SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE...
Transcript of SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA ......Somali 5/2020 Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE...
Somali 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
SHAQOOYINKA XIRFADLAYAASHA DARYEELKA CAAFIMAADKA EE LA SHAQEEYA QOYSASKA
CARRUURTA LEH
Sawirada bogga hore: Papunetin kuvapankki, papunet.net, Elina Vanninen
Somali 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
HORDHAC
SHAQADA KALKAALISADA CAAFIMAADKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA
DHALAANKA IYO HOOYOOYINKA
(Terveydenhoitajan työnkuva äitiys ja lastenneuvolassa) .................................................... 3
SHAQADA DHAQTARKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA
(Lääkärin työnkuva lastenneuvolassa) ................................................................................. 4
SHAQADA DHAQTARKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYOOYINKA
(Lääkärin työnkuva äitiysneuvolassa) .................................................................................. 5
SHAQADA KALKAALISADA CAAFIMAADKA DARYEELKA CAAFIMAADKA ISKUULKA
(Terveydenhoitajan työnkuva kouluterveydenhuollossa) ..................................................... 6
SHAQADA DHAQTARKA DARYEELKA CAAFIMAADKA ISKUULKA
(Lääkärin työnkuva kouluterveydenhuollossa) ..................................................................... 7
SHAQADA SAYKOLOJIGA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA
(Neuvolapsykologin työnkuva) ............................................................................................. 8
SHAQADA SAYKOLOJIGA ISKUULKA
(Koulupsykologin työnkuva) ................................................................................................. 9
SHAQADA TERAABIYAHA HADALKA
(Puheterapeutin työnkuva) ................................................................................................. 10
FUUSIYOTERAABIYAHA ILMAHA
(Lasten fysioterapeutin työnkuva) ...................................................................................... 11
HAQADA TERAABIYAHA XUBNAHA JIRKA
(Toimintaterapeutin työnkuva) ........................................................................................... 12
TERAABIYAHA NAFAQEEYNTA CARRUURTA
(Lasten ravitsemusterapeutin työnkuva) ............................................................................ 13
Somali (Terveydenhoitajan työnkuva äitiys- ja lastenneuvolassa) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
SHAQADA KALKAALISADA CAAFIMAADKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA IYO HOOYOOYINKA Rugta daryeelka caafimaadka hooyooyinka booqashadeeda wexeey ka koobantahay
caadi ahaan qiyaasti 9-10 baaris kalkaaliso caafimaad iyo labo baarisdhakhtar. Rugta
daryeelka hooyooyinka kalkaalisada shaqadeedu waa la socoshada uurka caadiga ah.
Baaritaan waqtiga uurka wuxuu ka koobayahay ogaanshaha dumarka uurka leh
miisaankooda, cabirka dhiigkarka, kaadida iyo la socoshada unugyada cascas ee
dhiiga.Caafimaadka cunuga waxaa laga soconayaa korista ilmagalaha iyo qiimeeynta
dhinaca cunugu u jeedo iyo dhageeysiga codka wadnaha cunuga. Hadii loo baahdana
waxaa lagu sii hagaaya baaritaano kale. Rugta daryeelka ayaa hageeysa uurka socodkiisa
dhalista arimaha la xiriira. Kalkaalisada caafimaadka wexeey kale oo kala talineeysaa hab
nololeedka, sida nafaqeeynta iyo arimaha la xiriira jimicsiga dumarka uurka leh iyo
lamaaneheeda.
Caadi ahaan la socoshada ilmaha rugta cafimaadka dhalaanka wexeey ka koobantahay
qiyaastii 15 baaritaan caafimaadeed, kuwaas oo shan ka mida dhakhtarku ka
qeybqaadanaayo. Ilmuhu markuu dhalaanka yahay la kulanka kalkaalisada caafimaadku
weey badantahay bishii waa halmar ilaa ilmuhu gaaro lix bilood. Markaas ka dib
booqashada weey yaraaneeysaa. Ilmaha markeey 2 sano jirsadaan ka dib waxaa
baaritaanka lagu sameeynayaa sanadkii halmar. kalkaalisada caafimaadkaa wexeey kula
soconeeysaa baaritaano kala duwan ilmaha koritaankiisa, jir dhismeedkiisa, horumarkiisa
qalbiga iyo bulshonimada. Rugta dhalaanka waxaa lagu baarayaa ilmaha miisaankiisa,
dhererkiisa, wareega madaxa, araga, maqalka iyo horumarka hadalkiisa. Kalkaalisada
caafimaadka ayaa ilmaha da´da ciyaarta ku jira baariitaanka dareenwadayaasha ku
sameeyneeysa 3- iyo 4-jir iyo hadii loo baahdana waqtiyo ka baxsan da´daas. Waxaa
intaa dheer in kalkaalisada caafimaadka eey ilmaha ku daryeeleeyso talaalka oo eey u
siineeyso sida uu yahay barnaamijka talaalka qaranka. Kalkaalisada caafimaadka wexeey
waalidka ka caawisaa arimaha korinta ilamaha iyo qoyska la xiriira. Qoyska wexeey
helayaan kulan walba talo caafimaad tusaale dayeelka aasaasiga ee ilmaha, hurdadiisa
iyo arimaha la xiriira nafaqeeynta.
Adeegyada hooyooyinka iyo ilmaha waa u lacag la´aan macaamiilka. Kalkaalisada
caafimaadka wexeey wadashaqeeyn la sameeysaa hadii loo baahdo dhinacyo kale duwan
sida xanaanada, sooshaalka qoysaska ilmaha leh, korinta iyo rugta daryeelka qoyska,
saykolojiga rugta dayeelka, teraabiyaha nafaqeeynta, fuusiyoteraabiyaha iyo kalkaalisada
caafimaadka khaaska ah.
Somali (Lääkärin työnkuva lastenneuvolassa) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
SHAQADA DHAQTARKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA
Dhaqtarku wuxuu baaritaan ku sameeyaa ilmaha 6 wiig, 4 bilood, 8 bilood, 1,5 sanno iyo 4
sanno jirka. Baarista caafimaadka waxaa dheer in kalkaalisada cafimaadka ku soo hagto
dhaqtarka rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka hadii ilmaha korritaankiisa iyo
horumarkiisa lagu arko dhib.
Dhaqtarka shaqadiisaa waa inuu la socdo ilmaha korritaankiisa iyo horumarkiisa si wada
jira kalkaalisada cafimaadka. dhaqtarka wuxuu rugta ku baarayaa warbixinta koriinka
ilmaha iyo baaritaanada kale ee kalkaalisada caafimaadku qaaday jawaabahooda
(tusaale. 4-jirka araga, maqalka, kuwa da´da ciyaartana baaritaanka dareenwadayaasha).
Waxaa kale oo baaritaanka la fiirinaaya foomamka eey waalidka iyo shaqaalaha
xanaanada soo buuxiyeen.
Dhaqtarka markuu baarayo ilmaha waxaa lagu soo reebayaa xafaayada ama dharka
hoose. Dhaqtarka wuxuu dhageeysanayaa wadnaha. sambabada, indhuhuu baarayaa,
afka iyo dhagaha, calooshuu baarayaa iyo halbowlahabowdada garaaciisa jirkana wuu
fiiriinayaa. carruurta yar yar waxaa la eegayaa sinta iyo lafta madaxa meelaheey isaga
xirmato iyo nushnushka. Wiilasha waxaa laga baarayaa ineey xiniinyaha hoos u soo
degeen. Waxaa la baarayaa adadeega ilmaha iyo horumarkiisa dhaqdhaqaaqa, carruurta
da´da ciyaartana waxaa laga baaraayaa dhabarka iyo qaabka lugaha. Rugta wuxuu kale
oo ku eegayaa waalidka iyo ilmaha sideey xiriir u wada sameeynaya, ilmaha awoodiisa
xiriir sameeynta, xaaladiisa firfircooni, habdhaqankiisa, dhawaqa iyo hadalka sidoo kale
carruurta yar yarna araga, maqalka.
Dhaqtarka wuxuu u sheegayaa qoyska jawaabta baaritaanka. Jawaabta ka dib ayaa hadii
loo baahanyahay lagu heshiinayaa tusaale. kontoroolo cabiraad oo kalkaalisada
caafimaadka ah ama ku hagista fuusioteraabiyaha, teraabiyaha jirka, teraabiyaha hadalka
ama saykolojiga rugta daryeelka caafimaadka dhalaanka.
Somali (Lääkärin työnkuva äitiysneuvolassa) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
SHAQADA DHAQTARKA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYOOYINKA Dhaqtar rugta dayeelka caafimaadka hooyoyinka waxaa lala kulmaa waqtiga uurka labo
goor: qiyaastii wiiga uurka 15 iyo 35. Hadii loo baahdana kalkaalisada caafimaadka ayaa u
balamineeysa hooyada uurka leh dhaqtar heerku rabo uurku ha ahaadee. Dhalitaanka ka
dib dhaqtarka rugta daryeelka caafimaadka hooyooyinka baaritaanka umul ka bixista
sameeynayaa qiyaastii 6-8 wiig dhalitaanka ka dib. Lamaanahaaga wuu kuu soo raaci
karaa kulanka dhaqtarka.
Kulanka dhaqtarka ka hor hooyada uurka leh wexeey la kulmeeysaa kalkaalisada
caafimaadka. Balan walba waxaa la eegayaa cabirka dhiigkarka, misaanka, kaadida,
qoyska xaaladiisana waa laga wareeysanayaa. Kulanka rugta waxaa lagu eegayaaa
hooyada iyo ilmaha yar caafimaadkooda waxaana lagala sheekeeysanaya arimaha
qoyska feker ku haya. Dhaqtarku wuxuu sameeynayaa baaritaanka cudurada haweenka,
kaas oo la fiirinaayo xuub-cabeedka siilka, xaalada afka ilmagaleenka ayaa la
hubinaayaa,ineey ilmagaleenka si fiican u koray. Waxaa kale oo la dhageeysanayaa
ilmaha garaaca wadnihiisa. Waqtiga danbe ee uurkana waxaa la hubinaayaa, in ilmaha
dhinac saxa u jeedo (madaxu hoos jiro) iyo la qiimeeynaayaa miisaanka ilmaha iyo cabirka
simaha hooyada iyadoo laga fakaraayo dhaliinka soo socda.
Umusha ka bacdi waxaa la sameeynayaa baaritaanka dambe ee cudurada dumarka.
Waxaa kale oo laga wada fakaraayaa nooca ka hortaga uurka ee qoyska ku haboon, hadii
uur kale uusan qorshaha ugu jirin hada.
Dhaqtarka wuxuu u sheegayaa qoyska baaritaanka jawaabtiisa. Jawaabtaas ayaa hadii
loo baahdo lagu heshiinayaa booqasho kontorool kalkaalisada caafimaadka ama
dhaqtarka, hagayaa hooyada fuusiyoteraabiyaha ama saykolojiga rugta dayeelka
caafimaadka hooyooyinka ama waxaa loo qori karaa waraaq daryeelka bukaanka
khaaska ah.
Somali (Terveydenhoitajan työnkuva kouluterveydenhuollossa) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
SHAQADA KALKAALISADA CAAFIMAADKA DARYEELKA CAAFIMAADKA ISKUULKA Kalkaalisada caafimaadka iskuulka wexeey ku sameeysaa sannad walba baaritaan
caafimaad arday kasta. Markuu ardayga fasalka 1., 5. iyo 7.- 8. yahay, waxaa lagu
sameeyaa baaritaan caafimaad oo balaaran. Baaritaanka caafimaadka balaaran wuxuu
ka koobanyahay baaritaanka dhaqtarka iyo kan kalkaalisada caafimaaadka. Waxaana
loogu yeeraa ardayga waalidkiis. Kalkaalisada caafimaadka wexeey kale oo qabataa
waqtiyo lagu heshiiyey qaabilaad furan, midaas oo ardaydu balan la´aan imaan karaan.
Baaritaanka caafimaadka iskuulka waxaa lala soconaaya ardayga korritaankiisa,
horumarkiisa,caafimaadkiisa iyo nolol wanaagiisa. Baaritaanka kalkaalisada caafimaadka
wuxuu ka koobanyahay dhererka,miisaanka, araga,maqalka, la socoshada cabirka dhiig
karka. Waxaa intaa dheer in kalkaalisada caafimaadka eey ilmaha ku daryeeleeyso
talaalka oo eey u siineeyso sida uu yahay barnaamijka talaalka qaranka. Kalkaalisada
caafimaadka wexeey qiimeeyneeysaa hab nololeedka ilmaha wexeeyna siineeysaa
talooyinka caafimaadka la xiriira arimahaas. Baaritaanka caafimaadka waxaa lagu
ogaanaya iskuul dhigashada, waqtiga firaaqada iyo xaalada arimaha qoyska la xiriira.
Adeega daryeelka caafimaadka iskuulka waa u lacag la´aan qoyska. Kalkaalisada
caafimaadk wexeey wadashaqeyn dhow la sameeysaa dhaqtarka, waalidiinta iyo
macalimiinta iyo shaqaalaha iskuulka. Hadii loo baahdo kalkaalisada caafimaadka wexeey
ku hageeysaa ardayga fuusiyoteraabiyo, saykolojiga iskuulka, ama teraabiyaha
nafaqeeynta.
Somali (Lääkärin työnkuva kouluterveydenhuollossa) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
SHAQADA DHAQTARKA DARYEELKA CAAFIMAADKA ISKUULKA Baaritaanka dhaqtarka ardayda wexeey ka yimaadaan fasalka 1. fasalka 5. iyo fasalka 8.
Waa wax loo baahanyahay hadii waalidku baaritaanka imaan karaan. Dhaqtarka iskuulka
wuxuu la soconayaa korritaanka ilmaha iyo horumarkiisa isagoo wadashaqeeyn la
sameeynaya kalkaalisada caafimaadka. Dhaqtarku wuxuu eegayaa warbixinta korriinka
iyo baaritaanadii kalkaalisada caafimaadku sameeysay jawaabtoodii (tusaale. araga,
maqalka).
Baaritaanka dhaqtarka ardayga dhar yar ayaa lagu soo reebayaa. Dhaqtarku wuxuu
dhageeysanayaa wadnaha iyo sambabbada, afkuu fiirinayaa iyo dhagaha, qoortuu
taataabanayaa qanjirka tayroodka iyo qanjidhada, wuxuu taataabanayaa caloosha iyo
halbowlaha bowdada garaaciisa, jirkana wuu fiirinayaa. Wiilasha waxaa laga fiirinayaa
ineey xiniinyaha hoos u soo degeen, iyo in buuryadu ciriiri ku aheyn. Dhaqtarku wuxuu
fiirinaaya in ardayga u soo bexeen timaha la xiriira qaangaarka iyo gabdhaha naasaha
ama wiilasha xiniinyaha ineey weeynaadaan bilaabeen. Waxaa la fiirinaaya jir toosnaanta
ardayga. Waqtiga booqashaa xarunta dhaqtarka wuxuu la soconaaya habdhaqanka
ardayga (degganaansho la´aanta, baqdintiisa), u kuurgelista, isbedelada xaalada qalbiga
iyo wada xiriirka adayga iyo waalidkiis. Dhaqtarka wuxuu u sheegaaya qoyska jawaabta
baaritaanka. Jawaabtaas ayaa hadii loo baahdo lagu heshiinaya tusaale. baaritaan
dheeriya, kontorool cabiraad oo kalkaalisada caafimaadka ah ama ku hagis kuraatariga
iskuulka ama saykolojiga iskuulka.
Kalkaalisada caafimaadka wexeey ku soo hagi kartaa xarunta dhaqarka iskuulka fasalada
kale, hadii ardayga iskuulka dhigashadiisa ama waxbarashadiisa dhib ka jiro
(wadashaqeynta saykolojiga iskuulka), ama hadii ardayga korritaankiisa ama horumarka
qaangaarka si caadi ah u socon ama hadii tusaale. Madax xanuun waqti badan socday
ama calool xanuun ama daal aan caadi aheyn. Dhaqtarka iskuulka wuxuu baarayaa oo
daaweeynayaa isku kaadinta habeenkii/maalintii iyo xanuunada caadada ama finqooqa,
daawooyinka awooda leh ee iskaa isku daaweeyga farmashiyaha laga helo wax ka tari
waayeen.
Somali (Neuvolapsykologin työnkuva) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
SHAQADA SAYKOLOJIGA RUGTA DARYEELKA CAAFIMAADKA DHALAANKA
Saykolojigu waa qof shahaado jaamacadeed soo qaatay oo loo sharciyeeyey inuu noqdo
xirfadle arimaha caafimaadka ah. Saykolojiga rugta daryeelka caafimaadka shaqadiisu
waa shaqo ka hortaga howlaha dhimirka. Adeega waa lacag la´aan iyo amaan.
Adeega saykolojiga waxaa loogu talagalay macaamiisha rugta daryeelka caafimaadka
dhalaanka iyo hooyooyinka
hadii uurka iyo dhaliinka arimaha la xiriira welwel kugu hayaan
hadii nolosha cusub iyo la qabsiga waalidnimada kugu adkaato
hadii waalidku hayo dhaliinka ka bacdi ama waqtigii uurka welwel iyo
niyadjab biloowday
hadii ilmaha korritaankiisa ama horumarkiisa uu la xiriiro welwel
hadii ilmaha qiimeynta horumarkiisa/la socoshadeeda loo baahanyahay
baaritaan saykoloji
Saykolojiga rugta daryeelka cafimaadka dhalaanka wuxuu wadashaqeyn la sameeyaa
qolooyinka la shaqeeya qoysaska ilmaha leh (sida. rugta daryeelka caafimaadka
dhalaanka, xanaanada, teraabiyaha hadalka, teraabiyaha jirka, adeegyada qoyska).
Somali (Koulupsykologin työnkuva) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
SHAQADA SAYKOLOJIGA ISKUULKA Saykolojigu waa qof shahaado jaamacadeed soo qaatay oo la sharciyeeyey inuu noqdo
xirfadle arimaha caafimaadka. Saykolojiga iskuulka shaqadiisu wexeey ku saleeysantahay
sharciga daryeelka ardayda. Sharciga wuxuu waajib uga dhigaaya oo farayaa iskuulka
shaqaalihiisa wadashaqeyn.
Saykolojiga wuxuu ka caawinayaa bulshada iskuulka nololwanaaga isagoo ka
qeybqaadanaya qorsheynta iyo horumarinta caawinaadaha. Ujeedadu waa in laga hortago
dhibaatooyinka ardayga waxbarashadiisa caafimaadkiisa maskaxda iyo xiriirka
saaxiibadiis ama wax laga qabto waqti hore. Shaqada saykolojiga iskuulka wexeey
quseeyn kartaa arday keliya ama qoys keliya, kooxa ama fasal. Shaqadamacmiilka (ka
baaraandegis, baaritaano, booqasho caawinaad iyo wadatashi) waxaa intaas dheer
saykolojiga iskuulka wuxuu siiyaa talooyin iyo hagis ardayda waalidkood iyo kuwa
ugudhow korinta. Adeega waa lacag la´aan iyo amaan.
Adeega saykolojiga iskuulka waxaa loogu talagalay arday waxbarashada hore iyo tan
aasaasiga ah iyo waalidkood. Adeega waxaa lagu imaan karaa la soo xiriiris ee uma
baahna waraaq soo diris inaa ku timaato. Badanaa biloowga wadashqeeyntu wexeey ka
timaadaa dadka waaweyn ee iskuulka, waalidka, kuwa la shaqeeya ama ardayga shaqsi
ahaan.
Saykolojiga iskuulka waxaad la xiriiri kartaa
hadii ilmaha dareenkisa qalbiga amakorriinkiisa welwel laga qabo
hadii ilmaha waxbarashada dhib ka heeysato/ama dhibaatooyin u kuurgelista ah
hadii ilmaha uu dhib ka heesto isdhexgalka
hadii ilmaha/qoyska dhibaatoyin heeystaan
Caawinaadaha wanaagsan iyo xalalka waxaa lagu helaa intabadan wadatashi iyo ku
heshiin, wadashaqeeynta guriga iyo iskuulka iyo kuwa daryeelaya ama baxnaaninta.
Somali (Puheterapeutin työnkuva) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
SHAQADA TERAABIYAHA HADALKA
Teraabiyaha hadalka waa qof shahaado jaamacadeed soo qaatay oo loo sharciyeeyey
inuu noqdo xirfadle arimaha caafimaadka ah, kaas oo waajib ku tahay qarinta sirta.
Teraabiyaha hadalka badanaa waxaa lagu imaadaa waraaqda kalkaalisada caafimaadka
ama dhaqtarka. Teraabiyaha hadalka wuxuu qoyska caawinaayaa, markuu ilmaha
dhibaato ka heeysato horumarka hadalka ama wada xiriirka. Booqashada xarunta
teraabiyaha hadalka waxaa loo baahanyahay markeey tusaale, hadii ilmaha ku adagtahay
inu ku hadlo luuqadiisa hooyo, ilmaha hadalkiisa fasiix ma aha, llmuhu wuu shigshigaa
ama hadalka fahankiisaa ku adag. Marmar teraabiyaha hadalka wuxuu ka caawiyaa
arimaha raashin cunnista iyo liqida. Teraabiyaha hadalka wuu qiimeeynayaa wuuna
hagaayaa hadii loo baahdana wuxuu baxnaanin ka siinaayaa waxyaabihii ku adkaa ee
horey loo soo sheegay.
Ogolaanshaha qoyska teraabiyaha hadalka wuxuu wadashaqeyn la sameyn karaa
saykolojiga rugta daryeelka caaafimaadl dhalaanka iyo hadii loo baahdana ku hagaayaa
baaritaan dheeri ah daryeelka bukaanka khaaska ah.
Somali (Fysioterapeutin työnkuva) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
FUUSIYOTERAABIYAHA ILMAHA Fuusiyoteraabiyaha ilmaha shaqadeeda waa qiimeeynta, baxnaaninta iyo ka hortaga waqti
saxda ah dhibaatooyinka jimicsiga iyo awooda waxqabsiga. Fuusiyoteraabiyada ilmaha
hagista iyo talooyinka waxaa la siinayaa ilmaha iyo gaar ahaan ilmaha waalidiintood iyo
kuwa ilmaha nololmaalkeedkiisa qeyb ka ah sida, tusaale xanaanada iyo shaqaalaha
iskuulka. Sidaan waxaa waxaa looga hortegi karaa xadidnaanta jimicsiga iyo awooda
waxqabsasho.
Carruurta yar yar iyo kuwa da`da ciyaarta gaaray sababaha ugu badan eey u imaadaan
waa horumarka wadashaqeynta xubnaha iyo dhaqdhaqaaqa oo ka soo daaha iyo ka
duwanaansho, qalad ka jira addimada iyo dhibaatooyinka xubnaha dhaqdhaqaajinta jirka.
Carruurta iskuuleeyda wexeey rugta u imaadaan intabadan dhibaatooyinka qoorta iyo
garbaha, dhibaatooyinka saani isu taaga iyo qiimeeynta dhererka lugaha.
Fuusiyoteraabiyaha waxaa lagu imaan karaa waraaqda daryeelka bukaanka khaaska ah,
rugta caafimaadka dhalaanka ama xarunta caafimaadka dhaqtarkeeda ama kalkaalisada
rugta caafimaadka dhalaanka. Wixii 18-ka yar waa u lacag la´aan fuusiyoteraabiyada.
Somali (Toimintaterapeutin työnkuva) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
HAQADA TERAABIYAHA XUBNAHA JIRKA Dhibaatooyinka fudud ee ilmaha laguma ogaan karo nololmaalmeedkiisa guriga, ee
waxeey ka soo muuqanayaan tusaale xanaanada, waxbarashada hore ama iskuulka.
Markaas ayuu ilmuhu u baahanyahay caawimaad gaar u ah ama hagis si uu ula
jaanqaado ilmaha ficiisa. Cawinaada waxqabadka maalinlaha waxaa ilmaha loogu
daraaya baxnaanin, midaas oo teraabiyada xubnaha jirka eey ka mid tahay nooc ka mida
baxnaaninta. Teraabiyada xubnaha jirka waxa la qiimeeynayaa ilmaha diyaarsanaantiisa
iyo xirfadihiisa (xirfadaha farsamada gacanta, dhaqdhaqaaqa, fahanka araga ku xiran,
xirfad ciyaareedka) iyo sideey raad ugu yeeshaan siduu ilmuhu waxqabsashada
maalinlaha uga bixi karo(tusaale. dhar gashashada, raashin cunnista, ciyaarta).
Marka hore ilmaha waxaa qiimeynta teraabiyada xubnaha jirka u soo diraaya dhaqtar
ama shaaqalaha gaarka ah (tusaale. saykoloji, teraabistaha hadalka, fuusiyoteraabiga).
Qiimeeynta waxaa la isticmaalayaa baaritaano kala duwan (tusaale. howlo ilmaha keligiis
miiska lagula sameeynayo), wareeysi iyo u kuurgelista ilmaha waxqabadkiisa (tusaale.
ciyaarta, ciyaarahaiyowaxqabashada jimicsiga ku jiro). Badanaa booqashooyinka
qiimeynta xarunta waa 2-5. Qiimeynta ka dib waxaa guriga la siinayaa warbixintii
qiimeynteeda iyo hagitaan habka ilmaha koritaankiisa loo horemarinayo hadii loo
baahdana waxaa lagu heshiinayaa qeybo teraabiyada xubnaha jirka ah.
Qeyb teraabiyada xubnaha jirka ah wexeey noqon kartaa mid u gaara ama mid wadareed
waxaana lagu siinaaya xarunta hadii loo baahdana xanaanada, iskuulka ama guriga.
Somali (Ravitsemusterapeutin työnkuva) 5/2020
Tampereen kaupunki PL 487, 33101 TAMPERE Puh. 03 565 611
[email protected] www.tampere.fi Y-tunnus 0211675-2
TERAABIYAHA NAFAQEEYNTA CARRUURTA
Teraabiyaha nafaqeeynta wuxuu ka caawinaaya xaaladaha u baahan aqoonta dheeriga
ee nafaqeeynta. Kuwaas wexeey noqon karaan tusaale ahaan xasaasiyada cuntada,
keliyakI, cayilka, cuntada halka nooc ah, cuntada qudaarta ah, miisaankoo dhaca.
Kulanka teraabiyaha nafaqeynta waxaa la is weeydiinaayaa oo laga wadahadlaayaa
caadada cunto cunka ilmaha iyo cunnisteeda. Kulanka ka hor waxaa la soo buuxinaayaa
dhowr maalmood xusuus qor cuntada ah, midkaas oo teraabiyaha nafaqeeynta uu ku
qiimeeynaayo caadada cunto cunka ilmaha. Kulanka waxaa lagu hagaayaa hab nololeeda
caafimaad leh.
Xarunta teraabiyaha nafaqeeynta waxaa lagu tegi karaa waraaqda dirista ee kalkaalista
caafimaadka ama dhaqtarka. Teraabiyaha nafaqeeynta ayaa macaamiilka waqti balan
guriga ugu soo diraaya. Kulanka waa u lacag la´aan macaamiisha.