KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?xidhiidhkii aan la lahayn gudeheenna kedibna aynu dareenno...

6
Special synopsis on confidence building in Somali language. KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada? Kalsoonidu waa ibbofurka qabashada waxkasta iyo dhaqaajiyaha doonista nafta. Haddii aanad lahayn kalsooni, haba yaraato'e, way adagtahay in aad kalsooni sii korodhsataa. Markaa waxaad u baahantahay awood gudeed si aad u dhisto kalsooni xooggan. Hagahan ayaa kuu hoga-tusaalayn doona hannaanka aad u mari doonto dhisidda kalsooni mug leh (wayna ka fududaan doontaa sida aad hadda moodayso). Ku xidhnaw awoodda gudahaaga: Sida caadiga ah, qofka aan isku kalsoonayni waa qof ka go'ay oo aan xidhiidh toolmoon la lahayn awoodaha gudihiisa. Sideen ku ogaan karaa? waayo awooddaada gudeed waa halka ay kasoo hanaqaaddo kalsoonidu. Haddii aan ku waydiiyo in aad ka warbixiso naftaada, waxa suuro gal ah in aad ku bilawdo muuqaalkaaga duleed amma doorarka aad ka ciyaarto nolosha maalinlaha ah sida-- Hooyo, Oori, Shaqaale, Aabbo, Walaal, Mulkiile iwm, laakiin waxaasoo dhani ma aha cidda aad tahay. Waa waxa aad qabato!. In aad si'un wax uga sheegi kari waydo awoodaha gudahaaga dhex ceegaaga iyo noloshaada guddeed waxay markhaati cad ka tahay in aanad aqoon iyo xidhiidh toona la lahayn gudahaaga sidaas darteedna aanad kalsooni dhadhamin, aanad dareemin amma hantiyin. Qof ka aad tahayi waa dhadhanka dhabta ah ee jiritaankaaga iyo ahaanshahaaga. Jiritaankaaguna waxa uu noqon karaa affar mid uun: Mid ruuxeed, mid maskaxeed, mid New Horizon is a non-profit organization that focuses on leadership development through youth activism and empowerment, community mobilization and peace initiatives through dialogue and cultural programming in pursuit of social cohesion, reconciliation, trust and identity building amongst the Somali people. Separating the line between obstacle and opportunity Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad

Transcript of KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?xidhiidhkii aan la lahayn gudeheenna kedibna aynu dareenno...

Page 1: KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?xidhiidhkii aan la lahayn gudeheenna kedibna aynu dareenno jaahwareer, madhnaan, walaf iyo in awooddii aynu ku maamuli lahayn nolosheena aan wayno.

Special synopsis on confidence building in Somali language.

KALSOONI!

Maku xidhantahay Naftaada?

Kalsoonidu waa ibbofurka qabashada waxkasta iyo dhaqaajiyaha doonista nafta. Haddii aanad lahayn kalsooni, haba yaraato'e, way adagtahay in aad kalsooni sii korodhsataa. Markaa waxaad u baahantahay awood gudeed si aad u dhisto kalsooni xooggan. Hagahan ayaa kuu hoga-tusaalayn doona hannaanka aad u mari doonto dhisidda kalsooni mug leh (wayna ka fududaan doontaa sida aad hadda moodayso).

Ku xidhnaw awoodda gudahaaga: Sida caadiga ah, qofka aan isku kalsoonayni waa qof ka go'ay oo aan xidhiidh toolmoon la lahayn awoodaha gudihiisa. Sideen ku ogaan karaa? waayo awooddaada gudeed waa halka ay kasoo hanaqaaddo kalsoonidu.

Haddii aan ku waydiiyo in aad ka warbixiso naftaada, waxa suuro gal ah in aad ku bilawdo muuqaalkaaga duleed amma doorarka aad ka ciyaarto nolosha maalinlaha ah sida-- Hooyo, Oori, Shaqaale, Aabbo, Walaal, Mulkiile iwm, laakiin waxaasoo dhani ma aha cidda aad tahay. Waa waxa aad qabato!. In aad si'un wax uga sheegi kari waydo awoodaha gudahaaga dhex ceegaaga iyo noloshaada guddeed waxay markhaati cad ka tahay in aanad aqoon iyo xidhiidh toona la lahayn gudahaaga sidaas darteedna aanad kalsooni dhadhamin, aanad dareemin amma hantiyin.

Qof ka aad tahayi waa dhadhanka dhabta ah ee jiritaankaaga iyo ahaanshahaaga. Jiritaankaaguna waxa uu noqon karaa affar mid uun: Mid ruuxeed, mid maskaxeed, mid

New Horizon is a non-profit organization that focuses on leadership development through youth activism and empowerment, community mobilization and peace initiatives through dialogue and cultural programming in pursuit of social cohesion, reconciliation, trust and identity building amongst the Somali people.

 

Separating  the  line  between  obstacle  and  opportunity                                        Ka  tallaabso  seeraha,  dhanka  libinta  soo  aad  

Page 2: KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?xidhiidhkii aan la lahayn gudeheenna kedibna aynu dareenno jaahwareer, madhnaan, walaf iyo in awooddii aynu ku maamuli lahayn nolosheena aan wayno.

dareen iyo mid jidheed. Muhiim ma aha halbeeggani hadda. Waxaynu keliya ka qaadanaynaa xaqiiqada ah in aanad keliya ka koobnayn mijo, madax, calool iyo indho. Aan si kale kuugu dhigo, ma tihid oo keliya muuqaal guud oo hadda akhriyaya kalmadahan.

Ma is dhagaysattaa adigu?

Codka gudahaagu waa mid awood leh, xikmad badan oo marwalba og hillinka kuu roon. Qof kastaa wuxu leeyahay cod kasoo baxa gudihiisa. Qaybtaas adiga kaa midka ahi aad bay u taqaannaa awoodahaaga iyo hibooyinkaaga tiro beelka ah. Haddii aad tahay dadka badankooda, oo aanad dhagaysan codka gudahaaga iyo isla hadalka naftaada, waxaad inta badan marka wax lagaa waydiiyo naftaada ku warcelisaa adiga oo ka war bixinaya uun keliya hawl-qabadyadaada, muuqaalkaaga ama waxa aad gacanta ku haysato intii aad wax ka sheegi lahayd awoodahaaga gudeed. Waxa aad inta badan diiradda saartaa noloshaada dibadda oo maba taqaanid xidhiidhna lama lihid nolosha gudahaaga.

Horta Ma nolol gudeed baan leeyahay? Haa waad leedahay. Waynu wada leenahay dhammaanteen.

Si kastaba ha ahaato'e, casrigan aan noolnahay ee wada mashquulka iyo buuqa badan, aad bay u fududahay in ay ina burburiyaan ama ina badalaan saamaynta innagaga timaada dibadda isla markaana si aad u fudud u go'o xidhiidhka aynu la leennahay awoodeena gudeed iyo nafaheenna. Marka hore uma muuqatto in ay si wayn inoo saamaynayso, sidaa darteed waxaynu iska sii wadanaa nolosheena maalinlaha ah; shaqayn, ciyaarid, gudasho waajib amma xil iwm. Marka uu wakhtigu sii durkana waxa laga yaabaa inaynu dareenno in aynu xoogaa ka durkayno nafteena oo aynaan aad ugu dhawayn nolosheenna. Codka gudaheena iyo isla hadalka nafteenuna wuu sii naaqusaa oo wuu sii durkaa, markaa dirqi baynu u maqlaynaa.

Marka arrini halkaa socoto, haddii aynu iskasii indho iyo dhago tirno calaamadahaas digniinta ah, culaysku wuu sii kordhaa xaddi iyo xajmiba. Illaa uu ugu danbayn go'o xidhiidhkii aan la lahayn gudeheenna kedibna aynu dareenno jaahwareer, madhnaan, walaf iyo in awooddii aynu ku maamuli lahayn nolosheena aan wayno. Waxaynu dareennaa inay noloshu ina waddo oo aan awoodno uun keliya inaan ka jawaab celino waayaha nolosha. Waxaynu dareennaa in aynu nahay markhaatiyaal keliya. Xilli aad u danbaysa ayaynu xaqiiqsanaa inaynu illawnay qofkii aynu ahayn mar. Hase ahaatee waxwalba maad lumin! aad bay u fududahay in dib aad ugu xidhanto gudaha naftaada, ogaatto awoodahaaga daahsoon kedibna aad toosiso kalsoonnidaadii libidhay.

Page 3: KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?xidhiidhkii aan la lahayn gudeheenna kedibna aynu dareenno jaahwareer, madhnaan, walaf iyo in awooddii aynu ku maamuli lahayn nolosheena aan wayno.

Marka aad intaas samayso, waxaad awoodi doontaa in aad abuurato nolol cusub oo farxad, degenaansho iyo ujeedo leh kuna celin maysid gafafkii ku hoday in uu go'o xidhiidhkaad la lahayd naftaada.

TALO

Si aad dib ugu xiranto awoodda gudahaaga una soo ceshatto iska warqabkaaga nafeed, waxad u baahantahay in aad isku diyaariso safar dheer oo ka bilaabmaya dibaddaada kuna dhammaanaya gudahaaga. Waxaa uu ka bilaabmaa safarkaasi in aan:

Ka guurno aragtideenna nololeed ee ah ( waxa aad arkayso ayaa ah waxaad heleyso, waxay indhuhu arkayaan ayay ilkuhu gooyaan, waxaad arkayso un la tacaal iwm). Waxaa eynu waynayn fogaanta arageenna. Waxaan isku dayeeynaa in aan la tacaalno wax ka shisheeya waxa indheheennu arkayaan. Markaa waxaan si cad u ogaan doonnaa in adduunyada inta aynaan arkeeyn ay si walba uga wayntahay adduunyada inta aan arkayno. Waxaan arkeeynaa in eeysan farxadda keenin xaalado gaar ahi balse ay farxadda lafteedu keento xaalado gaar ah. Waxaan arkeeynaa in amniga iyo degenaanshaha dhabta ahi yahay ka gudaha naftaada ee uusan ahayn ka dibedda. Waxaan ogaaneeynaa in aanay lacagtu iibin karin hurdo iwm.

Hayaankan waxaan u galaynaa si aan u soo helno furaha guusha, kartida, farxadda iyo awoodeena (kalsooni). Waxaan ka bilaabaynaa in aan dib u dhisno xiriirkii suubanaa ee innaga iyo nafaheenii aan kala baadnay.

Ma dhaqaaqnaa hadda?......

Dhammaan dib-u-dhiska xiriirka nafteena aan la leennahay wuxuu salka ku hayyaa in aan nafaheena la qaadanno wakhti tayo leh.

• Samayso wakhti aad la keli noqotto naftaada: Haddii aanad weli la khalwayn naftaada, waxba haka maagin. Way fududahay. Marka hore samayso meel kuu keligaa ah. (qolkaaga, maktabadda iwm) oo aad u deggan. Faaruqi maskaxdaada. Haddii aadan horay u samayn oo aadan la qabsan, waa suurogal in aad dareento culays ama caajis. Is dareensii in aad culays jirkaaga ka sii daynayso. Marka aad dareento degenaan iyo nafis, dareenkaaga u jeedi xagga fikirka. Maskaxdaada faaruqi oo ka saar wax kasta oo ku dhibaya. Samee khalwadan in alla intii kuu suuro gal ah maalin kasta (10 daqiiqo, 15 daqiiqo iwm). Marka aad la qabsatto waad ku raaxaysan waxaanad dareemi doontaa, Illaahay idinkiis, dheelitirnaan badan iyo xasilooni nafeed.

• Ku kaydso oo ku qoro fikradahaaga iyo dareenadaada buug.

Page 4: KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?xidhiidhkii aan la lahayn gudeheenna kedibna aynu dareenno jaahwareer, madhnaan, walaf iyo in awooddii aynu ku maamuli lahayn nolosheena aan wayno.

Runtii waa hab aad naftaada waxbadan kaga baran karto. Waa hal-beeg aad ka qiyaasan karto horumarkaaga nafeed iyo tixraac aad ku ogaatto isbadalkaaga fikir. Qoraal qurxoon oo saxan waajib ma aha, inay naftaadu akhriyi karto ayaa un muhiim ah. Qoraal walba waxad ku bilawdaa furfurasho ah “Maanta Waxaan dareemayaa_______________ waxaan la dareemayaa________________________”. Tani waxay kuu fududeeyn inaad wax badan qorto. Wakhti yar gudihiisa waxaad arki adiga oo buuxiyay bog dhan. Inaad maalin walba sidaas samayso waxay kugu caawin in aad baraarugto isla markaana aad la shaqayso fikiradaada maskaxda.

• Abuuro deganaan iyo aamusnaan maskaxeed. Layligan laga yaabaa inuu ku adkaado xattaa keenna ugu dhiirranaanta badan waayo lamaynaan qabsan aamusnaan dhamaystiran. Inta badan waxa innoo dhaw raadiyo, dad, telefishin ama kombuyuutar ina mashquuliya. Fikirka ah in aad fariisatto meel aad u aamusan uma muuqdo mid aad u xiiso badan. Marka hore waxa macquul ah in uu u muuqdo cabsi ama caajis laakiin hore ha iskaga dayn. Ku celiceli xoogaa. Waxaa hubaal ah in aad jeclaan doonto daqiiqadahaa deganaanta iyo aamusnaanta badan. Weliba waxaa aad u fiican haddii aad fariisatto dibadda, meel dabiici ah, taasaa weliba ugu habboon. Waxaad aad ula yaabi doontaa degenaanshaha iyo farxadda aad dareento layligan kedib. Degenaanshahaa gudeedna waxa aad ku baahin doontaa adoon is ogayn, shay kaste ood qabato. Sideebay tallaabooyinkan kaaga caawinayaan in dib ugu xiranto naftaada iyo awoodaada gudeed? Waxay si fudud kuugu celinayaan inaad xiriir wacan iyo iska warhayn leh la yeelato naftaada iyo gudahaaga.

Bal, hadda, malayso adigu inaad leedahay saaxiib wanaagsan oo aad kuugu dhaw. Xurmo iyo qaddarin dheeri ah aad u hayso. Waad is jeceshihiin dadkana idinkaa isu xiga. Xiriir aad u wanaagsan oo qotodheerna aad wadaagtaan. Saaxiibkaagaas beryahan lama aad hadal, kama aadan wardoonin, mana aadan xiriirin. Wakhtina lama aadan qaadan dhawaanahan. Muxuu saaxiibkaasi dareemi? Wuxu dareemi in aad dayacday oo aadan danayn.Wuxu dareemi inaad kasii fogaanayso. Sidaas darteed badankeennu aad baan iskaga ilaalinaa inaan sidaas ula dhaqanno saaxiibadeen.

Haddana sidan lafteeda ayaan nafaheenna ula dhaqanaa, u dayacnaa oo uga fogaannaa. Waxaan si joogta ah iskaga dhaga tirnaa isla-hadalka gudaheena. Innagoo sidaas ula dhaqanna nafaheenna ayaan hadana ku calaacalnaa “maxaan u ahay sidan?”

Marka aad wakhti tayo leh iyo dareen u hurto naftaada, waad barwaaqoowdaa, barakoowdaa, baraaroowdaa, balaarataa oo kala badbadattaa. Waxaad dib u daahfurtaa farxadahaaga, degenaanshahaaga, wanaagaaga, tayadaada, kartiyahaaga

Page 5: KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?xidhiidhkii aan la lahayn gudeheenna kedibna aynu dareenno jaahwareer, madhnaan, walaf iyo in awooddii aynu ku maamuli lahayn nolosheena aan wayno.

iyo naftaada. Waxad baraarujisaa awoodahaaga, kicisaa kartiyahaaga markaa ayuu dib u cusboonaadaa oo xallad iyo xamaasad yeeshaa xiriirka aad la leedahay naftaada, adduunyada iyo waxa dhexyaalba.

Halla yaabin haddii aad dareento in aad u sii dhawaanayso saaxiibadaa, xubnaha qoyskiinna iyo dadka aad wada shaqaysaan. Waxad weliba dareemi doontaa in aad u dhawaatto ood is fahmi kartaan dadka aan la fahmin ama dadka lagu tiriyo inay waalanyihiin. Waxaas oo dhan waa maxsuulka iyo natiijada xiriirka eed hadda la leedahay naftaada.

Ugu danbayn, waxaad naftaada ka dareemi doontaa wanaag badan. Waxaad dareemi jacayl nafeed (isjacayl). Waxad awoodi doontaa in aad si kal iyo laab ah ugu bogto naftaada. Samir, dulqaad, jacayl iyo tixgelin badan ayaad u qaadi naftaada. Waxaad si weyn u dareemi oo aad arki awood ku fidaysa gudahaaga aadna ugu heellan in eey u korto, kobocdo kedibna sababto nolol qurxoon oo macaan badan.

• Ku xirnaansho iyo raalli-gelin Eebbe:

Guul walba oo ruuxi gaaro waa gallad Eebbe. Aadamahu waxuu ku socdaa qaddar iyo ogolaansho Illaahay. Tallaaba kasta oo uu qaadana waxaa sii shaaciyay oo xisaabay Illaah. Qur’aanku waxuu noo caddeeyay in yoolka nolosheenu tahay in Allaah la caabudo loona khidmeeyo qaaruumaha uu abuurtay. Ehelka iyo riximka oo la xiriiriyo, cibaadada oo la badiyo iyo ducada oo har iyo habeeyn loo gacma-taagto in eey noloshu ku caafimaad heleeyso. Wax allaale iyo waxii la doonaba in eey ku suurtagali karto Eebbe oo raalli ka ah. Waa macquul in aadamahu uu gaaro guulo isagoon Rabbi wadadiisa ku socon—oo waxaa maalin walba la arkaa guulo eey dad aanan iimaan laheeyni gaareen/gaaraan—laakiinse guulaha noocaas ahi ma raagaan, ma dhaxal qurxoonaadan mana u gudbaan farxadaha cimri dheeraada. Hoggaanka suuban, mid shakhsi ama qoys ama ummad, waxaa la helaa marka Eebbe lala tacaalo raalli galintiisa. Kalsoonida nafeed ee dhabta ahi waa mid ku timaadda idin iyo gacan-qabad Eebbe. Dadaal kasta oo kale markii lala yimaado ayeey lama huraan tahay in lagu khatimo duco Eebbe. Markan ayeey guusha iyo kalsooniduba kaamil noqdaan.

DHAMMAAD

 

Page 6: KALSOONI! Maku xidhantahay Naftaada?xidhiidhkii aan la lahayn gudeheenna kedibna aynu dareenno jaahwareer, madhnaan, walaf iyo in awooddii aynu ku maamuli lahayn nolosheena aan wayno.

 Ka tallaabso seeraha, dhanka libinta soo aad

 

               

 

 

 

Address: KM-4, Imaamu Shaafici School Road, Hodan District-Mogadishu, Somalia

Website: www.newhorizon.so