Koorsada RESA: Xarunta Adeegyada Shaqada WAAXDA HORUMARINTA SHAQADA & SHAQAALAHA Q IIMEYNTA A...
-
Upload
khairul-septiawan -
Category
Documents
-
view
224 -
download
2
Transcript of Koorsada RESA: Xarunta Adeegyada Shaqada WAAXDA HORUMARINTA SHAQADA & SHAQAALAHA Q IIMEYNTA A...
Koorsada RESA:Koorsada RESA:
Xarunta Adeegyada Xarunta Adeegyada
ShaqadaShaqada
WAAXDA HORUMARINTA SHAQADA & SHAQAALAHA
QIIMEYNTA ADEEGYADA SHAQAALEYNTA KA HOR
Tusmada Koorsada Waa maxay RESA? Waa Xarumo Ilo Waa Goob Laga Helo Shirkad Dad
Shaqaaleysiisa Waa Meelaha Shaqooyinka Lagu
Soo Bandhigo Waa Tababar Xirfado Waa Goob laga Helo
Shaqooyinka Banaan Waa goobta laga Helo
Macluumaadka Shaqo Isu-diyaarinta
Waa Goobta Isla socodka Waa Goobta laga Hello
Adeegyada Tilmaanta
Waa maxay RESA?
RESA waa barnaamijka Adeegyada Dib-U-Shaqaaleynta Shaqaalaha ee WPRS.
24ka Nofembar, 1993, Baddalka Gunno-siinta Shaqo ee 1993 (Warqadda Barnaamijka 103-152) kasoo baddalay Xeerka Soshal Sekiyuuritiga (SSA)) ayaa saxiix ku sharciyeeyay.
Sida ku qoran P.L. 103-152, Gobolka waa in ay soo caddeeyaan dalbadaha laga yaabo in ay ka dhamaatey UI caadiga ah (Caymiska Baagamuudada) iyo kaas oo ka faa’ideysan kara adeegyada gargaarka shaqo raadista in loogu guuleysto si shaqo cusub loo heli la'haa.
Waa maxay RESA?
Taa waxaa raacsan, laga soo bilaabo 12ka Juun, 1995, TA 50-7-302 (a) dalbadayaasha qaarkood ayaa waxaa looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan Adeegyada Dib-U-Shaqaaleynta aysan ka ahayn haddii ay jiraan sabab wanaagsan.
Xeerka Dib-Umaal-gelin iyo Dib-Ukabashada Amerika ee 2009 (P.L. 111-5) waxay bixisey wada (maal-gelin) in dib-loogu qiimeynaayo barnaamijyada gobladeena iyo sida markaa loogu baadona baddalaad lagu sameeyo barnaamijka WPRS-RESA. Barnaamijka RESA waa mid qaabeeyey si la socdo guusha dadka ka qeyb qaata inta ay ku jiraan horumarinta shaqo raadintooda iyo qorshiyadooda shaqo raadinta.
Haddii aad ku guul dareysato in aad u hogaansami weydo qorshaha shaqo raadintaada waxaa suurto gal ah in ay hakad ku sameyso manfacaaga baagamuudada (unemployment benefits), macluumaad dheeraad ah fadlan la xiriir wareysiqaadaha RESA ee xafiiska kuu dhow.
Waa maxay RESA? Sidaa-awgeed waa kan anaga…. Magacyo cusub, isla hadafkii…. . dadka aan
shaqeyneyn dib ushaqaaleysiiya. Kuwa dalbanaya waxaa magacyadooda lagu soo saaraa
qaab Xisaabaad iyo Baaritaan si loo ogaado kuwa laga yaabo in UI ay ka dhamaaneyso iyo sidoo kale kuwa loo maleynaayo in ay ka faa'ideysan karaan haddii adeegyo dheeraad ah la siiyo.
Arji qortayaasha ayaa markaa lagu wargeliyaa in ay koorsadu soo xaadiraan. Xafiisyada ku baahsan gobolka ayaa fiiriya dhamana kuwaa arjiyada soo qortey ee ku jira si loo hubiyo in ka qeyb qaadatayaasha oo dhan ay yihiin kuwa addeecsan.
Qof kasta oo u qalma R&S waxaa laga yaabaa in aan loo xulan RESA.
Waa maxay RESA? Haddii aad kan fiirineyso, markaa waxay u badan
tahay in RESA* laguu xushey. Sidaa-awgeed hadda maxaa la sameynaa?
Macluumaadka waxay ay yihiin adeegyada laga heli karao Xarunta Xirfadda ee Tennessee ayaa raaci doonta bandhigidan ka dib.
Wareysigaaga RESA waa kuu diyaar in aad fiirsato. Haddii aad qabto wax su’aalo ah weydii wareysiqaadaha RESA ee xafiiska kuugu dhow.
* Ogow: Sidoo kale adeegyada RESA waxaad ka heli kartaa Waaxda Shaqada ee TN boggeeda internetka waxaa arki kara qof kasta (kan ay ku khasban iyo kan aan ku khasbaneyn) in ay fiirsadaan.
Xarumaha Isha
Xaruntayada ilaha waxaad ka heli kartaa in aad ka isticmaasho kombiyuutarada internetka ku xiran, nuqdo ka sameysato oo aad ka dirsato fakisk, telfoonka, iyo waxyaabaha ilaha shaqada.
macluumaadka suuqa shaqada ee degmo, gobol, qaran, iyo heer caalami ah ayaad ka heli kartaa.
Waa Goob Laga Helo Shirkad Dad Shaqaaleysiisa Xarunta Shaqada kuwa shaqo raadista ku jira siisaa
fursad gaar ah ee ay ku helaan shirkadaha shaqada bixiya kuwooda booska ka banaan ayaga oo u maraya meelaha shaqooyinka lagu soo bandhigo ee degmada iyo xarumaha shaqaaleynta, shirkadaha halka ay shaqada ku soo dhejiyaan, iyo tilmaanta.
Shaqo raadiyayaasha waxay ka heli karaan macluumaad ku saabsan loo shaqeeyaha waxa ay raadinayaan si markaa qofka shaqada raadinaya uu isku diyaariyo wareysiga iyo hanaanka shaqo raadinta.
Waa Meelaha Shaqooyinka Lagu Soo Bandhigo
Xarunta Shaqada waxay si joogto ah u bixisaa fursado ah in shirkadaha ay xarunta yimaadaan oo ay ka raadsadaan qof u shaqeeya.
Sidoo kale waxaan isboonsarnaa oo aan ka qeyb qaadanaa meelaha shaqooyinka lagu soo bandhigo oo dhowr ah.*
*Xurumaha shaqada ee magaalada ka fiiri adeegyada ay bixiyaan.
Waa Tababar Xirfado
Shaqaalaha Xarunta Shaqada waxay kaa gargaari karaan si aad u hesho tababar ama waxbarasho kuu tilmaami karta fursado shaqo wanaagsan oo shaqo cusub.
Waa Goob laga Helo Shaqooyinka Banaan
Dadka shaqada raadiya waxay helayaan liistiyo shaqo oo dhamays tiran (is wata) ee baanga shaqada qaranka ama degmada shaqooyinka ka banaan.
Sidoo kale waxaa halkaas jooga oo ku gargaaraya qof qabiir ku ah shaqooyinka iyo qofkaas oo kuu tilmaamayo shirkadaha shaqooyinka ka banaan.
Waa goobta laga Helo Macluumaadka Shaqo Isu-diyaarinta Xarunta Shaqada waxay bixisaa
macluumaad diyaar garowga shaqo raadinta sida qorista resumeyga, shaqo raadinta, xirfadaha wareysiga shaqo, & intaa in ka badan.
Kulan kasta waxaa loo qaabeeyey in ay wanaajiso shaqo raadiyaha fursadooda sida ay shaqo ku heli la’haayeen.
Waa Goobta Isla socodka
Xarunta Shaqada waxay bixisaa fursado isku xir oo badan ee ay siiso dadka shaqada raadinaya iyo shirkadaha meelaha ka jira.
Adeegyada Tilmaanta ee Xarunta Shaqada Barnaamijka Askarta Howl-gabka Wakiil ayaa la kulmi doona
oo caawiya askarta howl-gabka oo siinaya adeegyo u gaar ah askarta howl-gabka.
Adeegyada dhaqan-celin/baxnaanista: Barnaamijkan wuxuu adeegyo siiyaa shaqsiyaadka u qalma ee itaalka daran ama aafo ah.
Adeegyada Qaxootiga ama qof Soo Muhaajirey: Waxaa kaliya laga helaa meelaha degmooyinka, barnaamijkan wuxuu caawiyaa qaxootiga iyo dadka soo muhaajirey oo shaqo raadista ku jira.*
Shaqalaha Duqowda: Barnaamijkan wuxuu gargaaraa shaqaalaha daqligoodu yar yahay oo da'doodu ka weyn tahay 40 jir kuwaas oo shaqo raadinta ku jira. Kuwa waxa ay heli karaan xadidan.*
*Xurumaha shaqada ee magaalada ka fiiri adeegyada ay bixiyaan.