Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf ·...
Transcript of Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf ·...
![Page 1: Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf · Karin qiimaha uu leeyahay, laakiin marka uu gacantaada ka baxo ayaa la ogaada qiimaha](https://reader033.fdocument.pub/reader033/viewer/2022041711/5e4832a843b7a701dd344f90/html5/thumbnails/1.jpg)
Wacyi-galiye u adeega Da’yarta
Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010
Xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February
Dhallinyaradii ka qayb-qaadatay xuska maalinta dhallinyarada Somaliland
Eeg bogga 2aad
Xuska maalinta Dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February ...2
Wasaarada arimaha qoyska oo xus balaadhan u qabatay maalinta haweeynka adduunka ...2
Ceerigaabo: sidee ayay waxbarashadu u saamaysay caruurta reer miyiga ah ...4
Nabad la’aani waa hoy la’aan ...5
Jawaabaha dhakhtar KOOR ...6
Nasteexaynta ...7
Odhaahda sawirka ...8
Zâwt{tZâwt{tZâwt{tZâwt{t
Faa’iidooyinka waxbarashada hablaha ...5
X aflad aad u ballaadhan
oo lagu xusayey sannad
guuradii 28-naad ee ka
soo wareegtay maalintii dhagax
tuurka ee dhallinyaradii dugsiyadu
ka dhiidhiyeen xukunkii lagu ri-
dayey dhallinyaradaii UFFO, iyaga
oo dhagax kala hortagay ciidankii
taliskii Siyaad Barre sannadkii
1982-kii, ayaa lagu qabtay fa-
gaaraha beerta xorriyadda ee
caasimada Hargeysa. Xuskan oo ay
soo agaasimtay dallada ururada
dhallinyarada Somaliland ee
SONYO, isla markaana ay ka soo
qaybgaleen Wasiiro ka tirsan xuku-
mada Somaliland, Masuuliyiinta
Saddexda Xisbi Qaran, Xildhibaano,
Aqoonyahano, Madaxda dallada
SONYO, Dhallinyaro iyo marti
sharef kale oo faro badan.
Munaasibadan oo ku soo bilaab-
matay socod gaadis ah oo masuuli-
yiinta iyo dhallinyartu kaga soo bi-
laabeen Wasaarada Arimaha Gu-
daha horteeda, ayaa intii aan la
soo gaadhin beerta Xoriyada,
![Page 2: Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf · Karin qiimaha uu leeyahay, laakiin marka uu gacantaada ka baxo ayaa la ogaada qiimaha](https://reader033.fdocument.pub/reader033/viewer/2022041711/5e4832a843b7a701dd344f90/html5/thumbnails/2.jpg)
Xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February
Wasaaradda Arimaha Qoyska Oo Xaflad Balaadhan u Qabatay Xuska Maalinta Haweenka Adduunka
www. hyda.org 2
KOOR
taageero sidii noloshooda kor loogu
qaadi lahaa iyaguna ka tashadaan.
Waxa iyaguna halkaas ka hadlay
marti sharaf kale, dhamaantoodna
waxaa ay ka warameen doorka
haweenku ku leeyihiin dhisida
qaranka iyo mujtamacaba. Waxaanay
haweenwaynaha Somaliland u rajeey-
een guul iyo barwaaqo.
X uska Maalinta Haween Way-
naha dunida ayaa 8 March si
balaadhan looga xusay guud ahaan
Somaliland, gaar ahaan magaalada
Hargeysa oo lagu qabtay xaflad aad u
balaadhan oo ka dhacday Beerta Xori-
yada ee Magaalada Hargeysa. Xaflad
xuska Maalinta haweenka Dunida ee
8-da March 8, 2010 oo ay soo qaban
qaabisay wasaarada qoyska iyo horu-
marinta bulshadda, ayaa kooxo
haween ah oo si qurux badan u
labisan oo ay hor kacayaan kooxda
Musikada ee ciidamada Boolisku
waxa ay saaka subaxnimadii socod ku
soo mareen jidka wayn ee bad-
htamaha magaalada iyagoo ugu dan-
bayntii ku xerooday beerta Xoriyada.
Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen
madax kala duwan oo ay ka mid
ahaayeen wasiirada arimaha qoyska
iyo horumarinta Bulshada Marwo
Faadumo Suudi, wasiirka ciyaaraha,
G u d o o m i y a h a
H a y ’ a d d a
S h a q a a l a h a
qaranka, gudoomi-
yaha hay’adda xu-
quuqal insaanka
qaranka, xoghayaha
guud ee xisbiga
UDUB, masuuliyiin
ka kala socday
h a y ’ a d d a h a
caalamiga ah,
ururada bulshada
iyo dadweyne aad u tira badan.
Wasiirka wasaarada arimaha qoyska
iyo horumarinta bulshada Marwo
Faadumo Suudi oo ka hadashay
munaasibadaas ayaa ka warantay
doorka haweenku ku leeyihiin horu-
marinta bulshada iyo guud ahaan mu-
jtamaca, waxayna ka hadashay sida
loogu baahan yahay in haweenka laga
Aden Mire Waqaf oo dhamaantood
ku dheeraaday muhiimada ay maalin-
tani u leedahay dhallinyarada reer
Somaliland .
Wasiirka Dhalinyarta iyo Ciyaaruhu
iyo masuuliyiintii kale ee la socotay-ba
waxay Ubax-dhigeen Taalada laga hor
sameeyey Afaafka maxkamada
Gobolka Hargeysa, taaladaas oo loo
sameeyaya arday ka mid ah ardaydii
dugsiyada sare ee maalintaasi geeri-
yooday ardaygaas oo magaciisu ahaa
Barre Xaaji Cilmi Axmed. Intaas ka dib,
furitaanka madasha xuska waxaa ha-
dalo kooban ka soo jeediyay gudoo-
miyaha dalladda ururada dhallin-
yarada Somaliland ee SONYO Mudane
Yaxye Maxamuud Axmed (Ubaxle)
kaasi oo ku dheeraaday muhiimadda
ay maalintani dhallinyarada u leeda-
hay oo ah maalin ay si gaar ah u leeyi-
hiin. Gudoomiyaha wuxuu uu soo
sheegay in dhallinyarada reer Somali-
land dhibaatooyin badani haystaan .
Hadallada guddoomiyaha kadib waxa
madasha ka hadlay xildhibaan Max-
amed Maxamuud Cumar Xaashi,
Marwo Kaltuun Xaaji Daahir, Mujaa-
hid Boobe Yuusuf
Ducaale iyo Mu-
jaahid Cismaan
Awr-liqe oo
dhammaantood si
guud mar ah ugu
nuuxnuuxsada y
28 sano ka hor
sida xaalku ahaa
iyo maalintan qii-
maha badani sida
ay u dhacday. Isa-
guna waxaa hal-
kaa ka hadlay
wasiirka dhallin-
yarada iyo ci-
yaaraha waxaana
uu ku dheeraday
maalintan iyo muhii-
mada ay u leedahay
qaranka Jamhuuriyadda Soomaliand.
Waxa iyagan ka hadlay madashaas
Gudoomiyaha xiskbiga Kulmiye,
xoghayaha guud ee xisbiga UDUB iyo
Ka yimid boglga 1aad
Ururka HYDA oo ka qayb-qaatay xuska 28 aad ee maalinta Dhallinyarada Somaliland
![Page 3: Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf · Karin qiimaha uu leeyahay, laakiin marka uu gacantaada ka baxo ayaa la ogaada qiimaha](https://reader033.fdocument.pub/reader033/viewer/2022041711/5e4832a843b7a701dd344f90/html5/thumbnails/3.jpg)
Vol: 23, No. 30, March 2010
www.hyda.org 3
Sidee ayuu HIV/AIDS – ku ku soo galay qaarada Afrika Maxamed Saleebaan Nuur
Burco, Somaliland
toosnaado diinteena suuban ee
Islaamka, taas oo ina bartay
dhamaan marxaladaha aynu ku
badbaadi karno oo dhan.
S anadkii 1983 oo uu dagaal uu
dhex maray wadamada Tan-
saaniya iyo Ugandha, ayaa uu
xanuunkani sida la sheego aad u
fiday, gaar ahaan waxa uu aad ugu
faafay dadka qaxootiga ah. Hadaba
su’aasha ayaa ah side layskugu
gudbiyaa fayraska HIV?
Siyaabo badan ayaa uu ku gudbi
karaa fayraskani, waxaana ka mid
ah in iyadoo laysku shubo dhiig qof
qaba fayraska HIV. Hooyadu had-
dii ay fayraska leedahay, waa ay u
gudbin kartaa ilmaheeda.
Su’aasha labaad ee mudan in laga
jawaabo iyana ayaa ah waxyaa-
baha kale ee aan laga qaadin HIV/
AIDS ka, waxaanay kala yihiin; sax-
arada, ilmada, kaadida iyo
dhididka, laakiin waa haddii aanay
dhamaantood dhiig wadanin. Had-
dii ay dhiig fayrasku ku jiro wataan,
waxaa suurto gal ah in ay in laga
qaado xanuunkii. Iyana waxaa mu-
hiim ah in aynu ogaano sidee ayaa
layskaga ilaalin karaa xanuunan.
Sida ugu quruxda badan ee lay-
skaga ilaalin karaa ayaa ah in lagu
sidee ayay dhallinyaradeenu horumar wax ku ool ah u samayn karaan
M aanta sida aynu ka war
qabno dhallinyaradu waa
dhaayaha ama muraayada uu wa-
dan kastaa leeyahay. Haddii ay mu-
raayadaasi wax noqoto, waxaa la
garan karaa in mustaqbalka dhaw
ee wadankaasi madmadow galayo.
Hadaba dhibaatooyinka u badan ee
dhallinyaradeena haysta kuwaas oo
dhaqaale ahaan iyo caafimaad
ahaanba saamayn wayn ku leh
waxaa ka mid ah waxa aynu u
naqaano sigaarka ama buuriga.
Hadaba waxaan jeclaan lahaa in
aan gabay ahaan ku soo bandhigo
waxyeelooyinka uu buurigu ku
hayo dhallinyaradeena:
Buurigan dhiigiyo,
Barta wadnaha dhuuxiyo,
Beerkiyo ka cad dheeftiisa,
Baabiinaaya dhiigee,
Dhadhankiisu daranyahee,
Cabdi dayib Aaden Markaad been ka dhaadhacdid,
Ee aad runta dheehadtid,
Buuri waa dhameeyoo,
Dhulku wuxuu dhigaayaa,
Kuwii dheeha ku raacee,
Dhadamiyey dhawr bari,
Unugyadooda dhiigee,
Dhamaan dadka dhiga ,
Buuriga dhiga ciridka,
Iyo dibnaha dhexdooda,
Dhab u eeg jidhkoodoo,
Dhiigoodii meeyoo,
Bal dheeho muuqoodoo,
Dhumucdoodii meedayo,
Dhakhtaradu sidoodaba,
ma ku sheegay dhiig yari,
Doqon dhameeye weeyee,
Dhaqaajiyo maankee,
Dhag jalaq u siinina,
Aan dhab u sheegee,
Dhugta hadalkayga.
Indhahana u roonayn,
Dhiiguu cabaayoo,
Ciridkuu dhuraayoo,
Dhuuxuu shubaayoo,
Dhagartuu galaybaa,
Idin dhigane garta,
Dhanka aad ka eegtaanba,
Dhagar laawe weeyaan,
Dheegow hadaad tidhii,
Waa mid dheeha dahabka leh,
Dhadhankiisu macaanyahoo,
Malabkaba badh dheeroo,
Sixirkuna qaali maahoo,
Naftana dheeheeda,
Dhumucdiyo muuqeeda,
Dharaar cad la moodaa,
Midabkeeda dheeha leh,
Dheegow dhagayso oo,
Dhabtiisu kuu qalnee,
Dharaar marka la dhaafaba,
Waxaa loo soo dhurmayaa,
Dhabtii aakhiro weeyee,
![Page 4: Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf · Karin qiimaha uu leeyahay, laakiin marka uu gacantaada ka baxo ayaa la ogaada qiimaha](https://reader033.fdocument.pub/reader033/viewer/2022041711/5e4832a843b7a701dd344f90/html5/thumbnails/4.jpg)
Ceerigaabo: Saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen waxbarashada caruurta Farxaan Maxamuud Xidig Isuduwaha KOOR ee G.Sanaag
www. hyda.org 4
KOOR
sii hawl badan.
Geba gabadii degaamadan oo ah de-
gaamo ay dadku aad ugu badan yihiin
isla markaana ay intooda badan
noloshoodu ku xidhan tahay Beeyada,
xoolaha iyo beeraha ayaa waxaa xarun
u ah magaalada Gudmo biyo cas oo
qiyaastii 93 km dhica galbeed kaga
beegan magalo madaxda gobolka
Sanaag ee Ceerigaabo.
S ida aan la socono, waxbarashadu
waxaa badanka ku koobantahay
magaalooyinka waaweyn, iyada oo
aan soo gaadhin tuulooyinka yar-yar.
Hadaba waxaan la kulmay caruur yar-
yar oo ay da’doodu u dhaxayso 8jir
ilaa 12 jir si aan u ogaano baahida
dhabta ah ee ka jirta dhinaca waxba-
rashada caruurta, iyaga oo dhamaan-
tood jeclaan lahaa waxbarasho haddii
ay heli lahaayeen.Caruurtii aan la kul-
may waxaa ka mid ah Maxamed
Jaamac Diirye oo ah wiil yar oo 9 jir
ah oo ku nool degaanka Gudmo biyo
cas waxaana uu iiga waramay dareen-
kiisa ku wajahan inuu waxbarsho helo.
Waxaana uu yidhi “aad baan u jecela-
hay inaan waxbarasho helo, marka ay
caruurta magaladu halkan yimaadaan
waxay sitaan dhar fiic-fiican gaadhi ay
ku ciyaaran iyo wax wanaagsan waxaa
kale oo ay noogu faanaan inay waalid-
kood wax bareen, waxay ka shee-
keeyaan iskuulkoodii, waxayna yid-
haahdaan idinku reer miyi ayaad ti-
hiin, waalidkiinuna waxba idinma
barin anagana waalidkaygu waxaa ay
noo diraan inaan adhiga raacno oo
aan ilaalino”
Isku soo wada duuboo dhibaatada
caruurta haysataa waa mid aad u
baaxad ballaadhan oo ay ka muuqato
waxyaabo cid kastaa dareemi karto
marka loo eego hawlaha badan ee ay
u qabtaan dadkooda oo ay ka midka
yihiin raacida xoolaha oo aad u dhib
badan, maadama ay tahay dhul
buuraley ah iyo beeraha oo iyaguna ka
Caruur ka shaqaynaysa beeraha, halkii ay wax ka baran lahaayeen
Arimaha saameeya guurka waara
isku doortaan diin, dhaqan iyo
waliba akhlaaqda. Laakiin sidaynu
aragno waxa sanadahan dambe
lamaanayaashu isku .doortaan la-
cag, qurux, qurba joognimo iyo
waxyaabo kale oo aan caawinayn in
uu guurkoogu raago.
Gaba-gabadii waxaan jeclaan lahaa
in aan dhallinyarada xasuusiyo
dhallinyarada asbaabihii ay di-
inteenu inoo sheegtay in gabadha
lagu dooron karo oo ahaa ku dooro
diinteeda, sharafteeda, hantideeda
iyo waliba quruxdeeda. Nabigeenu
NNKH waxaa uu aad u sii dhiiri gali-
yey gabadha diinta leh.
G uurku waa shay muhiim u ah
aas-aaska bulsho kasta oo
meel ku wada nool. Haddaba, Illaa-
hay (SWT) waxaa uu abuuray
Aadam, waxaana uu lamaane uga
dhigay Xaawa isagoo ka abuuray
feedhiisa si ay u tarmaan una no-
qdaan umad dhan.
Sidaa awgeed inagoo og in guurku
yahay meesha uu ka unkamo bul-
sha waa inaynu ka fikirnaa sidii uu
u noqon lahaa mid waara oo laga
midha dhaliyo, si loo gaadho ha-
dafyadii laga lahaa. Guurku waxaa
uu waaraa iyadoo labada qof ee
lamaanaha ah ee rabaa inay reer
waara oo ay ku nastaan dhisaan ay
Ugbaad C/raxmaan Cismaan
![Page 5: Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf · Karin qiimaha uu leeyahay, laakiin marka uu gacantaada ka baxo ayaa la ogaada qiimaha](https://reader033.fdocument.pub/reader033/viewer/2022041711/5e4832a843b7a701dd344f90/html5/thumbnails/5.jpg)
W axbarashadu waa shay la-
gama maarmaan u ah
nolosha biniaadamka rag iyo du-
marba. Hadaba waayadii hore
waxay ahaayeen qaar aan waxba
baran, joogana guryaha una
shaqeeya wiilashooda oo iyagu
waxbarasho ku maqnaa. Waalidku
waxa uu aaminsanaa in gabadh
wax barataa aanay kolay faa’iido
lahayn, maadaama oo ay guri ku
dambaynayso iyo caruur. Taasina
waxa ay noqotay arin dhib wayn ku
keentay hooyooyin badan oo ca-
ruurtooda caawin lahaa haddii ay
wax baran lahaayeen. Hadaba
waxaa fiican in hablaha lala
dedaalo, waxna la baro waayo waa
hooyooyinka mustaqbalka noqon
doonana aas-aaska bulshada. Had-
dii ay hooyadu wanaagsanaato
waxaa soo baxaya bulsho wanaag-
san, laakiin haddii ay hooyadu
cilmiga ka dhago xidhantahay,
waxaa soo baxaya bulsho ka aradan
waxbarashada. Gabo gabadii
waxaan odhan lahaa ‘gabadh wax
la baraa waa qaran wax la baray,
wiil wax la baranaa waa qof wax la
Nabad la’aan waa hoy la’aan
N abadu waa shay qaali ah oo ay
la’aanteed noloshu cidhiidhi
gasho. Nabada ayaa lagu gaadhaa
shay kasta oo aad ku hamiyayso ama
aad doonaysid in aad gaadho. Maah-
maah soomaaliyeed ayaa tidhaahda “
nabad la’aani waa nolol la’aan”.
Maah-maahdani waxa ay si cad u qe-
exaysaa inay nabadu tahay shayga
lagama maarmaanka u ah nolosha.
Nabadu waa shay Illaahay oo kaliyi
keeno, oo aanu nooluhu keeni Karin,
isla markaana ciduu doono siiyo. Na-
badu waa ta keenta horumarka bul-
sho ama wadan, isla markaana na-
badu waa shayga kaliya ee lagu
gaadho wax kasta oo aad hiig-
sanayso. Hadaba waxaa jirta in shay
kasta marka uu gacantaada ku jiro
aanad dareemi
Karin qiimaha uu leeyahay, laakiin
marka uu gacantaada ka baxo ayaa la
ogaada qiimaha uu ku fadhiyaa, taas
waxaa ka dhigan nabada. Soomaalida
ayaa ku maahmaahda “caano yar iyo
ciidan yar marka la waayo ayaa lagar-
taa.”
Gaba-gabadii waxaan leeyahay aan
ilaashano nabadeena, iyadaa wax
kasta lagu helaaye.
Vol: 23, No. 30, March 2010
www.hyda.org 5
Faa’iidooyinka waxbarashada hablaha Xamda Cali Jaamac
Maxamed C/qaadir Ibraahim
Burco, Somaliland
Tahriibka iyo waxyeelooyinka ay dhallinyarada ku hayso
Maxamed Yuusuf Warsame
Dugsiga sare ee Blooming
w axaan jecelahay in aan
wax ka yidhaa waxa loogu
yeedho tahriib, luuqadeenana lagu
yidhaahdo ‘Suudal.’ Marka hore
waxaa wanaagsan in aynu is waydi-
ino waxa uu yahay tahriibku,
waxaanan jeclaan lahaa in aan kaga
jawaabo tixdan:
Tahriibay maxaad tahay,
Tiir taag leh baan ahay,
Taag yaruhu uu ku tiirsado,
Tuhun baan ku beeraa,
Tahriib aan idhaahdaa,
Tamar aan u diidaa,
Tiiraanyo aan ku beeraa,
Tol la’aan joojaa,
Tarab tarab u laayaa,
Taariikhdaydu waa taa,
Hadaba waxa aynu isla ogaanay
macnaha tahriib iyo waxyeelada
uu dhallinayarada u leeyahay. Dhi-
baatooyinka u badan ee uu dhal-
linyarada u gaysto hal iyo laba
maqaal toona kuma soo koobi
karno, laakiin waxaa ka mid ah in
dhallinyaradeena qaar ka mid ah
adoonsi ahaan loogu dhaqdo wa-
damada Afrika dhexdooda. Inta
yar ee ka badbaadana ay ku dhex
silcaan wadamada shisheeye ee
ay u tahriibayaan.
Maadaama oo aynu bini’aadam
aynu nahay waxa aynu leenahay
caqli aynu ku fikirno, kaas oo aynu
kaga duwanahay makhluuqa kale
ee uu Illaahay abuuray. Hadaba
waxaa loo baahan yahay in aynu
caqligaasi si fiican inoo shaqeeyo,
oo aynu ka digtoonaano khata-
raha muuqda ee aynu u bad-
heedhanayno.
Wa billaahi tawfiiq
![Page 6: Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf · Karin qiimaha uu leeyahay, laakiin marka uu gacantaada ka baxo ayaa la ogaada qiimaha](https://reader033.fdocument.pub/reader033/viewer/2022041711/5e4832a843b7a701dd344f90/html5/thumbnails/6.jpg)
S
Haddii aad isticmaasho maan-dooriyayaasha, ma qaadi kartaa HIV?
J
Haa. Si dadban ayaad ugu qaadi kartaa. Marka aad khamriga cab-tid waxa kaa lumaya gacan ku haynta dareenkaaga i yo dhaqankaaga. Waxa kaa lumaysa cabsidii aad ka cabsan lahayd fa-lalka halista ah. Marka aad khamro cabtid, waxa kuu fu-daanaysa in aad ku dhaqaaqdo galmo aanad iska hubsan, taas oo ku qadsiin karta HIV.
S
Muxuu difaaca jidhku iskaga ce-
lin waayey HIV sida uu iskaga
celiyo jeermisyada kale?
J
HIV ma aha sida jeermisyada kale. Jeermisyada kale waxa ay weeraraan unugyada jidhka qay-bihiisa kala duwan. HIV waxa uu toos u weeraraa unugyada habka difaaca laftooda. Waxa uu isku maraa unugyadaas, kadibna waa uu dhex gala. Marka uu gudaha uu galo unuga waa uu ku dhex tarmaa. Muddo ka dib, waxa uu qarxiyaa unugii waxaana dib ugu noqda qulqulka dhiigatiro badan oo HIV ah. Kuwanina waxa ay sameeyaan sidii oo kale si ay u sii bataan, wuxuuna noqdaa hab-kani joogto illaa uu HIV barabixi-nayo dhamaan unugyada difaaca jidhka.
S
Ayaad kala tashan kartaa in dhii-
gaaga laga baaro HIV iyo in kale?
J
U tag dhakhtarkaaga, ama tag cusbitaalka ama bukaan socodka (kilinik). Goobahan waxa aad ka helaysaa talada aad u baahan-tahay. Marka ay ogaadaan xaal-adaada, iyaga ayaa kuu gudbin doona shaybaarka dhiiga lagu eego, haddii aay lagama maar-maan noqoto.
S
Maxaa looga jeedaa ‘halista qaadista HIV’?
J
Taas macnaheedu waxaa weeye fursada ay dhiiggaaga ku gali karto HIV. Tusaale, haddii aad samayso galmo aanad u meel dayin, waxaa kor u kacaysa fur-sadaha aad ku qaadaysid HIV-ga.
www. hyda.org 6
KOOR
Jawaabaha Dhakhtar KOOR
Ku darso fikirkaaga Ku darso fikirkaaga Ku darso fikirkaaga Ku darso fikirkaaga wacygiwacygiwacygiwacygi----galiyaha galiyaha galiyaha galiyaha
KOORKOORKOORKOOR
![Page 7: Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf · Karin qiimaha uu leeyahay, laakiin marka uu gacantaada ka baxo ayaa la ogaada qiimaha](https://reader033.fdocument.pub/reader033/viewer/2022041711/5e4832a843b7a701dd344f90/html5/thumbnails/7.jpg)
Nasteexaynta HIV (Counselling) Qaybtii 13aad
Diyaariye: Dr. M.Y.Culimo
Marka qof laga baadho HIV, waxaa loo
baahanyahay in qofka la siiyo talooyin
wax ka badalaya dhaqankiisa iyo
noloshiisaba.
Baadhistaanka qofka laga baadho HIV
waa in ay noqoto mid u dhaxaysa
qofka la baadhaha ah iyo ka baadhaya.
Waa in aan qof seddexaad loo sheegin
hadii aanay daruuri ahayn iyada oo
aan ogolaansho laga helin qofkii la
baadhay.
Nasteexaynta loo samaynayo qofka
bukaha ah waxa ka mid ah in qofka
lagu dhiirigaliyo in uu si mutadawac ah
shaaca uga qaado xaaladiisa HIV-ga.
Tani waxay u sahlaysaa in xubnaha
qoyska ay qofka bukaha ah siiyaan taa-
geerada uu u baahanyahay iyo daryeel
wanaagsan oo uu ka helo guriga.
Mararka qaar waxa jira mashruuc u
ogalanaaaya shaqaalaha caafimaadka
ee gacanta ku haya qofka la nool HIV
inay uga waramaan xaalada qofkaasi
qoyskiisa haddii talooyinka la siiyo
qofka bukaha ahi ay wax u tari
waayaan iyo haddii ay dareemaan
qofkaasi uu fayraska HIV u gudbinayo
qof kale.
Baadhitaanka HIV ee lamaanayaasha is
qabaa waa muhiim, waana in
lamaanayaasha la dhiirigaliyaa in ay
iskood isku baadhaan. Waa in hoo-
yooyinka uurka lihiay xanaanooyinka
ka heli karaan talooyin la xidhiidha
nasteexaynta iyo isbaadhista xorta ah.
Vol: 23, No. 30, March 2010
www.hyda.org 7
W a x a
a a n u
waraysi
la yee-
l a n a y
arday ka
mid ah
ardayda
wax ka
b a r a t a
jaamac-
a d a
Hargeysa, waxaana uu na siiyey war-
bixintan:“waxaan dhigtaa Jaamac-
ada Hargeysa. Waxaanan ku guda
jiraa barashada caafimaadka. Aad
ayey u fiicantahay waxbarashaydu
waanan ku qanacsanahay. Inkasta
oo barashadu caafimaafku ka adag-
tay waxbarashada kale, hadana waa
muhiim. Sidaa daraadeed ayaa
waxaa loo baahan yahay samir
badan. Waxaan ku doortay qaybtan
si aan u caawiyo dadka baahan iyo
bulshada inteeda kaleba.”
“waxaan jecelahay in aan barto Caafimaadka”
Sidee ayaynu u ilaalin karnaa nadaafada deegaankeena Maxamed Axmed Maxamed (Boon)
S ida aynu ognahay, waxaa
baryahan dambe dalkeena ku
soo badanaya khataraha ku waaja-
han deegaankeena aynu ku noolna-
hay gaar ahaan dhirta. Hadaba waa
side sida ugu quman ee aynu u
ilaalin karnaa deegaaneena?
Aniga waxa ay ila tahay in aynu u
ilaalin karno deegaankeena:
1. Waa in aynu ilaalino
nadaafada deegaankeena
2. Waa in aynu horumarino
qaybaha kala duwan ee
deegaanka
Hadaba, sidee ayaynu uga shaqayn
karnaa nadaafada deegaankeena,
maxayse tahay nadaafada
lafteedu? Nadaafadu horta waa
shay noole kastaa u baahan yahay,
dad iyo xayawaanba. Sida ugu fii-
can ee nadaafada deegaanka loo
ilaalin karaa waa inaga oo dadka ku
wacyi galina khataraha ka dhalan
kara nafaafad dara sida xanuunada.
Waxaa jira xanuuno badan oo ka
dhasha nadaafad darada, kuwaas
waxaa
ka mid
a h
d a a c -
uunka,
kanee-
c a d a ,
s h u -
b a n
b i -
yoodka iyo qaar kale.
Gabo-gabadii waxaan kula tali-
nayaa dhamaan dadka in aynu
ilaashano deegaanka, inaga oo ka
joojinayna ama yaraynayna dhirta
la jarayo iyo waliba waxyaabaha
kale ee hadimada ku haya
deegaanka sida qashinka oo lagu
qubo.maadaama oo dhib iyo dhee-
fba inaga ayaa ku qabna e’.
HIV kuma gudbo
siyaabahan: • Is gacan qaadka
• Qufaca ama hindhisada
• Meel wada seexashada
• Wax wada cunida
• Wada isticmaalka suuli-
yada
• Meel ku wada maydha-
shada
• Dhar wada xidhashada
• Wax wada dhigashada
Ma aha in la mood in fayraskani
ku gudbo xidhiidhka caadiga ah
qofka la nool HIV lagula
sameeyo guriga iyo shaqada.
Maxamed C/laahi Maxamed
![Page 8: Vol: 23 No. 30 Somaliland March 2010 Zâwt{t ee 20-ka February March 2010 Final Edition.pdf · Karin qiimaha uu leeyahay, laakiin marka uu gacantaada ka baxo ayaa la ogaada qiimaha](https://reader033.fdocument.pub/reader033/viewer/2022041711/5e4832a843b7a701dd344f90/html5/thumbnails/8.jpg)
Horn Youth Development Association (HYDA)
Next Summer time hotel
Tell: 00 252 2 517447
Mob: 00 252 2 4410433
Email: [email protected]
Website: www.hyda.org
Waxa maalgaliyey: UNICEF
Odhaahda Sawirka
Hooyo anigu sanadkii sedexaad ayaan marayaa dugsiga e’ , I daaya
aan waxbarashada watee.
Aabahaa berri waa ina rarayaa dad iyo xoolaba, oo Hawd baa loo hayaamayaa
Hooyo, aabo u sheeg in aan jaa’is-adii ugu qaalisanayd la I siiyey oo aan ahay arday aan khasaarin tabaca waalidkiisa
Waa daw hooyo
Aabo, adigaba Illaahay kuuma baahin iskuul oo xoolaheenii baa meel kala waayeye maxaad ku falaysaa waxbarashada
Diyaar garow oo orod
oo xoolaha inoo raac
Aabo, xooluhu way dhamaadaan, laakiin waxbarashadu waa xoolo irmaan, oo aan lagaa dhici karayn inta aad nooshahay
Aabe iyo hooyo ninka waxbartay waa nin haysta dukaan wayn oo aan kacayn, lana dhici karaynin, aabo I daaya aan wax bartee Aabo, aqoon la’aani
waa iftiin la’aan