November 15, 2015 Howlaha Hor...

11
Email: [email protected] www.dalkajournal.com Magazine www.dalkajournal.com November 15, 2015 Howlaha Hor Yaalla Kalfadhiga 7-Aad Ee Golaha Shacabka

Transcript of November 15, 2015 Howlaha Hor...

Page 1: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

EducationAliquamos

egestasPellentesque viverra lectus eget urna

faucibus vitae laoreet

interview

blan venis nitMadaxweynaha Soomaaliya oo booqday Dalka Sacuudi Carabiya

google+Pellentesquehabitant morbidaPellentesque viverra lectus eget urna facebook vitae laoreet

3 5 9

Email: [email protected]

Magazinewww.dalkajournal.comNovember 15, 2015

Howlaha Hor Yaalla Kalfadhiga 7-Aad Ee Golaha Shacabka

Page 2: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

Socdaalladii Madaxweynaha Jamhuuriyadda

3

4

5

6

8

Booqashadii Taariikhiga Ahayd Ee Mudane Cumar Cabdirasiid Uu Ku Tegay Xeryaha Qaxootiga Kenya

Madaxda Qaranka oo Cambaareeyay Weerarradii Paris

Qaraxyada Shabaab: Inaan Joogno ogaada!!

Beerta Nabadda: Muuqaal Dalxiis oo Muqdisho ku soo kord-hay.

TUSMADA Socdaalladii Madaxweynaha Jamhuuriyadda

26 October Madaxweynaha Jam-huuriyadda mudane Xasan Sheikh Maxamuud waxa uu booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadatay ku tagay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Madaxweynuhu waxa uu kulan la qaatay boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdilcaziiz, waxa ayna labada hoggaamiye ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka kooxaha xagjir-ka ah ee suuradda xun ka bixinaya Islaamka.Madaxweynaha waxaa safarkiisa Sacuudi Carabiya ku wehliyay wasi-irro ka tirsan xukuumadda.28 October madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu magaalada New Delhi ee dalka India kaga qeyb galay shirka India iyo Afrika ( India Africa Summit), kaas oo looga hadlayay si-dii loo horumarin lahaa maalgashiga India ee Afrika iyo iskaashiga kala dhexeeya dalalka Afrika. Madaxw-eynuhu waxa uu shirkaas ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay fursadaha maal gashi ee aadka u waaweyn ee

ka jira Soomaaliya oo ka soo kabatay dagaalladii, haddana uu ka jiro am-maan la isku halleyn karo.31 October, madaxweynaha Jam-

huuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud waxa uu dhagax dhigay dhismaha sa-faaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta.

8 November , madaxweynuhu waxa uu booqasho ku tagay dalka Uganda, waxa uuna Kampala kula kulmay dhiggiisa Uganda Yuwer Museveni oo ay dalkiisu ka mid yahay dalal-ka ciidammada nabad ilaalintku ka joogaan Soomaaliya.9 November, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud waxa uu booqa-sho hal maalin ah ku tagay daka Dji-bouti ee aan walaalaha nahay,waxa uuna kulan la qaatay madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo labada shacab ee wa-laalaha ah.10 November , madaxweynaha Jam-huuriyaddu waxa uu magaalada Ri-yaad ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya uga qeyb galay shir-madax-eedka Carabta iyo Latine America, halkaas oo uu ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalkeenna

iy fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee ka jira.

11 Ma Sii Socon Doonaan Weerarada Hoteelada!!!

12Howlaha Hor Yaalla Kal-fadhiga 7-Aad Ee Golaha Shacabka

14Soomaaliya: 2016-ka ka dib

15Cabsi soo Wajahday Barakacayaasha Muqdisho ku nool

16Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Oo Ku Tallaabsatay Guulo Waaweyn

Page 3: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

DALKA MAGAZINE Somalia

DALKA MAGAZINE

5

Ra’isul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaali-ya, waxa uu dhawaan booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga ee Soomaalidu ku jirto, kuwaasoo kudhawaad rubac qarni halkaasi ku sugnaa, kaddib markii ay ka soo carareen, dagaalladii isku qa-daad qabsoonaa ee ka dhacay dalka gudihiisa kaddib markii la riday dowladdi dhexe ee Soomaaaliya.

Taasi darteed, dadkaasi Soomaaliyeed oo iyaga iyo caruurtooda xeryahaasi ku uruuray waxay indhawaalaba ku qabeen dhibaa-tooyin iyo caga jug layn kaga imaanaysay dowladd Kenya, iyadoo marar badan ku hanjabtay in dadkaasi Soomaaliyeed ay xoog kaga saari doonto Dhulkeeda, kaddib markii ay la kulantay qaraxyo badan iyo weeraro kaga imaanayay dhinaca Al-shabaab, taasoo qaxootiga Soomaaliyeed haba yaraatee aanan wax lug ah ku la-hayn weeraradaasi, laakiin Mudane Cumar C/rashiid booqashadii uu ku tay xeryahaasi, ayaa waxa ay noqotay mid taariikhda gasha oo la soo dhaweeyo.

Wuxuuna Mudane Cumar C/rashiid weydiiyay qaxootigaasi cidii diyaar u ah in ay dalkeeda ku laabato loo fududaynayo, taasoo

iyaguna ay ku soo dhaweeyeen gacmo furan oo haddiiba waxaa is diiwaan geliyay tiro aad u fara badan, maxaa yeelay warka Ra’isul wasaaraha ka sokoow waxay horay u dareen sanaayeen in sidii hore aan loo taban taabinaynin oo waxaa lagu haayay ciriiri aad u fara badan, hadday ahaan lahayd dhinaca maciishadda iyo am-nigaba.

Laakiin Ra’isul wasaare Cumar kaddib markii uu u kuur galay xaaaladda ay ku sugan yihiin ummadaasi Soomaaliyeed ayuu go’aankaasi gaaray oo ah in la soo raro kooxdii ugu horraysay, iyadoo loo diyaar garoobayo soo dhaweyntooda iyo dejintooda, arrinkaasina wuxuu noqday mid uu ku guulaystay Mudane Cumar C/rashiid.

Dhinaca kale, wuxuu Ra’isul wasaaruhu uu dhagax dhigay xarun-ta Safaaradda Soomaaliyeed oo horay loo iibsaday hase ahaatee dacwado dheer iyo dadaal badan kaddib ay ku soo dhacday ga-canta dowlada Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee Islii in ay door muhiim ah ka qaataan dhismaha xaruntaasi.Si la mid ah dunida kale oo dhan, dowladda Soomaaliya

waxay si adag u cambaareysay weerarradii argagixiso ee Jimcihii ina dhaafay ka dhacay magaalada Paris ee caasi-madda Faransiiska, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 120 qof oo rayid ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in uu aad uga naxay ugana murugooday weerarkii macno darrada ahaa ee argagixisadu ka geysteen Paris, waxa uuna sheegay in ay garab taagan yihiin sha-cabka reer Fransa.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhiggiisa Faransiiska iyo ehelada dadkii ku naf waayay weerarradii bahalnimo ee Paris.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaa-liya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa isaguna yiri “ Waxaan si xoog leh u cambaareynayaa weer-arkii bani’aadminimada ka dhanka ahaa ee Paris,waxaanna tacsi u dirayaa dadkii waayay kuwii ay jeclaayeen”.

In ka badan 127 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxyo, toogashooyin in falal afduub oo ka dhacay garoon

kubbadeed, masrax iyo makhaayado ku yaalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

200 oo qof dad ka badan ayaa ku dhaawacmay weerar-radan oo ay fuliyeen niman hubeysan oo qaarkood ay is qarxiyeen, halka kuwo kalena ay rasaas oodda uga qaa-deen dad ku jiray masrax ka dib markii ay go’doomiyeen.

Madaxweynaha Faransiiska, Fransua Holland ayaa sheegay in weerarka Paris uu yahay dagaal ka dhan ah France,waxa uu dhawaaqay xaalad deg deg ah iyo 3 maalmood oo baroor diiq ah, waxa uuna amray in la xiro xuduudda Faransiiska.

Waa weerarkii ugu dhiigga badnaa ee Faransiiska ka dha-ca qarnigan.

Kooxda argagixisada ah ee Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka ayaa si kulul u cam-baareeyay weerarrada argagixiso ee Paris, waxa ayna bal-lan qaadeen in ay iska kaashan doonaan la dagaallanka argagixisada.

Madaxda Qaranka oo Cambaareeyay Weerarradii Argagixiso Ee Paris

Booqashadii Taariikhiga Ahayd Ee Mudane Cumar Cabdirasiid Uu Ku Tegay Xeryaha

Qaxootiga Dhadhaab

Page 4: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

DALKA MAGAZINEDALKA MAGAZINE Somalia

DALKA MAGAZINE

DA

LKA

MA

GA

ZIN

E

Somalia

DALKA MAGAZINE

6 7

Taariikhda laguma haayo ismuujin sidaan oo kale ah, macnaha sida ay sameey-nayaan kooxda sheegata in ay Diinta islaamka u dagaal-amayaan ee baa bi’iyay wax kasta oo diinta xurmadeeda ahaa.waxay dilaan haweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan, xitaa Banziin ayay ku huriyaan markii ay dilayaan, dadka way gow-racaan sidii xoolaha, wayna daaawadaan kuna raax-eystaan rafashada marka ay naf baxayaan, waxay ku faanaan dadka dilkiisa. waxay dareeriyaan Aayado

Qur’aan ah markii ay sa-meeynaayaan falkaas xaara-anta ah, iyaga oo isu muuji-naya dad xagga Alle laga soo diray, biyo ayey ku hafiyaan qofkii diida awaaamiirtooda qalafasan ee ka soo horjeed-

da shareecada islaamka. kama jiriricoodaan Fi-

cilkooda, isumana arkaan in ay yihiin dad khaldan, hal ruux oo fiican kuma jiro rag iyo haween sida ay u yihiin,kuma jiro qof kaliya oo samaha ka shaqeeya,kuma arkaysid markii aad dhex

joogtid mid kaliya oo nax-ariis leh, waa dad wada hal Nuuc ah, ma qoslaan mana Muusoodaan dhamaantood waa wada qi-iraysan yihiin, ma ogi waxa ay Soomaa-

lidu ka haleysay. kuwaas aan sheegayo waa

duulka la baxay maga-ca quruxda badan ee Alshabaab,haatanna maga-caas ka dhigay magac la naco oo la karaahiy-eysto maqalkiisa oo dadka Soomaaliyeed u soo Uraya, waana xaq in sidaas loo naco magacaas iyo kuwa isu bixiyey,maxaa yeelay iyagoo adeegsanaya ayay magacaas ku dileen mu-waadiniin badan oo xalaal ah,aqoon yahanno, indheer garad, Odayaal dhaqameed, Saraakiil Ciidan, saraakiil rayid ah,iyo Shaqaale daw-ladeed ayay ku Dileen kuna gumaadeen.Waa hubaal in aan laga hor tagin markii hore, markii ay soo baxayeen oo ay bilowga ahaayeen, markii ay isku dhex qarinayeen maxka-madaha islaamka iyaga oo aan itaal badan lahayn, na-siib wanaag ugu dambayntii

Qaraxyada Shabaab: Inaan Joogno ogaada!!

iyaga uun baa is kashifay, iyaga oo qura ayaa qarsan waayey wixii ay caloosha noogu qarinayeen, iyaga ayaa bilaabay laynta dadka wax galka ah ee Soomaa-liyeed, markaas ayaana la baraarugay,laakiin baraa-ruggaas ma noqon mid la mahadiyo waayo? Si ficil ah loogama hortagin waraa-bayaashaas cabayey dhiigga wax galka Umadda Soomaa-liyeed, iyaguna waxay Di-layeen ruux kasta oo ay uga baqaan Jiritaankooda.Dadkii waa wareereen waxay kala garan waayeen maxkamadihii iyo kooxdii ku dhexdhuumaalaysanay-say ee nafta ka gooynaysay ruux kasta oo bulshada ka dhex muuqda, waxaa lagu wada ururay aqalada guda-hooda, waxaa la soo aadi waayey masaajidadii, Gab-alka marka uu dhacana waa la waayey qof rajo leh oo joo-ga goobaha lagu caweeyo, argagax ayaa dhacay iyo cabsi aan la aqoon meesha ay ka timid, qof kasta waxa uu dhagta ku hayey Raadi-yaha si uu uga maqlo wax la dilay oo uu garanayo,shib baa dhacday, iyo ha isku dhawaaqin.Muddo gaaban ka dib waa la kala miirmay waana la ogaa-day cidda wax dilaysay in ay yihiin duulkaan soomaalida lagu saliday ee la baxay Al shabaab,waa la miirsaday waxaana la bilaabay in la iska dhiciyo ma naxayaas-haan raadinaya wax intaas ka sii badan doonayana in ay soomaalida ka dhameeyaan inta qiimaha leh.

Dunida ayaa looga soo gurmaday shacbiga Soomaaliyeed waxaana lagu dhiiri galiyey in ay wax iska dhiciyaan inta aysan dabar Go’in, Soomaaliduna sidii lagula taliyey ayeey ku dhaqaaqday.Haatan Alshabaab military ahaan waa loo wiiqay,waana laga adkaaday,waxaana laga dhigay Hal haaday iyo Mid haybinaya, markooda ayaa noloshii ku adkaatay meel ay u ciirsadaana way la’yihiin waxaana loo baahan yahay in la is raaciyo,maadaama ay yihiin wax iimaanka laga qaaday oo aan ra-jjo lahayn,laakiin Soomaalida qaar ayaan rabin in shabaab la dabargooyo waayo? Waxay ugu turayaan Sanamkii soomaalida sida ay u badan yihiin ay caabudi jireen, Sanamkii laga kari waysnaa in ay ka dul tagaan, Sanamkii Qabyaaladda ahaa ee soomaalidu Aaminsanayd.Sanamkaas dartiis ayeey Alshabaab nafta ku jirtaa kula jirtaa ee mar hore ayaa la weyn lahaa muuqooda, fanfaniinka haatan dhacayana waa is muumuujintooda iyo in

ay iska dhigaan sidii ay beri ahaan jireen macnaha waa weli waan jirnaa,waana Joognaa. Qof ahaan ayaan u aaminsanahay xitaa haddii laga adkaado in aan mid qura laga reebin waayo waa Sun iyo kansar ku dha-cay soomaalida weliba waxay ka sii xun yihiin qabyaaladda waxayna mudan yihiin in la gumaado oo la laayo ilaa la waayo foodleey iyaga kaa soo hartay.Taasna waxaan daliil kaaga dhigayaa had-dii aad daliil iga waydiiso Nabiga csw waxa uu yiri kuwa ku dhuumanaaya Di-inta ee haddana magaceeda dilaya waa qa-waarij, meeshaad ku aragtaan ku dila.Gabagabdii waxaan halkaan ku qirayaa in nimankaasi soomaalida dhamaanteed ay la gudboon tahay in ay u wada guntadaan cirib tirka Alshabaab waa jabeene jabiya Qore: Cabdirisaaq Ahmed Absuge

WWW.DALKAJOURNAL.COM

Page 5: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeennu waxay maalinba maalinta ka dambeysa ka soo kabaneysaa daqar-radii ka soo gaaray dagaalladii dalka soo maray, waxayna soo ceshaneysaa muuqaalladii qurxoonaa ee lagu yaqiin.

Magaaladu waxay lahaan jirtay goobo loo tamashle tago, oo ay dadku ku kulmaan kuna qaataan saacado farxadeed, marka ay shaqooyinkooda soo dhammeystaan.

Beerta Nabadda ayaa ka mid ah goobaha loo dalxiiska iyo tamashlaha tago ee magaalada Muqdisho ku soo kordhay. Horay way u jirtay intii aan colaaduhu daka ka dhicin, haddase waxaa ku cusub in dib loo howl geliyay.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa Beerta Nabadda dib u howl geliyay, waxayna u dhiseen hab casri ah oo la jaan qaadaya jardiinooyinka iyo fagaareyaasha dalxiiska ee dunida ka jira.

Beerta nabadda oo ku taal wadnaha magaala-da, meel ay gaaristeedu sahlan tahay, waxaa maa-lin kasta soo booqda boqollaal qof Soomaa-li ah oo ka kala yimaad dacallada caasimadda.

Halkan ayay qoysasku ku qaataan galbo farxadeed. Waalidiinta ayaa soo kexeeya carruurtooda xilliyada ay iskuullada iyo dugsiyada Qur’aanku fasaxa yihiin.

Beertu waxay leedahay balbalooyin iyo mudullo si gaar ah loo sameeyay, oo dadka wada socda fursad u siinaya in aan dad kale soo dhex gelin, waxay sidoo kale leeda-hay adeegyo raashin fudud iyo cabitaanno kala duwan.

Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha, ayaa ka mid ah xilliyada ay ugu mashquulka badan tahay Beerta Nabadda, iyadoo looga yimaado inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Goobaha loo tamashlaha iyo dalxiiska tago ee Muqdisho kuma koobna Beerta Nabadda oo kaliya, ee waxaa jira goobo kale oo ay dadku isugu tagaan, waxaanna ka mid ah Xeebta Liido oo ay kumannaan qof toddobaad kasta tagaan. Liido waxaa ku yaalla goobo raashinka laga cuno oo dacalka ku haya mowjadaha badweynta India, halkaas oo ay kumannaan qof u daawasho iyo dabbaal tagaan.

Magaalada waxaa kaloo ku soo kordhay dhis-meyaal iyo meherado ganacsi oo casri ah, ku-waas oo la jaad ah kuwa caalamka kale ka jira.

Muqdisho oo sanado badan colaado la daris ahayd, waxay iska rogtay heeryihii burburka iyo colaadaha, waxayna hig-saneysaa caasimadaha asaaaggeed ah ee gobolka ku yaalla.

Bulshada Soomaaliyeed, khayaarka kaliya ee hor yaal waa in ay nabadda u hiilliyaan, sidaas ayayna u wada heellan yihiin, waayo way ka daaleen colaad iyo dhiig daadin, taas oo natiijada ka dhalatay ay tahay burbur meel walba gaaray.

DALKA MAGAZINEDALKA MAGAZINE Somalia

DALKA MAGAZINE

DA

LKA

MA

GA

ZIN

E

Somalia

DALKA MAGAZINE

8 9

Beerta Nabadda: Muuqaal Dalxiis oo Muqdisho ku soo kordhay.

Page 6: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

DALKA MAGAZINEDALKA MAGAZINE Somalia

DALKA MAGAZINE

DA

LKA

MA

GA

ZIN

E

Somalia

DALKA MAGAZINE

10 11

Goobaha ay bar tilmaameedsadaan kooxda alshabaab ayay ka mid yihiin Hotelada ay leeyihiin dadka aan daw-ladda u shaqayn oo iskood u madax banaan, haddana kama badbaadin weerarada kooxdaas had iyo goor ay ku ugaarsadaan dadka dagan Hoteeladaas.

Waxaa la leeyahay waxay iska diideen milkiilayaasha ho-teelada, in ay dhiibaan lacago baad ah oo ay shabaabku ku soo rogeen ragga iska leh Hoteelada, ciddii lacagahaasi iska bixin waydana waxay ugu han jabeen in ay la kul-mi doonto cawaaqib xumo iyo in lagu soo weerari doono goobteeda.

Waxaan wada ognahay in bartamaha sanadkan aynu ku jirno iyo dabayaaqadiisii ay shabaabku weeraro aan nax-ariis lahayn ku soo qaadeen dhawr Hotel oo waaween oo ku kala yaala bartamaha, waqooyiga iyo koonfurta Muqdisho.

Waxayna Hoteeladaasi ku dileen dad fara badan oo isugu jira mas’uuliyiin dawlaadeed, Ganaacsato, iyo dad rayid ah oo goobahaas ka agdhawaa.

Weerarkii dad laynta ahaa ee ugu dambeeyey ee Shabaab-ku ka gaysteen Hotelka caanka ah ee loo yaqaan Saxafi ayaa la sheegay in ay ku hungoobeen, inkastoo ay qarax la beegsadeen iridka hore ee hotelka, kuna burburiyeen qaar ka mid ah dhismaha hotelka haddana sidii ay wax

u doonayeen uma hirgalin, waxayna ilaaldaa hotelka kala kulmeen iska cabin aysan filanayn,kooxdii weerarka soo qaadana waxaa lawada waray nawaaxiga iyo iridka hore ee hotelka.iyaga oo aan dhaq-dhaqaaq lahayn.

“ marka hore wax bay qarxinaayaan, ka dibna iyaga oo aan miir lahayn bay ku soo galayaan,laakiin haddii

aan marka hore la nixin waa lawada layn karaa sidii ka dhacday Hotel Saxafi” ayuu yiri mid ka mid ah dadka reer Muqdisho”

“sidaan waxay ka soo minguuriyaan argagixisada kale ee caalamka sida daacish iyo Al qaacidda laakiin ku-

waan na dhibay malahan hal abuur ay wax ku soo alifaan, waxa ay sameeynayaana waa wax laga wada hortagi karo inta aysan sameeyn taana Ilaah baa ku mahad leh ayuu intaas raaciyey”

Kooxdaan fekerka qaldan ku shaqeeysa, ee loo yaqaano Al shabaab kama xishoodaan in ay dilaan haweenka, waay-eelka, iyo caruurta, waxayna haatan marayaan gebogebo iyo naf la caari maadaama weeraradooda iyo qaabka ay u dagaalamaan la fahmay waxayna hadda quud ka raadinay-aan in ay sheegsheegaan la midoowga argagixisada kale ee daacish, waana hubaal in maalin maalmaha ka mid ah dunida laga cirib tiri doono Argagixisada.

Ma Sii Socon Doonaan Weerarada Hoteelada!!!

Page 7: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa furmay 25-kii October. Madax-weynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa furay kalfadhiga, waxa uuna mu-daneyaasha u jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo halka la higsanayo.Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka waxaa hor yaal-la howl badan oo ay ka mid yihiin ka doodista iyo ansixinta hindise sharciyeedyo kala du-wan.Xog-hayaha Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cab-di Buux ayaa Dalka-Magazine u sheegay in howlaha hor yaalla Kalfadhiga toddobaad ee Golaha Shacabka ay ka mid yihiin:1- Hindise Shar-ciyeedka dhismaha Maxkamadda Das-tuuriga ah oo gela-ya akhrinta labaad ka markii uu 21 June 2014 maray akhrintii koowaad.2- Hindise Shar-ciyeedka Guddiga Xuquuqul Insaanka madaxa bannaan oo ku jira akhrintii labaad3- Hindise Sharciga maalgashiga shisheeye oo maray akhrintii labaad4- Hindishe sharciyeedka Isgaarsiinta Qaranka oo maray akhrintii labaad5- Hindise SharciyeedkaLa dagaallanka Ar-gagixisada oo maray akhrintii koowaad6- Hindise sharciyeedka Qandaraasyada Gada-

shada, Iibinta iyo adeegyada loo qabanayo dow-ladda, akhrintii labaad ayuu maray.7- Hindise Sharciyeedka Saxaafadda waxa uu maray akhrintii labaad.8- Hindise sharciyeedka Axsaabka siyaasadda, Baarlamaanka ayaa soo diyaariyay waxaana loo gudbiyay xukuumadda 26/05/20159- Hindise Sharciyeedka Ka hor-tagga been xa-

laaleynta lacagaha iyo maalgelinta argagix-isada akhrintii koowaad ayuu maray, waxa uuna u diyaarsan yahay in uu akhrinta labaad maro10- Hindise Sharciyeedka Ansixinta Miisaaniyadda 2016 oo ah mid ka mid ah how-laha ugu waaweyn ee uu baarlamaanku qabto.Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, Xog-hayaha Baarlamaanka Federaalk Soomaaliya, waxa uu sheegay in guddiyada kala duwan baarlamaanku ay hay-aan shaqooyin aad u adag, oo qaarkoodna ay habeen iyo maalin shaqeeyaan.Mudane Buux, ayaan weydiinnay in uu shar-raxaad naga siiyo qaar

ka mid ah eray bixin-nada u gaarka ah baarla-

maanka. Sida Kal-fadhi, Fadhi iyo Kulan aan caadi ahayn.Kal-fadhi (Session) waxaa loola jeedaa ayuu yiri muddo howleedka baarlamaanka, ka hor inta uu-san fasax gelin, isagoo tilmaamay in baarlamaan-ka Soomaaliya ee hadda shaqeeya uu ka kooban

Howlaha Hor Yaalla Kalfadhiga 7-Aad Ee Golaha Shacabka

yahay 8 Kal fadhi, uuna sanad-kiiba yeesho labo kalfadhi . Baar-lamaanku hadda waxa uu ku jiraa kalfadhigiisii 7aad, waxaana u ha-ray hal Kalfadhi ka hor inta aysan dhammaan muddada sharciga ah ee uu jirayo.Fadhi (Sitting) Waa kulan uu isugu yimaado Gole weynaha baarlamaanku, isagoo ka shiraya shaqooyinkiisa caadiga ah. Fad-hiyada baarlamaanku yeeshana

waxay qeyb ka yihiin hadba Kal-fadhiga furan.Xoghayaha Golaha Shacabka Mu-dane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux, waxa uu sheegay in kulam-mada ama fadhiyada baarla-maanku yeelanayo, ay ku xiran tahay hadba howlaha iyo ajandey-aasha hor yaalla, isagoo yiri “ 3 jeer ayuu baarlamaanku fadhi yeeshaa toddobaadkiiba, sabab-too ah guddiyada kala duwan ayaa

shaqooyin adag ku jira, marka uu baarlamaanku kulmayana waxaa inta badan laga hadlaa shaqooy-inkii ay guddiyadu soo qabteen”.Xildhibaan Buux ayaan wax ka weydiinnay waxa loola jeedo Ku-lan aan caadi ahayn, waxa uuna ku jawaabay “ Tusaale ahaan haddii uu madaxweynaha jamhuuriyaddu yimaad fadhiga baarlamaanka, waxa uu durbaba isu baddelayaa Kulan aan caadi ahayn”.

DALKA MAGAZINE

DA

LKA

MA

GA

ZIN

E

Somalia

DALKA MAGAZINE

12

Sida laga kororsaday waayo arag-nimada bulshada, waxaa la ogaa-day in talo xumo lagu gaari Karin horumar iyo nolol toona.

Talo xumidu, waa jidkii la rabay oo laga dhumo, markaasi waxaa cad in qofku weligii garaneynin wixii uu

rabay ilaa inta uu ka haleelayo waddadii saxda ahayd.

Sidaa darteed, talo xumidu waa wax caqabad u ah qofka iyo bulshadaba inay gaaraan horumar iyo nolol wanaagsan.Su’aashu waxay tahay, side talo xumo looga bixi karaa?Jawaabta su’aashani waxay tahay, in la adeegsa-do caqli iyo cilmi waayo aragnimo u dheer tahay.

Waxaa jira dad iyagu si sax ah uga tala bix-in arrin, oo u leh aqoon iyo waayo aragni-mo durugsan oo uu dadka kale dheer yahay.

Talo bixintu waxay ku xiran tahay hadba dhibaata-da iyo waxa laga talo bixinayo, mana jiro qof arrin

kasta ka tala bixinaya, caalamka horumaray, wax-ay hay’adkasta u sameeyeen, una soo xuleen rag la taliyeyaal ah oo madaxda hay’adda kala taliya arrimaha go’aan lagu xallinayo dhibaatooy-inka la soo gudboonaada iyo horumarinteed.

Ma jiro caalamka horumaray mas’uul go’aan qaata, isagoon la tashan la taliyeyaashiisa gaaarka ah, iyadoo muhiimaddu tahay in go’aanka khalad ka iman marka loo fulin rabo.

Haddaba, dhibaatada dalkeenna haysata waa talo xumo iyo isla tashi la’aan, waa la hareer ma-ray caqliga iyo cilmiga wax kala hagi lahaa.

Qof kasta iyio koox kasta waxay qaadataa go’aan iyo talo, iyadoon loo bandhigin cid kasoo talo bixisa oo aqoon iyo taqasus u leh, taasina waxay dhashay mindi mindi ku taag iyo anaa gar leh iyo anaa gar leh,Sida darteed, waxaa habboon, in arrin kasta inta aan la go’aamin loo bandhigo cid aqoon u leh, oo ka soo talo bixisa, haddii kale arrintu waxay noqoneysaa jug-jug meeshaada joog.

Tabar yari Waa laga kacaa ee Talo Xummo Lagama Kaco

www.dallkajournal.com

C/kariin Xaaji Cabdi BuuxXoghayaha Golaha Shacabka

Page 8: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

DALKA MAGAZINEDALKA MAGAZINE

DALKA MAGAZINEDALKA MAGAZINE

14 15

DA

LKA

MA

GA

ZIN

E DA

LKA

MA

GA

ZINE

Dadka qaarkii markii ay maqleen in dowladdu ay shaaca ka qaa-day in aanay suurtoobaynin in 2016-ka qabsoomi doonin doo-rashadii hal qof iyo cod, iyadoo taasi ay gar ahayd ayna ku sax-saneed dowladda , maadaama ay jiraan howlo badan oo ay ahayd in ay qabsooman oo weli qabyo ah iyo iyadoo weli ay muuqato amaan darro, taasi darted, dadka warxumo tashiilka ah iyo kuwa faafiya wararka been abuurka ah intuba waxay la tahay in cadaa-dis maskaxeed nala saaray.

Sida muuqata, 2016-ka, waxay kuwaasi u arkeen shar la sugayo, hase ahaatee waa war been abuur ah oo iskuday ku dheehan, laaki-in sida dhabta ah, waxaa cad-daysay dowladda Soomaaliyeed,

waxaana ku raacay inbadan oo ka mid ah shacbiga Soomaaliy-eed, oo iyagu si weyn ula socda xaaladda dhabta ah ee Soomaa-liyeed.

Arrinkaasi, waxaa weeye dham-baal wel wel xambaarsanaa, waa arrin af dheeri ah, waayo duul naga mid ah ayaa u deg-dagaa-ya in ay fidno abuuraan, waana sababta ay dadka qaarkii u wel welayaan, waana inta aan wax garan oo qaatay wararka been abuurka ah ee la fidiyay.

Waxaa muhiim ah in aan ka shaqeyno mustaqbalkeena, si aan noqono dowlad lugo adag ku taagan, waayo dow-ladda Soomaalieed ee uu hog-gaaminayo Madaxweyne Xasan

Sheekh Maxamuud, intay wax iska cunto iskama seexato bal har iyo habeen waxay u taa-gan yihiin sidii dalkaan iyo dadkiisa u noqon lahaa Dal loo soo shaqa doonto, wuxu-una madaxweynuhu goob kasta ka sheegay isagoo aan marna nasan xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya.

Qaranka Soomaaliya, wuxuu ku jiraa dib u soo kabasho, laakiin duulka is dhiibay ee ku fikiraya in ay balaayo afu-ufaan meel ma gaarayaan, afuufiskoodana shaki la’aan sambabada uunbaa buufsama-ya, waxayna jeer dambe ogaan

doonaan in dowladdu ku guulay-san doonto dadaalkeeda aan kala go’a lahayn ee ku salaysan sidii shacbiga Soomaaliyeed u noqon lahaa shacbi ka baxay dhibaa-tooyinkii uu soo maray, inkas-too lagu dadaalayo oo cadawga Soomaaliyeed ku fikirayo in dib loo noqdo, taas oo aan marna su-urtagal noqon doonin.

Taasi darteed, Mudane Madax-weyne tus oo tuusaalay, sida ay xaaladdu tahay iyagaa arki doonee kuwa waabarigoodu xu-maaday, sidii Nabiyullaahi Yuu-suf ay isu dhiibeen walaalihiis si ka liidata bey iskugu kaa dhiibi doonaan kuwa shirqoolka qaldan nala doonaya.

W/Q: Ciise Faarax

Soomaaliya: 2016-ka ka dib

Sannad walba marka la gaaro Xil-liyada roobabka ay da’aan, waxaa dhibaatooyin xoog leh kala kulma qoysas fara badan oo ku nool Caasi-madda Muqdisho, kuwaas oo ku jira duruufaha ugu adag ee Bani’aadmi ku noolaado.

Qoysaskan ayaa badankood ah kuwa ka soo barakacay Gobollada la deriska ah Gobolka Banaadir, ee Sida: - Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo ay saameeyn xoog lihi ku yeesheen dagaaladii naxariis darrada ahaa ee Kooxda Al-Shabaab ay ku qaa-deen Shacabkii deganaa guud ahaan Goboladaasi, iyo Abaaro isku xig-xigay oo dadkaasi waxyeelo ba’an gaarsiiyay.

Max’ed Yuusuf Cabdalla oo ka mid ah dadka maamula barakacayaasha ku nool halkii la oran jiray “Beerta Daraawiishta” ayaa Dalka Maga-zine u sheegay in ay dadka ku nool Kaamamkan ay heysato duruufo nololeed oo qalafsan.

“ iyagoo ku Jira dagaalka ah sidii ay noloshooda ay u maareyn lahaayeen, ayaa haddana waxaa dhibaato lix-aad leh u gaystay roobakii da’ay dhowaan” ayuu yiri Max’ed Yuu-suf oo maamula 267 Qoys oo ka soo barakacay Degaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Habeen barkii ayuu mararka qaar bilowdaa roobka, igaarkeey Annaga cabsideena waxaa waaye in Caruur-

ta biyaha nooga dhintaan” ayay ku calaacashay Iisha Axmed Qaasim, oo ka mid ah haweenka baraka-cayaasha ee halkaasi degan, Waxa

ayna intaa Raacisay: - “ ma Jiraan cid noo timid ama wax Gargaar ah noo fidisay roobabka kadib”.

Nolosha dadka barakacayaasha ah ayaa inteeda badan ku dhisan xoog-si, Sida: - Xamaaliga, iibinta Loos-ka Qumbaha Qudaarta iwm, marka aad weydiisana waxa ay jeclaan la-haayeen in ay Xilligaan helaan ayay kuu sheegayaan in ay aad u dan-aynayaan baco ay roobabka ka ga-laan maadaama guryaha ay degan yihiin oo ka samaysan cooshado ay badankood bur-bursan yihiin.

waxaa aad u xun rajada ay dadkaasi ka qabaan in ay dib ugu noqdaan degaanadoodii, inkastoo ay jirtay dadaalo la doonayay in dib loogu celiyo degaanadii ay ka soo bara-kaceen, sababtoo ah waxaa weli ka jira goboladaasi dhibaatooyin ay gaysanayaan kooxaha nabad diidka ah, ee markii horeba ku kalifay in ay guryahoodii ka soo cararaan.

Cabsi soo Wajahday Barakacayaasha Muqdisho ku nool

Page 9: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ka mid ah wasaaradaha muhiimka ah, waxay muddooyinkii la soo dhaafay ku tallaabsaneysay horumar-

ro dhinacyo badan.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay wasiirka wasaarad-da mudane Maxmed Cabdi Xayir (Maareeye), waxa uu dar dar geliyay howlihii shaqo ee socday,waxa uuna soo kordhiyay aragtiyo adeegyo cusub oo wax badan ka ta-ray sahlayna shaqadii wasaaradda ka socotay, gaar ahaan qeybta warbaahinta oo ay ka socoto shaqada ugu badan.

Xarunta Wax-soo saarka (Production Center)

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye), ayaa 5-tii April 2015, ku dhawaaqay aasaaska Xarunta Wax soo saarka

( Production Center) oo shaqadeedu tahay in ay soo saa-rto barnaamijyada iyo wararka ka baxaya warbaahinta Qaranka sida Radio Muqdisho iyo Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV). Madaxa Xarunta Wax-soo saarka Saalax Shire Shabeel, ayaa Dalka Magazine u sheegay in ay xaruntu tahay halka ay ku soo dhacaan wararka iyo barnaamijyada ka baxaya Raadiyaha iyo Telefishanka. “Xarunta Wax- soo saarku waxay leedahay guddoomiye iyo labo ku xigeen, sidoo kale waxaa xubno ka ah Ti-faftireyaasha Telefishanka iyo Raadiyaha iyo madaxda barnaamijyada labada hay’adood” ayuu yiri Saalax Shire oo u warramayay Dalka Magazine.

“Halkan ayaa laga qorsheeyaa barnaamijyada iyo wararka baxaya, waxaana wariyeyaashu ka helaan talo siin joogto

ah oo ku saabsan shaqooyinkii ay soo qabteen iyo kuwa u qorsheysan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Saalax Shire, oo tilmaamay in xaruntu ay habeen iyo maalin furan tahay, lagana heli karo howl wadeenno u shaqeeya si kaltan ah. Xarunta wax-soo saarka, ayaa sidoo kale lagu qabtaa kulammo maalinle ah oo looga doodo arrimaha la tabi-nayo maalinkaas, laguna qiimeeyo shaqooyinkii la qabtay maalinkii tagay. Toos u daawo Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed .SNTV oo soo kordhiyay adeegga tebinta tooska ah

Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo ah tan ugu xooggan warbaahinta Soomaalidu leedahay, ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ku tallaabsaneysay guulo dhinacyo badan.

Mid ka mid ah guulahaas waxaa sanadkan xaqiijiyay Tele-fishanka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), ka dib markii uu ku guuleystay inuu barnaamijyadiisa iyo wararkiisa si toos ah (Live) uga tebiyo xaruntiisa dhexe ee Muqdisho.

Ka dib dadaal dheer oo ay wada jir u bixiyeen mas’uuliyiinta Wasaaradda oo uu ugu horreeyo wasiirka warfaafinta,dhaqanka & dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), waxaa lagu guuleystay in SNTV lagu soo

kordhiyo tebin toos ah ( Live Coverage), iyadoo la adeeg-sanayo internet xawaarihiisu sarreeyo iyo qalab casri ah oo tebinta loo isticmaalo.

Agaasimaha Telefishanka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheikh (Alcadaala) oo wareysi siiyay Dalka Magazine ayaa guul weyn ku tilmaamay in SNTV lagu soo kordhi-yay tebin toos ah.

Alcadaala ayaa yiri “ Guul weyn ayay noo tahay in aan awood u yeelannay in aan 24 saac toos u tebin karno bar-naamijyada iyo wararka SNTV”

Agaasimaha ayaa tilmaamay in adeegga Tebinta Tooska ahi uu sare u qaaday heerka daawashada ee SNTV, uuna abuuray fursado intii hore ka badan oo ay daawadeyaashu kula fal gali karaan barnaamijyada iyo wararka uu baahi-nayo TV-gu.

“Aad ayay noo farxad gelineysaa in dad Soomaaliyeed naga soo wacaan Sanaag, Bari,Garbohaarrey,Boorama, Sweden, Kenya,South Sudan iyo meelo kale oo gudaha dalka iyo dunida daafaheeda ah, si ay uga qeyb galaan doodaha iyo barnaamijyada ka baxaya SNTV, fursaddaas oo aan horay u jirin” sidaas waxaa yiri Agaasimaha Tele-fishanka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, oo in-

DALKA MAGAZINEDALKA MAGAZINE

DALKA MAGAZINEDALKA MAGAZINE

16 17

DA

LKA

MA

GA

ZIN

E DA

LKA

MA

GA

ZINE

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Oo Ku Tallaabsatay Guulo

Waaweyn

Page 10: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

taas ku daray in SNTV uu hadda si maalinle ah u qabto barnaamijyo ay ka qeyb galaan mas’uuliyiin sar sare oo dowladda ka tirsan sida wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan , siyaasiyiin, culimaa’udiin iyo aqoon yahanno.

“Hadda jadwalka barnaamijyada Telefishanku aad ayuu ciriiri u yahay oo waxaa badan mas’uuliyiinta iyo martida daneynaya in ay ka qeyb galaan barnaamijyada kala du-wan ee TV-ga ka baxa, taasina waa horumar aan ku faani karno” ayuu yiri Alcadaala.

Telefishanka Qaranka Soomaaliya, ayaa markii ugu hor-reysay si toos ah u tebiyay furitaankii Kalfadhigga Tod-dobaad ee Golaha Shacabka, taas oo ay aad ula dheceen bulshada Soomaaliyeed, halka madaxduna ay madasha ka ammaaneen mas’uuliyiinta iyo howl wadeennada Wasaa-radda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska.

“Shaqadan aadka u adag waxaa dhabarka u ritay am-maanteedana leh shaqaalaha warbaahinta Qaranka oo si isku duubni ah uga shaqeeyay in lagu guuleysto, waxayna mudan yihiin ammaan iyo abaal marin” sidaas waxaa yiri

Dhismaha cusub ee SONNA

DALKA MAGAZINEDALKA MAGAZINE

DALKA MAGAZINEDALKA MAGAZINE

18 19

DA

LKA

MA

GA

ZIN

E DA

LKA

MA

GA

ZINE

Wasiirka, Warfaafinta, Dhaqa-nka & Dalxiiska dowladda Federaalka Soomaaliya Mu-dane Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye).

Ka sokow shaashadda Telefishanka, wararka iyo barnaamijyada SNTV wax-aad kala socon kartaa boggiisa internet-ka eewww.sntvnew.com iyo baraha bulshada ee kala ah:

Horumarrada Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiisku ku tallaabsatay waxaa ka mid ah dhis-maha dabaq ka kooban 24 xafiis oo lagu soo kordhiyay wasaaradda, kaas oo ay yeelan doonto wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi ayaa sheegay in dhismahan cusubi uu dabooli doono baahidii dhinaca xafiisyada ka heysatay wakaaladda SONNA.

Dhismaha Cusub ee SONNA

Page 11: November 15, 2015 Howlaha Hor …dalkajournal.com/wp-content/uploads/2015/12/dalka_cadadka.1-aad.pdfhaweenka,Caruurta iyo waayeelka, waxay gubaan nafo nool nool oo aan wax-ba gaysan,

MagazineDalka Magazine Visit: www.dalkajournal.com

DALKA