo, amma

ha ahaato xaaraan sharcidarro ah amma yayna ahaane,

waxan odhan karaa nolol ayay soo gelisey oo ka

bilawday magaaladayada. Caruurtayadu haatan kama

warwaraan waxay cunaan, Subaxdii waxay tagaan dugsi-

quraanka islaamiga ah, galabtiina waxay dheelaan

ciyaarta kubadda cagta. Waa mabsuud oo waa faraxsan

yihiin.’12

269

Dadka deggan tuulooyinka ay joogaan budhcad-

badeeddu, waxay ka hadleen sida markasta oo lala

yimaaddo xeebahooda markabka la soo afduubay, sida

suuqu ugu cammirmo ee budhcad-badeeddu ay u

yimaaddaan ee ay ugu soo degaan, si ay u iibsadaan

shidaal, biyo, cabbitaan fudud, riyo, ido amma wanan,

bariis, baasto, iyo sigaar. Haweeney tukaan ku haysta

Xaradheere, oo la yidhaa Sahra Sheikh Dahir, ayaa

iyana tidhi:’Budhcad-badeeddu annaga ayay nagu

tiirsan yihiin, annaguna waxannu ku qabnaa

faa’iido’.13 Meel kale oo iyana dakhli ka soo galo

dadweynaha degaannada ay ka taliyaan budhcad-badeddu,

waxa weeye diyaargaraynta iyo iibka cunno gaar ah oo

loo sameeyo dadka la-haystayaasha ah ee madax-

furashada loo haysto, kuwaasi oo inta badan aan

jeclaysan amma aan ka helin cunno-Soomaalida.

Heerka-nolosha (Lifestyle)

Wax badan ayaa laga sheegay sida budhcad-

badeednnimadu ay bashbash iyo barwaaqo ugu keentay

nolosha dadweynahaha iyo tuulooyinka ku yaal xeebaha

ay joogaan. Hasse ahaatee, iyadoo ay ku kallifto in

budhcad-badeeddu mar kasta ay bedelaan

saldhigyadoodii oo ay ka guurguuraan, tuulooyinkaasi

waxay noqdaan marka danbe kuwa ay ka dhacdo busaarad

iyo baaba’, lacagtii inteeda badan la gashadu

magaalo-madaxyada gobollada iyo magaalooyinka kale ee

waaweyn. Dakhliga ka soo baxa budhcad-badeednnimada

Soomaalida, waxa kale oo la sheegay in uu qayb ka

qaatay horumarka weyn ee la-yaabka leh ee uu sameeyey

ganacsiga iyo hantida kale ee xaafadda Eastleigh ee

magaalada Nairobi, xaafaddaasi oo inta badan ay

Soomaalidu degaan, iyo weliba lacagta naqadka ah ee

Soomaalidu ku iibsato guryo qaali ah oo ku yaal

xaafadaha ugu fiican caasimadda ee heerka sare ah ee

270

lagu raaxaysto. Qawmiyadda Soomaalida ee Kenya ayaa

si weyn u beenisa wararkani.

Kor-u-kaca hantida magaalo-madaxda Puntland ee

Garoowe, iyo magaalada kale ee ugu weyn ee dekadda ah

ee Boosaaso oo cammirmay, waxa loo aanayn karaa oo si

cad loogu xidhiidhin karaa hantidaasi inay tahay mid

ka timid budhcad-badeedda. Guryo waaweyn oo cusub oo

fillooyin ah, oo Soomaalidu ugu yeedho ‘qasriyo’,

ayaa la dhistay oo lagu soo wareejiyey deyrar waaweyn

oo dhaadheer. Budhcad-badeedda qaar ayaa jecel inay

si muuqata amma is-tus-ah oo xad-dhaaf oo aan

xisaabtan lahayn, inay wax u kharash-gareeyaan, una

noolaadaan, iyaga oo iibsadaa baabuurta xarrakada iyo

Land Cruiser-ro qaali ah. Ragga Soomaalidu waxay ku

cawdaan in budhcad-badeeddu ay qaali-gareeyeen oo ay

sicir-barar ku rideen guurkii, iyaga oo gabdhaha

cusub ee ay guursanayaan ka bixiyaa yarad iyo

gabbaati aad u fara badan, isla markaasin sameeya

xaflado aroos oo socda dhawr maalmood, oo la

martiqaado fannaaniinta iyo kooxaha muusikada ee ugu

fiican, casuumado raashin ah iyo waxyaabo kale.

Dad badan ayaa ii sheegay in budhcad-badeeddu ay si

xun u cabbaan khamriga, si weynna u cunaan qaadka iyo

mukhaadaraadka kale ee adag oo ay qaataan, ulana

yimaaddaan fusuq iyo balwado dhaqan-xumo ah oo

kharribaya mujtamaca ay ku dhex noolyihiin. Waxase

dhici karta in eedaymahani ay ka mid yiihin cuqdadaha

iyo ‘sheekooyinka khurafaadka’ ah ee laga faafiyo

budhcad-badeedda, iyo hab ay Soamaalida aan iyagu ku

lug lahayn hawlaha budhcad-badeeddu ay iskaga

fogeeyaan oo isku barraxaan.

Ka sakow baabuurta casriga ah, guryaha cusub, iyo

xafladaha aroosyada ee ka-badbadiska ah, lacagtaasi

waxa badh dib loogu maalgeliyaa hawlgallada budhcad-

badeednnimada lafteeda. Budhcad-badeeddu waxay ka

qalin-jebiyeen oo ay ka dallaceen inay sii ahaadaan

271

kalluuaysato caadi ah oo masaakiin ah, oo watta

doonyo xunxun oo kharaab ah iyo qoryo daxalaystay,

waxayna u dallaceen inay helaan qalab farsamo sare

iyo hub casri ah, iyo doonyo qaali ah oo ay

kaxaystaan. Mid ka mid ah sababaha u suurtogeliya in

budhcad-badeeddu ay gaadhaan boqolaal kiloomitir oo

badda gudaheeda ah, waxa weeye inay heli karaan

qalabka lagu helo adeegyada Sattelite-ka ee wax

lagula socdo, iyo doonyo dheereeya oo ka xoog badan

kuwii hore. Ka sakow cunaqabataynta xagga hubka ee

Qaramada Midoobey ay ku soo rogtay Somalia, haddana

budhcad-badeeddu wax dhibaato ah kalamay kulmin inay

helaan oo gacmahooda uu soo galo hub aad u fara badan

iyo rasaas. Dagaalladii sokeeye ee labaatanka sano

iyaguna ka socdey dalkaasi, waxay keeneen in hub

badan uu ku faafo dalka. Dalka Yemen oo isna waxoogaa

xagga Khooriga Cadmeed ka xiga, ayaa laga helaa hub,

shidaal, iyo qalab kale oo muhiim u ah budhcad-

badeedda. Marba marka ka danbaysa ee budhcad-

badeeddnimadu ay sii daba-dheeraataba, budhcad-

badeeddu waxay sii helayaan khibrad iyo waayo-

aragnnimo dheeraad ah, waxayna la imanayaan tabo iyo

xeelado hor leh oo ay ku soo qabsadaan maraakiibta

waaweyn, shaqaalaha iyo badeecadaha qaaliga ah ee

maraakiibtaasi ay sidaan.

Qaab-dhismeedka (Structure)

Horumarka sii kordhaya ee budhcad-badeeddu ay ka

samaynayaan xagga qalabka casriga ah ee ay

adeegsadaan iyo qaababka heerka sare ah ee

hawlgalladoodu u abaabulan yihiin, ayaa dhaliya

tuhunka ah inay suurtogal tahay inay ku xidhan yihiin

kooxo caalami ah oo dembiilayaal ah.

Bishii February ee 2011, haweeneyda madax ka ah

hey’adda mukhaabaraadka ee ka-hortagga budhcad-

badeedda ee dawladda Maraykanka, Donna Lee Hopkins,

272

shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaaladan London,

waxay ku sheegtay in isbedel dib-u-habayneed oo

buuxaa uu ku dhacay budhcad-badeeddii Soomaalida oo

ay si buuxda ugu xuub siibteen abaabul heer sare ah,

sannadahan danbe. Waxayna tidhi: ‘Budhcad-badeedda

Soomaalidu way ka koreen sidii hore ee ay haayeen

kooxo kala geddisan oo teelteel ah, oo iyaga iyo

dhibaatadooduba ku kooban tahay gudaha oo keliya, oo

ku eg uun dadka xeebaha oo diiddan kalluumaysiga

sharci-darrada ah ... waxayna noqdeen shabakad si

weyn iskugu xidhan oo awod leh, oo ka shishaysa

xeebahaasi oo caalami ah, oo abaabulan, noqotayna

shirkad qawlaysato oo ay ku bahoobeen denbiilayaal.’14

Waxayna intaasi ku dartay in deganaansho la’aanta ka

jirta gobolkaasi iyo marinnada baayacmushtarka oo

halis ku jira, in labadaasi dhibaato oo isbiirsaday

ay abuureen xaalad ah ‘jawigii qasnaa ee ku

bannaanaa’ budhcad-badeedda Soomaalida ee ay u

baahnaayeen, waxayna digniin ku bixisay in khatar

loogu jiro in dhibaatadani ay noqoto oo ay ku

dambayso mid waxba laga qaban kari waayo.

Tilmaanta haweeneydani waxay si weyn oo fog uga

duwan tahay tii uu soo bandhigay ee uu bixiyey Stig

Jarle Hansen ee uu ku dooday in budhcad-badeedda

Soomaalidu ay yihiin kooxo yaryar oo aan sidaa u sii

ridneyn oo ku kooban gudaha oo keliya:

Khuraafaadka ka jira ee laga faafiyey budhcad-

badeedda Khooriga Weyn ee Cadmeed ayaa ah wax

fara badan, laakiin kooxa caadiga ah ee budhcad-

badeeddu waa qaar ku dhisan jufo-jufo amma

jilibbo, oo si liidata oo heer hoose ah u

qalabaysan, kana kooban kalluumaysatadii hore.

Sidaa awgeed, budhcad-badeeddu waa qaar baahsan

oo aan lahayn abaabul iyo maamul dhexe oo aan is-

haysan amma aan xidhiidhsanayn, kana fog sida ay

qabaan ee ay soo jeediyaan dad badani, oo ah in

273

budhcad-badeeddu ay yihiin kooxo si heer sare ah

u dhisan amma u abaabulan oo u hawl gala. Dadka

maalgeliya ee iyaga ka danbeeyaana waxay u dhisan

yihiin qaab u eg qaababka ay u dhisan yihiin uun

maalgeliyayaasha Soomaalida ee adduunku.15

Hansen waxa uu soo jeedinayaa oo ay la tahay in

budhcad-badeeddu aanay lahayn qaab rasmi ah amma

nidaamsan oo ay ku dhisan yihiin, iyo in ‘kooxda

budhcad-badeedda’ ahi ay mararka qaar ka kooban tahay

wax aan ka badnayn hal qoys:

Koox kasta oo ah budhcad-badeed, caadi ahaan waa

koox aan sidaa u midaysnayn oo la socota qofka

watta ee soo urursaday, badiyaana qofkaasi

hoggaamiyaha ahi waxa uu hore u ahaan jirey oo uu

soo maray budhcad-badeed, kaasi oo lacagtii hore

ee uu soo helay haatan dib u maalgelinaya

hawlgallo cusub oo budhcad-badeednnimo.

Shaqadiisuna inta badan waa ninkii dhaqaalaha

hayey ee kharaska keenyayey ... Baaxadda iyo

tirada kooxaha budhcad-badeedkuna waa kala

geddisan yihiin oo waxay noqon karaan qaar ka

kooban min hal-hal qoys oo keliya, oo kala ah

odaygii amma aabbihii, wiilkii, iyo doonni yar,

kuwaasi oo raadinaya masruufkii iyo wax ay ku

nollaadaan, amma kooxo ballaadhan oo gaadhaya

ilaa 200 oo xubnood.16

Ka sakow sida uu u dhigayo Hansen ee ugu tilmaamayo

in budhcad-badedduu aanay lahayn wax nidaam ah oo

habaysan, waraysiyo baadhitaan oo aan sameeyey

sannadkii 2011, oo aan la yeeshay qaar ka tirsan

kooxo kala geddisan oo budhcad-badeed ah, waxa iiga

soo baxay inay leeyihiin xeerar anshax oo adag oo

qoraal ah oo ay ku dhaqmaan. Xeerarkaasi waa kuwa

kala geddisan oo ku xidhan hadba kooxda samaysatay ee

ay khuseeyaan. Waxa ku jira xeerarkaasi kuwa ku

274

saabsan sida loola dhaqmayo dadka la haystayaasha ah

ee la qabsado, iyo qaababka kala geddisan ee loo

weerari karo maraakiibta, iyada oo maraakiibta qaar,

gaar ahaanna kuwa Kuuriyada Waqooyi, la ogol yahay in

weerarro kulul oo dheeraad ah loo adeegsado oo lagu

qaadi karo. Sida uu ii sheegay nin ka mid ah budhcad-

badeedda oo la yidhaa Dahir, oo igu yidhi: ‘waxannu

leenahay xeerar kala geddisan oo aannu ugu talagalnay

dalalka kala geddisan. Tusaale ahaan haddii aannu la

kulanno markab laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed,

waxannu ku qaadnaa weerar ba’an oo kulul. Waxay ku

xidhan tahay hadba sida ay noola macaamilaan ee ay

noola dhaqmaan maraakiibtaasi shisheeyuhu. Si xun

ayay noola dhaqmaan Kuuriyaanka Koonfureed iyo

Hindidu oo way nala dagaallamaan, si ka daran kuwa

kale. Annaguna waxannu ku qaadnaa dagaal adag oo xoog

leh oo ah waxa ay naga galabsadeen.’

Dhammaan kooxaha budhcad-badeeddu waxay leeyihiin

xeerar iyo qaabab lagu ciqaabo xubnaha iyaga ka

tirsan ee jebiya anshaxa u yaalla, waxana ku jira

xadhig la xidho qofka, khasiraad amma ganaax iyo eri

laga caydhiyo kooxda oo laga saaro. Kuwa dhawra ee

sida daacadnnimada ah ugu hoggaansama sharciyadaasi,

waxa la siiyaa abaalmarin, iyaga oo mutaystay magac

iyo sharaf lagu ixtiraamo, iyo weliba mararka qaar

hadiyado iyo lacag dhiirrigelin ah.17

Xidhiidhka Kooxaha Islaamiyiinta ee xagjirka ah

(Links with radical Islamists)

Warbaahinta qaar iyo warbixinno kale ayaa sheega in

budhcad-badeeddu ay ku xidhan yihiin ururrada al-

Shabaaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah, una yihiin

kooxaha Islaamiyiinta ah ilo muhiim ah oo dhaqaale

amma lacageed. Waa laga yaaba in budhcad-badeeddu ay

siiyaan khidmad amma cashuuro kooxaha Islaamiyiinta

ah ee ka taliya degaannada ay ka hawlgalaan, laakiin

275

xidhiihdhka ka dhexeeyaa uma muuqdo mid ka sii fog

intaasi.

Marka qudha ee wax laga qabtay budhcad-badeedda ee

la kontoroolay waxay ahayd sannadkii 2006, markaasi

oo Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ahi (UIC) ay hayeen

awodda xukunka ee goboollada Koonfurta iyo badhtamaha

Somalia intooda badan. Midowgii Maxkamaduhu (UIC)

waxay sheegeen oo ay soo rogeen in budhcad-

badeednnimadu ay tahay shay xaaraan ah oo ka

horjeedda shareecada iyo caqiidada Islaamka. Waxayna

weerarro ku qaadeen dekedaha ay ka ololaystaan

budhcad-badeeddu, waxayna ku guulaysteen inay guud

ahaan iyo gebi ahaanba ka tirtiraan budhcad-

badeednnimada dalka oo dhan. Koox kale oo Islaamiyiin

ah oo iyana weerar ku qaadday budhcad-badeeddu waxay

ahayd kooxdii Xisbul Islaam. Sannadkii 2010, waxay ka

saareen oo ay ka caydhiyeen budhcad-badeeddii,

magaalada Xaradheere oo ka mid ahayd meelaha

saldhigyada waaweyn u ah ee haystaan, iyaga oo ku

eedeeyey in falalkooda iyo waxyaabaha ay ku

dhaqmayaan ay yihiin kuwa ka baxsan diinta oo ka soo

horjeeda Islaamnimada. Waxa jirey warar xiiso leh oo

ka hadlayey budhcad-badeed fara badan oo gaadhaya

inta u dhaxaysa saddex boqol ilaa afar boqol oo

baxsad ah, oo dhinaca miyiga amma kaymaha u yaacay,

iyaga oo ku raran hubkoodii, oo qaarkood ay

lugaynayaan, qaar kalena ay wataan baabuur Land

Cruiser-ra ah. Markii danbe waxay degeen magaalada

dekedda ah ee Hobyo oo waqooyiga ka xigta Xaradheere.

Inta ay xaaladda Soomaaliya tahay mid qasan oo aan

degganaynna, waxa suurtogal ah in budhcad badeeddu ay

helaan saldhig kale oo kolba ay u guuraan oo ay

degaan, oo ka mid ah xeebta dheer.

276

Ma ahayd sida kale ee ugu habboon? (The best option?)

Dawladaha waaweyn ee adduunka, waxay ku noqotay

arrin aanay filayn oo ku-soo-booddo ah soo-

iftixibaankii budhcad-badeedda ka bilaabantay

Somalia. Ma jirin markaasi qaab iyo hab la adeegsado

oo loogu talo galay in si wax-ku-ool loogaga hortago

dhibaatadaas, taasi oo macnaheedu noqday in budhcad-

badeeddu ay fulin karaan hawgalladooda iyaga oo aan

ka werwerin wax khatar ah oo ay la kulmi karaan, isla

markaasina ay ogyihiin in meesha ay ugu jirto fursad

weyn oo ay wax badan ka heli karaan. Sida ay

wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatey bishii

November ee 2008, Taliyaha guutada shanaad ee

Ciidammada Badda ee Maraykanka, Vice-Admiral William

Gortney, waxa uu gartay amma aqoonsaday sababaha

budhcad-badeednimadu ay u noqotay wax si weyn u soo

jiidata Soomaalida, waxanu yidhi:‘Ma jirto sabab aad

ugu biiri weydo oo aad u noqon weydo budhcad-badeed.

Markabka aan doonayo in aan qabsado oo aan weerara,

ma aha mid isagu aniga i soo tuukanayo oo xabad igu

soo ridaya, waana mid aan lacag ku heli doono. Ima

xidhi karaan oo maba hayaan meeshii la igu xukumi

lahaa ee maxkamad la igu saari lahaa.’18

Vice-Admiral Gortney aragtidiisan, waxa kale oo isna

la qaba Patrick Cullen oo ah khabiir dhinaca arrimaha

nabadgelyada, oo ka tirsan Jaamicadda Culuunta

Dhaqaalaha ee London:‘Budhcad-badeednnimadu waa shaqo

iyo xirfad heer sare ah oo fiican haddii aad ka hawl

gelayso dal faqiir ah oo aan nidaam iyo sharci lahayn

sida Somalia oo kale. Marka la isbarbar dhigo

khatarta, iyo dhinaca kale faaii’dada ka soo gelaysa

ee meesha ku jirta ee loogu badheedhayaana waa mid

aad u badan oo weyn.‘19

Budhcad-badeeddnimada, waxa si toos ah iyo si dadban

labadaba u kaaliyey deeqaha debadda. Barnaamijyada

277

iyo mashaariicda loogu talo galay in wax lagaga qabto

oo lagu yareeyo saboolnimada haysata dadka ku nool

xeebaha, ayaa ugu dedaalay sidii ay ugu heli

lahaayeen ee ay ugu keeni lahaayeen dadkaasi saboolka

ah doonyo kalluumaysi, doonayahaasi oo laakiin ay si

kastaba u dhacday in aan lagu isticmaalin amma aan

loogaga faa’iideysan ujeedooyinkii loogu talo galay.

Waxa kale oo la sameeyey amma la hagaajiyo kaabayaal

ay ka mid yihiinka dekado yaryar oo macmal ah,

kuwaasi oo iyagana laga yaabo in laga faa’iideyteen

oo ay caawiyeen. Tusaalaha ugu fiican ee la soo

qaadan karo sida khaldan ee loo leexiyey mucaawanadii

debadda ee marka hore laga lahaa ujeedada fiican, ee

ay aakhirkii uga faa’iideysteen dad khalad ah oo aan

ahayn kuwii loogu talo galay, waxa ka mid ah arrin ka

dhacday Puntland, halkaasi oo shirkad Ingiriis ah oo

xagga ammaanka qaabilsan, oo la yidhaa Hard Security

UK ay ka waddey tababarro la siinayo ciidanka

ilaalada xeebaha ee gudaha, doonyo iyo qalab kale oo

ay ku hawl galaan ciidamadaas, una adeegsadaan

ilaalinta badda oo ay ka ilaaliyaan budhcad-badeedda

iyo maraakiibta kalluumaysiga sharcidarrada ah ee

ajanebiga ah. In kasta oo bilawgii uu mashruucaasi

ahaa mid lagu guulaystay oo si fiican u hirgalay,

haddana shirkaddii Hard UK waxay degaannadaasi ka

baxday sannadihii 2000, ka dib markii halkaasi uu ka

qarxay khilaaf dagaal oo gudaha. In badan oo ka

tirsan ‘ilaaladii xeebaha‘ ee cusbaa ee sida fiican

loo tababaray, ayaa si dhakhso ah u bedeley

shaqooyinkoodii oo noqday budhcad-badeed, una

adeegsaday qalabkoodii cusbaa iyo khibraddii ay

heleen, si ka geddisan oo aad uga duwan ujeedadii

markii hore laga lahaa ee loogu talo galay.

278

Maxaa lagu samayn karaa marka la soo qabto qof

budhcad-badeed ah? (What do you do with a pirate when

you catch one?)

Dihbaatooyinka waaweyn ee la xidhiidha budhcad-

badeedda Soomaalida, waxa ka mid ah sida la odhan

karo ee loo maarayn lahaa budhcad-badeedda marka la

soo qabto. Xeerka caalamiga ah ee Qaramada Midoobey

ee ka dejisan sharciyada baduhu waxa uu dhigayaa oo

ku macnaynayaa budhcad-badeednnimadu inay tahay denbi

caalami ah meel kasta, waxanu u ogolaanayaa dal kasta

amma qaran kasta oo madaxbannaan oo dawli ahi, xaqa

uu u leeyahay in uu soo qabqabto, dacwadan ku soo

oogo oo uu maxkamad saaro budhcad-badeedda. Laakiin

dalal badan waxa ka maqan oo aanay lahayn sharciyadii

gaarka ahaa ee loo adeegsan lahaa arrimahani.

Waxa kale oo jahawareer ka jira dalka xaqa u

yeelanaya in uu sharciyadiisa iyo awoddiisa ku fuliyo

oo uu ku qaado budhcad-badeeddaasi; waayo waxa laga

yaabaa in markabku uu sito oo uu ku dal-maraayo calan

gooni ah, laakiin isla markabkaasi in dal kale laga

leeyahay, iyo in uu sito badeecado iyo shixnado loo

wado dalal kale oo dhawr ah, iyo in shaqaalaha saaran

dhalashadoodu ay iskugu jirto dalal kala gooni ah.

Waxa kale oo iyana meesha ku jirta oo muhim ah dalka

laga leeyahay ee uu ka tirsan yahay markabka dagaal

ee soo qabtay budhcad-badeeddaas.

Bilawgii, waxa dhici jirtey in la iska sii daayo

badankooda budhcad-badeedda ay qabtaan maraakiibta

dagaalka ee shisheeyuhu. Dalal badan oo ku jira

hawlgalka caalamiga ah ee ilaalinta badaha ayaa raaci

jirey oo ku dhaqmi jirey siyaasadda ah ‘soo qabo oo

sii daa’, sababta oo ah in la qaso oo la curyaamiyo

budhcad-badeedda, halkii la marin lahaa qaabab iyo

habab adag oo dhibaato badan oo maxkamado lagu saaro.

Tusaale ahaan, bishii September ee 2008, markab

dagaal oo laga leeyahay dalka Denmark ayaa soo qabtay

279

toban qof oo lagu tuhmey inay yihiin budhcad-badeed,

iyaga oo maraya Khooriga Cadmeed, oo sitta

garnayllada basuukayaasha iyo sallaan dheer. Ka dib

markii la hayey muddo toddobaad ah, mas’uuliyiintii

reer Denmark waxay go’aansadeen inayna haysan wax

awod sharciyeed ah oo ay ku maxkamadeeyaan dadkaasi,

sida awgeedna waxay kala wareegeen qalabkii ay

siteen, waxayna geeyeen dadkii xaggaa iyo xeebaha

Somalia oo ay ku daadiyeen.

Bishii April ee 2009, ciidammo ka socda dalka

Holland oo ka tirsan ciidamada ilaalada ee

gaashaabuurta NATO, ayaa soo qabtay toddoba budhcad-

badeed ah oo Soomaali ah, hasse ahaatee way iska sii

daayeen, iyaga iyo doonnidoodiiba, iyo weliba shidaal

ku filan oo ay sii siiyeen, si ay iyaga oo bedqaba oo

nabad ah ay u gaadhaan dhulkoodii oo ay dib ugu

noqdaan. Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee NATO oo

la yidhaa Taliye Chris Davies, waxa uu sheegay in

sharci ahaan aanay jirin wax kale oo la samayn

karayey: ’Waa arrin la xidhiidha xagga sharciyadda

iyo sharci-dejinta. Budhcad-badeeddu waxay ahaayeen

qaar bilawgii la soo qabtay oo rumaan ahaan loo

hayey, waxana laga qaaday hubkii oo waxa laga dhigay

dad aan waxba samayn karayn oo aan lahayn awod. Dib

ayaana loo celiyey budhcad-badeeddaasi oo la sii

saaray doonnidoodii, lana sii siiyey raashin iyo

daruuriyaad kale oo taakulayn ah.’20

Laakiin waxa jirey budhcad-badeed kale oo aan iyagu

sidaa u sii nasiib badnayn. Qaar ka mid ah kuwaasi,

waxa loo dhiibay oo lagu wareejiyey maamulka

Puntland, halkaasi oo lagu xidhay xabsiyo buux-

dhaafay. Mid ka mid ah budhcad-badeeddaasi, muddo

toddoba bilood ah ayuu ku qaatay oo lagu dhex hayey

markab dagaal oo Maraykan ah, waayo ma jirin cid

go’aan ka gaadhi karaysay waxa ay tahay in lagu

sameeyo amma sida la odhanayo. Qaar kale, waxay u

gacan galeen ciidamada ilaalada badda ee Yemen oo

280

qabqabtay, maxkamadna lagu saaray dalkaas Yemen, oo

lagu xukumay dil.

Markii muddo laga soo wareegey, waxa jirtey haddana

in qaar ka tirsan budhcad-badeeddaasi in loo qaaday

xabsiyo ku kala yaal dalalka Faransiiska, dalalka

Netherlands, Maraykanka iyo meelo kale, halkaasi oo

qaarkood bilo ay ku sugayeen in maxkamad la geeyo,

iyada oo la diyaarinayey shariciyadii loo baahnaa.

Kiiskii amma dacwaddii maxkamadeed ee ugu horraysay

ee lagu qaado qaaradda Yurubna, waxa laga furay

maxkamad ku taal dalka Holland, bishii May ee 2010.

Sida ay ku tilmaantay jaridadda Daily Telegrah oo soo

xiganaysa Collin Freeman oo wax ka qoray dacwaddaasi

maxkamadeed, bishii June ee 2010, dadkaasi oo ahaa

shan qof oo Soomaali ah, waxa la soo fadhiisiyey

qolka maxkamad ku taal magaalada Rotterdam, iyaga oo

‘xidhan dhar la soo ergisey, una muuqda in si weyn ay

iskugu buuqsan yihiin oo ay jahawareersan yihiin, oo

dhinacna u muuqda inay caajisan yihiin oo ay ka

jajaban tahay, dhinacna faraxsan.’21 Shantaasi qof ee

Soomaalida ah, waxa loo haystay oo lagu soo ogay

dacwad, iyaga oo loo cuskanayo sharciyo ‘budhcad-

badeednimada’ oo markii hore la dejiyey qarnigii

toddoba-iyo-tobnaad. Dadkan la heystey ee

eedaysanayaasha ahaa waxay ku doodeen inay

kalluumaysanayeen, wax xabbado ahna in aanay ridin.

Hasse ahaatee qaar ka tirsan shaqaalihii markabka oo

Turki ah, oo saarnaa markabkaasi Holland oo ah nooca

xamuulka oo ka diiwaan-gashan jasiiradaha Antilles,

ayaa waxa ay ku fureen markhaati ah in raggaasi ay u

soo dhawaadeen markabka, iyaga oo watta doonni aad u

dheeraynaysa oo si xawli leh u socota, soona ridaya

taxshiirado iyo basuukayaal ay la soo eegteen dheegga

sare ee markabka. Soomaalidii waxa lagu helay inay

galeen denbigaasi, mid kastana waxa lagu xukumay shan

sanadood oo xabsi ah.

281

Dalka Maraykanka, intii ka danbaysay sannadkii 1820-

kii, dadkii ugu horreeyey ee xeer-beegti Maraykan ahi

ay ku qaaddo kuna hesho denbi ah fal dudhcad-badeed,

waxa ay noqdeen shan Soomaali ah, oo bishii March ee

2011-kii lagu xukumay xabsi-daa’im amma madaxaa-ha-ku

furo. Waxay sameeyeen khalad xun oo halis weyn ah, oo

ay ku khaldameen markab dagaal oo Maraykan ah oo ku

jira hawlgal ah ka-hortag budhcad-badeed, una qaateen

in uu yahay markab xamuul oo ganacsi.

Dalalka reer-Galbeedka, waxa kale oo ay dhibaato ka

haysataa cabsida ay ka qabaan in budhcad-badeeddaasi

marka ay dhamaystaan xukunkii xabsida, inay isku deyi

doonaan inay is-dhiibaan oo ay dalbadaan magangelyo.

Budhcad-badeeddii ku xidhnayd dalka Holland, waxa la

sheegay inay aad ugu faraxsanaayeen inay markii ugu

horraysay noloshooda helaan musqulo biyo leh, laydh

amma koranto afar-iyo-labaatanka-saacadood ah, iyo

furaashyo raaxo badan. Looyar amma qareen u doodayey

mid ka mid ah budhcad-badeedda, waxa uu ka hadalay

nolosha raaxada ah ee xabsiyada Holland dhexdeeda,

marka loo eego xaaladihii hore ee nololeed ee

budhcad-badeeddan: ‘Markii ugu horraysay ee aan la

hadlo amma wax weydiiyey eedaysanihii aan wakiilka ka

ahaa ee aan daafacayey, waxa uu ii sheegay in

joogitaanka halkan ee imiku ay tahay jannadii oo

kale. Markii ugu horraysey noloshiisa, marna ma uu

dareemin wax khatar ah oo uu ka cabsado halkan,

Waxanu ku jirey xabsi casri ah oo leh suuli amma

musqul iyo meel lagu qubeysto oo casri ah, kuwaas oo

ah noocii ugu horreeyey ee uu abidkii helo

noloshiisa.’22

Iyaga oo qaba noloshaasi raaxada leh, marka loo eego

sidii hore ee ay ahaan jireen, ee ay helayaan shanto

sano ee ay ku jiraan xabsiyadan Holland, kuna

haystaan qolal amma maqsinno gaar u ah oo leh

telefishankii, musqushii iyo meeshii qubeyska ee ay

ku maydhan lahaayeen, haddana budhcad-badeeddaasi

282

waxa si kastaba suurtogal u ah inay xaq u yeeshaan

inay is-dhiibaan oo ay codsadaan in la siiyo

magangelyo, isla marka muddadii xukunka xabsigu ka

dhammaato.

Bishii March ee 2010, tirada guud ee maxaabiista

budhcad-badeedda Soomaalidu waxay kor u dhaaftay

siddeed boqol oo ku kala jira xabsiyada lix-iyo-toban

dal oo kala duwan. Waxa jirey dedaallo badan oo kala

geddisan oo la isku deyey in la sameeyo hab lagu

midaynayo nidaamyada dacawadaha maxkamadeed ee la

saarayo budhcad-badeedda iyo xabsiyada lagu haynayo,

laakiin ilaa iyo hadda midna laguma guulaysan.

Sannadkii 2009-kii, dalalka Marayknka, Midowga

Yurub, Canada iyo dalal kale ayaa heshiis la gaadhay

dawladda Kenya, heshiiskaasi oo ahaa in dadka loo

haysto budhcad-badeednimada loo wareejiyo magaalada

Mombasa ee xeebta ku taal, halkaasina lagu hayo,

laguna maxkamadeeyo. Hasse ahaatee bishii April ee

2010 ayay dawladda Kenya sheegtay in aanay aqbali

doonin cid danbe oo loo haysto budhcad-badeednimo oo

loo keeno, sababta oo ah in aanay haynin kharashkii

iyo dhaqaalihii ku bixi lahaa ee loo baahnaa. Waxa

kale oo ay intaasi ku dareen in hey’adaha caddaaladda

ee Kenya imikaba ay qabaan kullays badan oo haysta oo

aanay wada qaadi Karin, waxayna tibaaxeen in aanay

doonayn in Kenya ay noqoto ‘Guantanamo-dii Budhcad-

badeedda’. Ka dibna, lacagayow dheeraad ah oo debadda

ah ayaa loo qoondeeyey maxkamad u gaar ah budhcad-

badeedda oo laga sameeyey Mombasa, laakiin ila hadda

hawshaasi ma noqon mid u hirgasha sidii laga rabey.

Sannadkii 2010-kii, dalka Sychelles oo budhcad-

badeedda Soomaalidu si xun u saamaysay ayaa heshiis

la saxeexday Jamciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa,

heshiiskaasi oo dhigaya in halkaasi lagu maxkamadeeyo

dadka loo haysto falalka budhcad-badeednnimada. Hasse

ahaatee jasiiraddaasi waxay leedahay oo ku yaalla hal

283

xabsi oo qudha, umana qalabaysan xabsigaasi si qaadi

kartaa oo ku filan daryeelka dhibaato iyo culays

baaxaddaas weyn leh.

Waxa jirey talooyin la soo jeediyey oo ku saabsanaa

in laga dhex sameeyo Somaliland iyo Puntland

maxkamado iyo xabsiyo budhcad-badeed oo caalamku

maalgeliyo, laakiin waqtigii la qorayey buuggani,

kuwasi laftooda waxa ka horyimid carqalado amma

dhibaatooyin.

Marka ay sii daba dheeraataba... (The longer it goes

on...)

Mar kasta oo la sii xoojiyo raadcaysiga lagu soo

qabqabnayo budhcad-badedda xeebaha Soomaalida, iyo

mar kasta oo budhcad-badeed kale oo dheeraada la sii

xukumo oo xabsiyada loo diro, waxa kale oo iyaguna

sii kordhaya noocyada falalka iyo weerarrada budhcad-

badeerddu ay ku kacayaan. Bilawgii, waxa aad u yaraa

dilka amma dhaawaca loo geysto dadka la-haystayaasha

ah ee la qafaasho, sababta oo ah inay uga faa’iido

badan yihiin oo qiimo weyn ay ugu fadhiyaan budhcad-

badeedka, inta la-haystyaashaasi nolol lagu hayo ee

ay bedqabaan amma nool yihiin, ka sakow halkii laga

dili lahaa amma ay noqon lahaayeen wax dhintay. Hasse

ahaatee waxa dhacday in sannadihii u danbeeyey ay sii

korhdaysay tirada dadka la-haystayaasha ah ee dhinta.

Bishii February ee 2011, waxa la diley afar qof oo

Maraykan ah oo la haystey, mar ay ciidammo Maraykan

ahi ay qaadeen hawlgal ay doonayeen inay dadkaasi ku

soo furtaan. Waxa khatar kale la sii geliyey

xaaladihii xasaasiga ahaa ee awalba taagnaa, kuwaasi

oo maraakiibta iyo dadka saaran ee shaqaalaha ah la

soo deyn jirey ka dib marka madax-furasho la bixiyo,

iyo budhcad-badeedda ay qabtaan ciidamada ilaalada

badda ee caalamiga ahi oo la iska sii deyn jirey oo

loo suurtogelin jirey amma loo ogolaan jirey inay dib

284

ugu noqdaan dhulkoodii. Marka oo ay sii kordhaan

tirooyinka budhcad-badeedda la dilo ee ay dilaan

ciidammo nabadgelyo oo gaar ah amma ciidamada

komaandoosta ee badda ee qaada weerarrada ay ku soo

furanayaan maraakiibta, waxa dhinac kale suurtogal ah

inay iyaguna sii kordhaan dilalka budhcad-badeeddu ay

kula kacaan dadka la-haystayaasha ah.

Waxa kale oo sii kordha cadhada iyo gaca-ka-hadalka

budhcad-badeedda, mararka wadahadalka iyo gorgortanka

lacagta madax-furashadu ay sii jiitamaan amma

burburaanba. Bishii January ee 2010, nin la yidhaa

‘Caddow’ oo ka mid ahaa budhcad-badeeddii haysatey

lammaanihii Ingiriiska ahaa ee Paul iyo Rachel

Chandler, waxa uu ii sheegay in waxa uu ku tilmaamay

‘wiilal yaryar’ oo ka tirsan kooxdihii, inay ‘ku

qabteen lammaanahasi qoryihii ay haysteen, kuna

garaaceen’, sababtana waxay ahayd ayuu yidhi inay

‘aad uga xanaaqeen oo ay ka cadhoodeen wadahadalladii

lacagta madax-furashada oo wax horumar ah laga samayn

waayey’.

Warbixin uu soo saaray machadka loo yaqaan One Earth

Future Foundation sannadkii 2011-kii, waxa uu

faafiyey oo kashifay sheekooyinka aan waxba ka jirin

ee la isla dhex maro ee sheega in budhcad-badeedda

wax qabsataa ay yihiin dad leh naxariis

banii’aadminnimo. Waxayna tusaale u soo qaadanaysaa

oo ay eegaysaa warbixintaasi, waayo-aragnimada

argagaxa leh ee ay soo mareen iyo waxyaabaha la baday

ee lagula dhaqmay shaqaalaha maraakiibta ee la

qabsado, kuwaasi oo sharikadaha maraakiibta ee ay ka

tirsan yihiin mar walba u sheegaan oo amar ku siiyaan

shaqaalaha, in aanay bixin wax warar ah oo ku saabsan

sidii loola dhaqmay iyo dhibaatooyinkii ay soo

mareen. Sababtuna waxa weeye in sharikadahaasi ay ka

baqanayaan in taasi ka cabsiiso oo ay ka joojiso in

dadku ay shaqooyin u doontaan maraakiibta.

285

Warbixintu waxay ku tilmaamaysa wax ‘layaab leh’ oo

laga argagaxo dhaawaca iyo dhibaatooyinka

banii’aadminimo ee soo gaadha shaqaalaha maraakiibta

ee la qafaasho, kuwaasi oo intooda badani ka yimaadda

amma u kala dhashay dalalka Philippines, India iyo

Bangladesh, oo warbaahinta caalamku aanay iyaga sidaa

u danayn, si la mid ah sida ay u daneeyaan la-

haystayaasha reer-Galbeedka ah. Kaija Hulburt oo

bishii June ee 2011 wax ka qoray dhibaatooyinka

banii’aadminnimo ee ay geystaan budhcad-badeedda

Somaalida, waxa qoraalladaasi ka mid ahaa:

Weerarrada (soo-furashada ah) lagu guuleysto iyo

kuwa aan lagu guulaysan labaduba waxay khatar

gelinayaan badmareennada oo halis ugu jira inay

la kulmaan dhibaatooyin xanuun iyo argagax leh oo

muddo dheer ku dhaca jidhkooda iyo maskaxdoodaba.

Budhcad-badeedda Soomaalidu waa qaar si weyn u

hubaysan, oo inta badan sitta qoryo, noocyada

boobaha ah ee otomaatigga ah, gantaallo

baasuukayaal ah, iyo waxyaabaha qarxa. Budhcad-

badeeddu waxay weerar ku qaadaan maraakiibta,

waxay faraxumeeyaan amma ku dacatiyaan oo ay

gacan ula tagaan badmareennada, dadka la-

haystayaasha ahna, waxay hoos-geeyaan oo ay u

sameeyaan rag aad u hubaysan oo si buuxda u

kontoroola, gaadhna ka haya oo waardiyeeya.

Dhammaan xaaladahani oo dhammi waa qaar keeni

karaa inay sababaan dhaawacyo halis ah oo soo

gaadha iyo xattaa dhimasho ku timaad

badmareennada. Waxa intaasi dheer, saamaynta

dhibaatooyinkaasi muddada dheer ay ku jiraan ay

ku yeelanayaan ee ay u dhaawacayaan maskaxda iyo

dareenka badmaaxyada, oo in kasta oo dhaawacaasi

uu yahay mid aan isla markaaba si sahal ah loo

ogaan Karin oo aan u muuqan, haddana ah mid

riiqdiisa danbe ee uu ku reebayaa ay aad u xun

tahay.23

286

Warbixintu waxay sheegtay in sannadkii 2010 oo

keliya gudihiisii, in dad ka badan afar kun oo qof oo

badmareenno ah lagula kacay weerarro hubaysan, qaar

kalena laga dhigtay gaashaan banii’aadan. Waxana

warbixintu intaasi ku dartay in marka la isku

celceliyo, muddada la haysto dadkaasi ay noqonayso

ilaa shan bilood. Waxa kale oo ay ka hadashay

noocyada ciqaabta kala geddisan ee jidh-dilka ah ee

lagula kaco, waxana ka mid ah ayay tidhi:

Dhuumo xoog leh oo biyo ah oo lagu furo la-

haystayaasha, iyaga oo lagu dhex xidho

qaboojiyayaasha markabka oo dusha lagaga qufulo,

dadkaas oo lagu xidho dheegga sare ee markabka oo

ay ku dhacdo qorrax amma milic aad u kulul oo

lagu gubanayo, iyo la-haystayaasha oo inta la

dedelo oo la foorariyo, madaxa hoos loogu rido oo

la quusiyo badda ... iyada oo laga soo deldelo

tiirarka markabka iyo biraha qadhabatooyinka ah

ee la sudho hilibka ... la-haystayaasha oo inta

la wada qaawiyo oo dharka laga dhigo, la iskugu

keeno oo la soo tubo meel ka mid ah markabka

dhexdiisa ... iyo iyada oo lagula kaco dilal

beenbeen ah oo ku-dheeldheelis ah.24

Warbixintu waxay soo xiganaysaa nin ah farsamayaqaan

xagga matoorrada, oo lagu qabsaday markabkii MV

Marida Marguerite ninkaasi oo yidhi: ‘Maalin ka mid

aha maalmaha, ayaa waxay i geeyeen xagga dusha ee

markabka, waxayna iga xidheen gacmaha iyo lugaha oo

ay garba-duub iskugu kay jebiyeen dhabarka, sidaasina

aan ku jirey muddo laba saacadood ah. Waxa kale oo

xiniinyaha ay igaga xidheen oo ay igu kiijiyeen

waayir amma xadhig caag ah.’25

Sida ay ka soo xigatey jariidadda The Guardian, nin

isna Hindi ah, oo hore loo qabsaday, magaciisana la

yidhaa Dipendra Rathore, ninkaasi oo saarna markab la

287

qabsaday bishii April ee 2010, waxa uu sheegay in

weli ay sii haysato dhibaatada raadkii uu ku reebay

argagixii uu soo maray:

Mar walba waxay nagu hayeen xaalad argagax iyo

naxdin ah – si isdaabajoog ah ayay noo garaaci

jireen, iyaga oo nala dhacaya biro dhaadheer ...

waxan arkay shaqaalihi saxiibaday ahaa oo lala

dhacayo ulo, iyo xadhkaha korantada oo xiniinyaha

lagaga xidhay, nin inta xadhko lagu xidhay laga

soo deldalay tiirka sare ee markabka, halkaasina

ka soo deldalnaa dhawr saacadood. Xattaa haddii

aanan indhahayga ku arag oo aanan goobjoog ka

ahayn ciqaabaha jidh-dilka ah, waxan maqlayey

qaylada. Welina qayladii dhegahayga ayay ka sii

yeedhaysaa ilaa maantadani.26

Marka loo eego waayo-aragnimada dhibaatooyinkani

laga soo kasbaday, haddana talooyinka ay soo saaraan

ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ku qoran qoraalka

cunwaankiisu uu yahay Sida looga badbaado amma looga

sabatabaxo budhcad-badeedka xeebaha Somalia

(Surviving Piracy off the Coast of Somalia),

talooyinka halkaasi ku yaal ayaa u muuqda wax kooban

oo xaddidan. Waxana ka mid ah: ‘Haddii markabkaaga ay

budhcad-badeed qabsato, waa in aad ku talo gashaa

inay dhici karto in lagu haysto muddo dheer.

Caadiyan, inta dadka la haystaa waxay u dhaxaysaa lix

ilaa laba-iyo-toban toddobaad, laakiin waxa laga

yaaba in intaasi ay wax badan ka sii dheeraato, iyada

oo ku xidhan hadba sida loogu guulaysto wadahadallada

gorgortanka.’27

Iyada oo aanay dawladda ku-meel-gaadhka ah ee

Somalia aanay xukumin oo aanay gaadhsiisnay

degaannada ka tirsan dalka ee budhcad-badeednimadu ka

jirto, suurtagal uma aha in dawladdu ay ka qaaddo

tallaabooyin wax ku filan, oo wax lagaga qabanayo

288

dhibaatadaas. Bishii Oktoobar ee 2009, ra’iisal-

wasaarihii waqtigaas, Omar Sharmarke, waxa uu ii

xaqiijiyey oo uu ku ballanqaaday in xukuumaddiisu ay

ka dhammayn doonto oo laga tirtiri doono budhcad-

badeedda xeebaha Somalia oo dhan, labada sano ee soo

socda gudahooda. Waxa uu ku gacansaydhay oo aanu

waxba ka soo qaadin soo-jeedintaydii ahayd in laga

yaabo in taasi ay ku noqoto hawl aad u cuslus oo

dhibaato ku ah dawladda, maadaama ay awodda

dawladdiisu xaddidan tahay, oo ay ku kooban tahay uun

jidad yar oo ka tirsan magaalo-madaxda Muqdishu.

Waxanu igu yidhi:’ Ma ahin waxa aan karti iyo awod

lahayn, laakiin imkaaniyaadkii aannu wax kaga qaban

kari lahayn dhibaatadani ayaanaan haysan oo aan

dhammaan halkan wada ool. Waa sababtaa, sababta aannu

debadda uga raadinaynno taageero iyo maalgelin.

Waannu titiri doonnaa budhcad-badeedda, annaga oo u

adeegsanaynna dadweynaha iyo olole waci-gelineed,

kuna xoojinaynna quwad milatetr.’

Sidii aan horeba u soo sheegnay, Midowgii

Maxkamadaha Islaamiga ahi waxay awodeen inay wax ka

qabtaan oo dhibaatadii budhcad-badeeddu ay aad u

yaraato. Hansen waxa uu isna ka hadlayaa sida

xukuumadda la magacbaday Jamhuuriyadda Somaliland ay

guulo uga soo hoysey la-dagaallanka budhcad-badeedda:

Guulaha Somaliland ka gaadhay la-dagaallanka

budhcad-badeednnimada ayaa ah wax weyn oo loo

bogo oo aan la filayn ... ka sakow ciidamadooda

ilaalada xeebaha oo aad u taag daran, haddana

weerarrada budhcad-badeedda ee ka dhacay qaybaha

ku aaddan iyaga ee aagga dhaqaale ee badaha

Soomaaliyeed, ayaa ahaa weerarro tiradoodu ay ka

yar tahay qiyaastii mid amma hal labadii sanaba

mar ka dhaca halkaasi, marka la eego guud ahaan

tobankii sano ee ugu danbeeyey. Somaliland waxay

si degdeg ah uga hortagtaa kooxaha budhcad-

badeedda ee la soo sheego, ee wararkooda la isla

289

dhex maro, kooxahaasi oo ay soo qabqabtaan amma

gacanta ku soo dhigaaan ka hor inta aanay is-

abaanulin, amma xilliga ay diyaargaroobayaan ee

weli aanay ku kicin wax hawlgal ah oo ay

fuliyaan.28

Waa wax xiiso leh in Midowgii Maxkamadaha Islaamiga

ah iyo xukuumadda Somaliland ay ku guulaysteen in wax

laga qabto oo la yareeyo dhibaatada kaga timaadda

budhcad-badeednnimada, si ka badan heerka wax-

qabashada ciidamada caalamiga ah ee ilaalada badda

xeebaha Soomlia oo kharsha aad u badani ku baxo,

kuwaasi oo aan samayn oo qudha hawgallo wadajir ah oo

ay iska kaashadaan ciidamada hawlgallada gaarka ah ee

Ururka Midowga Yurub iyo gaashaanbuurta NATO,laakiin

ay ka qaybqaataan maraakiib dagaal oo goonida ah, oo

ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Iran,

India, China iyo Japan.

Tani waxay daliil amma caddayn u tahay in sida ugu

habboon ee waxa lagaga qaban karo dhibaatada budhcad-

badeedda, inay tahay xagga dhulka, iyada oo loo

adeegsanayo inta badan qaababka iyo tabaha wax lagu

xalliyo ee gudaha ee Soomaalida, kuwaasi oo lagu

ladhi karo gacansiin iyo taageero debadeed.

Budhcad-badeeddu waxay keentay in caalamku uu fikrad

khaldan oo aan wada sax ahayn uu ka qaatto Somalia.

Sawika guud ee laga haystaana waa dal ay abaaro ku

habsadeen oo la degeen, oo ay haystaan kooxo ku

xidhan al-Qaacida, oo budhcad-badeed gashay oo ay ku

faaftay biyahooga amma badahooga.

Lama dafiri karo in kooxo marka sidaas loo eego ilaa

heer koobani, in ay horseedeen oo ay sababeen

dhibaatooyin khasaare oo ballaadhan. Laakiin haddana

xaqiiqada ah in maamullo gudaha ah oo yaryar, oo

awoddoodu ay kooban tahay marka la barbar dhigo kuwa

kale, in ay keeneen oo ay heleen xal iyo farsamooyin

wax-ku-ool ah oo shaqaynaya, taasi ayaa manaheedu uu

290

yahay in dhinac kale looga wareegi karo, iyada oo

laga shidaal qaadanayo amma wax laga baranayo

tusaalooyinka waayo-aragnnimada Midowgii Maxkamadaha

Islaamiga ah iyo Somaliland.

291

CUTUBKA 6aad: SOMALIA IYO ADDUUNKA DEBADDA

Faragelinta debadeed ee lagu samaynayey Somalia,

laga soo bilaabo dhicitaankii Siyaad Barre ee 1991-

kii, waxay noqdeen qaar aan inta badan lagu gaadhin

ujeeddooyinkii laga lahaa, sida aan loogu guulaysan

ee ay ku danbeeyeen dedaalladii kale ee debadda ee

isku deyayey in dib loogu dhiso dawladnnimadii, amma

wax lagaga qabto dhibaatooyinka dalkaasi. Qaar maba

yeelan wax saamayn ah, qaarna waxay uga sii dareen oo

ay sii xumeeyeen xaaladihii halkaasi ka jirey. Sida

ay tilmaamayso qoraaga Anna Lindley, ka sakow

dhammaan wixii faragelin ahaa ee lagu sameeyey

Somalia, haddana Soomaalidu marna ma ogolaan inay

noqdaan oo keliya madiidin ay ku adeegtaan ajanebigu:

Faragelinta debadeed waxay marar badan kaalin

weyn ka qaadatay abuurista xaalado dagaal iyo

burbur dawladnnimo. Somalia, waxa jirey

xilliyadii dagaalkii qaboobaa oo la maalgelinayey

dhismaheeda milateri (taasi oo marna la

bedeleyey, mararna lagala noqonayey oo la

joojinayey), mucaawano caalami ah (oo marna si

xad-dhaaf ah loo siinayey, mararna laga

joojinayey), iyo dib-u-habayn koboca dhaqaalaha

oo ku salaysan afkaarta casriga ah ee

furfurnaanta amma liberaalka (oo ay ku jirto

khaladaadka aragtidani laga fahmay). Dhammaan

arrimahani waxay gacan ka geysteen inay

deganaansho la’aan ku keenaan dawladnnimadii iyo

qarannimadii, faragelintii caalamiga ahaydna

waxay si cad ugu guuldarraysatay inay xal u hesho

khilaafka Somalia ilaa bilawgii muddo labaatan

sano ah. Laakiin, ka sakow guuldarrada

qorshayaashii loo dejiyey in isbedel lagaga

sameeyo Somalia, haddana nolosha Soomaalida ee

gobolkaasi waxay ahayd mid socota, soona martay

qaabab kala duwan oo ijtimaaci iyo dhaqaale,

habab cusub oo siyaasadeed iyo isbedello.1

292

Dadka leh awodda siyaasadeed, ma aqbalaan in

siyaasadahoogii ku aaddanaa Somalia inay fashilmeen.

Ra’iisal-wasaarihii hore ee dawladda Ingiriiska, Tony

Blair, mar la weydiiyey bishii September ee 2010-kii

in uu u arko in siyaasadihii reer-Galbeedka ee ku

aaddanaa Somalia iyo Yemen ay dhibaato ku keeneen

reer-Galbeedka oo ay sii xoojiyeen uun ururka al-

Qaacida iyo ururrada kale ee xagjirka ah, halkii ay

ka daciifin lahaayeen, waxa uu ku jawaabay Tony

Blair:

Marka kooxahan jooga Yemen iyo Somalia ay

gumaadayaan dadweynaha aan waxba galabsan, ma aha

annaga kuwa ugu wacan ee ku kicinaya inay

falalkaasi ku dhaqaaqaan. Waxa nala gudbooni waa

in aannu ka qabanno. Waa dood aan qiime iyo macne

ah lahayn in la yidhaado annaga ayaa ugu wacan oo

ku kallifaynna inay sidaas sameeyaan....Ma

waafaqsanin oo ma aqbalayo hadalladan odhanaya

siyaasadaha dalalka reer-Galbeedka ayaa sii

xoojiyey ururradan Yemen iyo Somalia. Siyaasadaha

reer-Galbeedku waxay u qaabaysan yihiin oo loogu

talo galay in laga hortago oo wax laga qabto

xumaha iyo wixii khalad ah, wixii dib-u-

socodnnimo, dammiir-xumo iyo dib-u-dhac ah.2

Somalia waxay dhibaato weyn oo madax-xanuun ah ku

ahayd quwadaha waaweyn ee debadda, xilliyo badan oo

ka tirsanaa taariikhdeeda. Laga soo bilaabo

horraantii 1900-kii, ciidamadii daraawiishta ee

wadaadkii ‘Mad Mullah’, waxay qas kala hortegeen

qorshayaashii isticmaarka, gaar ahaanna kuwii

Ingiriiska. Faragelintii Maraykanka iyo Jamciyadda

Qaruumaha ka Dhaxaysa ee 1990-yadii waxay noqdeen

kuwa gaar ahaan yeeshay saamayn xun iyo xanuun weyn.

Hawlgallo loogu talo galay bilawgii inay noqdaan

293

gurmad banii’aadminnimo, ayaa waxa ay ku danbeeyeen

ciidamadii Maraykanka iyo Qaramada Midoobey inay ka

mid noqdaan dhinacyadii dagaallameyey ee is-hayey,

kuwaasi oo in badan oo ka tirsan dadkii loogu talo

galay in ciidamadaasi ay u gurmadaan oo ay u

gargaaraan, ay u arkeen isla ciidamadaasi qaar cadow

ah. Waa markaas marka uu soo baxay hal-hayska amma

ereyada ah ‘hawlgal leexday/isbedely’. Ereyadaas waxa

soo saaray qoraaga Jim Hoagland oo wax ku qori jirey

jariidadda the Washington Post, isaga oo wax ka qoray

faragelintii Maraykanka ee 1993; waxana ugu

horraantii lagu isticmaalay in lagu tilmaamo sida

faragelin debadeed ay ugu danbayn karto wax gebi

ahaanba ka geddisan, kana murug iyo mashaakil badan,

wixii hore ee loogu talo galay amma ujeeddooyinkii

marka hore laga lahaa in hawgalkaasi uu guto.3

Xilliyadii faragelintaasi debadeed ee burburku ka

yimid, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey waxa ahaa

Boutros Boutros-Ghali. 1996k-kii, waxa uu ka hadlay

sida xaaladaha Somalia ay u noqdeen kuwa ugu fool

adag ee weligood la soo gudboonaaday Jamciyadda

Qaruumaha ka Dhaxaysa, waxanu yidhi: ‘dedaalkii

Qaramada Midoobey ee ku saabsanaa sidii wax looga

qaban lahaa dhibaatooyinka banii’aadminnimo ee

Somalia, sidii kor loogu qaadi lahaa dib-u-

heshiisiinta kooxaha dagaallamaya iyo hroumarinta

dib-u-heshiisiinta qaran, dedaalladani waxay

horseedeen oo ay keeneen dhinaca kale hawlgalladii

ugu qallafsanaa ee ugu fool adkaa, ugu hawl badnaa

taariikhda Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa kontonkii

sano ee ay soo jirtey.’

Ka dib markii lagu guuldarraystay hawlgalladii

kharashka badani ku baxay ee Qaramada Midoobey iyo

Maraykanka, oo weji-gabax ku danbeeyey, quwadihii

shisheeyaha iyo hey’adihii caalamiga ahaa intoodii

badnayd waxay ka baxeen Somalia. Qaybo ka tirsan

dalkaasi waxay galeen xaalado nabadgelyo-la’aan amma

294

deganaasho la’aan ah oo joogto ah, waxayna u kala

jajabeen qaybo iyo kooxo kala geddisan oo mar walba

isbedelaya, inta bandanna midba midka kale dagaal

kula jiro. Qaybo kale oo dalkaasi ka tirsanaa

goonidooda ayay u baxeen, qaybta ugu fogaatey ee

tusaale loo soo qaadan karaana waxay noqotay

Somaliland oo ku taal Waqooyi Galbeed oo iyadu ku

dhawaaqday madaxbannaani, oo in kasta oo aanay helin

guud ahaan wax mucaawano ah oo debadeed oo muuqda,

haddana samaysay dib-u-dhis gaadhay in uu abuurmo hab

siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo shaqaynaya.

Sidii nabad iyo deganaansho waara looga dhalin lahaa

Somalia, waxay noqotay hawl aad u weyn, ilaa haddana

aan maare loo helin oo hortaal dawladaha debadda ee

siyaasadaha hoggaamiya. Sideedaba, labada waxa fudud

in laga hadlo oo la tiriyo waxyaabaha ka qabsoomi

waayey arrimaha Somalia, marka loo eego wixii

qabsoomay. Waxa guuldarraystay fargelintii

ballaadhnayd ee milateri. Waxa kale oo fashilmay

shirarkii durugsanaa ee dib-u-heshiisiinta ee lagu

qabanayey dalalka debadda. Haddana lama hayo ilaa

hadda wax dammaanad-qaad ah oo lagu kalsoonaan karo

in hababka ka shaqeeyey Somaliland, iyo Puntland iyo

maamul-goboleedyada kale oo ilaa heer ka yar marka la

barbar dhigo Somaliland, in lagu dayan karo oo sidoo

kalena lagu dabbiqi karo meelaha kale oo ay habakaasi

ka shaqayn karaan. Waayo waxa dhici kartaa in haddii

habkani la wada raaco, aakhirka ay suurtogal noqoto

in dalku gebi ahaanba uu kala qaybqaybsamo, oo uu

lumiyo guud ahaan jiritaankii qaran dawli ah.

Somalia iyo ‘la-Dagaallanka Argagixisada’(Somalia and

the ‘War on Terror’)

Kor-u-kicitaankii dagaallada Islaamiyiinta ee

gobolkaasi iyo meelaha kale ee adduunka ka tirsan,

waxay Somalia dib ugu soo celiyeen raadaarka amma

295

indhaha caalamka. Dhacdooyinka ugu waaweyni waxay

ahaayeen sanaddii 1998-kii, markii la duqeeyey ee la

qarxiyey safaaradihii Maraykanka ee ku kala yaalley

dalalka Kenya iyo Tanzania, iyo weerarlki al-Qaacida

ay ku qaadday Maraykanka 11-kii bishii Sept 2001,

weerarradaas oo wax weyn ka bedeley sidii adduunku u

dhaqmayey. Ururkii Islaamiyiinta Soomaalida ee al-

Itixaad ayaa waxa lagu daray liiska Maraykanka ee

ururrada lala xidhiidhiyo argagixisada. Waxa sidoo

kale liiskaasi lagu daray shirkaddii xawaaladaha

lacagta ee Soomaalida ee al-Barakaat. Laba bilood ka

bacdi weerarkii 9/11, dawladda Maraykanku waxay amar

ku bixisay in la xidho shirkaddii al-Barakaat.

Maraykanku waxay ku eedeeyeen milkiilihii

shirkaddaasi, Ahmed Ali Jimale, in uu yahay nin ay

saaxiib yihiin oo taageera Osama Bin Laden, oo

maamula lacagihiisa, una gudbiya lacagahaasi ururka

al-Qaacida meel kasta oo adduunka looga baahdo. Sidii

aan horeba u soo sheegnay, waxa la fadhiisiyey amma

la xayiray koontooyinkii baananka ee shirkaddaas,

taasi oo macnaheedu noqday in Somaalidii qurba-joogta

ahayd aanay awodi Karin inay lacagayow u diraan

qaraabadoodii iyo qoysaskoodii joogey Somalia ee

noloshoodu ku xidhnayd xawaladahaasi. Madaxweyne

George W Bush waxa uu si weyn uga faa’iideystey

adeegsiga siyaasadda hal-hayska ‘la-Dagaallanka

Argagixisada’, markii bishii November ee 2001 uu ku

dhawaaqay xidhitaankii al-Barakaat:

Xidhitaanka shabakadahan amma adeegyadani waxay

keenayaan kala-dhantaalinta iyo joojinta hawlaha

ururradan dilaaga ah. Tallaabadan maanta la

qaaday waxay kala dhantaalaysaa isgaadhsiintii

iyo taakulayntii al-Qaacida oo ay ka xannibayso

hanti muhim ah oo ay heli jireen. Waxay inna

siinaysaa xog iyo macluumaad muhim ah, waxayna

farriin adag oo cad u diraysaa hey’adaha iyo

sharikadaha lacagayowga ee adduunka; farriintaasi

296

oo ah – in aad amma annaga nala jirtaan, amma la

jirtaan argagixisada. Haddii ay noqoto in aad la

jirtaan argagixisadana, waxad heli doontaan oo la

idin marin doonaa abaalkiinna. Waxan la

dagaallamaynnaa cadow ku dhuumanaya hogag ku yaal

Afghanistan, iyo kuwo noo soo hoos gelaya

mujtamacayaga amma dadweynahayaga. Waa cadow

jiritaankiisu ku xidhan yahay oo qudha inay

dhuumasho ku jiraan meel mugdi ah. Maanta waxan

qaadnnay tallaabooyin kale oo muhim ah oo aan ku

fashilinaynno cadowgaasi, bannaankana ku soo

dhigaynno, kuna wiiqaynno awoddiisa uu khatar ku

noqon karo Maraykanka iyo nolosha dadka aan

denbiga lahayn.4

Muddo sannad ka yar ka dib, al-Barakaat waxa laga

saaray liiskii argagixisada ee Maraykanka, markii la

waayey xaqaa’iq amma caddaymo ku filan in loo cuskado

inay marin u yihiin lacagayowga al-Qaacida. Laakiin

tallaabadani waxay noqotay ciyi waa ka beryey oo

waqtigii loo baahnaa la soo dhaafay. Maraykanku waxa

uu fogeeyey oo uu dayriyey dad badan oo jooga

Somalia, isaga oo ka jaray amma joojiyey ilihii ay

noloshoodu ku xidhnayd ee ay ku tiirsanayeen boqolaal

kun oo ka tirsan dadweynuhu, iyo isaga oo is-

raaciyey, una dhigay in xidhiidh dhow oo sokeeye ka

dhexeeyo al-Itixaad, al-Barakaat, iyo dhinaca kale

al-Qaacida. Xidhiidhinta ururradani lala xidhiidhiyey

argagixisnnimada, Maraykanku waxa uu kaalin ka qaatay

in haatan Somalia si kale loo arko oo looga fikiro.

Waxyaabaha ka dhaca dalkaasina waxa marba marka ka

danbaysa laga dhex arkayey al-Qaacida iyo dagaallo

Islaami ah. Taariikhdii ayaa dib loo qoray, waxana

dib u qoray qaar ku dooday in al-Qaacida ay masuul ka

ahayd oo ka danbaysey dilkii 18 askari oo ka tirsanaa

milateriga Maraykanka ee magaalada Muqdishu sannadkii

1993. Dhacdooyinkii 9/11 iyo waxyaabihii ka dhashay

297

ee ‘la-Dagaallanka Argagixisada’ waxay wax ka

bedeleen oo ay qaabeeyeen siyaabihii Maraykanka iyo

kuwa kaleba ay u arkayeen ee ay u waajahayeen

Somalia. Siyaabo bandanna, waxay noqotay meel lagu

bilkeediyo amma tijaabiyo sida quwadaha adduunku ay

wax uga qaban karaan ee ay uga hortegi karaan

Islaamiyiinta xagjirka ah, gaar ahaanna

joogitaankooda Afrika.

Istaraatijiyadii Hey’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee

Mraykanka ee 2002, ee xilliyadii maamulkii madaxweyne

Bush, waxay muujinaysay wejiga cusub ee siyaasadda

Maraykanka ee ku fool leh Afrika wixii ka danbeeyey

dhacdadii 9/11; siyaasaddaasi oo xoogga saaraysay

dedaallada la xidhiidha la-dagaallanka iyo ka-

hortagga argagixisada: ‘Afrika, rajada iyo fursadaha

ka jiri kara waxa barbar yaal cudurro,, dagaallo, iyo

saboolnnimo ba’an. Kuwani waxay khatar ku yihiin laba

arrimood labadaba, kuwaasi oo kala ah qiyamka suubban

ee Maraykanka ee ah in la daryeelo heybadda

bani’aadamka, iyo dhinaca kale mudnaanta

istaraatijiyada Maraykanka ee ah la-dagaallanka

argagixisada caalamiga ah.’5 Afar sano ka bacdi,

istaraatijiyadii Maraykanka waa la sii bara-

dheeraysiiyey oo kor ayaa loo qaaday. Afrika waxa

lagu asteeyey amma tilmaamay inay tahay mid leh

‘mudnaan sare’. Qoraalkii qorshaha istaraatijiyadeed

ee Nabad-Sigidda Qaranka ee Maraykanka ee sanaddii

2006-dii, waxa ku yaalley: ‘Nabadgelyada iyo

badbaadadeennu waxay ku xidhan tahay in lagala

shaqeeyo Afrikaanka, xoojinta dawladaha jilicdasan ee

sii fashilmaya oo la dabaqabateeyo iyo meelaha aan

lahayn maamul dawli ah oo loo sameeyo hab iyo nidaam

diimoqoraadi ah oo shaqeeya.’6

Soo-ifbixitaankii awodda Midowga Maxkamadaha

Islaamiga ah (UIC), waxay ka dhignayd oo calaamad ay

u ahayd isbedel kale oo ku yimaad siyaasaddii debadda

ee ku waajahnayd Somalia. Maraykanka iyo kuwa kaleba

298

waxay u muuqdeen inay ku adkaatay inay fahmaan asalka

maxkamadahaasi oo ku bilaabmay isbahaysi debecsan

amma heer hoose ah oo ay samaysteen maxkamadihii

shareecada oo ka dhashay gudaha. Maraykanku waxay u

arkeen oo qudha khatar ku xidhan al-Qaacida.

Ururradii gudaha iyo dawladihii debadda ee ka soo

horjeedey maxkamadahaasi UIC, gaar ahaann

qabqablayaashii dagaalka ee Soomaalida iyo Ethiopia,

waxay u isticmaaleen oo ay uga faa’iideysteen

walaacaasi uu maraykanku ka qabey dhaqdhaqaqaasi

maxkamadaha, sidii iyaga maslaxaddoodu ay ku jirtey.

Qabqablayaashii dagaalka oo cabsi weyn ka qaaday

awodda iyo sumcadda sii ballaadhanaysa ee

maxkamaduhu, waxay sii huriyeen cabsidii Maraykanka

ee ku saabsanayd khataraha Islaamiyiinta Somalia ka

iman kara oo sii kordhaya, iyaga oo u dhigaya in

maxkamadaha Islaamiga ah ee UIC ay yihiin qaar soo

saara oo lagu abuuro xagjirnnimada, iyo meel ay dhici

karto inay iskugu tagaan oo ay ku ololaystaan kuwa

jihad-doonka ahi. Maraykanku waxay qaateen

fikraddaasi, waxayna taageereen abuuritaankii ay

qabqablayaasha dagaalku samaysteen Isbahaysigii la-

Dagaallanka Argagixisada iyo Dib-u-soo-celinta

Nabadda. Isticmaalka ereyada ‘nabadda’ iyo ‘la-

dagaallanka argagixisada’ ee magaca Isbahaysigaasi,

waxay ahaayeen qaar xeelad iyo ujeeddooyin aan daacad

ahayn ay ka wateen qabqablayaasha dagaalku, sida

muuqatana ay ugu talo galeen inay ku helaan

taageerada Maraykanka. Qabqablayaasha wax u darnaa

iyaga oo ay si weyn u danaynayey inay dib u soo

ceshadaan awoddii xukunka ee Maxkamadihii UIC ay la

wareegeen, taasi ayaana runtii kala weyneyd la-

dagaallanka ‘argagixiso’ amma dib-u-soo-celinta

nabadda.

Si ahaan, waxa loo qaadan karaa in Maraykanka iyo

dalalka ay isbahaysiga leeyihiin ay hore u

go’aamiyeen in Somalia ay tahay aag cusub oo al-

299

Qaacida ay ku jirto, dhawr sano ka hor xataa intii

aanay taasi dhaboobin. Aragtidani waxa laga yaabay

inay kaalin ka qaadatay soo-ifbixitaanka dhaqdhaqaaq

islaami ah oo xagjir ah oo ka hanaqaada Somalia.

Aragtida loo arkay iyo la-dhaqanka loola dhaqmay

Soomaalida sidii waxay yihiin argagixiso oo kale,

waxa laga yaaba in taasi lafteedu ay gayeysiisay oo

ay ku kalliftay in dadka qaar ee dalkaasi ay noqdaan

xagjir. In Somalia lagu shaabadeeyo magacaasi oo lala

xidhiidhiyo argagixisadana, waxa laga yaabay in taasi

lafteedu ay si dadban ugu noqotay xayeysiis iyo

iidheh soo jiidata, kuna baraarujisa oo ay ku soo

hirtaan dagaalyahannada jihad-doonka ah ee ajanabiga

ah, ee doonaya inay hawlgalladooda ku faafiyaan

adduunka, kuna yeeshaan lug iyo galaangal gobollada

Afrika ee ka hooseeya Saxaaraha. Sida uu qoray

caalimka culuunta Anthrooboolojiyada, Markus Virgil

Hoehne, sananddii 2009, baadhitaan la sameeyey waxa

ka soo baxay in laga yaabo in Maraykanku uu ku

khaldanaa in uu ku degdego in Somalia lagu tilmaamo

amma laga dhigo meel soo dhaweysa oo ay ku gabbadaan

argagixisada Islaamiyiinta ahi:

Iyadoo ka geddisan aragtidii laga qaatay iyo sida

loo haysto Somalia oo ah ‘meel madow oo khatar

ah’ oo aan maamul iyo nidaam ka jirin, sida ay ku

dhawaaqeen ee ay ku doodeen siyaasiyiinta iyo

aqoonyahannada qaar, Barnaamijka Harmony ee

Xarunta xog-baadhka la-Dagaallanka Argagixisada

ee West Point (Akademiyada Sare ee Milateriga

Maraykanka ee gobolka New York), waxa

barnaamijkaasi uu dhawaan muujiyey in

maqnaanshaha amma jiritaan la’aanta dawladeed ee

Somalia aanay ka dhignayn in si toos ah dalkaasi

u noqday meel ay ku beeranto argagixisnnimada al-

Qaacida. Xog-baadhayaashii warbixintaasi, oo ka

duulayey warbixinno xagga mukhaabaraadka aha oo

sir ahaa oo markan la ogolaaday in la akhristo

300

amma la faafiyo, oo la xidhiidhey hawlgalladii

al-Qaacida ee Geeska Afrika ee sannadihii 1990-

yadii, waxay ku soo gabagabeeyeen in hawlgallada

Islaamiyiintii ajanebiga ahaa ay kala kulmeen

Somalia dhibaatooyin la mid ah kuwii ka hor yimid

hawlgalladii Qaramada Midoobey iyo faragelintii

Maraykanka ee milateri iyo gargaarka

banii’aadminnimo ee Somalia, sanadihii u

dhexeeyey (1992 – 1995): Dhinac ahaan waxa shaki

iyo aammin-darro ku keenay inay yihiin ‘ajanebi’

wata dariiqooyin iyo mad-habo Islaami ah laakiin

loo arko wax bidci ah oo aan caan ka ahayn amma

aan laga aqoon Somalia. Waxa kale oo dhibaato ku

noqday nidaamka isbahaysiga beelaha iyo

qabaa’ilka ee mar kasta isbedelaya, kaabayaasha

iyo adeegyada dalka ee jilicdasan amma burbursan,

badbaado la’aanta, iyo iyaga oo khatar ugu sugnaa

faragelin debadeed, maadaama aanay jirin dawlad

ilaalinaysa qarannimada dalkaasi iyo in aan la

soo faragelin. Waxa kale oo ay halis ugu jireen

in la sheego oo ashkhaas hoose oo denbiilayaal ah

amma Soomaalida kaleba ay ‘lacag kaga qaataan’

cadowga (Maraykanka).7

Soo-gelitaankii Itoobiya (The Ethiopian Invasion)

Isaga oo ka digtoon in mar kale la sameeyo faragelin

burbur ka yimaaddo sidii tii horraantii 1990-yadii oo

kale, Maraykanku waxa uu ka foojignaa in uu isagu

qaado tallaabo weyn oo milateri oo toos ah oo uu ka

qaado waxa loo arkayey khatarta al-Qaacida ee ka soo

socota Somalia. Waxase uu helay saaxiib kale oo u

qummin kara danihiisa oo ah Ethiopia oo uu ka dhigay

dal muhim ah oo qayb ka ah iskaashiga ‘la-Dagaallanka

Argagixisada’, Ethiopia oo iyada lafteedu lid ku

ahayd oo ka horjeeddey Midowgii Maxkamadaha Islaamiga

ah. In kasta oo Ethiopia iyada lafteedu ay diyaar u

301

ahayd iskaashigaasi, haddana waxay ahayd tan gaar

ahaan ugu liidata ee la doorbidi karo amma ku

bannaanaan karta ka qaybgalka iskaashigaasi, sababta

oo ah cadaawadda taariikhda dheer ee ka dhaxaysa

Somalia iyo Ethiopia, oo faragelin kasta oo Ethiopia

ay ku jirto ay dadweynaha Somalida intooda badani u

arkayaan arrin xassaasi ah oo daandaansi weyn ah.

Iyadoo haysata taageerada Maraykanka, Ethiopia waxay

si buuxda weerar ugu qaadday oo ay gashay Somalia

bishii December 2006, waxayna halkaas u dirtay oo

galay ciidamo gaadhaya 14,000, waxayna duqayn xagga

cirka ah ku qaadday goobo istaraatiji ah oo ku dhex

yaalley magaalada Muqdishu. Isla markaasi, Maraykanku

waxa uu isna xagga cirka ka garaacay dhawr jeer oo uu

bartilmaameedsaday dad lagu tuhunsanaa inay yihiin

saraakiil sarsare oo ka tirsan al-Qaacida iyo

Islaamiyiinta kale oo uu sheegay inay ku dhuumanayaan

Somalia. Weerarradaas intooda badani ma asiibin oo la

lama helin bartilmaameedyadii ay beegsanayeen, haddii

ay xilligaasi kuba sugnaayeen dadkaasi la

raacdaysanyey gudaha Somalia. Waxase ku dhintay dad

rayid ah oo ay ka mid yiihin reer-guuraa iyo

xoolahoodii. Hawlgalladani waxay sii didiyeen oo ay

sii fogeeyeen dadweynihii, waxana laga yaabaa inay

qaar kale oo ka mid ah Soomaalidii ay ku sii riixeen

amma ku kallifeen inay ku biiraan kooxihii xagjirka

ahaa ee diinta ee dagaallamayey.

Kaaliyihii xoghayaha arrimaha debadda ee Maraykanka

ee waqtigaas, Jendayi Frazer, ayaa gacan weyn ka

geysatay qaabaynta iyo meelmarinta siyaasaddan,

waxayna siyaasaddani ka mid noqotay dedaalladii ugu

waaweynaa ee lagu hungoobay ee ku aaddana Somalia,

dhibaatada ugu weynina ka timid sanadihii la soo

dhaafay ee u danbeeyey. Jendayi Frazer waxay sheegtay

in Maxkamidihii Islaamiga ahaa (UIC) ay aad ugu

xidhnaayeen Islaamiyiinta xagjirka ah, iyada oo ku

eedaysay in al-Qaacida ay fogeysey oo ay meesha ka

302

saartay xubnihii qunyar-socodka ahaa ee ururkii

Maxkamadaha, isla markaasina ay al-Qaacida qabsatay

oo ay la wareegtey hoggaankii dhaqdhaqaqaasi. Waxay

sheegtay in Maxkamaduhu ay dhaqaale ka helaan

Eritrea, Yemen, Masar, iyo Saudi Arabia. Waxayna ku

eedaysay Eritrea inay jebisay qaraarkii

cunaqabataynta caalamiga ah ee hubka ee lagu soo

rogey Somalia, iyadoo hub u dirtay Maxkamadihii

Islaamiga ahaa (UIC). Mararka qaar waxay u muuqatey

inay isku deyeyso in ay iyadu maamusho xaaladaha

Somalia oo ay si sii hoosaysa oo ku-talax-tag ah ay

faraha ula dhex gelayso. Waxay si joogto ah uga

hadlaysey wax kasta, waxayna ugu baaqi jirtey xubnaha

qunyar-socodka ah ee ururku inay ku soo biiraan

wadahadallada dib-u-heshiisiinta oo ay iska fogeeyaan

kuwa ay ku tilmaami jirtey xagjirka.

Jendayi Frazer waxay noqotay qofka u taagan ee

matila siyaasadda reer-Galbeedka ee ku aaddan

Somalia, taasina waxay keentay in hoggaamiyayaasha

Islaamiyiintu ay weerar xagga afka ah ku qaadaan

iyada. Sannaddii 2009, waxa Internetka la soo geliyey

farriin amma cajalad cod ah oo la sheegay inay ka

timid Osama bin Laden. Cajaladdaasi, waxa uu ku

baaqayey in la rido madaxweynihii cusbaa ee markaas

la doortay, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, oo uu ku

tilmaamay aalad uu maraykanku ku adeeganayo. Bin

Laden waxa uu sheegay in doorashada Sheikh Sharif ay

ka danbaysay waxa uu ku tilmaamay ‘olole iyo

talooyin’ ka yimid ‘haweeneydaas Maraykanka ah’.

Gelitaankii Ethioipia waxa uu ku guuleystay in uu

awoddi xukunka ka tuuro Midowgii Maxkamadaha

Islaamiga ah (UIC), laakiin halkii uu ka tirtiri

lahaa xagjirnnimada Islaamiga ah, waxa uu horseeday

inay abuurmaan oo ay soo baxaan kooxo kale oo ka sii

fog, kana xagjirsan Midowgii Maxkamadaha. Kooxahaasi,

kan ugu weyni waxa uu noqday garabkii miliishiyada

maxkamadaha ee al-Shabaab ee uu hoggaaminayey Adan

303

Xaashi Ceyro oo lagu soo tababaray dalka Afghanistan.

Halkii ay miliishiyadaasi iyaguna u carari lahaayeen

dalka Eritrea, oo ay u baxsadeen xubno badan oo ka

tirsanaa Midowgii Maxkamaduhu, waxay ku dhex milmeen

oo ay ku kala dhex dhuunteen kaymaha ku yaal

agagaarka xadka Kenya oo ay ku baaheen, halkaasi

ayayna dib isaga soo abaabuleen iyaga oo ah xoog soo

qaadi kara dagaallo ba’an. Al-shabaab, aakhirkii

waxay qabsadeen gobolladii koonfurta iyo badhtamaha

Somalia intoodii badnayd, oo ay ku jiraan qaybo badan

oo ka tirsan magaalada Muqdishu.

Waxa la barbar dhigi karaa Jabhaddii Islaamiga ahayd

ee Badbaadinta ee Algeria (FIS)ee milaterigu iska

hortaagey inay xukunka la wareegaan ka dib

doorashooyinkii 1991-kii. Hawlgalladii ku saabsanaa

in la tirtiro oo meesha laga saaro jabhaddaasi FIS,

waxa ka dhalatay dhibaato weyn oo waxyeello hor leh

la timid. Halkii laga filayey inay baaba’do, waxay

isku bedeshey abaabul ka sii xagjirsan sidii hore.

Waxa xigey toban sano oo ay socdeen dagaallo islaami

ahi, kuwaasi oo lagu diley tobannaan kun oo qof,

kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ahaa la gawrcay.

Arrimahani waxay keeneen in markii danbe ay soo baxdo

oo ay abuuranto qaybta al-Qaacida ee dalalka Afrikada

Waqooyi, ee loo yaqaan al-Qaacidada Gobolka Islaamiga

ah ee Maghreb.

Gelitaankii Ethiopia iyo dagaalladii ka dhashay ee

magaalada Muqdishu, waxay keeneen mid ka mid ah

dhibaatooyinkii banii’aadminnimo ee ugu xumaa ee abid

soo mara Somalia. Intii u dhaxaysey sannadihii 2007 –

2008, qiyaasti saddex-meelood labo ahaan dadweynihii

magaaladu waxay noqdeen kuwa barabaxa oo ka qaxa

halkaasi, in badanina waxay u yaaceen oo tegeen

xerooyin xaaladdoodu ay aad u liidato oo ku yaal

agagaarka amma duleedka magaalada Muqdishu, halkaasi

oo mar kasta khataro waaweyni ka jireen sidii

taakulayn gargaar loo gaadhsiin. Qaar kalena waxay u

304

yaaceen oo ay ku biireen xeryaha qaxootiga awalba

buux-dhaafka ahaa ee dalalka Kenya, Djibouti,Yemen,

Somaliland iyo Puntland. Qaybo dhan oo ka tirsan

magaalada Muqdisho waxay noqdeen qaar gebi ahaanba

haawanaya oo dadkii rayidka ahaa iskaga wada baxay,

waxayna qaybahaasi noqdeen meelo magaalada dhexdeeda

ah ay ku dagaallamaan ciidamada Ethiopia, kuwa

dawladda ku-meelgaadhka ah, miliishiyooyinka beelaha,

iyo dagaalyahannada Islaamiyiinta ahi. Warqad

warbixin ah oo loo diyaariyey sanadkii 2010 Machadka

Daraasooyinka Siyaasadda Debadda ee xaruntiisu tahay

dalka Maraykanka, ayaa qoraaga warbixintaasi, Bronwyn

Bruton, waxa uu kaga hadlayaa sida gelintaankii

Ethiopia uu u horseeday hawlgalladii Islaamiyiinta oo

si dhakhso ah kor ugu kaca:

Joogitaankii TFG (Dawladda ku-Meel-gaadhka ah ee

Federaalka) iyo gaar ahaan ciidamada Ethiopia

waxay mar qudha dhaliyeen kacdoon kooxo xoog leh

oo ka hawlgala magaalada Muqdishu.

Maliishiyooyinkii al-Shabaab waxay heleen

taageero ballaadhan oo dadweyne, iyagoo noqday

dhaqdhaqaaq wax-iska-caabbin ah. Dagaalyahannada

jihad-doonka ah ee ajanebiga ah, oo al-Qaacida ay

ku jirto, waxay markiiba dareemeen in halkaas ay

ku jirto fursad aan hore u soo marin oo ay ka

faa’iidaysan karaan, kagana dhigi karaan

dagaallada Somalia kuwa caalami ah, waxayna si

dhakhso ah taageero ula soo gaadheen al-Shabaab.

Daraasiin ka kooban ajanebi jihad-doon ah ayaa

soo galay Somalia, oo soo waaridey amma la yimid

xeeladihii dagaalka ee al-Qaacida. Waxa joogto

noqday qaraxyada meelaha fogfog laga

dhiraandhirriyo amma laga daaro, iyo kuwa is-

miidaaminta ee is-qarxinta, ilaa labadii sano ee

ku xigeyna, al-Shabaab waxay qabsadeen guud ahaan

Koonfurta Somalia badankeedii.8

305

Hawlgalkii oo Dhibaato ka timid (The mission

backfires)

Waxa lagu doodi karaan inay ka roonaan lahayd haddii

quwadaha ajanebigu ay la shaqayn lahaayeen Midowgii

Maxkamadaha, halka ay ku dedaaleen inay meesha ka

saaraan oo ay burburiyaan. Waayo, si kastaba ha

ahaatee maxkamaduhu waxay suurtogeliyeen in

dadweynuhu helo xassillooni iyo deganaansho ilaa heer

ah iyo nidaam, muddadii koobnayd ee lixda bilood

ahayd ee ay xukunka hayeen. Maxkamadaha waxa ku jirey

xubno qunyar-socod ah iyo kuwa xagjir ah labadaba.

Sinaba umay ahayn arrin la hubo in cabsida Maraykanku

uu ka qabey Midowgii Maxkamadaha inay noqon lahayd

wax aakhirka dhabowda oo soo baxda, haddii la

baxnaani lahaa oo la sii ogolaan lahaa in

Maxkamadahaasi ay sii jiraan oo ay xukunka sii

hayaan, siina xoogeystaan. Sida uu qabo Professor

Abdi Samatar oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, Midowgii

Maxkamadaha Islaamiga ahaa (UIC) ‘waxay ahaayeen qaar

diyaar u ah, doonayana inay la shaqeeyaan dawladda

Maraykanka’9, laakiin taasi umay suurtoobin waayo waxa

carqalad ku noqotay mawqifkii Jendayi Frazer iyo

saraakiisha kale ee Maraykanka oo il colaadeed ku

eegayey Maxkamadahaasi.

Waa wax aan la filayn in Sheikh Sharif Sheikh Ahmed,

oo isagu ahaa hoggaamiyihii hore ee Midowgii

Maxkamadaha Islaamiga ah, in loo doortay 2009-kii

madaxweynaha dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee

Somalia ee caalamku taageerayey. Haddii haddaba

mujtamaca caalamku ay diyaar u noqdeen inay la

shaqeeyaan haatan isla Sheikh Sharif-kii oo weji

cusub loo yeelay, loona dhiibay mansabkan cusub, waxa

la isweydiin karaa sababta aan loo rabin in lala

shaqeeyo markii uu hoggaaminayey Midowgii

Maxkamadaha? Suurtogal ma noqon lahayd in

Maxkamadihii Islaamiga ahaa inay raaci lahaayeen oo

ay qaadan lahaayeen mawqif qunyar-socod ah oo dhexe

306

haddii ay heli lahaayeen kalsoonida taageerada

Qaramada Midoobey, Dawladda Maraykanka iyo quwadaha

kale? Laakiin Sheikh Sharif Sheikh Ahmed waxa markan

loo arkay in uu khayaameeyey qaddiyaddii oo la gatay,

waxana xukunkiisii ku gacansaydhay Soomaali badan oo

u arkay nin uun reer-Galbeedku wato oo uu ku

adeeganayo.

Sida uu ku doodayo Bronwyn Bruton, waxa adag in la

garowsado sababaha caalamku u sii wadey in uu siiyo

aqoonsi caalami ah maamulladii ku-meel-gaadhka ahaa

ee is-xigxigey, ee loogu aqoonsaday inay yihiin

xukuumadaha sharciga ah ee Somalia:

Siyaasadda hadda ee la siinayo dawladda ku-meel-

gaadhka ah ee federaalka ah (TFG) taageeri

milateri iyo mid diblomaasiyadeed, ma aha mid

midho dhal ah. Haddana siyaasaddani waa hawl adag

oo ku kacaysa qiime sare iyo kharash badan.

Hawgallada milateri ee taagnaa ilaa bishii May

2009, hase ahaatee aan wax horumar ah laga

samayn, waxay keeneen inay ka barakiciyaan

magaalada Muqdishu dadweyne ka badan laba boqol

oo kun – tanina waxay sii daba dheeraysay

dhibaatooyin soo noqnoqonayey oo dadweyne iyo

xagjirnnimo sii korodha. Waxa kale oo ay sii

kordhisay culayskii iyo dhibaatooyinkii foosha

xumaa ee argagaxa lahaa ee qaxootiga xadka Kenya.

Hawlahani waxay noqdeen qaar ay ka imanayaan

dhibaatooyin waaweyn oo ku kacaya qiime sare oo

aan u qalmin in loo galo daafacaadda iyo

badbaadinta dawlad ay yar tahay taageerada ay ku

haysato gudaha, oo aan maamulin dalka, oo in

kasta oo caalamku uu la dedaalay shantii sano ee

u danbaysay, aan haddana ka samayn wax horumar ah

xagga dhismaha hey’ado wax-ku-ool ah iyo awod

milateri, si ay dalka u xukunto. Haddii aan la

helin awod siyaasadeed oo gudaha ah oo wax-ku-ool

ah oo badhi-taageerta, hawlgallada nabad-

307

ilaalineed ee hadda ka jira halkaasi waxa laga

yaaba inay ku danbeeyaan qaar aan midho dhalin oo

aan wax-ku-ool noqon, sidii hawlgalladii hore ee

gelitaankii ciidamada Ethiopia ee Somalia, waxana

dhici karta in aakhirka ay ku danbayso in

ciidamadan imiku ay uga baxaan halkaasi si

foolxun oo la mid ah sidii kuwii hore.10

Warbixin Guddiga la-Socodka Arrimaha Somalaia uu u

diyaariyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey

sannadkii 2010, ayaa ahayd mid si weyn u duraysay oo

u dhaliilaysey gaar ahaan hey’adaha iyo ciidamada

nabadgelyada ee dawladda ku-meel-gaadhka ah: ‘In

kasta oo la siinayey tababarro debadeed iyo kaalmo,

haddana ciidamada nabadgelyada ee dawladdu waxay

yihiin qaar aan wax ku fillayn oo aan ahayn hawl-

qabad, oo aan habaysanayn oo kala daadsan, oo ku

dhaqma musuqmaasuq – ciidamadaas oo isugu jira

miliishiyooyin madaxbannaan oo kala taabacsan

saraakiisha sare ee dawladda, iyo saraakiil milateri

oo faa’iido ku qaba dagaallada, kana dhega-adayga in

la mideeyo ciidamada oo loo sameeyo hoggaan amma

talis meel qudha ah.’11

Qaar ka mid ah dhibaatooyinka soo waajaha ciidamada

dawladda Soomaalida, waxay ka muuqatay oo lagu soo

qaaday dhambaal taar ah oo diblomaasiyiin Maraykan

ahi ay direen 2009-kii, dhambaalkaas oo ay heshay

wakaaladda wararka qarsoodiga ah ee Wikileaks, kuna

faafisay bogagga Internetka ee website-keeda.

Dhambaalku waxay uu ka hadlayaa ‘kulan kooban oo ka

dhacay garoon diyaaradeed oo ku yaal magaalada

Nairobi’, oo dhexmaray diblomaasi Maraykan ah iyo

ra’iisal-wasaarihii hore ee Somalia, Omar Abdirashid

Ali Sharmarke.12 Arrinta weyn ee lagaga wada hadlay

kulankaasi waxay ku saabsanayd baahida loo qabo

qalabka raadiyayaasha isgaadhsiinta ee lagu wada

308

hadlo. Mudane Sharmarke waxa uu u faahfaahinayaa

diblomaasigaasi, dhibaatada ka timid la’aanta amma

yaraanta qalabkaasi milateri ee baahida weyn loo

qabey, oo keentay in lagu fashilmo weerar rogaal-

celin ahaa oo weynaa oo ciidamada dawladda iyo kuwa

nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika ee jooga Muqdishu

ay ku qaadi lahaayeen al-Shabaab. Waxa qudha ee

ciidamadu ay ku wada xidhiidhi karayeen waxa uu ahaa

telifoonnada moobiilka, taasi oo keentay is-fahmid

la’aan weyn oo khatar ah. Ciidamadii Ururka Midowga

Afrika waxa la soo gudboonaatay inay sameeyaan dib-u-

gurasho degdeg ah, waayo waxay heleen xog iyo warar

aan sugnayn oo jahawareersan, iyaga oo khalad fahmay,

una qaatay in la go’doomiyey oo ciidamadii mucaaradka

ee ka soo horjeeday ay ku xeeran yihiin. Dhambaalku

waxa uu ka hadlayaa sida mudane Shramaarke uu u

baryayo amma u tuugayo diblomaasigaasi ee uu uga

doonayo qalabkaasi haloo-halooda iyo kuwa kale ee

isgaadhsiinta milateri ee goobaha dagaalka.

In muddo ah, dawladda Somalia ma awodin in ay xataa

ka hawlgasho magaalada Muqdishu dhexdeeda, sababta oo

ah nabadgelyo-darrada halkaas ka jirta iyo colaadda

ay u hayaan dadweynaha magaaladu. Markii ay

dawladdaasi ka soo guurtay magaalada Baydhaba ee ay

ku soo noqotay caasimadda, jiritaankeedu waxa uu ku

tiirsanaa markii hore ciidammadii Ethiopia, intii

danbana joogitaanka ciidamada nabad-ilaalinta ee

Uganda iyo Burundi. Mudanayaasha baarlamaanka iyo

saraakiisha kale ee dawladdu, waqtigooda inta badan

waxay ku qaataan oo ay ku nool yihiin hudheello ku

kala yaal Kenya iyo meelo kale, sababta oo ah

magaalada Muqdishu oo ah meel ay weli ka taagan

yihiin dhibaatooyin iyo xaalado colaadeed. Wasiirkii

hore ee dawladda Ingiriiska u qaabilsanaa arrimaha

Afrika, Chris Mullin, waxa uu ku qoray buuggiisii

xusuusqorka, shir uu sannadkii 2004 kula yeeshay

magaalada Nairobi madaxweynihii dawladdii ku-meel-

309

gaadhka ahayd ee Somalia, Abdullahi Yusuf: ‘Qodobka

ugu horreeya hawlo badan oo qorshaha maanta iigu

jirey: booqasho gaaban oo aan ugu tegey Abdullahi

Yusuf, “madaxweynaha” cusub ee Somalia. Dabcan hadda

ma aha nin waxaas oo kale (madaxweyne) ah amma lagu

tilmaami karo. Waa nin uun ku jira huteel ku yaal

Nairobi. Ka bacdi, huteel kale, waxan kula hadlay

“baarlamaanka” cusub ee Somalia, oo ay ka mid yihiin

qaar ka tirsan dadkii laftoodu ka dhigay ee

geyeysiiyey Somalia inay noqoto meel burbur ah.’13

Nin hore u ahaan jirey wasiirka arrimaha debadda ee

Somalia, Ismail Mohamed Hurre Buubaa, marka aan kula

kulmay qolka uu kaga jiro Huteelka Andalus ee

magaalada Nairobi, waxa uu iiga sheekeeyeyn nolosha

siyaasiyiinta Soomaalida ee ku sugan debadda oo si

ahaan u muuqda inay ku jiraan mustaafuris debadeed:

Nairobi si kastaba waxay u tahay xarunta dhexe ee

ay isugu yimaaddaan Soomaalidu. Qof kasta oo

doonaya in uu la socdo waxyaabaha ka dhacaya

Soomaaliya waa in uu joogaa amma Somalia

dhexdeeda amma Nairobi, gaar ahaanna meesha ugu

fiican oo ah huteelkan, waayo maalin kasta waxaad

ka helaysaa oo ku soo dega qof ka yimid Somalia

oo sida dhammaan wararkii ugu danbeeyey.

Siyaabaha qaar, huteelkani waxan u arkaa inuu

yahay hoygeygii. Marka aad ku jirto hudheel kani

oo kale ah, hudheel Soomaaliyeed oo dadka deggan

ugu yaraan boqolkiiba sagaashan ay Soomaali

yihiin, maba dareemaysid in aad sidaa uga ka fog

tahay dalkaagii. Waxyaabaha annu huteelkan

dhexdiisa kaga sheekaysannaa waa kuwii aannu kaga

sheekaysan jirney maqaaxiyada muqdisho dhexdooda.

Hubaal ahaan waxan dareemaa sidii waxan dalkii

joogo oo kale; waxan ku noolaa sidan muddo toban

sano ku dhawdhaw oo aan ku jirey huteelada Kenya.

Siyaabaha qaar, aad ayaan uga xumahay, aniga iyo

310

siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ee ku nool

halkan Kenya intuba. Waxan moodnaa in aan dalkii

joogno, laakiin ma joogno. Wararka ka yimaadda

Somalia waa qaar inaba dhiillo ah, sidaa awgeedna

mar kasta waa na dhibaan oo waxay nagu hayaan

walaac xanuun leh.

Xaqiiqada ah in waxa qudha ee suurogeliyey in

dawladda ku-meel-gaadhka ahi ay ku soo noqoto

magaalada Muqdishu, in ay ahayd faragelintii milateri

ee Ethiopia ee Maraykanku uu ka danbeeyey, ayaa waxay

keentay in Soomaali badani ay u arkaan dawladdu inay

tahay mid laga keenay debadda oo aan lahayn sharciyad

amma aan haysan ogolaanshaha dadweynaha. Dawladda ku-

meel-gaadhka ah ee federaalka ah waxa loo yaqaan oo

loogu yeedhaa daba dhilif, taasi oo ah naanays aad u

liidata, loogana jeedo inay tahay ‘dawlad loo

samaystay inay fuliso dano iyo ujeeddooyin ajanebi’

amma lagu adeegsado. Maraykanka, Qaramada Midoobey

iyo dawladaha iyo ururrada kaleba waxay ku

guuldarraysteen inay fahmaan taas, in si dawladdu ay

u hesho aqbalaadda sharcinnimo ee dadweynaha

Soomaalida, inay tahay in aan lala xidhiidhin oo aan

loo arag mid ajanebi ka danbeeyo oo uu wato.

Hubka Maraykanku uu siinayey Dawladda Somalia, sida

kuwii bilihii May iyo June ee 2009 oo kale oo la

siiyey 94 tan oo hub iyo rasaas ah14 – iyo

tababarradii khubarada ajanebigu ay u samaynayeen

ciidamada dawladda ku-meel-gaadhka ah, arrimahani

waxay siiyeen qiil iyo sababo xoogagga ka soo

horjeeda dawladda dhexe ee dalkaas, waxayna heleen

sababo ay ugu tilmaami karaan dawladdaasi inay tahay

mid daba-dhilif ah oo ajanebi wato, jiritaankeeduna

ku xidhan yahay taageerada iyo ilaalada ay ka hesho

xoogag debadeed oo qudha.

311

Waxa jirey khilaaf u dhaxeeyey dawladda Maraykanka

dhexdeeda oo ku saabsan sida ugu habboon ee wax looga

qaban karo dhibaatada Somalia. Qaarkood, sida Johnnie

Carson oo ah mas’uulka ugu sarreeya ee xafiiska

arrimaha debadda u qaabilsan Afrika, waxa uu u

muuqdaa inuu aad uga foojigan yahay oo uu iska

ilaalinayo in wax ciidamo ah oo Maraykan ah si toos

ah loo geeyo dhulka Somalia dhexdiisa, isaga oo ka

cabsi qaba in taasi ay keeni doonto taageero dheeri

ah oo ay helaan kooxaha al-Shabaab iyo kooxaha kale

ee ka soo horjeeda reer-Galbeedka. Sidatan ayaanu

Johnnie Carson u dhigay badheedhihiisa, ‘ma doonaynno

wax ah raad milateri amma ciidammo ah oo aannu geynno

gudaha’ Somalia.

Hasse ahaatee milateriga Maraykanka iyo hey’adaha

mukhaabaraadkuba waxay kordhiyeen hawlgalladoodii ay

ka wadeen Somalia gudaheeda, oo mararka qaar si aan

toos ahayn ay uga fulinayaan halkaasi. Sannadkii

2011, maamulka Pentagon ee gaashaandhigga Maraykanku

waxay ogolaadeen in hub qiimihiisu gaadhayo $45

milyan oo doollar in loo raro ciidamada nabad-

ilaalinta ee Midowga Afrika ee jooga Muqdishu. Bishii

August ee 2011, jariidadda New York Times waxay

qortay in askar hore uga tirsanaan jirtey ciidamada

dalalka Faransiiska, Koonfur Afrika iyo dalalka

Scandinavian-ka, oo u shaqeeya haatan sharikad gaar

ah oo deggan Maraykanka oo qaabilsan xagga

nabadgelyada, lana yidhaa magaceega Bancroft Global

Development, inay askartaasi ka hawgalaan xero aad

loo adkeeyey loona ilaaliyo oo ku taal magaalada

Muqdishu, halkaasina ay ciidamada Afrikaanka ah ku

siiyaan tababarro ku saabsan xeeladaha dagaalka

dhuumaalaysiga ee magaalooyinka dhexdooda. Jariidaddu

waxa kale oo ay sheegtay in hey’adda mukhaabaraadka

Maraykanka ee CIA ay ku lug leedahay xarun weyn oo

saldhig ah oo laga sameeyey garoonka diyaaradaha ee

Muqdishu dhexdiisa, dhismahaasi oo Soomaalidu u

312

taqaan ‘Pink House’ amma ‘Sarta Cas’, taasi oo loola

jeedo midabka dhismayaashaa, amma haddii si sahal ah

loo dhigo,‘Guantanamo’. Jariidadda New York Times

waxa kale oo ay sheegtay in saraakiisha CIA ay si

wadajir ah u fulinayeen oo ay gacan ka geysteen

maraanmarka iyo baadhitaanka dadka lagu tuhunsan

yahay argagixisada ee ku xidhan xabsi ku yaal

Somalia, iyo inay si qarsoodi ah u tababaraan hawl-

wadeennada mukhaabaraadka iyo nabad-sugidda:

Iyaga oo ka duwan ciidamada caadiga ah ee

dawladda, ciidamadan sida gaarka ah u tababaran

ee kamaandoosta Soomaaliyeed ee CIA-du tababartay

waxay ku qalabaysan yihiin hub cusub, qalabka iyo

funaanadaha aan xabbaddu Karin ee la xidho,

muraayado madow iyo dahaadhka amma koofiyadaha

madaxa la gashado ee wejiga qariya, si aan loo

aqoonsan. Ciidamadani waxay ka mid yihiin

hey’adda nabad-sugidda Somalia – waana hey’ad

qaabilsan xagga mukhaabaraadka oo inta badan CIA-

du ay maalgeliso – waxayna hoos timaad dawladda

ku-meel-gaadhka ah ee federaalka ah. Hase ahaatee

dad badan oo jooga Muqdishu ayaa rumaysan in

hey’addan nabad-sugidda Soomaaliyeed ay

samaysanayso awod ka madaxbannaan dawladdan

taagta daran.15

Waxa lagu doodaa in horumarka xeeladaha dagaalka ee

ciidamada Ururka Midowga Afrika iyo kuwa Soomaalida

ee keenay in dagaalyahanno badan oo ka tirsan al-

Shabaab laga saaro oo ay ka baxaan magaalada Muqdishu

sannadkii 2011, in horumarkaasi uu ka yimid inta

badan kaalmada tooska ah iyo midda dadban ee

Maraykanka. Ma kala cadda in jabhaddaasi

Islaamiyiinta ah si kama-danbays ah loo wiiqay, iyo

inay galeen uun marxalad iyo xeelado kale oo

argagixisnnimo oo ah ku-dhifo-oo-ka-dhaqaaq. Marka la

313

eego taariikhdii hore ee faragelinta Marykanka ee

Somalia iyo waxyaabihii ka dhashay oo lagu tilmaamo

‘xabaasha hawlgallada Maraykanka’, waxa halkaas laga

dhadhansan karaa in taasi macnaheedu uu yahay in la

qaatey oo ay roon tahay in faragelintu ay noqoto mid

aan sidaa u muuqan oo aan toos ahayn. Wax kasta oo

laga dhex arko ‘Maraykan’ in uu ka danbeeya, waxay u

noqonaysaa kooxaha Islaamiyiinta ah dacaayad weyn oo

ay ka faa’iideystaan, waxayna keenaysaa colaad ka

timaad Soomaali badan oo kale.

In kasta oo dawladda Maraykanku ay ku adkaysanayso

in aanay filayn oo ay ku noqotay arrin ku-soo-booddo

ah gelitaankii Kenya ay ku gashay Somalia bishii

Oktoobar ee 2011, haddana Maraykanku waxa uu Kenya la

wadaagaa danta ah in la jebiya al-Shabaab, waxanu

muddo dheer la lahaa Kenya is-bahaysi xagga

nabadgelyada ah. Kordhintii la kordhiyey adeegsiga

weerarrada diyaaradaha loo yaqaan Drones ee

Maraykanka isla waqtigii milateriga Kenya uu ku

dhaqaaqay hawlgalkani, dad badan oo Somalia joogaa

waxay u arkeen oo u macnaysteen in weerarkani Kenya

uu yahay mashruuc amma qorshe uu Maraykanku ka

danbeeyo. Meelo dhawr ah oo ka tirsan Somalia, gaar

ahaanna meelaha lagu diley dad rayid ah oo ku dhintay

weerarada ciidamada ‘soo-galootiga’ ah, waxay

dhalisay nacayb dheeraad ah oo loo qaado Maraykanka

iyo dhinaca kale u-garaabis iyo taageero loo hayo al-

Shabaab. Gelitaankii Kenya waxa kale oo uu si weyn u

qasay oo kala gooyey hawlihii gargaarka

banii’aadminnimo, xilli ay macaluuli taagnayd.

Dadka danaynaya in Somalia ay ka hirgasho dib-u-dhis

qaran iyo xaaladaha nabagelyo oo hagaaga, waxa laga

yaabaa in waxa ugu habbooni ay tahay inay dersaan oo

wax ka kasbadaan waayo-aragnnimada tijaabooyinka

siyaasadeed ee ka shaqeeyey dalka, oo labada ugu

door-rooni ay yihiin Somaliland iyo Midowgii

Maxkamadaha Islaamiga ah. Labaduba waxay ka soo

314

dhismeen ‘hoos’, iyada oo la adeegsanayo qaababkii

dhaqanka ee Soomaalida iyo kuwa casriga ah oo la is-

waafajiyey. Maraykanka iyo Ingriisku arrimahani waxay

garawsadeen oo ay ku baraarugeen mar danbe. Sannadkii

2010, Maraykanku waxay ku dhawaaqeen in Somalia ay

kula dhaqmayaan siyaasad laba dhinac ka kooban,

labadaas oo kala ah inay sii wadayaan aqoonsiga iyo

taageerda dawladda fadhigeedu yahay magaalada

Muqdishu, iyo dhinaca kale inay kordhinayaan la-

shaqaynta iyo taageerada gobollada kale ee deggan ee

waqooyiga, gaar ahaanna Somailand iyo Puntland.

Ingiriisku waxa uu isna bilaabay inuu kordhiyey oo uu

dardar dheeraad ah geliyo wada-shaqayntii uu la lahaa

labadaas gobol. Dhambaal kale oo qarsoodi ahaa oo

diblomaasi Maraykan ahi uu diray 2009-kii, ayna

faafisay wakaaladda Wikileaks, waxa uu ka hadlayey

sida ‘Ingiriiska u qorshaynayo in uu “sii-xoojiyo”

taageerada uu u fidiyo Somaliland, in kasta oo

dawladda Ingiriisku aanay ka fikiraynin inay aqoonsi

siiso marxaladdan hadda la joogo.’16

Madaxweyne Obama waxa uu isna isla markaas sii wadey

siyaasaddii maamaulkii Maraykanka ee isaga ka

horreeyey, ee loo arkayey Somalia dal ay ka jirto

khatar argagixiso. Tani waxa uu caddeeyey oo uu u ku

dhawaaqay markii uu booqashada ku tegey Afrika

sannadkii 2009, oo uu yidhi: ‘Marka xasuuq dadweyne

uu ka socdo Darfur, amma argagixiso ay ka jirto

Somalia, arrimahani ma aha dhibaatooyin u gaar ah

Afrika oo qudha, waa dhibaatooyin nabadgelyo oo

caalami ah, waana in si caalami ah looga jawaabaa oo

wax looga qabtaa.’

Waxyaabihii aakhirkii ka dhashay gelitaankii

Ethioipia ee Somalia, ma ahayn oo keliya inay geysey

magaalada Muqdishu dawlad tag daran oo aan haysan

taageero dadweyne, barakac ku dhacay boqolaal kun oo

qof, iyo dagaalladii oo si weyn u kodhay. Laakiin

waxa kale oo ay xagjir ka sii dhigeen koox yar oo ay

315

ka go’an tahay mintidnnimada jihaadku. Waxayna

kooxdani noqotay laxaadka asaaska u ah xoogagga

dagaalka Islaamiyiinta ee al-Shabaab, kuwaasi oo

sanado kooban gudahood ku qabsaday koonfurta iyo

badhtamaha Somalia inteeda badan, si khasab ahna ugu

soo rogey dadweynihii, nidaamyo amma habab iyo dhaqan

aanay weligood caado u yeelan oo aanay hore u aqoon,

weligoodna aanay diyaar u noqon inay aqbalaan. Virgil

Hoehne, waxa uu mar kale qoraalladisii 2009 ku

faahfaahinayaa sida siyaasaddii Maraykanka iyo

Ethiopia ay iyada lafteedu u abuurtay, marka laga

eego dhinacyo badan, bahalkii amma baalayadii cabsida

weyn laga qabey ee ay isku deyayeen inay ka hortagaan

oo ay dilaan:

Sannaddii 2009, ka dib saddex sano oo ay ku soo

jireen jabhadnnimo iyo dagaal, Islaamiyiinta

mitidka ah ee Somalia, gaar ahaanna al-Shabaab,

run ahaantii waxay u ekaadeen oo ay la maqaam

noqdeen heerkii uu marayey ururkii Taliban

xilligii 1996, ee uu ahaa urur ku soo ad-adkaaday

oo ku soo xoogeystey dagaallo, iyo idiyoolojiyo

amma mabda’ aan laalaabad lahayn, una diyaar ah

in uu dal xukumo. Marka sidaas loo eego,

dacaayadihii lagaga hotagayey Islaamiyiinta ee

sannadkii 2006 waxay noqdeen kuwa wixii laga

baqayey inay keenaan run ahaantii keenay oo

Islaamiyiintii sii fogeeyey, siina xoojiyeyey,

halkii ay wax ka yeeli lahayd. Laga soo bilaabo

2006-dii, Somalia waxay ahayd tusaalaha ugu

fiican ee la soo qaadan karo marka laga hadlayo

guuldarrada siyaasadda Maraykanka (iyo Ethiopia)

ee la-dagaallanka argagixisada, siyaasaddaasi oo

run ahaantii abuurtay iyadu dhibaatadii markii

hore loogu talo galay inay ka hor tagto oo ay wax

ka qabato.17

316

Islaamiyiintii oo hoggaankii qabsaday (The Islamists

take hold)

Itoobiyaanku waxay rasmi ahaan ka baxeen Somalia

bishii January ee 2009, laakiin ciidamadoodu waxay

weli ku sii jireen dalka, gaar ahaan gobollada ku

yaal xuduudda. Ethiopia waxa kale oo ay taageero u

fidinaysay kooxaha ka soo horjeeda Islaamiyiinta,

sida xarakada Suufiyadda ee Ahlu Sunna Wa Jamaaca,

dhaqdhaqaaqaasi oo isbahaysi aan sugnayn la leh

dawladda ku-meel-gaadhka ah, dagaalna kula jira

ururka al-Shabaab, koonfurta iyo badhtamaha Somalia.

Maraykanku waxa uu isna sii wadey in uu Somalia ka

soo weerarro xagga cirka, isaga oo diyaaradihiisa

milateriga iyo kuwa loo yaqaan drones-ku ee is-wadaa

ay duqaynayaan bartilmaameedyo mucayan ah. Bishii May

ee 2008, hoggaamiyihii miliishiyada al-Shabaab, Adan

Xaashi Cayrow, ayaa lagu dilay weerar noocani ahi.

Dhambaal ay direen diblomaasiyiin Maraykan oo cunwaan

looga dhigay ‘dhimashadii Cayro’, ayaa waxa lagu

saadaaliyey in dhimashadiisaasi uu meesha ka baxay ay

yeelanayso ‘saamayn dhawr ah oo cuntama’ amma fiican,

oo ay ku jirto weerarradii al-Shabaab oo marka hore

qas ku yimaaddo oo kala go’a, looltan xagga

madaxtinnimada ah oo ka dhex bilaabma xarakadaasi

gudaheeda, iyo rajadii dib-u-heshiisiinta Soomaalida

oo sii korodha. Hasse ahaatee, xarakadaasi oo had iyo

jeer kala jajabnayd, waxa ay noqotay, haddii wax

saamayn ah ay tani ku yeelatay, inay xoog iyo awod ka

sii qaadeen dilkii Cayro. Cadhadii iyo ficilkii ay ka

qaadeen arrintani waxay sii midaysay xubnihii

ururkaasi, waxayna ku kicisay dagaal ay ku qaadaan

waxa ay u arkeen ‘gaalada’ dawladda ku-meel-gaadhka

ah iyo koox kasta oo kale oo shisheeye ka danbeeyo.

Ahmed Abdi Godane oo ka soo jeeda Somaliland, oo sida

Cayro oo kale ahaa nin isna ugu yaraan xagjir ah,

ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha cusub ee xarakada.

317

Si la mid ah sidii madaxweyne Bush uu u adeegsanayey

hal-ku-dhegga ‘la-dagaallanka argagixisada’ markii uu

ku dhawaaqayey xidhitaanka shirkad Soomaaliyeed oo

xawaaladeed, al-shabaab waxay iyana isticmaashay hal-

ku-dhegyada jihaadka ee ay caadada u leeyihiin oo ay

ugu hanjabaan kuna baqdin geliyaan Maraykanka. Bishii

January ee 2010, afhayeenka al-Shabaab Sheikh Ali

Mohamed Raage, waxa uu soo saaray digniin uu u

jeedinayo madaxweynihii cusbaa ee la doortay ee

Maraykank, Barack Obama, waxanu ku yidhi

digniintaasi:

Haddii uu Obama cidamadiisa u soo diro Somalia,

waxay ku danbayn doonaan halkii ay ku danbeeyeen

kuwii 1993, markii meydkoodii la jiid-jiidey

jidadka magaalada Muqdishu, burburkii

diyaaradahooguna uu buuxiyey wadooyinka

caasimadda. Haddii Maraykanku ay rabaan in

ciidamadooda ay u soo diraan Somalia, waxannu u

dhigi doonnaa cashar. Waxan ku ballan qaadayaa in

aan ula dagaallami doonno si ka daran sida aan

ula dagaallanno ciidamada Afrikaanka ah ee imika

jooga halkan. Farriinta aan u dirayo Obama waxa

ay tahay, ha u soo dirin halkan wiilasha

Maraykanka, hana ku bixin maalkiinna iyo

hantidiinna dagaal aydaan weligiin ku guulaysan

doonin.

Dhibaatada Gargaarka (The challenge of aid)

Dhibaatada kooxaha Islaamiyiinta ee Somalia waa mid

ka ballaadhan oo aan ku waajahnayn siyaasadaha

debadda oo qudha. Waxa kale oo ay noqotay dhibaato

saamaynaysa gudaha dalalka ay joogaan qaxootiga

Soomaalidu, kuwasi oo ay ka mid yihiin Kenya, Yemen,

Maraykanka, Ingiriiska, Australia iyo dalalka

318

Scandinavia, dalalkaasi oo dhalinyarada Soomaalida ee

la qabsan kari weyda nidaam ka jira dhulalkaasi ay

dib ugu soo noqdaan Somalia, si ay ugu biiraan

dagaallada jihaadka, amma ay ka qayb qaataan

shirqoollo iyo qorshayaal argagixiso oo lagu weeraro

dalalka ay joogaan ee martigeliyey. Caalamiyeyntan

sii kordhaysay ee hawlgallada kooxaha Soomaalida, iyo

weliba marka lagu daro joogitaanka Somalia ay joogaan

dagaalyahanno aan Soomaali ahayn oo ku dhex jira al-

Shabaab, ayaa taasi macnaheedu uu yahay in

dhibaatadii ay noqotay mid caalami ah.

9 – Mid ka mid ah ciidammada al-Shabaab oo cunno baco

ku jirta u qaybinaya dad jooga Shabeellada Hoose oo

ka tirsan meelaha macaluushu ka jirto, September 2011

(al-Shabaab)

319

Ka sakow jiritaanka kooxaha Islaamiyiinta ah ee

Somalia, iyo khatarta ay ku hayaan adduunka debadda,

haddana waxa dhinaca kale dhibaato weyni ay ka

haysataa dalalka debadda hawlaha gargaarka

banii’aadminnimada ee dalkaasi ka socda. Hey’adaha

gargaarka ayaa dhibaato weyn kala kulma sidii ay u

gaadhsiin lahaayeen taakulayn degdeg ah dadka u

baahan gargaarkaasi. Waxana dhacda in la dilo, lana

afduubo shaqaalaha hey’adaha gargaarka iyo in lagaga

qaato lacagyow fara badan oo baad ah goobaha

isbaarooyinka. Waxa kale oo jirtey in ururka al-

shabaab uu marar badan ka mamnuucay hey’adaha

gargaarku inay ka hawlgalaan gobollada ay ka

taliyaan. Dhibaatadani waxay sii cuslaatay gaar ahaan

bishii July ee 2011, markii Qaramada Midoobey ay ku

dhawaaqday xaalad macaluuleed oo ka jirtey laba gobol

oo ay al-Shabaab ka taliso, oo kala ahaa Bakool iyo

Shabeellada Hoose. Hase ahaatee iyaga oo si deggan oo

xeelad leh u maaraynaya, ayaa Qaramada Midoobey iyo

hey’adaha gargaarka ee kaleba ay waxoogaa horumar ah

ka sameeyeen inay kala xaajoodaan al-Shabaab sidii

gargaarka loo gaadhsiin lahaa gobolladaasi. Ka

bacdina Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu isna

taakulayn u dirayo dhulalka ay al-Shabaab haystaan,

ilaa inta Qaramada Midoobay ay dammaanad qaadayso

nabadgelyada hawlaha gargaarkaas banii’aadminnimo.

Wax yar ka bacdi hadalkaasi Maraykanka, al-Shabaab

waxay ku dhawaaqday in aanay ogolaan doonin cid

ajanebi ah oo timaadda gobolladaasi. Waxana suurtogal

ah in al-Shabaab ay ka booddey mawqifka iyo

hadalladan qaawan ee Maraykanka. Mar kale Maraykanku

waxa uu qiimayn khaldan ku sameeyey xaaladaha ka jira

Somalia, iyada oo sida uu u dhaqmay ay wax u dhintay

dadkii dhibaataysnaa ee baahnaa oo gargaarkii ka kala

go’ay, iyo hey’adihii gargaarka banii’aadminnimada oo

uu qas ku keenay dedaalkii ay ku suurtogeliyeen inay

hawlahooda ka fulin karaan oo ay sii wadi karaan

shaqooyinkii ay ka hayeen meelaha ay al-Shabaab

320

xukumaan intii ay mamnuucidda gargaarku taagneyd oo

dhan.

Sida Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysaa ay sheegtay,

waxa kale oo jirtey dhibaato ah musumaasuq ka dhex

jira isla hawlaha gargaarka iyo qaybintiisa. Warbixin

uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey

ayaa waxa lagu sheegay in la ogaadey sannaddii 2010,

in ilaa kala-badh raashinkii gargaarka ee loogu talo

galay in la gaadhsiiyo dad laba milyan iyo badh

gaadhaya oo Soomaali ah, inay leexsadeen kooxo

musumaasuq ah oo ka kala kooban qandaraaslayaal,

kooxaha Islaamiyiin ah, iyo shaqaale ka tirsan

hey’adaha gargaarku. Warbixintu waxay inaasi ku

dartay in hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan

barnaamijka cunnada adduunka ee WFP ay 80% siisay

qandaraasyada rarista iyo geynta raashinkaasi

gargaarka meelihii looga baahnaa, qandaraasyadaasi oo

dhammaa ilaa $200 oo milyan oo dollar, inay siisay

saddex nin oo keliya oo ganacsato Soomaali ah,

kuwaasi oo iyaguna si sharcidarro ah u sii iibiyey

raashinkaasi, si ay macaash badan uga sii helaan.

Waxa kale oo warbixintu ay sheegtay in in ka tirsan

gargaarkaasi lagu isticmaalay dagaallada: ‘Qaybo ka

tirsan taakulayntii banii’aadminnimada, gaar ahaanna

raashinkii gargaarka ahaa, ayaa waxa loo leexiyey

ciidamada oo lagu isticmaalay ujeeddooyin milateri.

Qaar badan oo ka tirsan qandaraaslayaasha Soomaalida

ee la shaqaynayey hey’adaha gargaarka ayaa haddana

samaystay isbahaysi dhexdooda ah iyo shuraake kooxaha

ah, awod weynna yeeshay – kuwaasi oo qaar ka mid ahi

ay si toos ah ugu gudbiyaan macaashka ay helaan,

ammma raashinka gargaarka laftiisaba, kooxaha

hubaysan ee mucaaradka.’18 WFP iyadu way ku

gacansaydhay eedaymahaasi, laakiin waxay sheegtay

inay ka joojinayso qandaraasyadii saddexdaasi qof

inta la samaynayo baadhitaanno.

321

Ma aha ganacsatada awodda badan ee Soomaalida oo

qudha kuwa ka faa’iideysta hey’adha gargaarka. Waxa

jira Soomaali badan oo kale oo waayo-aragnnimo iyo

khibrad badan ka soo helay ku-xidhnaanshaha iyo

helidda gargaarka debadda, kuwaasi oo bartay, kuna

noqday khubaro sida looga faa’iideysto hey’adaha

gargaarka. Tani waxan ku soo arkay Somaliland

sannadkii 1994, markaasi oo wakiillo ka kala socda

hey’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee

gargaarka banii’aaminnimadu ay halkaasi tegeen si ay

ugu gurmadaan dadkii ku dhex tabaaloobey dagaallo

qabaa’il oo xilliyadaasi ka dhacay dalka. Waxan u

safray magaalada Oodweyne, aniga oo sii raacay koox

gurmad ah oo ka kooban khubaro ka socota hey’ado

gargaar oo ajnebi ah. Waxa ugu horreeyey ee aannu ku

dhaqaanay waxay ahayd in aannu la kulanno duqii

magaaladaasi. Wuxu noo akhriyey liis dheer oo ah

waxyaabaha ‘sida degdegga ah loogu baahan yahay’, ee

ay u baahan yihiin dad uu ku tilmaamay inay u soo

qaxeen magaalada, kana soo qaxeen dagaallo ka socda

meelo kale oo ka tirsan dalka. Waxanu yidhi:’ Guud

ahaan waxan halkan ku haynnaa dad dhan 6,100 qof oo

ah dad u baahan gargaar oo in badani ay

macaluulayaan, nafaqa-darrana ay hayso, isla

markaasina aan haysan wax hoy ah. Ilaa hadda shan

boqol ayaa u dhintay dhaawacyadii dagaalka ka soo

gaadhay, gaajo iyo cudurro.. Waxan u baahannahay

baco, bustayaal, dhar, raashin ay ka mid yihiin

digir, saliidda cunnada, weelkii wax lagu karsan

lahaa, iyo daawooyin.’

Laakiin markii aan magaalada soo dhexmaray ee aan ku

soo wareegey, waxa markiiba ii caddaatay inayna jirin

dad u dhawdhaw tiradaasi 6,100-ka ah ee lagu sheegay

‘dadka u baahan gargaar degdeg ah’. Waxa dhici kartaa

inay yihiin wax kooban oo daraasiin ah. Kuma jirin

wax macaluul hayso, amma cudurro u jiifa, amma hoy

la’ oo bannaanka yaal, waayo, dhammaantood waxay la

322

joogeen qoysas magaalada deggan. Hey’adaha gargaarku

wax badan oo caynkaas ah kama qaban sidii ay wax uga

qaban lahaayeen khaladaadka noocaas ah; waayo in laga

hadlo oo la wadwado dhibaato banii’aadminnimo oo ka

jirta Somaliland, ayaa iyada lafteeda macnaheedu ay

tahay in la helo fursado qandaraasyo iyo lacagayow

dheeraad ah – waxa la helayaa oo sii soconaya

shaqooyinkii lagu adeegsan jirey.

Saamaynta Goboleed (Regional Implications)

Dhibaatooyinka Somalia waxay saameeyeen dalal badan

oo kale oo ka tirsan dalalka Afrikada Bari iyo Geeska

Afrika. Qaxootigii ayaa ku qulqulay oo ka tallaabaday

xuduudaha. Xiisadaha iyo dagaallada Somalia waxa kale

oo ay aafeeyeen oo deganaansho la’aan ku abuureen

dalalka deriska ah, oo qaarkood si toos ah u galeen

dagaalladaasi, iyaga oo leh weji ah ciidammo nabad-

ilaalineed, amma ilaalinaya danahooda. Dhibaato

markii hore ahayd kooxo gudaha ah oo Islaamiyiin

xagjir ah, ayaa waxay isku rogeen oo ay noqdeen

dhibaato goboleed, iyo xataa mid caalami ah.

Tusaalooyinka ifinaya sida dalalka gobolku ay uga

walaacsan yihiin xaaladaha Somalia, waxa ka mid ah

dalalka Uganda, Kenya, Ethioipia, iyo Djibouti oo

ogolaaday in ciidammo Somali ah lagu tababaro

dhulkooda, kuwaasi oo mararka qaar ay ku gacan-

siinayaan khubaro milateri, amma naba-sugid, oo reer-

Galbeed ahi. Uganda iyo Burundi waxay halkaasi

geeyeen ciidammo nabad-ilaalineed. Urur-goboleedyada

IGADD iyo Midowga Afrikana, shirar aan dhammaad

lahayn ayay ka yeesheen xaaladaha Somalia. Laakiin

kuwani ma yeelan wax saamayn ah oo cuntanta, sida

iyaguna aanay u yeelan wax saamayn ah oo buuran kuwii

Jamciyadda Qaruumaha ka Dhaxaysa, kuwii Ururka

Midowga Yurub, iyo ururrada kale ee calamiga ah

intuba.

323

Saamaynta Uganda iyo Burundi kuma koobna oo qudha in

ay halkaasi u direen ciidammo nabad-ilaalineed,

kuwaasi oo daraasiin ka mid ahi ay ku dhinteen.

Laakiin waxa kale oo ku soo fool yeeshay hawlgallo

aar-gudasho ah oo kaga yimaad al-Shabaab iyo kooxaha

kale ee mucaaradka ah, taasi oo ka dhalanaysa

joogitaanka ciidammadoodaasi ee Somalia. Bishii July

ee 2010, al-Shabaab waxay laba weerar oo wax-qarxin

ah isku mar ku qaadday magaalo madaxda Uganda ee

Kampala, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan

toddobaatan qof.

10 – Barakacayaal safaf ugu jira cunno loogu

qaybinayo magaalada Muqdishu (Mohamed Moallimu).

Ka sakow deganaansha ka jira gobollada Somaaliyeed

ee Puntland iyo Somaliland, haddana iyaga laftoodu

kamay wada bed-qabin amma fayoobayn weerarrada

Islaamiyiinta. Bishii Oktoobar ee 2008, saddex qarax

oo is-miidaamin ah ayaa isku mar lagu wada qaaday

324

goobo ku yaal magaalada Hargeysa, kuwaasi oo dad

badani ku dhinteen. Isla maalintaasi waxa iyana la

weeraray Puntland. Hawlgalladani waxay tilmaamayaan

awodda ay al-Shabaab u leedahay inay qaaddo weerarro

xidhiidhsan oo heer sare ah.

Ethiopia iyo Eritrea (Ethioipia and Eritrea)

Gaar ahaan Ethiopia, lagama saari karo khilaafyada

iyo dagaallada Somalia. Labada dal, waxay faacyo

badan ahaayeen deris aan xidhiidhkoodu fiicnayn oo

aanu caadi ahayn, oo waqtiba-ka-waqti ay colaado iyo

dagaallo buuxa ka dhex dhacaan. Sababta weyn ee

dhalisay xidhiidhka xun iyo colaadda joogtada ahina

waa ‘gobolka Soomaalida’ ee Itoobiya, kaasi oo xuduud

dheer la wadaaga Somalia oo ay ka jireen muddo dheer

jabhado mucaarad ah oo gudaha ah oo saameeyey.

Ethiopia waxay ka hirgelisay Somalia dhexdeeda wax u

muuqan kara dhul ka caaggan milateri oo aan loo soo

dhaafi Karin. Joogitaanka ciidamada Ethiopia ee

gudaha Somalia ayaa noqotay wax joogto ah oo mar

walba la sheego, ilaa aakhirkii ay noqotay wax iska

caadi ah oo aan ahayn ‘war cusub’ oo soo kordhay.

Haddana Ethiopia oo qayb weyn ka ah isbahaysiga ree-

Galbeedka ee ‘la-Dagaallanka Argagixisada’,

fagargelinteeda Somalia waxay yeelatay weji iyo

kaalin caalami ah, sida kaalintii ay lahayd

xilliyadii dagaalka qabow ee 1970-yadii.

Dal kale oo isna si weyn faraha ugula jira arrimaha

Somalia waa dalka Eritrea. Waana in la fahmo oo loo

arkaa in faragelintaasi waxa salka u ah ee keenayaa

inay yihiin khilaafka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya

iyada iyo Ethiopia, oo dagaal qadhaadhi u ka dhex

dhacay sannadihii 1998 ilaa 2000, wax yar uun ka dib

markii Eritrea ay ka madaxbannaanaatay Addis Ababa.

Eritrea waxay u aragtaa dawladda federaalka ah ee ku-

meel-gaadhka ah ee Somalia, mid Ethiopia ay wadato oo

325

danaheeda ay ku fushanayso, sida awgeedna Eritrea

waxay caawisaa kooxaha mucaaradka ah ee ka soo

horjeeda dawladda Somalia. Qaramada Midoobey,

Maraykanka iyo dawladaha kaleba waxay mar walba ku

eedaynayeen Eritrea inay siiso kooxaha Islaamiyiinta

ah ee Somalia taageero siyaasadeed, mid dhaqaale, mid

diblomaasiyadeed iyo mid milateri intaba, iyadaoo

jebinaysa qaraaradii caalamiga ahaa ee

cunaqabatayntii xagga hubka Somalia ee lagu soo

rogey. Waxa kale oo lagu eedeeyey inay u fidiso

kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaalida, tababarro ay

ku siiso Cassab oo ku taalla bariga Eritrea iyo

Teseney oo galbeedka ah.19 Madaxdii Midowga

Maxkamadaha ee Somalia waxay u carareen magaalada

Asmara, ka dib markii ciidamada Ethiopia ay galeen

Soomalia sannadkii 2006, waxayna halkaasi ka

sameeyeen hoggaan iyo maamul debadda jooga oo ka

horjeeda dawladda caalamku aqoonsan yahay ee ku-meel-

gaadhka ah ee Somalia.

Dhambaal qarsoodi ahaa oo ay dirtay safaaradda

Maraykanka ee Asmara sannadkii 2009, laakiin si u

dusey oo ay faafisay wakaaladda Wikileaks, ayaa waxa

uu ka hadlayaa sida Etritrea ay u bilawday inay

qaaddo olole diirran oo saaxiibtinnimo oo ay u

muujiso Maraykanka, wax yar ka bacdi markii Barack

Obama uu la wareegey xafiiska ee uu noqday

madaxweynaha Maraykanka. Ololahaasina waxa ka mid

ahaa casuumad maalin ah oo loo fidiyey safiirka

Maraykanka iyo marwadiisa, ayna u fidiyeen saraakiil

ka tirsan dawladda Eritrea, waxana lagu casuumay beer

uu leeyahay agaasiimaha waaxda dhaqaalaha ee Eritrea.

Dhambaalkaasi waxa uu ku tilmaamayaa agaasiimahaasi

in uu yahay ‘farsamayaqaanka dhaqaalaha sii dumaya ee

dalka’. Dhambaalka intiisa kale waxay si quudhsi ah

oo ku-dheel-dheel ah uga hadlaysaa nooca martiqaadka

iyo qadadii loo sameeyey: ‘Qadada waxa la keenay

geed-qodaxeed sogsog ah hoostii oo ku yaal laag doox

326

ah oo dhagax badan. Safiirka iyo marwadiisii waxa loo

keenaya hilib ka kooban uur-ku-jirta adhiga oo la soo

shiilay, lana soo marmariyey malab iyo basbaas kulul.

Laakiin lama soo raacin weelkii maamuuska ee macdanta

ahaa ee wax lagu cuni lahaa, suxuun wax lagu gurto,

koobab wax lagu cabbo, amma qalab wax lagu googoosto.

Waxa kale oo la soo raaciyey qadadaasi sharaab iyo

cabbis fara badan oo ka kooban khamri adag oo

qadhaadh, oo nus ahaan la khamiiriyey, ahna nooca

waddaniga ah ee loo yaqaan magac ku bannaan oo ah

“sewa”.’20

Qadadaasi uma muuqan inay wax badan ka tartay

hagaajinta xidhiidhkii Maraykanka iyo Eritrea.

Dhambaalkaasi waxa uu intaasi sii raaciyey walaaca

weyn ee Maraykanku ka qabo xidhiidhka Eritrea ay la

leedahay ururka al-Shabaab, waxanu soo qaaday sida

sarkaal ka tirsan Eritrea uu u qiray xidhiidh ilaa

heer ah oo ay la leeyihiin ururkaasi. Waxanu

dhambaalkaasi intaas ku sii daray in Maraykanku u soo

saaray digniin cad oo toos ah oo uu siinayo Eritrea,

ugana digayo cawaaqib xun oo ay mutaysan doonto

haddii ay ku sii waddo taageerada ay siinayso

ururkaas al-Shabaab.

Eritrea waxay iyana dhinaceeda ku taagnayd oo ay

dhaliilo waaweyn u soo jeedinaysey dawladda

Maraykanka. Bishii August ee 2007, madaxweynaha

Eritrea, Isaias Afewerqi, waxa uu ku eedeeyey

Maraykanku in uu ku dedaalayo inu waxyeello u geysto

danaha dalkiisa Eritrea, waxanu ugu baaqay dawladda

Maraykanku inay joojiso waxa uu ku tilmaamay falalka

iyo siyaasadda qar-iska-xuurnnimada ah. Waxa uu ka

digay siyaasadda arrimaha debadda ee Maraykanka oo uu

sheegay inay adduunka u horseedayso jid khatar ah.

Wax yar ka hor hadalladaasi madaxweyne Afewerqi, waxa

jirtey odhaah iyana ka soo yeedhay Kaaliyihii

Xoghayaha Arrimaha debadda ee Maraykanka u

qaabilsanaa Arrimaha Afrika, Jandayi Frazer, oo

327

sheegtay in Maraykanku uu ka fikirayo in Eritrea lagu

daro liiska dawladaha abbaaniya ee taageera ee

argagixisada.

Kooxaha Islaamiyiinta ee Somalia ma dafiraan inay

taageero ka heleen Eritrea. Hoggaamiyaha

Islaamiyiintaasi, Hassan Dahir Aweys, waxa uu 2011-

kii si cad u qiray gacanta iyo kaalinta Eritrea.

Waxanu yidhi:

Abaal weyn ayaannu u haynnaa Eritrea, laba

sababood awgood. Waxay diidey inay taageerto

dagaalladii gardarrada ahaa ee la nagu soo

qaaday, waxayna soo dhaweysey dadkayagii. Waxa

kale oo ay na siisay taageero siyaasadeed.

Eritrea waa dal faqiir ah oo saboolnnimo weyni ka

jirto, waxana lagu soo rogey ciqaab iyo

cunaqabatayn, sababta oo ah naxariista iyo

taageerada yar ee ay noo fidisay. Qof kasta oo

sidoo kale nagu eega il naxariiseed oo noo

dhoolla-caddeeya, waxa loo ciqaabaya si

naxariis-darro ah. Haatan Eritrea waxa ay ku

jirta xaalad adag. Waannu ka xunnahay arrintaasi,

waayo Eritrea waxay ciqaabtaasi ku mutaysatay

annaga awgayo. Qaramada Midoobey waxay ku

canaananaysaa Eritrea sababta keliya ee ah inay

gacan siisay oo ay u gargaartay dad khalad lagu

sameeyey oo meel laga dhacay. Imika Eritrea

lafteeda ayaa la cambaaraynayaa. Waa wax aan la

qaadan karin oo maskaxdu aanay aqbali karin in la

cambaareeyo dad u gargaaray dad jilicsan oo

dhibaato loo geystey, la soo weeraray oo la

qabsaday.

Yemen

Xiisadaha iyo dagaallada Somalia waxa kale oo ay

saameeyeen dalka Yemen. Waxa jooga oo ay haysaa

328

qaxooti badan oo Soomaaliyeed, oo in badano oo

daraasiin ah ay ku dhintaan sannad kasta doonyaha soo

qaada dadka tahriibta ah ee ku dega Khooriga Cadmeed.

Kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaallamaya labadaasi

dal, waxay lugaha kula kala jiraan dagaallada ka kala

socda labada dalba. Al-Shabaab waxay u dirtaa Yemen

dagaalyahanno iyaga ka tirsan, sidoo kalena kooxaha

Yemen waxay iyaguna u diraan Somalia dad dagaalo

jihad ka fuliya halkaasi. Tani waxa isna qiray

afhayeenka al-Shabaab, Sheikh Ali Mohamed Raage, oo

yidhi sannaddikii 2010: ‘Arrinta ku saabsan Yemen,

ciidammada aannu halkaasi u dirno iyo dagaalyahannada

ay noo soo diraan, waxay ka mid yihiin xidhiidhka

sokeeye ee ka dhexeeya labada dhinac. Waa intaas inta

aan hadda ka sheegi karaa arrintaasi, iyada oo aannu

go’aan ku gaadhnay in aan warbaahinta lagala hadal oo

aan loo bandhigin arrimaha noocan ah.’

Wax yar ka bacdi hadalkaasi, isna ku-xigeenka

hoggaamiyaha qaybta ururka al-Qaacida ee Gacanka

Carbeed, Saeed al Shihri, waxa uu ammaan u soo

jeediyey kooxda al-Shabaab, cajalada laga soo duubay

oo la soo geliyey Internetka. Waxanu yidhi:

Waxan u sheegayaa oo aan ku leeyahay

walaalahayaga qaaliga ah ee jooga Somalia,

Ilaahay ha idinka raalli ahaado, hana idinka

jasaa’i siiyo, waanad ku mahadsan tihiin

ciidammadiinna aad noo soo dirteen...Ka sakow

dhibaatooyinka idin haysta iyo cagajugleynta la

idiin geysanayo ee la idinku maagayo jihaadka aad

waddaan, haddana weli waxaad awoddeen in aad noo

soo dirtaan ciidammo na caawiya... dhinac

kastana, midba midka kale, waynnu iska

kaashanaynna dagaallada soo socda ee aan kula

jirno Maraykanka oo ah kan horseedka ka ah

fusukha adduunka.

329

Kenya

Dal kale oo si weyn ay iyana u saamaysay dhibaatada

Somalia waa dalka Kenya. Tobannaan kun oo qaxooti

Soomaali ah ayaa ku qulqulayey dalkaasi dhawrkii sano

ee u danbeeyey, gaar ahaanna markii ay sii

xoogeysteen dagaalladii Koonfurta Somalia. Haddana

waxa xaladdihii uga sii daray abaarihii ba’naa iyo

macaluushii 2011-kii. Xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee

waqooyiga Kenya, oo ay ku jiraan inta badan qaxootiga

Soomaalidu, waa xerada ugu balladhan ee qaxooti ee

adduunka. Ma wada qaadi karto qaxootiga sida joogtada

ah ugu soo qulqulaya mar kasta. Markii hore xeradaasi

waxa loogu talo galay ilaa 90,000 oo qof oo keliya.

Laakiin bishii November ee 2011, qaxootiga soo galay

xerooyinkaasi ee la dejiyey waxay kor u dhaafeen

500,000, kuwaasi oo buux-dhaafiyey, kana dhigay

xeradii meel xaaladaha noloshu ay cidhiidhi yihiin,

cagajuglayn iyo naxariis-darro xunna kala kulmay

ciidamada nabadgelyada ee Kenya, sida lagu sheegay

warbixin uu soo saaray ururka u dooda xuquuqda

aadanaha ee Human Rights Watch sanadkii 2009.21 Iyana

Qaramada Midoobay, waxay sheegtay in sannadkii 2011

oo keliya dadka soo galay xeradaasi Dhadhaab ay

ahaayeen 200,000 oo qof.

Dhibaatada dhex taalla Kenya iyo Somalia, waa mid

iyana soo taxnayd faacyo badan oo hore. Xataa ka hor

xornnimadii 1960-kii, Somalia waxay daba joogtey

Degmada Aagga Waqooyi(NFD) ee Kenya xilligii

isticmaarka, degmadaasi oo soomaalidu ay rabtey in

lagu soo daro oo ay qayb ka noqoto dhulka Somalia.

Gobolkani waxa uu xuduud la leeyahay koonfurta

Somalia, waxan dega oo u badan dadweyne asalkoodu

Soomali yahay. Ka dib wada hadallo iyo gorgortan daba

dheeraaday, Ingiriisku waxa uu go’aan ku gaadhay in

gobolkaasi uu ka sii mid ahaado oo uu ku hadho Kenya,

taasi oo ka keentay Somalia inay xidhiidhkii

diblomaasiyadeed u jarto Ingiriiska. Marka la eego

330

dhibaatooyinka joogtada ah ee had iyo jeer ka haysta

gobolkaasi, Kenya waxa laga yaabo in siyaabo badan

awgood ay u qoomamaynayso in aanay uga hadhin dhulkan

oomanaha ah ee kulul in uu raaco Somalia.

Sanadihii aynnu soo dhaafnay, gobolka Waqooyi-Bari

ee Kenya waxa uu ahaa mid xaaladaha ka jiraa ay si

gaar ah u kacsan yihiin, ka dib markii al-Shabaab ay

qabsatay gobollada ku dhawdhaw ee Somalia intooda

badan. Ciidamada ilaalada xuduudda ee Kenya, waxay

deggan yihiin meelo ay iska gaadhi karaan

miliishiyooyinka Islaamiyiinta. In kasta oo rasmi

ahaan uu xadkaasi xidhan yahay, haddana suurtogal ma

aha in la wada kontoroolo, sababta oo ah xuduudda oo

aad u dheer, si sahal ahna la iskaga gudgudbi karo.

Soomaalida Kenya ee gobolkaasi deggani waxay ku

cawdaan in al-Shabaab ay ka qorato degaannadooda

dhalinyaro ay ka tallaabiyaan xadka, si ay uga qayb

galaan dagaallada ka socda Somalia. Dawladda

Maraykanku waxay sheegaysaa inay hayso ‘sababa lagu

rumaysan karo inay dhacday in al-Shabaab ay dad ka

qorato, ilaa heer xaddidan, xerada qaxootiga ee

Dhadhaab.’22

Mararka qaar, dagaallada Somalia waxay u tallaabaan

dhinaca Kenya. Bishii October ee 2010, dagaal ayaa ka

dhex qarxay miliishiyo-beeleed iyo al-Shabaab

magaalada xuduudda ku taalla ee Beled-Xaawo. Boqolaal

qof oo ka yaacaya dagaalladaasi ayaa ka tallaabay

xuduudda, una tallaabay magaalada Mandera ee Kenya oo

saddex kiloomitir oo qudha u jirta Beled-Xaawo.

Iyada oo xiisadaha iyo dagaallada Somalia ay noqdeen

qaar aad ugu dhaw, Kenya waxay go’aan ku gaadhay inay

mudnaanta kowaad siiso inay is-daafacdo oo ay

ilaaliso nabadgelyadeeda, waxayna qayb ka qaadatay

barnaamij laga wado gobolka oo lagu tababarayo

ciidammo Soomaaliyeed oo milateri iyo booliis ah.

Waxan jirey warar sheegayan in ciidamadaasi oo dhan

331

2,500, in badh ka tirsani aanay wada ahayn Soomaali

laga soo qortay Somalia, laakiin inay ku jiraan dad

Kiiniyaan ah oo asalkoodu Soomaali yahay. Kenya waxay

kaalin firfircoon oo taageero ah ku lahayd ‘dagaalka

dhulka Juubbooyinka’, qorshaasi oo ku saabsana in al-

Shabaab dib looga qabsado gobollada ugu hooseeya ee

koonfurta Somalia, lagana sameeyo halkaasi wax u

dhigma dhul milateriga ka caagan, oo aan la soo

dhaafin, oo u dhexeeya labada dal. Dawladda Kenya,

tallaabo weyn oo kale oo muhim ah ayay sii qaadday

bishii Oktoobar ee 2011, markaas oo ay u dirtay

gudaha Somalia boqolaal ka tirsan ciidamadeeda,

ka dib markii kooxo Soomaali ahi ay ka afduubeen

gudaha Kenya afar qof oo ajanebi ah. Kenya waxay

afduubkaasi dusha ka saartay al-Shabaab, waxayna

sheegtay inay sii wadayso weerarrada xagga cirka iyo

dhulka ee ay la beegsanayso kooxdaasi, ilaa iyo inta

Kenya ay nqonayso meel ka bed qabta waxa ay ku

tilmaantay ‘khatarta al-Shabaab’. Al-Shabaab waxay

diiddey inay wax lug ah ku leedahay afduubyadaasi,

waxayna intaasi ku dartay in milatery Kenya oo aan

lahayn wax waayo-aragnnimo ah ‘uu dhandhamin doono

xanuunka xabadda mujaahidiinta.’

Kenya, waxay ku dhex qabsatay xaalad iyo marxalad

adag. Iskama indhatiri karto dhibaatada Somalia,

haddana gelitaanka ay weerartay Somalia, kama keenin

oo keliya colaad dheeraad ah oo kaga timaad al-

Shabaab, waxase sidoo kale ay cadownnimo kaga

kasbanaysaa Soomaali badan oo kale. Iskaashiga Kenya

ay la leedahay dalalka Maraykanka iyo ururk Midowga

Yurub ee la xidhiidha ‘la-Dagaallanka Argagixisada’,

iyo weliba magaalada dekedda ah ee Mombasa oo ay ku

yaallaan maxkamad iyo xabsi gaar ah oo debadda laga

maalgeliyo, oo lagu xukumo laguna xidho budhcad-

badeedda, arrimahaasi macnahooda waxa uu noqonayaa oo

ay keenayaan in Soomaali badani ay u aragto Kenya dal

cadow ah.

332

Kenya, waxa jira sababo badan oo ugu wacan walaaca

ay qabto. Bishii September ee 2010, booliska Kenya

waxa uu faafiyey oo uu si qarsoodi ah ugu gudbiyey

warbaahinta, jiritaanka xubno iyo laan ka tirsan al-

Qaacida oo ka jirta gobolka Afrikada-Bari, kaasi oo

ay ku eedeeyeen labadii weerar ee isku mar lagu

qaaday goobo ka tirsan dalka Uganda. Sida ku qornayd

qoraalladaasi qarsoodiga ah, daraasiin dhalinyaro ah

oo jooga Kenya oo la qortay, kuna biiray xubnahaasi

laanta al-Qaacida, ayaa al-Shabaab ay ku soo

tababartay Somalia dhexdeeda, kuwaasi oo qorshaynaya

weerarro lagu qaado Kenya. Bishii November ee 2010,

lix qof oo dhallinyaro ah oo u sii jeedey dhinaca

Somalia ayaa lagu qabtay magaalada xeebta ku taal ee

Lamu, kuwaasi oo looga shakiyey inay ka mid yihiin

taageerayaasha al-Shabaab, una socdeen halkaasi si ay

uga qayb galaan dagaallada Somalia. Maalmo ka bacdi

markii ciidammada Kenya ay galeen Somalia bishii

October ee 2011, laba weerar oo ahaa bambooyin lagu

qarxiyey goobo ku yaalla magaalada Nairobi, waxa lagu

diley hal qof, in badan oo kalena way ku dhaawacmeen.

Qof Kiiniyaan ah oo sheegtay in uu ka tirsan yahay

ururka al-Shabaab, ayaa waxa lagu xukumay xabsi-

daa’im madaxaa-ha-ku-furo ah, ka dib markii uu qirtay

in uu ka qayb qaatay weerarkaasi.

Hey’adaha dawladda waxa la gudboon inay

foojignaadaan, laakiin haddana waa inay ka

digtoonaadaan inay kiciyaan oo ay ka cadhaysiiyaan

Soomaalida, iyada oo ay jiraan gaar ahaan dad badan

oo ah muwaadiniin Kiiniyaan ah oo asalkoodu Soomali

yahay, amma Soomaali qaxooti ahaan ku joogta

dalkaasi. Al-Sahabaab waxay sheegtay inay rumaysan

tahay in ay si durduro ah ku gaadhi karto oo ay socon

karto ilaa magaalada Nairobi, iyada oo aan wax

dhibaato ah la kulmin. Sababtana waxay ku sheegtay in

Kenya aanay lahayn xoog iyo tamar ay wax iskaga

celiyaan, marka la barbar dhigo Ethiopia oo loo arko

333

mid milateri ahaan iyo xukuumad ahaanba ka awod weyn.

Somaalidu waxay dhexdooda ku kaftamaan in

ciidamadooda milateriga loo hayo inay la dagaallamaan

Ethiopia, laakiin Kenya in boolisku ku filan yahay.

Warbixin Qaramada Midoobay ay soo saartay 2010-kii,

ayaa lagu sheegay in hawlgallada Islaamiyiinta

Somalia ay gudaha u sii galeen oo xoog ku yeesheen

Kenya dhexdeeda. Waxan ka mid ahaa warbixintaasi

waxayaabaha ku qoran:

Jaalliyadaha ballaadhan ee Soomaalida ah ee ku

dhaqan Kenya, ku-dhawaanshaha Kenya ay ku

dhawdahay Somalia, iyo xuduudda sida sahalka la

iskaga gudgudbi karo ee labada dal u dhaxaysa,

dhammaan arrimahani waxay gacan ka geysanayaan in

Kenya ay noqoto saldhig amma xarun weyn oo laga

taageero kooxaha hubaysan ee mucaaradka ah ee

Somalia. Xubnaha ururrada al-Shabaab iyo Xisbul

Islam, waxay si sahal ah oo xor ah u tagaan,

ugana soo noqdaan magaalada Nairobi, halkaasi oo

ay ka soo urursadaan qaadhaan lacageed, kana soo

qortaan dad, kana helaan in lagu daaweeyo

dagaalyahannadooda dhaawacma. Xidhiidhkani waxa

rukun weyn u ah oo suurtogeliya wadaaddo

maalqabeenno ah oo halkaasi ku jooga kuna

shaqeeya ganacsato ahaan, kuwaasi oo ku xidhan

machadyo diimeed oo kooban oo caan ku ah

xidhiidhka ay la leeyihiin ururada iyo

hawlgallada xagjirka ah...Shabakadaha ururradani

waxay ahaayeen kuwo muddo dheerba u fidinayey

kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliyeed taagerooyin

dhaqaale iyo kuwa fikri ah oo hoggaamineed.23

Dhambaal kale oo diblomaasiyiin Maraykan ahi ay

direen sannadkii 2009, oo ‘Sawir ka bixinaya sida Al

Shabaab ay dad uga qorato Kenya dhexdeeda’, ayaa waxa

uu ka hadlayaa sida dalkaasi uu u noqday ‘meel fiican

oo laga qoran karo wiilal dhalinyaro ah’ oo ku biira

334

ururrada ay ka midka yihiin al-Shabaab. Waxanu u

yaalley sidatan:

Nin ganacsato ah oo deggan Isiolo (Siiyalow) ayaa

sheegaya in lixdan dhallinyaro ah oo Soomaali

kiinyaan ah oo ka tirsanaa magaalada, in la

waayey ilaa bishii January ee 2008 oo ay ku

biireen dagaallada Somalia, iyo in laba ka tirsan

dhallinyaraadsi, oo qof ahaan uu yaqaanney, ay ku

dhinteen dhawaan weerarro is-miidaamin ah oo ay

ka fulinayeen magaalada Muqdisho. Waxa uu intaasi

ku daray in qoritaanka dhalinyaraadaasi laga

qoranayo magaalada Isiolo, in laga abaabulo oo

laga hoggaamiyo masaajid ku yaalla xaafadda

Eastleigh (magaalada Nairobi) oo ay leeyihiin

wadaaddo xagjir ah, laakiin in fulinta hawshani

in ay u xilsaaran yihiin xubno ka tirsan afar

masaajid oo xagjir ah oo ku yaal magaalada

Isiolo. Waxanu raaciyey in waalidiinta

dhallinyaraasi ay si hoose oo qarsoodi ah u

sameeyaan tacsida iyo xusaska geerida

dhallinyaradaasi, iyaga oo ka baqaya inay hadlaan

oo la maqlo. Xataa haddii dawladda Kenya ay isku

hawsho inay wax ka qabato shabakadahaasi qoranaya

dhallinyarada, ayuu yidhi ninkaasi, ma aha

dhibaatooyinkani kuwa loo heli karo xal sahal ah

oo degdeg ah. Waxan sii wadi doonnaa in aannu

eegno bal in iyo sida Maraykanku uu noogu soo

gurman karo ee uu arrimahani nooga caawin karo.24

Wararkani waxay cadho weyn ka keenayaan Soomaali

badan oo joogta Kenya oo uu ka mid yahay ganacsadaha

weyn ee xaafadda Eastleigh, Sheikh Mohamed Ibrahim

Shakuul. Waxanu yidhi isaga oo arrintani ka

faalloonaya:

Wax badan ayaannu maqalnay warar ku saabsan

lacagyow budhcad-badeed iyo kuwa argagixiso oo la

335

sheego in la soo geliyo xaafaddan Eastleigh.

Arrimahan waa in la kala saaraa oo la kala

qeexaa, mid walbana goonideeda loo eegaa. Annagu

lacagtayada waxannu ka helnaa maalgeliyayaal gaar

ah iyo deyman aannu ka qaadanno bangiyada

Islaamiga ah. Dacaayadaha iyo cuqdadaha

warbaahintu faafinayso ee sheegaya in lacagayow

budhcad-badeed iyo kuwa argagixiso in halkani ay

yimaaddaan, waa wax aan jirin.

Qof kasta oo waxaas sheegaya, waxan ku xujeyn

karaa oo aan weydiin karaa bal in uu i tuso qof

keliya oo baayac-mushtar ah oo jooga halkan

xaafadda Eastleigh, oo faraha kula jira hawlo

sharci-darro ah. Bal waa qofka i tusa taas.

Waannu naqaan dadka aannu la macaamilno. Waannu

naqaan dadka wax naga dhexeeyaan ee aannu

shuraakaha nahay. Nasiibdarro, dacaayadahan la

faafinayaa waa kuwa salka ku haya takrooris iyo

midab-kala-sooc, iyo cunsuriyad lagaga horjeedo

qawmiyado gaar ah iyo hawlahooda..

Ma lihi oo kuma doodayo in wax kasta oo ka jira

xaafadda Eastleigh amma qawmiyadda Soomaalida

dhexdeeda, in wax walba ay boqolkiiba boqol sax

yihiin oo ay si hagaagsan u socdaan, mana wada

ogi oo ma lihi awoddii aan kula wada socon lahaa

arrimahaasi. Laakiin aniga oo ka mid ah xubnaha

odayaasha ee qawmiyaddan, aadna ugu dhex jira

hawl-maalmeedkooda iyo nolosha dadweynaha, waxan

kuu xaqiijinayaa in aanay halkan ka jirin falal

noocaas ahi, haddii ay dhacdo inay jiraanna, inay

yihiin wax aan sidaa u sii ridneyn.

Qaybaha kale ee baayac-mushtarka qawmiyaddaasi

Soomaalida ee deggan Kenya, waxay ka hadleen dulmiga

ay kala kulmaan booliska Kenya. Waxan la sheekaystay

nin ganacsade weyn ah oo Somaali ah, oo aan kula

kulmay xafiiskiisa ku yaal badhtamaha magaalada

336

Nairobi. Ma rabin oo diyaar uma ahayn ninkaasi in

magaciisa la sheego. Waxase uu sheegay oo uu igu

yidhi:’Ma ogtahay waxa booliska Kenya ay u yaqaannaan

ee ay ugu yeedhaan Soomaalida? Waxay noogu yeedhaan

mashiinnada amma khasnadaha ATM ee lacagta lagala

baxa. Sababtuna waxa weeye sida qudha ee aannu u

socon karno ugana dabbaalan karno ee aanu u qabsan

karno hawlahayagu, waa in aannu laaluush siinnaa

booliska, wax kastaba.’

Ninkaasi ganacsada ahi, waxa uu had iyo jeer

isticmaalaa magaca iyo wejiga nin kale oo aan

Soomaali ahayn oo ay ku wada jiraan ganacsiga oo ay

shuraake yihiin, marka ay arrimahooda ka soo

dhammaysanayaan wixii kaga xidhma xafiiyada dawladda

iyo hey’adaha. Magaca Soomaali iyo in laguu aqoonsado

sidaasi, ayuu yidhi, waa mid ‘ganacsi ahaan is-

miidaamin ah’ oo dilaysa ganacsigaagii. Waxa jira

sababo caqli gal ah oo ugu wacan in uu sidan u hadlo.

Sideedaba xaaladaha nololeed ee Soomaalida joogta

Kenya, waxay marba marka ka danbaysa sii noqonayaa

kuwa sii adkaada oo ay dhibaato kala kulmaan. Had iyo

jeer shaki weyn ayaa laga qabaa, in kasta oo qaar

badani ay u dhasheen dalkaasi. Badhtamaha magaalada

Nairobi, waxan ku arkay oo aan goobjoog ka ahaa, qof

kasta oo u muuqda in uu yahay Soomaali – kuwaasi oo

ciidamada nabadgelyadu ay si sahal ah u garan karaan,

uguna soo sooco karaan muuqoooda gaarka ah – in la

joojiyo oo la baadho, korkoodana la marmariyo qalabka

wax lagu baadho, mar ay gelayeen dhismayaal xafiisyo

ah. Dadka aan Soomaalida ahayn, lama baadhayn oo waa

la iska dhaafayey. Bishii August ee 2010, Bangiga

Dhexe ee Kenya, waxa uu ku amray dhammaan baananka

kale iyo hey’adaha dhaqaalaha iyo maalgelinta ee

dalka, in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo

lacagaha Soomaalida ku sugan dalka Kenya gudihiisa ee

looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin

kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah ee Somalia.

337

Cuqdadda laga qabo Soomaalidu waxay ka dex jrta

heerar iyo qaybo badan oo ka tirsan mujtamaca Kenya.

Dhinac ahaan waa dad laga cabsado oo la neceb yahay;

dhinaca kalena waa dad lala dhaco oo la jecel yahay

xirfadda iyo waayo-aragnnimada ay u leeyihiin

ganacsiga. Fikradaha uu qabo qof taksiile ah oo ii

qaaday dhinaca xaafadda Eastleigh, waxay muujinayaan

oo ay u taagan yihiin sida ay in badan oo ka tirsan

dalkaasi ay u arkaan Soomaalida. Waxanu igu yidhi

taksiilahaasi:’Soomaalidu waa dad aad iyo aad u xun.

Waxay ku iibiyaan Eastleigh wax kasta, xattaa hub.

Waa dad musumaasuq badan oo kharriban, mar kastana

dagaallamaya oo is laynaya, waayo, dhaqan ahaan iyo

dabeecad ahaan ayay yihiin dad xaruuri ah oo kacsan

oo gacantu ka soo horrayso. Budhcad-badeedda

Soomaalidu waxay yimaaddaan halkan, magaalada Narobi.

Waxayna ka iibsadaan guryo qaali ah xaafadaha ugu

wanaagsan. Kiiniyaanku way neceb yihiin Soomaalida,

laakiin waa dad ku fiican ganacsiga.’

Ganacsadaha Sheikh Shakuul waxa uu isna iiga

sheekeeyey sida ganacsiga Soomaalidu uu faa’iidooyin

waaweyn ugu leeyahay Kenya. Waxan kula kulmay

xafiiskiisa ku yaal sariibad amma suuq cusub oo uu ka

dhisayo xaafadda Eastleigh, halkaasi oo shanqadha iyo

buuqa shaqadu ay ka socdeen. Waxanu yidhi:

Waa in qof kastaa uu u bogaa oo uu soo dhaweeyaa

ganacsiga iyo meheradaha noocan ah. Hawlahani

waxay abuureen shaqooyin badan, dadweynaha ayaa

wax ka helayaa oo dakhli ka soo gelayaa, dawladda

ayaa dakhli cashuureed ka helaysa. Dad badan ayaa

hawlaha ku tiirsan oo ay caawiyaan – ha ahaadaan

Kiiniyaan, Soomaali, iyo dad kaleba.

Waxay ila tahay in Soomaalidu ay yihiin hanti

amma xoog wax-ku-ool ah, oo wax ugu filan Kenya

oo wax ku soo kordhinaya, ee aanay ahayn dad

culays ah oo dulsaar ah, sababtuna waxa weeye

338

waxay abuuraan oo laga helaa shaqooyin. Bal fiiri

inta qof ee halkan ka shaqaynaya, dhismahan

halkan ka socda oo keliya. Boqolaal qof oo

kiinayaan ah ayaan siinayaa oo iga helaya nolol-

maalmeedkoodii. Dawladdu waxay ka qaadataa

cashuur dhammaan meheradaha iyo tukaammada ku

yaal xaafaddan Eastleigh. Waxay ka heshaa dakhli

dhammaan cashuuraha la saaro badeecadaha ay

keenaan ee ay soo dejiyaan Soomaalidu. Waxay ila

tahay in cuqdaddan laga qabo Soomaalidu, inay

tahay uun xaasidnnimo lid ku ah kartidooda tartan

ee suuqa. Soomaalidu waxay kor u qaadeen nolosha

boqolaal qof, haddii aanay ahaynba malaayiin, oo

Kiiniyaan ah, kuwaasi oo ay u abuureen, siiyeenna

shaqooyin kala ah agaasiimayaal, xisaabiyayaal,

gabdhaha boo’isooyinka ee qabta adeegyada

guryaha, shaqaale, horjoogayaal goobaha shaqada

iyo dhismayaasha, iyo wixii la mid ah. Waa in aan

labada dhinacba dhinac kasta wax ka fiirinna.

Colaadda loo qabo Soomaalida, ee ay u qabaan

Kiiniyaanku, waxa laga yaabay inay ka imanayso sida

ay ugu guuleysteen ganacsiga, ee aanay ahayn inay ku

xidhan yihiin budhcad-badeed iyo Islaamiyiin xagjir

ah. Soomaalidu waxay awalba ahaayeen kuwa heer fiican

jooga, Kenya dhexdeeda, xattaa intii ka horraysay

soo-bixtaankii budhcad-badeedda iyo al-Shabaab. Ma

jiro meel uu kaga badan yahay baayac-mushtarkoodu

xaafadda Eastleigh, degaankaasi oo loo yaqaan af-

Sawaaxiliga ‘Mogadishu Kidogo’ oo macnaheedu yahay

‘Muqdisho-yar’. Waa meel cammiran oo ay ka buuxaan

hudheello, sariibado, tukaammo iyo suuqyo waaweyn oo

laga adeegsadaa. Waxa ku yaalla dhismayaal iyo xarumo

waaweyn oo daraasiin ah oo wada tukaammo ah, lehna

magacyada: Day to Day Center, Bangkok Shopping Mall,,

Prestige Center,, Towhid Shopping Complex, Emirates

339

Shopping Mall,, Olympic Shpping Center, Sunrise

Shopping Mall ...

Qiimaha jaban iyo noocyada badan ee badeecadaha kala

duwan ee yaalla suuqyadaasi, ayaa soo jiita dad badan

oo u yimaadda inay wax iibsadaan, kana kala yimaad

guud ahaan Kiiniya oo dhan, iyo dalalka kale ee

Afrikada Bari. Waxa jira dhismayaal badan oo cusub oo

hadda halkaasi ka socda, oo qaarkood dusha lagaga

dheehay marmar iyo muraayado qaali ah oo aad iska

dhex arkayso, iyo qaar kale oo dabaqyo badan ah.

Xaafadda Eastleigh, waa meel isku dhex daadsan oo

aan u nidaamsanayn sida xaafadaha kale ee badhtamaha

Nairobi ee u dhawdhaw. Adeegyadeeduna waa qaar aad u

liita. Waxa ka jira boholo iyo dhul googo’an meel

kasta, jidadkuna waa qaar badankoodu ay burbursan

yihiin oo aan la samayn. Dadka lugaynaya, waxay ku

kalliftaa inay dhex maraan oo ay kolba ka tallaabaan

dhul wasakh ah oo ay ku soo jabeen biyihii

bullaacadaha, iyo buuro qashin tuulan ah oo aan cidna

qaadin. Waxa mar walba googo’a korantada iyo biyaha.

Waxa aad u xun adeegyada bulshada, taasi oo ku

kalliftay dadweynaha xaafaddaasi inay joojiyaan

sannaddii 2010, cashuurihii gudaha ee dawladda hoose

ee ay bixin jireen; go’aankoodaasina waxa taageertay

maxkamad.

Huteelka Andalus, oo hoy u ah siyaasiyiin oo

Soomaaliyeed oo debadda ku nool, waxa uu ku

dhexyaalla oo uu ka mid yahay sakadaha suuqa weyn ee

Eastleigh Mall. Suuqaasi oo ka duwan sariibadaha

tukaanleyda kale badankooda, ma aha meel mugdi ah oo

cidhiidhi ah oo buuq badan oo ay buux-dhaafiyeen

meherado is dabayaal. Waa duni yar oo gooni ah oo

sideeda u jirta. Waxa ku yaal meelaha lagu jimicsado

oo casri ah, xarumo caafimaad, hudheel wax laga cuno,

bangi iyo masaajid. Waxa kale oo ku taal saldhig ay

leedahay Idaacadda FM Star oo ku hadasha af-Soomaali

340

iyo goob Internet ah, labadaasi adeeg oo muhiim u ah

xidhiidhinta iyo u-tebinta wararka Somalia, dadka

jooga gudaha iy kuwa qurbaha labadaba.

11 Ganacsade Soomaali ah oo jooga suuqa weyn ee

Eastleigh (Mary Harper)

Firfircoonida iyo hawlkarnimada ka jirta xaafadda

Eastleigh, deganaanshaha Somaliland, iyo nabaddii

ilaa heer ay suutogeliyeen Midowgii Maxkamadaha

Islaamiga ahi, dhammaan waxay tusaale u yihiin sida

Soomaalidu ay wax u qabsan karto ee ay ‘ u toosin

karto’ arrimaheeda, iyaga oo adeegsanaya qaababkooda

u gaarka ah iyo talooyinkooda. Malaha rajada ugu

fiican ee Somalia ay yeelan karto, waxay noqon kartaa

in loo daayo oo loo raaco si la mid ah qaababkoodaasi

iyaga u goonida ah, oo in kasta oo aanay ahayn nidaam

341

adduunku wada yaqaan oo caadi ah, in hadda loo

adeegsan karo qaab gaar ah oo Soomaaliyeed oo keeni

kara deganaansho.

Sida immika ay tahay, Somalia waxay u taagan tahay

mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu wawaweyn ee ugu

cadhada iyo madax-wareerka badan ee horyaalla

dawladaha dejiya siyaasadaha caalamiga ah.

Faragelintii debadeed ee dagaallada Somalia, haddii

ay ahaayeen kuwa milateri oo toos ah amma si kale ah,

ilaa iyo hadda ma shaqayn oo waxa ka yimid

dhibaatooyin. In Somalia faraha laga qaado amma la

iska fogeeyo oo aan loo dhawaan, waxay noqotay sidoo

kale arrin aan lagu guulaysan. Iyada oo ay sii

korhdayso tirada dadka Soomaalida ee ka tirsan

qurbajoogta, ee dib ugu noqonaya Somalia si ay ugu

biiraan dagaallada ay wadaan kooxaha Islaamiyiinta

ahi, iyo weliba inay suurtogal tahay in dadkaasi ay

ka qayb qaataan qorshayaal ku saabsan weerarro lagu

qaado dhulalka ajanebiga ee debadda, ‘dhibaatada

Soomaalidu’ waxay u muuqataa inay sii xoogeysanayso,

siina noqonayso dhibaato caalami ah. Islaamiyiinta

xagjirka ah ee aan Soomaalida ahayn, iyagana Somalia

waxay ugu jirtaa hadda xagga hore liiska dalalka ay

doonayaan inay tagaan oo ay ka soo dhex dagaallamaan.

342

GABAGABO(Conclusion )

Murugsanaanta xaaladaha Somalia iyo xilliga dheer ee

khilaafyada iyo iska horimaadyadeedu ay qaateen, iyo

weliba faragelinta joogtada ah ee debadeed ee dalkaas

ee aan xal iyo wax-ku-ool noqon, waxay badeen

arrimahani jahawareer ay ka qaadeen in badan oo ka

mid ah dadka gudaha iyo kuwa debaddu intuba, iyo

xattaa mararka qaar inay ka magaan oo ay ka cabsadaan

halkii looga wareegi lahaa ee danbe.

Sawirka had iyo jeer laga bixiyo Somalia, iyo sida

loo soo bandhigo ee ah inay tahay dalka adduunka

dhinac kasta qarannimadiisii si weyn u fashilantay,1

(eeg warbixintii Guddida La-socodka iyo Talo-ka-

bixinta Dhibaatooyinka Caalamia ah e ICG ee 2008), ee

hoy u noqday budhcad-badeed, Islaamiyiin xagjir ah,

iyo dad macaluulaya, xaaladahani waxay sii xumeeyeen

dhbaatooyinkii, waxayna si kasta qayb ka qaateen

siyaasadaha habawsan ee lagu waajahayo dalkaasi.

Sababta oo ah in Somalia lagu tilmaamo oo lagu

magcaabo sifooyin badan oo ay ka mid yihiin qaran

'fashilmay', 'jilicsan', amma 'burburay', taasi waxay

keentay in kuwo badan iyo meelo badan oo ka mid ah

kuwa siyaasadda dejiyaa amma qorsheeyaa ay go'aan ku

gaadhaan in Somalia ay u taagan tahay wax khatar ku

ah nabadgelyada iyo badbaadada adduunka.

La-xidhiidhinta lala xidhiidhiya 'burbur qaran' inay

keenayso argagixiso caalami ah ayaa xoogeysatay gaar

ahaan intii ka danbaysey weerarradii 9/11. Hasse

ahaatee fikradda adduunku uu qaatay ee ah in khatar

caalami ahi ay ka soo fool leedahay Somalia oo aan

dawlad xukunta lahayn, ayaa ah wax marka horeba la

buunbuuniyey. Tanina waxay horseedday in la qaato

go'aanno siyaasadeed oo dibadeed oo liita oo ku

aaddan dhinacyada khataruhu ka iman karaan, iyo in

wejiyada xunxun oo qudha loo fiirsado ee aan la

343

danayn dhinacyada wanaagsan ee cuntama ee rajo fiican

yeelan kara. Dabbaqaadda go'aannadani iyo fahamkaasi

laga qaatay Somalia ayaa siyaabo badan u dhaliyey in

si khaldan hoggamiyaasha siyaasaduhu ay u arkaan

Somalia inay tahay wax laga cabsado oo aan la fahmi

karin.

Siyaabaha loola dhaqmayo Somalia waxa lagu daray oo

lagala mid dhigay xaaladihii ka dhashay dhacdooyinkii

9/11 iyo tallaabooyinkii laga qaadayey, taasi oo

keentay in si aragti-gaabnaan ah laga eego dhinac

qudha oo aan waaqici ahayn, waxayna Somalia ka mid

noqotay sheekadii amma siyasaddi'Dagaalka

Argagixisada'. Xattaa dhicitaankii Siyaad Barre ka

hor, Somalia waxay ahayd dal arrimihiisu fool adag

yihiin, marar badanna khatar ah, laakiin burburkii

dawladda dhexe macnaheedu ma ahayn in isla markaaba

si toos ah ay khatar degdeg ah ay ugu noqotay dalalka

reer Galbeedka, iyo hoy ay yeeshaan

ururrada Islaamiyiinta xagjirka ah.

Khubarada siyaasadda ee debadda ee darsa Somalia

guud ahaan kuma baraarugin arrimahan, xilliyadii ay

'fashilmaysey' dawladdii dhexe. Inta baddanna,

sababta oo ah in dawladnnimadii ay ahayd mid

fashilmaysey amma sii burburaysey, Soomaalidu waxay

samaysatay qaabab xiiso leh oo cajaa'ib ah oo ay

adeegsato, una bedela hawlihii ijtimaaci ahaa ee

dawlad dhexe qaban lahayd, kuwaasi oo qaar ka mid ah

laga dhigan karo tusaale ay ku dayan karaan dalalka

kale ee dagaallada iyo noocyada kale ee deganaansho

la'aantu ay saameeyeen. Xaqiiqada ah in dhinacyo

badan oo ka mid ah xaaladaha nololeed ee Somalia ay

yihiin kuwa aan caadi ahayn, macnaheedu ma aha inay

khaldan yihiin, amma yihiin dad xun, amma khatar uuni

ka soo fool leedahay.

344

Guulaha ugu badan tijaabooyinka laga arkay Somalia,

waxay ahaayeen 'kuwo ka dhashay gudaha', kana yimid

aasaaska hoose ee mujtamaca amma dadweynaha, ee ma

ahayn kuwa dusha lagaga keenay oo ka yimid debadda.

Khabiirka Bronwyn Bruton, (buuggiisa uu ka qoray

arrimaha Somaalia ee uu u bixiyey Somalia: A New

Approach,2010), waxa uu soo jeedinayaa inay la

gudboon tahay dawldda Maraykanku inay cashar ka

barato waayo-aragnnimada laga helay in la iska

fogeeyo Somalia oo faraha lagala baxo, waxanu ku

doodayaa: 'Waxa lagu magacaabi karo "ka-maqnaansho

iyo in la eegto uun oo aan masuuliyad la iska saarin

inay tahay ta habboon", waxa laga yaabaa inay u

muuqato arrin ka duwan oo ka horiman karta sidii loo

arkayey amma laga rajaynayey inay noqon doonto.

Laakiin in haba yaraatee wax uun la qabto ayaa ka

roon in waxyeello la eegto amma la geysto.’2

Xukunkii Isbahaysiga Maxkamadaha Islaamiga ah ee

koonfurta iyo badhtamaha Somalia iyo Jamhuuriyadda la

Magac Baxday Somaliland ee qaybihii waqooyi galbeed,

waa labada tusaale ee ugu mudan, lagana faa'iidaysan

karo; laakiin haddana ma aha in si aan waaqici ahayn

loola dhaco uun. Qoraaga Mark Bradbury, (buuggiisa ku

saabsan Somaliland ee 2008, 'Becoming Somaliland,

2008), waxa uu ku doodayaa in midka ka mid ah

sababaha ilaa hadda aan Somaliland arrimaheeda loo

qaadan si weyn oo culus oo laga dhigan karo tusaale

lagu daydo, waxa weeye in arrinteedu aanay lahayn

meel ay ka soo gelayso amma kala qabsanayso qaababka

iyo sharciyada hadda la yaqaan ee dejisan ee loo eego

ahaansha ummad gooni ah amma qaran dawli ah oo iskii

u taagan. Waxana ka mid ah dooddiisa:

Somaliland waxay ka mid tahay dalal dhawr ah oo

soo baxay laga soo bilaabo dhammaadkii

Dagaalkii Qaboobaa, kuwaasi oo aan lahayn meel ay

kala qabsan karaa qaababka sharciyeed ee

345

dawladnnimo gooni ah ee ilaa hadda adduunku ku

dhaqmo ee caadiga. Waxana kuwaasi loo sifeeyaa

siyaabo kala duwan oo kala ah 'maamullo gaar ah

oo aan ahayn qaran dawli ah', 'maamul-u-yaal amma

dawlad-u-yaal', iyo 'maamul amma dawlad maaul

kale oo dawladeed ku hoos jira amma hoos

yimaadda.’

Qaybahani siyaasadeed waa qaar dood iyo su’aalo

ka keenaya nuxurka ay ku fadhiyaan xeerarka amma

sharciyada caalamiga ah, iyo mid ahaansha dhuleed

ee dalalka adduunka, iyadoo qurbajoogta faraha

badan ee qaybahaasi ay wax ka bedelayaan

fikradihii laga qabay muwaadinnimada, isbedelna

ku keenayaan noocyadii xidhiidhka dalalka iyo

muwaadiniintooda, iyo weliba sidoo kale siyaabaha

ay u dabbiraan una soo saaran dhaqaalaha

noloshooda. Marka la eego xaaladda dadweyne badan

oo ku nool dalalkan aan loo aqoonsanayn qaran

dawli ah oo iskii u taagan, maamulladaasi gudaha

ee siyaasadeed ee ay samaysteen waxay hirgeliyaan

nidaam iyo adeeg nabadgelyo oo ka fiican kuwii

ay qaban jireen dawladihii hore ee rasmiga ahaa.

Somaliland waxay su'aalo ka qabtaa qaabka

dedaalka caalamiga ah ee ku saabsan dib-u-dhiska

Somalia, iyada oo wax iska weydiinaysa asaasi

ahaan qaabka iyo nooca dawladnnimadaasi dib loo

dhisayo, iyo dhinaca kale iyada oo soo banhigtay

hab kale oo loo mari karo dib-u-dhiskaasi, kaasi

oo ka duwan, laguna bedeli karo qorshaha qaabka

dib-u-dhiska ee ilaa maanta ay wadeen

diblomaasiyiinta ajanebiga iyo barnaamijyada

hey’adaha gargaarku.3

Mid ka mid ah 'guuldarrooyinka' ugu waaweyn ee ku

dhacay siyaasadaha ku aaddanaa Somalia waxay noqotay

346

in lagu dhegganaa uun oo dabada la sii hayey shirar

dhaadheer oo 'nabadeed amma dib u heshiisiineed', oo

caaalamku abaabulo, kharash badanina ku baxo, laguna

qabto dalka debaddiisa. Ilaa imikana waxa la qabtay

in ku dhawdhaw labaatan shir oo noocaasi ah oo aan

midna lagu guulaysan. Shirarkaasi waxa ka dhashay

dawlado daciif ah oo kala danbeeyey oo ku-meel-gaadh

ahaa, oo mid walba guuldarro ku danbeysey.

Dawladahaasi waxay ka jireen oo keliya oo ay

maamulayeen qaybo kooban oo ka tirsan dalka, mararka

qaarna awoddoodu maba gaadhsiisnayn wax ka badan

dhismayaal amma sakado dhawr ah oo madhan oo ka

tirsan magaalo-madaxda Muqdishu.

Arrinta ku saabsan in lagu dhaqmayo hab federaal

ah, waxay iyana noqotay mid afka uun laga yidhaa oo

hadal ah, laakiin habka maamulka iyo awoddo waxay u

janjeedhsameen inay si weyn ugu koobnaadaan meel

qudha oo dhexe oo ay iskugu soo ururaan, ahna

magaalada Muqdishu oo keliya. Mararka qaar

maamulladaasi waxa sadhig u ahaa oo ay fadhiyeen

magaalooyin kale oo Soomaaliyeed, amma xattaa dalka

debaddiisa, sababta oo ahayd dagaalladii socdey, iyo

colaaddii iyo nacaybkii weynaa ee joogitaankoodu uu

ka kiciyey caasimadda. Waxa ka maqnaa sharciyaddii,

aqoonsigii iyo aqbalaaddii loo baahnaa ee dadweynaha

ay ka helin lahaayeen. Sababta oo ah in Soomaali

badani ay u arkayeen wax debadda lagu soo dhoodhoobay

oo ajanebi ka keenay. Dawladahaasi waxa kale oo ku

adkaatay inay jebiyaan oo ay ka adkadaan kooxihii ay

iska soo horjeedeen ee ay cadowgooga ahaa, waxan

sabab u ah khilaafyada jira oo ah qaar qoto dheer oo

si weyn u kala qaybsan, una murugsan. Warbixin

Qaramada Midoobay xafiiskeeda qaabilsan la socodka

arrimaha Somalia ay ka soo saartay bishii March ee

2010-kii, ayaa si cad u tilmaamaysa xaaladdani

taagan:

347

Xiisadaha iyo dagaallada socda waxay tusaale xun

u yihiin oo ay u taagan yihiin qaab xun oo isugu

jira 'dagaal-jabhadeed noocyo kala geddisan ka

kooban': noocyo dagaallo milateri ah, xeelado

dagaal iyo qaabab aan caadi ahayn, iyo weliba

gacan-ka-hadal iyo dil aan waxba loo aabbo

yeelayn, xoog-ku-muquunin arxan darro iyo

denbiilannimo jahawareersan - kuwaasi oo weliba

ay soo raacdo, marka xaaladda Soomaalida la eego,

faragelin kaga timaadda dawladaha deriska la ah.

Dawladda taagta daran ee ku-meel-gaadhka ah ee

federaalka Somalia waxa si aan wax-ku-ool ahayn

ula daalaadhacaysey dagaallada ay rabtey inay

kaga hortagto kooxo kala geddisan oo isku milan,

iskuguna jira kuwo diimeed oo xagjir ah, kuwa

siyaasadeed, kuwa leh dano dhaqaale oo fursado ay

ka faa'iideystaan eegeeganaya, iyo kuwa dano

beeleed amma qabiil watta.4

Quwadaha reer Galbeedku, gaar ahaanna Maraykanka iyo

Ingiriisku, waxay sannaddii 2010 dib-u-eegis ku

sameeyeen habka loo waajahayo ee wax looga qabanayo

arrimaha Somalia. Waxana la sii wadey taageerada iyo

aqoonsiga dawladda ku-meel-gaadhka ah ee muqdishu

fadhida, waxase dhinaca kale aad loogu soo jeestey,

oo sidii hore si ka badan loo daneeyey, qaybaha kale

ee deganaansha dheeraadka ahi uu ka jiro, gaar

ahaanna Puntland iyo Somaliland. Waxayna dabbaqeen

siyaasad ah 'laba toobiye oo isbarbar socda',

labaatan sano ka bacdi dhicitaankii dawladdii dhexe.

Tallaabadani waxay hubaal ahaan ahayd mid lala soo

daahay si ay wax saamayn ah oo badan ugu yeelato

gobollada koonfureed iyo kuwa badhtamaha dalkaasi,

gobolladaasi oo dagaallada iyo xiisaduhu ay u noqdeen

wax si joogto ah u socda oo caado amma dhaqan noqday.

Dawladaha shisheeyuhu waxay aakhiritaankii

348

bilaabayaan inay ku dhaqaaqaan taageerada gobollada

uu ka jiro degganaansha dheeraadka ahi ee dhulalka

Soomaalida; waxa kale oo ay si dhaw indhaha ugu

hayaan dhinacyada cuntama ee horumarka laga

samaynayo, qaybaha kale ee dalka ee dagaalladu sida

ba'an u saameeyeen.

Dhinacyadaasi waxa ka mid qaybaha sameeyey koritaan

dhaqaale oo dheeraad ah oo ku dhisan habab dhaqan iyo

kuwa casriga ah intaba. Waxana wax badan laga

korodhsan karaa sida layaabka leh ee loogu guulaystay

ganacsiga xoolaha nool sanadihii colaaduhu ay

socdeen, iyo abuuritanka lama-filaanka ah ee waaxyo

kale oo dhaqaale oo cusub, oo ay ka mid yihiin

isgaadhsiintu. Sabaha ay u hirgaleen waaxyahanina

waxa ka mid ah iyada oo aanay jirin faragelin iyo

kontorool dawladeed.

Soomaalidu waa dad firfircoon oo karti leh, waxayna

si dhiirranaan leh u dabbaqeen tiknoolojiyada casriga

ah. Kartidan iyo dhiirranaantan awgood, ayaa ka sakow

sannadihii badnaa ee dagaallada iyo dawlad la'aanta

oo lafteedu dhinaca kale sabab u noqotay inay la

yimaaddaan kartidan, ay haddana sameeyeen horumar

muhim ah oo dhaqaale oo saamayn ku yeeshay qaybo

badan oo ka tirsan Afrika iyo adduunka kaleba. Sida

kartida leh ee ay ula qabsadeen, una adeegsadeen

tiknoolojiyada Internet-ka iyo telifoonnada mobiilka,

ayaa gaadhsiisey Soomaalidu in ay si buuxda oo dhab

ah uga qayb galaan dhaqaalaha caalamiga ah, in kasta

oo siyaabo badan ay u yihiin dad aan lahayn dawlad

qaran oo wakiil ka ah amma ka mas’uul ah. Waxay ku

kala baaheen adduunka, laakiin waxay noqdeen oo ay

yihiin xoog dhaqaale oo is-haysta. Waxay si buuxda

ugu xidhan yihiin gudaha, gobollada iyo ganacsiga

caalamiga ah, he'yadaha iyo suuqyada dhaqaale, ha

noqoto ka-ganacsiga xoolaha nool ee dhaqanka u haa,

amma ganacsiga casriga ah ee xawaaladaha lacagta.

349

Waxay ka dhigan tahay sidii wax mujtamaca Somaalidu

uu si ahaan u dul maaxayo adduunka, oo uu gaadhay

marxalad iyo heer horumar oo ah kan ugu casrisan,

kana sare maray heerkii ku koobnaa dawlad qaran.

Sabaha Soomaalida u suurtogeliyey inay ilaa

heerkaasi wax qabsadaan iyada oo aanay jirin dawlad

dhexe oo awod leh, waxa ka mid ah hab-dhaqankooda oo

aan ku dhisnayn nidaam dawli ah. Qaabka ah dawlad-

qaraneed ma aha mid Soomaalidu u aragto in uu wax

macne ah oo faa'iido ah u leeyahayhay. Waxay

leeyihiin qaababkooda dhaqan ee ay isku habeeyaan,

mana aha in hoggaamiyaasha siyaasadda ee caalamku ay

taasi la yaabaan amma ku gacansaydhaan, hab ay dhici

karto inay u arkaan wax lagu tilmaami karo nidaam aan

qeexnayn oo aan mug lahayn in laga dhigto hab-

siyasadeed lagu dhaqmo. Dhaqanka reer-guuraannimada

ee ku dhisan habka abtirsiinta beelnnimo ee

Soomaalida ayaa ahaa mid soo-jireen ah oo ay ku

dhaqmi jireen, mujtamcuna si wax-ku-ool ah iskugu

maamuli jirey, wax badan ka hor intii aanay dusha

kaga iman nidaamyadii dalalkii isticmaarka ee

qabsaday Somalia. Soomaaliduna muddo qarniyaal ah

ayay la macaamili jirtey, lana lahayd baayacmushtar,

dalal leh dawlado dhexe oo ka mid ah dalalka Carabta,

Aasiyada Koonfureed iyo Yurub.

In ka badan labaatan sano ayay dawladaha debaddu ku

hawllanaayeen inay xal u helaan dhibaatooyinka

Somalia. Fargelin milateri, hawlgallo gargaar oo

banii'aadminnimo iyo kuwii diblomaasiyadeed, waxay ku

guuldarraysteen inay keenaan isbedel waxtar ah, amma

xal waara oo laga hirgeliyo dalkaasi. Waxana laga

yaabaa in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin

horleh oo cusub oo dhiirranaani ay ku jirto, sida

Soomaalida lafteedu ay u dhiirradaan oo kale.

Adduunka intiisa kalena, waxay u baahan yihiin oo

kale inay aqoonsadaan oo ay gartaan in Soomalidu ay

350

karti fiican u yeelan karaan inay lafahooda wax u

qabsadaan.

351

Xusas Tixraac (Notes)

Hordhac (Introduction)

1 www.foreignpolicy.com/failedstates

(Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).

2 Antonio Guterres, United

Nations High Commissioner for

Refugees, July 2011.

3 www.transparency.org/policy_

research/surveys_indices/cpi/2010/

results (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).

4 Economist, 371, 2004, p. 58.

5 Weedhaan amma ereyadan waxay had iyo jeer ku soo baxaan oo lagu

arkaa warbixinnada warbaahinta, tusaale ahaan, Peter

Hughes, Daily Telegraph, 13 May 2011.

6 www.foreignpolicy.com/articles/

2009/02/16/the_most_dangerous_

place_in_the_world (Markii ugu danbaysay ee la eegay

August 2011), www.bbc.co.uk/news/

uk-politics-14558721 (Markii ugu danbaysay ee la eegay

August 2011).

7 Richard Burton, First Footsteps

in East Africa (New York: Dover, 1987

[1856]), vol. 1, p. 122.

8 Ioan Lewis, Understanding

Somalia and Somaliland (London:

Hurst and Co., 2008), p. 25.

9 James Rennell Rodd, Social and

Diplomatic Memories 1894–1901, 1923.

10 Scott Peterson, Me Against My

Brother (New York: Routledge, 2002),

p. 1.

1 Beelaha iyo Dalka (Clan and country)

1 Richard Dowden, Africa: Altered

States, Ordinary Miracles (London:

Portobello, 2008), p. 93.

2 www.facebook.com/#!/pages/

Somali-Camel/111689282692 (Markii ugu danbaysay ee la eegay January

2011).

3 John Drysdale, The Somali Dispute

(New York: Praeger, 1964), p. 10.

4 Ioan Lewis, A Modern History of

Somalia (Oxford: James Currey, 2002),

p. 8.

5 Martin Murphy, Somalia: The

New Barbary? (London: Hurst and Co.,

2011), p. 18.

6 Ioan Lewis, Understanding

Somalia and Somaliland (London:

Hurst and Co., 2008), p. 3.

7 Ibid., p. 56.

8 Lewis, A Modern History of

352

Somalia, p. 10.

9 Michael Walls, ‘The emergence

of a Somali state’, African Affairs,

108(432), 2009, p. 377.

10 Nuruddin Farah, From a

Crooked Rib (London: Heinemann,

1970), p. 13.

11 Nuruddin Farah, Gifts (Cape

Town: Kwela Books, 2001), p. 197.

12 Lewis, Understanding Somalia

and Somaliland, p. 23.

13 B. W. Andrzejewski and Sheila

Andrzejewski, An Anthology of Somali

Poetry (Bloomington: Indiana University

Press, 1993), p. 32.

14 Ibid., p. 78.

15 www.bbc.co.uk/news/

world-africa-12246627 (Markii ugu danbaysay ee la eegay

August 2011). Si aad u aragto Cabdirashiid Cumar oo af-Soomaali ku

tirinaya gabygiisa, eeg www.youtube.com/watch?v=MrXh3ceV_MA.

16 Si aad u hesho faahfaahin ku saabsan naanaysaha Soomaalida, fiiri

qoraallada ‘Somali (nick)names and their meanings’ ee Marcus

Hoehne iyo Muuse Cali Faruur

iyo Axmed Cabdullahi Du’aale ee

Marcus Hoehne iyo Virginia Luling

(eds), Peace and Milk, Drought and

War ( London: Hurst and Co., 2010),

pp.8345–63.

17 Qayb ka mid ah waraysigan waxa markii hore laga sii daayey

idaacadda caalamiga ah ee BBC-da sannadkii 2011. Qaybo lagu xusay

buuggan waxa lagu sii daayey barnaamijyo aan u sameeyey BBC-da;

qaybo kalena waa agab assal ah oo aan xigasho ahayn.

18 Lewis, A Modern History of

Somalia, p. 1.

19 UNDP, Somalia’s Missing Million:

The Somali Diaspora and Its Role

in Development, 2009.

20 Virginia Luling, ‘Genealogy as

theory, genealogy as tool: aspect of

Somali “clanship”’, Social Identities:

Journal for the Study of Race, Nation

and Culture, 12(4), July 2006.

21 Drysdale, The Somali Dispute,

p. 8.

22 Lewis, Understanding Somalia

and Somaliland, p. 23.

2 Taariikhda (History)

1 John Drysdale, The Somali Dispute

(London: Pall Mall Press, 1964),

p. 21.

2 Ioan Lewis, A Modern History of

Somalia (Oxford: James Currey, 2002),

353

p. 5.

3 Harold Nelson (ed.), Somalia:

A Country Study (Washington, DC:

American University Press, 1982), p. 7.

4 Tom J. Farer, War Clouds on the

Horn of Africa: A Crisis for Détente

(New York: Carnegie, 1976), p. 54.

5 War Office, Official History of

the Operations in Somaliland, vol. 1,

1907, p. 192.

6 Abdi Sheikh-Abdi, Divine Madness

(London: Zed Books, 1993), p. 55.

7 Douglas Jardine, The Mad Mullah

of Somaliland (London: H. Jenkins,

1923), p. 249.

8 Sheikh-Abdi, Divine Madness,

p. 77.

9 Farer, War Clouds on the Horn of

Africa, p. 62.

10 B. W. Andrzejewski and I. M.

Lewis, Somali Poetry: An Introduction

(Oxford: Clarendon Press, 1964), p. 57.

11 Dr Abdirashid Ali Sharmarke,

The Somali Peninsula: A New Light on

Imperial Motives, London, 1962.

12 The Issue of the Northern Frontier

District, White Paper issued by the

Somali government, Mogadishu, 1963.

13 Drysdale, The Somali Dispute,

p. 162.

14 Sir Gerald Reece, The British

Survey, Main Series no. 98 (London:

Colonial Office, 1952), quoted in Said

Samatar, Somalia: Nation in Search of

a State (Boulder, CO: Westview Press,

1987).

15 Iqbal Jhazbhay, Somaliland:

An African Struggle for Nationhood

and International Recognition (South

Africa: Institute for Global Dialogue

and South African Institute for International

Affairs, 2009), p. 13.

16 Ioan Lewis, Making and Breaking

States in Africa (Lawrenceville, NJ:

Red Sea Press, 2010), p. 89.

17 Mark Bradbury, Becoming

Somaliland (London: Progressio,

2008), p. 73.

18 Ibid., p. 48.

19 Ibid., p. 92.

20 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Somalia ee UN, 10 March

2010.

21 Said Samatar, in Marcus Hoehne

and Virginia Luling (eds), Milk

and Peace, Drought and War (London:

354

Hurst and Co., 2010), p. 217.

3 Xarakada Islaamiyadda (Islamism)

1 Human Rights Watch, Harsh

War, Harsh Peace, April 2010, www.

hrw.org/reports/2010/04/13/harshwar-

harsh-peace (Markii ugu danbaysay ee la eegay,

August 2011).

2 Ioan Lewis, Saints and Somalis:

Popular Islam in a Clan-based Society

(London: Haan, 1998), p. 25.

3 Stig Jarle Hansen and Atle

Mesoy, The Muslim Brotherhood in

the Wider Horn of Africa, NIBR, p. 40,

www.nibr.no/uploads/publications/

06d76b6e0d14594c9a753c487ed50e51.

pdf ( August 2011). Markii ugu danbaysay ee la eegay

4 International Crisis Group,

Somalia’s Islamists, 2005, p. 1, www.

crisisgroup.org/en/regions/africa/

horn-of-africa/somalia/100-somaliasislamists.

aspx (Markii ugu danbaysay ee la eegay August

2011).

5 Ibid., p. 7.

6 Ken Menkhaus, Somalia: State

Collapse and the Threat of Terrorism,

IISS Adelphi Paper 364, p. 56.

7 Roland Marchal, ‘Somalia: a new

front against terrorism’, SSRC blog,

2007, www.hornofafrica.ssrc.org/

marchal/index1.html (last accessed

August 2011).

8 Cedric Barnes and Harun Hassan,

The Rise and Fall of Mogadishu’s

Islamic Courts, Chatham House, 2007,

www.chathamhouse.org/publications/

papers/view/108453 (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).

9 Lagu xusay Anna Lindley,

‘ Leaving Mogadishu: towards a

sociology of conflict-related mobility’,

Journal of Refugee Studies, 2010.

10 Odhaah Al-Shabaab soo saartay, February

2010.

11 Warbixin guurtida khubarada UN,

2010, p. 6, www.un.org/ga/search/

view_doc.asp?symbol=S/2010/91 ( March 2011).

12 IRIN, Markii ugu danbaysay ee la eegay April 2010.

13 Warbixin khubarada UN,

2010, p. 30.

14 Andrea Elliot, ‘A call to jihad,

answered in America’, New York Times,

12 July 2009.

15 FBI report, 2009.

16 FBI report, 2010.

355

17 Ibid.

18 Elliot, ‘A call to jihad’.

4 Qaran Fashilmay? (A failed state?)

1 www.foreignpolicy.com/failedstates

(Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).

2 Noam Chomsky, Failed States:

The Abuse of Power and the Assault on

Democracy (New York: Metropolitan,

2006).

3 Robert I. Rotberg, ‘The new

nature of nation-state failure’, Washington

Quarterly, 25(3), 2002, p. 85.

4 Ian Birrell, ‘It’s time the world

listened to new stories out of Africa’,

Observer, 20 February 2011.

5 Peter Little, Somalia: Economy

without State (Oxford and Bloomington:

James Currey and Indiana

University Press, 2003), p. xv.

6 Benjamin Powell, Ryan Ford and

Alex Nowrasteh, ‘Somalia after state

collapse: chaos or improvement?’,

Independent Institute, November

2006.

7 Ibid.

8 Peter Leeson, Better Off

Stateless: Somalia before and after

state collapse, West Virginia University,

2006.

9 www.unhcr.org/4ca602a66.html

(Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).

10 Little, Somalia: Economy without

State, p. 8.

11 Anna Lindley, ‘Between “dirty

money” and “development capital”’,

African A!airs, August 2009, p. 528.

12 Little, Somalia: Economy without

State, p. 166.

13 Ibid., p. 37.

14 Ibid., p. 91.

15 Ibid., p. 131.

16 Lindley, ‘Between “dirty

money” and “development capital”’,

p. 539.

17 Focus on Africa, April–June

2011.

18 Lindley, ‘Between “dirty money”

and “development capital”’, p. 523.

19 news.bbc.co.uk/1/hi/world/

africa/4020259.stm (Markii ugu danbaysay ee la eegay

August 2011).

20 Mark Bradbury, Becoming

356

Somaliland (London: Progressio,

2008), p. 1.

21 Iqbal Jhazbhay, Somaliland:

An African Struggle for Nationhood

and International Recognition (South

Africa: Institute for Global Dialogue

and South African Institute for International

A9airs, 2009), p. 14.

22 Bradbury, Becoming Somaliland,

p. 93.

23 Ibid., p. 106.

24 Ibid., p. 242.

25 Michael Walls, ‘The emergence

of a Somali state’, African Affairs,

108(432), 2009, p. 389.

26 Rageh Omaar, ‘The jihadists

next door’, Guardian, 6 July 2010.

5 Budhcad-Badeedda (Piracy)

1 Waxa jira buugaag iyo sheekooyin badan oo sii kordhaya oo laga

qoray budhc-badeedda Soomaalida, iyo weliba sheekooyin si toos ah

looga soo xigtey dadkii la qabsaday ee budhcad-badeeddu afduubka u

haysatey. Waxa ka mid ah qoraalladaasi: Paul iyo Rachel Chandler,

iyo Sarah Edworthy, Hostage: A Year at Gunpoint

with Somali Gangsters (Edinburgh:

Mainstream, 2011), Colin Freeman,

Kidnapped: Life as a Somali Pirate

Hostage (Wolvey: Monday, 2011), iyo

Elmore Leonard, Djibouti (London:

Weidenfeld iyo Nicolson, 2011).

2 business.timesonline.co.uk/

tol/business/industry_sectors/banking_

and_2nance/article4727372.ece

(Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).

3 Ecoterra International Counter-

Piracy Updates.

4 oneearthfuture.org/images/imagefiles/The%20Economic%20Cost%200f

%20Piracy%20Full%20Report.pdf (Markii ugu danbaysay ee la eegay

August 2011).

5 news.bbc.co.uk/1/hi/7824353.

stm (Markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011); www.

guardian.co.uk/world/2009/jan/10/

sirius-star-somalia-pirates-drown (Markii ugu danbaysay ee la eegay

August 2011).

6 Stig Jarle Hansen, Piracy in

the Greater Gulf of Aden: Myths,

Misconceptions and Remedies, NIBR,

2009, p. 12.

7 Ibid., p. 8.

8 news.bbc.co.uk/1/hi/world/

africa/8061535.stm (Markii ugu danbaysay ee la eegay

August 2011).

9 Je9rey Gettleman, ‘Somalia’s

pirates flourish in a lawless nation’,

357

New York Times, 30 October 2008.

10 Ibid.

11 Warbixintii Golaha ammaanka ee UN, March 2010, p. 39.

12 AP, November 2008.

13 Ibid.

14 Shir Jaraa’id, Safaaradda Maraykanka,

London, February 2011.

15 Hansen, Piracy in the Greater

Gulf of Aden, p. 41.

16 Ibid., p. 34.

17 Macluumaadka la xidhiidha anshaxa hawlgalka waxan helay mar aan

samaynayey xog-baadh bishii July ee 2011, aanan u samaynayey guddida

la socodka hubka yaryar.

18 Reuters, November 2008.

19 Ibid.

20 BBC, April 2009.

21 Colin Freeman, ‘Somali pirates

on trial in Holland’, Daily Telegraph,

138June 2010.

22 Ibid.

23 Kaija Hulburt, The Human

Cost of Somali Piracy, June 2011, p.813,

oceansbeyondpiracy.org/cost-ofpiracy/

human-cost-somali-piracy (Markii ugu danbaysay ee la eegay August

2011).

24 Ibid., p. 17.

25 Ibid., p. 17.

26 Dipendra Rathore, ‘Experience:

I was kidnapped by Somali pirates’,

Guardian, 11 June 2011.

27 www.marad.dot.gov/

documents/EUNAVFOR_Surviving_Piracy_

Seafarers_Lea:et_v2.pdf (Markii ugu danbaysay ee la eegay August

2011).

28 Hansen, Piracy in the Greater

Gulf of Aden, p. 30.

6 Somalia iyo Adduunka Dibadda (Somalia and the outside

World)

1 Anna Lindley, ‘Between “dirty

money” and “development capital”‘,

African A!airs, 108(433), 2009, p. 539.

2 BBC, 3 September 2010.

3 Ereygan waxa bixiyey qoraaga Jim Hoagland oo wax ku qora

jariidadda the Washington Post columnist Jim, waxanu ka hadlayaa

faragelintii Marayanka ee Somalia ee sannadkii 1993.

4 Odhaah ka soo baxday Aqalka Cad ee Maraykanka, Washington, DC, 7

November 2001.

5 Qorshaha Istaraatijiyadeed ee Dawladda Maraykanka, White House,

September 2002.

6 Qorshaha Istraatijiyadeed ee Maraykanka, White House,

March 2006.

7 Marcus Virgil Hoehne, African

Arguments blog, SSRC, 2009,

358

hornofafrica.ssrc.org/somalia/ (Markii ugu danbaysay ee la eegay

August 2011).

8 Bronwyn Bruton, Somalia: A

New Approach, Council on Foreign

Relations, 2010, p. 8.

9 BBC, 13 September 2011.

10 Ibid., p. 19.

11 Warbixintii Guurtida la-socodka arrimaha Somalia ee UN, 10 March

2010, p. 6.

12 Taar ay direen dibloomaasiyiinta Maraykanku, ‘Somalia

– TFG prime minister worried about

rival organization, anxious for USG

help’, Wikileaks, 2009.

13 Chris Mullin, A View from the

Foothills (London: Pro2le, 2009),

p.8503.

14 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Somalia ee UN,, 10 March

2010, p. 54.

15 Jeffrey Gettleman, Mark Mazzetti

iyo Eric Schmitt, ‘U.S. relies on

contractors in Somalia con:ict’, New

York Times, 10 August 2011.

16 Taar ay direen diblomaasiyiin Maraykan ahi, ‘Carter

informed that UK to increase Somalia

engagement’, Wikileaks, 2009.

17 Marcus Virgil Hoehne,

Africa Arguments blog, SSRC, 2009,

hornofafrica.ssrc.org/somalia/ (Markii ugu danbaysay ee la eegay

August 2011).

18 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Somalia ee UN, 10 March

2010, p. 7.

19 Ibid., p. 24.

20 Taar ay direen diblomaasiyiin Maraykan ahi, ‘An Eritrean

overture to the United States’,

Wikileaks, 2009.

21 Human Rights Watch, Welcome

to Kenya, June 2010.

22 Taar ay direen diblomaasiyiin Maraykan ahi, ‘A

portrait of Al Shabaab recruitment in

Kenya’, Wikileaks, 2009.

23 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Somalia ee UN, 10 March

2010, p. 25.

24 Taar ay direen diblomaasiyiin Maraykan ahi, ‘A

portrait of Al Shabaab recruitment in

Kenya’, Wikileaks, 2009.

Gabagabo (Conclusion)

1 Guddida ICG ee International Crisis Group,

Somalia: To Move Beyond the Failed

State, 2008.

2 Bronwyn Bruton, Somalia: A

New Approach, Council on Foreign

Relations, 2010, p. 5.

359

3 Mark Bradbury, Becoming

Somaliland (London: Progressio,

2008), p. 6.

4 Warbixin guddida la-socodka arrimaha Somalia ee UN, 10 March 2010,

p. 6.

360

Buugaagta tixraaca iyo qoraallada aan soo akhriyey

(Bibliography)

Ali, A. H. (2007) Infidel, London:

Simon and Schuster.

Andrzejewski, B. W. and S. Andrzejewski

(1993) An Anthology of Somali

Poetry, Bloomington: Indiana University

Press.

Andrzejewski, B. W. and I. M. Lewis

(1964) Somali Poetry: An Introduction,

Oxford: Clarendon Press.

Bowden, M. (1999) Black Hawk Down:

A Story of Modern War, New York:

Atlantic Monthly Press.

Bradbury, M. (2008) Becoming Somaliland,

London: Progressio.

Chomsky, N. (2006) Failed States: The

Abuse of Power and the Assault

on Democracy, New York: Metropolitan.

De Waal, A. (2004) Islamism and Its

Enemies in the Horn of Africa,

London: Hurst and Co.

Dowden, R. (2008) Africa: Altered

States, Ordinary Miracles, London:

Portobello.

Drysdale, J. (1964) The Somali Dispute,

New York: Praeger.

— (1994) Whatever Happened to

Somalia, London: Haan.

Elmi, A. E. (2010) Understanding the

Somali Conflagration, London:

Pluto.

Farah, N. (1970) A Crooked Rib,

London: Heinemann.

— (1986) Maps, London: Penguin.

— (1998) Secrets, New York: Arcade.

— (2001) Gifts, Cape Town: Kwela

Books.

Farer, T. (1976) War Clouds on the Horn

of Africa: A Crisis for Détente, New

York: Carnegie.

Hoehne, M. and V. Luling (eds) (2010)

Peace and Milk, Drought and War,

London: Hurst and Co.

Warbixinnada ICG (International Crisis Group) ee ku saabsan Somalia,

www.crisisgroup.org/en/regions/

africa/horn-of-africa/somalia.aspx

(markii ugu danbaysay ee la eegay August 2011).

Jardine, D. (1923) The Mad Mullah of

Somaliland, London: H. Jenkins.

361

Jhazbhay, I. (2009) Somaliland: An

African Struggle for Nationhood

and International Recognition,

South Africa: Institute for Global

Dialogue and South African Institute

for International Affairs.

Leonard, E. (2011) Djibouti, London:

Weidenfeld and Nicolson.

Lewis, I. (1961) A Pastoral Democracy,

Oxford: James Currey.

— (1998) Saints and Somalis: Popular

Islam in a Clan-based Society,

London: Haan.

— (2002 [1980]) A Modern History of

Somalia, Oxford: James Currey.

— (2008) Understanding Somalia and

Somaliland, London: Hurst and Co.

— (2010) Making and Breaking States

in Africa, Lawrenceville, NJ: Red

Sea Press.

Lindley, A. (2010) The Early Morning

Phone Call: Somali Refugees’

Remittances, New York: Berghahn

Books.

Little, P. (2003) Somalia: Economy

without State, Oxford and Bloomington:

James Currey and Indiana

University Press.

Menkhaus, K. (2004) Somalia: State

Collapse and the Threat of Terrorism,

International Institute

for Strategic Studies and Oxford

University Press.

Mohamed, N. (2010) Black Mamba

Boy, London: HarperCollins.

Mullin, C. (2009) A View from the

Foothills, London: Profile.

Murphy, M. (2011) Somalia: The New

Barbary?, London: Hurst and Co.

Nelson, H. (ed.) (1982) Somalia: A

Country Study, Washington, DC:

American University Press.

Omaar, R. (2006) Only Half of Me,

London: Viking.

Peterson, S. (2002) Me Against My

Brother, New York: Routledge.

Samatar, A. (1994a) Socialist Somalia:

Rhetoric and Reality, London: Zed

Books.

— (ed.) (1994b) The Somali Challenge:

From Catastrophe to Renewal?,

Boulder, CO: Lynne Rienner.

Samatar, S. (1987) Somalia: A Nation

in Search of a State, Boulder, CO:

Westview Press.

362

— (1991) Somalia: A Nation in Turmoil,

London: Minority Rights Group.

Sheikh-Abdi, A. (1993) Divine Madness,

London: Zed Books.