Post on 04-Feb-2021
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 1
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum)!
Hordhac
Noolaha Aadamuhu intii uu adduunka guudkiisa saarnaa, waxa uu ku hawlanaa oo ku jirey isbeddel xag
kasta ku wajahan. Ha noqdaan isbeddeladaasi kuwo diineed, dheef la raadiyo, siyaasad, korriin caqli iyo
jidh, maamul, bulsheyn, deegaamayn, aqoon yeelasho, unkidda ilbaxnimooyin iwm. Badanka fal kasta iyo
tallaabo kasta oo hore loo qaadana, waxa shardi ama tiir u ahayd dan. Dantaasi marwalba waxa ay u
adeegaysaa cidda falka ama tallaabada qaadaysa. Taas oo jirta, ayaa waxa ay dantaasi horseeddaa isriix-riix
bulsheed ama qofeed. Waxaana ka dasha oo ka dhambalma, kana dheehma aragtiyo iyo tabab ku cusub
waayahaas. Kuwaas oo si guud ummadaha kale ee la jaalka ah ama la jaarka ah, iyo kuwa ka fogba ay
qaataan aragtiyihii ka dhashay isriix-riixaas tirada badan.
Intaas kaddib, qoraalkani waxa uu daaranyahay ayaa ah aragti kamid ah aragtiyahaas ummaduhu curiyeen,
kuwaas oo ay ka faa’idaysteen ummado la jaal iyo dan ah. Haddaan hadalka saafo, waxa dulucdu ay tahay
in aragtidaasi ay tahay mid ka tirsan aqoonta siyaasadda, gaar ahaan laanta deegaan-siyaasadeedka.
Waxaana loogu yeedhaa “Lebansraum”. Waa aragti saameyn xooggan ku yeelatey adduunka tan iyo intii la
allifay. Walow aragtidan la tibaaxo in aan si sax ah loo garanyn xilliga la curiyey, taas oo macnaheedu yahay
ninka loo tiiriyo ee jarmalka ah oo magaciisu yahay Friedrich Ratzel, uusan xaqiiqo ahaan ahayn midka
curiyey. Balse ay tahay aragti muddooyin badan ummadaha dunidu ka dhaqmayeen, balse isagu keliya uu
horumariyey.
Ummadaha iyo sida ay aragtidani u saamaysay walow uusan qoraalkani wada kafeyn karin, ula jeeddaduna
ahayn. Balse ay tahay in dacal iyo dadyow gaar ah uun laga tilmaamo. Sidaas darteed qoraalkani waxa uu
isku deyayaa isku xidhka aragtidan iyo farac kamid ah cidda ku suntan, taas oo ah dawladda Itoobiya.
Sababta aan u doortey dawladda Itoobiya, ayaa waxa ay tahay in Itoobiya ay Soomaalida saameyn toos ah
ku leedahay. Cidda keliya ee ay aragtidan la damacsantahay, horena ugu tijaabisayna waa Soomaalida.
Sidaas darteed, waxa lama huraan ah in aan lafa gurno tab-adeegsiga dawladda Itoobiya ee aragtidan
deegaan-siyaasadeed. Lana bidhaamiyo dhoohanaanta Soomaalidu ay kaga sugantahay arrintan.
Waxa uuna qoraalkani ka koobanyahay shan qeybood. Taas oo mid walbana aynnu ku eegi doonno arrimo
gaar ah. Waxa ayna kala yihiin: Qeybta Koobaad. Milicsiga Friedrich Ratzel iyo Aragtidiisa, Qeybta Labaad.
Milicsiga Sooyaalka Itoobiya iyo Soomaalida Geeska Afrika, Qeybta seddexaad. Guumeystihii Reer Yurub
iyo Geeska Afrika, Qeybta Afraad. Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya, Qeybta Shanaad. Meles Senawi
Asress iyo Itoobiyada Cusub.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 2
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Qeybta 1aad: Milicsiga Friedrich Ratzel iyo Aragtidiisa “Lebansraum”
Friedrich Ratzel waxa uu ahaa juquraafiyahan iyo daraaseeye bulsheed(Ethnographer) jarmal ah. Waxa uu
noolaa intii u dhaxeysay(1844-1904). Waxa uu ku dhashay 30-kii, Ogoosto 1844-kii magaalada Karlsruhe,
Baden oo ahayd imbiraadooriyaddii Koonfur-Galbeed Jarmalka. Maantana ah Ismaamul Goboleedka
Baden-Wurttumberg ee dalka Jarmalka. Waxa uu dhintay 9-kii, Ogoosto 1904-tii. Waxbarasho ahaan waxa
uu bartey ugu horreyntii aqoonta Baayoolajiga, gaar ahaan laanta lagu daraaseeyo xayawaanka ee loo
yaqaan “Zoology”. Balse markii dambe waa uu ka tagey, waxa uuna noqday Juquraafiyahan. Waxa uuna
sannadkii 1875-kii noqday macallin juquraafiga ka dhiga jaamacadda Munich ee dalka Jarmalka. Halkaas oo
uu ka ahaa Barafasoor caawiye, kaddibna sannadkii 1880-kii ayuu si buuxda u noqday Barafasoor kamid ah
Jaamacaddaas.
Friedrich waa mid kamid ah dadkii saameynta xooggan ku lahaa
waqtigaas, gaar ahaan waddankiisa Jarmalka. Waxa aad u
saameeyey baayoolajiyahannadii Darwin iyo Xayawaan-aqoonkii
Ernst Heinrich. Waxa ayna taasi horseedday in uu isku lifaaqo ama
isku dhafo aragtiyihii aqoonta baayoolajiga iyo kuwi juquraafiga.
Halkaasna ay ka dhalato aragti deegaan-siyaasadeed oo ku dhisan
aragtiyihii keynta ee isfidinta iyo guumeysiga. Kuwaas oo aan kala
lahayn xad, xeer iyo xakame toona. Friedrich waxa uu qorey
maqaallo iyo buggaag, waxaana kamid ah buggaagtiisa midka uu
ugu magac darey “The History of Mankind” oo dhowr
mug(Volume) lagu daabacay. Iyo sidoo kale “Anthrogeographie”
iyo kuwo kale.
( Jaantuska 1aad: Friedrich Ratzel )
Sannaddii 1897-kii ayaa uu allifay aragtidan uu ugu magac darey “Lebansraum” oo asal ahaan weedh Af-
Jarmal ah. Macnaheeduna yahay “Living Space” ama “Meel Bannaan/Meel lagu noolaado”. Aragtidan oo
ka kooban siyaasado iyo tijaabooyin ku salaysan waxa loogu yeedho “Settler Colonialism” ama deegaan-
beddelka bulshada la guumeystay. Waxa ayna tahay in dhulka iyo dadka la guumeysto la doorriyo, oo dad
qalaad lagu beero goobtaas. Waxaana siyaasaddaas faafiyey Jarmalka intii u dhaxeysay 1890-kii - 1945-kii.
Aragtidan Lebansraum-ku waxa ay noqotey deegaan-siyaasadeedkii Jarmalka ee dagaalkii koobaad ee
adduunka (1914-1918). Aragtidanina waa ay socotey, oo lagu dhaqmayey illaa dhammaadkii dagaalkii
labaad ee adduunka (1939-1945).
Lebansraum waa aragti sida aynnu sheegnay ka tirsan laanta deegaan-siyaasadeedka (Geopolitics), taas oo
ah aragtiyihii ugu horreeyey ee deegaan-siyaasadeed, oo adduunku qarniyo badan kusoo caano maaley.
Waxa ayna tibaaxeysaa aragtidani in dawladuhu ay noolyihiin, leeyihiinna sifooyinka noolayaasha oo ay ugu
horreyso sifada korriinku. Sidaas darteed, waxa lagama maarmaan ah dawladuhu in ay koraan oo dhulal iyo
ummado kale ay qabsadaan, si ay u noolaadaan oo u waaraan. Aragtidan oo ahayd midda horseedday in
guumeystihii reer Yurub uu ku soo duullo dhulalka Afrika iyo Asia, iyagoo ujeedka ahaa in qowmiyadahaasi
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 3
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
ay qabsadaan qowmiyadaha kale ee taagta daran, si ay uga helaan wixii faa’ido ah sida: dhaqaale, khayraad
iwm. Bulshooyinka la guumeysto waxaa waajib ah in la doorriyo oo qowmiyadahaas soo duulley ay u
ekaadaan, sida: afka, dhaqanka, aqoonta, dawladnimada, maamulka, hab-fekerka iwm.
( Jaantuska 2aad: Waxa uu tilmaamayaa sidii Jarmalku u qorsheeyey in uu isku fidiyo,
oo dhulal iyo dalal qalaad u qabsado, isagoo ka tallaabay xuduudo cayyiman. )
Aragtida jaadkan ah, in ummaduhu ummado kale ku duulo si uu uga helo manfac iyo wixii uu u
baahanyahay, kuna faafiyo oo ku doorriyo felsafaddiisa, ma aha wax la bilaabmatay guumeystaha reer
Yurub iyo Friedrich Ratzel. Balse, iyagu waxa keliya ee ay ku suntanyihiin waa in aragtidii si heer sare ah u
horumariyeen, kana dhigeen wax sal leh oo ka tirsan deegaan-siyaasadeedka adduunka. Halka waayadii
hore ay si dadban u jirtey, dawladihii hore ee dunida soo marayna ay dhammaantood ka sinnaayeen sida:
Giriiggii hore, Roomaakii hore, Faraaciintii, Ashuuriyiinta, Biisaantii, Afrikadii hore, dawladihii Muslimiinta
ee Ummawiyiinta, Cabbaasiyada, Cusmaaniyada, Mamaalikta, khulafadii afata ahaa qaarkood iwm. Waxa
ay ku dhaqmi jireen dawladahaa hore in ummado kale lagu duulo, la qabsado oo iyaga la hoos yimaaddo.
Dhaqanka iyo sida ay noloshda u arkayaanna aad u aragtid oo ku dhaqantid.
Waxa felsafaddan aad ugu dhaqmay una faafiyey Xisbigii Naasiga ee Jarmalka, oo ka dhigtay udub-dhexaad
uu ka duullo. Isagoo xataa qorsheeyey jaantusyo tibaaxaya sida loo qabsanayo dhulal, dadna loo xasuuqi
doono, dadka jarmalkana loogu beeri doono dhulkaas. Sida caadada ahaydna, dawladihii wax
guumeysanayey ee reer Yurub waxa ay ka sinnaayeen badankood in bulshooyinka la guumeysto ay
dhaqankooda ku faafiyaan. Waxaana aad ugu suntanaa arrintan Faransiiska iyo Jarmalka; oo illaa maanta
dadkii ay ku duulleen dhaqankoodii iyo ilbaxnimadoodii ka dhex muuqato. Balse, hadda badanka adduunka
duullitaanka qowmiyad ama ummado ku duullaan dadyow kale, waa yaraatey oo ma jirto. Waxaana hadda
duullaankii isu beddelay mid aragti dhaqaale, dawladeed ama ilbaxnimo. Sida labadii aragti dhaqaale ee
hanti-wadaagga iyo hanti-goosadka, oo qarnigii labaatanaad ku loollamayey adduunka.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 4
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Qeybta 2aad: Milicsiga Sooyaalka Itoobiya iyo Soomaalida Geeska Afrika
Itoobiya waxa ay soo martey marxalado kala duwan, oo aad isu soo bedbedalay. Itoobiyadii hore ee loo
yaqaannay magaca “Abyssinia” oo ahayd imbiraadooriyad ka talin jirtey dhulka Amxaarada iyo aaggaga u
dhow. Taas oo ay gadhwadeen ka ahaayeen qowmiyadda Amxaarada, waxaa sal-dhig u ahayd diinta
Kiristaanka oo keliya. Boqortooyadii ugu horreysay ee laga aasaasay Itoobiya waxa ay ahayd boqortooyadii
Minilikii koobaad oo ku abtirsanaysay boqortooyadii Suleymaan. Waqtigaas oo ku beeggan toban qarni ka
hor dhalashadii Nebi Ciise ee miilaadiga(BC).
Boqortooyadaasi ma aysan xooggaysan illaa laga soo gaadho qarnigii 12-aad oo ku beeggan 1270-kii, markii
uu Amiirkii Amxaariga ahaa ee Yekuno Amlak uu inqilaabay boqorkii ugu dambeeyey ee xukumey
boqortooyadii Sagwa, kaas oo magaciisu ahaa Yilma. Sidaas darteed, waxa aynnu odhan karnaa Itoobiyada
Abyssinia waxa ay si rasmi ah u bilaabmatey sannaddii 1270-kii. Boqorro kala duwan ayaa soo maray, oo
ay kamid ahaayeen: Menelik II, Galawadoos, Yohaanis-kii labaad, Dawit-kii seddexaad, Xayle Salaase,
Tewadros-kii labaad iyo kuwa kaleba.
( Jaantuska 3aad: Khariiraddani waxa ay muujinaysaa dhulkii ay ahaan jirtey boqortooyadii
Amxaarada-Kiristaanka ah ee Abyssinia, waana inta lagu calaamadiyey midabka cas/guduudan. )
Itoobiya waxa ay ku suntantahay isbeddel aan la dareemin, la dhugan haddana aad u xooggan. Waxa ay soo
martey marxaladdii imbiraadooriyadda Axmaarada-Kiristaanka oo kasoo bilaabmatay 1270-kii. Waxa ku
xigtey waqtigii guumeystaha reer Yurub uu yimid, kolkaasna Itoobiya marxalad cusub ayay gashay, illaa laga
soo gaadhay sannadkii 1974-kii markii la inqilaabay boqorkii Xayle Salaase. Haddana Itoobiya waxa ay
gashay xaalad cusub oo uu hoggaaminayo Mingiste Xayle Maryam, oo nidaamka askarnimada iyo
shuuciyadda mooyee aan wax badan dhaamin Xayle Salaase. Ugu dambayntii waxa ay haddana mar afraad
gashay xaalad kale oo xilka laga tuurey Mingiste, kuwaas oo ay la wareegeen shacabku, gaar ahaan
jabhadihii dagaalamayey mid kamid ah oo uu hoggaaminayey Meles Senawi Asress. Xaaladdii uu Meles ku
beddelay Itoobiya ayay weli ku jirtaa, oo aysan isbeddelin illaa maanta. Iyadoo aan la xaqiijin karin xilliga uu
isbeddel kale iman doono, iyo in ay sidan hadda ay tahay kusii jiri doonto.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 5
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Dhinaca kale Soomaalida, oo kamid ah ummadaha ku dhaqan Geeska Afrika. Ayaa waxa ay kamid yihiin
dadka ku isirran dhul aad u baaxad weyn, oo maanta afar dawladood kala ah: Soomaaliya, Ethiopia, Djibouti,
Kenya. Waxa soo raaca qeyb-qeybintii shanta Soomaaliyeed, oo Somaliland kamid tahay, taaas oo aan si
toos ah ama rasmi ah uga mid ahayn federaalka Soomaaliya. Balse sharciyad ahaan ku hoostagta, oo si guud
loogu aqoonsanyahay qeyb kamid ah Soomaaliya. Soomaalidu waa ummad lagu qiyaaso tiro ahaan
celceliskeedu in uu dhanyahay 30-million. Dhulka ay degaan waxa uu cabbir ahaan dhanyahay
1,000,000Km2. Haddaan dhul ahaan u sheegno waa dhulka ay maanta Itoobiya ku taallo oo iyaga oo keliyi
degnanaan lahaayeen. Xidhiidh aad u fac weyn baa kala dhexeeya Itoobiyadii hore iyo ta maantaba, mid
siyaasadeed iyo mid isireedba ah. Dhulka ay degaan ee 1-MillionKm2 ah walow aan taariikhdu sheegin in
hal dawlad oo keli ahi ka talisey. Haddana waxa jirey boqortooyooin badanka dhulkaas ka talin jirey oo
ilbaxnimo iyo sooyaal gundheer lahaa sida: dawladdii Bunti, Dawladdii Azania, Dawladdii Cadal, dawladdii
Ajuuraan, dawladdii Warsangeliga, dawladii Xaaji Sharma’arke ee Saylac, dawladdii Hobyo iwm.
( Jaantuska 4aad: Khariiraddani waxa ay muujinaysaa dhulka ay dagaan
dadka Soomaalidu ee cabbirkiisu dhanyahay 1-Million Km2. )
Dagaallo badan oo faraha looga gubtay ayaa dhex maray dawladihii Soomaalida ee kala dambeeyey, iyo
dawladihii kusoo duulli jirey dhulka ay dagaan. Waxa kamid ahaa dagaalladii Abyssinia iyo udhexeeyey
dawladdii Cadal ee uu hoggaaminayey Axmed Gurey “Duullaan-badane”. Waxa taariikhdu tilmaamtaa in
Kal-tirsigu markuu ahaa 1112kii miilaadiga waxa lagu tiriyaa markii ugu horraysey ee Soomaali iyo Amxaaro,
Soomaali iyo Tigree ay dagaalameen. Goobaha lagu dagaalamo ee la isku haystay waxay ahaayeen Gondaar,
Baxar-daar iyo Lalibeelle oo dhulka Amxaarada ah iyo Aksum oo dhulka Tigreega ah ee maanta. Dadka
guullaha badan aad uga gaadhay dagaalladaas, ee labadaa Qowmiyadood ee Amxaaro iyo Tigree u babac
dhigi kari waayeenna; waxay ahaayeen dadka Soomaalida.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 6
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
700 oo sanno ayey gulufyadaa colaadeed socdeen, waxa isasoo gaadhey afar jiil oo is dhaley in ay
hoggaamiyayaal dagaal noqdaan, waxa lagu qiyaasaa dagaalladii adduunka ugudhiigga badnaa. Xabashidu
waxyaabaha ay isugu hal-qabsan jirtey ee waaggaas laga reebay waxa kamid ah in ay isku dhahaan: "Birdhin
ama Soomaali baa diley!" Birdhin waa kelmad Af-Xabashi ah oo macnaheedu yahay qabow, maadaama
buuraleyda Itoobiya ay qabowdahay oo waxay u jeedaan labadaa wax aan aheyn Xabashida ma dilo. Waxa
kaloo jirtey dawladdii Ajuuraanka iyo qowmiyadda Oromada in dagaallo aad u qadhaadh, oo faraha looga
gubtay ay dhex mareen hilaaddii 1244-kii. Taas oo ay horseedday markuu qowmiyadda Oromadu ay
billowday is-ballaadhin ku wajahan dhulka Soomaalida ee ay maamusho dawladda Ajuuraanku.
( Jaantuska 5aad: Waxa uu muujinayaa Imaam Axmed Gurey “Duullaan-badane” oo waran
gelinaya wiilkii uu dhalay boqorkii Bortuqiiska ee Vasco da Gama, kolkiii dagaalka lagu jebiyey. )
Sooyaalkaas aan laga gayooneyn, ee aadka u adag una dhiigga badan ayaa ka dhexeeyey Soomaalida iyo
Xabashida. Waxase Soomaalida aad u wiiqayey felsafadda ku dhisan qabiilka. Taas oo horseedi jirtey
burburka dawladaha Soomaalida, waxa ayna taasi fursad u siin jirtey Itoobiyaanka in ay tallaabooyin hor
leh qaadaan inta ay isku jeedaan Soomaalidu. Waxa Geeska ku hardami jirey laba felsafadood oo midna ay
tahay Soomaalida-Muslinka ah ee xeebaha geeska Afrika heysta. Iyo Xabashida-Kiristaanka ah ee lagu
oodey buuraha Addis Ababa, oo aan bad iyo xeeb toona lahayn. Duullaanka iyo dilka lagu hayo, danta iyo
waayuhu badeen in aanay hilibka karinin, oo qeydhiinka ku cunaan. Khamrina iskaga dejiyaan, oo ilma
aragtayda ku gubaan, basbaaskana dufan uga dhigaya!
Arrintaas oo xataa horseedi jirtey in Xabashida ay usoo hiiliyaan dadyow aanay diir iyo deegaan midna
wadaagin, balse ay isku diin yihiin sida: Bortuqiiska iyo Masaarada-qibdiga Kiristaanka ah. Sida jaantuska
xagga sare ka muuqda, oo ah wiilka uu dhalay boqorkii Bortuqiisku ee Vasco da Gama oo Axmed Gure waran
ku mudayo, dhiigna ka qubanayo. Soomaalidana waa jirtey kol ay usoo hiilisey boqortooyadii
Cusmaaniyiintu, oo laba dagaal kala qeyb qaadatey. Balse, markii dambe Axmed Gurey uu u sheegay in ay
iska noqdaan Soomaaliduna ay isku filantahay. Waxaana uu Axmed Gurey ka cabsi qabey in Cusmaaniyiintu
is fidiyaan oo dhulka Soomaalida qabsadaan, sida lagu yaqaanno boqortooyooyinkii waaggaas.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 7
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Qeybta 3aad: Guumeystihii Reer Yurub iyo Geeska Afrika
Reer Yurub waxa ay yeesheen ilbaxnimo unkiddeedu ay soo taxnayd qarniyo badan. Taas oo bulshada xagg
kasta laga jafey, dadaal dheer oo muddo qaateyna lagu gaadhay. Waxa ay isu diyaariyeen in ay keenaan
felsafad lagu deydo, oo ay adduunka intiisa kalena ku maamulaan. Kolkay xaqiiqsadeen in adduunka ay
hormuud u noqon karaan, waxa ay bilaabeen oddorosid gundheer taas oo lagu sahaminayo dadka iyo
dhulalka ka fog ee adduunka. Waxa ay adduunka oo idil sahamaniyeen oo daraaseynayeen muddo lagu
qiyaaso illaa afar qarni oo kasoo bilaabmatay 1600-kii ilaa 1900-kii. Kolkii dabo iyo dacal la ogaaday
adduunka, waxa la damcay in loo qeybsado sidii loo guumeysan lahaa, ee loogu duuli lahaa.
Shirkii baarliin ee 1884-kii ayaa miiska la saaray khariiradda Afrika si loo qeybsado, iyadoo ay ku dhisayaan
danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale. Waxa ay isku sidkeen dad kala dano ah, kala isir ah, kala diin ah, kala
af ah, kala deegaan ah. Halka ay dad intaasba wadaagga kala durkiyeen, oo xuduudo kala dhex dhigeen.
Dhinaca kale ummadaha lagu soo duulley ee la guumeystay laftoodu, cawaan aan adduun war u hayn ayaa
ay ahaayeen. Intii ummadaha Yurubku iyo kuwo kaleba ay wax baadhayeen, wax akhrinayeen, wax
qorayeen halkee ayay joogeen? Sidii xayawaanka ayay baadka iyo biyaha kala boobayeen, ama sida
Soomaalida reer reer ceel iyo gabdho kala boobayeen!
Shirkaas oo socday intii u dhaxeysay 25-kii, Noofembar. 1884-kii iilaa 26-kii, Febraayo. 1885-kiii. Waxa uu
horseeday in reer Yurub ay qabsadaan badanka adduunka. Afar iyo toban dal ayaa shirkaas wakiilladoodu
ka qeyb galeen oo kala ahaa: Germany, Austria-Hungry, Belgium, Denmark, Spain, United States, France,
United Kingdom, Italy, Netherlands, Portugal, Russia, Sweden-Norway, Ottoman Empire.
( Jaantuska 6aad: Waxa ay labadan sawir muujinayaan sidii reer Yurub ay u qeybsadeen qaaradda Afrika. Inta midabka
basaliga ah leh waa Ingiriis, halka buluugga khafiifka ahna uu yahay Faransiis iwm. Jaantuska kalena waxa uu tilmaamayaa
fadhigii caasimadda Baarliin ee dalka Jarmalka. )
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 8
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Soomaalida oo waqtigaas aan dhaadsanayn sida loogu tashtay, ayaa iyagoo isku jeeda waxa ay mar keliya
ku war heleen iyadoo la dul joogo. Qaab-nololeedkii bulshada Soomaalida ee waqtigaas, oo ahaa in beel
beel iyo qabiil qabiil la isu maamulo, ayaa reer Yurub si fiican u daraaseeyeen kal hore. Ingiriiska oo Cadan
qabsaday, ayaa waxa uu Soomaalidii Waqooyiga joogtey kuwo kamid ah, oo markaas magaalada Cadan
joogay ku qalqaaliyey in uu dhulka yimaaddo. Sidoo kale waqtigaas waxa aad isu fidineysay boqortooyadii
Abyssinia ee Itoobiyaanka. Labadaa arrimood baa horseeday in Ingiriiska heshiis lagula galo in uu dhulka
yimaaddo. Dhowrkii qof ee kala beelaha kasoo jeeday, ayaa uu la galay heshiisyo isku wada mid ah. Kolkii
uu xeebaha Waqooyi yimidna, horjoogayaashii reeraha ayuu ku yidhi ma aqbalaysaan heshiiskan? Iyaguna
waa oggolaadeen. Heshiisyadaas oo ku kala astaysnaa xilliyo isu dhaw-dhow ayaa kala ahaa sidatan:
1. Agreement with Habar Awal, Berbera in 14, July 1884.
2. Agreement with Gedabuursi, Zeila in 11, December 1884.
3. Agreement with Habar Toljeclo, Aden in 26, December 1884.
4. Agreement with Eeza, Zeila in 31, December 1884.
5. Agreement with Eidangale|Habar-Gerhajis, Aden in 13, January 1885.
6. Agreement with Warsangali, Laskorey in 27, January 1886.
Dhanka kale ee Koonfurtana, waxa uu Talyaanigu heshiisyo la saxeexday saldanidihii ka jirey dhulkaas.
Kuwaas oo kala ahaa:
1. Agreement with Sultanate of Hobyo, Yusuf Ali Kenadid, 1888
2. Agreement with Majeerteenia, King Osman Mohamoud, 1888
3. Agreement with Hiraab Sultanate, Warsheekh.
Haddaynu dhinaca kale ee Jabuuti jalleecanana, waxa uu Faransiisku heshiis la galay salaadiintii Canfarta
iyo Soomaalida-Ciisaha. 11-kii, Maarso 1862-kii heshiiskii ay wada galeen Faransiiska iyo suldaankii Canfarta
Raieta Dini Ahmed ee ka dhacay caasimadda Baariis, waxa uu ku salaysnaa in Canafartu ay ku iibsadeen
dhulka Obokh lacag qiimaheedu dhanyahay 10,000 doollar. Kaddib 26-kii, Maarso 1885-kii, ayaa uu
Faransiisku heshiis la galey Soomaalida, waxa uuna heshiiskaasi dhigayey in ay noqdaan maxmiyad
hoostagta Faransiiska. Balse sidii Canfarta ma aysan iibsan dhulkii, waana midda badbaadisey dhulka
Jabuuti oo aysan noqon qeyb kamid ahi dhul Faransiis iibsadey.
Labada dhinac ee kala ah: Soomaali-Galbeed iyo NFD, iyaga labadaba waxa si toos ah dalalka ay maanta ka
tirsanyihiin u hoosgeeyey Ingiriiska. NFD isaga ayaa xukumi jirey, kaddibna ku daray Kiiniya. Halka dhulka
Soomaali Galbeed oo ay dawladdi Abyssinia isku fidisey waqtigii uu hoggaaminayey Menelikii labaad, aad
isugu ballaadhisey. 1-dii, Maarso 1896-kii ayaa uu Talyaanigu bilaabey in uu isku fidiyo dhulka Itoobiya,
isagoo kasoo galayey dhulka Eriteriya. Balse dagaalkii Adwa ayaa lagu jebiyey Talyaaniga. Waxaana dantu
ku qasabtey in uu heshiis nabadeed la sexeexdo Menelikii labaad.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 9
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Menelikii labaad waxa uu intii u dhaxeysay 1889-kii illaa 1904-tii ku hawlanaa sidii uu isugu fidin lahaa
deegaannada ku hareeraysan ee Soomaalida iyo Oromada. Laba jeer ayaa is fiditaanku ka koobnaa, kuwaas
oo kala ahaa: 1889-1896, taas oo uu Soomaalida ka qabsadey Herer illaa Diridhaba. Isagoo afarta jiho ee
kalena isku fidinayey. Markii labaad waxa ay ahayd 1897-1904, kolkaas oo iyadana uu ku qabsadey Hawd
iyo Receive Area. Waxaana Menelikii II lagu magaacaa “Aabbihii Itoobiya Cusub” ee maanta. Maadaama
uu yahay shakhsiga bud-dhigga u ahaa isfidinta Itoobiya, ee ay maanta uga taliso dhul cabbirkiisu
dhanyahay qiyaas ahaan 1-Million km2.
( Jaantuska 7aad: Waxa uu muujinayaa labadii jeer ee uu is fidiyey Menelikii labaad ee Abyssinia )
Kaddib dhimashadii Menelikii labaad(1844-1913) waxa talada Itoobiya la wareegay Lij Iyasu (Iyaasugii
shanaad) kaas oo xukunka dalkaas hayey intii u dhaxeysay 1913-kii - 1916-kii. Intaa wixii ka dambeeyey
waxa taladu gacanta u gashay boqorad Zewditu, oo ahayd mid u dhigmaysa boqorka oo kale. Waxa ayna
ahayd gabadhii ugu horreysay ee dal Afrikaan ah, oo la aqoonsanyahay si heer caalami ah ka talisa. Waxa
ay Zewditu xilka haysay intii u dhaxeysay 1916-kii – 1930-kii. Itoobiya walow ay Talyaaniga si dadban u
hoostagi jirtey, haddana madaxbannaanideeda waxa ku dul taagnaa Talyaaniga. Waxaana
madaxbannaanideeda caaalamiga ah carqaladeeyey dagaalkii labaad ee Itoobiyaan-Talyaaniga. Kaas oo ku
beegnaa bishiii Oktoobar sannaddii 1935-kii markii uu ku soo duulay Faashiistihii Talyaanigu. Kaddib
dhibaatooyin badan oo uu Talyaanigu ka geystay dalkaas. Ugu dambeyntii waxa gacanta ku dhigay Ingiriiska
oo si madaxbannaan aqoonsi u siiyey, kolkaas oo ahayd markii ay wada galeen heshiiskii loo bixiyey (Anglo-
Ethiopian Agreement) ee dhacay bishii Diisembar, 1944-kii. Waana heshiiska si aan gabbasho lahayn
Ingiriisku ugu saxeexay in ay u oggolyihiin qaadashada dhulka Hawdka iyo Receive Area(Soomaali Galbeed).
Seddex sanno kaddib, heshiis nabadeed dhexmaray Itoobiya iyo Talyaaniga oo ku beeggan 1947-kii, ayaa
uu Talyaanigu isaguna aqoonsaday madaxbannaanida Itoobiya.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 10
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Balse Soomaalidii Waqooyiga ee ka cabsi qabtey in ay Abyssinia isku fidiso, waxaaba si badheedh ah ugu
oggolaatey dawladdii Ingiriiska. Weliba markii ay Abyssinia is fidinaysayna kama aysan hadlin, waxbana
kama qaban. Waxaana Itoobiya ay lamid noqotey dawladihii reer Yurub ee boobayey dhulka Afrikaanka.
Iyaduna dhinaceeda ayay ka gashay waxa la qeybsanayo, badhkeedana xoog baa ay ku qaadatey. Duqeydii
Soomaalida Waqooyi, waxa ay ku warheshay 1954-kii, oo ay ogaadeen in dhulkaas la bixiyey. Ururkii
NUF(National United Front) oo ujeedkiisu ahaa in uu u dooddo dhulka Hawdka iyo Receive Area ee la
bixiyey, ayaa la aasaasay. Wefti ka koobnaa afar qof ayaa loo direy carriga Ingiriiska. Kuwaas oo kala ahaa:
Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Cabdillaahi, Maykal Maryama iyo Dubbe Cali Yare, balse waxa ay noqotey
wax ay ku hungoobeen uun.
( Jaantuska 8aad: Sawirkani waa weftigii NUF ee loo direy arrinta dhulka Itoobiya la siiyey in ay kala
soo hadlaan dawladda Ingiriiska. Waqtiga sawirkani waa 5-tii, Febraayo 1955-kii London, UK. )
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 11
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Qeybta 4aad: Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya
Tan iyo intii la aasaasay xisbigii LEEGADA, waxa dardar xooggan uu ka bilaabmay geyiga Soomaaliyeed. Kaas
oo lagu baadi-goobayo midaynta dadka Soomaalida, ee shanta qeybood loo kala dhambalay. Sidoo kale
waxa dabeysha midnimada Soomaalida aad u kiciyey kolkii la bixiyey dhulka Hawdka iyo Soomaali Galbeed,
kaas oo raad weyn ku reebay dadkii degganaa Waqooyiga. Guumeystaha laftiisu waxa uu dhisay Gole
kumeel-gaadh ah, oo inta ay xornimada qaadanayaan talada sii haya. Dhinaca Waqooyiga (British
Somaliland Protectrate) iyo Koonfurta (Italian Somalia Protectrate) waxa midna loo sii dhiibay Ururka
Qaramad Midoobey in ay 1960-ka inta laga gaadhayo sii hayaan talada, oo waa Koonfurta.
Halka Waqooyigana uu Ingiriiska korka ka maamulayey, balse Soomaali loo sii dhiibey talada illaa laga
gaadhayo 1960-ka. Balse, NFD iyo Soomaali Galbeed waxa caddaatey in aan la ogoleyn soo celinteeda.
Taariikhdeedana halkan laguma soo koobi karo, balse hadda ka hor qoraal aan ugu magac darey “Jabuuti
Ma Yeellan Kartaa Dawladnimo Qiimo Leh?” ayaan kaga hadlay taariikhda goonni-isu-taagga Jabuuti sida
uu ku yimid. (1) Labada Soomaali Galbeed iyo NFD qoraalkan dhexdiisa wixii aan ka gaadhno waan ku dhex
sheegi, wixii soo hadhana qoraal kale ayaan sooyaalkaas ka sameyn doonaa.
Waxa xusid mudan in boqorkii ka talinayey Itoobiya intii u dhaxeysay 1930-1975 ee Xayle Salaase, in uu aad
uga biyo diidsanaa in ay dadka Soomaalidu dal ama dawlad u gaar ah ay yeeshtaan. Waxa uu doonayey in
Itoobiya ay wada maamusho dhulka Soomaalida. Kolkii uu sannaddii 1966-kii ay kulmeen Xayle Salaase iyo
De Gullo oo ahaa madaxweynihii Faransiiska, waxa uu u sheegay in aan Jabuuti xornimo la siin. Balse
Faransiisku sii haysto, ama Itoobiya lagu soo wareejiyo. Isagoo diidanaa in ay la midoobaan Jamhuuriyadda
Soomaalida.
Afar sanno kaddib markii la aasaasay dawladdii Soomaaliyeed ee labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur, oo
ku beeggan 1964-kii ayaa Itoobiya dagaal ku soo qaadday Sooomaalida. Waxaana halkaas ka bilaabmay
dagaalladii 1946-kii ee xuduudda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Soomaalida. Waxa keliya ee Xayle Salaase
rabayna waxa ay ahayd inuu qabsado dhulkaas, oo aanay dawlad Soomaaliyeed ka dhalanin. Balse waxa ay
noqotey wax uu ku hunggoobay middaasi! Si guudna Itoobiyaanku, gaar ahaan siyaasiyiintu waxa ay
aaminsanyihiin in dawladda keliya ee Geeska Afrika ka jiraysaa ee waxtarka leh, in ay noqoto Itoobiya.
Waana hardankii soo jirey qarniyo badan, in aan wada noolaansho buuxda jiri karin inta qolo walba wax
dulmiyayso, ama midiba midda kale ku amar taaglaynayso oo duullaanka ku tahay.
Waxa xusid mudan Xayle Salaase ayaa hadal uu ka jeediyey magaalada Qabridaharre ee gobolka Jarar,
Soomaali Galbeed hilaaddii 1956-kii waxa uu yidhi: “ Soomaalidu waxa ay kamid tahay qoyska weyn ee
Itoobiya ”
1. Halkan ka akhriso qoraalka Jabuuti taariikheeda goonni-isu-taagga: https://abdifatahbarawani.wordpress.com/2019/05/24/jabuuti-ma-yeellan-kartaa-dawladnimo-qiimo-leh/
https://abdifatahbarawani.wordpress.com/2019/05/24/jabuuti-ma-yeellan-kartaa-dawladnimo-qiimo-leh/
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 12
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
( Jaantuska 9aad: Sawirradani waa qaar kamid ah ciidamadii Soomaalida ee xuduudda ka
dagaalamayey sannaddii 1964-kii. Gaar ahaan sawirka bidix waa 2-dii, Febraayo. 1964-kii. )
Waxa middaas lamid ah in marlabaad uu dagaal dhexmaray Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo Itoobiya, kaas
oo ku beeggan sannaddii 1977-kii. Dagaalkaas walow uusan ka fursanayn faahfaahin qoto dheer, oo
Soomaalida lafteedu ay waxbadan oo khuseeya ka dhoohantahay. Haddana, waxa uu kamid ahaa
dagaalladii dhexmaray labada dhinac mid kamid ah, weliba waxa la odhan karaa waa kii ugu saameynta
badnaa. Dagaalkaas oo Soomaalidu ka wada dheregsantahay halka uu ku dhammaadey. Waxa se waqtigaas
oo ku beeggan 1974-kii xilka laga tuurey taliskii Xayle Salaase ee boqortooyada, waxaana xukunka la
wareegay Mengistu Xayle Maryam. Mengiste oo ahaa shuuci raacsanaa dhinaca Ruushka, waxa uu keenay
nidaamkii hanti-wadaagga ee lagu yaqaannay ee keli-talisnimada, dilka, xorriyad la’aanta, dhaca, boobka,
xasuuqa iwm.
Taliska Mengiste oo ku caan ahaa magaca
“Dergi” waxa uu kolkii uu joogsadey dagaalkii
77-kii noqday mid hooya jabhadihii mucaaradka
ku ahaa Soomaaliya, sida: SSDF, SNM, iwm.
Waxa kamid ah waxyaabaha Mengiste iyo
jabhadaas dhexmaray: in Mengiste iyo
jabhaddii SNM ay ku wada heshiiyeen, oo ballan
ku wada galeen in dalka Soomaaliya la isku
dhaho ay kala jari doonaan, oo iyagu(SNM) ay
goosan doonto gobollada Waqooyiga. Waxa
sidan yidhi Cabdillaahi Yuusuf Axmed,
hoggaamiyihii jabhadda SSDF, weliba waa uu ku
dhaartay in ay sidaas ballan ku wada ahaayeen
Mengiste iyo SNM.
( Jaantuska 10naad: Sawirradani bidix waa Mengiste Xayle Maryam,
midigna waa boqor Xayle Salaase.)
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 13
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Sidaa si lamida ah Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo ka hadlayayey mar sida ay jabhaddiisii SSDF Itoobiya
magangeliyo uga heshay Itoobiya, ayaa waxa uu tilmaamay in markii uu la kulmay Mengiste Xayle Maryam
uu ku yidhi hadal ahaa sidatan: “ Annagu haddaanu nahay Itoobiyaan, shabeelka haddaanu dubka ku
dhegno masii dayno weligayo, ee ma nagu galeysaan hadddaad jabhadda SSDF tihiin!” Hadalkan oo ula
jeedku yahay, annagu haddaanu Soomaali gacanta ku dhigno, lagama yaabo inaanu sii deyno ee raalli maku
tihiin arrinkaas? Cabdullaahi Yuusuf waxa uu xusay in ay arrinkaas oggolaadeen, sidaasna kula heshiiyeen
Mengiste. Labadaas dhacdo ee taariikhiga ahba, waxa uu kaga warramay wareysiga uu weriye Cabdisalaan
Hereri la yeesahy Cabdilaahi Yuusuf Axmed sannaddii 2012-kii.
Hubeyntii jabhadaasi waxa ay carqalad weyn, oo dhabarjab ah ku noqotey dawladdii Soomaaliya. Dawladda
Soomaaliya lafteedu waxa ay hubeyn jirtey jabahadihii mucaaradka Itoobiya ee kala ahaa: WSLF, OLF, TPLF,
iwm. Labada dhinacba dab iyo holac ayaa midba midda kale ku shidaysey. Waxase sannaddii 1988-kii
dhacay heshiis taariikhi laba geesood ah kaas oo dhexmaray madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Siyaad
Barre iyo madaxweynihii Itoobiya Mengiste Xayle Maryam. Heshiiskaasi waxa uu daarnaa in labada
dhinacba ay joojiyaan hubeynta jabhadaha mucaaradka ah. Waxaana si gaar ah xusid mudan in Maxamed
Siyaad Barre uu dhulka Soomaali Galbeed u saxeexay si buuxdana uu uga tanaasuley, taas beddelkeedana
gacanta loo soo geliyo jabhadda SNM. Waana uu ka yeelay Mengiste arrinkaas. Balse, ma aysan dhicin
middaasi oo isla sannadkaas bishiisii toddobaad ayaa jabhaddii SNM si ismiidaamin ah gudaha ugu soo
gashay Soomaaliya.
( Jaantuska 11aad: Midig waa Maxamed Siyaad Barre, bidixna waa Mengistu Xayle Maryam.)
Wareysigii Maxamed Siyaad Barre lagula yeeshay dalka Jabuuti watigaas, hadalladiisii waxa kamid ahaa in
uu tilmaamay in aan loo baahnayn colaad sii waarta, loona baahanyahay in lasoo afjaro waxa ka dhexeeya
labada dal. Ayna tahay fikrad duuggowday, oo bulshda walaalaha ah(Itoobiyaanka iyo Soomaalida) kala
dileysa. Waxaanu sidoo kale go’aan ku gaadhnay buu yidhi in guddi loo saaro, baadha oo eegta waxa
mushkiladdan sababey. Waxase layaab leh in Maxamed Siyaad uu iska indho tirayayey waxa ka dhexeeyey
labada waddanna isu dagaalayeen. Sida hadalkiisa ku cadna, waxa uu fikrad duuggowday oo in laga
tanaasulo u baahan, colaad mooyee aan xal keenayna ee u sheegayaa waa raadinta ay dawladdiisu ugu
jirtey helitaanka Soomaali Galbeed, oo kamid noqota Jamhuuriyadda Soomaalida!
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 14
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Intaas kaddib, burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya. Waxa uu guulweyn oo la gaadhey u noqdey
Itoobiya. Maadaama oo teed weyn oo horyaallay uu meesha ka baxay, walow iyada Itoobiya lafteeda uu
isbeddel ku dhacay. Taas oo ahayd in kursiga laga tuurey Mengiste Xayle Maryam; oo jabhadihii hubeysnaa
xukunka dalka gacanta ku dhigeen. Haddana Itoobiya wax burbur ah ma aysan ku habsanin sida Soomaaliya,
ee keliya waxa isbeddelay mas’uuliyiinta dalka. Halka Soomaaliya la ogaa wixii dhacay, iyo sida xaaladdu
noqotey. Talana ay faraha ka baxday waqtigaas.!!
Waxa xusid mudan oddoros cajiib ah, oo uu sameeyey nin lagu magacaabo Dr. Cumar Cusmaan Raabi
hilaaddii 1989-kii. Markaas oo uu kamid ahaa Wasaaradda Gaaashaandhigga Soomaaliya. Dr. Cumar waxa
uu qorey buug yare uu ugu magac darey “ Soomaaliyeey: Halkee Baad Ku Socotaa? ” Buuggaas oo uu kaga
hadlayey damaca is-fidinta Itoobiya ee Geeska Afrika, ee mowdduucan aan wax ka qoreynaana ku
sahabsanyahay. Dr. Cumar waxa uu soo bandhigay jaantusyo uu ku muujinayo sida Itoobiya ay u qabsan
doonto Geeska Afrika, si tallaabo tallaabo ah. Waqtigaas uu wax oddorasayey oo xaaladda Soomaaliya
cakirneyd ayaa dadkii waagaas joogey ammankaag ku noqotey.
( Jaantuska 12aad: Waa Dr. Cumar Cusmaan Raabi, sawirka midigna waa
buugga uu qorey. )
Waxa uuna Dr. Raabi waqtigaas 1989-kii Wasaaradda dhexdeeda uu soo abaabuli jirey doodo iyo
mowdduucyo arrintan lagaga hadlayo. Waxa kale ee uu Dr. Raabi layaab ku noqotey markii 2006-dii ay
ciidamada Itoobiya gudaha usoo galeen Soomaaliya, ee weliba Wasaaraddii uu joogi jirey ay ciidamadii
Itoobiyaanku qabsadeen. Waxaaba uu kasii fajacey kolkii ay ciidamada Itoobiya ku fadhiisteen miiskii
saraakiisha ee Wasaaradda Gaashaandhigga. Waqtigaas oo uu muxaadarooyin ka jeedin jirey gudaha
magaalada Muqdisho sannaddii 2006-dii. Eebbe ha u naxariistee waxa uu geeriyoodey Dr. Cumar Raabi
magaalda Qaahira, ee dalka Masar sannaddii 2013-kii.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 15
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Bal u fiirso oddoroska Dr. Raabi uu ku muujiyey jaantusyadan hoose xaaladda Soomaalida dhulkooda:-
Xilliga:1884 Xilliga: 1977
Xilliga: 1977 kaddib Xilliga: 1991
Xilliga: 2019…? ….. ?
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 16
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Jaantuska oo isku xidhan dhammaantii: 1884 – 20… ?
( Jaantuska 14aad: Waxa uu muujinayaa sida ay isu fidinayo itoobiya laga soo bilaabo 1884-kii illaa …. ?)
Waxa arrinta se layaabka leh ay tahay, markii dhawaan bishii May ee sannadkan 2019-ka ay Wasaaradda
Arrimaha ee Itoobiya soo gelisey mareegteeda gaarka ah qoraal ay arrimo dhawr ah kaga hadlaysay.
Qoraalkaas waxa uu daarnaa arrimaha Itoobiya iyo xidhiidhada kala dhexeeya dalalka Afrika. Waxa kale o
oo uu daarnaa arrimaha webiga Niilka iyo Masar. Waxa xusid mudan hadal ku jirey qoraalkaas, kaas oo
tilmaamayey in sababta ay Soomaaliya iyo Itoobiya saaxiib u noqon waayeen ay tahay “riyada madhan ee
SoomaaliWeyn”, taas oo ay Soomaaliya ku dhisantahay kuna fikireyso hirgelinteeda. Khariiradda ay
qoraalkaas sawirka hore uga dhigtey ayaa Soomaalida dood ka dhex abuuray. Noqdayna wax Soomaalida
ay aad ula yaabtey lana fajacday! Bal sawirkaas ay soo gelisey Wasaaraddu mareegteeda iyo sawirka 8aad
ee xagga sare bal isbarbardhig ama sawirka 5aad ee bogga hore.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 17
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
( Jaantuska 15aad: Sawirka sare waaa bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, oo aad aragto khariirad muujinaysa
Koonfurta Soomaaliya oo noqotey qeyb Itoobiya kamid ah, halka Waqooyiguna ka maqanyahay. Sawirka hoosena waa
oddoroskii Dr. Cumar Raabi, waana wax uu muddo soddon sanno kahor sii sheegay AHUN. )
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 18
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Qeybta 5aad: Meles Senawi Asress iyo Itoobiyada Cusub
Itoobiyada waxa ay bishii May ee sannadkii 1991-kii gashay xaalad cusub, taas oo ahayd in taliskii dergiga
ee uu hoggaaminayey Mengistu Xayle Maryam dhacay. Waxaana talada la wareegay xisbigii EPDRF-ka.
Isjiidjiid dheer kaddib, oo dhisme dawlad cusub ah waxa sannadkii 1995-kii ay ku guuleysteen in ay
doorashada xisbiyada badan ee ugu horreysay ay qabtaan. Waxaana Raiisal Wasaare ka noqday Meles
Senawi Asress (1955-2012). Raiisal Wasaaraha cusub waxa uu gacan-qabad iyo taageere dhinac kasta leh
ka helay dawladdii Soomaaliya, kolkii qowmiyadda uu kasoo jeedo ee Tigreyga cadaadiska ba’an lagu hayey.
Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa uu wax ku bartey, dhalashada Soomaaliyana uu ka qaatey.
..
( Jaantuska 16aad: Waa sawirka Meles Senawi Asress oo da’yar ardayna ah. )
Meles Senawi Asress waxa uu ahaa nin aragti dheer, aadna u oddorosay Soomaalida intii uu Muqdisho
joogay. Waxa uu la kowsaday xilkiisu isbeddel xooggan oo dhammaan Geeska Afrika saameeyey. Waxa uu
gebi ahaanba beddelay nidaamkii boqortooyada ee Itoobiya. Waxa uuna keenay nidaam Dimuqraadi ah.
Waxa uu laalay nidaamkii dawlad dhexe ahaa, waxa uuna qowmiyad kasta oo itoobiya degta u oggoolaadey
in ay gobol cayyiman iyo xuduudo yeelato. Afkooda, diintooda, dhaqankooda, dhulkooda iyo
maamulkooduna uu gaar u noqdo. Noqdaanna kuwo kamid ah dawlad dhexe ee federaalka Itoobiya. Waxa
uu gebi ahaanba beddelay calankii, astaantii qaranka iyo wax kasta oo Itoobiyadii hore lala xidhiidhin karo.
Isbeddelkaas ku dhacay Itoobiya ayaa furfurey siyaasado badan oo ku xeernaa. Waxa aad jaantuska (17aad)
ee bogga kan ku xiga ka fiirin kartaa sida ay isu beddeshay astaanta Itoobiya. Astaanta Qaranka iyo Calanka
u dambeeyey ee 1991-kii kaddib la aasaasay waxa uu u taaganyahay federaalnimada Itoobiya. Arrintan
federaalnimada waxa aad uga biyo diidsanaa mudddooyin badan dadka maamuli jirey boqortooyadii
Abyssinia ee Amxaarada, kuwaas oo raba in Itoobiya noqoto sida calanka iyo sawirka koobaad ka muuqata.
Dhawaan sannadkan dhexdiisii waa kuwii isku dayey in ay gobolka Axmaarada ka sameeyaan inqilaab, kuna
diley taliyihii guud ee ciidanka Itoobiya, saraakiil dhawr ah, madaxweynihii gobolka Amxaarada. Arrintaas
oo muujinaysa in aanay oggolayn federaalnimada Itoobiya, balse ay rabaan in sideedii hore lagu celiyo
Itoobiya.
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 19
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
1897 – 1975: Abyssinia Age
1975 – 1991: Communism Age
Federalism Age: 1991 - … Now
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 20
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
20-kii, Ogoosto ee sannadkii 2012-kii oo ku beeggan maalintii uu geeriyooday Raiisal Wasaarihii Itoobiya ee
Meles Senawi Asress, ayaa doodo badan arrintaas ka dhex abuureen adduunka. Waxa la isweyddiinayey in
la diley oo la khaarijiyey iyo in kale? Wareysigii 2014-kii uu weriye Daahir Calasow kula yaashay dalka
Uganda Xuseen Maxamed Faarax Caydiid, oo ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya (2005-2006).
Waxa mar la weyddiiyey dhimashada Meles Senawi Asress waxa uu ka ogyahay, weliba isagoo weriye Daahir
Calasow usii bilaabaya hadalka waxa uu ku yidhi:
Daahir Calasow: “ Raiisal Wasaarihii Itoobiya ee geeriyooday Meles Senawi, waxa la leeyahay waxa ay
geeridiisu kusoo aadday xilli uu dalbadey siddeed boqol oo taangiyada dagaalka ah… il-wareedyo
madaxbannaan ama diblumaasiyiin ah waxa ay leeyihiin Meles Senawi waxa uu u dhintay sun, ee
geeridii Meles Senawi maxaad ka maqashay?
Xuseen Caydiid: “ Intaas hadda aad sheegtay ayaan ka maqlay! Een…. “
Daahir Calasow: “ In uu taangiyo dalbadey… Taangiyadu muxuu ku qaban lahaa ayaad isleedahay,
Siddeed boqol oo taangi markuu Meles Senawi dalbanayo? “
Xuseen Caydiid: “Dabcan, wixii ambition(hammigiisa/yoolkiisa) ahaa! Inta keliya waxaan ka ogahay in
yoolkiisu waqtigaas(2012-kii) ahaa in uu dekedaha kala wareego Geeska Afrika, labada Eriteriya iyo
seddexda Soomaaliya.. markaa yoolkiisu aad buu u weynaa. Arrintaasina uma aysan suurtogelin, isaga
oo nool ayuuna warqad soo qorey uu ku tilmaamayo in uu ku fashilmay arrinta Soomaaliya, laakiin
markan soo socota kuma fashilmi doono… “
Daahir Calasow: “ Markaa awood millitary ayuu rabay in uu ku qabsado Soomaaliya? “
Xuseen Caydiid: “ Haa!! Soomaalida qurbojoogta ah ayaa dhib weyn I gaadhsiiyey, laakiin Soomaalida
gudaha waan ka adkaadey ayuu yidhi. Balse, marka soo socota khalad ma geli doono, ee aan Soomaaliya
u soo tabaabusheysto! “
( Jaantuska 18aad: bidix waa Xuseen Caydiid, midigna waa weriye Daahir Calasow. )
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 21
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Dhimashadii Meles Senawi waxa Raiisal Wasaaraha dalka Itoobiya loo doortey Haile Mariam Desalegn.
Haddaba Raiisal Wasaarahaas oo jigjiga mar uu booqasho ku yimid, wareysi la yeeshay Cabdisalaan Hereri
oo ka tirsan muuq-baahiyaha Universal. Xilliga wareysiga oo ahaa 27-kii, Janaayo 2017-kii waxa wareysigaas
oo ku dhawaad saacad buuxda soconaya, qeybaha dambe ku jirta su’aal uu weyddiinayo Cabdisalaan raiisal
wasaaraha oo la xidhiidha arrinta kala go’a Soomaalilaan iyo Soomaaliya, raiisal wasaaraha oo ka
meermeeray, sheegayna in aanay xaq u lahayn Itoobiya in arrintaa talo ku yeelatey ayaa haddana carrabka
ku dhuftey:
RW Hailemariam: “ …. Balse haddaan aragtidayda shakhsiga ah kuu sheego, waxaan aamisananahay in
aanay Soomaalilaan goonni uga bixin Soomaaliya, ee laakiin dhammaantayo xitaa annagoo Itoobiya ah,
Soomaaliya, Suudaan, Eriteriya iyo Jabuuti aanu isku noqonno waddan keliya oo midaysan. Balse, taasi
hadda suurogal ma aha, lagumana dhawaaqi karayo in ay waddan keliya noqdaan. Se, waxa ay ila tahay
in aan ku billowno isdhexgal dhinaca dhaqaalaha ah oo la mideeyo, oo aanu siyaalo fara badan isu
dhexgalno. Dabadeed marka dambe uu yimaaddo midow dhinaca siyaasadda ah……“
( Jaantuska 19aad: Sawirkani waa wareysigii uu Jigjiga kula yeeshay Cabdisalaan Hereri,
raiisal wasaaraha Itoobiya ee Haile Mariam Desalegn. )
Arrintaas uu raiisal wasaare Haile Mariam ku tilmaamay wareysigaas, waxa uu isla marlabaad ku sheegay
khudbaddii caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana
khubaddiisii ka mid ahaa: “ …… To stand the site of the Somali people, in the remaining journey to see
peacfull and prosperity Somalia. Integrating clearly, inclosely in econmic ties with its neighbours”.
Hadalkan oo macnihiisu yahay: “ …… Si aan u garab istaagno dadka Soomaaliyeed, inta safarka ka hadhay
la arki doono Soomaaliya oo nabad iyo barwaaqo ah. Isdhexgal saafi ah, oo isu dhow oo dhinaca
dhaqaalaha ah ay la sameyso jaarkeeda…”. Waxa middaas lammaaneeya hadal uu Xuseen Maxamed
Faarax Caydiid yidhi sannadkii 2006-dii isagoo jooga caasimadda dalka Eriteriya ee Asmara, kaas oo ahaa in
xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ay isu furantahay maanta wixii ka dambeeya, ayna labada dal yeellan
doonaan hal baasaboor. Taas oo ka dhigan in labadoodu mid yihiin!!
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 22
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Haddaba 2-dii, Abriil 2018-kii waxa uu Haile Mariam Desalegn iska casilay xilkii rasiisal wasaaranimada ee
dalka Itoobiya. Isagoo noqday raiisal wasaarihii koobaad ee iska casila xilkaas tan iyo intii ay jirtey Itoobiya.
Maadaama oo dhammaan madaxdii ka horresay ay xilka iyagoo haya ku dhiman jireen, ama la inqilaabi
jirey, ama la khaarijin jirey. Iyadoo aanay caddayn sababta ka dambaysa is-casilaaddiisa, ayaa haddana waxa
loo aanayn karaa rabshadihii Itoobiya ka bilaabmay tan iyo markii uu dhintay Meles Senawi Asress.
Muddadii uu xilka hayey siyaasadda Itoobiya waa ay fadhiisan kari weydday. Dad badan baa la xidhay, kuwo
badanna la diley.
Intaas kaddib, waxa taladii dalka Itoobiya la wareegay Dr. Abiy Axmed Cali oo kasoo jeeda qowmiyadda
Oromada. Abiy waxa uu sidii Meles Senawi oo kale la kowsaday isbeddel xooggan, oo uu ku furfuray
siyaasaddii Itoobiya. Weliba furfurid iyo isbeddel aan weligeed Itoobiya laga fileynin. Taas oo uu ugu
horreeyo in Soomaali Galbeed cadaadiskii saarnaa laga qaadey. Madaxweynihii gobolka Soomaalida xilka
laga qaaday, lana xidhay. Jeelkii ummadda uu ku gummaadi jirey ee “JEEL OGAADEEN” isagana la furey, oo
dadkii laga soo daayey. Gobolka Soomaalida loo dhiibay nin da’yar oo ka furfuran kuwii hore. Jabhaddihii
mucaaradka Itoobiya sida: ONLF IYO OLF oo loo oggoolaadey in ay soo galaan gudaha Itoobiya. Dalkii
Eriteriya oo ay Itoobiya dhul ka haysatey oo isagana ay u celisey. Isku furan iyo isdhexgal ka dhex dhashay
Itoobiya iyo Eriteriya. Waxa kale oo uu isdhexgal aan la qiyaasi karin ka bilaabey Soomaaliya, oo uu weliba
Muqdisho kasoo degay, lana kulmay madaxweynaha Soomaaliya ee Maxamed Farmaajo.
( Jaantuska 20aad: Sawirka bidixdu waa Raiisal Wasaarihii hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn.
Sawirka midigna waa Raiisal Wasaaraha hadda ee Itoobiya Dr. Abiy Ahmed Ali. )
Qoraal aan faafiyey 5-tii, Maarso ee sannadkan 2019-ka. Ayaa aan kaga hadlay isbeddelka ka socda geeska
Afrika, kuna tilmaamay dhacdooyinka dhacaya iyo falanqeytoooda. Lifaaqan hoose ka akhriso qoraalkaas
oo aan ugu magacdarey “ Dhaqdhaqaaqa Isbeddel Ee Geeska: Nabad Mise Colaad? “ (2)
______________________________________
2. https://abdifatahbarawani.wordpress.com/2019/03/06/dhaqdhaqaaqa-isbeddel-ee-geeska-nabad-mise-colaad/
https://abdifatahbarawani.wordpress.com/2019/03/06/dhaqdhaqaaqa-isbeddel-ee-geeska-nabad-mise-colaad/
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 23
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Haddaba Abiy Ahmed doorashadiisii kaddib, waxa 16-kii, Juun ee sannadkan 2019-ka uu kasoo degay gegida
diyaaradaha ee Muqdisho, Aadan Cadde. Waxa uu la kulmey madaxaweynaha Soomaaliya ee Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo. Waxa ay halkaas kuwada galeen labada dhinac heshiis laba geesood ahaa.
Heshiiskaas oo aan aad u caddeyn qoddobadiisu, haddana shacabka Soomaalidu salluug weyn bay ka
muujiyeen. Qodobada ku jira waxa kamid ahaa in dawladda Itoobiya ay qunsilayado ku yeelato maamul
goboleedyada dawladda federaalka Soomaaliya. Qodobada kale ee heshiiska laba dhinac waxa kamid ahaa
in dawladda Itoobiya ay maalgashato afar dekedood oo Soomaaliya. Kaas oo u eg heshiiskii hore ee dekedda
Berbera iyo shirkadda DP World ee Imaaraadku hoggamaaminayey. Kaas oo mardambe ay soo muuqatey
in Itoobiya 19% ay ku leedahay dekedda Berbera. Iyadoo markii hore aanay ku jirin qodobada heshiiskaas
dawladda Itoobiya.
Kolkii uu ku noqday Abiy Ahmed dalkiisii Itoobiya, waxa uu warbaahinta kala hadlay safarkiisii iyo ujeedkiisa
waxaana hadalkiisii kamid ahaa:
“ …… Ka hadalka wixii ay geysteen Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam oo labaduba kala
xukumayey Soomaaliya iyo Itoobiya, in aysan ahayn xilligan kuwo macno badan usoo kordhinaya
shucuubta walaalaha ah. Waxaana aanu qaadi doonnaa tallaabo aan isdhexgal ku sameyn doonno,
midnimana looga dhalin doono labada shacab…… Waxa uuna heshiiskaasi na geliyey rejo badan.
Waxaanu si ku-meelgaadh ah u yeellan doonnaa iskaashi dhaqaale oo dhammeystiran. Innagoo
mustaqbalkana mideynayana laba shacab ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo xuubsiiban doonaa hal dal oo
mid ah. Sababtuna waxa ay tahay in aysan wax weyn ahayn dekedo la kireeyo, oo bun keliya laga
dhoofiyo…. Waxaanu u baaahannahay dal mid ah, gobol mid ah oo leh dekedo waaweyn iyo kheyraad
badan. Waana midda keliya ee aan ku heli karno suuq weyn. …… Soomaaliya badweyn ayay leedahay,
halka Itoobiyana aysan hal deked lahayn. Juquraafi ahaanna Soomaaliya meel istiraatiiji ayay ku taallaa,
oo aysan suurtogal ahayn in hal markab laga waayo….. Waana arrinta aad noo dhibaysa, maadaama
aan biyahaas la cabin waxna lagu beeran karin. Shacabka Itoobiyana ay la’yihiin hal deked oo ay
isticmaalaan…….. “
.
( Jaantuska 21aad: Midig Madaxweyne Farmaajo, Bidix Raiisal Wasaare Abiy Ahmed.
Waa 26-kii, Juun 2019-ka, Gegida Diyaarada Aadan Cadde, Muqdisho, Soomaaliya. )
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 24
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Warqaddan hoos ka muuqata, waxa baahisay wakaaladda siraha adduunka faafisa ee Wikileaks. Waxa laga
helay Safaaradda Sucuudiga ee dalka Jabuuti. Malaha wax taariikh iyo tixraac toona, balse waa warqad
astaantii boqortooyada Sucuudiga wadata. Warqaddan oo haddii qoraalka ku dhex qoran la eego,
noqoneysa mid ku beeggan 2009 – 2014. Maadaama oo ay ka hadlayso waqtigii madaxweynanimada
Faroole ee Buntilaan. Iyo sidoo kale waqtigi raiisal wasaarinimada Cabdiweli Gaas ee 2011-2012. Ayaa waxa
ay tilmaamaysaa in Soomaaliya loo kala qeybin doono afar gobol, kuwaas oo labo kamid ah ay qaadan
doonto Itoobiya, halka labo kamid ahna ay qaadan doonto Kiiniya.
( Jaantuska 22aad: Warqadda sirta ah ee ay baahisay Wikileaks. )
https://www.somalispot.com/threads/wikileak-says-somalia-will-be-split-in-to-four-region.12108/
https://www.somalispot.com/threads/wikileak-says-somalia-will-be-split-in-to-four-region.12108/
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 25
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Mac-hadka Daraaseynta Siyaasadda iyo Xidhiidhada Caalamiga ee loo yaqaan “Council on Foreign
Relations” kaas oo ah mac-had aan macaash doon ahayn, oo la aasaay sannadkii 1921-kii. Xaruntiisa guudna
ay tahay New York, America. Waxa sidoo kale uu xarumo ku leeyahay Washington iwm. Muuqaal shir ah oo
uu qabtey mac-hadku 8-dii, Juun 2015-kii, ayaa waxa kasoo muuqday Janan ka tirsan sirdoonka
boqortooyada dalka Sucuudiga oo lagu magacaabo Anwar Al-Cishqi. Waxyaabaha uu muuqaalkaasi ku
sahabsanaa waxa uu ahaa siyaasadda iyo istiraatiijiyadda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, haddaba
hadalkiisii, gaar ahaan inta uu kaga hadlayo Geeska Afrika oo aan hal-tebiyey waa sidatan:
“ ….. Dhinaca Jasiiradda Carabta waxa jirta meel kamid ah Rubcul-Khaaliga, kaas oo uu ceegaago batrool
loo baahanyahay. Waxaana ka ka dhalanaysa arrintaas in dawladaha Golaha Iskaashiga iyo Yaman in
ay u midoobaan ilaalintiisa iyo ilaalinta wixii laga kasbado. Midowgaasina waxa uu hannaankiisu yahay,
ama ay waajib tahay in hannaankiisa iyo qaab-dhismeedkiisu noqdo habka uu u dhisanyahay xeerka
Maraykanku, kaas oo mideeyey Maraykanka una horseeday dimuqraadiyad. Halka ka ceegaaga dhulka
Ogaadeen ee Itoobiya, waxa dawladaha Geeska Afrika lagu mideyn doonaa dawladda Itoobiya.
Waxaana la dhisi doonaa biriish/buundo kaas oo u dhaxayn doona Geeska Afrika iyo Jasiiradda Carbeed,
waana biriishka Nuur ee isku xidha magaalada Nuur ee Jabuuti iyo magaalada Nuur ee Yaman.
Arrinkaasina waxa uu u baahanyahay dhawr arrimood in la fuliyo:
1. In nabad laga dhex dhaliyo Carabta iyo Israaiiliyiinta.
2. In la beddelo hannaanka siyaasadeed ee dalka Iiraan.
3. Midaynta dalalka Golaha Iskaashiga ee Gacanka Carabta.
4. In Yaman la nabadeeyo, iyo in dib loo soo nooleeyo dekeddii xorta ahayd ee Cadan.
5. In la dhiso ciidan Carbeed oo ay barakeeyeen dawladaha reer Yurub iyo Maraykanku, si loo
ilaaliyo dawladaha Gacanta Carbeed, loona sugo sugnaanshiyahooda ama xasilloonidooda.
6. In si degdeg ah looga hirgeliyo dalalka Carbeed tiirarka dimuqraadiyadda ee ku salaysan diinta
Islaamka.
7. In sida nabad ah looga shaqeeyo sidii loo heli lahaa Kurdistaanka Weyn, maxaa yaaley arrinkaasi
waxa uu yareyn doonaa rabitaannada dalalka Iiraan, Turkiga, iyo Ciraaq, kuwaas oo mid kasta
seddex meelood meel ahaan looga soo jari doono Kurdistaan. “
( Jaantuska 23aad: Waa sawirka Janankii sucuudiyaanka ah ee magaciisu yahay Anwal Al-Cishqi. )
Qalinkii: Cabdifataax X. M. Barawaani 26
28, July. 2019 [ Itoobiya iyo Aragtidii Friedrich Ratzel (Lebansraum) ]
Gunnaanad
Guntii iyo gebogabadii qoraalka ayaynu soo gaadhnay. Waxa aynnu isku soo xidhnay taariikhda fog ee
Itoobiyadii hore, isbeddeladii ku dhacay, illaa maanta heerka ay mareyso. Waxa aynnu kusoo lifaaqnay
xidhiidhka ka dhexeeya Soomaalida Geeska Africa iyo Itoobiyadii hore iyo tan maantaba. Waxa aynnu soo
bandhigey saadaalin, oddorisid iyo aragtiyo kala duwan oo tibaaxaya qoryaasha lala maaganyahay Geeska
Afrika. Waxaana intaas raaca innagoo sharraxnay aragatida Lebansraum ee Friedrich, xidhiidh kala
dhexeeya dawladda Itoobiya. Taas oo aynnu ku lammaaneynay guumeystihii reer Yurub sida uu Geeska
Afrika ka yeelay. Biyo dhaca iyo aragtida guud ee qoraalkani xambaarsanyahay waa in la isku xidho, oo la
isku sidko taariikhdaas, aragtiyahaas, isbeddeledaas; oo ay Soomaalidu baraarug u yeelato waxa
hareeraheeda ka socda ah.
Waxaana lagama maarmaan ah in ay casharrada sooyaaleed aynnu wax ku qaadanno, ka ummad ahaan iyo
ka shakhsi ahaanba. Waxaana aan akhristaha ku boorrin lahaa, bal in uu isku sidko dhammaan waxa aynnu
kasoo hadalnay. Kaddib ayaad ogaan doontaa Soomaalidu xaaladda ay maanta ku sugantahay, iyo halka ay
ku dambeyn doonto. Si guud iyo si gaar ahaaneedba waxa aanay ka fursanayn in aynnu nafaheenno
dhaafno, oo indhaha iyo garaadka u furno waxa dunida kale damacsantahay iyo kuwa innagu
hareeraysanba.
Muhiimadduna ma aha in marwalba ay cududdu taliso, ee adduunka aan maanta noolnahay waxa inta
badan taliya qalinka iyo garaadka, labadaasi waxa ay go’aamiyaan ama nabad hallagu fuliyo ama qori
hallagu fuliyee, waa wax sugan oo dan u ah ciddaas, aadna looga baaraan degay. Halka innaga musiibadu
se, waa in cududdu taliso dabadeed hadhowto natiijo aan la mahadin laga dambarsado. Labada qodob ee
ugu weyn ee aan qoraalkaygan kusoo afmeerayaa waa in la yeeshto ogaal ballaadhan oo dhinac kasta
taabanaya, iyo in aqoon ballaadhan oo dhinac kasta taabanaysa la yeeshto. Waa badbaadada keliya ee
horumar iyo guul lagu gaadhi karo.
W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: abdifatahbarawani@hotmail.com
Web: abdifatahbarawani.wordpress.com
mailto:abdifatahbarawani@hotmail.comhttp://www.abdifatahbarawani.wordpress.com/