KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka...

24
KANSARKA NAASAHA

Transcript of KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka...

Page 1: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

KANSARKA NAASAHA

Page 2: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

Kolofon

BrystkræftUdgiver: Kræftens Bekæmpelse, Strandboulevarden 49, 2100 København Ø

Sundhedsstyrelsen, Islands Brygge 67, 2300 København S

URL: cancer.dk og sst.dk

Redaktion: Antropolog, mag.art. Ann-Britt Kvernrød, overlæge, dr.med. Iben Holten og overlæge, ph.d. Peter Meidahl Petersen (Kræftens Bekæmpelse) i samarbejde med akademisk medarbejder Niels Sandø ogakademisk medarbejder Anne Rygaard Bennedsen (Sundhedsstyrelsen).

Emneord: cancer, patienter, behandling, rådgivning

Kategori: rådgivning

Sprog: somalisk

Version: 1.0, januar 2009

Layout og tryk: Trekroner Grafisk A/S

Illustrationer: Henning Dalhoff

Fotos: Mikael Rieck

ISBN: 978-87-7676-728-0

ISBN: 978-87-7064-074-9

ISBN elektronisk version: 978-87-7676-727-3

Publikationen kan frit refereres med tydelig kildeangivelse.

Alle fotos er modelfotos.

Stor tak til lærere og elever på Høje Tåstrup Sprogcenter, sundhedsformidlere Meliha Saglanmak og Karim Aziz Hassan, samt læge Jon Trærup Andersen for at stille op tilfotografering.

2

Page 3: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

Buuggan yar waxaa loogu talagalay adiga, haddaad tahay qofkaqaba kansarka naasaha, iyo qoyskaaga. Buuggan yari waxa uu kahadlayaa cudurka iyo sida loo daweeyo. Waxaad ka heli kartaawarar aad la isticmaasho, kuwa ay kuu sheegaan dhakhtarrada iyokalkaaliyayaasha caafimaadku.

Denmark waxa uu kansarka naasuhu sannad walba ku dhacaa ilaa4.000 oo dumar ah. Kansarka naasuhu had iyo jeer waa ka ugubadan noocyada kansarka ee dumarka ku dhaca.

Badi dumarku way argagaxaan, markay ogaadaan, inuu hayo kan-sarka naasuhu. Haseyeeshee dawaynta kansarka naasuhu marwalbaway sii fiicnaataa, oo dumar badan ayaa hadda ka bogsada kan-sarka naasaha.

Suuragalnimada in laga bogsado kansarka naasuhu waxay ku xid-han tahay arrimo ay ka mid yihiin, intay le´eg tahay burada kan-sarku, iyo inuu cudurku fiday. Marba marka ka horreeya ee laogaado kansarka naasaha, ayey fursadda lagaga bogsadaana kabadan tahay.

Nofambar 2008

Iben Holten Else SmithDhakhtar sare, dr. med Dhakhtar sare,

La dagaallanka kansarka gudd. ka hortegista cudurrada(Kræftens Bekæmpelse) Sundhedsstyrelsen (agaasinka caafimaadka)

3

Page 4: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

4

Page 5: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

5

Tusmo

Maxaa keena kansarka naasaha? 7• Waa maxay kansarka naasaha ee dhaxaltooyada ah? 7

Waa maxay astaamaha kansarka naasuhu? 7

Sidee loo daweeyaa? 8• Qalitaan aan naaska la jarin 8• Qalitaan la jaro naaska 8

Maxaa la sameeyaa, marka dawayntu kuu dhammaato? 15

Warar muhiim ah 18• Cusbataalka 18• Halkee ayaad ka heli karaa taageero iyo talabixin? 19• Ma u baahan tahay in guriga lagugu caawiyo? 22• Caymiska 22• Haddii aad debed u dhoofayso 23

5

Page 6: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

6

Naas caafimaad qaba oo dhinac laga sawiray.

Caanamareeno

Xubnaha duxda

Qanjidhada caanaha

Muruqa naaska iyo feedha

Page 7: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

MAXAA KEENA KANSARKA NAASAHA?Kansarka naasuhu wuxuu gaar ahaan ku dhacaa dumarkada’doodu ka wayn tahay 50 jir. Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha:

• dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo• cisagoysnimada oo raagta• ubad la’aanta• ilmaha curad (ugu horreeya) oo lagu dhalo da’ ka wayn 35 jir.• cisagoysimada dabadeed oo hilib badani ku fuulo.• cisagoysnimada dabadeed oo hormoonnada jidhku sii

socdaan• alkahoosha• dumarka naas hore uu kaga dhacay, waxay xoog halis ugu

yihiin inuu ka kalena ka haleelo.

Waa maxay kansarka naasaha ee dhaxaltooyada ah?Haddii qaar badan oo dumarka qoyskiinna ah, dhinaca aabbahaama dhinaca hooyada, uu ku dhacay kansarka naasuhu, waxaa laodhan karaa waa dhaxaltooyo, gaar ahaan hadduu cudurku kudhacay, iyagoo da’doodu aanay gaadhin 40 jir.

WAA MAXAY ASTAAMAHA KANSARKA NAASUHU?• buro ka soo baxda naaska• canbaar ama nabar ka soo baxa ibta naaska• naaska oo ku xanuuna• dheecaan saafi ah ama hurgumo ka soo da’a ibta naaska• ibta naaska oo shiiqda.

7

Page 8: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

SIDEE LOO DAWEEYAA?Dumarka uu ku dhaco kansarka naasuhu waa la qalaa. Qalita-anka waxaa lagu jaraa burada kansarka ama naaska oo dhan. Qalitaanka dabadii waxaa sida badan haddana lagu sii daweeyaailays (stråler), kimikal (kemoterapi) ama lidka hormoonnada(anti-hormoner). Dawayntan dheeraadka ahi waxay hoos u dhig-taa halista, in cudurku dib u soo laabto.

Qalitaan aan naaska la jarin (lumpektomi)Qalitaanka noocan ah waxaa lagu jaraa burada kansarka lafteedaiyo cadaha ku xeeran qaarkood. Caadi ahaan waxaad cusbataalkaku jiraysaa 2 ilaa 7 maalmood. Qalitaanka dabadii waxaa suura-gal ah, inuu isbeddelo qaabka naasku.Maalmaha ka danbeeya qalitaanka, waxaa naaska laga dareemaaadayg iyo barar. Waxaa sidoo kale dhici karta in dheecaan yari kasoo da’o ibta naaska. Astaamahani dabadeed way tagaan. Qalita-anka aan naaska la jarin ka dib, waxaa haddana naaska laftiisalagu daweeyaa ilays.

Qalitaan la jaro naaska (mastektomi)

Qalitaankan waxaa la jaraa naaska oo dhan. Caadi ahaan waxaadcusbataalka ku jiraysaa 2 ilaa 5 maalmood. Qalitaanka dabadiiwaxaa keliya ilayska lagugu daweeyaa, haddii uu cudurku ku fidokilinkillada.

8

Page 9: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

9

Page 10: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

Haddii uu kansarku ku fido kilinkilladaHadduu kansarka naasuhu ku fido jidhka, wuxuu judha gaadhaakilinkillada. Waxaa ka soo baxa burooyin (lymfeknuder), unu-gyada kansarku qabsan karaan. Sidaas awgeed burooyinka ayaa labaadhaa. Dhakhtarradu waxay ugu horrayn jaraan nud qudh ah(sentinel node), si ay u eegaan in unugyo kansar ahi ku jiraan.Haddii unugyo kansar ahi ku jiraan, waa la wada jaraa burooyinkakilinkillada. Haddii aanay ku jirinna, buro danbe lama gooyo.Hawshan oo dhanna waxaa la qabtaa qalitaanka gudihiisa, iyadaoo burooyinkana (lymfeknuder) ay dhakhtarradu jaraan qalita-anka dabadii, haddii naaska la jaro iyo haddaan la jarin labadaba.

Dawaynta ilayskaHadduu cudurku ku fido burooyinka (lymfeknuder), waxaa la-gugu daweeyaa ilays dili kara unugyada kansarka. Waxaa ilayskalagugu daweeyaa 5 maalmood muddo 5 ilaa 6 wiig ah. Marka-stana waxay qaadataa dhawr miridh, mana dareemaysid xanuun.

Dhibaatooyinka ay keento dawaynta ilayskuWaxaa laga yaabaa in dawaynta ilaysku casayso maqaarka, nabarranakuu yeesho. Waxaa kaloo ay keeni kartaa, in naaska laga dareemoadayg. Dumarka qaarkood ayaa yeesha qufac qallalan, waayo ilayskaayaa saameeya qayb ka mid ah sanbabka. Dawaynta ilayska iyo qali-taanku waxay sidoo kale waxyeeli karaan dhaqdhaqaaqa garabka.

Gacan barar (lymfødem)Qalitaanka iyo dawaynta ilaysku waxay keeni karaan, inay ku ba-rarto gacanta xigta dhinaca lagaa qalay. Bararkaas waxaa la yidha-ahdaa (lymfødem), waana halis, hasayeeshee waxaa ridi karawaxyaabo duugisi ka mid tahay.

10

Page 11: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

11

Dawo qaadashoBukaanka kansarka naasaha waxaa loo qaybiyaa laba kooxood:

• Dumar aan halis wayn ugu jirin in cudurku ku soo laabto• Dumar halis wayn ugu jira in cudurku ku soo laabto

Qalitaanka dabadii, siyaabo kala duwan ayaa labada kooxood lookala daweeyaa. Dumarka aan halis wayn ugu jirin in cudurku kusoo laabto, dawayntu u ma sii socoto.

Dumarka halis wayn ugu jira in cudurku ku soo laabto, waxayqaataan dawaooyin kala duwan, kuwaasoo aynnu hoos ku xusidoonaa. Da’da ayaa kaalin wayn ka qaadata dawaynta. Dumarkada’doodu ka yar tahay 35 sano, markasta way qaataan dawaynta.Dumarka da’doodu ka yar tahay 60 jir, waxaa loo daweeyaa si kaduwan sida loo daweeyo kuwa ka wayn 60 jir.

Dhibaatooyin kala duwan ayey keentaa oo qofba si ayey usaamaysaa. Isku dhib kuma wada keento dadka. Dhibaa-tooyinkeeda qaarkoodna waxaa xakamayn kara dawooyin laqaato.

11

Page 12: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

Dawaynta kimikalkaDawaynta kimikalka waxaa la qaataa dawo disha unugyada kan-sarka. Kimikalka waxaa loo qaataa dareere ahaan. Taas macna-heedu wuxuu yahay, dawada waxaa jidhka loo soo mariyaaxididada dhiigga. Dawaynta kimikalka waxaad qaadanayaa sad-dexdii wiigba mar, muddo ilaa sannad badhkii ah. Muddadaasnalagu dhigi maayo cusbataalka.

Dhibaatooyinka ay keento dawaynta kimikalkuDawaynta kimikalku waxay saamaysaa unugyada kansarka qaba iyoqaar kaloo unugyada caadiga ah ee jidhka ah. Dawaynta kimikalkuwaxay maalinta hore keeni kartaa yalaalugo, matag iyo shuban. Ind-haha gudahooda iyo dhanxanagga afka ayaa laga yaabaa, inay kucuncunaan, oo qalitaanka dabadii ilaa 1 – 2 wiig ku sii xanuunaan.

Dawaynta kimikalku waxaa laga yaabaa inay joojiso dhiigga caa-dada, oo dabadeed cisogoys kaa dhigto, haddii aanad horeba uahayn. Dumar badan ayaa timuhu ka muldhaan inta la daway-nayo. Qaar badan ayey ku adkaataa, inay timuhu ka muldhaan.Haseyeeshee waxaad xaq u leedahay inaad hesho buruko (paryk)bilaash ah, timuhuna dib ayey kuugu soo baxayaan, marka da-wayntu kuu dhammaato.

Dawaynta lidka hormoonkaDumar badan ayuu hormoonka dumarnimada ee (østrogen) kukeenaa in burada kansarku waynaato. Sidaas awgeed waxaa lasiiyaa dawaynta lidka-hormoonka, iyagoo caadi ahaan markahore qaata tamoxin 2½ sano, dabadeedna Femar®, Amiridex®

ama Aromasin® 2½ sano. Kuwaasi waxay keenaan dhibaatooyinay ka mid yihiin jidhka oo ku gubta, dawakhaad, cago cuncun,

12

Page 13: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

13

Page 14: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

dhanxanagga oo engega iyo timaha oo muldha. Dawaynta lidka-hormoonka waxaa loo qaataa kiniin ahaan.

Qaadashada dawo kale (Herceptin)

Dumarka qaarkood ayaa burooyinka kansarkoodu gaar yihiin ooqaata Herceptin® 12 bilood. Waxay hoos u dhigtaa halista, in cu-durku dib u soo laabto. Herceptin waxaa loo qaataa dareereahaan (drop).

Hadduu cudurku fidoHadduu kansarka naasuhu ku fido meelo kale oo jidhka ah, cu-durka waa la dawayn karaa, laakiin lama bogsiin karo. Dawayntakimikalka ayaa loo isticmaalaa xakamaynta astaamaha cudurkaiyo cimri dherer.

Dawayn ka baxsan cusbataalkaDad badan oo qaba cudurka kansarka ayaa qaata dawayn ka bax-san, ta cusbataalka uga socota, tusaale ahaan fiitamiinno . Da-waynaha qaarkood ayaa carqaladeeya ta cusbataalka. Sidaasawgeed waa inaad dhakhtarkaaga kala hadasho, inaad qaadatodawayn kale oo barbar socota ama ka baxsan, ta dhakhtarraduku siiyaan, ama haddaad ku tashaday inaad dalka debeddiisa iskusoo dawayso.

Cabidda sigaarkaHaddaad sigaar cabto, waxaa fiican inaad joojiso. Cabita-anka sigaarku wuxuu u daran yahay, bogsashada nabaradaqalitaanka dabadii. Dawaynta fallaadhaha ilaysku xoog u mashaqayso, haddaad sigaar cabto. Waxba tari mayso, inaaddhinto tubaakada aad qaadato. Waxaa wanaagsan, inaadgebi ahaan joojiso cabitaanka sigaarka.

14

Page 15: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

MAXAA LA SAMEEYAA, MARKA DAWAYNTU KUUDHAMMAATO? Haddaad qalitaanka dabadii dareento tamar la’aan iyo daal, waawax iska caadi ah. Dadka xanuunsanaya qaarkood ayuu jimicsiguka kaxeeyaa daalka, kana bi´iyaa ka fikirka cudurka. Waa muhiiminaad dhaqdhaqaaqdo oo xubnaha firfircooni geliso – sida inaaddhawr jeer tamashle u baxdo. Dadka buka qaarkood ayuu cu-durku gayeysiiyaa waxyaabo, ay noqoto inay qabatimaan oo bar-taan siday u la noolaan lahaayeen. Qaar kale ayey wax wayn utartaa, inay la sheekaystaan dumar kale oo qaba kansarka naa-saha, waayo cudurka ayaa soo taabtay jidhkooda.

Isbedelka jidhkaMuddo ayey qaadan kartaa in lala qabsado isbedelka cusub eejidhka iyo dhaawacyada soo gaadhay. Dumar badan ayaa qalita-anka naaska dabadii dareema, inaan cidi soo dayayn. Qaarkoodayaa miisaanku xoog uga dhacaa, qaarna wuu ku kordhaa. Qaar-kood baa hammadu ka guurtaa, ama raggoodu hungurayn waa-yaan. Waxaa fiican markaas inay dareenkooda iyo baahidoodakala hadlaan raggooda.

Naas sanaaci ah (brystprotese)Haddii naaska lagu jaro, waxaad xaq u leedahay inaad bilaash kuhesho naas sanaaci ah (protese). Naaska sanaaciga ah waxaa lagasameeyaa silikoon jilicsan, xoogna wuu ugu eg yahay naaska caa-diga ah. Sidoo kale dumarka aan naaska laga jarin, ayaa la siiyaanaas sanaaci ah. Naasku wuu yaraadaa oo qaabkiisu beddelmaa,xataa haddii in yar uun laga jaray. Markaas waxaa lagugu caawinkaraa naas sanaaci ah. Waxaad kommuunahaaga xaq ugu leeda-hay, inaad sannadkii hesho naas sanaaci ah. Waa inaad ka cod-

15

Page 16: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

16

Page 17: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

sato. Waxaana jira noocyo badan. Qaar baa jidhka qabsada.Qaarkoodna keeshaliga ayaa xejiya. Adiga ayey tahay inaad midka dalbato dukaamada iibiya.

Naas cusubDumarka qaarkood ayaa codsada in loo sameeyo naas cusub.Caadi ahaan waxay ugu horrayn suurageli kartaa marka sannadka soo wareego qalitaanka. Dhakhtarradu waxay samayn karaannaas cusub, iyagoo maqaarka hoos gelinaya naas sanaaci ah amaadeegsanaya maqaar laga soo jaray qaybaha kale ee jidhka.

KantaroolkalBadi dumarku waxay kantarool u tagaan cusbataalka muddo ilaa10 sano ku siman, haseyeeshee qaarkood ayuu kantaroolaadhakhtarkoodu. Dhakhtarku wuxuu baadhaa halkii lagaa qalay,burooyinka (lymfeknuder) iyo naaska kale. Muddada u dhaxaysaballamaha kantaroolka, waa inaad isha ku hayso astaamaha soosocda:

• burooyin, adayg ama isbedello oo ku soo kordha naaska, nabarka iyo kilinkillada

• xiiqitaan ama qufac• xanuunno

Astaamuhu ma tilmaamayaan, in cudurkii soo laabtay. Haseyees-hee waa in dhakhtar ku baadho.

17

Page 18: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

18

WARAR MUHIIM AH

CUSBATAALKA

Waajibka xilqarintaShaqaalaha cusbataalka oo dhan waxaa ku waajib ah xilqarin.Looma oggola inay cid kale uga warramaan naftaada iyo cudur-kaaga – xataa hadday yihiin ninkaaga, ubadkaaga iyo xubnahakale ee qoyskaaga. Adiga ayaa go’aankeeda leh cidda wax kaogaanaysa cudurkaaga. Sidaas awgeed waa inaad oggolaansho bi-xiso, intaan war ku khuseeya cid kale loo gudbin. Waajibka xilqa-rinta waxaa looga dan leeyahay, inaad wararka naftaada iyocudurkaaga khuseeya si kalsooni leh ugu sheegto dhakhtarkaagaiyo kalkaaliyayaasha caafimaadka.

TurjubaankaDhakhtarrada iyo kalkaaliyayaasha caafimaadku waa inay hubi-yaan, inay ku fahmeen, adiguna aad fahantay. Haddaanad kuhadlin ama fahmin af dheenishka, shaqaalaha ayaa kuugu yeed-haya turjubaan. Turjubaanku waa inuu noqdo dhexdhexaad, wa-xaana ku waajib ah xilqarin. Ma habboona in xubnaha qoyskaloo adeegsado turjubaan. Turjubaanada khibradda lihi waxay ga-ranayaan eraybixinta caafimaadka, oo waxa dhakhtarku yidhiayey si fiican u turjumaan. Sidaas awgeed waxaa habboon in tur-jubaan laguugu yeedho, xataa haddaad si fiican isugu debbertoaf dheenishka caadiga ah.

Lataliyaha bukaankaBadi cusbataallada waawayn waxaa jooga lataliye bukaan (pati-entvejleder). Lataliyaha bukaanku wuxuu kuu sheegi karaa tu-

Page 19: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

19

saale ahaan, fursadda lagugu dawayn karo cusbataal kale. Haddayjiraan wax aanad fahmin ama wax aad ka cabanaysaana, wuu kaacaawiyaa. Waxaana ku waajib ah xilqarin. Lataliyaha bukaankuwuxuu kugu la hadlaa keliya af dheenish. Tarjubaan kuma lihid,inkastoo cusbataallada qaarkood kuu keenaan.

Joornaalka cusbataalkaCusbataalka gudihiisa, waxay dhakhtarradu qoraan joornaal kusaabsan cudurka, natiijooyinka baadhitaannada iyo dawaynta.Waxaad xaq u leedahay inaad ogaato, waxa ku qoran joornaalka.Had iyo goor waad dalban kartaa nuskhad joornaalkaaga ah iyodhakhtar kuu sheega waxa ku qoran.

HALKEE AYAAD KA HELI KARAA TAAGEERO IYO TALABIXIN?Waxaa fiican inaad qoyskaaga kala hadasho fikradaha iyo dareen-nadaada la xidhiidha cudurka iyo dawaynta. Haseyeeshee taasiway adkaan kartaa. Dadka buka qaarkood ayaa doorbida inay ar-rimahaas kala hadlaan cid ka baxsan qoyskooda. Shaqaalaha ayaamarkaas kaa caawin kara helitaanka cid aad la hadli karto, sidagabadh ka tirsan ururka haweenka naaska laga qalay ”De bryst-opererede”. Waxaad sidoo kale caawimo ka heli kartaa hayaddala dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) ama lataliye buls-heed oo kommuunahaaga ka socda.

Haweenka naaska laga qalayHaweenka naaska laga qalay ”De brystopererede” waa kooxdumar ah, oo qudhooda uu ku dhacay kansarka naasuhu. Waxaytaageeraan oo caawiyaan dumarka uu ku dhaco kansarka naa-suhu, isla marka cudurka lagaa helo iyo inta ka danbaysa laba-

Page 20: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

daba. Waxaad si shakhsi ah tilifoon ugu la hadli kartaa, intaadcusbataalka ku jirto iyo markaad guriga timaaddoba. Waxaad laxidhiidhi kartaa, adigoo u maraya kalkaalisada caafimaadka, amaxarunta talabixinta ee hayadda la dagaalanka kansarka (KræftensBekæmpelse rådgivningscenter), ama bogga internetka eewww.cancer.dk/brystkræft.

Hayadda la dagaalanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse)Hayadda la dagaalanka kansarku waxay xafiisyo ku leedahay dal-koo dhan. Waxaa loo yaqaan lataliyayaasha kansarka. Waxaad kaheli kartaa talabixin shakhsi ah haddaad soo wacdo ama aad foolka fool u la kulanto. Sida ugu fudud ee aad latalinta kansarka uheli kartaa, waa inaad soo wacdo tilifoonka hayadda la dagaa-lanka kansarka (Kræftens Bekæmpelse) 35 25 75 00 ama boo-qato boggooda internetka www.cancer.dk/kraeftraadgivninger.

Talabixinta tilifoonka ee khadka kansarkaWaxaad talabixin iyo tusaalayn ka heli kartaa tilifoonka khadkakansarka 80 30 10 30. Waa talabixin tilifooneed oo hayadda ladagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) bilaash ku siisodadka qaba kansarka iyo ehelkooda. Waxana ay ku hadlaan afd-heenish uun.

Waxaad soo wici kartaa maalmaha shaqada 9:00 – 21:00 saac,sabtida iyo axaddana 12:00 – 17:00 saac. Maalmaha fasaxa ahna(helligdage) wuu xidhan yahay tilifoonku.

Wararka internetka ee ku saabsan kansarka (internet)Hayadda la dagaalanka kansarku (Kræftens Bekæmpelse) waxaybog af dheenish ku qoran ku leedahay internetka

20

Page 21: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

21

Page 22: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

www.cancer.dk, kaasoo la xidhiidha dawaynta cudurka kansarka,iyo taageerada iyo talabixnta aad heli karto. Waxaa kaloo jirabogag debedda laga leeyahay oo laga helo warar fiican oo khu-seeya cudurka kansarka iyo dawayntiisa – sida, www.cancer.backup.org iyo www.cancer.gov.

Afka iyo turjumiddaMa jiraan tarjubaanno u shaqeeya hayadda la dagaalankakansarka. Haddaad la hadalkooda ugu baahan tahay turju-baan, la xidhiidh kommuunahaaga. Haddaad rabto, in lagaacaawiyo sidaad kommuunaha uga codsan lahayd turjubaan,hayadda la dagaalanka kansarka ayaa kaa caawin doonta.

MA U BAAHAN TAHAY IN GURIGA LAGUGU CAAWIYO?Dad badan oo bukaanka kansarka ah ayaa u baahan in laga caa-wiyo hawlaha guriga, sida nadaafadda. Kommuunaha ayaa go’aa-miya caawimada aad heli karto. Shaqaalaha cusbataalka ayaa lagayaabaa, inay kaa caawiyaan sidaad kommuunaha uga codsan la-hayd kaalmada aad u baahan tahay, sida dib u carbin (genoptræ-ning). Hadday tahay inaad xanuunka dartii ka maqnaato(sygemeldes) shaqada ama dhibaatooyin dhaqaale kula soo der-saan, waa inaad midkood la hadasho lataliyaasha bulsheed (social-rådgiver) ee kommuunahaaga. Lataliyaha bulsheed wuxuu sidookale kaala talin karaa xaaladaha kale ee ijtimaaciga ah.

CAYMISKAKansarku waa cudur halis ah (kritisk sygdom). Dad badan ayaaku jira caymis, saameeya cudurrada halista ah - oo shaqadooda

22

Page 23: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

ama ururkooda xirfadeed (fagforening) ka galay. Waxaa suuragalah in caymisku ku siiyo deeq lacageed hal mar (engangsbeløb).Adiga ayey tahay inaad codsato deeqdaas.

HADDII AAD DEBED U DHOOFAYSOHadday noqoto inaad dhoofto, waa inaad dhakhtarkaaga kala ha-dasho, ka hor inta aanad dhoofin. Teeda kale waa inaad hubiso,in caymiskaagu daboolayo, haddaad safarka dhexdiisa ku xa-nuunsatid. Had iyo jeer ma dhacdo inuu daboolo.

Waxaa 1dii janaweri ee 2008 soo baxay xeerar cusub oo khuseeyacaymiska safarka. Hadduu socdaalkaagu Yurub dhexdeedayahay, caymiskaaga safarku wuu shaqaynayaa. Haseyeeshee da-booli maayo qarashka dawaynta cudurrada halista ah (kroniskesygdomme), sida kansarka. Xafiiska caymiska ee kommuuna-haaga ayaad ka heli kartaa buug yar oo ka hadlaya xeerarkacusub. La xidhiidh tilifoonka xafiiska caymiska safarka ee yurub(Europæiske Rejseforsikring), 33 27 83 03, ama booqo bog-gooda internetka www.er.dk, inta aanad ambabixin, si aad ugabogato xeerarka cusub, iyo waxyaabaha ay daboolayaan.

Haddaad u safrayso meel Yurub ka baxsan, adiga ayaa iska bi-xinaya dhakhtarkii ku daweeya. La sii hadal shirkadda caymis-kaaga, inta aanad dhoofin, si aad u hubiso, waxyaabuha uucaymiskaagu daboolayo, haddaad xanuunsatid.

23

Page 24: KANSARKA NAASAHA - cancer.dk · Waxyaabo kala duwan ayaa kord-hiya halista lagu qaado kansarka naasaha: • dhiigga caadada oo goor hore (da’ yar) la helo • cisagoysnimada oo

Pjecerne i serien er udgivet på følgende sprog:arabisk, dansk, engelsk, somalisk, tyrkisk, urdu.

Somalisk Brystkræft