FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012 ... · daayo todobaadka soo socda....

10
Guudmar 1 Gobolada Bay Iyo Bakool 2 Daraasad Xaaladeed: Khibradda qoys Soomaaliyeed & xilligii macluusha 3 Xaaladda nafaqada ee Gobollada Jubooyinka 4 Xaaladda nafaqada ee gobollada Shabeelooyinka 5 Xaalladda Nafaqada gobolka Hiiraan 6 Xaaladda nafaqada Gobollada waqooyi 7 Dhisida Kartida Aqooneed: Tababarka habka qorida warbixinada ee Garoowe 8 September-October 2012 Food Security and Nutrition Analysis Unit - Somalia FSNAU Guudmar The FSNAU is managed by FAO and funded by USAID/OFDA, the EC, SIDA and UNICEF Hayadda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku sheegaysa in xaaladahan shaki daacuumeedka ay yihiin kuwa deggan xilligan marka laga reebo gobolka Bay halkaaso oo uu sara kac ka jiro tirooyinka la soo warbixiyey tusaale (12 xaaladooda ayaa lagu warbxiyey todobaadkii koowaad.). Cudurka shuban biyoodka iyo tuhunka daacuunka ee la soo weriyey ayaa ay u badan tahay in ay sii xumeeyaan xaaladda aan sugneyn ee koonfurta ka jirta, gaar ahaan Beletwayne iyo gobolka Bay. Ka sokow soo kabashada tusayaasha sugnaanshaha cuntada, laba ka mid ah saddexda meelood ee dhibta ka jirtey waxa ay weli muujinayaan isla dhibtii taasina waxaa lagu saleeyey falenqeyntii natiijooyinkii Gu’ga ee 2012 kuwaa oo welwel muujinaya.Golista galbeed, baraha caafimaadka waxa aya si joogta ah u muujinayaan saamiyo aad u sareeya (>20%) oo marna ku u kaca marna hoos u dhaca ee carruurta nafoqo darida qabta. Dooxada Nugaaleed >10% oo caruurta booqatay xaruumaha caafimaadka ayaa nafaqa daran, ( waxayna sidaa aheyd ilaa iyo xiligii Gu’ga 2012) Hawdka Waqooyi Galbeed , xarumaha caafimaadka waxa ay muujinayaan (<10%) Saamiga caruurta qabta nafaqada darida mudada dhow ee July- Mapka 1: Qayaasta xaalada nafaqada August, 2012, waxaa lagu saleeyey sahanadii June-July 2012. Mapka 2: Qayaasta xaalada nafaqada ee Soomaaliya (September-October 2012). Xaaladda nafaqada ee waqooyi galbeed way soo hagaageysaa, Dooxada Nugaaleed Iyo habnololeedka Hawd ee gobollada Waqooyi-galbeed balse degaannada wadanka intiisa kale waxba iskama beddelin. Roobabkii heerarkooda caadiga ahaa ama ka sarreeyey heerka caadiga ahaa ee da’ay September-October2012 ayaa waxa ay soo hagaajiyeen heerka sugnaanshaha cuntada ee dhamaan dalka. Waxaa jirey sara u kac xagga helitaanka biyaha iyo daaqa ah taas oo gacan ka geysatey helitaanka caanaha, xaalada jirka xoolaha oo soo hagaagay, helitaanka dakhliga taas oo daba socotey dalabka xoolaha xilliga munaasabada ciida iyo xajjka. Meelaha beerahu ka jiraan waxaa kordhay beero qodashada iyo fursadaha la xariira taas oo sababtey in dadka saboolka ahi ay ka helaan dhaqaale. Natiijooyinka wanaagsan ee ka soo baxay xaalada sugnaanshaha cuntada ee dhammaan dalka ayaa waxa ay u muuqdaan in ay ka turjimayaan soo hagaagista cuntooyinka ay dadka isticmaaleen iyo xaalada nafaqada. Taasina waxa ay la socotaa saadaashii sugnaanshaha cuntada ee FSNAU Gu’gii 2012 ka dib la sameeyey. Nasiib darro Beletweyne, roobabka waxa ay sababeen fatahaado meelaha wabiga jiinkiisa dhaca. Fatahaadda ka dib, tiro xaalado tuhun daacuun oo la soo warbixiyey ayaan sii fidin oo deggan, marka laysu ururiyo warbixin maalmeedyada waxa ay u dhexeeyeen qiyaas ah 17-22 xaaladood oo laga soo warbixiyey afar xarumood oo hooyada iyo dhallaaanka oo ku yaala degmada. Beletwayn taas oo muujinaysa xaalad welwel leh fatahaada ka dib Hayadadaha WHO, UNICEF iyo howl-wadaagta kale ee caafimaadka ayaa si dhow ula socoda xaaladaha’’(Warbixinta caafimaadka ee todobaadlaha ah ee xaaladaha degdega ee Soomaliya, Oct 13-19kii 2012 )

Transcript of FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012 ... · daayo todobaadka soo socda....

FSNAUFSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012

Guudmar 1Gobolada Bay Iyo Bakool 2Daraasad Xaaladeed: Khibradda qoys Soomaaliyeed & xilligii macluusha 3Xaaladda nafaqada ee Gobollada Jubooyinka 4Xaaladda nafaqada ee gobollada Shabeelooyinka 5Xaalladda Nafaqada gobolka Hiiraan 6Xaaladda nafaqada Gobollada waqooyi 7Dhisida Kartida Aqooneed: Tababarka habka qorida warbixinada ee Garoowe 8

September-October 2012Food Security and Nutrition

Analysis Unit - Somalia

FSNAU

Guudmar

The FSNAU is managed by FAO and funded by USAID/OFDA, the EC, SIDA and UNICEF

Hayadda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku sheegaysa in xaaladahan shaki daacuumeedka ay yihiin kuwa deggan xilligan marka laga reebo gobolka Bay halkaaso oo uu sara kac ka jiro tirooyinka la soo warbixiyey tusaale (12 xaaladooda ayaa lagu warbxiyey todobaadkii koowaad.). Cudurka shuban biyoodka iyo tuhunka daacuunka ee la soo weriyey ayaa ay u badan tahay in ay sii xumeeyaan xaaladda aan sugneyn ee koonfurta ka jirta, gaar ahaan Beletwayne iyo gobolka Bay. Ka sokow soo kabashada tusayaasha sugnaanshaha cuntada, laba ka mid ah saddexda meelood ee dhibta ka jirtey waxa ay weli muujinayaan isla dhibtii taasina waxaa lagu saleeyey falenqeyntii natiijooyinkii Gu’ga ee 2012 kuwaa oo welwel muujinaya.Golista galbeed, baraha caafimaadka waxa aya si joogta ah u muujinayaan saamiyo aad u sareeya (>20%) oo marna ku u kaca marna hoos u dhaca ee carruurta nafoqo darida qabta. Dooxada Nugaaleed >10% oo caruurta booqatay xaruumaha caafimaadka ayaa nafaqa daran, ( waxayna sidaa aheyd ilaa iyo xiligii Gu’ga 2012)

Hawdka Waqooyi Galbeed , xarumaha caafimaadka waxa ay muujinayaan (<10%) Saamiga caruurta qabta nafaqada darida mudada dhow ee July-

Mapka 1: Qayaasta xaalada nafaqada August, 2012, waxaa lagu saleeyey sahanadii June-July 2012.

Mapka 2: Qayaasta xaalada nafaqada ee Soomaaliya (September-October 2012).

Xaaladda nafaqada ee waqooyi galbeed way soo hagaageysaa, Dooxada Nugaaleed Iyo habnololeedka Hawd ee gobollada Waqooyi-galbeed balse degaannada wadanka intiisa kale waxba iskama beddelin.

Roobabkii heerarkooda caadiga ahaa ama ka sarreeyey heerka caadiga ahaa ee da’ay September-October2012 ayaa waxa ay soo hagaajiyeen heerka sugnaanshaha cuntada ee dhamaan dalka. Waxaa jirey sara u kac xagga helitaanka biyaha iyo daaqa ah taas oo gacan ka geysatey helitaanka caanaha, xaalada jirka xoolaha oo soo hagaagay, helitaanka dakhliga taas oo daba socotey dalabka xoolaha xilliga munaasabada ciida iyo xajjka. Meelaha beerahu ka jiraan waxaa kordhay beero qodashada iyo fursadaha la xariira taas oo sababtey in dadka saboolka ahi ay ka helaan dhaqaale. Natiijooyinka wanaagsan ee ka soo baxay xaalada sugnaanshaha cuntada ee dhammaan dalka ayaa waxa ay u muuqdaan in ay ka turjimayaan soo hagaagista cuntooyinka ay dadka isticmaaleen iyo xaalada nafaqada. Taasina waxa ay la socotaa saadaashii sugnaanshaha cuntada ee FSNAU Gu’gii 2012 ka dib la sameeyey.

Nasiib darro Beletweyne, roobabka waxa ay sababeen fatahaado meelaha wabiga jiinkiisa dhaca. Fatahaadda ka dib, tiro xaalado tuhun daacuun oo la soo warbixiyey ayaan sii fidin oo deggan, marka laysu ururiyo warbixin maalmeedyada waxa ay u dhexeeyeen qiyaas ah 17-22 xaaladood oo laga soo warbixiyey afar xarumood oo hooyada iyo dhallaaanka oo ku yaala degmada. Beletwayn taas oo muujinaysa xaalad welwel leh fatahaada ka dib Hayadadaha WHO, UNICEF iyo howl-wadaagta kale ee caafimaadka ayaa si dhow ula socoda xaaladaha’’(Warbixinta caafimaadka ee todobaadlaha ah ee xaaladaha degdega ee Soomaliya, Oct 13-19kii 2012 )

FSNAU

2

FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012

Septemper2012 ayaa ka soo yaraatay >15% kii xilliga Gu’ga 2012. Xaalada nafaqada ee Golista Galbeed , iyo hab-nololeedka dooxada Nugaaleedyada ayaa waxaay u muuqdaan kuwa ka soo hagaagaya xaaladdii Nafaqo oo Ba’ana, halkii ay ka aheyd xaalad Nafaqo oo Aad u Ba’an Gu’gii 2012. Ayadoo lagu salaynayo tusayaasha sugnaanshaha cuntada soo hagaagaya , Hawd iyo Waqooyi Galbeed xaalada waxa ay u badan tahay in aay ka soo hagaagto mid halis ah halka ay ka ahayd mid Ba’an,

Sidaa darteed Xaalada nafaqada ka jirta Waqooyi waxay u badan tahay in tahay mid heerkeedu Halista ah.. marka laga reebo Golista Waqooyi/Guban iyo hab nololeedyada Dooxada Nugaaleed kuwaas oo iyaguna ka soo hagaagay xaalada Aad u Ba’an oo noqday Xaalad Ba’an. Koonfurtana xaalada wax ay u badan tahay mid Ba’an – Aad u Ba’an waana sii socosho xaaladii Gu’ga2012.Sahanada nafaqada ee Deyrta 2012 dabadeed la qaban doono ayaa waxa ay bixin doonaan qayaasaha saxda ah ee xaalada nafaqada, (Mapka1aad iyo 2aad)

Jaantuska 1aad.Sahanada nafaqada ee qorshaysan Derta 2012. November-December2012

Barakacayaashu waxa ay sii ahaanayaan kuwa aad u nugul taasina waxaa ugu wacan ku tiirsanaanshahooda gargaarka bani-aadanimo, daqliyada yaryar ee ganacsida yaryar, fursadaha shaqooyinka xoogsiga ah ee la xariira hab nololeedyada miyiga iyo kuwa magaaladaba. Sidaa darteed xaaladooda nafaqo waa mid welwel leh sidii Gu’gii 2012.

FSNAU waxa ay haddadan ka fulineysaa Sahanadii nafaqada ee Deyrta ka dib barakacayaasha gobollada waqooyi iyo magaalooyinka Bartamaha Natiijooyinkuna waxaa lagu faafin doonaa warbixinta nafaqada ee ee FSNAU ee bisha November-December taasoo loo qorsheeyey in la sii daayo todobaadka soo socda. Qorshe aan sugneyn ayaa loo dejiyey sahamada nafaqada ee inta hartey ee dadka Soomaaliya, tabeelaha 1aad. Tixraax Mapka 3aad ee hab nololeedyada Soomaliya.

No. Hab NololeeDka (Nooca DaDka XIllIGa1 Barakacayaasha Duusamareeb Nov 20122 Barakacayaasha Hargeisa Nov 20123 Barakacayaasha Burco Nov 20124 Barakacayaasha Berbera Nov 20125 Barakacayaasha Bossoso Nov 20126 Barakacayaasha Qardho Nov 20127 Barakacayaasha Garowe Nov 20128 Barakacayaasha Galkacyo/Mergaga Nov 20129 Barakacayaasha Kismaayo Nov 201210 Barakacayaasha Dolow Nov 201211 Hab noloeedka reer magaalka gobolka Galgaduud Nov 201212 Hab noloeedka reer magaalka gobolka Sool Nov 201213 Hab noloeedka reer magaalka gobolka Sanaag Nov 201214 Hab noloeedka reer magaalka Bari Nov 201215 Hab noloeedka reer magaalka gobolka Nugaal Nov 201216 Hab noloeedka reer magaalka gobolka Mudug Nov 201217 Hab noloeedka reer magaalka gobolka Awdal Nov 2012

18 Hab noloeedka reer magaalka gobolka Waqooyi galbeed Nov 2012

19 Hab noloeedka reer magaalka gobolka Togdheer Nov 201220 Hab noloeedka reer magaalka Mogadishu Dec 201221 Barakacayaasha Mogadishu Dec 201222 Bartamaha Cowpea Belt Dec 2012

23 Dobley IDPsBarakacayaasha Dhoobley Dec 2012

24 Hab nololeedka Beera-xoolaleyda Togdheer iyo Waqooyi galbeed Dec 2012

25 Hab nololeedyada Golista Galbeed/ xoolaleyda Guban Dec 2012

No. Hab NololeeDka (Nooca DaDka XIllIGa

26 Hab nololeedka Sool Plateau Waqooyi Bari iyo Waqooyi galbeed Dec 2012

27Hawd Pastoral LZ (Northwest)Hab nololeedka xoolo dhaqatada Hawd (waqooyi Galbeed)

Dec 2012

28 Hab nololeedka Bariga Golis/gebi (Waqooyi Galbeed) Dec 2012

29 East Golis/Kakaar Pastoral LZ (Northeast)Hab nololeedka Bariga Golis /Karkaar. (waqooyi Bari) Dec 2012

30 Hab nololeedka xoolo dhaqatada Dooxada Nugaal ee Waqooyi Bari iyo Waqooyi galbeed. Dec 2012

31 Hab nololeedka Xeebta Deex (Waqooyi Bari) Dec 201232 Hab nololeedka Xeebta Deex (Bartamaha) Dec 2012

33 Hab nololeedka xoolo dhaqatada Hawd (Bartamaha iyo Waqooyi Bari. Dec 2012

34 Hab nololeedka xoolo dhaqatada Caduun, (bartamaha iyo waqooyi bari) Dec 2012

35 Lower Shabelle riverineJiinka wabiga Shabeele Dec 2012

36 Beera-xooleleyda Shabeelada Hoose Dec 201237 Jiinka Wabiga Shabeele dhexe Dec 2012

38 Middle Shabelle AgropastoralistsBeera-xoolaleyda Shabeelada Dhexe Dec 2012

39 Gobolka Hiiraan – Degmada Beletwayne Dec 201240 Gobolka Hiiraan – Degmada Matabaan Dec 201241 Xoolo dhaqatada Juba Dec 201242 Beera-xoolodhqatada Juba Dec 201243 Jiinka wabiga Juba Dec 2012

44 North Gedo PastoralistsXoolo dhaqatada waqooyiga Gedo Dec 2012

45 Jiinka Wabiga Gedo Dec 2012

46 North Gedo AgropastoralBeera-xoolo dhaqatada Waqooyiga Gedo Dec 2012

47 Xoolo dhaqatada Bakool Dec 2012

48 Gobolka Baay Dec 2012

49 Barakacayaasha Baydhaba Dec 2012

FSNAU

3

FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012

5.0

15.0

25.0

35.0

45.0

55.0

65.0

75.0

Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec

Pro

porti

on o

f mal

nour

ishe

d ch

ildre

n

2011 2012 2 per. Mov. Avg.(2011) 2 per. Mov. Avg.(2012)

Muuqaalka 1: baaxaa degga nafaqa darida ee xaruumaha caafimaadka ee beera-xoolo dhaqatada gobolka Bakool 2011-2012

0.0

10.0

20.0

30.0

40.0

50.0

60.0

Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec

Pro

porti

on o

f mal

nour

ishe

d ch

ildre

n

2011 2012 2 per. Mov. Avg.(2011) 2 per. Mov. Avg.(2012)

Muuqaalka 2: baaxaa degga nafaqa darida ee xaruumaha caafimaadka ee beera-xoolo dhaqatada gobolka Bay MCHs 2011-2012

0

100

200

300

400

500

600

Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sept

Bakool AP OTP Admissions

Muuqaalka 3: caruurta galay xaruumaha cunto ku daawaynta ee socotadda ah

Xaaladda nafaqada ee xoolo dhaqatada Bakool iyo Beer iyo Xoolaleyda Bay ayaa waxa ay ku sii socotey xaaladdii xilligii deyrta ee 2010/11 oo aheyd Mid Aad u Ba’an, iyadoo heerka nafaqodarida guud ee la diiwaangeliyeyna uu gaaray in ka badan (>20%) Si kastaba aha ahaatee heerarka nafaqa darida hoos ayay uga dhaceen heerkii xad dhaafka ahaa ee >45% ee la qorey xilligii ay dhibaatada Ba’an ee sugnaanshaha cuntada ay ka jirtay koonfurta Soomaaliya. Wax Sahano nafaqo ah lagama qaban Beer iyo Xoolalaeyda Bakool ayadoo la gaari waayay sidaa darteed ma jirin xog ku filan oo looga qiyaas qaato xaalada nafaqada ee hab nololeedkan, Xogta laga helay xaruumaha caafimaadka ee bilahii August iyo September waxa ay muujinayaan in ay sarreyso (45%) waana baxaa deg sabayneysa oo ah caruurta qabta nafaqada darida muddada dhow, Muuqaalka 1aad.

Xogta ka imaneysa xarumaha caafimaadka ee gobolka Baay laga soo bilaabo July ayaa ayaduna waxa ay sheegaysaa in ay sarreyso (>50%) ayna sabayneyso baaxaa dega caruurta qabta nafaqada darida mudada dhow. Heerka cudurrada oo sareeya. (Shuban biyoodka degdegga ah, Daacuunka iyo jadeecada) iyo waliba heerka Gargaarka bani-aadanimo oo aad u xadeysan intuba waxay ay noqdeen caqabadaha ugu waaweyn ee kordhinaya nuglaanshaha dadka.marka loo eego warbixinta caafimaadka ee xaaladaha degdega ee WHO , ee soo baxday (October 13-19) xogta laga hayo 7 xarumood oo caafimaad oo ku yaalla gobolka Baay ayaa waxa ay soo war bixiyeen 12 xaaladood oo tuhun Daacuun ah. Gobolka Baay waxaa ka jira cudduro fara badan xarumaha caafimaadka ee shaqaynayana aad ayay u tiro yar yihiin, taas oo saameyn ku leh xaaladda nafaqada iyo caafimaadka guud ee dadka. (Muuqaalka 2aad iyo 3aad.)

Helitaanka caanaha ayaa la sheegayaa in ay hooseeyso ayna ugu wacan tahay ayadoo si gaabis ah suuqa u timaada, waxaana keenay geela oon dhelin, ha yeeshee waxaa la filayaa in xaalada ay ka soo hagaagto ayadoo la saadaalinayo in xoolaha dhali doonaan bilaha foodda inagu soo haya ayna sababtey sara u kaca helitaanka biyaha iyo daaqa ee meelaha goor hore uu ka sii da’ay roobabka Deyrta 2012. Qiimaha firileyda ayaa waxa uu muujianayaa sara u kac ilaa iyo April12 waxaana ugu wacan wax soorkii xilliga Deyrta 2012 oo liitey. Iibsiga isdabajoogga ah ee cuntada ayaa waxaa lagu tilmaamay halka aya cuntada ka helaan dadka , arintana waxa ay saameyn xun ku yeelanaysaa xaaladda nafaqada, waxa ayna ku sii jiri doontaa heer Aad u Ba’an very Critical. Sahamo nafaqo ayaa waxaa la qorsheeyey todobaadka labaad ee November2012 in laga fulinayo xoolo dhaqatada Bakool iyo December oo laga fulin doono Habnololeedka miyiga Bay iyo dadka barakacayaasha ah ee Baydhaba.

GOBOllADA BAAy iyO BAkOOl

FSNAU

4

FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012

DARAASAD XAAlADEED

Waayo aragnimada qoys Beero-Xoolo dhaqato ku noolaa tuulada Sarmaan,degmada Huddur ee xilligii Macluusha, sida loogu waramay FSNAU

Magaalada Xuddur oo ah caasimada gobolka Bakool ee koonfurta Soomaliya ayaa waxa ay dhacdaa meel 180kms u jirta waqooyi galbeed Gabolka Baay oo xaduudka Ethiopia u jirta 90kms. Waxaana ka jira laba hab nololeed oo kala ah Xoolo dhaqatada, (Geel,Ido,Ari,iyo Lo’da) iyo Beero Xoolo-dhaqatada (miraha beeraha iyo xanaaneynya xoolaha nool). Hab nololeedka Beero-xoolo dhaqatada Bakool waxa uu ka mid ahaa meelaha xaaladda nafaqada ay gaartey heer xad dhaaf ah Heerka nafaqada darirda Guud (GAM).>30%, July2011. Xaaladdaasi waxaa lala xariirineyey dhibaatooyin isbiirsaday,waxyeelladii abaarta ee Deyrta iyo Gu’ga 2011, roobabkii la waayey, oo sababay saamayn xun ayn ka mid ahayd wax soo saarka miraha beeraha oo gebi ahaanba fashilmey, xoolo fara badan oo u dhintey baad iyo biyo la’aan, Daraasadda xaaladan soo socota waxa ay inoo muujinaysaa sida qoysas badani u lumiyeen hab nololeedkooda iyo sida ay qaar uga soo kabteen ,

Saciido waa hooyo 32 jir ah, waxa ay la nooshahay seygeeda Cali iyo shan caruur ah, laba ka mid ah caruurta waxa ay ka yar yahiin da’da shan sanno, tuulada Sarmaan oo ay deggan yihiin dad beero iyo xoolo dhaqato ah, waxay ku tirsan tahay degmada Xuddur. Qoyskani waxa ay leeyahiin beer ay xilliyada caadiga ah ay ka soo goostaan/ama kala soo baxaan cunto ku filan qoyskooda isticmaalkiisa iyo in ay iibiyaanba, si kastaba aha ahaatee, xilliyo badan oo abaar isdaba jog ah ay soo wajahday, xilligii Gu’ga 2011 ee macluusha gaartay halkii ugu sareysay, qoyskani way soo saari kari waayeen wax cunta ah. Abaarta horteeda qoyskani waxa uu lahaa labaatan iyo seddex neef oo riyo iyo ido isugu jira, iyo weliba seddex halaad oo geel ah. Markii aya abaarta ku dhifatey deegaanka qoyskani waxa ay waayeen oo ay abaarta la tagteyafar iyo toban neef oo riyo iyo ido isugu jira taas oo ay ugu wacneyd dhibaatooyinka la xariira biyo iyo baad la’aanta.Saciida waxa ay tiri waxaan ku qasbanaaney inaan inta harteyna aan ku iibino qiimo tuuris ah si aan u dabooli karno baahideena deddeg ah ee cunto. Dabcan hadaan heli lahayn cunto gargaar ah iyo daawo xoolaha wax badan ayaa noo badbaadi lahaa, mase dhacin ayay raacisay hadalkeeda. Waxaa qoyskeeda soo wajahay dhibaatooyin culus, ayaga oon haysan cunta, iyo dakhli ka soo gala iibka miraha beeraha oo aan laheyn,waxaaba sii dheer caano la’aan iyo qiimaha firileyda oo aad u kacay.Markay shidada abaarta ay cirka isku shareertey qoyskani waxa ay ka fara xasheen intii u dambeysay ee arigooda, waxayna u hayaameen Magaalada Xuddur.halkaas oo ay isaga iibiyeen mid ka mid ah geeloodii ayna go’aansadeen in labada neef ee geela ah uu geel jiraha uu ula dhaqaaqo meelaha kale ee daaqu wanaagsan yahay. Intii lagu jiray xilligan Axmed, mid ka mid ah wiilashiisa ayaa waxa ku dhacay caabuq xagga neef mareenka ah balse qoyska ma aanu karin inuu iska bixiyo kharash daawa ay ugu iibiyaan adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay sidaa darteed waxa uu Ahmed u dan sheegtey Immaamka masjid u dhowaa halkaas oo qaaraan looga aruuriyey salaada Jimcah ka dib, lacagtaas yar waxa ay fududeysay qarashka daawada Ahmed iyo ayagoo ka iibsaday cunto aan sidaa u badaneyn oo laba maalmood ay isticmaaleen. Isla xilligaas Saciida waxa ay bilowday in ay ka xoogsato guryaha qoysaska ladan ayadoo ka caawineysa xagga dhaqida dharka, tumidda badarka iyo adeegyada kale ee fudfudud.

Saciida waxa kale ay ogolaatey in gabadheeda sagaal sano jirka ah Xaliima in ay noqoto jaariyad si ay wax ugu kordhiso dhaqaalaha qoyskan.Oktober 2011 bilowgii roobabka Deyrta. Saciida waxa ay iska iibisay mid ka mid ah geeloodii u harsanaa si ay dib ugu soo ceshato arigii farahooda ka baxay, April 2012 waxa ay helayeen dakhli uga yimaada iibinta wax soo saarka xoolahooda waxayna awoodeen in ay iska bixiyaan deymaha yar yar ee lagu lahaa. Ayadoo ay arini halkaasi joogto ayaa Cali ( Waa Aabbihii qoyska ) waxa uugo’aandasay inuu dib ugu laabto tuuladiisii hore isagoo hore u soo kaxaystay gabadhiisa curadka ah iyo mida ugu yar (Xalima iyo Raliya) kuwaas oo ka caawinaaya ilaalada xoolaha inta uu ku mashquulsan yahay howlhaha beerta. Saciida ayaduna waxa ay qorsheyneysaa in ay dib ugu laabato gurigeeda si ay ugu biirto qoyskeeda ha yeeshee hada waxa caqabad ku noqdayx anuunka wiilkeeda Axmed oo ay haleeshay Xiiq-dheer ( Whooping cough) intii uu joogay magaalada Xuddur balse waxaa hadeer uga socotaa daawayn xaruun caafimaad bulsheed.Qoyskeenu aad ayuu u qanacsan yahay hadeer waanu soo kabanayaa dhaqaale ahaan shiddadii macluusha ayay tiri Saciida, waxaana ka sii farxad badaneynaa markaanu dib ula midowno qoyskeenna Axmed oo caafimaad qaba ayay raacisaySaciida.

Daraasada xaaladda waxa ay sharxeysaa sida adag ee qoysaska ula tacaaleen xaaladdii abaarta ee ba’aneyd iyadoo weliba bidhaamineysa sida ay qoysaska ugu soo kabsadaan dibna ugu dhistaan noloshoodaii caadiga aheyd shiddo badan oo la soo derista ka dib.

FSNAU

5

FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012

GOBOllADA JuBOOyiNkA

Falanqeynta xaaladaha is kaabaya ee xilliga Gu’ga 12 dabadiisa, gobollada jubooyinka wax ay muujiyeen sii socosho xaaladii nafaqada ee Aad u Ba’an ee beero-xoolo dhaqatada iyo jiinka wabiga juba dadka ku nool. iyo wax ka soo kabasho ah oo ay muujisay xoolo dhaqatada ayna noqotey xaalada mid Ba’an Critical. xogta nafaqada ee laga soo ururiyey xarumaha caafimaadka ee xoolo dhaqatada jubooyinka mudadii u dhexaysay January ilaa July2012 waxa ay muujinayaa tirooyin sare oo ah caruurta qabta nafaqa darida muddada dhow (>20%) oo waliba ah baaxaa deg sii kordhaya.

halka hab nololeedyada beera-xoolo dhaqatada iyo kuwa jiinka wabiga dega ay ayaguna muujiyeen tirooyin sare oo ah caruurta qabta nafaqa darida mudduda dhow (>20%) baxaa deggunana uu hoos u socdo. xog kal dhow laga soo ururiyey adeegyada caafimaadka ee gobolkan ee bilihii August Iyo September2012 waxa ay muujinayaan baxaa deg hoos u socda oo ah caruurta ay hayso nafaqada darida mudada dhow ee ka tirsan kuwa dega jiinka wabiga iyo beera-xoolo dhaqatada.( Muuqaalka 4aad.) Baaxaa deg sabaynayaa oo ah caruuurta qabta nafaqa darida muddada dhow ayaa lagu arkay dadka dega jiinka wabiga Juba, (Muuqaalka 5aad) tani waxaa lala xariirinayaa barakaca ka jira

XAAlADA NAfAQADA EE GOBOlADA JuBA iyO GEDO

0

10

20

30

40

50

60

70

Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec

Prop

ortio

n of

mal

nour

ished

chi

ldre

n

2011 2012 2011 2012 2 per. Mov. Avg.(2011) 2 per. Mov. Avg.(2012)

Muuqaal 4: baaxaa degga nafaqa darida ee xaruumaha caafimaadka ee xoolo dhaqatada gobollada Jubooyinka MCHs 2011-2012

0

10

15

20

25

30

35

40

45

50

Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec

Prop

ortio

n of

mal

nour

ishe

d ch

ildre

n

2011 2012 2 per. Mov. Avg.(2011) 2 per. Mov. Avg.(2012)

Muuqaal 5: baaxaa degga nafaqa darida ee xaruumaha caafimaadka ee dadka jiinka wabiga Juba degga MCHs 2011-2012

GOBOlkA GEDOFalanqeynta xaaladaha is kaabaya ee xilliga Gu’ga 12 dabadiisa, gobollada jubooyinka wax ay muujisay sii socosho xaalad nafaqo oo Aad u Ba’an in ay ku jiraan xoola dhaqatada iyo beera-xoolo dhaqatada waqooyiga gobolka Gedo. wax sahan nafaqo ah lagama sameyn koonfurta Gedo taas oo ay ugu wacan tahay nabadgelyo xumo. xogta laga hayo xaruumaha caafimaadka ee bilahii January Ilaa July2012 ee xoolo dhaqatada, beera-xoolo dhaqatada iyo hab nololeedka dadka dega wabiga jiinkiisa ee Gobolka Gedo. waxa ay muujinayaan heerar aad u sareeya (>20%) balse Baxaa degga caruurta qabta nafaqa darida muddada dhow waa ay soo yaraanayaa. xogta hada laga helo xarumaha caafimaadka ee bilaha August iyo September ee 2012 ayaa hada ururinteeda lagu guda jiraa, waxaana lagu soo faafin doonaa warbixinta nafaqda ee bisha November-December2012.

Xaaladda sugnaanshaha cuntada ee hab nololeedyada gobollada gedo ee xilligii Gu’gii2012 ayaa waxaa lagu sifeeey mid ciriiri ah ama qallafsan inay ka ka jirto. Xaaladda hadda jirta ayaa waxa ay muujinaysaa ka soo rayn Dhamaan hab nololeedyada marka laga reebo hab nololeedyada Masagada Aad u soo saara ee Gedo. Bulshada ku nool jiinka wabiga iyo xoolo dhaqatada dhulka fog ee koonfurta ah meelahaas oo welwel xagga biyaha ah ayaa laga soo sheegay. Soo hagaagista xaalada sugnaanshaha cuntada ayaa waxaa lala xariirinayaa sicirka iibka xoolaha oo sare u kacay, awoodda qoyska ee xagga wax iibsiga oo sare u kacday, ganacsi isku bedeleshada oo soo hagaagtey iyo wax soo saarka caanaha oo sare u kacay, Xaaladda nafaqada ee xoolo dhaqatada ayaa waxay u badan tahay mid Ba’an. Tani waxaa lala xariirinayaa tusayaasha wanaagsan ee hagaagista sugnaanshaha cuntada ee dadka xoolo dhaqatada ah, waxaana sii dheer heerka cuddurada oo hooseeyey, halka dadka degga jiinka wabiga iyo beera-xoolo-dhaqatada heerkooda nafaqada uu yahay mid Aad u Ba’an (Very Critical).

deegaanka iyo nabadgelyo xumida ayadoo ay dadka ka soo cararayaan goobaha magaalooyinka ah sida kismaayo ayna aadayaan meelaha miyiga ah si ay uga baxsadaan colaadaha.

Xaaladda sugnaanshaha cuntada ee gobollada Jubooyinka ee xilligii Gu’gii2012 ayaa waxaa lagu sifeeey mid ciriiri uu ka jiro xoolo dhaqatada dhulalka fog ee dhaqata geela, ama xoolo dhaqatada Koonfur Bari oo ayaguna ku jiray xaalad qallafsan ama ba’an( Crisis), beera-xoolo dhaqatada kuunfureed iyo hab nololeedka jiinka wabiga labada Juba ee dhexe iyo hooseba, Hadda xaalada sugnaanshaha cuntada waa mid deggan, mana jiraan wax cudur ah oo ka dillaacay gobolladan oo la soo sheegay , xaaladuna waxa ay u badan tahay in tabay mid Ba’an , waxna iskama bedelin tii xiligii Gu12. Si kastaba ha ahaatee xaalada waxay sii ahaaneysaa mid aad u nugul sababtoo ah waxaa jira khataro badan oo ka imanaya cuddurada xilliyada la socda oo sii kordhaya iyo nabadgelyo xumo sababi karta barakac kuwaaso oo si xun u saameyn kara xaaladda nafaqada ee dadka.

FSNAU

6

FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012

Xilligii Gu’ga 12, wax sahan nafaqo ah lagama qaban gobollada shabeellooyinka waxaana ugu wacnaa iyaa la gaari waayay, Ayadoo aan laga hayn xog ku filan FSNAU ma aanay sharxin xaaladda nafaqada ee gobolladan, Xogta laga helo xaruumaha caafimaadka waxa ay muujianayaan in ay sarrayso (>30%) waana baxaa deg deggan oo muujinaya caruurta qabta nafaqada darida mudduda dhow ee dadka beera-xoolo dhaqatad ah iyo heer hooseeya (>10%) oo baxaa deg dhanka hoose u socda oo ah dadka degga jiinka wabiga Shabeelle. Xog kal dhow laga soo ururiyey xaruumaha caafimaadka ee bilahii July ilaa September 2012, waxa ay muujianayaa in tirooyinka caruurta qabta nafaqa darida muddada dhow ay kordheyso dhanka xoolo dhaqatada iyo kuwa dagga jiinka wabiga. Sare u kac deg deg ah oo heerka nafaqada ah ayaa lagu arkay dadka degga jiinka wabiga labadii billood ee ugu dambeysay (15%-45%) sare u kacani laga soo wariyey xaruumaha caafimaadka ayaa intiisa badani waxaa lala xariirinayaa cuddurada oo kordhay iyo barakac ka dhashay nabadgelyo xumo deegaanka ka jirta. (Inkasta oo xoggaha xaruumaha caafimaaka mar walba si taxadar badan ay tahay in loo turjumo maadaana ay xogtu natiijo sugan/sax ah aysan bixin muujisana oo qura caruurta u timaada xaruunta caafimaad adeegyada la socodka koritaanka carruta ama barnaamijyada quudinta) sidaa oo ay tahay hadana gargaarka bani-aadanimo waa mid xadeysan waxaana ugu wacan ayadoo la gaari waayay.

Xaalada sugnaansha cuntadda ee gobollada labada shabeelle ee Gi’gii 2012 waxa ay muujiyeen ka soo reyn, halkaas oo goobaha dhamaantooda lagu sifeeyey Heer walaac leh marka laga reebo degmooyinka Adan Yabaal iyo Cadalle ee gobollka Shabeelada dhexe kuwaas oo lagu sifeeyey heer qallafsan ( Crisis). Ka soo rayn ayaa waxaa ay jirtey ilaa September – October2012. Waxaana inteeda badani lala xariirinayaa tilmaamayaasha wanaagsan ee sugnaanshaha cuntada, wax soo saarka miraha beeraha oo soo haagaagey gobolka Shabeellada dhexe, fursadaha dakhli abuurka ee beeraha iyo iibka xoolaha, waxaa intaa dheer awooda wax iibsiga oo korortay xagga qoysaska saboolka ah iyo qiimaha firileyda oo hooseeyay muddo, hadda xaalada sugnaanshaha cuntada ee Shabeellooyinka waa mid deggan. Saamayn wanaagsan oo ka hartay xilligii hore ayaa weli muuqanaysa, waxaana sii dheer billowga wanaagsan ee xilliga Deyrta 2012, Tani waxay keeneysa in la sii saadaalin karo soo hagaagis dheeraad ah. Xaaladda nafaqadda ee gobollada Shabeelooyinka waxay u badan tahay mid Ba’an marka lagu saleeyo Baxaa degga nafaqadda ee xaruumaha caafimaadka kuwaas oo muujianaya sare u kac tirade caruurta qabta nafaqada darida muddada dhow, (muuqaalka 6 iyo 7), iyo heerka cuddurada oo sare u kacay (inkastoo ay ku jirto Baxaa degg xilliyeedka) heerka sugnaanshaha cuntada ee gobolka, Gobollada Shabeelooyinka waxa ay sii ahaaneyaan kuwa nugul in si dhow loola socdana waa muhiim.

XAAlADA NAfAQADA EE GOBOlkA HiiRAAN

XAAlADDA NAfAQADA EE GOBOllADA SHABEElOOyiNkA

0.0

10.0

20.0

30.0

40.0

50.0

60.0

70.0

Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec

Prop

ortio

n of

mal

nour

ishe

d ch

ildre

n

2011 2012 2 per. Mov. Avg.(2011) 2 per. Mov. Avg.(2012)

Muuqaal 6: baaxaa degga nafaqa darida ee xaruumaha caafimaadka ee dadka beera xoolo dhaqatada ah ee Shabeellooyinka degga MCHs 2011-2012

0.0

10.0

20.0

30.0

40.0

50.0

60.0

70.0

Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov Dec

Pro

porti

on o

f mal

nour

ishe

d ch

ildre

n

2011 2012 2 per. Mov. Avg.(2011) 2 per. Mov. Avg.(2012)

Muuqaal 7: baaxaa degga nafaqa darida ee xaruumaha caafimaadka ee dadka jiinka wabiga Shabeele Degga MCHs 2011-2012

sameyn gobolka ayadoo la gaari waayey darteed. Heerka nafaqda darridda guud iyo heerka nafaqda darida Halista ah ee la wariyey July2012 ee degmada Matabaan waxay kala ahaayeen 16.7% (13.2-20.8) iyo 4.2% (2.3-7.3) siday u kala horreeyaan. halka dhimashada guud iyo dhimashada caruurta shanta sano ka yar ay kala ahaayeen 0.99 (0.70-1.41) iyo 4.50 (3.02-6.64),siday u kala horreeyaan. Taas oo muujineysa xaalad walaac xad dhaaf ah leh xagga caafimaadka caruurta degmadaas ku nool, Heererka nafaqa darida guud iyo nafaqa darida halista ahee degmada Beletwayne waxay kala ahaaeyeen16.6% (11.7-22.9) iyo 3.3 (1.7-6.3) siday u kala horreeyaan heerarka dhamashada guud iyo midda caruurtaa shanta sanno ka yar waxa ay kala ahaayeen 0.80 (0.53-1.22) iyo 2.32 (1.30-4.11) siday u kala horreeyaan. labada degmaba waxa ay ku war bixiyeen heerka cuddurada caruurta oo sareeya (>50%) iyo heerka talaalka iyo Vitamin A-ga oo aad u hooseeya (<20%) tani waxay muujineysaa xaalad aad u walaac badab in ay ka jirto degmadan. Horaantii October 2012 roobab fara badan oo ka da’ay Beletwayne wayaa waxa ay sababeen fatahaado sababay barakac iyo khataro sii kordha oo sababi kare inay shuban saf mar ahi ka dillaaco. Hadda tirooyinka tuhunka cuddur daacuunka ee la soo wariyey waa kuwa deggan oo marka la soo urruriyo noqanaya 17-22 xaaladood maalintiiba oo ka imanaya 4 MCH oo degmada ku yaala. .( warbixinta caafimaadka ee xaaladaha degdega ee WHO , ee soo baxday (October 13-19) WHO, UNICEF iyo hawl-wadaagta caafimaad ayaa si dhow ula socda xaaladda Beletwayne,

Xaaladda sugnaanshaha cuntada ee Gu’ga 2012 ee gobolka Hiiraan waxay guud ahaan muujineysaa soo kabasho marka loo eego Deytii 2011/2012. Xaalada dadka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa deggan jiinka wabiga ee Hiiraan ayaa waxaa lagu sifeeey Heer cakiran (Stress Phace) ayadoo horay ugu jirtey heer ba’naan ah ( Crises) marka loo eego falanqeynta is kaabaysa ee sugnaanshaha cuntada ee Gu’ga 2012 dabadii. Halka dadka beera xoolo dhaqatada lagu sifeeyey in ku jiraan xaalad Shido badan (Crisis Phase) balse hore ay ugu jireen xaalad Degdeg ah (Emergency Phase) soo kabashadaasi waxaa lala xariirinayaa saamaynta roobabka Gu’gii 2012 oo sababay helitaanka biyaha oo soo hagaagay, miraha lacagta gacan saarka ah lagu bedesho oo soo go’ay hagaajiyeyna dakhliga qoysaska.

Sida la saadaaliyey xaalada nafaqada ee gobolka Hiiraan ee September ilaa December2012 waa mid Ba’an Critacal ha yeeshee waxaa suura gal ah In Beletweyne ay soo xumaato gaatana mid Aad u Ban Very Critical waxana ugu wacan fatahaada laga soo wariyey halkaas oo horaanba xaalada caafimaad ee dadka ay aheyd mid aad u nugul, Cuddurada waxa ay xariir toos ah la leeyahiin nafaqa darida muddada dhow. Xaalada si dhow ayaa loola soconayaa sahanno nafaqo ayaana qorsheysan in laga fuliyo gobolka dhamaadka November 2012.

FSNAU waxaa u qorsheysan in sahanno nafaqo ay ka fuliso gobollada Shabeelooyinka iyo Hiiraan inta dhexeysa November ilaa December 2012, Si loo go’aamiyo xaalada nafaqda ee hada ka jirta halkaas, natiijooyinkana waxaa faafin doonaa January2013.

Xaaladda nafaqada ee magaalada Beletwayne iyo Matabaan ayaa waxaa lagu sifeeyey mid Ba’an Critical marka loo eego falanqeyta is kaabaysa ee xaaladda nafaqada. Si kastaba ha ahaatee wax sahan nafaqo ah lagama

FSNAU

7

FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012

Sida lagu ogaadey sahammadii nafaqada ee la sameeyey bishii lixaad ilaa middii toddobaad ee 2012-kii xaaladda nafaqada ee dadka ku dhaqan bariga golis iyo Hawd ka waxay ka soo degtey inay heer aad u baán ( very critical} haddase waxay maraysaa heer halis ah sidoo kale deegaamada Sool Plateau, Cadduun iyo Dhul xeebeedka Deex xaaladda nafaqaadu waxay iskaga negaatey heer halis ah marla loo eego sidii natiijadu ahayd Dayrtii 2011/2012.

Si kastab ha ahaatee xaaladda Nafaqa darradda ee deegaamada Nugaal sare ayay u kacday waayo Dayrtii 2011/2012 waxay ahayd heer baán, haddase waxay maraysaa heer aad u baán, sababaha sare u kaca keenay waaxaa lagu tilmamay cudurka Jadeecada oo degaamadaas ka dillaacay, iyo isbeddel xilliyeedka dhacay. Iyadoo adeegsiga dalagyada kala duwan ee cuntadu ay soo hagaageen iyo hanashada hilibka iyo caanaha oo soo hagaatey, taasoo ka dhalatay roobabkii Gu/2012 oo hagaasanaa iyo galaangalka daadka u leh kaalmada aaadmiga oo sare u kacday ayaa sababtay in mdegaamada aan Nugaal ahayn xaaladdooda nafaqadu hagaagsanaato.

Saadaasha heerka nafaqada ee bilaha September ilaa November 2012 iyadoo lagu saleeyey tusayaasha sugnaanta cuntada oo soo hagaagaya, roobkii deyrta 2012 kii oo waqtigiisii ku habboonaa daéy iyo is bed-beddelka heerka nafaqada ee xilliga iyo xaaladda cudurradu waxay caddeeyeen in dhamaan hab nololeedyada ama deegaamada miyigu ay ku sii negaanayaan marxalad halis ah ( Serious phase ) marka laga reebo dhul daaqsimeedka Nugaal, kaasoo loo badinayo inuu u gudbo heer ba’naan ah, ( Critical) Warbixinaha laga helayo goobaha caafimaadku ee bilihii June llaa July 2012 waxay waxay muujinaysaaa nafaqa darro heerkeedu soo hagagayo ama deggan marka la eego xaddiga ilmaha la cabbiray eek u dhaqan deegaamada Hawd, Bariga Golis, iyo Dulaha Sool. ( Sool plateau).

Si kastaba ha ahaatee warbixinaha caafimaadka ee laga helay Dhul xeebeedka Deex,Cadduun iyo dooxada Nugaal waxay muujiyeen koror iyo sare u kac heerka nafaqada ilmihii la cabbiray ( Eeg jaantuska 8) Is bedbeddelka heerka nafaqada waxa inta badan saamayn ku leh adeegyda caafimaadka iyo quudinta ee laga fuliyo goobaha quudinta eek ala duwan. Tusaale ahaan, warbixin laga soo qaaday muddadii booqasha xilliyeedka baraha caafimaadka laga fuliyey bishii tobnaad ee 2012 waxay muujisay sare u lack u yimid ilmaha booqday goobaa quudinta taasoo ay kababatay adeegga quudinta ee goobta laga hirgeliyey xilligaas degmada Bender Beyla. Oo ka tirsan dhul xeebeedka Deex halkaasoo bilihii la soo dhaafay goobtaasi aanay shaqaynnayn saddxedii bilood ee la soo dhaafay.wax cudur ah oo degaanka ka dillaacay degaanka kama jirin, sidoo warbixin bileedka cudurrada faafa ee Wasaaradda Caafimaadku waxay muujisay inaanay jirin wax sare u kac ah marka loo eego xaaladda cudurradu waqtigan oo kale siday ahaan jirtey.

Marka la bar bar dhigo sidii xaaladdu ahayd Deyr 2011/2012; baaritaannadi nafaqada ee is kaabayey ee la fuliyey Gu’2012 ka dib, waxay muujiyeen xaalad aan bayaan ahayn oo tilmaamaysey nafaqadarro soo kabanaysa ama sideedii ku negi, marka laga haadlayo gobollada dhexe.

Xaaladda nafaqadu dhinaca Hawdka waxay ka soo wanaagsanaatey heer baán, waxayna noqotay heer halis ah, dhinaca kale heerka nafaqada ee Cadduun daadka ku dhaqan ilaa Deyr 2011 waxay ku negaatey heer halis ah ( Serious) Soo kabashadaasi waxaa sabab u ahaa hanashada caanaha oo fududaatay, isticmaalka delegyada kala duwan oo sare u kacday, kaalamada bulsda dhexdeeda ah, iyo adeeyada samafalka biniáadminimo oo wanaagsanaa gaar ahaan ( Adeegyada caafimaadka, quudinta dheeriga ah ama kabista, iyo adeeyada Biyaha, nadaafada iyo fayadhawrka) ee gobollada dhexe.Degaamada Digir tabcatada iyo dhul xeebeedka deex dadka ku dhaqan xaaladdooda nafaqada waxaa lagu qiimeeyey inay u dhowdahay heer baán ( Critical) iyo mid aad u baán (Very Critical) xilligii Gu 2012.

Considering the Gu 2012 nutrition situation, improvements in food security indicators and a favorable rainfall forecast for the Deyr ’12 season, the nutrition situation is projected to remain in Critical phase among the populations of the Cowpea belt and Central Coastal Deeh livelihoods. Qualitative information indicates improved access to milk and dietary diversity. There are no disease outbreaks reported. Analysis of the data from health facilities in the agro-pastoral and Coastal Deeh of central areas shows high (>20%) and stable trend of acutely malnourished children since Gu ’12 assessments.

Markii la tixgeliyey xaaladda nafaqada ee Gu’2012, tusayaasha sugnaanata cuntada oo soo kabanaya, iyo saadaasha wanaagsan ee laga filayao roobka Deyrta 2012, xaaladda Nafaqada ee deegaamada Digir tabcatada iyo dhul xeebeedka deex ee gobollada dhexe waxa lagu odorosa inay sii ahanayaan Maraxalad Ciriiri ah. Warbixinaha kale ayaa waxay muujinayaan in helitaanka caanaha iyo kala duwanaanshaha noocyada cuntadu ay hagaagsana yihiin. Wax cudur ah oo dillaacayna degaamadaas lagama soo werin.Warbixiinaha laga helayo baraha caafimaadka eek u yaal degaammada laga tabcado digirta ( Cow pea) iyo dhul xeebeedka gobollada dhexe ( Coastal Deeh) waxay muujinayaan Nafaqa darro heerkeedu ka badan yahay 20%.

Nutrition surveys in IDP settlements in the Northeast (Bossaso, Garowe, Qardho, Galkayo) and Central (Dusamareb/Guriel) are ongoing. Other rural livelihood nutrition surveys are planned for November/December 2012 and will assess the magnitude and severity of the malnutrition situation.

Sahan nafaqo oo laga sameeyey dadka gudaha ku barakacay ee Puntland ( Bosaso, Garowe, Qardho, Galkacyo) iyo barakacayaasha bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Dhuusamareeb ayaa hadda la fuliyey. Deegaamada kale ee miyiga ayaa iyadana laga hirgelinayaa sahammo nafaqo waxaana lagu qiimaynaa saamaynta iyo khatar ahaanta heeka nafaqada.

XAAlADDA NAfAQADA EE GOBOllADA wAQOOyi BARi –PuNtlAND.

XAAlADDA NAfAQADA EE GOBOllADA DHEXE EE SOOlAAliyA

0.0

5.0

10.0

15.0

20.0

25.0

30.0

35.0

40.0

Jan Feb Mar Apr May Jun Jul Aug Sep Oct Nov

Pro

port

ion

of m

alno

uris

hed

child

ren

(%)

2011 2012 2 per. Mov. Avg.(2011) 2 per. Mov. Avg.(2012)

Muuqaal 8: baaxaa degga nafaqa darida ee xaruumaha caafimaadka ee Golista waqooyi bari, Deexda Xeebta MCHs January 2011-2012

FSNAU

8

FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012

Falanqaynta is kaabaysa ee xaalada nafaqada ee Gu’ga 2012 waxa uu muujiyey in xaaladda ay tahay mid deggan (Stable) amaba ay ka soo xumaanayso xaaladii nafaqada marka loo eego xilligee Deyrta ee 2011/12. Xaalada nafaqada ee hab nololeedyada Golista galbeed iyo Dooxada Nugaal waxay ka sii xumaanayaan heerka Halista Serious ayna noqdeen heerka Ba’an Critical xilligii Deytii 2011/12 ahaana heer Aad u Ba’an (Very Critical) xilligii August 2012. Hab nololeedyada Hawdka waqooyi galbeed xaalada way sii xumaatay oo Heerka Halista Serious ayay aheyd Deyrtii 11/12 waxayna noqotey mid Ba’an Critical bishii August 2012. Tana waxaa lala xariirinayaa galaangal xumida qoysaska ee xagga cuntadda, gaar ahaan caanaha, hab nololeedka Gubanta oo ay xoolahooda u hayaameen daaq iyo biyo halka kuwa goobta ku haray ay ahaayeen kuwii nuglaa ama aan wax soo saarka badan aan lahayn.Roobabka Gu’ga oo heerka caadiga ka hooseeya hab nololeedyada dooxada Nugaal iyo Hawdka, Cuddurada oo aad u sareeya qaasatan cudurka Jadeecada oo ka dillaacay degmooyinka Burco iyo Caynaba ayaa waxa ay ahaayeen qodobadda ugu waaweyn ee uga sii daray xaaladda. Dhanka kale , xaaladda nafaqada ee dadka ku dhaqan dulaha Sool (Sool Plateau , Golista Bari/Dooxadda Gebi iyo hab nololeedyada Beero-xoolo dhaqatada) ayaa waxa ay ku jireen xaalad Halis ah ( Serious) ilaa December 2011.

Dib u eegis lagu sameeyey xogta nafaqada iyo caafimaadka (July-September 2012) iyo sidoo kale xaaladaha qoobta ka jira ayaa wax ay muujinayaan in xaalada nafaqada ay Deggan tahay (Stable) ama Baaxaa deggu aanu fadhiyin ee sabbaynayo. Gaar ahaan heerka baxaa degga oo sarreeyo (>10%) caruurta qabta nafaqa darida muddada dhow ee Golista bari/Dooxadda Gebi, Dooxadda Hawd iyo Nugaal (Muuqaalka 10). Baxaa deg heerkiisu hooseeyo (<10%) oo deggan ( Stable) ayaa ka jira dulaha Sool.

Baxaa degg heerkiisu hooseeyo (<10%) oo hoose u sii socda ayaa ka jira dhanka beera-xoolo dhaqatadda, xaruumaha caafimaadka ee Golista Galbeed ayaa waxa ay muujiyeen xaddiga ugu balaaran ee caruurta qabta nafaqa darida muddada dhow uuna ka sareeyo (>20%) Baaxaa deg sabbaynayaa ama aan fadhiyin ayaa laga soo weriyey seddexdii billood ee u dambeysay(July- September 2012), eeg( muuqaalka 9 iyo 10)

Helitaanka caanaha ayaa laga soo wariyey in u hooseeyo dhamaana hab nololeedyada hase yeeshee waxay u badan tahay in ay soo hagaagto ka dhib roobka Deyrta 12 kaas oo hagaajin doona daaqa iyo heltaanka biyaha , sidoo kale waxaa hagaagaya xaalada jirreed ee xoolaha iyo wax soo saarkooda. Gargaarka Bani-aadanimo oo soo wanaagsanaanaya hab nololeedyada Golista Galbeed/Gubanta ayaa waxa ay yihiin qodobada gacanta wanaagsan ka gaystey xaaladda. War bixinada laga helayo goobta ayaa waxa ay muujinayaan cudduro si joogto ah uga dillaacay gobolka Togdheer, in kastoo ay tirooyinka ay hoos u dhacayaan marka la eego seddex bilood ka hor sidii xaaladdu ahayd. Heerka Cudduradda oo sarreeyana waa qodobka uga sii daraya nafaqa darida. Si kastaba ha ahaatee Talaalka maalmaha caruurta CHD ee socda ee UNICEF/W.Caaf iyo hawl-wadaagta kale ee dhamaan waqooyi galbeed ayaa la filayaa in ay gacan wanaagsan ka geysato xaaladda gaar ahaan cuddurada ka dillacayey gobolka Togdheer. Guud ahaan. Xaalada nafaqada ee hab nololeedka reer miyiga ee gobolka waqooyi Galbeed waa mid Deggan (Stable) inta la bilaabay qiimeynta Gu’ga 2012. Sahanno dhameystiran ayaa qorsheysan bisha December 2012 si loo ogaado xaaladda dhabta ah ee jirta.

Xaalada nafaqada ee barakacayaasha , ayadoo lagu salaynayo xoggta xaruumaha caafimaadka iyo xogg wareedyo kale waxa ay muujinaysaa in xaalada Deggan tahay (Stable )marka loo eego xilligii Gu’ga 2012. Si kastaba aha ahaatee. Sahannada hadda socda ee barakacayaasha Waqooyi Galbeed ayaa muujin doona xaalada nafaqada ee dhabta ah taas oo lagu soo saari doono warbxinniadan soo soo ee November2012.

capacity building training in Northwest: Data Analysis Workshop

FSNAU between 18th and 22nd October 2012, undertook an internal training workshop in Hargeisa on Data Analy-sis. The participants were mainly FSNAU nutrition field analysts from Somaliland and the previous nutrition in-tern attached to FAO office in Hargeisa. The objective of the training was to improve data analysis capacity for the field staff through practical data analysis sessions. The training covered data organization and management, data cleaning, data analysis including anthropometric data, non-anthropometric data and household data and preparation of results summary.

Muuqaal 9: Baaxaa degga nafaqa darida ee xaruumaha caafimaadka ee Golista waqooyi galbeed Deexda Xeebta galbeedka Golis MCHs January 2011-2012

Muuqaalka 10: Baaxaa degga nafaqa darida ee xaruumaha caafimaadka ee beera Dooxada Nugaal, MCHs January 2011- September2012, Mapka 3 ee hab nololeedyada Soomaaliya.

XAAlADDA NAfAQADA EE GOBOllADA wAQOOyi GAlBEED – SOMAlilAND

FSNAU

9

FSNAU Bi-Monthly Nutrition Update, September-October, 2012

Table 2: Training Module

tababarka dhisidda aqoonta ee waqooyi galbeed: Aqoon iswaydaariga falanqynta Xoggta

FSNAU, inta u dhexeysay 18 iyo 22ka October2012 waxay Hargiesa ku qabatay tababar gudaheeda ah oo ku saabsan falanqayta xoggta. Ka soo qayb galayaasha ayaa waxay intooda badani ahaayeen shaqaalaha goobaha kala duwan ee FSNAU iyo kuwa horeba ugu xirnaa xafiisak FAO ee Hargiesa. Ujeedaduna aqoon iswaydaarsiguna waxa ay ahayd in sare loo qaado aqoonta iyo kartida falanqeyta ee ee shaqaalaha goobta ayadoo la siinayo xiisado la xirrira falanqeynta xogta iyo mid farsamo(Practical) tababarkani waxa uu daboolayay Agaasinka, Maareynta, nadiifinta xogta, falanqeynta xogta ay ka mid tahay jir cabbirka iyo mida aan aheyn jir cabbirka, xoggta qoyska, iyo diyaarinta natiijada horudhaca ah oo kooban,

DHiSiDDA AQOONtA: AQOON iSwEyDAARSiGA wARBiXiN QORiDA EE GAROwEFSNAU, inta u dhexeysay 22 iyo 25kii October2012 waxayGarowe ku qabatey tababar dhexdeeda oo ku saabsan habka xirfadda warbixin qorista. Ka soo qaybgalayaasha waxay intooda badan ka yimaadeen Puntland iyo bartamaha Soomaaliya, horjoogeyaasha iyo agaasimeyaasha caafimaadka ee wasaarada caafimaadka Puntland . ujeeddada ugu wayni waxa ay aheyd xoojinta aqoonta iyo xirfadda ka soo qayb galayaasha ee dhanka warbixin qorista ayadoo xoogga la saarayo dhanka warbixinada sahannada nafaqada

Tababarka waxaa loo kala qaaday 6 qaybood/cutub, Cutubkii walba uu daboolayo dhinacyo dhowr ah oo muhiim u ah qorista warbixin tayo sare leh , qaabeyntii qaybaha cutubyada tababarka warbixin qorista ayaa waxaa lagu soo koobay Tabeelaha 2 ee hoose.

Qaybaha/cutubyada Mowduuca/Murtida ku jirta

Hordhaca warbixin Qoris

Ujeedada Aqoon Iswaydaarsiga, filashada iyo habka barashada Maxaa warbixin loo qoraaYaa qora warbixin yaana loo qoraa?Goormaa Warbixinta Sahanka SMART la qoraa? Xaggee muunada sahanka SMART laga abuuraa? Maxaa ay tahay in ay ka muuqato warbixini?

Qaabka warbixinta iyo dhismaha

Sababtee ayay muhiim u tahay qaab warbixin isku mid ah?Muuqaalka qaabka warbixinta isku midka ah Cutubyadda iyo waxa uu ka kooban yahay warbixinta SMARTSharuudaha iyo hadafka loo qoro tala bixinta haboon.

Naxwaxa iyo Warbixinta

Did u eegist qaybaha iyo noocyadda hadalka warbixin qoristaMuhiimadda shaqadalada lagu isticmaalo warbixintaNoocyada hadalka ku haboon warbixin qorista Isbarbar dhigyadda lagu isticmaalo warbixin qorista Falkaabayaasha iyo doorkooda muuqda ee warbixin qorista

Qaabka warbixnta

Xirfaddaha guud ee warbixin qorista – talo siin iyo si u qaadashadaBaqdinta iyo caqabadaha warbixin qorista Tabaha qoraal samayta ka horNooca qoraalka FAO

Luuqada warbixn qorista

Isticmaalka luuqada rasmiga ah.Cod farsamo/aqoonyahanimoLuuqad dhexdhexaad ah aan dhan u iilan Luuqada aan xassaasiyad lahay oo ka xor ah fikradaha qaldan iyo kala

duwanaansho

Qaladaadha yaryar ee inta badan lagala kulmo warbixin qoristan

Isku qasida ereyadda Habeyta sifooyinka (adjectives)Isticmaalka codka aan habooneyn Isticmaalka qaldan ee Magac u yaalka iyo isku xirrayaasha Isticmaalka qaldan ee meeleeyayaasha iyo jumlooyinkagaagaaban.

Ka soo qayb galayaashu waxa ay bixiyeen war celin wanaagsan oo la xariirta waxa ay barteen, su’ aalo ah maxay, ayama, kee , goorma iyo sidee oo dhamaanba la xariira war bixin qoriddawaxayna la wadaageen waaya aragnimadooda ay kala kulmeen goobaha shaqada qaarba qaarka kale.

Physical Address: United Nations Somalia, Ngecha Road Campus. Postal address: PO Box 1230, Village Market, Nairobi, KenyaTelephone: +254-20-4000500. Fax: +254 20 4000555, General email: [email protected]

Comments and information related to nutrition: [email protected], Website: http://www.fsnau.org

Daabacaadyada kale ee FSNAUWarbixinta Rubuclaha sugnaanshaha cuntada iyo nafaqada ee FSNAU November 2012War bixinta xoggta suuqyada ee Sepmtember2012 ee FSNAU/FEWSNETWarbixinta Cimilada ee FSNAU/FEWSNET ee September 2012 Warbixinta farsamo ee taxanaha ah, ee FSNAU Xaalada nafaqada, September 2012Warbixinta farsamo ee taxanaha ah, ee Dhamaadka Gu’ga, October 2012

"/

ETHIOPIA

DJIBOUTIK

ENYA

Gulf of Aden

Indi

an O

cean

Hagar

Dangoroyo

MOGADISHU

BARI

BAY

MUDUG

SANAG

GEDO

SOOL

L. JUBA

HIIRAN

GALGADUD

NUGAL

BAKOOL

TOGDHEER

M. JUBA

W. GALBEED

AWDAL

L. SHABELLE

M. SHABELLE

BANADIR

Hobyo

Eyl

Afmadow

BurcoQardho

Ceerigaabo

Talex

Galkacyo

Luuq

Iskushuban

Ceel Bur

Bur Hakaba

Hargeysa

Dinsor

Bulo Barde

Xudun

Jariiban

Baardheere

Berbera

Baydhaba

Jilib

Burtinle

Sakow

Ceel Afweyne

Beled Weyne

Garowe

Kismayo

Zeylac

Caynabo

Qandala

Xudur

Dhusa Mareeb

Ceel Dheere

Cadale

Ceel Waq

Sablale

Laas Caanood

Bossaaso

Baki

Bu'aale

Calula

Cadaado

Garbaharey

Ceel Barde

Jowhar

Balcad

Wajid

Jalalaqsi

Badhadhe

Bandar BeylaOwdweyne

Tayeglow

Las Qoray/Badhan

Buuhoodle

Gebiley

Brava

Afgoye

Cabudwaaq

Sheikh

Wanle Weyne

Harardheere

Borama

Lughaye

Aden Yabal

Qoryoley

Beled Hawa

DoloRab-Dhuure

Jamaame

Qansax Dheere

Goldogob

MarkaKurtun Warrey

±0 40 80 120 160 20020

Kilometers

Livelihood zonesAddun Pastoral: Mixed sheep & goats, camel

Awdal border & coastal towns: Petty trading, fishing, salt mining

Central regions Agro-Pastoral: Cowpea, sheep & goats, camel, cattle

Coastal Deeh: Sheep

Dawo Pastoral: Shoats, cattle, camel

East Golis Pastoral: Frankinncense

Fishing

Gagaab Pastoral: Frankincense

Guban Pastoral: Sheep, goats & camel

Hawd Pastoral: Camel, sheep & goats

Hiran Agro-Pastoral

Hiran riverine: Sorghum, maize, cattle & shoats

Juba pump irrigation: Tobacco, onions, maize

Kakaar-Dharor Pastoral: Sheep, goats, camel

L. & M. Shabelle Agro-Pastoral Irrigated: Maize/Sorghum & cattle

L. & M. Shabelle Agro-Pastoral rain-fed: Maize,cowpeas, sesame & cattle

Lower Juba Agro-Pastoral: Maize & cattle

North-West Agro-Pastoral: Sorghum, cattle

North-West Valley Agro-Pastoral: Irrigated vegetables, shoats

Nugal Valley Pastoral: Sheep & camel

Potato zone & vegetables

Shabelle riverine: Maize, fruits & vegetables

Sool-Sanag Plateau Pastoral: Camel, sheep & goats

South-East Pastoral: Cattle, sheep & goats

Southern Agro-Pastoral: Camel, cattle, sorghum

Southern Juba riverine: Maize, sesame, fruits & vegetables

Southern coastal pastoral: Goats, cattle

Togdheer Agro-Pastoral: Sheep, goats & vegetables

Urban

West Golis Pastoral: Goats, camel, sheep

Bay-Bakool Agro-pastoral Low Potential

Bakool Agro-pastoral Low Potential

Bay Agro-pastoral High Potential

Southern Inland Pastoral: Camel, Sheep & Goats

SOMALIA: LIVELIHOOD ZONES

P.O. Box 1230 Village Market, Nairobi, Kenya Email: [email protected] tel: 254-20-4000000 fax:254-20-4000555 FSNAU is managed by FAOThe boundaries and names on these maps do not imply official endorsement or acceptance by the United Nations. The regional & District boundaries reflect those endorsed by the Government of the Republic of Somalia in 1986.

Food Security and Nutrition Analysis Unit - Somalia http://www.fsnau.org

Swiss Agency for Development and Cooperation SDC

Technical Partner Funding Agencies

Datum: WGS84, Data Source: FSAU, 2009, Admin. layers: UNDP, 1998

Map 3: Somalia livelihood Zones